Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,371
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Liiska Golaha Wasiiirada Puntland. 1 – Cawil Sh. Xaamud – Wasiirka Cadaaladda iyo arimaha diinta 2 – Maxamed Cabdiraxman dhabancad – Wasiirka Arimaha Gudaha, Fedraalka [...] Source
  2. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-10022019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Toos Garoowe TOOS Garoowe ku dhawaaqista Golaha wasiiradda Puntland Slået op af Kasmaal Media i Søndag den 10. februar 2019 Source
  4. waxaa warbaahinta maxalliga ah ee somaliland qaarkood lagu daabacay go’aan shaqo joojineed oo uu soosaaray wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha JSL mudane saleebaan yuusuf cali koore oo uu shaqada kaga joojinayo AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA HORUMARINTA BIYAHA JSL MUDANE AQOONYAHAN JAMAAL CABDI MUUSE oo runtii muujiyay dedaal iyo karti dheeraad ah oo ay aqooni hagayso muddadii uu ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha JSL wax badana ka qabtay baahiyihii dhanka biyaha ee inta badan deegaanada JSL kuwa kale oo badana hadda gacanta ku hayay agaasime jamaal wuxuu ahaa masuul muujiyay muwaadinimo iyo dal jacayl dhab ah balse waxaad moodaa in abaal gudkiisii noqday shaqo. joojin maadaamoo uu ka dhexmuuqday kana dheereeyay inta badan masuuliyiintii wasaaradda uga sarraysay oo qaarkood shaqadii qaranka kaga mashquuleen inay saxaafadda uga jawaabaan cid aan jawaabtooda loo igmanin sida wasiir saleebaan yuusuf cali koore oo beryahan dambe hayay xilkii wasiirka warfaafinta JSL haddaba waxaan leeyahay madaxweynaha qaranka JSL mudane MUUSE BIIXI CABDI muranka masuuliyiinta xukuumaddaada ka dhex dhaca ka eeg dhinacyo badan oo ay kow ka tahay sida hawsha qaranka ay u gudanayaan ee ay ummadda aad u igmatay ugu adeegayaan si kii wax qabtay aanu u galaafaannin kii uu soo gaadhiwaayay waxaanse leeyahay AGAASIME JAMAAL CABDI MUUSE taariikhdu qarinmayso ilaahayna qadinmaayo. TAARIIKH: 09/02/2019 By. MAXAMED JAAMAC XASAN darwiish1986@gmail.com Source
  5. Wararka haatan laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya goor dhow lagu dhawaaqi doono liiska golaha wasiirada cusub dowladda Puntland. Warbaahinta ayaa hadda looga yeeray xarunta telefishinka dowladda ee PuntlandTV waxaana lagu wargeliyay in daqiiqado kadib lagu dhawaaqi doono xukuumadda cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la doortay 8-dii bishii Jannaayo ee sannadkan ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay ku hawllanaa wada-tashiyo kala duwan oo ku saabsan magaabista wasiiro cusub waxaana la sheegaya in uu soo dhisay xukuumad kooban. Goor dhow kala soco Puntland Post The post Golaha wasiirada Puntland oo hadda lagu dhawaaqayo appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu goor dhowayd magcaabay liiska golaha xukuumadda. 1-Cabdisamad Gallan Amniga 2- Dhabancad Arrimaha gudaha 3- Maaliyadda Xasan Shire. 4- Xanaanada Xoolaha Siciid [...] Source
  7. Despite the depth of challenges and the complexity of problems that the President of Republic of Somaliland H.E. Muse Bihi Abdi has encountered by his ascendency of the presidency of Somaliland, ever since he came into the highest office in our country, HE HAS SHOWN A DISTINCTIVE AND STRONG LEADERSHIP STYLE. To distinguish is the way in which President Bihi and his government are dealing with challenging issues of today as well as for tomorrow, mainly focusing on those national and international priorities that really matters. Also series of STRONG AND WELL-DEFINED POLICY DECISIONS taken by President MBA is another NOTEWORTHY PICK OUT. Another positive LEADERSHIP ATTRIBUTE that President MBA has manifested is his simplicity and humble personality where he is accessible to the ordinary Somaliland citizens. President MBA eagerly listens to the views of others, brainstorming and digesting ideas raised from different corners in our society and thus arriving at policy solution that benefits our country and people. President MBA also convenes all-stakeholders meetings and broad public consultations where he invites national Political Parties, Civil Society organizations, academics, intellectuals, prominent traditional elders and business society in order to identify our country’s social, political, economic and security challenges; analyze them and map out appropriate, correct and enduring solutions. I have no doubt that President Bihi’s sole and sincere intentions of such all-stakeholders and public consultation meetings are to determine: 1) Where we are now as a nation? 2)Where we would like to be in the near future? 3) And how we would like to achieve our nation’s desired objectives? TRIBALISM TREND AND TRIBAL MIND SET HOLDS BACK EVERY LEVEL OF STATE PERFORMANCE! As we are aware, the Tribalism Trend and Tribal Mind Set in our society are the MAIN OBSTACLES that hold back every level of State Performance. They are the root causes of dissension, mistrust and conflict among our citizens. The mind set of clan loyalty cannot absolutely coexist with the STATEHOOD CONCEPT and the WIDER SOCIETAL CONTEXTwhere all Somaliland citizens are considered to belong to and being part of a Democratic Constitutional State. When the citizens of the country are the main obstacle that holds back every level of a proper State functioning, how can we expect that the Government will have any power to fulfil its diverse obligations towards the public! If you look closely at the current state of affairs in Somaliland, it seems that our citizens are increasingly polarized on economic, social, political and developmental aspects in one hand. On the other hand, there are also highly organized and politically motivated groups who are at all costs prepared to exacerbate the already existing social divisions. Every minor accident that takes place somewhere in the country, these groups are deliberately blowing out all proportions just to serve their hidden agenda! I believe that constructive criticism generates binding rules and trust among the society and it is also beneficial to all Somaliland citizens. A well measured criticism towards the current government led by President MBA could have a valuable social purpose. It can contribute to defending and safeguarding of the public interest on one hand. On the other hand, any productive criticism voiced by the citizens, the current government may take them seriously and it may have hitherto the propensity to correct its mistakes. Nevertheless, the problem is when some short-sighted and insensitive groups endlessly continue with a damaging propaganda, improper and unsubstantiated accusations towards President MBA and his government, which happens at the expense of our national interest. Unfortunately this kind of behaviour not only puts Somaliland’s worldwide credibility in jeopardy but it also increases the social split and contradictions among the public and it causes irreparable damages to our country’s interests. The peace-loving and resilient people of Somaliland are fully aware of the detailed conspiracy plan of those hardliners groups (inside & outside of the country): They are ardently determined to keep looking for every possible situation available to IMPAIR, OBSTRUCT & DERAIL President MBA’s vision and nation building agenda. CONCLUSION: The President of Republic of Somaliland H. E. President Muse Bihi Abdi is a leader who faithfully knows that the people of Somaliland are ONE FAMILY UNITED IN A ONE COMMON PURPOSEon a road towards a sovereign, independent and fully recognized Republic of Somaliland. President MBA knows that the destiny of the people of Somaliland is intertwined! It is true that the majority of Somaliland electorate entrusted President MBA as the President of the Republic of Somaliland. It is natural that change is always filled with challenges as there are people who are somehow affected and would like to see continuation of status quo! In order to carry out the huge constitutional tasks upon his shoulders, I do believe that President MBA deserves to be given a chance! For the sake of our country’s interest, we the people of Somaliland, we have to cooperate with President Muse Bihi and his government rather than working against him! Having said that, cooperating with President MBA’s government and his reform agenda does not necessarily mean (and should not) keeping silent and be a passive onlooker. On the contrary, Somaliland citizens must actively engage with their President in a constructive debate, in whatever way or area they can, by proposing new ideas, initiatives, solutions and even criticising some of his policy approach or decisions. ALLAH bless and protect the people and country of Somaliland, Eng. Hussein Adan Igeh (Deyr) Source
  8. War hordhac ah oo puntlandi heleen ayaa sheegaya in Haweenka Puntland ay si fiican uga dhex muuqan doonaan liiska Golaha Wasiirada cusub. Xukuumafihii horeHaweenku hal [...] Source
  9. DEG-DEG: Warbaahinta ayaa hadda looga yeeray xarunta warbaahinta Puntlandtv, waxaana looga dhawaaqayaa liiska golaha wasiiradda Puntland. Qorshaha oo markii hore ahaa in xarunta madaxtooyada looga [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo saarnaa mooto bajaaj ayaa la sheegay in caawa ay bam gacmeed ay ku weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa sheegay in mootada ay ka timid dhanka waddada Boondheere, waxaa ayna ku sii jeedeen isgooska Afarta jardiin ee Magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay 4 qof ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo isugu jira labo askari iyo labo ruux oo shacab ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xilliga Bam gacmeedka lagu weeraray ciidamada uu isgoyska aad u mashquul badna, kuna sugnaayeen shacab iyo baabuur badan. Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca bam gacmeedyo lagu weeraro fariisamaha ay ku sugan yihiin askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay lacagaha curaaraha iyo khidmadaha ee la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee adeegyada u qabta hay’adahaasi. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo hadda warbaahintu heshay balse ku taariikhaysan 2-dii bishan Febraayo 2019 ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha iyo khadmadaha la siin jiray hay’adaha dowladda ee madaxa-bannaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee hawlaha u qabta dowladda iyo shirkadaha dakhliga. Sida qoraalka ku xusan amarkaan ayaa dhaqan-gelaya ka hor intaan lagu noqon miisaaniyadda xukuumadda oo Baarlamanka cusub ka doodi doono bisha soo socota ee Maarso waase hadii uusan imaan amar kale oo burinaya ama fasaxaya bixin-curaareed duruufa jira awgood. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo joojiyay dhammaan curaaraha dowladda appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa Joojiyay Lacagihii Curaaraha iyo Khidmadaha ee La siin Jiray hay’adaha madaxa-banaan ee dowladda. Source
  13. Dowladda hoose ee degmada Garoowe, ayaa Axadda maanta ah soo rogtay, awaamiir cusub oo ku saabsan,ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, diiwaan-gelinta boqcadaha dhulka,dullaaliinta dhulka iibiya iyo nootaayooyinka lagu kala qorto tacaamulka bulshada. Xog-hayaha dowladda hoose ee caasimadda Garoowe, Maxamuud Cali Xassan (Guray) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay la burburiyay balbalooyin iyo sandaqo sharci-darro ah oo xiray waddooyinka magaalada, si loo soo celiyo bilicda iyo nadaafadda guud, waxaana uu dadkii meelaha laga dumiyay uga digay , in aysan dib ugu laaban, haddii kalena ay la kulmayaan ciqaab iyo ganaax adag. Dhinaca kale, xog-hayaha ayaa ku amray dullaaliinta dhulka iyo xarumaha nootaayooyinka, in ay iska’ diiwaan-geliyaan xafiiska dowladda hoose, si ay u helaan aqoonsiga degmada, waxaana uu digniin ku bixiyay, in aysan shaqeyn doonin cid aan ka diiwaan-geshaneyn dowladda hoose. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu si gaar ah dullaaliinta dhulka iyo wadayaasha gaadiidka cagafta, wuxuu uga digay in aysan ka hawl-geli Karin, dhulka bogcadaha ee aan sharci ka haysan degmada Garoowe, isagoo ku hanjabay ciqaab iyo ganaax la saari doono cid kasta oo amarkaasi jebisa. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Dowladda hoose oo awaamiir cusub soo rogtay appeared first on Puntland Post.
  14. Golaha wasiiradda Puntland ayaa goor dhow lagu dhawaaqayaa, waxaana madaxtooyada looga yeeray qeybaha kala duwan ee saxaafada Puntland. Inkastoo markii hore lagu waday in berrito [...] Source
  15. (SLT-Jubba)-Saddex Askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga dalka Koonfur Sudaan ayaa ku dhintay shil diyaaraddeed oo ka dhacay gudaha xeryo UNku leeyihiin. Gaar ahaa shilkan ayaa ka dhacay xero ku taalla Abyei oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan, lamana sheegin ilaa iyo hadda sababta keentay bur burka diyaarada. Itoobiya waxaa Dalka Koofur Suudaan ka jooga 4,500 Askari, kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee UNISFA eek u sugan Gobolka Saliidda qaniga ku ah ee Abyey. Suudaanta koofureen ayaa Sanaddii 2011-kii ka go’day Sudaan inteeda kale, waxaana Gobolka Abyey oo ah xadka labada dal ka billoowday dagaallo salka ku haya Saliidda oo u dhexeeya Dowladda Jubba iyo Malleeshiyaadka degaanka. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka xudduudaha iyo dib-u-heshiisiinta ee dalka, ayaa 41 xubnood oo gudigaas ka kooban yahay Soomaalida ka siiyey 1 xubin oo keliya, halka Tigreega laga siiyey 12 xubnood. Xubinta Soomaalida la siiyey waa gabadh dhalinyaro ah oo hooyadeed Oromo tahay taas oo aan wax badan kala socon khilaafaadka Soomaalida iyo Oromada, arrimaha xuduudka iyo qaddiyadaha la isku hayo. Xubnaha guddigaas ee dhanka diimaha waxa uu ra’iisul wasaare Abiy ku soo daray baadariyaasha madaahibta Kiristaanka oo dhan, halka Culimada Soomaalida aan waxba lagaga darin oo doorkii Islaamka la siiyey wadaaddo oromo ah. Arrintan ayaa la leeyahay in looga goleeyahay in dhulka lagu muransan yahay Oromadu qaadato, maadaama aan Soomaalidu miiska wada hadalka iyo dib-u-heshiisiinta joogin. Dawlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweyne Cagjar ayaa iyagu ka aamusan arrimahaan, waxaana shaki laga muujiyey waxa uu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka aamisanyahay dhulka lagu muransan yahay. Aqoonyahan Faysal Rooble oo ah qoraa ka faallooda siyaasada Geeska Afrika ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay waxa ay arrintan ka dhigan tahay iyo inay caddeyn u tahay dagaalka uu Abiy ku hayo Soomaalida Hoos ka dhegayso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Faysal-roble_7feb19_Khadar-Cawl.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Tariikhdu markay ahyd 23/sep/2017 waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland si rasmi ah ula wareegay siciid xasan cabdilahi kaas oo xilkaa usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siraanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir. Hadba Waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda berbera. Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa daba gal ay ku samaysay waxay ogaatay inaan dekeda berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada Dpworld, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay ee lagu wareejiyay shirkada Dpworld uu noqday qalab burburay ama baabay waa sida ay warbaahintu sheegeene. Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee waxaa dhawr goor warbaahinta hadlo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha somaliland siciid xasan cabdilahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la bilaabayo dekeda berbera Hadalada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay tusaale ahaan. mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka dawlda waxa uu sheegay in dekeda berbera la bilaabayo September 2018 hadna is xog waraysi kale oo uu siiyay Gudida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida waxa uu sheegay inuu mashruucaasi bilaabmay octobar 2018 loona tirinayo 24 bilood, iyadoo labada balmood ay noqadeen qaar benoobay ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan waxa uu sheegay mareeyuhu inuu mashruuca baldhaanita dekeda berbera uu si rasmi ah u bilaabmayo 15jan 2019 muddo markay bulshadu uadhagtaagaysay inuu bilaabmo mashruucaasi oo aan ila wali haatana anuu bilaabmin ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay siiyay telefeshanka bulsho oo uu shegay in mashruucaasi bilaabamay Octobar 2018 oo uu soconayo muddo 22bilood hadladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qab laanta uu shirkada dp world waxay sumcada ka dilaysaa mareeyahay dakadaha Somaliland mudane siciid xasan cabdilahi waa qalinkii Cabdiraxiim cabdilaahi Source
  18. Hoggaan sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu ka qayb-galay aas qaran maanta magaalada Hargeysa loogu sameeyay Abwaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi Baarleex oo dhawaan geeriyooday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha. “Labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalam.” Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaaradda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxootigu u yeeshaan waxsoosaar, una hormariyaan noloshooda iyo xirfadahooda. “Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.” Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda ka qayb-galaysa shirka in ay qaataan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda mustaqbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhismaha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaadata gacan-siinta qaxootiga iyo barakacayaasha. The post Madaxwayne Farmaajo oo baaq u diray madaxda Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-10022019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Dawladda Itoobiya Miyay Ka Maarantay Saamigeedii Dekedda Berbera Maxaa Se Iska Bedelay Heshiiskii Somaliland, Imaaraadka Iyo Itoobiya? Wasiir Sacad Oo Sheegay In Shirkadda Maamusha Dekedda Berbera Ay Wada Leeyihiin Somaliland Iyo Imaaraadka Oo Kaliya.. Waxa Kale Oo Uu Soo Bandhigay Halka Ay Martay Kiradii Dekedda Iyo Saldhigga Imaaraadkku Wasiirka horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa soo bandhigay faahfaahino hor leh oo ku saabsan heshiiska Saddex Geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Imaaraadka, Itoobiya iyo Somaliland ee dekedda Berbera iyo kan u dhexeeyay Somaliland iyo Imaaraadka ee Saldhigga Militari ee Berbera. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa si cad u sheegay in heshiiska dekedda Berbera u dhexeeyo Somaliland iyo Imaaraadka, islamarkaana shirkadda DP World Berbera ee dekedda Maamusha ay ku salaysan tahay saami laba geesood ah oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Somaliland, islamar ahaantaana guddida maamulka ee labada dal shirkoodii u horeeyay ku yeelatay Imaaraadka. Dr Sacad oo qayb ka ahaa barmaamij dhaqaalaha lagu falanqaynayay oo telefishanka Universal qabtay ayaa isaga oo ka jawaabaya dood ah in madmadow ku jiro maamulka dekedda Berbera, islamarkaana aanay muuqan shirkad la wada leeyahay waxa uu sheegay in shirkad ay wada leeyihiin Somaliland iyo Imaaraadku gacanta ku hayso dekedda waxaanu yidhi “Horta runtii madmadow kuma jiro waa laga yaaba dadka qaar in aanay waadax u ahayn waan rumaysanaya haddii qofku yidha wax baa iigu dhiman laakiin, shirkadda weynu samaynay, shirkadda waxa la yidhaa Dp World Berbera waxay ka diwaan gashan tahay Somaliland, shirkadda 35% waxa leh Somaliland 65% waxa leh Dp World boodhka(Guddida) waxa inoogu jira saddex qof kulankoodii u horeeyay bishan todobadeedii ayay ku galeen Dubay, marka waa shirkad xisaabteediina waa la hayaa marka si fiican bay inoogu socota oo madmadow kuma jiro.” Ka qayb galeyaasha barmaamijka oo tixraacaya saamiga wasiirka ayaa xasuusiyay in Somaliland leedahay 30%, Itoobiya leedahay 19%, Imaaraadkuna leeyahay 51% sida heshiiska dambe dhigayay haddii aan laga noqon laakiin, wasiir Sacad ayaa ku adkaystay in ilaa hadda Somaliland iyo Imaaraadka oo kaliya leeyihiin maamulka dekedda “Saamiga waa run weynu ku heshiinay Itoobiya in aynu siino 5% qolada kalena (Imaaraadka) 14% laga jaro laakiin, kaasi waa nidaam socda weli shirkaddii labadeena uun baa leh inaga iyo Dubay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad. Wargeyska The Reporter dalka Itoobiya ayaa bishii May ee 2018 baahiyay in dawladda Itoobiya doonayso in ay isticmaasho dekedda Berbera 30%, halka ay 10% u qoondaysay dekedda Port Sudan ee dalka Sudan iyada oo la filayo in 60% kale ay isticmaalayso dekedda Jabuuti oo ay hore u isticmaali jirtay 95%. Waxa ay arrintaasi ka dambeysay markii ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed wada hadallo la galay dekedo dhawr ah oo gobolka ah. Hadalka Dr Sacad Cali Shire ayaa u muuqda mid taageeraya doodaha ku saabsan in dawladda Itoobiya ka maarantay saamigeeda dekedda Berbera. Dadka siyaasadda Geeska Afrika falanqeeya ayaa u arka in Itoobiya oo iska dhawraysa khilaaf soo kala dhexgala Soomaaliya ay xoogga saarayso dekedaha Ereteriya in ay isticmaasho iyada oo dhawaan dawladda Talyaanigu sheegtay in ay ka taageerayso dhismaha jid tareen oo isku xidha dekedda Casa bee Ereteriya iyo Addis Ababa taas oo gogol xaadh u ah qorshaha Itoobiya ugu wareegayso dekeddaha Ereteriya iyada oo wali xoog ugu tiirsan dekedda Jabuuti. Geesta kale Dr Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in aanay Somaliland kiro ka qaadan saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera, sidoo kalena la qadimay kiradii dekedda Berbera laakiin, ma sheegin inta sanno ee la qadimay iyo in xukuumaddii Siilaanyo qaadatay iyo in tan Biixi qaadatay. “Horta way ku jirta. Waxay ku jirta kirada aynu ka qaadano dekeddu kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay . Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka, Saldhigga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Qaran News
  22. Izmir (Caasimada Online) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood. Kulanka oo yimid kadib marti qaad uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga u fidiyey Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen. Wasiir Ciid ayaa dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo mashruuca biyo xireenka magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono. Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo qeybaha kala duwan ee beeraleyda Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan kana kooban 10 qof. Ugu dambeyn labada Wasiir ayaa kawada qaybgalay bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir, iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwan , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay.
  23. Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Haddaba, Khudbadda Madaxweyne Farmaajo u ka jeediyay shirka ayuu ku billaabay. Mudanayaal iyo Marwooyin Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul. Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa. Mudanayaal iyo Marwooyin, Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.” Cinwaanka sannadkani wuxuu muhiim u yahay Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida. Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Mudane Guddoomiye, Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay. Mudanayaal iyo Marwooyin, Iyadoo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga. Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni. Somalia, waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan. Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka. Ugu dambeyn, Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo khudbo ka jeediyay Shirka Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Somalia ayaa kalsooni badan ku qabta in Kenya ay labinta kaga heli doonto dacwada ku saabsan muranka sohdinta Badda, taasoo hortaala maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka. Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyay in xeer-beegtada ay gudbiyeen dhamaan wixii caddeymo ahaan oo muujinaya lahaanshiyaha Somalia, isaga oo intaasi raaciyay in Kenya-na ay dhankeeda soo gudbisay doodeeda. “Waxa kaliya ee haatan dhiman waa inay maxkamadu muddeyso goorta ay qabsoomeyso dooda,” ayuu yiri Daahir, kaasi oo raaciyay “Waxaan ku rajo wayn nahay inaan ku guuleysano, sababta oo ah caddeymaheena iyo doodeena”. Xeer-ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in dooda kadib uu soo bixi doono go’aanka ugu dambeeyay ee kiiskaan, kaasi oo labada dowladooda aanu saameyn ku yeelan Karin, sida uu qiray. In ka badan 20 Garyaqaano oo caalami ah oo ay ku jiraan qareenada metala labada dal ayaa ku howlan gal-dacwadeedkaan, kaasi oo soo bilowday bartamihii sanadkii 2014-kii, markaasi oo ay Somalia gudbisay. Kenya ayaa ku doodeysa in heshiis is-afgarad oo ay la gashay madaxdii Soomaaliya ee talada haysay 2009-kii ay kusoo gabagabeysa muranka, iyadda oo aanan la marin wax maxkamad ah. Sanadkii 2017-kii, Soomaaliya ayaa ku guuleystay wareegii 1aad ee dacwadda, inkasta aanu ahayn go’aan kama dambeys ah. Goobta ay ku muran-san yihiin labada dowladood ee deriska ah oo badkeeda lagu qiyaasay 116,000km2 ayaa la sheegay inay hodan ku tahay kheyraad fara badan sida; Shidaal, Saliid iyo Kaluun. Dacwada ay Soomaaliya gudbisay ayaa dhabaha u xaartay inuu hakad galo wax soo saar ay halkaasi ka waday Kenya. Ugu dambeyntii, xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa shaaciyay inay filayaan in ugu badnaan sanadkaan lasoo gabagabeyn doono kiiskaan, inkasta oo ay ku xirnaan doonto hadba sida maxkamada u dadejiso. Isha: Garowe Online