-
Content Count
207,375 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, Dhinacyada horumarinta caalamiga, ururada bulshada rayidka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay hogaamiyaasha dalalka Africa iyaga oo olole u galay ansixinta deynta tirada badan ee lagu leeyahay Soomaaliya sidii looga joojin lahaa dalka Soomaaliya. Cadadka deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay gaareyso 4.6 billion oo dollar. Ururada aan dowliga aheyn (NGO) oo ka kooban ururada caalamiga ee bulshada rayidka iyo masuuliyiinta dowladda ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa intii uu socday shirkii madaxda midowga Africa, waxaana ay ka dalbadeen madaxda Africa inay qeyb ka qaataan deyn cafinta Soomaaliya. Arintaasi ayay sheegeen inay dalka ku yaala Bariga Africa ee Soomaaliya ay u suuragelin doonto dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta malaayiin ruux oo Soomaali ah oo colaadaha ay saameeyeen. “Soomaaliya waxay u baahan tahay wada shaqeyn maxaa yeelay deyn cafinta waxay naga caawin doontaa inaan dib u habeyno qorshaha horumarinta qaranka”ayuu yiri wasiir Jamaal Xasan wasiirka qorsheynta Soomaaliya. Guddiga Midowga Africa ayaa ku dhawaaqay inay ka caawin doonaan Soomaaliya qorshaha caalamka looga raadinayo cafinta deymaha lagu leeyahay, taasi oo dalka u horseedeysa inuu helo caawinaad caalami ah, waxaana dhammaadkii shirka laga soo saaray baaq caalami ah oo lagu dalbaday in Soomaaliya laga cafiyo daymaha. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in deynta cafinta Soomaaliya ay qeyb ka qaadan doonto xal u helida qaxootiga ku dhex barakacay gudaha dalka. “Waxaan u baahanahay abaabulka jilayaasha siyaasadeed inay qeyb ka noqdaan joojinta deymaha Soomaaluya, waxaan soo dhaweyneynaa doorashada sanadkaan ee xal u helidda dadka gudaha ku barakacay.Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Brisbane (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed ayaa maxkamad lagu soo taagay gobolka Queensland ee dalka Australia, ayada oo loo haysto inay gudniin fircooni ah ku fulisay laba gabar oo ay dhashay. Labada gabdhood oo kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay in Soomaaliya loo kaxeeyey, kadibna ayaga oo ku cayaaraya dibedda guriga ayeydood la waday laguna soo fuliyey gudniinka. Hooyada dhashay gabdhahan ayaan magaceeda la sheegi karin sababo xagga sharciga ah dartood. Hooyada ayaa diiday inay qirato dambiga laba dacwo oo ku saabsan inay canugeeda ka wadday gobolka si loo soo gudo. Labada gabdhood oo da’doodu kala tahay sagaal iyo 12 ayaa Soomaaliya joogay un dhowr maalmood markii gudniinka lagu sameeyey bishii April 2015, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Way ogaayeen in gudniin lagu sameynayo, wayna soo jeedeen markii howlgalka uu dhacay, taasi oo xanuun darran ku keentay dhowr maalmood, maxkamadda ayaa sidaas dhageysatay. Toddoba bilood kadib markii ay kusoo laabteen Australia, waxay booliiska u sheegeen “inay wax lagu sameeyey” ka hor inta dhaqtar uusan xaqiijin in qeybo ka mid ah xubnahooda dumar laga gooyey. Maxkamadda ayaa weli socota. Caasimada Online Xafiiska Mebourne Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa bil iyo seddex maalin kadib soo magacaabay golaha wasiirada maamulka Puntland, kuwaasi oo ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah musharixiintii la tartantay. Tirada Wasiirada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlahaasha maamulka Puntland ayaa hadda ka dhigan guud ahaan inay gaarayaan 47 Wasiir, waxaana uu lamid noqday wasiiradii uu ku bilaabay madaxweyne Gaas markii xilkaasi uu qabtay sanadkii 2014. Labadii madaxweyne ee ka horeeyay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bilaabay golaha wasiirada xubno aan badneyn balse markii dambe ayay labadoodaba gaarsiiyeen ku dhawaad 60 Wasiir. Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa bilowgiisii magacaabay 38 wasiir, ku xigeen iyo wasiiru dowle balse markii xaalka ku adkaaday ayuu kordhiyay tirada wasiiradii maamulkiisa waxaana uu gaarsiiyay 54 wasiir. Sidoo kale madaxweynihii ka horeeyay Saciid Deni, C/welli Gaas ayaa bilowgiisii magacaabay 47 wasiir, iyadoo ugu dambeyn uu gaarsiiyay 57 wasiir, waxaana la sheegayaa inay taasi culees ku noqotay dhaqaalaha Puntland. Marka la eego dhaqaalaha loo qoondeeyo Puntland iyo kuwa ka yimaada deegaanada kala duwan ee Puntland, waxay dib ugu laaban karaan shaqaalaha maamulka iyo masuuliyiinta xilalka haya, waxaana adkaaneysa mar walbaa in dadweynaha ay helaan adeegyada ay doonayaan. Dadka la socdo dhaqaalaha iyo siyaasada ayaa mar walbaa ku taliya inay muhiim tahay in la yareeyo wasiirada oo la xulo xubno tayo leh, iyada oo laga eegayo dhaqaalaha iyo waxqabadka. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la isweydiinayaa miyuu ka duwanaan doonaan kordhinta golaha wasiirada labadii madaxweyne ee ka horeysay, mase wasiiradan ayuu ku adkeysan doonaan inaysan intaan laga badin. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Janaale (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada burbur ay sheegeen inay sababtay duqeymo ay ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ay habeen hore ka fuliyeen degmada Janaale ee gobolka Sh/Hoose. Burburkan ayaa la sheegay in inta badan uu gaaray guryo ay lahaayeen dad shacab ah, inkatsa oo aan la shaacin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay. Waxaa sidoo kale sawirrada ka muuqda qalab ciidan oo la sheegay inay ka tageen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee soo weeraray magaalada Janaale.
-
Soomaaliya waa dal ilaahay dhexdhigay kheyraadka aduunyadu ku faanto intiisa badan sida Beeraha, xoolaha la dhaqdo, kaluunka, xeebaha dalxiiska, waxa la yiraahdo logistic strategic, kheyraadka dhulka hoostiisa kujiro, iyo qeybo kale oo badan sida cimilada dhexdhexaadka ah ee ilaahay nagu galaday kuna wanaagsan dalxiiska iyo nasashada. Inta badan kheyraadka ilaahay na milkiyey qeybkastoo ka mid ah haddii aan kaligeed hormarino waxey ku filantahay oo maareynkartaa dhaqaale ahaan baahida dadkeena dhinac walba. Tusaale hadii aan beeraheena ku bixino tamar aan xooga saarno sidii aan u hormarin lahayn uga dhigi lahayn kuwa daboola baahideena raashin isla markaana aan suuq uga raadino aduunyada waxey kufilanyihiin beeraheenu dhamaan baahideena, sidoo kale kaluunkeena haddii aan si fiican u maamulano una hormarino una suuqgeyno wuxuu ku filan yahay baahideena, dhinaca xoolaha hadaad eegto kaba daran dhulkeena intiisa badan waa dhul daaqsimeed halka somalidu ay ka baa bi’i weysay taariikhihii horena waxey ahayd dhaqalaheeda oo ku tiirsanaa xoolaha nool. Hadaba kheyraad keena waxaa wanaagsan in aan u kala saarno laba qeybood Mid xambaarsan saamayn togan iyo mid xambaarsan saamayn dadban 1.0 Haddii labada qeybood midba gaar aan u sharaxno kan koobaade xambaarsan saamaynta guracan waxaan niri waa kheyraadka alla nasiiyey ee gunta hoose ee dhulkeena ku jiro halista uu xambaarsan yahayna waxaa ugu waawayn. 1.1 Anagoo aan u diyaarsanayn sababa soosocda awgood: A) Mahaysano awood aan kheyraadkeena ku maamulano waxaana dhacaysa xoolaheena oo la biliqeysto anagoo arkayna waxna aan ka qaban Karin b) Mahaysano dowlad awaamiirteeda iyo siyaasadeeda amni iyo teeda ganacsi ay dalka si sax ah uga wada shaqeeyaan c) Makala garanayno cida cadow noo ah iyo cida aan sxbka ka dhiganayno 1.2 Halis amni: Xaalada amni ee dalkeenu wajahayo ma suurta galinayso in dhulka hoostiisa kheyraad laga doono waayo dowlada Soomaaliya gacanta kuma hayso amaanka dalkeena waxaana imaanaysa in shirkado ciidamo wataa yimaadaan ayna yiraahdaan anaga ayaa aagaan ilaashanayna qof aanaan u ogolayna masoo galikaro maadaaba amaanka aan gacanta ku hayno sidaasna hadba cad balaq ah naloo tuuro oo aanaan wajihin faa iidada kasoo burqanaysa dhulkeena hoostiisa isla markaana aan wajahno kiliya dhibaatada bey’adeed ee uu leeyahay 1.3 Khilaaf iyo dagaal sokeeye: Kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira oo aan hada damaciisa ku degdagnaa wuxuu soo dadajinkaraa khilaafkeena maadaaba uusan jirin sharciga qeybsiga kheyraadkeena waxaana wanaagsan inta aanaan raadin kheyraadkaas lawada leeyahay in aan marka hore sharci ka samaysano kadibna aan ku heshiino sharcigaas. 1.4 Dhibaateynta bey’ada: kheyraadka dhulka hoostiisa ku jiro wuxuu halis ku yahay sida khuburadu noosheegaan deegaanka kuxeeran haddii ay tahay barri iyo haddii ay tahay badba wuxuu halis galinayaa dhul beereed badan, dhuldaaqsimeed badan, amaba kaluun badan ayuu halis galinayaa, wuxuuna u baahan yahay in si gundheer looga fikiro saamaynta guracan ee uu nagu yeelanayo, isla markaana aan fiirino halkee loogaga haboon yahay in shidaal laga soo saaro. Tusaale kawaran haddii la yiraahdo ceel weyn oo shidaal oo aad ku faqri baxdaan ayaa AFGOOYE laga helay miyaan ku ordaynaa MAYA waa in aa niraahnaa AFGOOYE hadaaba ceel nooga qodan yahay. 2.0 Qeybta labadaad ee aan ku sheegnay in ay leedahay saamaynta togan: 2.1 In aan hor marino beeraheena ama xoolaheena aana kasoo saarno baahideena iyo cuno dibada loo iibgeeyo waxey ka fududahay dalkeena in laga soo saaro shidaal oo dibada loo iibgeeyo, Energy ga uu u baahan yahay shidaal si loosoo saaro rubuc ka mid ah haddii beeraheena lagaliyo waan baahi beelaynaa asaageena waan tiigsanaynaa waliba dhaafaynaa. 2.2 amaanka: Beeruhu waa kheyraad lagu hormarin karo waxa la yiraahdo gaaryeelid ama privatesation waxaana jiro habab badan oo looga gun gaaro in ay noqdaan kheyraad daboola baahida dalka ayagoo u shaqeynaayo hab hanti gaar looleeyahay taana waxey yarayn kartaa tamartii ku bixi lahayd security ga waayo Somalia hada aadbuu uga sii yaraanayaa hujuunka ama dagaalka shaqsiga ahi, ayadoo aan waliba meesha laga saaraynin qorshaha amaan ee hormarina dhaqaalaha. 2.3 Khilaaf ma imaankaro: Dalka hada waxaa lagu sheegaa federal mana jiro sabab hormarinta beeraheenu ay khilaaf goboleed u abuuri karto waayo waa ninwalbow beertaada tacbo oo yaan lagaa tagin iyo dowlada oo dhabarka hormarin kala istaagta. 2.4 Badqabka deegaanka: Hormarinta beerahu, fiishku ama xoolaha nooli kuma reebaan bey’ada saamayn guracan marka laga reebo geedo yaryar oo laga maarmo amaba dhul yaroo gaar ah loo yeeli karo. Miraha kasoo baxa hormarinta beeraheena, xoolaheena nool, fiishka amaba ilaha dhaqaale ee kasoo hara kheyraadka dhulka hoostiisa 100% awood waxaan uleenahay in aan gurano lakin haddi aan niraahno maanta shidaalbaan kuduulaynaa soo saaristiis waxa aan ka helnaa waa soor aan gaajo naga goyn waxaana isku darsanaynaa gaajo iyo shidaalkii oo lala baxo iyo dhibaatadii deegaan ee uu lahaa oo aan wajahno. Sidaa daraadeed mawaxaan imika hormarinaa kheyraadkeena midka aan awooda uleenahay100% in aan guranayno faa iidada kasoo baxda mise waxaan hormarinaa oo hada ku dhaqaaqnaa midka 50% aan naloo ogolayn kaba sii daranoo waxa lasoo saarayo aanaan aqoon iyo waxa la qaatay? Ma waxaan hormarinaa kheyraadkeena nagu filan ee wax saamayn dhibaato ah aan nagu lahayn mise midka saamaynta dhaqaale ee kale nagu leh haday rabto ha ahaato afgoye ceel shidaal halaga qodo oo hala waayo waxa beero afgoye uu caanka ku yahay e si aan shidaal u helno e amaba meel kaloo lamid ahe? Mawaxaan hormarin u raadsanaa oo energy ku bixinaa kheyraadkeena kiisa aan hormarinaynin khilaafkeena iyo dagaal sokeeye oo nagu soo laabta mise midka hada iyo kow curinaaya khilaaf iyo isjiijiid markale dhexdeena yimaada? Ogow NAGERIA shidaalbey soo saartaa gaajana kaa badan iyo qaxooti. Somaliyooooow intaadan falin kafiirso. Qalinkii: XASAN CABDI FARAX (Sujuud) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Relatively small Somali-owned mining companies prospecting for gold in largely untapped mountainous areas in the Sanaag region of Somaliland have struck rich. According to the first reports released from the area, miners using basic digging machinery have, for the first time in the history of the area, struck mother lodes of the much-valued ore that promise richer yields. Taking advantage of licenses that the Ministry of Energy and Mineral Resources formally granted a number of prospecting companies, local investors took heart and imported machinery that freed them from the traditionally arduous hand-digging that had been the norm since now. Following the concessions, the companies also hired foreign expertise with the full blessing of the state represented by regional authorities which did not only provide encouragement but security, too. The patience of companies such as Tacab mining Company appears to have paid off now as gold which is far more than the occasional handful of nuggets has been struck. The Ministry has not yet officially demarcated mining areas but the government is expected to soon declare potential areas in the Irshida and other Golis Range mountains to the east and west of the regional capital, Erigavo, exclusively mining zones. According to more recently published reports, not only the east of the country is rich in minerals and oil but almost every inch of Somaliland seems to be a potential El Dorado blessed with type of precious deposits or oil of one kind or another and trillions of Dollars worth of coal, too. MENAFN Qaran News
-
FADEEXAd WAYN: “$ 93- Milyan Oo Qadimaad Ah Ayuu Muuse Biixi Ka Qaatay Saldhiga Berbera Oo Gacantiisa Qofnimo Ku Dhacday “Maxamed Baashe Xaji Xasan $93 milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen. $5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen. Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan. Lacagta ka soo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasanadda xukuumadda! Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraaska $5 milyan ee la siiyey ganacsade Ina Aw Siciid iyo qaar kale intaas ka sii miisaan yar oo la siiyey xubno kale oo ay qaar ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay. Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay. Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn! Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah. Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday! Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?! Wixii hore bikh iyo in qarso saw ma noqonayaan?! Akhas! “Nin agoon ku xaday qalin Gooray ku qaraxdaba Qaaxo kama fogaato!” “Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!” “In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!” Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?! “Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!” Qoraa: Maxamed Bashe Xaaji Xasan. Qaran News
-
Ciidanka amniga dowladda Puntland ee PSF, ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay, xubno cusub oo ku biiri lahaa, malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Hawlgalka oo laga fuliyay togagga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay xubno doonayey, in ay ku biiran malayshiyaadka Daacish iyo saad ciidan oo loo gudbin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Qoraalka PSF, ayaa sidoo kale shacabka loogu baaqay, in ay ciidanka la wadaagan wixii xog iyo macluumaad ay ka hayaan malayshiyaadka Daacishs,si looga sifeeyo degaannada Puntland. Kooxda la baxday Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Mu’min ayaa inta badan ku sugan buuraleyda loo yaqaan Cal-miskaat ee gobolka Bari, waxaana meelaha ay ku xooggan yihiin kamid ah buuraleyda degmada Qandala ee gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Daacish oo lagu qabtay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Bar___Qubanaha-110219.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mid kamid ah ganacsatada gobolka Bari oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash ayaa caawo lagu dilay magaalada Boosaaso. Salaad oo xisaabiye u ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed ayaa lagu dilay xaafadda Raf&Raaxo ee magaalada Boosaaso gaar ahaanna nawaaxiga masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo uu salaadda ka soo baxay. Ma jirto weli cid weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay midna dilka loo geystay ganacsade Salaad. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Ganacsade lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ku dishay nin ka mid ahaa dadka Deegaanka. Dilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ku beegsadeen Ganacsade Abshir Muuse oo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi. Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhawr qof oo dhalinyaro u badan. Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan sare usii qaaday dilalka dadka shacabka ah ee Muqdisho, ayada oo sidoo kale billowday inay soo bandhigto muuqaalo ay kasoo duubto dilalkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.om
-
Mustaqbalka Ifiya ee DDS iyo Hogaaminta Suuban ee Madaxweyne Mustafe Cumar Wax badan ayay Darxumo, dibadyaal, iyo dagaalo lagu hoobtay ay soo mareen Shacbiga Soomalida Itoobiya ee ku nool Gobolka ay soomaalidu ka degto dalka Itoobiya. Dadweynahaasi waxay soo mareen waddo aad u dheer oo dhiig badan leh, dib u dhac iyo rafaad iyo inay qayrood ka hadhaan waxay ahayd silsilad ku taxan taariikhda madow ee ay Soomareen. Kumanaan qof oo deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay ayaa Qaxootinimo ku galay Wadamada deriska ah iyo dunida iyaga oo naftooda kala cararay colaadaha iyo dhibaatooyinkii ka jiray dhulkaas. Markii la riday Taliskii kaligii taliyihii Mingiste sanadkii 1991 waxaa cid waliba u sacabo tuntay maamulkii Meles Zenawi oo sameey nidaam daadejin uu Gobolka Somalida u ogolaaday inay is maamulaan, waxaana bilowgii hore loo riyaaqay in dadkii Soomaalida Itoobiya ay ka hoos baxeen gumaysi ay ku hoos jireen boqolaal Sanadood. Nasiib darro waxay rejadii luntay markii uu hoggaanka qabtay Maamulki Cabdi Iley oo xasuuqay kumanaan qof oo shicib ah, kumanaan kalena Xabsiyada ku guray. Isla markaasna Hantidii Ummada si foolxun ugu tagrri falay. Nasiib wanaag waxa yimid isbedel kadhacay Itoobiya oo uu hogaaminaayo mudane Abiye Axmed. Waxaana ay taasi soo dedejisay gadoodkii Shacbiga iyo ururadii Dulmidiidku ina tooshka ku Iidaan dhibta maamulka Cabdi iley uu gadhwadeenka u ahaa. Waxay ahayd Maalint khayr qabta oo ku beegnayd 22 kii bishii August 2018 markii uu shirkii Madaxweyaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya u doortay Halgamaa Mustafe Muxumad Cumar ” Cagjar” waxaana markiiba noolaatay yididiiladii Shacbiga. Muddo kooban gudahood ayuu Madaxweyne Mustafe ku Walaaleeyay oo uu ku middeeyay Shacbigii Soomaalida Itoobiya, waxa uu Xisbiyada ka sii daayay kumanaan qof oo Xaq darro u xidhnaa, waxaana uu fasaxay Xorriyadii hadalka, Waxaanuu ballan qaaday inaan cidna lagu xidhi doonin Fikirkooda. Waxa uu markiiba walaaleyay ummadii la kala irdheeyay. Waxaana uu suurto geliyay in ciidamadii ONLF IYO Ciidankii Liyu Booliska ee dagaalku u dhexeeyay ay walaaloobaan oo ay gacmaha is qabsadaan iyadoo laraacaayo mabaadidii iyo talooyinkii Raysal wasaare Abiye Axmed ee kudhisnaa isasaamaxaad iyo walaalnimada. Madaxweyne Mustafe Cumar iyo Raysal wasaare Abiye Axmed waxay soo Nooleeyeen Rajadii luntay ee Shacbiga Soomalida Itoobiya. Waxana muuqda Mustaqbal Ifaya oo ka bidhaamaya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan Itoobiya. Ummada Soomaalida Itoobiya waxaa la gudboon inay iloobaan dhibaatooyinkii ay soo mareen oo ay u midoobaan hiigsiga horumarka Dalkooda, isla markaasna ay hogaamintooda la garab taagnaandaan Taageero si uu uga midho dhaliyaan in Ummadu ay gaadho horumar lagu soo hirto. Dhinaca kale marka aynu eegno Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed Ali oo Xilka hogaaminta Dalka Itoobiya qabtay 2 April 2018 ayaa noqday Dayax usoo baxay Dalkiisa, waxaana uu sameeyay guulo aad u balaadhan marka la eego dhinacyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo guud ahaan soo afjarida Colaadihii ka jiray Gobolka oo ay ugu weynayd Colaadii u dhaxaysay Itoobiya iyo Eriterida. Dadweynaha Soomaalida Itoobiya ayaa nasiib maanta u helay inay Dalkooda Hoggaanka u qabtaan Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Raiisal Wasaare Abiye Ahmed, waxaana hubaal ah inay horumar muuqda gaadhi doonaan hadii ay hoggaankooda garab is taagnaandaan Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyay shirka ay xarunta gobolka Banadir ku yeesheen wasaaradaha, guddiyada iyo hay’adaha kale ee ku midaysan tubta siyaasadda loo dhanyahay. Shirka ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya. Dib-u-eegista qaab dhismeedka hay’adaha qaranka iyo asteynta awoodaha dowladda oo muhiim ah u shaqooyinka iyo daadejinta hawlaha hay’adaha kala duwan ee dawladda ayaa kamid ah halbeegyada laga doonayo wasaaradda arrimaha gudaha in ay ku xaqiijiso sannadkaan 2019. Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaasha shaqo ee maamulka gobalka Banaadir iyo sida ay ula jaan-qaadayaan halbeegyada Tubaha Qaranka iyada oo ugu dambayn lagu ansixiyay waajibaadka Shaqo ee tubta siyaasadda loo dhanyahay. The post Khayre oo gudoomiyey shir ka dhacay xarunta G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boliiska Dawladda Ingiriiska ee ka shaqeeya baadhitaanka musuq-maasuqa iyo lacagta la lumiyo, “Serious Fraud Squad”, ayaa xafiiska Shirkadda SOMA Oil & Gas ku sameeyey baadhitaan laxaad leh oo quseeya lacag la siiyey sarakiil ka tirsan dawladda federaalka ee Muqdisho, iyadoo wakhtigaa shirkaddu ku jirto tartan qandaaraas ay dawladda federaalka ee Muqdisho ke eg, ay ku bixinasay saamenyta shidaalka xeebaha Soomaaliya. Wararka ka soo gaadhaya Qarannews ayaa sheegay in shirkadda SOMA oo uu madax ka yahay, Lord Howard, oo ahaan jiray siyaasi ruug cadde ah oo ka tirsanaa dawladdii Margaret Thatcher, oo marna ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee wakhtigan haya talada dalka Ingiriiska, (Conservative Party) , ay lacag aan la caddeyn waxay tahay siisay la-taliya la shaqeeya dawladda federaalka ee Muqdisho ku eg. Sida wararku sheegayaan, shirkadda SOMA waxay ku balanqaaday in ay bil walba siiso ilaa $5,000 ama (3,200 Giniga Ingiriiska), lix qof oo ay soo xushay dawladda federaalka ee Muqdisho. Waxaa xisaabtaa ku jira oo kale ilaa iyo $40,000 oo ay dawladda federaalka ee Muqdisho codsatay in loo bixiy kiro, gadiidka iyo hawl galo kale. Arrintan oo ay baadhitaan xoog leh ku sameysay jaraa’idka Guardian ee ka soo baxa maalin walba dalka Ingiriiska, waxa kale oo ay sheegtay in lagu heesahay in shirkadda SOMA Oil & Gas ay qaadato 90% dakhliga soo baxa. Sannadkii ina soo dhaafiyey, warbixin uu soo saaray xafiiska qaabilsan ilaalinta heshiishayada caalimiga ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in wali mugdi ku jiro heshiisyadda ay dawladda federaalka ee Muqdisho ay la gashay shirkadaha saameyn iyo baadhitaanka ku sameynaya batroolka iyo gaaska. Dhinacooda, Shirkadda SOMA Oil and Gas ayaa igayuna warbixin soo saaray leh “aanay jirin wax lacag ah oo la siiyey shaqsiyaal ka mid ah dawladda federaalka ee Muqdisho ku eg”. Si kastaba ha noqotee, mar hadii Booliska Ingiriiska bilaabay baadhitaan laxaad leh oo arrintan quseeya, waxaa laga yaaba in najiitada baadhitaanka loo gudbiyo xafiiska xeer ilaalahaya guud ee dawladda Ingiriiska. Qaran News
-
Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan marna ka saari doonin Somalia ciidamadeeda qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], kaddib dalab dhawaan ka yimid siyasiyiin ay kua jiraan mucaaradka dalkaas. Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo jimcihii lasoo dhaafay hadal ka jeedinayay machadka Chatham House ee London ayuu ku sheegay in xukuumadda Kenya aysan qorshaha ugu jirin inay ciidamadeeda AMISOM ka tirsan kala baxdo Somalia. “Xukuumadda Kenya uma qorsheysana inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Somalia, mana qaadanayno hadallada nooga imaanaya hoggaamiyeyaasha mucaaradka Kenya kaddib weerarkii Hotel DusitD2 ee Nairobi,” ayuu Ruto ku sheegay hadalkiisa. Sidoo kale, Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugna Somalia ay qayb ka yihiin dadaallada lagula dagaalamayo kooxaha Argagaxisada ah ee ku sugna Soomaaliya [Al-shabaab]. Wuxuuna intaas ku daray inaanay jirin qorshe ay ciidamadooda kala baxayaan dariska ay dariska yihiin. “Waxaan rumeysanahay in ciidamadeeda AMISOM ka tirsan ay hawlo aad muhiim u ah ay ka wadaan Somalia, waxaana rumeysanahay in dagaalka lagula jiro argagaxisada Somalia uu ka wanaagsan yahay inaan Kenya kula dagaalanno argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray. Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee ODM oo ay ka mid yihiin; Raila Omelo Odinga iyo mudane James Orengo ay ka dalbadayeen madaxweynaha Kenya in ciidanka KDF laga soo saaro dalka Somalia, balse uu ku gacan-sayray ayka ka go’an tahay in Kenya ay qayb ka ahaadaan ciidamadeenna dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ugu yeeray argagaxiso. Ugu dambeyn, William Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxaha mucaaradka ah ay doonayaan in ciidamada Kenya ay kooxaha argagaxiasda ah kula dagaalamaan gudaha Kenya, balse iyagu ay taas kasoo horjeedaan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Kenya oo ku gacan-sayrtay inay Ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan. Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal. Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal. Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliya. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sidoo kale la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi. The post Farmaajo oo la kulmay qaar kamid ah madaxda Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Habeen-110219-ok.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xuseen Aadan Cige Dayr af-hayeenkii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa sheegay in aan wax kari ah lagu heshiin dawladda Imaaraadka Carabta ee saldhigga millatari ka samaysanaysa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Hadalkan ayaa waxa uu marag u noqonayaa dhawaaq la yaab ku noqday shacabka reer Somaliland oo dhawaan ka soo yeedhay wasiir wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ku sheegay in aan wax kari ah lagu heshiin dawladda Imaaradka Carabta ee saldhigga Millatari ka samaysanaysa magaalada Berbera, balse taa bedelkeeda lagu heshiiyay mashaariic kale, in kasta ay mashaariicadan uu wasiirku sheegay ay ku jireen markii la waday heshiiska ay dawladda Imaaraadku kula ay kula wareegaysay dekedda Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waraysi la yeeshay ayaa waxa uu si cad ugu sheegay in Somaliland ay ka kiraysay saldhig millatari ee Imaaraadku ka dhisanayo Magaalada Berbera oo ay lacag kiro ah ka qaadi doonto. Shacabka reer Somaliland ayaa waxa ay jahwareer ka qaadeen hadaladan kala fog ee ka soo yeedhaya madaxdan ku wada abtirsada xisbiga KULMIYE. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Popular Contributors