Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,375
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada howlgalka Midowga Africa ayaa shir aan caadi aheyn maanta ku leh M/Muqdisho ,kaas oo diirada lagu saarayo qorshaha kala guurka oo ay ciidanka AMISOM ammaanka dalka ugu warejinayaan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkani ayaa la sheegay in uu dabo socda heshiis ay horay u wada gaareen Midowga Africa, QM iyo DFS bishii November ee sanadkii tagay, kaas oo quseeya sidii AMISOM ay u qaadi lahaayeen dulaano ay ku wiiqayaan awooda Al Shabaab, ka hor inta aysan dalka ka bixin sanadka 2021-ka. Sidoo kale taliyeyaasha AMISOM ayaa ka wada hadlaya caqabadaha illaa iyo haatan uu wajahayo qorshahooda iyo sidii taageero dhanka Saanada loogu caawin lahaa howlgalkooda Soomaaliya. Ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Simog Malungo ayaa ugu baaqay in taliyeyaashu in ay xaqiijiyaan, sidii qorshahaasi looga dhigihii lahaa mid dhab ah oo guuleysta. AMISOM ayaa dhawaantani ku dhawaaqday in ay kun askari oo katirsan ciidankeeda ay ka saari doonto deegaanada maamulka HirShabelle. The post Taliska AMISOM oo shir ku leh magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay 9/5/2016 taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qaban Dekedii Berbera oo ay 2 sanadood maamuleysay . Heshiiskii Somaliland iyo DPW wada galeen 9/8/2016 oo ahaa heshiis 30 sanadood oo ( Bilateral Contract agreements) ayaa ahaa heshiis sife qarsoon oo daaha dabadiisa ah loogu heshiiyey in ay heshiiskaas ku bixi doonto lacag dhan $442 Million dollar. Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan 65% oo udhiganta lacag ahaan $280 million. Somalilaana yeelato Saami dhan 35% oo u dhiganta lacag ahaan $162 Million dollar. Heshiiskan oo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur yar oo qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii 1/3/2017. Fashilaada 1-aad ee Heshiiska : Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen : 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro 2- In Beked cusub oo 800 Mitir ah la kala dhisto laba jeer oo min 400m ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto ( Wadada isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah ( free zone ) Dhamaan qodobadan lagu heshiiyey ayaan midina ka fulin, qaarna waabay dafireen sida mashaariicda arimaha bulshada. Fashilaada 2-aad ee Heshiiska: Waxaa beryahan danbe debeda u soo baxday oo isa soo taraayey in Itoobiya ay ka maaran tahay Saamiga Dekeda Berbera , maadaama dawlad cusubi ka dhalatay oo ay Ereteriya heshiiyeen. Waxaana ay dawlada Ereteriya kula heshiiyeen in ay Dekedooda xooga saari doonaan oo ay maalgashan doonaan. artintan waxaa markhaatiga u furay iyada oo Itoobiya aanay xunbo metela ku lahayn Shirkada cusub ee hada Maamusha Dekeda Berbera ee loo bixiyey Shirkada DPWorld Berbera. Ka maqnaashan ay ka maqnaatay Itoobiya maamulka cusub ee Dekeda Berbera waxay keentay in Saamiyadii heshiisku ay halkoodii hore ku soo noqdaan oo Somalilaana yeelato saami dhan 35%, DPW-na yeelato 65%. Itoobiyana meesha laga saaro. Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho, waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku khiyaamaysay, Cadan ku sameysay, L ubnaan, Sinigaal,iyo indonisa ku khiyaameysay ee USA lagaga eryey maantana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafin ku khiyaameyso xeelad iyo xoog. Fashilaada 3-aad ee Heshiiska: Bal ka warama DPW lacagtii $240 million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii 400 oo mitir ah, ayey iyagu iska dhisteen Dekad Ciidan oo balaadhan iyo Saldhig Ciidan oo bilaash lagu siiyey. Muwaadin ma ogtahay qiimaha ama kirada dhabta ah ee Saldhiga Berbera uu ahaan jiray? Sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ayaa Madaarka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaali jireen ay ku kireysteen lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo 20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 10km2. Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba, Saldhig yar oo 3km ah oo dalka China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay $20 million dollar sanadkiiba. Saldhig yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii. Hadaba waxaa layaab iyo amankaag shacabka reer Somaliland ku noqotay markii dhawaan uu Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Xaji Ali Shire uu cadeeyey in aan la kireyn Saldhiga Berbera ee mashaariic Aabahood goblamay oo aan la fulin aynu ku bedelanay Saldhiga berbera oo dhererkiisu yahay 20 km2 iyo weliba Saldhiga Badda oo isna dhan ilaa iyo 10 km2 – Arintani waxay u baahan tahay in hayadaha ay khuseysaa ay dabo galaan oo baadhitaan mug leh ku sameeyaan. Waa in Saldhiga Berbera kiro badan aynu dhaafsanaa ama ictiraaf inoogu bedelaan. Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska DPW iyo heshiiska Saldhiga Berbera oo isku sidkan Baarlamaanka dib loogu soo celiyaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay qaranka Somaliland. Waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado Heshiiskan ilaa iyo kirooyinkiisii la sii Carbuuntay ee la sii qadintay ee dalka lagu dhacay. Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso! Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa ka jawaabay dhaliilaha Siyaasiyiinta qar ay ka muujiyeen shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalke ee dhawaan ka qabsoomay Magalada London ee dalka Britain. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid qorshihiisa ay horay Wasaaradda Batroolka u soo bandhigtay,isla markaana uu ahaa mid daba socday mid horay uga qabsoomay bishii Noveber ee Sanadkii tegay dalka koonfur Afrika. Siyaasiyiinta dhaliilaha ka muujiyay shirkaas ee sheegay in xirmooyin ka mida ah shidaalka Soomaaliya in lagu xaraashayo ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo xumaanta kaliya raadiya,balse aan wanaagsan dowladdu qabato arkin. “Waxaa jira si xun wax u sheeg sixiroole wuu ka daran yahay,waxaad moodaa in mucaaradka inay u gurteen in dhagahooda ay maqlaan kaliya xumaanta balse aysan fiirin wanaaga,laakin cid kasta waan soo dhaweyneynaa waayo waa sababtii aan xisbiyo badan u sameysanay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka. Isaga oo la hadlayay geba-gabadii mid ka mid ah tv-yada ku hadla afka Soomaaliga ayuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay masuuliyad weyn ka saran tahay inay qabato wax walba oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin. Ka hor inta uusan qabsoomin shirka looga hadlayay arrimaha shidaalka ee Magalada London,waxaa shirkaasi kasoo horjeestay kuna baaqay in la joojiyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka,balse warkooda aan dheg jalaq loo siinin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargaysa)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa arin layaableh ku tilmaamay shirkii jaraa’id ee uu Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku soo bandhigay Dacwado uu sheegay in Wargeyska Foore ku Xukumay, Jamaal ayaa Dhaar ku maray inaanay dacwadahaasi mid koodna ka mid ahayn kiiskii lagu qaaday Foore ee uu dhagaysigiisa ka qayb galay, waxaanu sheegay in haddii aanu ka qayb galeen uu rumaysan lahaa wixii shubay Garsoore Dalmar. Jamaal Cali Xuseen ayaa intan ku dul qoray Muuqaalka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex kaga hadlay arintan, waxaanu soo dhigay Barta uu Facebookga bulshada kala xidhiidho, waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa. Waar ileyn anagaa wax aragnay. Dacwaddii dhegaysiga ee Foore hadaanan joogi lahayn waxa uu sheegayo garsoorahu waan rumeysan lahaa anigoo sharaf u haya. Waxaa uu listka dacwadaha uu tirinayo run baan u qaadan lahaa. Ilaahay baa Igu og in waxaas uu tirinayo oo dhami aanay ku jirin dacwaddii Foore lagu soo oogay Oo Hal shay ahayd. Kolkii imika aan waraysi tegay halkuu ka keenay waxan Oo dacwado ah oo aan ku jirin dhegaysigii aan ka qayb galay, waxa la ii sheegay, ka dib markii aan hadlay, intuu xeera ilaalinta intuu u tegay uu yidhi keena listkii dacwadihii hore ee Foore Oo kuligood qaarna sanado ka hor banaanka lagu dhameystay Oo SOLJA ay uga garnaqday gudiggii Abaaraha iyo Wargeyska Foore; kuwa kalena kolkay wax cadeyn ah keeni waayeen ay xeera ilaalinta sooba dhaafi waayeen. Listka uu tiriyey ee aan isaga hor iman maan filaneynin inuu bulshadda uga dhigo in lagu haystay Foore iyo in aniga wax i dhaafeen. Runtii dacwad dhegaysigii Si fiican buu u agaasimayey Garsoore maxkamadda iyo dacwad dhegaysiga laakiin inay xoogag kale xukunkii carqaladeeyen ayaa dhici karta Oo culeys la saaray. Laakiin hadaan talo siin lahaa laba qodob: Horta waa ka mamnuuc in Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo isagoo ay tahay inuu isagu dhexdhexaad noqdo Oo aanu gelin halkii xeer ilaaliyaha. Qaladkaa Waxaa hore u galay yarka joogga Maxkamadda sare Oo intuu cadaalad daraddii ugu weynayd nagu sameeyey haddana maalintii danbe intuu shir saxaafadeed soo fadhiistay na caayey Oo noo hanjabay ( Caydiidna gar leh Cali Mahdina gar leh). Garsoorayaashiina ma waxay noqdeen siyaasiyiin iyaguna shir saxaafadeedyo sameeynaya. Anigoo ixtiraamaya Garsoore Dalmar Oo runtii isaga ixtiraam u hayo; Ilaahay baa ina dilayee yaanu dadka uga dhigin in list dheer Oo dacwado hore ah oo aan dacwadan ku jirin aanu ummadda uga dhigin in waxaas Oo dacwad ah darteed loo xukumay Foore. Waar Miyaan Ilaahay laga baqaneeynin. Walaahi meel xun baynu ku soconaa haddii Maxkamadihii iyo cadaaladdii dalku sidan tahay Oo xataa dacwaddii aan anigu fadhiyey wax kale lagu sheegayo subxaanaka yaa cadiim. Source
  5. Garoowe (SMN) – Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe. Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba. Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda. Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan. The post Golaha wasiirada maamulka Puntland Oo la dhaariyay appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Maanta oo Talaado ah ayaa madaxtooyada Garoowe waxaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee Puntland, kadib munaasabad kooban oo halkaasi ka dhacday. Waxaa dhaarinta wasiiradan goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa la dhaariyey 44 wasiir waxaana maqnaa Afar wasiir oo qaarkood dibadda ku maqan, iyadoo madaxweyne Dani uu la dar-daarmay wasiiradan cusub. Wuxuu ka dalbaday in si daacad ah ugu adeegaan shacabka ay adeegaha u noqdeen, islamarkaana muujiyaan midnimo iyo wadashaqeyn buuxda. ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato: The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Riyadh (Caasimadda Online) – Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay maamulka Aala sacuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sacuudiga loo yaqaan. warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo katirsanaa dowladda Ingiriiska. Warbixinta ayaa xaqiijisay in dowladda aala sacuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Max’med Bin salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada aala sacuud. Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baaritaannada iyo suuq geynta sacuudiga ay toban milyan oo doollar udirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo “isbedelka caalamiga ah”. Mas’uul u hadlay xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sacuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka wado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe. Dowladda sacuudiga ayaa caan ku ah in lacago Malaayiin dollar ah ay kula saaxiibto Ururo iyo dowlado halka gaajo ay udhimanayaan malaayiin qof muslimiin ah oo hantidooda ay xoog ku boobtay. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  9. Warbixin uu soo saaray ururka Freedom House oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku wanaagsan tahay xorriyadda hadalka, ganacsiga iyo siyaasadda. Ururkan oo Somaliland ku sheegay dal ayaa tilmaamay in geeska Afrika kaalinta Labaad ku jirto, balse Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti aanay xorriyad hadal ka jirin. Aqoonyahanno Somaliland ah ayaa arrintaasi isku khilaafay, waxayna qaarkood sheegeen in warbixintan sidii loo baahnaa aan loo sameyn. Waxa ay tusaale usoo qaatee qaarkood in xabsiyada Somaliland ay weli ku xiran yihiin dad doonayey iney aragtidooda soo bandhigaan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WARBIXIN-KHAALID-FOODHAADHI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen deegaanka Kobon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare kala duwan geystay, iyadoo saraakiisha ciidanka dowladda ay guulo ka sheegteen weerarkaasi. Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la Hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana waxyeelo kusoo gaarsiiyeen xubno Al-shabaab ah. Waxa uu taliyaha sheegay in ay ku qabsadeen hub badan, sidoo kalena ay fashiliyeen miinooyin dhulka ku aasnaa. Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo oo ku aaddan dagaalkan, hase ahaatee ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe howlgallo ballaaran ka wadan deegaannada Jubbaland. Halkaan hoose ka arag sawirada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiseen guddi xoojiya tayada iyo tirada waxyaabaha dalka yaalla. Guddigan ayaa ganacsatada kala shaqeyn doona sidii wax soo saarka dalka loo tayeen lahaa looguna heli lahaa Suuq wanaagsan. “Waxaan halkaan ku dhisnay gudi runtii aad iyo aad loogu baahan yahay oo in badan talooyinka nooga yimid ganacsatada ee ku howlan dhoofinta wax soo saarka Soomaaliya gaar ahaan kuwa beeraha, kalluunka iyo xoolaha” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddigan loo dhisay iney u kuur galaan wax soo saarka dalka iyo sidii tayadooda loo hagaajin lahaa looguna raadin lahaa suuq ka baxsan wadanka iyaga kaashanaya dowladda. “Waxa ay shaqadoodu tahay iney u kuur galaan wax soo raarka dalka sidii tayadooda loo hubin lahaa iyo suuqyo lageeyo, sidoo kale waa in la hagaajiyaa sidii wax soo saarka gobollada ay is ku dhaafsan jireen madaama waddooyinkii ay burbursan yihiin, waxaad arkaysaa gobol wax soo saarkii ku jaban yahay mid aad u sareeyo taasna waa in guddiga ay xil iska saaraan sidii dalku wax soo saarka gudaha uu wadanku u xoojin lahaa” Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in ganacsatada ay waajib tahay iney la shaqeeyaan guddigaan ay aas-aastay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha si wax soo saarka dalka uu u noqdo mid tayo iyo tiraba ka yeesho suuqyada caalamka ee loo iib geeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Madaxweynuhu Reer Puntland Xil mawada Deeqsiin karo haddii nin walba oo asagu wax doonaya uu reerkiisa soo jaffo si ay miiska u garacaan uguna hanjabaan [...] Source
  13. olaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe. Dhaarinta [...] Source
  14. Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe. Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba. Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda. Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay xukuumada cusub oo la dhaarshay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray afar mas’uul oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad kale oo la socda. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online, in wasiirrada hore ay shalay soo gaareen Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan la sheegin sababta ay u socdaan. Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda. Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday. Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho. Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay waxaa laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana macquul ah in xubnaha kusoo aadaya beesha Isaaq ay wax ka doonayaan mas’uuliyiintan yimid Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Adiga ayaan kuu shaqeeyaa! Xamse Cumar Kujoog Hadda ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirrada iyo marti kale oo uga timi dawladaha jaarka ah. Waxa uu u yeedhay mid ka mid ah shaqaalihiisa, waxa uu ku yidhi; “Maanta waan daalay oo qado waafi ah ayaan u baahanahay’e, inanka cuntada karinaya inoogu dir Kalluun. Kalluun ayaan maanta aad ugu niyadsamahaye! “. Ninkii shaqaalaha ahaa ayaa yidhi; “Haye, Mudane Madaxwayne, Kalluunka waliba waad u baahan tahay oo daalka waa ka dawo, sidoo kalana waxa uu leeyahay Faytamiinno jidhka iyo maskaxdaba soo celinaya oo waan hubaa in kolka aad cunto aad firfircoonaan badan ka heli doontid” Madaxwaynihii ayaa ku yidhi; “Inkastoo calooshu igu xanuunto, haddana yeelkeed’e inoo dir.” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Mudane Madaxwayne, waa runtaa oo Kalluunku calool xanuun ayuu leeyahay, balayaadu waliba waa wada lafo oo haddii midh keli ahi kuu dhuumato waa khatar, sidoo kelana yalaalugo iyo laabjeexna way u raacaan”! Madaxwaynihii oo yaabban ayaa ninkii waydiiyay; “Waar miyaad xanuusanaysaa? Halkaad hal mar ammaan iyo dhaleecayn wada socda isugu daraysaa Kalluunka?” Ninkii ayaa ku jawaabay; “Madaxwayne, anigu adigaan kuu shaqeeyaa ee Kalluunka uma shaqeeyo, wixii aad tidhaahdabana waan kugu raacayaa, haddaad ammaantana waan u kula ammaani, haddaad dhaleecaysana aakhiro ayaan u dirayaa”! Dhacdo ka mid ah kumannaanka dhacdo iyo sheeko ee guulwadaynta indhaha la’ ah ee ka dhacda dunida aynu ku noolnahay ayay dhacdadani tusaale u tahay! Waxa iyaduna la mid ah, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin Boqor ah oo duurka u ugaadhsi tagay waxa uu la kala baxay leeb iyo qaansadiisii si uu ugu gano shinbir geed u dhaw saarnayd. Kolkii uu ku ganay ayuu la waayay, isla markiiba mid guulwade ah oo ag boodayay ayaa la soo booday; “Boqor, si wanaagsan ayaad yeeshay!” Boqorkii oo yaabban ayaa yidhi; “Oo maxaan wanaajiyay waaban la waayae!” Ninkii ismaba uu dhibine aad yar ayuu ku jawaabay; “Boqoroow lamaad waayin’e shinbirta ayaad u naxariistay”. Waxa iyaduna aan kuwaas hore ka fogayn dhacdo kale oo la yaab lahayd. Waa Madaxwaynihii wadanka Masar, Jamaal Cabdinaasir oo khudbad ka jeedinaya aqalka Golaha Wakiillada ee dalkaas, kaddib markii ay isku dhaceen Masar iyo Suuriya. Waxa uu Madaxwayne Cabdinaasir yidhi isagoo Golaha hortaagan; “Waxa aan amray ciidamadeenna baddu in ay dhaqaaqaan oo ay Suuriya ku duulaan…” Isagoo halkaas maraya ayay xildhibaannadii sacab isla oogsadeen, kolkii ay sacabkii dhammaysteen ayuu hadalkiisii sii watay oo yidhi; “Haddana waxa aan ka fikirkay midawga carbeed oo waxa aan amray ciidamadeennii in ay soo laabtaan!”, sidii hore si ka badan ayaa haddana sacabkii isu qabsaday! Cajiib! Guulwadaynta indhaha la’ ee aan tilmaamaynaa waa taas ah in laba fal oo iska soo horjeeda daqiiqad gudaheed sacabka loo wada garaaaco! Waxa aynu dhammaan ognahay in qof kasta oo Madax ah meesha uu doonaba ha joogee, inuu leeyahay in ka ag dhow oo uu la tashado. Ha noqdo Madaxwayne wadan idilkii maamulaya, Wasiir, Maamule Shirkadeed ama dugsi iyo wixii la mid ah. Qofka haddaba cid hawl ummadeed haysa ka-ag-dhow, waxa ku habboon inuu qofkaas runta u sheego, talo wanaagsan oo sidii ugu mudnayn ee uu yeelilahaa ahna uu la wadaago, taladaas oo qalbi iyo daamir saafiya uu ku gudbinayo, waxbana aanu ka habranayn, sidoo kalena aanu islahayn wax ku hel, ku dhac ama cid kale ku duudsi, waa sida laga rabo qofka madaxda ka ag dhow wixii uu qofkaas madaxda ahi kala tashado. Nasiibdarrdu’se, waxa ay tahay, in Alle, damiirka iyo dadnimadaba u badbaadiyay oo tiro ahaan koobmaysa sida runta ah, mooyaane, in loo badan yahay “Guulwadayaal” u sheega qofka Madaxda ah inuu keligii saxsan yahay! Salaamaad! Xilliyada qaar saxnaaantaasi waxa ay noqonaysaa mid dhaw, marka loo eego “Guulwaydayn”-ta Indhaha la’! Waxa madaxda loogudaraa in ay saxansiyiin, tilmaamo kale oo ay mid noqon karaan, hadal u dhigma; In bulshada aanu dib usoo mari doonin mid isaga la mid ahi. In bulshadaasi tahay mid nasiib badan kol haddii hebel Madax u yahay’! Guulwadayntaas danbe waxa ka Tusaale noqonaysa, mar dhawaan uu Jabuuti ka lahaa mid ka mid ah kuwa Ilaahay innagu imtixaamay “Waligiin idin soo mari maayo madaxwaynahan oo kale, kii beddeli lahaana wali muu dhalan” Beerka lagugu dhufay ma idhaahdaa, bal ummaddaas dhan sida uu u caqli caayay u fiirso. Madaxdan gurracan ee haddana isla saxan, in badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ay innagu hayaan waxa sabab u ah inta ka agdhaw ee sacabka iyo mushxaradda la ag joogta, inta guulwadaynta iyo madax buuxinta mooyee aan dhaqan kale aqoon, Waa kii lahaa Abwaan, Maxamed Ibraahim Warsame -Hadraawi – Ilaahay caafimaad sareecan ah ha siiyee ;- “Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunud.”! Dadka noocaas ah ee marwalba la hoos taagan Madaxda in xukuumadaha ay gadhwadeenka ka yihiin ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa ee bulshada soo mara, waa kuwo khiyaamo qaran kula kacaya bulshada, sidoo kalana si aanay dareensanayn ,waxa ay hoojinayaan, ka ay ka hoos shaqaynayaan oo haadaamo ay uga tallaabsanayaan! Go’aanno badan oo aynu maanta la rafaadsannahay, waxa hubaal ah in aanay inta ugu badan yimaaddeen, haddii uu ninka talada hayaa helo cid gacanta qabata oo wixii wanaagsan u sheegta, wixii gef iyo gardarro ahna ka qabata! Bulshada kolka lagu soo rogo kumannaan cashuuro ah oo aanay qaadi karin, ma aragtay qof muwaadin ah oo sheeganaya “Dhaqaaleyahan” oo bulshada ugu dhaaranaya in ay cashuurtani tahay mid sharci ah oo baahi loo qabo? Ogow oo isaga laftiisu wuu ogyahay in ay tahay xaqdarro se waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa! Aynu dhanka kale u rogno hadda’e, ma aragtay marar badan, Wadaad, boqollaal “Aayadood” u soo qaadanaya, go’aan uu qaatay nin Madax ahi, si uu innoogu sheego in go’aan kaasi sax yahay? Yaah! Waxba ah yaabin akhriste, aadyar adiga oo aan dhibtoon waxa aad ogaata, “ isagu si waafiya ayuu u ogyahay inta badan, in aayadda iyo xadiiska uu luqunjibaadhayaa aanay halkaas munaasib ku ahayn”, Balse waa dhaqanka Guulwadaynta iyo Madaxwayne adigaan kuu shaqeeyaa oo halkaa la galaya! War caddaaday. Qaran News
  17. A senior Somali police officer was killed in a car bomb explosion in the capital on Tuesday morning, witnesses said. The incident took palace at Sey Piano junction after an explosive device fitted into the officer’s vehicle exploded. The post Car bomb blast kills security official in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Magaalada Addis ababa kula kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ee ka qeybgelayay shir madaxeedkii 32-aad ee Miudowga Afrika. Mr Museveni ayaa qoraal uu ku qoray Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadaha hadleen xiriirka labada dal, sidii loo adkeyn lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen amaanka, xiriirka iyo waxbarashada. Kulankan ayaa yimid dhowr toddobaad kadib markii Museveni uu aflgaadeeyey Soomaaliya, isaga oo sheegay inaysan lahayn wax nidaam dowladeed ah. Hadalkaas ayaa waxaa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo sheegay in Museveni iska hadlay, islamarkaana ay arrintan si hoose ugala hadli doonaa. Si kastaba ma cadda haddii arrintan lagu soo qaaday kulankii Museveni iyo Farmaajo. Uganda waxaa ay safka hore uga jirtaa waddamada Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya,waxaana socda qorshe Ciidanka AMISOM looga saarayo dalka. Museveni iyo hoggaamiyayaasha kale ee Afrika ayaa saaka isaga tagay Magaalada Adis ababa oo ay ku sugnaayeen dhowrkii habeen ee la soo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  19. Guddiga nabadeynta gobolka mudug ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhanka amniga gobalkaas. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la kulmay guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland looga baahan yahay in ay ka wada shaqeeyaan nabada iyo wadajirka. Waxa uu Xaaf ku bogaadiyey guddigan sida ay xilka isaga saareen nabad kusoo dabaalidda gobolka Mudug. Kulankan ayaa la isku fahmay in lasii xoojiyo howlgallada ammaanka lagu sugayo iyo sidoo kale wadashaqeynta buuxda ee Labada dhinac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa xoojiyey holwgalada ay ka wadaan furimaha hore ee aagga degmada Jamaame. Ciidamada ayaa saacadahii lasoo dhaafay ee saaka waxay weerar [...] Source
  21. Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa burburiyay saldhigyo ciidamada Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolka Jubbada Hoose kadib howlgal saacado qaatay oo ka dhacay halkaasi. Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo guutada 43 aad ee ciidamada xooga dalka ayaa ka dhacay degmada Jamaame iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga. Saraakiil u hadashay ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid qorsheysan ay ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab islamarkaana ay ku burburiyeen saldhig ay degmada ku lahaayeen. Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka ay ku soo saareen ku dhawaad 20 miino oo dhulka la geliyay kuwaasi oo la doonayay in lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda marka wadooyinka ay adeegsanayaan. Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ka bilaabeen deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday malayshiyaadka Al-shabaab. Caasimada online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  22. Addis Ababa (SMN) – Madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya, saaxiibada caalamka iyo ururada gargaarka bani’aadanimo ka fuliya Soomaaliya oo ku kulmay shirkii Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa madaxdii shirkaasi ka qeyb gashay ka codsaday in Soomaaliya laga taageero sidii looga cafin lahaa deymaha caalamiga ah. Madaxdii Soomaaliya ku mataleysay shirkii Addis Ababa ayaa dalalka Midowga Africa ka dalbaday in ay codkooda ku biiriyaan dadaalada Soomaaliya looga caafinayo deymaha lagu leeyahay, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay taasi ka caawin karto in ay dib u dhis xoogan ku sameyso kaabayaasheeda dhaqaalaha iyo sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyen abaaraha iyo colaadaha. Wasiirka wasaaradda qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in xilligan Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah, sidaas darteedna cafinta deynta lagu leeyahay ay fududeyn doonto qorshaha horumarinta Qaranka. Midowga Africa ayaa ku dhawaaqay in uu hormuud ka noqon doono dadaalada ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan cafinta deymaha lagu leeyahay,si ay u hesho gargaar caalami ah. Deynta cafinta Soomaaliya ayaa hoos imaaneysa ha’yadda lacagta aduunka ee IMF iyo dalalka deeq bixiyeyaasha oo horay u sheegay in deymo badan ay ka cafiyeen Soomaaliya, kadib markii ay arkeen horumarka ay wado dowladda Soomaaliya. Source-CTGN. The post DSF Oo dalbatay in laga taageero qorshaha deyn cafinta appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Inta la xaqiijiyay askari ka tirsnaa ciidamadda Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhintay kadib qarax lagu xiray gaari uu watay. Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmadda Hodan ee gobolka Banaadir. Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa nooca Soomaalida u taqaano Caarip waxaana saarnaa askariga oo kaliyah,wuxuuna qarxay xili uu ku dhawaa beerta aaadka lagu iibiyo. Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamadda amaanka dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana goobta laga qaaday meydka askariga. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal loo geysto ciidamada iyo dadka la shaqeeyo dowlada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Qarax gaari lagu xiray oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Xoghaye Ku Xigeenka WADDANI Oo Ka Hadlay Lacagta 2% Ah Ee Gobollada Bari Farriina U Diray Madaxweyne Biixi “Waxaan Leenahay Wixii Aad Ka Baratay Cigaal Ee Aad Sheegtay Ku Dhaqan Oo Dul-Qaad Yeelo Samir Yeelo,” Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay lacagta horumarinta Gobollada Bari loogu talo galay ee dhawaan Golaha Wakiilladu sheegay in lagu isticmaalo meelo aan loogu talo gelin. Jamaal Jaamac Xaamud ayaa waraysi gaar oo uu siiyay Wargeyska Waaberi, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanay lacagtaas lunsan sidii xukuumaddii hore ee KULMKIYE, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la gaadhsiiyo gobolladii loogu talo galay Xoghaye Jamaal oo wax laga waydiiyay sida ay u baxdo lacagta 2% ayaa yidhi “ Arrintaa 2% waa jirtay in loogu talo galay in lagu horumariyo Gobollada Bariga oo loo saaray cashuurta dadka shacabka ah ee Ganacsatada ah in lagu soo kiciyo Gobollada Bariga , runtii labadii sano ee ugu dambaysay ma dhicin sidii loogu talo galay ummay gaadhin wixiina waxa laga dhigay Somaliland oo dhan wax ka dhaxeeya , markii hore waxa uu qorshu ahaa in lagu soo kiciyo gobollada Bariga dalka oo ka hadhay gobollada Galbeedka markaa gobolladaa habsaamay ee dib u hadhay in la soo kiciyo oo lagu soo kiciyo nabada lagaga shaqeeyo, horumarka lagaga shaqeeyo ayey ahayd, laakiin sidii loogu talo galay umay dhicin, hadda waxaanu jecelnay maaddaama labadii sano ee u dambeeyey ay luntay in hadda laga hawl –galo sidii lacagtaa loo gaadhsiin lahaa gobolladii loogu talo galay ee gobollada Bariga oo loo soo gaadhsiin lahaa gobollada Galbeedka ayaanu jecelnay inay dhacdo oo KULMIYIHII hore haddii uu khasaare keenay aanu KULMIYAHA danbe kula xisaabtano .”Ayuu yidhi Xoghaye Jamaal. Waxa kale oo uu sheegay Xoghaye xigeenka WADDANI inuu Madaxweyne Biixi indhihiisa ku soo arkay gobollada Bariga baahiyaha ka jira iyo in aan wax-ba lagaga qaban lacagtaa 2% ee la leexsaday labadii sano ee u dambeeyey “ Madaxweyuhu waa tii uu waddanka soo maray, waa arkayaa oo waa ujeedaa qorshuhu sida ay ahaydna waa garanayaa waxaanu jecelnay inay gaadhay arrintaasi oo uu hayo, maalintii dhaweydna waa tii la lahaa meelo kale ayaa wax lagaga qabtay , haddii wax lagu qabanayo in gobollada Bariga wax lagaga qabto ayey ahayd lacagtaas.waxaanu jecelnahay inay hawshaa si miyir qabta inay u gaadho gobolladii loogu talogalay 2% kaasi .” Geesta kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi laga rabo sidii uu isu soo gaadhsiin lahaa gobollada Dalka Bari iyo Galbeed “Madaxweynaha isaga ayey u taalaa isaga ayaa waddanka Madaxweyne u ah isaga ayaa ay gacantiisa taladu ku jirtaa, siduu gobollada isu soo gaadhsiin lahaa oo uu gobolladaa Bariga u soo kicin lahaa oo uu u soo gaadhsiin lahaa gobolada horumaray ee galbeedka Madaxweyne Biixi ayaa laga doonayaa “ Ugu Dambeyn Xoghaye Jamaal Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Bixii inuu ku dhaqmo samirkii iyo dul-qaadkii uu sheegay inuu ka bartay Ex Marxmuum Madaxweyne Cigaal , isla markaana uu dadka iyo dalka isku wado “Maalin dhaweyd waxaan maqlayey Madaxweynaha oo leh Cigaal waxaan ka bartay siyaasada ah dul-qaad iyo isu tanaasul iyo in la isku wado Somaliland baan ka bartay ayuu yidhi markii aan ahaa wasiirka arrimaha Gudaha ee Cigaal, waxaan leenahay wixii aad ka baratay cigaal ee aad sheegtay ku dhaqan oo dul-qaad yeelo Samir yeelo dadkii sidii aad iskugu wadi lahayd ayaa lagaa rabbaa ee aad iskugu soo dhaweyn lahayd, in aad dalka isa soo gaadhsiiyo in aad dulqaadkii iyo tanaasulkii aad ka baratay Cigaal aad ku dhaqanto ayaa lagaa rabbaa ileyn adaa yidhi waan la bartee .” Qaran News
  25. Addis Ababa (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey Dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba ay ku garab taagan yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay dalka Suudaan, ayna xoojinaya baaqyada ku aaddan ilaalinta xasilloonida iyo wada jirka shacabka iyo dowladda dalkaas. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Suudaan heshiiskii nabadeed ee Khartoum ay ku marti gelisay kooxaha hubaysan iyo Xukuumadda dalka Afrikada Dhexe iyo kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso nabadaynta dalka Koonfurta Suudaan. Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha la taaban karo ee ku qotama dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyeyaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa yeeshay kulan doceed inta uu socday Shirweynaaaha joogtada ah ee 32-aad ee dalalka Ururka Midowga Afrika, iyadoona ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal iyo sidii loogu jaan gooyn lahaa hiigsiga labada dal, xaaladaha Goboka iyo qadiyadaha ay dan wadaagta ka yihiin labada Dowladood. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada, cilmi barista iyo mideynta dadaallada lagaga hortagayo tahriibta. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay dhiggiisa Sudan appeared first on Shabelle. View the full article