-
Content Count
207,362 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dillooyin Hordhac u ah inaan Shirkada DP World dhisayn dekedda Berbera+Khalkhal Maareeyaha Dekeda soo wajahay & Asqo uu qaybinaayo Taariikhdu markay ahayd 23 Sep 2017, waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland si rasmi ah ula wareegay Saciid Xasan Cabdilaahi, kaas oo xilkaa uu usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir. Haddaba waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda Berbera. Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa dabagal ay ku samaysay, waxayna ogaatay inaan dekeda Berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada DP World, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay ee lagu wareejiyay shirkada DP World uu noqday qalab burburay ama baaba’ay, waa sida ay warbaahintu sheegeene. Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee, waxaa dhawr goor warbaahinta hadallo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la billaabayo dhismaha dekedda Berbera. Hadallada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay Tusaale ahaan Mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka Dawladda, waxa uu sheegay in dekeda Berbera la billaabayo September 2018. Haddana is xog waraysi kale oo uu siiyay Guddida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida, waxa uu ku sheegay inuu mashruucaasi billaabmay octobar 2018, loona tirinayo 24 bilood. Iyadoo labada ballamood ay noqadeen qaar beenoobay, ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan, waxa uu haddana ku sheegay mareeyuhu inuu mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera uu si rasmi ah u billaabmayo 15 Janaayo, 2019. Muddo markay bulshadu u dhag taagaysay inuu billaabmo mashruucaasi, oo aan ilaa wali haatana anuu bilaabmin, ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay uu siiyay telefeshanka Bulsho, kaasi oo uu ku shegay in mashruucaasi billaabamay Octobar 2018, oo uu soconayo muddo 22 billood. Hadalladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qabad la’aanta shirkada DP World, waxay sumcadda ka dilaysaa mareeyaha dakadaha Somaliland mudane Siciid Xasan Cabdillaahi Qaran News
-
Faahfaahin:Cadadka Lacagta & Dalalka leh+Miisanka Dahabka Itoobiya ku qabatay Xuduuda Wajaale . Wakaalada Wararka dalka Ethiopia ee FANA ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay lacag iyo Dahab tiro badan oo lagala soo baxay gudaha dalka Ethiopia, sida warbixin lagu sheegay. Wakaalada Wararka FANA ayaa baahisay in ciidamada booliska Ethiopia ay lacagtaasi gacanta ku dhigeen xili ay baadhitaan ka sameynayeen bar Koontarool oo ku taala magaalada Wajaale. Adanech Abebe o ah Wasiirka Wasaaradda Dakhliga Ethiopia ayaa shaacisay in lacagta la qabtay ay ka kooban tahay 8,200 oo Yuuro, 31,990 pound, 25,665 Doolarka Canada 8,800 oo doolarka Australia, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland. “Waxa lacagta sidoo kale ku jira 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 Riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin”ayay tiri wasiirka Dhaqaalaha Ethiopia. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dalka ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar. Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad. “Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay sannadkii 2012.” Sidaas waxa yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan. Geesta kale, warar xogogaala oo helnay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu ku soo jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa toddobaadkii hore u sheegay inaanay dawladda Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaas. Si kastaba ha ahaate dawladda Turkiga ayaa u muuqata inay dardar xoog leh gelisay sidii ay kulan isugu iman lahaayeen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaanu ergaygani wada hadalada u qaabilsan Turkigu doonayaa inuu u kala dab qaado labada Madaxweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taariikhdu markay ahayd 23 Sep 2017, waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland si rasmi ah ula wareegay Saciid Xasan Cabdilaahi, kaas oo xilkaa uu usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir. Haddaba waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda Berbera. Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa dabagal ay ku samaysay, waxayna ogaatay inaan dekeda Berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada DP World, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay ee lagu wareejiyay shirkada DP World uu noqday qalab burburay ama baaba’ay, waa sida ay warbaahintu sheegeene. Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee, waxaa dhawr goor warbaahinta hadallo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la billaabayo dhismaha dekedda Berbera. Hadallada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay Tusaale ahaan Mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka Dawladda, waxa uu sheegay in dekeda Berbera la billaabayo September 2018. Haddana is xog waraysi kale oo uu siiyay Guddida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida, waxa uu ku sheegay inuu mashruucaasi billaabmay octobar 2018, loona tirinayo 24 bilood. Iyadoo labada ballamood ay noqadeen qaar beenoobay, ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan, waxa uu haddana ku sheegay mareeyuhu inuu mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera uu si rasmi ah u billaabmayo 15 Janaayo, 2019. Muddo markay bulshadu u dhag taagaysay inuu billaabmo mashruucaasi, oo aan ilaa wali haatana anuu bilaabmin, ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay uu siiyay telefeshanka Bulsho, kaasi oo uu ku shegay in mashruucaasi billaabamay Octobar 2018, oo uu soconayo muddo 22 billood. Hadalladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qabad la’aanta shirkada DP World, waxay sumcadda ka dilaysaa mareeyahay dakadaha Somaliland mudane Siciid Xasan Cabdillaahi W/Q Cabdiraxiim Cabdillaahi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay xiritaanka shirka garsoorka ayaa weerar afka ku qaaday warfaafinta isaga oo ku eedeeyey in aaney ka hadlin wanaagga. Mudane Farmaajo oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri “waxaa kale oo jira Mediyaha oo hadda social meiyaha ay noogu darsameen, Media(Warbaahinta) waxna waa dhisaan, waxna waa dumiyaan, waa xaqiiqo weeye, waxaan rabaa in aan xuso kuwa ugu waaweyn, ma rabo in aan magacooda sheego, weligood waxa ay ka hadli jireen wax dhibaato ah, waxaa ay ka hadli jireen waxbaa la dilay, waxbaa la dhibaateeyey, weligood kama hadlaan waxa wanaagsan ama hal talaabo oo ay dowladdu qaatay kama hadlaan, micnaheedu waxaa ay tahay shacabka ay maalin walbo ku jiraan sidii ay u qab jabin lahaayeen ama rajada uga qaadi lahaayeen” Waxa uu intaas ku daray “Haddii marka ay qeyb ka noqon lahaayeen dhismaha dowladda, oo ay sheegi lahaayeen waxa wanaagsan oo dowladdu qabatay, dalka dhibaatooyin badan ayaa heysta, cadaawad badan ayaa ku gaadaaman, iney gacan siiyaan inta dowladdu ka hana qaado, oo ka istaagto, markaas ay istaagto ayaa la oran karaa dumuquraadiyad loo kacay,oo dimiqoraadiyo ayaa la aaday”. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in dowladdiisu aaney ciidan iyo hey’ado dastuuri laheyn si wax looga sheego, isaga oo weriyeyaasha dibadda jooga sheegay inay lacag fiirsadaan. “Lakiin dowla aan ciidan laheyn, oo institution iyo hey’ado aan noo disneyn, madax wax lagu dhaleeceeyo, hade waxaa weeye waa dad aan qeyb ka aheyn horumarka iyo dhismaha dalka, waxaan rajeyneynaa inshaa allah in medi-yuhu in dhismaha dowladda iyo dalkooda ka mid noqdaan, weliba kuwa gudaha ku jira ee dhalinyarada ah dadaal ayeey ka tahay, laakin kuwa dibadaha jooga culeys dhaqaale ayaa heysta, maxaa yeelay waxa ay ku jiraan deyman, marka waa in wax daran sheegaan si loo dhageysto, uniximaayaan dalka Soomaaliyeed iyo meesha ay ka yimdeen, waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay dantooda iyo baabuurka xunka oo ay wataan iyo guriga ay ku jiraan, mar arkaayan caruurta meel loo soo celiyo iyo mustaqbal loo sameeyo ma arkaan, waxaa ay ka hadlaan wax ay Shabaab sameysay, waxaa ay ka hadlaan wax dowladda iyo shacabka iska hor keeni kara”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wajaale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Wajaale oo ku taala xuduuda Dowladda Ethiopia maamulka Somaliland la wadaago ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay lacag tiro badan. Wararka ayaa sheegaya in lacagta ciidamada Ethiopia ay qabatay ay gaareyso 1.5 Milyan (Hal Milyan iyo Bar) oo doolar, waxaana la sheegay in la xiray shaqsiyaadkii lagu qabtay lacagtaasi. Wakaalada Wararka dalka Ethiopia ee FANA ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay lacagtaasi iyo Dahab tiro badan oo lagala soo baxay gudaha dalka Ethiopia, sida warbixin lagu sheegay. Wakaalada Wararka FANA ayaa baahisay in ciidamada booliska Ethiopia ay lacagtaasi gacanta ku dhigeen xili ay baaritaan ka sameynayeen bar ilaalineed ku taala magaalada Wajaale. Adanech Abebe o ah Wasiirka Wasaaradda Dakhliga Ethiopia ayaa shaacisay in lacagta la qabtay ay ka kooban tahay 8,200 oo Yuuro, 31,990 pound, 25,665 Doolarka Canada 8,800 oo doolarka Australia, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland. “Waxa lacagta sidoo kale ku jira 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 Riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin”ayay tiri wasiirka Dhaqaalaha Ethiopia. Ethiopia waxaa sanadkii laso dhaafay lagu qabanayay waxyaabo kala duwan oo ay ku jiraan waxyaabaha maanta dooriya iyo lacago kala duwan, sida ay baahisay wakaalada Wararka ee FANA. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimadaa@Live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markale gaadiid weyne ku gubay meel ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen deegaanka Doonka. Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Doonka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye ku gubay gaadiid dadweyne, waxaana ku xigtay inay xalay kuwo kale ay ku gubeen isla deegaanka. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay ka warhayaan dhibaatada dadka shacabka ah ay kala kulmayaan Al Shabaab, isaga oo sheegay inay dhawaan jawaab ka bixin doonaan. Gelinkii dambe ee shalay iyo xalay ayaa la sheegay in xubnaha Al Shabaab ay ku gubeen deegaanka Doonka ku dhawaad 5 gaari, waxaana ka horeysay todobaad ka hor markii 7 gaari ay ku gubeen isla deegaanka. Sababta ka dambeysay gubidda gaadiidkaan ayaa la sheegay in Al Shabaab ay gaadiidka ku qabteen iyaga oo dhuxul wada, islamarkaana ay deegaanadooda ka mamnuuceen jarista dhirta. Waa markii labaad oo gaadiid dhuxul usoo wada magaalada Muqdisho Al Shabaab ay ku gubaan deegaanka Doonka ee duleedka magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
-
Siddan sahlan ku garo Dajjaal-cawar markuu soo baxo, Qaybta 1aad. بِسْمِ اللهِ الرَّحْمٰنِ الرَّحِيْمِ Sidda diinteena suubani dhigayso dabayaaqada aduunyadan Waxa soo bixi doona Nin layidhaa Dajjaal-cawar : ( المسيح الدجّال) : Al-Masīḥ ad-Dajjāl, “masiixigii beenta ahaa’’ Ninkaas oo been u sheegi doona dadka oo wanjali doona dad badan. Dajjaal-cawar wuxuu sheegaan doonaa illaah dadkana wuxuu ku duufsan doonaa indho sarcaad mucjisooyin ah sida dhul abaar ah oo uu naq ka dhigi doono, dad dhintay oo uu soo kicoyo iyo wax uu ku sheegaayo inay Jano iyo Cadaab yihiin oo uu samaysanaayo. Dajjaal-cawar waa nin dhalinyaro ah oo gaaban midabkiisu waa casaan timo cufan oo marmaran leh waa nin waji balaadhan oo Isha midig la’, waa ma dhalays aan waxba dhali doonin. Dajjaal-cawar wuxuu dunida guudkeeda ku sugnaan doonaa oo uu wanjalaad iyo fidmo ka wadi doonaa mudo 40 maalmood ah, maalmahaa Waxa ku jira maalin sanad u dhiganta, maalin Bil u dhiganta iyo maalin asbuuc u dhiganta maalmaha kale waa maalmaha caadiga ah oo kale. Dajjaal-cawar kuma xusna quraanka se xadiisyo ayaa kusoo arooray, Sida aynu ogsoonahay diinteena suubani waxay ka kooban tahay kitaabka quraanka ah oo qowlkii Ilaahay ah SW iyo sunihii rasuulka csw oo ah wuxuu nabigeenii yidhi ee laga soo weriyey iyo wuxuu fali jiray. Ilaaheena Weyn ee waaxidka ahi kumuu xusin quraanka Dajjaal, inkastoo eebe SW uu ka afeef dhigtay in aan qowlkiisa lawada qori karin sida ku cad 31:27 suurada 31 aayada 27 (hadii dhirta aduunka kutaal qalimaan laga dhigo badana khad oo 7ba badood lakeeno weedhaha Ilaahay madhameeyeen) sidoo kale 18:109 (dheh hadii bada khad looga dhigo odhaahda Ilaahay badu wey dhamaan odhaahda Ilaahay oo go’in, hadii lasoo dhaamiyo oo dhaamiyo baduunbaa go’i). Hadaba iyada oo weedhaha eebaheen SW cidi qori karin ayuu Guule sodan jis oo ah 114 suuradood uu Eebe war, hogo-tusaale, dhacdo, qisooyin, digniin, waano iyo wax sheeg inoogu dhameeyey si cad oo faahfaahsan, iyo weliba hagid iyo hanuunin cidii Ilaahay iyo nabigiisa rumaysa sida ku cad 2:2 – 2:3 quraanka kariinka ah. Hadaba ruuxii quraanka fahma iyo sunaha nabiga csw ee Ilaahay SW ku xidhani Dajjaal-cawar wuu ku qoslidoona.!! Oo wuxuu ku odhan Dajjaal-cawar beenaale!!! Waayo………. Lasoco Qabta 2aad. Ilaahow Toobada nagu dil Oo nagu hanuuni aamiin. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Waa maxay sababta Muuse Biixi ugu kalifay Dr Sacad Cali Shire inuu kala hadlo. Waxaa cidkasta oo arrimaha Somaliland si dhaw ula socotaa ka dheregsan tahay in Musuqmaasuq iyo Qabyaalad xadhkaha goostay oon loo meel dayini Dalka ka dhacday tan iyo intii Xukuumada Kulmiye talada Dalka la wareegtay sannadkii 2010. Ogoow Musuqmaasuqaas 90% waxaa ku kacay waa cid gaar ah oo Beelo gaar ah kasoo jeeda islamarkaasna Heshiis ku ahaa Boobka iyo Dhaca Xoolaha ummada. Haddaba markii Xukuumadii hore ee Siilaanyo Xilka wareejinaysay waxaa Shacabku dareen wayn ka qabay inay Lacag badan oo Dayn ah ku wareejinayso Xukuumada Muuse Biixi. Waxaana Bulshadu isla dhexmaraysay xoggo hoose oo kasoo baxayay Dad xogogaal ah arrimaha Dayntaas. Hase yeeshee, waxaa dhacday in Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Siilaanyo Samsam Cabdi Aadan sheegto inaanay wax Dayn ah ku wareejin Dawlada cusub ee Muuse Biixi wakhtigii ay Xilka wareejinaysay. Yeelkeede, shacabku waxay markasta u fahamsanaayeen in laba kooxood oo hoos isu og islamarkaasna ku shuraako ahaa Boobka iyo Dhaca Hantida Qaranka ee Shacabkii laga soo ururiyay ka baahan yihiin ay xilka isku wareejiyeen islamarkaasna isu Xaalmastuurayaan. Waxa kale oo aad looga dheregsan yahay in Muuse Biixi ahaa Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Door wayna ku lahaa Musuqmaasuqa dhacay iyadoo Lacagtan hadda la isku haysto ee $80,0000,0000 ay qayb ka tahay lacagtii loo isticmaalay Doorashada ee Muuse Biixi lagu soo saaray. Sidaas darteed ayuu Muuse Biixi ugu khasbay Wasiirkiisa Maaliyada Dr Sacad Cali Shire oo ah Shakhsi Qiyamkiisa Dadnimo aad u hooseeyo inuu warkii hore ee uu Goobjooga ka ahaa markii la sheegayay islamarkaasna uu ayidsanaa wax ka duwan isla soo hortaago ummada oo hortooda isku gawraco.axaa cidkasta oo arrimaha Somaliland si dhaw ula socotaa ka dheregsan tahay in Musuqmaasuq iyo Qabyaalad xadhkaha goostay oon loo meel dayini Dalka ka dhacday tan iyo intii Xukuumada Kulmiye talada Dalka la wareegtay sannadkii 2010. Ogoow Musuqmaasuqaas 90% waxaa ku kacay waa cid gaar ah oo Beelo gaar ah kasoo jeeda islamarkaasna Heshiis ku ahaa Boobka iyo Dhaca Xoolaha ummada. Haddaba markii Xukuumadii hore ee Siilaanyo Xilka wareejinaysay waxaa Shacabku dareen wayn ka qabay inay Lacag badan oo Dayn ah ku wareejinayso Xukuumada Muuse Biixi. Waxaana Bulshadu isla dhexmaraysay xoggo hoose oo kasoo baxayay Dad xogogaal ah arrimaha Dayntaas. Hase yeeshee, waxaa dhacday in Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Siilaanyo Samsam Cabdi Aadan sheegto inaanay wax Dayn ah ku wareejin Dawlada cusub ee Muuse Biixi wakhtigii ay Xilka wareejinaysay. Yeelkeede, shacabku waxay markasta u fahamsanaayeen in laba kooxood oo hoos isu og islamarkaasna ku shuraako ahaa Boobka iyo Dhaca Hantida Qaranka ee Shacabkii laga soo ururiyay ka baahan yihiin ay xilka isku wareejiyeen islamarkaasna isu Xaalmastuurayaan. Waxa kale oo aad looga dheregsan yahay in Muuse Biixi ahaa Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Door wayna ku lahaa Musuqmaasuqa dhacay iyadoo Lacagtan hadda la isku haysto ee $80,0000,0000 ay qayb ka tahay lacagtii loo isticmaalay Doorashada ee Muuse Biixi lagu soo saaray. Sidaas darteed ayuu Muuse Biixi ugu khasbay Wasiirkiisa Maaliyada Dr Sacad Cali Shire oo ah Shakhsi Qiyamkiisa Dadnimo aad u hooseeyo inuu warkii hore ee uu Goobjooga ka ahaa markii la sheegayay islamarkaasna uu ayidsanaa wax ka duwan isla soo hortaago ummada oo hortooda isku gawraco. Qaran News
-
Mahad Celin. Anigoo ah Osman Omar Dool degan dalka Norway caasimada Oslo waxaan marka hore Alle ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo Samir iyo iimana uu ka siiyo beerteedii, ehelkeedii, asxaabteedii, jaarkeedii iyo dhamaan intii geerideedu ay damaqdayba, hooyaday Aamina Hassan Du’ale oo geeridii xaqa aheyd ku haleeshay magaalada Hargeisa 05.02.19, Waxa kale oo Alle ka baryaayaa inuu naxariistiisa balaadhan ugu deeqo, hooyoyinkii kale ee muslinimo ku dhintay, waalidiinteenii, ehelkii qaraabadii inaga baxday iyo dhamaan muslimiintii xijaabatayba, inaguna markaynu ka dabatagno uu inoo naxariisto Aamiin. Ducadaa ka dib waxaan mahad celin aan la soo koobi karin aan halkan u marinayaa dhamaan intii si toosa iyo si dadbanba noola wadaagtay, noo soo tacsideysay, noola damqatay, noola ducaysay, aaskii ka qayb qaadatay geeridaa ka dib. Waxaanan leeyahay walaalayaal Ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo dhamaantiin. Waxa kale oo aan u mahadceniyaa Dhakhaatiirtii, nurseskii iyo bahdii caafimaadka oo inta taagood ku dadaalay inay badbaadiyaan hooyaday, lakiin ay tii Alle ka xoog badatay. Ugu danbeyn waxaan si gaara ugu mahad celinayaa hablihii ama dumarkii aanu ehelka aheyn ee intii uu hooyaday hayay xanuunka geeridu sida bila hagrashada ah hadh iyo habeenba heeganka ugu ahaa. Iyagana waxaan leeyahay Ilaaha Qaniga ahi ha idinku abaal mariyo deeqdiisa balaadhan. Aniguna ma ilaawi doono sidii aad yeesheen. Wa bilaahi Tawfiiq Osman Omar Dool Oslo Norway Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasheena ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-07022019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dhqane:Waar heedhe maxaa khaldan ?miyeydaan u sheegin markaa ka sii tegayseen 80 kan malyuun ee deynta ah inaa 80.000 oo cod u siiseen? Dhaashane:Iga wala waddanigaa aanu u boobnay baa caqli dhaami.sowkan anagii uun naga dhamaan waayey maaha.Waar ileyn askari siyaasad ma barto. Dhaqane:Oo waxan ku waydiiyey shirkii Kulmiye maxaa Boorame lagala doonay? Dhaashane:Kii Ina xaashaa hungureeyey baan maqloo ,malaa isagaa loogu quus goynayaa. Dhaqane:Dee waa runoo idinba markaa cid u quus goynaysaan waydinkii Burco ula carari jiray. Dhaashane:Waar heedhe ma dhabaa madaxweyne muse qandaraas weyn oon lagu tartamin buu siiyey adeerkii Ina aw saeed? Dhaqane; Ha siiyo dee imisaa idinba adeer adeer wax isu siinayseen.ma isagaa gaal gaal dhalay iyo West Burco Clan ah. Dhaashane :waar adeerow waa markaad af somali aan la fahmayn ku hadli jirtee waxan ku waydiiyey,Horta sheekhii sheekh Aden sunni ma la sii daayey? Dhaqane;KKKKK maanagaad na waydiinaysaa dadkii aad xidhxidheen?Mida kale ,sida wax loo xidho ayuunbaa taqaaneene ma idinkaa sida wax loo sii daayaba yaqaanay. Sowtaan lahaa maaha: Dagaal ragu wuu galaa Dil iyo dhagar buu mutaa Mar buu dood kulul ceshaa Denbaab iyo khalad galaa Kulmiyahan daahiri bukoo Ka daa handaraabka dee. Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye Sweden haaheey@hotmail.com Source
-
Waxa la yaab leh indho adkaanta iyo isbeeninta cad ee wasiir Sacad. Iyadoo la hayo ooy weli saxaafadda ku jirto markuu xildhibaan Buubaa sheegayay 80ka milyan ee wasiir Sacadna agtaagnaa ayuu maanta haddana yidhi: waxba kama jiraan 80ka, kamaanaan wada hadal xildhibaanada. Cajiib, haddayna wax ka jirin soo markaa saxaafadda horteeda kamuu beeniyeen. Ugu yaraan soo sunnayaashiisu cirka may tageen oo wajigiisa lagama dareemeen diidmada hadalka xildhibaanka. Sowkii madaxaa haa-lulaayay ee erayana ku xaqiijiyey hadalkii xildhibaanka ee yidhi ku celin maayo waxaanu ka wada hadallay oo waaka xildhibaanku innoo sheegay, waana aanu iska afgarannay. Hadalkaa ma qirasho ka wayn baa jirta!! Arrintu dhawr maalmood ayaa laga hadlayay oo cid walba wax ka tidhi, oo wasiirkii hore ee Maaliyadda marwo Samsam beenisay inay dayn ku wareejisay dawladdii cusbayd. Waxay sheegtay inay isaga telefoon kula hadashay oo tidhi waa maxay siddeetanku? Ooy tidhi wuxuu igu yidhi waxba dayn nugamaad wareejin. Markaa muxuu uga hadli waayay saxaafadda? Oo siday Samsam arrintu u gubtay, isaga ugu xanuujin wayday? Intaasoo dhan xukuumadda hadal kama soo bixin, waxa meesha ka cad in lacagtu maqan tahay, lagana tashanayay wixii macquul u eeg ee lagu jawaabi lahaa. Waxa kaloo meesha ka cad in lacagtani sifo sharci darro ah ku maqan tahay. Haddii kale dee lalama gabbadeen wax sharci ah oo danta guud awgeed loo amaahday. Madaxda xisbiyada mucaaridku way ka hadleen iyagoo dalbanaya in dawladdu sifaha lacagtaasi ku baxday soo caddayso. Hadalkii ugu xigmada badnaa waxa yidhi aqoonyahan Jamaal Xuseen oo yidhi tuugta qaarbaa intayna wax xadin yidhaa: Waxaasaa maqan! waa waxa ay rabaan inay xadaan. Ogow Jamaal waa Kulmiy, waa madaxda Kulmiye, inuu xogta ogyahaa laga yaabaa. Wasiir Sacad maahayn maanta inuu hadalkan jilicsan ee sheeko carruureedka ah la yimaad saxaafadda. Waa inuu is casilaa! Ama la eryaa! Dee madaxwaynuhu inuu arrintan dafiro hadduu rabo ha eryo Sacad oo eeddana dusha ha ka saaro. Mise guddida baarlamaanka ayay sirtu u gudubtay? Muxuu samayn Buubaa lagu dafirye? Wa Billahi tawfiiq, A. Amir Bidde ayanle_60@hotmail.com Source
-
“Class baan galay waxaan eegayey miisaska iyo kuraasta yaalla waa loox iyo bir la isku xidhay oo la laabay oo ardaygu ku fadhiyo, nijaar waliba wuu samayn karaa, waxa naxdin iyo yaxyex lahaa inay ku qornaayeen Hay’addo inagu caawiyey, kuwo ku qoray magacyadoodii ee ku dhajiyeyna ceebay ku tahay oo waxba inamay siin, inaga waxaas qabsan kari waynay ceebay inagu tahay, “sidaas waxa yidhi madaxweyne Biixi. “Ilmaha ku korey kursigaaga waxa ku samaysay Unicef ama Norway caqligiisu sidee buu noqonayaa soo adoonsigii ku noqon maayo oo isku arki maayo ilmo taagdaran oo kaasi caawinayo, ilmihii yaraa soo isku arki maayo inuu hooseeyo oo ka dibna uu u tahriibo kuwii wadankiisa ku caawinayey miiska, waxaas inaga ku abuurnay inuu u cararo kuwaas looxa u sameeyey inuu ugu tago wadankoodii, inaga hagranay.”ayuu yidhi Biixi. “Kharashka inagaga baxa khilaafeedkeena, qabiilada is laynaya gurmadkooda, kharashka inagaga baxa muranka dhulka ee aynu dadka ku dilno, kharashka inagaga baxa dooda iyo faanka dhexdeena, ka inagaga baxa booliska iyo ka wax boobay soo qabashadiisa waxa uu inoo dhisi lahaa wasaaraada waxbarashada, macaliminta iyo da’yarteena oo dhan mustaqbalkooda, dhibaatada inaga haysata maskaxdeenii baa ku jeedda wax iska celi iska ilaali cid walba ilaa uu jaarkiisa la shaqayn Karin “ Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
-
(SLT-Washington)Kim Jong-un iyo Donald Trump ayaa markii labaad kulmi doona 27-28 bisha FebraayoBishii Maarso 1965, ciidammadii ugu horreeyay ee Ameerikaan ah ayaa waxa ay ka dageen magaalada Danang, ee koonfurta Vietnam, si ay halkaas uga bilaabaan ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee dagaalkii uu dhiigga badan ku daatay ee u dhaxeeyay hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka ee koonfur-bari Aasiya. Ku dhawaad afartan iyo afar sanadood kaddib, isla magaaladaasi ayaa waxa ay martigalinaysaa kulan dhexmari doona cadawgii hore ee Vietnam iyo xulafadii xilligii Dagaalkii Qaboobaa, waa Kuuriyada Waqooyi ee. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu xaqiijiyay in kulankiisa labaad ee uu la yeelayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu 27 iyo 28 Febraayo ka dhici doono dalka Vietnam. Goobta rasmiga ee uu kulankaasi ka dhici doono ayaa noqon doonta laba magaalo un midkood waa Danang ama Hanoi. Maxaa Vietnam lagu doortay? Vietnam oo ay maamulaan shuuciyiin balse dhaqaalaheedu uu hanti-goosadku yahay ayaa haatan waxaa loo arkaa inay saaxiib la tahay Washington iyo Pyongyang. Dalka ayaa waxaa haatan waxaa loo arkaa inuu yahay “goob dhexdhexaad ah” oo buuxin karo dhammaan shuruudaha ay doonayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegayo Carl Thayer, oo khabiir ku ah arrimaha Vietnam oo uu saldhiggiisu yahay Jaamacadda New South Wales, ee dalka Australia. Prof Thayer ayaa waxa uu u sheegay in “Doorashada Vietnam loo doortay inay martigaliso kulanka labaad ee Trump iyo Kim ma ahan oo kaliya mid xulasho un ku timid.” “Vietnam waxaa loo doortay in dhab ahaantii dhammaan dhinacyadu ay ku kalsoon yihiin awoodda ay u leedahay inay sugto ammaanka kulankaasi. Dhammaan dhinacyaduna waxa ay rumaysan yihiin in Vietnam ay tahay goob dhexdhexaad ah.” Waa maxay sababta Kim uu u ogolaadayVietnam? Kim ayaa Vietnam waxa uu ku tegayaa duulimaad ammaan ah oo uu ku dulmarayo Shiinaha. Labadaasi dalba waxa ay ka mid yihiin dalalka kooban ee uu xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Pyongyang. Prof Thayer ayaa waxa uu sheegayaa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u arko booqashadiisa ugu horraysa ee Vietnam fursad uu “ku muujin karo in Kuuriyada Waqooyi aanay go’doonsanayn”. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu darsay habka horumarka ee Vietnam safarkiisana waxaa suuragal ah in Kim uu ka helo fursad uu indhihiisa ugu arki karo isbadelka dalkaasi ka socda. “Taariikhda Vietnam ee dagaalkii ay la gashay Mareykanka iyo dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dalkaasi, iyo wadaxaajoodka heshiisyo ganacsiga xorta ah, iwm., ayaa ah wax uu danaynayo maamulka Kuuriyada Waqooyi,” Prof Thayer ayaa yiri. Le Hong Hiep, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Vietnam oo ka howlgala Mac-hadka ISEAS-Yusof Ishak ee Singapore, ayaa waxa uu u sheegay wakaaladda wararka AFP: “(Kim) waxa uu jeclaan lahaa inuu indhihiisa ku arko xaaladda Vietnam. Taasna waxa ay u noqon kartaa hididiilo iyo marjac uu ku qaabayn karo habka uu horay ugu wadi karo Kuuriyada Waqooyi.” Waa maxay sababta Trump uu u ogolaaday Vietnam? Haddii Kim uu dhiirigelin ka helo guusha dhaqaalaha ee Vietnam, haddaba taasi ayaa waxaa suuragal ah in noqoto mid u soo jiidda Washington. Tan iyo wixii ka dembeyay isbedeladdii dhaqaale ee loogu magac daray Doi Moi ee sanadkii 1986 ee looga gol lahaa in la asaaso suuq bulshada diiradda lagu saarayo, ayaa Vietnam waxay ka mid noqotay mid ka mid ah dalalka qaarada Aasiya ee uu dhaqaalahooda sida xowliga ah sare u kobcayo. Xilli uu booqasho ku tegay dalka Vietnam sanadkii hore, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Mike Pompeo, waxaa uu sheegay in haddii Kim uu si wanaagsan u isticmaalo fursadda uu haysto uu mucjiso ka dhigi karo Kuuriyada Waqooyi. Trump waxaa uu booqday dalka Vietnam sanadkii 2017 markii dalkaas uu marti galiyay shirka dhaqaalaha ee dalalka Asia-Pacific-gga (APEC), Prof Thayer waxaa uu sheegay in Vietnam ay isu aragto goob labada dhinac ay kalsooni ku qabaan. Waxaa uu intaasi ku daray: ”Mareykanka waxaa uu garwaqsan yahay taabagelinta mudada dheer ee Vietnam ee ay ku xakamaysay hubka wax gumaada, iyo taageerada haatan ay ka gaysatay fulinta cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi. Shirka taarikhiiga ee Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli dalka uu diyaar u yahay in uu soo bandhigo kartidiisa diblomaasiyadeed iyo in ay ka go’an tahay in uu soo jiito maalgashiga dibedda. Ku dhawaaqista kaddib, xafiiska Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed ayaa soo dhaweeyay madasha shirka ee loo doortay Vietnam. ” Vietnam ayaa mar hub kala soo horjeeday Mareykanka, balse maanta waa saaxiibo,” wakaalada wararka ee Yonhap ayaa soo xigatay Afhayeen Kim Eui-kyeom oo sidaasi leh. ”Waxaan ku rajo weynahay in Vietnam ay noqon doonto meel u wanaagsan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi si taarikh cusub loo sameeyo.” Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Khayre ayaa sheegay inay dowladu ka go’an tahay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019. Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uliyiinta uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka ayaa ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan. The post RW Khayre oo ballan-qaaday dhamaystirka Dastuurka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Balcad (SMN) – Guddiga amniga ee degmada Balcad ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta degmadaasi ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan taliyaasha hay’addaha amaanka. G/Dhexe Xuseen Macalin Cabdulle, taliyaha booliska degmada Balcad, ayaa shaaciyay in laysla meel-dhigay inaan hub lagu dhex-qaadan gudaha degmada. Amniga degmada Balcad ayuu xusay inuu yahay mid laysku haleyn karo waqti xaadirkaan, islamarkaana aanu jirin baqdin arrinkaasi ku aadan. Dhinaca kale, Qaasim Cali Nuur, gudoomiyaha degmada Balcad, ayaa cod dheer ku dalbaday inaan la buun-buunin shaqaaqo dhowaan ka dhacday halkaasi. Ugu dambeyntii, Gudoomiye Qaasim ayaa balanqaaday inay gacan bir ku qaban doonan qofkii lagu arko isaga oo Hub ku dhex-wata gudaha degmada. Dhowaan ayay ahayd markii iska hor-imaad uu degmada Balcad ku dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka, inkasta oo xaalada ay haatan degan tahay. The post Amaro kasoo baxay kulan looga hadlay amniga Balcad appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo Liiskii isku shaandhaynta cusub ee xukuumaddiisa oo muddooyinkii dambe oo dhan la hadal hayay iyada oo xogo arrintan la xidhiidhaa noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu dhammays tiray oo ku dhawaaqayo wax ka baddal uu ku sameeyo Golihiisa xukuumadda. Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska FOORE xalay soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saarayo Liis muddoba Miiska u saarnaa oo ah isku shaaandhayn cusub oo uu ku sameeyo xukuumaddiisa taasi oo muddoba hadal haynteedu badnayd balse muddooyinkan damba yara shiiqday waxaanay wararkii ugu dambeeyey ee arrinkan xalay naga soo gaadhay tibaaxayaan in uu maanta ama maalmaha dhaw ee innagu soo aaddan Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono isku shaandhayn la filayo in ay ka dhumuc roonaato isku shaandhaymo hore oo aad u koobnaa oo Madaxweynuhu Golihiisa xukuumadda ku sameeyey dhawr jeer oo hore. Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo muddoba saluug weyn ka muujin jiray tayada xubnaha Madaxweynuhu u xushay xukuumaddiisa ayaa waxa ay ka dhur sugayaan bal markan waxa uu Madaxweynuhu la shir yimaaddo iyo in uu ugu yaraan xukuumaddiisa ku soo daro xubno miisaan culus oo saamayn ku yeesha xaaladda waxqabad ee xukuumaddiisa oo si weyn shacabku u dhaliilaan wax badan oo is baddal madaxweynaha laga filayayna aanay ka hayn. Soo shaac bixidda arrintani waxa ay saamayn weyn ku yeelatay xubno badan oo xukuumadda ka mid ah gaar ahaan Golaha Wasiirrada kuwaasi oo quuddaraynaya in ay ka badbaadaan seefta Madaxweynaha halka in badan oo siyaasiyiin iyo xil doon ah oo CV-yadoodu Madaxtooyada yaallaan rajo ka qabaan in ay ku soo baxaan liiska uu Madaxweynuhu cugan doono. Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka. Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas. “Caddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.” Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo. Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hay’adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta. Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay hore ugu soo shaqeeyeen. “Marka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.” Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu hay’adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah. The post MD Farmaajo oo soo xiray shir sanadeedka Garsoorka dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay shirka shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada London, kaasi oo lagu iibinayo xirmooyin ka mid ah kuwa shidaalka Soomaaliya. Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa sheegay “wax walba oo kasoo baxay shirkaas waa xaaraan, mana aqbali doonno” Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Al-Shabaab, ayaa shaaca ka qaaday inaysan marnaba suurta-gali doonin in go’aannada kasoo baxa shirkaasi laga dhaqan geliyo gudaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Waxa u sheegay in uu ugu baaqayo in shirkadaha doonaya inay soo qaataan qandaraaska shidaalka Soomaaliya ay ku waana-qaataan dilkii Paul Anthony Formosa ee dekedda Boosaaso. “Haddii aydaan ka waan toobin boobka kheyraadka Soomaaliya, waxaad ku dambeyn doontaan sidiisa oo kale” ayuu yiri Cali Dheere. Shirkan ayaa waxaa horey u cambaareeyey siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradsan xukuumadda hadda haysa talada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku taxan website-keena ku xiran, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhegeyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-07022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Lughayah)-Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Lughayah ee gobolka Awdal ayaa waxa ay ka hadleen xaalad maalmihii ugu dambayay ka taagnayd deegaanadooda, waxa ay wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland waxa ay ku eedeeyay inay isku hubaynayo laba beelood iyaga oo farriin u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Popular Contributors