Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,362
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dubai ( SMN) – Dowladda isug taga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dilkii dhawaan Boosaaso loo geystay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaaladaasi. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sh Cabadalla Bin Zayid Al Nahyaanayaa si xoogan u cambaareeyay dilka ninkaasi, isagoona xusay in dowladdisu ay aad uga xuntahay. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Puntland in ay ilaaliso ammaanka shaqaalaha shirkadda DP World ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Afartii bishan ayey aheyd markii Al Shabaab Paul Anthony Fermosa ay ku dileen agagaarka dekedda Boosaaso, kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Malta. The post Imaaraadka Oo war ka soo saaray dilkii Paul Fermosa appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa cusboonaysay digniinta amni ee ay u dirayso muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland. Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska, ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inaanay u safrin Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyagoo magaalooyinkaasna ku taliyay in loo tago oo keliya arrimaha muhiimka ah. Digniintan ayuu Ingiriisku isku daray Somaliland iyo Soomaaliya, “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO), wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo uu xafiiska FCO ku talinayo in loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.” Sidaas ayuu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray ee digniinta ah, waxaanu intaas raaciyay, “Muwaadin kastao o Ingiriis ah oo jooga deegaanadaas Soomaaliya ee uu xafiiska FCO ka digayo in loo socdaalo waa inuu ka baxaa. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hargeysa iyo Berbera u jooga arrimo aan muhiim ahayn waa inuu ka baxaa.” Ingiriisku wuxuu muwaadiniintiisa booqanaysa Hargeysa iyo Berbera kula taliyay inay ka feejignaadaan goobaha ay bulshadu kul kulanto oo ay la socdaan warbaahinta maxaliga ah iyo ta’ caalamiga ahba. Dawladda Ingiriiska ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyay aan wax isbedel ah ku samayn khataro ammaan oo ay ku sheegto inay ka jiraan Somaliland, iyadoo sannadkii 2013 Somaliland guud ahaanteed sheegtay inay tahay dhul aan la tagi karin. Balse dawladda Ingiriiska ayaa bishii April ee sannadkii 2014 sheegtay inay xayiraadii amni ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay sheegtay in iyagana loo tagi karo uun arrimaha muhiimka ah, kuwaas oo ay haddana dib u soo cusboonaysiisay. Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Waxaa safarkiisii koowaad ee intii uu xilkan ku magacownaa magaalada Hargeysa khamiistii 7 da feeberweri 2019 ka, ku yimi Danjire Dr. Olgan Beker oo ah ergeyga ay dawl adda Turkigu u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib u bilowgeedu uu muddooyinkii u dambeeyey soo noqnoqonayey. Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa Facebook faallo kooban kaga bixiyey kulankan ayaa sheegay in dunidu ay ol’ole ugu jirto in Somaliland ay doorashooyin qabsato iyo in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay u diyaar tahay in ay mar labaad isa soo horfadhiisiiso labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Mudane Xirsi wada hadallada labada dhinac waxa uu ku tilmaamay albaabka ay Somaliland u marayso madax bannaanideeda, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd dawladaha dunida. xogo dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helay kulankan ayaa sheegaya in ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalladu uu masuuliyiinta WADDANI u sheegay in hawsha dib u bilowga wada hadalladu ay meel fiican marayso. Danjire Olgan Beker waxa uu masuuliyiinta WADDANI ku wargeliyey in dawladdiisu ay dadaal weyn u gashay sidii ay taageero caalamiya ugu heli lahayd wada hadalladan, si guul fiican looga gaadho. Waxa aanu rajo fiican ka muujiyey kulamo isla arrintan la xidhiidha oo uu maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho kula qaatay masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay niyadwanaag u hayaan diyaarna u yihiin dib u bilaabista wada hadallada. Dhinaca kale xisbiga WADDANI ayuu warku sheegayaa in uu ergeyga u sheegay in uu soo dhoweynayo dadaallada wada hadallada Somaliland iyio Soomaaliya ee ay dawladda Turkigu waddo, diyaarna u yahay in uu kaalintiisa ka qaato. Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Beker ayaa lagu wadaa in uu maalinnimada Sabtida ee 9 ka feeberweri kulan arrintan la xidhiidha la yeesho madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda Dahabshiil Group oo kaashanaysa wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa qabatay tartanka Orodka Dheer ee Somaliland (Marathon) ee sanadka 2019. Tartanka waxa ku baratamay dhallinyaro gaadhaysa 200oo isaga timid gobollada Somaliland iyo meelo caalamka ka mid ah. Tartankan oo xiiso weyn lahaa ayaa lagu baratamayay masaafadda laba iyo afartan kilo mitir(42km) iyo toban kilo mitir(10km) waxaana xusid mudan in dhallinaro ka socotay gobolka Awdal kaalmaha 1-aad galeen labada heer ee tartanka. Cismaan Cilmi Sheekh oo kaalinta koobaad ka galay tartanka 42KM ayaa sidan dareenkiisa u cabiray “Illaahay baa mahadleh ii suuro galiyay in aan ku guulaysto tartanka 42km oo aad u adkaa oo aan kula tartamayay rag soo tababartay oo Jabuuti ku tababartay iyo kuwo caalamka ka yimid. Maanta farxad weyn bay ii tahay in aan maanta soo bandhigo dadaalkaygii aan in badan muujiyay, awal hore 10km ayaan ordi jiray laakiin, 42km maanta ayaa iigu horaysa in aan ordo,” Sidaas ayuu yidhi Cismaan oo u ordayay ciidanka Militariga Somaliland ee Gaashaan kana soo jeeda gobolka Awdal. Xamse Beder Macallin oo ka socday gobolka Awdal ayaa ku guulaystay kaalinta 1-aad ee tartanka orodka 10km waxaanu kadib guushiisa cabbiray dareenkiisa waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guushiisa. Umulkhayr Yuusuf Maxamuud oo ku guulaysatay kaalinta 1-aad ee hablaha waxay sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay kaalintan gasho iyada oo uga timid Gabiley waxaanay tilmaantay in ay doonayso in ay tartannada kale halkaas kor uga sii socoto. Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahabshiil) ayaa ka hadlay ujeedka tartankan ay shirkaddu ka lahayd “Tartankan runtii dhallinyaro badan baa ka soo shaqaysay oo waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba joogta, dhallinyaradu waxay aad u xiisanaynayaan in ay waxyaabo ay ku mashquulaan oo ciyaaro ah helaan, waan ku faraxsanahay in dhallinyaro waddanka joogtay iyo kuwo dibadda ka yimid oo ajaanib ah oo dad ilaa Ireland ka yimid baa ordaya,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciyaaraha noocan ah “waxaanu u aragna in ay caafimaadka u fiican tahay, dhallinyarada cuslaatay u fiican tahay, kuwa doonaya in ay maskaxdooda firfircooni badan ka helaan u fiican tahay, waanan xiisaynayna in magaalo kasta oo dhulka Soomaalida ah lagu qabto waayo waydinka arkaya Soomaalida Maxamed Faarax (Mo Farah), Cabdi Bile dadka Soomaalida waxa lagu yaqaana in ay orodka aad ugu fiican yihiin, dhallinyarada imika ordaysay iyaga oo aan weliba tababar badan helin ayay haddana orod dheeraad ah oo xad dhaaf ah ku soo baxeen, marka waanu ku dhiiri gelinayna cid walba waayo caafimaadku waa muhiim lacagta iyada ka muhiimsan runtii,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid guddoomiyaha Dahabshiil. Waxa kale oo la waydiiyay sababta shirkadda Dahabshiil Group uga qayb qaadato arrimaha dhallinyarada khuseeya waxaanu ku jawaabay “ Waxaanu u aragna in dal walba hantidiisu tahay dhallinyarada, dhulka Soomaalida waxa lagu tilmaama 70% waa dhallinyaro oo dhallinyarada u badan, cidda maanta madashan joogtana waxay u badan tahay dhallinyaro dal walbana wuxuu ku shaqeeya dhallinyaradiisa marka waanu ku dhiiri gelinaya dhallinyarada in ay madalaha noocan ah yimaaddan oo qofku haddii uu caafimaadkiisa ka shaqeeyo wuxuu helaya firfircooni uu ku shaqaysto, wax ku barto marka waa ku dhiiri gelinayna,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdirashiid Dahabshiil. Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tartankani fursad u yahay dhallinyarada una suuro gelinayo in ay ku soo saaraan tayadooda orod yahannimo “Waxaynu leenahay rejo aad iyo aad u weyn waxaynu doonayna in aynu culays saarno orodka siyaasadda dawladduna waa caynka waxa jira dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah oo jooga Carabaha, Yurub ama Maraykanka kuwaas kuwii kabi lahaa ayuun baa meesha laga doonaya in ay ka soo baxaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Boos. Source
  5. Washington (SMN) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qadir Axmed Kheyr ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan looga hadlayay sidii looga adkaan lahaa Ururka Daacish oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Washington DC ee xarunta Dalka Maraykanka. Kulanka oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Maraykanka , ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiradda arrimaha dibedda ee Dowladaha Xulufadda ku ah ka hortagga Daacish. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Kheyr, ayaa sheegay in shirka lagu Lafa guray sidii laysaga kaashan lahaa meelna loogu soo wada jeesan lagaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada khatarta ku ah Caalamka ee Daacish. Kheyr, ayaa sheegay in sidoo kale laga hadlay sidii loo xakamayn lahaa dagaalyahannada Daacish ee ka imaanaya Ciraaq iyo Suuriya oo ay markii hore kasoo billoowdeen. Kulanka oo ay goob-joog ahaayeen wakiillada 79 Dal oo ku bahoobay la dagaallanka Daacish, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Wasiirkiisa arrimaha dibedda, Mike Pompeo iyo madax ka socotay Beesha Caalamka ayaa laysku raacay in si wada jir ah loo wadaago xogaha ku aaddan la dagaallanka Daacish iyo sidii loo tir-tiri lahaa dhaq-dhaqaaqyadooda. The post Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Thomas Waldhauser, ayaa sheegay duqaymaha Maraykanku kula dagalaa mayo kooxda Alshabaab inaysan joojindoonin weerarada Shabaabku ka geysanayaan Soomaaliya. Sarkaalkaan ayaa [...] Source
  7. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaaradahan ayaa joog hoose ku socday, waxaana ay dhowr gantaal ku dhufteen goob la sheegay iney ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ah, balse lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay. Xubno ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntaasi waxyeello xooggan loogu geystay Al-shabaab, walibana halkaasi ay ahayd goob ay isku uruursanayeen. Diyaaradaha duqeytan fuliyey lama shaacin dalka laga leeyahay hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale u fuliya howlgalladan duqeynta ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Danjire Maxamed Axmed Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, sidoo kalena aad u falanqeeya siyaasadda dalka ayaa sheegay in xilligan ay cabsi ka qabaan in lala wareego kheyraadka dalka. Ugu horreyn, Caalim ayaa sheegay in sahmin lagu sameeyo shidaalka Soomaaliya ay tahay guul, balse ay muhiim tahay in maamulkiisa Soomaalida ay hayso. Dalal badan ayuu sheegay in lagala wareeggay kheyraadkooda iyadoo waliba dalalkaasi ay colaado ka jirto. Shidaalka Soomaaliya ayuu sheegay inuu u muuqdo mid waqti dhow lasoo saari doono. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/AQOONYAHAN-CAALIM-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ogaden Liberation Front (ONLF) has disarmed nearly two thousands of its armed members in accordance with an agreement it reached with Ethiopian government last year in Eritrea. The disarmed members will be reintegrated into the regional state either as security forces or as civil servants. This step is seen as a historic move towards peaceful Ethiopia. In addition, ONLF & Somali regional state gov’t agreed to work together to end decades of poverty, human rights abuse & maladministration the Somali people have suffered. ONLF also pledged to do its best for peace in the region. ONLF has once branded a terrorist group, but, removed from the terror list last year after Abiy Ahmed was elected as the Prime Minister of Ethiopia. The post ONLF fighters reintegrated into regional state security forces appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Jigjiga (Caasimada Online)-Kadib Munaasabad ka dhacday magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa heshiis taariiqi ah ku kala saxiiday dowladda Federaalka Ethiopia iyo jabhadda ONLF. Heshiiskaasi ayaa waxaa uu ku saleysan yahay in hub ka dhigis lagu sameeyo ONLF, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday dowladda Federaalka Ethiopia, xubno matalayay ismaamulka Soomaalida iyo Jabhadda ONLF. Ciidamada ONLF ee Hubka laga dhigayo waxaa ay tiradoodu gaareysaa 1,740 Qof, kuwaasi oo Hubkooda lagu wareejiyay Ismaamulka Soomaalida, sida lagu sheegay warbixin heshiiska la xiriira. Sidoo kale waxaa heshiiskaasi qeyb ka ah in ONLF ay qeyb weyn ka ahaato ismaamulka Soomaalida Ethiopia, islamarkaana labada dhinac ka wada shaqeeyaan maamulka ka dhisan Deegaanada Soomaalida. Ciidanka Hubka dhigista lagu sameeyay ayaa fursad u heysta in ay ka mid noqdaan Ciidanka amaanka ee dowlad degaanka ama in ay noqdaan shaqaalaha dowlad degaanka Soomaalida. Wararka ayaa sheegaya in xubnaha ONLF ay aqbaleen hub ka dhigista kadib markii laga aqbalay inay ciidamadooda kamid noqdaan ciidamada amaanka, islamarkaana xubno matalaya loo ogolaaday inay maamulka qeyb ka noqdaan. Caasimada online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  11. Ciidamadii ay lahaayeen Jabhadda ONLF ee dhowaan heshiiska la gashay dowladda federaalka Itoobiya ayaa haatan waxaa lagu biiriyey kuwa Somali State. C/qaadir Hirmooge waa afhayeenka Jabhaddan, wareysi uu goor dhow siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in tani ay qeyb ka tahay fulinta qaar ka mid ah heshiisyadii lala galay dowladda Itoobiya. Hirmooge ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar sheegayey in hub ka dhigis lagu sameeyey ciidankooda, wuxuuna tilmaamay in hadda ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sugista ammaanka. Sidoo kale, Hirmooge ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladda Itoobiya dhankeeda ay fuliso dhammaan waxyaabihii ay jabhaddaasi kula heshiisay. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-CQAADIR-XASAN-HIRMOOGE-AFHAYEENKA-ONLF.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa saaka u yeeray guddiga doorashooyinka Puntland, iyagoo su’aalo lagu weydiinayo fadhiga ay maanta isugu yimaadeen golaha wakiilada. Lama garanayo sababta loogu [...] Source
  13. Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baaramaanka maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in la xalliyey tabashooyinkii ay inta badan qabeen mudanayaasha baarlamaanka ee maamulkaasi. Waxa uu sheegay in waxyaabaha wax lagu xalliyey ay ka mid tahay wasiiradii dhowaan uu dib usoo magacaabay madaxweyne Waare oo xildhibaanno wada ah badankooda. Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in hadda wixii is faham la’aan ah laga sii gudbayo, madaxda Hirshabellana ay aqbaleen in lala hadlo oo laga wada shaqeeyo horumarka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Gaarisa)-Maxkamadda Degmadda Gaarisa ee W/bari dalkaasi waxay Xabsiga ka sii daysay wiil lagu magacaabo Sulub Warfaa oo 36-jir ah, kaasi oo gacanta Booliska ku jiray muddo dhowr maalmood. Sulub Wafaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu dib u helo Xorriyadiisa, wuxuuna sheegay inaan wax jir-dila ah lagu sameynin. Waxa uu sheegay in loo xidhay isagoo ku dhashay Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi la micno ahayn inuu yahay Argagixiso, waa sida uu hadalka u dhigay Sulub Warfaa oo isaga iyo 10-qof oo kale usbuucii hore lagu xidhay meel ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya. Hay’addaha Ammaanka Kenya waxay horey ugu soo eedeeyeen Ninkaasi inuu watay 2 Baasaboor oo dalka New Zealand oo magacyo kala duwan ku qornaa. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa muddo kadib soo hadal qaaday kiisaska la xiriira Musuq maasuqa oo dowladda hadda jirta ay masuuliyiin u xirtay. Xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dad badan xabsiga u dhigtay kiisaska musuq maasuqa, islamarkaana hadda gacanta lagu hayo kiisas kale oo musuq maasuq ah. Ma uusan sheegin shaqsiyaadka arrimahaan lagu hayo, balse wuxuu cadeeyay in hadda madaxda kala duwan ee xilalka haya ay ka feejigan yihiin kiisaska Musuq maasuqa, isaga oo sheegay in dalka uu la dagay Musuq maasuqa. Hay’addo kala duwan ayuu cadeeyay in baaritaano lagu wado kuwaasi oo arrimaha musuqa la xiriira ay soo galeen, marka baaritaanada dhamaadaana ay soo qaban doonaan shaqsiyaadka la tuhmayo. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday ciidamo ku dhawaad 200 gaaraya, kuwaasi oo dhawaan loo tababaray wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay inay la dagaalamaan musuq maasuqa wasaaradda iyo habka qaadista canshuuraha. Dowladda hadda jirta ayaa xubno ka tirsan dekadda magaalada Muqdsho u xirtay kiisas musuq maasuq ku saabsanaa, waxaana qaarkood xukuntay maxkadda gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madxweyne Saciid Deni uu soo gabagabeeyay wada tashadii uu ku soo magacaabayay Golaha Wasiirada. Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, iyadoo laga hadal haayo magaalada Garowe inuu soo magacaabi doono Golle Wasiiro oo kooban. Source
  17. (SLT-Jigjiga)-Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo Jabhadda ONLF waaxay shalay Heshiis ku kala saxeexdeen magaalada Jigjiga oo caasimadda u ah Dowladda Soomaalida Itoobiya. Ciidankii Jabhadda ONLF iyo kuwa Maamulkaasi ayaa la sheegay in la isku dhafay, lana mideeyey, iyadoo Askarta ONLF qeyb ka noqon doonaan Ciiddanka Ammaanka iyo Adeegga Rayidka ee Dowladdasi. Jabhada ONLF oo la asaasay sannadkii 1984-kii waxay u dagalaami jirtey Xorriyadda Dhulka Somali Galbeed ayaa la sheegay inay wada-xaajood la galeen Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Aby Ahmed, taasi oo sababtay inay Madaxda iyo Ciiddanka Jabhaddaasi dib ugu soo laabtaan dalka Itoobiya. Source
  18. (SLT-Muqdisho)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in duqeymaha cirka ah ee lagu qaado qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka qeyb-galaan hay’ada Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da sida lagu daabacay warbixin ay qortay wargeyska The Natien. Qoraaga warbixintan ku daabacay jariiradan ayaa sheegay in uu wareysiyo ka qaaday illaa 25 ruux oo ka soo barakacay deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose iyo Sh/Dhexe kadib markii deegaanada ay ku noolaayeen la duqeeyay. Baaritaanka uu sameeyay saxafigan ayaa lagu ogaaday in ay jiraan duqeymo ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koofureed kuwaasoo aysan taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM aysan sheegan inay ka dambeeyeen. Wasaarada Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn gaareysa 45 ay ka sameeyeen dalka Soomaaliya sanadkii hore ee 2018 halka sanadkii ka sii horeeyay ay duqeyntaasi ahaayeen illaa iyo 35 jeer,halka 14 jeer ay ka ahayd sanadkii 2016. Hase yeeshee waxaa lagu ogaaday baaritaan la sameeyay in ay ka badan tahay 45 jeer duqeyntii sanadkii hore kuwaasoo aysan Africom sheegan inay ka dambeeyeen. Duqeymahaas oo gaarayay illaa saddex jeer ayaa la ogaaday inay ka dhaceen deegaanka Qalimow oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe,deegaan hoostaga degmada Marka iyo duqeyn kale oo ka dhacday deegaanka Ow-Dheegle. Waxaa la tuhmayaa in duqeymahaas ay ka dambeeyeen hay’ada u qaabilsan dalka Maraykanka sirdoonka ee CIA. Duqeymaha lagu tuhmayo CIAda Marykanka ayaa sababay geerida dad rayid ah sida ay u xaqiijiyeen weriyaha warkan baadhitaanka ku sameeyay balse illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Laanta Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da amaba dowlada Soomaaliya. Source
  19. (SLT-Washington)-Waa fekir rajo badan laga qabay oo la aaminsanaa in uu yahay mid leh mustaqbal wanaagsan, balse markii dambe sababay in dadkii ay shaqeysan wayaan. Lacago bilaasha ah oo qof walb ay dowladu siiso qaar kamid ah dadka aan shaqeysan ayaa loogu yeeray dakhliga aas aasiga ah, hasayeeshee tijaabadii ugu horeysay ee Yurub laga sameeyay ayaa la soo afjaray labo sano kadib, sababtoo ah lacagihii bilaashaka ah ayaa la oggaaday in aysan noqon kuwa wax soo kordhiyay. Tijaabadan ayaa waxaa si aan kala sooc laheyn loogu sameeyay laba kun oo qof, kuwaasi oo laga soo xulay dadka baagamuudada ah. Bil walba waxaay qaadanayaan lacago kaash oo aanan laga dooneyn inay soo caddeeyaan inay shaqo doon yihiin, oo haddii xita ay shaqo helaan na aanan laga joojineyn lacagaha ay dowladdu siiso, taasi oo uga sii wanaagsan. Dadkii mashruucan tijaabada sameeyay ayaa waxay shegeen in dadka lacagahan la siiyo aanay ku dhiiran inay shaqeystan, si lamid ah kuwa ceyrta qaata, waxaan jirto rajo ah in dakhliga damaanadda leh uu noolashooda ka dhigaya inay dareemaan noolal wanaagsan. Ka qayb galayaaha mashuurcaan ayaa helaya Afar boqol iyo sagaashan pound bil walba, waxaana qaar badan ay amainsan yihiin in lacagihii la siiyayay aanany ku filneyn oo waxaa jirta rajo ah in dakhliga guud ee aasaasiga ah uu wali yahay habka sameeynta nidaamwaxtar leh oo sidoo kale ah mid fudud oo wax ku ool ah. Balse dowladda Finland ayaa go’aansatay inay nidaamkan ay meesha ka saarto, isla markaana na ay damac san tahay inay cunaqabatayn kusoo rogto kuwa diida shaqooyinka. Source
  20. New York (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al Shabaab. AFRICOM ayaa xustay in duqeymahani oo ahaa 2 ay Arbacadii ka fuliyeen meel u dhow deegaanada Gandarshe iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/ Hoose . Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dadka Rayidka ah ka soo gaaray duqeymahaasi. Horraantii bishani Mareykanka ayaa sidan oo kale shaacisay in 13 ka tirsanaa Al Shabaab ay ku diliyeen agagaarka deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Ciidamada Mareykanka oo gacan siinaya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan duqeymo cirka ah kageysta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 15 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Maanta waxaa madaxtinnimada ururka midowga Afrika la wareegi doona madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi, kaas oo muddo sanad ah jagadaasi sii-heyn doona. Hey’adaha xuquuqul insaanka ayaa ka digay in Sisi noqoshadiisa madaxa midowga Afrika ay saameyn ku yeelato arrimaha xuquuqda aadanaha, oo lagu dhaleeceeyo. Shirka Afrika ee sanadkan waxaa xoogga lagu saari-doonaa qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana la digi doonaa tahriibta iyo in dadka laga ganacsado. Shirka waxaa kale oo xoogga lagu saari doonna arrimaha nabad galyada, aragtida Afrika ee 2063 iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay 15 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabab kadib labo duqeymo oo ay ka sameeyen Somalia, sida lagu sheegay qoraal kasoo bacay taliska howlgallada Mareykanka ee qaaradda Africa magaciisana loo yaqaano AFRICOM Dagaalyanada ayaa arbacadii iyo khamiistii lagu kala dilay meelo u dhow deegaanada Gendarshe iyo Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu sheegay qoraalka AFRICOM. Ma jiro qof shacab ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeynta sida lagu xusay qoraalka. Mareykanka ayaa ku sheegay duqeymahan kuwo lagu taageerayo howlgalada ka dhanka Al Shabab ee ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM ka wadaan Somalia. Puntland Post The post Mareykanka oo sheegay in 15 katiraan Al-Shabaab uu duqeyn ku dilay appeared first on Puntland Post.
  23. Jigjiga (SMN) – Maleeshiyaadkii jabhadda OLNF ayaa lagu soo warramayaa in si rasmi ah loogu daray ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kadib heshiis shalay ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulkaasi. Ciidamada labada dhinac yaa la’isku dhafay, iyagoona si toos ah uga wada howlgali doonaan halkaasi. ONLF ayaa la aas aasay sanadkii 1984, waxaana u dagaalami jirtay Jabhadani xoreynta dhulka Soomaali Galbeed. Arrintan ayaa qeyb ka ah is bedalo waa weyn oo ka dhacay Itoobiya, markii uu talada dalkaasi la wareegay R/wasaare Abiy Axmed. The post Ciidankii ONLF Oo lagu daray kuwa Soomaalida Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada London kula hadlay boqolaal dadweyne ah, isaga oo kala hadlayay waxqabadka dowladda Soomaaliya. Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyay waxyaabo badan oo dowladda Soomaaliya u qabsoomay, waxaana uu soo hadal qaaday hindise sharciyeedyadii dowladda xukuumadda ay meel marisay. Guuleed ayaa sheegay in 27 hindise Sharciyeed ay meel mariyeen golaha wasiirada labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu xusay in madaxweynaha uu saxiixay labo hindise Sharciyeed oo kaliya. Labada Hindise Sharciyadeed ee madaxweynaha uu ansixiyay ayaa waxay kala yihiin midka Isgaarsiinta dalka iyo midka Naafadda, waxaana kadib su’aalo laga keenay halka ay mareen Hindise shaciyeedyada kale. Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay sababta ilaa iyo hadda madaxweynaha Soomaaliya u saxiixi la’yahay Sharcigii dalka ka mamnuucayay Shirkadda DP World oo baarlamaanka labada aqal ay ansixiyeen. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in labada sano ee dowladda Soomaaliya u harsan ay rajo weyn ka qabaan inay wax ka qabtaan shaqooyin ay ugu horeeyaan Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (SMN) –Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedo oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in haatan ay soo baxayaan siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo majaxaabinaya horumarka dowladda Soomaaliya. Geedi ayaa xusay in siyaasiyiinta, gaar ahaan kuwa mucaaradka ay arrintan u sameynayaan dano gaar ah iyo hadafyo siyaasadeed oo ay leeyihiin. Waxaana uu ka digay in la niyad jabiyo shacabka Soomaaliyeed oo haatan si weyn ula dhacsan qaabka ay wax u wwado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/COD-DAGANE-1.mp3 The post R/wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka digay in la niyad jabiyo shacabka appeared first on Shabelle. View the full article