Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,362
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Baarlamanku ay [...] Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa waxa uu khadla taleefanka kula soo xidhiidhay wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal waxaanu ugu hambalyeeyay tallaabo uu wasiirku qaaday dhawaan sida uu xaqiijiyay raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyay in duqayn cusub ay xalay ka fuliyeen tuulada Kaban ee gobolka Jubada Hoose, koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aysan ku xusin war-saxafadeedkooda khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi ay fuliyeen. Dhanka kale, Afhayeenka ciidamada maamulka Jubaland oo ka hadlay duqayntaasi ayaa daboolka ka qaaday in lagu dilay 25 kamid ah Al-Shabaab, islamarkaana ay kusoo furteen Saanad ciidan iyo agab kale. Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqayntaan oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-Shabaab. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa sanadkaan 2019-ka kordhiyay howlgalada ay ka fuliyan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada goobaha ay ku tuhmayaan Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka hadlay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalada dilal qorsheysan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo geystay saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda. Muuqaalka oo soconaya muddo 11 daqiiqo ah ayaa waxaa ku jira qaraxyo qorsheysan oo Al Shabaab ay sheegeen inay ka geysteen gobolada kala duwan ee dalka iyo gobolka NFD ama waqooyi bari Kenya. Ruuxa ugu horeeya ee kasoo muuqanaya muuqaalka ayay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cabdi Cilmi oo kamid ahaa waaxda dambi baarista ee CID sida ay Al Shabaab sheegeen. Ruuxa labaad ayaa lagu sheegay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay ex Control Afgooye, waxaana ku xigay Cali Maxamed Cabdi oo la sheegay inuu ahaa xildhibaan hore iyo Daahir Iidow oo ka tirsanaa dowladda Hoose ee Muqdisho. Muuqaalka waxaa kamuuqday qaraxyo meel fog laga duubay oo Al Shabaab ay ka dambeeyay, waxaana lala eeganayay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.
  5. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa waxa uu warqad uu soo saaray ku sheegay in uu shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaaradaasi Jamaal Cabdi Muuse. Warqadan uu soo saaray wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa waxa ay dhignayd sida tan: Source
  6. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka. Taliska Booliiska oo Ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay. Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye. The post Khayre oo xariga ka jaray taliska qaybta guud ee G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Khilaaf u dhexeeya taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili iyo agaasimaha fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa waxa uu sababay inay istaagto qayb ka mid shaqadii xafiiska ee ciidammada Dam-demiska. Khilaaf ayaa waxa la sheegay in uu sababay kharashaad badan oo ka baxsan hawlaha shaqo ee ciidammada dam-demiska oo uu ku kacay agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi. Warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in iyada oo markii hore uu jiray tuhun ay layaab noqotay markii dhacdo ugub ah oo ka dhacyday xarunta dam-demiska ee Hargeysa waxaanay ahayd dhacdadaasi markii ay yimaadeen ganacsato lacago badan ku leh agaasimaha fulinta ee dam-demiska waxaanay agaasimaha ka dalbadeen in uu siiyo lacagtooda, muran xooggan dhex-maray ka dib arrintoodii waxa ay isku bedeshay gacan ka hadal, waxaana uu buuqaasi ka war helay taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili, markii uu kala dhex-galay ee uu dhagaystay doodii labada dhinac ayuu taliye Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili uu aad uga cadhooday arrintan iyo tallaabooyinka uu ku agaasimuhu. Kharashkan ayaa inta badan waxa uu agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi ku galay gaadiid kala duwan oo uu iibiyay ragg siyaasiyiin ah iyo dad kale oo iyada aan la garanayn sababta ku kaliftay arrintaasi. Taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa waxa uu si weyn uga cadhooday tallaabooyinkan uu ku kacay agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi, waxaanu arrintan u gudbiyay hay’addaha ay ku khusayso. Taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in aanu soo shaqo tagi doonin illaa iyo inta hawshan laga xalinayo, waxaanu xusid mudan in aanu taliye Axmed Sawaaxili soo xaadirin xafladihii furitaanka degmooyinka macallin Haaruun iyo Maxamuud Haybe Wararka ay helayso Somalilandtoday aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in wasaaradda arrimaha guduha Somaliland ay go’aan ka gaadhay khilaafkan, isla markaan ay go’aamisay in xilka laga qaado agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyada oo maalmaha soo socda loo soo bandhigi doono warbaahinta. Dhan kale agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo aanu la xidhiidhnay ayaa waxa uu noo sheegay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan, waxaanu beeniyay wararkaasi. Source
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-090219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha. Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Danyar Somaliland Oo Ka Cabanaya Hay La’aan Iyo Xukuumadda KULMIYE Oo Dhisaysa Madaxtooyo Cusub Oo Malaayiin Doollar Ku Kacaysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed , Maayir Ku Xigeenka Dawlada Hoose Ee Hargaysa Cabdi Casiis Cagaweyne iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Axmed Yoonis Juxa ayaa maanta si wada jira u dhagax dhigay laba waddo oo dib u dhis lagu samayn doono. Labadan waddo ee maanta la dhagax dhigay ayaa kala ah wadada Jigjiga yar oo ka bilaabmaysa isgayska Dabbay Maray iyo wadada kale ee isku xidha degmooyinka Gacanlibaax,iyo Maxamed mooge oo ka Bilaabmaysa Saldhiga New Hargaysa. Waddooyinka waxaa dhismahooda fulinaya shirkada Cumaani iyo Dawlada Hoose. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed kaahin Axmed oo goobahaasi la dhagax dhigay ka hadlay ayaa usheegay in si degdega loo bilaabo doono isla maanta dhismaha waddooyinkan oo hore madaxweynuhu u amray. Wasiirkii waxaa uu intaasi ku daray in bulshada looga baahanyahay taba rucaadka qaybtooda Kuna tartamaan horumarka. Source
  12. (SLT-Hargaysa) Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah u shacisay inaanay miisaaniyada dawlada ku jirin lacagta ay somaliland dhaafsatay dekeda Berbera ee ay DP World u gacan galisay iyo saldhiga imaaraadku ka dhiso Berbera. Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka qayb galayey kulan lagaga hadlayey miisaaniyada somaliland Hargeysa ka dhacay ayaa la waydiiyey sababta miisaaniyada dawlada looga dhex arki waayey lacagaha ay somaliland ka helayso kiraynta madaarkii Berbera oo imaaraadku saldhig ka samaysanayo iyo dekeda Berbera. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa su,aashan oo uu waydiiyey Cabdikariim Axmed Mooga kaga jawaabay sidan “Horta way ku jirta kirada dekedu oo Waxay ka muuqataa kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.” Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlaya kirada saldhiga ayaa intaas raaciyey “Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, maaddaama aynaan ka qaadana kuma jiro kirooyinka, Saldhiga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay markaa kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddadana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Jawaabta Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bulshada ka dhex abuurtay guux ku saabsan cida qaadatay lacagtii kirada ahayd ee sanadkan ay somaliland ka heli lahayd dekeda magaalada Berbera, halka lays waydiinayo goorta ay fulayaan mashaariicda ay somaliland dhaafsatay heshiiska uu dalka imaaraadka saldhiga kaga samaysanayo Berbera. Source
  13. $93 milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen. $5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen. Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan. Lacagta ka soo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasanadda xukuumadda! Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraaska $5 milyan ee la siiyey ganacsade Ina Aw Siciid iyo qaar kale intaas ka sii miisaan yar oo la siiyey xubno kale oo ay qaar ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay. Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay. Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn! Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah. Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday! Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?! Wixii hore bikh iyo in qarso saw ma noqonayaan?! Akhas! “Nin agoon ku xaday qalin Gooray ku qaraxdaba Qaaxo kama fogaato!” “Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!” “In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!” Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?! “Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!” Qoraa: Maxamed Bashe Xaaji Xasan. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Shaqo Qaran Oo Ka Shaaciyay Xilliga La Xaraynayo Dhallinyaro Guulaysatay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Boosaaso (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee dekada Boosaso ee Maamul-gobaleedka Puntland. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo qaabkii uu u dhacay dilkaasi. Dowladda Imaaraadka waxay ugu baaqday Maamul-gobaleedka Puntland inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Bosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faa’ideystaan Ummadda Soomaaliyeed, waa sida hadalka loo dhigay. Hadal-qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha. Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika. The post Farmaajo oo ka qayb-gelaya shir madaxeedka Midowga Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Dawladda Somaliland ayaa Budhcad-baddeed U Aqoonsan 27 Markab Shiinaha laga leeyahay Ee Ruqsadaha Ka Qaatay Soomaaliya “Haddii Abaaraha Iyo Isbeddelka Cimilladu Ay Sii Kordhaan Waxay Saameynayaan Xoolaha Nool, Sidaas Awgeed Kalluunku Waa Khayraadka Kaliya Ee Aanu Haysanno,Waana Inaanu Ilaashano Oo Aanu Si Wax Ku Ool Ah U Nidaamsanaa Hannaanka Kalluumaysiga.” Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Hargeysa(Somalilandtoday)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay xeebaha dalka iman karin 27 Markab oo Shiine ah oo Soomaaliya ay siisay ruqsado Kalluumaysi. Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa soo xigatay Shabakadda Ghana Modern oo fallanqeysa Arrimaha Afrika, oo shalay daabacday Xukuumadda Somaliland oo mowqif adag iska taagtay in xeebta JSL ay soo galaan kalluumaysatada sharci darrad ah ee Soomaaliya ka sita waraaqaha ogolaanshaha. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u ilaaliso xeebaheeda islamarkaana u difaaci doonto xudduudaheeda. Wasiirku wuxuu ku dhawaaqay inay ula macaamili doonaan budhcad-baddeed ahaan Kalluumaysatada Shiinaha iyo cid kasta oo lagu qabto iyadoo si sharci darro ah uga kalluumaysata xeebaha Somaliland. Siday werisay Ghana Modern, waxaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu xaqiijiyey in aanay xeebaha Somaliland ku arag Kalluumaysato sharci darro ah oo Shiine ah, hase yeeshee ay arkaan doonyo kalluumaysi oo laga leeyahay Yeman. Wasiir Xasan Gaafaadhi wuxuu intaas ku daray inay dalka ka hirgaliyeen lix goobood oo la dhigay qaboojiyeyaal loogu talogalay inay kalluumaysatadu ku keydsadaan kalluunka ay soo jilaabtaan. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysigu wuxuu carabka ku dhuftay in Kalluunku uu yahay khayraadka kaliya ee Somaliland leedahay,maadaama oo abaaraha iyo isbeddelka cimiladu ay saameeyeen xoolihii noolaa. “Waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku,”ayuu yidhi Wasiir Xasan oo intaas ku daray “Haddii abaaraha iyo isbeddelka cimilladu ay sii kordhaan waxay saameynayaan xoolaha nool, sidaas awgeed waa khayraadka kaliya ee aanu haysanno kalluunku, waana inaanu ilaashano oo aanu si wax ku ool ah u nidaamsanaa hannaanka kalluumaysiga.” Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ISmaaciil (Saylici), ayaa saaka soo kormeeray deeq dawooyin qalab caafimaad isugu jira oo ururka Sweden SOM uu usoo diray wasaaradda caafimaadka Somaliland, sidoo kalena waxa uu madaxweyne ku-xigeenku soo indha-indheeyay keydka guud ee dawooyinka Somaliland. Wasiirku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi, ayaa sharraxaad ka bixiyey deeqdan dawooyinka ah iyo hawlaha shaqo ee keydka dawooyinka Somaliland, waxaana kamid ahaa hadaladii wasiir ku-xigeenka “Madaxweyne ururka SOM Sweden ayaa laba koontiinar oo dawo ah kusoo hagaajiyay wasaaradda caafimaadka,kharashaadka ku baxay imaatinkii dawooyinkanna waxa bixisay wasaaradda caafimaadka somaliland, mudane madaxweyne waxaanu ballan qaadaynaa inaannu sida ugu wanaagsan u maamulno”ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo halkaasi hadlo kooban ka jeediyay ayaa u mahad celiyey guud ahaan bulshadda reer Somaliland ee ku nool qurbaha gaar ahaan ururka SOM Swden ee deeqdan qalabka caafimaadka ah keentay waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Aad baan ugu mahad celinayaa ururkan SOM Swden, qurbajooggu meel kasta oo ay joogaanba waan hambalyaynayaa runtii waxqabadkoodu waa mid aan la dafiri karayn, ilaa maalintii aynu lasoo noqonay madax-bannaanida wax cisbitaal qalab yaalla kala badh qurbajoogga, ayaa keenay hamblayo,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa xaalada deegaan iyo xayawaanada duurjoogta ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Ogan Bekar iyo Muuse Biixi Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaaray Ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Ogan Bekar. Ogan Bekar iyo xubno la socday ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna kada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay. Ogan Baker ayaa horey u ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana isaga iyo xubno la socda ay soo gaareen dhawaan Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kamid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad. Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Soomaaliya ay noqoto wadan cagahiisa dib isugu taaga, waana wadanka kaliya ee Yurub ka tirsan oo si dhab ah u taageera Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hargeysa: Ogan Bekar oo la kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Sacad Sheegay In Sannadkii Hore Ay Xukuumaddu Qadimatay Kiradii Shirkadda DP World Ee Dekedda Berbera Iyo In Aan Wax Kiro Ah Laga Qaadi Doonin Saldhigga Millatari, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan. Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii dalalka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas. Sidoo kale, Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto dalalka Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Dawladda Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo ergaygu isla gorfeeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Turkiga iyo Somaliland iyo taariikhda soo jireenka ah ee ka dhaxaysa. Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Laba Sano ayaa laga joogaa Markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa Shantii dhacdo ee ugu waaweynaa ee dhacay intii uu Farmaajo ahaa Madaxweynaha. Xiriirka Federaalka iyo Maamul goboleedyada. Tan iyo markii xukuumadda haatan jirta ay talada dalka la wareegtay, waxaa jiray kulamo badan oo wada shaqayn ah oo ay yeesheen dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka iyo qaybsiga khayraadka. Hase ahaatee dhanka kale waxaa jiray khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah, kaas oo markii dambe horseeday in maamul goboleedyadu ay sheegaan in ay xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladda dhexe. Khilaafka labada dhinac oo sii xoogaystay ayaa keenay in dawladda Soomaaliya faragalin toos ah ku samayso doorashada maamullada qaar, si ay madax uga dhigto masuuliyiin ayada taageersan, arrintaas oo ka hirgashay maamullada qaar. Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya, ayaa Xakamaysay safarraddii madaxweynayaasha dawlad goboleedyadu ay ku tagi jireen dalalka dibedda ah. Tallaabadan ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay sheegaan in ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay u madax banaanaato siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo dawladdu ay sheegto in dastuur ahaan ayada uun ay go’aan ka gaari karto. Waxay dowladdan noqotay tii ugu horreysay ee guulo siyaasadeed oo la taaban karo ka soo hoysay loollankii ay kula jirtay maammul goboleedyada, dadka wax falanqeeya qaar waxayba qabaan in markii ugu horreysay tan iyo burburkii lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya. Khilaafkii Khaliijka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii soo kala dhex galay dawladaha Khaliijka Carabta, ee u dhexeeyey dawladda Qatar iyo dawladaha kale ee Sacuudigu hormuudka u yahay. Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay dhinacna u xaglinaynay, balse ay dhammaan yihiin dawlado walaalahood ah oo ay tahay in dhammaantood ay iskaashadaan. Go’aankaas ay xukuumaddu qaadatay ayaa la sheegaa in ay uga duwan tahay xukuumadihii ayada ka horreeyey oo ku dhiirran waayay in siyaasadooda ku aadan Khaliijka ay qeexaan. Dhiibistii Qalbi Dhagax Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato. Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ee ka hawlgasha Itoobiya ayay Xukuumadda Soomaaliya bishii Agoosto ee 2017-kii u gacan galisay Itoobiya, arrintaas oo keentay caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi. Ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa kala Waregay kuwa maamulka Galmudug, oo markii hore qabtay Qalbi Dhagax, ayagoo markii dambe u sii duuliyey magaalada Muqdisho, halkaas oo looga sii qaaday Itoobiya, xabsi-gurina lagu geliyay Addis Ababa. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku taageeray go’aanka baarlamaanka uu ka qaatay arrintaasi. Iskaashiga Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Raysul wasaaraha cusub ee dalkaas, Abiy Axmed, waxaa jiray isbaddalo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika. Isbaddalladaas siyaasadeed ayaa waxaa ugu waaweynaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea iyo heshiiskii iskaashiga ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo, uu kamid ahaa in Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo Soomaaliya ay leedahay. Dhanka kale kulamo dhowr oo dhex maray madaxda saddexdan dal ayay ku ballan qaadeen hirgalinta iskaashi ballaaran oo ay kamid yihiin arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha. Itoobiya ayaa dhankeeda ballan qaaday in ay dhowrayso madax banaanida Soomaaliya, oo ay joojinayso xiriirada gaarka ah ee ay sida dhow ula leedahay Maamul goboleedyada Soomaaliya. Wixii intaas ka dambeeyey waxaa muuqda isu soo dhawaan iyo wadashaqayn u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo ay yaraadeen safarradii madaxda maamul goboleedyadu ay sida joogtada ugu tagi jireen Addi Ababa. Waana markii ugu horreysay oo ay Itoobiya si toos ah u taageerto dowladda federaalka Soomaaliya, horey waxay xiriir midabyo badan la lahaayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya. Dadka siyaasadda Soomaaliya indha-indheeyana waxay sheegayaan in madaxdii maammul goboleedyada ay agoomo siyaasadeed noqdeen tan iyo markii ay is fahmeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Eryiddii Nicholas Haysom Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday 2-dii Janaayo 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax banaanida Soomaaliya. Go’aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go’aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya. Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas. Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay. Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa oggolaatay in ergay cusub loo soo magacaabo Soomaaliya oo baddali doona Nicholas Haysom. Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah ayadoo xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.