Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,371
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jigjiga)-Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Jabhadda ONLF waaxay shalay Heshiis ku kala saxeexdeen magaalada Jigjiga oo caasimadda u ah Dowladda Soomaalida Itoobiya. Ciidankii Jabhadda ONLF iyo kuwa Maamulkaasi ayaa la sheegay in la isku dhafay, lana mideeyey, iyadoo Askarta ONLF qeyb ka noqon doonaan Ciiddanka Ammaanka iyo Adeegga Rayidka ee Dowladdasi. Jabhada ONLF oo la asaasay sannadkii 1984-kii waxay u dagalaami jirtey Xorriyadda Dhulka Somali Galbeed ayaa la sheegay inay wada-xaajood la galeen Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed, taasi oo sababtay inay Madaxda iyo Ciiddanka Jabhaddaasi dib ugu soo laabtaan dalka Itoobiya. Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqeymaha cirka ah ee lagu qaado qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka qeyb-galaan hay’ada Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da sida lagu daabacay warbixin ay qortay wargeyska The Natien. Qoraaga warbixintan ku daabacay jariiradan ayaa sheegay in uu wareysiyo ka qaaday illaa 25 ruux oo ka soo barakacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose iyo Sh/Dhexe kadib markii deegaanada ay ku noolaayeen la duqeeyay. Baaritaanka uu sameeyay saxafigan ayaa lagu ogaaday in ay jiraan duqeymo ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koofureed kuwaasoo aysan taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM aysan sheegan inay ka dambeeyeen. Wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn gaareysa 45 ay ka sameeyeen dalka Soomaaliya sanadkii hore ee 2018 halka sanadkii ka sii horeeyay ay duqeyntaasi ahaayeen illaa iyo 35 jeer,halka 14 jeer ay ka ahayd sanadkii 2016. Hase yeeshee waxaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay in ay ka badan tahay 45 jeer duqeyntii sanadkii hore kuwaasoo aysan Africom sheegan inay ka dambeeyeen. Duqeymahaas oo gaarayay illaa saddex jeer ayaa la ogaaday inay ka dhaceen deegaanka Qalimow oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe,deegaan hoostaga degmada Marka iyo duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Ow-Dheegle. Waxaa la tuhmayaa in duqeymahaas ay ka dambeeyeen hay’ada u qaabilsan dalka Maraykanka sirdoonka ee CIA. Duqeymaha lagu tuhmayo CIAda Marykanka ayaa sababay geerida dad rayid ah sida ay u xaqiijiyeen weriyaha warkan baadhitaanka ku sameeyay balse illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Laanta Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da amaba dowlada Soomaaliya. Source
  3. (SLT-Washington)-Waa fekir rajo badan laga qabay oo la aaminsanaa in uu yahay mid leh mustaqbal wanaagsan, balse markii dambe sababay in dadkii ay shaqeysan wayaan. Lacago bilaasha ah oo qof walb ay dowladu siiso qaar kamid ah dadka aan shaqeysan ayaa loogu yeeray dakhliga aas aasiga ah, hasayeeshee tijaabadii ugu horeysay ee Yurub laga sameeyay ayaa la soo afjaray labo sano kadib, sababtoo ah lacagihii bilaashaka ah ayaa la oggaaday in aysan noqon kuwa wax soo kordhiyay. Tijaabadan ayaa waxaa si aan kala sooc laheyn loogu sameeyay laba kun oo qof, kuwaasi oo laga soo xulay dadka baagamuudada ah. Bil walba waxaay qaadanayaan lacago kaash oo aanan laga dooneyn inay soo caddeeyaan inay shaqo doon yihiin, oo haddii xita ay shaqo helaan na aanan laga joojineyn lacagaha ay dowladdu siiso, taasi oo uga sii wanaagsan. Dadkii mashruucan tijaabada sameeyay ayaa waxay shegeen in dadka lacagahan la siiyo aanay ku dhiiran inay shaqeystan, si lamid ah kuwa ceyrta qaata, waxaan jirto rajo ah in dakhliga damaanadda leh uu noolashooda ka dhigaya inay dareemaan noolal wanaagsan. Ka qayb galayaaha mashuurcaan ayaa helaya Afar boqol iyo sagaashan pound bil walba, waxaana qaar badan ay amainsan yihiin in lacagihii la siiyayay aanany ku filneyn oo waxaa jirta rajo ah in dakhliga guud ee aasaasiga ah uu wali yahay habka sameeynta nidaamwaxtar leh oo sidoo kale ah mid fudud oo wax ku ool ah. Balse dowladda Finland ayaa go’aansatay inay nidaamkan ay meesha ka saarto, isla markaana na ay damac san tahay inay cunaqabatayn kusoo rogto kuwa diida shaqooyinka. Source
  4. New York (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al Shabaab. AFRICOM ayaa xustay in duqeymahani oo ahaa 2 ay Arbacadii ka fuliyeen meel u dhow deegaanada Gandarshe iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/ Hoose . Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dadka Rayidka ah ka soo gaaray duqeymahaasi. Horraantii bishani Mareykanka ayaa sidan oo kale shaacisay in 13 ka tirsanaa Al Shabaab ay ku diliyeen agagaarka deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Ciidamada Mareykanka oo gacan siinaya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan duqeymo cirka ah kageysta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 15 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Maanta waxaa madaxtinnimada ururka midowga Afrika la wareegi doona madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, kaas oo muddo sanad ah jagadaasi sii-heyn doona. Hey’adaha xuquuqul insaanka ayaa ka digay in Sisi noqoshadiisa madaxa midowga Afrika ay saameyn ku yeelato arrimaha xuquuqda aadanaha, oo lagu dhaleeceeyo. Shirka Afrika ee sanadkan waxaa xoogga lagu saari-doonaa qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana la digi doonaa tahriibta iyo in dadka laga ganacsado. Shirka waxaa kale oo xoogga lagu saari doonna arrimaha nabad galyada, aragtida Afrika ee 2063 iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay 15 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab kadib labo duqeymo oo ay ka sameeyen Somalia, sida lagu sheegay qoraal kasoo bacay taliska howlgallada Mareykanka ee qaaradda Africa magaciisana loo yaqaano AFRICOM Dagaalyanada ayaa arbacadii iyo khamiistii lagu kala dilay meelo u dhow deegaanada Gendarshe iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM. Ma jiro qof shacab ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeynta sida lagu xusay qoraalka. Mareykanka ayaa ku sheegay duqeymahan kuwo lagu taageerayo howlgalada ka dhanka Al Shabab ee ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ka wadaan Somalia. Puntland Post The post Mareykanka oo sheegay in 15 katiraan Al-Shabaab uu duqeyn ku dilay appeared first on Puntland Post.
  7. Jigjiga (SMN) – Maleeshiyaadkii jabhadda OLNF ayaa lagu soo warramayaa in si rasmi ah loogu daray ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib heshiis shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulkaasi. Ciidamada labada dhinac yaa la’isku dhafay, iyagoona si toos ah uga wada howlgali doonaan halkaasi. ONLF ayaa la aas aasay sanadkii 1984, waxaana u dagaalami jirtay Jabhadani xoreynta dhulka Soomaali Galbeed. Arrintan ayaa qeyb ka ah is bedalo waa weyn oo ka dhacay Itoobiya, markii uu talada dalkaasi la wareegay R/wasaare Abiy Axmed. The post Ciidankii ONLF Oo lagu daray kuwa Soomaalida Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada London kula hadlay boqolaal dadweyne ah, isaga oo kala hadlayay waxqabadka dowladda Soomaaliya. Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyay waxyaabo badan oo dowladda Soomaaliya u qabsoomay, waxaana uu soo hadal qaaday hindise sharciyeedyadii dowladda xukuumadda ay meel marisay. Guuleed ayaa sheegay in 27 hindise Sharciyeed ay meel mariyeen golaha wasiirada labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu xusay in madaxweynaha uu saxiixay labo hindise Sharciyeed oo kaliya. Labada Hindise Sharciyadeed ee madaxweynaha uu ansixiyay ayaa waxay kala yihiin midka Isgaarsiinta dalka iyo midka Naafadda, waxaana kadib su’aalo laga keenay halka ay mareen Hindise shaciyeedyada kale. Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay sababta ilaa iyo hadda madaxweynaha Soomaaliya u saxiixi la’yahay Sharcigii dalka ka mamnuucayay Shirkadda DP World oo baarlamaanka labada aqal ay ansixiyeen. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in labada sano ee dowladda Soomaaliya u harsan ay rajo weyn ka qabaan inay wax ka qabtaan shaqooyin ay ugu horeeyaan Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN) –Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedo oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay soo baxayaan siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo majaxaabinaya horumarka dowladda Soomaaliya. Geedi ayaa xusay in siyaasiyiinta, gaar ahaan kuwa mucaaradka ay arrintan u sameynayaan dano gaar ah iyo hadafyo siyaasadeed oo ay leeyihiin. Waxaana uu ka digay in la niyad jabiyo shacabka Soomaaliyeed oo haatan si weyn ula dhacsan qaabka ay wax u wwado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/COD-DAGANE-1.mp3 The post R/wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka digay in la niyad jabiyo shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-090219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen howlgaladii ugu badnaa abid, iyaga oo xabsiga dhigay dad badan oo laga qabtay magaalada. Ciidamada amaanka ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay baaritaano ay xaafadaha magaalada kaga baadi goobayaan shaqsiyaad xiriir la leh weerarkii lagu dilay maareeyihii dekada Boosaaso ee Shirkada hoostagta Dp World. Waxaa adag in la helo xog dheeri ah oo ku saabsan sida loosoo abaabulay dilkii Paul Farmoso oo lagu dilay agagaara dekada Boosaaso, maadaama ruuxii dilay uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xabsiyada magaalada Boosaaso la dhigay boqolaal dhalinyaro u badan, kuwaasi oo badankood laga qabtay xaafadda lagu tuhmayo inuu maalmo joogay ruuxii toogashada ka geystay dekada Boosaaso. Gaadiidka gaashaaman iyo ciidamo kala duwan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, waxaana goobaha ugu badan ee roondada ay ka sameynayaan ciidamada kamid ah xaafadaha u dhow Dekada magaalada. Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa gaaray magaalada Boosaaso, isagoona hawlgalo dhanka amaanka ah ka bilaabay gudaha magaaladaasi xili dagaalo ay ku dhex mareen deegaano ka tirsan gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. Horta waxan idin waydiiyay. Qofka Bariga Burco ah amma Waqooyiga Hargaysa ah haddii uu Muqdisho iyo Soomaaliwayn noqdo ma waysajabo miyaa… ..? Ma Dastuurka Shankaroon Land ayaa sidaa qoraaya waayaabe??Afna daayo Mr Waxaro Raac ammarka illahay isagaaba lacag ka soo dhacay Soomaliya oo xil ka soo qabtay Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud hadana Dadkale ayuu ku leeyahay Kuwaasi Soomaliya ayay la haystaan. Qudhunkii Ololahii Doorashada ayuu run mooday oo wali wax ku rabaa. Nacasnimo ka wayn garan maayo qof Wuxuu yahay Cid kale ku maaga.. Mise Soomaliwayn cid qudha ayay qabataa.. Nocan Oo kale ayaa a Ummadda kala dilaaya… Madaxweyne Muuse Biixi waa inuu Nocan xarumaha Dawladda ka mabnuuca haduu midaynta Bulshada daacad ka yahay!!.. Muniir Axmed Cigaal Tusan Qaran News
  13. BULSHO BILAA SAMIR AH Waxa hada dhamaaday oon si Live ah u daawanayay barnaamajkii Falanqaynya miisaaniyasa ee 2019 ee Inspire Group soo diyaarisay oo wasiirka maliyada mudane Sacad Cali Shere suaalo lagu way diinayay. Jawaabtii iigu layaabka badnay waxay ahayd wasiirka oo yidhi, Maaliyada waxa maamula madaxtooyada hadii hada ay igu yidhaah daan dhamaan meeshaa ku shub waan ku shubayaa. Mida labaad bulshadeenu samir malaha %80 dadkii madasha joogay ee su-aalaha way diinayay way dareereen intaanuu barnaamijku dhamaan afar saf oo midkiiba ay fadhiyeen 10 qof iyo ka badan waxa ka soo hadhay Ismaaciil Ubax oo kaliya. Sidaa aynu bilaa samirka u nahay ayay xildhibaanada aynu dooranay bilaa samir uyihiin, Duuduubkaa aad ku dareer teen duuduub lamida ah ayuu Baarlamaan kuna ku ansixiyaan. Waxaynu nahay BULSHO BILAA SAMIR AH. Amb:Axmed Safiina Qaran News
  14. Shirkii Kulmiye ee Siilanyo lagu doortay+Doorkii Hadraawi & Ayaan canshuur Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa si adag kaga hadlay dhaliilaha loo jeediyay shirkii Shidaalka London ee maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay. Wuxuu ugu horeyn sheegay in arrimaha shidaalka Soomaaliya iyo baaritaanada lagu sameynayo inaysan mar dhow soo bilaaban, oo xitaa dowladii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa wax ka ogeyd. Sidoo kale Cali Geedi ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheikh Maxamuud ay wax badan oo weyn ay ka qabatay sahminta Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkii London uusan aheyn Xaraash Shidaalka lagu sameynayo. “In arinta shidaalka in la siyaasideeyo waan ka xumahay, waxaana is leeyahay dadka banaanbaxa dhigayay xog fiican ma hayaan, haddii ay xogta aanhayo oo kale ay heli lahaayeen, banaanbaxaa ma dhaceen, xaq ayayna u lahaayeen inay ogaadaan intii si qaldan wax loogu sheegi lahaa”. “Waxaa la Xaraashaa waxaan micno laheyn, waxaan ka xumahay masuuliyiin taqaana xogta Shidaalkeena oo waliba dowladii Farmaajo ka horeeyay kana soo shaqeeyay shidaalkaan iyo arimihii inay siyaasadeeyaan Shirkii London” “Masuuliyiinta Siyaasiyiinta ah way kasoo horjeesan karaan dowladda Farmaajo ee ma ahan inay siyaasadooda ku dabaqaan waxaan jirin, waana laga taba tagayaa oo Soomaalida waxay tiraahdaa Beeni Raad Ma leh” “Waxa London ka dhacayna Xaraash maaha ee waa Bandhig Daraasad muddo la sameynayay ku saabsan, waxaana ku xiga in sharciga Shidaalka ee yaala baarlamaanka la ansixiyo kadibna la gudo galo howlaha”ayuu yiri Cali Geedi. Hoos ka dhageyso codka Cali Geedi https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Pro-Cali-Maxamed-Geedi-Raiisul-Wasaarihii-hore-ee-Soomaaliya-ayaa-u-jawaabay.mp3Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Amnesty oo Imaaraatka Carabta ku eedeeysay inay hubeeyeen maleeshiyaad ku sugan…… Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International. Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaadhida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan lala xisbaatamin oo lagu eedeeyay inay dalkaa ka geysteen dambiyo dagaal. Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen. Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu ka soo dhoofsado Mareykanka. Dhawaan, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baadhayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale. Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Markab siday sokor dhan 40,000 oo Tan oo loo diiday in uu kudejiyo Sokortaas dekedda Mombasa ee dalka Kenya dabayaaqadii sanadkii 2018, ayaa todobaadkan kusoo xirtay dekedda Muqdisho isaga oo dejinaya Sokortii ay Kenya amartay in lagu celiyo waddanka Brazil oo ay Sokortu asal ahaan katimid. Amarka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya (Kenya Bureau of Standards (Kebs) uu diiday in Sokortaasi gasho Kenya sabab la xiriirta dhinaca tayada iyo Bedqabka tayada oo liitay. Xafiiska ayaa kuwargeliyey shirkadda Darasa Investment Limited in ay dib u celiso Markabka sida Sokorta islamarkaana ay aan lagu dejin Karin Dekedda Mombasa. Hay’ado kala duwan oo ay kamid yihiin maamulka canshuuraha Kenya, Maamulka dekedaha Kenya, ciidanka Badda ee Kenya iyo adeegga sirdoonka Qaranka Kenya ayaa isku raacay in Sokortani aanay tayo iyo bedqab ahaanba geli Karin Kenya. Markabka MV Iron Lady ayaa ka goostay dekedda Mombasa ee Kenya kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya uu qaatay go’aanka Sokorta dib loogu celinaya Brazil, balse xiriir dhexmaray ganacsatada iska leh sokortan iyo siyaasiyiin kusugan Muqdisho ayaa fududeeyey in Sokorta laga dejiyo Muqdisho. Ilo ku dhow dekedda Muqdisho ayaa sheegay in markabku kusoo xirtay dekedda Muqdisho kaddib markii loo diiday in uu Sokorta ku dejiyo dekadda Momobasa, waxa ay ilahan xaqiijiyeen in dejinta Sokorta uu sido Markabkaasi ay ka billaabay dekedda Muqdisho, waxaana suuragal ah in Sokortani ay gasho Suuqyada haddii ay ganacsatada wadataa ku guuleystaan in ay maraan hay’adda hubinta tayada ee dekedda Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. The United States military says targeted airstrikes against suspected extremists in Somalia have killed 15 fighters. A U.S. Africa Command statement says the airstrikes occurred in the vicinity of Gandarshe, Lower Shabelle region, on Wednesday and in the vicinity of Bariire in the same region on Thursday. The airstrikes killed 11 and four people, respectively, after Somali troops engaged the extremists. The statement says no civilians were harmed. These are the latest in a dramatic uptick in U.S. airstrikes in the Horn of Africa nation since President Donald Trump took office. The al-Qaida-affiliated al-Shabab extremist group once controlled large swathes of Somalia. African Union forces have succeeded in pushing it from major cities. Al-Shabab, the deadliest Islamic extremist group in Africa, continues with attacks in Somalia and neighboring Kenya. The post US military carries out two airstrikes in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargaysa) Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey tartanka orodka dheer oo maanta lagu qabtay garoonka Hargeysa Stadium ayaa sheegay in mucaaridku neceb yahay guulaha uu dalku gaadho, waxaanu yidhi “Waad maqlayseenoo xisbiyada qaarkood ayaa lahaa somaliland tartan noocan ah laguma qaban karo, waana qaar neceb guusha somaliland.” Wasiir Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Balse miyaan lagu qaban oo aynaan u taagnayn oo aanay inagala soo qayb galin dadkaas ajaanibka ah ee ka socda dalalka ugu waaweyn yurub iyo wadamada jaarkeena ee Djibouti Iyo Itoobiya inagala soo qayb galin, hore ayeynu u soconaynaa ee ninkii dib u soconayaa isaga ayey jirtaa.” Source
  20. Sidii loo gaasiray Siciid Cali Giir ayaa Cali Sandullena loo gabay: Siciid Cali Giir waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horaysay ee faro ku tiriska ahaa ee gartay inuu u gaylamo gobanimaddii Somaliland qaadatay 26ka June 1960kii ee ay Hataqda ku tureen 33 Mudane Baarlamaan ee indhaha la’aa ee Somaliland lahayd. kuwaasi oo aan wax fikrad ah ka haysan go’aankii siyaasadeed ee burburiyay dadka reer Somaliland ilaa maantana halkii ka sii socda, iyadoo ay xilligaa ka soo wareegtay lixdan sano ku dhawaad taasi oo aanay xataa muuqan sidii ay ku soo afjarmi lahayd. Halagaa ka yimi go’aan qaadasho qaldanayd oo ay horseed ka ahaayeen 33 Mudane Baarlamaan, inay Italian Somalia U siiyeen in go’aan siyaasadeed kasta oo ay qaadato Italian Somalia ay Somaliland u daba Fadhiisanayso. Waayo waxaa ay shaanbadda ugu dhufteen go’aankii siyaasadeed ee dadka Reer Somaliland inay masuul ka yihiin qaybtii uu Taliyaanigu gumaysanayay taasi oo la macno ah in go’aan siyaasadeed oo kasta oo ay muqdisho gaadhaa aanay Hargaysa iyo Somaliland wax talo ah ku lahaan. Taasi oo aan taariikhda Adduunka meel kale ka dhicin Somaliland mooyee. Bishii December 1961, waxaa arrinkaa diiday oo ka soo horjeedsaday koox Saraakiil ah Oo uu hogaaminayay Alle ha u naxariisto ee Xasan-kayd Cabdulle Walanwal oo dabcan Siciid iyo rag kaleba ka mid ahaayeen. Sidoo kale waxa ka mid ahaa Maxamed Siciid Caabbi oo ahaa Xiddiglihii kaliya ee ku geeriyooday horseedkii lagu soo dabaalayay in gobanimaddii Hataqda ay ku tureen 33 Mudane ee bilaa aragtida ahaa, Kuwaasi oo aan garanayn go’aankii qaldanaa ee ay qaateen iyo dhaxalka uu reebi doono. Siciid iyo Jaallayaashiisii kula bohoobay inay dib ugu soo celiyaan gacanta dadka reer Somaliland gobanimaddii ay sida qaldan ugu gacan galiyeen Maafiyaddii Taliyaanigu gumaysan Jiray,taasi oo aanay Xasan kayd, Siciid Cali Giir, Maxamed Siciid Caabbi iyo Jaallayaashood aanay ku guulaysan inay dib ugu soo dabaalaan gacanta dadka reer Somaliland. Laakiin waxa ay guteen xil qaran oo saarnaa. Mudaddii lala soo noqday gobanimaddii luntay oo ku beegnayd 1991 kii waxa uu Siciid mar kale ka mid noqday horseedka baadigoobkeedii oo uu ka mid noqday SNM oo burbur badan ka dib ku guulaysatay in la soo dabaalo gobanimaddii mar kale. Dabcan Siciid labo Jeer ayuu ka qayb qaatay halgankaa lagu guryo keenayay xornimadii Somaliland. Cidna se uma abaal gudin cidda kaliya ee wax ka tidhi ama xataa wax ka qortay uu yahay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, cid kale oo soo hadal qaaday oo aan ogahay ma jirto. Sida dad looga qaateen ah ii sheegeen, Siciid mudo dheer ayuu ku dacdaraysnaa Hargaysa oo aan cid xaalaysa maamuladdii kala duwanaa, aanay jirin. Taasina waxay ku tusaysaa sida dadka reer Somaliland ay caanka ugu yihiin inay u darnaadaan inta Abaalka ku leh ee wax tar qaran gaysatay. Aakhirkiina uu ka dhuyaalay Isagoo u dhalandhoolay magaaladda Laas-caanood ee barriga Somaliland oo uu ka soo jeeday, halkaas ayaana uu ku geeriyooday. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo. Abaalkaana waa laga sugayaa wali dadka reer Somaliland ee uu u gaylamay labo jeer aanse gudin Dawlad iyo Dadwayne toona. Cali Sandulle oo ay kala xilli ahaayeen ayaa isna sidaa si la mida wax badan u qabtay nabad ku soo dabaalistii gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland. Isna maanta ayuu Sariir yaal ku yahay Hargaysa, dawlad iyo dadwayne toona cid wax tartay ma jirto. Tanina mar kale waxay ku tusaysaa sida taariikhdu isku qorto iyo abaal la’aanta dadka reer Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan dawlada oo aan doorkeedii dawladnimo aan marna ciyaarin haddii ay noqon lahayd Siciid Cali Giir shalay iyo maanta Cali Sandulle midna. Waxaan jecelahay in aan maqaalkan fariin u sii mariyo madax-waynaha Somaliland ee maanta Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo aan filayo inaanu wax badan ka tari doonin inuu Cali Sandulle u qabto wax la taaban karo oo ah abaalkii uu dalka ku lahaa wax uga celiyo, loona diro Dhakhtar dibadeed oo caafimaadkiisa lagu baanto. Haddii kale waxa ay noqonaysaa in gayiga Somaliland yahay gayigii abaal ka darka taasi oo aan kor ku soo xusay siddii Siciid Cali Giir loo galay loona dafiray abaalkiisii uu gaystay Qarni badhkii ka hor waana halkii uu Salaan Carrabey ka lahaa Xaashe nin libin kaa xistiyay, xumihii waa yaab. Waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero Maqaalkaygan haddii waxba loo qaban waayo Cali Sanduule maanata, sidii loo gaasiray Siciid Cali Giir ayaa Calli Sandullena loo gabay. Waxa qoray: Cabdi Muhumed Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
  21. Shirka London Ee Shidaalku Waa Riwaayad Shirkadaha Ajnabi Loo Dhigayo Maalmahan dambe waxaa London ku shireyey shirkado ay isugu soo yeedhay, Shirkadda la yidhaahdo Schlumberger oo laga leeyahay dalka Fransiiska. Shirkaa London lagu qabanayo waxaa nacam lagu xaraashayaa dhulka Geeska Afrika ee macdanta shidaalka batroolka iyo gaaska. Waxaa isagu imanaya abkay dilaal oo dhan. Shirkadaha laga xaraashayo dhulkan badaan ma oga in dadka ka socda maamulka taagtadaran ee Muqdisho lagu ilaaliyo in aanu awood iyo tamar u laheyn inuu balanqaadka qandaraasyada ay isleeyehiin fuliya. Dhulkan ay lacagta kaga gurinayaan shirkadahan ajnabi ma maamulaan, ma gaadhi karaa, looma ogala in ay cag soo saaraan, ma difaaci karaan. Markaa waxaa laga iibinayaa waraaq madhan. Waa “Scam”. Waxaa la odhan jiray dalka Nijeeriya ayaa laga soo bilaabaa “international scam”, tuugnimadda caalamaga. Reer Nijeeriya xaal ha qaataan, oo raali ha noqdaa, Muqdishaa bikh ka dhigtay. Lugooyadan lagu sameynayo shirkadahan ajnabi ee lacagta laga fur-furanayo, iyo heshiisiyo bilaa micna ahi, waa arrin cajiib ah. Shirkadan Schlumberger waxay badaan ka xoogsataa wadamaddii hore uga tirsanaa dalkii la odhan jiray Midowga Soofiyeeti, sida Azerbaijan,Turkminstan, Uzbekistan, Krgysztan, Tajikstan, iyo kuwa kale. Waa meelo halis ah, lakiinse, mid bay Muqdisho ku dhaamaan. Wadamaddaasu dhulkay xaraashaan iyagaa maamula! Waxaa immika la sheegay in shirkaddo Shiine ah lagu siiyey qandaraas dhaamaan kalluumaysiga badaha dalkii la odhan jiray , Somali Republic, oo namac xitaa Somaliland ku jirto. Waar nimanyahow riwaayadaas oo kale ma aragteen? Marka hore, Somaliland waxay leedahay Ciidanka Badda oo eryaya wixii aan fasax ka haysayn Hargeysa, lakiinse maamul gobolleedka Soomaaliya ku jira, sidii caadiga u ahayd uun bay budhcad baddeedkii la soo bixi. Maxaa Shiinaha sidaa loogu lugoonayaa? Shiinuhu waa dad waligood wixii la odhan jiray Somali Republic caawin jiray. Ilaa iyo maanta Somaliland iyo Soomaaliya way caawiyaan. Meelna weligood inoogamay dhicin. Bad iyo xeebo aanad shuqul ku lahayn, awoodi iyo tamar aad ku maamushid aanad hayn, maxaad waddamo kale ugu saxeexasaa? Waa tuugnimmo iyo axmaqnimmo. Waa taagdaro iyo talo xumo. Waa nacasimmo iyo dulmi. Haddaba Shirkan London suudhadhka cusub loo soo xidhay, ee shirkadahan riwaayada iyo beenta loo dhisayo, waa wax wakhtigan dambe Muqdisho laga dhigay baa’yacmushtar caadi ah. Dad baa takhsuus ku gaadhay ilaa iyo Ph.d. Xagan Waqooyiga Mareykanka waxaa jira riwaayad iyo film la yidhaahdo, “Glengarry Glen Ross”. Wuxuu ka sheekaynayaan niman xafiis fadhiya oo telefoon u diray dad u badan kuwa da’ ah. Waxay nimankaasu iibinayaa dhul lama dagaan ah u ku yaal Florida iyo Arizona. Sheeko macaan iyo hadal macaan bay lacagta kaga qaadayaan dadkaa. Waa sheekada Muqdisho ka socota. Cajiib. Qaran News
  22. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya, in liiska golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland lagu dhawaaqi doono, Axadda oo ku beegan 10 bishaan Febraayo 2019. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu soo dhisay xukuumad kooban, kadib la tashiyo badan oo uu la sameeyay dhinacyada ay khusayso, islamarkaana uu ku dhawaaqi doono 10-ka bishan ee ku beegan Axad. Madaxweynaha ayaa hore golaha wakiilada u weydiistay, mudda kordhin 14 cisho ah, si uu u soo magacaabo xukuumaddiisa cusub, waxaana wakhtigii loogu daray haatan ka harsan 3 maalmood oo keliyah. Xog sii badan lagama hayo, xukuumadda cusub ee uu magacaabayo mudane Deni, sida tirada wasiiirada, wasiiro-ku xigeennada iyo wasiiro-dowlayaasha. Hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in xukuumadda cusub ay koobantahay, marka loo eego xukuumaddii ka horraysay ee madaxweyne Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Puntland: Goorma lagu dhawaaqaya wasiirada cusub appeared first on Puntland Post.