-
Content Count
207,398 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka, maalgashi sidii loogu sameysan lahaa Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta ayaa maalintii Labaad wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa soo qabqan qaabisay Geel Project, waxaana ka qeybgalay maalintii Kowaad mas’uuliyiin kala duwan. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, wasiirka Ganacsiga, wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga, shirkado gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya xoolaha, beeraha iyo Kalluunka iyo marti kale ayaa shirkan ka qeybgashay. Waxyaabihii aadka looga hadlay waxaa ka mid ah sidii wax soo saarka dalka u heli lahaa suuq dibadda ah. Dhammaan mas’uuliyiintii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegay iney diyaar u yihiin ka shaqeynta arrimaha kobcinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo sidoo kale maalgashiga sidii ay uga shaqeyn lahaayeen. Maanta aya ala filayaa in shirkan lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho, islamarkaana laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka Ku Dhaqan Tukaraq Oo Ka Cabanaya Xaalad Nolol Xumo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Shacabka ku dhaqan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo la sheegayo in deegaankaasi iyo deegaannada ku dhow ay abaar ka jirto. C/qani Maxamed, guddoomiyaha gobolka Sool oo kormeeray deegaankaasi ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka ayaa sheegay iney u baahan yihiin gurmad degdeg ah islamarkaana xaaladooda ay aad u adag tahay. Guddoomiye C/qani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii dadkan aan gurmad loo helin ay xaaladda meel adag gaari karto. Wuxuu sheegay in maamulkooda uu dedaal ku bixin doono sidii loo heli lahaa cawinaad degdeg ah. Tukaraq ka sokow abaarta ka jirta weli waxaa laga dareemayaa saameynta dagaalladii dhowaan halkaasi ka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho ( SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka M/Muqdisho. Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, basle Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisamaha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal xoogan Oo ka dhacay duleedka M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka dib-u-habaynta aqoonta shaqaalaha oo ay wado wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Sharciga dawooyinka oo ay diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulanka maanta ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada. Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta. Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasimdda machadlka qaran ee caafimaadka. The post RW Khayre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( S,MN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Punland ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi. Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa uga digay golihiisa wasiirada in ay ku kacaaan falal la xariira musuq-maasuq iyo wax isdaba marin. Sidoo kale waxa uuu kula dar daarmay in ay la yimaadaan hanaan ku dhisan iskaashi dhexdooda ah, si bulshada loogu faa’iideeyo adeegyada aas aasiga ah. Dhankooda wasiirada cusub ayaa ballan qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay horumarin doonaan shaqooyinkooda. Shalay ayey aheyd markii xubnahani lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland. The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay golihiisa wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada Booliska Gobolka ayaa Xalay xir xiray dhalinyaro badan kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Warta Nabada ee Muqdisho. Howlgalka ayaa laga sameeyey inta udhaxeeysa Cali Kamiin ilaa Baar ubax. Howlgalkaan ayaa ka dambeeyey weerar habeen hore lagu qaaday xero ciidanka ku lahaayeen halka loo yaqaano Furayaasha. Howlgalka ayaa waxaa lagu qabtay dad aad u farabadan oo u badan dhalinyaro. Waalidiin badan oo caruurtooda howlgalka lagu qabtay ayaa xalay hor dhoobnaa xarunta xisbiga oo ciidamada ay fariisin ku leeyihiin. Puntland Post The post Ciidamada Amniga oo howlgal ka sameeyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa soo bandhigay mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan TIKNIKO, kaasi oo ay sheegeen inay kala wareegeen ciidamadii watay xili dagaal uu dhexmaray. Al Shabaab ayaa sheegay gaarigaasi ciidamada dowladda ay kala wareegeen kadib dagaal ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac sababay. Waxaa la sheegay in gaarigaan oo uu ku xirnaa qoriga DHASHIIKAHA iyo saanad kale oo ciidan oo hub badan uu ku jiro inay kala wareegeen ciidamadii ay maalmo ka hor kula dagaalameen deegaanka Jazeera. Gaariga oo taarkadiisa ku xirnyed aheyd XOOGA 05704 ayaanan la sheegin halka Al Shabaab ay kusoo bandhigeen, balse waxaa goobta lagu soo bandhigay ku sugnaa ciidamo ka tirsan Al Shabaab. Dhowr jeer oo hore AL Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid ay sheegeen inay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay gaari ay dhawaan soo bandhigeen kaasi oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caaismada@live.com
-
Hargeysa(Caasimada Online) – Guddida joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay waydiiyay wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa xukuumad ahaan uga meel yaalla xujayda Somaliland oo dhib ku qabta gudashada waajibkaadka Xajka iyo sidii loogu heli lahaa hab u gaar ah oo Somaliland ku tagto. Wasiirka ayaa sheegay in dadaallo badan oo ay sameeyaan aanay suuro gelin in Sucuudigu aqbalo warqado ay dadka reer Somaliland ku tagaan Xajka, kuwaas oo ka madax banaan Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa sheegay in bulshada Somaliland Xajka ku tagto lacag qaali ah, haddana ay yihiin kuwo xilliyada u dambeeya la qaado, islamarkaana aanay daryeel ku helin xajka. Wasiirka oo arrimaha ka jawaabaya ayaa yidhi “Caqabadaha siyaasiga ah ee inaga haysta citiraaf raadinta iyo aqoonsiga dawladnimo iyo jiritaanka, sida aad ka war qabtaan weli basaboorkeena lama citiraafin in aynu nahay gobol jira oo Islaam ah oo dawlad leh oo degaan ah waa la og yahay laakiin, duruufahaas ayay salka ku haysa. Imbadan baanu ka dadaalnay sidii Basaboorkeena ama waraaqo gaar ah ay inoo citiraafan welina hawsha waanu ku dhex jirna, sanad aan laga hadalna way yar tahay,” Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland wuxuu sheegay in ay bilahan ku hawlanaan doonan sii wadida dadaalkooda. “Imikana qorshaha waxa noogu jirta 120-ka maalmood ee soo socda in xilka wasaaraddu ka shaqaynaysa yahay sidii loo heli lahaa duruuf gaar ah oo aynu ku xajno inagu, madaxweynaha cusub Md Muuse Biixi Cabdi waanu ka wada hadalnay, qorshe ayaa nooga yaalla haddii ay noo hirgashana way noo hirgashay haddii ay hirgeli waydana qorsheyaal kale oo aanu idiinla nimaadno oo aad nala qaadataan ayaanu idiinla iman,” Sidaas ayuu xildhibaannada u sheegay wasiirku. Wasiir Khaliil waxa kale oo la waydiiyay xidhiidhka Somaliland ee Carabta iyo sida ay fursad ugu helaan wasaarad ahaan in ay Somaliland u soo jiidaan dhaqaalaha badan ee Carabtu ku bixiso dalalka Islaamka sida Sekooyin iyo samafallada kale. “Dawladaha Carbeed waa run wax way bixiyaan dhaqaalena way leeyihiin waana niman naxariis badan markaad dhinac ka eegto laakiin, siyaasadaha caalamiga ah ayaa hadheeyay. Waxaad moodda in baryahan dhammaan wixii la odhan jiray samafalka la soo koobay oo cidhiidhi badan lagu hayo oo iyaga laftoodii isu adeegsadeen, hadda dagaalka siyaasiga ah ee dawladaha Carbeed ka dhexeeya ayay qolaba qolo ku eedaysa in ay argagixisada caawiso dabeedna iyagii baa isku buuqay marka wax alla wixii, masaajido imika dalkeena ka socda iyo agoomo ay taageeri jireen dariiqii loo soo marin lahaa lacagta ayaaba adkaaday laakiin, waa niman jecel in ay wax galiyaan walaalahooda muslimiinta ah laakiin, dariiqii ay soo marin lahaayeen ayay iyagiina iska xannibeen,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Khaliil. Waxa kale oo uu sheegay in dagaallada ka socda dalka Yemen yihiin dagaallo u dhexeeya dalal Carbeed, islamarkaana ay dad Carbeed dhibaataynayaan taas oo qayb ka ah waxyaabaha adkeeyay samafalkii laga heli jiray. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Puntland ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, ayaa waxa ay keentay dareen colaad siyaasadeed oo ay kala tirsanayaa qabaa’ilada ku dhaqan Puntland. Marka beel ahaan loo eego golaha wasiirada Puntland, waxaa loo qeybiyey laba. Marka la isku daro 9 wasiir, waxaa la siiyaya beesha Majeerteen, ayada oo 5 ka mida sagaalkaas laga siisyay beesha Maxmuud Saleebaan ee Majeerteen oo uu ka soo jeedo Deni. Qabaailada kale ayaa waxa loo qaybiyay 9 Wasiir. Arintaan ayaa waxa ay dib soo nooleysay dareenka horay looga qabay Puntland, oo ahaa in Puntland ay tahay degaan ay heystaan beesha Maxamuud Saleemaan oo ay ayagu isku bad-badalaan maamulkeeda, cida madaxweynaha ka noqonaysana waxaa markastaa laga soo xushaa beesha Maxamuud Saleemaan. Waxa hogaanka Punland horay isku xigsaday oo qabtay: Cabdullahi Yusuf (Cumar Maxamuud) Cade Muuse(Cusmaan Maxamuud) Cabdirahman Faroole (Ciise Maxamuud) Hadana dib ayaa loo soo bilaabay mar kale Cabdi Wali Gaas (Cumar Maxamuud) Saciid Deni(Cusmaan Maxamuud) —————- (Ciise Maxamuud) – Madaxweynaha ku xiga Saciid Deni waxa uu laga soo dooran doonaa beesha Ciise Maxamuud Arintaan ayaa waxa in mudo kasoo horjeeday beelaha ku dhaqan Sool iyo Sanaag iyo kuwa degan degaanka Mudug. Beesha Carab Maxamuud Saalax ayaa waxa ay soo saartay warmurtiyeed ay uga soo horjeedo magacaabista golaha Wasiiradda oo aan ayaga waxa wasiir ah laga siinin. Dhanka kale beesha Leylkase ayaa iyadana waxaa la siiyay hal wasiir oo ay ka biyo diideen ilaa iyo hadda. Saciid Deni ayaa sheegay in aan waxba laga badalaynin habka loo qaybiyay Golaha Wasiirada. Salaadiinta Puntland ayaa iska fogeeyay in ayan wax shaqo ah ku laheynin, oo aan lagala tashan magacaabista golaha wasiiradda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Dadweynaha reer Burco oo ku farxey iscasilaadda Guddiga doorashadu gudbiyeen. Magaalada Burco waxaa ilaa maalmahanba koone ilaa koone dadku ka hadlayeen sida goobaha lagu Shaaho, suuqyada ganacsiga iyo dhulka siyaasadda lagu faalleeyaba iney arrin saxan oo qiimo badan tahay iscasilaadda la sheegey in guddiga doorashooyinku ula tageen madaxweynaha Somaliland dhowaan. Dadka reer burco iyagoo aan u eegayn muxaafid iyo mucaarad iyo xisbi waxay dhammaan isku aragti ka ahaayeen in aan loo baahneyn cid fadqalalo sabab u noqota waayo wadajirkeenna ayaa wax kasta ka qiimo badan ee qof binu aadam ah oo KIISHKIISA dhaansanaya waxba inagama khuseyso. Waxay dadka wax garadka ahi isku raaceen in nimankan loo yaqaanno GUDDIGA DOORASHOOYINKA ee uu madaxda u yahay Siciid Cali Muuse (SICIID NAAKHUUDE) oo markoodii horeba la MUSTAFEEYEY oo ahaa kuwii ugu musuqa badnaa, ugu caddaalada yaraa, ugu xilkasnimada darraa ee weligeed soo mara Somaliland iney waddanka dhibtooda iyo sharkooda ka badbaadiyaan oo ina dhaafaan. Dadka aanu ra’yi ururinta ka qaadney waxay isku raaceen nimankani waxay isugu dhejiyaan Meesha haddii la diidey waa uun fidno iyo shar wixii ay doonayeen adduunyo xaaraana ayay ahayd tiina hele oo buuxsade haddey wax u tareyso ee yaaney dadkayaga isku dilin ee hanna dhaafaan. Waxaan aad ula yaabey Nin reer burco ah ayaa I tusey Baabuur iyo guryo uu durbaba ka gaadhsiiyey ninkii qolada loo yaqaanno GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA ugu qaabbilsanaa BURCO wuxuu ninkaasi oo ay isku ARDAA ahaayeen igu yidhi bal ka warran ninkaasi inuu hodmey ayuu isu haystaa waxase aan la yaabbanahay isaga iyo kuwa Hargeysa joogaa waxay Meesha isugu dhejinayaan haddii garsoorkoodii keeney iney carruuri foodkii gasho aniguse kaas xaaraanta gadhka u samaystey qabiil ma ugu hiilin karaa?. Xamse Yuusuf faraska1988@gmail.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inay caddaatay in dowladda Soomaaliya ay ka been sheegtay heshiiska shidaalka kadib markii uu dhageystay barnaamijka Galka Baraista ee VOA. Qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook, hoos ka aqriso. Waxaan dhagaystay barnaamijka galka Baarista ee idaacadda Voa-da qeybteeda Afka Soomaaliga ee uu soo diyaariyey Wariye sare Harun Maruf oo xog badan oo dahsoonayd kuna saabsan shidaalka Soomaaliya dibadda soo dhigay. Waxaa wax lala yaabo ah in wasiirka Batroolka u qaabilsan Villa Somalia in hadalkiisa ay ka muuqatay: aqoon yari hawsha uu ka shaqaynayo, inkiraad xaqiiqooyin jira, qarin xog muhiim ah sida saamiga shirkadda Spectrum, adeegsi sharci hore oo ay wasaaradiisu soo baabi’isay, degdeg iyo khayraadkii umaddu ay wada lahayd oo uu doonayo asaga iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay in si mugdi ah u maamulaan. Waxaan bogaadinayaa Xoghayihii joogtada ee u danabeeyey wasaaradda Batroolka mudane Jamaal Qaasim Mursal oo bixiyey xog badan oo wax ku ool ah, muujiyey aqoon iyo xog-ogaalnimo, daacadnimo iyo geesinimo, banaankana soo dhigay wax badan oo uu wasiirka Batroolku daboolayey. Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u dirayaa jaaliyadda UK oo dareentay khiyaanada ay wadaan madaxda Villa Somalia oo ay u xilsaarteen wasaaradda Batroolka, kuwaasoo qaaday tallaabo geesinimo leh oo lagu difaacayo khyaraadka Soomaaliya oo shakhsiyaad iyo shirkado dallaaliin ah ay doonayeen in ay London kula kala wareegaan, ayadoo ay muuqato in weli ay socoto arrintii sida hadalka wasiirka Batroolka ka muuqata oo laba magaalo oo kale doonaya inuu ku soo bandhigo mashruucii xaraashka. Waxaa ila quman in si wanaagsan loo dhagaysto warbxinta Haaruun Macruuf uu ka diyaariyey arrimaha shidaalka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ee ka shaqeyn jiray dekadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gaadiidkooda loo diiday inay gudaha u galaan dekadda, kadib markii ay warbaahinta la hadleen. Gaadiidleydaan ayaa sheegay in muddo shan sano ah loo diiday inay ka shaqeeyaan dekadda magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay dhibaatada lagu hayo soo bilaabatay dowladihii Xasan Sheikh Maxamuud. Xiligaan la joogo ayay sheegeen inay xaaladda kasii dareyso islamarkaana dowladda Madaxweyne Farmaajo aysan wax ka qaban cabashada ay qabaan gaadiidleyda waaweyn ee ka xamaalan jiray dekadda. Gaadiidleyda ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay u gacan gelisay dekada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lacago xad dhaaf ah ka qaada gaadiidka qaar ee galaya gudaha dekada magaalada Muqdisho. Cabdullaahi Cali Faarax oo ah afhayeen u hadlay gaadiidleydaan ayaa sheegay in wasaaradu ay siisay Shati, balse markii dambe ayuu sheegay in laga celiyay, taasi oo keentay inuu gali waayo dekadda. Afhayeenka ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ay kala kulmeen wasaaradda gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in gaadiid badan ay ku jiraan garaashyada Muqdisho, maadaama ay shaqo la’aan ku dhacday. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/war-yaxye-ciise-gaadiidlayda.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiseen guddi xoojiya tayada iyo tirada waxyaabaha dalka yaalla. Guddigan ayaa ganacsatada kala shaqeyn doona sidii wax soo saarka dalka loo tayeen lahaa looguna heli lahaa Suuq wanaagsan. “Waxaan halkaan ku dhisnay gudi runtii aad iyo aad loogu baahan yahay oo in badan talooyinka nooga yimid ganacsatada ee ku howlan dhoofinta wax soo saarka Soomaaliya gaar ahaan kuwa beeraha, kalluunka iyo xoolaha” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddigan loo dhisay iney u kuur galaan wax soo saarka dalka iyo sidii tayadooda loo hagaajin lahaa looguna raadin lahaa suuq ka baxsan wadanka iyaga kaashanaya dowladda. “Waxa ay shaqadoodu tahay iney u kuur galaan wax soo raarka dalka sidii tayadooda loo hubin lahaa iyo suuqyo lageeyo, sidoo kale waa in la hagaajiyaa sidii wax soo saarka gobollada ay is ku dhaafsan jireen madaama waddooyinkii ay burbursan yihiin, waxaad arkaysaa gobol wax soo saarkii ku jaban yahay mid aad u sareeyo taasna waa in guddiga ay xil iska saaraan sidii dalku wax soo saarka gudaha uu wadanku u xoojin lahaa” Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in ganacsatada ay waajib tahay iney la shaqeeyaan guddigaan ay aas-aastay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha si wax soo saarka dalka uu u noqdo mid tayo iyo tiraba ka yeesho suuqyada caalamka ee loo iib geeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa su’aalo ka keenay hadallo is khilaafsan oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkii maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ka yidhaahdeen waxa Somaliland dhaafsatay Saldhigga Militari ee Berbera laga siiyay Imaaraadka. Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay boggiisa Twitter-ka ku sheegay in shacabka Somaliland ayaan daran yahay waxaanu soo bandhigay su’aalaha ku xeeran weedhaha iska hor iyo daba yimid ee madaxweyne Biixi iyo wasiir Sacad“Madaxweyne Muuse: “Saldhigga militariga waan ka kiraynay dawladda Imaaraadka”!. Wasiir Sacadna waxa uu leeyahay “kiro kama qaadanno”! Keebaa run sheegaya? Keebaase shacabka been u sheegaya? Shacabkaygu ayaan daranaa?,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro ku yidhi qoraalkiisa. Madaxweyne Biixi oo hore waraysi u siiyay telefishanka Universal ayaa la waydiiyay waxa ay Somaliland dhaafsatay Saldhigga Militari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera waxaanu sheegay in laga kireeyay “Saldhigga waa ka heshiinay, waa ka kiraynay hawshiisiina way socota waana Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, cid saddexaad ma khuseeyo Saldhiggu,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi. Hase ahaatee wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo todobaadkan la waydiiyay sababta Miisaaniyadda Qaranka loogu dari waayay kirada Saldhigga laga qaado ayaa sheegay in aanu kiraysnayn “Saldhigga isaga Kiro kama qaadano. Kiro maaddaama aynaan ka qaadan kuma jiro kirooyinka,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad. Hadalladaas kala fog ayaa u muuqda kuwo jaahwareer ku riday bulshada Somaliland, islamarkaana muujinaya in xaqiiqooyin badan ka qarsoon yihiin maaddaama dhawr sanno kadib heshiisyada lala galay Imaaraadka aanay wax badan ka ogayn. Wasiir Sacad oo aan sheegin tirade sannadada la sii qadinta iyo cidda qaadatay toona waxa uu dhawaan bulshada u sheegay in Kiradii dekedda Berbera ee DP World oo sanadkiiba ah 5 Milyan oo dollar la sii qaddintay waxaanay ka mid tahay arrimaha layaabka ku noqday bulshada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in halis aan lagu baraarugsaneyn ay ka jirto gobolada dalka gaar ahaan Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe. Qabiirada dhanka amaanka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dib ugu soo xoogeysanayaan labadaasi gobol, islamarkaana taasi ay halis ku noqon doonto xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho. Korneyl Mohamed Axmed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka fakarto sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Muqdisho, islamarkaana laga hortago isbalaarinta Al Shabaab. Sarkaalka ayaa sheegay in Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal kadib markii marar badan weeraro ay ka geysteen saldhigyada ciidamada ee Shabeelaha Hoose, taasina ay u fududeyn karto inay dib u adeegsadaan hubka. “Al Shabaab waxay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal iyo hub badan, markii ay weerarayeen xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, taasi waxay u sahli kartaa inay kusoo weeraraan Muqdisho, iyaga oo farsameyn kara hubka”. Arinta bixitaanka ciidamada AMISOM ayuu sheegay inaan wali la gaarin maadaama aan la dhisin ciidamo u diyaarsan inay amaanka kala wareegaan Al Shabaab. Dhamaadka bishan waxaa la qorsheynayaa in ciidamadii ugu horeeyay oo ka tirsan kuwa Burundi ay ka baxaan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mucaarad iyo Muxaafad waa laba koox oo ku tartamaya aniga ayaa kaa shaqo wanaagsan iyo aniga ayaa kaa shaqo wanaagsan lakin isla markaa waxey ku tartamayaan waa sidii guul loo wada gaari lahaa. Kooxda muxaafadka ah waxay u baahantahay lagana doonayaa una suurta galinaya in ay xukunka sii haysato ayadoo la jecel yahay waa in ay la timaado howsha dalku u baahanyahay, waliba ayagoo u kala hormarinaya sida ay u kala muhiimsan yihiin, halkii afka aad nooga sheegi lahayd in aad fiican tahay waxaa wanaagsan in aad la timaado ficil loo aayo oo nakaa jeclaysiiya, mucaaradkaaga waxaa dhabar jab iyo xanuun ugu filan talaabo wanaagsan oo aad qaado waayo waa tan suurta galin karta in aad xukunka sii joogto ama kooxdaadu sii joogto rijada mucaaradkaagana yaraynaysa. Mucaaradka iyo adigu waxaad tihiin laba muwaadin ma jirto sabab asaga aan ku necbaysano oo adiga aan kugu jeclaano kiliya waxa nakala kiin jeclaysiin karaahi waa talaabooyinkiina ee hada ayaad jaanis haysataaye ka faa iidaysoo la imow wax qalbigeena aan ka go’in oo aan kugu xusno. Kooxda mucaaradka oo aan rabo in aan ku dheeraado waa koox daljirayaal ah oo u taagan hormarinta dalkooda iyo jiheyntiisa lakin takrifal dowladeed aan lahayn oo awooda dalku aysan gacantooda ku jirin, waxay tilmaamaan halka dalka u wanaagsan oo ay u jahaynayaan iyo sida dalka ay guul ku gaarsiinayaan. Dowladu haddii ay wado qaldan marto sida ay u arkaan, wey qeylyaan waxay yiraahdaan wadadaasi wadadii guusha ma aha, sidoo kale haddii ay talaabo wanaagsan qaado way bogaadiyaan, wixii qaranka halis ku ah sida: Dhaqaale, siyaasad, karaamo iyo xuduud waxay kala midaysan yihiin kooxda talada haysa oo markaan waa isku af muxaafadka iyo kooxda talada haysa waa in ay codkooda ku xoojiyaan mucaaradku dowlada talada haysa muujiyaana midnimada dalka ee aynan oran maxaa iga quseeya maanaa dalka xukuma. Mucaaradnimadaadu waa in aysan noqon mid ay isticmaalaan cadowga dalkaagu oo ay uga faa iidaystaan fashilinta dowlada dalkaaga ayadoo laguu sheegaayo in aad talada dalka ku guulaysandoonto marka ay tani fashilanto. Haddii aad sidaan aqbasho waxaa imaanaysa in wax walba kuu xalaal noqdaan wax kastoo xunna adiga lagu so dhex marsiiyo. Tusaale waxaan usoo qaadanaynaa wanka Turkiga sanadihii 2014-2015kii ilaa horaantii 2016kii waxay tagtay xitaa goobaha arooska in la qarxiyo, hotel ha dhihin meel fagaaro ah ha dhihin meel la iskugu yimaado xitaa xafladihii arooska ayaa la qarxiyey, ayadoo dowlada turkigu yaaban tahay oo ay u maaro la dahay qaraxyada meel laga xigana fahmi la’ ayaa ugu danbayn 15 july 2016 waxaa dhacay afganbigii dhicisoobay. Afganbigii kadib dowladu waxay u aqoonsatay afganbigaas in uu ka danbeeyo nin la yiraahdo fatxullah oo degan wadanka maraykanka dabadeedna dowlada turkigu waxay qaadatay talaabo ay ku xakamaynayso dhamaan cidii ninkaas xiriir lalahayd ayadoon u kala aabe yeelin ciidan, macalin, shaqaale iyo ganacsade toona, Taana waxey dalka turkiga dhaxalsiisay in uunan qarax danbe ka dhicin taasi waxay kuu muujinaysaa wadada rabshaduhu ku qulqulayeen in ay ahayd nimankaa xukundoonka ahaa. Sidaa daraadeed mucaaradow ka digtoonow in aad noqoto wadada la marsiiyo fidnada iyo halaaga umadaada. Mucaarad waa hab hormarineed oo loo baahan yahay lakin waa in uu hor ujeed noqdaa. Tusaale shirkadaha ganacsiga tartanbaa dhex mara u dhigma midka xisbiyada siyaasada, shirkad walbaa waxay soo bandhigtaa adeegyo soo jiita dadka indhahooda iyo quluubtooda oo ay jeclaystaan si ay ayada wax uga iibsadaan. shirkada kale maxay samaysaa? Macaamiisheediibay la hadashaa qorsheheeda iyo adeegyo waxa shirkadani soo bandhigtay ka fiican oo hada ay ku howl jirto ayey sheegtaa. Waxayna qaadaa talaabo ka wanaagsan talaabadii shirkadii hore ay qaaday si macaamiisheedii ay usiiso qanaaco lakin ogow waxa labada shirkadood ku tartamayaan waa hormar ee ma aha wax hala burburiyo sidoo kale shirkadu iskuma daydo in ay macaamiisheeda ku qanciso in ay xun yihiin waxa shirkada kale soo saartay waayo macno umalahan ee waxay ku dadaashaa sidii ay ula imaan lahayd wax soo saar ka wanaagsan kan shirkada kale waayo dadku xoolo ma aha waxaan ayaa xun kaa aqbalimaayaan oo aadan u haynin wax ka fiican ama u dhigma. Sidoo kale mucaaradka macno umalaha in uu maalin kasta dowlada caayo in uu wanaageeda noosheego in uusan wanaag ahayn ee uu yahay xumaan. Mucaarad waa jeedal aad u wanaagsan oo dowlada lagu jeedlo marka la rabo in ay socodkeeda wanaajiso hadey wadada kaleexatana lagula duwo lakin haddii sheygaas ama habkaas sidaas u wanaagsan la macno dilo oo la garaafeeyo oo mucaaradnimada luuqluuqyo mugdi ah lala maro waxaa imaanaysa dowladii wax lagu toosiyo la waayo waxaa imaanaysa run kastoo uu sheegaayo in qof mucaarad sheegtay ama dowlad wax ka sheega warkiisa la noco jiilka soo korayo ee midnimada iyo dowladnimada u baahana ay ka niyad jabaan erayga mucaarad oo ay ka aaminaan duul umado kale u shaqeeya sidaasna dowladu wax kasta kuxalaashato waxay doonaana ay sameeyaan madaxda dalku shacabkuna ay ku raacaan sax iyo qalad labadaba nimanka dalka hugaamiyo waayo lama hayo mucaaradnimo ku salaysan xaqiiq, wadaniyad iyo gobanimo. Mucaaradow haddii aad tahay wadani oo waxa aad noogu faanayso yihiin wadaniyad iyo halyeynimo waa in aad la timaado hadoodan talada dalka haynin burhaantaada iyo wadaniyadaada, kaa yeelimeyno hada luuqyada ayaan marayaa iyo meelaha mugdiga ah hadhowna socodkeyga ayaan wanaajindoonaa. W/Q: XASAN CABDI FAARAX (SUJUUD) Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dadka deegaanka Karaare oo ka tirsan maamul goboleedka Marsabit ee dalka Kenya ayaa arrin cajiib ah sameeyay kadib markii ay hogaamiyaashooda aysan waxba ka qaban waxyaabaha ay doonayeen. Masuuliyiinta ku matasha dowladda ayay sheegeen inay dadaal badan ku bixiyeen waxyaabo aysan dan iyo ugu jirin deegaanka Karare iyo dadka ku nool, balse ay ka leexdeen rabitaanka dadka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa xubnaha ku matala dowladda waxay ugu yeereen shir kaasi oo ku saabsanaa sidii deegaanka looga furi lahaa xafiis dowladeed oo dadweynaha u qabta adeegyada ay doonayaan. Arinta cajiibka ah ee dhacday ayaa aheyd in madaxda shirka ka qeyb gashay loo geeyay caagado ay ku jiraan biyo wasaq ah, waxaana loo saaray miiska si ay u cabaan marka ay oomaan. Si cajiib ah ayay dadka matalayaashooda ugu sheegeen inaysan u baahneyn xafiis balse ay doonayaan inay helaan biyo nadiif ah, maadaama dhibaatada deegaanka ay kamid tahay baahida loo qabo biyo nadiif ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in muddo badan ay masuuliyiintooda ka dalbanayeen inay wax ka qabtaan biyo la’aanta ka jirta deegaanka Karare, taasi badalkeedana ay ku casuumeen biyo wasaq ah. Bishii Janaayo ku dhawaad 150 neef oo geel ah ayaa la sheegay in deegaankaasi ay ugu bakhtiyen kadib markii ay cabeen biyo wasaqoobay oo markii dambe sumoobay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa baahiyay waqtiga la filayo in dib loo furo hotelkii Al-Shabaab ay weerareen bartamihii bishii Janaayo ee sanadkaan. Weerarkaasi ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay inay ku dhinteen ku dhawaad 21 ruux oo lix kamid ah la sheegay inay kamid ahaayeen shaqaalaha iyo ilaalada hotelka Dusit oo ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. Maamulaha guud ee hotelka Misheel Metakas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo hotelka dib loogu furayo si markale uu u qaabilo macaamiishiisii, isaga oo sheegay in amaanka la adkeyn doono. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay inay kaga fal celinayeen aqoonsigii madaxweyne Trump Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda maamulka Yahuuda. Dhinaca kale kooxda Sirdoonka SITE oo fadhigoodu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in amarka weerarkaasi uu bixiyay hogaamiyaha Al-Qaacidda Ayman Al-zawaahiri. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ayman Al-zawaahiri si toos ah ugu baaqay Alshabaab inay weerareen danaha Reer Galbeed, si looga fal-celiyo hadalkii Donald Trump ee uu ku sheegay inay magaalladda Barakaysan ee Qudus-ta La-tahay tahay waxa u uugu yeeray caasimadda Yuhuudda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caaismada@live.com
-
PSG iyo Man Utd Waxaa caawa la ciyaaray kulamo ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga. Kooxda reer Faransiis ee Paris Saint-Germain (PSG) ayaa guuldaro xanuun badan dusha u saartay kooxda Manchester United oo joogtay garoonkeeda Old Trafford. PSG ayaa guul 2-0 ka gaartay Manchester United, ciyaaryahana Presnel Kimpembe iyo Kylian Mbappe ayaa min hal gool ku abaal mariyay kooxdooda qaybtii labaad ee ciyaarta. Kooxda PSG ayaa taariikh layaab leh ka soo dhigtay garoonka Old Trafford oo ay marti ku ahayd, waxayna noqotay kooxdii ugu horaysay ee Faransiis ah oo kulan ka tirsan tartanka kooxaha Yurub guul ku soo gaartay Old Trafford, sidoo kale waxay noqotay kooxdii ugu horaysay ee adib taariikhda hal gool wax ka badan guul uga soo gaartay Old Trafford. Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar ayaa la kulmay guuldaradiisii ugu horaysay ee Manchester United, waxaana loo diiwaan galiyay rikooro xun xun, iyadoo dhamaadkii ciyaartana uu Kaar cas ka qaatay Pual Pogba oo seegi doona kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Paris. Iyadoo sidaas ay guul ku soo gaartay PSG ayaa hadana waxaa dhaawac kaga maqnaa weerar yahanadeeda Edinson Cavani iyo Neymar. Dhanka kale waxaa kulan ka tirsan lugta hore ee wareega 16-ga ee tartankan wada ciyaaray kooxda reer Talyaani ee Roma iyo FC Porto oo Burtiqiiska ka socotay, waxaana 2-1 ku adkaatay Roma. PUNTLAND POST The post PSG oo taariikh layaab leh ka dhigtay Old Trafford appeared first on Puntland Post.
-
Since information is the core of life, life is all about information. But information is not only what evolves from the things we need to know, but also everything we do and our reactions to events that happen around us. When freedom of information and transparency are stifled, then bad decisions are often made and serious mistakes occur – usually on a scale that can leave societies wondering: How did this happen? Democracy is built on open societies that share information. “Where there is information, goes the saying, “there is enlightenment. Where there is debate, there are solutions. Where there is no sharing of information and power, there is no rule of law, there is no accountability, but there is corruption, there is denial and there is indignation.” Somaliland people need more access to what the government is doing in their name. This requires accountability and transparency on all briefings specifically relating to national issues that government officials make through press releases. Government official press releases must usually evolve from accurate undoctored information that is related to a specific subject and be presented within a context that gives it meaning and interpretive transparency that can lead to an increase in understanding and decrease in doubt. The main weakness of Somaliland democracy is that it gives power to gofers who can easily fall for the words of demagogues. One good example is those ministers who say something today and say something else tomorrow on the same topic, like the finance Minister, Saad Ali Shire who seconded everything the MP Mr Ibrahim Mahdi Buubaa said in the recent press release that related to Eighty-million-dollar debt that caused a shocking confusion. As we remember, transparency was a crucial commitment meant to shatter the glasses of corruption and an indispensable condition to stop Kulmiye’s misleading politics that the three candidates made in 2017 presidential election campaign. But the process necessary to fulfill that promise and achieve that essential goal still remains unattended intentionally. The only reason this promise is not fulfilled yet is that the head of the ruling party wants willingly the continuation of corruption. Trust comes from transparency. Trust and efforts achieve milestones. Achievements and accomplishments come from a radical reformation. Corrupt leaders never create comfortable zones. Why the current administration now shrugs off transparency? A government that shrugs off transparency intends to rob the nation. Great seamen know that a leak can sink a ship and wise politicians know that a single phrase can reverse trajectory and turn a thundering cannonball into an ominous boomerang. Dr Saad loftily informed the MPs responsible for following up Public Property Accounts during an investigating visit to the Finance Ministry that there is a debt of around eight million us. He could not have imagined that within days the taunt would return to haunt him. Since the chairman of Public Property Accounts Committee, Mr Ibrahim Mahdi Buubaa, flanked by Somaliland Finance Minister, Mr Saad Ali Shire, revealed in a press release that the current administration is stumbling on how to settle an disclosed debt of eighty million US dollars, it may be opportune, as the Minister of Finance started two days later to squabble towards debt, to raise two parallel questions: When Mr Saad Ali Shire is right and when he is wrong, when he is telling the truth and when he is lying, since he didn’t correct the MP at the time of releasing this heartbreaking information? Dr Saad’s debt denial has been like a list of commands meant to defend the indefensible, ailing hearts wheezing and gasping for life. Why he didn’t seek an advice from who hired him as a finance minister? The unsaid is so much more interesting than the said. The main purpose of education is to acquire knowledge that prepares us to face life and help build our characters. If the only purpose of knowledge acquisition is to earn money, then education is narrowed down to the knowledge required for only a low level of subsistence. Somaliland finance minister is a highly educated man, but with a PhD that made him richer, with a lot of money, but unfortunately poorer in thoughts. A PhD loses its reputation when those who hold drag it on the ground just for the sake of subsistence. Today the interesting question is:Where does the debt end up and stop? Summing up an interpretive unbiased analysis drawn from the conclusions of a series of facts and figures, the debt, whether wearing the face of the Cobra, Siilaanyo, or the face of the new action force that rules now the country, is a mix of Kulmiye’s joint operation to steal public wealth. Incurred or not incurred is not the point, the aim is to get opulent wealth out of public treasury through illegal procedure. The debt really stops at two desks: The presidential palace and the Ministry of Finance. If political famine is killing Somaliland progress, it is because of corruption. If government is fed up of accumulated debt, it is because unlimited expenses are allocated to the presidential palace, if budget deficit is out of control, it is because a number of senses are always inferior to the way budgeting is prepared by the government officials, if Somaliland public is confused over where this country is heading to, it is because the road map for the country’s future is not in the leadership’s agenda. It is not possible to live in a constant kind of confusion. It is not possible to tolerate to always align your principles with unrestrained corruption. It is not possible to accept what no other society could accept, tolerate and even try to ignore. Why few people are taking power of this land in their hands and do whatever they want to? Why the law of this country does not work? Here is a question that demands an accurate answer Why do we say “rule of law” rather than “law of rule” ? Because law comes before rule. Law defines the nature of rule, the difference between order and disorder, difference between chaos and order, difference between civility and savageness, difference between decency and indecency, difference between violence and non-violence. Who among us can argue that Somaliland lives in where there is a law and order? If law works in this country, why every Kulmiye administration makes plans to take a lot money illegally out of national treasury? For me, the central message of 2019 has two principal goals: a credible promise to lift Somaliland’s economy out of paralysis; and the assurance that national resources will be an inclusive force that reaches out to all segments of the nation. This is the hopeful evolution from bad governance to good governance. Bad governance is possible from negative factors, like the ego and arrogance that stem from unlimited greed and low thinking. Good governance is fashioned by honesty and integrity, coupled with a living conscience connected consciously to the natiinal pride. There are no national development projects in the budget for the year 2019. The budget allocated to the presidency and the Ministry of Finance is much more than the budgets allocated to FIFTEEN Ministries put together. Besides this there is three percent on the total budget for 2019 that is purposefully put aside for government debt without any details. The misery staring at Somaliland at this moment is that the wheel has slipped back into a quagmire of the year 2010, and indicates now that corruption is a non-negotiable liability. Somaliland is in a do-or-die situation. Which of these two ways Somaliland would prefer to go? A sermon on the Mount with its appeal to the meek who shall inherit the earth; Or resurrection, which promises hope in the mess of despair. The rainbow coalition’s agenda is not yet over, and its will is not exhausted. They have no answers beyond stealing public wealth on the one side and lying to Somaliland people on the other. While the first is shameful, the second is startling. By: Jama Falaag Hargeisa, Somaliland jamafalaag@gmail.com Qaran News
-
Waayadan dambe waxa boggaygan Facebook xambaarayey qoraallo kacdoon feker ceelalyo u ah.Waxa qoraalladaasi ka dhasheen xaaladda ka sii daraysa ee siyaaso-dhaqaale ee waddanka iyo aragtidayda qof ahaaneed ee arrintaas ku yuuban. Mar waa qaylo-dhaan lagu baraarujinayo nimanka mindada daabka haysta ee waddanka loo doortay in ay tub hagaagsan u hoggaamiyaan. Mar kalena waa ku wacyigelin bulshada guud in xaaladda ay dareemaan oo culuska madaxda la saarayo ay qayb ka noqdaan. Mar kale waa is baanasho qofeed oo lagu bogsiinayo damiir iyo dubaaq ka damqanaya xaaladdaas. Falcelin badan oo tabnaan iyo tognaanba leh ayaa qoraalladaas ka soo noqotay.Dadka qaar waxa ay qoraalladu ugu muuqdeen ruxruxasho aan maamulka kaga doonayo mansab (xil) ama maal (lacag).Qaar kalena waxa ay ku tilmaameen mashruuc meel kale laga soo abaabuley.Saddexdaas qolo halkan ugu jawaabi maayo oo horaan u idhi wixii aan odhan lahaa sir iyo caadba ama si dadban iyo si toos ahba. Waxa se qoraalkan igu igbaaraya dhallinyaro badan oo ka mid ah labeenta da’yarta Somaliland oo igu soo celceliyey su’aal isku mid ah, macquulna ah: Shalay Muuse ayaad nagu tidhi taageera, maantana waad ka hortimid, waayo? Fadlan na qanci! Ragannimo.“Fadlan Na Qanci” waa hal-ku-dheg taariikhi ah.Xaflad dhallinyaro 700 ka badani 20-kii Feb 2017 Maansoor Hotel ku qabteen ayuu sumad iyo baadisooc u ahaa. Waxa xafladdu ahayd sannad-guuradii 35aad ee gadoodkii ardayda Hargeysa ee 1982 ee ka dhanka ahaa sama-dawdarnimadii taliskii Maxamed Siyaad Barre markii maxkamadda la saarayey dhallinyaradii UFFO. Sannadkaas 2017 oo dalka iyo dadkaba werwer badani ku oognaa, waxa dhallinyaradu ka horjeedeen sidii wax loo maamulayey, gaar ahaan bixintii saldhigga Berbera ee UAE la siiyey oo ilaa maanta aanu xaalkiisa banyaal ahayn. “Fadlan Na Qanci” ayaa lagu lahaa hoggaanka dalka oo la filayey inuu xafladda cid u soo diro ka dib markii lagu martiqaaday, ayna aqbaleen, haddana ka maquurteen oo aanay iman. Haddaba, iyada oo la ii xidhay habeenkaas markii aannu xafladda ka baxnay, la iguna eedeeyey abaabulkeeda iyo khiyaamo qaran, maanta kama muquuran karo su’aashaas dhallinyarada oo ay ka mid yihiin in badan oo maalintaas horena aannu faylka “Fadlan Na Qanci” ku wada jirney. Waa in aan u jawaabaa si waafi ah oo daacadnimo u hadal ah. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com la soco qaybta 2aad Qaran News
-
Popular Contributors