Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,392
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar mas’uul oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad kale oo la socda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, in wasiirrada hore ay shalay soo gaareen Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan la sheegin sababta ay u socdaan. Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda. Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday. Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho. Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana macquul ah in xubnaha kusoo aadaya beesha Isaaq ay wax ka doonayaan mas’uuliyiintan yimid Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Adiga ayaan kuu shaqeeyaa! Xamse Cumar Kujoog Hadda ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada iyo marti kale oo uga timi dawladaha jaarka ah. Waxa uu u yeedhay mid ka mid ah shaqaalihiisa, waxa uu ku yidhi; “Maanta waan daalay oo qado waafi ah ayaan u baahanahay’e, inanka cuntada karinaya inoogu dir Kalluun. Kalluun ayaan maanta aad ugu niyadsamahaye! “. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa yidhi; “Haye, Mudane Madaxwayne, Kalluunka waliba waad u baahan tahay oo daalka waa ka dawo, sidoo kalana waxa uu leeyahay Faytamiinno jidhka iyo maskaxdaba soo celinaya oo waan hubaa in kolka aad cunto aad firfircoonaan badan ka heli doontid” Madaxwaynihii ayaa ku yidhi; “Inkastoo calooshu igu xanuunto, haddana yeelkeed’e inoo dir.” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Mudane Madaxwayne, waa runtaa oo Kalluunku calool xanuun ayuu leeyahay, balayaadu waliba waa wada lafo oo haddii midh keli ahi kuu dhuumato waa khatar, sidoo kelana yalaalugo iyo laabjeexna way u raacaan”! Madaxwaynihii oo yaabban ayaa ninkii waydiiyay; “Waar miyaad xanuusanaysaa? Halkaad hal mar ammaan iyo dhaleecayn wada socda isugu daraysaa Kalluunka?” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Madaxwayne, anigu adigaan kuu shaqeeyaa ee Kalluunka uma shaqeeyo, wixii aad tidhaahdabana waan kugu raacayaa, haddaad ammaantana waan u kula ammaani, haddaad dhaleecaysana aakhiro ayaan u dirayaa”! Dhacdo ka mid ah kumannaanka dhacdo iyo sheeko ee guulwadaynta indhaha la’ ah ee ka dhacda dunida aynu ku noolnahay ayay dhacdadani tusaale u tahay! Waxa iyaduna la mid ah, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin Boqor ah oo duurka u ugaadhsi tagay waxa uu la kala baxay leeb iyo qaansadiisii si uu ugu gano shinbir geed u dhaw saarnayd. Kolkii uu ku ganay ayuu la waayay, isla markiiba mid guulwade ah oo ag boodayay ayaa la soo booday; “Boqor, si wanaagsan ayaad yeeshay!” Boqorkii oo yaabban ayaa yidhi; “Oo maxaan wanaajiyay waaban la waayae!” Ninkii ismaba uu dhibine aad yar ayuu ku jawaabay; “Boqoroow lamaad waayin’e shinbirta ayaad u naxariistay”. Waxa iyaduna aan kuwaas hore ka fogayn dhacdo kale oo la yaab lahayd. Waa Madaxwaynihii wadanka Masar, Jamaal Cabdinaasir oo khudbad ka jeedinaya aqalka Golaha Wakiillada ee dalkaas, kaddib markii ay isku dhaceen Masar iyo Suuriya. Waxa uu Madaxwayne Cabdinaasir yidhi isagoo Golaha hortaagan; “Waxa aan amray ciidamadeenna baddu in ay dhaqaaqaan oo ay Suuriya ku duulaan…” Isagoo halkaas maraya ayay xildhibaannadii sacab isla oogsadeen, kolkii ay sacabkii dhammaysteen ayuu hadalkiisii sii watay oo yidhi; “Haddana waxa aan ka fikirkay midawga carbeed oo waxa aan amray ciidamadeennii in ay soo laabtaan!”, sidii hore si ka badan ayaa haddana sacabkii isu qabsaday! Cajiib! Guulwadaynta indhaha la’ ee aan tilmaamaynaa waa taas ah in laba fal oo iska soo horjeeda daqiiqad gudaheed sacabka loo wada garaaaco! Waxa aynu dhammaan ognahay in qof kasta oo Madax ah meesha uu doonaba ha joogee, inuu leeyahay in ka ag dhow oo uu la tashado. Ha noqdo Madaxwayne wadan idilkii maamulaya, Wasiir, Maamule Shirkadeed ama dugsi iyo wixii la mid ah. Qofka haddaba cid hawl ummadeed haysa ka-ag-dhow, waxa ku habboon inuu qofkaas runta u sheego, talo wanaagsan oo sidii ugu mudnayn ee uu yeelilahaa ahna uu la wadaago, taladaas oo qalbi iyo daamir saafiya uu ku gudbinayo, waxbana aanu ka habranayn, sidoo kalena aanu islahayn wax ku hel, ku dhac ama cid kale ku duudsi, waa sida laga rabo qofka madaxda ka ag dhow wixii uu qofkaas madaxda ahi kala tashado. Nasiibdarrdu’se, waxa ay tahay, in Alle, damiirka iyo dadnimadaba u badbaadiyay oo tiro ahaan koobmaysa sida runta ah, mooyaane, in loo badan yahay “Guulwadayaal” u sheega qofka Madaxda ah inuu keligii saxsan yahay! Salaamaad! Xilliyada qaar saxnaaantaasi waxa ay noqonaysaa mid dhaw, marka loo eego “Guulwaydayn”-ta Indhaha la’! Waxa madaxda loogudaraa in ay saxansiyiin, tilmaamo kale oo ay mid noqon karaan, hadal u dhigma; In bulshada aanu dib usoo mari doonin mid isaga la mid ahi. In bulshadaasi tahay mid nasiib badan kol haddii hebel Madax u yahay’! Guulwadayntaas danbe waxa ka Tusaale noqonaysa, mar dhawaan uu Jabuuti ka lahaa mid ka mid ah kuwa Ilaahay innagu imtixaamay “Waligiin idin soo mari maayo madaxwaynahan oo kale, kii beddeli lahaana wali muu dhalan” Beerka lagugu dhufay ma idhaahdaa, bal ummaddaas dhan sida uu u caqli caayay u fiirso. Madaxdan gurracan ee haddana isla saxan, in badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ay innagu hayaan waxa sabab u ah inta ka agdhaw ee sacabka iyo mushxaradda la ag joogta, inta guulwadaynta iyo madax buuxinta mooyee aan dhaqan kale aqoon, Waa kii lahaa Abwaan, Maxamed Ibraahim Warsame -Hadraawi – Ilaahay caafimaad sareecan ah ha siiyee ;- “Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunud.”! Dadka noocaas ah ee marwalba la hoos taagan Madaxda in xukuumadaha ay gadhwadeenka ka yihiin ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee bulshada soo mara, waa kuwo khiyaamo qaran kula kacaya bulshada, sidoo kalana si aanay dareensanayn ,waxa ay hoojinayaan, ka ay ka hoos shaqaynayaan oo haadaamo ay uga tallaabsanayaan! Go’aanno badan oo aynu maanta la rafaadsannahay, waxa hubaal ah in aanay inta ugu badan yimaaddeen, haddii uu ninka talada hayaa helo cid gacanta qabata oo wixii wanaagsan u sheegta, wixii gef iyo gardarro ahna ka qabata! Bulshada kolka lagu soo rogo kumannaan cashuuro ah oo aanay qaadi karin, ma aragtay qof muwaadin ah oo sheeganaya “Dhaqaaleyahan” oo bulshada ugu dhaaranaya in ay cashuurtani tahay mid sharci ah oo baahi loo qabo? Ogow oo isaga laftiisu wuu ogyahay in ay tahay xaqdarro se waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa! Aynu dhanka kale u rogno hadda’e, ma aragtay marar badan, Wadaad, boqollaal “Aayadood” u soo qaadanaya, go’aan uu qaatay nin Madax ahi, si uu innoogu sheego in go’aan kaasi sax yahay? Yaah! Waxba ah yaabin akhriste, aadyar adiga oo aan dhibtoon waxa aad ogaata, “ isagu si waafiya ayuu u ogyahay inta badan, in aayadda iyo xadiiska uu luqunjibaadhayaa aanay halkaas munaasib ku ahayn”, Balse waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa oo halkaa la galaya! War caddaaday. Qaran News
  3. A senior Somali police officer was killed in a car bomb explosion in the capital on Tuesday morning, witnesses said. The incident took palace at Sey Piano junction after an explosive device fitted into the officer’s vehicle exploded. The post Car bomb blast kills security official in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Magaalada Addis ababa kula kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ee ka qeybgelayay shir madaxeedkii 32-aad ee Miudowga Afrika. Mr Museveni ayaa qoraal uu ku qoray Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadaha hadleen xiriirka labada dal, sidii loo adkeyn lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen amaanka, xiriirka iyo waxbarashada. Kulankan ayaa yimid dhowr toddobaad kadib markii Museveni uu aflgaadeeyey Soomaaliya, isaga oo sheegay inaysan lahayn wax nidaam dowladeed ah. Hadalkaas ayaa waxaa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo sheegay in Museveni iska hadlay, islamarkaana ay arrintan si hoose ugala hadli doonaa. Si kastaba ma cadda haddii arrintan lagu soo qaaday kulankii Museveni iyo Farmaajo. Uganda waxaa ay safka hore uga jirtaa waddamada Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya,waxaana socda qorshe Ciidanka AMISOM looga saarayo dalka. Museveni iyo hoggaamiyayaasha kale ee Afrika ayaa saaka isaga tagay Magaalada Adis ababa oo ay ku sugnaayeen dhowrkii habeen ee la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  5. Guddiga nabadeynta gobolka mudug ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhanka amniga gobalkaas. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la kulmay guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan nabada iyo wadajirka. Waxa uu Xaaf ku bogaadiyey guddigan sida ay xilka isaga saareen nabad kusoo dabaalidda gobolka Mudug. Kulankan ayaa la isku fahmay in lasii xoojiyo howlgallada ammaanka lagu sugayo iyo sidoo kale wadashaqeynta buuxda ee Labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa xoojiyey holwgalada ay ka wadaan furimaha hore ee aagga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa saacadahii lasoo dhaafay ee saaka waxay weerar [...] Source
  7. Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa burburiyay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Jubbada Hoose kadib howlgal saacado qaatay oo ka dhacay halkaasi. Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo guutada 43 aad ee ciidamada xooga dalka ayaa ka dhacay degmada Jamaame iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga. Saraakiil u hadashay ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab islamarkaana ay ku burburiyeen saldhig ay degmada ku lahaayeen. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay ku soo saareen ku dhawaad 20 miino oo dhulka la geliyay kuwaasi oo la doonayay in lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda marka wadooyinka ay adeegsanayaan. Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ka bilaabeen deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday malayshiyaadka Al-shabaab. Caasimada online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  8. Addis Ababa (SMN) – Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, saaxiibada caalamka iyo ururada gargaarka bani’aadanimo ka fuliya Soomaaliya oo ku kulmay shirkii Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa madaxdii shirkaasi ka qeyb gashay ka codsaday in Soomaaliya laga taageero sidii looga cafin lahaa deymaha caalamiga ah. Madaxdii Soomaaliya ku mataleysay shirkii Addis Ababa ayaa dalalka Midowga Africa ka dalbaday in ay codkooda ku biiriyaan dadaalada Soomaaliya looga caafinayo deymaha lagu leeyahay, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay taasi ka caawin karto in ay dib u dhis xoogan ku sameyso kaabayaasheeda dhaqaalaha iyo sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyen abaaraha iyo colaadaha. Wasiirka wasaaradda qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, sidaas darteedna cafinta deynta lagu leeyahay ay fududeyn doonto qorshaha horumarinta Qaranka. Midowga Africa ayaa ku dhawaaqay in uu hormuud ka noqon doono dadaalada ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan cafinta deymaha lagu leeyahay,si ay u hesho gargaar caalami ah. Deynta cafinta Soomaaliya ayaa hoos imaaneysa ha’yadda lacagta aduunka ee IMF iyo dalalka deeq bixiyeyaasha oo horay u sheegay in deymo badan ay ka cafiyeen Soomaaliya, kadib markii ay arkeen horumarka ay wado dowladda Soomaaliya. Source-CTGN. The post DSF Oo dalbatay in laga taageero qorshaha deyn cafinta appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Inta la xaqiijiyay askari ka tirsnaa ciidamadda Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhintay kadib qarax lagu xiray gaari uu watay. Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmadda Hodan ee gobolka Banaadir. Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa nooca Soomaalida u taqaano Caarip waxaana saarnaa askariga oo kaliyah,wuxuuna qarxay xili uu ku dhawaa beerta aaadka lagu iibiyo. Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamadda amaanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana goobta laga qaaday meydka askariga. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal loo geysto ciidamada iyo dadka la shaqeeyo dowlada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Xoghaye Ku Xigeenka WADDANI Oo Ka Hadlay Lacagta 2% Ah Ee Gobollada Bari Farriina U Diray Madaxweyne Biixi “Waxaan Leenahay Wixii Aad Ka Baratay Cigaal Ee Aad Sheegtay Ku Dhaqan Oo Dul-Qaad Yeelo Samir Yeelo,” Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay lacagta horumarinta Gobollada Bari loogu talo galay ee dhawaan Golaha Wakiilladu sheegay in lagu isticmaalo meelo aan loogu talo gelin. Jamaal Jaamac Xaamud ayaa waraysi gaar oo uu siiyay Wargeyska Waaberi, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanay lacagtaas lunsan sidii xukuumaddii hore ee KULMKIYE, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la gaadhsiiyo gobolladii loogu talo galay Xoghaye Jamaal oo wax laga waydiiyay sida ay u baxdo lacagta 2% ayaa yidhi “ Arrintaa 2% waa jirtay in loogu talo galay in lagu horumariyo Gobollada Bariga oo loo saaray cashuurta dadka shacabka ah ee Ganacsatada ah in lagu soo kiciyo Gobollada Bariga , runtii labadii sano ee ugu dambaysay ma dhicin sidii loogu talo galay ummay gaadhin wixiina waxa laga dhigay Somaliland oo dhan wax ka dhaxeeya , markii hore waxa uu qorshu ahaa in lagu soo kiciyo gobollada Bariga dalka oo ka hadhay gobollada Galbeedka markaa gobolladaa habsaamay ee dib u hadhay in la soo kiciyo oo lagu soo kiciyo nabada lagaga shaqeeyo, horumarka lagaga shaqeeyo ayey ahayd, laakiin sidii loogu talo galay umay dhicin, hadda waxaanu jecelnay maaddaama labadii sano ee u dambeeyey ay luntay in hadda laga hawl –galo sidii lacagtaa loo gaadhsiin lahaa gobolladii loogu talo galay ee gobollada Bariga oo loo soo gaadhsiin lahaa gobollada Galbeedka ayaanu jecelnay inay dhacdo oo KULMIYIHII hore haddii uu khasaare keenay aanu KULMIYAHA danbe kula xisaabtano .”Ayuu yidhi Xoghaye Jamaal. Waxa kale oo uu sheegay Xoghaye xigeenka WADDANI inuu Madaxweyne Biixi indhihiisa ku soo arkay gobollada Bariga baahiyaha ka jira iyo in aan wax-ba lagaga qaban lacagtaa 2% ee la leexsaday labadii sano ee u dambeeyey “ Madaxweyuhu waa tii uu waddanka soo maray, waa arkayaa oo waa ujeedaa qorshuhu sida ay ahaydna waa garanayaa waxaanu jecelnay inay gaadhay arrintaasi oo uu hayo, maalintii dhaweydna waa tii la lahaa meelo kale ayaa wax lagaga qabtay , haddii wax lagu qabanayo in gobollada Bariga wax lagaga qabto ayey ahayd lacagtaas.waxaanu jecelnahay inay hawshaa si miyir qabta inay u gaadho gobolladii loogu talogalay 2% kaasi .” Geesta kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi laga rabo sidii uu isu soo gaadhsiin lahaa gobollada Dalka Bari iyo Galbeed “Madaxweynaha isaga ayey u taalaa isaga ayaa waddanka Madaxweyne u ah isaga ayaa ay gacantiisa taladu ku jirtaa, siduu gobollada isu soo gaadhsiin lahaa oo uu gobolladaa Bariga u soo kicin lahaa oo uu u soo gaadhsiin lahaa gobolada horumaray ee galbeedka Madaxweyne Biixi ayaa laga doonayaa “ Ugu Dambeyn Xoghaye Jamaal Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Bixii inuu ku dhaqmo samirkii iyo dul-qaadkii uu sheegay inuu ka bartay Ex Marxmuum Madaxweyne Cigaal , isla markaana uu dadka iyo dalka isku wado “Maalin dhaweyd waxaan maqlayey Madaxweynaha oo leh Cigaal waxaan ka bartay siyaasada ah dul-qaad iyo isu tanaasul iyo in la isku wado Somaliland baan ka bartay ayuu yidhi markii aan ahaa wasiirka arrimaha Gudaha ee Cigaal, waxaan leenahay wixii aad ka baratay cigaal ee aad sheegtay ku dhaqan oo dul-qaad yeelo Samir yeelo dadkii sidii aad iskugu wadi lahayd ayaa lagaa rabbaa ee aad iskugu soo dhaweyn lahayd, in aad dalka isa soo gaadhsiiyo in aad dulqaadkii iyo tanaasulkii aad ka baratay Cigaal aad ku dhaqanto ayaa lagaa rabbaa ileyn adaa yidhi waan la bartee .” Qaran News
  11. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey Dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba ay ku garab taagan yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay dalka Suudaan, ayna xoojinaya baaqyada ku aaddan ilaalinta xasilloonida iyo wada jirka shacabka iyo dowladda dalkaas. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Suudaan heshiiskii nabadeed ee Khartoum ay ku marti gelisay kooxaha hubaysan iyo Xukuumadda dalka Afrikada Dhexe iyo kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso nabadaynta dalka Koonfurta Suudaan. Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha la taaban karo ee ku qotama dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyeyaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa yeeshay kulan doceed inta uu socday Shirweynaaaha joogtada ah ee 32-aad ee dalalka Ururka Midowga Afrika, iyadoona ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal iyo sidii loogu jaan gooyn lahaa hiigsiga labada dal, xaaladaha Goboka iyo qadiyadaha ay dan wadaagta ka yihiin labada Dowladood. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, cilmi barista iyo mideynta dadaallada lagaga hortagayo tahriibta. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay dhiggiisa Sudan appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaadanaya Guddida Doorashooyinka Si Uu Mawqifkiisa Kala Dirista Komishanka Ugu Bandhigo Xubno Komishanka Ka Tirsan Oo Madaxweynuhu Muddo Sugayay Oo Dalka Ku Soo Laabtay Iyo Ergooyin Dib U Dardar Gelinaya Isu Soo Dhawaynta Xisbiyada Xubno ka tirsan Guddida Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa dalka dib ugu soo laabtay. Xogo wargeyska Waaberi helay ayaa tilmaamaya in xubnahan uu sugayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu kulan ula qaato todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka. Kulanka oo la filayo in uu maalmaha soo socda qabsoomo ayaa la filaya in madaxweynuhu kala hadlo xubnaha Komishanka arrimo ku saabsan muranka hadheeyay ee ah in la kala diro. Wararku waxay intaas ku dareen in madaxweyne Biixi doonayo in guddida uu kala hadlo sidii ay xilka u bannayn lahaayeen, iyada oo guddida lafteedu aan ku adadkayn sii joogista xilka maaddaama mudda xileedkoodu ka soo horeeyo doorashada Wakiillada oo muranka Komishanku caqabad ku noqday. Geesta kale xogo wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland iyo ergooyin wehelinayay oo hore kulamo ay qabanqaabiyeen xisbiyadu ugu kala kaceen dib u abaabulayaan dhexdhexaadin udub dhexaadkeedu yahay sidii guddida doorashada ee aan wakhtiga badan u hadhin xilka uga tagi lahaayeen si loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay oo dardar geliya qabsoomidda doorashada dhammaadka sanadkan qorshaysan. Siyaasi Axmed Cali Ubaxle oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa waraysi uu shalay siinayay telefishanka Somali Cable ku sheegay in loo baahan yahay in Komishanku arrinta fududeeyo oo iscasilo “Waxaan jeclaan lahaa guddida Doorashada laftoodu dad badana way yidhaahdeene dalka iyo dadka in ay u daneeyaan oo iyaga oo aan cidna dambi ka gelin ay iscasilaan oo yidhaahdaan ‘haddii ay anaga arrintii(Doorashadii) noo taaggan tahay billaa caleeg halkaas ayaanu dhignay ee ummadda reer Somaliland eey ka taliya’ in ay yidhaahan baan jeclaan lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ubaxle. Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Siciid Cali Muuse, Komishaneer. Cabdifataax Ibraahim Xasan iyo Komishineer Maxamed Jaamac Maxamed.oo dalka dibaddiisa ku maqna ayaa dhawaan soo laabtay kuwaas oo hore wargeyska Waaberi u sheegay in madaxweyne Biixi sugayo si uu mawqifkiisa Komishanka ugu bandhigo taas oo maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in ay kulmaan. Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi cadaadis ku saartay inay xaliso muranka la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka , kaasi oo ay ubucdiisu tahay qaddiyadda la xidhiidha 7 xunood ee Komishanka doorashooyinka in xal laga gaadhi inta ka horaysa bisha Maraaj si ay doorashadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talagalay, Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dedaalayaa sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigaa loo qoondeeyey, isla markaana tixgelinayaa dhawaaqa Beesha caalamka ayaa hadda isku diyaarinayaa inuu xal ka gaadho qaddiyadda Komishanka Doorashooyinka,iyada oo uu murankaa Komishanku ahaa carqalad soo taagnayd in badan isla markaana dib u dhigay doorashadii mudaysnay inay dalka ka qabsoonto Bisha Maraaj ee sanadkan. Qaran News
  13. Rag ku hubeysan bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada magaaladaasi. Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash, waxaana markii la dilayey uu kasoo baxay masjid uu salaadda cishaha kusoo tukaday. Goob jooge ayaa inoo sheegay in raggii dilka geystay ay halkaasi isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka. Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe amni ahaan waxa ahayd mid faraha kasii baxaysay iyadoo ciidamada ammaanka ay howlgallo wadeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari weyn oo ah kuwa xamuulka qaada oo marayay waddada Astaan Hobyo ee magaaladaasi. Ugu yaraan illaa afar Qof ayaa ku dhaawacantay shilkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay soo gaartay waxyeelo xoogan ayaa lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/02/warka-cali-gaab-shabelle-mooto.mp3 il The post Shil khasaaro geystay Oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Saddex masuul oo xilal wasiirnimo oo kala duwan ka soo qabtay xukuumadii Axmed-siilaanyo ayaa toddobaadkan ka degay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in saddexda masuul kala yihiin Wasiirul dawlihii Cadaaladda Khadar Axmed Diiriye, Wasiir-xigeenkii qorshaynta Axmed Aadan Ismaacil (Kayse) Wasiir-xigeenkii caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo isaga uu Siilaanyo xilka ka qaaday ka hor ololihii doorashadii madaxtooyada ee 2017. Khadar iyo Axmed-kayse ayaa iyagu Siilaanyo la dhammaystay wakhtigiisii. Si rasmi ah looma garanayo ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka ay saddexdan masuul ee xilalka soo qabtay ay ku tageen magaalada Muqdisho, lamana garan karo in socdaalkoodu yahay mid siyaasadeed iyo inuu ku saabsanyahay dano shakhsi. Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayay inuu masuuliyiintan la xidhiidho si aanu wax uga weydiino socdaalkooda ayaanay noo suurtogelin. Wasiirul dawlihii cadaaladda Khadar iyo wasiir-xigeenki qorshaynta Axmed-kayse ayaa iyagu ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, halka uu wasiir-xigeenkii Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo uu Siilaanyo xilka ka qaaday uu isagu ka tirsanyahay golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo uu ku biiray. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Ciidammo Iyo Saraakiil Ka Goostay Somaliland Oo Ku Biiray Jabhada Kornayl Caarre Oo La Soo Bandhigay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhinteen xubno doonayay inay ku biiraan kooxda Daacish oo fariisimo ku leh buulaha deegaanada Puntland. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa la sheegay in xubnaha ay qabteen ay ku wajahnaayeen buuraha Cali Miskaad oo Puntland ka tirsan halkaasi oo saldhig ay ku leeyihiin kooxda Daacish. Qoraal lagu daabacay barta ciidamada gaarka ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay qabteen shaqsiyaad si dhuumaaleysi ah tababar u qaadanayay kuwaasi oo ku wajahnaa buurta Cali Miskaad. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in lagu qabtay saad loo waday ciidamada Daacish ee ku sugan deegaanka. “waxay shalay 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso” “Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas”ayaa lagu yiri qoraalka. Saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland ayaa dadweynaha Gobolka Bari ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ka hortagga Daacish iyo Al-shabaab.
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Gobolka Sool Ayaa Socdaal Ku Tegey Degaanka Tukaraq, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Muqdisho)-Guddiga Midowga Afrika ayaa shaaciyey inay taageeri doonaan qorshaha Dowladda Soomaaliya ku doonayso in laga cafiyo Lacagaha daymaha Caalamiga ee lagu leeyahay, taasi oo caga-cagaynayso 4.6 Billion oo Dollar. AU-da waxay sheegeen haddii Soomaaliya laga cafiyo Lacagaha Daymaha inay taasi u oggolaan karto Soomaaliya inay helaan Kaalmayn Caalami ah. Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Saraakiisha DFS, Ururadda Bulshadda Rayidka, Ururadda Horumarinta Caalamiga ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay u ololeeyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa Daymaha lagu leeyahay. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Dhaqaalaha ee DFS, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay Somalia u baahan tahay Iskaashi, si looga cafiyo Daymaha lagu leeyahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi taageero ka geysan doonto Qorshaha Horumarinta ee Somalia. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa isagana sheegay haddii la cafiyo Daymahaasi inay taasi la micno tahay inay wax badan laga qaban karo Arrimaha Gudaha Somalia, gaar ahaan Arrimaha dadka Barakacayaasha oo ay horey Madaxda dalalka Afrika uga hadleen Kulankoodii 32-aad ee shalay ugu soo gebageboobay magaalladda Addis Abeba. Si kastaba ha ahaatee, Somalia si looga cafiyo Daymaha Caalamiga waxaa loo baahan yahay inay Hay’adda Lacagaha Calaamiga ee IMF ansixiso si ay Agaasimayaasha IMF dib u eegaan Horumarka Somalia iyo inay DFS wada-xaajood la galaan Deeq Bixiyayaasha Khaaska si ay uga cafiyaan Daymahaasi. Source
  20. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed. Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka. Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb. Warnaahinta Khaliijka ma loollan ayay kula jirtaa Ilhan Cumar? Waxyaabaha taariikhda galay ee ku gedaaman dhaarinta Ilhaan Cumar Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka: Soomaalida iyo siyaasadda Ilhaan ayaa baahisay qoraal ay “si cad” raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi. “Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,” ayay tiri Ilhaan. “Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan. Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA. Source
  21. (SLT-Washington)-Dowlada Maraykanka ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay horgeysay qoraal ay dooneyso in golahaasi ku taageero mucaaridka dalka Venezuela, halka Ruushka uu isaguna Golaha horgeeyey qoraal kale oo lagu taageerayo Dowlada Venezuela ee Nicolas Maduro. Maraykanka ayaa ku dooday in Dalka Venezuela la geeyo mucaawino isla markaana la qabto doorashooyin cusub, waxayna sheegeen inay dhankooda aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido oo bishii hore sheegay inuu isu dhaariyey inuu yahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah. Ruushka oo isaguna soo diyaariyey qoraal ka dhan ah Maraykanka farogelinta uu ku hayo dalka Venezuela ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrimaha gudaha ee dalka Venezuela loo daayo inay dhexdooda xalistaan, Ruushka ayaa la filayaa inuu awoodiisa VETO ku horjoogsado qaraarka Maraykanka doonayo. Dhinaca kale Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo diiday baaqyada uga imaanayey Maraykanka iyo xulafadiisa ee inuu xilka ka dego ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan duulaan walba oo dalkooda dibada uga yimaada. Maduro ayaa Axadii shalay sheegay inay dalka Ruushka ka dalbadeen hub cusub oo u badan gantaalo oo uu sheegay inay isaga difaaci doonaan duulaanka Maraykanka. Xukuumada Maduro ayaa sidoo kale diidan inay ogolaato mucaawino Maraykanka soo mariyey dalka Colombia oo lagu celiyey xaduuda dalkaasi, Maduro ayaa sheegay in mucaawinadaasi ay tahay mid la doonayo in loo adeegsado farogelinta dalkiisa lagu hayo. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalkaan ayaa saraakiisha ciidamada waxay sheegeen inay Al Shabaab kaga furteen gaadiid waday dhuxul badan islamarkaana ay ku dileen xubno doonayay inay gaadiidka gubaan. Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Doonka Dheere ee duleedka degmada Afgooye, waxaana dhanka dowladda la sheegay inay askar kaga dhimatay weerarka qorsheysan ee ay ku qaadeen Al Shabaab. Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka Korneyl Maxamed Cabdulahi Caraaye oo la hadlay idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in dagaal dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ay ku dhinteen 5 dagaalame oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sidoo kalana waxa uu tilmaamay iney howlgalkaasi ku soo furteen hub aad u fara badan. Howlgalkaan oo kale ayaa laga fuliyay deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida saraakiisha ciidamada dowladda Soomaalya ay sheegeen. Al Shabaab ayaa seddexdii todobaad ee lasoo dhaafay waxay Shabeelaha Hoose ku gubeen ku dhawaad 20 gaadiid oo dhuxul usoo waday magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. (SLT-Boosaaso)-Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha. Dilka ganacsadahan ayaa ka dhacay xaafada Raf iyo Raaxo ee magaaladda Boosaaso, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu salaadii cishaha ku dukaday. Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in marxuumka dhowr xabadood looga dhuftay Madaxa iyo Wadnaha, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo. Salaad Cabdi Cukaasha waxa uu xisaabiye ka ahaa Shirkadda Ganacsi oo lagu magacaabo Horseed. Magaalada Boosaaso waxaa dhowr jeer oo hore lagu dilay ganacsato, waxaana jira warar sheegaya in kooxda Daacish ay ganacsatada ku amartay inay bixiyaan lacago, taasoo u muuqata inay tahay mida lagu bartilmaameedsanayo. Si kastaba 4-tii bishan ayey eheyd markii magaalada Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxii Shirkadda P&O Ports ee Dekadda. Source
  24. (SLT-Australia)-Hakeem al-Araibi oo ah ciyaartoy qaxooti ah ayaa ku laabtay dalka Australia ka dib markii laga sii daayay xabsi Thailand ku yaalla. Ninkan oo dalka Baxrayn u dhashay ayaa Bangkok ku xirnaa labo bilood ka dib markii qabashadiisa loo cuskaday waraaq ay booliiska caalamiga ah ee Interpol u qortay Baxrayn. Dalkaas Carbeed ayaa Isniintii ka laabtay isku daygii uu ku doonayay in loo soo masaafuriyo ciyaartoyga ka dib markii uu culays kala kulmay ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamka. Boqollaal ruux oo taageersan ayaa soo dhaweeyay ciyaartoygan 25 jirka ah ka dib markii uu ka soo dagay garoonka Melbourne Talaadadii. “Waxaan jeclahay in aan u mahadceliyo Australia. Waa wax cajiib ah in aan intan oo ruux halkan ku arko iyo dhammaan dadka reer Australia ee taageerada ii muujiyay. Source
  25. Boosaaso (SMN) – Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay nin ganacsade ahaa ay ku dileen bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash. Marxuumka ayaa la sheegay in la toogtay, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu Xisaabiye ka ahaa shirkad lagu magacaabo Horseed oo ku taalla halkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa dilkiisa iyo cida fulisay, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha amniga Puntland oo ku aadan dhacdadaasi. Dhawaan ayey aheyd markii Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda DP World u qaabilsanaa dekedda magaaladaasi, kaaso oo ay dilkiisu sheegteen Al Shabaab. The post Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article