-
Content Count
207,386 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___Qubanaha-110219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mid kamid ah ganacsatada gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash ayaa caawo lagu dilay magaalada Boosaaso. Salaad oo xisaabiye u ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed ayaa lagu dilay xaafadda Raf&Raaxo ee magaalada Boosaaso gaar ahaanna nawaaxiga masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo uu salaadda ka soo baxay. Ma jirto weli cid weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay midna dilka loo geystay ganacsade Salaad. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Ganacsade lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ku dishay nin ka mid ahaa dadka Deegaanka. Dilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ku beegsadeen Ganacsade Abshir Muuse oo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi. Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhawr qof oo dhalinyaro u badan. Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sare usii qaaday dilalka dadka shacabka ah ee Muqdisho, ayada oo sidoo kale billowday inay soo bandhigto muuqaalo ay kasoo duubto dilalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.om
-
Mustaqbalka Ifiya ee DDS iyo Hogaaminta Suuban ee Madaxweyne Mustafe Cumar Wax badan ayay Darxumo, dibadyaal, iyo dagaalo lagu hoobtay ay soo mareen Shacbiga Soomalida Itoobiya ee ku nool Gobolka ay soomaalidu ka degto dalka Itoobiya. Dadweynahaasi waxay soo mareen waddo aad u dheer oo dhiig badan leh, dib u dhac iyo rafaad iyo inay qayrood ka hadhaan waxay ahayd silsilad ku taxan taariikhda madow ee ay Soomareen. Kumanaan qof oo deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay ayaa Qaxootinimo ku galay Wadamada deriska ah iyo dunida iyaga oo naftooda kala cararay colaadaha iyo dhibaatooyinkii ka jiray dhulkaas. Markii la riday Taliskii kaligii taliyihii Mingiste sanadkii 1991 waxaa cid waliba u sacabo tuntay maamulkii Meles Zenawi oo sameey nidaam daadejin uu Gobolka Somalida u ogolaaday inay is maamulaan, waxaana bilowgii hore loo riyaaqay in dadkii Soomaalida Itoobiya ay ka hoos baxeen gumaysi ay ku hoos jireen boqolaal Sanadood. Nasiib darro waxay rejadii luntay markii uu hoggaanka qabtay Maamulki Cabdi Iley oo xasuuqay kumanaan qof oo shicib ah, kumanaan kalena Xabsiyada ku guray. Isla markaasna Hantidii Ummada si foolxun ugu tagrri falay. Nasiib wanaag waxa yimid isbedel kadhacay Itoobiya oo uu hogaaminaayo mudane Abiye Axmed. Waxaana ay taasi soo dedejisay gadoodkii Shacbiga iyo ururadii Dulmidiidku ina tooshka ku Iidaan dhibta maamulka Cabdi iley uu gadhwadeenka u ahaa. Waxay ahayd Maalint khayr qabta oo ku beegnayd 22 kii bishii August 2018 markii uu shirkii Madaxweyaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya u doortay Halgamaa Mustafe Muxumad Cumar ” Cagjar” waxaana markiiba noolaatay yididiiladii Shacbiga. Muddo kooban gudahood ayuu Madaxweyne Mustafe ku Walaaleeyay oo uu ku middeeyay Shacbigii Soomaalida Itoobiya, waxa uu Xisbiyada ka sii daayay kumanaan qof oo Xaq darro u xidhnaa, waxaana uu fasaxay Xorriyadii hadalka, Waxaanuu ballan qaaday inaan cidna lagu xidhi doonin Fikirkooda. Waxa uu markiiba walaaleyay ummadii la kala irdheeyay. Waxaana uu suurto geliyay in ciidamadii ONLF IYO Ciidankii Liyu Booliska ee dagaalku u dhexeeyay ay walaaloobaan oo ay gacmaha is qabsadaan iyadoo laraacaayo mabaadidii iyo talooyinkii Raysal wasaare Abiye Axmed ee kudhisnaa isasaamaxaad iyo walaalnimada. Madaxweyne Mustafe Cumar iyo Raysal wasaare Abiye Axmed waxay soo Nooleeyeen Rajadii luntay ee Shacbiga Soomalida Itoobiya. Waxana muuqda Mustaqbal Ifaya oo ka bidhaamaya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya. Ummada Soomaalida Itoobiya waxaa la gudboon inay iloobaan dhibaatooyinkii ay soo mareen oo ay u midoobaan hiigsiga horumarka Dalkooda, isla markaasna ay hogaamintooda la garab taagnaandaan Taageero si uu uga midho dhaliyaan in Ummadu ay gaadho horumar lagu soo hirto. Dhinaca kale marka aynu eegno Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed Ali oo Xilka hogaaminta Dalka Itoobiya qabtay 2 April 2018 ayaa noqday Dayax usoo baxay Dalkiisa, waxaana uu sameeyay guulo aad u balaadhan marka la eego dhinacyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo guud ahaan soo afjarida Colaadihii ka jiray Gobolka oo ay ugu weynayd Colaadii u dhaxaysay Itoobiya iyo Eriterida. Dadweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa nasiib maanta u helay inay Dalkooda Hoggaanka u qabtaan Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Raiisal Wasaare Abiye Ahmed, waxaana hubaal ah inay horumar muuqda gaadhi doonaan hadii ay hoggaankooda garab is taagnaandaan Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyay shirka ay xarunta gobolka Banadir ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay. Shirka ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo wasaaradda arrimaha gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019. Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay. The post Khayre oo gudoomiyey shir ka dhacay xarunta G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boliiska Dawladda Ingiriiska ee ka shaqeeya baadhitaanka musuq-maasuqa iyo lacagta la lumiyo, “Serious Fraud Squad”, ayaa xafiiska Shirkadda SOMA Oil & Gas ku sameeyey baadhitaan laxaad leh oo quseeya lacag la siiyey sarakiil ka tirsan dawladda federaalka ee Muqdisho, iyadoo wakhtigaa shirkaddu ku jirto tartan qandaaraas ay dawladda federaalka ee Muqdisho ke eg, ay ku bixinasay saamenyta shidaalka xeebaha Soomaaliya. Wararka ka soo gaadhaya Qarannews ayaa sheegay in shirkadda SOMA oo uu madax ka yahay, Lord Howard, oo ahaan jiray siyaasi ruug cadde ah oo ka tirsanaa dawladdii Margaret Thatcher, oo marna ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee wakhtigan haya talada dalka Ingiriiska, (Conservative Party) , ay lacag aan la caddeyn waxay tahay siisay la-taliya la shaqeeya dawladda federaalka ee Muqdisho ku eg. Sida wararku sheegayaan, shirkadda SOMA waxay ku balanqaaday in ay bil walba siiso ilaa $5,000 ama (3,200 Giniga Ingiriiska), lix qof oo ay soo xushay dawladda federaalka ee Muqdisho. Waxaa xisaabtaa ku jira oo kale ilaa iyo $40,000 oo ay dawladda federaalka ee Muqdisho codsatay in loo bixiy kiro, gadiidka iyo hawl galo kale. Arrintan oo ay baadhitaan xoog leh ku sameysay jaraa’idka Guardian ee ka soo baxa maalin walba dalka Ingiriiska, waxa kale oo ay sheegtay in lagu heesahay in shirkadda SOMA Oil & Gas ay qaadato 90% dakhliga soo baxa. Sannadkii ina soo dhaafiyey, warbixin uu soo saaray xafiiska qaabilsan ilaalinta heshiishayada caalimiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in wali mugdi ku jiro heshiisyadda ay dawladda federaalka ee Muqdisho ay la gashay shirkadaha saameyn iyo baadhitaanka ku sameynaya batroolka iyo gaaska. Dhinacooda, Shirkadda SOMA Oil and Gas ayaa igayuna warbixin soo saaray leh “aanay jirin wax lacag ah oo la siiyey shaqsiyaal ka mid ah dawladda federaalka ee Muqdisho ku eg”. Si kastaba ha noqotee, mar hadii Booliska Ingiriiska bilaabay baadhitaan laxaad leh oo arrintan quseeya, waxaa laga yaaba in najiitada baadhitaanka loo gudbiyo xafiiska xeer ilaalahaya guud ee dawladda Ingiriiska. Qaran News
-
Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan marna ka saari doonin Somalia ciidamadeeda qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], kaddib dalab dhawaan ka yimid siyasiyiin ay kua jiraan mucaaradka dalkaas. Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo jimcihii lasoo dhaafay hadal ka jeedinayay machadka Chatham House ee London ayuu ku sheegay in xukuumadda Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay ciidamadeeda AMISOM ka tirsan kala baxdo Somalia. “Xukuumadda Kenya uma qorsheysana inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, mana qaadanayno hadallada nooga imaanaya hoggaamiyeyaasha mucaaradka Kenya kaddib weerarkii Hotel DusitD2 ee Nairobi,” ayuu Ruto ku sheegay hadalkiisa. Sidoo kale, Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugna Somalia ay qayb ka yihiin dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha Argagaxisada ah ee ku sugna Soomaaliya [Al-shabaab]. Wuxuuna intaas ku daray inaanay jirin qorshe ay ciidamadooda kala baxayaan dariska ay dariska yihiin. “Waxaan rumeysanahay in ciidamadeeda AMISOM ka tirsan ay hawlo aad muhiim u ah ay ka wadaan Somalia, waxaana rumeysanahay in dagaalka lagula jiro argagaxisada Somalia uu ka wanaagsan yahay inaan Kenya kula dagaalanno argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee ODM oo ay ka mid yihiin; Raila Omelo Odinga iyo mudane James Orengo ay ka dalbadayeen madaxweynaha Kenya in ciidanka KDF laga soo saaro dalka Somalia, balse uu ku gacan-sayray ayka ka go’an tahay in Kenya ay qayb ka ahaadaan ciidamadeenna dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagaxiso. Ugu dambeyn, William Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxaha mucaaradka ah ay doonayaan in ciidamada Kenya ay kooxaha argagaxiasda ah kula dagaalamaan gudaha Kenya, balse iyagu ay taas kasoo horjeedaan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo ku gacan-sayrtay inay Ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan. Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal. Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliya. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi. The post Farmaajo oo la kulmay qaar kamid ah madaxda Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-110219-ok.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xuseen Aadan Cige Dayr af-hayeenkii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa sheegay in aan wax kari ah lagu heshiin dawladda Imaaraadka Carabta ee saldhigga millatari ka samaysanaysa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Hadalkan ayaa waxa uu marag u noqonayaa dhawaaq la yaab ku noqday shacabka reer Somaliland oo dhawaan ka soo yeedhay wasiir wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ku sheegay in aan wax kari ah lagu heshiin dawladda Imaaradka Carabta ee saldhigga Millatari ka samaysanaysa magaalada Berbera, balse taa bedelkeeda lagu heshiiyay mashaariic kale, in kasta ay mashaariicadan uu wasiirku sheegay ay ku jireen markii la waday heshiiska ay dawladda Imaaraadku kula ay kula wareegaysay dekedda Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waraysi la yeeshay ayaa waxa uu si cad ugu sheegay in Somaliland ay ka kiraysay saldhig millatari ee Imaaraadku ka dhisanayo Magaalada Berbera oo ay lacag kiro ah ka qaadi doonto. Shacabka reer Somaliland ayaa waxa ay jahwareer ka qaadeen hadaladan kala fog ee ka soo yeedhaya madaxdan ku wada abtirsada xisbiga KULMIYE. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Wasaaradda Waxbarashadda Oo La Ildaran Maamul Xumo Iyo Xasuusta Wasiirka Xumaatay!!! Dr Abdirizaq Osman Mohamud Wasaaradda Waxbarashada Oo ah Wasaaraddaha ugu mihiimsan uguna baaxada wayn leh wasaaradaha dalka, isla markaana ay ka hawlgalaan in ka badan 7,500 shaqaale ahi, maamusho-na in ka badan 1,400 Dugsi iyo 32 Jaamacadood ayaa la ildaran Hogaan xumo ka dib markuu dhawaan Madaxwayne Biixi usoo magacaabay Wasiir Cismaan Aadan oo isagu xanuunka ilawshuhu si xun u haleelay, isla markaana ah da wayn oo ay ku adag tahay inuu Xafiiskiisa oo dabaqa sare ee wasaaradda ku yaala inuu karro. sidoo kale Bulshadda Somaliland ayaa Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa ka sugaysa in wax laga qabto Tayo xumada baahsan ee Waxbarashadda dalku wehelka u tahay iyo waliba in isbedel (reform) lagu sameeyo qaab dhismeedka iyo hab-maamulka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska, balse Taa Cagiskeed uu Madaxwayne Biixi ugu abaalguday bahdii Waxbarashadda inuu u soo magacaabo Wasaaradii masuul d’a ah oo aan Tahli karin inuu u babac dhigo baaxada shaqada ee wasaaradaas taala. Dr Abdirizaq Osman Mohamud Hargeisa/Somaliland. Qaran News
-
Addis Ababa (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardar-gelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal. Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxaana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Ugu dambeyn, muddadii saddex cisho Hayd ee uu Addis Ababa ku sugnaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wax uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in aanay aqoonin goobta lagu aasay maydka Suxufigii Jamaal Khashoggi, kaasi oo ay koox ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga dileen, jarjareen, kadibna maydka ku shubay Aashito bishii October 2-dii ee sannadkii hore ee 2018-ka. Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Barnaamijka “face the Nation” ee Telefishinka CBS ee dalka Maraykanka. Waxa uu sheegay inay Saraakiil Sacuudiyaan ah qaadeen dilkaasi oo uu ku tilmaamay fal ka baxsan Awooda 11-kii qof ee dilkaasi fulisay, kuwaasi oo lagu soo oogay Dembigaasi. Mar wax laga weydiiyey halka uu ku dambeeyey maydkii Jamaal Khashoggi, waxa uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ku jawaabay: “Ma garanayno”. Waxa uu sii raaciyey inuu Dacwad-oogaha Dowladda mas’uul ka yahay Kiiskaasi, oo u baahan caddaymo ka yimaada Dowladda Turkiga, balse aysan weli ka soo jawaabin codsigaasi. Waxaa kaloo la weydiiyey Caadil Al-jubeyr sababta ay Eedeysanayaasha ugu sheegi waayeen Baarayaasha halka ay dhigeen maydka Jamaal Khashoggi, wuxuuna ku jawaabay: “Waxaan weli ku jirnaa Baaritaanka, waxaan haatan haynaa tiro suurtogal ah, waxaana weydiinaynaa iyaga halkii ay dhigeen maydka” Waxa uu sii raaciyey inuu u malaynayo in baaritaanka weli socdo iyo inuu rajeynayo in xaqiiqda la heli doono. Dhinaca kale, waxaa wax laga weydiiyey inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mas’uul yahay amarka lagu dilay Saxafigii Jamaal Khashoggi, waxa uu Caadil Al-jubeyri carrabka ku adkeeyey inuusan Amiirku bixinin Amarkaasi. Wargeyska The News Times waxa uu Jimcihii la soo dhaafay qoray inay Hay’adda Sirdoonka CIA-da duubeen codka Amiirka Sacuudiga oo u sheegayey Gacan-yare sare sannadkii 2017-kii in uu Xabbad la daba kici doono Jamaal Khashoggi, haddii uusan ku soo laabanin dalka Sacuudiga. Xogtaasi Sirdoonka ayaa waxa uu Telefishinka CBS wax ka weydiiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr, wuxuuna ku jawaabay: “Aniga ma doonayo inaan hadal ka dhiibto Warbixintaasi oo asaas looga dhigay Xogo aan la aqoonin”. CIA-du waxay warbixinteeda ku soo gebagebeysay in Hawlgalkii Sacuudiga ee lagu dilay Saxafigii Khashoggi u muuqato inuu si toos ah u maamulayey Dhaxal-sugaha awoodda badan ee dalka Sacuudiga. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Labada Mas’uul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhammaaday Shirka 32-aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay. Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howl-galka AMISOM. Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warrantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka qaarada Afrika. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaal laga dhex arkayo dad badan oo ay tooganayaan kuwaas oo u shaqeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Maahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab sidaan sameyso, waxayna noqoneysaa markii labaad oo ay soo bandhigeyso muuqaalada noocaan oo kale ah. Haddaba su’aasha qof kasta is waydiinayo ayaa ah sababta ay Al-Shabaab u bilaabeyn inay muuqaal ka duubaan falalka dilalka ah oo ay geystaan. Cabdiqani Axmed Cali oo ah macalin dhanka Siyaasadda iyo Amniga ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay inay Al-Shabaab arrintaas ula jeedaan cabsi gelinta dadka u shaqeeyo dowladda. “ Falkaan sababta ay Al-Shabaab u sameenayaan waa inay cabsi geliyaan dadka u shaqeeyo dowladda iyo Hey’adaha kale oo ay diidan yihiin” ayuu yiri Cadiqani. “ Qofka markii uu arko sida arxan darada ah ee loo dilayo dadweynaha, waxay noqoneysaa laba inuu isaga baxo dowladda iyo inuu dalka isaga tago waana midda ay Al-Shababaab mar kasta dooneyso” ayuu sii raaciyey. “ Waa wax laga xumaado in xaasaskii, hooyooyinkii iyo ilmihii ay ka tageyn dadka ay Al-Shabaab dileen ay si toos ah u arkaan sida loo dilay qofkii ay ehelka ahaayeen, waxayna taasi keeneysaa niyad jab ku imaado shacabka Soomaaliyeed”. Ururuka Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay muuqaal naxdin leh oo ku saabsan dilalka iyo qaraxyada ay geysteen bilooyinkii lasoo dhaafay. Muuqaalkaas ayaa ahaa mid naxdin iyo cabsi ku abuuray bulshada Soomaaliyeed mana jirto tallaabo cad oo ay illaa hadda Dowladda ka qaadeyso kooxdaan usoo jeysatay baabi’inta shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Addis Aababa. Kulanka labada Hoggaamiye ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha,amaanka,wada shaqeynta iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee labada waddan. Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Xafiiska Ra’isalwasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in qodobada ay ka wada hadleen ay ka mid tahay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii ay labada hoggaamiye ku galeen Muqdisho iyo Baxardaar. Sidoo kale labada Hoggaamiye ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca nabadda ee Gobolka Geeska Afrika. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isalwasaaraha Itoobiya uga mahad celiyay taageerada dhinaca amaanka ah ee dowladda Itoobiya siiso Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa waxa uu maanta magacaabay laba mas’uul. Halkan hoose ka akhriso: Source
-
The African Union (AU) has urged its partners in Somalia to engage in quick impact projects to confront issues related to the lack of sanitation and safe water facilities in the eastern African nation, AU Peace and Security Commissioner Smail Chergui said on Monday. “We want also to gain the minds and the hearts of the people of Somalia that is why AMISOM is promoting some quick impact projects like water, like sanitation and we are also encouraging our partners on doing so. We are determined to continue protecting our sisters and brothers in Somalia,” Chergui told a press briefing at the 32nd AU summit. The AU Heads of State and Government Summit opened in Addis Ababa, Ethiopia, on Sunday. AU comprises more than 50 member states and aims to promote unity and solidarity among African countries. Somalia has been engulfed in violence since the eruption of a civil war between clan-based armed factions in the early 1990s. The situation has been further complicated by Al-Shabaab militants, staging numerous attacks across the country in an attempt to impose a radical version of Sharia law The post AU Urges Implementation Of Water, Sanitation Projects In Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Riyadh (Caasimadda Online) –Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa Wareysi uu siiyey Barnaamijka “face the Nation” ee Telefishinka CBS ee dalka Maraykanka wuxuu kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dilkii Wariye Suxufigii Jamaal Khashoggi oo ilaa hadda aan meydkiisa la helin. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Debadda Sacuudiga ayaa sheegay inaysan dowladiisa aqoon meesha la geeyey maydka Khashoggi. Wariyahaan ayaa waxaa dilay, jarjaray kadibna maydkiisa ku shubay Aashito bishii October 2-dii ee sannadkii hore qaar ka tirsan sirdoonka dalka Sacuudiga kadib markii uu galay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Istanbul. Wuxuu si cad u sheegay in Meydkiisa ay qaadeen xubnihii dilka geystay, wuxuuna falkaas ku tilmaamay inuu ahaa fal ka baxsan Awooda 11-kii qof ee dilkaasi fulisay Su’aashii ugu adkeyd ee la waydiiyey Caadil ayaa aheyd halka uu ku dambeeyey meydka Jamaal Khashoggi, waxa uu Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga ku jawaabay “Ma Aqaan”. Wuxuu sheegay inay dowladda Turkiga waydiiyeen caddeymo dheeri ah si eedeysanayaasha maxkamad loo soo taago balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay inaysan weli jawaab ka helin. Caadil ayaa ugu dambeyntii sheegay inay gacanta ku hayaan xubno badan oo dilkaas ka dambeeyey isla markaasna ay waydiinayaan halka ay geeyeen meydka Jamal uuna rajeenayo in la helo xaqiiq rasmi ah. Wuxuu intaas kusii daray in baaritaanka socdo laga heli doono xog dheeri ah iyo halka uu ku dambeeyo meydka Jamal. Caadil ayaa wax aan jirin ku tilmaamay inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan ka mas’uul yahay amarka lagu dilay Saxafigii Jamaal Khashoggi. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
-
Addis Ababa (SMN) – Guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda Midowga Africa Smail Chergui oo magaalada Addis Ababa maalintii labaad uga qeyb galaya shir madaxeedka 32-aad ee Midowga Africa ayaa madaxda dowladihii shirkaasi ka soo qeyb galay ka codsaday in ay qaxootiga Soomaaliyeed ka caawiyaan, sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah. Smail Chergui ayaa khudbad uu ka hor jeediyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka ku sheegay in ay muhiim tahay in ay dardar galiyaan, kana qeyb qaataan barnaamijyo qaxootiga Soomaaliyeed looga caawinayo in ay helaan biyo nadaafadoodu ay sareyso, maadaama shirka intiisa badan looga hadlayay arrimaha qaxootiga qaaradda Africa. Sidoo kale guddoomiyaha guddiga amniga iyo nabadda Midowga Africa ayaa tilmaamay in colaadaha iyo abaarihii ku dhuftay Soomaaliya ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakacaan deegaanadooda, isla markaana xilligan ay u dib u jadin rasmi ah. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shir looga doodayo wax ka qabashada xaaladda qaxootiga qaaradda Africa uu ka socdo M/Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. The post Midowga Africa Oo ku baaqay in la caawiyo qaxootiga Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors