-
Content Count
207,362 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-090219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen howlgaladii ugu badnaa abid, iyaga oo xabsiga dhigay dad badan oo laga qabtay magaalada. Ciidamada amaanka ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay baaritaano ay xaafadaha magaalada kaga baadi goobayaan shaqsiyaad xiriir la leh weerarkii lagu dilay maareeyihii dekada Boosaaso ee Shirkada hoostagta Dp World. Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan sida loosoo abaabulay dilkii Paul Farmoso oo lagu dilay agagaara dekada Boosaaso, maadaama ruuxii dilay uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada Boosaaso la dhigay boqolaal dhalinyaro u badan, kuwaasi oo badankood laga qabtay xaafadda lagu tuhmayo inuu maalmo joogay ruuxii toogashada ka geystay dekada Boosaaso. Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana goobaha ugu badan ee roondada ay ka sameynayaan ciidamada kamid ah xaafadaha u dhow Dekada magaalada. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa gaaray magaalada Boosaaso, isagoona hawlgalo dhanka amaanka ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi xili dagaalo ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Horta waxan idin waydiiyay. Qofka Bariga Burco ah amma Waqooyiga Hargaysa ah haddii uu Muqdisho iyo Soomaaliwayn noqdo ma waysajabo miyaa… ..? Ma Dastuurka Shankaroon Land ayaa sidaa qoraaya waayaabe??Afna daayo Mr Waxaro Raac ammarka illahay isagaaba lacag ka soo dhacay Soomaliya oo xil ka soo qabtay Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud hadana Dadkale ayuu ku leeyahay Kuwaasi Soomaliya ayay la haystaan. Qudhunkii Ololahii Doorashada ayuu run mooday oo wali wax ku rabaa. Nacasnimo ka wayn garan maayo qof Wuxuu yahay Cid kale ku maaga.. Mise Soomaliwayn cid qudha ayay qabataa.. Nocan Oo kale ayaa a Ummadda kala dilaaya… Madaxweyne Muuse Biixi waa inuu Nocan xarumaha Dawladda ka mabnuuca haduu midaynta Bulshada daacad ka yahay!!.. Muniir Axmed Cigaal Tusan Qaran News
-
BULSHO BILAA SAMIR AH Waxa hada dhamaaday oon si Live ah u daawanayay barnaamajkii Falanqaynya miisaaniyasa ee 2019 ee Inspire Group soo diyaarisay oo wasiirka maliyada mudane Sacad Cali Shere suaalo lagu way diinayay. Jawaabtii iigu layaabka badnay waxay ahayd wasiirka oo yidhi, Maaliyada waxa maamula madaxtooyada hadii hada ay igu yidhaah daan dhamaan meeshaa ku shub waan ku shubayaa. Mida labaad bulshadeenu samir malaha %80 dadkii madasha joogay ee su-aalaha way diinayay way dareereen intaanuu barnaamijku dhamaan afar saf oo midkiiba ay fadhiyeen 10 qof iyo ka badan waxa ka soo hadhay Ismaaciil Ubax oo kaliya. Sidaa aynu bilaa samirka u nahay ayay xildhibaanada aynu dooranay bilaa samir uyihiin, Duuduubkaa aad ku dareer teen duuduub lamida ah ayuu Baarlamaan kuna ku ansixiyaan. Waxaynu nahay BULSHO BILAA SAMIR AH. Amb:Axmed Safiina Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa si adag kaga hadlay dhaliilaha loo jeediyay shirkii Shidaalka London ee maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay. Wuxuu ugu horeyn sheegay in arrimaha shidaalka Soomaaliya iyo baaritaanada lagu sameynayo inaysan mar dhow soo bilaaban, oo xitaa dowladii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa wax ka ogeyd. Sidoo kale Cali Geedi ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheikh Maxamuud ay wax badan oo weyn ay ka qabatay sahminta Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkii London uusan aheyn Xaraash Shidaalka lagu sameynayo. “In arinta shidaalka in la siyaasideeyo waan ka xumahay, waxaana is leeyahay dadka banaanbaxa dhigayay xog fiican ma hayaan, haddii ay xogta aanhayo oo kale ay heli lahaayeen, banaanbaxaa ma dhaceen, xaq ayayna u lahaayeen inay ogaadaan intii si qaldan wax loogu sheegi lahaa”. “Waxaa la Xaraashaa waxaan micno laheyn, waxaan ka xumahay masuuliyiin taqaana xogta Shidaalkeena oo waliba dowladii Farmaajo ka horeeyay kana soo shaqeeyay shidaalkaan iyo arimihii inay siyaasadeeyaan Shirkii London” “Masuuliyiinta Siyaasiyiinta ah way kasoo horjeesan karaan dowladda Farmaajo ee ma ahan inay siyaasadooda ku dabaqaan waxaan jirin, waana laga taba tagayaa oo Soomaalida waxay tiraahdaa Beeni Raad Ma leh” “Waxa London ka dhacayna Xaraash maaha ee waa Bandhig Daraasad muddo la sameynayay ku saabsan, waxaana ku xiga in sharciga Shidaalka ee yaala baarlamaanka la ansixiyo kadibna la gudo galo howlaha”ayuu yiri Cali Geedi. Hoos ka dhageyso codka Cali Geedi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Pro-Cali-Maxamed-Geedi-Raiisul-Wasaarihii-hore-ee-Soomaaliya-ayaa-u-jawaabay.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Amnesty oo Imaaraatka Carabta ku eedeeysay inay hubeeyeen maleeshiyaad ku sugan…… Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International. Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaadhida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan lala xisbaatamin oo lagu eedeeyay inay dalkaa ka geysteen dambiyo dagaal. Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen. Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu ka soo dhoofsado Mareykanka. Dhawaan, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baadhayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale. Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Markab siday sokor dhan 40,000 oo Tan oo loo diiday in uu kudejiyo Sokortaas dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018, ayaa todobaadkan kusoo xirtay dekedda Muqdisho isaga oo dejinaya Sokortii ay Kenya amartay in lagu celiyo waddanka Brazil oo ay Sokortu asal ahaan katimid. Amarka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya (Kenya Bureau of Standards (Kebs) uu diiday in Sokortaasi gasho Kenya sabab la xiriirta dhinaca tayada iyo Bedqabka tayada oo liitay. Xafiiska ayaa kuwargeliyey shirkadda Darasa Investment Limited in ay dib u celiso Markabka sida Sokorta islamarkaana ay aan lagu dejin Karin Dekedda Mombasa. Hay’ado kala duwan oo ay kamid yihiin maamulka canshuuraha Kenya, Maamulka dekedaha Kenya, ciidanka Badda ee Kenya iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya ayaa isku raacay in Sokortani aanay tayo iyo bedqab ahaanba geli Karin Kenya. Markabka MV Iron Lady ayaa ka goostay dekedda Mombasa ee Kenya kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya uu qaatay go’aanka Sokorta dib loogu celinaya Brazil, balse xiriir dhexmaray ganacsatada iska leh sokortan iyo siyaasiyiin kusugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokorta laga dejiyo Muqdisho. Ilo ku dhow dekedda Muqdisho ayaa sheegay in markabku kusoo xirtay dekedda Muqdisho kaddib markii loo diiday in uu Sokorta ku dejiyo dekadda Momobasa, waxa ay ilahan xaqiijiyeen in dejinta Sokorta uu sido Markabkaasi ay ka billaabay dekedda Muqdisho, waxaana suuragal ah in Sokortani ay gasho Suuqyada haddii ay ganacsatada wadataa ku guuleystaan in ay maraan hay’adda hubinta tayada ee dekedda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The United States military says targeted airstrikes against suspected extremists in Somalia have killed 15 fighters. A U.S. Africa Command statement says the airstrikes occurred in the vicinity of Gandarshe, Lower Shabelle region, on Wednesday and in the vicinity of Bariire in the same region on Thursday. The airstrikes killed 11 and four people, respectively, after Somali troops engaged the extremists. The statement says no civilians were harmed. These are the latest in a dramatic uptick in U.S. airstrikes in the Horn of Africa nation since President Donald Trump took office. The al-Qaida-affiliated al-Shabab extremist group once controlled large swathes of Somalia. African Union forces have succeeded in pushing it from major cities. Al-Shabab, the deadliest Islamic extremist group in Africa, continues with attacks in Somalia and neighboring Kenya. The post US military carries out two airstrikes in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargaysa) Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey tartanka orodka dheer oo maanta lagu qabtay garoonka Hargeysa Stadium ayaa sheegay in mucaaridku neceb yahay guulaha uu dalku gaadho, waxaanu yidhi “Waad maqlayseenoo xisbiyada qaarkood ayaa lahaa somaliland tartan noocan ah laguma qaban karo, waana qaar neceb guusha somaliland.” Wasiir Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Balse miyaan lagu qaban oo aynaan u taagnayn oo aanay inagala soo qayb galin dadkaas ajaanibka ah ee ka socda dalalka ugu waaweyn yurub iyo wadamada jaarkeena ee Djibouti Iyo Itoobiya inagala soo qayb galin, hore ayeynu u soconaynaa ee ninkii dib u soconayaa isaga ayey jirtaa.” Source
-
Qaran News
-
Sidii loo gaasiray Siciid Cali Giir ayaa Cali Sandullena loo gabay: Siciid Cali Giir waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horaysay ee faro ku tiriska ahaa ee gartay inuu u gaylamo gobanimaddii Somaliland qaadatay 26ka June 1960kii ee ay Hataqda ku tureen 33 Mudane Baarlamaan ee indhaha la’aa ee Somaliland lahayd. kuwaasi oo aan wax fikrad ah ka haysan go’aankii siyaasadeed ee burburiyay dadka reer Somaliland ilaa maantana halkii ka sii socda, iyadoo ay xilligaa ka soo wareegtay lixdan sano ku dhawaad taasi oo aanay xataa muuqan sidii ay ku soo afjarmi lahayd. Halagaa ka yimi go’aan qaadasho qaldanayd oo ay horseed ka ahaayeen 33 Mudane Baarlamaan, inay Italian Somalia U siiyeen in go’aan siyaasadeed kasta oo ay qaadato Italian Somalia ay Somaliland u daba Fadhiisanayso. Waayo waxaa ay shaanbadda ugu dhufteen go’aankii siyaasadeed ee dadka Reer Somaliland inay masuul ka yihiin qaybtii uu Taliyaanigu gumaysanayay taasi oo la macno ah in go’aan siyaasadeed oo kasta oo ay muqdisho gaadhaa aanay Hargaysa iyo Somaliland wax talo ah ku lahaan. Taasi oo aan taariikhda Adduunka meel kale ka dhicin Somaliland mooyee. Bishii December 1961, waxaa arrinkaa diiday oo ka soo horjeedsaday koox Saraakiil ah Oo uu hogaaminayay Alle ha u naxariisto ee Xasan-kayd Cabdulle Walanwal oo dabcan Siciid iyo rag kaleba ka mid ahaayeen. Sidoo kale waxa ka mid ahaa Maxamed Siciid Caabbi oo ahaa Xiddiglihii kaliya ee ku geeriyooday horseedkii lagu soo dabaalayay in gobanimaddii Hataqda ay ku tureen 33 Mudane ee bilaa aragtida ahaa, Kuwaasi oo aan garanayn go’aankii qaldanaa ee ay qaateen iyo dhaxalka uu reebi doono. Siciid iyo Jaallayaashiisii kula bohoobay inay dib ugu soo celiyaan gacanta dadka reer Somaliland gobanimaddii ay sida qaldan ugu gacan galiyeen Maafiyaddii Taliyaanigu gumaysan Jiray,taasi oo aanay Xasan kayd, Siciid Cali Giir, Maxamed Siciid Caabbi iyo Jaallayaashood aanay ku guulaysan inay dib ugu soo dabaalaan gacanta dadka reer Somaliland. Laakiin waxa ay guteen xil qaran oo saarnaa. Mudaddii lala soo noqday gobanimaddii luntay oo ku beegnayd 1991 kii waxa uu Siciid mar kale ka mid noqday horseedka baadigoobkeedii oo uu ka mid noqday SNM oo burbur badan ka dib ku guulaysatay in la soo dabaalo gobanimaddii mar kale. Dabcan Siciid labo Jeer ayuu ka qayb qaatay halgankaa lagu guryo keenayay xornimadii Somaliland. Cidna se uma abaal gudin cidda kaliya ee wax ka tidhi ama xataa wax ka qortay uu yahay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, cid kale oo soo hadal qaaday oo aan ogahay ma jirto. Sida dad looga qaateen ah ii sheegeen, Siciid mudo dheer ayuu ku dacdaraysnaa Hargaysa oo aan cid xaalaysa maamuladdii kala duwanaa, aanay jirin. Taasina waxay ku tusaysaa sida dadka reer Somaliland ay caanka ugu yihiin inay u darnaadaan inta Abaalka ku leh ee wax tar qaran gaysatay. Aakhirkiina uu ka dhuyaalay Isagoo u dhalandhoolay magaaladda Laas-caanood ee barriga Somaliland oo uu ka soo jeeday, halkaas ayaana uu ku geeriyooday. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo. Abaalkaana waa laga sugayaa wali dadka reer Somaliland ee uu u gaylamay labo jeer aanse gudin Dawlad iyo Dadwayne toona. Cali Sandulle oo ay kala xilli ahaayeen ayaa isna sidaa si la mida wax badan u qabtay nabad ku soo dabaalistii gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland. Isna maanta ayuu Sariir yaal ku yahay Hargaysa, dawlad iyo dadwayne toona cid wax tartay ma jirto. Tanina mar kale waxay ku tusaysaa sida taariikhdu isku qorto iyo abaal la’aanta dadka reer Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan dawlada oo aan doorkeedii dawladnimo aan marna ciyaarin haddii ay noqon lahayd Siciid Cali Giir shalay iyo maanta Cali Sandulle midna. Waxaan jecelahay in aan maqaalkan fariin u sii mariyo madax-waynaha Somaliland ee maanta Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo aan filayo inaanu wax badan ka tari doonin inuu Cali Sandulle u qabto wax la taaban karo oo ah abaalkii uu dalka ku lahaa wax uga celiyo, loona diro Dhakhtar dibadeed oo caafimaadkiisa lagu baanto. Haddii kale waxa ay noqonaysaa in gayiga Somaliland yahay gayigii abaal ka darka taasi oo aan kor ku soo xusay siddii Siciid Cali Giir loo galay loona dafiray abaalkiisii uu gaystay Qarni badhkii ka hor waana halkii uu Salaan Carrabey ka lahaa Xaashe nin libin kaa xistiyay, xumihii waa yaab. Waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero Maqaalkaygan haddii waxba loo qaban waayo Cali Sanduule maanata, sidii loo gaasiray Siciid Cali Giir ayaa Calli Sandullena loo gabay. Waxa qoray: Cabdi Muhumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
-
Shirka London Ee Shidaalku Waa Riwaayad Shirkadaha Ajnabi Loo Dhigayo Maalmahan dambe waxaa London ku shireyey shirkado ay isugu soo yeedhay, Shirkadda la yidhaahdo Schlumberger oo laga leeyahay dalka Fransiiska. Shirkaa London lagu qabanayo waxaa nacam lagu xaraashayaa dhulka Geeska Afrika ee macdanta shidaalka batroolka iyo gaaska. Waxaa isagu imanaya abkay dilaal oo dhan. Shirkadaha laga xaraashayo dhulkan badaan ma oga in dadka ka socda maamulka taagtadaran ee Muqdisho lagu ilaaliyo in aanu awood iyo tamar u laheyn inuu balanqaadka qandaraasyada ay isleeyehiin fuliya. Dhulkan ay lacagta kaga gurinayaan shirkadahan ajnabi ma maamulaan, ma gaadhi karaa, looma ogala in ay cag soo saaraan, ma difaaci karaan. Markaa waxaa laga iibinayaa waraaq madhan. Waa “Scam”. Waxaa la odhan jiray dalka Nijeeriya ayaa laga soo bilaabaa “international scam”, tuugnimadda caalamaga. Reer Nijeeriya xaal ha qaataan, oo raali ha noqdaa, Muqdishaa bikh ka dhigtay. Lugooyadan lagu sameynayo shirkadahan ajnabi ee lacagta laga fur-furanayo, iyo heshiisiyo bilaa micna ahi, waa arrin cajiib ah. Shirkadan Schlumberger waxay badaan ka xoogsataa wadamaddii hore uga tirsanaa dalkii la odhan jiray Midowga Soofiyeeti, sida Azerbaijan,Turkminstan, Uzbekistan, Krgysztan, Tajikstan, iyo kuwa kale. Waa meelo halis ah, lakiinse, mid bay Muqdisho ku dhaamaan. Wadamaddaasu dhulkay xaraashaan iyagaa maamula! Waxaa immika la sheegay in shirkaddo Shiine ah lagu siiyey qandaraas dhaamaan kalluumaysiga badaha dalkii la odhan jiray , Somali Republic, oo namac xitaa Somaliland ku jirto. Waar nimanyahow riwaayadaas oo kale ma aragteen? Marka hore, Somaliland waxay leedahay Ciidanka Badda oo eryaya wixii aan fasax ka haysayn Hargeysa, lakiinse maamul gobolleedka Soomaaliya ku jira, sidii caadiga u ahayd uun bay budhcad baddeedkii la soo bixi. Maxaa Shiinaha sidaa loogu lugoonayaa? Shiinuhu waa dad waligood wixii la odhan jiray Somali Republic caawin jiray. Ilaa iyo maanta Somaliland iyo Soomaaliya way caawiyaan. Meelna weligood inoogamay dhicin. Bad iyo xeebo aanad shuqul ku lahayn, awoodi iyo tamar aad ku maamushid aanad hayn, maxaad waddamo kale ugu saxeexasaa? Waa tuugnimmo iyo axmaqnimmo. Waa taagdaro iyo talo xumo. Waa nacasimmo iyo dulmi. Haddaba Shirkan London suudhadhka cusub loo soo xidhay, ee shirkadahan riwaayada iyo beenta loo dhisayo, waa wax wakhtigan dambe Muqdisho laga dhigay baa’yacmushtar caadi ah. Dad baa takhsuus ku gaadhay ilaa iyo Ph.d. Xagan Waqooyiga Mareykanka waxaa jira riwaayad iyo film la yidhaahdo, “Glengarry Glen Ross”. Wuxuu ka sheekaynayaan niman xafiis fadhiya oo telefoon u diray dad u badan kuwa da’ ah. Waxay nimankaasu iibinayaa dhul lama dagaan ah u ku yaal Florida iyo Arizona. Sheeko macaan iyo hadal macaan bay lacagta kaga qaadayaan dadkaa. Waa sheekada Muqdisho ka socota. Cajiib. Qaran News
-
Ilo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya, in liiska golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland lagu dhawaaqi doono, Axadda oo ku beegan 10 bishaan Febraayo 2019. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu soo dhisay xukuumad kooban, kadib la tashiyo badan oo uu la sameeyay dhinacyada ay khusayso, islamarkaana uu ku dhawaaqi doono 10-ka bishan ee ku beegan Axad. Madaxweynaha ayaa hore golaha wakiilada u weydiistay, mudda kordhin 14 cisho ah, si uu u soo magacaabo xukuumaddiisa cusub, waxaana wakhtigii loogu daray haatan ka harsan 3 maalmood oo keliyah. Xog sii badan lagama hayo, xukuumadda cusub ee uu magacaabayo mudane Deni, sida tirada wasiiirada, wasiiro-ku xigeennada iyo wasiiro-dowlayaasha. Hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in xukuumadda cusub ay koobantahay, marka loo eego xukuumaddii ka horraysay ee madaxweyne Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Puntland: Goorma lagu dhawaaqaya wasiirada cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hanaanka loo maro dalacsiinta saraakiisha Ciidamada oo mararka qaar dhaliilo waaweyn laga keeno. Farmaajo waxa uu sheegay inay horay u jirtay in xilliyada qaar xildhibaano ka faa’iideysanaya xaalada adag ee siyaasadeed ee markaas taagan in ay keensadaan askarta iyo saraakiisha ay rabaan in darajooyin loo xiro, si ay culeska siyaasadeed u yareeyaan. Waxa uu intaasi raaciyay in mararka qaar la arkayo nin shalay ahaa xidigle, isla markaana leh xildhibaan firfircoon uu maanta yahay sarkaal weyn oo la dalacsiiyay. Waxa uu soo hadal qaaday in saraakiisha iyo ciidamada aysan kala amar qaadan mararka qaarkood, taasina ay ku dhacdo in saraakiisha sifo sharci darro ah looga sare mariyo askartooda, taasina ay keento in sarakiishu aysan amarada qaadan. Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay taasi ka gudubtay, isla markaana albaabada laga xirtay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada doonaya inay fursada siyaasadeed uga faa’iideystaan in askar ay wataan loo dalacsiiyo. Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha Soomaaliya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-farmaajo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Todobada Febaraayo 2019 waxaa magaalada London ka furmay shir lagu daah faruyo sahan laga sameeyey badweynta Hindiya ee ku dhereran Soomaaliya, sahankaas oo ku saabsan in la heli karo xogo ku aadan khayraadka shidaal ee ku jira. Shirkaan dhinaca dawladda Soomaaliya waxaa uga qayb gelaya wafti heerkiisu wasiir uusan gaarsiisnayn, taasina waxay cadaynaysaa in ay tahay waxa meesha ka dhacayaa xog is waydaarsi ee aysan jirin qandaraasyo la kala qaadanayo. Hawshaan baarista shidaalka badda Soomaaliya waxay soo bilaamatay sanadkii 2015 oo uu madaxweyne ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ahaa hawl soo socotay, siina socon doonta. Shirkaan London macno ahaan dalka Soomaaliya wuxuu u leedahay arrin saamayn kale leh, sanado badan oo la soo dhaafay waxaa laga hadlayey gaajo, tahriib, budhcad badeed, argagixiso iyo musuq maasuq, maantase waxa fagaaraha yaal waa wax ka duwan taas oo ah in khayraad dihin oo aan weli la daah furin xogtiisa la soo gudbinayo, waana arrin xiiso gaar ah leh. Intii burburka Soomaaliya ku jirtay heshiiska ugu khatarta badnaa ee dawlad Soomaaliyeed gashay wuxuu ahaa heshiiskii isfahamka badda ee wadanka Kenya ay la gashay dawladdii jirtay xilligii Sheekh Shariif, uuna qalinka ku duugay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo markaas ahaa wasiirka qorshaynta, haddana ah murashax u tartamaya xilka madaxweyne nimada Soomaaliya 2020. Heshiiskaasi wuxuu muran geliyey dhul aan weligii la is oran muran ayuu geli karaa oo ah dhul badeedka koonfureed ee Soomaaliya. Shirkaan London waa wax gudaha Soomaaliya ku saabsan, waxaa horay 1980maadkii dawladdii Maxamed Siyaad la gashay heshiisyo shidaal baaris shirkado Maraykan ah, shirkadahaas oo qandaraasyadoodu ahayeen sanado, welina heshiisyadaasi waa taagan yihiin, wixii sahankan cusub ka soo baxana waxay noqonayaan kuwo maraya qaababkii loo galay heshiisyadaas. Siyaasiyiinta iyo buunbuunita shirka London Waxaa jirta maahmaah oranaysay “Haddaa fadhiid tahay, qofkii soconaya waa cadowgaa” taasoo macnaheedu yahay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed markasta ay yihiin kuwo caraysan oo raadinaya in wax kastaa isbedelaan, haddii aysan iyagu ahayn kuwa dheriga lafta kala baxaya ay taas ka jecel yihiin in maraqu daato. Maanta shirka London dadka ugu badan ee ka qaylinayaa waa xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ahaa kan bixiyey qandaraasyadii sahamiska ay ka soo baxday xogta maanta la soo bandhigayo, baroortu marka orgiga ka weyn ayaa maqli jiray. Doodaha saxda ah ee dadka Soomaaliyeed ay wada rabaan waa in aan heshiis la gelin iyadoo weli hanaankii sharciyadeed iyo amaankii dalku uu yahay mid burbursan, waana wax u bahan xoog iyo dadaal dheeraad ah, hindisayaasha iyo shirarka ku aadan khayraadka ee hadda socdaa waa kuwo iyana qaadanaya sanooyin badan, waxayna weli u bahan tahay wada xaajoodyo dheeraad ah oo gudaha Soomaalida ay wax badan isula fahmaan, dawladduse waxay masuul ka tahay inay wixii go’aamo masiiro ah ay iyadu gaarto, go’aamadaasi haddii ay sax ahaayeen iyo haddii ay khalad ahaadaanba waa kuwo lagula xisaabtamo, sida heshiisyadii horeba ilaa hadda aysan u duugmin eedoodu. Bulshada Soomaaliyeed iyo habka ay xogaha u aaminaan? Runtu marka la qeexayo dhowr nooc ayaa lagu sifeeyaa, ma waxaa run ah waxa la arko ee la taaban karo, mise waxaa run ah wixii qof aad ku kalsoon tahay kuu sheego, qofkaad ku kalsoon tahay waa qof noocee aad ugu kalsoon tahay? Ogaanshaha dhinacyadaani waxay qofka siiyaan inuu go’aan xaqiiq ah ka gaaro waxa qof dan gaar ah lihi sheego, waxaana dhacda hadal beenba ha ahaadee haddii sheeg sheegiisa la badiyo inuu run u ekaado, waana dhibaatada qalbiga bulshada Soomaaliyeed lagu dhaawaco beentaas faraha badan ee markasta la sheego. Dawladda Soomaaliyeed iyo waxa la gudboon Dawladda waxaa ay u taagan tahay waa gaarista himilooyinka wadanku leeyahay oo ay ugu horeeyaan ka faa’iidaysiga khayraadka wadanka oo ahaa mid aan weli la taaban, hadal hayntiisuna badan tahay. In khayraadka wadanka laga faa’iidaystana waxaa muhiim ah inay dawladdu xoogga saarto qodobadaan soo socda: 1. Waxa shirka London ka soo baxa in si hufan golayaasha dawladda loola wadaago oo aysan marna dhicin in wax la qariyo 2. Dhamaystirka sharciyada khayraadka iyo guddiyada loogu tala galay inay ka shaqeeyaan 3. Dhismaha hanaanka dawladda ee quseeya amaanka dalka iyo shirkadaha ku hawlan soo saarista khayraadka Gunaanadkii waxaan oranayaa: In wax lawada qabsado ayaa ka roon in farqaha la isku dheganaado, dadka siyaasadda hogaanka u ah maanta berry ma joogayaa oo waa baxayaa, kuwo kale ayaana imaan doona, laakiin wadanku baaqi ayuu ahaanayaa, inaan wada hagaajisano ayaana inoo ah dan. W/Q: Maxamed Xasan Maxamed Kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (SMN) – Safaarada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday taageero dhaaraad ah oo ay siinayaa Booliska dowlada federaalka ah ee Somalia. Mas’uul sare oo u hadlay safaarada ayaa shaaciyay inay bixinayaa 8-milyan oo Yuuroo si loogu kabo dadaalada dowladda ee ku aadan tayeenta iyo xoojinta Booliska. “Way naga go’an tahay taageerida Booliska Soomaaliya si wadanka dib u helo xasilooni amni, nabad iyo deganaansho,” ayuu yiri mas’uulka oo u waramay warbaahinta. Booliska Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku socda dib-u-dhis balaaran iyada oo la sheegay inay kamid tahay qorshayaasha waawayn ee madaxda dowlada ay doonayaan in ay fuliyaan sanadkaan. The post Jarmalka oo kordhinaya taageerida Booliska Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Labo sano ayaa kasoo wareegatay markii la doortay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo waxyaabo fara badan ay qabatay dowladiisa mudada uu talada dalka hayo. Dadka danyarta yar ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa kaga mahadceliyay dowlada Madaxwayne Farmaajo kaalinta ay siisay iyo sida ay ugu nugushahay xaaladooda. Hoos ka dhageyso warbixin ku saabsan arrintaan http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Jaamac-Kadiye.mp3 The post Dadka danyarta oo ka mahad-celiyay kaalinta ay siisay DF appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada degmada Yaaqshid, ayaa ka hadlay askari katirsan maamulka degmada oo Khamiistii dil u geystay Wiil Mooto Bajaajle ahaa. Waxa uu sheegay inuu gacanta laamaha amaanka uu ka baxsaday Askariga dilka geystay, balse ay gacanta ku soo dhigeen Askari kale oo uu sheegay inuu fakiyay danbiilaha, Qorigii uu dilka ku geystay ayuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo. Gudoomiye C/Fitaax, ayaa sheegay in laamaha amaanka ay wadaan baaritaano la xiriirta sidii loo soo qaban lahaa, iyadoo Kiiskan uu soo farageliyay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir. Askariga la soo qabtay oo ka tirsan Ciidanka Gaashaan, ayaa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee degmada Yaaqshid, iyadoo maanta la filayo in loo gudbiyo xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo. Ciidamada amaanka, ayaa todobaadkan kaliya dad ku dhow 6 ruux ku toogtay Caasimada, kuwaasoo askartii geysatay badankood ay baxsadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Galkacayo (SMN) – Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayey amaanka guud ee degmada Galkacayo ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay uu ka qabsoomay xarunta gobolka Mudug. Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hogaanka laamaha amaanka maamulkaas ayaa ka qaybgalay kulanka. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo shirka kadib u waramay warbaahinta ayaa fahfaahin ka bixiyay qodobada laysla afgartay. Waxa oo uu sheegay in kulanka ay qayb ka ahaayeen xubno metalayey bulshada rayidka iyo ganacsatada degaanadaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in nabad-gelyada magaalada Galkacayo ay haatan tahay mid laysku haleyn karo. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Galkacayo ayaa kulamo gaar-gaar ah la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug. The post Xaaf oo ka qaybgalay kulan looga hadlay amniga Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-08022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay xaafada Kaawa-Godey ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in dilka oo loo geystay nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaad ay ka dambeeyeen rag ku hubeysan Bastoolado. Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka la dilay uu kamid ahaa ragga baabuurta rara ee loo yaqaano “Kaariga” xili ay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan oo uusan wali ka hadlin maamulka ugu sareeya degmada Dharkenley. Maalmihii u dambeeyay falal noocaan ah ayaa ka dhacayay magaalada Muqdisho, inkasta oo laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyadda. The post Dabley dil ka geystay degmada Dharkeenleey appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors