-
Content Count
207,371 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha. Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika. The post Farmaajo oo ka qayb-gelaya shir madaxeedka Midowga Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dawladda Somaliland ayaa Budhcad-baddeed U Aqoonsan 27 Markab Shiinaha laga leeyahay Ee Ruqsadaha Ka Qaatay Soomaaliya “Haddii Abaaraha Iyo Isbeddelka Cimilladu Ay Sii Kordhaan Waxay Saameynayaan Xoolaha Nool, Sidaas Awgeed Kalluunku Waa Khayraadka Kaliya Ee Aanu Haysanno,Waana Inaanu Ilaashano Oo Aanu Si Wax Ku Ool Ah U Nidaamsanaa Hannaanka Kalluumaysiga.” Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Hargeysa(Somalilandtoday)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay xeebaha dalka iman karin 27 Markab oo Shiine ah oo Soomaaliya ay siisay ruqsado Kalluumaysi. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa soo xigatay Shabakadda Ghana Modern oo fallanqeysa Arrimaha Afrika, oo shalay daabacday Xukuumadda Somaliland oo mowqif adag iska taagtay in xeebta JSL ay soo galaan kalluumaysatada sharci darrad ah ee Soomaaliya ka sita waraaqaha ogolaanshaha. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u ilaaliso xeebaheeda islamarkaana u difaaci doonto xudduudaheeda. Wasiirku wuxuu ku dhawaaqay inay ula macaamili doonaan budhcad-baddeed ahaan Kalluumaysatada Shiinaha iyo cid kasta oo lagu qabto iyadoo si sharci darro ah uga kalluumaysata xeebaha Somaliland. Siday werisay Ghana Modern, waxaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu xaqiijiyey in aanay xeebaha Somaliland ku arag Kalluumaysato sharci darro ah oo Shiine ah, hase yeeshee ay arkaan doonyo kalluumaysi oo laga leeyahay Yeman. Wasiir Xasan Gaafaadhi wuxuu intaas ku daray inay dalka ka hirgaliyeen lix goobood oo la dhigay qaboojiyeyaal loogu talogalay inay kalluumaysatadu ku keydsadaan kalluunka ay soo jilaabtaan. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu wuxuu carabka ku dhuftay in Kalluunku uu yahay khayraadka kaliya ee Somaliland leedahay,maadaama oo abaaraha iyo isbeddelka cimiladu ay saameeyeen xoolihii noolaa. “Waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku,”ayuu yidhi Wasiir Xasan oo intaas ku daray “Haddii abaaraha iyo isbeddelka cimilladu ay sii kordhaan waxay saameynayaan xoolaha nool, sidaas awgeed waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku, waana inaanu ilaashano oo aanu si wax ku ool ah u nidaamsanaa hannaanka kalluumaysiga.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici), ayaa saaka soo kormeeray deeq dawooyin qalab caafimaad isugu jira oo ururka Sweden SOM uu usoo diray wasaaradda caafimaadka Somaliland, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku-xigeenku soo indha-indheeyay keydka guud ee dawooyinka Somaliland. Wasiirku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa sharraxaad ka bixiyey deeqdan dawooyinka ah iyo hawlaha shaqo ee keydka dawooyinka Somaliland, waxaana kamid ahaa hadaladii wasiir ku-xigeenka “Madaxweyne ururka SOM Sweden ayaa laba koontiinar oo dawo ah kusoo hagaajiyay wasaaradda caafimaadka,kharashaadka ku baxay imaatinkii dawooyinkanna waxa bixisay wasaaradda caafimaadka somaliland, mudane madaxweyne waxaanu ballan qaadaynaa inaannu sida ugu wanaagsan u maamulno”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo halkaasi hadlo kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyey guud ahaan bulshadda reer Somaliland ee ku nool qurbaha gaar ahaan ururka SOM Swden ee deeqdan qalabka caafimaadka ah keentay waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Aad baan ugu mahad celinayaa ururkan SOM Swden, qurbajooggu meel kasta oo ay joogaanba waan hambalyaynayaa runtii waxqabadkoodu waa mid aan la dafiri karayn, ilaa maalintii aynu lasoo noqonay madax-bannaanida wax cisbitaal qalab yaalla kala badh qurbajoogga, ayaa keenay hamblayo,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Ogan Bekar iyo Muuse Biixi Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaaray Ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Ogan Bekar. Ogan Bekar iyo xubno la socday ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna kada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay. Ogan Baker ayaa horey u ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana isaga iyo xubno la socda ay soo gaareen dhawaan Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kamid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Soomaaliya ay noqoto wadan cagahiisa dib isugu taaga, waana wadanka kaliya ee Yurub ka tirsan oo si dhab ah u taageera Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hargeysa: Ogan Bekar oo la kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan. Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas. Sidoo kale, Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto dalalka Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo ergaygu isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Turkiga iyo Somaliland iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Laba Sano ayaa laga joogaa Markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa Shantii dhacdo ee ugu waaweynaa ee dhacay intii uu Farmaajo ahaa Madaxweynaha. Xiriirka Federaalka iyo Maamul goboleedyada. Tan iyo markii xukuumadda haatan jirta ay talada dalka la wareegtay, waxaa jiray kulamo badan oo wada shaqayn ah oo ay yeesheen dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka iyo qaybsiga khayraadka. Hase ahaatee dhanka kale waxaa jiray khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah, kaas oo markii dambe horseeday in maamul goboleedyadu ay sheegaan in ay xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladda dhexe. Khilaafka labada dhinac oo sii xoogaystay ayaa keenay in dawladda Soomaaliya faragalin toos ah ku samayso doorashada maamullada qaar, si ay madax uga dhigto masuuliyiin ayada taageersan, arrintaas oo ka hirgashay maamullada qaar. Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya, ayaa Xakamaysay safarraddii madaxweynayaasha dawlad goboleedyadu ay ku tagi jireen dalalka dibedda ah. Tallaabadan ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay sheegaan in ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay u madax banaanaato siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo dawladdu ay sheegto in dastuur ahaan ayada uun ay go’aan ka gaari karto. Waxay dowladdan noqotay tii ugu horreysay ee guulo siyaasadeed oo la taaban karo ka soo hoysay loollankii ay kula jirtay maammul goboleedyada, dadka wax falanqeeya qaar waxayba qabaan in markii ugu horreysay tan iyo burburkii lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya. Khilaafkii Khaliijka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii soo kala dhex galay dawladaha Khaliijka Carabta, ee u dhexeeyey dawladda Qatar iyo dawladaha kale ee Sacuudigu hormuudka u yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay dhinacna u xaglinaynay, balse ay dhammaan yihiin dawlado walaalahood ah oo ay tahay in dhammaantood ay iskaashadaan. Go’aankaas ay xukuumaddu qaadatay ayaa la sheegaa in ay uga duwan tahay xukuumadihii ayada ka horreeyey oo ku dhiirran waayay in siyaasadooda ku aadan Khaliijka ay qeexaan. Dhiibistii Qalbi Dhagax Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato. Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ee ka hawlgasha Itoobiya ayay Xukuumadda Soomaaliya bishii Agoosto ee 2017-kii u gacan galisay Itoobiya, arrintaas oo keentay caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi. Ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa kala Waregay kuwa maamulka Galmudug, oo markii hore qabtay Qalbi Dhagax, ayagoo markii dambe u sii duuliyey magaalada Muqdisho, halkaas oo looga sii qaaday Itoobiya, xabsi-gurina lagu geliyay Addis Ababa. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku taageeray go’aanka baarlamaanka uu ka qaatay arrintaasi. Iskaashiga Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Raysul wasaaraha cusub ee dalkaas, Abiy Axmed, waxaa jiray isbaddalo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika. Isbaddalladaas siyaasadeed ayaa waxaa ugu waaweynaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea iyo heshiiskii iskaashiga ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo, uu kamid ahaa in Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo Soomaaliya ay leedahay. Dhanka kale kulamo dhowr oo dhex maray madaxda saddexdan dal ayay ku ballan qaadeen hirgalinta iskaashi ballaaran oo ay kamid yihiin arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha. Itoobiya ayaa dhankeeda ballan qaaday in ay dhowrayso madax banaanida Soomaaliya, oo ay joojinayso xiriirada gaarka ah ee ay sida dhow ula leedahay Maamul goboleedyada Soomaaliya. Wixii intaas ka dambeeyey waxaa muuqda isu soo dhawaan iyo wadashaqayn u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo ay yaraadeen safarradii madaxda maamul goboleedyadu ay sida joogtada ugu tagi jireen Addi Ababa. Waana markii ugu horreysay oo ay Itoobiya si toos ah u taageerto dowladda federaalka Soomaaliya, horey waxay xiriir midabyo badan la lahaayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya. Dadka siyaasadda Soomaaliya indha-indheeyana waxay sheegayaan in madaxdii maammul goboleedyada ay agoomo siyaasadeed noqdeen tan iyo markii ay is fahmeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Eryiddii Nicholas Haysom Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday 2-dii Janaayo 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax banaanida Soomaaliya. Go’aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go’aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas. Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay. Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa oggolaatay in ergay cusub loo soo magacaabo Soomaaliya oo baddali doona Nicholas Haysom. Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah ayadoo xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo barqanimadii maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo Boolis ah iyo kuwa kale oo ku sugnaa xaafaddaasi. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay 2 askari oo la sheegay in ay is hor istaag ku sameeyeen Guri uu dhismo ka socday, iyadoona intaasi kadib askar kale oo ka careysan falkaasi ay la dagaalameen Booliska. Inta la ogyahay waxaa dagaalkan ku dhintay 2 Qof oo rayid ahaa, iyadoona uu ku dhawaacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amnniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi. Dhinaca kale waxaa maanta isla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley ka dhacay dil uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa loo geystay wiil Timo Jaro ahaa, waxaana la sheegay in askarigu uu ka shakiyay marxuumka, kadibna uu rasaaseeyay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho. The post Iska hor imaad xoogan Oo ka dhacay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa (SMN) – Ururka Midowga Africa oo maalinimada beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,ayaa ka hadli doona sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa kumanaan ay ku jiraan Soomaali oo qaxooti ku ah dalkaasi Itoobiya. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku sii qulqulaya magaalada Addis Ababa,si ay uga qeyb galaan shirkii 32-aad ee ay yeelanayaan madaxda Midowga Africa,kaas oo sanadkan looga hadli doono dhibaatoyinka qaxootiga ee Qaaradda Africa. Dalka Itoobiya oo marti galinaya shirkan ayaa magan galyo siiyay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimaaday dalalka South Sudan,Congo,Yemen iyo Somalia . Guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed ayaa sheegay in uu rajeenayo in qodobo mira dhal ah oo ku aadan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku nool dalka Itoobiya ay ka soo baxi doonaan shirkaasi. Ugu dambeyn Shirka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan madaxda iyo wasiirada arrimaha ee dalalka Midowga Africa oo ay Soomaaliya qeyb ka ka tahay. The post Midowga Africa Oo ka shiraya xaaladda qaxootiga Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa Dhawaan Heshiis Kaluumeysiga Badeenna Wada galey Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha , waxaana uu heshiiskaan Shirkadaha Kaluumeysiga ee Dowlada Shiinaha u ogolaanaya in ay ka Jilaabtaan Badeena aadka u dheer oo aysan jirin Dowlad Ilaalin karta, iyadoo aan ognahay in maanta aysan jirin Ciidan Bad oo Ilaaliya Badeenna Hadaba Maxaa Faa’iido ah ama Khasaaro ah noogu jiraa Heshiiskaan, ma Xuma in Heshiis lala galasho Shirkado Shisheeye balse lagama Fekerin Waxa Mustaqbalka ka imaan kara , waxaana ii suurta gashey in aan Xoga dhameystiran aan ka helo mid ka mid ah Dadka ku xeel dheer kaluumeysiga. “Kaluunka waxaa Hoy u ah Jamalada Gunta Badda Hoosteeda halkaas ayuu ku Dhalaa islamarkaana uu ka helaa wixii Quud ee u ku noolaan karo, Balse hadii halkaas looga daba tago Kaluunka waxaa imaan kara Xaaluf iyo Dhibaatooyin kale “ ayuu yiri Khabiirkaas oo diidey in Magaciisa loo isticmaalo Warbaahinta wuxuu intaa uu ku darey “Shirkadaha Shiinaha hadii aad Dib u raacdo Dhaqankooda waxay soo Xaalufiyeen Wadamo badan oo ay ka kaluumeysan jireen oo ku yaal Qaarada Aasiya ka dib markii ay isticmaaleen Qalab ka mamnuuca Kaluumeysiga , Shirkadahaas marka ay Gunta Tagaan ayey waxay sameynayaan in ay Jamalada uu Kaluunka ku Hoydo ama ku Tarmo ayey ku xiraan Miinooyin , marka uu Kor u soo yaaco Kaluunka ayey Shabakadaha u dhigaan” Hadaba maxaa Dhacaya “Miinooyinkaas waxay Xaalufinayaan Kaluunkii halkaa ku dhalayey sidoo kale waxay ay keeneysa in ay Burburaan Jamalada oo uu ilaah halkaa ugu Diyaariyey Kaluunka Tarankiisa sidaa Darteed marka ay Burburaan Jamladaas waxaa Imaanaya Dhul Gariirka Badda oo inta badan uu ka dhaco Wadamada Aasiya ka dib markii Dhibaatooyin loogeystey Jamaladii Badda Gunteeda” ayuu yiri Khabiirkaas oo sheegey in maanta aysan jirin Dowlad Xoog badan oo ilaalineysa Badaheena waxaa uu intaa ku darey “Waa Shirkado lagu fasaxay Badaas Dhererka badan oo aysan jirin Ruux Soomaaliya oo la socda marka Waa Heshiis aan laga fakerin Waxa ka imaanaya Mustaqbalka marka waa heshiish aan laga fiirsan marka la fiiriyo Dhinaca Kaluumeysiga iyo Burburka Jamaladda sidoo kale waxaa kaloo Khatar ah in aan lala socon Karin Shirkadahaas waxa ay Gunta badda ay k sameyayaan Gaar haan Dhagaxaanta iyo Khayraadka kale ee Gunta Badeena Ceegaaga Shaqsiyan aniga waxaa Indhaheyga ku arkey Xiligii Dagaalada Sokeeye Kaluumeysato Soomaaliyeed oo Doomahooda Saaranaya Miinooyinka waaweyn ee Kaaraha lagula Dagaalamo , waxay Midda Khabiirka I soo Xasuusisey Markaan weydiiyey Kaluumeystada Soomaaliyeed in ay Miinooyinkaas u isticmalayaan in ay ku soo saaraan Kaluunka ku dhuumanaya Jamalada Hoostooda sidaa Darteed waxaa Dowlada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa Bal in ay Dib u eegaan Heshiiskaas oo aan ogahay in uu halis ku yahay Gunta Badeena W/D Amiin Yuusuf Khasaaro amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
-
Gaalkacyo (SMN) – Illaa labo ruux oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa in maanta laga Afduubtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug. Labadaasi qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa la sheegayin kooxo hubeysan ay Afduubteen, una kaxeysteen dhinaca waqooyi ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga watay dadkaasi dhawaan laga soo Afduubtay qof ay ehel ahaayeen oo la sheegay in lagu hayo K/ Gaalkacyo. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan arrintaasi. Xaaladda Gaalkacyo ayaa maalmihii dambe mid xasiloon, iyadoona ciidamo isku dhaf ah oo loo sameeyay magaaladaasi. The post Dad rayid ahaa Oo laga Afduubtay magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu baaqday kulan ay guddiga joogtada baarlamaanka maamulka HirShabelle ku lahaayeen gudaha magaaladaasi. Kulankan ayaa la sheegay in uu u baaqday sababo la xariira ciidamo dhawaan la geeyay xarunta baarlamaanka, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqii xaruntaasi. Xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo ay la xariirtay Shabelle ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaasi, balse waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda maamulkaasi. Xiisado siyaasadeed oo ka dhashay Mushaar la’aan soo wajahday Xildhibaanada HirShabelle ayaa maalmahan ka taagneyd M/ Jowhar ee xarunta maamulkaasi. The post Kulanka guddiga joogtada Baarlamaanka HirShabelle Oo baaqday appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (SMN) – Munaasabadda Soo dhaweynta ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa loo sameeyey masuuliyiin uu hor kacayey Ra”iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan iyo Madax kale. Madaxda Jaaliyadda ayaa ugu horeyn munaasabadda ka sheegay iney diyaar u yihiin garab istaagga dowladda Soomaaliyeed oo horumar ka sameysay dhinacyo badan, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo madaxda lagu soo dhaweynayey. Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya mar waliba ay u baahantahay taageerada shacabka oo ay kamid yihiin qurba joogta, waxaana uu tilmaamay in dadka qurbaha ku nool looga baahanyahay iney qaataan masuuliyad gaar ah oo ay kaga qeyb qaadanayaan horumarka Dalka. “Waajib ayaa idinka saaran inaad ka qeyb qaadataan horumarka dalka, oo si gaar ah aad ula shaqeysaan dowladiina oo ku guuleysatay in horumar badan ay sameyso”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda. Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa halkaasi ka sheegay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo hormarin lahaa Caasimadda, si ay ula tartanto caasimadaha dunida, islamarkaana ay ka shaqeeyeen sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha ku nool gudaha iyo duuleedka Muqdisho. “12-kii bilood ee aan masuuliyadda heynay waxaan ka shaqeynay sidii aan xal ugu heli laheyn barakacayaasha, waxaan horumar badan ka sameynay amniga, bilicda iyo guud ahaan horumarka caasimadda”ayuu yiri Eng: Yariisow. Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa munaasabadda ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay horumar balaaran ka sameysay dhinacyada Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha iyo ka hortagga Musuqa, waxaana uu tilmaamay in waajib ay tahay si horumarkaasi loo ilaaliyo in la garab istaago dowladda Soomaaliya. “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo dhisay Wasiirro farsamo yaqaanno ah oo garanaya waxa ay qabanayaan iyo waajibaadka ka saaran dadkooda, kuwaas oo aan dano gaar ah laheyn balse jecel in si sax ah ay ugu adeegaan shacabkooda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka. The post Wafdiga DFS Oo soo dhaweyn loogu sameeyay London appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Genaraal C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga digay askarta ku sugan baraha koontarool ee magaalada Muqdisho iyo hoggaankooda in la waxyeeleeyo dadka rayidka ah, maadaama ay isa soo tarayaan dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah. Genaraal Bariise ayaa sheegay in dambi Qaran ay tahay in si micno darro ah loo laayo shacabka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la’iskula xisaabtami doono dambiyadaasi. Dhanka kale shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga, gaar ahaan wadayaasha Mooto Bajaajta oo uu ka dalbaday in ay u hoggaansamaan amarka askarta. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal ay askartu u geysanayeen dhalinyarada kaxeysa mootadanuuac loo yaqaano Bajaajta. The post Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo u digay askarta dowladda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa Soomaaliya ka geysto duqeymo kala duwan oo lala beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab. Duqeymahaan ayaa socday muddo dhawr sano ah mana jirto illaa hadda horumar laga sameeyey duqeymahaas mana muuqato in ilaa hadda laga adkaaday Kooxda Al-Shabaab. Su’aasha is waydiinta mudan ah ayaa in Al-Shabaab looga adkaan karo duqeymo dhanka cirka iyadoo aan la helin dagaal dhanka dhulka ah. Xasan Sheekh Cali oo culuunta xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacado ku yaal Muqdisho ayaa Idaacadda BBC-da qeybta afka Soomaaliga u sheegay inaan Al-Shabaab looga adkaan Karin duqeymo dhanka cirka ah oo ay sameeyaan Ciidamada Mareykanka. Waxa uu intaa ku daray in uu khaldan yahay habka loo marayo dhisidda ciidanka Soomaaliya oo uu sheegay in lagu saleeyay hab maamul goboleed oo salka ku haya nidaam qabiil. Sidoo kale Taliyaha AFRICOM, jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Maraykanka u qaaabilsan ciidamada qalabka sida in duqeymaha oo keliya aan looga adkaan doonin Al-Shabab balse loo baahan yahay in la qaado dagaal dhulka ah. Sarkaalkan oo hogaamiya taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahan ay carqaladeyn karaan dhaq-dhaqaaqa iyo waxqabadka Al Shabaab balse aysan marnaba suuragal ahayn inay kaligood xaqiijiyaan guul laga gaaro dagaalka isagoo ka hor hadlayey guddiga military-ga ee Golaha Senate-ka Mareykanka ayuu gaal Tomas Waald-hawser sheegay in ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay duqeymahan ay tahay in la caawiyo xukuumada taagta daran ee Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaatkooda taas oo uu ku tilmaamay mid aanan isaga filnaan karin la dagaalanka Shabaabul Mujaahidiin iyo in ay difaacdaan deegaanada ay maamulaan. “Duqeymahan ma ahan kuwo ugu dambeyntii xaqiijinaya in laga takhaluso Al-Shabaab laakiin waa kuwo fursad siinaya dowlada Federalka iyo Ciidamada Soomaalida si ay u soo kobcaan, una hantaan amniga wadanka” ayuu yiri Tomas Waald-hawser, taliyaha ciidamada military-ga Mareykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM. Tan iyo sanadkii 2017-kii diyaaradaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka waday duqeymo wuxuushnimo oo beegsaday dadka iyo duunyada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku ugaarsanayaan Mujaahidiinta balse duqeymahaas ayaanaan ilaa hadda xaqiijin wax un ka mid ah hormaradii iyo guulihii uu cadowgu ku taamayey. Ciidamada Soomaaliya ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa aan u diyaarsaneyn inay dhabarka u ritaan Mas’uuliyadda sugidda Amniga dalkooda. Wuxuu ku baaqay in horumar fiican la gaarsiiyo Ciidamada Soomaalida si ay u sugtaan dalkooda isla markaasna ay Al-Shabaab ugu tagaan dhulalka ay ku dhuumanayaan. Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafnay ka dhacay qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah. Arbacadii waxa ay diyaaraha Maraykanka duqeeyeen deegaanka Gardarshe ee gobolka Shabeellada hoose, halka Khamiistii ay beegsadeen deegaanka Bariire ee isla gobolkaasi. Gelinkii dambe ee Jimcaha-na waxa uu Maraykanka beegsaday dagaalyahanno Al-Shabab ah oo ku sugnaa deegaanka Araare ee gobalka Jubada Hoose. Maraykanka ayaa sheegay in weerarradaasi ugu dambeeyay uu ku dilay tobannaan dagaalyahannada Al-Shabab ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgal qorsheysan iyo duqeyn saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Howlgalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si wadajir ah Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay uga fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi. Sidoo kale waxaa deegaanadan ka dhacay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al Shabaab. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka iyo duqeynta lala bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaalyahannada Al Shabaab, islamarkaana lagu illaa 6 ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM aya howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland. The post Ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)Ninka ugu taajirsan dunida ahna aasaasaha shirkadda Amazon, Jeff Bezos ayaa wargeys ka soo baxa waddanka Mareykanka oo ka faallooda dadka caanka ah ku eedeeyay inuu doonayo inuu baad ka qaato. Ninkan ayaa waxa uu Online-ka soo dhigay farriin muujinaysa wax uu ku sheegay handadaad ay emailka u soo dhigeen kooxda sharciga u qaabilsan wargeyska taas oo ay ku sheegayaan inay daabici doonaan sawirro jaceyl muujinaya oo uu Bezos kula jiro haweeney uu xiriir kala dhaxeeyo. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-090219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
– Notwithstanding a bad and an incomprehensible presentation by the Minister of Petroleum and Mineral Resources, whose message was lost because of his poor enunciation [...] Source
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa caddeeyey mowqifkooda doorashada Jubaland, waxayna ku baaqeen dib u doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Waxgaradka oo shalay ku kulmay Hotel ku yaalla Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland ay ka shaqeeyeen amaanka sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa ay soo jeediyeen in sidoo kale dib u doorashada Axmed madoobe ay horseedi karto in degaannada Maamulka Jubaland uu noqdo degaan amaan ah. Axmed Madoobe ayaa dhowr bilood ka hor tagay Magaalada Gaarisa si Odayaasha ku heybta ah uga shaqeeyaan dib u doorashadiisa, waxaana hadda muquda in qorshihiisa uu u hir-galay. Doorashada Jubaland waxaa ay lagu wadaa in la qabto Bisha August ee sanadkan 2019,waxaana uu Axmed Madoobe sheegayaa culeys dhinaca siyaasadda ah oo ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaarisa. Safarka Omaar oo uu isagu ku sheegay in shaqsiyadeed iyo booqashada qoyskiisa ayey dadka qaar sheegeen in uu qeyb ka yahay ololaha dowladda Federaalka ah uga hortageyso soo laabashada Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
“Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay” Aragtiyihiisii Saamaynta Reebay Qasaali waxa aad loogu weyneeyaa horumarinta shakhsiyeed iyo bulsheed ee marba waayaha iyo degelka la joogo ku salaysan. Qaabdhismeedyada la majeerto quruxdooda ee maanta Muslimku ku jiro door muhiim ah ayuu ku leeyahay. Qasaali waxa uu in badan ka dhex guuxay maskaxaha Muslimiinta iyo Reer Galbeedka aqoonta weeleeya. Rabbi wuxu ku galladay codkarnimo iyo doodyaqaannimo, waxa la arki jiray isbarbardhigyada uu ku samaynayo masalooyinka adag iyo sida waaqica loogu saleeyo, iyo waliba tilmaamidda xaqa xorriyadda aan laga badbadin ee reer galbeed ku tunteen. Aragticuriye (Qasaali) dhaxalkiisa aan duugoobayni waa fikradihiisa ilaa maanta la adeegsado ee nolosha iyo aqoonta la xidhiidha. Waxa lagu midaysanyahay in aqoon iyo aragti laga weelayn karo buugtiisa iyo mabaadi’diisa. Qasaali waa hormoodka aragtiyahannada Muslimka ee reer galbeedka doodaha ku jabiyey. Waxa lagu ammaanaa aragtidiisa uu ku soo afjaray dooddii caqliga iyo weedhiisii caanka ahayd ee ku jirta dhiganihiisa “Tafahaatul Falsafa” isaga oo lahaa “Caqligu hanuunsami maayo diinta la’aanteed, diintuna noqon mayso mid cad caqliga la’aantii.” Waxa uu isku xidhay caqliga iyo diinta, sababtu waxa weeye in caqligu yahay ka wax lagu fahmayo, diintuna tahay midda toosinaysa caqliga. Waxa uu geed ku xidhay dadyowgii ku doodayey in caqligu kaligii istaagi karo oo aanu jirin dabar uu u hoggaansamo. Sida oo kale, wadaaddadii ka soo horjeeday caqlaaniyiinta ee dedifeynayey ama dafirsanaa kaalinta caqliga, iyagana caqlicelin iyo tusaaleyn mug leh ayuu u noqday hadalkiisu. “Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay.” Waa mid ka mid ah hal-ku-dhegyada Qasaali ee saamaynta maskaxeed ku yeeshay aqoonyahankii reer Yurub. Waana arrin marar badan lagu faaqiday gole aqooneedyada reer Galbeedka. Nuxurka hal-ku-dheggani waa rumaynta ama doorashada fursadaha, baahiyaha iyo caqabadaha aasaasiga ah “Claim value”. Waxa waayo dambe laga dhex arkayey manaahijta barbaarineed ee Yurub halku-dhegyadan. Falsafaddu xilligiisii saamayn xooggan ayey ku lahayd dadkii ugu caansana da’diisa, habdhaqankoodii iyo dabeecaddoodii, waxa ay gaadhsiisay heer ay ka shakiyaan diinta Islaamka. Waxa ay saluug ka muujiyeen akhlaaq xumada, siyaasad xumada iyo fasahaadka bulshadooda. Qasaali waxa uu wakhti badan siiyey barashada falsafadda ilaa loo aqoonsaday mid ka mid ah ragga ugu waaweyn ee lagu ixtiraamo filosuufnimada. Waxa uu qoray buug uu kaga warramayo falsafadda, sida buugga magaciisu yahay “Maqaasidu Falsafa” ‘Ujeeddooyinka falsafaddda’ buuggaasi si qotodheer ayuu uga warramayaa mabaadi’da guud ee falsafaddu leedahay. Buug kale ayaa isna jira uu sheekhu leeyahay, kaas oo ah “Tafahaatul Falsafa” Isqabad la’aanta Falsafadda, waxa uu ku soo bandhigayaa in aanay falsafaddu ahayn mid cad oo meel ku tiirsan se ay tahay mid iska hor imanaysa. Marka la eego heerka uu ka gaadhay falsafadda Qaasaali, waxa jira rag aragtiyo badan loo tixgaliyo oo reer galbeed ah, se aad ula yaabay aragtiyaha wadaadkaas Muslimka ahi dunida ku soo kordhiyey. Waxa ka mid ah raggaas ninkii caanka ahaa ee magaciisu ahaa Aristotel, oo ka mid ah filasuufyadii ugu caansanaa qarniyadii tagay, aragtiyihiisii siyaasadeed iyo arrimo bulsheedna la tixraaco, waxa uu marar badan ku waafaqay Qasaali mabaadi’diisa la xidhiidha arrimaha bulshada. Tusaale ahaan waxa uu la aaminsanyahay aragtida Qasaali ee odhanaysa, “Waa in la helo ummad leh marjac caqiido oo ay u noqoto.” Qasaali waxa uu aaminsanaa in aanay suuragal ahayn in ay jirto ummad aan waxba aaminsanayn oo aan lahayn cid ay u rumaysan tahay in ay iyada ka awood weyntahay oo dunida maamusha. Arrintaas oo Qaasaali kaga hadlay Buuggiisii “Ixyaa culuumu-diin” kaas oo uu ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la helo nolol ay saldhig u tahay caqiido diineed. Dadkii ka Hadlay Dahabi waa mid ka mid ah ragga taariikhda Islaamka looga dambeeyo, isaga oo ka hadlaya qofka uu yahay Qasaali ayaa kitaabkiisa Siyaru-Aclaam waxa uu ku yidhi, “Qasaali waa mar la arag mucjisadii qarnigiisa ah, waa curiyaha funuunta.” Ibnu Jawsi oo isna ahaa aqoonyahan caan ahaa, waxa uu aad ula ashqaraarray qaabqoraalka Qasaali, waxa uu ku sifeeyey in buugtiisa uu u qoro sida ugu wanaagsan ee qoraal loo sameeyo, hadal walbana u nidaamiyo sida ugu habboon ee loo yidhaado. Ibnu Jawsi in intaa ka badan ayuu kaga hadlay buuggiisa “ Taariikhul Muluk wal-umam”. Qaradaawi waxa uu leeyahay buug magaciisu yahay “Imaam Qasaali Bayna Madaaxiya wal Naqdiya” ‘Qasaali wuxu u dhexeeya kuwo ammaana iyo kuwo dhalleeceeya’, waxa uu ku yidhi, “Qasaali wuxu ka mid yahay qamaamuurta fikirka iyo hal-abuurka raadraaca. Waa maskax ka soo mudh tidhi xaddaaradda Islaamka ee hodonka ah. Margaret Smith waxa ay qortay buug la yidhaa (Al-Ghazali: The Mystic) waxa ay ku qiraysaa buuggeeda in aragtiyihiisu saameeyeen reer galbeedka, waxa ay odhanaysaa, “Shaki kuma jiro in dhaqdhaqaaqyada ugu horreeya Qasaali ay ka mid yihiin kuwa soo jiidanaya dareenka aqoonyahanka reer Yurub.” La soco Qaybta Saddexaad W-Q. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub. Source
-
Popular Contributors