Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,375
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Wararka ka imanaya magaalada Burco ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo guddida wanaag farista ay joojiyeen bandhigga Buugga ”Hadyad Jacayl” oo xalay munaasabad loogu qaban lahaa magaalada Burco, Halkan hoose ka DAAWO qaabkii ay wax u dhaceen Source
  2. Addis Ababa (SMN) – Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres oo khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedkii 32-aad ee Midowga Africa ayaa u mahad celiyay dalalka taageera howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa ay ka wadaan dalal ay ku jirto Soomaaliya oo dhaca qaaradda Africa. Shir uga furmay magaalada Addis Ababa dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa ayuu xoghayaha guud ee QM ka sheegay in ay muhiim tahay xoojinta taageerada milatari ee howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya,si looga adkaado Al Shabaab. Mr Antonio Guteres ayaa sidoo kale sheegay in QM ay diyaar u tahay in howgalka Midowga Africa ee AMISOM ay ka caawiso,sidii loo yareyn lahaa qatarta argagixisada ee geeska Africa,gaar ahaan Soomaaliya. Ugu danbeyn waxa uu u sheegay madaxdii shirka ka soo qeyb gashay, haddii si dhab ah loo garab istaago howlgallada Midowga Africa ay horseedi doonto guul dalal fara badan oo qaaradda Africa ah ay ka gaaraan dhinaca amamanka iyo horumarka dhaqaalaha. The post QM Oo dalbatay in la xoojiyo taageerada AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Wasiirul-dawlihii hore ee Wasaaradda Tamarta Yuusuf Cismaan Garas ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in dagaal dhinaca kala qaybinta ah lagu hayo Midnimadda shacabka Soomaalilaand. Yuusuf Cismaan Garas waxa uu sheegay inay jiraan Warar boranbogaandho ah oo lagu dhex faafinnaayobulshadda Soomaalilaand dhexdeedda, kuwaasoo uu sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in lagu kala qaybiyo Wada-jirka iyo Midnimadda Soomaalilaand, waxaannu ka digay in Wararkaas loo dheg-raariciyo oo lagu dacaayaddeeyo qaar ka mida Bulshadda Somaliland. “Warqaddan la wareejinayo ee la leeyahay Sirdoonka Soomaaliya ayaa Hargeysa ka hawlgala; waxa ay ka mid tahay dagaalka kala qaybinta Somaliland ee lagu burburinayo midnimada ummadda.” Ayuu yidhi Yuusuf Cismaan Garas oo Qoraalkan kooban soo dhigay deggelka uu ku leeyahay Barta Facebook. Sidoo kale, Yuusuf Cismaan Garas waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waar haddii Somaliland wadajirta la doonayo, ha la joojiyo dacaayadaha dadka Somaliland-erska ah loogu shaanbadaynayo Soomaaliya.” Ex. Wasiir: Yusuf Garas. Source
  4. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Adi-ababa ee caasimadda dalka Ethiopia. Shirkan oo diirada lagu saaray Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wuxuu ugu baaqay Madaxda Midowga Afrika inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii. Halkaan Hoose Ka Akhriso Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS:- Mudane Paul Kagame, Guddoomiyaha Wareejinaya Xilka Midowga Afrika iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda, Mudane Dr. Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, Mudanayaal iyo Marwooyin, Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha, Mudane Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Martida Sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin Ii oggolaada inaan Madaxweyne Paul Kagame si mug leh ugaga mahadceliyo hoggaamintii heerka sarreysay ee uu sannadkii la soo dhaafay ku soo maamulay Midowgeenna. Waxaan isna soo dhawaynayaa Mudane Cabdil Fataax El-sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ah Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, waxaana u rajaynayaa guul. Sidoo kale, aan walaalkay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Dowladda iyo shacabka Itoobiya uga mahadceliyo martisoorka diirran ee aniga iyo wafdigayga naloo fidiyay muddadii aanu ku sugnayn magaaladan taariikhiga ah ee qurxoon, Addis Ababa. Mudanayaal iyo Marwooyin, Sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado munaasabaddan kalfadhiga 32aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, iyada oo cinwaankiisu yahay “Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.” Cinwaanka sannadkani waxa uu muhiim u yahay Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya. Waxaan doonayaa inaan Ururka Midowga Afrika iyo dalalka xubnaha ka ah uga mahadceliyo dadaalka ay geliyeen in ajendaha sannadkan lagu daro deyn cafiska Soomaaliya. Deyn cafisku waxa uu qayb ka qaadan karaa in la helo khayraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka, iyo in xal waara loo helo barakacayaasha Soomaalida. Abaal ayaanu u haynaa dalalka Afrika ee martigeliya qaxootiga Soomaaliyeed, gaar ahaan waddamada dariska nala ah. Run ahaantii, martisoorka Afrika waa mid tixgelin mudan.Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa cid kasta oo dowladda dhexe iyo dowladda hoose ka caawisa dib u dejinta barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Mudane Guddoomiye, Baahi weyn ayaa loo qabaa dardargelinta dhismaha hay’ad gargaarka ka shaqaysa si xal xal waara oo casri ah loogu helo qaxootiga iyo kuwa ugu nugul shacabkeenna. Baahi weyn ayaa sidoo kale loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo furtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay. Mudanayaal iyo Marwooyin, Iyada oo ay muhiim tahay in aan xal waara u raadinno barakaca Afrika, waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah inaan ka shaqeyso helidda siyaasado iyo shuruuc horusocod ah oo la xiriira qaxootiga. Midowga Afrika waxa uu leeyahay qorshayaal lagu xallin karo sababaha asaasiga ah ee keena barakaca. Hiigsiga Midowga Afrika ee ku aaddan in sannadka 2020 la dhigo qoriga kaasi oo soo bandhigaya siyaabaha lagu yarayn karo dagaallada waxa uu qayb ka qaadanayaa in qaaradda laga suurtageliyo nabad iyo amni. Soomaaliyana waxa ka go’an inay dadaal geliso gaarista hiigsigan. Qorshahayaga Horumarka Qaran waxa uu si gaar ah uga hadlayaa baahiyaha kooxaha dhibaatada u nugul ee bulshadeenna sida Qaxootiga, Barakacayaasha gudaha iyo kuwa dibedda ka soo laabanaya. Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qoridda Qorshe Qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamka. Mudane Guddoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan dalalka Afrika ugu baaqaynaa inay qaadaan tallaabooyin cayiman si shucuubteenna dhibban meel kasta oo ay kaga sugan yihiin qaaradda loo dareensiiyo inay joogaan gurigoodii, iyada oo lagu dadaalayo in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah ee keena noocyada kala duwan ee barakaca. Mahadsanidiin. The post Akhriso:-Khudbadda Madaxweynaha JFS ee shir madaxeedkii Midowga Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah Siyaasiyiinta Da’da yare, horena Xil Wasiir ku xigeen uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa ka hadlay Weerarka Bahalnimadda ah ee lagu soo qaaday Wargeyska Foore. Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Xayiraada wargeysa Foore waa quful ka mida qufulada digtaatooriyada! Faalo warreed uu wargeys qoray oo ku saabsan madaxtooyada cusub iyo duuruufaha nololeed ee shacabka Somaliland, in Xayiraad iyo ganaax uu ku mutaysto wargeysku waa wax lala yaabo!! Anaga lehe xilligeedi lama joogo oo wax la aqbali karo maaha in aad na tidhaahdaan hal milyan iyo badh reer Somaliland ah ayaa macaluulli haysaa ee aduunkow caawimo nala soo gaadha iyo waxaanu dhisanaynaa madaxtooyo ku kacaysa lacag malayiin ah, waa laba aan is’ qabanayn!!! Waxa kale oo uu yidhi“Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha cusubi wuu ka guuray madaxtooyadii si uu kharashka badan ee madaxtooyada ku baxa shacabka wax loogu qabto! Adna adoo gajoonayaa ayaad doonaysaa in aad mid dhisato! Waa kala maanka aduunka!!”. Source
  6. Afgooye (Caasimadda Online)- Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay weerar khasaaro geystay oo lala eegtay Saldhig ciidamada Alshabaab ku leeyihiin Degmada Janaale. Weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda weerar ku qaadeen deegaanka waxaana kadib xigay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka. Alshabaab ayaa baahiyay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid ciidamada ajaaniibta ah islamarkaana ay gacanta ku hayaan degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka waxaa ka horeeyay duqeyn xagga cirka ah iyadoo kadib weerar dhanka dhulka ah lagu qaaday degmada Janaale. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray xubnaha Alshabaab ee kusugnaa saldhiga degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Africa kaasi oo ay kaga hadlayaan weerarka ka dhacay Janaale. Labadii Todobaad ee ugu dambeeyay waxaa kordhay weerarada xaga cirka ah ee kaga imaanayay Alshabaab dhanka Diyaaradaha Drone ee Mareykanka, Waxaana weerarkii xalay la sheegayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa oo ka dhaca Shabeelaha Hoose. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah . Caasimadda Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  7. Bosaaso (SMN) -Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse oo ciidamo tababar ugu soo xiray magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa kula dardaarmay in ay la yimaadan hab dhaqan lagu wajihi karo nabadgalyada magaaladaasi. Askartan ayaa looga digay in ay isticmaalaan Maan-Dooriyaha, haddii ay amarkaasi jabiyaana taliyuhu waxa uu sheegay in ay marin doonan ciqaaba adag. Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwa Boolis ah ayaa looga digay in aysan gashan dharka shacabka, xilliyada ay ku jiraan howlaha shaqo. Awaamiirtan ayaa imaaneysa, xilli dhawaan uu madaxweyne Deni Boosaaso u diray taliyaha Booliska maamulka Puntland iyo ciidamo uu horkacayo, si ay wax uga qabtaan caqabadaha dhinaca amni ee ka jira magaladaasi. The post Puntland Oo u digtay ciidanka amniga Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-110219.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Washington)-Wadahadalladii xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa dimuqraadiga Aqalka Congress-ka Maraykanka ee loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay hawlaha dawladdu hakadaan ayaa is fahanwaa ku soo dhammaaday. Ergooyinkan ayaa rajaynayay in ay is fahmaan Isniinta si ay Aqalka Congress-ka u siiyaan wakhti uu ku ansixiyo Jimcaha, maalintaas ayuuna ku egyahay heshiiskii bishii hore la gaaray ee lagu ansixiyay kharashaadka dawladda. Isfahan waagan waxaa xudun u ah meesha uu madaxweyne Donald Trump ka taagan yahay dhaqaalaha ku baxaya darbiga uu rabo in laga dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico. Hawlaha Dawladda Maraykanka ayaa horay u xirmay 35 maalmood, arrintaas oo noqotay middii ugu wakhti dheerayd taariikhda dalka Maraykanka. Ismariwaagan u dambeeyay waxaa keenay markii xisbiga Dimuqradigu uu dalbaday in waaxda socdaalka iyo dhaqangalinta arrimaha canshuuraha ee loo soo gaabiyo ICE ay diiradda saarto xirxiridda dadka soo galootiga ah ee dambiyada galay badalkii ay xirxiri lahaayeen dadka dal ku galku uu ka dhacay, arrintaas oo ay sheegeen in ay xadidayso sariiraha goobaha dadka lagu hayo, sida uu ku warramay wargeyska New York Times. Source
  10. (SLT-Addis Ababa)-Kulan madaxeedka Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa la filayaa in maanta lagu soo gebagebeeyo Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Furitaankii shalay ee Kulankaasi waxaa Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-siisii loo doortay Hoggaaminta Sannadlaha ee Ururkaasi, isagoo xilkaasi kala wareegay dhigiisa dalka Ruwanda, Paul Kigambe. Madaxda Dowladaha Afrika waxay kulankii shalay kaga wada hadleen Arrimaha Ammaanka, Qaxootiga, Suuqa Xorta ee Afrika, Maalgashiga iyo Iskaashiga Guud ee dalalka Afrika. Madaxweynaha Masar o oka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay in Argagixisadda yihiin Kansar. Isla markaana ay doonayaan inay waxyeeleeyaan Afrika iyo inay wax kasta burburiyaan, waa sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Madaxweynaha dalke Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku baaqay inaan Kooxaha loogu yeero Argagixisdda marnaba loo oggolaanin inay deganaansho la’aan ka abuuraan dal kasta oo ka tirsan Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Shirweynaha 32-aad ee Madaxda Afrika waxay kaga hadleen sidii loo aamusin lahaa dhamaan qoryaha yaalla Qaaradda Afrika marka la gaadho sannadka 2020-ka. Hoggaamiyayaasha waxay kaloo ka hadleen Doorashadda Dimuqraadiga iyo Xil-kala wareegista nabdoon ee Qaaradda Afrika, waxayna amaaneen dalal ay ka mid yihiin Somalia, South Sudan, Ethiopia, Eritrea, Koongada Dimuqraadiga, Liibiya, iyo Afrikada Dhexe, kuwaasi oo la tilmaamay inay xusheenai nay wada-xaajood iyo nabad ku xaliyaan khilaafyada ka jira dalalkooda. Source
  11. (SLT-Congo)-Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu soo warramayaa in bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kororto. Hay’adda samafalka ee Save the Children ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo. In ka badan shan boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana cudurka xilligan lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee wadankaasi soo mara. Hay’adda Save the children ayaa sheegaysa in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka. Ilmaha ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaadaan dadka qaba xanuunka, isla markaana ay sababi karaan sii faafidda cudurka, maadaama uu Ebola ku faafo taabashada dhacaanka dadka qaba. Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola, balse waa markii ugu horreysay ee uu si ba’an uga dilaacay bariga dalkaasi. Qaar ka mid ah bulshada uu saameeyay xanuunka ayaa colaad kala hortaga hawlwadeennada caafimaadka, halka xooggaga hubaysan ee gobolkaasi ka dagaallamana ay caqabad ku noqdeen ka falcelinta Ebola. Source
  12. (SLT-Boosaaso)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa xalay ku dhawaaqay Liiska gollihiisa wasiirada Puntland oo isugu jira wasiiro, wasiir Ku-xigeeno iyo wasiiru dowleyaal. Agaasimaha Telefishanka dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf ayaa akhriyay liiska Gollaha . Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Mohamed Abdirahman Dhabancad Wasiirka Amniga iyo DDRTa Cabdisamad maxamed Gallan Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan Wasiirka Caafimaadka Dr, Jaamac Faarax Xassan Wasiirka Howlaha guud, gaadiidka iyo guryeynta Axmed Bashiir Muuse Wasiirka Dekeddaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majaajiyo. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Aamina cisman Xaaji Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cali Xassan Axmed Sabareey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aden Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gacmadiid Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashuga Cabdullaahi Cabdi Xirsi Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) Wasiir kuxigeeno dowladda Puntland. Wasiir kuxigeenka Cadaaladda & Arrimaha Diinta Maxamed Cali Faarax Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed Wasiir kuxigeenka Amniga & DDRTA Yuusuf Maxamed Ismaaciil. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise. Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Iskaashiga caalamiga Yaasiin Mire Maxamuud. Wasiir kuxigeenka Waxbarashada & Tacliinta Sare Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi Wasiir kuxigeenka Howlaha guud & Guryeynta Maxamed Xuseen Xaashi Wasiir kuxigeenka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Yaasiin Cartan Maxamed Wasiir kuxigeenka Duulista Hawada iyo Garoomada Sucaad Saalax Nuur Wasiir kuxigeenka Horumarinta Qoyska & Haweenka Sahro Cabdi Xirsi Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdiweli Seed Cali Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil. Wasiir kuxigeenka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Mustafa Daahir Aden Wasiir kuxigeenka Kalluumeysiga & Kheyraadka badda Cabdikhaaliq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha Axmed Cabdiraxmaan Xirsi Wasiir kuxigeenka Tamarta, Macdanta & Biyaha Maxamed Bashiir Cabdullaahi Wasiiru Dowlayaasha Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Maxamed Axmed Kunle Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalah iyo Iskaashiga caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare Cabdullaahi Xassan Roobke. Wasiiru dowlaha Caafimaadka Sayid Cumar Guuleed Wasiiru dowlaha Duulista Hawada & Garoomada Maxamed Xassan Kiili. Wasiiru dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle. Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiqani Geelle Max’ed. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa bilaabay inay qaab qabaa’ileed u abaabulaan dadka ku dhaqan deegaanada Shabeellaha Dhexe, iyaga oo doonaya inay ku jibiyaan awoodda ciidamada abaabulan ee Macaawiisleey. Banaanbaxyo abaabulan ayaa ka dhacay deegaanka Xaaji Cali, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana beelaha dega deegaankaasi ay sheegeen inaysan taageersaneyn kooxda Macaawiisleey oo dagaal kula jirta Al-Shabaab. Xubnaha ka qeyb galay banaanbaxa ayaa sheegay inaysan taageersaneyn Maleeshiyaadka Macaawiisleey. Shabaabka ayaa u muuqda inay soo kiciyeen beesha Cabdalla Caroone oo ka tirsan Harti Abgaal, si ay ugu jebiyaan beesha East Sanaag Clan ee Harti-Abgaal, oo Macawiisleyda ku badan. Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay banaanbaxa ayaa sidoo kale sheegay inay iyaga ka saari doonaan maleeshiyaadka Macaawiisleey deegaanada Xaruur, Xaaji Cali deegaanka Ceel Xarar, degaanka Bursha Shiikh iyo deegaano kale. Al-Shabaab ayaa marar badan dagaal kala kulmay Macaawiisleey, balse hadda waxaa muuqata inay doonayaan inay qaab qabiil ahaa u wajahaan kooxda Macaawiisleey si ay kaga horkeenaan dadka deegaanka. Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Soomaaliya ayaa horey u balanqaaday inay taageerayaan kooxda Macaawiisleey oo maalmihii ugu dambeeyay dagaalo la galayay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  14. Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada maamulka Puntland kadib muddo bil iyo seddex maalin ah doorashadiisii. Liiska golaha wasiirada ayaa waxaa kasoo muuqday labo labo ruux oo uu u magacaabay hal wasaarad, waana markii ugu horeysay oo maamulada dalka lagu arkayo labo ruux oo hal wasaarad wasiir ku xigeeno ka ah. Dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in arintaasi ay u muuqan karto in lagu qanciyay beelaha kala duwan ee dega deegaanada maamulka Puntland, maadaama wasaaradda qaar lagu xisaabtamo. Sidoo kale dadka siyaasadda Puntland la socdo ayaa sheegay in maadaama wasaarado labo ahaa oo la isku geeyay ay sabab u noqotay in labo ruux loo magacaabo si loo qanciyo labo beelood. Caqabad adag ayaa halkaasi ka imaan karta, waxaa la isku qaban doonaa cidda noqon doonta wasiir ku xigeenka koowaad, haddii la is qabtana waxaa imaan karta caqabad kale oo ka imaanaya shaqsiyaadka halka wasaarad loo magacaabay. Halkaan ka akhriso xubnaha laba ruux ah ee wasaaradaha loo magacaabay: Wasiir kuxigeenka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xassan Ciise iyo Faaisa Cali ismaaciil. Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xassan Fiqi iyo Yaasiin Ibraahin Ciise. Wasiir kuxigeenka Arrimaha gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Cabdiweli Mire Xirsi iyo Maxamed Musadaq Maxamed Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  15. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wax ka badalid ku sameeyay wasaaradii Biyaha iyo macdanta Maamulka Hirshabeelle, isaga oo soo kordhiyay wasaarad cusub. Madaxweyne Waare ayaa wasaaradda Biyaha iyo Korontada u badalay wasaaraddii biyaha iyo macdanta, waxaana uu soo kordhiyay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta maamulka Hirshabeelle. Wasaaradda Batroolka iyo Macdinta ee Hirshabeelle horey uma aysan jirin, waxaana arinta ay timid kadib Shirkii Shidaalka Soomaaliya looga hadlayay ee ka dhacay magaalada London. Xogaha aan heleyno ayaa Sheegaya in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu aaminsan yahay in shidaalka Soomaaliya uu in badan oo ka mid ah uu ku jira deegaano hoos-taga maamulkiisa HirShabelle./ Taasi ayaana dhalisay inuu durba sameeyo wasaaradda Batroolka iyo macdinta Hirshabeelle. Madaxweyne Waare ayaa aamisan in dhulka deexda ah ee Shabeellaha Dhexe kuna teedsan dhanka xeebta inuu ku jiro Shidaal badan oo qani ka dhigaya Hirshabeelle, waana sababta loo aasaasay wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee Hirshabeelle. Ujeedada kale ayaa ah in wasaaradda ay qeyb ka noqon doonto shirarka Batroolka Soomaaliya looga hadlayo, iyada oo matali doonta Hirshabeelle. Waa maamulkii ugu horeeyay oo durba sameeyay wasaaradda Batroolka, waxaana shirkii London cilmi baaristii lagu soo bandhigay ka muuqanayay in deegaanada Hirshabeelle laga helay Shidaalka ugu badan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Khabiir dhanka amniga ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay wax ka qabashada amniga, Labadii sano ee lasoo dhaafay. Korneel Shariif Xuseen Roobow (Korneel Roobow), xoghayaha guud ee xisbiga Cadaaladda iyo Badbaadada oo u warammay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho, wuxuu sheegay in hadana aan dowladdan laga sugeyn in ammaanka ay wax ka bedasho. Hadalkiisa ayaa kusoo aaday sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, 8-dii Febraayo 2017. Mudadii ay jirtay dowladdan ayuu sheegay in ay ku mashquushay waxyaabo aan dan ugu jirin shacabka, sidaasi darteedna ay dayacday ammaanka. Sababta aan hadda looga sugeyn iney amniga wax ka qabato ayuu sheegay iney geli doonto olole doorasho, islamarkaana Labadii sano ee ay wax qaban lahayd soo dhaaftay. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/WAREYSI-KORNEEL-ROOBOW.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), waxaa la doortay 8-dii Jannaayo ee sannadkan 2019, waxaa uu xilka la wareegay 14-kii bishaasi, waxaana si rasmi ah loo caleema-saaaray 26 isla Jannaayo. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay caleema-saarkiisi, wuxuu ballan qaaday qodoba ay kamid yihiin; arrimaha amniga,dhaqaalaha,dib u habaynta hay’adaha dowliga ah gaar ahaanna ciidamada, soo celinta xuduudaha Puntland ee maqan, dardar-gelinta arrimaha bulshada, mushahar-siinta shaqalaaha iyo ciidamada dowladda,la’adagaallanka musuq maasuqa iyo hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah. Kolkaa tallaabada u horraysay ee madaxweynaha laga sugayey waxay ahayd, in uu soo dhiso golihiisa xukuumadda cusub ee la fulin lahaa, qodobada uu ballan qaaday, iyadoo bulshadu isweydiinaysay nooca xukuumadda uu soo magacaabi doono mudada 21 cisho ah ee uu haystay dastuuriyan. Mudane Deni wuxuu sheegay, oo in uu soo dhisi doono xukuumad kooban oo tayo leh, islamarkaana uu ilaalin doono qoondada haweenka, maadaama golaha wakiilada Puntland aysan ka helin matalaad ku filan iyadoo ay ku jirto hal gabadh oo keliya. Sidoo kale wuxuu Baarlamanka weydiistay, in mudda 14 cisha oo dheeri ah loogu daro wakhtiga Dastuuriga, kadib markii uu sheegay in ay la soo darseen duruufo siyaasadeed iyo amni oo u saamixi waayey, in uu wakhtigeeda ku soo dhiso xukuumad cusub. Kadib mudda 34 cisho ah oo uu ku hawlanaa wada-tashiyo ku saabsan magacaabista golihiisa, shalay ayuu ku dhawaaqay xukuumad ka kooban 18 wasaaradood iyo 48 wasiiro, wasiirro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kuwaasoo ay ku jiraan 4 haween ah. Haddii la eego ballanqaadkiisi ahaa; xukuumad kooban, waxaa muqata in uusan wax badan ka hirgelin, marka la barbar dhigo, xukuumaddii ka horraysay ee madaxweyne Gaas oo lagu bilaabay 47 wasiir, inastoo markii dambe la gaarsiiyay 57 wasiir, kadib cabashooyin xiriir ah oo beelaha qaar ka yimid, waxaanse la ogayn in madaxweyne deni uu intaa ka sii badan doono xukuumaddiisa iyo in kale, haddii cabashooyin ka yimaadaan beelaah. Sidoo kale, qoondada haweenku ka heleen xukuumadda cusub, Ayaa u muuqata mid aad uga yar heerkii la filayay, maadaama ay 48 wasiir ka yihiin 4 xubnood oo keliyaha,welibana 3 aysan wasiir buuxa ahayn. Maxaa ku cusub xukuumadda madaxweyne Deni? Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xukuumaddiisa ku soo kordhiyay, wasaarad cusub oo loo bixiyay wasaaradda, Tamarta Macdanta iyo Biyaha oo loo magacaabay, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) halka wasaaradihii Degaanka iyo Beeraha hal wasaarad la isaga dhigay. Wasaaraddii Maal-geshiga ee uu soo kordhiyay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa iyadana lagu daray wasaaradda Ganacsiga, waxaana magaca guud noqday,wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale wasaaraddii Dastuurka Puntland, ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray, halka ay jiraan wasaaro kale oo magacyadooda la soo koobay. PUNTLAND POST The post Maxaa ka muuqda xukuumadda cusub ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo dhigay Bartiisa Facebook Qoraal uu kaga hadlayo in muwaadinimada aysan aheyn kaliya calanka Jamhuuriyadda oo jeebka la surto. Wuxuu sheegay in shaqsiyaadka doonaya inay cadeeyaan wadaniyadnimadooda looga baahan yahay inay isku ekaadaan hadalkooda iyo ficilkooda, islamarkaana kaliya aan loo baahneyn in Calanka Soomaaliya la isticmaalo. Inkastoo uusan cadeyn cidda uu sida gaarka ah fariintaasi ugu dirayo, haddana waxaa muuqata in fariintiisa ku wajahan tahay siyaasiyiin badan oo lagu xanto inaysan isku mid aheyn hadalkooda iyo ficilkooda. “In astaan calanka ah aad surto jeebkaagu waxaa keliya oo ay inoo muujineysaa in aad dooneysid in aad isku sifeyso muwaaddin waddani ah” “Anigu waxaan waddani kaaga talo gelayaa keliya marka erayadaada iyo ficilladaadu ay abaar iyo aaranba ka tarjumayaan waddaniyad”ayuu yiri wasiir Yuusuf Garaad. Yuusuf Garaad aoo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday isaga oo shaqo ku maqan, waxaana muuqatay xiligaasi inuusan ku qanacsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Cidna kama baryeyno; Nabad, SHaraf, iyo waxaan leennahay! Ingiriis mase Norway iyo Kenya mase Itoobiya (oo Eritrea ku jirto) iyo Midowga Immaaradaha Carabta iyo Sacuudiga?! Bannaan bixii shirkii shidaalka ee London looga soo hor jeeday wuxuu ahaa farriin iyo baaq ku wajahan dalalkaas inoo soo bareeray, mid u soo bareeray kheyraadka dalka, mid u soo bareeray dakadaha dalka, iyo mid u soo bareeray bad iyo berriba, waxaan si dhawaq dheer ah ugu sheegaynaa dalalka Soomaaliyeed dal maanta la helay ma aha!…Waan turunturoonay laakiin awalba horay baan u soconay!… 30 sano oo dil dhac, iyo isku dir ah baan soo marnay maalin kastana dad aanan annaga keensan hoggaanka laynoogu dhiibayay, laakiin waxaa muuqata in dad-weynihii Soomaaliyeed ay maanta iyagoo mid ah ka bannaan baxeen Shirkii Goodaaddada ee London ee looga hadlayay shidaalka Soomaaliyeed. Waxaa yaab lahaa sida Dan-Wadaagtii shirkaas isugu timid ay isaga dhego tirtay dadkii Soomaaliyeed ee bannaan baxa cabashada ah ee ay ku diidanaayeen shirkaas iyo arrimaha looga hadlay ka hor dhigay hotel-kuu shirka ka socday, iyagoo waliba si cannaad ku ku jiro tooda keliya ka raacanaya oo dhegaha ka furaysanay guud ahaan diidmadii shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Aqalka-Sare, taasoo markaas macanaheedu noqonayo duulaan bareer ah oo aan geed loogu soo gabban oo lagu soo qaaday dalka! Hasa yeeshee waxaan shaki ku jirin shacabka Soomaaliyeed uusan sidaas ku aamusayn, indhahana ka fiirsanayn shirqoollada iyo xad-gudubyada ay wadaan dalalka dhaxlay siyaasadihii iyo fikradihii guumeystayaasha, waxay iyagana sidaas oo kale awoowayaashood ka dhaxleen fikradihii iyo siyaasadiihii guumeysi diidnimmada!… Anigu codkayga mid buu ka yahay codka muwaadhaniinta alka iyagaana ku raacay!… Maxamed-Farmaajo hadalkii uu jeediyay ee ku sheegayay in shacabka Soomaaliyeed baahanyahay, oo caafimaad la’aan yahay, oo wax-barasho la’aan yahay una baahanyahay in kheyraadka dalka looga faa’ideeyo yaa diidan?!…Marka hore kheyraadka dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh, taas macnaheeda waxaa weeye habka iyo nidaamka iyo sharciyadda iyo xeerarka kheyraadka dalka looga faa’idaysanayo waxay noqonayaan hadba hannaanka siyaasadeed ee wakiillada ummada u jeexaan isticmaalka, qaybsiga iyo dhoofintiisa, waliba marka wakiillada siyaasaddaas jeexaan wali dad-weynuhu xaq bay u leeyihin haddii ay diidayaan in tooda la raaco! Marka Farmaajo iyo KHeyre, waxaa looga baahanyahay inay si miyir ku jiro oo aan faraha foodooda lagu taagsanayn ay ugu hoggaansamaan dhwaqa dadka iyaga wax u dhiibtay… Sanadihii 1991-1992kii, markii uu nidaamka xizbiyada badan ka bilowday dalka Kenya ayaa waxaa si adag ugu hor yimid madax-weynihii hore ee dalkaas Daniel Toroitich Arap Moi, isagoo ku cilladayniya in haddii xizbiyo badan dalka laga oggolaado ay taas qabyaaladda kor u qaadayso, oo dadku kala qaybsami doono, colaadana ay ka dhalanayaan…Macquul!…Wax kasta oo uu sabab ka dhigay dadka wax garanaya waxay u arkayeen inay yihiin macquul ama run ahaantii inay yihiin wax dhici kara oo waliba in badan oo ka mid ah shacabka waa ay la qabeen fikirkaas, laakiin markuu arkay in mujtamaca intiisii badnayd ay taagerayaan siyaasadda ah in dalku yeesho xizbiyo badan ayuu maalinkii dambe si aan la filayn ku dhawaaqay inuu oggolaaday in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka axzaabta badan!… Maalmo ka dib markii uu oggolaaday nidaamka xizbiyada badan baa Arap Moi waxaa la weydiyay “Xizbiyada badan inaad oggolaato ma waxaa kugu qasbay cabsi aad ka qabto reer galbeedka?” laga yaabo run ahaantii in cabsi uu reer galbeedka ka qabay u oggolaaday, laga yaabo inuu dagaal sokeeye iyo colaado dalkiisa uga baqay, laga yaabo inuu lafihisa u baqay…laga yaabo..laga yaabo…laakiin waxaa cajiib ahaa inuusan intaas midna dhihin oo sabab intaas oo dhan ka qiimo badan kana fudud ku jawaabay ”…Dad-Weynihii dalkaa nidaamka xizbiyada badan doortay anna iyagaan ka mid ah waxaana ku shaqayniyaa waxay dooniyaan!”. Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu rabaa in khayraadka dalka laga faa’idaysto, waxaana jirtay in xukuumadihii ka horeeyay midda KHeyre iyo maamul-goboleeddada ay bilaabeen gacantana ku hayeen samaynta iyo dejinta xeerarkii iyo nidaamkii siyaasadeed ee kheyraadka dalka, haddii ay tahay sidii loo qaybsan lahaa iyo haddii ay tahay suuq geyntiisa iyo sida looga faa’idaysanayo, waxaana wax kasta ay ka hor mariyeen in la sameeyo qaynuun dhamays tiran oo noqda sharciga kheyraadka dalka! Waxaana si cad oo aan shisheeye iyo qof gaar ah aan wax laga weydiin u muuqday Xuquuqda Lahaanshaha Kkeyraadka Dalka inay dadka Soomaaliyeed leeyihiin… Waxaa madmadow badan uu ku gaadamanyahay macanaha hadalkii uu madax-weynaha jeediyay isagoo malaha rabay inuu shirkii shidaalka Soomaaliyeed ee London sabab sharci ah u raadinaya, waxayna oraahdiisa ku qotontay oo keliya laba qodob oo kala ah in dadka Soomaaliyeed ay gaajaysanyihiin oo ay rabaan kheyraadka in loo soo saaro isagoo aan ku darayn wax sharci looga dhigayo ama lagu sugayo qaynuun ahaan bed-qabka kheyraadka la soo ban-dhigayo ama la suuq geynayo, iyo qodobka labaad oo ahaa siyaasiin xanaaqsan oo iska qaylinaya, taasoo run ahaantii aysan shacabka ka sugayn madax-weynaha inuu ku soo daro sababaha uu qiilka ugu raadinayay in shirkii shidaalka Soomaaliya lagu iib geeyay ee London aysan ku jirin KHayaan Qaranka laga galay isla markaasna macna ah u samaynayn shacabkii walaacsanaa oo maalin kasta muddo soddon sano ku dhowaad ah arkayay mas’uuliyiin xilkii siyaasadeed ay ummadda ugu adeegayeen u isticmaalayay inay dulaal ugu noqdaan dalal shisheeye ama shirkado Qalaad! Dad-Weynuhu wacyi gelin badanbay u baahanyihiin madaxdii taladii dadka waa diiday! Golahii shacabka iyo golihii xukuumadda waxay isku noqdeen hal gole, miyeysan kula ahayn?!…tani waa mid ka mid ah sababah ugu waaweyn ee hor joogsaday in dalku yeesho nidaam siyaasadeed oo shaqayniya oo mas’uul kasta uu yaqaan shaqadiisa iyo inuu qaynuunka hoos joogo oo uu xakamayniyo shaqada uu qabanayo. Waxaa intaas dheer in xudduudihii dalka ay cid kasta isaga balaqanyihiin, meel kasta oo ciidda Soomaaliyeed ka mid ahna ay ajaanib si xornimo buuxda ah isaga kala gooshayso gobollada dalka iyagoo waliba ruksad la’aan meel kasta oo ay tagaan iska baaranaya, siiba dalalka deriska ah. Waxaa talo ahaan la gudboon dhallin yarada, ganacsatada, culummada, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada in qof kasta uu ka shaqeeyo siduu isugu xiri lahaa deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu u heshiisiin lahaa haddii uu khilaaf ka dhexeeyo deegaankiisa iyo midka deriska la ah, siduu uga dhaadhicin inay yihiin dad keliya oo isku mid ah, iyo in ilmaha yar-yar iskuullada iyo xataa dugsiyada quraanka lagu baro Soomaalinimmada iyo jacaylka dalkooda! markaas ayuu hadalka siyaasiga,culummada, aqoonyahanka, ganacsadaha, macno u samayniyaa dad-weynaha! Waxaana loo baahanyahay qaybahaas bulshada siiba odayaasha dhaqanka inay isu talaabaan oo isa soo booqdaan oo xudduudaha cabsida iyo shakiga ku dhisan ee aysan indhuhu qabanayn inta ka tallaaban soo nooleeyan kalsoonidii dadka ka dhexeysay. Sida muuqata Spectrum wali waxay ku adkaysanaysaa qorshaheedii, waxayna dhegaha ka furaysatay iyadoo danteedii guracanayd wali ku socota si aan ka duwanayn DP-dii Midowga Immaaradaha Carabta, sidaas daraadeed dad-weynaha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay talo qorshe la yimaadaan!…waa qorshe laysla ogyahay, waa mid aan ka duwanayn midka lagu xalaalaystay kaluunkeenii, waa midka lagu xalaaleystay dhulkeenii iyo xudduudihiisii, waa mid ay gabbaad u yihii shaatiyada Qarmada Midoobay iyo Midowga Afrika, nimankii aan aaminayna ay door bideen hantideenii inay dulaal ka noqdaan!…DHallin-Yaradii dhaxalka dalka lahayday maxaa idinla gudboon?!… Siyaasi markuu arko siyaasi shisheeye ah arko hilmaamay qabkii, iyo sharaftii dadka iyo dalka ee uu huwanaa oo madaxa laalaadinayaa, oo damac uu ka galayo inuu shaxaado ama ku fekeray inuu dalkiisa dulaal uga noqdo…Yaan sugaynaa?! Dalalka aan kor ku soo xusay sharci, xeer, iyo qaynuun midna innagu ixtiraami waaye, xataa qaarkood ilamaha Soomaaliyeed ee ku dhashay xuquuq dhalasho iska dhaafee xataa wax-barasho looma oggola, kuwa qaarkood dadkii Soomaaliyeed ee magan gelyada u galay bay ilmahoodii xoog uga qaataan!…SHarafteenna, Difaaca Diinteenna iyo Dalkeena waa waajib kana horeeya kana qiima badan nolosheenna!… W/Q: Axmed-Yaasiin Maxamed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Sanadkii 1989kii ayuu Siciid Cismaan Keenadiid, oo hadda dhowr sano mootan, maqaal ku soo qoray Codka Macallinka, wargeys xilliyeed Wasaaradda Waxbarashadu soo saari jirtay. Cinwaanka maqaalku wuxuu ahaa: Hadduu jiri lahaa geel dadweyne. Qoruhu wuxuu la yaabay sida aysan Soomaalidu uga dhiidhiyaynin lunsashada hantida dadweynaha oo ay dowladdu u xilsaaran tahay ilaalinteeda. Haddii uu jiri lahaa geel xero ku jira oo ay dowladdu maamusho way adkaan lahayd in la lunsado geela; waa la iskaga daba iman lahaa. Qof uun baa dhihi lahaa “ Yaa maali jiray, geela soo dhiciya!” Dareenka in tolku wada leeyahay xoolaha marka miyiga la joogo muu noqon mid loo rogay dareen qaran si loo ilaashado hantida dadweynaha. Dhammaadkii siddeetamaadkii Toyota Cressida XL ayay madaxdii dalka iyo qoysaskoodu ku daateen. Waqti dheer may ku qaadanin Soomaalida inay gaariga u bixiyaan Xoolo La Xaday (XL). Boobka hantida dadweynahu wuxuu abuuray isbeddel-doon waayo sarrayn la’aanta sharciga ayaa suurtogalisay in si ba’an loogu tartamo helista hanti booli ah. Xilka qofku hayo wuxuu dad badan la ahaa fursad lagu boobo canshuurta laga soo ururiyay shacabka ama hantida guurtada ( tusaale Gadiidka Dowladda) ama hantida ma-guurtada ah ee dalka. Xaafad ka mid ah degmada Wadajir waxaa si aan rasmi ahayn loogu bixiyay Booli Qaran. Guryaha ugu qurux-badnaa Muqdisho ayay madax badani Booli Qaran ka dhisteeen. Xisaabi xil ma leh waxaa beddeshay Xilku muu laha isla xisaabtan. Soddon sano kaddib maxaa isbeddelay? Burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991kii kaddib lunsashada hantida dadweynuhu waxay ka mid noqotay dhibaatooyinka siyaasadeed oo dadku uusan ka hadlin. Waxaa soo baxay kooxo ku adeegta xilalka ay hayaan. Kooxahani waxay heleen awood siyaasadeed ka maran isla xisaabtan. Badankood marka ay ka dagaan xilalka waxay noqdaan booliqabeen: dad haysta hanti ay qalin ku boobeen ama qalin loogu boobay iyaga. Muu jiro hantidhowr karti u leh dabagalka booliqabeenka. Qofkii ku dhiirran lahaa inuu siyaasadda soo galo si uu u dhiirrigeliyo isla xisaabtan wuxuu dib u liqaa candhuuftiisa dhaqan siyaasadeedka musuqmaasuqa ku salaysan oo noqday lama-taabtaan awgiis. Booliqabeenku wuxuu ku guuleystay inuu ka hadalka siyaasadda Soomaalida dhexdeeda ku soo koobo fadhi-ku-dirir; wuxuu leeyahay dhibbaneyaal isaga u dooda haybta beeleed oo ay wadaagaan awgeed. Awoodda booliqabeenku waxay aad uga muuqataa sida Soomaalida badankeen uga quusteen inay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed heer kasta kala xisaabtamaaan maamul wanaag. Qof rumeysan in helista fursado nololeed ay ku xiran tahay u dhowaanshaha booliqabeen marnaba muu u qareemi karo isla xisaabtan. Waxaa la is lahaa ku hungowga awood siyaasadeed oo meel dhexe lagu soo ururiyay waxay horseedi doontaa samaynta ismaamullo lagaga daydo la dagaallanka lunsashada hantida dadweynaha, daadejinta maamulka, dhowrista kheyraadka badda iyo berriga. Ilaa hadda waxay u muuqataa in booliqabeenku ka awood-badan yahay kelitalis waayo Soomaalidu may ku baraarugin awoodda qoysaska siyaasadeed oo qaba inay dhiisha saboolnimada tuureen kaddib markii ay dhaceen ama si sharci-darro ah ku heleen hantida dadweynaha. Xubnaha qoysaskani way kala dhaxlaan boolida oo isa sii tarmiyaan si faca xiga uu siyaasadda dib ugu soo noqdo si uu lunsashada hantida halkaas uga sii miiso. Labaatan sano ka hor booliqabeenku wuu tiro-yaraa waayo Soomaalidu waxay ka soo kabanaysay burburkii dowladdii dhexe oo dalka oo dhan aan wax badan tari jirin kagase tagtay garasho gurracan oo ah in bixinta adeegyada sida korontada iyo biyaha tahay shaqada dowladda. Booliqabeenku kaalin kuma laha koboca dhaqaale oo saameeyay gobollada Soomaalida kaddib 1991kii. Kaalintiisu waxay soo ifbaxday markii maamullada madaxabanaan la sameeyay kuwaas oo fursad u helay inay canshuur qaadaan, deeqo helaan ama shirkado shisheeye ah siiyaan shatiyo kalluumaysi. Waa seddex ilood oo ka mid aha ilaha boolida booliqabeenku haysto ka soo jeeddo. Boolida uu jeebka ku gurtay qaarkeed wuxuu guryo kaga dhistay Soomaaliya ama dalalka deriska la ah ama dalalka Galbeedka oo ay Soomaalidu ka heshay magangelyo qaxootinimo. Lacagtii loogu talagalay dhisidda rug caafimaad, dugsiyo, hirgelinta mashruucyo taabanaya nolosha reer guuraaga iyo waxbarashada asaasiga ah ayuu booliqabeenku afka iska mariyay. Soomaalida dhexdeeda way yar tahay inaad aragto qof dhahaya “ qoyskaasi hanti buu leeyahay”. Waxaad inta badan maqli kartaa “ qoyskaasi booli buu haystaa”. Haddii aad u sii dhabbagasho waxaa kuu soo baxaysa in boolidu tahay lacagtii ama guryihii dowladdu maamulaysay oo qof qoyska ka mid ihi oo xil dowladeed mar hayay uu boobay. Booliqabeennimadu may aha ifafaale aan qotodheerayn. Booliqabeenku wuxuu barxay hantida ganacsato badan oo hantidooda ku helay dadaal loona yiqiin maalqabeen. Ganacsato badan ayuu booliqabeenku ku qanciyay inuu saamiyo ku yeesho ganacsiyadooda. Ganacsadaha doonaya lacag uu ku sii kobciyo ganacsigiisa ama ku jira tartan adag waa suurtogal inuu bareeraha booliqabeenka u arko naasnuujin dadban. Xiriirka dhexmara booliqabeenka iyo ganacsadaha wuxuu si xun u saameeyaa dhaqaalaha degmada ama gobolka. Dadka lacagta aan dowladda laga lunsanin ku ganacsada iyo kuwa gancsigoodu ku salaysan yahay booli may u sinna fursadaha tartanka marka dowladi qandaraas bixinayso, tusaale ahaan. Taas waxaa ka sii daran dhaqanka booli-jeceylka oo dad badani u arki karaan waddada loo maro helista hanti degdeg ah kagana maarmaan inay nolol-maalmeedkooda u kasbadaan si hufan. Booliqabeennadu waxay u dhasheen beelaha waaweyn oo ku abtirsada maamul goboleed. Waxay wax ka dheefaan awoodda siyaasadeed oo ku salaysan hayb beeleedka hase ahaatee xiriirradoodu waxay ku salaysan yihiin dano dhaqaale. Booliqabeenku wuxuu helista fursadaha ganacsi oo ka jirameesha uu awoodda ku leeyahay u fududeyn karaa booliqabeen ka soo jeeda gobol kale. Booliqabeenku wuxuu maanta Soomaaliya ugu jiraa kaalintii dhulgoostadu ugu jireen Yurub Waayihii Dhexe. Way fududdahay in qof laga saaro guri uu boobay wayse adag tahay in lagu soo celiyo qasnadda ama lahaanshaha dowladda lacag ama guryo siyaasi uu boobay intuusan isu dhallan-rogin booliqabeen. Sidee bay Soomaalidu dalkooda nabad ugu soo dabbaali karaan haddii siyaasigu ka soo horjeedo sarraynta sharciga iyo u sinnaanta fursadaha? Haddii ka hadalka iyo wax ka qorista siyaasadda Soomaalida lagu soo koobo haybta beeleed ee siyaasiga way adkaanaysaa in la arko saameynta booliqabeenku ku leeyahay nolosha Soomaalida. Siyaasiga u xusul-duubaya helista awood siyaasadeed wuu adeegsan karaa halkudhigyo dadka soo jiidan kara. Muu ka runsheegayo hankiisa siyaasadeed hadduu siyaasigu meel adag iska taagi waayo u adeegsiga siyaasadda in qalin lagu lunsado canshuurta lagu soo ururiyo iyo deeqaha lagu helo magaca Soomaalida Dani uguma jirto booliqabeenka nabad ku wada noolaansho inay dib ugu soo noqoto Soomaaliya iyo in isla xisaabtanka siyaasadeed uu noqdo tiir ka mid ah tiirarka nolosha siyaasadda. Taas macnaheedu waa kooxaha ku suntan xagjirnimada diimeed oo keliya may aha xoogagga Soomaaliya ku sii haya xasilooni-darrada siyaasadeed. Soomaalidu waxay degdeg ugu baahan yihiin siyaasiyiin boolidiid ah. W.Q. Liibaan Axmad Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay 9/5/2016 taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qaban Dekedii Berbera oo ay 2 sanadood maamuleysay . Heshiiskii Somaliland iyo DPW wada galeen 9/8/2016 oo ahaa heshiis 30 sanadood oo ( Bilateral Contract agreements) ayaa ahaa heshiis sife qarsoon oo daaha dabadiisa ah loogu heshiiyey in ay heshiiskaas ku bixi doonto lacag dhan $442 Million dollar. Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan 65% oo udhiganta lacag ahaan $280 million. Somalilaana yeelato Saami dhan 35% oo u dhiganta lacag ahaan $162 Million dollar. Heshiiskan oo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur yar oo qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii 1/3/2017. Fashilaada 1-aad ee Heshiiska : Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro 2- In Beked cusub oo 800 Mitir ah la kala dhisto laba jeer oo min 400m ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto ( Wadada isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah ( free zone ) Dhamaan qodobadan lagu heshiiyey ayaan midina ka fulin, qaarna waabay dafireen sida mashaariicda arimaha bulshada. Fashilaada 2-aad ee Heshiiska: Waxaa beryahan danbe debeda u soo baxday oo isa soo taraayey in Itoobiya ay ka maaran tahay Saamiga Dekeda Berbera , maadaama dawlad cusubi ka dhalatay oo ay Ereteriya heshiiyeen. Waxaana ay dawlada Ereteriya kula heshiiyeen in ay Dekedooda xooga saari doonaan oo ay maalgashan doonaan. artintan waxaa markhaatiga u furay iyada oo Itoobiya aanay xunbo metela ku lahayn Shirkada cusub ee hada Maamusha Dekeda Berbera ee loo bixiyey Shirkada DPWorld Berbera. Ka maqnaashan ay ka maqnaatay Itoobiya maamulka cusub ee Dekeda Berbera waxay keentay in Saamiyadii heshiisku ay halkoodii hore ku soo noqdaan oo Somalilaana yeelato saami dhan 35%, DPW-na yeelato 65%. Itoobiyana meesha laga saaro. Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho, waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku khiyaamaysay, Cadan ku sameysay, Lubnaan,Sinigaal,iyo indonisa ku khiyaameysay ee USA lagaga eryey maantana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafin ku khiyaameyso xeelad iyo xoog. Fashilaada 3-aad ee Heshiiska: Bal ka warama DPW lacagtii $240 million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii 400 oo mitir ah, ayey iyagu iska dhisteen Dekad Ciidan oo balaadhan iyo Saldhig Ciidan oo bilaash lagu siiyey. Muwaadin ma ogtahay qiimaha ama kirada dhabta ah ee Saldhiga Berbera uu ahaan jiray? Sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ayaa Madaarka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaali jireen ay ku kireysteen lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo 20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 10km2. Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba, Saldhig yar oo 3km ah oo dalka China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay $20 million dollar sanadkiiba. Saldhig yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii. Hadaba waxaa layaab iyo amankaag shacabka reer Somaliland ku noqotay markii dhawaan uu Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Xaji Ali Shire uu cadeeyey in aan la kireyn Saldhiga Berbera ee mashaariic Aabahood goblamay oo aan la fulin aynu ku bedelanay Saldhiga berbera oo dhererkiisu yahay 20 km2 iyo weliba Saldhiga Badda oo isna dhan ilaa iyo 10 km2 – Arintani waxay u baahan tahay in hayadaha ay khuseysaa ay dabo galaan oo baadhitaan mug leh ku sameeyaan. Waa in Saldhiga Berbera kiro badan aynu dhaafsanaa ama ictiraaf inoogu bedelaan. Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska DPW iyo heshiiska Saldhiga Berbera oo isku sidkan Baarlamaanka dib loogu soo celiyaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay qaranka Somaliland. Waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado Heshiiskan ilaa iyo kirooyinkiisii la sii Carbuuntay ee la sii qadintay ee dalka lagu dhacay. Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso! Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  22. The President of Puntland state of Somalia, Sa’eed Abdullahi Deni has on Sunday night appointed his new cabinet, consisting of 18 ministers, deputies and state ministers. The President unveiled the new council of ministers following wide consultation with Vice President, according to a statement released by Presidency. Several members of ousted cabinet have been reinstated in the line-up, with some of them were moved from their previous positions to new posts. The new cabinet awaits the green light to take the office from the regional assembly. The post Puntland president unveils new cabinet appeared first on Shabelle. View the full article