-
Content Count
207,386 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda u diray baaq ku waajahan Saxaafadda. Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xisbiga Kulmiye, oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doona, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Saxaafadda “Saxaafaddu waa xor, in lagu xad gudubo, oo la cabudhiyana maaha, in Saxaafadda lagu xidho dhaliilaha jira ha sheegina hana soo bandhigana maaha, Saxaafaddu Somaliland door muhiima ayey kaga jirtaa dalka, ee ma joogno dal kaligii taliye xukumo ee Dimuqraadiyada ha la ilaaliyo oo Saxaafadda cabudhinta, xadhiga iyo cadaadiska ha laga daayo, haddii se Saxaafadda cabudhinta laga dayn waayo, waa nasiib daro weyn, dadka haddii afka laga xidhana gacanta lagama xidhi karo,halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaha ay leedahay ee la soo bandhigay maaha inay xadhig iyo cabudhin miciin bido, ”. Mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doono ayaa yidhi “Waxaad mooda in Xisbiga Kulmiye in dhexdiisi cabudhini ka dhex jirto, maxaa yeelay waxaynu ogeyn in xubno ku jiray oo dhaliilay Xukuumadda in laga saaray, sideedabana dhaliilisho waxbay toosisaa ee waxba ma xumayso, qofku haddii uu han leeyahay, wuxuu isku dayaa inuu hankiisa muujiyo, meesha uu doonaba ha jooge, waxaa se muuqata in Xisbiga Kulmiye dhexdiisa aanay Dimuqraadiyadi ka jirin, cid han lehna aan la rabin inay iska soo sharaxdo, waxay ahayd madaama Xisbigu yahay Xisbi qaran, in qof kasta oo ka mid ah Xisbiga, oo waliba han musharaxnimo leh kursiga uu doonaba ha ku tartame inuu isa soo sharaxo, laakiin taas ma muuqato”. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo mas’uulka lahaa gaariga miinada lagu xiray. Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qaraxa gaariga, oo uu lahaa Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Laami yaraha Zoobbe ee Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxa ku geeriyooday wadihii Gaarigaas. Xildhibaanka Gaariga iska leh ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar oo ka mid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed, sidoo kalena wasiir ka soo noqday maamulka Koonfur Galbeed. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday. Laami yaraha Zoobe ayaa waxa ay tahay wado aad u mashquul badan marka loo eego isticmaalka gaadiidka dadweynaha. Qaraxan waa kii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Degmada Hodon, iyada oo shalay Gaari ay leeyihiin Booliska uu ku qarxay agagaarka Seybinaayo halkaas oo uu ku geeriyooday Wadihii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The president of Somalia’s northeastern Puntland state, Sa’eed Abdullahi Deni has held first meeting with his cabinet members at the state house in Garowe on Tuesday. The meeting came hours after the cabinet too formally the oath of office with the presence of the president, Vice President and several other government officials. Puntland leader and his deputy have urged the new cabinet members to perform their duties diligently and put the interest of the people first. Said Abdullahi Deni who was elected into office on 8th January unveiled his 48 cabinet members on Sunday. Only three female ministers were appointed. The post Puntland president meets with his new cabinet appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya, maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka. “Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika. Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga. “Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisa ay waxyaabo badan ka caawin doonto Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Maraykanka uu hadda kuso laabtay Soomaaliya, islamarkaana aanu mar kale dib u bixi doonin. Yamamoto ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa cafinta deymaha, si qarashka ay deynta ku gudi lahayd ay u adeegsato kaabayaasha kale ee dhaqaalaha. Horumar iyo nabad kama dhaceyso dalalka geeska Africa haddii aanay Soomaaliya Nabad ahayn iyo horumar ahayn USAID ayuu sheegay in ay taageerto shirkado waaweyn oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka shaqeeya Kalluunka, Korontada iyo arrimo kale oo dalka muhiim u ah. Safiir Donald Y. Yamamoto ayaa dhanka kale xusay in Soomaaliya ay caan ku tahay waxyaabo badan oo isugu jirta qudaarta iyo kheyraadka kale ee badda ku jira. Hadalkaan ayuu safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya ka sheegay shirka looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo sidoo kale shaqaaleysiinta, kaasi oo maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana shirkan soo qabanqaabisay Geel Project. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Safiirka-Maraykanka-sax-ah.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan waxaa laga war-gelinayaa in boos shaqo uu ka banaan yahay website-ka Caasimada Online. Shaqada banaan ayaa ah qeybta qorista wararka, warbixinada iyo xog uruurinta. Shuruudaha shaqo ee laga doonayo qofka soo codsanaya booskan ayaa ah. 1 – Aqoon saxaafadeed iyo hab qoraal wanaagsan, oo aan u baahneyn in dib qof warka looga qoro. 2 – Ugu yaraan saddex sano oo khibrad saxaafadeed ah, oo uu qofka ku shaqeeyey. 3 – Inuu yahay qof xog-ogaal ah, islamarkaana leh xiriir wanaagsan oo dhinaca ilaha wararka ah, islamarkaana heli kara xogta wararka aan dibedda oolin. 4 – Aqoonta luuqad aan Soomaali ahayn, sida English ama Carabi midkood. 5 -Awood u leh taxliilinta wararka kadib marka ay dhacaan. Caasimada Online waxay bixineysaa mushahar wanaagsan, waxayna kugu soo dhoweeneysa hab shaqo oo wanaagsan. Qofka booskan hela ma shaqeyn doono wax ka badan 5 saac, 24-kii saacba, si uu fursad ugu helo qoyskiisa, waxbarashadiisa ama howlihiisa kale. Haddii aad rumeysan tahay inaad buuxin karto shuruudahaas, fadlan codsigaaga kusoo dir emailka: caasimada@live.com
-
Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay wadaan qorsheyaal badan oo lagu horumarinayo ganacsiga dalka. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale ay wadaan sidii ay u fur-furi lahaayeen ganacsiga dalka iyo maalgashiga intaba. Maareeye ayaa dhanka kale sheegay iney wadaan sidii ganacsiga Soomaaliya u noqon lahaa mid sahlan una sahlanaata ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah. “Waxaan culeyska saarnaa sidii aan u fur-furi lahayn ganasiga Soomaaliya iyo maalgashiga Soomaaliya, sidii aan u sameyn lahayn shuruuc iyo siyaasado sahlaya in Soomaaliya la maalgashado in Soomaaliya ganacsi laga sameeyo, waxaan wadnaa inaan horumarinno sida ganacsiga Soomaaliya u noqon lahaa mid sahlan, taasi oo aan dooneyno inaanu maalgashiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashatada ay si sahlan u helaan fursadaha iyo shatiyada ganacsiga” ayuu yiri wasiirka Wasiir Maareeye ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka looga hadlayo Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Geel Project kana socda magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdishoi (SMN) – Hooyo Luul Maxamed Aadan oo wiilkeeda sanadkii la soo dhaafay laga qabtay xeebaha magaalada Muqdisho, xilli uu ku jiray shaqadiisa Kaluun dabashada ayaa baaq u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamada ilaalida ee ka howlgala Xeebaha dalka ayey sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaaabo Maxamed Seyid Axmed ay 2018-kii ku eedeeyeen in uu yahay Burcadbadeed, balse aysan waxba ka jirin eedeymahaasi. Sidoo kale Hooyo Luul waxa ay tilmaamtay in Wiilkeeda uu u soo dhicin jiray masruufka Qoyska, markii la waayana ay u umaleyneysay in uu dhintay, balse muddo kadib dhalinyaro Burcadbadeed ku eedeysnaa oo laga soo daayay Hindiya ay u sheegeen in wiilkeeda uu kula xirnaa xabsi ku yaalla gudaha dalkaasi. Ugu dambeyn Hooyadan Soomaaliyeed ayaa ku catawday in uu wiilkeedu u xiran yahay dulmi, waxaa ayna madaxda sare ee Qaranka ka codsatay in loo soo daayo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Hooyo wiilkeeda lagu xiray Hindiya Oo baaq u dirtay DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nabadoon C/casiis Xaarin oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda Puntland ayaa rajo aad u wanaagsan wuxuu ka muujiyey in isbedallo dhan walbo ah ay keenaan wasiirada cusub ee Puntland, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd lagu dhaariyey magaalada Garoowe. Wuxuu tilmaamay in dadka Puntland dhammaantood ay soo dhoweeyeen wasiiradan markii la magacaabay, ayna sugayaan un waxqabadkooda. “Dadka Puntland ma ahan kuwo horey wax ka mucaarada, waxa ay sugaan dadka lasoo magacaabay iyo cidda lasoo doortay, marka shaqo ay bilowdo oo ay wax ka qaldamaan ayaan dhahnaa waxaas waa qalad, laakiinse wasiiradan la magacaabay waxaan ka sugeynaa shaqo adag iney umadda u qabtaan” ayuu yiri nabadoonka. Shalay, madaxtooyada Garoowe waxaa lagu dhaariyey wasiiradii uu soo magacaabay madaxweyne Dani, waxaana horyaalla shaqooyin badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Hawlgallada oo weli socda, ayaa taliyuhu sheegay in lagu soo qa’qabtay, dad kala duwan oo ku eedaysan; argagixiso, tahriibin iyo dhalinyarada abaabulan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka magaalada, kuwaasoo baaritaan lagu wado, sida uu xusay. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa sheegay, in gacanta lagu hayo qofkii ka dambeeyay, dil habeen ka hor loo geystay, xisaabiyihii guud ee shirkadda ganacsiga Horseed, Salaad Cabdi Cukaash oo lagu dilay xaafadda Raf&Raaxo ee magaalada Boosaaso. “Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash. Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo wax laga weydiiyay? dad la sheegay in jaamacadaha Boosaaso laga soo qabtay, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah ay meel kasta ku dhuuntan, sida jaamacadaha, macaa’hidda iyo iskoolada, haddii qofkii laga shakiyana meel kasta loogu gelayo, si baaritaan loogu sameeyo. “Argagixisadu waxay gashay jaamcadaha, waxay gashay mac’hadada, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya” ayuu raaciyay taliyuhu. Gen. Muxiyadiin, ayaa shacabka Boosaaso ugu baaqay, in ay ciidamada kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga oo ay soo sheegaan macluumaadka ku saabsan, kooxaha dhibaatada ku haya magaalada, gaar ahaanna kuwa ganacsatada soo waca ee weydiista sakawaadka. Si gaar ah wuxuu ka digay, kooxo uu sheegay in ay isu’ekaysiiyaan Al-shabaab iyo Daacish, si ay lacago uga helaan dadweynaha kala duwan, iyagoo soo waca, dabadeena u sheegayana magaca Al-shabaab ama Daacish. Halkaan ka daawo wareysiga oo dhammaystiran PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Gen. Muxiyadiin: Argagixisadu waxay gashay jaamacadaha macaa’hidda iyo iskoolada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka. “Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika. Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaan dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga. “Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka. The post DFS oo soo dhaweysay go’aanadii Shirka M/Africa appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa inay is casisho ugu baaqay Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka, ka dib markii ay Isniintii raali galin ka bixisay haddalo ay qortay oo loo arkay inay dadka Yuhuudda ka soo horjeedaan. Ilhaan ayaa raalli galintan bixisay, ka dib markii xubnaha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ay si baahsan u dhaleeceeyeen. Madaxweynaha ayaa saladii shalay warfidiyeenada u sheegay in raalli galintii Ilhan Cumar ay dhantaalan tahay, waxana uu intaas ku daray in raalli galintaas ayna waxba ka ahayn. Trump ayaa ugu baaqay in Congresska iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay. Hadalka Trump ee uu ku mucaaradayo Ilhaan Omar ayaa waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii ay Raalli-gelin ka bixisay hadalkeeda ka dhanka ah Israa’iil iyo Kooxaha Maraykanka ee u ololeeya Danaha Israa’iil oo ay ku sheegtay inay yihiin carruurta Binjamiin Natayaahu. Source
-
Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay hadal ay kasoo xigteen madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo ahaa talooyinka cajiib ahaa oo uu siiyay madaxweyne Farmaajo. Qoraalka ayaa warbaahinta dalka Uganda waxay ku sheegeen in madaxweynaha Uganda uu kula taliyay madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo ciidamo u abaabulan qaab maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala ciidan qaran. Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u baahan yihiin inay helaan tababaro kala duwan kuwaasi oo ugu dambeyn la qarameyn karo si ay amaanka ugala wareegaan ciidamada AMISOM. Kulan gaar ah ayaa magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Uganda iyo madaxweynaha Soomaaliya waxaana kulankaasi ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo wanaajin lahaa. Madaxweyne Musaveni ayaa todobaad kahor Soomaaliya ku tilmaamay dal uusan ka jirin nidaam dowladeed waxaana arintaasi ay dhalisay caro badan oo Soomaalida ay ka qaadeen hadalkaasi. Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah AMISOM waxaana hadda socda dadaaladii ugu dambeeyay ee bixitaanka ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
-
(SLT-Belgium)-Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin sameeyeen shaqaalaha, sida ay shaacisay hay’adda kala hagta diyaaradaha ee dalkaasi. Hakinta duulimaadyada ayaa billaabatay Talaadadii 10-ka fiidnimo ee xilliga dalkaasi. Saddex ka mid ah ururada shaqaalaha ee Belgium, ugu weyn ayaa shaaciyay shaqa joojinta. Hay’adda hagta duulimaadyada dalkaasi ee Skeyes ayaa sheegtay in aanay hubin tirada shaqaalaha u soo shaqa tegi doona shaqa joojinta awgeed. Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka, sidaana aanay sameyn karin maadaama aanay soo xaadiri doonin shaqaalaha muhiimka u ah hawlahaasi. Shaqa joojinta ayaa sidoo kale wax xoogaa saamayn ah ku yeelan doontaa diyaadaha mara hawada Belgium, maadaama Skeyes ay mas’uul ka tahay hawada joogeedu yahay 7,500m. Balse waxaa aanay shaqa joojinta saamayn doonin duulimaadyada dowladda iyo kuwa milateriga. Shaqa joojinta ayaa ka dhalatay muran ku aaddan kordhinta mushaarka shaqaalaha oo laga dhigay boqolkiiba 0.8 labada sano ee soo socota. Ururada shaqaalaha ayaa ku baaqaya in la kordhiyo gunnooyinka iyo lacagaha hawlgabka ah oo la gaarsiiyo heer macquul ah iyo in la wanaajiyo saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha duulimaadyada. Source
-
(SLT-Washington)-Ninka sida weyn uga ganacsan jiray daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman ayaa lagu helay danbiyo lagu soo eedeeyay oo ah inuu daroogo u soo safrin jiray dalkaan Mareykanka. Guddi xeerbeegti oo ay Maxkamad ku taalla magaalada New York u saartay dhageysiga dacwado 10 ahaa oo lagu soo oogay, ayaa muddo lix maalmood ah oo ay kiiskani ka doodayeen, waxay Talaadadi shalay isla garteen inuu danbiile yahay. El Chapo ayaa waxaa laga yaabaa in lagu xakumo xabsi daa’in. Waxaana taasi ay soo gaba gabeyn doontaa awoodihi uu ku lahaa kooxda gaangistarada Sinaloa eek a ganacsada daroogada. Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa ku eedeeyay ninkani inuu Mareykanka soo geliyay daroogo tiro badan inti u dhaxeysay billowgii sideetannadi ilaa laga soo qabtay sannadki 2016-ki. Ka hor inta aysan dowladda Mexico usoo gacan gelinin Mareykanka sannadki 2017-ki. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Magaalada Jigjiga ayaa lagu qabtay sharaab dhacay oo si qarsoodi ah ay ganacsato u soo galiyeen, sida ay BBC-da u sheegtay Ayaan Cabdishakuur Axmed oo ah maareeyaha wakaaladda dabagalka dawooyinka iyo cunnada. Waxyaabaha dhacay ee la geeyo magaalada Jigjiga kuma koobna sharaabka oo kali ah ee waxaa dhibaato wayn iyadana ku haya dawooyinka dhacay ama tayadoodi liidato, sida ay Ayaan sheegtay. Lixdii bilood ee la soo dhaafay waxaa sare u kacay ganacsiga sida sharci darrada lagu geeyo magaalada Jigjiga, balse in alaabahaasi ay ka mid yihiin kuwo dhacay ayaa noqotay mid laga anfariiray. “Caanihii aan carruurta siisanayay ayaan ka shakiyay, dawdiina waa sidoo kale, arrintaasina walaac ayay igu haysaa,” ayuu yiri Cabdifataax Ilyaas oo ku nool magaalada Jigjiga. “Waxaan ku tallin lahaa in dawladdu mamnuucdo dawooyinka dhanka Soomaaliya naga soo gala ee aan tayadooda la baarin, laguna ekaado midda la soo hubiyay ee magaalada Addis Ababa nooga timaadda” “Waxaan ku daba jirnaa dadka ganacsiga sharci darrada ah magaalada keena ee halista galinaya caafimaadka dadka, waxaana ku hawlannahay sidii sharciga loo hor keeni lahaa ciddii lagu helo in ay dawo, cunto iyo cabitaanno dhacay keentay” ayay tiri Ayaan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa qaba in in dawladdu ay ka gaabisay daba galka tayada iyo waliba la socoshada qiimaha maceeshadda. “Waxaad arki shaaki magaalada Wajaale 300 riyaal ka jooga marka uu dhanka Itoobiya soo galo ee Jigjiga lagu iibinayana 700 oo riyaal la siinayo, ayuu yiri Cabdifataax Ilyaas. Ganacsigan laga dayrinayo ayaa hadda sii faafaya masuuliyiinta dawladduna waxay sheegeen in ay hadda dhibaatadan ka jirto deegaanno ay ka mid yihiin Harta Sheekh, Jarar, Liibaan , Doolo iyo kuwo kale. Wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Axmed Xasan ayaa sheegay in ay dhibaataddan jirto ayna sameeyaan baadhitaanno ka kadis ah oo lagu eegayo tayada cuntooyinka iyo dawooyinka la iibiyo. “Markii hore waxaa jiri jiray ciidaammo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa deegaanka iyo kuwa faderaalka Itoobiya oo wax ka qaban jiray ladagaalanka koontara baanka, balse muddooyinkii dambe iyo intii isbadalku dhacay arrimaha ammaanka ayay ahmiyadda saareen, ayuu yiri Cabdiraxmaan. “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ay booliisku isugu miisaami lahaayeen sugidda amniga iyo ka war qabka ganacsiga dalka soo galaya.” Ayuu intaas ku sii daray wasiirka ganacsiga. Source
-
Shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka, maalgashi sidii loogu sameysan lahaa Soomaaliya iyo shaqaaleysiinta ayaa maalintii Labaad wuxuu ka socdaa magaalada Muqdisho. Shirkan waxaa soo qabqan qaabisay Geel Project, waxaana ka qeybgalay maalintii Kowaad mas’uuliyiin kala duwan. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, wasiirka Ganacsiga, wasiirka xanaanada xoolaha, wasiirka ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga, shirkado gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya xoolaha, beeraha iyo Kalluunka iyo marti kale ayaa shirkan ka qeybgashay. Waxyaabihii aadka looga hadlay waxaa ka mid ah sidii wax soo saarka dalka u heli lahaa suuq dibadda ah. Dhammaan mas’uuliyiintii halkaasi hadalka ka jeediyey ayaa sheegay iney diyaar u yihiin ka shaqeynta arrimaha kobcinta dhaqaalaha, shaqaaleysiinta iyo sidoo kale maalgashiga sidii ay uga shaqeyn lahaayeen. Maanta aya ala filayaa in shirkan lagu soo gabagabeeyo magaalada Muqdisho, islamarkaana laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka Ku Dhaqan Tukaraq Oo Ka Cabanaya Xaalad Nolol Xumo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Shacabka ku dhaqan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyadoo la sheegayo in deegaankaasi iyo deegaannada ku dhow ay abaar ka jirto. C/qani Maxamed, guddoomiyaha gobolka Sool oo kormeeray deegaankaasi ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka ayaa sheegay iney u baahan yihiin gurmad degdeg ah islamarkaana xaaladooda ay aad u adag tahay. Guddoomiye C/qani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haddii dadkan aan gurmad loo helin ay xaaladda meel adag gaari karto. Wuxuu sheegay in maamulkooda uu dedaal ku bixin doono sidii loo heli lahaa cawinaad degdeg ah. Tukaraq ka sokow abaarta ka jirta weli waxaa laga dareemayaa saameynta dagaalladii dhowaan halkaasi ka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho ( SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka M/Muqdisho. Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, basle Al Shabaab oo ka hadlay waxa ay sheegeen in ay ku qabsadeen mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisamaha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Dagaal xoogan Oo ka dhacay duleedka M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa lagu soo bandhigay barnaamijka dib-u-habaynta aqoonta shaqaalaha oo ay wado wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo Sharciga dawooyinka oo ay diyaarisay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulanka maanta ayaa sheegay in dawladda ay ka go’antahy in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay siiso adeegyo caafimaad iyo waxbarasho oo tayo leh si loo horumariyo nolosha iyo wax soo saarka bulshada. Sharciga Dawooyinka ee maanta lagu soo bandhigay tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshadu waxa ay u gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u ansixiyaan loona hor-geeyo golaha sharci dejinta. Halbeegyada sannadkaan laga doonayo in ay ku guulaysato wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-eegista sharciga shaqaalaha rayidka ah iyo horumarinta siyaasadda iyo barnaamijka ammaanka bulshada, halka wasaaradda caafimaadka laga doonayo in dhaqan geliso xeerka qaran ee xirfadda caafimaadka, aasaasidda iyo ka shaqaysiinta guddiga qaran ee la socodka dawada, dhismaha kaydka qaran ee dawada iyo aasaasimdda machadlka qaran ee caafimaadka. The post RW Khayre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( S,MN) – Saciid C/laahi Deni madaxweynaha Punland ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay golaha wasiirada cusub ee maamulkaasi. Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa uga digay golihiisa wasiirada in ay ku kacaaan falal la xariira musuq-maasuq iyo wax isdaba marin. Sidoo kale waxa uuu kula dar daarmay in ay la yimaadaan hanaan ku dhisan iskaashi dhexdooda ah, si bulshada loogu faa’iideeyo adeegyada aas aasiga ah. Dhankooda wasiirada cusub ayaa ballan qaaday in ay gudan doonaan waajibaadka loo igmaday, islamarkaana ay horumarin doonaan shaqooyinkooda. Shalay ayey aheyd markii xubnahani lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland. The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay golihiisa wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors