Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,375
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda Waxbarashadda Oo La Ildaran Maamul Xumo Iyo Xasuusta Wasiirka Xumaatay!!! Dr Abdirizaq Osman Mohamud Wasaaradda Waxbarashada Oo ah Wasaaraddaha ugu mihiimsan uguna baaxada wayn leh wasaaradaha dalka, isla markaana ay ka hawlgalaan in ka badan 7,500 shaqaale ahi, maamusho-na in ka badan 1,400 Dugsi iyo 32 Jaamacadood ayaa la ildaran Hogaan xumo ka dib markuu dhawaan Madaxwayne Biixi usoo magacaabay Wasiir Cismaan Aadan oo isagu xanuunka ilawshuhu si xun u haleelay, isla markaana ah da wayn oo ay ku adag tahay inuu Xafiiskiisa oo dabaqa sare ee wasaaradda ku yaala inuu karro. sidoo kale Bulshadda Somaliland ayaa Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa ka sugaysa in wax laga qabto Tayo xumada baahsan ee Waxbarashadda dalku wehelka u tahay iyo waliba in isbedel (reform) lagu sameeyo qaab dhismeedka iyo hab-maamulka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, balse Taa Cagiskeed uu Madaxwayne Biixi ugu abaalguday bahdii Waxbarashadda inuu u soo magacaabo Wasaaradii masuul d’a ah oo aan Tahli karin inuu u babac dhigo baaxada shaqada ee wasaaradaas taala. Dr Abdirizaq Osman Mohamud Hargeisa/Somaliland. Qaran News
  2. Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardar-gelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal. Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxaana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Ugu dambeyn, muddadii saddex cisho Hayd ee uu Addis Ababa ku sugnaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wax uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in aanay aqoonin goobta lagu aasay maydka Suxufigii Jamaal Khashoggi, kaasi oo ay koox ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga dileen, jarjareen, kadibna maydka ku shubay Aashito bishii October 2-dii ee sannadkii hore ee 2018-ka. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Barnaamijka “face the Nation” ee Telefishinka CBS ee dalka Maraykanka. Waxa uu sheegay inay Saraakiil Sacuudiyaan ah qaadeen dilkaasi oo uu ku tilmaamay fal ka baxsan Awooda 11-kii qof ee dilkaasi fulisay, kuwaasi oo lagu soo oogay Dembigaasi. Mar wax laga weydiiyey halka uu ku dambeeyey maydkii Jamaal Khashoggi, waxa uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ku jawaabay: “Ma garanayno”. Waxa uu sii raaciyey inuu Dacwad-oogaha Dowladda mas’uul ka yahay Kiiskaasi, oo u baahan caddaymo ka yimaada Dowladda Turkiga, balse aysan weli ka soo jawaabin codsigaasi. Waxaa kaloo la weydiiyey Caadil Al-jubeyr sababta ay Eedeysanayaasha ugu sheegi waayeen Baarayaasha halka ay dhigeen maydka Jamaal Khashoggi, wuxuuna ku jawaabay: “Waxaan weli ku jirnaa Baaritaanka, waxaan haatan haynaa tiro suurtogal ah, waxaana weydiinaynaa iyaga halkii ay dhigeen maydka” Waxa uu sii raaciyey inuu u malaynayo in baaritaanka weli socdo iyo inuu rajeynayo in xaqiiqda la heli doono. Dhinaca kale, waxaa wax laga weydiiyey inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mas’uul yahay amarka lagu dilay Saxafigii Jamaal Khashoggi, waxa uu Caadil Al-jubeyri carrabka ku adkeeyey inuusan Amiirku bixinin Amarkaasi. Wargeyska The News Times waxa uu Jimcihii la soo dhaafay qoray inay Hay’adda Sirdoonka CIA-da duubeen codka Amiirka Sacuudiga oo u sheegayey Gacan-yare sare sannadkii 2017-kii in uu Xabbad la daba kici doono Jamaal Khashoggi, haddii uusan ku soo laabanin dalka Sacuudiga. Xogtaasi Sirdoonka ayaa waxa uu Telefishinka CBS wax ka weydiiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr, wuxuuna ku jawaabay: “Aniga ma doonayo inaan hadal ka dhiibto Warbixintaasi oo asaas looga dhigay Xogo aan la aqoonin”. CIA-du waxay warbixinteeda ku soo gebagebeysay in Hawlgalkii Sacuudiga ee lagu dilay Saxafigii Khashoggi u muuqato inuu si toos ah u maamulayey Dhaxal-sugaha awoodda badan ee dalka Sacuudiga. Source
  4. (SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Labada Mas’uul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhammaaday Shirka 32-aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay. Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howl-galka AMISOM. Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warrantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka qaarada Afrika. Source
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaal laga dhex arkayo dad badan oo ay tooganayaan kuwaas oo u shaqeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Maahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab sidaan sameyso, waxayna noqoneysaa markii labaad oo ay soo bandhigeyso muuqaalada noocaan oo kale ah. Haddaba su’aasha qof kasta is waydiinayo ayaa ah sababta ay Al-Shabaab u bilaabeyn inay muuqaal ka duubaan falalka dilalka ah oo ay geystaan. Cabdiqani Axmed Cali oo ah macalin dhanka Siyaasadda iyo Amniga ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay inay Al-Shabaab arrintaas ula jeedaan cabsi gelinta dadka u shaqeeyo dowladda. “ Falkaan sababta ay Al-Shabaab u sameenayaan waa inay cabsi geliyaan dadka u shaqeeyo dowladda iyo Hey’adaha kale oo ay diidan yihiin” ayuu yiri Cadiqani. “ Qofka markii uu arko sida arxan darada ah ee loo dilayo dadweynaha, waxay noqoneysaa laba inuu isaga baxo dowladda iyo inuu dalka isaga tago waana midda ay Al-Shababaab mar kasta dooneyso” ayuu sii raaciyey. “ Waa wax laga xumaado in xaasaskii, hooyooyinkii iyo ilmihii ay ka tageyn dadka ay Al-Shabaab dileen ay si toos ah u arkaan sida loo dilay qofkii ay ehelka ahaayeen, waxayna taasi keeneysaa niyad jab ku imaado shacabka Soomaaliyeed”. Ururuka Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaal naxdin leh oo ku saabsan dilalka iyo qaraxyada ay geysteen bilooyinkii lasoo dhaafay. Muuqaalkaas ayaa ahaa mid naxdin iyo cabsi ku abuuray bulshada Soomaaliyeed mana jirto tallaabo cad oo ay illaa hadda Dowladda ka qaadeyso kooxdaan usoo jeysatay baabi’inta shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Diinta Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Oo Sheegay Inay Sucuudiga Ka La Yihiin Warqado Lagu Xajo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Warbixin uu soo saaray ururka freedom House oo fadhigiisu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay ka xorriyad wanaagsan tahay dalalka Geeska Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya marka laga reebo Kenya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Addis Aababa. Kulanka labada Hoggaamiye ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha,amaanka,wada shaqeynta iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee labada waddan. Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen ay ka mid tahay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada hoggaamiye ku galeen Muqdisho iyo Baxardaar. Sidoo kale labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca nabadda ee Gobolka Geeska Afrika. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isalwasaaraha Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhinaca amaanka ah ee dowladda Itoobiya siiso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxaa uu maanta shaaciyey inuu ka tanaasulay xilkii gudoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye oo uu hore u shaaciyey inuu u tartami doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa waxaa uu mid mid uga warramay dhaqamo cusub oo uu sheegay in xukuumada madaxweyne Muuse Biixi la soo baxdey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxa uu maanta magacaabay laba mas’uul. Halkan hoose ka akhriso: Source
  12. The African Union (AU) has urged its partners in Somalia to engage in quick impact projects to confront issues related to the lack of sanitation and safe water facilities in the eastern African nation, AU Peace and Security Commissioner Smail Chergui said on Monday. “We want also to gain the minds and the hearts of the people of Somalia that is why AMISOM is promoting some quick impact projects like water, like sanitation and we are also encouraging our partners on doing so. We are determined to continue protecting our sisters and brothers in Somalia,” Chergui told a press briefing at the 32nd AU summit. The AU Heads of State and Government Summit opened in Addis Ababa, Ethiopia, on Sunday. AU comprises more than 50 member states and aims to promote unity and solidarity among African countries. Somalia has been engulfed in violence since the eruption of a civil war between clan-based armed factions in the early 1990s. The situation has been further complicated by Al-Shabaab militants, staging numerous attacks across the country in an attempt to impose a radical version of Sharia law The post AU Urges Implementation Of Water, Sanitation Projects In Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Riyadh (Caasimadda Online) –Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa Wareysi uu siiyey Barnaamijka “face the Nation” ee Telefishinka CBS ee dalka Maraykanka wuxuu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dilkii Wariye Suxufigii Jamaal Khashoggi oo ilaa hadda aan meydkiisa la helin. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Debadda Sacuudiga ayaa sheegay inaysan dowladiisa aqoon meesha la geeyey maydka Khashoggi. Wariyahaan ayaa waxaa dilay, jarjaray kadibna maydkiisa ku shubay Aashito bishii October 2-dii ee sannadkii hore qaar ka tirsan sirdoonka dalka Sacuudiga kadib markii uu galay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Istanbul. Wuxuu si cad u sheegay in Meydkiisa ay qaadeen xubnihii dilka geystay, wuxuuna falkaas ku tilmaamay inuu ahaa fal ka baxsan Awooda 11-kii qof ee dilkaasi fulisay Su’aashii ugu adkeyd ee la waydiiyey Caadil ayaa aheyd halka uu ku dambeeyey meydka Jamaal Khashoggi, waxa uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga ku jawaabay “Ma Aqaan”. Wuxuu sheegay inay dowladda Turkiga waydiiyeen caddeymo dheeri ah si eedeysanayaasha maxkamad loo soo taago balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inaysan weli jawaab ka helin. Caadil ayaa ugu dambeyntii sheegay inay gacanta ku hayaan xubno badan oo dilkaas ka dambeeyey isla markaasna ay waydiinayaan halka ay geeyeen meydka Jamal uuna rajeenayo in la helo xaqiiq rasmi ah. Wuxuu intaas kusii daray in baaritaanka socdo laga heli doono xog dheeri ah iyo halka uu ku dambeeyo meydka Jamal. Caadil ayaa wax aan jirin ku tilmaamay inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mas’uul yahay amarka lagu dilay Saxafigii Jamaal Khashoggi. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  14. Addis Ababa (SMN) – Guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda Midowga Africa Smail Chergui oo magaalada Addis Ababa maalintii labaad uga qeyb galaya shir madaxeedka 32-aad ee Midowga Africa ayaa madaxda dowladihii shirkaasi ka soo qeyb galay ka codsaday in ay qaxootiga Soomaaliyeed ka caawiyaan, sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah. Smail Chergui ayaa khudbad uu ka hor jeediyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka ku sheegay in ay muhiim tahay in ay dardar galiyaan, kana qeyb qaataan barnaamijyo qaxootiga Soomaaliyeed looga caawinayo in ay helaan biyo nadaafadoodu ay sareyso, maadaama shirka intiisa badan looga hadlayay arrimaha qaxootiga qaaradda Africa. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda Midowga Africa ayaa tilmaamay in colaadaha iyo abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda, isla markaana xilligan ay u dib u jadin rasmi ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shir looga doodayo wax ka qabashada xaaladda qaxootiga qaaradda Africa uu ka socdo M/Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. The post Midowga Africa Oo ku baaqay in la caawiyo qaxootiga Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Baraawe (SMN) – Wasiiro ka tirsan XFS ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka K/Galbeed Soomaaliya. Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka gargaarka, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo xubnahani ku soo dhaweeyay magaaladaasi ayaa ka warbixiyay socdaalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/cod-1-c-qani.mp3 The post Wafdi ka socda DFS Oo gaaray magaalada Baraawe appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Qoyska uu ka geeriyooday agaasimihii shirkada DP World maamulaha uga ahaa dekeda Bosaso Paul Farmosa ee dhawaan lagu dilay magaalada Bosaso, ayaa sheegay inay kasoo [...] Source
  17. Boosaaso (SMN) – Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muxyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in deegaanada maamulkaasi laga mamnuucay in laga tahriibo, xilli uu maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dhammaan ciidanka Booliska & saraakiisha ayuu faray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shaqsiyaadka wax tahriibiya & gaadiidka ay saaran yihiin tahriibayaash. Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray in la xiri doono askarta joogta koontaroolkii la ogaado in uu ka soo gudbay gaadiid sida dad tahriibayaal ah. Magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa ah marin ay tahriibayaashu uga sii gudbaan dalka Yemen. The post Puntland Oo Boosaaso ka mamnuucday in laga Tahriibo appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in dowladda federaalka aanay waxbo qaban Labadii sano ee lasoo dhaafay. Waxa uu sheegay in Labadaasi sano ay khasartay, dowladana aanay qaban waxyaabihii ay dadku ka filayeen. Wuxuu sheegay in aanay waxbo ka qaban arrimaha dhaqaalaha, dalkana ay gelisay dhaqaale xumo middii ugu darneyd ebed. Aqoonyahan Caalim ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ku fashilantay siyaasadda dibadda iyo sidoo kale midda gudaha. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Falanqeeye siyaasadeed ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan u baahan tahay dadkeeda in looga faa’ideeyo kheyraadka dalka ku jira. Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo u warammay Goobjoog wuxuu sheegay in waddo sax ah loo maray sahankii lagu sameeyey shidaalka Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in looga baahnaa in kahor shirkaasi ay shacabka u sharaxdo waxa uu ku saabsan yahay si aanayba meesha muran uga dhicin. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Kadib markii ay uu soo gabagaboobay shirkii 32aad ee ururka Midowga Afrika Abiy ayaa la fariistay Ismaaciil Cumar Geelle, madaxwaynaha Jabuuti, kaasi oo dowladiisu la tilmaamayo in ay ka xumaatay la wareegista Itoobiya ee taliska AMISOM, wallow aanan wali soo ban-bixin. Abiy Ahmed ayaa dadaal dheer u galay inuu Geelle ku qanciyo hoggaanka AMISOM oo ay la wareegtay Itoobiya inkasto oo aan weli si rasmi ah loo helin natiijada kulankaas kasoo baxay. Wararka qaar ayaa sheegayo inuu Abiy Ahmed ku qanciyey Geelle inuu taageero hoggaanka cusub ee AMISOM. Tani ayaa imaanaya iyada oo Jabuuti aanu qayb ka ahayn Iskaashi saddex geesood ah, kaasi oo ay kala saxiixdeen Somalia, Ethiopia iyo Eritrea oo ku saabsan amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga. Dadka naqdiya siyaasada maamulka Farmaajo ayaa ku dhaliilaya inuu garab maray Jabuuti oo garab taagneed Somalia tan iyo burburka uu wadanka kasoo kabsanayo, inkasta labada dowladood ay sheegeen inuu xiriirkoodu hagaagsan yahay. Dhanka kale Madaxwaynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulan gaar ah waxay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka aan badda lahayn. Wakaalada wararka u faafisa Ethiopia ee FANA ayaa ku warameysa in hogaamiyaasha ay kawada hadleen qodobo ay ku jiraan cilaaqaadka labada dowladood, sidii loo xoojin lahaa iyo horumarka qaarada. Farmaajo oo ka hadlay shirka AU-da kaasi oo uu ka qaybgalay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay hogaamiyaasha Afrika in lala yimaado siyaasad wax loogu qabanayo Barakacyaasha. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Farmaajo iyo Abiy ay isla soo qaadeen arrimo la xiriira ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo horaantii bishaan taliye looga dhigay sarkaal Itoobiyaan. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
  21. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwo la sheegay iney Maraykan ahaayeen ayaa weerar ku qaadey deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose. Weerarkan ayaa dhacay xalay saq dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in marka hore ay diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana halkaa ku daatay kadib ciidanka xoogga dalka oo dagaal toos ah la galay Al-shabaab. Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkan, balse ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka ayaa waayadan dambe wadey howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/MUUSE-CABAAS.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. New York (SMN) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay sii kordheyso caruurta loo adeegsado askareynta meelo badan oo ka mid ah caalamka. Sarkaal ka tirsan QM ayaa xusay in laga soo bilaabo sanadkii 2012-kii illaa iyo hadda ay gaartay askareynta caruurta 159 boqolkiiba. Waxaana warbixinta lagu sheegay in illaa 30,000 oo caruur dheeraad ah lagu askareeyay qaar ka mid ah dalalka ay colaadaha ka jiraan oo Soomaaliya ay ka mid tahay. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in meelaha ugu daran ee lagu askareeyo caruurta ay ka mid yihiin dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo kuwa qaaradda Afrika oo ka mid yihiin Soomaaliya,Sudanta Koofureed,Dr Congo, Jamhuuriyada Afrikada Dhexe iyo dalal kale. Sanduuqa badbaadada caruurta QM ee Unicef ayaa ka digtay halista ay wajahayaan caruur badan oo ku nool dalalka ay colaadaha la dageen Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ay sare u kacday kufsiga loo gaysto gabdhaha yar yar, gaar ahaan dalalka Soomaaliya iyo Myanmar. The post QM oo sheegtay in ay korortay tirada caruurta la askareeyo dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Dharkenley (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dhaawac maanta nin ganacsade ah loogu geystay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Ganacsadaha la dhaawacay oo maqaayadle ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Abshir Muxudiin, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Kooxo ku hubeysnaa bastoolada ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen falkaasi, iyagoona goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Maalmihii dambe ayaa waxaa xaafada Kaawo Godey ka dhacayay falal amni daro, iyadoona dhaawan lagu dilkay wiil Timo Jare ahaa oo si weyn looga xaafaddaasi. The post Kooxo hubeysan oo ganacsade ku dhaawacay Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Guddoomiyaha ururka Haweenka Puntland, Khadro Warsame Jaamac iyo xubno ka tirsan ururka oo xafiiskooda warbaahinta kula hadlay ayaa soo dhoweeyay, xukuumadda cusub ee uu shalay soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Marwo Khadro Warsame, guddoomiyaha Haweenka oo hadalka ku hormartay ayaa soo dhowaysay golaha wasiirada cusub, waxaana ay sheegtay in ay taageesantahay xukuumadda la soo dhisay oo ay ku tilmaantay” mid xul ah”. Sidoo kale xubno ka tirsan ururka Haweenka oo weheliyay guddoomiyaha, ayaa si lamid ah u soo dhoweeyay golaha wasiirada ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, gaar ahaanna gabdhaha wasiirada ka soo dhex muuqday. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan ururka Haweenka Puntland oo taageeray xukuumada cusub appeared first on Puntland Post.
  25. Burco(SL-T): Qaar Ka Mid Ah Dhalinayarada Sportiga Gobolka Togdheer Oo Tartan Ciyaareed La Magac baxay Dalmar Cup Ka Furay Burco +Wasaaradii Ciyaaraha Oo Shaqadeed Gabtay Source