Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,362
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo barqanimadii maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo Boolis ah iyo kuwa kale oo ku sugnaa xaafaddaasi. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay 2 askari oo la sheegay in ay is hor istaag ku sameeyeen Guri uu dhismo ka socday, iyadoona intaasi kadib askar kale oo ka careysan falkaasi ay la dagaalameen Booliska. Inta la ogyahay waxaa dagaalkan ku dhintay 2 Qof oo rayid ahaa, iyadoona uu ku dhawaacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amnniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale waxaa maanta isla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley ka dhacay dil uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa loo geystay wiil Timo Jaro ahaa, waxaana la sheegay in askarigu uu ka shakiyay marxuumka, kadibna uu rasaaseeyay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. The post Iska hor imaad xoogan Oo ka dhacay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Addis Ababa (SMN) – Ururka Midowga Africa oo maalinimada beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,ayaa ka hadli doona sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa kumanaan ay ku jiraan Soomaali oo qaxooti ku ah dalkaasi Itoobiya. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku sii qulqulaya magaalada Addis Ababa,si ay uga qeyb galaan shirkii 32-aad ee ay yeelanayaan madaxda Midowga Africa,kaas oo sanadkan looga hadli doono dhibaatoyinka qaxootiga ee Qaaradda Africa. Dalka Itoobiya oo marti galinaya shirkan ayaa magan galyo siiyay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimaaday dalalka South Sudan,Congo,Yemen iyo Somalia . Guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed ayaa sheegay in uu rajeenayo in qodobo mira dhal ah oo ku aadan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku nool dalka Itoobiya ay ka soo baxi doonaan shirkaasi. Ugu dambeyn Shirka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan madaxda iyo wasiirada arrimaha ee dalalka Midowga Africa oo ay Soomaaliya qeyb ka ka tahay. The post Midowga Africa Oo ka shiraya xaaladda qaxootiga Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Waxaa Dhawaan Heshiis Kaluumeysiga Badeenna Wada galey Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha , waxaana uu heshiiskaan Shirkadaha Kaluumeysiga ee Dowlada Shiinaha u ogolaanaya in ay ka Jilaabtaan Badeena aadka u dheer oo aysan jirin Dowlad Ilaalin karta, iyadoo aan ognahay in maanta aysan jirin Ciidan Bad oo Ilaaliya Badeenna Hadaba Maxaa Faa’iido ah ama Khasaaro ah noogu jiraa Heshiiskaan, ma Xuma in Heshiis lala galasho Shirkado Shisheeye balse lagama Fekerin Waxa Mustaqbalka ka imaan kara , waxaana ii suurta gashey in aan Xoga dhameystiran aan ka helo mid ka mid ah Dadka ku xeel dheer kaluumeysiga. “Kaluunka waxaa Hoy u ah Jamalada Gunta Badda Hoosteeda halkaas ayuu ku Dhalaa islamarkaana uu ka helaa wixii Quud ee u ku noolaan karo, Balse hadii halkaas looga daba tago Kaluunka waxaa imaan kara Xaaluf iyo Dhibaatooyin kale “ ayuu yiri Khabiirkaas oo diidey in Magaciisa loo isticmaalo Warbaahinta wuxuu intaa uu ku darey “Shirkadaha Shiinaha hadii aad Dib u raacdo Dhaqankooda waxay soo Xaalufiyeen Wadamo badan oo ay ka kaluumeysan jireen oo ku yaal Qaarada Aasiya ka dib markii ay isticmaaleen Qalab ka mamnuuca Kaluumeysiga , Shirkadahaas marka ay Gunta Tagaan ayey waxay sameynayaan in ay Jamalada uu Kaluunka ku Hoydo ama ku Tarmo ayey ku xiraan Miinooyin , marka uu Kor u soo yaaco Kaluunka ayey Shabakadaha u dhigaan” Hadaba maxaa Dhacaya “Miinooyinkaas waxay Xaalufinayaan Kaluunkii halkaa ku dhalayey sidoo kale waxay ay keeneysa in ay Burburaan Jamalada oo uu ilaah halkaa ugu Diyaariyey Kaluunka Tarankiisa sidaa Darteed marka ay Burburaan Jamladaas waxaa Imaanaya Dhul Gariirka Badda oo inta badan uu ka dhaco Wadamada Aasiya ka dib markii Dhibaatooyin loogeystey Jamaladii Badda Gunteeda” ayuu yiri Khabiirkaas oo sheegey in maanta aysan jirin Dowlad Xoog badan oo ilaalineysa Badaheena waxaa uu intaa ku darey “Waa Shirkado lagu fasaxay Badaas Dhererka badan oo aysan jirin Ruux Soomaaliya oo la socda marka Waa Heshiis aan laga fakerin Waxa ka imaanaya Mustaqbalka marka waa heshiish aan laga fiirsan marka la fiiriyo Dhinaca Kaluumeysiga iyo Burburka Jamaladda sidoo kale waxaa kaloo Khatar ah in aan lala socon Karin Shirkadahaas waxa ay Gunta badda ay k sameyayaan Gaar haan Dhagaxaanta iyo Khayraadka kale ee Gunta Badeena Ceegaaga Shaqsiyan aniga waxaa Indhaheyga ku arkey Xiligii Dagaalada Sokeeye Kaluumeysato Soomaaliyeed oo Doomahooda Saaranaya Miinooyinka waaweyn ee Kaaraha lagula Dagaalamo , waxay Midda Khabiirka I soo Xasuusisey Markaan weydiiyey Kaluumeystada Soomaaliyeed in ay Miinooyinkaas u isticmalayaan in ay ku soo saaraan Kaluunka ku dhuumanaya Jamalada Hoostooda sidaa Darteed waxaa Dowlada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa Bal in ay Dib u eegaan Heshiiskaas oo aan ogahay in uu halis ku yahay Gunta Badeena W/D Amiin Yuusuf Khasaaro amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
  4. Gaalkacyo (SMN) – Illaa labo ruux oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa in maanta laga Afduubtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug. Labadaasi qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa la sheegayin kooxo hubeysan ay Afduubteen, una kaxeysteen dhinaca waqooyi ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga watay dadkaasi dhawaan laga soo Afduubtay qof ay ehel ahaayeen oo la sheegay in lagu hayo K/ Gaalkacyo. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda Gaalkacyo ayaa maalmihii dambe mid xasiloon, iyadoona ciidamo isku dhaf ah oo loo sameeyay magaaladaasi. The post Dad rayid ahaa Oo laga Afduubtay magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Jowhar (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu baaqday kulan ay guddiga joogtada baarlamaanka maamulka HirShabelle ku lahaayeen gudaha magaaladaasi. Kulankan ayaa la sheegay in uu u baaqday sababo la xariira ciidamo dhawaan la geeyay xarunta baarlamaanka, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqii xaruntaasi. Xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo ay la xariirtay Shabelle ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaasi, balse waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda maamulkaasi. Xiisado siyaasadeed oo ka dhashay Mushaar la’aan soo wajahday Xildhibaanada HirShabelle ayaa maalmahan ka taagneyd M/ Jowhar ee xarunta maamulkaasi. The post Kulanka guddiga joogtada Baarlamaanka HirShabelle Oo baaqday appeared first on Shabelle. View the full article
  6. London (SMN) – Munaasabadda Soo dhaweynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa loo sameeyey masuuliyiin uu hor kacayey Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Madax kale. Madaxda Jaaliyadda ayaa ugu horeyn munaasabadda ka sheegay iney diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliyeed oo horumar ka sameysay dhinacyo badan, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo madaxda lagu soo dhaweynayey. Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay u baahantahay taageerada shacabka oo ay kamid yihiin qurba joogta, waxaana uu tilmaamay in dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay iney qaataan masuuliyad gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan horumarka Dalka. “Waajib ayaa idinka saaran inaad ka qeyb qaadataan horumarka dalka, oo si gaar ah aad ula shaqeysaan dowladiina oo ku guuleysatay in horumar badan ay sameyso”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa halkaasi ka sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Caasimadda, si ay ula tartanto caasimadaha dunida, islamarkaana ay ka shaqeeyeen sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha ku nool gudaha iyo duuleedka Muqdisho. “12-kii bilood ee aan masuuliyadda heynay waxaan ka shaqeynay sidii aan xal ugu heli laheyn barakacayaasha, waxaan horumar badan ka sameynay amniga, bilicda iyo guud ahaan horumarka caasimadda”ayuu yiri Eng: Yariisow. Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa munaasabadda ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horumar balaaran ka sameysay dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha iyo ka hortagga Musuqa, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay si horumarkaasi loo ilaaliyo in la garab istaago dowladda Soomaaliya. “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo dhisay Wasiirro farsamo yaqaanno ah oo garanaya waxa ay qabanayaan iyo waajibaadka ka saaran dadkooda, kuwaas oo aan dano gaar ah laheyn balse jecel in si sax ah ay ugu adeegaan shacabkooda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka. The post Wafdiga DFS Oo soo dhaweyn loogu sameeyay London appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Genaraal C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga digay askarta ku sugan baraha koontarool ee magaalada Muqdisho iyo hoggaankooda in la waxyeeleeyo dadka rayidka ah, maadaama ay isa soo tarayaan dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah. Genaraal Bariise ayaa sheegay in dambi Qaran ay tahay in si micno darro ah loo laayo shacabka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la’iskula xisaabtami doono dambiyadaasi. Dhanka kale shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga, gaar ahaan wadayaasha Mooto Bajaajta oo uu ka dalbaday in ay u hoggaansamaan amarka askarta. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal ay askartu u geysanayeen dhalinyarada kaxeysa mootadanuuac loo yaqaano Bajaajta. The post Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo u digay askarta dowladda appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa Soomaaliya ka geysto duqeymo kala duwan oo lala beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab. Duqeymahaan ayaa socday muddo dhawr sano ah mana jirto illaa hadda horumar laga sameeyey duqeymahaas mana muuqato in ilaa hadda laga adkaaday Kooxda Al-Shabaab. Su’aasha is waydiinta mudan ah ayaa in Al-Shabaab looga adkaan karo duqeymo dhanka cirka iyadoo aan la helin dagaal dhanka dhulka ah. Xasan Sheekh Cali oo culuunta xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacado ku yaal Muqdisho ayaa Idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga u sheegay inaan Al-Shabaab looga adkaan Karin duqeymo dhanka cirka ah oo ay sameeyaan Ciidamada Mareykanka. Waxa uu intaa ku daray in uu khaldan yahay habka loo marayo dhisidda ciidanka Soomaaliya oo uu sheegay in lagu saleeyay hab maamul goboleed oo salka ku haya nidaam qabiil. Sidoo kale Taliyaha AFRICOM, jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Maraykanka u qaaabilsan ciidamada qalabka sida in duqeymaha oo keliya aan looga adkaan doonin Al-Shabab balse loo baahan yahay in la qaado dagaal dhulka ah. Sarkaalkan oo hogaamiya taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahan ay carqaladeyn karaan dhaq-dhaqaaqa iyo waxqabadka Al Shabaab balse aysan marnaba suuragal ahayn inay kaligood xaqiijiyaan guul laga gaaro dagaalka isagoo ka hor hadlayey guddiga military-ga ee Golaha Senate-ka Mareykanka ayuu gaal Tomas Waald-hawser sheegay in ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay duqeymahan ay tahay in la caawiyo xukuumada taagta daran ee Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaatkooda taas oo uu ku tilmaamay mid aanan isaga filnaan karin la dagaalanka Shabaabul Mujaahidiin iyo in ay difaacdaan deegaanada ay maamulaan. “Duqeymahan ma ahan kuwo ugu dambeyntii xaqiijinaya in laga takhaluso Al-Shabaab laakiin waa kuwo fursad siinaya dowlada Federalka iyo Ciidamada Soomaalida si ay u soo kobcaan, una hantaan amniga wadanka” ayuu yiri Tomas Waald-hawser, taliyaha ciidamada military-ga Mareykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM. Tan iyo sanadkii 2017-kii diyaaradaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka waday duqeymo wuxuushnimo oo beegsaday dadka iyo duunyada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku ugaarsanayaan Mujaahidiinta balse duqeymahaas ayaanaan ilaa hadda xaqiijin wax un ka mid ah hormaradii iyo guulihii uu cadowgu ku taamayey. Ciidamada Soomaaliya ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa aan u diyaarsaneyn inay dhabarka u ritaan Mas’uuliyadda sugidda Amniga dalkooda. Wuxuu ku baaqay in horumar fiican la gaarsiiyo Ciidamada Soomaalida si ay u sugtaan dalkooda isla markaasna ay Al-Shabaab ugu tagaan dhulalka ay ku dhuumanayaan. Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafnay ka dhacay qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah. Arbacadii waxa ay diyaaraha Maraykanka duqeeyeen deegaanka Gardarshe ee gobolka Shabeellada hoose, halka Khamiistii ay beegsadeen deegaanka Bariire ee isla gobolkaasi. Gelinkii dambe ee Jimcaha-na waxa uu Maraykanka beegsaday dagaalyahanno Al-Shabab ah oo ku sugnaa deegaanka Araare ee gobalka Jubada Hoose. Maraykanka ayaa sheegay in weerarradaasi ugu dambeeyay uu ku dilay tobannaan dagaalyahannada Al-Shabab ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgal qorsheysan iyo duqeyn saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si wadajir ah Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay uga fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi. Sidoo kale waxaa deegaanadan ka dhacay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka iyo duqeynta lala bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaalyahannada Al Shabaab, islamarkaana lagu illaa 6 ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM aya howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. The post Ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Washington)Ninka ugu taajirsan dunida ahna aasaasaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos ayaa wargeys ka soo baxa waddanka Mareykanka oo ka faallooda dadka caanka ah ku eedeeyay inuu doonayo inuu baad ka qaato. Ninkan ayaa waxa uu Online-ka soo dhigay farriin muujinaysa wax uu ku sheegay handadaad ay emailka u soo dhigeen kooxda sharciga u qaabilsan wargeyska taas oo ay ku sheegayaan inay daabici doonaan sawirro jaceyl muujinaya oo uu Bezos kula jiro haweeney uu xiriir kala dhaxeeyo. Source
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-090219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. – Notwithstanding a bad and an incomprehensible presentation by the Minister of Petroleum and Mineral Resources, whose message was lost because of his poor enunciation [...] Source
  13. Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa caddeeyey mowqifkooda doorashada Jubaland, waxayna ku baaqeen dib u doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Waxgaradka oo shalay ku kulmay Hotel ku yaalla Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland ay ka shaqeeyeen amaanka sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa ay soo jeediyeen in sidoo kale dib u doorashada Axmed madoobe ay horseedi karto in degaannada Maamulka Jubaland uu noqdo degaan amaan ah. Axmed Madoobe ayaa dhowr bilood ka hor tagay Magaalada Gaarisa si Odayaasha ku heybta ah uga shaqeeyaan dib u doorashadiisa, waxaana hadda muquda in qorshihiisa uu u hir-galay. Doorashada Jubaland waxaa ay lagu wadaa in la qabto Bisha August ee sanadkan 2019,waxaana uu Axmed Madoobe sheegayaa culeys dhinaca siyaasadda ah oo ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaarisa. Safarka Omaar oo uu isagu ku sheegay in shaqsiyadeed iyo booqashada qoyskiisa ayey dadka qaar sheegeen in uu qeyb ka yahay ololaha dowladda Federaalka ah uga hortageyso soo laabashada Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. “Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay” Aragtiyihiisii Saamaynta Reebay Qasaali waxa aad loogu weyneeyaa horumarinta shakhsiyeed iyo bulsheed ee marba waayaha iyo degelka la joogo ku salaysan. Qaabdhismeedyada la majeerto quruxdooda ee maanta Muslimku ku jiro door muhiim ah ayuu ku leeyahay. Qasaali waxa uu in badan ka dhex guuxay maskaxaha Muslimiinta iyo Reer Galbeedka aqoonta weeleeya. Rabbi wuxu ku galladay codkarnimo iyo doodyaqaannimo, waxa la arki jiray isbarbardhigyada uu ku samaynayo masalooyinka adag iyo sida waaqica loogu saleeyo, iyo waliba tilmaamidda xaqa xorriyadda aan laga badbadin ee reer galbeed ku tunteen. Aragticuriye (Qasaali) dhaxalkiisa aan duugoobayni waa fikradihiisa ilaa maanta la adeegsado ee nolosha iyo aqoonta la xidhiidha. Waxa lagu midaysanyahay in aqoon iyo aragti laga weelayn karo buugtiisa iyo mabaadi’diisa. Qasaali waa hormoodka aragtiyahannada Muslimka ee reer galbeedka doodaha ku jabiyey. Waxa lagu ammaanaa aragtidiisa uu ku soo afjaray dooddii caqliga iyo weedhiisii caanka ahayd ee ku jirta dhiganihiisa “Tafahaatul Falsafa” isaga oo lahaa “Caqligu hanuunsami maayo diinta la’aanteed, diintuna noqon mayso mid cad caqliga la’aantii.” Waxa uu isku xidhay caqliga iyo diinta, sababtu waxa weeye in caqligu yahay ka wax lagu fahmayo, diintuna tahay midda toosinaysa caqliga. Waxa uu geed ku xidhay dadyowgii ku doodayey in caqligu kaligii istaagi karo oo aanu jirin dabar uu u hoggaansamo. Sida oo kale, wadaaddadii ka soo horjeeday caqlaaniyiinta ee dedifeynayey ama dafirsanaa kaalinta caqliga, iyagana caqlicelin iyo tusaaleyn mug leh ayuu u noqday hadalkiisu. “Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay.” Waa mid ka mid ah hal-ku-dhegyada Qasaali ee saamaynta maskaxeed ku yeeshay aqoonyahankii reer Yurub. Waana arrin marar badan lagu faaqiday gole aqooneedyada reer Galbeedka. Nuxurka hal-ku-dheggani waa rumaynta ama doorashada fursadaha, baahiyaha iyo caqabadaha aasaasiga ah “Claim value”. Waxa waayo dambe laga dhex arkayey manaahijta barbaarineed ee Yurub halku-dhegyadan. Falsafaddu xilligiisii saamayn xooggan ayey ku lahayd dadkii ugu caansana da’diisa, habdhaqankoodii iyo dabeecaddoodii, waxa ay gaadhsiisay heer ay ka shakiyaan diinta Islaamka. Waxa ay saluug ka muujiyeen akhlaaq xumada, siyaasad xumada iyo fasahaadka bulshadooda. Qasaali waxa uu wakhti badan siiyey barashada falsafadda ilaa loo aqoonsaday mid ka mid ah ragga ugu waaweyn ee lagu ixtiraamo filosuufnimada. Waxa uu qoray buug uu kaga warramayo falsafadda, sida buugga magaciisu yahay “Maqaasidu Falsafa” ‘Ujeeddooyinka falsafaddda’ buuggaasi si qotodheer ayuu uga warramayaa mabaadi’da guud ee falsafaddu leedahay. Buug kale ayaa isna jira uu sheekhu leeyahay, kaas oo ah “Tafahaatul Falsafa” Isqabad la’aanta Falsafadda, waxa uu ku soo bandhigayaa in aanay falsafaddu ahayn mid cad oo meel ku tiirsan se ay tahay mid iska hor imanaysa. Marka la eego heerka uu ka gaadhay falsafadda Qaasaali, waxa jira rag aragtiyo badan loo tixgaliyo oo reer galbeed ah, se aad ula yaabay aragtiyaha wadaadkaas Muslimka ahi dunida ku soo kordhiyey. Waxa ka mid ah raggaas ninkii caanka ahaa ee magaciisu ahaa Aristotel, oo ka mid ah filasuufyadii ugu caansanaa qarniyadii tagay, aragtiyihiisii siyaasadeed iyo arrimo bulsheedna la tixraaco, waxa uu marar badan ku waafaqay Qasaali mabaadi’diisa la xidhiidha arrimaha bulshada. Tusaale ahaan waxa uu la aaminsanyahay aragtida Qasaali ee odhanaysa, “Waa in la helo ummad leh marjac caqiido oo ay u noqoto.” Qasaali waxa uu aaminsanaa in aanay suuragal ahayn in ay jirto ummad aan waxba aaminsanayn oo aan lahayn cid ay u rumaysan tahay in ay iyada ka awood weyntahay oo dunida maamusha. Arrintaas oo Qaasaali kaga hadlay Buuggiisii “Ixyaa culuumu-diin” kaas oo uu ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la helo nolol ay saldhig u tahay caqiido diineed. Dadkii ka Hadlay Dahabi waa mid ka mid ah ragga taariikhda Islaamka looga dambeeyo, isaga oo ka hadlaya qofka uu yahay Qasaali ayaa kitaabkiisa Siyaru-Aclaam waxa uu ku yidhi, “Qasaali waa mar la arag mucjisadii qarnigiisa ah, waa curiyaha funuunta.” Ibnu Jawsi oo isna ahaa aqoonyahan caan ahaa, waxa uu aad ula ashqaraarray qaabqoraalka Qasaali, waxa uu ku sifeeyey in buugtiisa uu u qoro sida ugu wanaagsan ee qoraal loo sameeyo, hadal walbana u nidaamiyo sida ugu habboon ee loo yidhaado. Ibnu Jawsi in intaa ka badan ayuu kaga hadlay buuggiisa “ Taariikhul Muluk wal-umam”. Qaradaawi waxa uu leeyahay buug magaciisu yahay “Imaam Qasaali Bayna Madaaxiya wal Naqdiya” ‘Qasaali wuxu u dhexeeya kuwo ammaana iyo kuwo dhalleeceeya’, waxa uu ku yidhi, “Qasaali wuxu ka mid yahay qamaamuurta fikirka iyo hal-abuurka raadraaca. Waa maskax ka soo mudh tidhi xaddaaradda Islaamka ee hodonka ah. Margaret Smith waxa ay qortay buug la yidhaa (Al-Ghazali: The Mystic) waxa ay ku qiraysaa buuggeeda in aragtiyihiisu saameeyeen reer galbeedka, waxa ay odhanaysaa, “Shaki kuma jiro in dhaqdhaqaaqyada ugu horreeya Qasaali ay ka mid yihiin kuwa soo jiidanaya dareenka aqoonyahanka reer Yurub.” La soco Qaybta Saddexaad W-Q. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub. Source
  15. Waxa la yidhi waagii horre , wadaada kiristaanku intay baaldi biyo ah soo qaataan ayay burush dhex gelin jireen , markaasaa dadku kusoo xoomi jiray , dabeeto qofkuu doonu baadirigu intuu burushka biyaha geliyo ayuu ku rushayn jirey , markaasuu ku odhan jirey danbigii waa lagaa dhaafay , kii uu doonana wuu diidey jirey , imika waa halkaase , ninka la yidhaahdo Riyo-raac Tv ayaa isla soo hortaagay xisbiga Waddani Soomaali wayn buu gacan-saar la leeyahay , isagoo ku sababeeyey in ina Buubaa dhex joogo , markaa waxaa is waydiinle , isaguba Soomaali wayn wuu tagay , waanu kasoo noqday , Kulmiye na wuu dhex joogaaye , Riya-raac miyaa la rusheeyey sidii baadirigu dadka u rushayn jirayoo Soomaali wayntuu tagey waa laga maydhay ,mise isagaa taariikhdiisii horre ilaaway . Source
  16. Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Baarlamanku ay warbixin ka dhegaysteen guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland (TPEC). Guddi xildhibaanno ah oo u kuur-galay, sababaha ay Puntland uga qabsoomi weyday doorasho qof iyo cod ah ayaa kadib markii ay warbixin ka dhegaysteen (TPEC), waxay soo jeediyeen, in guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland ay sii wadaan shaqada, islamarkaana xukuumaddu ka taageerto, dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha degaanka. Sidoo kale xildhibaannada ayaa soo jeediyay, in xukuumadda Puntland ay la timaaddo qorshe cad oo dalka looga hirgelinayo, doorasho qof iyo cod ah, maadaama deeq-bixiyaashii taageeri jiray barnaamijkan ay dhaqaalihii ka jarteen kadib markii ay dhinaca xukuumadda ka waayeen qorshe cad oo ay ka leedahay nidaamkan. Golaha wakiilada dowladda Puntand ayaa dood dheer kadib, waxay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen tala-soo jeedinta guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku ay ka soo saareen, hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqada guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee (TPEC). Kulanka oo ay fadhiyeen 48 mudane ayaa waxaa tala-soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku ansaxay tala-soojeedintii guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku u saareen hir-gelinta nidaanka axsaabta badan. Halkaan ka akhriso tala-soojeedinta PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay tala-bixin ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
  17. Warar aad ugu dhow Madaxtooyada Puntland ee Bosaso ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in hada ay diyaar yihiin Golaha cusub ee Wasiirada Puntland. ‘Madaxweyne Saciid Dani [...] Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilal ay Askar Boolis ah Muqdisho ugu geysteen dad shacab oo badankoodu ahaa dhalinta Mooto Bajaajta ku shaqeysta. Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaaladaani Muqdisho ka sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen askar uu sheegay in siyaabo kala duwan ay dilal ugu geysteen dad shacab ah dhawaanahaan. Waxa uu sheegay Jeneraal Bariise in ay askarta ay soo qabteyn ay u gudbiyeen maxkadamada lana marsiin doono cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan. “Aniga oo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin sheegayaa in aan gacanta kusoo dhignay askar dilal kala duwan geystay, waxaana u gudbinay maxkamada si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu sheegay Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise. Waxa kale ee uu Ciidamada Booliska ugu digay in ay geystaan dil, waxa uuuna ku nuux nuuxsaday in ugu dambeyn cadaalada lasoo taagi doono oo aanan loo asxaan fali doonin askarigii geystaa dil. Hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo su’aallo badan la iska weydiinayay dilal ay Ciidamada u geystaan Dhalinyarada Bajaajka ku shaqeysta oo Muqdisho kusoo badanayay dhawaanahaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Horaanta sanadkan cusub 2019 waxaa guud ahaan dalka ka dhacay dhacdooyin badan oo xaga ciyaaraha haddab waxaan akhristeyaasheena usoo bandhigeenaa dhacdooyinkii ugu weynaa ee dhacay bishoo lasoo dhaafay Janaayo 2019. 01-Janaayo 2019-garsooraha heerka caalami ee Soomaaliya Maxamed Nuur Muxidiin (Maxamed Soomaali) ayaa ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards,isagoo ku guulaystay garsoorihii ugu wanaagsan Soomaaliya sanadkii tagay 2018. 01-Janaayo 2019-Ciyaaryahan Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa isna ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii 2018 Santoos ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay. 03-Janaayo 2019-Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa dhagax dhigay dhismaha wajiga labaad ee garoonka kubbadda cagta Jamaacadaha ee degmada Hodan waxaana mashruucan bixiyay xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA. 05-Janaayo 2019-Ciyaartoyda Xulka qaranka teeniska oo mudo dheer ka dib dalka Tanzania u aaday tartan teeniska dheer waxaana arinta soo dhaweeyay xidigihii hore iyo xiriirka Teeniska dheer. 06-01-209-Tababaraha kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka 4aad ee dalka Sweden Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in uu diyaar u yahay laylinta xulka qaranka Soomaaliya iminka uu wado kordhinta xirfadiisa macalinimo. 14-Janaayo 2019-Maamulka Gobolka Banaadir oo hogaaminayo Guddoomiyahe Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) ayaa dhagaxdhigay garoonka kubbadda cagta Qoobdooro ee degmada Kaaraan madaxda Gobolka ayaa sheegay in garoonkaas loo dhisidoono qaab-casri ah si ay ugu faa‘ideestaan dhalinyarada iyo shacabka degmada oo aad u jecel ciyaaraha gaar ahaan kubbadda cagta. 16-1-2019-Tartanka Isreb-reebka kooxaha heerka 1aad ee Jubbaland ayaa ka furmay garoonka Waamo ee Magaalada Kismaayo qorshaha tartankaan ayaa lagu sheegay si loo kala saaro 12-ka kooxood ee ladoonayo in 6 ka mid ah ay usoo gudbaan heerka 1-aad iyo heerka 2-aad. 16-Janaayo 2019-Maamulka isboortiga degmada Hilwaa ayaa macalinkooda cusub u magacaabay Cabdinaasir Axmed oo horay ugu mid ahaa ciyaarooydii u soo ciyaartay kooxda degmada. 17-Janaayo 2019- xiriirka Teeniska Dheer ayaa Muqdisho si wanaagsan ugu soo dhaweeyay ciyaartooydii ugu horeesay mudo ka dib magaalada Daarsalaama ee dalka Tanzania ugu qeyb gashay tartanka teeniska dheer. 18-Janaayo 2019-Kooxda kubadda cagta ee Umu Hospital ayaa ku guuleesatay horyaalka heerka sedexaad ee kubbadda cagta Soomaaliya fasal ciyaareedka 2018-2019. 19-Janaayo 2019- Tartan lagu xusayay marxuum Wariye Cawil Daahir Salaad ayaa Muqdisho furmay waxaana ka qeyb galay kooxaha kubbadda cagta ee kala ah, Elman,Jeenyo,Heegan iyo Muqdisho City Club. 20-Janaayo 2019- maamulka kooxda Elman ayaa xogayahooda cusub ee naadiga umagacaabay Xaaji Shirwac Sandhool oo ka mid ahaa macalimiinta farsamada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. 22-Janaayo 2019- Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay xidigii hore kooxda kubbadda kolayga L.L.P Jeenyo Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo),isagoo xlika wasaaradaas horay u soo qabtay sanadii 2017. 22-Janaayo 2019-Kooxda kubbadda Cagta Heegan ayaa ku guulaystay koobii lagu maamuusayay Allaha U naxariistee Wariye Cawil Daahir Salaad,iyagoo ka hantay xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho City Club. 24-Janaayo 2019-Xidigii hore kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Banaadir SC Mustaf Xasan Cumar (Mustaf France) ayaa safar u aaday dalka dibadiisa,isagoo ahaa tababare ku xigeenka kooxda Muqdisho City Club 21-kii sano lasoo dhafaay sida laga soo xigtay kooxdiisa waxa uu kula guulaystay koob walbo uu kala qeyb galay naadiga Muqdisho City Club,isagoo ciyaaryahan iyo Macalin ah. 25-01-2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo gabagabeeyay tartan ay u qabteen ilaa 10-koox kaas ay ugu magac dareen Muqdisho Talent Cup si dhalinyarada xirfalayaashaada loogu diyaariyo qeybaha kale ee kooxda. 26-01-2019-Tartan kubbada Cagta oo lagu taageerayay wax qabadka guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Axmed (Shakeeti) ayaa lagu soo gaba gabeeyay garoonka qoob dooro ee degmada kaaraan Basma uu la hadashay warbaahinta waxa ay sheegtay in 2019 koobab badan loo dhigo doono dhalinyarada degmooyinka Gobolka si ay u sameeyeen is-dhaxgal bulsho. 27-01-2019-Macalinka Kooxda Jeenyo Axmed Tahliil Cali ayaa shaaciyay in ay soo qaateen goolhayihii hore degmada Waaberi Sakariye Maxamuud Axmed,taageerayaasha kooxda L.L.P ayaa aaminsan in xidigan buuxindoono booskii uu ka baxay Mustaf Maxamed Yuusuf oo iminka shabaqa u ilaaliya kooxda Heegan. 28-01-2019-Xiriirka kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen casuumaad kaga timid xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta tasoo ku aadan laaciibiin ka socota Eritrea in ay booqasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimaadaan caasimada Muqdisho. 29-01-2019-Wasaarada ciyaaraha iyo Xiriirka kubbadda cagta maamulka Galmudug ayaa garoonka Cabdulaahi Ciise ka furmay tartanka Dugsiyada sare ee magaalada Gaalkacyo yoolka tartankan ayaa lagu qeexay sidii dhaqaalaha loogu aruurin lahaa dayactirka dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise. 30-01-2019-Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabagabeeyay tababar u socday gaarsoorayaasha kubbadda cagta, kaas oo u jeedkiisu uu ahaa sidii sare loogu sii qaadi lahaa aqoonta garsoorka heerarka kala duwan ee xirrirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta. 31-01-2019-Kooxda Kubbadda Cagta Dekedda ayaa ku guulaystay koobka Somali Super Cup 2018 waxayna 3-0 kaga adkaadeen xidigaha dowladda hoose ee Muqdisho CIty Club. Halkan Ka Daawo Warbixin Lagu Soo Koobay Dhacdooyinkii Dhacay Bishii Janaayo 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. Ergeyga Turkiga U Qaabilsan Wada Hadalada Somalia/Somaliland Oo Kulan la qaatey Madaxda Xisbiga Waddani Waxaa safarkiisii koowaad ee intii uu xilkan ku magacownaa magaalada Hargeysa khamiistii 7 da feeberweri 2019 ka, ku yimi Danjire Dr. Olgan Beker oo ah ergeyga ay dawl adda Turkigu u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo dib u bilowgeedu uu muddooyinkii u dambeeyey soo noqnoqonayey. Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo bartiisa Facebook faallo kooban kaga bixiyey kulankan ayaa sheegay in dunidu ay ol’ole ugu jirto in Somaliland ay doorashooyin qabsato iyo in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay u diyaar tahay in ay mar labaad isa soo horfadhiisiiso labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya. Mudane Xirsi wada hadallada labada dhinac waxa uu ku tilmaamay albaabka ay Somaliland u marayso madax bannaanideeda, iyo sidii ay uga mid noqon lahayd dawladaha dunida. xogo dheeraad ah oo uu Geeska Afrika helay kulankan ayaa sheegaya in ergeyga Turkiga u qaabilsan wada hadalladu uu masuuliyiinta WADDANI u sheegay in hawsha dib u bilowga wada hadalladu ay meel fiican marayso. Danjire Olgan Beker waxa uu masuuliyiinta WADDANI ku wargeliyey in dawladdiisu ay dadaal weyn u gashay sidii ay taageero caalamiya ugu heli lahayd wada hadalladan, si guul fiican looga gaadho. Waxa aanu rajo fiican ka muujiyey kulamo isla arrintan la xidhiidha oo uu maalmihii u dambeeyey magaalada Muqdisho kula qaatay masuuliyiinta dawladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay niyadwanaag u hayaan diyaarna u yihiin dib u bilaabista wada hadallada. Dhinaca kale xisbiga WADDANI ayuu warku sheegayaa in uu ergeyga u sheegay in uu soo dhoweynayo dadaallada wada hadallada Somaliland iyio Soomaaliya ee ay dawladda Turkigu waddo, diyaarna u yahay in uu kaalintiisa ka qaato. Ergeyga wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mudane Beker ayaa lagu wadaa in uu maalinnimada Sabtida ee 9 ka feeberweri kulan arrintan la xidhiidha la yeesho madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekadan xiisaha badan ayaa aad looga hadal hayaa dalka Tanzania, kadib markii la shaaciyay in la gudayo xildhibaanada Ragga ah ee kamid ah baarlamaanka dalka Tanzania. Ujeedada ka dambeysay in la gudo xildhibaanada ragga ah ee baarlamaanka Tanzania ayaa waxaa la sheegay inay tahay in laga hortago faafida cudurka HIV AIDS, sida lagu sheegay hadal jeedin ay sameysay xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka. Aragtidan waxaa soo jeedisay Jackline Ngonyani oo ah haweeney ka tirsan baarlamaanka Tanzania, waxaana soo jeedinteeda ku kala qeyb samay xildhibaanada Ragga ahaa ee ka tirsan baarlamaanka Tanzania. Xanuunka AIDS-ka ayaa ah cudur dhibaato badan ku haya shacabka ku nool dalka Tanzania waxaana la sheegayaa in 5% dadka dalkaasi uu asiibo xanuunka, sida lagu cadeeyay daraasad dhawaan lasoo saaray. Xildhibaan Joseph Selasini oo ka mid ah Ragga ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa taageeray soo jeedinta Xildhibaannada laakiin waxaa diiday Xildhibaan Joseph Kasheku oo ku tilmaamay soo jeedintan mid Ragga xadgudub ku ah. Ugu dambeyntii 70% Ragga Tanzania ayaa mara Gudniinka, waxaana wali taagan walaaca laga qabo faafidda Cudurka HIV-ga, taasi oo keentay in qorshahaan baarlamaanka la dhex keeno. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com