-
Content Count
207,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya caawa duleedka Muqdishoa ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaan ay dil iyo gubid u geeysteen gaadiid siday dhuxul. Gaadiidkaan ayaa lagu Gubey Duleedka Deegaanka lafoole ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo aan ka Fogeyn Muqdisho. Ilaa labo gaari ayeey gubeen Al-Shabaab sida ay wararka sheegayeen. 3-ruux ayaa sidoo kale goobta lagu toogtay sida uu xaqiijiyey maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle oo ah Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobalka shabeelaha hoose ayaa xaqiijiyey falkaasi waxaana uu sheegay in ay ku raadjoogeen kooxihii falkaasi geeystay. Al-Shabaan ayaa dhowaan duleedka Afgooye ku gubay sidaan oo kale gaadiid dhuxul siday. Al-Shabaab ayaa mamnuucday in gaadiid dhuxul sida ay ay yimaadaan magaalada Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar cowke Puntland Post The post Al-Shabaab oo toogtay 3 ruux gaadiidna gubay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
The United States military says it has killed eight al-Shabab extremists with an airstrike in southern Somalia. A U.S. Africa Command statement says Friday’s strike hit near Kobon, not far from the port city of Kismayo. The U.S. says Kobon has been used to stage attacks against Somali forces. Its statement says no civilians were killed in the airstrike. The U.S. military has carried out at least a dozen such airstrikes this year in Somalia against the al-Qaida-linked al-Shabab, the deadliest Islamic group in Africa. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab since President Donald Trump took office. Experts say it will take more than airstrikes to defeat the extremists, who continue to carry out deadly attacks in the Horn of Africa nation and neighboring Kenya. The post US forces kill militants in fresh airstrike against Al-Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar____Qubanaha-090219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawo halkaaasi lagu dilay mid kamid ah nabaddoonnada Gaalkacyo. Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Maxamed Cabdi Baalle ayaa lagu dilay xaafadda Israac ee waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaanna nawaaxiga Isbartiimada kadib markii uu ka soo baxay salaadda cishaha sida ay sheegeen goobjoogayaal. Weerarka oo ay fuliyeen dableey aan haybtooda la garan ayaa sidoo kale gacan looga dhaawacay nabaddoonka wiilkiisa oo kala soo baxay salaadda waxaana kooxdii dilka geysatay u baxsadeen dhinaca xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen dad halkaasi ka agdhowaa. Ciidamada amniga Puntland ee gobolka Mudug ayaa in ka badan 20 daqiiqo kadib halkaasi gaaray iyadoo ilaa iyo haatan lagu guulaysan in gacanta lagu dhigo dableeydii dilka geysatay. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay weerarka lagu dilay nabaddoonka. PUNTLAND POST The post Puntland: Nabaddoon lagu dilay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
A high-level delegation headed by Somali president, H.E Mohamed Abdullahi Farmajo has landed in Addis Ababa, to attend the African Union summit. The 32nd ordinary session of the assembly of the African Union is set to kick off in the Ethiopian capital, Addis Ababa on Sunday. Several African leaders have already arrived for the conference including Somali President, Mohamed Abdullahi Farmaajo on Saturday. The president is expected to address the summit on Sunday. The AU Assembly was preceded by the 34th Ordinary Session of the Executive Council that took place from 7 to 8 February 2019. The Summit is expected to deliberate on a number of other vital issues, including refugees, the institutional reform and financing of the continental body; peace and security on the continent; developments related to the African continental free trade area; and negotiations for a new cooperation agreement between the African, Caribbean and Pacific developing countries and the European Union Post-2020. As a founding member of the Organisation of African Unity(OAU), and its chair in 1964, 1989 and 1993, Egypt is set to take over the chair of African Union; Egyptian President Abdulfatah Al Sisi is the new chair. In addition, consideration will also be given to the election of the Chairperson of the AU for 2020 – a position that will rotate to the southern African region. Further, the election of five members of the AU peace and security council; the appointment of one member of the AU Commission on international law; and one member of the African committee of experts on the rights and welfare of the child. The post Somali president lands in Addis Ababa for AU’s 32nd assembly appeared first on Shabelle. View the full article
-
The UAE condemned the killing of Paul Anthony Formosa, head of the Bosasso Port in Somalia’s Puntland region, which is managed by P&O Ports, a Dubai-owned entity within the Ports Customs and Free Zone Corporation (PCFC). The country’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation communicated with P&O Ports and offered condolences on Formosa’s death, affirming that it is following up on the current investigations. It called on the local government in the Puntland region of Somalia to provide necessary protection for the port and its workers to maintain investments that benefit Somalis. The Ministry renewed the UAE’s firm stance on rejecting all forms of violence and terrorism regardless of its origin, and it stressed the need for the international community to unite in order to fight the threat posed by extremism that threatens security and stability around the world. It also offered condolences Formosa’s family, colleagues, and workers in the port. “We are deeply saddened by the loss of our friend and co-worker. He will be greatly missed, and our thoughts and prayers are with the family at this most difficult time,” CEO of P&O Ports Rado Antolovic said in a statement on Thursday, Following the recent incident at its port facility, the company will provide grief and trauma counseling to its employees. The company continues to fully cooperate with the ongoing investigation into the incident and reiterates its unwavering commitment to the success of the project, the statement explained. “Operations at the facility have restarted following a security review, and P&O Ports will continue to pursue its development of the port in partnership with the government and for the benefit of the people of Puntland,” Antolovic said. Source: Asharq Al-Awsat The post UAE Condemns Killing of Staff Member of Dubai-Owned Port in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Seoul (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Soomaaliya, Saynab Cabsi Mocallim iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaasi kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay Arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani-aadanimada. Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ad magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation, xarunteeduna tahay magaaladan Seoul,waxaana ka soo qeyb galay madax iyo wufuud ka kala socota 110 wadan tiradooduna kor u dhaafayso 700-ruux. Marwada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay haweenayda ugu sarreysa hay’adda, haweenka martida ah iyo sidoo kale madaxda dalalka qeybta ka ahaa shirweynahan sanadlaha ah, iyaga oo ka wada hadlay guud ahaan nabadda dunida iyo si gaar ah Arrimaha Soomaaliya dhanka horumarinta iyo garab istaagga haweenka iyo dhallaanka. Marwo Saynab Macallin, Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa lagu sharfay in ay khudbad taariikhi ah ka jeediso kulankan,Iyadoona sanadkan abaalmarinta ay ku guuleystay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Waris Diiriye, iyadoona lagu abaalmariyey dadaalka ay ku bixisay ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed. Dadka la casuumay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaareyaal, Madaxweyneyaal hore iyo ku-xigeenno, siyaasiyiin, qoraayo iyo dad caan ah oo ku guulaystay billado caalami ah. Sanadkan waxa Afrika u gaar ahaa in laba qof la siiyay billado.
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa waxa uu khadla taleefanka kula soo xidhiidhay wasiirkii hore ee wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal waxaanu ugu hambalyeeyay tallaabo uu wasiirku qaaday dhawaan sida uu xaqiijiyay raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa shaaciyay in duqayn cusub ay xalay ka fuliyeen tuulada Kaban ee gobolka Jubada Hoose, koonfurta Soomaaliya. AFRICOM ayaa tilmaamtay in weerarka cirka ah ay la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkasta oo aysan ku xusin war-saxafadeedkooda khasaaraha ka dhashay howlgalkaasi ay fuliyeen. Dhanka kale, Afhayeenka ciidamada maamulka Jubaland oo ka hadlay duqayntaasi ayaa daboolka ka qaaday in lagu dilay 25 kamid ah Al-Shabaab, islamarkaana ay kusoo furteen Saanad ciidan iyo agab kale. Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ku saabsan duqayntaan oo kasoo baxay dhinaca xarakada Al-Shabaab. Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa sanadkaan 2019-ka kordhiyay howlgalada ay ka fuliyan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyaga oo beegsada goobaha ay ku tuhmayaan Al-Shabaab. The post Mareykanka oo ka hadlay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalada dilal qorsheysan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo geystay saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda. Muuqaalka oo soconaya muddo 11 daqiiqo ah ayaa waxaa ku jira qaraxyo qorsheysan oo Al Shabaab ay sheegeen inay ka geysteen gobolada kala duwan ee dalka iyo gobolka NFD ama waqooyi bari Kenya. Ruuxa ugu horeeya ee kasoo muuqanaya muuqaalka ayay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cabdi Cilmi oo kamid ahaa waaxda dambi baarista ee CID sida ay Al Shabaab sheegeen. Ruuxa labaad ayaa lagu sheegay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay ex Control Afgooye, waxaana ku xigay Cali Maxamed Cabdi oo la sheegay inuu ahaa xildhibaan hore iyo Daahir Iidow oo ka tirsanaa dowladda Hoose ee Muqdisho. Muuqaalka waxaa kamuuqday qaraxyo meel fog laga duubay oo Al Shabaab ay ka dambeeyay, waxaana lala eeganayay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa waxa uu warqad uu soo saaray ku sheegay in uu shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaaradaasi Jamaal Cabdi Muuse. Warqadan uu soo saaray wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa waxa ay dhignayd sida tan: Source
-
Khayre oo xariga ka jaray taliska qaybta guud ee G/Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta xarigga ka jaray xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay ayaa sheegay in Booliisku ay laf-dhabar u yihiin horumarinta garsoorka iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda amniga iyo taliska booliiska ku ammaanay dib-u-dhiska taliska xarumaha booliiska gaar ahaan qaybta guud ee gobalka, waxa uuna taliska booliiska faray in lasoo celiyo sharafta booliiska iyo in taliska dhexdiisa ay ka billaabaan dagaalka ka dhanka ah musuqa, si loo soo celiyo kalsoonida shacabka. Taliska Booliiska oo Ra’iisul wasaaraha usoo bandhigay qorshayaashooda hagaajinta amniga, ayaa ballan qaaday soo celinta sumcadii iyo sharaftii uu caanka ku ahaa booliiska Soomaaliyeed iyo in safka hore ay ka gelayaan dagaalka ka dhanka ah musuqa iyo laalaabka si loo helo amniga la isku hallayna karo cadaalad loo simanyahay. Halbeegyada wasaaradda amniga gudaha XFS ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib u dhiska xarumaha booliiska ee caasimadda dalka iyo dayactirka xarunta tababarka booliiska Gen. Kaahiye. The post Khayre oo xariga ka jaray taliska qaybta guud ee G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article -
(SLT-Hargeysa)-Khilaaf u dhexeeya taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili iyo agaasimaha fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa waxa uu sababay inay istaagto qayb ka mid shaqadii xafiiska ee ciidammada Dam-demiska. Khilaaf ayaa waxa la sheegay in uu sababay kharashaad badan oo ka baxsan hawlaha shaqo ee ciidammada dam-demiska oo uu ku kacay agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi. Warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in iyada oo markii hore uu jiray tuhun ay layaab noqotay markii dhacdo ugub ah oo ka dhacyday xarunta dam-demiska ee Hargeysa waxaanay ahayd dhacdadaasi markii ay yimaadeen ganacsato lacago badan ku leh agaasimaha fulinta ee dam-demiska waxaanay agaasimaha ka dalbadeen in uu siiyo lacagtooda, muran xooggan dhex-maray ka dib arrintoodii waxa ay isku bedeshay gacan ka hadal, waxaana uu buuqaasi ka war helay taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili, markii uu kala dhex-galay ee uu dhagaystay doodii labada dhinac ayuu taliye Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili uu aad uga cadhooday arrintan iyo tallaabooyinka uu ku agaasimuhu. Kharashkan ayaa inta badan waxa uu agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi ku galay gaadiid kala duwan oo uu iibiyay ragg siyaasiyiin ah iyo dad kale oo iyada aan la garanayn sababta ku kaliftay arrintaasi. Taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa waxa uu si weyn uga cadhooday tallaabooyinkan uu ku kacay agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi, waxaanu arrintan u gudbiyay hay’addaha ay ku khusayso. Taliyaha ciidammada Dab-demiska Sareeye Guuto Axmed Sawaaxili ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in aanu soo shaqo tagi doonin illaa iyo inta hawshan laga xalinayo, waxaanu xusid mudan in aanu taliye Axmed Sawaaxili soo xaadirin xafladihii furitaanka degmooyinka macallin Haaruun iyo Maxamuud Haybe Wararka ay helayso Somalilandtoday aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in wasaaradda arrimaha guduha Somaliland ay go’aan ka gaadhay khilaafkan, isla markaan ay go’aamisay in xilka laga qaado agaasime Cabdiqaadir Cumar Xaashi iyada oo maalmaha soo socda loo soo bandhigi doono warbaahinta. Dhan kale agaasimaha fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi oo aanu la xidhiidhnay ayaa waxa uu noo sheegay in arrintaasi ay tahay waxba kama jiraan, waxaanu beeniyay wararkaasi. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-090219.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Itoobiya si ay uga qayb-galaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo berri ka furmaya Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sannadkan lagu lafo-gurayaa sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran. Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona madaxda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Afrika, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ah. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulammo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Afrika, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda wada-shaqaynta ay leeyihiin iyo isweydaarsiga khibradaha. Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed , Maayir Ku Xigeenka Dawlada Hoose Ee Hargaysa Cabdi Casiis Cagaweyne iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Axmed Yoonis Juxa ayaa maanta si wada jira u dhagax dhigay laba waddo oo dib u dhis lagu samayn doono. Labadan waddo ee maanta la dhagax dhigay ayaa kala ah wadada Jigjiga yar oo ka bilaabmaysa isgayska Dabbay Maray iyo wadada kale ee isku xidha degmooyinka Gacanlibaax,iyo Maxamed mooge oo ka Bilaabmaysa Saldhiga New Hargaysa. Waddooyinka waxaa dhismahooda fulinaya shirkada Cumaani iyo Dawlada Hoose. Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed kaahin Axmed oo goobahaasi la dhagax dhigay ka hadlay ayaa usheegay in si degdega loo bilaabo doono isla maanta dhismaha waddooyinkan oo hore madaxweynuhu u amray. Wasiirkii waxaa uu intaasi ku daray in bulshada looga baahanyahay taba rucaadka qaybtooda Kuna tartamaan horumarka. Source
-
(SLT-Hargaysa) Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah u shacisay inaanay miisaaniyada dawlada ku jirin lacagta ay somaliland dhaafsatay dekeda Berbera ee ay DP World u gacan galisay iyo saldhiga imaaraadku ka dhiso Berbera. Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka qayb galayey kulan lagaga hadlayey miisaaniyada somaliland Hargeysa ka dhacay ayaa la waydiiyey sababta miisaaniyada dawlada looga dhex arki waayey lacagaha ay somaliland ka helayso kiraynta madaarkii Berbera oo imaaraadku saldhig ka samaysanayo iyo dekeda Berbera. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa su,aashan oo uu waydiiyey Cabdikariim Axmed Mooga kaga jawaabay sidan “Horta way ku jirta kirada dekedu oo Waxay ka muuqataa kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.” Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlaya kirada saldhiga ayaa intaas raaciyey “Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, maaddaama aynaan ka qaadana kuma jiro kirooyinka, Saldhiga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay markaa kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddadana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Jawaabta Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bulshada ka dhex abuurtay guux ku saabsan cida qaadatay lacagtii kirada ahayd ee sanadkan ay somaliland ka heli lahayd dekeda magaalada Berbera, halka lays waydiinayo goorta ay fulayaan mashaariicda ay somaliland dhaafsatay heshiiska uu dalka imaaraadka saldhiga kaga samaysanayo Berbera. Source
-
$93 milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen. $5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen. Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan. Lacagta ka soo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasanadda xukuumadda! Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraaska $5 milyan ee la siiyey ganacsade Ina Aw Siciid iyo qaar kale intaas ka sii miisaan yar oo la siiyey xubno kale oo ay qaar ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay. Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay. Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn! Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah. Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday! Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?! Wixii hore bikh iyo in qarso saw ma noqonayaan?! Akhas! “Nin agoon ku xaday qalin Gooray ku qaraxdaba Qaaxo kama fogaato!” “Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!” “In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!” Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?! “Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!” Qoraa: Maxamed Bashe Xaaji Xasan. Source
-
Popular Contributors