-
Content Count
207,401 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kireynta guryaha magaalada Muqdisho waa kuwo is bed-bedala sanad walba, guryahaha qaar ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu kireeyaa lacag dhan $300-$500, waana xaafadaha loo arko inuu ammaan uu ka jiro habayaraadee, mararka qaar waxaa dhacda in kireystaha guriga inuu isaga baxo sababta ayaa la xiriirta lacago dheeraad ah lagu daro guriga, iyadoo sanadkii uu dego wax ka badan 10 guri. Dagmooyinka ugu qaalisan xaga kireynta guryaha magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday in ay yihiin Waaberi, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Hodan, Cabdi casiis, WartaNabadda iyo Shibis. Degmooyinka Shangaani iyo Howlwadaag guryaha ku yaalla waxaa qiimo ahaan qolkii lagu kireeyaa lacag u dhaxeysa 60 illaa 50 doolarka Maraykanka ah, waana qiimo badan marka la bar-bar dhigo degmooyinka kale ee Muqdisho. Dhallinyaro badan ayeey shaqo abuur u noqotay kala iibinta iyo waliba kireynta guryaha iyagoo ku dabaqay Tiknooloojiyadda xilligaan wadanka laga isticnmaalo, waxaana ka mid ah dhallinyaradaas Cabdi Shakuur oo madax ka ah shirkad kiraysa guryaha, waxa uuna ka sheekeynayaa habka ay u kireeyaan guryaha. ”Kireynta guryaha waa kuwo kala dabaqad duwan, waa kuwo dabaqadda Koowaad ah iyo dabaqada Labaad ah, kuwa dabadaqadda Koowaad ah waa kuwa ku dhaw Xalane oo hay’adaha ay degaan waxaana lagu kireeyaa qolkii Labo Kun illaa Saddex Kun oo doolarka Maraykanka ah, waxaana badanaa dega shirkado waaweyn, dabaqadda Labaad waa xaafadaha ku teedsan wadada Makka Al-mukarrama, xaafadahaaa ilaa dagmada Waaberi iyo qeybta soke ee Taleex, laguna tago Banaadir dhulkaasi waxaa dega shaqaalaha dowladda sababtoo ah dowladda waxa ay shaqaaleysiisaa 5,500 oo shaqaale rayid ah saraakiil ciidan hay’adaha dalka kaligood waxa ay ku soo uruureen laga soo bilaabo Sayidka illaa agagaarka Banaadir ,taas waxa ay sameeyeen in qiimihii kirada Guryaha kacaan saa’idna u qaaliyoobaan waana dhul lagu 2-km ay dhacdo in qolkii 300$ lagaga kireeyo guryaha filooyinka waxaa lagu kireeyaa 700$, dhan ka kale qolalka guryaha u sameysan nidaamka dabaqayada waxa la kiyeeraa 500$ qolkii”. Marka aad tahay ruux kireysta Guri ah joogo magaalada Muqdisho waxaa macquula inaad sanadkii aad dagto guryo badan waxaana sabab u ah guryaha qiimahooda oo aan sal fadhiyo laheyn, Daraasad dhawaan ay sameysay Jaamacadda Simad xarunteeda maaalada Muqdisho ayaa lagu xusay in 10-kii sano ee ugu danbeeysay ay sara u kacayeen qiimaha lagu kireeyo laguna kala iibsado guryaha magaalada Muqdisho sida uu sharaxayo Maxamed Ibraahim oo kamid ah maamulka jaamaacadda oo qeyna ka ahaa cilmi baryaashii daraasadda ”Runtii inta aan wadnay daaraasadda waxa aan aragnay in10-kii sano ee ugu danbaysay qiimaha Guryaha way qaaliyoobayeen kiradana waxa ay ahyd mid sare u kacayso sanadba sanadka ka dambeeyo, iyadoo qofka celcelis ahaan dhaqaalihiisu is bedalay, tusaale dadka cilmi baarista sameeyay waxa ay soo ogaadeen qofka celcelis ahaan uu shaqeeyo 225$ waa jira qof qaata 1000$ iyo wax ka badan qofbaa xamaali iska ah, marka bishii 252$ soo gasho Guriga uu dagi karo ama uu gadan karo waa nuucee, xaafadihii guryaha lagu kireynaayay 30-40$ ayaa hadda waxa ay maraayaan 200-250$, guryihii 15,000-20,000$ lagu gadaayay ayaa hadda marayo 100,000-150.000$ arrimahaas ayaana daraasaddu xoogga saartay, taasna waa caqabad weyn, markaad halkaas ka fiiriso kiradii ayaa qaaliyowday aniga dhaqalaheygane isma bedalin, anigoo xaafaddii A haddii qaali ay igu noqotay waxaan ku qasbantahay inaad ka guurto B hadana C ayaan u guuray Xamar waa mid koobane qofkii intuu aadaa hadhaw” Waxaa jira inaan guryaha kireyntooda aan sifo sharciya aan loo marin taas oo sabata in hadhow ay is khalaafaan milkiilaha guriga iyo waliba Kireystaha iyadoo keenta in qofka lagu dalaco lacago badan oo dheeraad ka ah intii bishii hore uu ku bixiyey kirada guriga oo horay loogu heshiiyay, markaa oo qofka uu qasban yahay inuu isaga guuro gurigii ama uu ku daro lacagihii lagu soo dalacay. Wadamada horumaray ee dunida ayaa marka aad fiiriso qiimaha lagu kireeyo guryaha waxa ay yihiin kuwo jaban marka aad joogto Soomaaliya gaar ahaan caasimadda ee Muqdisho waana dhibaato muuqato oo aanan waxna laga qaban karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah, kana tirsan aqalka Kongreska Mareykanka, inay iscasisho, kadib markii ereyo Yuhuud naceyb ah ay ku qortay barteeda Twiter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo wxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay. Haddaba halkee iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Trump? Xiligii uu madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida. Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo aha in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay. Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Tan iyo markii la soo doortay Ilhaan Cumar, waxay fursad kasta oo soo marta u adeegsatay inay weerarto siyaasadaha Donald Trump, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii ay ka hadashay hakadkii ku yimid adeegyada dowladda kadib markii madaxweyne Trump uu aqalka Kongreska ka dalbaday dhaqaale lagu dhisayo derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, si uu u ansixiyo dhaqaalaha lagu kala wadayo adeegyada dowladda. Ilhaan ayaa arrintaasi si weyn uga soo horjeedsatay, waxayna billowday olole looga hortagayo qorshaha madaxweyne Trump. Sidoo kale Ilhaan ayaa kasoo horjeedsatay qaabka madaxweyne Donald Trump uu ula macaamilayo dowladda Venazuela, waxaana ay sheegtay in cunaqabateynta dhaqaale ee Trump ay tahay mid uu doonayo in uu uga faaideysto isbadel dhanka hogaanka ah oo ka dhaca dalka Venazuela, oo waxaa ay ka digtay tallaabo milateri oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Nicholas Maduro. Ilhaan Cumar waxa kale oo ay soo jeedisay in canshuur dhan boqolkiiba 70 laga qaado maal-qabeennada Mareykanka, maadaama madaxweyne Trump la aaminsan yahay in uu ka shaqeeyo danaha ganacsatada waaweyn ee Mareykanka. Ilhaan waxaa kale oo la rumaysan yahay inay aad uga soo horjeedo qaabka Isra’iil ay ula dhaqanto Falastiin, waxaana mar ay twitter-keedu kusoo qortay in Illaahay uu dadka tuso dhibaatooyinka Isra’iil ay ku heyso Qaza. Mar ay la hadleesay telefishenka MSNBC, Ilhaan waxay aad ugu dheeraatay dabeecadaha Trump, iyadoona sheegtay in marka la eego cadeymaha isa soo taraya ay muujineyso in madaxweyne Trump uu ku lug leeyahay falal dembiyeedyo. Ficillada qaar ee Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka careysiiyay xulafada madaxweyne Trump oo Sacuudiga uu ka mid yahay. Warbaahinta Dowladda Sacuudiga ayaa weerar dhanka saxaafadda ahi ku qaadeen Ilhaan Cumar, maadaama ay kasoo horjeedsatay siyaasadaha madaxweyne Trump. Bishii Disembar ee sannadkii tegay, telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo Iyana katirsan aqalka Kongreska inay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”. Waxaa kale oo jirta aragti aad u xoog badan oo ah in dalalka Sacuudiga, Israel iyo Mareykanka oo waxyaabo badan isku aragti ka ah aysan la dhacsaneyn qaabka Ilhaan ay uga soo horjeedo siyaasadaha Trump, arrintan Ilhaan Cumar ay ku dhaqaaqday na ay fursad u siineyso in madaxweyne Trump uu cadaadis ku saaro inay Ilhan iscasisho ama ay isaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee Kongreska madaama arrimahaasi oo dhanna ay taabanayaan siyaasadaha arrimaha dibadda. Source
-
Muqdisho (SMN) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari lagu xiray oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa Xildhibaaan Cali Cartan Bidaar oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xildhibaanku, uusan la socon gaariga, xilliga uu qarxayay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay hal Qof oo ahaa wadihii gaariga Xildhibaanka, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo shacab ahaa. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa k warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato: The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu sheegay in waxbaa looga ogolay xisbiga KULMIYE garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee New UCID, waxaanu sheegay in aan qof kaliya looga ogolaan shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Cali Guray ayaa waxa kale oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu xukuumaddiisa cidna kaga soo darin garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen. Qoraal uu siyaasi Cali Guray soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi “INSHA ALLAH KHAYR Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR. Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha.” Source
-
(SLT-Muqdisho)-Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Warshada Baastada iyo Coca Cola ee degmada Yaaqshiid, waxaana lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada AMIOSM oo halkaaso ku socdaalayay. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Miino nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay ciidamada AMISOM gawaadhi ay la socdeen, sidoo kalena qaraxa kadib la maqlay rasaas la sheegay inay fureen ciidamada AMISOM. Weli ma cada khasaaraha ka dhashay qaraxaas lala eegtay kolonyada AMISOM, waxaana hakad galay Gaadiidka dadweynaha ee ka Shaqeeya Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho. Qaraxa labaad ayaa waxa uu ka dhacay laami yaraha soobe, waxaana la sheegay in uu ahaa mid lagu xidhay Gaadhi nooca raaxada ah una eeg Gawaadhida aan xabada Karin ee loo yaqaano (balad buruuf). Qaraxaas ayaa dad goobta tegay waxa ay sheegeen in uu ku dhaawacmay ruux gaadhiga watay,k aas oo aan weli la shaacin waxa uu ahaa,iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay goobta tageen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa muddo kooban ku dhamaystirtay waddo laamiya oo loo dhisay madaxtooyada cusub ee Galbeedka Hargeysa. Xildhibaan Xasan Shahar, oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan qalabka dhismaha ee dawladda hoose la geliyay waddadan. Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa lagu dhaliilaa waxqabad la’aan dhinaca waddooyinka magaalada dhexdeeda. Dhan kale waxa uu dayac xooggan ka muuqdaa waddooyin badan oo hawl-bowle u ah isku socodka magaalada Hargeysa kuwaas oo ay dhibaato ku qabaan gaadiidka iyo dadka adeegsadaaba. Source
-
Qarax lagu xiray gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay isgoyska laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca aan xabaddu kari ayaa la sheegay in qaraxan uu ku xirnaa, waxaana ku dhintey Hal qof oo ahaa wada Bajaaj, kaasi oo halkaasi marayey, waxaana ku dhaawacmay Labo qof kale oo mid ka mid ah uu ahaa wadihii gaarigaasi. Gaadiidka gurmadka degdegga ah oo soo gaara halka qaraxa uu ka dhacay ayaa qaaday dadkii dhaawacmay, waxaana dhanka kale halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo baaritaanno wada. Lama hayo faah faahin dheeraar ah oo ku saabsan cidda leh gaariga qaraxan uu ka dhex dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Al-Shabaab said its fighters launched an ambush attack on Somali military convoy travelling on the outskirts of Mogadishu on Tuesday. Heavy battle flared up following the surprise assault between Somali forces and the militants that raged on for several minutes, according to the sources. The army convoy came under attack at Jazeera area, along the coastal road connecting Mogadishu to Lower Shabelle region, south of Somalia. There was no immediate reports of casualties as both sides remained silent on the incident which was the latest in a series of attack on the main highway in recent months. Several senior Somali military were killed in roadside bombs in the area, which claimed by Al Shabaab, the Al-Qaeda-linked militant group in the country. The post Al-Shabaab ambushes army convoy outside Somali capital appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa Xukuumadda u diray baaq ku waajahan Saxaafadda. Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Xisbiga Kulmiye, oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doona, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Saxaafadda “Saxaafaddu waa xor, in lagu xad gudubo, oo la cabudhiyana maaha, in Saxaafadda lagu xidho dhaliilaha jira ha sheegina hana soo bandhigana maaha, Saxaafaddu Somaliland door muhiima ayey kaga jirtaa dalka, ee ma joogno dal kaligii taliye xukumo ee Dimuqraadiyada ha la ilaaliyo oo Saxaafadda cabudhinta, xadhiga iyo cadaadiska ha laga daayo, haddii se Saxaafadda cabudhinta laga dayn waayo, waa nasiib daro weyn, dadka haddii afka laga xidhana gacanta lagama xidhi karo,halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaha ay leedahay ee la soo bandhigay maaha inay xadhig iyo cabudhin miciin bido, ”. Mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye oo dhawaan Shirkiisi Golaha Dhexe qabsan doono ayaa yidhi “Waxaad mooda in Xisbiga Kulmiye in dhexdiisi cabudhini ka dhex jirto, maxaa yeelay waxaynu ogeyn in xubno ku jiray oo dhaliilay Xukuumadda in laga saaray, sideedabana dhaliilisho waxbay toosisaa ee waxba ma xumayso, qofku haddii uu han leeyahay, wuxuu isku dayaa inuu hankiisa muujiyo, meesha uu doonaba ha jooge, waxaa se muuqata in Xisbiga Kulmiye dhexdiisa aanay Dimuqraadiyadi ka jirin, cid han lehna aan la rabin inay iska soo sharaxdo, waxay ahayd madaama Xisbigu yahay Xisbi qaran, in qof kasta oo ka mid ah Xisbiga, oo waliba han musharaxnimo leh kursiga uu doonaba ha ku tartame inuu isa soo sharaxo, laakiin taas ma muuqato”. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo mas’uulka lahaa gaariga miinada lagu xiray. Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyooday qaraxa gaariga, oo uu lahaa Xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Laami yaraha Zoobbe ee Magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxa ku geeriyooday wadihii Gaarigaas. Xildhibaanka Gaariga iska leh ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cartan Bidaar oo ka mid ah Xildhibaannada Koonfur Galbeed, sidoo kalena wasiir ka soo noqday maamulka Koonfur Galbeed. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamada Booliska oo maydka marxuumka dhintay meesha ka qaaday. Laami yaraha Zoobe ayaa waxa ay tahay wado aad u mashquul badan marka loo eego isticmaalka gaadiidka dadweynaha. Qaraxan waa kii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Degmada Hodon, iyada oo shalay Gaari ay leeyihiin Booliska uu ku qarxay agagaarka Seybinaayo halkaas oo uu ku geeriyooday Wadihii. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The president of Somalia’s northeastern Puntland state, Sa’eed Abdullahi Deni has held first meeting with his cabinet members at the state house in Garowe on Tuesday. The meeting came hours after the cabinet too formally the oath of office with the presence of the president, Vice President and several other government officials. Puntland leader and his deputy have urged the new cabinet members to perform their duties diligently and put the interest of the people first. Said Abdullahi Deni who was elected into office on 8th January unveiled his 48 cabinet members on Sunday. Only three female ministers were appointed. The post Puntland president meets with his new cabinet appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya, maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka. “Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika. Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaa dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga. “Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisa ay waxyaabo badan ka caawin doonto Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Maraykanka uu hadda kuso laabtay Soomaaliya, islamarkaana aanu mar kale dib u bixi doonin. Yamamoto ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka shaqeyn doonaan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa cafinta deymaha, si qarashka ay deynta ku gudi lahayd ay u adeegsato kaabayaasha kale ee dhaqaalaha. Horumar iyo nabad kama dhaceyso dalalka geeska Africa haddii aanay Soomaaliya Nabad ahayn iyo horumar ahayn USAID ayuu sheegay in ay taageerto shirkado waaweyn oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka shaqeeya Kalluunka, Korontada iyo arrimo kale oo dalka muhiim u ah. Safiir Donald Y. Yamamoto ayaa dhanka kale xusay in Soomaaliya ay caan ku tahay waxyaabo badan oo isugu jirta qudaarta iyo kheyraadka kale ee badda ku jira. Hadalkaan ayuu safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya ka sheegay shirka looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo sidoo kale shaqaaleysiinta, kaasi oo maalintii Labaad ka socda magaalada Muqdisho, waxaana shirkan soo qabanqaabisay Geel Project. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Safiirka-Maraykanka-sax-ah.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan waxaa laga war-gelinayaa in boos shaqo uu ka banaan yahay website-ka Caasimada Online. Shaqada banaan ayaa ah qeybta qorista wararka, warbixinada iyo xog uruurinta. Shuruudaha shaqo ee laga doonayo qofka soo codsanaya booskan ayaa ah. 1 – Aqoon saxaafadeed iyo hab qoraal wanaagsan, oo aan u baahneyn in dib qof warka looga qoro. 2 – Ugu yaraan saddex sano oo khibrad saxaafadeed ah, oo uu qofka ku shaqeeyey. 3 – Inuu yahay qof xog-ogaal ah, islamarkaana leh xiriir wanaagsan oo dhinaca ilaha wararka ah, islamarkaana heli kara xogta wararka aan dibedda oolin. 4 – Aqoonta luuqad aan Soomaali ahayn, sida English ama Carabi midkood. 5 -Awood u leh taxliilinta wararka kadib marka ay dhacaan. Caasimada Online waxay bixineysaa mushahar wanaagsan, waxayna kugu soo dhoweeneysa hab shaqo oo wanaagsan. Qofka booskan hela ma shaqeyn doono wax ka badan 5 saac, 24-kii saacba, si uu fursad ugu helo qoyskiisa, waxbarashadiisa ama howlihiisa kale. Haddii aad rumeysan tahay inaad buuxin karto shuruudahaas, fadlan codsigaaga kusoo dir emailka: caasimada@live.com
-
Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay wadaan qorsheyaal badan oo lagu horumarinayo ganacsiga dalka. Waxa uu tilmaamay in sidoo kale ay wadaan sidii ay u fur-furi lahaayeen ganacsiga dalka iyo maalgashiga intaba. Maareeye ayaa dhanka kale sheegay iney wadaan sidii ganacsiga Soomaaliya u noqon lahaa mid sahlan una sahlanaata ganacsatada iyo maalgashadayaasha caalamiga ah. “Waxaan culeyska saarnaa sidii aan u fur-furi lahayn ganasiga Soomaaliya iyo maalgashiga Soomaaliya, sidii aan u sameyn lahayn shuruuc iyo siyaasado sahlaya in Soomaaliya la maalgashado in Soomaaliya ganacsi laga sameeyo, waxaan wadnaa inaan horumarinno sida ganacsiga Soomaaliya u noqon lahaa mid sahlan, taasi oo aan dooneyno inaanu maalgashiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashatada ay si sahlan u helaan fursadaha iyo shatiyada ganacsiga” ayuu yiri wasiirka Wasiir Maareeye ayaa hadalkaan ka sheegay kulanka looga hadlayo Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqaaleysiinta, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Geel Project kana socda magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdishoi (SMN) – Hooyo Luul Maxamed Aadan oo wiilkeeda sanadkii la soo dhaafay laga qabtay xeebaha magaalada Muqdisho, xilli uu ku jiray shaqadiisa Kaluun dabashada ayaa baaq u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamada ilaalida ee ka howlgala Xeebaha dalka ayey sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaaabo Maxamed Seyid Axmed ay 2018-kii ku eedeeyeen in uu yahay Burcadbadeed, balse aysan waxba ka jirin eedeymahaasi. Sidoo kale Hooyo Luul waxa ay tilmaamtay in Wiilkeeda uu u soo dhicin jiray masruufka Qoyska, markii la waayana ay u umaleyneysay in uu dhintay, balse muddo kadib dhalinyaro Burcadbadeed ku eedeysnaa oo laga soo daayay Hindiya ay u sheegeen in wiilkeeda uu kula xirnaa xabsi ku yaalla gudaha dalkaasi. Ugu dambeyn Hooyadan Soomaaliyeed ayaa ku catawday in uu wiilkeedu u xiran yahay dulmi, waxaa ayna madaxda sare ee Qaranka ka codsatay in loo soo daayo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Hooyo wiilkeeda lagu xiray Hindiya Oo baaq u dirtay DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nabadoon C/casiis Xaarin oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda Puntland ayaa rajo aad u wanaagsan wuxuu ka muujiyey in isbedallo dhan walbo ah ay keenaan wasiirada cusub ee Puntland, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd lagu dhaariyey magaalada Garoowe. Wuxuu tilmaamay in dadka Puntland dhammaantood ay soo dhoweeyeen wasiiradan markii la magacaabay, ayna sugayaan un waxqabadkooda. “Dadka Puntland ma ahan kuwo horey wax ka mucaarada, waxa ay sugaan dadka lasoo magacaabay iyo cidda lasoo doortay, marka shaqo ay bilowdo oo ay wax ka qaldamaan ayaan dhahnaa waxaas waa qalad, laakiinse wasiiradan la magacaabay waxaan ka sugeynaa shaqo adag iney umadda u qabtaan” ayuu yiri nabadoonka. Shalay, madaxtooyada Garoowe waxaa lagu dhaariyey wasiiradii uu soo magacaabay madaxweyne Dani, waxaana horyaalla shaqooyin badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland, Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Hawlgallada oo weli socda, ayaa taliyuhu sheegay in lagu soo qa’qabtay, dad kala duwan oo ku eedaysan; argagixiso, tahriibin iyo dhalinyarada abaabulan ee dhaca iyo boobka u geysta shacabka magaalada, kuwaasoo baaritaan lagu wado, sida uu xusay. Sidoo kale Gen. Muxiyadiin ayaa sheegay, in gacanta lagu hayo qofkii ka dambeeyay, dil habeen ka hor loo geystay, xisaabiyihii guud ee shirkadda ganacsiga Horseed, Salaad Cabdi Cukaash oo lagu dilay xaafadda Raf&Raaxo ee magaalada Boosaaso. “Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash. Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse oo wax laga weydiiyay? dad la sheegay in jaamacadaha Boosaaso laga soo qabtay, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah ay meel kasta ku dhuuntan, sida jaamacadaha, macaa’hidda iyo iskoolada, haddii qofkii laga shakiyana meel kasta loogu gelayo, si baaritaan loogu sameeyo. “Argagixisadu waxay gashay jaamcadaha, waxay gashay mac’hadada, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya” ayuu raaciyay taliyuhu. Gen. Muxiyadiin, ayaa shacabka Boosaaso ugu baaqay, in ay ciidamada kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga oo ay soo sheegaan macluumaadka ku saabsan, kooxaha dhibaatada ku haya magaalada, gaar ahaanna kuwa ganacsatada soo waca ee weydiista sakawaadka. Si gaar ah wuxuu ka digay, kooxo uu sheegay in ay isu’ekaysiiyaan Al-shabaab iyo Daacish, si ay lacago uga helaan dadweynaha kala duwan, iyagoo soo waca, dabadeena u sheegayana magaca Al-shabaab ama Daacish. Halkaan ka daawo wareysiga oo dhammaystiran PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Gen. Muxiyadiin: Argagixisadu waxay gashay jaamacadaha macaa’hidda iyo iskoolada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika,kaasi oo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka,taasi oo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya,maadaama ay hortaagantahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka. “Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlantahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka,si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya,si loo helo horumar waara,go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika. Qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika ay muhiimad siinayaan dowrka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga,iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen,ka xubin ahaan waxaana Soomaaliya dhiirogelin u ah taageeradaasi waana sii wadaynaa iskaashiga ka dhexeeya guud ahaan Xubnaha Midowga. “Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersantahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadkan,kaasi oo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan,Soomaaliya,kuwaasi oo kamid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga,iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqan gelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. Ayaa lagu yiri qoraalka. The post DFS oo soo dhaweysay go’aanadii Shirka M/Africa appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa inay is casisho ugu baaqay Ilhan Cumar oo ah xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka, ka dib markii ay Isniintii raali galin ka bixisay haddalo ay qortay oo loo arkay inay dadka Yuhuudda ka soo horjeedaan. Ilhaan ayaa raalli galintan bixisay, ka dib markii xubnaha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ay si baahsan u dhaleeceeyeen. Madaxweynaha ayaa saladii shalay warfidiyeenada u sheegay in raalli galintii Ilhan Cumar ay dhantaalan tahay, waxana uu intaas ku daray in raalli galintaas ayna waxba ka ahayn. Trump ayaa ugu baaqay in Congresska iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay. Hadalka Trump ee uu ku mucaaradayo Ilhaan Omar ayaa waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii ay Raalli-gelin ka bixisay hadalkeeda ka dhanka ah Israa’iil iyo Kooxaha Maraykanka ee u ololeeya Danaha Israa’iil oo ay ku sheegtay inay yihiin carruurta Binjamiin Natayaahu. Source
-
Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay hadal ay kasoo xigteen madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo ahaa talooyinka cajiib ahaa oo uu siiyay madaxweyne Farmaajo. Qoraalka ayaa warbaahinta dalka Uganda waxay ku sheegeen in madaxweynaha Uganda uu kula taliyay madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo ciidamo u abaabulan qaab maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala ciidan qaran. Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u baahan yihiin inay helaan tababaro kala duwan kuwaasi oo ugu dambeyn la qarameyn karo si ay amaanka ugala wareegaan ciidamada AMISOM. Kulan gaar ah ayaa magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Uganda iyo madaxweynaha Soomaaliya waxaana kulankaasi ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo wanaajin lahaa. Madaxweyne Musaveni ayaa todobaad kahor Soomaaliya ku tilmaamay dal uusan ka jirin nidaam dowladeed waxaana arintaasi ay dhalisay caro badan oo Soomaalida ay ka qaadeen hadalkaasi. Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah AMISOM waxaana hadda socda dadaaladii ugu dambeeyay ee bixitaanka ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
-
Popular Contributors