Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhawaan Waraaqaha aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynah Kenya Uhuru Kenyata oo Wareysi siinayey Talefishinka Universal oo ay si gaar u Wareysaneysey Wariye Xamdi Maxamed Kediye,wareysigaas oo saakey ahaa mid si aad ah looga hadal hayey Dalka , waliba dadka waxay faafinayeen in Tarsan uu wareysigaas ku sheegey Dhaliil uu u jeediyey Dowlada Madaxweyne Farmaajo iyadoo Bulshada ay in badan igu riixayeen wax ka qorista Warkaas oo qaarkood waxay igu celcelinayeen n warkaas uu Muhiim yahay Qoristiisa Waxaan damcay in aan wax ka qoro Dhaliisha Danjire ee la sheegey in Tarsan uu u jeediyey Dowlada ,sidaa darteed inta aanan Qorin baa Go’aansadey aan hubsado Warkaas , waxaan soo Xasuustey Maahmaahdii ahayd “Hubsiimo Hal dhan baa la siistaa” waxaan Dib u dhageystey Wareysigaas oo soconayey muddo Saacad ku dhawaad . Kor iyo Hoose baan u fiiriiyey Wareysigaas aad baan ugu lab laabtey , waxaan ka waayey Dhaliiliihii uu Tarsan u jeediyey Dowlada Farmaajo Waxaa uu ahaa Wareysi kii ugu fiicnaa oo aan dhageysto ama aan daawado ,waxaa uu ahaa wareysi u badnaa soo celinta Karaamada iyo sharafta Ummada Soomaaliyeed marka la fiiriyo Howsha Safaarada Soomaalida ee Kenya iyo sida Dadka Soomaaliyeed Xiriir ula yeelan lahaayeen safaaradda islamarkaana loo xalin karo Caqabadaha jira Hase yeeshee waxaan Wareysigaas ka dhex heley Su’aal ay Xamdi Kediye Weydiisey Danjire Tarsan oo ahayd Shirkii London ee Shidaalka waxaa uu Tarsan ku jawaabey “ Shidaalkaas aanan arkeyn ee Dhulka ku jira oo aan la soo bixi Karin, oo Ilmaheenna Bakeeri Biyaa u dhimanayaan, maxay noo tarI Badrool baan haysanaa iyadoo Dhinac waliba aan ka liidano marka waxaan DadKa Soomaaliyeed leeyahay ka digtoonaada Siyaasi Danleey ah oo aan dooneyn Horumarkiina , Anigana waxaan leeyahay warbaahinta iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay mar waliba ay Hubsadaan wararka ay Faafinayaan ee Been Abuurka ah, sidaa Darteed Waaya aragnimadeyda Saxafadeed baa Iga joojisey Warkii Tarsan . W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
  2. The newly appointed cabinet members of Puntland regional state of Somalia has been sworn in on Tuesday. The cabinet was sworn in by the regional state’s chief justice, Dr Yusuf Hajji Noor. The Puntland leader Said Abdullahi Deni and his deputy Ahmed Elmi Osman Karash also witnessed the swearing-in ceremony. Some new cabinet members were absent due to trip abroad, but they are expected to return for duty. Puntland leader and his deputy have urged the new cabinet members to perform their duties diligently and put the interest of the people first. Said Abdullahi Deni who was elected into office on 8th January unveiled his 48 cabinet members on Sunday. Only three female ministers were appointed. The post Puntland swears in a new cabinet appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Somaliland waxay jirsatay 28 sano, intii ay jirtay Somaliland waxa la shaqalaysiiyay shaqaale gaadhaya 20.000 oo shaqaale ah. Shaqalahaas dhamaantood waxay u tacabireen G/maroodijeex, si ay u helaan shaqo qaran. Shaqsi walba oo shaqa qaran doonaya waxaa waajib ku ah inuu yimaado G/maroodi jeex, sugana waqti aan cayinayn kana mid noqdo dadka customers ka u ah G/maroodi jeex. Hadaba marka uu noqdo shaqaale qaranka u shaqeeya haduusan oran shaqaalaha G/maroodi jeex hala igu daro waxuu noqonayaa shaqalaha ka hawl gala gobolada kale ee aan helin xuquuqda ay helaan shaqalaha G/maroodi jeex ka hawl gala. Xuquuqaha ay is dheer yihin waxaa kamid ah. 1. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay mushaharka qataan bil kasta halka kuwa gobolada kale ay qataan mushaharkooda 3 biloodba mar 2. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay helaan dalacsiin iyo darajooyin halka kuwa gobolada kale aysan helin dalacsiin iyo darajooyin 3. Shaqaalaha G/maroodi jeex waxay helaan tababaro halka kuwa gobolada kale aysan helin tababar ama wax u dhigma 4. Shaqalaha G/maroodi jeex way ka mushahar badan yihin kuwa gobolada kale xitaa marka la eego kuwa isku darajada ah sida A. B, C 5. Shaqaalaha G/ maroodi jeex waxay helaan guno aan helin kuwa gobolada kale ka shaqeeya Hadaba su aalaha la is waydiinaya waxay tahay Maxaa sababa inay sidan u kala sareeyaan shaqaalaha G/maroodi jeex iyo kuwa gobolada kale? Sharciga kala saraysiinta xuquuqda shaqaalaha xagay kaga talaa? Ilaa intay sii socon kartaa arinkaa? Madaxda gobolada kale miyaysan inaba ka dareen celin falkaa cadaalad darada ah? Su alahaas iyo qaar badanoo kale ayaa la iswaydinayaa Jawaabta waxaan u daynayaa shaqaalaha qaranka u shaqeeya ee ku sugan gobolada kale, madaxdooda iyo hay addaha sharciga Hadaba madaxwaynaha dalka jamhuuriyada Somaliland waxuu gacanta saaray kitaabka musxafka ah, qawlkii uu ku dhawaaqayayna waxaa kamid ahaa inta aan xilka hayo inaan cadaalad iyo sinaan dadkan iyo dalkan ku dhiqi doono. Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan ugu baqayaa madaxwaynaha dalka inuu arinkaa hoos u eego talaabo ay ku farxaan shaqaalaha la dulmiyay ee ka hawl gobolada kalena sameeyo iyadoo aan gobolna lagu xadgudbaynin Source
  4. A senior Somali police officer was killed in a car bomb explosion in Mogadishu, witnesses said, the latest in a series of attacks by the Al-Qaeda-linked Al shabaab in the capital. The incident took place at Sey Piano junction after an explosive device fitted into a police vehicle that he was travelling in exploded in the area early on Tuesday morning. The officer, Hassan Dheere died on the spot following the blast resulted from the bomb concealed under his car’s seat, according to an eyewitness who spoke to Radio Shabelle. In the aftermath of the incident, Somali security forces condoned off the scene and launched an investigation into the blast. No arrest was reported. No group has yet claimed the responsibility for today’s car bombing in Mogadishu, but, Al-Shabaab often carries out regular attacks against Somali government and the AU forces. The post Car Bomb Blast Kills Security Official In Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Q.1aad: Waa Qiimayn guud oo aan isku dultaagayo casharada lama ilaawaanka ahaa , ee aynu ka baranay mudadii uu xilka hayey Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadihiisii kala danbeeyey , dhanka kale waxaan rabaa inaan kaga jawaabo Suaal muhiimadeeda leh (waa siday aniga ila tahay ) oo odhanaysa ,Xisbiga kulmiye mudadaas uu hayey. talada dalka ilaa imika , maka Jawaabay baahiyaha kala duwan ee bulshada ? , Dhaymo mow sameeyey dhaawacyadii kala duwanaa ee bulshadu la dhutinaysay , Mise wuu damqay , qallay , dhaawacay , kala jabiyey quluubta umada reer Somaliland ?. Waxaad kaga boggan doontaa qormadan . Hordhac yar oo kooban : Somaliland waa wadan aan wali la aqoonsan , kana go’ay dalkii la odhan jiray jamhuuriyadii Somalia , oo ay ku biirtay 1960 kii ,iyadoo markaas ahayd dowlad taam ah oo aduunku aqoonsanyahay oo leh shacab iyo xuduudba. Halgan dheer ka dib oo naf iyo maalba ku baxeen , waxa Somaliland u suuro gashay inay la soo noqoto dowladnimadeedii ay u hibaysay inay abuurto wax la yidhaa somalinimo , laakiin lala garanwaayey ,kana dhaxashay waxii ay ka dhaxashay . Somaliland oo xoriyadeeda heshay 1991 dii , ujeedada looga soo go’ay Somalia waxa kow ka ahayd in la helo cadaalad ,sinaan ,wax wada la haansho iyo dowladnimo ku dhisan sharciga oo dadku u simanyihiin . 27 sano oo Somaliland jirtay wali hadafkaasi waa qabyo , lagamana midho dhalin . Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba xaladeeda iyo duruufaheeda siyaasadeed ,dhaqan dhaqaale lahayd ,tusaale waxay soo martay waqti lagu jiray iscafin guud iyo in la abuuro jawi guud oo nabadgelyo oo lagu wada noolaado ,quluubta shacabka laysu keeno oo dowladnimo lagu dhiso ku salaysan duruuftaas, waxay soo martay waqti kale oo dagaalo sokeeye dhaceen oo lagu jiray dib u heshiisiin iyo dib-u curasho shacab iyo inay dowladnimadu salka dhigto, waqtiyadaas waxaa ku suntanaa labadii madaxweyne ee kala danbeeyey AUN Mudane Abdirahman Ahmed Ali ahaa aabihii xoriyada ama ilaahay u fududeeyey inuu dalka qabto, kuna dhawaaqo dowladnimo , iyo AUN Mudane Mohamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa hogaamiyihii ugu khibrada badnaa ee dowladnimada Somaliland iyo hanaankeeda dimiquraadiga ahaaba salka u dhigay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo labadoodaba. Waqti laga joogo 18 sano , waa 2001 diiye , ayaa hanaanka xisbiyada badan ka hanaqaaday Somaliland , uguna horaysay taariikhda cusub ee Somaliland tartan siyaasadeed ku dhisan sawir guud oo xisbinimo ( waxii kaleba how hooseeyaane),waqtigaas oo uu ay hormuudka xisbiyada ahaayeen xisbigii Udub ee talada hayey iyo Xisbiga Ucid. Goorma ayuu kulmiye inoogu horaysay?. Xisbiga kulmiye waxa uu ka mid ahaa xisbiyadii galay tartankii ugu horeeyey ee dowladaha hoose , kuna soo baxay , waxaanu ahaa ururkii ugu danbeeyey ee la aasaaso geeridii cigaal ka dib alle how naxariistee , waxaana la aasaasay 2002, kana qayb galay doorashadii ugu horaysay ee dhacday december 2002 , galayna kaalinta labaad ururadii tartamaayey , kuna guulaystay inuu noqodo xisbi qaran . waqtigaas ayaa digadiisa qiiqeeda inoogu horaysay.Intaas halkaas aan kaga hadho . Waqtigaas talada dalka uu ku guulaystay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin , dowladnimadii la dhisay eek u timid hanaanka dimiquraadiga ah , waqtigaa shacabka somaliland waxa uu maraayey meel wacan markaad ka eegto dhanka walaaltinimada , wax wada lahaanshaha , quluubtooduna way isu soo dhawaanaysay ,dadkana maankoodu muu kala taganayn . Waqtigaas dowladii udub wax badan ayay qabatay , sida dhanka aminiga , isu soo dhaweynta bulshada , fidinta maamulka , dhismaha ciidanka qaranka , hirgalinta dimuquraadiyada iyo doorashooyinka ,inay u samaysay somaliland saaxiibo badan oo caalamiya mudadaas ay xilka hayeen . dhanka kale intaasba iyadoo jirto ayaa hadana shacabku waxay muujinayeen saluug badan oo ay saluugsanaayeen dowlada , kuna dhaliilayeen inay qaban karo waxaas wax ka sii badan . shacabku waxay ka cabanayeen maamul xumo , musuqmaasuq , danta guud oo markaas bilow ahayd iibinteeda , dhanka xoriyatul qowlka oo xadidnaa ,iyo arimo la la xidhiidha in rag badan oo siyaasiyiin ah iyo salaadin in la xidhxidho , cabudhin shacab . iyadoo bulshadu aaminsanayd inay waxqabadka la koriyo oo waqtigaas u fikiraysay horumar midnimo ,isu soo dhawaansho , is aamin , isku codna ay ka ahayd cabashada guud ee ay qabto . Halkaas ayuu kulmiye gaadhigiisii ugu horeeyey ka rakaabsaday ,isagoo dhibaatooyinkaa bulshadu ka cabanaysay farta ku fiiqaayey , kana dhigtay daliil , isagoo ujeedooyinkiisa kalena ee dhanka qabyaaladana u raacinaayey , isagoo fogaynaayey madaxweyniihi qaranka ee waqtigaa , kuna maxaafsanaayey dhaliilahaas jiray iyo qabqabiileed ku dhisan in beesha dhexe oo dhan laga horkeeno madaxweyne riyaale ,si uu cod ugu helo doorashadii markaas xigtay hab reeraysan , isagoo isticmaalaayey SNM iyo Faqash dhacdooyinkii dhexmaray , hadafkuna ahaa uun in Mudane madaxweyne Daahir riyaale khadka laga saaro , oo looga saaro hab beelaysan ,sidii dhaxdayba 2010. Siyaasada Qashinka ah ee Kala qoqobka , kala dilka , naxli abuurida , munaafaqada iyo kala sooca maanta ka dhex muuqda bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland , waxa uu kulmiye bilaabay ololihii doorashadii reeraysnayd ee laga badiyey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin. 2010 kii markii doorashadii dhacday ee xilka uu tiriyey Mudane Daahir Rayaale kuna wareejiyey madaxweyne Mudane Ahmed Siilaanyo iyo kooxdiisii , ninkastoo xasuustow dalku meel buu maraayey dadkuna aragtidiisu waa saraysay . Dadku laba nooc ayay ahaayen codeynaayey , dad ay dabayshii kulmiye iyo siyaasadii qashinkinka ahayd sixirtay oo howshooda wata , iyo qab kale oo bulshada ka mida oo isbadal doonaayey waliba ahayd inta badan bulshadii codaysay. Halkaas markaan intaa dhigo , aan furfuro suaashan hoose; Maxaa laga filaayey kulmiye (National Expectations):? Maxaa laga cabanaayey ? halkuuse kulmiye ka bilaabay ? La soco qaybta 2aad oo aan ku furfuri doono , waxii laga rajaynaayey , waxii markaas bulshadu u baahnayd ,halkay ka bilaabeen , iyo afrariirkii bulshada ku dhacay ,yaabka yaabkii!!. Sir-Abdirashid HUssein Doha Qatar. Email:Gahaydhle@live.com Source
  6. Somali government officials, international development partners and civil society organisations engaged in humanitarian operations in Somalia met at the African Union Summit to lobby African leaders to approve a massive debt cancellation for war-ravaged Somalia. The Somalia Non-Governmental Organisation (NGO) Consortium, comprising international civil society organisations and government officials met during a high-level event at the AU heads of state summit to voice calls for the debt cancellation for Somalia. They say this would enable the Horn of African nation to rebuild its war-torn infrastructure and work on resettling millions of people uprooted by conflict. “Somalia requires cooperation because the debt cancelation would help us to ignite our national development plan,” Gamal Hassan, Somalia’s Minister of Planning, Investment and Economy, said. The African Union Commission announced it would support plans by the Somali authorities to seek an international debt cancellation which would allow the country to receive international assistance. According to Somali foreign minister Ahmed Isse Awad , the debt cancelation for Somalia would act as a means to one of the durable solutions being sought by the African leaders to end the cycle of forced displacements. “We will need to mobilise political actors to give debt cancellation to Somalia. We welcome the selection of this year’s theme on the search for durable solutions to the issue of forced displacements. We believe the resolution of our debt issue could allow more resources to be channeled to the displaced,” Awad said. To qualify for the debt cancellation, Somalia needs to convince the IMF, which would possibly convene its board of directors to review the country’s progress. Should the IMF board give an approval for the debt cancellation, Somalia would be required to hold bilateral talks with private donors on the terms of debt forgiveness. The post Somalia lobbies AU Summit for international debt cancellation appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho ( SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la nool yihiin. Madaxweyne Farmaajo oo Shirka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda ee ku aaddan qaxootiga iyo barakacayaasha, isaga oo dalalka Afrika u soo jeediyay inay qaxootiga u fududeeyaan xuquuqda lahaanshaha dhulka, isu socodka, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo sharciyada muhiimka u ah. Midowga Afrika ayaa soo saaray go’aan ay ku taageerayaan dayn cafiska Soomaaliya, waxayna baaq u direen hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo waddamada Soomaaliya daynta ku leh, iyaga oo sheegay in dayn cafisku uu qayb weyn ka qaadan karo xal-u-helidda dhibaatada barakacayaasha ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea, Uganda iyo Koonfur Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, isaga oo kala hadlay sidii uu u dhexmari lahaa xiriir iyo iskaashi miradhal ah. The post Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya oo saaka ka dhacay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu watay sarkaalkaasi, kaas oo ahaa Kaarib ay lahaayeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Dheere, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga Soomaaliya. Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay qarxan, marka laga reebo sarkaalka geeriyooday, sidoo kalena illaa hadda qofna ma sheegay masuuliyaddiisa. Toddobaayadii la soo dhaafay ayaa waxaa siyaabo kala duwan falal amni darro ah ay uga dhacayeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Waydiimaha ugu badan ee la waydiiyo xilliggan aynu joogno hablaha markay gayaankood guursadaan ha yeeshee inta badan ka wer-wareegaan war celintooda waxaa ka mida ; · Odaygaaga magacii? · Waa qoloma? · Deegaankoodu waa halkee? · Hargeysa haddii uu deggan yahay, daantee ayuu ka deggan yahay? · Muxuu ka shaqeeyaa? ma Hay’ad? ma dawladda? ma jaamacad? ma Dugsi? ma warbaahinta, ma shirkad? mise iskii buu u shaqaystaa (ganacsade)? · Ma dalka ayuu joogaa mise dibadda ayuu ka yimid? Haddii uu dibadda ka yimid dalkee ayuu ka yimid, intee in leeg ayuu se joogay? · Ma waddaad baa mise dadkiisa ayuu iskaga dhex jiraa? · Wax hanti ah ma leeyahay, jago, amase guri? · Gaadhi ma leeyahay? Haddii uu leeyahay waa noocee? · Ma min weyn, min yaro, magmagato, amase meelmadayato, afartaa tee baad tahay? · Reer hore ma leeyahay, haddii uu leeyahay imisa carruur ah ayuu dhalay? · Hooyadii iyo aabbihii ma noolyihiin? · Imisa hablood buu la walaalo yahay? · Da’diisu waa ilaa intee? · Mushahar intuu u xaadiraa? ( Intuu qaataa) · Ma dheer yahay mise wuu gaaban yahay miseba waa dhexdhexaad? · Midabkiisu waa caynkee (casaan, maariin, amase madow)? · Jaadka ma cunaa? Noocuuse cunaa? · Gabbaati intuu keenay? · Maxaad qabsatay meherkaagii, imisa garaam oo dahabaad se’ qabsatay? · Imisuu yarraduu keenay? · Sheekhee ku meheriyey? · Imika inteed u mehersan tahay? · Goormaad wareegaysaa? · Hudheelkee laguugu tumayaa? · Arooska ma is-xanbaar baad ka dhiganaysaa mise 7-dii aroos? Mise waabad iska wareegaysaa? · Imisa fujaan ayaa laguu soo xidhayaa? · Is-barashadii labada reerood ma dhacday? · Hadday dhacday maxaa laguu keenay ? Ma guri bay ka dhacday mise hudheel? Waaba sida Sheekadan ku kala dhex dhacday hooyo Canbaro iyo hooyo Cibaado bookhasho gaabanna iskugu yimi. Sheekadu waxay u dhacday sida tan: Hooyo Canbaro: Alla waa Cibaado. Cibaado soo dhawoow hore u soo dhaaf guriga. Hooyo Cibaado: Mahadsanid Canbaro. Hooyo Canbaro: Reerihii ma lagu nabad qabay? Hooyo Cibaado: Haaye maxaad sheegteen? Hooyo Canbaro: Nabad iyo waxaan lagu waarayn! Hooyo Cibaado: Naa maalmahan waan maqnaaye labadaadii hablood waa lagaa soo doonay baan maqlee ii warran? Hooyo Canbaro: Haayoo saddex bilood baabay kala danbeeyeen. Hooyo Cibaado: Waa nimcee, oo yaa kaa soo kala doonay? Hooyo Canbaro: Tii weynayd reer baal Shinbiro tii yaraydna reer baal Digaag. Hooyo Cibaado: Waaban isku soo galnay haye, oo maxay ka kala shaqeeyaan? Hooyo Canbaro: Ta weyn dibadda ayuu ka yimid. Hooyo Cibaado: Maansha Allah. Waan ogaa inay meel roon marto tahay dibaddaabu ka yimid ba, waa nimcee! Dibadduu ka yimid markay maqashay farxad bay muusootay. Dibaddu la weynaa! Hooyo Cibaado: Oo heedhe ta’ yarna muxuu ka shaqeeyaa? Hooyo Canbaro: Waa Aqoonyahan dalka jooga, walina shaqo ma helin haddase wuu sugayaa. Hooyo Cibaado: Naa anigu aqoontiisa kumaan waydiisane muxuu shaqo haystaa? Hooyo Canbaro: Yur, naa waa Aqoonyahan baanu ku nidhi shaqadu ma faral baa? Hooyo Cibaado: Oo haddaa reerkoodu lacag ma leeyihiin? Hooyo Canbaro: Oo lacagtooda maxaa ka galay hadday haystaan? Hooyo Cibaado: Dee mayee inantaaday ku masruufi doonaan. Hooyo Canbaro: Naa ma iyagaa inantayda guursaday? Isagaa guursadee, waa uu u shaqaysan reerkiisa. Islaantii Canbaro inta ay adkaysan kari wayday xanaaq, labadii dhabanna casaadeen ayey islaantii Cibaado dug ku tidhi timahana la boodday, labada gacmood la isla gal dhulkana la isku rif. Alla kala qabta….Kala qabta iyo Shaydaanka naara badatay, labadii islaamood la soo kala gaadh garna looba fadhiisay. “Naa kaalay ma maantay aqoontii, shaqo kaala waynaatay. Cajuusad yahay aqoonta iyo shaqada tee baa horraysa?! Waad arki doontaa indhahaagoo shana, hadday hablahaaga Jaahiliin kaa soo dooni waayaan, imikana ina kala daa’ dhabarkaagana i tus, naa gurigaygana ii dhaaf wuxu waydiimo badanaa ma Weriyaa?” Ayey tidhi islaantii Canbaro iyadoo labada dhaban casaadeen xanaaq dartii! Cibaado: Naa waanu kuu dhaafi habar yahay dhammaatay. albaabkii qab ..qab kaba siisay si uu maaggay iyada ! Dhammaad Faadumo Buuni Hargeysa, Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
  10. Muqdisho (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada howlgalka Midowga Africa ayaa shir aan caadi aheyn maanta ku leh M/Muqdisho ,kaas oo diirada lagu saarayo qorshaha kala guurka oo ay ciidanka AMISOM ammaanka dalka ugu warejinayaan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkani ayaa la sheegay in uu dabo socda heshiis ay horay u wada gaareen Midowga Africa, QM iyo DFS bishii November ee sanadkii tagay, kaas oo quseeya sidii AMISOM ay u qaadi lahaayeen dulaano ay ku wiiqayaan awooda Al Shabaab, ka hor inta aysan dalka ka bixin sanadka 2021-ka. Sidoo kale taliyeyaasha AMISOM ayaa ka wada hadlaya caqabadaha illaa iyo haatan uu wajahayo qorshahooda iyo sidii taageero dhanka Saanada loogu caawin lahaa howlgalkooda Soomaaliya. Ku xigeenka madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Simog Malungo ayaa ugu baaqay in taliyeyaashu in ay xaqiijiyaan, sidii qorshahaasi looga dhigihii lahaa mid dhab ah oo guuleysta. AMISOM ayaa dhawaantani ku dhawaaqday in ay kun askari oo katirsan ciidankeeda ay ka saari doonto deegaanada maamulka HirShabelle. The post Taliska AMISOM oo shir ku leh magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay 9/5/2016 taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qaban Dekedii Berbera oo ay 2 sanadood maamuleysay . Heshiiskii Somaliland iyo DPW wada galeen 9/8/2016 oo ahaa heshiis 30 sanadood oo ( Bilateral Contract agreements) ayaa ahaa heshiis sife qarsoon oo daaha dabadiisa ah loogu heshiiyey in ay heshiiskaas ku bixi doonto lacag dhan $442 Million dollar. Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan 65% oo udhiganta lacag ahaan $280 million. Somalilaana yeelato Saami dhan 35% oo u dhiganta lacag ahaan $162 Million dollar. Heshiiskan oo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur yar oo qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii 1/3/2017. Fashilaada 1-aad ee Heshiiska : Mudadaa 2-da sanadood ah ee Shirkada DPWorld Dekeda maamulaysay waxay ku fashilantay inay hirgeliso dhamaan qodobadii lagu heshiiyey oo ay ka mid ahaayeen : 1- In Dekedii hore la qalabeeyo oo la dayac tiro 2- In Beked cusub oo 800 Mitir ah la kala dhisto laba jeer oo min 400m ah. 3- In Wadada Rajada ee Berbera Corridor la dhisto ( Wadada isku xidhidha Berbera iyo Wajaale ) 4- In Madaar Madani ah Berbera laga dhisto maadaama Madaarkii hore ee Berbera ay Saldhig ciidan ka dhigteen xulufada imaaraatigu. 5- In ay dalka ka fuliyaan Mashaariic fara badan oo arimaha bulshada kor loogu qaadayo sida Caafimaadka, tamarta, beeraha , biyaha iyo waxbarashada 6- In Berbera laga dhiso Suuqa xorta ah ( free zone ) Dhamaan qodobadan lagu heshiiyey ayaan midina ka fulin, qaarna waabay dafireen sida mashaariicda arimaha bulshada. Fashilaada 2-aad ee Heshiiska: Waxaa beryahan danbe debeda u soo baxday oo isa soo taraayey in Itoobiya ay ka maaran tahay Saamiga Dekeda Berbera , maadaama dawlad cusubi ka dhalatay oo ay Ereteriya heshiiyeen. Waxaana ay dawlada Ereteriya kula heshiiyeen in ay Dekedooda xooga saari doonaan oo ay maalgashan doonaan. artintan waxaa markhaatiga u furay iyada oo Itoobiya aanay xunbo metela ku lahayn Shirkada cusub ee hada Maamusha Dekeda Berbera ee loo bixiyey Shirkada DPWorld Berbera. Ka maqnaashan ay ka maqnaatay Itoobiya maamulka cusub ee Dekeda Berbera waxay keentay in Saamiyadii heshiisku ay halkoodii hore ku soo noqdaan oo Somalilaana yeelato saami dhan 35%, DPW-na yeelato 65%. Itoobiyana meesha laga saaro. Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la gasho, waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ay Jabouti ku khiyaamaysay, Cadan ku sameysay, L ubnaan, Sinigaal,iyo indonisa ku khiyaameysay ee USA lagaga eryey maantana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafin ku khiyaameyso xeelad iyo xoog. Fashilaada 3-aad ee Heshiiska: Bal ka warama DPW lacagtii $240 million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa hada $80 million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay 9/8/16 ee ay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii 400 oo mitir ah, ayey iyagu iska dhisteen Dekad Ciidan oo balaadhan iyo Saldhig Ciidan oo bilaash lagu siiyey. Muwaadin ma ogtahay qiimaha ama kirada dhabta ah ee Saldhiga Berbera uu ahaan jiray? Sanadihii 1981 ilaa 1991 Shirkadii USA ee NASA ayaa Madaarka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaan oo weliba Dayaaradaha madaniga ahi la isticmaali jireen ay ku kireysteen lacag dhan $40 Million oo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen in ay faro guudkood iyo xaqul qalin yar inaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo 20 km2 iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay 10km2. Muwaadin ! Ma ogtahay in Saldhiga yar ee Mareykanku ku leeyahay Jabouti uu ku kiraysan yahay $58 million dollar sanadkiiba, Saldhiga yar ee Fransiisku ku leeyahay Jabouti kiradiisu tahay 30 Million oo yuro sanadkiiba, Saldhig yar oo 3km ah oo dalka China ku leedahay dalka Jabouti kiradiisu tahay $20 million dollar sanadkiiba. Saldhig yar oo 1 mile ah oo dawlada Jabanku ku leedahay Jabouti kiradiisu tahay $ 4-Million sanadkii. Hadaba waxaa layaab iyo amankaag shacabka reer Somaliland ku noqotay markii dhawaan uu Wasiirka Maaliyada Dr Sacad Xaji Ali Shire uu cadeeyey in aan la kireyn Saldhiga Berbera ee mashaariic Aabahood goblamay oo aan la fulin aynu ku bedelanay Saldhiga berbera oo dhererkiisu yahay 20 km2 iyo weliba Saldhiga Badda oo isna dhan ilaa iyo 10 km2 – Arintani waxay u baahan tahay in hayadaha ay khuseysaa ay dabo galaan oo baadhitaan mug leh ku sameeyaan. Waa in Saldhiga Berbera kiro badan aynu dhaafsanaa ama ictiraaf inoogu bedelaan. Gunaanad: Waa in nuxurka dhabta ah ee Heshiiska DPW iyo heshiiska Saldhiga Berbera oo isku sidkan Baarlamaanka dib loogu soo celiyaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa’idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay qaranka Somaliland. Waana lama huraan in caadka iyo ciirada qarsoon ummadda looga qaado Heshiiskan ilaa iyo kirooyinkiisii la sii Carbuuntay ee la sii qadintay ee dalka lagu dhacay. Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba way arkaayaan ! Shacaboow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso! Alleh ayaa Mahad Leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom London Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) ayaa ka jawaabay dhaliilaha Siyaasiyiinta qar ay ka muujiyeen shirkii looga hadlayay arrimaha shidaalke ee dhawaan ka qabsoomay Magalada London ee dalka Britain. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid qorshihiisa ay horay Wasaaradda Batroolka u soo bandhigtay,isla markaana uu ahaa mid daba socday mid horay uga qabsoomay bishii Noveber ee Sanadkii tegay dalka koonfur Afrika. Siyaasiyiinta dhaliilaha ka muujiyay shirkaas ee sheegay in xirmooyin ka mida ah shidaalka Soomaaliya in lagu xaraashayo ayuu ku tilmaamay inay yihiin kuwo xumaanta kaliya raadiya,balse aan wanaagsan dowladdu qabato arkin. “Waxaa jira si xun wax u sheeg sixiroole wuu ka daran yahay,waxaad moodaa in mucaaradka inay u gurteen in dhagahooda ay maqlaan kaliya xumaanta balse aysan fiirin wanaaga,laakin cid kasta waan soo dhaweyneynaa waayo waa sababtii aan xisbiyo badan u sameysanay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka. Isaga oo la hadlayay geba-gabadii mid ka mid ah tv-yada ku hadla afka Soomaaliga ayuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay masuuliyad weyn ka saran tahay inay qabato wax walba oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin. Ka hor inta uusan qabsoomin shirka looga hadlayay arrimaha shidaalka ee Magalada London,waxaa shirkaasi kasoo horjeestay kuna baaqay in la joojiyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka,balse warkooda aan dheg jalaq loo siinin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargaysa)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa arin layaableh ku tilmaamay shirkii jaraa’id ee uu Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku soo bandhigay Dacwado uu sheegay in Wargeyska Foore ku Xukumay, Jamaal ayaa Dhaar ku maray inaanay dacwadahaasi mid koodna ka mid ahayn kiiskii lagu qaaday Foore ee uu dhagaysigiisa ka qayb galay, waxaanu sheegay in haddii aanu ka qayb galeen uu rumaysan lahaa wixii shubay Garsoore Dalmar. Jamaal Cali Xuseen ayaa intan ku dul qoray Muuqaalka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex kaga hadlay arintan, waxaanu soo dhigay Barta uu Facebookga bulshada kala xidhiidho, waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa. Waar ileyn anagaa wax aragnay. Dacwaddii dhegaysiga ee Foore hadaanan joogi lahayn waxa uu sheegayo garsoorahu waan rumeysan lahaa anigoo sharaf u haya. Waxaa uu listka dacwadaha uu tirinayo run baan u qaadan lahaa. Ilaahay baa Igu og in waxaas uu tirinayo oo dhami aanay ku jirin dacwaddii Foore lagu soo oogay Oo Hal shay ahayd. Kolkii imika aan waraysi tegay halkuu ka keenay waxan Oo dacwado ah oo aan ku jirin dhegaysigii aan ka qayb galay, waxa la ii sheegay, ka dib markii aan hadlay, intuu xeera ilaalinta intuu u tegay uu yidhi keena listkii dacwadihii hore ee Foore Oo kuligood qaarna sanado ka hor banaanka lagu dhameystay Oo SOLJA ay uga garnaqday gudiggii Abaaraha iyo Wargeyska Foore; kuwa kalena kolkay wax cadeyn ah keeni waayeen ay xeera ilaalinta sooba dhaafi waayeen. Listka uu tiriyey ee aan isaga hor iman maan filaneynin inuu bulshadda uga dhigo in lagu haystay Foore iyo in aniga wax i dhaafeen. Runtii dacwad dhegaysigii Si fiican buu u agaasimayey Garsoore maxkamadda iyo dacwad dhegaysiga laakiin inay xoogag kale xukunkii carqaladeeyen ayaa dhici karta Oo culeys la saaray. Laakiin hadaan talo siin lahaa laba qodob: Horta waa ka mamnuuc in Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo isagoo ay tahay inuu isagu dhexdhexaad noqdo Oo aanu gelin halkii xeer ilaaliyaha. Qaladkaa Waxaa hore u galay yarka joogga Maxkamadda sare Oo intuu cadaalad daraddii ugu weynayd nagu sameeyey haddana maalintii danbe intuu shir saxaafadeed soo fadhiistay na caayey Oo noo hanjabay ( Caydiidna gar leh Cali Mahdina gar leh). Garsoorayaashiina ma waxay noqdeen siyaasiyiin iyaguna shir saxaafadeedyo sameeynaya. Anigoo ixtiraamaya Garsoore Dalmar Oo runtii isaga ixtiraam u hayo; Ilaahay baa ina dilayee yaanu dadka uga dhigin in list dheer Oo dacwado hore ah oo aan dacwadan ku jirin aanu ummadda uga dhigin in waxaas Oo dacwad ah darteed loo xukumay Foore. Waar Miyaan Ilaahay laga baqaneeynin. Walaahi meel xun baynu ku soconaa haddii Maxkamadihii iyo cadaaladdii dalku sidan tahay Oo xataa dacwaddii aan anigu fadhiyey wax kale lagu sheegayo subxaanaka yaa cadiim. Source
  14. Garoowe (SMN) – Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe. Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba. Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda. Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan. The post Golaha wasiirada maamulka Puntland Oo la dhaariyay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Maanta oo Talaado ah ayaa madaxtooyada Garoowe waxaa lagu dhaariyey wasiirada cusub ee Puntland, kadib munaasabad kooban oo halkaasi ka dhacday. Waxaa dhaarinta wasiiradan goob joog ka ahaa madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa la dhaariyey 44 wasiir waxaana maqnaa Afar wasiir oo qaarkood dibadda ku maqan, iyadoo madaxweyne Dani uu la dar-daarmay wasiiradan cusub. Wuxuu ka dalbaday in si daacad ah ugu adeegaan shacabka ay adeegaha u noqdeen, islamarkaana muujiyaan midnimo iyo wadashaqeyn buuxda. ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato: The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Riyadh (Caasimadda Online) – Fadeexado hor leh ayaa kusoo baxay maamulka Aala sacuud ee ka arrimiya dhulka xarameynka ee sacuudiga loo yaqaan. warbixin uu daabacay wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London ayaa xaqiijinaysa in dowladda sacuudiga ay lacago malaayiin dollar ah siisay mas’uul sare oo katirsanaa dowladda Ingiriiska. Warbixinta ayaa xaqiijisay in dowladda aala sacuud ay lacag dhan 10 milyan oo dollarka Mareykanka ah siisay Tooni Baleyr R/wasaarihii hore ee dowladda Ingiriiska, lacagtan oo qaab laaluush ah loo bixiyay ayay sacuudigu ku bedelanayeen in taageero siyaasadeed ay ka helaan Ballayr uuna bogaadiyo qorshaha Max’med Bin salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada aala sacuud. Wargeyska ayaa sheegay in shirkadda baaritaannada iyo suuq geynta sacuudiga ay toban milyan oo doollar udirtay machadka tooni ballayr uu madaxda ka yahay oo lagu magacaabo “isbedelka caalamiga ah”. Mas’uul u hadlay xafiiska Tooni Ballayr ayaa xaqiijiyay in lacagtaas ay ka heleen dowladda sacuudiga balse wuxuu diiday in ay aheyd mid laaluush ah wuxuuna ku tilmaamay qarash uu sacuudigu ku taageerayay mashruuca machadkiisu ka wado mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe. Dowladda sacuudiga ayaa caan ku ah in lacago Malaayiin dollar ah ay kula saaxiibto Ururo iyo dowlado halka gaajo ay udhimanayaan malaayiin qof muslimiin ah oo hantidooda ay xoog ku boobtay. Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  18. Warbixin uu soo saaray ururka Freedom House oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku wanaagsan tahay xorriyadda hadalka, ganacsiga iyo siyaasadda. Ururkan oo Somaliland ku sheegay dal ayaa tilmaamay in geeska Afrika kaalinta Labaad ku jirto, balse Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti aanay xorriyad hadal ka jirin. Aqoonyahanno Somaliland ah ayaa arrintaasi isku khilaafay, waxayna qaarkood sheegeen in warbixintan sidii loo baahnaa aan loo sameyn. Waxa ay tusaale usoo qaatee qaarkood in xabsiyada Somaliland ay weli ku xiran yihiin dad doonayey iney aragtidooda soo bandhigaan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WARBIXIN-KHAALID-FOODHAADHI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen deegaanka Kobon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare kala duwan geystay, iyadoo saraakiisha ciidanka dowladda ay guulo ka sheegteen weerarkaasi. Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la Hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana waxyeelo kusoo gaarsiiyeen xubno Al-shabaab ah. Waxa uu taliyaha sheegay in ay ku qabsadeen hub badan, sidoo kalena ay fashiliyeen miinooyin dhulka ku aasnaa. Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo oo ku aaddan dagaalkan, hase ahaatee ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe howlgallo ballaaran ka wadan deegaannada Jubbaland. Halkaan hoose ka arag sawirada: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiseen guddi xoojiya tayada iyo tirada waxyaabaha dalka yaalla. Guddigan ayaa ganacsatada kala shaqeyn doona sidii wax soo saarka dalka loo tayeen lahaa looguna heli lahaa Suuq wanaagsan. “Waxaan halkaan ku dhisnay gudi runtii aad iyo aad loogu baahan yahay oo in badan talooyinka nooga yimid ganacsatada ee ku howlan dhoofinta wax soo saarka Soomaaliya gaar ahaan kuwa beeraha, kalluunka iyo xoolaha” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddigan loo dhisay iney u kuur galaan wax soo saarka dalka iyo sidii tayadooda loo hagaajin lahaa looguna raadin lahaa suuq ka baxsan wadanka iyaga kaashanaya dowladda. “Waxa ay shaqadoodu tahay iney u kuur galaan wax soo raarka dalka sidii tayadooda loo hubin lahaa iyo suuqyo lageeyo, sidoo kale waa in la hagaajiyaa sidii wax soo saarka gobollada ay is ku dhaafsan jireen madaama waddooyinkii ay burbursan yihiin, waxaad arkaysaa gobol wax soo saarkii ku jaban yahay mid aad u sareeyo taasna waa in guddiga ay xil iska saaraan sidii dalku wax soo saarka gudaha uu wadanku u xoojin lahaa” Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in ganacsatada ay waajib tahay iney la shaqeeyaan guddigaan ay aas-aastay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha si wax soo saarka dalka uu u noqdo mid tayo iyo tiraba ka yeesho suuqyada caalamka ee loo iib geeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynuhu Reer Puntland Xil mawada Deeqsiin karo haddii nin walba oo asagu wax doonaya uu reerkiisa soo jaffo si ay miiska u garacaan uguna hanjabaan [...] Source
  22. olaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe. Dhaarinta [...] Source
  23. Golaha xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe. Dhaarinta wasiirada cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland Waxaana goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir halka 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jira aan weli la dhaarin. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib golaha Xukuumadda cusub waxaana uu madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba. Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay golahan wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba isla’ markaana waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda. Ugu manbayntii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan ugutaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay xukuumada cusub oo la dhaarshay appeared first on Puntland Post.