Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,346
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)Kim Jong-un iyo Donald Trump ayaa markii labaad kulmi doona 27-28 bisha FebraayoBishii Maarso 1965, ciidammadii ugu horreeyay ee Ameerikaan ah ayaa waxa ay ka dageen magaalada Danang, ee koonfurta Vietnam, si ay halkaas uga bilaabaan ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee dagaalkii uu dhiigga badan ku daatay ee u dhaxeeyay hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka ee koonfur-bari Aasiya. Ku dhawaad afartan iyo afar sanadood kaddib, isla magaaladaasi ayaa waxa ay martigalinaysaa kulan dhexmari doona cadawgii hore ee Vietnam iyo xulafadii xilligii Dagaalkii Qaboobaa, waa Kuuriyada Waqooyi ee. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu xaqiijiyay in kulankiisa labaad ee uu la yeelayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu 27 iyo 28 Febraayo ka dhici doono dalka Vietnam. Goobta rasmiga ee uu kulankaasi ka dhici doono ayaa noqon doonta laba magaalo un midkood waa Danang ama Hanoi. Maxaa Vietnam lagu doortay? Vietnam oo ay maamulaan shuuciyiin balse dhaqaalaheedu uu hanti-goosadku yahay ayaa haatan waxaa loo arkaa inay saaxiib la tahay Washington iyo Pyongyang. Dalka ayaa waxaa haatan waxaa loo arkaa inuu yahay “goob dhexdhexaad ah” oo buuxin karo dhammaan shuruudaha ay doonayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegayo Carl Thayer, oo khabiir ku ah arrimaha Vietnam oo uu saldhiggiisu yahay Jaamacadda New South Wales, ee dalka Australia. Prof Thayer ayaa waxa uu u sheegay in “Doorashada Vietnam loo doortay inay martigaliso kulanka labaad ee Trump iyo Kim ma ahan oo kaliya mid xulasho un ku timid.” “Vietnam waxaa loo doortay in dhab ahaantii dhammaan dhinacyadu ay ku kalsoon yihiin awoodda ay u leedahay inay sugto ammaanka kulankaasi. Dhammaan dhinacyaduna waxa ay rumaysan yihiin in Vietnam ay tahay goob dhexdhexaad ah.” Waa maxay sababta Kim uu u ogolaadayVietnam? Kim ayaa Vietnam waxa uu ku tegayaa duulimaad ammaan ah oo uu ku dulmarayo Shiinaha. Labadaasi dalba waxa ay ka mid yihiin dalalka kooban ee uu xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Pyongyang. Prof Thayer ayaa waxa uu sheegayaa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u arko booqashadiisa ugu horraysa ee Vietnam fursad uu “ku muujin karo in Kuuriyada Waqooyi aanay go’doonsanayn”. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu darsay habka horumarka ee Vietnam safarkiisana waxaa suuragal ah in Kim uu ka helo fursad uu indhihiisa ugu arki karo isbadelka dalkaasi ka socda. “Taariikhda Vietnam ee dagaalkii ay la gashay Mareykanka iyo dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dalkaasi, iyo wadaxaajoodka heshiisyo ganacsiga xorta ah, iwm., ayaa ah wax uu danaynayo maamulka Kuuriyada Waqooyi,” Prof Thayer ayaa yiri. Le Hong Hiep, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Vietnam oo ka howlgala Mac-hadka ISEAS-Yusof Ishak ee Singapore, ayaa waxa uu u sheegay wakaaladda wararka AFP: “(Kim) waxa uu jeclaan lahaa inuu indhihiisa ku arko xaaladda Vietnam. Taasna waxa ay u noqon kartaa hididiilo iyo marjac uu ku qaabayn karo habka uu horay ugu wadi karo Kuuriyada Waqooyi.” Waa maxay sababta Trump uu u ogolaaday Vietnam? Haddii Kim uu dhiirigelin ka helo guusha dhaqaalaha ee Vietnam, haddaba taasi ayaa waxaa suuragal ah in noqoto mid u soo jiidda Washington. Tan iyo wixii ka dembeyay isbedeladdii dhaqaale ee loogu magac daray Doi Moi ee sanadkii 1986 ee looga gol lahaa in la asaaso suuq bulshada diiradda lagu saarayo, ayaa Vietnam waxay ka mid noqotay mid ka mid ah dalalka qaarada Aasiya ee uu dhaqaalahooda sida xowliga ah sare u kobcayo. Xilli uu booqasho ku tegay dalka Vietnam sanadkii hore, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Mike Pompeo, waxaa uu sheegay in haddii Kim uu si wanaagsan u isticmaalo fursadda uu haysto uu mucjiso ka dhigi karo Kuuriyada Waqooyi. Trump waxaa uu booqday dalka Vietnam sanadkii 2017 markii dalkaas uu marti galiyay shirka dhaqaalaha ee dalalka Asia-Pacific-gga (APEC), Prof Thayer waxaa uu sheegay in Vietnam ay isu aragto goob labada dhinac ay kalsooni ku qabaan. Waxaa uu intaasi ku daray: ”Mareykanka waxaa uu garwaqsan yahay taabagelinta mudada dheer ee Vietnam ee ay ku xakamaysay hubka wax gumaada, iyo taageerada haatan ay ka gaysatay fulinta cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi. Shirka taarikhiiga ee Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli dalka uu diyaar u yahay in uu soo bandhigo kartidiisa diblomaasiyadeed iyo in ay ka go’an tahay in uu soo jiito maalgashiga dibedda. Ku dhawaaqista kaddib, xafiiska Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed ayaa soo dhaweeyay madasha shirka ee loo doortay Vietnam. ” Vietnam ayaa mar hub kala soo horjeeday Mareykanka, balse maanta waa saaxiibo,” wakaalada wararka ee Yonhap ayaa soo xigatay Afhayeen Kim Eui-kyeom oo sidaasi leh. ”Waxaan ku rajo weynahay in Vietnam ay noqon doonto meel u wanaagsan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi si taarikh cusub loo sameeyo.” Source
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Khayre ayaa sheegay inay dowladu ka go’an tahay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019. Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uliyiinta uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka ayaa ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan. The post RW Khayre oo ballan-qaaday dhamaystirka Dastuurka appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Balcad (SMN) – Guddiga amniga ee degmada Balcad ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta degmadaasi ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan taliyaasha hay’addaha amaanka. G/Dhexe Xuseen Macalin Cabdulle, taliyaha booliska degmada Balcad, ayaa shaaciyay in laysla meel-dhigay inaan hub lagu dhex-qaadan gudaha degmada. Amniga degmada Balcad ayuu xusay inuu yahay mid laysku haleyn karo waqti xaadirkaan, islamarkaana aanu jirin baqdin arrinkaasi ku aadan. Dhinaca kale, Qaasim Cali Nuur, gudoomiyaha degmada Balcad, ayaa cod dheer ku dalbaday inaan la buun-buunin shaqaaqo dhowaan ka dhacday halkaasi. Ugu dambeyntii, Gudoomiye Qaasim ayaa balanqaaday inay gacan bir ku qaban doonan qofkii lagu arko isaga oo Hub ku dhex-wata gudaha degmada. Dhowaan ayay ahayd markii iska hor-imaad uu degmada Balcad ku dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka, inkasta oo xaalada ay haatan degan tahay. The post Amaro kasoo baxay kulan looga hadlay amniga Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo Liiskii isku shaandhaynta cusub ee xukuumaddiisa oo muddooyinkii dambe oo dhan la hadal hayay iyada oo xogo arrintan la xidhiidhaa noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu dhammays tiray oo ku dhawaaqayo wax ka baddal uu ku sameeyo Golihiisa xukuumadda. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska FOORE xalay soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saarayo Liis muddoba Miiska u saarnaa oo ah isku shaaandhayn cusub oo uu ku sameeyo xukuumaddiisa taasi oo muddoba hadal haynteedu badnayd balse muddooyinkan damba yara shiiqday waxaanay wararkii ugu dambeeyey ee arrinkan xalay naga soo gaadhay tibaaxayaan in uu maanta ama maalmaha dhaw ee innagu soo aaddan Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono isku shaandhayn la filayo in ay ka dhumuc roonaato isku shaandhaymo hore oo aad u koobnaa oo Madaxweynuhu Golihiisa xukuumadda ku sameeyey dhawr jeer oo hore. Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo muddoba saluug weyn ka muujin jiray tayada xubnaha Madaxweynuhu u xushay xukuumaddiisa ayaa waxa ay ka dhur sugayaan bal markan waxa uu Madaxweynuhu la shir yimaaddo iyo in uu ugu yaraan xukuumaddiisa ku soo daro xubno miisaan culus oo saamayn ku yeesha xaaladda waxqabad ee xukuumaddiisa oo si weyn shacabku u dhaliilaan wax badan oo is baddal madaxweynaha laga filayayna aanay ka hayn. Soo shaac bixidda arrintani waxa ay saamayn weyn ku yeelatay xubno badan oo xukuumadda ka mid ah gaar ahaan Golaha Wasiirrada kuwaasi oo quuddaraynaya in ay ka badbaadaan seefta Madaxweynaha halka in badan oo siyaasiyiin iyo xil doon ah oo CV-yadoodu Madaxtooyada yaallaan rajo ka qabaan in ay ku soo baxaan liiska uu Madaxweynuhu cugan doono. Source
  5. Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Gen Muxidiin Axmed Muuse oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Bosaso ayaa ku dhawaaqay howlgalka sifaynta Alshabab ee magaalada Bosaso. Taliyuhu [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka. Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas. “Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.” Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta. Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay hore ugu soo shaqeeyeen. “Marka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.” Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah. The post MD Farmaajo oo soo xiray shir sanadeedka Garsoorka dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada London, kaasi oo lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka Soomaaliya. Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa sheegay “wax walba oo kasoo baxay shirkaas waa xaaraan, mana aqbali doonno” Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Al-Shabaab, ayaa shaaca ka qaaday inaysan marnaba suurta-gali doonin in go’aannada kasoo baxa shirkaasi laga dhaqan geliyo gudaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Waxa u sheegay in uu ugu baaqayo in shirkadaha doonaya inay soo qaataan qandaraaska shidaalka Soomaaliya ay ku waana-qaataan dilkii Paul Anthony Formosa ee dekedda Boosaaso. “Haddii aydaan ka waan toobin boobka kheyraadka Soomaaliya, waxaad ku dambeyn doontaan sidiisa oo kale” ayuu yiri Cali Dheere. Shirkan ayaa waxaa horey u cambaareeyey siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradsan xukuumadda hadda haysa talada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku taxan website-keena ku xiran, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhegeyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-07022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Lughayah)-Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Lughayah ee gobolka Awdal ayaa waxa ay ka hadleen xaalad maalmihii ugu dambayay ka taagnayd deegaanadooda, waxa ay wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland waxa ay ku eedeeyay inay isku hubaynayo laba beelood iyaga oo farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. London (Caasimada Online) – Shirka shidaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada London, waxaana muuqata in shirkaas lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka ee Soomaaliya. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la xaraashayo xirmooyin shidaal, islamarkaana shirka uu yahay kaliya mid lagu soo bandhigayo macluumaadka shidaalka Soomaaliya. Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya waxay sheegtay in ujeedada shirka uu yahay kaliya inay uUmmadda Soomaaliyeed ugu faa’ideyso si sax ah kheyraadka Ilaahay ku manneystay. Si kastaba, qoraal laga arki karo shaashadda laga hagayo shirka, oo ay soo bandhigtay shirkadda shirka maamuleysa ee Spectrum, ayaa waxaa ku cad in shirka lagu yaboohay laguna iibinayo xirmooyinka shidaalka Soomaaliya. Qoraalkan ayaa waxaa cinwaankiisa yahay “Tirada xirmooyinka lagu yaboohay wareegga koowaad ee London.” Caadiyan, yabooha ayaa waxaa xiga in shirkadaha daneynaya inay soo bandhigaan qiimaha ay ku iibsanayaan kadibna laga gado shirkadda ugu lacagta badan. Hoos ka arag sawir laga soo qaaday hoolka shirka
  11. Tartankii loo galay xilka madaxtinnimada Soomaaliya 8 Feberaayo 2017 waxaa ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Intii lagu jiray ololaha doorashada wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in uu dalka ka hirgeliyo isbeddel siyaasadeed, mid amni iyo mid maamul intaba. Khudbadii uu ka hor jeediyay golayaasha baarlamaanka oo socotay muddo nusu-saace ku dhaw, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ballanqaaday in uu wax ka qaban doono arrimo dhowr ah oo uu sheegay in ay dalka ragaadiyeen, markii mid mid loo dul istaagana dhammaan ballamahaas waxba kama uusan fulin Madaxweyne Farmaajo ilaa iyo maanta oo uu ku labo sano jirsaday Villa Soomaaliya. Hadii la tilmaamo ballamahaas ama tirsi loo sameeyo waxaa laga xusi karaa: 1. In uu ciribtirayo Al-shabaab kuna baacsan doono goobahooda ee mar danbe aysan shacabka iyo dowlada ku soo weerari doonin gudaha magaalada Mogadishu. Nasiib daro in uu ciribtiro iska daaye ilaa maanta goobta dagaalku waa magaalada Muqdisho iyo wadada hormarta Madaxtooyada. In qofkii gaari qarax ah soo sheega uu $100,000 (boqol kun oo dollar) siinayo. Hadii uu qofkaasi rabana u dhoofinayo dalka uu codsado. In dadka ay dilaan Al-shabaab uu mag dhaw ka bixinayo. Agoontii ay ka tageena uu daryeelayo. Dhismayaasha ay qarxiyaan ay dowladiisu dib u dhisayso. In warbaahinta la adeegsado oo la hawlgeliyo, culimadana ay si sax ah u fasiraan diinta si loola diriro loona ciribtiro fikirka xagjirnimada ah. In uu billaabi doono dib u heshiisiinta isagoo sheegay in uu noqon doono “Nabaddoon” ee aanu noqon doonin “Madaxweyne” keliya. In uu dhamaystiri doono wada hadalladii dowladii hore la bilowday Somaliland wax alle wixii ay tabanayaanna si daacad ah ugala xaajoonayo. Taasna waxa uu ku bedelay cuna qabateyn iyo in uu sii fogeeyo xal u helida arrimaha Somaliland. In uu la dagaalami doono musuqmaasuqa. Qof kasta oo hantida qaranka ku takri falana “xabsi dheer loo diri doono”. Haddaba waa sidee maanta heerka musuqmaasuqa maamulka Madaxweyne Farmaajo; laaluushida inta badan dhallinyarada Soomaaliyeed, laaluushida Warbaahinta maxaliga iyo mida caalamiga ah, laaluushida qaar ka mid ah culimada Somaaliyeed, laaluushida qaar ka mid ah hoggaankii dhaqanka Soomaaliyeed, laaluushida baarlamaanka federaalka Soomaaliya, laaluushida barlamaanada dowlad goboleedyada, laaluushida barakacayaasha si intaas oo dhan taageeradooda loogu qariyo musuqmaasuqa xididaystay ee Soomaaliya heerkii ugu sareeyay ka gashay labadii sano ee lasoo dhaafay. Sida ku cad waxbixinta Ururka Caalamiga ee Shafaafiyada iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa. In uu noqonayo Madaxweyne ku shaqeeya rabitaanka dadka ilaaliyana sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed. Intii uu fulin lahaa ballankaas waxa uu astaan u noqday madaxweyne Farmaajo in uu ka soo horjeesto wax kasta oo ay shacabku doonayeen ha ahaado nidaam siyaasadeedkii umaddu ku heshiisay, dastuurkii dalka, xoriyadii iyo karamaadii qofka Soomaaliga ah sida dhibane Cabdikariim Qalbi Dhagax oo uu dharaar cad ka qaaday karaamadii dastuurku siiyay, tiisii Soomaalinimo iyo tii diinta Islaamka. In uu noqonayo Madaxweyne wadani ah oo shiseeyaha rabitaankooda diida, dowladaha dariskana cadow u yaqaana, dalka iyo dadkana ka ilaalinayo faragelinta quwadaha shisheeye. Bal adiguba maanta miisaanka saar Madaxweyne Farmaajo markii dekadihii dalka u gacan geliyay dowlado shisheeye, uuna diiday in uu saxiixo xeerkii golayaasha barlamaanka ay meelmariyeen ee shirkada Dubai Port World “DP World” dalka looga macnuucay. Sidoo kalena dowlada Itoobiya u saxiixay afar dekadood oo dalka ah. Dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti na cadowga u loogay kalana saftay Kaligii Taliyaha Eretareeya Isaias Afwerki. Sidoo kale markii Madaxweynuhu ballan qaadayay arimahaan wuxuu yiri: “Siyaasaddu waa xal raadin ee khiyaano maahan, siyaasadu been ma’aha, siyaasadu ballan ka bax ma’aha. Aduunkana kama jirto, diinta islaamkana ma qabto inaad qof been u sheegto, ceeb waaye.” Markii sidaas uu lahaa intaas lidkeeda ayaa u qorsheysnayd markii loo fiiriyo labadii sano ee uu xilka hayay. Kasakow in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay meelmarinta qoddobada aan kor kusoo sheegay. Hadana waxaa jira MAHADHOOYINKA baal madow taariikhda Soomaaliya ka galay oo Madaxweyne Farmaajo ku tilaabsaday mudadii labada sanno ahayd ee uu xilka hayay, waxaana ka mid ah: In uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee aan ka tacsiyayn gumaadka joogtada ah ee kooxaha xagjirka ah u gaystaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho. Halka daqiiqado gudaheed tacsi tuuryo ah uu kala dul dhaco dhacdooyinka argagaxisadu ka geystaan qaaradaha aduunka oo qaarkood 90% ay ka hooseeyaan kuwa ka dhacay Soomaaliya ee uu ka aamusay marka loo eego dhanka khasaaraha! Madaxweynuhu wuxuu kala diray ciidamadii Xooga iyo kuwii Nabad Sugida isagoo mudadaas labada sano gudaheed ah badalay Taliyihii sadexaad ee Ciidanka Dalka Soomaaliyeed. Taliyihii sadexaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Taliyihii sadexaad ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Taliyihii labaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Taas oo ujeedada looga golleeyahay ay tahay in uusan dhismin ciidan Soomaaliyeed oo hanta mas’uuliyada amni iyo tan difaac ee dalka. Sidoo kale waxaa hakad galay dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo xoraynta deegaanada cadowgu heysto. Madaxweynuhu wuxuu si xeeladeysan uga tanaasulay dacwadii badda ee hortaalay Maxkamadda Calaamiga ee Hague. Sida laga soo xigtay Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya oo sheegtay in madaxda dowlada Soomaaliya ay kala hadleen sidii wadahadal loogu dhameyn lahaa muranka badda ee labada wadan u dhaxeeya. Taas oo ah khiyaano qaran iyo qaran dumisnimo. Madaxweynuhu wuxuu amray in Xukuumadu la soo gasho dowlado shisheeye iyo shirkado ajnabi ah heshiisyo lagu xaalufinayo kheyraadka bada iyo kuwa lagu xaraashayo batroolka iyo macdanta beriga taala ee Eebe ku mannaystay dalkeena, isaga oo aan wax ogolaansho ah ka helin Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya. Madaxweynuhu wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Golaha Shacabka oo ah hay’adda ku shaqada leh la xisaabtanka iyo korjoortaynta hay’adaha dowlada taas oo sababtay in ay istaagaan dhammaan shaqooyinka guddiyda Golaha Shacabka kadib markii xilka laga tuuray gudoomiyihii Golaha Shacabka isla markaana la kala diray gudoonkii Gudiga Maaliyada ka dib markii ay ku soo eedeeyeen Xukuumada daahfurnaan la’aan maaliyadeed iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira hay’adaha dowlada. Madaxweynuhu wuxuu khilaaf ka dhex abuuray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare kadib markii waraaq uu qoray khilaaf ka dhex dhalisay labada gole, taasoo sababtay in ay joojiyaan xariirkii wada shaqeyn ee ka dhaxeeyay. Khilaafkaas wuxuu hakad geliyay meelmarinta shuruuc muhiim u ah dowladnimada oo labada gole horyaalla. Madaxweynuhu wuxuu dagaal aan loo meeldayin ku qaaday dowlad goboleedyada taasoo sababtay in ay istaagaan dhamaan mashaariicdii horumarineed ee ka socotay deegaanada dowlad goboleedyada iyo baahinta iyo daadajinta maamulka heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo. Sidoo kale wuxuu abaabulay xasarado siyaasadeed iyo kuwa amni oo ku dhisan qabyaalad, kala qaybin iyo kooxaysi oo lagu duminayo dowlad goboleedyada sida Jubaland iyo Galmudug. Madaxweynuhu wuxuu faragelin ku sameeyay doorashooyinka dowlad goboleedyada si uu u dhisto maamulo tabar yar oo aan ka turjumayn rabitaanka shacabka deegaanadooda laakiin wakiil uga noqda Villa Soomaaliya meelmarinta dano shaqsiyadeed oo aad u hooseeya. Madaxweynuhu wuxuu si aan ganbasho lahayn u beegsaday Xisbiyada siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya iyada oo lagula kaco falal isugu jira dil, cabburin, xarig, xannibaad iyo magac dilid. Taasoo xadgudub ku ah xorriyada hadalka, dimuquraadiyadda iyo sareynta sharciga ee dastuurkeenu kafaalo qaaday. Ugu danbeyntii gunaanadka hadalkeyga waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in uu ka faa’iideysto mudada kooban ee maamulkiisa u hartay. Furana gogol dib-u-heshiineed oo gogol xaar u noqotada dhamaynta khilaafaadka Villa Soomaaliya kala dhaxeeya golayaasha barlamaanka, dowlad goboleedyada, siyaasiinta iyo qaybaha kale ee bulshada, si looga miro dhaliyo howlaha baaxadda leh ee horyaala maamulkiisa mudada labada sano ah ee hartay. W/Q: Xildhibaan Mahad Salaad Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirka London oo qaar kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ay dhaliileen. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay bandhig ku saabsan sahaminta shidaalka Soomaaliya oo dowladii ka horeeysay ay sameysay. Farmaajo ayaa beeniyay in shirkaasi shidaalka Soomaaliya lagu beecinayo, isaga oo sheegay in siyaasiin ka soo horjeedo hormarka Soomaaliya ay soo abaabuleen arintaasi. Waxaa uu sheegay in dowlada uu isaga hogaamiyo aysan aheyn dowlad ganacsi, hayeeshee ay tahay dowlad dooneysa in ay ka shaqeyso arimaha dadweynaha. Buuq badan ayaa ka dhashay shirka London maanta ka furmay oo ku saabsan soo bandhigista sahaminta shidaalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Farmaajo.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay shirka London ee shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Berbera)-Qaar ka mid ah Kalluumaysata Reer Somaliland, ayaa sheegay inay soo waajahday Kalluun yari, ka dib markii ay bay yidhaahdeen Maraakiib Ajaanib ah iyo Doonyo Iiraan laga leeyahay xaalufiyeen Kalluunkii ceegaagay Biyaha Badda Somaliland, kuwaasi oo si Sharci-darro ah uga kalluumaysto halkaasi. Kalluumaysatada Reer Somaliland ayaa sheegay in Maraakiib qaarkood Shiinaha laga leeyahay ay hawlo Kalluumaysi ka wadaan badda isla-markaana Kalluumaysiga u adeegsanayaan Qalab u saamaxaya inay sii eegaan hadba halka Kalluunku ku badan yahay, markaa ka dibna ay inta ay eegeenba Shabag mar keliya wada xidhaan, taasi oo keenaysa bay yidhaahdeen inay qaataan xataa dhasha Kalluunka. Kalluumaysatada oo Shalay qaarkood la hadleen Telefiishanka HCTV oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay, ayaa iyagoo ka hadlaya waxay yidhaahdeen “Waxaanu ka cabanaynaa Maraakiibta Ajaanibka ah ee Kalluumaysiga ka wada Xeebaha Somaliland, kuwaasi oo aan midhna kaga tegayn, xitaa Dhagaxa Kalluunku ku dhalo, waxaanu doonaynaa in Kalluumaysatadaa ay naga qabato Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kalluunkii badda Xabad xabad ayuu ku yahay oo jooga waxaana sababaya Maraakiibta iyo Doonyaha Iiraaniyiinta ah ee bad-weynta jooga..” Mid kale oo ka mid ah Kalluumaysatada reer Berbera ayaa isaguna sheegay “ “Haddaad maqasheen Xasuuqa Dadka, Maraakiibtaasi waa Xasuuqa Badda, Ugxaantii Kalluunka ayuu qaadayaa, wuu guurayaa Kalluunku markaa, markaa Xasuuqa badda ayaa la yidhaahdaa Haddaad Jariif maqasho, markaa aad iyo aad waxaanu uga codsanaynaa Xukuumadda in Maraakiibtaa la naga xakameeyo, si Kalluunku u yimaaddo oo uu u soo bato..”ayuu yidhi. Mid kale oo ka mid ah Kalluumaysatada ayaa yidhi “Maraakiibtii Shiinaha ayaa joogta, Kalluunka Tuumbooyin bay ku soo nuugayaan markaa Kalluunba hadhi maayo hadduu Madow yahay iyo hadduu Caddaan yahay. Inta Wax badda lagu eego ayaa Inta la eegay Shabag lagu wareejinayaa, dabadeedna waxa dhacaysa in xitaa dhashii la qaado.” Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa waxa uu ka warbixiyay halka ay marayso dacwad uu ka gudbiyay xisbiga KULMIYE, lacagta daynta ee la sheegay in xukuumaddii hore ay ku wareejisay xukuumadda tallada haysa iyo hadalada is khilaafsan ee uu wasiirka maaliyadda Sacad Cali Shire uu warbaahinta ka sheegay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda xisbiga tallada dalka koonfur Afrika ee ANC. Madaxweynaha iyo weftiga ka socda xisbul-xaakimka haya talada dalka Koonfur Afrika, ayaa ka wada-hadlay arrimo badan oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dal iyo labada xisbul xaakim ee KULMIYE iyo ANC ee Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Koonfur Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga ka socda xisbiga ANC waxa uu ka guddoomay salaan ay ka sideen madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, madaxweynaha Jamhuriyadda Somalilandna waxa uu u diray salaan taa la mid ah madaxweynaha Koonfur Afrika. Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku dhamaaday is-afgarad buuxa iyo xidhiidh hor leh oo dhexmara labada dal. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 29-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 07/02/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasaaradaha Qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Iyo Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga oo qorshe hawleedkooda ku soo bandhigay golaha. Ugu horrayn waxa golaha wasiirada warbixin siiyey wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka oo ku dheeraaday mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo kuwa qorshaysan, waxaanu wasiirku faah-faahiyey habsami u socodka hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta qaranka. isagoo golaha la wadaagay mashaariicda waaweyn ee laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF), EU, GIZ iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahi ka fuliyaan dalka. Mashaariicdaas oo ahmiyad weyn siinaya siyaasadda xukuumadda ee ku salaysan wax-soo saarka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo waddooyinka. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) ay ku soo biirayaan dalal kale oo danaynaya inay qayb ka noqdaan sanduuqaasi, kuwaas oo ku qancay habka daah-furnaanta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland u maamushay sanduuqa horumarinta Somaliland. Dhinaca kale, wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & horumarinta Kalluumaysiga, ayaa golaha u sharraxay hawlaha shaqo iyo hiigsiga waxqabad ee wasaaradda, waxaanu tilmaamay in xoolaha iyo kalluumaysigu laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka, isla markaana wasaaraddu ku hawlan tahay sidii loo horumarin lahaa. Waxaanu dul istaagay inay diyaariyeen xeerarka kala ah: Xeerka Qaranka ee Xannaanada Xoolaha. Xeerka qaranka ee Karantiinada Xoolaha. Xeerka Caanaha Iyo Siyaasadda qaranka ee Xannaanada Xoolaha Ugu danbayn garyaqaanka guud ee qaranka ayaa golaha wasiirada ka horjeediyey xeerka xafiiska garyaqaanka guud, waxaana golaha loo qaybiyey nuqullada xeerkaas. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  17. London (Caasimada Online) – Banaanbax looga soo horjeedo Shirka lagu suuqgeynaayo Shidaalka Soomaaliya ee goor dhow ka furmay Magaalada London ayaa ka socda Iridda Hore ee xarunta lagu shiraayo. Dad Soomaaliyeed oo sida ay sheegeen, kala yimid dalalka Yurub ayaa hor-taagan halka uu shirku ka socdo, waxaana ay sheegayaan in ay si weyn uga soo horjeeddaan in la beeciyo Kheyraadka Soomaaliya xilli aysan jirin dowlad xooggan. Si kastaba, dibadbaxayaahsa ayaa aad uga yar sidii la filayey. Ayada oo maalmahan ay socdeen guuxyo ku saabsan banaanbax bax xooggan oo la qorsheynayey, ayaa dadka kasoo hor muuqday hotelka ay u muuqdeen dad aad u yar, oo aan xitaa dhameyn 100 qof. Qiyaas ahaan waxay u muuqdeen 50 ilaa 70 qof, inkasta oo aan tiro rasmi ah laga hayn. Si kastaba, waxaa macquul ah in dadka ay gadaal kasoo bataan. Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda ay dadaal ku bixisay sidii loo baajin lahaa dibadbaxa ama ugu yaraan loo yareyn lahaa saameyntiisa. Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM. Qorsha lagu suuqgeynaayo ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan. Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.
  18. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka hadlay xiritaanka shirka garsoorka ayaa weerar afka ku qaaday warfaafinta isaga oo ku eedeeyey in aaney ka hadlin wanaagga. Mudane Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “waxaa kale oo jira Mediyaha oo hadda social meiyaha ay noogu darsameen, Media(Warbaahinta) waxna waa dhisaan, waxna waa dumiyaan, waa xaqiiqo weeye, waxaan rabaa in aan xuso kuwa ugu waaweyn, ma rabo in aan magacooda sheego, weligood waxa ay ka hadli jireen wax dhibaato ah, waxaa ay ka hadli jireen waxbaa la dilay, waxbaa la dhibaateeyey, weligood kama hadlaan waxa wanaagsan ama hal talaabo oo ay dowladdu qaatay kama hadlaan, micnaheedu waxaa ay tahay shacabka ay maalin walbo ku jiraan sidii ay u qab jabin lahaayeen ama rajada uga qaadi lahaayeen, haddii marka ay qeyb ka noqon lahaayeen dhismaha dowladda, oo ay sheegi lahaayeen waxa wanaagsan oo dowladdu qabatay, dalka dhibaatooyin badan ayaa heysta, cadaawad badan ayaa ku gaadaaman, iney gacan siiyaan inta dowladdu ka hana qaado, oo ka istaagto, markaas ay istaagto ayaa la oran karaa dumuquraadiyad loo kacay,oo dimiqoraadiyo ayaa la aaday”. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladdiisu aaney ciidan iyo hey’ado dastuuri laheyn si wax looga sheego, isaga oo weriyeyaasha dibadda jooga sheegay inay lacag fiirsadaan “ laakiin dowladdu aan ciidan laheyn, oo institution iyo hey’ado aan noo disneyn, madax wax lagu dhaleeceeyo, hade waxaa weeye waa dad aan qeyb ka aheyn horumarka iyo dhismaha dalka, waxaan rajeyneynaa inshaa allah in medi-yuhu in dhismaha dowladda iyo dalkooda ka mid noqdaan, weliba kuwa gudaha ku jira ee dhalinyarada ah dadaal ayeey ka tahay, laakin kuwa dibadaha jooga culeys dhaqaale ayaa heysta, maxaa yeelay waxa ay ku jiraan deyman, marka waa in wax daran sheegaan si loo dhageysto, , uniximaayaan dalka Soomaaliyeed iyo meesha ay ka yimdeen, waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay dantooda iyo baabuurka xunka oo ay wataan iyo guriga ay ku jiraan, mar arkaayan caruurta meel loo soo celiyo iyo mustaqbal loo sameeyo ma arkaan, waxaa ay ka hadlaan wax ay Shabaab sameysay, waxaa ay ka hadlaan wax dowladda iyo shacabka iska hor keeni kara”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ay ku midaysan yihiin shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolajiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan. Hoos ka aqriso war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadaha Bishan Feberaayo 2-­‐dii 2019 waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolajiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan isagoo ka hadlay arrimo la xiriira Isgaarsiinta dalka gaar ahaan Shirkadaha bixiya adeegyada Isgaarsiinta, kuna sheegay in shirkaduhu yihiin sharci darro haddii aysan is-­‐diiwaan gelin bishan Febaraayo gudaheeda, isla markaana ku goodiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Shirkadaha Isgaarsiinta. Haddaba Ururka USIS oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-­‐ka ee hoos ku xusan oo ka jawaabaya qodobadaas wuxuu War-­‐saxafadeedkan ku caddeynayaa: In dhamaan Xubnaha Ururka ay leeyihiin sifo jiritaan sharci iyo in ay yihiin Shirkadii Isgaarsiinta oo dalka ka soo shaqeynayay mudda aad u dheer, ay leeyhiin ruqsado adeeg bixin, ayna diyaar u yihiin nidaaminta iyo waafajinta sharciga dhamaan adeegyada ay bixiyaan si waafaqsan Sharciga Isgaarsiinta. Waxaa wax laga xumaado ah in Wasirku ku adkaysanayo diidmada sixitaanka khaladaadka go`aanadii uu qaatay, isagoo islamarkaa si bareer ah ugu qirtay warbaahinta gudaha iyo dibadda, in ay jiraan arrimo dhowr ah oo ku baalmarayo Sharciga Isgaarsiinta sida: In ay jiraan Shirkado gaar loo leeyahay -­‐sida uu Wasiirku sheegay-­‐ oo uu isagu u soo magacaabay xubno ku matala Guddiga Maamulka Hay`adda Isgaarsiinta taasi oo ah arinta muranka badan dhaliyay!! In Madaxweynaha JFS saxiixay sharci kala dhiman oo aan aheyn kii golayaasha Baarlamaanka soo ansixiyeen, taas oo shaki weyn galisay xalaal noqoshada Sharciga Isgaarsiinta Qaranka. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in loogu daneeyo Shirkaddo gaar ah, halka kuwo kalana la rabo in suuqa looga saaro iyadoo la rabo in la meel mariyo cabirro khaldan ee qiimeynta iyo habraaca bixinta ruqsadaha iyo xuquuqa kale ee dalka. In aysan jirin cid hanjabaad iyo awood ku meel marin karta go`aano aan sharci aheyn, kana hor imaanaysa Sharuucda dalka iyo xeerarkii loo dajiyay maareynta iyo maamulka Isgaarsiinta dalka. Ururku wuxuu baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga. –DHAMAAD—
  20. Xukumadda Muuse Biixi Oo Shakhsiyaad Ku Wareejisay Carwadii Hargeysa Xukumadda Madaxweyne Biixi ayaa ganacsato dhawr ah ku wareejisay dhismaha Carwadii Magaalada Hargeysa. Waxa dhismaha laga saaray ganacsato yaryar oo degana si ay si buuxda ugula wareegaan ganacsatada lagu wareejiyay. Dhismahan qadiimiga ah ee Carwada Hargeysa waxa ku jiray Dhakhtarkii Marxuum Ina Aw Aadan iyo qoysas kale oo danyar ah, waxaana hadda laga saaray dhammaan-ba dadkii ku jiray,kuwaasi oo faaruqiyey dhammaan-ba barxada iyo gudaha dhismaha ee ay ku jiraan,iyada oo hada ay Ganacsadayaasha lagu wareejiyey qufusheen dhismaha sida uu xogo ku helay wargeyska Waaberi oo wariyeyaal ka socda dhismaha tageen. Xogo uu wargeyska Waaberi ka helay ila wareed-yo u dhuun daloola dhismaha , ayaa sheegay in ay dhismahaa iyo barxadiisiiba Xukuumaddu ku wareejisay Ganacsadayaal iskaashato ah waxaanay arrintani imanaysa iyada oo shalay madaxweyne Biixi sheegay in ay lix bilood murmayeen ganacsade xukuumaddii hore ku wareejisay dhismaha qadiimka ah ee khayriyadii hore. Dhismahaas ayaa markii dambe xukuumaddu xoog kaga saartay ganacsadaha. Waxaana la sheegay in madxaf Qaran laga dhigayo. Wariyeyaasha Waaberi oo u kuur galay dadka laga raray dhismihii Carwada ayaa ogaaday in dadka laga raray la siiyay kharash aan buurnayn oo ay halkaasi kaga guuraan. Qaran News
  21. Dib U Milicso Dayntii Siilaanyo Kala Wareegay Rayaale Oo Ay Ka Badan Tahay Daynta Biixi Kala Wareegay Siilaanyo Xukuumaddii Kulmiye ee sanadkii 2010 talada dalka kala wareegtay xukuumaddii UDUB ayaa fagaareyaasha ka sheegi jirtay in ay qasnad madhan iyo dayn kala wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale laakiin, sanad kadib xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Biixi hoggaamiyo waxa si lama filaan ah uga qaraxday xaddiga daynta ay kala wareegtay xukuumaddii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo. Waa dayn ka badan tii Siilaanyo kala wareegay Rayaale. Marka la isla akhriyo dooddii wasiirkii hore ee maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo warbixin uu wasiirkii maaliyadda ee xilka kala wareegay xukuumaddii Riyaale Eng Maxamed Xaashi Cilmi qoray 2012 waxa muuqata in aanay lacagta la isku wareejiyay ahayn dayn rasmi ah oo dawladdu qaadatay laakiin, ay u badan tahay lacago dad laga qaatay oo aan nidaamka saxda ah marin ee dawladdu wax u daynsato. Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo sanadkii 2012 difaacaya miisaaniyaddiisii oo wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale naqdiyay naqdiyay ayaa sheegay in xukuumaddii Rayaale aanay wax dayn ah ka tagin laakiin, ay ka tagtay lacag todobaatan milyan ah oo siyaabo kale loo lunsaday. Lacagtaas waxay ka yar tahay lacagta 80-ka Milyan ee dollar ah ee xukuumaddii Siilaanyo ku wareejisay tan Madaxweyne Biixi. Dib u milicso qoraalkii Eng Maxamed Xaashi ee 2012 “Wargeyska Jamhuuriya, Vol.19 cadadka 4951 ee Axad, 21 October 2012 ayaa qoray hadal uu ka soo xigtay Wasiirka Maaliyadda oo ahaa; ‘Miisaaniyaddu 2012 waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Waxa jira 10 milyan oo dollar lacag gaadhaysa oo lagu qoray deeq amma deyn. Hadday tahay deyn miisaaniyadda ma galayo, hadday deeq tahayna, waayo ma jirto deeq toos la inoo siiyaa oo hay’aduhu waxay bixiyaan iyagaa toos u maamula. Waa laga yaabaa wixii wanaag ah ee dhaca in hoggaanka dalku qaybta ugu weyn yeesho, guul-darradana la wada yeesho ilaa hoggaanka u sarreeya. Haddii aan wax ka idhaa saddexdan arrimood ee Wasiirka Maaliyaddu ka hadlay; Miisaaniyadda 2012 ee aan wasiirka ku wareejiyey waxay ahayd odoros (Estimate). Odorosku wuu noqon karaa intii la qiyaasay. Wuu ka yaraan karaa, wuuna ka badan karaa. Waxaan meesha qaban, ‘Miisaaniyaddu waxay leedahay meelo badan oo ay ku jirto buun-buunin badan oo aan sax ahayn.’ Kalmadda buun-buunin waxay xambaarsan tahay khalad loola kacay, mid meesha qabatana ma aha. Wasiirku dhinaca kale wuxuu qirayaa in la gaadhi karo odoraska miisaaniyadda 2012 ee $106 milyan ah, aniguna waan qabaa sidaa. Qodobka kale ee 10 milyan oo dollar miisaaniyadda way ku geli karaan deeq amma deyn. Deeqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland lagu caawiyo waa inay ka muuqataa miisaaniyadda qaranka, deyntuna waa inay iyana ka muuqataa miisaaniyadda oo labadaba lagu qoraa, miisaaniyadiihi horena way ku jiraan. Mucaawanada la ina siiyaa waa deeq dalka soo gashay, haddii aan deyn qaadanno amma baanka ka qaadanno amma tijaarteenna aan ka qaadannee waa inay galaan miisaaniyadda. Sidii horeba loo yidhi, xilku waa meerto, balse qof walba wuxuu ku suntan yahay, wixii uu qabto iyo waqtiga uu qabto. Haddii aan wax ka taabto amma is-barbardhigo; xaaladdii aan anigu kagala waareegay wasiirkii iga horreeyey iyo xaaladdii aan ku wareejiyay, wax badan baa u dhexeeya. Waxaan qabaa in wasiir Cabdicasiis iga nasiib wanaagsanaa. XAALADDDII AAN DHAXLAY: Guddidii loo saaray ee ka koobnayd; Hantidhawrka, Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda Maaliyadda, waxay baadhitaankii ka soo bilowday 2002 ilaa July 2010. Markay kala jareen dakhligii dhabta ahaa iyo kharashkii dhabta ahaa. Waxa dheeri soo hadhay Sl/Sh. 322.7 bilyan ($53.7 milyan). Markaa waxay guddidaasi caddeeyeen in aanay wax deyn la yidhaa jirin. Waxase jiray lacag maamulkii Rayaale lunsaday oo gaadhaysay $70,295,820 doollar iyo hanti ma-guurta ah oo la lunsaday. Waxay noqotay in aannu bixinno deyntii ay dadweynaha ka qaateen, mushaharooyinkii dhowrka bilood taagnaa ee shaqaalaha iyo ciidammada iyo raashinkii, ciidammada, cusbitaallada iyo jeelasha, nidaam dhisan oo aan la wareegayna ma jirin. Qaran News