Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baladweyne (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay sarkaal ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay xaafadda Howlwadaag magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadey, kaas oo la sheegay in uu qaabilsanaa dhanka Canshuuraha ee magaaladaasi. Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay toogasho ay ku dileen, kadibna ay si aayar ah goobta uga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo uu maamulka degmada Baladweyne iyo kan gobolkuba uu ka soo saaray dilka sarkaalkaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dhacdooyin amni daro oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle. The post Sarkaal ka tirsanaa HirShabelle Oo lagu dilay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu xiray, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa Kaarib, kaas oo ay ku buufsan tahay astaanka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wadihihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa in kaliya uu ku dhintay qaraxan, illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. The post Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Buurhakaba (Caasimada Online)-Weerar khasaaro geystay oo ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaana weerarka laga helayaa warar dheeraad ah. Bartilmaameydka weerarka ayaa lagu sheegay inuu ahaa saldhiga ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, balse saraakiisha ciidamada ayaa Caasimadda u sheegay in weerarka la fashiliyay. Gaari NOAH ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayuu weerarka ku bilowday sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana kadib xigay weerar rag ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhiga. Ka hor inta gaariga uusan qarxin ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa degmada ayaa la sheegay inay wadaha gaariga ku amreen inuu joogsado, basle awood ayuu kaga dhaqaaqay, waxaana markii rasaas lagu furay kadib la sheegay inuu is qarxiyay. Kadib rasaas labada dhinac ay is weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al Shabaab waxaa la sheegay inay khasaaro gaartay labada dhinac, waxaana sidoo kale waxyeelo ay soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa degmada. Dhinacyada ku dagaalamay degmada Buurhakaba wali kama aysan hadlin dagaalka, balse xaalka ayaa saaka degen. Caasimada Online Xafiiska Baay Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-120219-ok.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari Kaarib ah oo marayay agagaarka Seybiyaano ee degmada Hodon, waxaana la sheegayaa in gaariga uu goobta ku gubtay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay gaari ku xardhanaa calaamadda ciidamada booliska, waxaana la sheegayaa in loo malaynayo in ruux sarkaal ah loogu xiray. Dad Shacab ayaa oo ku sugnaa goobta gaariga ku qarxay ayaa la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Baardheere (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya kuna sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dalbaday in lasii daayo taliyahooda oo ay sheegeen inuu ku xiran yahay magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la xeray taliyaha galiyaha guutada 49aad ee ka howlgasha Gobolka Gedo, islamarkaana ay dalbanayaan in laga sii daayo xabsiga ku yaala magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan ciidamadan ayaa warbaahinta u sheegay in la xiray taliyahooda Faarax Cabdi nuur kadib markii degmada Baardheere lagu toogtay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Waxa ay baaq u direen taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(indha-qarshe) iyo Saraakiisha Maxkamada Ciidamada,kaas oo ku aadan in lasii daayo taliyahooda oo ku xiran Magalada Muqdisho. Saraakiishaan ayaa sheegay in taliyaha uu u xiran yahay Al Shabaab lagu toogtay Baardheere, islamarkaana aysan ogeyn goorta Al Shabaab lala heshiiyay, maadaama ay fulinayeen amarkii ahaa in Al Shabaab lagu toogto halka lagu arko oo taliyaasha ka sareyso ay bixiyeen. Taliyaha Ururka 49 aad waxaa la xiray bishii December ee sanadkii hore ilaa haddana waa xiran yahay, waxaana saraakiisha hadashay ay sheegeen in AL Shabaab la dilay darteed loo xiray taliyahooda. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  7. DHAXALKII KULMIYE WAA TOBAN JIRSADAY. —————————————————————– GUUSHII XISBIGA KULMIYE EE 2010 KII MAXAA LAGA DHAXLAY?. ——————————————————————- MA KULAYL IYO KABO LA’AAN MISE KARAAMO IYO KORNIIN SHACAB? ———————————————————– Q.1aad: Waa Qiimayn guud oo aan isku dultaagayo casharada lama ilaawaanka ahaa , ee aynu ka baranay mudadii uu xilka hayey Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadihiisii kala danbeeyey , dhanka kale waxaan rabaa inaan kaga jawaabo Suaal muhiimadeeda leh (waa siday aniga ila tahay ) oo odhanaysa ,Xisbiga kulmiye mudadaas uu hayey talada dalka ilaa imika , maka Jawaabay baahiyaha kala duwan ee bulshada ? , Dhaymo mow sameeyey dhaawacyadii kala duwanaa ee bulshadu la dhutinaysay , Mise wuu damqay , qallay , dhaawacay , kala jabiyey quluubta umada reer Somaliland ?. Waxaad kaga boggan doontaa qormadan . Hordhac yar oo kooban : Somaliland waa wadan aan wali la aqoonsan , kana go’ay dalkii la odhan jiray jamhuuriyadii Somalia , oo ay ku biirtay 1960 kii ,iyadoo markaas ahayd dowlad taam ah oo aduunku aqoonsanyahay oo leh shacab iyo xuduudba. Halgan dheer ka dib oo naf iyo maalba ku baxeen , waxa Somaliland u suuro gashay inay la soo noqoto dowladnimadeedii ay u hibaysay inay abuurto wax la yidhaa somalinimo , laakiin lala garanwaayey ,kana dhaxashay waxii ay ka dhaxashay . Somaliland oo xoriyadeeda heshay 1991 dii , ujeedada looga soo go’ay Somalia waxa kow ka ahayd in la helo cadaalad ,sinaan ,wax wada la haansho iyo dowladnimo ku dhisan sharciga oo dadku u simanyihiin . 27 sano oo Somaliland jirtay wali hadafkaasi waa qabyo , lagamana midho dhalin . Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba xaladeeda iyo duruufaheeda siyaasadeed ,dhaqan dhaqaale lahayd ,tusaale waxay soo martay waqti lagu jiray iscafin guud iyo in la abuuro jawi guud oo nabadgelyo oo lagu wada noolaado ,quluubta shacabka laysu keeno oo dowladnimo lagu dhiso ku salaysan duruuftaas, waxay soo martay waqti kale oo dagaalo sokeeye dhaceen oo lagu jiray dib u heshiisiin iyo dib-u curasho shacab iyo inay dowladnimadu salka dhigto, waqtiyadaas waxaa ku suntanaa labadii madaxweyne ee kala danbeeyey AUN Mudane Abdirahman Ahmed Ali ahaa aabihii xoriyada ama ilaahay u fududeeyey inuu dalka qabto, kuna dhawaaqo dowladnimo , iyo AUN Mudane Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa hogaamiyihii ugu khibrada badnaa ee dowladnimada Somaliland iyo hanaankeeda dimiquraadiga ahaaba salka u dhigay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo labadoodaba. Waqti laga joogo 18 sano , waa 2001 diiye , ayaa hanaanka xisbiyada badan ka hanaqaaday Somaliland , uguna horaysay taariikhda cusub ee Somaliland tartan siyaasadeed ku dhisan sawir guud oo xisbinimo ( waxii kaleba how hooseeyaane),waqtigaas oo uu ay hormuudka xisbiyada ahaayeen xisbigii Udub ee talada hayey iyo Xisbiga Ucid. Goorma ayuu kulmiye inoogu horaysay?. ————————————————————— Xisbiga kulmiye waxa uu ka mid ahaa xisbiyadii galay tartankii ugu horeeyey ee dowladaha hoose , kuna soo baxay , waxaanu ahaa ururkii ugu danbeeyey ee la aasaaso geeridii cigaal ka dib alle how naxariistee , waxaana la aasaasay 2002, kana qayb galay doorashadii ugu horaysay ee dhacday december 2002 , galayna kaalinta labaad ururadii tartamaayey , kuna guulaystay inuu noqodo xisbi qaran . waqtigaas ayaa digadiisa qiiqeeda inoogu horaysay.Intaas halkaas aan kaga hadho . Waqtigaas talada dalka uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin , dowladnimadii la dhisay eek u timid hanaanka dimiquraadiga ah , waqtigaa shacabka somaliland waxa uu maraayey meel wacan markaad ka eegto dhanka walaaltinimada , wax wada lahaanshaha , quluubtooduna way isu soo dhawaanaysay ,dadkana maankoodu muu kala taganayn . Waqtigaas dowladii udub wax badan ayay qabatay , sida dhanka aminiga , isu soo dhaweynta bulshada , fidinta maamulka , dhismaha ciidanka qaranka , hirgalinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka ,inay u samaysay somaliland saaxiibo badan oo caalamiya mudadaas ay xilka hayeen . dhanka kale intaasba iyadoo jirto ayaa hadana shacabku waxay muujinayeen saluug badan oo ay saluugsanaayeen dowlada , kuna dhaliilayeen inay qaban karo waxaas wax ka sii badan . shacabku waxay ka cabanayeen maamul xumo , musuqmaasuq , danta guud oo markaas bilow ahayd iibinteeda , dhanka xoriyatul qowlka oo xadidnaa ,iyo arimo la la xidhiidha in rag badan oo siyaasiyiin ah iyo salaadin in la xidhxidho , cabudhin shacab . iyadoo bulshadu aaminsanayd inay waxqabadka la koriyo oo waqtigaas u fikiraysay horumar midnimo ,isu soo dhawaansho , is aamin , isku codna ay ka ahayd cabashada guud ee ay qabto . Halkaas ayuu kulmiye gaadhigiisii ugu horeeyey ka rakaabsaday ,isagoo dhibaatooyinkaa bulshadu ka cabanaysay farta ku fiiqaayey , kana dhigtay daliil , isagoo ujeedooyinkiisa kalena ee dhanka qabyaaladana u raacinaayey , isagoo fogaynaayey madaxweyniihi qaranka ee waqtigaa , kuna maxaafsanaayey dhaliilahaas jiray iyo qabqabiileed ku dhisan in beesha dhexe oo dhan laga horkeeno madaxweyne riyaale ,si uu cod ugu helo doorashadii markaas xigtay hab reeraysan , isagoo isticmaalaayey SNM iyo Faqash dhacdooyinkii dhexmaray , hadafkuna ahaa uun in Mudane madaxweyne Daahir riyaale khadka laga saaro , oo looga saaro hab beelaysan ,sidii dhaxdayba 2010. Siyaasada Qashinka ah ee Kala qoqobka , kala dilka , naxli abuurida , munaafaqada iyo kala sooca maanta ka dhex muuqda bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland , waxa uu kulmiye bilaabay ololihii doorashadii reeraysnayd ee laga badiyey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. 2010 kii markii doorashadii dhacday ee xilka uu tiriyey Mudane Daahir Rayaale kuna wareejiyey madaxweyne Mudane Ahmed Siilaanyo iyo kooxdiisii , ninkastoo xasuustow dalku meel buu maraayey dadkuna aragtidiisu waa saraysay . Dadku laba nooc ayay ahaayen codeynaayey , dad ay dabayshii kulmiye iyo siyaasadii qashinkinka ahayd sixirtay oo howshooda wata , iyo qab kale oo bulshada ka mida oo isbadal doonaayey waliba ahayd inta badan bulshadii codaysay. Halkaas markaan intaa dhigo , aan furfuro suaashan hoose; Maxaa laga filaayey kulmiye (National Expectations):? Maxaa laga cabanaayey ? halkuuse kulmiye ka bilaabay ? La soco qaybta 2aad oo aan ku furfuri doono , waxii laga rajaynaayey , waxii markaas bulshadu u baahnayd ,halkay ka bilaabeen , iyo afrariirkii bulshada ku dhacay ,yaabka yaabkii!!. Sir-Abdirashid HUssein Doha Qatar. Email:Gahaydhle@live.com Qaran News
  8. Fashilaada heshiiskii DPW iyo Somaliland oo debeda u soo baxay. qalinkii A/rahman fidhinle UK. Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay 9/5/2016 taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qaban Dekedii Berbera oo ay 2 sanadood maamuleysay . Heshiiskii Somaliland iyo DPW wada galeen 9/8/2016 oo ahaa heshiis 30 sanadood oo ( Bilateral Contract agreements) ayaa ahaa heshiis sife qarsoon oo daaha dabadiisa ah loogu heshiiyey in ay heshiiskaas ku bixi doonto lacag dhan $442 Million dollar. Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan 65% oo udhiganta lacag ahaan $280 million. Somalilaana yeelato Saami dhan 35% oo u dhiganta lacag ahaan $162 Million dollar. Heshiiskan oo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur yar oo qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii 1/3/2017. Fashilaada 1-aad ee Heshiiska : Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro 2- In Beked cusub oo 800 Mitir ah la kala dhisto laba jeer oo min 400m ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto ( Wadada isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah ( free zone ) Dhamaan qodobadan lagu heshiiyey ayaan midina ka fulin, qaarna waabay dafireen sida mashaariicda arimaha bulshada. Fashilaada 2-aad ee Heshiiska: Waxaa beryahan danbe debeda u soo baxday oo isa soo taraayey in Itoobiya ay ka maaran tahay Saamiga Dekeda Berbera , maadaama dawlad cusubi ka dhalatay oo ay Ereteriya heshiiyeen. Waxaana ay dawlada Ereteriya kula heshiiyeen in ay Dekedooda xooga saari doonaan oo ay maalgashan doonaan. artintan waxaa markhaatiga u furay iyada oo Itoobiya aanay xunbo metela ku lahayn Shirkada cusub ee hada Maamusha Dekeda Berbera ee loo bixiyey Shirkada DPWorld Berbera. Ka maqnaashan ay ka maqnaatay Itoobiya maamulka cusub ee Dekeda Berbera waxay keentay in Saamiyadii heshiisku ay halkoodii hore ku soo noqdaan oo Somalilaana yeelato saami dhan 35%, DPW-na yeelato 65%. Itoobiyana meesha laga saaro. Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho, waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku khiyaamaysay, Cadan ku sameysay, Lubnaan,Sinigaal,iyo indonisa ku khiyaameysay ee USA lagaga eryey maantana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafin ku khiyaameyso xeelad iyo xoog. Fashilaada 3-aad ee Heshiiska: Bal ka warama DPW lacagtii $240 million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii 400 oo mitir ah, ayey iyagu iska dhisteen Dekad Ciidan oo balaadhan iyo Saldhig Ciidan oo bilaash lagu siiyey. Muwaadin ma ogtahay qiimaha ama kirada dhabta ah ee Saldhiga Berbera uu ahaan jiray? Sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ayaa Madaarka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaali jireen ay ku kireysteen lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo 20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 10km2. Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba, Saldhig yar oo 3km ah oo dalka China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay $20 million dollar sanadkiiba. Saldhig yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii. Hadaba waxaa layaab iyo amankaag shacabka reer Somaliland ku noqotay markii dhawaan uu Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Xaji Ali Shire uu cadeeyey in aan la kireyn Saldhiga Berbera ee mashaariic Aabahood goblamay oo aan la fulin aynu ku bedelanay Saldhiga berbera oo dhererkiisu yahay 20 km2 iyo weliba Saldhiga Badda oo isna dhan ilaa iyo 10 km2 – Arintani waxay u baahan tahay in hayadaha ay khuseysaa ay dabo galaan oo baadhitaan mug leh ku sameeyaan. Waa in Saldhiga Berbera kiro badan aynu dhaafsanaa ama ictiraaf inoogu bedelaan. Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska DPW iyo heshiiska Saldhiga Berbera oo isku sidkan Baarlamaanka dib loogu soo celiyaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay qaranka Somaliland. Waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado Heshiiskan ilaa iyo kirooyinkiisii la sii Carbuuntay ee la sii qadintay ee dalka lagu dhacay. Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso! Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
  9. Xukumadda Xaraf Iyo Siyaasadda Jidhka-Is-gali. WQ Axmed-xiis Dharbaan Erey-bixintu waa udub dhaxaadka fahanka. Xukumadda Muuse uguma yeedhi karno Kulmiye waayo, xisbigii kama muuqdo talada; uguma yeedhi karno Jeegaan waayo, jeegaantu uma dhamma taladda. Aynu ugu yeedhno Xaraf, magacaa ayaa urusanaya madaxtooyada ardaagu isku urursatay; ururada dahsoon ee haybta la wadaaga Muuse iyo hab-raaca maamul ee xukumadda Muuse. Xukumadda xaraf, waxa ay keentay siyaasad la yidhaa ‘JIDHKA IS GALI’. Jidhka-is-gali waxa ay ka dambaysay siyaasado hore oo lakala odhan jiray KU-JIQSII iyo INDHAHA-KA-QARSO. Ku-Jiqsii waxa isticmaali jiray Kulmiyihii Siilaayo, waagii uu mucaradka ahaa. Indhaha-Ka-Qarso waxa iyadana isticmaalay maamulkii Siilaayo, maalmihii uu xukunka hayey. Jidhka-Isgali ma aha aragti ugub ah, aragtidan jidhka is gali waxa hellay bilawgii cullimada Anthropology-ga, mar labaadna waxa fahmay Nobert Elias. Elias dhiganihiisa ‘The Civilizing Process’ jidhka is gali waxa uu ku macneeyey: Laba bulsho oo kala duwan, marka ay darsamaan – dawlad oo kale – mid ayaa ka tanaasula qiyamkii nololeed ee uu amminsanaa. Sida muuqata HJ iyo HA markii ay midoobeen waxa tanaasulay HJ oo jidhka is galisay. Jidhka-Is-Gali, waxa si wacan daboolka uga qaaday quwada sadexaad ee Psychology-ga – Humanism – Jidhka is gali luuqada ‘English’ta waxa ay noqonaysaa ‘submissive’ dadka qaarna waxa ay dhahaan ‘nonassertive’. Waa dhaqan/dabeecad uu qofku ama ummaddu qaadato marka ay ka tanaasusho waxa ay xaqa u leeyihin. Qofka insaanka waxa uu leeyahay xudduud – Physically, Psychologically, Emotionally and Values – xududahaa qofku marka uu quwiga yahay wuu difaacdaa, isaga oo aan xadgudub ku samaynayn dadka kale hayeeshee, xuquuqdaa wuu lumiyaa qofku marka uu diciifo. W.H. Auden gabyaa la odhan jiray ayaa ku qeexay masafadiisa sidan: Some thirty inches from my nose The frontier of my personal goes ….. Caadiyan waxa jira dad dhaqankaa liidnimada ah qaayiba. Waxa ay dhahaan dadkaasi: “Waa iska caadi”, “Adigu dooro Aniga waa isugu kay mid”. Dadka dhaqankan wata waxa ay jecel yihiin in loogu yeedhi ‘hebel waa qof wacan’ waxa ay qariyeen dareenkooda, waxa ay raalli galiyaan dadka kale. Akhirkana dadkani waxa ay ku dambeeyaan nolol madhan. Albert Scheflen iyo Norman Ashcroft dhiganhooda ‘Human territories’ waxa ay leeyihiin qofku in uu sheegto baahidiisa amaba uu difaacdo xadkiisu waa awood lagu dhasho mararka qaarna dhaqanka ayaa sababa. Theodore White ayaa isna ogaaday in xadka madaxdu uu ka balaadhan yahay kan qofka shacabka ah. JFK ayuu usoo qadanaya tusaale oo uu leeyahay xoogaa wuu iska barbarin jiray dadka si aanu ugu milmin bulshada caadiga ah. Jidhka is gali, waxa hadda faafiya Xukumadda Xaraf oo dadka ku dhiirigalinaysa in aysan ka hadal dareenkooda, haddii ay ka hadlaana waxa ay ku handadaan, “waanu iddin xidhaynaa”! Taasina waxa ay keenaysaa natiijadda laga dhaxlo jidhka-isgali oo ah ‘Volcanic Eruption’. Dadka laguma maamulo jidhka is gali, mana aha siyaasad waxtar u leh kuwa wax maamulaya iyo kuwa maamulayaba. Xukumadda Xaraf caqabadaha haysta waxa ka mida jahli xadhka goostay! Makala saari karaan ‘good and right’. Inbadan baad arkaysaa iyaga oo leh, sharciga ayaa sidaa leh iyo sharciga ayaa ii diidaya bale, waxa aysan garanayn sharcigu ‘law or legal’ in uu ka sareeyo ‘Goodness’. Waxa iskaga qasan sadex shay oo lagu barto Fiqiga – Jurisprudence – oo la kala yidhaa – Legal, Ethics and Morality. Xaraf waxa ay dooratay in ay martabada dalka laga maamulo gayso dhaliinyaro macaashdoon ah, cilmiga ay barteena yahay sida faqriga looga cararo balse, aan aqoon durugsan u lahayn sida insaanka loogu kala xaqsoore. Jidhka-is-gali waxa liddi ku ah ‘Adyad’ – Aggressive. Aggressive waxa ay Soomaalidu macnaystay qaybta Adyadda. Kalmada xididkeeda oo ah ‘Aggredi, latin’ macna-ahaan waa: raadso/doono. Muuse ayaa kursiga ku koray adyad uu dheera ragii ay isku hirdiyeen Kulmiye gudihiisa. Adyaddu waa ay ka wanaagsan tahay Jidhka-is-gali balse, iyadda lafteedu waxa ay abuurtaa bulsho isu wada tahaysa, caddaawad iyo in kii adyadda guushu ku raacday uu akhirka noqdo qof cabsi la nool oo aan haysan rafiiq. Labada jiho waxa u dhexeeya ‘Assertive’. Assertive waa dhaqanka ugu wnaagsan walow dad badani ku arkayaan qof dantiisa wajiga kusoo qortay hadana, in uu qofku sheego waxa uu doonayo/diidan-yahay waxa ay abuurtaa nabad. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Qaran News
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aysan lahayn wax miisaaniyad ah, oo ku filan. Tarsan oo wareysi siiyey taleefishinka Universal ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda aysan haysan. Waxa uu intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya. Tarsan ayaa dhinaca kale sheegay in xitaa uusan haysan guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan. “Aniga laba qol inta aan ka dhex dhisto safaaradda waan degi karaa, balse taas sharaf maaha, safiirka wuxuu u baahan yahay guri karaamo leh, oo uu ku casuumi karo safiirada sida isagaba loo casuumo” ayuu yiri Tarsan. “Aniga oo safiir ah ma waxaan dhex degaa laba qolo oo apartment ah, waxaas ma sharaf baa, haddii ninkii ugu sarreeyey waddankan uu yahay homeless (guri la’aan) waa dhibaato” ayuu yiri. Hoos ka daawo Tarsan Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, Dhinacyada horumarinta caalamiga, ururada bulshada rayidka ee ka howlgala Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay hogaamiyaasha dalalka Africa iyaga oo olole u galay ansixinta deynta tirada badan ee lagu leeyahay Soomaaliya sidii looga joojin lahaa dalka Soomaaliya. Cadadka deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay gaareyso 4.6 billion oo dollar. Ururada aan dowliga aheyn (NGO) oo ka kooban ururada caalamiga ee bulshada rayidka iyo masuuliyiinta dowladda ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa intii uu socday shirkii madaxda midowga Africa, waxaana ay ka dalbadeen madaxda Africa inay qeyb ka qaataan deyn cafinta Soomaaliya. Arintaasi ayay sheegeen inay dalka ku yaala Bariga Africa ee Soomaaliya ay u suuragelin doonto dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta malaayiin ruux oo Soomaali ah oo colaadaha ay saameeyeen. “Soomaaliya waxay u baahan tahay wada shaqeyn maxaa yeelay deyn cafinta waxay naga caawin doontaa inaan dib u habeyno qorshaha horumarinta qaranka”ayuu yiri wasiir Jamaal Xasan wasiirka qorsheynta Soomaaliya. Guddiga Midowga Africa ayaa ku dhawaaqay inay ka caawin doonaan Soomaaliya qorshaha caalamka looga raadinayo cafinta deymaha lagu leeyahay, taasi oo dalka u horseedeysa inuu helo caawinaad caalami ah, waxaana dhammaadkii shirka laga soo saaray baaq caalami ah oo lagu dalbaday in Soomaaliya laga cafiyo daymaha. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in deynta cafinta Soomaaliya ay qeyb ka qaadan doonto xal u helida qaxootiga ku dhex barakacay gudaha dalka. “Waxaan u baahanahay abaabulka jilayaasha siyaasadeed inay qeyb ka noqdaan joojinta deymaha Soomaaluya, waxaan soo dhaweyneynaa doorashada sanadkaan ee xal u helidda dadka gudaha ku barakacay.Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  12. Brisbane (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed ayaa maxkamad lagu soo taagay gobolka Queensland ee dalka Australia, ayada oo loo haysto inay gudniin fircooni ah ku fulisay laba gabar oo ay dhashay. Labada gabdhood oo kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay in Soomaaliya loo kaxeeyey, kadibna ayaga oo ku cayaaraya dibedda guriga ayeydood la waday laguna soo fuliyey gudniinka. Hooyada dhashay gabdhahan ayaan magaceeda la sheegi karin sababo xagga sharciga ah dartood. Hooyada ayaa diiday inay qirato dambiga laba dacwo oo ku saabsan inay canugeeda ka wadday gobolka si loo soo gudo. Labada gabdhood oo da’doodu kala tahay sagaal iyo 12 ayaa Soomaaliya joogay un dhowr maalmood markii gudniinka lagu sameeyey bishii April 2015, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha. Way ogaayeen in gudniin lagu sameynayo, wayna soo jeedeen markii howlgalka uu dhacay, taasi oo xanuun darran ku keentay dhowr maalmood, maxkamadda ayaa sidaas dhageysatay. Toddoba bilood kadib markii ay kusoo laabteen Australia, waxay booliiska u sheegeen “inay wax lagu sameeyey” ka hor inta dhaqtar uusan xaqiijin in qeybo ka mid ah xubnahooda dumar laga gooyey. Maxkamadda ayaa weli socota. Caasimada Online Xafiiska Mebourne Caasimada@live.com
  13. Garowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa bil iyo seddex maalin kadib soo magacaabay golaha wasiirada maamulka Puntland, kuwaasi oo ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah musharixiintii la tartantay. Tirada Wasiirada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlahaasha maamulka Puntland ayaa hadda ka dhigan guud ahaan inay gaarayaan 47 Wasiir, waxaana uu lamid noqday wasiiradii uu ku bilaabay madaxweyne Gaas markii xilkaasi uu qabtay sanadkii 2014. Labadii madaxweyne ee ka horeeyay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bilaabay golaha wasiirada xubno aan badneyn balse markii dambe ayay labadoodaba gaarsiiyeen ku dhawaad 60 Wasiir. Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa bilowgiisii magacaabay 38 wasiir, ku xigeen iyo wasiiru dowle balse markii xaalka ku adkaaday ayuu kordhiyay tirada wasiiradii maamulkiisa waxaana uu gaarsiiyay 54 wasiir. Sidoo kale madaxweynihii ka horeeyay Saciid Deni, C/welli Gaas ayaa bilowgiisii magacaabay 47 wasiir, iyadoo ugu dambeyn uu gaarsiiyay 57 wasiir, waxaana la sheegayaa inay taasi culees ku noqotay dhaqaalaha Puntland. Marka la eego dhaqaalaha loo qoondeeyo Puntland iyo kuwa ka yimaada deegaanada kala duwan ee Puntland, waxay dib ugu laaban karaan shaqaalaha maamulka iyo masuuliyiinta xilalka haya, waxaana adkaaneysa mar walbaa in dadweynaha ay helaan adeegyada ay doonayaan. Dadka la socdo dhaqaalaha iyo siyaasada ayaa mar walbaa ku taliya inay muhiim tahay in la yareeyo wasiirada oo la xulo xubno tayo leh, iyada oo laga eegayo dhaqaalaha iyo waxqabadka. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la isweydiinayaa miyuu ka duwanaan doonaan kordhinta golaha wasiirada labadii madaxweyne ee ka horeysay, mase wasiiradan ayuu ku adkeysan doonaan inaysan intaan laga badin. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  14. Janaale (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay sawirrada burbur ay sheegeen inay sababtay duqeymo ay ciidamada Maraykanka oo ay wehlinayaan kuwa Soomaali ah ay habeen hore ka fuliyeen degmada Janaale ee gobolka Sh/Hoose. Burburkan ayaa la sheegay in inta badan uu gaaray guryo ay lahaayeen dad shacab ah, inkatsa oo aan la shaacin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay. Waxaa sidoo kale sawirrada ka muuqda qalab ciidan oo la sheegay inay ka tageen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee soo weeraray magaalada Janaale.
  15. Soomaaliya waa dal ilaahay dhexdhigay kheyraadka aduunyadu ku faanto intiisa badan sida Beeraha, xoolaha la dhaqdo, kaluunka, xeebaha dalxiiska, waxa la yiraahdo logistic strategic, kheyraadka dhulka hoostiisa kujiro, iyo qeybo kale oo badan sida cimilada dhexdhexaadka ah ee ilaahay nagu galaday kuna wanaagsan dalxiiska iyo nasashada. Inta badan kheyraadka ilaahay na milkiyey qeybkastoo ka mid ah haddii aan kaligeed hormarino waxey ku filantahay oo maareynkartaa dhaqaale ahaan baahida dadkeena dhinac walba. Tusaale hadii aan beeraheena ku bixino tamar aan xooga saarno sidii aan u hormarin lahayn uga dhigi lahayn kuwa daboola baahideena raashin isla markaana aan suuq uga raadino aduunyada waxey kufilanyihiin beeraheenu dhamaan baahideena, sidoo kale kaluunkeena haddii aan si fiican u maamulano una hormarino una suuqgeyno wuxuu ku filan yahay baahideena, dhinaca xoolaha hadaad eegto kaba daran dhulkeena intiisa badan waa dhul daaqsimeed halka somalidu ay ka baa bi’i weysay taariikhihii horena waxey ahayd dhaqalaheeda oo ku tiirsanaa xoolaha nool. Hadaba kheyraad keena waxaa wanaagsan in aan u kala saarno laba qeybood Mid xambaarsan saamayn togan iyo mid xambaarsan saamayn dadban 1.0 Haddii labada qeybood midba gaar aan u sharaxno kan koobaade xambaarsan saamaynta guracan waxaan niri waa kheyraadka alla nasiiyey ee gunta hoose ee dhulkeena ku jiro halista uu xambaarsan yahayna waxaa ugu waawayn. 1.1 Anagoo aan u diyaarsanayn sababa soosocda awgood: A) Mahaysano awood aan kheyraadkeena ku maamulano waxaana dhacaysa xoolaheena oo la biliqeysto anagoo arkayna waxna aan ka qaban Karin b) Mahaysano dowlad awaamiirteeda iyo siyaasadeeda amni iyo teeda ganacsi ay dalka si sax ah uga wada shaqeeyaan c) Makala garanayno cida cadow noo ah iyo cida aan sxbka ka dhiganayno 1.2 Halis amni: Xaalada amni ee dalkeenu wajahayo ma suurta galinayso in dhulka hoostiisa kheyraad laga doono waayo dowlada Soomaaliya gacanta kuma hayso amaanka dalkeena waxaana imaanaysa in shirkado ciidamo wataa yimaadaan ayna yiraahdaan anaga ayaa aagaan ilaashanayna qof aanaan u ogolayna masoo galikaro maadaaba amaanka aan gacanta ku hayno sidaasna hadba cad balaq ah naloo tuuro oo aanaan wajihin faa iidada kasoo burqanaysa dhulkeena hoostiisa isla markaana aan wajahno kiliya dhibaatada bey’adeed ee uu leeyahay 1.3 Khilaaf iyo dagaal sokeeye: Kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira oo aan hada damaciisa ku degdagnaa wuxuu soo dadajinkaraa khilaafkeena maadaaba uusan jirin sharciga qeybsiga kheyraadkeena waxaana wanaagsan inta aanaan raadin kheyraadkaas lawada leeyahay in aan marka hore sharci ka samaysano kadibna aan ku heshiino sharcigaas. 1.4 Dhibaateynta bey’ada: kheyraadka dhulka hoostiisa ku jiro wuxuu halis ku yahay sida khuburadu noosheegaan deegaanka kuxeeran haddii ay tahay barri iyo haddii ay tahay badba wuxuu halis galinayaa dhul beereed badan, dhuldaaqsimeed badan, amaba kaluun badan ayuu halis galinayaa, wuxuuna u baahan yahay in si gundheer looga fikiro saamaynta guracan ee uu nagu yeelanayo, isla markaana aan fiirino halkee loogaga haboon yahay in shidaal laga soo saaro. Tusaale kawaran haddii la yiraahdo ceel weyn oo shidaal oo aad ku faqri baxdaan ayaa AFGOOYE laga helay miyaan ku ordaynaa MAYA waa in aa niraahnaa AFGOOYE hadaaba ceel nooga qodan yahay. 2.0 Qeybta labadaad ee aan ku sheegnay in ay leedahay saamaynta togan: 2.1 In aan hor marino beeraheena ama xoolaheena aana kasoo saarno baahideena iyo cuno dibada loo iibgeeyo waxey ka fududahay dalkeena in laga soo saaro shidaal oo dibada loo iibgeeyo, Energy ga uu u baahan yahay shidaal si loosoo saaro rubuc ka mid ah haddii beeraheena lagaliyo waan baahi beelaynaa asaageena waan tiigsanaynaa waliba dhaafaynaa. 2.2 amaanka: Beeruhu waa kheyraad lagu hormarin karo waxa la yiraahdo gaaryeelid ama privatesation waxaana jiro habab badan oo looga gun gaaro in ay noqdaan kheyraad daboola baahida dalka ayagoo u shaqeynaayo hab hanti gaar looleeyahay taana waxey yarayn kartaa tamartii ku bixi lahayd security ga waayo Somalia hada aadbuu uga sii yaraanayaa hujuunka ama dagaalka shaqsiga ahi, ayadoo aan waliba meesha laga saaraynin qorshaha amaan ee hormarina dhaqaalaha. 2.3 Khilaaf ma imaankaro: Dalka hada waxaa lagu sheegaa federal mana jiro sabab hormarinta beeraheenu ay khilaaf goboleed u abuuri karto waayo waa ninwalbow beertaada tacbo oo yaan lagaa tagin iyo dowlada oo dhabarka hormarin kala istaagta. 2.4 Badqabka deegaanka: Hormarinta beerahu, fiishku ama xoolaha nooli kuma reebaan bey’ada saamayn guracan marka laga reebo geedo yaryar oo laga maarmo amaba dhul yaroo gaar ah loo yeeli karo. Miraha kasoo baxa hormarinta beeraheena, xoolaheena nool, fiishka amaba ilaha dhaqaale ee kasoo hara kheyraadka dhulka hoostiisa 100% awood waxaan uleenahay in aan gurano lakin haddi aan niraahno maanta shidaalbaan kuduulaynaa soo saaristiis waxa aan ka helnaa waa soor aan gaajo naga goyn waxaana isku darsanaynaa gaajo iyo shidaalkii oo lala baxo iyo dhibaatadii deegaan ee uu lahaa oo aan wajahno. Sidaa daraadeed mawaxaan imika hormarinaa kheyraadkeena midka aan awooda uleenahay100% in aan guranayno faa iidada kasoo baxda mise waxaan hormarinaa oo hada ku dhaqaaqnaa midka 50% aan naloo ogolayn kaba sii daranoo waxa lasoo saarayo aanaan aqoon iyo waxa la qaatay? Ma waxaan hormarinaa kheyraadkeena nagu filan ee wax saamayn dhibaato ah aan nagu lahayn mise midka saamaynta dhaqaale ee kale nagu leh haday rabto ha ahaato afgoye ceel shidaal halaga qodo oo hala waayo waxa beero afgoye uu caanka ku yahay e si aan shidaal u helno e amaba meel kaloo lamid ahe? Mawaxaan hormarin u raadsanaa oo energy ku bixinaa kheyraadkeena kiisa aan hormarinaynin khilaafkeena iyo dagaal sokeeye oo nagu soo laabta mise midka hada iyo kow curinaaya khilaaf iyo isjiijiid markale dhexdeena yimaada? Ogow NAGERIA shidaalbey soo saartaa gaajana kaa badan iyo qaxooti. Somaliyooooow intaadan falin kafiirso. Qalinkii: XASAN CABDI FARAX (Sujuud) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Relatively small Somali-owned mining companies prospecting for gold in largely untapped mountainous areas in the Sanaag region of Somaliland have struck rich. According to the first reports released from the area, miners using basic digging machinery have, for the first time in the history of the area, struck mother lodes of the much-valued ore that promise richer yields. Taking advantage of licenses that the Ministry of Energy and Mineral Resources formally granted a number of prospecting companies, local investors took heart and imported machinery that freed them from the traditionally arduous hand-digging that had been the norm since now. Following the concessions, the companies also hired foreign expertise with the full blessing of the state represented by regional authorities which did not only provide encouragement but security, too. The patience of companies such as Tacab mining Company appears to have paid off now as gold which is far more than the occasional handful of nuggets has been struck. The Ministry has not yet officially demarcated mining areas but the government is expected to soon declare potential areas in the Irshida and other Golis Range mountains to the east and west of the regional capital, Erigavo, exclusively mining zones. According to more recently published reports, not only the east of the country is rich in minerals and oil but almost every inch of Somaliland seems to be a potential El Dorado blessed with type of precious deposits or oil of one kind or another and trillions of Dollars worth of coal, too. MENAFN Qaran News
  17. FADEEXAd WAYN: “$ 93- Milyan Oo Qadimaad Ah Ayuu Muuse Biixi Ka Qaatay Saldhiga Berbera Oo Gacantiisa Qofnimo Ku Dhacday “Maxamed Baashe Xaji Xasan $93 milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen. $5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen. Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan. Lacagta ka soo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasanadda xukuumadda! Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraaska $5 milyan ee la siiyey ganacsade Ina Aw Siciid iyo qaar kale intaas ka sii miisaan yar oo la siiyey xubno kale oo ay qaar ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay. Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay. Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn! Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah. Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday! Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?! Wixii hore bikh iyo in qarso saw ma noqonayaan?! Akhas! “Nin agoon ku xaday qalin Gooray ku qaraxdaba Qaaxo kama fogaato!” “Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!” “In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!” Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?! “Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!” Qoraa: Maxamed Bashe Xaaji Xasan. Qaran News
  18. Ciidanka Amniga Puntland (PSF) ayaa hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso. Intii Hawlgalkani socday waxay [...] Source
  19. Ciidanka amniga dowladda Puntland ee PSF, ayaa hawlgal qorshaysan ku qabtay, xubno cusub oo ku biiri lahaa, malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari. Hawlgalka oo laga fuliyay togagga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, ayaa lagu soo qabtay xubno doonayey, in ay ku biiran malayshiyaadka Daacish iyo saad ciidan oo loo gudbin lahaa, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay PSF. Qoraalka PSF, ayaa sidoo kale shacabka loogu baaqay, in ay ciidanka la wadaagan wixii xog iyo macluumaad ay ka hayaan malayshiyaadka Daacishs,si looga sifeeyo degaannada Puntland. Kooxda la baxday Daacish ee uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Mu’min ayaa inta badan ku sugan buuraleyda loo yaqaan Cal-miskaat ee gobolka Bari, waxaana meelaha ay ku xooggan yihiin kamid ah buuraleyda degmada Qandala ee gobolkaasi. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Daacish oo lagu qabtay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.