-
Content Count
207,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Haddaba, Khudbadda Madaxweyne Farmaajo u ka jeediyay shirka ayuu ku billaabay. Mudanayaal iyo Marwooyin Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul. Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa. Mudanayaal iyo Marwooyin, Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.” Cinwaanka sannadkani wuxuu muhiim u yahay Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida. Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Mudane Guddoomiye, Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay. Mudanayaal iyo Marwooyin, Iyadoo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga. Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni. Somalia, waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan. Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka. Ugu dambeyn, Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbo ka jeediyay Shirka Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa kalsooni badan ku qabta in Kenya ay labinta kaga heli doonto dacwada ku saabsan muranka sohdinta Badda, taasoo hortaala maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka. Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyay in xeer-beegtada ay gudbiyeen dhamaan wixii caddeymo ahaan oo muujinaya lahaanshiyaha Somalia, isaga oo intaasi raaciyay in Kenya-na ay dhankeeda soo gudbisay doodeeda. “Waxa kaliya ee haatan dhiman waa inay maxkamadu muddeyso goorta ay qabsoomeyso dooda,” ayuu yiri Daahir, kaasi oo raaciyay “Waxaan ku rajo wayn nahay inaan ku guuleysano, sababta oo ah caddeymaheena iyo doodeena”. Xeer-ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in dooda kadib uu soo bixi doono go’aanka ugu dambeeyay ee kiiskaan, kaasi oo labada dowladooda aanu saameyn ku yeelan Karin, sida uu qiray. In ka badan 20 Garyaqaano oo caalami ah oo ay ku jiraan qareenada metala labada dal ayaa ku howlan gal-dacwadeedkaan, kaasi oo soo bilowday bartamihii sanadkii 2014-kii, markaasi oo ay Somalia gudbisay. Kenya ayaa ku doodeysa in heshiis is-afgarad oo ay la gashay madaxdii Soomaaliya ee talada haysay 2009-kii ay kusoo gabagabeysa muranka, iyadda oo aanan la marin wax maxkamad ah. Sanadkii 2017-kii, Soomaaliya ayaa ku guuleystay wareegii 1aad ee dacwadda, inkasta aanu ahayn go’aan kama dambeys ah. Goobta ay ku muran-san yihiin labada dowladood ee deriska ah oo badkeeda lagu qiyaasay 116,000km2 ayaa la sheegay inay hodan ku tahay kheyraad fara badan sida; Shidaal, Saliid iyo Kaluun. Dacwada ay Soomaaliya gudbisay ayaa dhabaha u xaartay inuu hakad galo wax soo saar ay halkaasi ka waday Kenya. Ugu dambeyntii, xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa shaaciyay inay filayaan in ugu badnaan sanadkaan lasoo gabagabeyn doono kiiskaan, inkasta oo ay ku xirnaan doonto hadba sida maxkamada u dadejiso. Isha: Garowe Online
-
Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa soo bandhigay faahfaahino hor leh oo ku saabsan heshiiska Saddex Geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ee dekedda Berbera iyo kan u dhexeeyay Somaliland iyo Imaaraadka ee Saldhigga Militari ee Berbera. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa si cad u sheegay in heshiiska dekedda Berbera u dhexeeyo Somaliland iyo Imaaraadka, islamarkaana shirkadda DP World Berbera ee dekedda Maamusha ay ku salaysan tahay saami laba geesood ah oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland, islamar ahaantaana guddida maamulka ee labada dal shirkoodii u horeeyay ku yeelatay Imaaraadka. Dr Sacad oo qayb ka ahaa barmaamij dhaqaalaha lagu falanqaynayay oo telefishanka Universal qabtay ayaa isaga oo ka jawaabaya dood ah in madmadow ku jiro maamulka dekedda Berbera, islamarkaana aanay muuqan shirkad la wada leeyahay waxa uu sheegay in shirkad ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadku gacanta ku hayso dekedda waxaanu yidhi “Horta runtii madmadow kuma jiro waa laga yaaba dadka qaar in aanay waadax u ahayn waan rumaysanaya haddii qofku yidha wax baa iigu dhiman laakiin, shirkadda weynu samaynay, shirkadda waxa la yidhaa Dp World Berbera waxay ka diwaan gashan tahay Somaliland, shirkadda 35% waxa leh Somaliland 65% waxa leh Dp World boodhka(Guddida) waxa inoogu jira saddex qof kulankoodii u horeeyay bishan todobadeedii ayay ku galeen Dubay, marka waa shirkad xisaabteediina waa la hayaa marka si fiican bay inoogu socota oo madmadow kuma jiro.” Ka qayb galeyaasha barmaamijka oo tixraacaya saamiga wasiirka ayaa xasuusiyay in Somaliland leedahay 30%, Itoobiya leedahay 19%, Imaaraadkuna leeyahay 51% sida heshiiska dambe dhigayay haddii aan laga noqon laakiin, wasiir Sacad ayaa ku adkaystay in ilaa hadda Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya leeyihiin maamulka dekedda “Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad. Wargeyska The Reporter dalka Itoobiya ayaa bishii May ee 2018 baahiyay in dawladda Itoobiya doonayso in ay isticmaasho dekedda Berbera 30%, halka ay 10% u qoondaysay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan iyada oo la filayo in 60% kale ay isticmaalayso dekedda Jabuuti oo ay hore u isticmaali jirtay 95%. Waxa ay arrintaasi ka dambeysay markii ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed wada hadallo la galay dekedo dhawr ah oo gobolka ah. Hadalka Dr Sacad Cali Shire ayaa u muuqda mid taageeraya doodaha ku saabsan in dawladda Itoobiya ka maarantay saamigeeda dekedda Berbera. Dadka siyaasadda Geeska Afrika falanqeeya ayaa u arka in Itoobiya oo iska dhawraysa khilaaf soo kala dhexgala Soomaaliya ay xoogga saarayso dekedaha Ereteriya in ay isticmaasho iyada oo dhawaan dawladda Talyaanigu sheegtay in ay ka taageerayso dhismaha jid tareen oo isku xidha dekedda Casab ee Ereteriya iyo Addis Ababa taas oo gogol xaadh u ah qorshaha Itoobiya ugu wareegayso dekeddaha Ereteriya iyada oo wali xoog ugu tiirsan dekedda Jabuuti. Geesta kale Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in aanay Somaliland kiro ka qaadan saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera, sidoo kalena la qadimay kiradii dekedda Berbera laakiin, ma sheegin inta sanno ee la qadimay iyo in xukuumaddii Siilaanyo qaadatay iyo in tan Biixi qaadatay. “Horta way ku jirta. Waxay ku jirta kirada aynu ka qaadano dekeddu kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay . Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka, Saldhigga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha. “Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamkaba.” Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaaradda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxootigu u yeeshaan waxsoosaar, una hormariyaan noloshooda iyo xirfadahooda. “Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda ka qayb-gelaysa shirka in ay qaataan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda mustaqbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhismaha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaadata gacan-siinta qaxootiga iyo barakacayaasha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Shirarkii Xisiga KULMIYE qabsaday tan iyo aasaaskii xisbiga waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo shanti shire ee Golaha dhexe ee uu KULMIYE qabsaday ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno muhiim u ahaa. Sanadkii 2003 Iyo Loolankii Musharrax Xigeenka Madaxweynaha Kulmiye Sanadkii 2003 aasaaskii Xisbiga KULMIYE ka dib, ayaa khilaafkii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ka dhex istaadhmay kaadiriintii wakhtigaasi, kaasi oo ka dhashay loolankii loogu jiray jagada Musharaxa Madaxweyne Xigeen ee KULMIYE, waxaana kamid ahaa Raggii xiligaasi ku loolamayey jagadaasi Mujaadi Cabdiraxmaan Aw Cali, Dr Maxamed Rashiid, Cabdilaahi Xasan Buuni “AHN”, iyada oo uu loolankaasi ku guulaystay Musharax xigeenkii ay wateen garabkii Mujaahidiintii KULMIYE Cabdiraxmaan Aw Cali , kaasi oo noqday Musharax xigeenkii doorashadii ugu horaysay ee madaxweynenimada Somaliland u orday KULMIYE oo wakhtigaasi lagaga adkaaday doorashadaasi 2003-dii. Sanadkii 2006-kii Iyo Khilaafkii labaad Ee KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa khilaaf labaad ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, kadib markii ay Xisbiga guul-daro ka soo gaadhay Doorashadii Madaxtooyadda ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday taasi oo uu ku guulastay Madaxweynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigii UDUB. Khilaafkan KULMIYE ka dhex-qarxay sanadkii 2006kii, ayaa ahaa mid u dhexeeya laba garab oo kaadiriinta Xisbiga ugu waa weyn ay kala hoggaaminayeen, kuwaas oo kala ahaa garab doonayey in Siilaanyo maaddaama uu tartankii Madaxweynenimada doorashadii 2003kii uu ku guul-daraystay in la bedelo iyo garab doonayey in fursad labaad la siiyo, waxaana ku adkaaday garabkaa u ololaynayey in fursad labaad la siiyo Ex Madaxweyne Siilaanyo si uu isku sharaxo doorashada dambe. Sanadkii2007kii Iyo Xanaftii tar-tankii Guddoomiye Xigeenka KULMIYE Xisbiga KULMIYE ayaa sanadkii 2007 waxa tartan loo galay jagada Guddoomiye xigeenka KULMIYE, waxaana u tartamayey rag badan, kuwaas oo ay ugu cuslayeen Madaxweynaha hadda Muuse Biixi iyo Muhaajid Dhegaweyne,waxaana doorashada ka dhashay muran iyo xafiiltan weyn, balse waxa Guddoomiye xigeen loogu doortay inuu noqdo Muuse Biixi, kaasi oo ay rafiiq ahayeen Guddoomiyihii xiligaasi ee KULMIYE Ex Madaxweyne Siilaanyo. Burco 2008 :Khilaafkii KULMIYE Iyo Mujaahidiintii Ka Baxday Khilaaf aad u weyn ayaa sanadkii 2008 ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo ka curtay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsaday Magadaalada Burco 24/08/2008-kii, waxaana xusid mudan in shirkan hakad la geliyey si loo xaliyo khilaafkaasi, balse ay suurtagal noqon weyday,Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo kamid ahaa raga u tartamayey jagada Musharax Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo jeediyey in wax laga badelo qaabka doorashada, balse looma joojin, iyadoo ay shirkaasi ay debad uga baxeen xubno badan oo ka biyo diiday sida ay wax u socdaan, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Mujaahid Dhegaweyne , Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Mujaahid Cali Gurey iyo Ex Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami iyo weliba xubno kale oo ka mid ahaa tiirarkii ugu cuslaa ee golaha dhexe ee KULMIYE . Guddoomiyihii xiligaasi ee Xisbiga KULMIYE Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo garabkii la safnaa ee golaha dhexe ayaa duubka u xidhay inuu noqdo Musharax Madaxweyne ku-xigeenkiisa Madaxweyne ku-xigeenka hadda Cabdiraxmaan Saylici, waxaan arrintaasi ka dhalatay inay xubnio badan oo muhiim ahaa ka baxaan Xisbiga KULMIYE , kuwaas oo sheegay inuu shirkaasi ahaa mid caddaalad darro ku dhacay. Shirkii Dagaalka Isu Bedelay Ee KULMIYE Ee Sanadkii 2012kii Hargeysa Ka Dhacay Iyo Dhawicii Ka Dhashay Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horaysay ee uu hoggaanka dalka qabtay sanadkii 2010kii laba sano ka dib oo ku beegnay sanadkii 2012kii, magaalada Hargeysa ku qabsaday shir weynihii Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu ka dhashay dagaal gacanta la isula tegay oo sababay dhaawac la soo gaadhsiiyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii KULMIYE ee wakhtigaasi, waxaana lagu eedeeyey inuu sharciga ka hor yimi xisbiga iyadoo isla shirkaasi intii lagu gudo jiray laga dalbaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro. Gudoomiye ku xigeenkii 1aad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ee xilka laga qaaday ayaa shirweynaha ka dalbaday inla dhagaysto si uu uga dooddo eedaasi, isagoo sheegay in aan awood loo lahayn in xubinimadda iyo xilkaba laga qaado, maadaamo oo shirweyne lagu doortay, haseyeeshee, lama dhagaysan oo xoog ayey ciidamadda amnigu ku saareen,waxaana xoogaa iyo jujuubkii ciidamada ay ku saareen kasoo gaadhay dhaawac-y dhanka dhabarka ah oo dhakhtar loo dhigay . Madaxweynaha hadda Biixi oo ahaa xiligaasi Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee KULMIYE, ayaa ku xigeenkiisa xilka laga qaaday dhabarkana laga jabiyey ku eedeeyey inuu jabiyey xeerar hoosaadka xisbigu dhigtay, isla markaana eedeen usoo jeediyey xukuumadda ka timid xisbiga kulmiye, balse waxa ku gacan-saydhay eedaasi guddoomiyihii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sheegay in aanu wax xeer ah jabin, isla markaana dacwadiisa geyn doono maxkamadda dalka iyo kuwa caalamiga ah. Khilaafkii 2014 Iyo Dagaalkii Ka dhex-qarxay Axmed Siilaanyo Iyo Guddoomiyihii Muuse Biixi. Sanadkii 2014kii ayaa waxa uu khilaaf aad u weyni ka dhex-qarxay garab uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, waxaana dhex-maray loolan adag oo siyaasadeed, kaasi oo uu sheegay Muuse Biixi in laga adkaaya garabkiisa, balse todbadii bishii ogoos, ayaa khilaafkaas la xaliyey “Qoladiina Xukumadda xil gooni ah ayaa idin saaran, Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday, Dee Waad Naga Adkaateen, Mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan Qoladiina xukumaddu”Ayuu yidhi Muuse Biixi. Khilaafkii 2015kii iyo Shirkii KULMIYE ee Hargeysa ka dhacay Sanadkii 2015, ayaa waxa uu khilaaf culus mar kale ka dhex-qarxay Xisbiga KULMIYE, kaasi oo sababay inay xukuumaddii ee KULMIYE xiligaasi ay iska casileen wasiiradii ugu tirada badna, kuwaas oo kasoo horjeeday in musharax xisbiga laga dhigo Madaxweynaha hadda ee Muuse Biixi, kaasi oo uu watay Madaxweynihii iligaasi Axmed Siilaanyo, Xubnihii xukuumaddii KULMIYE iska casilay oo la magac baxay isbahaysiga KULMIYE iyo hoggaanka KULMIYE oo garabsanaya Xukuumaddii ayaa waxa circa isku shareeray khilaafkood iyagoo weeraro afka isku qaaday, isla markaana war-baahinta kala duwan isku dhaafsan jiray haddalo kala duwan oo xafan leh , waxaana xusid mudan in garabka is bahaysigu ay wateen Musharaxiin Madaxweyne oo kala ahaa Xildhibaan Kijaandhe iyo Maxamed Biixi Yoonis Dhanka kalene Isbahaysiga KULMIYE ayaa qaadcaday shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE, kaasi oo Hargeysa ka qabsoomay 2015 bishii Noofanber,waxaanu sheegay Xuseen Axmed Caydiid oo xiligaasi u hadkayey isbahaysigaa “Shirkaas in Xaaraan lagu sifeeyo mooyaane wax kale muu ahayn, wax aka soo baxaana uu ahaan uun Xaaraan, sidaa daraadeed Isbahaysiga Musharraxiinta KULMIYE wuxuu caddaynayaa inuu sii wadayo hawl-gallada uu kaga soo horjeedo boobka, Qabyaaladda, Sharci darada iyo talo-maroorsiga, laguna xaqiijinayo wada tashiga, dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka xeerarka Xisbiga..” Ugu dambeyn xisbiga Kulmiye ayaa shirkiisa golaha dhexe ku qabsanaya magaalada Boorama 23-ka bishan. Shirka waxa la filaya in jagooyin dhawr ah lagu buuxiyo oo hoggaanka xisbiga ah laakiin, waa mid aan lahayn xumaddii iyo xamaasaddii looga bartay xisbiga, islamarkaana aan xiiso loo hayn. Ma muuqdaan siyaasiyiin culus oo kala damac duwan oo ku hirdamaya shirka waxaanu u muuqda mid aan la dareemahayn in uu soo socdo shir xisbiga talada haya qabsanayo oo taariikhdiisu ku astaysan tahay in mar kasta rag ruud ahi ku hirdamaan. Dhawan Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka digay in xisbigu burburi doono haddaan wax laga bedelin qorshihiisa shirkani ku salaysan yahay. Source
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay. Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan. Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan oo ay gudaha xerada Mariino geed ay kusoo bandhigeen Ciidamada ayaa waxaa daawanayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka. Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya. Admiraal Guuto Cabdi Warsame Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka. Gaba gabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida. The post Ciidanka Badda Oo xusay maalinta Aas Aaskooda appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (SMN) – Golaha wakiilada Puntland oo maanta dood dheer ka yeeshay hanaanka loo ansixin doono xukuumadda cusub ee uu soo magacaabayo madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa cod gacan-taag ah ku meel mariyay in golaha wasiirada si wadar ah loo ansixiyo. Kulanka oo ay fadhiyeen 53 mudane ayaa 26 ka mid ah waxa ay u codeeyeen in xukuumadda si wadajir ah loo ansixiyo, halka 24 xildhibaan ay diideen, 3 kalena ka ay aamuseen. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shir-guddoominayey kulanka ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday codeynta oo ah in si wadar ah loo ansixiyo golaha wasiirada cusub. Baarlamanka Puntland ayaa horay u go’aamiyay in xukuumadda cusub mid mid loo ansixiyo, si loo hubiyo tayada shakhsiga wasiirka noqonaya, hase yeeshee go’aankaasi ayaa haatan meesha ka baxay. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in madaxweyne Deni oo ku dhawaaqo liiska golihiisa wasiirada cusub. The post Baarlamaanka Puntland oo u codeeyay in si wadar ah loo Ansixiyo golaha wasiirada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay xog yaab leh oo ku saabsan heshiiska saldhigga Berbera, ayada oo seegtay in Imaaraadka aanay wax lacag ah uga qaadeyn saldhigga Milatari ee ay ka furanayaan magaalada Berbera. Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay ku bedasheen saldhiggaasi dhismaha waddo iyo sidoo kale garoon diyaaradeed. Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dekadda Berbera ay kiro ka qaadaan shirkadda DP World, sanadkiina la siiyo lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Xisbiga wadani, gaar ahaan xoghayaha xisbigaasi oo isna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay iney tahay qiyaano lagu sameeyey Somaliland. Khadar Xuseen ayaa sheegay in la yaab ay tahay in saldhig Milatari dhan lagu bedasho dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hal waddo oo isku xirta Berbera iyo Wajaale. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/WAR-KULMIYE.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Izmir (SMN) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood. Kulanka oo yimid kadib marti qaad uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga u fidiyey Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen, Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo mashruuca biyo xireenka magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono. Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee beeraleyda Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan kana kooban 10 qof. Ugu dambeyn labada Wasiir ayaa kawada qaybgalay bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir, iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay. The post Wasiirka Beeraha XFS oo la kulmay dhiggiisa Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Tarsan oo ku baaqay in la’iska kaashado dagaalka Al Shabaab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nairobi (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa qaar ka mid ah dalalka gobolka ugu baaqay in dowladda federaalka ay kala shaqeeyaan la dagaalanka Al Shabaab. Mr Tarsan ayaa xusay in Xarakada Al Shabaab ay halis weyn ku tahay ammaanka dhammaan dalalka xadka la leh Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in iskaashi iyo wada shaqeyn dhex marta dalalka gobolka iyo DFS ay tahay mid lagu wiiqi karo awooda Al Shabaab. Safiirka ayaa dhinaca kale tilmaamay in haddii QM Soomaaliya ay ka qaado xayiraadda hubka ay dowladdu u saara geli laheyd in ay wax ka qabato amniga dalka. Maxamed Axmed Nuur Tarsan safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee ku yaala qaaradda Afrika ee la dagaalama ururo waaweyn oo ay ka mid yihiin AlShabaab iyo Daacish Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay dowladda Kenya in ay wada shaqeyn ay la sameyso dowladda Soomaaliya, si xal looga gaaro halista Al Shabaab. The post Tarsan oo ku baaqay in la’iska kaashado dagaalka Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article -
Cadale (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah lagu rasaaseeyay waqooyiga deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi. Gaariga la rasaaseeyay oo ahaa TM ayaa la sheegay in uu ka soo baxay gobolka Galgaduuud, kuna soo jeeday magaalada Muqdisho. Falkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen maleeshiyaad deegaanka ah oo ka tirsan kooxda Macawuusley oo la sheegay in ay ka shakiyeen gaarigaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaastaasi ay ku dhaawacmeen illaa 8 Qof oo la socday gaarigaasi, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Axmed Dhagey Xuurshoy oo ah horjooge ka tirsan kooxda Macawuusley ee ka dagaalama gobolka Sh/ Dhexe ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay. Xuurshoy oo la soo xariiray Shabeelle ayaa sheegay in dadka la dhaawacay ay iyagu soo qaadeen,una soo gudbiyeen magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in falkaasi ay ka dambeeyeen maleeshiyaad u abaabulan qaab Beeleed oo ku sugan agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi. Inta badan waxaa Sh/ Dhexe ka dhaca dhibaatooyin loo geysto dadka rayidka ah, maadaama ay jiraan dhaq dhaqaaqyo iska soo hor jeeda oo ka taagan gobolkaasi. The post Gaari ay la socdeen shacab Oo lagu rasaaseeyay Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Elders from three larger Ogaden communities living in Garissa have endorsed the re-election of Sheikh Ahmed Islam Madobe as the President of Jubaland. Sheikh Madobe has been meeting politicians and elders in Garissa County ahead of the polls in the semi-autonomous region of Somalia. He has held talks with elders from Awilyahan, Abduwak and Abdalla as he seeks consolidate support from his Ogaden people, majority of whom residing in Kenya. Elders including Dekow Muhumed Dualle, Osman Ibrahim Abdi and Ahmed Dualle Kuriyow said on Friday that they support Mr Madobe’s re-election mainly because of the peace enjoyed since it was liberated from Al-Shabaab in 2012. Jubaland’s capital, Kismayu, which was captured by the Kenya Defence Forces, stretches along the entire Kenyan border, effectively creating a buffer zone with the rest of Somalia. The elders made their announcement following a meeting at a Garissa hotel. Mr Madobe visited Garissa in December and since there was no official communication about this, there was speculation as to why he came calling. The secret meeting sought to urge the local Kenyan leaders to support his re-election. Source: Daily Nation
-
Somalia ambassador to Kenya Mohamed Nur has urged regional governments, to work directly with the Mogadishu based Federal government to combat terrorism. The man who arrived in Nairobi last month (January), to fill the position that had no substantive holder for two years, is keen on pushing for a more coordinated approach to defeat insecurity along the Kenya-Somalia border. The envoy’s tour of duty started days before the deadly attack by Al Shabaab terrorists in Nairobi, as President Farmajo called President Uhuru Kenyatta and discussed security issues. Nicknamed Tarsant, the former Mayor of Mogadishu and Governor of the Benadir region, wants governments in the region to collectively engage each other in information sharing and resource development to meaningfully deal with terrorists. “Security challenges emerge when we are fragmented and our neighbours should therefore not deal with regional entities in Somali that have different tribes with competing interests,” said Nur. To manage the problem, Somalia has insisted that issues involving cross border security, foreign policy and military operation be handled directly with government authority in Mogadishu or respective embassies in respective countries. The enforcement of security in all regions of Somalia is currently under local police forces under the leadership of regional governments. Other issues that Somalia wants resolved include the lifting of the United Nations (UN) enforced arms embargo so that the Somalia National Army (SNA) can be adequately equipped to deal with three terrorist organisations that are active in the country. He laments: “We are the only African country that is dealing with terrorists linked to Alshabab, Daesh and ISIS and yet we do not have proper arms to fight them because of the embargo.” Somalia wants Kenya and other African governments to raise their voices in the international arena in support of the lifting of the arms embargo. Another demand is that troops reduced from the peace keeping African Union Mission (Amisom) in Somalia be filled by Somali soldiers. Unfortunately that is not happening because there was drawdown in December last year and another one is coming soon. That reduction has left Somalia leaders, Nur included worried because the international community was supposed to train and equip about 30,000 local soldiers before Amisom troops leave in 2021. “That has not happened but our position is that they help us train and equip the same number of Amisom troops departing and after that the SNA will take responsibility,” said Nur. Asked why no new territories have been recovered from terrorists in some regions since President Mohammed Abdullahi Farmajo came to power, he blamed it on lack of a well trained and equipped army. He drew a parallel between SNA which has “the same weapons that Al Shabaab use like the AK 47 rifles with the US army that has been unsuccessfully fighting the Taliban in Afghanistan for the last 17 years. The envoy asks: “The strongest nation with its highly sophisticated weapons has failed. How do you expect an army with a UN imposed arms embargo to fight when our hands are tied at the back?” Apart from security challenges, Somalia is also suffering from lack of institutions and infrastructure that need urgent attention from the international community.Attention is focused on the training of teachers and nurses that was agreed by Presidents Uhuru Kenyatta and Farmajo last year but is still pending. The new ambassador plans to follow up on this and have it implemented so that the education and health sector in Somalia can get back to its feet.Nur’s priority is to ensure that good relations socially, economically and politically remain so that the interests of both countries are protected and advanced. Source: The Standard
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerar Habeen hore ka dhacay deegaanka Koban ee Gobolka Jubbada hoose. War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaasi loo geystay Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab lagana hortagay qorshe weerar ah oo ay damacsanaayeen Al-Shabaab. Mareykanku ma sheegin tirada weerarkaasi ee waxyeellada ka gaartay Al-Shabaab sidii looga bartay, waxaase ay sheegeen in aysan jirin khasaare dad rayid ah soo gaaray. Qaraalka Mareykanka waxaa lagu sheegay in ay sii wadi doonaan waddo kasta oo habboon oo lagu dhimi karo qatarta Al-Shabaab. Saraakiisha Jubbaland oo ka hadlay duqeyntaasi Shabaab loo gaystay ayaa waxa ay sheegeen in lagu dilay sagaal xubnood oo Shabaab ka tirsanaa. Dowladda Mareykanka ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay kordhisay duqeymaha ay la beegsanayso xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan oo watay gaari yar ayaa maanta xaafadda Barmuudo ee degmada Hodan ku dilay sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaliyeed. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Canshuur, waxaana la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay hoygiisaoo ku yaalla xaafaddaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Hodan ee G/Banaadir. Illaa iyo hadda laamha amnigu wax war ah kama soo saarin dilkaasi, sidoo kale majirto cid sheegatay masuuliyaddiisa. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca degmadan, iyadoona xalay lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-10022019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somaliland ayaa sheegtay in Imaaraadka aanay wax lacag ah uga qaadeyn saldhigga Milatari ee ay ka furanayaan magaalada Berbera. Sacad Cali Shire, wasiirka maaliyadda ee Somaliland ayaa tilmaamay in ay ku bedasheen saldhiggaasi dhismaha waddo iyo sidoo kale garoon diyaaradeed. Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in dekadda Berbera ay kiro ka qaadaan shirkadda DP World, sanadkiina la siiyo lacag dhan Shan Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Xisbiga wadani, gaar ahaan xoghayaha xisbigaasi oo isna arrintan ka hadlay wuxuu sheegay iney tahay qiyaano lagu sameeyey Somaliland. Khadar Xuseen ayaa sheegay in la yaab ay tahay in saldhig Milatari dhan lagu bedasho dhismaha garoon diyaaradeed iyo Hal waddo oo isku xirta Berbera iyo Wajaale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAR-KULMIYE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors