Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada mucaaradka ah, hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda iyo ururrada ay ku midaysan yihiin saxafiyiintu ayaa ku eedaynaya xukuumadda Somaliland inay la dagaalamayso xorriyaddii hadalka. “Dhawaan Boorama iyo Gebilay saxafiyiin ayaa lagu xidhay, kuwaasoo lagusoo eedeeyey inay dawladdu dhibbane u tahay. Degmada Wajaale ayaa iyana weriye lagu xidhay iyadoo Maayir ku xigeenka Wajaale ka dambeeyey”, ayuu yidhi Maxamuud Jaamac Xuuto oo ah Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland oo BBC-da la hadlay. Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale xabsiga la dhigay Weriyeyaal warbixin ka diyaariyay warshaddii dhuuniga ee Somaliland oo xukuumaddii hore inay kiraysay iyo inay iibisay aanay kala caddayn. Xidhitaanka saxafiyiinta oo kali ah ma aha waxyaabaha Somaliland lagu eedeeyay ee waxay albaabada u laabtay wargeyska Hargeysa kasoo baxa ee foorre, waxayna ku eedaysay si xun wax u sheeg, balse masuuliyiinta wargeyska ayaa sheegay in eedaymaha loo soo jeediyay ay siyaasadaysan yihiin. Dhanka kale, hal-abuur maanso tiriyey ayaa muddo bil ku dhaw xidhan, iyadoo lagu eedeeyey inu booliska Somaliland wax ka sheegay. Sidoo kale wasaaradda warfaafinta ayaa soo jeedisay in cashuurta lagu kordhiyo warbaahinta madaxa bannaan, inkasta oo xeerkaas baarlamaanka Somaliland aanu ansixin. Wasiirka warfaafinta, ayaa isuguna mar ku boorriyay waaxaha dawladdu in aanay war siin warbaahinta madaxa bannaan ee ay keliya siiyaan warbaahinta dawladda, inkasta oo aanay arrintaasi dhaqan gelin. Tan iyo intaas ay Somaliland jirtay, waxa ay baadi goobaysay aqoonsi, iyadoo mas’uuliyiintuna ay sheegayeen inay u qalmaan isla mar ahaantaana dimuqaaddiyad dhif ku ah gobolka ay soo bandhigeen, iyagoo shan madaxweyne si nabada xilka ula kala wareegeen, weliba doorasho qof iyo hal cod ah ay dhacday. “Dhaawac weyn ayay u geysanaysaa haddii la cabudhiyo saxaafadda iyo xorriyadda hadalku” waxaa sidaa BBC-da u sheegay Dr Mustafe Kaydsane oo ka faallooda arrimaha geeska Haddaba, marka dimuqraadiyadda laga hadlayo, xorriyadda hadalku waa mid ka mida tiirarka ugu muhiimsan, haddaanu ahayn kan ugu muhiimsan, arrimahaas ayaana iminka u muuqda kuwo walaac ku keenaya dimuqraaddiyadda Somaliland. Dhawaan haayadda Freedom House ee Washington ka dhisan ayaa Somaliland ku sheegtay in dhanka xorriyadda hadalka ay kaga wanaagsan tahay badi waddamada deriskeeda ah, sida Somaaliya, Jabuuti, Eretariya iyo Itoobiya. Source
  2. (SLT-New York)-Toddobaadkii hore dawladda Soomaaliya waxay magaalada London kusoo bandhigtay xogta laga laga helay sahankii shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2014-ka iyo 2016-ka. Sahankan waxaa iskaga dambeeyey labada shirkadood ee kala ah Soma Oil & Gas iyo shirkadda Spectrum. Soo bandhigista xogta shidaalka ee ka dhacday London toddobaadkii hore waxaa daba socda in la sameeyo sahamin, taasi oo u baahan in dhulka sahanka laga samaynayo saliid laga baadho. Bixinta qandaraasyadan waxay bilaabaynsaa dabayaaqada sannadkan, sida rasmi ahaan loo sheegay, inkastoo khubarada qaar ay sheegeen in furitaanka tartanka shidalaka Soomaaliya ay durba bilaabantay. Barnaamijka Galka Baadhistu waxa uu ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35 milyan oo doollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta. Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%, sidaasina waxaa barnaamijka u sheegay laba khabiir oo aqoon toos ah u leh sahaminta shidaalka Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee qaar ka mid ah Wadamada Bariga Afrika sida, Soomaaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi. Wasiir Beyle ayaa sheegay in Bella Bird ay ka wada hadleen horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank. “Waxaa sharaf ii aheyd inaan maanta xafiiskeyga ku qaabilo Bella Bird oo ah Madaxa Bangiga Aduunka ee Wadamada bariga Afrika qaar sida, Somaliya, Tanzania, Burundi iyo Malawi, Waxaan ka wada hadalnay horumarka iyo isbadalka Maaliyadeed ee dalka iyo sidii aan u xoojin laheyn wada shaqeynta aan la leenahay World Bank.”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Bangiga Aduunku uu yahay Hay’ad muhiim u ah horumarka Soomaaliya. The post Wasiir Beyle oo la kulmay Madaxa Bangiga Aduunka Ee Bariga Afrika appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. TAGISTA XAMAR DAMBI MAAHA HADII AANU QOFKU HAWLO SIYAASADEED U TAGIN IYO WAX YEELAYNTA QARANIMADA SOMALILAND !!! Mogadishu waa magaalo madaxda dalka aynu jaarka nahay, waana magaalo soomaaliyeed qofkasta oo ay dan ka gashaana wuu tagi karaa oo danihiisa wuu ka soo qabsan karaa ama wuu u joogi karaa, tagisteeda iyo joogisteeduna waxa ay la mid tahay uun tagista iyo joogista dadka reer Somaliland joogaan magaalooyinka iyo dalalka kale ee aduunka. Marka aynu ka hadlayno haddaba tagista Muqdisho ee qofka reer Somaliland waxa dareenka gaarka ah ay u leedahay waxa weeyi; Somaliland iyo Somalia oo inta ay isku darsadeen dawladnimadoodii 1960kii haddana dib ula soo kala noqday, waxaana ay wali wax qabyo ka yihiin in sifo sharciya loo kala baxo oo laba dal oo rasmiya oo labadaba caalamku aqoonsan yahay aynu kala noqono. Tagista Muqdishu ee qofka reer Somaliland wallow ay kala xasaasisan yihiin siyaasiyiinta iyo dadka caadiga ahi, oo ay shaki keenayso masuuliyiin xilal qaran oo wasiirnimo Somaliland ka soo qabtay tagistooda muqdisho oo markiiba ay maskaxdu soo tuurayso in ay hawlo siyaasadeed iyo mansabyo dawladeed u doonteen. Haddana Muqdisho iyo Somalia waxa kaliya ee ay Somaliland isku hayaan waa arimo siyaasadeed oo la xidhiidha qaranimada ama maamulka dawladnimo iyo kala madax banaan, waxa kale oo dhan iskuma hayno. Somalinimo iskuma hayno , diin iskuma hayno , dhaqan iskuma hayno , ganacsi iskuma haysano , qabiilna la iskuma hayo ee waa qaranimada ay labada dal isku darsadeen markii hore, haddana aynu la soo kala noqonay , waxii la xidhiidha qaranimada iyo waxii reer Somaliland siyaasiyan iyo sharciyan isku waafaqeen cidii baal marta ama jabisa ayaa dambi ku jirta. Waxa inagu badan haddaba in siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ahi Somalia tagaan, oo xilal looga dhiibo dawlada Somalia, dadka reer Somaliland ayaa u yaqaana shaqsiyaad shaqo tagey laakiin aniga arinkoogu wuu igala culus yahay shaqo tag. Sababta oo ah siyaasadu maadaama aanay ahayn xirfad gaar loogu shaqeysan karo iyada oo aanad dawlad u shaqeynayn sida, macalin, dhakhtar, xisaabiye, oo ay tahay nidaam dawladeed ka shaqeyntiisa adiga oo raacaya mabaadii dastuur iyo shuruuc aad aaminsan tahay, ama aad u dhaaranayso in aad daacad u tahay. Waxa ay noqonaysaa dad nusqaan u soo jiiday naftoodii iyo dalkoogii, hadii ay xilal Somaliland hore uga hayeena laba mid uun weeyaan in aanay marka horeba aaminsanayn somalilandnimada iyo in uu isbadel ku dhacay oo ay badaleen waxii ay aaminsanaayeen. Maantaba kumayaal reer Somaliland ah ayaa ka shaqeeya Somalia iyaga oo aqoontooda ugu shaqeeya hay’adaha caalamiga ah , ganacsiyo iyo hawlahooga kale ee u gaarka ah ceebna maaha oo sida ay aduunka kaleba dadku uga shaqeystaan ayuun bay ugu shaqo tageen, kuwani ayaa la odhan karaa dad shaqo tagey. Sidaasi oo kale ayey kumayaal reer somalia ahi uga shaqeystaan Hargeisa iyo guud ahaan Somaliland oo waxa uun ay la mid yihiin dadka aduunka kale inooga yimaada ee Somaliland ka shaqeeya , maalgashada oo ka ganacsada. Haddaba hadii ay Somaliland shaqsiyaad baad sheegaysaa e inta maanta masuuliyada iyo xilalka qaranka u haysa oo dhami ay xamar isku shubaan ilama aha in ay Somaliland wax u noqonayso oo waxa ay noqon doonaan uun shaqsiyaad naftoodii iyo dadkogii khiyaamayey. Somaliland na waxa ay ku timi oo ku dhisan tahay go’aan shacab , cid wax yeeli karaysaana ma jirto hadii ay Somalia tagaan iyo hadii ay meel kala tagaanba , ee midhkaa hala guntado dadkaygoow. #Fiiro_Gaara: meel laga shaqeeyo oo aqoontaada iyo xirfadaada loo hibeeyo dalkaaga Somaliland ayaa ugu wanaagsan xataa hadii aanad dhaqaale badanba aanu kaa soo galeyn. Aragtidayda #Somaliland_Allow_Dhowr Muhamed Dhimbiil Qaran News
  6. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed. Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka. Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb. Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed. Cambarayn ballaaran ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka Aipac ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Xusbno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka. Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb. Listening and learning, but standing strong pic.twitter.com/7TSroSf8h1 — Ilhan Omar (@IlhanMN) February 11, 2019 “Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,” ayay tiri Ilhaan. “Waa in uu markaste jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan. Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay lacagta horumarinta Gobollada Bari loogu talo galay ee dhawaan Golaha Wakiilladu sheegay in lagu isticmaalo meelo aan loogu talo gelin. Jamaal Jaamac Xaamud ayaa waraysi gaar oo uu siiyay Wargeyska Waaberi, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanay lacagtaas lunsan sidii xukuumaddii hore ee KULMKIYE, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la gaadhsiiyo gobolladii loogu talo galay Xoghaye Jamaal oo wax laga waydiiyay sida ay u baxdo lacagta 2% ayaa yidhi “ Arrintaa 2% waa jirtay in loogu talo galay in lagu horumariyo Gobollada Bariga oo loo saaray cashuurta dadka shacabka ah ee Ganacsatada ah in lagu soo kiciyo Gobollada Bariga , runtii labadii sano ee ugu dambaysay ma dhicin sidii loogu talo galay ummay gaadhin wixiina waxa laga dhigay Somaliland oo dhan wax ka dhaxeeya , markii hore waxa uu qorshu ahaa in lagu soo kiciyo gobollada Bariga dalka oo ka hadhay gobollada Galbeedka markaa gobolladaa habsaamay ee dib u hadhay in la soo kiciyo oo lagu soo kiciyo nabada lagaga shaqeeyo, horumarka lagaga shaqeeyo ayey ahayd, laakiin sidii loogu talo galay umay dhicin, hadda waxaanu jecelnay maaddaama labadii sano ee u dambeeyey ay luntay in hadda laga hawl –galo sidii lacagtaa loo gaadhsiin lahaa gobolladii loogu talo galay ee gobollada Bariga oo loo soo gaadhsiin lahaa gobollada Galbeedka ayaanu jecelnay inay dhacdo oo KULMIYIHII hore haddii uu khasaare keenay aanu KULMIYAHA danbe kula xisaabtano .”Ayuu yidhi Xoghaye Jamaal. Waxa kale oo uu sheegay Xoghaye xigeenka WADDANI inuu Madaxweyne Biixi indhihiisa ku soo arkay gobollada Bariga baahiyaha ka jira iyo in aan wax-ba lagaga qaban lacagtaa 2% ee la leexsaday labadii sano ee u dambeeyey “ Madaxweyuhu waa tii uu waddanka soo maray, waa arkayaa oo waa ujeedaa qorshuhu sida ay ahaydna waa garanayaa waxaanu jecelnay inay gaadhay arrintaasi oo uu hayo, maalintii dhaweydna waa tii la lahaa meelo kale ayaa wax lagaga qabtay , haddii wax lagu qabanayo in gobollada Bariga wax lagaga qabto ayey ahayd lacagtaas.waxaanu jecelnahay inay hawshaa si miyir qabta inay u gaadho gobolladii loogu talogalay 2% kaasi .” Geesta kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi laga rabo sidii uu isu soo gaadhsiin lahaa gobollada Dalka Bari iyo Galbeed “Madaxweynaha isaga ayey u taalaa isaga ayaa waddanka Madaxweyne u ah isaga ayaa ay gacantiisa taladu ku jirtaa, siduu gobollada isu soo gaadhsiin lahaa oo uu gobolladaa Bariga u soo kicin lahaa oo uu u soo gaadhsiin lahaa gobolada horumaray ee galbeedka Madaxweyne Biixi ayaa laga doonayaa “ Ugu Dambeyn Xoghaye Jamaal Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxweyne Bixii inuu ku dhaqmo samirkii iyo dul-qaadkii uu sheegay inuu ka bartay Ex Marxmuum Madaxweyne Cigaal , isla markaana uu dadka iyo dalka isku wado “Maalin dhaweyd waxaan maqlayey Madaxweynaha oo leh Cigaal waxaan ka bartay siyaasada ah dul-qaad iyo isu tanaasul iyo in la isku wado Somaliland baan ka bartay ayuu yidhi markii aan ahaa wasiirka arrimaha Gudaha ee Cigaal, waxaan leenahay wixii aad ka baratay cigaal ee aad sheegtay ku dhaqan oo dul-qaad yeelo Samir yeelo dadkii sidii aad iskugu wadi lahayd ayaa lagaa rabbaa ee aad iskugu soo dhaweyn lahayd, in aad dalka isa soo gaadhsiiyo in aad dulqaadkii iyo tanaasulkii aad ka baratay Cigaal aad ku dhaqanto ayaa lagaa rabbaa ileyn adaa yidhi waan la bartee .” Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA ee Haaruun Macruuf, ayaa shaaca ka qaaday xog xasaasi ah oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya iyo lacag la siiyey wasaaradda batroolka Soomaaliya. Toddobaadkii hore dawladda Soomaaliya waxay magaalada London kusoo bandhigtay xogta laga laga helay sahankii shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2014-ka iyo 2016-ka. Sahankan waxaa iskaga dambeeyey labada shirkadood ee kala ah Soma Oil & Gas iyo shirkadda Spectrum. Soo bandhigista xogta shidaalka ee ka dhacday London toddobaadkii hore, waxaa daba socda in la sameeyo sahamin, taasi oo u baahan in dhulka sahanka laga samaynayo saliid laga baadho. Bixinta qandaraasyadan waxay bilaabaynsaa dabayaaqada sannadkan, sida rasmi ahaan loo sheegay, inkastoo khubarada qaar ay sheegeen in furitaanka tartanka shidalaka Soomaaliya ay durba bilaabantay. Barnaamijka Galka Baadhistu ee VOA ayaa ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35 milyan oo doollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta. Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%. Hoos ka dhageyso barnaamijka Galka Baarista Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE Oo Ku Gacan Saydhay Waraaq Dacwad Ah Oo Uga Timid Guddiga Diwaan-galinta Ururada Siyaasadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in toban kun oo qoys oo ah dadka Barakacay ee ku nool gobolada bariga Somaliland ay soo food saartay Biyo la’aan. Cabdikariin Axmed Xinif, guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland ayaa sheegay in dadkan gurmad degdeg ah loo fidin doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. African Union Mission in Somalia (AMISOM) military commanders began a four-day meeting in Mogadishu on Monday to develop a comprehensive plan that will guide their exit strategy. AMISOM deputy head Simon Mulongo said the plan will identify activities and operations to be implemented under the new concept of operations (CONOPS) and also lay out a timeframe and logistical support needed to implement the activities. “We need to make do with the little resources we have and implement the new CONOPS to help AMISOM fulfill its mandate of securing Somalia,” Mulongo told the official opening of the conference in a statement. The new CONOPS, which is the framework for AMISOM’s exit strategy, will guide the AU mission’s military activities and operations for the 2018-2021 period. The meeting brings together sector commanders who lead military contingents from troop-contributing countries to AMISOM, representatives from the Somali National Army, the United Nations and other partners. Mulongo urged the commanders to come up with realistic operation plans that will ensure the key CONOPS requirements are successfully implemented. The meeting came as AMISOM is expected to draw down its troops by 1,000 by the Feb. 28, in line with a July 2018 UN Security Council resolution. According to the resolution, AMISOM will need to reduce the level of uniformed personnel to 20,626 by Feb. 28, 2019, without “any further delay.” Under the new CONOPS, several forward operating bases (FOBs) are likely to be reconfigured and others folded up, as troop numbers reduce, said the AU mission. However, AMISOM made an assurance that the changes will be undertaken with utmost consideration of the safety and security of populations living in the regions where the FOBs are situated. Tigabu Yilma Wondimhunegn, AMISOM force commander, said they will focus on conducting targeted offensive operations against al-Shabab to degrade its capability, deny them freedom of action and movement and secure friendly forces in order to implement the CONOPS effectively. The CONOPS marks the final phase of the AU mission’s transition and its eventual exit from Somalia. The post AU military chiefs meet on exit strategy in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxa ay soo bandhigtay safaarado iyo xafiisyo lacago badan ku baxaan oo aan shaqayn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka tirsan golaha ayaa waxa uu si adag uga hadlay saddex wasiir oo ka tirsanaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo oo ka degay magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay inay sharci adag ka soo saari doonaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Lawyers for Human Rights (LHR) has described the Pretoria high court’s decision to dismiss an application by eight Somali asylum seekers to review their rejected applications as shocking. The head of LHR’s strategic litigation programme, Wayne Ncube, said the organisation intended to appeal the decision. “We feel it does not reflect the facts in the papers or take into consideration judicial precedence from superior courts or the prevailing country information from Somalia,” he said. Ncube said he couldn’t comment further, but that LHR intended to reflect on their criticism of the decision in greater depth in the appeal. LHR acted on behalf of the eight asylum seekers, who fled Somalia and came to South Africa at various times from 2007, when the war in Somalia was at its zenith. Officials at the refugee reception offices (the first port of call for asylum seekers once they are granted entry to the country) declined all eight of their asylum applications. They appealed, but the understaffed and under-resourced Refugee Appeals Board (RAB) again denied them. In their appeal to the high court, the applicants highlighted a number of errors in making their case, including that the RAB had a “restrictive interpretation” of the term “persecution”. But Judge Dunstan Mlambo, the judge president of the Gauteng division of the high court of South Africa, dismissed the appeal suit. ‘Everyone under threat’ In his judgment, Mlambo said it was “immediately apparent” that the RAB had focused on when the asylum seekers were personally exposed to “conduct amounting to persecution”. “The RAB considered whether each of the asylum seekers was exposed to any personal threat or harm leaving them with no option but to flee Somalia … [The RAB] considered the situation insofar as it related to each applicant. In this regard, the RAB considered if the asylum seekers had other family members living with them when they decided to leave Somalia,” Mlambo said. “The basis for this approach is clear. If the civil war was the reason for the asylum seekers to flee Somalia, clearly the violent circumstances presented by that armed conflict cannot be selective, everyone living in the affected area would have been under threat.” On this basis, Mlambo agreed with the refugee reception offices and the RAB, and concluded that the eight asylum seekers’ lives were not threatened, nor would they be under threat should they return to Somalia. He said the criticism levelled against the RAB’s approach to the asylum seekers’ applications was misconceived and that there was no foundation for them to argue that the RAB had applied a “restrictive interpretation of the term ‘persecution’”. The eight applicants’ experiences of persecution in Somalia include threats, intimidation, close friends and family being killed during the civil war and being caught in the crossfire. Threats, kidnapping and torture One of the applicants worked for a non-governmental organisation (NGO) based in the Somali capital of Mogadishu, where he started receiving threats from members of militant group Al-Shabaab. He left his job soon after this. His brother-in-law, who also worked for an NGO, started receiving death threats from Al-Shabaab and, not long after, was assassinated by members of the group. Related article: Murder in Serbia raises critical questions in South Africa He returned to his NGO job and, soon after this, men he believed belonged to Al-Shabaab kidnapped and tortured him and a friend. He said that after two weeks in captivity, he managed to escape his captors and flee to a government-controlled area in Mogadishu. Here, soldiers arrested him and accused him of being a member of the very same organisation from which he had just escaped. They later released him from detention and, while saving up to flee Somalia, he continued to receive threatening phone calls from Al-Shabaab until he fled the country in January 2011 and arrived in South Africa in March that same year. Bombed and injured Another one of the applicants owned a stall in Bakaara Market, Mogadishu’s largest open-air market. In 2006, he was severely injured when a rocket landed in the market. The following year, another bomb exploded in the vicinity of his stall in the same market, killing a number of people. The man said that, in 2009, a group of Al-Shabaab members raided his home and killed a friend who had been living with him while away from home. When he got home, he found they had kidnapped one of his neighbours as well. Soon after this, he started receiving threatening calls, accusing him of working for the government. In his application, the man said that even though he didn’t work for the government, just being suspected or accused of doing so had put his life in danger. He fled from Somalia in October 2009 and arrived in South Africa in February the following year. Living in fear Another one of the applicants said he witnessed many battles in Mogadishu and was living in constant fear. Al-Shabaab members killed his brother and, in October 2008, he was caught in the crossfire during fighting and shot in the upper thigh. He was only released from hospital in June the next year and left Somalia in October 2009, arriving in South Africa on December 10. Despite these and similar stories about their experiences in Somalia, Mlambo agreed with the RAB’s decision to reject their applications. “The RAB found that it could not believe the applicants on their versions that they were personally at risk and that they were forced to flee Somalia. In fact, where the RAB made credibility findings, this is borne out by the facts before it,” he said. Mlambo concluded by saying that the applicants had “presented hopelessly inadequate cases and the RAB can therefore not be faulted for denying them refugee status”. Source: Mail and Guardian
  15. An Ontario court has dismissed an appeal from a Toronto man convicted of trying to join a Somali-based terrorist organization, saying stiff penalties are necessary in such cases to deter similar would-be criminals. Former Toronto security guard Mohamed Hersi was convicted in 2014 of attempting to participate in the activities of a terrorist group and providing counsel to a person to participate in terrorist activity. Court heard he was en route to Somalia to join Islamic terrorist group al-Shabab when he was arrested, and a Superior Court judge sentenced him to consecutive five-year prison terms for the two charges he was convicted on. Hersi appealed both the conviction and the sentence, which lawyers said was the maximum possible and described as excessive. A panel of three judges at the Ontario Court of Appeal upheld both the conviction and sentence in a decision released Monday. “When people determined to wreak havoc in our community are caught and convicted, the courts must impose sentences that reflect the community’s moral outrage and the very real danger posed by those individuals to the community,” the decision reads. “That is what the trial judge did. The sentence imposed was fit.” In an e-mail Monday, Hersi’s lawyer called the decision disappointing and said he has not yet received instruction from him client for further appeals. “The Court of Appeal’s summary dismissal of the arguments was an affront to the rule of law,” said Paul Slansky. “Hersi received an unfair trial.” Police arrested Hersi in March, 2011, at Toronto’s Pearson International Airport as he waited to board a flight to Cairo via London. Court heard the purpose of the trip was to join al-Shabab, a group whose ideology he claimed to support according to the testimony of an undercover police officer. The investigation into Hersi was started after a dry cleaner found a computer memory stick among clothing containing a manual for making explosives, court heard. The undercover officer testified that he befriended Hersi at the Toronto office tower where the man was working as a security guard. Over the course of several months, court heard that Hersi expressed sympathy for al-Shabab’s “jihadist goals,” indicated he had plans to join the group, and encouraged his new friend to do the same. Hersi, who took the stand at his trial, argued the purpose of the trip was to study Arabic. At his trial, Hersi’s lawyers argued that he had been the victim of entrapment, a claim dismissed by the presiding judge. Slansky argued police had no reasonable grounds to investigate Hersi in the first place. Hersi’s appeal was based on 15 grounds relating to either the trial judge’s rulings or her instructions to the jury. The Court of Appeal sought submissions from the Crown on two of those issues, but ultimately ruled there were no substantial errors. The panel’s strongest words pertained to the appeal of the sentence. The court said many of its rulings have tried to “emphasize denunciation and deterrence when sentencing for terrorist crimes.” This case, the decision read, was no exception. “There is no doubt that the sentence imposed was severe. It had to be,” the decision reads. “Terrorists, like the appellant, pose an existential threat to the Canadian community and to the Canadian way of life. They are not criminals in the normal sense. They are worse.” Source: The Globe and Mail
  16. The Kenyan Defence Force has continued attacking and destroying Hormud Telecom branches near Kenya-Somali border. Global Somali Diaspora (GSD) is joining others in condemning to the strongest possible terms against this deliberate targeting attack towards Hormud Telecom and its staff inside Somalia’s Soil. It is really a nerve-wracking development that Kenyan Defence Force are coming to the Somali soil in Gedo region to attack and destroy the Hormud Telecom property, killing and injuring its staff and cutting off the livelihood of many civilians in the region without fearing the consequences. Jawaahir Daahir (BEM), Chair of Somali Global Diaspora said: “Somali people are grateful to the Kenyan Government in joining the AMISON Army to help secure the safety and rebuilding of Somalia’s security force. However, it is clear that these attacks have been continuing for couple of years now and not only damaging the Hormud Telecom Communication Branches in Gedo Region but also killed and injured staff of the company which is absolutely an offensive act”. Attacking the property of Somali businesses and its staff inside Somalia is attacking the Somali’s sovereignty and one should not tolerate it. Some reports stated that Kenyan Defence Forces hanged two Hormud Telecom staff and burnt all the company’s property which is barbaric and cruel. Jawaahir Daahir (BEM) added: “We are welcoming the intervention of Somali Federal Government and dialogue between the two governments in relation to these incidents. We ask the Somali Federal Government to send a clear message to the Kenyan Government that they need to stop terrorising our businesses and people in the Gedo region”. Such practice harbours and feeds in the terrorist’s groups in the region that already exploiting the lack of strong Somali army in the region that can defend its territory and people’s property. Hormud Telecom is one of the largest employers in Somalia and it has been an instrumental model that offers a significant communication system to the Somali people living in the region and connecting them to the rest of the country and world. Jawaahir Daahir (BEM) added: “Hormud’s charity arm provides vital and needed humanitarian assistance to Somali people across the country including emergency services, support for disable people and hospitals, people affected by the terrorist attacks and humanitarian disasters. Therefore, attack on Hormud’s property and staff should be seen as attack on all of us.” We demand that Somali Federal Government put this into their highest priority and work harder with Kenyan Government to stop those attacks on our businesses and people inside the Somali territory.
  17. (SLT-Muqdisho)-Sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska ayaa ku dhintay qarax lagu xidhey mid ka mid ah gaadiidka ciidamada booliska ee magaalada Muqdisho maanta. Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Xasan Dheere sida ay VOA u sheegen ilo dhinaca ammaanka ah. Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Saybiyaano ee isla degmada Hodon. Qaraxa ka dib, ciidanka ayaa gaaray goobta qarxa uu ka dhacay. Xasan Dheere ayaa la sheegey in uu ka howl-gali jirey saldhigga ciidamada booliska ee degmada Hodan. Source
  18. KAAF IYO KALA DHEERI Habeen iyo maalin walba bulshada Somaliland waxay la hadashaa Madaxwayne Muuse biixi isna uma jawaabo. Khudbad kasta madaxwayne Muuse wuxuu la hadlaa madaxwayne Farmaajo isna uma jawaabo. Labada jeerba waxa qaldan madaxwayne Muuse, Mar wuxuu la hadlayaa madaxwayne aanuu geelu iskugu jirin oo isaga layaaban, Marna wuxuu iska dhagatiray dhawaq-yada bulshada Somaliland ee cabashada u bada una dhaw inay isku badalaan kacdoon shacab. Waxa kala cabanaya M/Muuse na ka aamusay 1- Xukuumaddii vs Darbi-jiifkii ! 2- Xukuumaddii vs Wadhatadii ! 3- Xukuumaddii vs Hal-abuurkii ! 4- Xukuumaddii vs Saxaafaddii ! 5- Xukuumaddii vs Xisbiyadii ! 6- Xukuumaddii vs Danahii dalka ! Bulshadu Somaliland waxay qaadayaan (Naftaydu nafbay rabtaa, Naftuna nafkalay rabtaa) Amb.Axmed Safiina Qaran News
  19. The newly appointed cabinet members of Puntland regional state of Somalia has been sworn in on Tuesday. The cabinet was sworn in by the regional state’s chief justice, Dr Yusuf Hajji Noor. The Puntland leader Said Abdullahi Deni and his deputy Ahmed Elmi Osman Karash also witnessed the swearing-in ceremony. Some new cabinet members were absent due to trip abroad, but they are expected to return for duty. Puntland leader and his deputy have urged the new cabinet members to perform their duties diligently and put the interest of the people first. Said Abdullahi Deni who was elected into office on 8th January unveiled his 48 cabinet members on Sunday. Only three female ministers were appointed. The post Puntland swears in new cabinet members appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Baladweyne (SMN) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka digay dhibaato ka dhalata biyo la’aan ka jirta magaaladaasi, kadib markii uu guray wabiga Shabelle oo ay ku tiirsanaayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay gurmad u fudiso dadkaasi dhibaateysan. Biyaha wabiga Shabelle oo ay inta badan ku tiirsan yihiin dadka reer miiga iyo sidoo kale beeraleyda ayaa saameynta ugu daran ay ku yeelatay biyo la’aantaasi. The post Biyo la’aan xoogan oo ka jirta gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa shaaciyey in qadiyada somaliland ay maanta marayso halkii ugu hoosaysay. Prof Cabdi Cali oo soo saaray qoraal uu kaga hadlayo qadiyada somaliland ayaa sheegay in mudadii ay talada dalka haysay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi uu hoos u dhacay qiimihii ay lahayd somaliland. Proff Cabdi Cali ayaa qoraalkiisu waxa uu u dhignaa sidan: Faahfaahinta Saddex Hal oo Badheedha ah. 1- Waa iga Mabda’ Ma jirto maalin dadka reer Somaliland ee jecel la soo noqoshada qaranimadeena uga cabsi badan yihiin qaddiyadooda; lama filayn taas maanta oo kale oo kuwii u soo halgamay hoggaanka hayaan aniga iyo dadka ila midka ahi iska daa kuwa Xamar lagu xamanayo’e, waxanu qabnaa in dawladda lafteedu markay ugu yar tahay ka seexatay ama dayacday soo noolaynta rajada Somaliland; waxaba xukuumaddani kow ka tahay waxyaalaha ay ku marmarsoodaan kuwa Xamar doonaya. Kuma raacsani oo gar iyo daw toona uma laha; laakiin ma ka war haysaa xukuumaddani in ay kuwaasi ay rabaan in ay ka dhigtaan rajo xumadaas musbaarkii u danbeeyay ee naxashka Somaliland lagu dhufto; maalin walba waxan ku waaniyaa kuwaas in ay kala saaraan Qaranimada iyo xukuumadda maanta talada haysa; Laakiin rajo xumo badan oo u muuqata ayay iyaguna ii miisaan. Horta gari Alley taqaanaaye, mid waan qirayaa; haddii aynu badeecad ka dhigno Somaliland, dee Ilaah baa ina dilaayee, intii xukuumadani talada qabatay qiimaheedii suuqu hoos buu u dhacay!!!!. Ma qabo sida xukuumaddu inoogu khudbadayso in cidda dubaha la dhacaysa Somaliland ay tahay Farmajo iyo Kheyre; waxan qabaa in gudaha laga dubaynayo, taasina ay soo dedejinayso kala diridda Somaliland. Aniga iyo kuwa ila midka ah Somaliland tu waa ka Mabda’a; suuqeedana cirkaanu geyn lahayn; laakiin cidda maanta middida daabkeeda haysaa ama ha is ogaadaan ama yaanay is ogaane qiimihii Somaliland dhulka ayay galiyeen. Ma ka bes baa mise arrinku waxa weeye halkii la yidhi: Hashu maankayga gaddee, ma masaar bay liqday!!!; War jiraaba cakaaruu iman; qodobka sagaalaad ee Qaxoolajiguna wuxu dhigaa sidan: Qaladka aad adigu ku jirto, ku eedee ka kale intaanu kugu eedayn!!! Dhinaca kale, ma qabo dhalinyarta iyaga laftoodu isku khaldaysa taageerada xukuumadda maanta iyo qaranimada Somaliland (labada qolo waa isku xanuun) in iyana ay difaaci karayaan jiritaanka Somaliland; aniga iyo dadka ila mid ka ah ee xukuumadda saluugsan ayaa ku dhaana u caqli celinta walaalahaas niyad jabsan. Waxan uga digayaa qolooyinka Social media ha wax ku qora ee xukuumadda taageeraa in aanay qodaxda sii fogeyn!!! 2-Midna waa Iga Go’aan: La Soco Postiga danbe Cabdo; Maamul wanaagga iyo hoggaanka suuban. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Xogo wargeyska Waaberi helay ayaa tilmaamaya in xubnahan uu sugayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu kulan ula qaato todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka. Kulanka oo la filayo in uu maalmaha soo socda qabsoomo ayaa la filaya in madaxweynuhu kala hadlo xubnaha Komishanka arrimo ku saabsan muranka hadheeyay ee ah in la kala diro. Wararku waxay intaas ku dareen in madaxweyne Biixi doonayo in guddida uu kala hadlo sidii ay xilka u bannayn lahaayeen, iyada oo guddida lafteedu aan ku adadkayn sii joogista xilka maaddaama mudda xileedkoodu ka soo horeeyo doorashada Wakiillada oo muranka Komishanku caqabad ku noqday. Geesta kale xogo wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland iyo ergooyin wehelinayay oo hore kulamo ay qabanqaabiyeen xisbiyadu ugu kala kaceen dib u abaabulayaan dhexdhexaadin udub dhexaadkeedu yahay sidii guddida doorashada ee aan wakhtiga badan u hadhin xilka uga tagi lahaayeen si loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay oo dardar geliya qabsoomidda doorashada dhammaadka sanadkan qorshaysan. Siyaasi Axmed Cali Ubaxle oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa waraysi uu shalay siinayay telefishanka Somali Cable ku sheegay in loo baahan yahay in Komishanku arrinta fududeeyo oo iscasilo “Waxaan jeclaan lahaa guddida Doorashada laftoodu dad badana way yidhaahdeene dalka iyo dadka in ay u daneeyaan oo iyaga oo aan cidna dambi ka gelin ay iscasilaan oo yidhaahdaan ‘haddii ay anaga arrintii(Doorashadii) noo taaggan tahay billaa caleeg halkaas ayaanu dhignay ee ummadda reer Somaliland eey ka taliya’ in ay yidhaahan baan jeclaan lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Mr Ubaxle. Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Siciid Cali Muuse, Komishaneer. Cabdifataax Ibraahim Xasan iyo Komishineer Maxamed Jaamac Maxamed.oo dalka dibaddiisa ku maqna ayaa dhawaan soo laabtay kuwaas oo hore wargeyska Waaberi u sheegay in madaxweyne Biixi sugayo si uu mawqifkiisa Komishanka ugu bandhigo taas oo maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in ay kulmaan. Dhinaca kale Beesha Caalamka ayaa Xukuumadda Madaxweyne Biixi cadaadis ku saartay inay xaliso muranka la xidhiidha arrimaha Doorashooyinka , kaasi oo ay ubucdiisu tahay qaddiyadda la xidhiidha 7 xunood ee Komishanka doorashooyinka in xal laga gaadhi inta ka horaysa bisha Maraaj si ay doorashadu ugu qabsoonto wakhtigii loogu talagalay, Madaxweyne Muuse Biixi oo ku dedaalayaa sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigaa loo qoondeeyey, isla markaana tixgelinayaa dhawaaqa Beesha caalamka ayaa hadda isku diyaarinayaa inuu xal ka gaadho qaddiyadda Komishanka Doorashooyinka,iyada oo uu murankaa Komishanku ahaa carqalad soo taagnayd in badan isla markaana dib u dhigay doorashadii mudaysnay inay dalka ka qabsoonto Bisha Maraaj ee sanadkan. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waraysi uu dhawaan siiyay telefishanka Saab ku sheegay in aanu madaxweyne Biixi wax tallaabo ah oo qabsoomidda doorashooyinka ku saabsan qaadin tan iyo markii Guurtidu muddo kordhinta samaysay. Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa istaagay mawqif ah in aanu sinaba ku galin doorasho ay qabanayaan guddida doorashada ee hadda joogta kadib khaladaad xisbigu ka tirsaday doorashadii madaxtooyada. Arrintan ayaa ka mid noqotay caqabadaha ugu waaweyn ee hor yaalla doorashooyinka waxaanay u muuqata in doorashadu xilligeeda ku qabsoonto haddii madaxweyne Biixi ka tanaasulo mawqifkiisa oo ahaa in guddidani sii joogto. Source
  23. Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen deegaanka Kobon oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Ciidanka ayaa weerar ku qorsheysan ku qaaday deegaankaasi, iyagoona gacan ku heynta kala wareegay dagaalayahannada Al Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa soo saaray ku dhawaad 20 Miino oo lagu aasay halkaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo milatari ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. The post Ciidamada DFS Oo la wareegay deegaan ka tirsan J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muddo bil ah oo laga dhursugayay in Madaxwayne Siciid C/llaahi Deni uu soo dhiso xukuumadiisa, ugu dambanytii maalin axada taariikhduna ku beegnayd 10/02/2014 ayaa lugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada maamulka Puntland. Maadaama 14 bari dheeri ah loogu daray waxaa la filanayay inuu soo dhiso xukuumad dhinac walba ka misaaman marnaba lama filayn in uu soo dhisi doono xukuumad shacabweynaha kala kulmaan niyad jab iyo muraaro-dillaac oo sida shacab badani qabo la mid noqotay duddumadii foolatay ee jiirka dhashay. Run ahaantii marka laga eego dhinaca rikaabki uu watay Deni, ma ahayn mid la fogaysan karay inuu ka badin waayo magacaabidda wasiiradiisa qayb ka mid ah oo ka aradan dadnimo, aqoon iyo sooyaal wanaagsan intaba oo waliba qaarkood iska daaye in xil loo dhiibo e, dambiyada ay bulshada ka galeen oo ay ugu wayntahay lunsashada iyo boobka hantida dadwayne ku mutaysan lahaa ciqaab iyo xarig. Dadka yaqaanna Deni kuma sheegaan nin aragti hogaamineed iyo hiraal aragnimo wayn ku fadhiya, hase ahaatee xumaan shakhsi ah qof ka sheegaya wuu yar yahay; balse dhibaatada xukuumadiisa haysata waa isaga oo gacanta u galay koox danleey dhaqaale ah oo aan dad iyo dal midna u diirnaxaynin. Kooxdaas waxaa loo yaqaan Aaranjaan, waxay samaysmeen oo ay bulaaleen xilligii C/raxmaan Faroole talada Puntland hogaanka u hayay, sanadihii 2009-2014, waa xayn ganacsata ah oo u badan gobolka Nugaal oo awoodda dowladda mar walba u adeegsada xaqiijinta dano dhaqaale iyo maslaxado shakhsi ah. Kooxdaan waxaa ugu miisaan culus ganacsade Maxamuud Warsame Shiddo iyo wasiirka la magaacabay ee Xasan Shire Abgaal, labadan kaaba laadaro iyo kooxdooda aaran jaan waxay maalgaliyeen ololihii doorashada federaalka ee 2016kii ee Mudane Deni wareegii horeba ku haray iyo doorashadii u dambeesay ee ka dhacday Puntland uu mudanuhu Puntland madaxwaynaha kaga noqday. Maxamuud Shiddo, hogaamiyaha kooxda Aaran jaan, waa ninkii imaaraatka gacantiisa uga soo qaaday adduun dhan 3 malyan 2014kii si ay uga qayb qaataan doorashada puntland uu doonayay faroole inuu dib u hanto xukunka puntland, lakin faroole ma soo bixin halkaasna guusha waxa ay kuu raacday c/wali . Maxamuud shiddo oo ah nin firfircoon ayaa doorashadii danbe waxa uu ka shaqeeyay isku-xirka kooxda Islaax iyo Imaaraad,. Sidoo kale hay’adda PMPF oo ay garwadaynka ka yihiin kooxda Aaranjaanka , taageerana ka hesha dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin lixaad leh ka qaadatay kuna taageertay dhaqaale ahaan Siciid C/llaahi Deni ka soo hadda u muuqda magac mooyee nin aan talo badan gacanta ugu jirin. Waxyaalaha aadka loo la yaabo doorashadii u dambeesay ee Puntland waxa ay ahayd in ay danwadaag iyo xulufo jaal ahi noqon karaan islaax oo laan ka mid ah dhaqdhaqaaqa Ikhwaan Muslimiinka dunida islaamka ka jira iyo Dowladda Imaaraat ee aad uga la dhaxayso cadaawadda , dadku waxay isweediinyaan mudda intee le’eg ayay sii wada joogi karaan , yaase daaqadda laga la bixi doonaa. kooxda aaran jaan oo hadda ah isku xiraha labada koox waa koox pragmatic ah oo aan mar walba masalxdooda eegta kuna fiican inay qiyaasaan meeshii danta ay ugu jirto ayaa waxaa loo badinayaa inay tuuri doonaan markay muummuudsadaan ka gadaal. Madaxweynaha oo qudhiisa ah islaax ah ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in mudda ahba iska fogeynayay islaaxa si ayan uga horimaan hankiisa siyaasadeed , taas oo ka dhigan in Kooxda Aaranjaan ku kaliyaysan doonaan madaxweynaha, meesha ay rabaanna u jihayn doonaan. Doorashada Madaxwayne Deni ma ahayn mid farxad galisay Dowladda Federaalka oo iyada culayskeeda dul dhigtay Eng. Jabiye oo isaga ku haray wareegii hore, taasi waxay dowladda federaalka kala kulantay wajji gabax wayn iyadoo Dr. Deni lugu yaqaanno calool-kuhayn badan iyo aar-gudasho jacayl, hase ahaatee dhibaatooyinka gudaha Puntland ka haysta oo aad u tira badan ayaa u oggolaan Karaynin in uu xilligaan colaad u muujiyo Dowladda Federaalka. Xukuumadda Deni u-adeeg bulsho mise ka-adeegashadooda? Madaxwayne Deni ayaa soo dhisay xukuumadiisa axadii la soo dhaafay oo ku beegnayd 10 kii bishan aan kujjirno, waxay ku qaadatay bil iyo 2 beri, Wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horeeyay oo waqti dheeri ah loogu daro soo dhisidda xukuumaddiisa . Waxaynu wada xasuusannaa doorashadiisii in lugu soo dhoweeyay mudaharaad iyo bannaanbaxyo ka dhacay inta badan deegaannada puntland oo lagu diidanaa madaxweynaha iyo kooxda aaran jaan, sidaas darted waxaa la filayay in uu soo dhisi doono xukuumad shaki saarta shacabwaynaha oo ah mid tayo leh uu soona magacaabo dad karti iyo aqoon u leh, saami qaybsiga beelahana uu ixtiraamo, waxaa kaloo laga filinayay in raadka kooxda Aaranjaan ee sumcadda-darrada u saaxiibka ah aysan ka muuqan xukuumadda uu dhisayo. Nasiib-darro xukuumadii dhalatay waxay noqotay mid cabsidii la qabay sii xoojisay, waxay noqotay xukuumadda kaliya ee Puntland soo marta oo aan si wayn loogu farxin curashadeeda. Waxaan qodobada soo socda ku soo koobayaa qaabka lugu dhisay xukuumada Deni iyo tilmaamaheeda: Xukuumada waxaa aad uga soo muuqday shakhsiyaadkii Aaranjaan ahaa ee la wada yaqaannay iyo kuwo badan oo dan wadaag xigto iyo xidid la ah Aaran jaan . Waxay reer walba ka soo xusheen dadkii ololaha af ama addin ku taageeray, iyadoo xukuumadihii hore ahaan jireen kuwo ay ka soo dhex muuqan kari jireen inta badan kooxaha loolanka qaybta ka ah iyo xattaa musharrixiinta tartanka ku hartay qaarkood. Aaranjaan waxay culayska saareen wasaaradaha ugu muhiimsan ee halbowlaha u ah shaqada dowladda. Wasaaradda Maaliyadda waa midda ugu muhiimsan dowladda Puntland, waana meesha lacagaha ku kala goostaan Madaxtooyada sida dhaqanka ahaan jirtay, waana taas sababta keentay in ay kooxdani ku mintido oo dagaal dheer u gasho sidii ay ku hanan lahayd Wasaaradda Maaliyadda waxaana loo magacaabay Xasan Shire Abgaal ( waa ninka labaad ee kooxda Aaranjaan dhanka kala-sarraynta awoodda). Madaxwayne Deni bisha uu xilka hayay wuxuu ssoo saaray dhowr digreeto oo ku saabsan maaliyadda oo uu ku xayirayo dhaqdhaqaaqyada akoonnada wasaaradda Maaliyada, waxay mutaysatay bogaadin waliba tii lugu joojiyay daabacaadda shilinka Soomaaliga balse magacaabidda Xasan Abgaal ayaa shaki weyn abuurtay in madaxweynaha dhab ka tahay la dagaalanka musuqa , maxaa ku qasbay Deni inuu magacaabo xasan abgaal isagoo heli kara dad shaatigoodu nadiif oo aan lahayn sooyaal taariikheed oo dhinaca musuqa, nin hanti badan ka sameeyay mucaawinaadka yar e soo gala Wasaaradda Caafimaadka oo uu muddo 10 sano ah ka ahaa agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, mushaharkiisu dhowr boqol oo dollar ma dhaafsiisna, sidaas oo ay tahay waa mid ka mid ah dadka ugu maal iyo hantida badan Puntland!, wuxuuna ka mid yahay dadkii Madaxwayne Deni dhaqaale lacageed oo boqolaal kun oo dollar gaaraya ku taageeray . Wasaaradaha ugu muhiimsan sida: Amniga, Qorshaynta iyo Gudaha ayaa loo dhiibay rag aad ugu dhow kooxda Aaranjaan oo ay yihiin danwadaag hoose. Waxay noqotay xukuumaddii ugu horraysay ee la soo magacaabo oo isugu keentay golaha wasiirada waasiiro isku family ah oo isku ah xigto iyo xigaal, ilaa ay gaareen dadka qaarkii inay ku kaftamaan xukuumaddiii (nikaax & naas) xididnimo iyo abtinimo, taas oo laga yaabo in noqoto shaqadii ahayd u-adeegida bulshada mid isu bedasha ka-adeegashada bulshada. Madaxwayne ku-xigeenka Axmad Karaash wuxuu noqday ninka kaliya ee gaashaanka u daruuray qorshayaasha Aaranjaan isaga oo inta badan meelmarsaday wasiirrada beesha Sool clan xukuumadda kaga soo aaday; arrintaas waxay aad uga caraysiisay garwadeenka xukuumadda Maxamuud Shiddo, waxayna saadaal hor-u-dhac ah u tahay qaabka ay u wada shaqayn doonaan garbaha isdiiddan ee ka wada tirsan xukuumadda Deni Waxaa soo baxaysa ifafaalo muujinaya dagaal qabow oo durbadi ba ka dhex curtay kooxda Al-islaax oo iyaga ka qaybqaatay abaabulkii ololaha Deni, raggaasi waxay u badanyihiin dhalinyaro aqonyahanno, kaalin mug lehna ka qaatay soo saaridda Madaxwayne Deni hase ahaatee waxay u muuqdaan kuwa looga gudbay marxalad taagneed balse aan dib loo milicsan. Deni waxaa ololihiisa halkudhig u ahaa (Tiigsi iyo Tayo). Waxaa laga filan karay xukuumad kooban oo tayo leh, waxayse noqotay mid tiro badan balse qabiilooyin yar yar oo tiro badan oo xukuumaddii hore matalaad ku lahaa haatan afkaas wax loo saari waayay. W/Qoray: Maxamed Xusni Wardheere wardheere114@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid