Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. I hope this email finds you well. Abdirahman Ibrahim Adan, a poet in Somaliland, has been in detention since 12 January. He was arrested after he had recited a poem the previous day in which he called on the Somaliland government to reform its prisons and criminal justice system. The Somaliland government has increased its efforts to clampdown on dissent since the current government administration took office. The government continues to target poets, journalists, as well as anyone perceived as being opposed to it, or any person from Somaliland who could be perceived as publicly being open to unifying with the rest of Somalia. Amnesty International is calling on the Somaliland government to immediately and unconditionally release Abdirahman Ibrahim Adan from arbitrary detention and to fully respect, protect, promote and fulfil the right to freedom of expression of everyone in Somaliland. See our Urgent Action here https://www.amnesty.org/en/documents/afr52/9798/2019/en/ Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah XIldhibaanada sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamuleyso Soomaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayaa magaalad London geysay musuq iyo laaluush ay u dooneyso inay ku joojiso bannaanbax looga horjeedo shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka dhacay London. Xildhibaan Fiqi oo ka mida mucaaradka sida weyn uga horjeeda shirkaasi ayaa si weyn u taageeray bannaanbaxa ay qabanqaabiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool UK iyo dalalka Yurub si ay uga hor jeestaan shirkaasi, isagoo qeyb ka ahaa dadka abaabulka shirka wax ka waday. “UK waa dal xor, oo dad Soomaaliyeed oo xor ay ku nool yihiin, kooxda Villa Somalia waxaa isaga qaldamay reer UK & barakacayaashii.. ha guulaysto banaanbaxa xaraashka Batroolka Somalia ka dhanka ah, ha guulaystaan wadaniyiintu…” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo farriin soo dhigay baraha bulshada. Waxaa soo baxay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay London u diray xubno uu ka mid yahay nin lagu magacaabo Cali Yare oo olole u galay inuu joojiyo bannaanbaxa isagoo u maraya laaluush, waxayna arrintan qabsatay baraha bulshada. Banaabaxa ayaa lasoo sheegay in gebi ahaanba la joojiyey waxaana qaar kamid ah dadkii banaanbaxa abaabulayey lagu daray ka qeybgalayaasha Shirka Lonodon ka dhacayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. The Somali oil and gas conference hosted by Spectrum, the seismic data processing company, has kicked off in London. The controversial conference will focus on the results of seismic surveys to be presented by Somalia and the company involved, according to Somali petroleum minister, Abdirashid Mohamed Ahmed. The minister who is in London together with a delegation from Somali government has dispelled the allegations that his plans to auction oil blocks during the event. Abdirashid said Somali government would not invite bids for offshore oil blocks at the London event. The Upper House National Resource Committee says the laws have not yet been passed to allow for the sale of any oil blocks. The post Somali oil summit opens in London appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Shirka mudan badan dhaliyay ee maanta ka furmaya magaalada London ee xarunta dalka UK. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shirkaas uu daba-joogo Shir kan ka horeeyay oo lagu qabtay dalkaasi, islamarkaana lagu soo bandhigay Cilmi baaris lagu sameeyay Shdiaalka Soomaaliya Xiligii Dowladdii Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaas lagu soo bandhigayo warbixin ku aadan shidaalka Soomaaliya basle aysan jirin wax la iib geynayo. Wararka sheegaya in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya uu ku sheegay in aysan xaqiiq ahayn oo ay tabiyeen Mucaaradka dowladiisa. “Ma jirto shidaal la iibinayo iyo wax la xaraashayo, Shirkaas waxa uu daba joogaa shir kan ka horeeyay oo lagu soo bandhigayo daraasad laga sameeyay Shidaalka Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee Caalamka ayuu weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. “Warbaahinta dunida ayaa buun-buunisay warka shidaalka ku saabsan, waxaa lagu leeyahay deeyn, qaarkood Ceymis ayey ku jiraan, si ay u helaan lacag iyo dhageestiyaal oo warkooda u gadmo ayey been ka sheegayn shirkaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. London (Caasimadda Online) – Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada London ee Britain lagu qabanayaa shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum. Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka. waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo gudaaman shirkan London. Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono. “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya. Shalay waxaa warqad qoraal ah soo saaray guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, taas oo lagu sheegay in shirka London uu sharci darro yahay maadaamaa xeerkii batroolka aanan weli la ansixinin. Waxa kale oo guddiga Aqalka Sare uu sheegay in qodobka 44-aad ee dastuurka uu dhigayo qeybsiga kheyraadka dalka, halkaasna ay soo galayaan dowlad goboleedyada oo aanan waxbo kala soconin shirkan. Haseyeeshee wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamed Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa u muuqda in uu ka jawaabay arrintaas “Waa jira heshiis rasmi ah oo dowladda federaalka ee Soomaaliya ay la gashay dowlad goboleedyada sannadkii hore, bishii Juun 5-teedi, kaasi oo lagu saxiixay heshiiska la haanshaha maamulka iyo wadaagga kheyraadka batroolka iyo macdanta Soomaaliya oo ay ku caddahay dhamaan ciddii maamuli laheyd, yaa iskaleh, sidee loo kala qaadanayaa, dowlad goboleedyada maxay qaadanayaan, dowladda dhexe maxay maamuleysaa, dowlad goboleedka aan waxba soo saarin muxuu heli doonaa , intaasi oo dhan iyadoon wali wax xisabaad ah soo bixin ayaa lagu heshiiyay”. Sida ku xusan bogga shirkadda Spectrum ee ay dowladda u xilsaartay baarista xogta shidaalka, shirka waxaa la filayaa in dowladda ay kusoo bandhigto sharciga iyo xeerarka lagu hagayo maalgashiga shidaalka iyo hab-raacyada. Lama oga kuwa ay yihiin xeerarka iyo hab-raacyada ay Spectrum ka hadlayso mar haddiiba sharcigii shidaalka uusan baarlamaanka federaalka ansixinin. Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay sharci darro, warbixinta sahminita shidaalka na horay loogu soo bandhigay Koonfur Afrika, waxa hadda London lagu qabanaya na uu yahay sidii xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya loo “xaraashi” lahaa. “Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya”. Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka. Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono. “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya. Sida ay shirka hadalheyntiisa u badantahay, ka qeybgalkiisa uma badna, xitaa kama qeybgalayaan madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka, waxaase loo direy wasiirka batroolka iyo madax kale oo mas’uuliyadooda ay tahay waxyaabo kale. Sida ay sheegtay shirkadda Spectrum, waxaa lasoo bandhigayaa illaa 50 aag-shidaal laga heley xogtooda, kuwaas oo cabir ahaan dhan 173,000 km2. Hase yeeshee lama oga waxa dhacaya bandhigista kadib, shirkadaha ka qeybgalaya iyo tallaabada xigta ee ay dowladda federaalka qaadi doonto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Af-hayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi Batuun ayaa waxaa uu eedeymo adag u jeediyey xukuumadda KULMIYE, isaga oo si gaar ah uga hadley hadalo kala duwan oo ka soo baxay wasiirka maaliyadda oo ku saabsan lacag deyn ah oo xukuumaddii hore wareejisay, waxaanu ka hadlay madaxtooyadda cusub ee ay dhisanayso xukuumadda tallada haysaa iyo carruur darbijiif oo xabsi lagu xukumay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutterres ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada badan leh ee haatan kasoconaya Soomaaliya gaar ahaan sare u kaca dhanka dhaqaalaha. War kasoo baxay Xaafiiska Xoghaya Guud ee Jimciyada Quruumaha kadhaxeeysa ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay ay dhiiragalinayso sidokalana ay taageereyso Isbadaladaasi ka soconaya Soomaliya . Mr Gutteress ayaa sidoo kale amaanay heshiisyada sanadkii tagay dhexmaray dalalka geeska Africa oo ay kamid yhiin Soomaaliya , Erreteria Ethiopia iyo Jabuuti kuwaa oo uu sheegay in ahayeen Talaabooyin horay loo qaaday. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ay si dhab ah u taageeri doonaan isbadalada nabadeynta ee ka soconaya qaarada Africa,taasina ay ka tarjumeyso in Africa ay ka sii dhamaanayaan caqabadaha ugu weynaa ee sanadihii ugu danbeysay ay wajahaysay. Hadlaka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imanaya xili todobaadkan uu boqasho kutagi doono magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kaga qeyb gali doono shirkii 32-aad ee ururka Midawga Africa. The post QM Oo Taagereysa Horumada Ka Soconaya Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-070219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Bulshada Rayidka Ah Ee Magaalada Burco Ayaa Ganafka Ku Dhufatay 80 Million Ee Dayntaa Iyo Hadalada Iskhilaaftsan Ee Dr Sacad Cali Shire. Source
  10. Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka iyo arrimaha bini’aadinimada Puntland ayaa waxay sheegtay in ay abaar adag kusoo wajahantahay Puntland. Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland [...] Source
  11. Jigjiga(SMN)- Xubnaha baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jigjiga xasaanadda ka xayuubiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi. Kulanka ay yeesheen baarlamaanka dowlad deegaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa 12 xildhibaan oo kamid ah baalramaanka maamulkaasi xasaanadda kala laabtay,waxaana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xad gudub ka dhan ah xuquuqda bin’aadanimada. Xildhibanada xasaanadda lagala noqday ayaa waxaa kamid ah afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Dhamaan xildhibaanada xasaanada laga xayuubiyay ayaan ka soo qeyb gali kala fadhiga ay yeesheen baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. The post Xildhibaano KaTirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Jigjiga)-Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aysan dalka joogin. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay. Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen. Xogo uu wargeyska Waaberi ka helay ila wareed-yo u dhuun daloola dhismaha , ayaa sheegay in ay dhismahaa iyo barxadiisiiba Xukuumaddu ku wareejisay Ganacsadayaal iskaashato ah waxaanay arrintani imanaysa iyada oo shalay madaxweyne Biixi sheegay in ay lix bilood murmayeen ganacsade xukuumaddii hore ku wareejisay dhismaha qadiimka ah ee khayriyadii hore. Dhismahaas ayaa markii dambe xukuumaddu xoog kaga saartay ganacsadaha. Waxaana la sheegay in madxaf Qaran laga dhigayo. Wariyeyaasha Waaberi oo u kuur galay dadka laga raray dhismihii Carwada ayaa ogaaday in dadka laga raray la siiyay kharash aan buurnayn oo ay halkaasi kaga guuraan. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xadka Wajaale ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ku qabatay lacag dhan 1.5 milyan dollar (Hal milyan iyo badh dollar) oo dalkeeda lagala soo baxaayay. Warbaahinta FANA ee ku hadasha afka dawladda Itoobiya, ayaa xalay baahisay in ciidamada Booliska Itoobiya ay Kaantaroolka Wajaale ee dhinaca Itoobiya ku qabteen lacag dhan 1.5 milyan dollar, waxaanay idaacadu intaas ku dartay in sidoo kale dalal kale lagu qabtay dahab miisaankiisu yahay 7kg. Dadka lagu qabtay lacagtan dollarka ah iyo dahabka ayay idaacadu sheegtay in xabsiga loo taxaabay. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana gobalka soo gaadhay ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar. Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Muqdisho, ayaa soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad. “Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan. Geesta kale, warar xogogaala oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa Geeska Afrika toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas. Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala diro Komishanka Doorashooyinka, waxaanu soo jeediyey in nidaamka lagu soo xulo wax laga bedelo, oo si siman Xisbiyada loogu qaybiyo xubnaha Komishanka. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadaly cuna yaraanta la sheegay inay ku soo fool leedahay Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Komishanka “Komishanka qaabka lagu soo xula maaha qaab cadaalada ku saleeysan, sababtoo ah laba xubnood waxa keena Madaxweynaha, laba xubnoodna Golaha Guurtida, min hal xubina Saddexda Xisbi, sidaas oo darteed Xisbiyada Mucaaradku Komishanka waxay ku leeyihiin laba xubnood oo qudha,markaas Komishankii iskuma dheeli tirna, madaama loo baahan yahay in Garsoor iyo dhex noqdaan, ma noqon karaan, aanay Xisbiyadu si siman u qaybsanin, maxa yeelay Xisbi ayaa shan xubnood haysta, halka xisbiyada Mucaaradkuna isku haystaan laba xubnood, markaas Komishan XIsbi looma baahna, Komishan dhinac ka rarana looma baahna, ee komishan qaran oo Xisbiyadu si siman u soo magacaaban ayaa loo baahan yahay, Komishankana haddii kalsoonidii lagala noqday cadaalad darana lagana tirsanayo inay sii joogaan maaha, ee waa in la kala diraa” Suldaan Maxamed Cabdiqaadir mar uu ka hadlaayey cuna yarida la sheegay inay ku soo fool leedahay Somaliland ayaa yidhi “Dad Islaam ah ayeynu nahay, ALLE ayaa inoo qoray wax cunaheena maraya, ALLE ayaa ina arsaaqaya, gaal ALLE ka fogaaday wuxuu sadaaliyey maaha inaynu run moodno, ee waa inaynu ALLE barinaa, oo aynana naxariistiisa ka quusan, oo bariyadiisa ka quusan, ALLE adamkiina wax cuna yariya oo inagu dhacaya ma jiri doonto, ee ALLE ayeynu ka baryeynaa inuu wax walba inoo barkeeyo, oo uu arsaaqada inoo barkeeyo, waxaana mar walba la inooga baahan yahay inaynu la nimaadno tacab iyo dadaal aynu dhulkeena wax kala soo baxno kuna beerano, balse la inoogama baahna inaynu gaal aamino”. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee da’da yar, ayaa ka hadlay daynta $80 Milyan ee dollar ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ka dhaxasha Xukuumaddii hore ee KULMIYE, waxaanu sheegay in Wasiir Sacad looga baahnaa inuu beeniyo deyntaasi markii uu garab taagnaa Xildhibaan Buubaa, balse aan loo baahnay inuu laba Cisho ka dib inuu ka hadlo arrintaasi oo ku tilmaamo mid aan jirin. Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa sidaasi ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Wargeyska Waaberi kaasi oo u dhignaa sidan“Horta arrinta Daynta oo uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Ibhaarin Buubaa horta waxay kusoo baxday xog is wareysi isaga iyo wasaarada Maaliyada madax-dee dhexmartay markii kullanlkoodaasi usoo dhammaadayn war-baahinta ayey la hadleen wasiirkuna wuu dhinac taagnaa Maaliyadu, markaa haddii ay jirto waxay ahayd inuu isla goobta dadka ugu bayaamiyo oo uu yidhaah-do sidaa uu Xildhibaan-ku sheegay uga maanaan wada haddal .” Ayuu yidhi Mudane Buuni Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo haddalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray“Hadda waxa muuqanaysa in wax si hoose ay uga wada hadleen lakiin’se uu Xildhibaanku ummadda u bandhigay ayaa meesha ka muuqanaysa ama dayntuba aanay ahayn mid ku saabsan habka la yaqaanee ah sida Dowlada iyo shacbiga ay dayntu u kala geli karto habka duwan ayaa meesha ka muuqata, markaa habkaa ka duwan in Bulshada lala wadaago ama la ogaado wixii la qarinayey ayaa meesha ka muuqanaysa .” Dhanka kalena Siyaasi Cabdinaasir Buuni ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qarsanaysa Daynta $80 Malyan ee Doolkar ah, balse ay shacabiga la wadaageen Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ugu baaqay Xukuumadda inay shacbiga u cadayso Dayntaasi oo ay cadayma buuxda keento“Haddii ay Xukuumaddii hore ay dayntaa ka tagtayna inagu Dowlad aad u curdin ah ayeynu nahay waxa jira arrimo dhaqaale sicir barar dalkeena waxa weeye camal la’aan badan ayaa jirta in Xukuumadda marka horeba sida ay u qarsanaysay ay u qarsato ,Golihi Wakiilada Masuuliyada ayaa saaran inay shacbiga la wadaagaan wixii xog ah ee ay hayaan ama iyaga iyo Xukuumadda dhexmarta, markaa Xukuumaddu dayntaasi haddii ay jirtona wax qarsoomaya maaha haddii aanay jirin shacbigeeda inay la wadaagto weeyaan, marka horena wasiirka waxa la gudboonayd ee uu bar-bar taagnaa Xildhibaanka wax-yaabo waxa jira aan la is amaahinin oo arrintan oo kale shacbigii ayaa lala hadlayey mihiim ayey ahayd $80 Milyan Lacag yar mahaa waxay ku fiicnay inuu Wasiirku maalintaa inuu ka jawaabo iyadoo hadda laba cisho ka dib inuu ka jawaabo waxay yar noqonaysaa in arrintaas.” Waxa kale oo uu sheegay in aan Dalkani qaadi Karin xadiga dayntaa noocaasi ah, isagoo ku baaqay in Xukuumadda aan looga baahnay haddal ku beeniso, balse looga baahan-yahay inay cadaymo keento badka “Waxaan odhan lahayn dalkanu ma qaadi karayo Daymaha noocaas ah Xukuumaddu haddii aanay ku qanacsany oo ay jirto lakiin’se ay u habranayso madaama isla KULMIYihii hore uu arrintan galay, markaa haddii ay Xukuumaddu u habranayso KULMIYihii hore oo Madaxweynahan dhisay inay siday u qarsanaysay ee ay ula tacaalaysa inay ula tacaasho ayuun bay ahayd , haddii aanay jirin sida uu Wasiirku maanta sheegay-na waan inay cadaymaha ay hayso ay Xukuumaddu la wadaagto Bulshada, arrintani mahaa mid ku filnaan karta in la beeniyo, waa inay cadaymahay hayaan ay la wadagaan Bulshada ,dadka qaar waxay leeyihiin arrimo siyaasadeed ayaa ku jira, lakiin Xukuumaddu wuxuu xog ah ee ay ka hayso waxa fiican inay Bulshada la wadaagto .” Ugu Dambeyn Siyaasi Cabdinaasir Buun ayaa ka hadlay shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE , kaasi oo la filayo inuu 23 bishan ka qabsoomo Magaalada Boorama“ Annigu Xisbiga kama mid ihi waxa laga yabaa sida anniga igu maqaala ah in Guddoomiye xigeenka labaad oo kale oo magacaaban lagu ansixinayo in shir weynahoodii oo kaabiga soo saaran dib loogu dhigayo in Guddoomiyhii Golaha dhexe Booskiisii lagu buuxinayo, lakiin Xisbiga kama mid ahi Khayr ayaan uy rajaynayaaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Buuni Source
  18. Jigjiga (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan. Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah. Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar. Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan. Xildhibaannada ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen xubnihii abaabulay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga ee sababay dhimashada dad gaaray 58 qof. Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Aadan Faarax ayaa dhawaan sheegay in uu fashilmay afgambi lagu doonayay in lagu sameeyo Maamulka cusub. Madaxweynaha Dowlad degaanka Mustafe Maxamed Cagjar ayaa isaguna todobaadkii la soo dhaafay sheegay in laga guuleystay kuwo uu ku tilmaamay haraadiga Maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaswadayaal ahaa. Golaha Wasiirrada ee Ismaamulka Soomaalida ayaa todobaadkii hore xilkii Wasiirka Warfaafinta ka qaaday Guuleed Cali Kaahin oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa rabshadihii Jigjiga. Madaxweynihii hore ee ismaamulka Somalida ayaa shalay ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Magaalada Adis ababa. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa beeniyay eedaha loo heysto,waxaana uu ku dooday in ay abaabuleen kuwo dangaar ah ka leh Gobolka. Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay in rabshadihii ka dhacay Jigjiga Bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 58 qof, dad ka badan 200 qofna ay ku dhaawacmeen. Xildhibaannada maanta xasaanadda laga qaaday lama sheegin in la xirayo iyo in kale maaddaama xeer ilaalinta soo gudbisay 47 qof oo dambi ka galay gobolka kuwaas oo qaarkood xilal haya,kuwana ay dibadda u baxsadeen halka kuwo kale oo uu Cabdi ka mid yahayna ku jiraan gacanta Hay’adaha garsoorka. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii labaad laba todoabaad gudahooda isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada ee Hirshabelle. Madaxweyne Waare ayaa magacaabay wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowladayaal,waxaaana xubnaha uu magacaabay ka soo muuqday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle. Magacaabista uu sameeyay Maxamed Cabdi Waare ayaa kala ah 5 wasiir oo 4 kamid ah baarlamaanka Hirshabelle ay ka tirsanyihiin,4 wasiiru dowlayaal oo dhamaantood xildhibaano ah iyo lix xildhibaan oo loo magacaabay wasiiro ku xigeenada wasaaradaha la magaacabay. Magacaabista wasiirada cusub ayaa imaaneysa xili bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Madaxweyaha Hirshabelle uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada oo xildhibaano ka tirsan maamulkiisa ay aad ugu soo muuqdeen. The post Madaxweyne Waare Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Maalinnimadii shalay oo ay ku beegnayd 30/1/2019 ayaan ka soo ambabaxnay magaalada Garoowe annagoo tagnay Jowhar kadibna Muqdisho uga sii gudubnay, waxaan ku sugnayn halkaas [...] Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta u duulay dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka xariirka soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana soo baxaysa xog ku saabsan safarkiisa. Sida ay dowladda sheegtay, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa kulamo looga hadlayo adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood waxa uu la qaadayanaa hoggaanka boqortooyada Ingiriiska. Hase yeeshee, sida ay Caasimada Online xog ku heshay safarka Khadar ayaa waxaa ku gadaaman qorshe kale iyo dadaallo dowladda Soomaaliya ay waddo. Safarka maanta uu ugu ambabaxay dalka Ingiriiska Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta uu si rasmi ah u furmaayo Shirka arrimaha Shidaalka Somaliya looga hadlaayo, kaasi oo London ka furmaya. Shalay waxaa Muqdisho ka baxay wafti kale oo dowladda Soomaaliya ka socda oo ka qeyb-galaya shirka shidaalka ee London ka furmaya maanta oo muran badan dhaliyey. Dadaal ay dowladda waday oo ay dooneyso inay ku baajiso banaanbax looga soo horjeedo shirka ayaa fashilmay. Dirista Khadar ayaa la rumeysan yahay inay tahay dadaallo ay dowladda dooneyso inay ku dejiso dadka saameynta ku dhex leh Soomaalida ee London ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Unknown fighter jets fired several missiles at small villages located in Lower Shabelle region, south of Somalia on Wednesday night, residents said. The air raid was followed by a ground offensive by foreign forces, along with Somali national army soldiers who swept into the locations targeting Al-Shabaab hideouts. Heavy gunfire exchanging between the allied troops and militants was heard after the undercover attack on Bariire area, where a US soldier was killed last year during operation. One of the missiles fired by the warplanes was reported to have struck a mosque in the locality. At least 8 residents lost their lives in the attack by Somali and the foreign forces. The scene has been the flashpoint of clashes and airstrikes in the past few years. The post At least 8 killed in joint Somali and foreign forces raid in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article