-
Content Count
207,375 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaadanaya Guddida Doorashooyinka Si Uu Mawqifkiisa Kala Dirista Komishanka Ugu Bandhigo Xubno Komishanka Ka Tirsan Oo Madaxweynuhu Muddo Sugayay Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Ergooyin Dib U Dardar Gelinaya Isu Soo Dhawaynta Xisbiyada Xubno ka tirsan Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa dalka dib ugu soo laabtay. Xogo wargeyska Waaberi helay ayaa tilmaamaya in xubnahan uu sugayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu kulan ula qaato todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka. Kulanka oo la filayo in uu maalmaha soo socda qabsoomo ayaa la filaya in madaxweynuhu kala hadlo xubnaha Komishanka arrimo ku saabsan muranka hadheeyay ee ah in la kala diro. Wararku waxay intaas ku dareen in madaxweyne Biixi doonayo in guddida uu kala hadlo sidii ay xilka u bannayn lahaayeen, iyada oo guddida lafteedu aan ku adadkayn sii joogista xilka maaddaama mudda xileedkoodu ka soo horeeyo doorashada Wakiillada oo muranka Komishanku caqabad ku noqday. Geesta kale xogo wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland iyo ergooyin wehelinayay oo hore kulamo ay qabanqaabiyeen xisbiyadu ugu kala kaceen dib u abaabulayaan dhexdhexaadin udub dhexaadkeedu yahay sidii guddida doorashada ee aan wakhtiga badan u hadhin xilka uga tagi lahaayeen si loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay oo dardar geliya qabsoomidda doorashada dhammaadka sanadkan qorshaysan. Siyaasi Axmed Cali Ubaxle oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa waraysi uu shalay siinayay telefishanka Somali Cable ku sheegay in loo baahan yahay in Komishanku arrinta fududeeyo oo iscasilo “Waxaan jeclaan lahaa guddida Doorashada laftoodu dad badana way yidhaahdeene dalka iyo dadka in ay u daneeyaan oo iyaga oo aan cidna dambi ka gelin ay iscasilaan oo yidhaahdaan ‘haddii ay anaga arrintii(Doorashadii) noo taaggan tahay billaa caleeg halkaas ayaanu dhignay ee ummadda reer Somaliland eey ka taliya’ in ay yidhaahan baan jeclaan lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ubaxle. Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Siciid Cali Muuse, Komishaneer. Cabdifataax Ibraahim Xasan iyo Komishineer Maxamed Jaamac Maxamed.oo dalka dibaddiisa ku maqna ayaa dhawaan soo laabtay kuwaas oo hore wargeyska Waaberi u sheegay in madaxweyne Biixi sugayo si uu mawqifkiisa Komishanka ugu bandhigo taas oo maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in ay kulmaan. Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi cadaadis ku saartay inay xaliso muranka la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka , kaasi oo ay ubucdiisu tahay qaddiyadda la xidhiidha 7 xunood ee Komishanka doorashooyinka in xal laga gaadhi inta ka horaysa bisha Maraaj si ay doorashadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talagalay, Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dedaalayaa sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigaa loo qoondeeyey, isla markaana tixgelinayaa dhawaaqa Beesha caalamka ayaa hadda isku diyaarinayaa inuu xal ka gaadho qaddiyadda Komishanka Doorashooyinka,iyada oo uu murankaa Komishanku ahaa carqalad soo taagnayd in badan isla markaana dib u dhigay doorashadii mudaysnay inay dalka ka qabsoonto Bisha Maraaj ee sanadkan. Qaran News
-
Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada magaaladaasi. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, waxaana markii la dilayey uu kasoo baxay masjid uu salaadda cishaha kusoo tukaday. Goob jooge ayaa inoo sheegay in raggii dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka. Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe amni ahaan waxa ahayd mid faraha kasii baxaysay iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgallo wadeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari weyn oo ah kuwa xamuulka qaada oo marayay waddada Astaan Hobyo ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa afar Qof ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay soo gaartay waxyeelo xoogan ayaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/warka-cali-gaab-shabelle-mooto.mp3 il The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Saddex masuul oo xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Axmed-siilaanyo ayaa toddobaadkan ka degay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in saddexda masuul kala yihiin Wasiirul dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo isaga uu Siilaanyo xilka ka qaaday ka hor ololihii doorashadii madaxtooyada ee 2017. Khadar iyo Axmed-kayse ayaa iyagu Siilaanyo la dhammaystay wakhtigiisii. Si rasmi ah looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka ay saddexdan masuul ee xilalka soo qabtay ay ku tageen magaalada Muqdisho, lamana garan karo in socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi. Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu masuuliyiintan la xidhiidho si aanu wax uga weydiino socdaalkooda ayaanay noo suurtogelin. Wasiirul dawlihii cadaaladda Khadar iyo wasiir-xigeenki qorshaynta Axmed-kayse ayaa iyagu ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, halka uu wasiir-xigeenkii Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo uu Siilaanyo xilka ka qaaday uu isagu ka tirsanyahay golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo uu ku biiray. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhinteen xubno doonayay inay ku biiraan kooxda Daacish oo fariisimo ku leh buulaha deegaanada Puntland. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa la sheegay in xubnaha ay qabteen ay ku wajahnaayeen buuraha Cali Miskaad oo Puntland ka tirsan halkaasi oo saldhig ay ku leeyihiin kooxda Daacish. Qoraal lagu daabacay barta ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay qabteen shaqsiyaad si dhuumaaleysi ah tababar u qaadanayay kuwaasi oo ku wajahnaa buurta Cali Miskaad. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in lagu qabtay saad loo waday ciidamada Daacish ee ku sugan deegaanka. “waxay shalay 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso” “Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas”ayaa lagu yiri qoraalka. Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa dadweynaha Gobolka Bari ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka hortagga Daacish iyo Al-shabaab.
-
(SLT-Muqdisho)-Guddiga Midowga Afrika ayaa shaaciyey inay taageeri doonaan qorshaha Dowladda Soomaaliya ku doonayso in laga cafiyo Lacagaha daymaha Caalamiga ee lagu leeyahay, taasi oo caga-cagaynayso 4.6 Billion oo Dollar. AU-da waxay sheegeen haddii Soomaaliya laga cafiyo Lacagaha Daymaha inay taasi u oggolaan karto Soomaaliya inay helaan Kaalmayn Caalami ah. Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Saraakiisha DFS, Ururadda Bulshadda Rayidka, Ururadda Horumarinta Caalamiga ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay u ololeeyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa Daymaha lagu leeyahay. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Dhaqaalaha ee DFS, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay Somalia u baahan tahay Iskaashi, si looga cafiyo Daymaha lagu leeyahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi taageero ka geysan doonto Qorshaha Horumarinta ee Somalia. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa isagana sheegay haddii la cafiyo Daymahaasi inay taasi la micno tahay inay wax badan laga qaban karo Arrimaha Gudaha Somalia, gaar ahaan Arrimaha dadka Barakacayaasha oo ay horey Madaxda dalalka Afrika uga hadleen Kulankoodii 32-aad ee shalay ugu soo gebageboobay magaalladda Addis Abeba. Si kastaba ha ahaatee, Somalia si looga cafiyo Daymaha Caalamiga waxaa loo baahan yahay inay Hay’adda Lacagaha Calaamiga ee IMF ansixiso si ay Agaasimayaasha IMF dib u eegaan Horumarka Somalia iyo inay DFS wada-xaajood la galaan Deeq Bixiyayaasha Khaaska si ay uga cafiyaan Daymahaasi. Source
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed. Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka. Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb. Warnaahinta Khaliijka ma loollan ayay kula jirtaa Ilhan Cumar? Waxyaabaha taariikhda galay ee ku gedaaman dhaarinta Ilhaan Cumar Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka: Soomaalida iyo siyaasadda Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay “si cad” raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi. “Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,” ayay tiri Ilhaan. “Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan. Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA. Source
-
(SLT-Washington)-Dowlada Maraykanka ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay horgeysay qoraal ay dooneyso in golahaasi ku taageero mucaaridka dalka Venezuela, halka Ruushka uu isaguna Golaha horgeeyey qoraal kale oo lagu taageerayo Dowlada Venezuela ee Nicolas Maduro. Maraykanka ayaa ku dooday in Dalka Venezuela la geeyo mucaawino isla markaana la qabto doorashooyin cusub, waxayna sheegeen inay dhankooda aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido oo bishii hore sheegay inuu isu dhaariyey inuu yahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah. Ruushka oo isaguna soo diyaariyey qoraal ka dhan ah Maraykanka farogelinta uu ku hayo dalka Venezuela ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrimaha gudaha ee dalka Venezuela loo daayo inay dhexdooda xalistaan, Ruushka ayaa la filayaa inuu awoodiisa VETO ku horjoogsado qaraarka Maraykanka doonayo. Dhinaca kale Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo diiday baaqyada uga imaanayey Maraykanka iyo xulafadiisa ee inuu xilka ka dego ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan duulaan walba oo dalkooda dibada uga yimaada. Maduro ayaa Axadii shalay sheegay inay dalka Ruushka ka dalbadeen hub cusub oo u badan gantaalo oo uu sheegay inay isaga difaaci doonaan duulaanka Maraykanka. Xukuumada Maduro ayaa sidoo kale diidan inay ogolaato mucaawino Maraykanka soo mariyey dalka Colombia oo lagu celiyey xaduuda dalkaasi, Maduro ayaa sheegay in mucaawinadaasi ay tahay mid la doonayo in loo adeegsado farogelinta dalkiisa lagu hayo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkaan ayaa saraakiisha ciidamada waxay sheegeen inay Al Shabaab kaga furteen gaadiid waday dhuxul badan islamarkaana ay ku dileen xubno doonayay inay gaadiidka gubaan. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Doonka Dheere ee duleedka degmada Afgooye, waxaana dhanka dowladda la sheegay inay askar kaga dhimatay weerarka qorsheysan ee ay ku qaadeen Al Shabaab. Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka Korneyl Maxamed Cabdulahi Caraaye oo la hadlay idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ay ku dhinteen 5 dagaalame oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sidoo kalana waxa uu tilmaamay iney howlgalkaasi ku soo furteen hub aad u fara badan. Howlgalkaan oo kale ayaa laga fuliyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ay sheegeen. Al Shabaab ayaa seddexdii todobaad ee lasoo dhaafay waxay Shabeelaha Hoose ku gubeen ku dhawaad 20 gaadiid oo dhuxul usoo waday magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ganacsade Caan Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Boosaaso
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Boosaaso)-Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha. Dilka ganacsadahan ayaa ka dhacay xaafada Raf iyo Raaxo ee magaaladda Boosaaso, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu salaadii cishaha ku dukaday. Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in marxuumka dhowr xabadood looga dhuftay Madaxa iyo Wadnaha, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo. Salaad Cabdi Cukaasha waxa uu xisaabiye ka ahaa Shirkadda Ganacsi oo lagu magacaabo Horseed. Magaalada Boosaaso waxaa dhowr jeer oo hore lagu dilay ganacsato, waxaana jira warar sheegaya in kooxda Daacish ay ganacsatada ku amartay inay bixiyaan lacago, taasoo u muuqata inay tahay mida lagu bartilmaameedsanayo. Si kastaba 4-tii bishan ayey eheyd markii magaalada Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxii Shirkadda P&O Ports ee Dekadda. Source -
(SLT-Australia)-Hakeem al-Araibi oo ah ciyaartoy qaxooti ah ayaa ku laabtay dalka Australia ka dib markii laga sii daayay xabsi Thailand ku yaalla. Ninkan oo dalka Baxrayn u dhashay ayaa Bangkok ku xirnaa labo bilood ka dib markii qabashadiisa loo cuskaday waraaq ay booliiska caalamiga ah ee Interpol u qortay Baxrayn. Dalkaas Carbeed ayaa Isniintii ka laabtay isku daygii uu ku doonayay in loo soo masaafuriyo ciyaartoyga ka dib markii uu culays kala kulmay ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamka. Boqollaal ruux oo taageersan ayaa soo dhaweeyay ciyaartoygan 25 jirka ah ka dib markii uu ka soo dagay garoonka Melbourne Talaadadii. “Waxaan jeclahay in aan u mahadceliyo Australia. Waa wax cajiib ah in aan intan oo ruux halkan ku arko iyo dhammaan dadka reer Australia ee taageerada ii muujiyay. Source
-
Boosaaso (SMN) – Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay nin ganacsade ahaa ay ku dileen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash. Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu Xisaabiye ka ahaa shirkad lagu magacaabo Horseed oo ku taalla halkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa dilkiisa iyo cida fulisay, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha amniga Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda DP World u qaabilsanaa dekedda magaaladaasi, kaaso oo ay dilkiisu sheegteen Al Shabaab. The post Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baladweyne (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay sarkaal ka tirsanaa ciidanka maamulka HirShabelle lagu dilay xaafadda Howlwadaag magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Cali Maadey, kaas oo la sheegay in uu qaabilsanaa dhanka Canshuuraha ee magaaladaasi. Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay toogasho ay ku dileen, kadibna ay si aayar ah goobta uga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo uu maamulka degmada Baladweyne iyo kan gobolkuba uu ka soo saaray dilka sarkaalkaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dhacdooyin amni daro oo todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle. The post Sarkaal ka tirsanaa HirShabelle Oo lagu dilay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu xiray, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu ahaa Kaarib, kaas oo ay ku buufsan tahay astaanka ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Wadihihii gaariga ayaa lagu soo warramayaa in kaliya uu ku dhintay qaraxan, illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba. The post Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Buurhakaba (Caasimada Online)-Weerar khasaaro geystay oo ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaana weerarka laga helayaa warar dheeraad ah. Bartilmaameydka weerarka ayaa lagu sheegay inuu ahaa saldhiga ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, balse saraakiisha ciidamada ayaa Caasimadda u sheegay in weerarka la fashiliyay. Gaari NOAH ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayuu weerarka ku bilowday sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana kadib xigay weerar rag ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhiga. Ka hor inta gaariga uusan qarxin ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa degmada ayaa la sheegay inay wadaha gaariga ku amreen inuu joogsado, basle awood ayuu kaga dhaqaaqay, waxaana markii rasaas lagu furay kadib la sheegay inuu is qarxiyay. Kadib rasaas labada dhinac ay is weydaarsadeen ciidamada dowladda iyo Al Shabaab waxaa la sheegay inay khasaaro gaartay labada dhinac, waxaana sidoo kale waxyeelo ay soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa degmada. Dhinacyada ku dagaalamay degmada Buurhakaba wali kama aysan hadlin dagaalka, balse xaalka ayaa saaka degen. Caasimada Online Xafiiska Baay Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/Warka-Subax-120219-ok.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari Kaarib ah oo marayay agagaarka Seybiyaano ee degmada Hodon, waxaana la sheegayaa in gaariga uu goobta ku gubtay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhex dhacay gaari ku xardhanaa calaamadda ciidamada booliska, waxaana la sheegayaa in loo malaynayo in ruux sarkaal ah loogu xiray. Dad Shacab ayaa oo ku sugnaa goobta gaariga ku qarxay ayaa la sheegayaa inay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir. La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baardheere (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya kuna sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa dalbaday in lasii daayo taliyahooda oo ay sheegeen inuu ku xiran yahay magaalada Muqdisho. Ciidamadaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la xeray taliyaha galiyaha guutada 49aad ee ka howlgasha Gobolka Gedo, islamarkaana ay dalbanayaan in laga sii daayo xabsiga ku yaala magaalada Muqdisho. Saraakiil ka tirsan ciidamadan ayaa warbaahinta u sheegay in la xiray taliyahooda Faarax Cabdi nuur kadib markii degmada Baardheere lagu toogtay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Waxa ay baaq u direen taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(indha-qarshe) iyo Saraakiisha Maxkamada Ciidamada,kaas oo ku aadan in lasii daayo taliyahooda oo ku xiran Magalada Muqdisho. Saraakiishaan ayaa sheegay in taliyaha uu u xiran yahay Al Shabaab lagu toogtay Baardheere, islamarkaana aysan ogeyn goorta Al Shabaab lala heshiiyay, maadaama ay fulinayeen amarkii ahaa in Al Shabaab lagu toogto halka lagu arko oo taliyaasha ka sareyso ay bixiyeen. Taliyaha Ururka 49 aad waxaa la xiray bishii December ee sanadkii hore ilaa haddana waa xiran yahay, waxaana saraakiisha hadashay ay sheegeen in AL Shabaab la dilay darteed loo xiray taliyahooda. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
-
DHAXALKII KULMIYE WAA TOBAN JIRSADAY. —————————————————————– GUUSHII XISBIGA KULMIYE EE 2010 KII MAXAA LAGA DHAXLAY?. ——————————————————————- MA KULAYL IYO KABO LA’AAN MISE KARAAMO IYO KORNIIN SHACAB? ———————————————————– Q.1aad: Waa Qiimayn guud oo aan isku dultaagayo casharada lama ilaawaanka ahaa , ee aynu ka baranay mudadii uu xilka hayey Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadihiisii kala danbeeyey , dhanka kale waxaan rabaa inaan kaga jawaabo Suaal muhiimadeeda leh (waa siday aniga ila tahay ) oo odhanaysa ,Xisbiga kulmiye mudadaas uu hayey talada dalka ilaa imika , maka Jawaabay baahiyaha kala duwan ee bulshada ? , Dhaymo mow sameeyey dhaawacyadii kala duwanaa ee bulshadu la dhutinaysay , Mise wuu damqay , qallay , dhaawacay , kala jabiyey quluubta umada reer Somaliland ?. Waxaad kaga boggan doontaa qormadan . Hordhac yar oo kooban : Somaliland waa wadan aan wali la aqoonsan , kana go’ay dalkii la odhan jiray jamhuuriyadii Somalia , oo ay ku biirtay 1960 kii ,iyadoo markaas ahayd dowlad taam ah oo aduunku aqoonsanyahay oo leh shacab iyo xuduudba. Halgan dheer ka dib oo naf iyo maalba ku baxeen , waxa Somaliland u suuro gashay inay la soo noqoto dowladnimadeedii ay u hibaysay inay abuurto wax la yidhaa somalinimo , laakiin lala garanwaayey ,kana dhaxashay waxii ay ka dhaxashay . Somaliland oo xoriyadeeda heshay 1991 dii , ujeedada looga soo go’ay Somalia waxa kow ka ahayd in la helo cadaalad ,sinaan ,wax wada la haansho iyo dowladnimo ku dhisan sharciga oo dadku u simanyihiin . 27 sano oo Somaliland jirtay wali hadafkaasi waa qabyo , lagamana midho dhalin . Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba xaladeeda iyo duruufaheeda siyaasadeed ,dhaqan dhaqaale lahayd ,tusaale waxay soo martay waqti lagu jiray iscafin guud iyo in la abuuro jawi guud oo nabadgelyo oo lagu wada noolaado ,quluubta shacabka laysu keeno oo dowladnimo lagu dhiso ku salaysan duruuftaas, waxay soo martay waqti kale oo dagaalo sokeeye dhaceen oo lagu jiray dib u heshiisiin iyo dib-u curasho shacab iyo inay dowladnimadu salka dhigto, waqtiyadaas waxaa ku suntanaa labadii madaxweyne ee kala danbeeyey AUN Mudane Abdirahman Ahmed Ali ahaa aabihii xoriyada ama ilaahay u fududeeyey inuu dalka qabto, kuna dhawaaqo dowladnimo , iyo AUN Mudane Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa hogaamiyihii ugu khibrada badnaa ee dowladnimada Somaliland iyo hanaankeeda dimiquraadiga ahaaba salka u dhigay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo labadoodaba. Waqti laga joogo 18 sano , waa 2001 diiye , ayaa hanaanka xisbiyada badan ka hanaqaaday Somaliland , uguna horaysay taariikhda cusub ee Somaliland tartan siyaasadeed ku dhisan sawir guud oo xisbinimo ( waxii kaleba how hooseeyaane),waqtigaas oo uu ay hormuudka xisbiyada ahaayeen xisbigii Udub ee talada hayey iyo Xisbiga Ucid. Goorma ayuu kulmiye inoogu horaysay?. ————————————————————— Xisbiga kulmiye waxa uu ka mid ahaa xisbiyadii galay tartankii ugu horeeyey ee dowladaha hoose , kuna soo baxay , waxaanu ahaa ururkii ugu danbeeyey ee la aasaaso geeridii cigaal ka dib alle how naxariistee , waxaana la aasaasay 2002, kana qayb galay doorashadii ugu horaysay ee dhacday december 2002 , galayna kaalinta labaad ururadii tartamaayey , kuna guulaystay inuu noqodo xisbi qaran . waqtigaas ayaa digadiisa qiiqeeda inoogu horaysay.Intaas halkaas aan kaga hadho . Waqtigaas talada dalka uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin , dowladnimadii la dhisay eek u timid hanaanka dimiquraadiga ah , waqtigaa shacabka somaliland waxa uu maraayey meel wacan markaad ka eegto dhanka walaaltinimada , wax wada lahaanshaha , quluubtooduna way isu soo dhawaanaysay ,dadkana maankoodu muu kala taganayn . Waqtigaas dowladii udub wax badan ayay qabatay , sida dhanka aminiga , isu soo dhaweynta bulshada , fidinta maamulka , dhismaha ciidanka qaranka , hirgalinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka ,inay u samaysay somaliland saaxiibo badan oo caalamiya mudadaas ay xilka hayeen . dhanka kale intaasba iyadoo jirto ayaa hadana shacabku waxay muujinayeen saluug badan oo ay saluugsanaayeen dowlada , kuna dhaliilayeen inay qaban karo waxaas wax ka sii badan . shacabku waxay ka cabanayeen maamul xumo , musuqmaasuq , danta guud oo markaas bilow ahayd iibinteeda , dhanka xoriyatul qowlka oo xadidnaa ,iyo arimo la la xidhiidha in rag badan oo siyaasiyiin ah iyo salaadin in la xidhxidho , cabudhin shacab . iyadoo bulshadu aaminsanayd inay waxqabadka la koriyo oo waqtigaas u fikiraysay horumar midnimo ,isu soo dhawaansho , is aamin , isku codna ay ka ahayd cabashada guud ee ay qabto . Halkaas ayuu kulmiye gaadhigiisii ugu horeeyey ka rakaabsaday ,isagoo dhibaatooyinkaa bulshadu ka cabanaysay farta ku fiiqaayey , kana dhigtay daliil , isagoo ujeedooyinkiisa kalena ee dhanka qabyaaladana u raacinaayey , isagoo fogaynaayey madaxweyniihi qaranka ee waqtigaa , kuna maxaafsanaayey dhaliilahaas jiray iyo qabqabiileed ku dhisan in beesha dhexe oo dhan laga horkeeno madaxweyne riyaale ,si uu cod ugu helo doorashadii markaas xigtay hab reeraysan , isagoo isticmaalaayey SNM iyo Faqash dhacdooyinkii dhexmaray , hadafkuna ahaa uun in Mudane madaxweyne Daahir riyaale khadka laga saaro , oo looga saaro hab beelaysan ,sidii dhaxdayba 2010. Siyaasada Qashinka ah ee Kala qoqobka , kala dilka , naxli abuurida , munaafaqada iyo kala sooca maanta ka dhex muuqda bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland , waxa uu kulmiye bilaabay ololihii doorashadii reeraysnayd ee laga badiyey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. 2010 kii markii doorashadii dhacday ee xilka uu tiriyey Mudane Daahir Rayaale kuna wareejiyey madaxweyne Mudane Ahmed Siilaanyo iyo kooxdiisii , ninkastoo xasuustow dalku meel buu maraayey dadkuna aragtidiisu waa saraysay . Dadku laba nooc ayay ahaayen codeynaayey , dad ay dabayshii kulmiye iyo siyaasadii qashinkinka ahayd sixirtay oo howshooda wata , iyo qab kale oo bulshada ka mida oo isbadal doonaayey waliba ahayd inta badan bulshadii codaysay. Halkaas markaan intaa dhigo , aan furfuro suaashan hoose; Maxaa laga filaayey kulmiye (National Expectations):? Maxaa laga cabanaayey ? halkuuse kulmiye ka bilaabay ? La soco qaybta 2aad oo aan ku furfuri doono , waxii laga rajaynaayey , waxii markaas bulshadu u baahnayd ,halkay ka bilaabeen , iyo afrariirkii bulshada ku dhacay ,yaabka yaabkii!!. Sir-Abdirashid HUssein Doha Qatar. Email:Gahaydhle@live.com Qaran News
-
Fashilaada heshiiskii DPW iyo Somaliland oo debeda u soo baxay. qalinkii A/rahman fidhinle UK. Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay 9/5/2016 taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qaban Dekedii Berbera oo ay 2 sanadood maamuleysay . Heshiiskii Somaliland iyo DPW wada galeen 9/8/2016 oo ahaa heshiis 30 sanadood oo ( Bilateral Contract agreements) ayaa ahaa heshiis sife qarsoon oo daaha dabadiisa ah loogu heshiiyey in ay heshiiskaas ku bixi doonto lacag dhan $442 Million dollar. Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan 65% oo udhiganta lacag ahaan $280 million. Somalilaana yeelato Saami dhan 35% oo u dhiganta lacag ahaan $162 Million dollar. Heshiiskan oo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur yar oo qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii 1/3/2017. Fashilaada 1-aad ee Heshiiska : Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen: 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro 2- In Beked cusub oo 800 Mitir ah la kala dhisto laba jeer oo min 400m ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto ( Wadada isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah ( free zone ) Dhamaan qodobadan lagu heshiiyey ayaan midina ka fulin, qaarna waabay dafireen sida mashaariicda arimaha bulshada. Fashilaada 2-aad ee Heshiiska: Waxaa beryahan danbe debeda u soo baxday oo isa soo taraayey in Itoobiya ay ka maaran tahay Saamiga Dekeda Berbera , maadaama dawlad cusubi ka dhalatay oo ay Ereteriya heshiiyeen. Waxaana ay dawlada Ereteriya kula heshiiyeen in ay Dekedooda xooga saari doonaan oo ay maalgashan doonaan. artintan waxaa markhaatiga u furay iyada oo Itoobiya aanay xunbo metela ku lahayn Shirkada cusub ee hada Maamusha Dekeda Berbera ee loo bixiyey Shirkada DPWorld Berbera. Ka maqnaashan ay ka maqnaatay Itoobiya maamulka cusub ee Dekeda Berbera waxay keentay in Saamiyadii heshiisku ay halkoodii hore ku soo noqdaan oo Somalilaana yeelato saami dhan 35%, DPW-na yeelato 65%. Itoobiyana meesha laga saaro. Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho, waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku khiyaamaysay, Cadan ku sameysay, Lubnaan,Sinigaal,iyo indonisa ku khiyaameysay ee USA lagaga eryey maantana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafin ku khiyaameyso xeelad iyo xoog. Fashilaada 3-aad ee Heshiiska: Bal ka warama DPW lacagtii $240 million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii 400 oo mitir ah, ayey iyagu iska dhisteen Dekad Ciidan oo balaadhan iyo Saldhig Ciidan oo bilaash lagu siiyey. Muwaadin ma ogtahay qiimaha ama kirada dhabta ah ee Saldhiga Berbera uu ahaan jiray? Sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ayaa Madaarka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaali jireen ay ku kireysteen lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo 20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 10km2. Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba, Saldhig yar oo 3km ah oo dalka China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay $20 million dollar sanadkiiba. Saldhig yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii. Hadaba waxaa layaab iyo amankaag shacabka reer Somaliland ku noqotay markii dhawaan uu Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Xaji Ali Shire uu cadeeyey in aan la kireyn Saldhiga Berbera ee mashaariic Aabahood goblamay oo aan la fulin aynu ku bedelanay Saldhiga berbera oo dhererkiisu yahay 20 km2 iyo weliba Saldhiga Badda oo isna dhan ilaa iyo 10 km2 – Arintani waxay u baahan tahay in hayadaha ay khuseysaa ay dabo galaan oo baadhitaan mug leh ku sameeyaan. Waa in Saldhiga Berbera kiro badan aynu dhaafsanaa ama ictiraaf inoogu bedelaan. Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska DPW iyo heshiiska Saldhiga Berbera oo isku sidkan Baarlamaanka dib loogu soo celiyaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay qaranka Somaliland. Waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado Heshiiskan ilaa iyo kirooyinkiisii la sii Carbuuntay ee la sii qadintay ee dalka lagu dhacay. Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso! Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Qaran News
-
Xukumadda Xaraf Iyo Siyaasadda Jidhka-Is-gali. WQ Axmed-xiis Dharbaan Erey-bixintu waa udub dhaxaadka fahanka. Xukumadda Muuse uguma yeedhi karno Kulmiye waayo, xisbigii kama muuqdo talada; uguma yeedhi karno Jeegaan waayo, jeegaantu uma dhamma taladda. Aynu ugu yeedhno Xaraf, magacaa ayaa urusanaya madaxtooyada ardaagu isku urursatay; ururada dahsoon ee haybta la wadaaga Muuse iyo hab-raaca maamul ee xukumadda Muuse. Xukumadda xaraf, waxa ay keentay siyaasad la yidhaa ‘JIDHKA IS GALI’. Jidhka-is-gali waxa ay ka dambaysay siyaasado hore oo lakala odhan jiray KU-JIQSII iyo INDHAHA-KA-QARSO. Ku-Jiqsii waxa isticmaali jiray Kulmiyihii Siilaayo, waagii uu mucaradka ahaa. Indhaha-Ka-Qarso waxa iyadana isticmaalay maamulkii Siilaayo, maalmihii uu xukunka hayey. Jidhka-Isgali ma aha aragti ugub ah, aragtidan jidhka is gali waxa hellay bilawgii cullimada Anthropology-ga, mar labaadna waxa fahmay Nobert Elias. Elias dhiganihiisa ‘The Civilizing Process’ jidhka is gali waxa uu ku macneeyey: Laba bulsho oo kala duwan, marka ay darsamaan – dawlad oo kale – mid ayaa ka tanaasula qiyamkii nololeed ee uu amminsanaa. Sida muuqata HJ iyo HA markii ay midoobeen waxa tanaasulay HJ oo jidhka is galisay. Jidhka-Is-Gali, waxa si wacan daboolka uga qaaday quwada sadexaad ee Psychology-ga – Humanism – Jidhka is gali luuqada ‘English’ta waxa ay noqonaysaa ‘submissive’ dadka qaarna waxa ay dhahaan ‘nonassertive’. Waa dhaqan/dabeecad uu qofku ama ummaddu qaadato marka ay ka tanaasusho waxa ay xaqa u leeyihin. Qofka insaanka waxa uu leeyahay xudduud – Physically, Psychologically, Emotionally and Values – xududahaa qofku marka uu quwiga yahay wuu difaacdaa, isaga oo aan xadgudub ku samaynayn dadka kale hayeeshee, xuquuqdaa wuu lumiyaa qofku marka uu diciifo. W.H. Auden gabyaa la odhan jiray ayaa ku qeexay masafadiisa sidan: Some thirty inches from my nose The frontier of my personal goes ….. Caadiyan waxa jira dad dhaqankaa liidnimada ah qaayiba. Waxa ay dhahaan dadkaasi: “Waa iska caadi”, “Adigu dooro Aniga waa isugu kay mid”. Dadka dhaqankan wata waxa ay jecel yihiin in loogu yeedhi ‘hebel waa qof wacan’ waxa ay qariyeen dareenkooda, waxa ay raalli galiyaan dadka kale. Akhirkana dadkani waxa ay ku dambeeyaan nolol madhan. Albert Scheflen iyo Norman Ashcroft dhiganhooda ‘Human territories’ waxa ay leeyihiin qofku in uu sheegto baahidiisa amaba uu difaacdo xadkiisu waa awood lagu dhasho mararka qaarna dhaqanka ayaa sababa. Theodore White ayaa isna ogaaday in xadka madaxdu uu ka balaadhan yahay kan qofka shacabka ah. JFK ayuu usoo qadanaya tusaale oo uu leeyahay xoogaa wuu iska barbarin jiray dadka si aanu ugu milmin bulshada caadiga ah. Jidhka is gali, waxa hadda faafiya Xukumadda Xaraf oo dadka ku dhiirigalinaysa in aysan ka hadal dareenkooda, haddii ay ka hadlaana waxa ay ku handadaan, “waanu iddin xidhaynaa”! Taasina waxa ay keenaysaa natiijadda laga dhaxlo jidhka-isgali oo ah ‘Volcanic Eruption’. Dadka laguma maamulo jidhka is gali, mana aha siyaasad waxtar u leh kuwa wax maamulaya iyo kuwa maamulayaba. Xukumadda Xaraf caqabadaha haysta waxa ka mida jahli xadhka goostay! Makala saari karaan ‘good and right’. Inbadan baad arkaysaa iyaga oo leh, sharciga ayaa sidaa leh iyo sharciga ayaa ii diidaya bale, waxa aysan garanayn sharcigu ‘law or legal’ in uu ka sareeyo ‘Goodness’. Waxa iskaga qasan sadex shay oo lagu barto Fiqiga – Jurisprudence – oo la kala yidhaa – Legal, Ethics and Morality. Xaraf waxa ay dooratay in ay martabada dalka laga maamulo gayso dhaliinyaro macaashdoon ah, cilmiga ay barteena yahay sida faqriga looga cararo balse, aan aqoon durugsan u lahayn sida insaanka loogu kala xaqsoore. Jidhka-is-gali waxa liddi ku ah ‘Adyad’ – Aggressive. Aggressive waxa ay Soomaalidu macnaystay qaybta Adyadda. Kalmada xididkeeda oo ah ‘Aggredi, latin’ macna-ahaan waa: raadso/doono. Muuse ayaa kursiga ku koray adyad uu dheera ragii ay isku hirdiyeen Kulmiye gudihiisa. Adyaddu waa ay ka wanaagsan tahay Jidhka-is-gali balse, iyadda lafteedu waxa ay abuurtaa bulsho isu wada tahaysa, caddaawad iyo in kii adyadda guushu ku raacday uu akhirka noqdo qof cabsi la nool oo aan haysan rafiiq. Labada jiho waxa u dhexeeya ‘Assertive’. Assertive waa dhaqanka ugu wnaagsan walow dad badani ku arkayaan qof dantiisa wajiga kusoo qortay hadana, in uu qofku sheego waxa uu doonayo/diidan-yahay waxa ay abuurtaa nabad. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya aysan lahayn wax miisaaniyad ah, oo ku filan. Tarsan oo wareysi siiyey taleefishinka Universal ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo ku filan oo lagu socodsiiyo howlaha safaaradda aysan haysan. Waxa uu intaas ku daray, in inta badan ay isku dabaraan lacagta laga helo baasaboorka Soomaaliga ee ay u sameeyaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalka Kenya. Tarsan ayaa dhinaca kale sheegay in xitaa uusan haysan guri uu dego oo uu ku noolaado safiir ahaan. “Aniga laba qol inta aan ka dhex dhisto safaaradda waan degi karaa, balse taas sharaf maaha, safiirka wuxuu u baahan yahay guri karaamo leh, oo uu ku casuumi karo safiirada sida isagaba loo casuumo” ayuu yiri Tarsan. “Aniga oo safiir ah ma waxaan dhex degaa laba qolo oo apartment ah, waxaas ma sharaf baa, haddii ninkii ugu sarreeyey waddankan uu yahay homeless (guri la’aan) waa dhibaato” ayuu yiri. Hoos ka daawo Tarsan Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Popular Contributors