-
Content Count
207,386 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baraawe (SMN) – Wasiiro ka tirsan XFS ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka K/Galbeed Soomaaliya. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo xubnahani ku soo dhaweeyay magaaladaasi ayaa ka warbixiyay socdaalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-c-qani.mp3 The post Wafdi ka socda DFS Oo gaaray magaalada Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in deegaanada maamulkaasi laga mamnuucay in laga tahriibo, xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhammaan ciidanka Booliska & saraakiisha ayuu faray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyaadka wax tahriibiya & gaadiidka ay saaran yihiin tahriibayaash. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in la xiri doono askarta joogta koontaroolkii la ogaado in uu ka soo gudbay gaadiid sida dad tahriibayaal ah. Magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa ah marin ay tahriibayaashu uga sii gudbaan dalka Yemen. The post Puntland Oo Boosaaso ka mamnuucday in laga Tahriibo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in dowladda federaalka aanay waxbo qaban Labadii sano ee lasoo dhaafay. Waxa uu sheegay in Labadaasi sano ay khasartay, dowladana aanay qaban waxyaabihii ay dadku ka filayeen. Wuxuu sheegay in aanay waxbo ka qaban arrimaha dhaqaalaha, dalkana ay gelisay dhaqaale xumo middii ugu darneyd ebed. Aqoonyahan Caalim ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay siyaasadda dibadda iyo sidoo kale midda gudaha. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan u baahan tahay dadkeeda in looga faa’ideeyo kheyraadka dalka ku jira. Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in waddo sax ah loo maray sahankii lagu sameeyey shidaalka Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahnaa in kahor shirkaasi ay shacabka u sharaxdo waxa uu ku saabsan yahay si aanayba meesha muran uga dhicin. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Kadib markii ay uu soo gabagaboobay shirkii 32aad ee ururka Midowga Afrika Abiy ayaa la fariistay Ismaaciil Cumar Geelle, madaxwaynaha Jabuuti, kaasi oo dowladiisu la tilmaamayo in ay ka xumaatay la wareegista Itoobiya ee taliska AMISOM, wallow aanan wali soo ban-bixin. Abiy Ahmed ayaa dadaal dheer u galay inuu Geelle ku qanciyo hoggaanka AMISOM oo ay la wareegtay Itoobiya inkasto oo aan weli si rasmi ah loo helin natiijada kulankaas kasoo baxay. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Abiy Ahmed ku qanciyey Geelle inuu taageero hoggaanka cusub ee AMISOM. Tani ayaa imaanaya iyada oo Jabuuti aanu qayb ka ahayn Iskaashi saddex geesood ah, kaasi oo ay kala saxiixdeen Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ku saabsan amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga. Dadka naqdiya siyaasada maamulka Farmaajo ayaa ku dhaliilaya inuu garab maray Jabuuti oo garab taagneed Somalia tan iyo burburka uu wadanka kasoo kabsanayo, inkasta labada dowladood ay sheegeen inuu xiriirkoodu hagaagsan yahay. Dhanka kale Madaxwaynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka aan badda lahayn. Wakaalada wararka u faafisa Ethiopia ee FANA ayaa ku warameysa in hogaamiyaasha ay kawada hadleen qodobo ay ku jiraan cilaaqaadka labada dowladood, sidii loo xoojin lahaa iyo horumarka qaarada. Farmaajo oo ka hadlay shirka AU-da kaasi oo uu ka qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Farmaajo iyo Abiy ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo horaantii bishaan taliye looga dhigay sarkaal Itoobiyaan. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwo la sheegay iney Maraykan ahaayeen ayaa weerar ku qaadey deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Weerarkan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in marka hore ay diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana halkaa ku daatay kadib ciidanka xoogga dalka oo dagaal toos ah la galay Al-shabaab. Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkan, balse ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka ayaa waayadan dambe wadey howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/MUUSE-CABAAS.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (SMN) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay sii kordheyso caruurta loo adeegsado askareynta meelo badan oo ka mid ah caalamka. Sarkaal ka tirsan QM ayaa xusay in laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii illaa iyo hadda ay gaartay askareynta caruurta 159 boqolkiiba. Waxaana warbixinta lagu sheegay in illaa 30,000 oo caruur dheeraad ah lagu askareeyay qaar ka mid ah dalalka ay colaadaha ka jiraan oo Soomaaliya ay ka mid tahay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ee lagu askareeyo caruurta ay ka mid yihiin dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo kuwa qaaradda Afrika oo ka mid yihiin Soomaaliya,Sudanta Koofureed,Dr Congo, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo dalal kale. Sanduuqa badbaadada caruurta QM ee Unicef ayaa ka digtay halista ay wajahayaan caruur badan oo ku nool dalalka ay colaadaha la dageen Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ay sare u kacday kufsiga loo gaysto gabdhaha yar yar, gaar ahaan dalalka Soomaaliya iyo Myanmar. The post QM oo sheegtay in ay korortay tirada caruurta la askareeyo dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dharkenley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dhaawac maanta nin ganacsade ah loogu geystay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ganacsadaha la dhaawacay oo maqaayadle ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Abshir Muxudiin, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Kooxo ku hubeysnaa bastoolada ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen falkaasi, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Maalmihii dambe ayaa waxaa xaafada Kaawo Godey ka dhacayay falal amni daro, iyadoona dhaawan lagu dilkay wiil Timo Jare ahaa oo si weyn looga xaafaddaasi. The post Kooxo hubeysan oo ganacsade ku dhaawacay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha ururka Haweenka Puntland, Khadro Warsame Jaamac iyo xubno ka tirsan ururka oo xafiiskooda warbaahinta kula hadlay ayaa soo dhoweeyay, xukuumadda cusub ee uu shalay soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Marwo Khadro Warsame, guddoomiyaha Haweenka oo hadalka ku hormartay ayaa soo dhowaysay golaha wasiirada cusub, waxaana ay sheegtay in ay taageesantahay xukuumadda la soo dhisay oo ay ku tilmaantay” mid xul ah”. Sidoo kale xubno ka tirsan ururka Haweenka oo weheliyay guddoomiyaha, ayaa si lamid ah u soo dhoweeyay golaha wasiirada ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, gaar ahaanna gabdhaha wasiirada ka soo dhex muuqday. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan ururka Haweenka Puntland oo taageeray xukuumada cusub appeared first on Puntland Post.
-
Janaale (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda oo garab ka helay kuwa Mareykan ah ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa barbar socday duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay deegaankaasi. Ciidamada oo watay diyaarado ayaa la sheegay in ay ku ku daateen duleedka deegaanka Janaale oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daray in dagaal foolka fool ah labad dhinac uu ku dhexmaray halkaasi, walow aan la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay. Al Shabaab oo ka hadlay howlgalkan ayaa sheegay in ay fashiyeen, islamarkaana ay ka hortageen weerar lagu soo qaaday. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in duqeyna lagu burburiyay Guryo ay daganaayeen dad rayid ah, sida ay hadalka u dhigeen. Dhnaka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. The post Howlgal qorsheysan Oo ka dhacay deegaanka Janaale appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Duhur-11022019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheyma waa Gabar madax ka ah Gabdhaha Kubadda Cagta Soomaaliya sidoo kalena Muqdisho ka aas aastay Koox kubadda Cagta ah oo u gaar ah Gabdhaha. Sheyma oo wareysi siiyay Wargeyska TUKO ee ka soo baxa Kenya, waxaa ay ku sheegtay in ay hanjabaad kala kulantay xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya kaddib markii ay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA la wadaagtay in lacagta madaxa Gabdhaha uu xiriirka ku helo aysan gaarin gabdhaha. Bishii la soo dhaafay ayey Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ku wargelisay in lacagta ku qoran Xiriirka Kubadda Cagta Gabdhaha ee soo marta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya aysan gabdhaha gaarin. Waxaa ay FIFA ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo,lacagtaas ayaa waxaa ay gaareysaa $150,000 (boqol iyo konton ) kun oo dollar. Waxaa ay sheegtay in lacagta $150,000 ah boqolka uu leeyahay xiriir kasta halka $50,000 kun ay tahay qarashka ku baxa safarka mas’uuliyiinta xiriirka iyo ciyaartooyda Gabdhaha ah,taas oo ay FIFA siiso waddan kasta oo ka mid ah Waddamada Xubnaha ka ah. Sidoo kale Sheyma ayaa sheegtay in Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu afgambi ku sameynayo waqtiga ay xil heynteeda ku egtahay oo ah 6 sano oo ay ka baxday labo sano oo kaliya. Sheyma waxaa ay sheegtay in xiriirka uu oggolaaday xilkeeda laakiin uu diiday qalabeynta xafiisyada xiriirka Kubadda Cagta Gabdhaha sidoo kalena diiday goobaha ay Gabdhaha ku tababartaan. Waxaa ay tiri “mar waliba waxaan sare u qaadaa arrintan, laakiin si wanaagsan uma socoto, waxaan helay farriimo hanjabaadyo ,kaliya waxaan raadinayaa lacagta loogu talagalay gabdhaheenna kubadda Cagta, siima joogi karo Muqdisho, amaankeeyga dartiis,xaaladda dalka ayaa iska nugul”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Qaar kamid ah shacabka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ra’yigooda ka dhiibtay, xukuumadda cusub ee shalay uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Dadka ayaa ku kala argtiyo duwan golaha wasiirada iyo habka awood-qeybsiga ee loo magacaabay, iyadoo qof walba uu si u arko; mid mucaaradsan iyo mid taageersanba, maadaama aysan bulshadu hal dhinac wax ka wada-eegin. Shacabka qaar kamid ah oo taageersan xukuumadda cusub ayaa soo dhoweeyay, halka qaar kale oo dhaliinsan habka loo magacaabay ay si ka duwan uga hadleen. PUNTLAND POST The post Garoowe: Qaar kamid shacabka oo ka ra’yi dhiibtay xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu Kulanka ayaa waxa ay kaga wada-hadleen xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iyo iskaashi dhinac walba leh ee labada dal ay wada yeeshaan. Warar ay warbaahintu heshay ayaa waxa ayaa sheegayan in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Dhiggiisa dalka Koonfur afrika Ms Lindiwe_Sisulu ay ka wada hadleen dhibaatooyinka dilalka iyo boobka ah ee lagu haayo Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalkaas. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali badan,kuwaas oo Ganacsi ahaan u jooga, hayeeshee inta badan waxaa loo geystaa falal isugu jira dil dhaawac iyo in la boobo hantidooda,iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa bilaabaysa hawl gal Imtixaan lagaga qaadayo dhammaan cilaajyada dalka ka hawlgala ee dadka lagu dabiibo, iyadoo wajiga koobaad laga bilaabayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Imtixaanka laga qaadayo culimada ka hawl gala Cilaajyada ee ka shaqaysta ayay ujeedadiisu tahay si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin. Masuuliyiinta wasaaradda oo dhawaanahan ku mashquulsanaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo horumarinta adeegyada diineed ee ay Somaliland u hayaan, ayaa dhawaan bilaabaya in imtixaan laga qaado Wadaaddada ka hawlgala goobaha dabiibka diiniga ah ee Cilaajyada, kuwaas oo la hubin doono aqoontooda diimeed, si loo helo cilaajyo la sugay tayada dadka haysta. Wasaaradda diintu imtixaanka ka dib waxay wada-jir uga wada shaqayn doonaan wasaaradda horumarinta caafimaadka tayada goobaha cilaajyada adeegyadyadooda dabiibka diiniga ku dara adeegyada caafimaad, maaddaama nolosha dad caafimaad-doon ah lagu aamminayo, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay ujeeddada arrintan imtixaanka loo samaynayo iyo tallaabada xigi doonta, waxaanu qoraal kooban ku yidhi; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay imtixaan ka qaadi doontaa, isla markaana hubin doontaa aqoontooda Diineed wadaaddada Cilaajyada ka shaqaysta. Arrintaas waxa lagu go’aamiyey shir ay Masuuliyiinta wasaaraddu maanta (shalay) u qabatay madaxda cilaajyada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, marka aannu hubinno aqoontooda Diineed waxaannu wasaaradda horumarinta caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya ee cilaajyadu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu. Kulanka go’aankaas la iskula qaatay, ayaa daba-socday kulammo hore oo madaxda wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland la yeesheen qaar ka tirsan culimada madaxda ka ah cilaajyada Hargeysa oo sidan oo kale arrintan lagaga wada hadlay, waxaana cilaajyada oo marba marka ka dambaysa sii badanaya la aqoonsan doonaa inta shuruudaha xukuumaddu uga baahantay buuxiya. Tallaabada imtixaanka lagaga qaadayo cilaajyada, waxa ka horreeyey oo ay wasaaraddu bilawday 24-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu barto iyo jimciyadaha ay ku midoobeen maddarasadaha qaarkood. Diiwaangelintaas oo aad loo soo dhaweeyey, ayaa noqotay markii koowaad ee intii ay Somaliland jirtay wasaaraddu ku dhiirrato ama fuliso, iyada oo hadda la diiwaangeliyey illaa saddex boqol oo maddarasadood oo Hargeysa ku yaalla, welina ay socoto diiwaangelinta, oo wejiga labaadna u gudbi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Imtixaanka ay wasaaraddu ka qaadayso wadaaddada cilaajyada, ayaa iyaduna ah mid muhiimaddeeda leh. Source
-
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Muqdisho City Club Xassan Maxamed Aadan (Xasan Santos) ayaa loogu yeeray waajibaadka xulka qaranka Soomaaliya waana markii ugu horeesay tan iyo sida uu u noqday ciyaarahan ka dheela tartamadda waaweyn ee gudaha. Santos waxa uu labadii sano lasoo dhaafay soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan taas oo keentay in tababare Salaad Faarax Xasan uu xidigan kusoo daro liiska xulka qaranka waxaana arintan si weyn usoo dhaweeyay saaxiibada iyo bahda ciyaaraha laacib Santoos. “Xassan Santos waxa uu ka mid yahay xidigaha ugu fir fircoon kooxda dowladda hose ee Muqdisho City Club bandhigiisa cajiibka ayuu ku helay in uu xerto maaliyada xulka ani ahaan waa taageersanahay horomarkiisa”waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Macalin Cabdi Wali Colaad Qanyare Gaataamow oo ka mid ah tababarayaasha kooxda Muqdisho City Club. Laacib Xassan Maxamed Xassan Santos ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku guulaystay abaal marinta Mogadishu Awards wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Soomaaliya sanadkii tagay 2018,Santoos oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarintan uu hantay. “hadii uu san da’daal wanaagsan soo bandhigi laheyn loogama wacin in uu xulka u dheelo waan bogaadinaynaa horomarka iyo heegsiga uu ku tilaabsanayo xirfadyahan Xasan Santos” waxaa sidaas barnaamijka xeyndaabka u sheegay Cabdiraxiin Maxamed Kismaayo oo ah falanqeeye ciyaaraha gudaha. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Laacib Xasan Santo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka. Cabdirashiid ayaa sheegay in arrintan loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah. Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada London, halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska, isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London. Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka, shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo. Ugu danbeyntii, wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha gobolka Gardafu’ ee Puntland, Maxamuud Axmed Caynab oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay waddooyin kala duwan oo maamulka gobolka gobolkaasi uu ka hir-gelinayo qaar kamid ah degmooyinka iyo tuulooyinka fog-fog ee Gardafu’. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in shacabka iyo maamulka gobolka oo is kaashanaya ay bilaabeen, samaynta waddooyin cusub oo xiriirin doona degaannada ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee ay adag tahay in la isaga gudbo, gaar ahaanna tuulooyinka ka baxsan xeebaha oo bulshadu ay dhib kala kulanto xilliyada ay socdaalka yihiin. Caynab ayaa sheegay in haatanba ay furayaan, jid-cadde cusub oo xiriirin doona degmada Bareeda iyo tuulada Ceel-quud oo ka tirsan gobolka Gardafu’, kadib markii ay shacabku dhib kala kulmeen waddadii hore ee isku’ xiri jirtay labadaasi degaan, sida guddoomiyuhu sheegay. Waddada cusub oo dherarkeedu yahay 40km ayaa hir-gelinteedu u baahan lacag gaaraysa $30 kun oo Dollar, waxaana guddoomye Caynab tilmaamay in aysan jirin cid ka caawinaysa lacagta ku baxaysa, balse maamulka iyo bulshada gobolku ay si isku’ tashi ah ku bilaabeen. Sidoo kale wuxuu caddeeyay in aysan hadda wada-hayn lacagta ku baxaysa wadada, hase yeeshee ay dowladda cusub ee Puntland, hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha ganacsiga ay ka rajeynayaan, in ay qeybtooda ka qaatan. Ugu dambeyntii, mudane Caynab ayaa u hambalyeeyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni,isagoo Baarlamanka ka codsaday, in ay kalsoonida siiyan. PUNTLAND POST The post Shacabka Gardafu’ oo gacmahooda waddooyin ku samaysanaya appeared first on Puntland Post.
-
UN Secretary-General António Guterres has thanked the African Member States and the African Union Commission for supporting peace operations in Africa, saying that the service and sacrifice of African peacekeepers are “at the forefront of our minds.” The UN chief’s praise for the work of Blue Helmets and other peacekeeping personnel was part of his address to Heads of State gathered at the African Union Summit in Addis Ababa, Ethiopia, on Sunday. Mr. Guterres was speaking the day after three Ethiopian peacekeepers serving in the United Mission in Abyei (UNISFA) were killed, when a military helicopter carrying troops crashed in the Mission compound whilst on a routine operation. Ten passengers were injured, and three are reportedly in critical condition. Addressing the fact that African countries provide almost half of all UN peacekeeping troops – including some two-thirds of all women peacekeepers and the majority of UN police – the UN chief went on to acknowledge the sacrifice of African soldiers in AMISOM (the African Union Mission in Somalia); the G5 joint force, which counters violent extremism and terrorism in the Sahel region of North Africa; and the Multinational Joint Task Force in the Lake Chad Basin, set up to restore security in areas of the Lake Chad Basin affected by the Boko Haram terror group. “To be fully effective,” he said, “these African peace operations require robust mandates from the Security Council and predictable, sustainable financing, including assessed contributions.” United Nations peacekeeping operations, the UN chief added, are “increasingly being called into areas where there is no peace to keep,” explaining that this is why he has repeatedly expressed support for peace enforcement and counter-terrorism operations, and launched the Action for Peacekeeping (A4P) initiative in 2018, which aims to provide UN missions with the means to be more effective, better equipped, safer and more robust. Mr. Guterres went on to impress upon his audience the “critical” role that women’s “equality, meaningful participation and leadership” have to play in ensuring lasting peace, citing the invaluable contributions made by FewWise – the African Women’s Network on Mediation – and the African Women Leaders Network, describing both groups as important initiatives for joint UN-AU collaboration. The Secretary-General said that he had been determined from his first day in office to been determined to forge ever closer ties between the United Nations and Africa, noting a significant improvement in strategic cooperation between the UN and the African Union. The two sides have recently signed frameworks on peace, security and sustainable development, a Joint Declaration on cooperation for peace support operations and the first Human Rights Dialogue, which he called an “encouraging step on a critical issue.” The post UN calls for greater support to African Union Mission in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Imtixaan ka qaadaysa Culimada Cilaajyada Dalka “Markaannu hubinno Wadaaddada aqoontooda Diineed, waxaannu wasaaradda caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya..” Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta Aadan Cabdillaahi Cabdalla Hargeysa(WWD):- Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay imtixaan ka qaadaysa Calaajyada ka hawlgala guud ahaan dalka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa kuwa ku yaalla oo wejiga koowaad noqon doona, si loo hubiyo goobaha aqoon diineed ahaan iyo tayo ahaanba ku habboon in dad lagu dabiibo iyo kuwa aan u qalmin. Masuuliyiinta wasaaradda oo dhawaanahan ku mashquulsanaa dardar-gelinta hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo horumarinta adeegyada diineed ee ay Somaliland u hayaan, ayaa dhawaan bilaabaya in imtixaan laga qaado Wadaaddada ka hawlgala goobaha dabiibka diiniga ah ee Cilaajyada, kuwaas oo la hubin doono aqoontooda diimeed, si loo helo cilaajyo la sugay tayada dadka haysta. Wasaaradda diintu imtixaanka ka dib waxay wada-jir uga shaqayn doonaan wasaaradda horumarinta caafimaadka tayada goobaha cilaajyada adeegyada caafimaad ee kale ku dara dabiibkooda diiniga ah, maaddaama nolosha dad caafimaad-doon ah lagu aamminayo, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaraddu. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa sheegay ujeedka arrintan imtixaanka loo samaynayo iyo tallaabada xigi doonta, waxaanu qoraal kooban ku yidhi; “Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxay imtixaan ka qaadi doontaa, isla markaana hubin doontaa aqoontooda Diineed wadaaddada Cilaajyada ka shaqaysta.” “Arrintaas waxa lagu go’aamiyey shir ay Masuuliyiinta wasaaraddu maanta u qabatay madaxda cilaajyada magaalada Hargeysa. Sidoo kale, marka aannu hubinno aqoontooda Diineed waxaannu wasaaradda horumarinta caafimaadka kala shaqayn doonnaa xal u helidda arrimaha caafimaadka khuseeya ee cilaajyadu qabtaan.” Sidaa ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Diintu. Kulanka go’aankaas la iskula qaatay, ayaa daba-socday kulammo hore eeoo madaxda wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland la yeesheen qaar ka tirsan culimada madaxda ka ah cilaajyada hargeysa oo sidan oo kale arrintan loogala hadlay, waxaana cilaajyada oo marba marka ka dambaysa sii badanaya la aqoonsan doonaa inta shuruudaha xukuumaddu uga baahantay buuxiya. Tallaabada imtixaanka lagaga qaadayo cilaajyada, waxa ka horreeyey oo ay wasaaraddu bilawday 24-ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka diiwaangelinta maddarasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu dhigo iyo jimciyadaha ay ku midoobeen maddarasadaha qaarkood. Diiwaangelintaas oo aad loo soo dhaweeyey, ayaa noqotay markii koowaad ee intii ay Somaliland jirtay wasaaraddu ku dhiirrato ama fuliso, iyada oo hadda la diiwaangeliyey illaa saddex boqol oo maddarasadood oo Hargeysa ku yaalla, welina ay socoto diiwaangelinta, oo wejiga labaadna u gudbi doonta gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Imtixaanka ay wasaaraddu ka qaadayso wadaaddada cilaajyada, ayaa iyaduna ah mid muhiimaddeeda leh. Qaran News
-
Popular Contributors