-
Content Count
207,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo watay gaari nooca raaxadda ah ayaa Maanta ku dilay degmada Hodan gaar ahaan Xaafadda Barmuudo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidda ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka dilka ayaa dhacay xilli uu kasoo baxay Saldhig ay Ciidanka Booliska ku leeyihiin Xaafadda Barmuudo. Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur waxaa uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Hodan ka howlgalla. Kooxda dilka gaysatay, ayaa la sheegay inay wateen gaari yar oo nooca raaxada ah, kadibna ay ku baxsadeen markii ay dileen Sarkaalkaasi. Al Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay beegsiga iyo dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayaan ciidamada ka tirsan dowladda Fedeeralka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga, Labadii sano ee lasoo dhaafay. Korneel Shariif Xuseen Roobow, xoghayaha guud ee xisbiga Cadaaladda iyo Badbaadada oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in hadana aan dowladdan laga sugeyn in ammaanka ay wax ka bedasho. Mudadii ay jirtay dowladdan ayuu sheegay in ay ku mashquushay waxyaabo aan dan ugu jirin shacabka, sidaasi darteedna ay dayacday ammaanka. Sababta aan hadda looga sugeyn iney amniga wax ka qabato ayuu sheegay iney geli doonto olole doorasho, islamarkaana Labadii sano ee ay wax qaban lahayd soo dhaaftay. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-KORNEEL-ROOBOW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Koox hubeysan ayaa dhac u geystay mid ka mid ah iskuullada ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho. Waxa ay raggan qaateen qalab u badan Computer, sida uu Goobjoog u sheegay maamulaha iskuulka Banaadir, C/laahi Sheekh C/raxmaan. Ragga wax dhacay ayuu sheegay iney ahaayeen Shan, islamarkaana ay xalay soo galeen gudaha iskuulka ay xir xireen waardiyahii, iyaga oo ku hubeysnaa Labo qori iyo Bistoolad, sidaasina ay agabka ku qaateen Waxa uu sheegay in Computer-ada la qaatay ay ku jiraan xogtii ardayda wax ka badan 10 sano. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-MAAMULE-ABDULLAHI-SHEKH-ABDIRAHMAN-MOHAMED.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxuu yidhi Degmadayada ” Dugsi kaliya baa jira Diric kaliya baa dhiga Darsi baanu baraa Duliga iyo beentiyo Doqonimo faankiyo Qoqobkiyo dirsoociyo Inta laga digoodiyo Dawirsiga ka kowyahay Digashadu u mudan tahay Marka qalin daraalaha Dilla sheega la cuskado Imtixaanka loo dego Ka dùldhiga jawaabaha Doorka iyo waxkaradkaa inta daadataa u badan. (Maansadii Hadraawi ee Dibadyaal ). Waxaa dhawaan kulan ay yeesheen Gudi hooseedka u qaabilsan Baarlamanka Somaliland ilaalînta Hantida qaranka iyo Wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire uu Gudoomiyaha Gudidaasi Xildhibaan Buubaa uu shir Jaraa’id oo Wasiirkuna agtaagnaa ku sheegay in ay Xukuumadu la daala dhacayso dayn badan oo 80 milyan oo Dollar ah, dayntaas oo ay kala wareegeen Xukuumadii Siraanyo ee ay Xukunka kala wareegeen 2017. Waxyar ka dib markii ay dhacdaasi soo baxday Dadkuna ay ka dareen celiyeen ayaa isla Wasiirkii arinkaa sheegay lagu qasbay inuu beeniyo in ay Xukumadu la wareegtay wax dayn ah. taasoo Dadka Siyaasada Somaliland faaleeyaa ay aaminsan yahiin in ay dayntaasi jirto si sharci daro ahna lagu qaatay waliba ayna ahayn Dayn Hawlaha shaqo ee Xukuumada loo isticmaalay balse ay tahay lacago beena oo lagu sheegay dayn ay Dowladu gashay oo la rabo in dad gaara loogu boobo Hantida yar ee Ummada, Dayn ku sheegaas oo ah 1/3 ( Sadex meelood oo meel ahaan Miisaaniyad sanadeedka Dowlada.) Dhacdadii kale ee layaabka ahayd waxay ahayd, Isla Wasiirka Maaliyada oo ka qayb galay Maadaal lagu falan qeenaayay Miisaanida Dowlada ayaa kol uu ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo ku saabsan xagay mareen kirada laga qaado DP World ee ee Dekada Berbera iyo Madaarka?, ayaa waxuu ku jawaabay wax aad looga anfariiro oo ah, ” Kirada Dekada waa 5 milyan oo dollar sanadkii wanaanu sii qadimanay oo kuma jirto Miisaaniyada sanadkan, ta Madaarkana maanu kireeyn ee waxaanu heshiish kula galnay inay mashaariic noo fuliyaan.”!!!. Waxaana hore u sheegay Madaxweynaha oo yidhi ” Waanu kireenay Madaarka Berbera, heshiishkuna waxa uu dhex maray anaga iyo Emirates oo kaliya oo cid sadexaad kuma jirto.” iyama ayaa run sheegaya tolow Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa?!!. Waxa aad la yaab u leh inaanu xusin Wasiirku cadadka kirada ee ay sii qaateen?, halkay martay lacagtaasi? iyo inay ku dareen Miisanayadii sanadadii hore?. taasi oo iska cad in lacagahaasi malaayiinka dollar ah ee laga qaatay Emirates si shakhsiyana loogu tagri falay, Dalka iyo Dadkana aan waxba loogu qaban. Arinka 3aad ee Musuqa weyn ah isna waxay ahayd markii TV ga Horn Cable uu baahiyay in si hoose loo siiyay Qandaraas dhaqaale badan ku kacaya Ganacsadaha Siyaasada dhagaraysan ka macaasha ee Ina Aw Saciid taas oo aan lasoo marin Haya’dii sharciga u lahayd Gudida Qandaraasyada Qaranka. Hadaba, isku soo wada duubo sadexdaas Musuq ee aadka u balaadhan ee foolxumada badan ee bishan oo kaliya soo baxay hadii ay ka dhici lahayd Wadan kale oo Dadkiisii soo jeedaan waxay sababi lahayd inay la xisaabtamaan Madaxdooda, shareecyadana iskugu soo baxaan iyagaa oo dalbànaya isbadal dagdaga, laakin Dagalkayaga uma haystaan Hantida Dowlada ee lagu tagri falaayo inay Shacabku leeyahiin oo ay tahay Hantidii noloshooda aasaasiga wax lagaga qaban lahaa sida Biyaha, shaqo abuurka, Caafimaadka, Wadooyinka, Waxbarashada iyo tayeeynta Hayadaha Dowlada ee Fadhiidka ah. Waxa kale oo iswaydiin leh xagay ka dhaceen Xusbiyadik Qaranka ee shaqadoodu ahayn in ay xakame u noqdaa Xukuumada jirta, Dadkana u iftiimiyaan khaladaadka ay Dowladu gasho?. Miyeey la qabaan oo iyana intooda yar bay iska qaataan? mise tabar daro ayeey ka tahay?. Dalka iyo Dadkuba waxay u baahan yahiin badbaado, Dalkuna waxuu marayaa in dad tiro yari ay boobeen hantidii Ummada, Dadka intii kalena ayna dabka waxba saaran oo ay baahi aduun iyo darxumo wehel la noqdeen. By Abdi Ismail Abib Anti Corruption activist. Antwerpen, Belgium Qaran News
-
Dab ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa burburiyey dhismayaal ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah. Axmed Macallin Xuseen oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in dedaal badan oo la sameeyey kadib dabkaasi la damiyey, islamarkaana ay ku gubteen 40 guri oo ah kuwa cooshadaha ka sameysan oo ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah. Waxa uu sheegay Axmed, in dabkan uu ka dhashay burjiko halkaasi taallay, islamarkaana hadda ay dad badan ay banaanka jiifaan. Shacabka degmada Kaxda ayuu sheegay iney u gurmadeen dadkaasi, balse weli u baahan yihiin caawinaad. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-Axmed-Macalin-Xuseen-Kaxda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La’aanta Shirkiisa Boorama ee 2019 Shirarkii Xisiga KULMIYE qabsaday tan iyo aasaaskii xisbiga waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo shanti shire ee Golaha dhexe ee uu KULMIYE qabsaday ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno muhiim u ahaa. Sanadkii 2003 Iyo Loolankii Musharrax Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye Sanadkii 2003 aasaaskii Xisbiga KULMIYE ka dib, ayaa khilaafkii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ka dhex istaadhmay kaadiriintii wakhtigaasi, kaasi oo ka dhashay loolankii loogu jiray jagada Musharaxa Madaxweyne Xigeen ee KULMIYE, waxaana kamid ahaa Raggii xiligaasi ku loolamayey jagadaasi Mujaadi Cabdiraxmaan Aw Cali, Dr Maxamed Rashiid, Cabdilaahi Xasan Buuni “AHN”, iyada oo uu loolankaasi ku guulaystay Musharax xigeenkii ay wateen garabkii Mujaahidiintii KULMIYE Cabdiraxmaan Aw Cali , kaasi oo noqday Musharax xigeenkii doorashadii ugu horaysay ee madaxweynenimada Somaliland u orday KULMIYE oo wakhtigaasi lagaga adkaaday doorashadaasi 2003-dii. Sanadkii 2006-kii Iyo Khilaafkii labaad Ee KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa khilaaf labaad ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, kadib markii ay Xisbiga guul-daro ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyadda ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday taasi oo uu ku guulastay Madaxweynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii UDUB. Khilaafkan KULMIYE ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, ayaa ahaa mid u dhexeeya laba garab oo kaadiriinta Xisbiga ugu waa weyn ay kala hoggaaminayeen, kuwaas oo kala ahaa garab doonayey in Siilaanyo maaddaama uu tartankii Madaxweynenimada doorashadii 2003kii uu ku guul-daraystay in la bedelo iyo garab doonayey in fursad labaad la siiyo, waxaana ku adkaaday garabkaa u ololaynayey in fursad labaad la siiyo Ex Madaxweyne Siilaanyo si uu isku sharaxo doorashada dambe. Sanadkii2007kii Iyo Xanaftii tar-tankii Guddoomiye Xigeenka KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa sanadkii 2007 waxa tartan loo galay jagada Guddoomiye xigeenka KULMIYE, waxaana u tartamayey rag badan, kuwaas oo ay ugu cuslayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi iyo Muhaajid Dhegaweyne,waxaana doorashada ka dhashay muran iyo xafiiltan weyn, balse waxa Guddoomiye xigeen loogu doortay inuu noqdo Muuse Biixi, kaasi oo ay rafiiq ahayeen Guddoomiyihii xiligaasi ee KULMIYE Ex Madaxweyne Siilaanyo. Burco 2008 :Khilaafkii KULMIYE Iyo Mujaahidiintii Ka Baxday Khilaaf aad u weyn ayaa sanadkii 2008 ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo ka curtay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Magadaalada Burco 24/08/2008-kii, waxaana xusid mudan in shirkan hakad la geliyey si loo xaliyo khilaafkaasi, balse ay suurtagal noqon weyday,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo kamid ahaa raga u tartamayey jagada Musharax Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo jeediyey in wax laga badelo qaabka doorashada, balse looma joojin, iyadoo ay shirkaasi ay debad uga baxeen xubno badan oo ka biyo diiday sida ay wax u socdaan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Mujaahid Dhegaweyne , Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mujaahid Cali Gurey iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo weliba xubno kale oo ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee golaha dhexe ee KULMIYE . Guddoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga KULMIYE Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo garabkii la safnaa ee golaha dhexe ayaa duubka u xidhay inuu noqdo Musharax Madaxweyne ku-xigeenkiisa Madaxweyne ku-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Saylici, waxaan arrintaasi ka dhalatay inay xubnio badan oo muhiim ahaa ka baxaan Xisbiga KULMIYE , kuwaas oo sheegay inuu shirkaasi ahaa mid caddaalad darro ku dhacay. Shirkii Dagaalka Isu Bedelay Ee KULMIYE Ee Sanadkii 2012kii Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dhawicii Ka Dhashay Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horaysay ee uu hoggaanka dalka qabtay sanadkii 2010kii laba sano ka dib oo ku beegnay sanadkii 2012kii, magaalada Hargeysa ku qabsaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu ka dhashay dagaal gacanta la isula tegay oo sababay dhaawac la soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii KULMIYE ee wakhtigaasi, waxaana lagu eedeeyey inuu sharciga ka hor yimi xisbiga iyadoo isla shirkaasi intii lagu gudo jiray laga dalbaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro. Gudoomiye ku xigeenkii 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen,waxaana xoogaa iyo jujuubkii ciidamada ay ku saareen kasoo gaadhay dhaawac-y dhanka dhabarka ah oo dhakhtar loo dhigay . Madaxweynaha hadda Biixi oo ahaa xiligaasi Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee KULMIYE, ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday dhabarkana laga jabiyey ku eedeeyey inuu jabiyey xeerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, balse waxa ku gacan-saydhay eedaasi guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah. Khilaafkii 2014 Iyo Dagaalkii Ka dhex-qarxay Axmed Siilaanyo Iyo Guddoomiyihii Muuse Biixi. Sanadkii 2014kii ayaa waxa uu khilaaf aad u weyni ka dhex-qarxay garab uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana dhex-maray loolan adag oo siyaasadeed, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in laga adkaaya garabkiisa, balse todbadii bishii ogoos, ayaa khilaafkaas la xaliyey “Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu”Ayuu yidhi Muuse Biixi. Khilaafkii 2015kii iyo Shirkii KULMIYE ee Hargeysa ka dhacay Sanadkii 2015, ayaa waxa uu khilaaf culus mar kale ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo sababay inay xukuumaddii ee KULMIYE xiligaasi ay iska casileen wasiiradii ugu tirada badna, kuwaas oo kasoo horjeeday in musharax xisbiga laga dhigo Madaxweynaha hadda ee Muuse Biixi, kaasi oo uu watay Madaxweynihii iligaasi Axmed Siilaanyo, Xubnihii xukuumaddii KULMIYE iska casilay oo la magac baxay isbahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE oo garabsanaya Xukuumaddii ayaa waxa circa isku shareeray khilaafkood iyagoo weeraro afka isku qaaday, isla markaana war-baahinta kala duwan isku dhaafsan jiray haddalo kala duwan oo xafan leh , waxaana xusid mudan in garabka is bahaysigu ay wateen Musharaxiin Madaxweyne oo kala ahaa Xildhibaan Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis Dhanka kalene Isbahaysiga KULMIYE ayaa qaadcaday shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, kaasi oo Hargeysa ka qabsoomay 2015 bishii Noofanber,waxaanu sheegay Xuseen Axmed Caydiid oo xiligaasi u hadkayey isbahaysigaa “Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga..” Ugu dambeyn xisbiga Kulmiye ayaa shirkiisa golaha dhexe ku qabsanaya magaalada Boorama 23-ka bishan. Shirka waxa la filaya in jagooyin dhawr ah lagu buuxiyo oo hoggaanka xisbiga ah laakiin, waa mid aan lahayn xumaddii iyo xamaasaddii looga bartay xisbiga, islamarkaana aan xiiso loo hayn. Ma muuqdaan siyaasiyiin culus oo kala damac duwan oo ku hirdamaya shirka waxaanu u muuqda mid aan la dareemahayn in uu soo socdo shir xisbiga talada haya qabsanayo oo taariikhdiisu ku astaysan tahay in mar kasta rag ruud ahi ku hirdamaan. Dhawan Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka digay in xisbigu burburi doono haddaan wax laga bedelin qorshihiisa shirkani ku salaysan yahay Dib U Milicso Khilaafaadkii Uu Xubno Muhiim Ah Ku Lumin Jiray Kulmiye Shirarkiisii 2003-2015 Iyo Xiiso La’aanta Shirkiisa Boorama ee 2019 Qaran News
-
Commissioner for International Cooperation and Development, Neven Mimica, signs in Addis Ababa additional support to regional programmes for 25 countries in Africa. At this occasion, Commissioner Mimica said: “The additional investments I am signing today worth €225 million will strengthen job creation and stability in Eastern, Southern, and Indian Ocean African countries, helping deliver on our Africa-Europe Alliance commitments”. The additional cooperation funding will support economic integration and job creation, as well as strengthen the nexus between development and security. Recent developments in the region have generated a need for stronger support in these areas to overcome the growing challenges such as population growth, adverse climate change effects, weak governance and the destabilizing effects of international crime. In concrete terms, three new actions are being envisaged, aiming at job creation and prosperity in Eastern and Southern Africa (€125 million), as well as urban coastal development (€80 million) and maritime security in the Red Sea area (€20 million). The signing of the new actions takes place in the context of Commissioner Mimica’s official visit to Ethiopia where he met Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed, African Union Chairperson, Moussa Faki, and the President of Zimbabwe Emmerson Mnangagwa. During this mission, the European Commission, the African Union Commission and the International Trade Centre (ITC) set up the African Union Trade Observatory, a key pillar of the African Continental Free Trade Area. Commissioner Mimica also visited neighboring Eritrea on 8 February, where he met with President Afwerki. Additionally, Commissioner Mimica signed a top-up of €7 million in bilateral funding with São Tomé and Príncipe. Commissioner Mimica signed the additional support with the five regional organizations covered by the regional programme: Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), East African Community (EAC), Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Indian Ocean Commission (IOC) and Southern Africa Development Community (SADC). This additional budget brings the overall financial envelope for the regional indicative programme to €1490 million for the period 2014-2020. It focuses on three priority areas: regional economic integration; peace, security, and regional stability and regional management of natural resources. The countries covered by this programme are: Angola, Botswana, Burundi, Comoros, Djibouti, Democratic Republic of the Congo, Eritrea, Eswatini, Ethiopia, Kenya, Lesotho, Madagascar, Malawi, Mauritius, Mozambique, Namibia, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia and Zimbabwe. The post EU boosts regional cooperation with 25 African countries appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ingiriis mase Norway iyo Kenya mase Itoobiya (oo Eritrea ku jirto) iyo Midowga Immaaradaha Carabta iyo Sacuudiga?! Bannaan bixii shirkii shidaalka ee London looga soo hor jeeday wuxuu ahaa farriin iyo baaq ku wajahan dalalkaas inoo soo bareeray, mid u soo bareeray kheyraadka dalka, mid u soo bareeray dakadaha dalka, iyo mid u soo bareeray bad iyo berriba, waxaan si dhawaq dheer ah ugu sheegaynaa dalalka Soomaaliyeed dal maanta la helay ma aha!…Waan turunturoonay laakiin awalba horay baan u soconay!… 30 sano oo dil dhac, iyo isku dir ah baan soo marnay maalin kastana dad aanan annaga keensan hoggaanka laynoogu dhiibayay, laakiin waxaa muuqata in dad-weynihii Soomaaliyeed ay maanta iyagoo mid ah ka bannaan baxeen SHirkii Goodaaddada ee London ee looga hadlayay shidaalka Soomaaliyeed. Waxaa yaab lahaa sida Dan-Wadaagtii shirkaas isugu timid ay isaga dhego tirtay dadkii Soomaaliyeed ee bannaan baxa cabashada ah ee ay ku diidanaayeen shirkaas iyo arrimaha looga hadlay ka hor dhigay hotel-kuu shirka ka socday, iyagoo waliba si cannaad ku ku jiro tooda keliya ka raacanaya oo dhegaha ka furaysanay guud ahaan diidmadii shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Aqalka-Sare, taasoo markaas macanaheedu noqonayo duulaan bareer ah oo aan geed loogu soo gabban oo lagu soo qaaday dalka! Hasa yeeshee waxaan shaki ku jirin shacabka Soomaaliyeed uusan sidaas ku aamusayn, indhahana ka fiirsanayn shirqoollada iyo xad-gudubyada ay wadaan dalalka dhaxlay siyaasadihii iyo fikradihii guumeystayaasha, waxay iyagana sidaas oo kale awoowayaashood ka dhaxleen fikradihii iyo siyaasadiihii guumeysi diidnimmada!… Maxamed Farmaajo hadalkii uu jeediyay ee ku sheegayay in shacabka Soomaaliyeed baahanyahay, oo caafimaad la’aan yahay, oo wax-barasho la’aan yahay una baahanyahay in kheyraadka dalka looga faa’ideeyo yaa diidan?!…Marka hore kheyraadka dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh, taas macnaheeda waxaa weeye habka iyo nidaamka iyo sharciyadda iyo xeerarka kheyraadka dalka looga faa’idaysanayo waxay noqonayaan hadba hannaanka siyaasadeed ee wakiillada ummada u jeexaan isticmaalka, qaybsiga iyo dhoofintiisa, waliba marka wakiillada siyaasaddaas jeexaan wali dad-weynuhu xaq bay u leeyihin haddii ay diidayaan in tooda la raaco! Marka Farmaajo iyo Kheyre, waxaa looga baahanyahay inay si miyir ku jiro oo aan faraha foodooda lagu taagsanayn ay ugu hoggaansamaan dhwaqa dadka iyaga wax u dhiibtay… Sanadihii 1991-1992kii, markii uu nidaamka xixbiyada badan ka bilowday dalka Kenya ayaa waxaa si adag ugu hor yimid madaxweynihii hore ee dalkaas Daniel Toroitich Arap Moi, isagoo ku cilladaynaya in haddii xisbiyo badan dalka laga oggolaado ay taas qabyaaladda kor u qaadayso, oo dadku kala qaybsami doono, colaadana ay ka dhalanayaan…Macquul!…Wax kasta oo uu sabab ka dhigay dadka wax garanaya waxay u arkayeen inay yihiin macquul ama run ahaantii inay yihiin wax dhici kara oo waliba in badan oo ka mid ah shacabka waa ay la qabeen fikirkaas, laakiin markuu arkay in mujtamaca intiisii badnayd ay taagerayaan siyaasadda ah in dalku yeesho xisbiyo badan ayuu maalinkii dambe si aan la filayn ku dhawaaqay inuu oggolaaday in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka axsaabta badan!. Maalmo ka dib markii uu oggolaaday nidaamka xisbiyada badan baa Arap Moi waxaa la weydiyay “Xisbiyada badan inaad oggolaato ma waxaa kugu qasbay cabsi aad ka qabto reer galbeedka?” laga yaabo run ahaantii in cabsi uu reer galbeedka ka qabay u oggolaaday, laga yaabo inuu dagaal sokeeye iyo colaado dalkiisa uga baqay, laga yaabo inuu lafihisa u baqay…laga yaabo..laga yaabo…laakiin waxaa cajiib ahaa inuusan intaas midna dhihin oo sabab intaas oo dhan ka qiimo badan kana fudud ku jawaabay ”…Dadweynihii dalkaa nidaamka xisbiyada badan doortay anna iyagaan kamid ahay waxaana ku shaqayniyaa waxay dooniyaan!”. Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu rabaa in khayraadka dalka laga faa’idaysto, waxaana jirtay in xukuumadihii ka horeeyay midda Kheyre iyo maamul-goboleeddada ay bilaabeen gacantana ku hayeen samaynta iyo dejinta xeerarkii iyo nidaamkii siyaasadeed ee kheyraadka dalka, haddii ay tahay sidii loo qaybsan lahaa iyo haddii ay tahay suuq geyntiisa iyo sida looga faa’idaysanayo, waxaana wax kasta ay ka hor mariyeen in la sameeyo qaynuun dhamays tiran oo noqda sharciga kheyraadka dalka! Waxaana si cad oo aan shisheeye iyo qof gaar ah aan wax laga weydiin u muuqday Xuquuqda lahaanshaha Kheyraadka Dalka inay dadka Soomaaliyeed leeyihiin… Waxaa madmadow badan uu ku gaadamanyahay macanaha hadalkii uu madaxweynaha jeediyay isagoo malaha rabay inuu shirkii shidaalka Soomaaliyeed ee London sabab sharci ah u raadinaya, waxayna oraahdiisa ku qotontay oo keliya laba qodob oo kala ah in dadka Soomaaliyeed ay gaajaysanyihiin oo ay rabaan kheyraadka in loo soo saaro isagoo aan ku darayn wax sharci looga dhigayo ama lagu sugayo qaynuun ahaan bed-qabka kheyraadka la soo ban-dhigayo ama la suuq geynayo, iyo qodobka labaad oo ahaa siyaasiin xanaaqsan oo iska qaylinaya, taasoo run ahaantii aysan shacabka ka sugayn madaxweynaha inuu ku soo daro sababaha uu qiilka ugu raadinayay in shirkii shidaalka Soomaaliya lagu iib geeyay ee London aysan ku jirin Khayaan Qaranka laga galay isla markaasna macna ah u samaynayn shacabkii walaacsanaa oo maalin kasta muddo soddon sano ku dhowaad ah arkayay mas’uuliyiin xilkii siyaasadeed ay ummadda ugu adeegayeen u isticmaalayay inay dulaal ugu noqdaan dalal shisheeye ama shirkado Qalaad! Golihii shacabka iyo golihii xukuumadda waxay isku noqdeen hal gole, miyeysan kula ahayn?!…tani waa mid kamid ah sababah ugu waaweyn ee hor joogsaday in dalku yeesho nidaam siyaasadeed oo shaqaynaya oo mas’uul kasta uu yaqaan shaqadiisa iyo inuu qaynuunka hoos joogo oo uu xakamayniyo shaqada uu qabanayo. Waxaa intaas dheer in xudduudihii dalka ay cid kasta isaga balaqanyihiin, meel kasta oo ciidda Soomaaliyeed kamid ahna ay ajaanib si xornimo buuxda ah isaga kala gooshayso gobollada dalka iyagoo waliba ruksad la’aan meel kasta oo ay tagaan iska baaranaya, siiba dalalka deriska ah. Waxaa talo ahaan la gudboon dhallin yarada, ganacsatada, culummada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada in qof kasta uu ka shaqeeyo siduu isugu xiri lahaa deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu u heshiisiin lahaa haddii uu khilaaf ka dhexeeyo deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu uga dhaadhicin inay yihiin dad keliya oo isku mid ah, iyo in ilmaha yar-yar iskuullada iyo xataa dugsiyada quraanka lagu baro Soomaalinimmada iyo jacaylka dalkooda! markaas ayuu hadalka siyaasiga,culummada, aqoonyahanka, ganacsadaha, macno u samayniyaa dad-weynaha! Waxaana loo baahanyahay qaybahaas bulshada siiba odayaasha dhaqanka inay isu talaabaan oo isa soo booqdaan oo xudduudaha cabsida iyo shakiga ku dhisan ee aysan indhuhu qabanayn inta ka tallaaban soo nooleeyan kalsoonidii dadka ka dhexeysay. Sida muuqata Spectrum wali waxay ku adkaysanaysaa qorshaheedii, waxayna dhegaha ka furaysatay iyadoo danteedii guracanayd wali ku socota si aan ka duwanayn DP-dii Midowga Immaaradaha Carabta, sidaas daraadeed dadweynaha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay talo qorshe la yimaadaan!…waa qorshe laysla ogyahay, waa mid aan ka duwanayn midka lagu xalaalaystay kaluunkeenii, waa midka lagu xalaaleystay dhulkeenii iyo xudduudihiisii, waa mid ay gabbaad u yihii shaatiyada Qarmada Midoobay iyo Midowga Afrika, nimankii aan aaminayna ay door bideen hantideenii inay dulaal ka noqdaan!…DHallin-Yaradii dhaxalka dalka lahayday maxaa idinla gudboon?!… Siyaasi markuu arko siyaasi shisheeye ah arko hilmaamay qabkii, iyo sharaftii dadka iyo dalka ee uu huwanaa oo madaxa laalaadinayaa, oo damac uu ka galayo inuu shaxaado ama ku fekeray inuu dalkiisa dulaal uga noqdo…Yaan sugaynaa?! Dalalka aan kor ku soo xusay sharci, xeer, iyo qaynuun midna innagu ixtiraami waaye, xataa qaarkood ilamaha Soomaaliyeed ee ku dhashay xuquuq dhalasho iska dhaafee xataa wax-barasho looma oggola, kuwa qaarkood dadkii Soomaaliyeed ee magan gelyada u galay bay ilmahoodii xoog uga qaataan!…SHarafteenna, Difaaca Diinteenna iyo Dalkeena waa waajib kana horeeya kana qiima badan nolosheenna!… W/Q: Axmed Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Shirkadda Spectrum ha ixtiraamto cabashada dadka Soomaaliyeed! appeared first on Puntland Post.
-
Unknown gunmen have killed an elder in Galkayo, the regional capital of Mudug on Saturday night amid tight security measures by joint Galmudug and Puntland police. Abdiqani Mohamed Baraalle, a prominent elder was gunned down in the Puntland-administered northern part of the city by men armed with pistols who fled the scene. The assailants also wounded the son of the slain elder on the spot, according to Puntland security officials. It is yet unclear the motive behind the murder of traditional Somali elder. Puntland security forces sealed off the crime scene and then carried out an investigation into the incident, but, no arrests have been reported. The city’s security has been stable for the past few months after Puntland and Galmudug troops launched a joint operation. The post Gunmen kill an elder, wound his son in northern Galkayo city appeared first on Shabelle. View the full article
-
Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay hannaanka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Deni ayaa cod gacan-taag ah ku meel-mariyay in golaha wasiirada si wadar ah loo ansixiyo. Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 xubnood oo kamid ah u codeeyeen in xukuumadda si wadar ah loo ansixiyo halka 24 xildhibaan ay diideen 3 kalena ka aamustay. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub. Baarlamanka ayaa hore u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid-mid loo ansixiyo si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqon doona hase yeeshee waxaa go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay. Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu gelinka dambe ee maanta oo Axad ah ku dhawaaqo liiska golaha wasiirada cusub kuwaasoo loo gudbin doono Baarlamanka si ay u ansixiyaan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo meel-mariyay in si wadar ah loo ansixin doono xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyay qabka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo dhisayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulan ka dhacay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada waxay ku ansixiyeen in si wadajir ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Deni soo magacaabayo. Arintaasi ayaa meesha ka saareyso warar maalmihii ugu dambeeyay soo baxayay oo ku aadan in hal hal loo ansixin doono golaha wasiirada, waxaana sidaasi horey u sheegay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland. Xildhibaanada ku sugnaa xarunta baarlamaanka ayaa 26 kamid ah waxay ogolaadeen in si guud loo ansixiyo xubnaha golaha wasiirada ee maamulka Puntland halka 24 Xildhibaan waxay u ansixiyeen in mid mid loo ansixiyo Wasiirada. 3 Xildhibaana waa ka aamustay, waxaana sidaasi guddoonka baarlamaanka Puntland uu ku shaaciyay in si Wadajir ah loo meel marin doono golaha wasiirada maamulka Puntand. Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqo golaha wasiirada maamulkiisa Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@Live.com
-
The Secretary-General met today with President Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” of the Federal Republic of Somalia, on the margins of the African Union Summit. The Secretary-General commended the Federal Government of Somalia’s (FGS) reform agenda and underscored the importance of implementing the FGS’s roadmaps on Inclusive Politics, Security and Justice, Economic Recovery, and Social Development, in close cooperation with Somalia’s Federal Member States. Furthermore, the Secretary-General stressed the need for continued strong coordination between the Somali federal forces and their international partners, particularly the AU Mission in Somalia (AMISOM). The Secretary-General expressed gratitude for the Federal Government of Somalia commitment to maintaining the security and safety of the UN personnel in Somalia, as they support FGS in making progress towards a peaceful and prosperous future for the people of Somalia. The post President Farmajo meets with the UN Secretary General appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maanta oo kale 1965, waa maalintii si rasmi ah loo aasaasay ciidanka badda Soomaaliyeed, laakiin sida aad ku arki doontaan warbixintan ciidanka badda waxaa uu jiray 15 sano ka hor xilligaas. Ciidanka badda waxaa markii ugu horeysay la aasaasay 1950-kii, iyagoo ka mid ahaa ciidamo uu Talyaaniga ka aasaasay koofurta dalka markii uu dalka dib ugu soo laabtay, waxaa lagu bilaabay 40 nin oo la dhihi jiray kooxdii ciidanka badda, shaqadooduna ahayd maamulka dekedda. Ciidamada Badda, waxaa ay ka qeyb galeen dagaalkii aan la galnay Itoobiya 1964-tii, Ciidanka waxaa la geeyay Doolow, si ay Webiga ugu gudbiyaan saadka iyo askarta haddii loo baahdo, waxaana loo yaqaanay kooxda badda ee koofurta Soomaaliya. 1963: Waxaa safar Ruushka ku tegey ra’isul wasaarihii dalka Cabdirashid Cali Sharma’arke iyo Taliyihii Ciidanka qalabka sida General Da’ud, heshiisyo badan oo dalka Ruushka ay la galeen waxaa ka mid ahaa in maraakiib la siiyo ciidanka badda Soomaaliyeed. December 1964-tii ayaa ciidanka badda si rasmi ah loo hoos-geeyay wasaaradda gashaandhigga, xilligaas tiradoodu waxaa ay ahaayeen 40 nin oo isugu jiray saraakiil, saraakiil xigeen, dabley iyo 3 sarkaal oo kala ahaa: Khalif Macow Xasan, Xalane iyo Jeilaani. Ciidanka badda waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ciidanka xoogga wuxuu ka kooban yahay 4 ciidan oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo difaaca cirka. February 10, 1965: Maraakiibtii uu ballan-qaaday Ruushka waxaa ay dekedda Berbera soo gaareen February 10, 1965-tii, waxaana la wareegay saraakiisha ciidanka badda oo si rasmi ah uga tirsanaa wasaaradda gaashaandhigga, iyadoo maalintaas loo aqoonsaday maalinta ciidanka badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wixii maalintaa ka dambeeyana sanad weliba maalintaa ayaa loo dabaal-degaa maalinta ciidanka badda Soomaaliyeed. Ciidamadeena badda waxaa tababar, hub iyo saanad siin jiray dalka Ruushka, 6 markab ayey noqdeen muddo sanad ka yar, ciidanka waxaay isugu jireen difaaca xeebaha, baro ilaalo xeebaha ku tixan iyo ciidamo dhulka ku dagaalama. 1977: Markii uu dhacayey dagaalkii xoreynta Soomaali galbeed, ciidanka badda waxaa uu lahaa 20 markab, 10 urur oo Commandos ah oo badda iyo berriga ka dagaalama, 15 bar oo xeebaha ku tixan, Iskuul ay ka soo baxaan ciidanka galaya badda oo ku yaalay magaalada Baraawe iyo 3 Iskuul oo farsamo kuwaas oo ku kala yaalay Muqdisho, Kismaayo iyo Berbera…illaa markii dambe ay isku dhaceen Soomaaliya iyo Ruushka, maalintaas ka dib waxaa hoos u dhacay awooddii ciidanka badda. Taliyeyaashii soo maray Ciidanka xoogga dalka wixii ka horeeyay 1991: 1950-1965: Waxaa Taliye u ahaa ciidanka badda Khalif Macow, waxaa xigay Col Cali Xaashi Barre, waxaa 3-aad noqday Gaashaanle Maxamuud Geelle Yusuf, waxaa 4-aad ahaa G.sare Maxamud Cumar Cismaan, 5-aad waxaa noqday Admiral Faarax Qare, 6-aad waxaa mar labaad noqday Admiral Maxamud Cumar Cismaan iyo ugu dambeyntii Adimiral Saciid Mariir illaa dowladda ay ka burburto 1991-dii. 1991: Burburkii ka dib, Maraakiibtii sawaariiqda qaadda waxaa ay ahaayeen labo markab, waxaa loo qaaday Cadan 1989-kii si midabka looga bedelo, laakiin dalka wuxuu galay dagaaladii sokeeye. Markabtii ugu weynaa ee askarta lagu qaadi jiray waxaa ugu war dambeysay Mombasa halka maraakiibtii kale ee ciidanka badda lagu bililiqeystay magaalada Kismaayo, laguna furfurtay. Ciidamada badda ee hadda jira waxaa ay heystaan Doomo, laakiin malaha tayadii hore, waxaa ay sameeyaan sahan, waxaa uu dagaal ka geli karaa meelaha dhow, dekedaha ayuu illaalin karaa, waxaa kale uu ilaaliyaa biyaha qaranka ee Muqdisho u dhaw, laakiin waxaa uu dhib ka heystaa ilaalinta xeebta dalka oo si sharci darro ah ay u joogaan ciidamo iyo maraakiib shisheeye iyo burcad badeedda, dhoofinta sharci daradda ah ee dhuxusha iyo hubka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay arrimaha Shidaalka Soomaaliya iyo soo saaristeeda. Danjire Maxamed Axmed Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo aad kaga hadla arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Shidaalka Soomaaliya iyo shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London. Danjire Caalim, ayaa sheegay inay aad kaga walaacsan yihiin in Kheyraadka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka lala wareego iyadoo shirkado gaar ah ay heli karaan sharciyo ay kula wareegi karaan Shidaalka. Wuxuu sheegay in Aqoonyahanada iyo ruux kasta oo Soomaaliyeed uu ku faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu yeesho Shidaal, islamarkaana sida muuqata in dhawaan lasoo saari karo shidaalkaasi. Wuxuu ka digay in sida ku dhacday dalal badan in lagala wareeggay kheyraadkooda iyadoo waliba dalalkaasi ay colaado ka jirto, sidaasi si lamid ahna ay ka digayaan in lala wareego Shidaalka iyo Kheyraadka dalkeena. Shidaalka Soomaaliya ayuu sheegay inuu u muuqdo mid waqti dhow lasoo saari doono, balse loo baahan yahay in laga fakaro sharciyadda shidaalka iyo sida loo wada ilaalin karo kheyraadka dalka. Shirkadda Sahmisay shidaalka ee dhawaan bandhiga ku sameysay magaalada London ayaa ogolaanshaha sahminta Shidaalka waxay ka heshay dowladdii ka horeysay tan hadda Dhisan ee madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland ayaa mar uu waraysi la yeeshay Wariye Cabdisalaan Hereri waxa uu sheegay in Somaliland ay saldhigga millatari ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera ay ka kiraysay oo ay lacag kiro ah ka qaadayso. Dhan kale Wasiirka wasaaradda maaliyadda Sacad Cali Shire oo la weydiiyay sababta ay miisaaniyadda qaranka ugu soo dari waayeen lacagta kirada ee saldhigga Berbera ayaa waxa uu si cad u sheegay in aan wax kari ah laga qaadi doonin. Haddaba su’aasha ay shacabka reer Somaliland is weydiinayaan ayaa waxa ay tahay keebaa sax ah hadalka Madaxweynaha iyo wasiirka. Halkan hoose ka DAAWO Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bartiisa waxa uu kaga hadlay arrintan iyo labadan hadal ee kala duwan ee ka soo yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir Sacad Cali Shire Tweets by CirroSL Source
-
Addis Ababa (SMN) – Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub Neven Memica ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku saxiixay barnaamijyo horumarineed oo uu ururku ku taageerayo dalal dhaca qaaradda Africa. Mr Neven Memica ayaa ballan qaaday in lacag dhan 225 Milyan oo Euro uu Midowga Yurub ugu deeqi doono dalal ay ku jirtoSoomaaliya,si loo hormariyo xasiloonida,shaqo abuurka iyo nabadeynta dalalka Geeska Africa. Sidoo kale Madaxa iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub ayaa sheegay in ay muhiim tahay kordhinta taageerada dalalkan ay ku jirto Soomaaliya,isla markaana ay lacago badan ku bixi doonaan ammaanka biyaha Soomaaliya. Mas’uulkan ka tirsan Midowga Yurub ayaa barnaamijyada horumarineed ku saxiixay M/ Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya,halkaasi oo uu kula kulmay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed iyo guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed oo uu kala hadlay sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Midowga Yurub iyo Midowga Africa. Si kastaba ha’ahaatee Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhanka ammaanka,dhaqaalaha, siyaasada iyo wax ka qabashada arimaha bani’aadanimada. The post Midowga Yurub Oo lacago siinaya dalal ay ku jirto Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya uu lacago dul dhigay dhamaan Cable-da (Keeybalada) tabiya ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah xarumaha looga bartay tabinta ciyaaraha dalka ayaa sheegay in xiriirka uu kusoo rogay amar ah inay bixiyaan lacag gaareysa 30,000 (Soddon kun) oo doolar haddii ay doonayaan inay tabiyaan ciyaarta dhexmari doonta xulalka Eritrea iyo Soomaaliya. Xarumaha Muqdisho Cable, Astaan Sports iyo Rajo Cable oo ahaa kuwo si toos ah u tabiya ciyaaraha ayaa inoo xaqiijiyay in amarkaasi lagu soo rogay xarumahooda, waxaana dhankooda ay sheegeen inaysan lacagtaasi bixin karin. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xarumahan horey loogu soo rogay inay bixiyaan sanadkii 20,000 (Labaatan kun) oo doolar si ay u tabiyaan ciyaaraha horyaalka Soomaaliya balse wey iska diideen. Taasi waxay qasabtay in xarumaha qaar ay joojiyaan baahinta tooska ah ee ciyaaraha gudaha Soomaaliya, sida xogta aan ku heleyno, waxaana laga baqayaa inay sidoo kale ay joojiyaan ciyaaraha kale ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. “Waa run lacagtaasi waa nalagu amray inaan bixino, mana ahan wax suura gal ah amarkaasina xafiiska xiriirka kubbadda Cagta ayuu naga soo gaaray, ciyaarta Eritrea iyo Somalia inaan tabino darteed ayaana sidaa nalugu amray”sidaasi waxaa Caasimadda u sheegay mid kamid ah masuuliyiinta Xarumaha amarkaasi lagu soo rogay. Xiriirka kubadda Cagta oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa shirara kala duwan oo caalami ah kaga qaybgalay magaalada Hegue ee dalka Holland (Netherlands) oo ku yaal Woqooyi-galbeed ee qaaradda Yurub. Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed oo qoraal kooban soo saaray xalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey, isla markaana ka xog-waramay laba shir oo ay kaga qaybgaleen dalka Holland maalmihii Khamiista iyo Jimcaha, halka sidoo kale uu tilmaamay inuu shirar gaar-gaar ah la qaatay weftiyada kala duwan ee ka qaybgalay shirarkaas, kuwaasoo uu u soo bandhigay guulaha uu gaadhay dalka Somaliland. Qoraalkan oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shirar caalami ah oo lagaga hadlay arrimaha garsoorka iyo helidda caddaaladda kaga qaybgalay magaalada The Hague ee dalka Holland ee qaaradda Yurub. Guddoomiyaha oo hoggaaminayay wefti reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka ah, wuxuu 7-da February 2019, kuna beegan maalintii Khamiista uu ka qaybgalay shir ay iskugu yimaadeen ku dhowaad 200 qof oo ka kala yimi Adduunka oo dhan. Dadka ka qaybgalay waxay ka kala yimaadeen dalal ay ka mid yihin; Holland, Norway, Ingiriiska, Kuuriya, Maraykanka, Argantiin, Baraasiil, Kiiniya, Gaana iyo dalal badan oo kale. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladda ee Gambia Shirka waxa furtay Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland. Waxa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiirrada Caddalaadda ee dalal ay ka mid yihiin; Argentina, Serie Leone, Holland, Gambiya iyo dalal kale. Waxa kaloo shirka ka soo qaybgalay garsoorayaal, Ururro Caalami ah iyo Qarammada Midoobay iyo Madaxwaynayaal hore. Waxa shirka marti-gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Holland. Photo: Sigrid Kaag oo ah Wasiirka Ganacsiga Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Holland Taariikhdu markii ay ahayd 8 February 2019, kuna beegan maalintii Jimcaha, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka qaybgalay shir kale oo u gaar ah Somaliland. Shirkan oo lagu faaqiday arrimaha garsoorka iyo helidda caddaaladda Somaliland, qorshaha dib-u-habaynta garsoorka iyo hawlaha ay ku foogan yihiin Ururrada Bulshada Rayidka, iyadoo ay shirkan si wada-jir ah u soo qaban-qaabiyeen xarumaha iyo Hay’adaha kala ah; Knowledge Platform Security and Rule of Law oo ah xarun isku-xidh ah oo ay ku bahoobeen khubaro iyo aqoonyahanno ka shaqeeya arrimaha amniga iyo ku-dhaqanka sharciga, Hay’adda Safer World iyo Xarunta Xuquuqal-insaanka ee Somaliland. Guddoomiyuhu wuxuu la kulmay wufuuddii kala duwanayd ee shirarka ka qaybgalay, isaga oo la wadaagay guulaha uu gaadhay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qorshayaasha u yaal, si loo rumayn lahaa guulo dheeraad ah. Dadka kala duwan ee uu Guddoomiyuhu la kulmay, waxa ay aad ugu riyaaqeen arrimaha horumarinta garsoorka ee ka socda Somaliland, iyadoo ay weftigu shirkan kaga qaybgaleen magaca dalka Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo weftigu waxay boqdeen Maxkamadda Caalamiga ah ee u qaabilsan qaadista dacwadaha dambiyada dagaal ee dalalka Rwanda iyo Yuguslaafiya, waxayna halkaas kula kulmeen madaxda Maxkamaddan oo uu ka mid yahay dacwad oogaha guud iyo saraakiisha sharci ee ka hawlgala. Weftiga uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka mid ahaa Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyihii hore ee Xarunta Xuquuqal-insaanka iyo Mr. Cabdijaliil Daahir Af-qarshe oo ka tirsan Hay’adda Safer World,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed. Source
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo saaka ka kacay xero barakac oo ku taalla waaxda 1-aad degmada Kaxda ee G/ Banaadir. Dabka ayaa la sheegay in uu qabsaday Guryo oo cooshado ka sameysay oo ku yaalla Kaamkaasi. Khasaare hantiyadeed ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay dabkan, walow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay. Ma cadda illaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi, balse waxaa lagu guuleystay in la damiyo. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Dab-Hada.mp3 The post Dab xoogan Oo ka kacay kaam ku yaalla degmada Kaxda appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay maanta go’aan ka gaadhay dacwad lagu soo oogay wargeyska Madax-bannaan ee Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa. Wargeyska Foore oo ka mid ahaa wargeysyadda ugu afka dheer ee ka soo baxa Somaliland ayaa waxa loo haysto warar uu ka qoray Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda KULMIYE ka dhisanayso koonfurta magaalada Hargeysa. Maxkamadda ayaa waxa uu ku xukuntay in muddo sannad ah uu xayirnaado wargeysku isla markaana uu bixiyo lacag ganaax oo dhan 3 milyan oo shillinka Somaliland ah. Bulshada reer Somaliland, siyaasiyiin kala duwan, Abwaan iyo waxgarad kale ayaa waxa ay dareen ka muujiyay Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dhisanayso duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa. Halkan hoose ka akhriso warqada xukunka ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ku ridey Wargeyska Foore Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay masuuliyadda ka saaran Xukuumadda ilaalinta hantida umadda, waxayna ka digeen in Hantida Umadda ee Qaranku leeyahay laga dhigto Hanti gaar ah. Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) hadalkiisi ku bilaabay sidan “Xukuumadda masuuliyad baa saaran masuuliyadaas oo ah inay ilaaliso hantida umadda, isla markaana sharciga la tiigsato cid kasta oo ku takrifasha, in hantida umadda, lagu takrifalo oo la musuq-maasuqo oo si gaar ah loo isticmaalana waa dambi, waana sharci daro, in umadda hantidooda loo ilaaliyo, oo si cadaalada ah loogu ilaaliyo, oo wixii loo qabanayo si cadaalada iyo sinaani ku jirto loogu qabanayo ayaa wacan, cid kasta oo hantida umadda si khaldan u isticmaashay, ama sifo sharci daro ah u lunsatay maaha in laga habrado, ee waxay ahayd in sharci la hor keeno, maxaa yeelay qof kasta oo xilka umadda lagu aaminay, kana soo bixi waayey masuuliyadii iyo hantidii umadda, maaha in laga habrado, ee waa in la mariyaa waajibkiisa oo ah in Sharciga lala tiigsado”. Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) mar uu ka hadlaayey Doorashada, Komishanka iyo Saami qaybsiga ayaa yidhi “Doorashadayadii dib ayey u dhacday, oo muddo kordhin baa naloo sameeyey, inta la is haysto ayuu haddana wakhtigii Doorashadu soo galayaa, ee waxaa weeye in inta aan la gaadhin Doorashada in la dhammeeyo wax kasta oo khilaafad ah, sida in arinka Komishanka Xisbiyadu ka heshiiyaan, ta kalena waa in saami qaybsigii intaas la sameeya, maxaa yeelay saami qaybsiga oo la sameeyo ayaa wax walba ka daruurisan, mana ah in laga meeraysto Saami qaybsiga ee waa in la sameeya, oo Doorashada lagu galaa saami qaybsi”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna yidhi “Sacad Cali Shire, waa nin wacan, laakiin waxaan aad ula yaabay waxa bedelay, waxaana u maleenayaa in loo hanjabay, maxaa yeelay hadalkii uu ka hadlay ayuu haddana si kale uga hadlay,waxa cad in dayntaasi jirtay, haddana waxaa wax aad looga xishooda ah in la qariyo iyada oo la soo bandhigay, hantida umadda ee la boobaayo waxay muujinaysa fashilaad iyo dawladnimo la’aan,maxa yeelay si kasta oo wax loo qariyo, maruun bay soo baxayaan waxaas la qariyey, dayntana waa mid jirta, oo la dareensanaa, ta kale waxaa jira intaas oo Wasiir oo iyagu markii ay xilka qabteen wax hantiya aan lahayn, balse maanta hanti badan leh oo fooqaq liyo bangalooyin dhistay, meel kale waxba ugamay iman, mushaharkooduna fooqaq uma gooyo, ee hantidii qaranka ee lagu aaminay ayey ku dhisteen, waxaana meesha ka maqan la xisaabtankii lala xisaabtami lahaa, laakiin maalin aan maanta ahayn ayaa lala xisaabtami doona, waxaana jira cid aanay waxba ka qarsoonayn waana ALLE”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo Komishanka ayaa yidhi “Doorashadu waxay dhacaysa bisha December, Komishankana waxa uu wakhtigu kaga eeg yahay bisha November, sidaas oo ay tahay Komishan muddo xilkoodkoodu dhammaaday, Doorasho ma qaban karaan, muddo kordhina looma sameeyn karo, sababtoo ah la iskuma raacsana inay sii joogaan, markaas in haddaba la kala diro ayey ahayd, inay ku sii nagaadan may ahaynba, haddii la doonayo inay dalka Doorasho ka qabsoontana waa in Komishan Doorashada qabta la helaa, lana xaliyaa wax kasta oo Doorashada hor taagan”. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u sameeyay gubitaanka AL Shabaab ay gubaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose C/fataax Xaaji Cabdulle oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in ujeedada Al Shabaab ay u gubayaan gaadiidka dhuxusha keena magaalada Muqdisho ay tahay inay ka horjeedaan jarista dhirta. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in sababta Al Shabaab u gubayaan dhuxusha iyo gaadiidka wada ay tahay inay doonayaan in dhirta ay kaga gambadaan duqeymaha diyaaradaha Drone-ka ka geystaan Shabeelaha Hose sida uu hadalka u dhigay. C/fataax Xaaji, ayaa sheegay in shalay gelinkii hore ku dhawaad 11 gaari oo dhuxul wada ay kasoo gudbiyeen deegaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye, balse markii ay kusoo dhawaayeen Muqdisho ay Al Shabaab wadada u galeen islamarkaana ay gubeen. Guddoomiyaha kama uusan fakarin in jarista Dhuxusha ay qeyb ka tahay nabaad guurka deegaanka, balse wuxuu ka eegay oo kaliya in Al Shabaab ku dhuumaaleysan karaan haddii aan la jarin. Todobaad ka hor AL-shabaab ayaa degaanka Doonka ee Duleedka Afgooye ku gubtay 7 Gaari oo dhuxul u waday Muqdisho,waxaana shalay ku xigtay labo kale oo iyana ay ku gubtay duleedka Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobalka Maroodi-Jeex oo muddooyinkii ugu dambeysay gacanta ku haysay dacwado lagu soo oogay Wargeys-ka madaxa-bannaan Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa saaka go’aan ka soo saartey dacwadaasi . Maxkamadda ayaa saaka amartey in Wargeys-ka Foore ay xayirtey muddo hal sanno ah isla markaana ay ku ganaaxdey saddex Milyan oo ganaax lacageed ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale xidhay tifatirihii wargeyska Foore Maxamed Ilkacase illaa iyo inta la soo shubaayo lacagta ganaaxa ah ee Saddex Milyan ah. Mas’uulyiinta Wargeyska Foore ayaa la sheegay in aaney ku qancin xukunkaasi, sidoo kale ururka SOLJA ayaan isla illaa hadda aan ka hadlin go’aanka maxkamadda. Source
-
(SLT-Washington)-Dhakhtarka Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay, kadib markii lagu sameeyey baadhitaan caafimaad oo qaatay muddo afar saacadood ah. Sean Conley ayaa intaas raaciyey: ” Waxaan filayaa in uu sidaas iyo si ka sii wanaagsan ahaan doono inta uu xilka hayo iyo wixii ka dambeeyaba” Dr Conley iyo 11 kale oo xeeldheereyaal caafimaad ah ayaa madaxweynaha marsiiyey baadhitaano xiriir ah xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Washington. Mr Trump, oo 72 jir ah ayaa horay looga dalbaday in uu iska dhimo 4.5kg oo miisaan ah mana jirto caddayn muujinaysa in uu sidaas sameeyey. Sida lagasoo xigtay Wakaalada Wararka ee Reuters, kaaliyeyaasha aqalka Cad ayaa ku warramaya in madaxweynuhu uu haatan cuno kalluun xad dhaaf ah oo aan horay looga baran. Hase ahaatee sida laga soo xigtay Afhayeen katirsan Aqalka Cad oo lagu magacaabo, Hogan Gidley, waxaa uu sheegay in Mr Trump uu qirtay in aanu raacin hab nololeedka cuntooyinka loogu tala galay iyo in aanu samayn jimicsigii loo qorsheeyey. Majirto faahfaahin intaas dheer oo laga soo saaray caafimaadka madaxweynaha. Baadhitaankii guud ee ugu horreeyey ee lagu sameeyey intii uu xilka hayey, ee dhacay sanadkii hore ayaa lagu ogaaday in miisaankiisu uu yahay 108kg iyo in uu jiro xanuunka cholesterol-ka lagu magacaabo oo ka sarreeya intii lagu taliyey. Mr Trump ayaa horay u qaadan jiray daawooyin la xiriira caafimaadka wadnaha iyo kuwo loo isticmaalo ka hortagga cholesterol-ka. Jirka Mr Trump ayaa muujinaya miisaan xad dhaaf ah hase ahaatee maahan Cayil. Source
-
Gaalkacyo (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay dil iyo dhaawac ay ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dilka ayaa loo geystay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray C/qani Maxamed Baalle, kaas oo ka mid ahaa waxgaradka magaaladaasi. Sidoo kale raggani hubeysnaa ayaa dhaawacay wiil uu dhalay nabadoonkaasi, iyagoona si aayar ah goobta uga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka socdeen gudaha magaaladaasi. The post Kooxo hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors