Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,373
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shaaciyay Shan arrin oo uu sheegay inay caqabad ku noqoto dowlad kasta oo loosoo dhiso dalka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka. Madaxweynaha dalka wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanan inta badan loo sheegin waxyaabaha dalkooda u diidaya dowladnimada waarta, waxaana uu sheegay in dhibaatada kaga timaada caalamka ay tahay waxyaabaha ugu horeeya ee dalka ka dagi la’yahay. Arrinta ugu horeysa wuxuu ku sheegay inay tahay Kheyraadka tirada badan ee ku jira dalka Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed oo heysta hal dhaqan, Diin iyo Af oo wadamo badan oo caalamka ah ay u arkeen in haddii dowladnimo wanaagsan ay helaan Soomaalida ay caqabad ku noqon karan dalalkooda. Sidoo kale madaxweynaha dalka ayaa sheegay in Siyaasiyiinta uu ugu yeeray kuwa Xanaaqsan ay caqabad ku yihiin dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in danta Guud ay ka hormariyaan dantooda gaarka ah. Warbaahinta ayuu sidoo kale sheegay inay qeyb ka tahay kuwa ay ka dagi la’yahay dalka, gaar ahaan kuwa ka hadla arrimaha Soomaaliya ee dibadda ku yaala oo uu sheegay inay kaliya diiradda saaraan dhibaatada dalka. Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan dowladnimada Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Dowlad-Walba-Oo-Soomaaliyeed-Maxeey-Uhana-Qaadi-Weysay-Madaxweyne-Farmaajo-Ay.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. 6-7da Febraayo 2019, ayaa Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay magaaladda Muqdisho ku martigalisay shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo ah markii u horaysay ee la qabto ka dib burburkii dawladdii dhexe ee dalka. Shirka waxa ka soo qaybgalay Garsoorka heer federaal iyo dhammaan dawladaha xubnaha ka ah federaalka, hay’addaha kale ee dawlada oo marti-sharaf ahaan uga soo qaybgalay,jaamacaddaha, culimada, bulshada rayidka ah iyo qaybo ka mid ah bulshada caalamka. Shirkan oo ah mid qanuuni ah sida ku cad Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962, waxa diiradda lagu saaray wax-qabadka garsoorka sanadkii tagay, caqabadaha ka hor yimid ama hor taagan iyo qorshayaasha mustaqbalka. Shirka waxa lagu aqoonsaday muhiimada ay leedahay dib-u-yagleelida garsoorkii dalka madax banaan, karti u leh gudashada xilkiisa, xaqiijinna kara dhowridda saraynta sharciga, isku xukunkiisa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha. Ka qaybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorka Soomaaliya waxay soo saareen war-murtiyeedkan Ka qeybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorku waxa ay Maxkamadda Sare uga mahadceliyeen soo noolaynta sanadka garsoorka iyo hirgalinta shir sanadeedkii koowaad ee garsoorka. 2. Shirku wuxuu bogaadiyey soona dhoweeyey in uu shirkani sida qaanuunku qabo noqdo mid joogto ah oo sanad kasta bilawgiisa la qabto. 3. Shirku wuxuu bogaadiyey dib-u-habeynta balaadhan ee ka soo socota garsoorka, waxaanu soo jeediyey in guud ahaan dalka laga hirgaliyo dib-u-habeynta Garsoorka. 4. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo booliiska garsoorka si uu ugu sahlo fulinta go’aamada iyo xukunnada garsoorka sugana amniga garsoorka dalka. 5. Shirku wuxuu dhiirigaliyey xoojinta maxkamaaha wareega iyo bixinta adeeg sharci oo lacag la’aan ah, si ay bulshadu u hesho adeeg. caddaaladeed oo ay gaadhi karaan. 6. Shirku wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo muhiimad gaar ah u leh Garsoorka. 7. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo dhiso xarumihii maxkamadaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba, lana xoojiyo dib u dhiska iyo dayactirka xabsiyada dalka. 8. Shirku wuxuu soo jeediyay in dib loo yegleelo xafiiska tirakoobka iyo xog ururninta garsoorka Soomaaliya. 9. Shirku wuxuu taageeray in si dhakhso leh loo dhamaystiro hannaanka caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliya. 10. Gunaanad, shir-sanadeedka Garsoorku waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta garsoorka ee ilaalinta saraynta sharciga iyo dhowrida xuquuqda aadmaha. Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Ankara)-Wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa dhaliishay qaabka uu Shiinaha ula dhaqmo qowmiyadda dalkaasi looga tirada badan yahay ee Wiiga, waxaana xukuumadda Ankara ay ku tilmaantay xariga baahsan ee dadkaasi lagula kaco mid ceeb ku ah aadanaha. Afhayeen u hadlay Turkiga ayaa sheegay in milyan qof oo Wiiga ah lagula kaco jirdil iyo marin habaabin siyaasadeed, isla markaana lagu hayo xarumo la isugu geeyay, halka 9 milyan oo kalena ay xor yihiin balse ay khatar ugu jiraan dhibaato noocaasi ah. Warkan carada leh ee ka soo baxay Turkiga ayaa daba socday geeri la sheegay inay ku timid fanaan caan ah oo u dhashay muslimiinta Uighur oo lagu magacaabo Abdurehim Heyit, kaas oo ku xukunnaa 8 sano oo xabsi ah. Xukuumadda Shiinaha ayaa u aragta fanaankaasi mid heesihii ku kicin jiray Muslimiinta dalkaasi. Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga, Hami Aksoy, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay xoojin doonto sida shacabka dalkiisa ay uga soo horjeedaan siyaasadaha Shiinaha ee ku aaddan Muslimiinta Uighur-ha. Shiinaha ayaa dhankiisa ku doodaya in xeryaha dadkaasi uu u sameeyay ay yihiin kuwo dib wax loogu barayo. Qowmiyaddan Uighur-ha ayaa ah boqolkiiba 45 dadka ku nool gobolka WG Shiinaha ee Xinjiang. Waxa ay isu arkaan kuwo dhaqan iyo qowmiyad ahaanba u dhaw dalalka ku yaal bartamaha Aasiya, luuqadoodana waxa ay aad ugu dhaw dahay tan Turkiga. Tobanaankii sano ee la soo dhaafay, qowmiyadda Han ee ah tan ugu badan Shiinaha ayaa ku soo badanaysay gobolka Xinjiang, waxaana taasi ay cabsi gelisay Uighur-ha. Xinjiang ayaa ah gobol ismaamul hoose leh sida kan dhanka koonfur kaga beegan ee Tibet. Laamaha ammaanka ee Shiinaha ayaa sanadihii dambe fiira gaar ah u lahaa bulshada Uighur-ha. Source
  4. (SLT-Washington)-Maamulka madaxweyne trump ayaa diiday in uu ka jawaabo codsi uga yimid aqalka Congress-ka oo ku aaddan in la soo saaro warbixin caddaynaysa ciddii ka dambaysay dilkii Wariyihii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi. Wakiilada aqalka Congress-ka ayaa bishii October gudbiyey qoraal ay ku dalbanayaan in baadhitaan lagu sameeyo dilkaas iyo in Aqalka Cad uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo arrintaas. Mas’uul katirsan Maamulka madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay in uu diido in arrintaas uu gacan ka gaysto. Khashoggi ayaa la dilay bishii October ee sanadkii hore kadib markii uu galay qunsuliyadda uu Sacuudigu ku leeyahay magaalada Istanbul. Waxa uu ahaa nin aad u dhaliila xukuumadda Sacuudiga. Maydkiisii ayaa la sheegay in la jarjaray ilaa iyo haddana lama hayo meel la geeyey. Saraakiisha sirdoonka Maraykanka ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in hawgalka noocaas oo kale ah uu ahaa mid u baahan in uu oggolaado Dhaxal Sugaha dalkaas Maxamed bin Salman. Hase ahaatee Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku adkaysanaya in wariyahaas ay dileen koox arxan laaweyaal ah oo katirsan sirdoonka Sacuudiga kuwaas oo aan ku socon amar ka yimid Dhaxal Sugaha. Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa qoraal u diray hoggaamiyeyaasha golaha senate-ka oo uu ku sheegay in tallaabo laga qaaday dad lagu tuhunsan yahay dilka. Qoraalka Pompeo uu u gudbiyey senate-ka laguma xusin ciddii masuulka ka ahayd dilkii Khashoggi, waana arrinttaas midda ay dalbanayaan golaha senate-ku. Maraykanka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay 17 sarkaal oo Sacuudiyaan ah, oo uu kamid yahay Saud al-Qahtani, oo ahaa la taliyihii hore ee Dhaxal Sugaha oo la sheegay in uu qayb ka ahaa qorshaynta iyo fulinta hawgalka lagu dilay Khashoggi. Hase ahaatee golaha senate-ka ayaa Mr Trump ku dhaliilay in uu ku guuldarraystay in dilka Wariyaha uu si toos ah dusha ugu saaro Dhaxal Sugaha. Source
  5. Addis Ababa (SMN) -Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-Gaar ah kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qaruumaha Ka dhaxeysa ayaa sidoo kale isku soo hadal qaadey Eryidii Wakiilkii qramada Midoobay Nicoles Heysom iyo sidii dhaqso loogu soo magacabi lahaa wakiilka abadali Doona. Antonio Guiteres Xoghayaha Guud ee QM ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ka Balan qaadey in ay qaramada Midoobay sii xoojin doonto wadashaqaynta Soomaaliya ilaa laga Xaqiijinayo yoolka ay Soomaaliya leedahay. Dhanka kale madaxweynaha ayaa xalay kulan la qaatay qaarkamid ah Hogaamiyaasha dalalka africa oo uu maanta magalada adis ababa uga furmidoono shir madaxeedkii 32aad ee Hogaamiyasha Africa. Shirkaasi ayaa diirada lagu saari doonaa Qaxootiga Africa ah iyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayen dalalka ay ku nool yihiin. Sidoo kale shirka hoggaamiyeyaasha Africa waxaa looga hadli doonaa sidii loo joojin lahaa isticmaalka bacaha oo faro ba’an ku haya dalalka qaaradda, inkastoo ay shacabka ku nool dalalka bacaha laga isticmaalo ku andacoonayaan madaxdu in ay keenaan bacaha wixii lagu bedali lahaa inta aan la joojin ka hor. Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona Shir madaxeedka qaaradda Africa ee magaalada Addis Ababa waxaa ayna khudbadiisa ku saabsan tahay arrimaha qaxootiga Africa, gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo sidii loogu qaabayn lahaa nolol wanaagsan. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay xoghayaha QM appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-100219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Gaarisa)-Maxkamad ku taalla Gaarisa waxay shalay amartay in la sii daayey Labo nin oo kala haysta dhalashadda dalalka New Zealand iyo Itoobiya, kuwaasi oo toddobaadkii hore lagu xidhay Waqooyi bari ee dalkaasi. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ay Maxkamadi amartay in la sii daayo raggaasi oo ay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ku tuhmeen inay gacan-saar la leeyihiin Xarakadda Alshabaab. Sulub Warfaa oo haysta dhalashadda dalka New Zealand iyo Saakhawadiin Cabdillaahi oo haysta dhalashadda Itoobiya ayaa lagu kala sheegay magacyadda labada qof ee la sii daayey. Dacwad-oogayaasha Kenya ayaa sheegay in Baasabooradda labadaasi nin ay sax yihiin, isla markaana ay si sharci ah ku joogeen gudaha dalka Kenya. Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay raggaasi qabteen, xilli ay ka soo ambabaxeen Garissa, kuna wajahnaayeen caasimadda dalkaasi ee Nairobi. Dhinaca kale, Sulub Warfaa oo Suxufiyiinta kula hadlay bannaanka Maxkamadda Garissa waxa uu Dowladda Kenya ka codsaday inay raalli-gelin ka bixiyaan Xadhigiisa. Source
  8. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guiteres oo ay ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha waxaa kulanka dhankiisa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Labada dhinac ayaa la soo sheegayaa inay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaddib markii 2dii bishii Janaayo ee sanadkan dowladda Soomaaliya Eriday ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Antonio Guiteres ayaa sheegay in uu soo magacaabayo ergey cusub oo Qaramada Midoobey kala shaqeyn doona xidhiidhka Soomaaliya. Source
  9. Afgooye (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa markii seddexaad xaalad kicin karta Shacabka Shabeelaha Hoose ka sameeyay agagaarka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Gelinkii dambe ee Shalay xubno la sheegay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin ayaa gaadiid kale ku gubay agagaarka deegaanka Lafoole oo ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye. Waxaa ka horeysay maalin un ka hormarkii Al Shabaab ay Deegaanka DOONKA ee duleedka degmada Afgooye ay ku gubeen gaadiid kale oo ay leeyihiin dad Shacab ah. Dhamaan gaadiidka ay Al Shabaab ku gubeen agagaarka degmada Afgooye ayaa waday Dhuxul, waxaana ay marayaan ku dhawaad 15 gaari oo dadkii waday lagu amray inay ka degtaan kadibna hortooda lagu gubay gaadiidka iyo dhuxushii ay Wadeen. Sawiradda gaadiidkii Shalay gelinkii dambe ay gubeen Al Shabaab ayaa muujinaya dab xoogan oo gaadiidka qabsaday, kadib markii sida darawalada ay sheegeen lagu wareejiyay Shidaal, kadibna dab la qabadsiiyay. Arinta gubidda gaadiidka ee Al Shabaab ay ka sameynayaan meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho ayaa muujineysa inay Al Shabaab awood u leeyihiin inay wadadaasi ka fulin karaan ujeedadooda, waxaana ka dhashay Su’aalo badan oo ay ugu horeyso in dowladda Soomaaliya aysan maamulin deegaanka iyo inkale. Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa maxaa keenay in Al Shabaab ay maalin iyo habeen ay gaadiidkaasi ku gubaan meel u muuqata degmada Afgooye oo ciidamada dowladda aysan ka fogeyn halka falku ka dhacayo, waxaana dhamaan gaadiidka la gubay ay kusoo wajahnaayeen Muqdisho. Maamulka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay xaalka ka warhayaan oo kaliya , balse ma muuqato talaabo kale oo la qaaday si loo badbaadiyo gaadiidka dadweynaha ee la gubayo. Al Shabaab ayaa horey deegaanadooda kaga mamnuucay in la jaro dhirta, taasi oo ay sheegeen inay qeyb ka tahay xaalufinta dhirta.
  10. ‪Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar‬ Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan. Dhowaan Soomaaliya ayaa ceeyrisay wakiilkii qaramada midoobay ee Soomaaliya Nichlos Haysom. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  11. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay dil iyo qarax. Qarax ayaa ka dhacay degmada Xamar jajab ee Muqdisho waxaana uu ahaa nooca loo yaqaano dhajiska waxaana gaarigooda loogu xiray dad saarnaa gaari nooca raaxada ah. Hal qof ayaa ku geeriyooday halka ruux kalena uu ku dhaawacmay qaraxaasi. Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo meydka iyo dhaawacay ka qaaday. Dhinaca kale isla xalay ayaa koox bastoolado ku hubeeysan degmada Hodan ee Muqdisho waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidamada dowlada. Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Xaawo Taako degmada Hodan ee Muqdisho. Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo ay geeystaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax iyo dil ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Musuqa iyo Fashilka Dul Hoganaya Wasaaradda Maaliyadda Warbixin ku iftiiminaysa xaqiiqooyinka dhex hoganaya wasaarada Waa kuma Dr.Sacad iyo musuqa dul hoganaya sidoo kalena soo waariday qabyaaladii qurbaha ee xad dhaafka ahayd. Tan iyo intii loo magacaabay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo ahayd bisha Koobiyatobnaad tobankeedii labada kun iyo sideed iyo toban (11/10/2018) wuxuu marar badan hor tagay warbaahinta kale duwan ee dalka, taas oo markiiba bulsha-weynta Somaliland su’aal galiyeen wajigii loo haystay uu u muuqday inuu yahay daacad iyo in aanu aqoonin wax qabyaalad ah haba yaraatee iyo cadaaladda darada durbadiiba uu ka sameeyay wasaaradda gudaheeda muddan kooban ee uu xilka hayay; iyadoo awalaba ay jirtay marka hore dheeli badan oo ah dhinaca reerka uu ka soo jeedo ay wasaaraddu la ciirciiraysay Dr.Sacad Cali Shire. Waxa yaab iyo fajiciso noqotay dhaqankan ee uu caadaystay marka su’aalo la waydiiyo MA KALA AQAANO, MAAN GARANAYN IYO WAXAAN KU QIIMEEYAA AQOONTOODA. Balse ay tahay been oo sidaynu ka arki doono gadaal ay muujinayso inuu aad u yaqaano eexda iyo qabyaaladda sidoo kalena kolba meesha uu tago uu musuqii xadhkaha goosto isna ay kaga dhagta uun Anigu maan samayn iyo hadalo iska hor iyo daba imanaya oo wada ah HAA iyo Maya “Ilaahoow ha naga wada yeedhsiin HAA IYO MAYA mar qudha”. Bal dhuga warbixnaha iyo qoraaladdan uu sameeyay wasiir Sacad:- Bedelkani wuxu daba socdaa Bedelkii uu sameeyay Wasiirkii Hore ee isagu xilka kala wareegay Yuusuf Maxamed Cabdi oo isna ahaa sidan:- Haddii aynu falaqayn ku samayno arrintan oo kaliya oo ifiiminaysa qabyaaladda xadhkaha goostay ee uu isticmaalo isla markaana ku sifoobay mudane Sacad cali shire waad fajici waxaanad ogaanaysaa wajiga dhabta ah ee Dr.Sacad Cali shire warqada uu saxeexay sacad ee ah burinta iyo baabi’intu waxay iftiiminaysaa siduu sida dhiiran ee uu difaaco waayo wasiirkii hore wuxuu bedel ku sameeyay siday muujinayso warqadani Xisaabiya ku-Xigeenka Dawladda Mr.Keyse Maxamed Cabdilaahi oo muddo dheer ahaa ku-Xigeen sidoo kale ay aqoontiisu tahay Dugsi Sare oo ayna isku hayb hoose yihiin (Ciise Muuse) Dr.Sacad Cali shire sida si cad u muuqatana caqabad ku ah in laga hirgaliyo Xafiiska Xisaabaadka Guud oo uu ka baqayo in laga bedelka xilka uu hayo iyo inuu helo lacagta badan ee lagu sameeyo xisaab xidhka gacan ku samaynta ah , isagoo wasiirkii hore ku bedelay nin waayo-arag ah isla markaana sita shahaada heerka labaad ee Jaamacadda isagoo Dr.sacad maraya inuu u kala hiiliyo beesha Habar-Awal dhexdeeda oo maadaama warsame ka soo jeedo beesha Sacad-Muuse halka uu ku difaaco kolba halkay joogto qabyaaladdu waxaa iyana tusaale inoogu filan isla bedelkan inuu Wasiirkii hore bedel ku sameeyay Xafiiska Deeqaha Dibeda ee (External Assistance Fud.Section) Mr.C/qaadir Maxamuud oo ka soo jeeda beesha Habar-Awal isagoo u dhiibay inan la yidhaahdo Sucaad Maxamed Daahir oo sitada shahaada Heerka Labaad ee Jaamacadda ee ah Maamulka Maaliyadda kana soo jeeda beesha ARAB Sh.Isaxaaq markuu arkay wasiirka maantu in aanay sucaad isku hayb ahayn ayuu buriyay bedelkaas oo iftiiminaya inay tahay Xisaabaadka Guudi waax hoosta tagta W.Maaliyadda.Dhinaca kale wasiirkii hore oo isna lagu xantu inuu beeshiisa West Burco Clan guud ahaan gaar ahaan Cidagale uu kor u soo qaado sida ay cadaynayso warqadani inuu ka dhigay Mr.Maxamed Cali Xirsi madaxa hubinta oo ay isku beel ahaayeen wasiirkii hore yuusuf Maxamed Cabdi inkasta oo maxamed Cali Xirsi sito shahaada labaad ee Maamulka Maaliyadda balse lagu xaman jiray inuu uruursado team kala duwan oo ay ka soo wada baxeen Jaamacadaha Dalka Ethiopia oo uu u haystay in cidii wax ku baratay Ethiopia oo kaliya ay aqoon iyo karti leeyihiin. Wax marag ma doon ah in dakhligii dalka ee ka soo xaroon jiray goobaha kale duwani uu dhulka galay isagoo wasiir Dr.Sacad aanay u ahayn muhiimad koobaad dakhliga iyo yaraynta cashuur-dhaafka isagoo ku wareejiyay dhamaan masuuliyadii labada waaxood ee Dakhliga ee kale ah Cashuuraha Beriga iyo iyo Kastamka uu kuna wareejiyay wasiirka ku xigeenka Mr.C/qaadir dhaga wayne oo wax khibrad iyo aqoon toona u lahayn maamulka guud ahaan gaar ahaan maamulka maaliyadda iyo dakhliga toona oona ka muuqdo fudayd iyo inuu mar walba ku hadaaqo waxaan ka imi Madaxweynihii iyo imikaan la hadlaayay isagoo durba cashuur dhaafkii u samaynaya ganacsato ay isku hayb yihiin sida ila wareedyo Wasaaradda Maaliyadda u dhuun dhaloolaa sheegayaan inuu dhagta ka haysto Agaasime Ku Xigeenkii Waaxda Cashuuraha Beriga Mr.khadar Laas. Wasiir Sacad inuu ka shaqeeya Dakhliga wasaaradda isla markaana uu xayndaabka sharciga ku soo celiyo cashuur dhaafka faraha ka baxay inuu AJAANIB CADAAN AH KULA SHIRO WASAARADDA AMA UU SHAAH KULA CABO MAANSOOR HOTEL oo aad moodu inuu yahay wasiirkii Arrimaha Dibeda ama Qorshaynta waa yaabe!!!!!! Qormooyin xiisa badan aanu idiinku soo gudbin doono Haddii AALAAH OGOLAADO. Maxamed Dhamac Hargeysa Somaliland Dhama.egge@gmail.com Qaran News
  13. Dr Abdirahman Mohamed Abdillahi [Cirro] @CirroSL Madaxweyne Muuse: “Saldhiga militariga waan ka kiraynay dawladda Imaaraadka”!. Wasiir Sacadna waxa uu leeyahay “kiro kama qaadanno”! Keebaa run sheegaya? Keebaase shacabka been u sheegaya? Shacabkaygu ayaan daranaa? Daawo Muuse Biixi oo…. M/weyna @musebiihi afkaaga ayad ka tiri saldhiga berbera wan kireenay! Dawlada #Somaliland miyay mid kaliya ahayn? pic.twitter.com/gp0sVfYUnP — (@hargeysaa) February 9, 2019 Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii 23-kii Feberaayo 2017 uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre ma jirin khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay labadaas mas’uul ee ugu sarreeya dalka. Ma is-weydiisauy sababta? Muuqaalkan hoose ayaa sharxaya ee daawo.
  15. Adds Ababa (Caasimada Online) – Xogahayaha guud ee QM, António Guterres ayaa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, halkaasi oo ay uga wada-qeyb galayaan kulan madaxeedka Midowga Afrika. Kulanka ayaa yimid maalin un kadib sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, 8-dii Febraayo 2017. António Guterres ayaa booriyey isbeddelada wanaagsan oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, oo hadda laba jirsatay. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya ay fuliso tubteeda siyaasadda loo dhan yahay, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha, soo kabashada iyo horumarinta bulshada. Dhammaan arrimahaas ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga qeyb-galiyo oo lagala shaqeeyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka. António Guterres ayaa sidoo kale Farmaajo u sheegay inay muhiim tahay in lasii wado wada-shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Amisom. Xoghayaha guud ayaa dhinaca kale uga mahad-celiyey dowladda Soomaaliya joogyenta amniga iyo badbaadada shaqaalaha QM ee Soomaaliya ka taageeraya inay horumar ka gaarto arrimaha nabadda iyo mustaqbal wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan. Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay kamid yihiin wada-hadalladii maamulka Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika. Muuse Biixi ayaa u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax midho-dhal laga gaadhin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas. Muuse Biixi ayaa sidoo kale wada-hadallada ku xiray deeqaha Turkiga oo dhex-dhexaad noqda. Waxa uu sheegay in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmooyinkaas, si uu shacabka Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Danjire Dr. Olgan Beker oo ah uqaabilsanaha dowladda Turkey ee wadahadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda maamulka Somaliland. Olgen Beker, ayaa tagay magaalada Hargeysa maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, waxaana la sheegay inuu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamulka Somaliland, isaga oo kala hadlay wadahadalada dowladda iyo Somaliland. Uqaabilsanaha Turkey ee dhanka wadahadalada ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay madaxda xisbiyada kala duwan ee Somaliland, waxaana ay dhankooda balan qaadeen inay kala shaqeyn doonaan howlaha horyaala. Xirsi Cali Xaaji oo kamid ah madaxda sar sare ee xisbiga Wadani ayaa soo dhaweeyay kulamada ka dhacay magaalada Hargeysa tan iyo Khamiistii, waxaana uu sheegay inay xisbi ahaan aad ula shaqeyn doonaan Olgen Beker. Sidoo kale waxa uu sheegay in wadahadallada ay horseedi karaan in Soomaaliland ay hesho madax-banaani,sidoo kalena dunida inteeda kale ay wax la qeybsato. Ergayga Dowladda Turkiga u soo Magacaawday Soomaaliya iyo Soomaaliland Danjire Dr. Olgan Beker oo mar soo noday Safiirka Turkiga u fahdiya Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta Khamiista ah ee soo socota in uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  18. Meel loo hiiliyo waxa ugu abaal daran Burco. Hore ayaan Anigu ugu khasaaray marar aan qalin iyo af ugu sameeyey hiil. Xalay ayaa ugu dambaysay oo markii Xog. Khadar iftiimiyey dhaqaalle-ahaan heerka togdheer ay ka hadhay goboladda galbeedka, wax afka iskaga duubay Xil. Obama! Obama waxa uu lasoo booday. ‘Laamiga Ceeri iyo isku xidha Togdheer’ oo uu ku sheegay in uu yahay mashruucii ugu balaadhnaa ee abid laga hirgaliyo JSL. Burco waa magaalo hagaastay! 1990kii waxa lagu murmi jiray, Burco waa magaalada sadexaad ee Soomaaliya, maanta Burco kuma jirto 6da magaalo ee ugu dadka badan Ex-Somalia. Waxa ayna 18kii magaallo caasimadeed ee Soomaalia, dhaqaalle ahaan ka galaysaa kaalinta 17aad ama 18aad! Maxaa sababay burburka Burco. Burco waxa ay gashay gafkii ugu waynaa 1991kii markii si bilaa shuruud ah, Hargaysa ay la qaadatay in ay wada dhistaan dawlad la yidhaa Somaliland. 1991kii baloodhka ku yaala Laba-qaw – Burco, waxa uu ka qaalisanaa degmadda koodbuur oo la isku daray, maanta dhulka uu ku yaalo dugsiga Sh. Bashiir – Hargaysa, ayaa ka qiimo badan Burco oo la isku wada daray badhkeed. Heshiiskii Burco waxa uu ahaa heshiis indho la’aan ah oo ay ka faa’idaystay xaafaddo ka middi Hargaysi. Hargaysa ayaa 30kii sanno ee midawga iyadu lumisay qiimihii caasimadnimo, Hargaysa waxa ay Ingiriiska ka heli jirtay dhacdhac dhaqaalle iyo shaqa-abuur maamul oo wakhtigii maxmiyadda ay Hargaysi door libaax ka heli jirtay. Waana sababta ugu wayn ee ay Herer u diiday midnimadii Soomaalia. Xaafado ka mida Hargaysa waxa ay Siyaad Barre ulla dagalameen in ay soo ceshadaan caasimadnimada. Macaashkii midhaahaana, waa kuwaa guranaya 27kii sano ee ay jirtay Somaliland. Burco nasiib-daro ma ay fahansanayn danaha dhaqaalle ee dhex maray Hargaysa iyo Xamar. Waxa ayna khaladkii Hargaysi samaysay 1960kii mid ka xun Burco samaysay 1991kii markii ay si bilaa shuruud ah ugu biireen Hargaysa. Aqoonyahanka iyo dhaliinyaradda Hargaysa qaar ka midmi, waa kuwo u tobobaran sidii ay goboladda kale u khiyaamayn lahayeen. Afcaashooda haddii aad u fiirsatana waxa aaad is odhanaysaa ma guryahooda ayaa lagu soo siiyey tobobar ku saabsan wax is-daba-marinta. Gabood-falka ugu culus ee Togdheer loo gaystay ayaa dhacay 1998. Sanadkaa waxa albaabadda loo xidhay suuqii ugu waynaa ee ka furnaa togdheer – Yiroowe. Yiroowe waxa uu ahaa xuddun kulmisa Soomaalida Ethiopia, kuwa konfurta iyo Somaliland. Dad badan oo dhashay wixii ka dambeyey Yiroowe iyo kuwo wakhtigaaba noolaa, waxa aysan wali fahansanayn halka uu ka ciiray dhaqaalihii Togdheer. Si aad u fahantid khasaara gaadhay Togdheer aan kula wadaago wixii aan kusoo arkay Banka Giryaad: Banka Giriyaad waa lama-dagaan u eeke dhaca waqooyiga Awdal, waxa aad galaysaa Giriyaad marka aad kasoo baxdid Jabouti. Habeen anaka oo safar ah, ayaa uu gaadhi nagaga jabay Giriyaad badhtankiisa. Gaadhiga waxa waday darawal u dhashay Balli-Gubadle. Xoogaa meeshii markii aanu joognay, ayaa waxa nagu soo jabay baabuur sida daadka u soconaya oo kasoo shiraaqday Jabouti. Babuurtaasi waxa ay wadeen xamuuul xad dhaaf ah oo kasoo dagay dekeda Jabouti. Waxa ay ku socdeen Wajaalle. Darawalkii ayaan waydiiyey “waar niyow sababta wajaale u noqotay sayladda, waxa weeye jabouti baa ay wax uga soo dagaan?” waxa aan u raaciyey “Togdheer hadaanu nahay, waxa aannaan haysan Jabouti oo kale” Darawalkii oo ahaa khabiir in badan u kala gooshay dhulka Soomaalida, waxa uu igu yidhi “waad lahaan jirteen jabouti oo kale lakiin, watii laydinka xidhay” waxa aan ku idhi oo halkee ayaa ay ahayd jabouti-dayadu? “Bossasso”. 2014kii ayaa ay ahayd wakhtigaasi waana markii aan hellay jawaabta su’aashii maskaxdayda ka guuxaysay 16ka sano. Maxaa sababay hoos-u-dhaca dhaqaalle ee Togdheer? Hargaysa waxa ay galisay Burco godoomin la mida ta lagu hayo marinka QAZA. Burco iyo Qaza waxa marar badan xoriyad badan Qaza. Ina Cigaal ayuu ahaa madaxwaynihii mamnuucay in Bossaaso wax lagala soo dago! Bebera wuu ogaa in aysan ku filnayn Somaliland sababtoo ah, waxa xadidnaa wiishashka marakiibta ka roga rarka ee yaalay Berbera, taa bedelkeeda Hargaysa waxa ay doorbideen Jabouti in ay noqoto dakadda labaad ee Somaliland. Markii la mamnuucay addeegii ka imman jiray Bossasso, waxa istaagay safaradii ka iman jiray koofurta ee ku xidhnaa Togdheer iyo kuwii ka iman jiray Ethiopia. Sanadahaa uu bilaabmay hoos u dhaca dhaqaalle ee Togdheer, waxa kawsaday tahriibtii ugu badnayd ee abid Soomaali ku dhacda. 2002 illaa iyo yamana haddaa shacabka ka qaxay Togdheer tiro laguma sheegi karo. Waxana hubaal ah dadka Burco uu dhashay ee ku dhintay Badda Libiya iyo Saxaruhu in ay ka badan yihiin dadkii uu Siyaad Barre ka laayey Burco. Burco waa ninkeed cuna, ninka u sheega danteeda, iyaga ayaa markaba xabadda ku dhufanaya! Waxa se xaqiiq ah, Burco in ay gaf wayn samaysay markii ay Hargaysa isu dhiibtay bilaa shuruud. Dadka qaar ayaa ku doodda Burco iyo Hargaysa waa walaalo, haba ahaadaana quraanka waxa aynu ku haynaa qisooyin macangag-nimo xambaarsan oo ka dhaca dadka walalaha ah dhexdooda sida: Yusuf dhibkii uu kala kulmay walaalaldii iyo dhacdadii Qabiil iyo Habiiil. 1960kii Markii lagu biirayey Konfurta Soomaaliya, waxa jiray siyaasi u dhashay Burco oo ku dooday “Intii inanta togdheer ay Hargaysa marti ku noqon lahayd, inanta waqooyi marti haku noqoto Xamar”. Aragtidaas waa mid xaqiiqadeedii muuqato maanta sababta oo ah, qaybo ka tirsan Hargaysi ma ogolo dadka kale in ay madaxa la kacaan. Burco waa kaamka ugu wayn ee maanta ay ku xaraysan yihiin dad bilaa camal ah, gabi ahaanna dadka magaaladda ku nool waxa laga masruufaa qurbaha. Wax kale iibsiga Burco bishii oo dhan marka la isku daro waa uu ka yaryahay wax kale iibsiga ka dhaca Hotel Gulleed illaa Mansoor maalintii! Sidaa si la mida Magaladda Ceeri ayaa lagu qiyasaa maalintii gabigeedaba wax ka yar $10K oo wax kale iibsi ah, in ay ka dhacaan. Waa maalintii lacagta soo gasha Hotel Ambassador. 424 oo ahaa furaha raqamka ay wadan jireen shaqaalihii dawladii Siilaayo ayaa ahaa raqamyadda ugu badan ee wax lagaga iibsado Hargaysa, taasina waxa ay ku tusaysaa dawladdu in ay tahay shaqo bixiyaha ugu wayn ee ka jira JSL sidaa oo ay tahay shaqaalaha dawladda ee saddexda gobol ee barriga waxa ka badan xaafad ka tirsan degmadda 26ka June. Qaadka Burco lagu cuno waxa lagu cashuuraa Kala-baydh waana mamnuuc qaadkaasi in uu kasoo boodo Balli-Dhiig ama Balli-Gubadle. Saylac waa kastamka 3aad ee waddanka. 0.8% in ay Togdheer ku yeelato wax-soo-saarka waddanka waxa ay ku tusaysaa sida handaraabka loogu xidhay Barriga Somaliland. Waxa aynu sugnaaba waa 100 kun oo qof oo ka bara baxa Togdheer. Qaran News
  19. Masuuliyadda Xilka Iyo Xaqiiqadiisa “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare” Hordhac: Dawladnimada iyo calanku waa faanka ay umadi ku faanto, misna ay dheeryihiin kuwa aan dawlad iyo iyo calan toona haysan, sidoo kale waa aragti waxqabad oo meesha dawlad dhisan,calan ka dul babanaayo, oo qaabdhismeed horumar leh lugu garto. Xilku waa masuuliyad saaran qofkasta oo leh caqli dhamaystiran, taasna waxaa inoo sheegay Nabi maxamed NNKH, “dhamaantiin waxaa tihiin masuul, oo waxaad masuul ka tihiin wixii la idin raaciyey” waxaan ka faa’idaysanynaa in masuuliyada ina saaran hadii aanu nahay caruurtii nabi Aadam, misana aanay jirin wakhti qudha oo aanu firaaqo haysano oo aanu ka nasanayno masuuliyadii ina saarnayd. Taa markaan ka imaado oo aan u soo daadago ujeedada maqaalkan “Xilka iyo Xaqiiqad” ah ee aan kaga hadlayo Dawladii aan dooranay iyo waxqabadkeeda. Markii ururada iyo xisbiyadu tartamayeen misana ay ololaha,buuqa,durbaanka,hoonka baabuurta iyo lulida calamo kaladuwan ay isku qasayeen; ujeedadoodu waxa ay ahayd in aanu ka doorano oo aanu ka dhex xulano midka qaadi kara masuuliyadaas culus, misna u taagan in uu wax u qabto midka beerta falaya,kaluunka shabaga u dhigaya,midka buuga iyo qalinka ku dhex haysta goobaha waxbarshada iyo hooyooyinka aan gurigooda meel u dhaafin. Laakiin ogow oo masuuliyada la saaray maaha mid keligii lugu sii daayey ee waliba waxaanu la horjoognaa, oo u ololaynaa in aanu doorano goole sharci dajin oo sameeya shuruuc wadanka lugu maamulo. Hadaba sacab-tunkii iyo mushxaradii doorashadu wadatay, waxay ku dambaysaa in aanu Madaxweyne iyo ku Xigeen doorano,Goole sharci dajin doorano,Gole degaan dooran; isla markaan in madaxweynhu uu magacaabo wasiiro isga matala oo uu u qaybiyey wasaaradaha kaladuwan ee ka jira dalka. Marka laga tago Xafiiska Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa, oo ah iyagu xafiisyada ugu sareeya wadanka (official office), waxaa jira xafiisyo ay leeyihiin xubnaha Wasiirada,Wasiir xigeenada iyo Agaasimayaasha wasaaraduhu. In kasta oo somalidu ku maahmaado “Nin Xil qaaday eed qaad” oo xilku uu leeyahay hadalhayn,kutirkuteen,buunbuunin iyo been la isla dhexmaro, Hanadan ujeedadu waxay tahay Xukumadii xilka inoo qaaday ee inoogu dhaartay “magaca illahay” in xilkii iyo masuuliyadii ay inoo hayeen aad moodo in qayb aad u weyn oo ah nidaamka maamulku uu ka dhimanayaha misna ay jirto tabasho xaga shacabkii soo doortay, kama hadlaayo waxqabadka oo waxqabadku dawladu hada wuu wanaagsanyahay oo amaan uun baa lawadaa, laakiin markaan ka hadalno qofqof iyo shaqsi –shaqsi waxaa jirta dhaliil loo jeedinaayo, qofka muwaadinka ah ee ay hawli ka gasho wasaarad kamid ah wasaaradah dalkeena waxaa la hordhigay laba askari oo hubaysan oo amar ku bixinaaya in qofkaasi muwaadinka miskiinka ahi aanu hawshii uu u socoday aanay usuurto gelin, iskadaa wasiir ama agaasime uu la hadlo oo uu u gudbiyo ujeedada uu ugu yimi ee waxaba jira ama ka horeeya oo ah “Fadlan uma geli kartid ee sug” sugistaasi maaha mid run ah ee waa mid quusgoyn ah muddo markuu sugana la odhanaayo Wasiirkii ama Agaasimihii wuu baxay ama shirbuu galay. Taas oo muwaadinka ku qadanaysa in uu kusoo kalaho oo soo noqnoqdo wakhtiyo badan, una soo dayaco hawlihiisii maalmeed ee uu ka shaqayn laahaa. Hadaba mudane xil haye Ma ogtahay in ujeedada aad kursiga ugu fadhidaa ay tahay wax uqabashada shacabka iyo muwadiniinta ku doortay misana luguu xilsaaray in aad baahiyahooda intay kuula yimadaan aad la xaliso, Ma ogtahay muwaadinkan aad askariga albaabka u istaajisay ee kolba saacad iyo wakhti khaldan la balaminaayo in uu yahay kii shalay sacabka iyo mushxarada kugu taageerayey, Ma Ogtahay in masuuliyadan aad qaaday beri lugu waydiin doono (nolosha dambe). Talo: Hadii xilka ay inoo hayaan madaxdeenu iyo xaqiiqada ka jirta xarumaha ay inaga maamulaan uu sidaas yahay, si loo kala bedbaado oo shacabka iyo muwadiniinta masaakiinta ahi aanay u caban(taban), misan madaxdeenu aanay iyaga naf ahaantoodu is odhan waxaa idin saaran mucaaridad; waa in la sameeyo jadwal (schedule) kaas oo ah wakhtiga uu wasiirku ama agaasimuhu qaabilo bulshada u baahan ee uu hawlahooda faraha ku hayo, isla markaana todobaadkii la sameeyo laba maalmood, si cabashadu u yaraato wax sheegu u yaraado, tuhunka iyo shakigu u yaraado. Oo la isku calool fayoobaado misna laga wada taliyo horumarka iyo maamul wanaaga wax wada qabsi. Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay casho uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed u fidiyay madaxdii ka soo qayb gashay Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee berri ka furmaya Addis Ababa. Madaxd ayaa si hordhac ah isugu wareeystay ka hor shirka madaxda Afrika. Waxaa xusid mudan in kulankaasi ay isku arkeen madaxweynayaaaha Somaliya iyo Jabuuti. Farmaajo iyo Gelle ayaa ka dhaxeeysay xurguf ku aadan xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea uu ka carooday madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Galle. Bari ayaa magaalada Adis ababa ee caasimada wadanka Itoobiya waxaa ka furmaya shirka madaxda wadamada Afrika. Xasan Maxamed samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay casho sharaf uu sameeyay Abiy axmed appeared first on Puntland Post.