Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,392
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ajandaha dawlada Fadaraalku ka leedahay Somaliland wakiilka u wayn ee lashaqeeya una fuliya waa Madaxwayne Muuse biixi. Wali lama arag tababare 11 kii laacib ee kooxdiisa u ciyaaryay ka soo fadhiisiya gool hayihii, 4tii difaaca ahaa, iyo 4tii dhexda ahaa, oo yidhaahda aniga iyo laba kale oo sidii Naimar istuur tuuraya ayaa weerar noqonaya. Waa sababta Madaxwayne Farmaajo aanuu mar-kaliya ugu soo jawaabin Madaxwayne Muuse ileen waa wakiil bilaa mushahar ah oon is ogayne,Bishiiba hal mar ayuu bada hoos teeda uga soo qoslaa. Waxaan idiin tirin karaa toban dhacdo oo Madaxwayne Muuse fuliyay oo Somaliland iyo ku lid ah. Madaxwayne waad hurudaa ee toos waxaad tahay wakiilka masuulka loolanku inaga dhexeeyo. Dalkaygoow Raxmaan baynu leenahay. Amb.Axmed safiina Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qarax oo culus ayaa Ciidamada Midowga Afrika Amisom, waxaa lagula eegtay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay maqleen dhawaqa laba qarax oo culus, xilli Ciidamada Amisom ay maraayeen meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada. Miinooyinkaan ayaa la sheegay inay ku aasnaayeen wadada dhinaceeda, islamarkaana Ciidamada Amisom oo meesha maraayay lagu qarxiyay mid koowaad, kadibna ay xigtay tan labaad. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay isaga oo guriga ku jira inu maqlay labada qarax, kadibna markii uu banaanka u soo baxay uu arkay gaadiidka Amisom mid ka mid ah oo qaraxyada ay waxyeeleeyeen. “Qaraxyada Ciidamada Amisom ayaa lala eegtay agagaarka Warshada baastada ayaga oo maraayo meeshaan dhawr mar ayeey wax ka dhaceen oo qarax ah oo Amisom lala eegtay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Lama oga Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee qaraxaan lagula eegtay nawaaxiga Warshadda Baastada ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu sheegay inaan waxba looga ogolayn xisbiga KULMIYE garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee New UCID, waxaanu sheegay in aan qof kaliya looga ogolaan shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Cali Guray ayaa waxa kale oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu xukuumaddiisa cidna kaga soo darin garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen. Qoraal uu siyaasi Cali Guray soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi “INSHA ALLAH KHAYR Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR. Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha.” Qaran News
  4. Washington (SMN) – War ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda duqeymaha ay weerar xaga cirka ah ku qaadeen fariiisimo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegtay in weerarkaasi uu dhacay 11-kii bishan February ee 2019-ka. Duqeymaha oo labo ahaa ayuu Mareykanku sheegay in uu ku dilay 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale Mareykanka ayaa xusay in duqeymahaasi uu ku burburiyay agab milatari oo ay lahaayeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan kordhisay duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post AFRICOM Oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada. Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda. The post Khayre Oo tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Africa ee AMISOM maanta lagula eegtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in lala bartimaameedsay ciidankan, xilli ay marayeen inta u dhexeysa isgosyka Ex Kontarool Balcad iyo Miisaanka Dhuxusha ee degmadaasi. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa lala eegtay kolonyo kale oo ka titsan AMISOM oo u soo gurmaday ciidamadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee Soomaaliya. Inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa qaraxyo xoogan lagula beegsadaa waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. The post Ciidamada AMISOM Oo qaraxyo lagula eegtay Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (SN) – Holwgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya ayaa xeelado dagaal u xiri doona qaar ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin gobollada dalka dabayaaqada bishan,marka kun askari laga dhimo howlgalkooda Soomaaliya. Qeybtii koowaad ee dhimitaanka ciidamada AMISOM ayaa la filayay in la sameeyo bishii Decmber ee sanadkii tagay,maadaama qeybtii ugu horreysay ee ciidankaasi la dhimay bishii December 2017-kii. Golaha ammaanka ee QM ayaa doonaya in ciidamada AMISOM ay ammaanka dalka si buuxda ugu gacan galiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2020-ka. Taliyeayaasha ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in ay xiri doonaan qaar kamid ah saldhigyada ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,iyagoo sheegay in taasi qeyb ka tahay xeyladaha ay kula dagaalamayaan Al Shabaab. Si kastaba ha’ahaatee taliyeyaal ka socda wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho uga socday kulamo gaargaar ah oo ay uga wada hadlayeen qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya. The post AMISOM Oo badaleysa xeeladaheeda dagaal appeared first on Shabelle. View the full article
  8. A Queensland woman has been found guilty of taking her two daughters to Somalia to undergo female genital mutilation – the first prosecution of its type in the state. A jury took just over an hour to find the Somali-born woman took her two daughters, then aged nine and 12, to the African country in 2015 for the procedure. Sentencing for the 45-year-old woman has been adjourned for a date yet to be fixed but she faces up to 14 years in jail. Her defence lawyer asked for sentencing to be deferred because his client has cancer that has spread through her body to her armpit. The defendant and the daughters cannot be identified for legal reasons. The 45-year-old woman pleaded “not guilty” in the Queensland District Court to the two charges on Monday. In summing up the case, prosecutor Dejana Kovac told the jury “female genital mutilation has no medical benefits whatsoever”. “She took her two children to her home country of Somalia in Africa where she herself was subjected to the same brutality,” Ms Kovac said. “In her recorded interview with the police, she said she would do anything for her children, but obviously not anything to protect them, in fact she did quite the opposite, and dehumanised them in one of the worst ways imaginable.” “In her recorded interview with the police, she said she would do anything for her children, but obviously not anything to protect them, in fact she did quite the opposite, and dehumanised them in one of the worst ways imaginable.” The trial heard the two Australian-born girls went to Somalia in 2015 for the first time ostensibly on a holiday with their mother and two other siblings. Several days after they arrived, a procedure was performed on both girls at their grandmother’s house. On their return in late 2015, the eldest told police their mother was present during the procedure and that they were not sedated and the pain was in the part of the body used to urinate. The prosecution relied heavily on evidence of a paediatrician who examined the both girls shortly after their return. He found a reduction of the clitoral hood that met the definition of female genital mutilation. Five witnesses and police interview tapes with the girls and the mother in 2015 were played to the court over two days of evidence. The post Somali woman guilty over daughters’ genital mutilation in landmark prosecution appeared first on Shabelle. View the full article
  9. K The African Union troops in Somalia will close some of their forward operating bases (FoBs) at the end of the month when further reduction of 1,000 soldiers is implemented. The second phase of reduction was supposed to be implemented in December last year on the orders of the UN. The first reduction of the troops was in December 2017. The UN Security Council wants Amisom to gradually handover the national security to the Somali National Army by 2020 but Amisom says the reduction of its troops leaves a security vacuum because the Somali army has not developed capacity to deploy in areas from where they withdraw. As a result of the impending forces reduction, commanders from countries with troops in Somalia are meeting in Mogadishu to draw a plan called Concept of Operations (CONOPS) on how to maintain their effective presence in the country to stop the al-Shabaab militants from taking advantage. “Under the new CONOPS, several forward operating bases are likely to be reconfigured and others folded, as troop numbers reduce. However, Amisom made an assurance that the changes will be undertaken with utmost consideration of the safety and security of populations living in the regions where the FOBs are situated,” Amisom said in a statement on Monday. The new Amisom force commander, Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn, said on Monday that they will focus on “targeted offensive operation” to avoid spreading of troops in all-out offensive operations. Lt Gen Wondimhengn replaced Uganda’s Lt Gen Jim Owesigyire two weeks ago and he is the first Ethiopian Amisom force commander. “In order to implement the Concept of Operations effectively, we will focus on conducting targeted offensive operations against the al-Shabaab to degrade its capability, deny them freedom of action and movement and secure our friendly forces in fulfillment of our mandate,” Lt Gen Wondimhunegn said. The post Amisom to close Somalia bases, change fighting tactic appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii Ciidamada Booliska Puntland maalmahan magaalada Boosaaso ay ka wadeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena goobaha waxbarashada qaarkood lagu baaray, ayaa Taliyaha Booliska Puntland wuxuu ka hadlay arrintaasi. Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay dadka dilalka gaysta inay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada. “Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu raaciyay taliyuhu. Sidoo kale Taliyaha Booliska Puntland ayaa tilmaamay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysten soo qabashada nin dil u gaystay shaqsi ganacsade ahaa oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso. “Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  11. (SL-T Caynabo) BiyoLa,aan Soo Food Saaratay Bulshada Danyartaa Ee Ku Dhaqan Magaalada Caynaba Waxaanay Xukumada Ugu Baaqeen In Lalasoo Gaadho Gurmad Deg-deg Ah Source
  12. Taliyaha ciidanka booliiska Puntland, sareeye gaas, Muxidiin Axmed Muuse ayaa goor dhow saxafada usoo bandhigay rag dhalinyaro ah oo ka dambeeyay dilka nin ganacsade ah [...] Source
  13. (SL-T Burco)Gebo-Gebo: Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgaliyey Degmada Gebo Gebo Ee Gobolka Togdheer . Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada. Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda. Hoos ka daawo munaasabadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Jawaab Waa sax dareenkiinnu, su’aashiinnuna, Alle hortii, waa xaq. Waayo waa run u qaawan sida cir aan caad lahayn oo Muuse Biixi ma aan taageerin oo qudha ee waxa aan ka mid ahaa dadkii bulshada malabka u marmariyey, dharka xariirta ahna ugu dul wadhay, una qurxiyey ee doorta ku lahaa xilligii uu xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka loollamayey (2015) ee murrashaxnimada madaxweyne ku shuqlanaa iyo markii dambe ee u diyaargarowga iyo ololaha doorashada lagu jirey 2016 – 2017. Kulmiye xubin kama ahayn wixii ka horreeyey October 2015. Waa aynu ogaynoo dalku halis buu ku jirey maalmahaan oo hoggaamintiisu meel bannaan ayay maalinba maalinta ka dambaysa ku sii hoobanaysey.Doorasho la galaa iyo hoggaan cusub oo la soo saaraa waxa ay ahayd xalka ugu wanaagsan ee suurta galka ahaa, dad badanina taas bay qabeen. Saddex murrashax iyo saddex xisbi ayaynu haysanney oo kala dooranayney, saw ma aha? Qofkii wax kale qabey ee aan inta la kala dooranayo doonahayn waa halkiisa, hase yeeshee sida qudha ee kaalintii hoggaamineed loo buuxin karayey waxa ay ahayd waddadaa sharciga ah loo maro oo saddexdaas xisbi ee jira uun lagu kala doorto. Kulmiye ku biiriddiisa waxa igu dudduucay taageeradii aan Muuse Biixi u hayey ee xisbi ahaan siyaasaddiisa marnaba kuma qanacsanayn.Hoggaan isbeddel lagala shaqayn karo ha ka soo baxo ayaa muhiimadda ugu weyni ahayd. Dhinaca saddexda murrashaxna waa run oo wax lagu kala doortaa ma badnayd, laakiin se waa in la kala doortaa. Doorasho kale ma jirin. Waxa la ina kala dooransiinayey “daratiyo kud iyo caal”, saw ma ahayn? Anigu waxa aan ka mid ahaa intii “caalka” dooratay ee is tidhi dawo u raadiya oo iraab la dhaca, soona saara hoggaamin cusub, si loo awdo kaalintii dalka iyo dawladnimada ku bannaanaatay ee afka ku soo kala qaadday, kuna saabsanayd doorarkii hoggaaminta iyo madaxa sare ee madaxtooyada. Saddex wax oo aan wax badan is dhaamin haddii lagu kala dooransiiyo oo aanad wax kale haysan, waxa laga naqaystaa ka kuugu muuqda in loogu qaatey marka dhinacyo badan laga eego. Saddexda mudane ee Muuse, Cirro iyo Faysal ayay kala doorashadu ahayd.Faysal iyo Cirro waannu soo wada shaqaynay xilligii UCID ay wada maamulayeen, xisbigana aannu ka wada tirsanayn.UCID waxa uu ahaa xisbigii ugu horreeyey ee aan qaadhaan siiyo. 2003 waxa London qaadhaanka igaga qaadi jirey Axmed Cabdi Ciise oo markaas ka mid ahaa kaadirka UCID.Sida labadii xisbi ee kale (UDUB iyo Kulmiye) ma lahayn UCID saldhig iyo aasaas qabali ah markii hore.Taas buu kaga duwanaa labada xisbi ee kale, dad badan oo wax bartay oo dhallinyaro ahna bilowgii wuu soo jiitey. Waxa aan si rasmi ah ugu biiray UCID 2007, waxanan goobjoog u ahaa markii Cirro iyo Faysal ay kala dhaqaaqeen aniga oo xubin rasmi ah oo UCID ah oo bixisa biiro ama ajuuro joogto ah (monthly subscription).Maalintaas ayaa UCID iigu dambeysey, Waddanina wuu cusbaayoo Cirro ayaa murrashax u noqday. Muuse aqoon hore uma aan lahayn oo xilligii SNM isaga oo wax yar joogey (wax aan laba sano gaadhin) ayaan anigu deeq waxbarasho oo aan ka helay The Somali Peoples’ Vanguard Party oo fadhigiisu Cadan/Yemen ahaa ugu baxay The Czech Republic. Sidaas ayaanan Muuse ula kulmin waagaas.Waxa la kulankiisa iigu horreysey 2016, dhawr jeerna waannu wada xidhiidhnay 2015 telefoon iyo Email ahaan. Waxa aannu se kulamo yeelannay xilligii u diyaargarowga doorashada ee aannu barnaamijka siyaasadda qorayney 2016 iyo markii dambe ee ololaha lagu jirey ee 2017.Muuse waxa uu xilligaas iigu muuqday qof bisil oo dhegaysi badan, fiiro badan oo arrimaha kula rogrogaya, ahna sarkaal ciidameed oo laga quuddarrayn karo garashada iyo fahamka kala dambaynta iyo discipline-ka, taas oo ka mid ahayd arrimaha dawladnimadeennu xoogga ugu baahnayd. Waxa uu noo muujiyey damqasho xaaladdii jirtey ku saabsan iyo yuhuun ah in arrimaha wax laga qabtaa in ay mudanta koowaad leedahay. Waxa ay taasi sii xoojisey dareen aan hore u qabey oo ahaa inuu leeyahay waayo-aragnimo ballaadhan oo ku saabsan halgankii SNM iyo geeddigii dambe ee dib u nabadayntii iyo yagleelkii qaranka Somaliland, isaga oo aan habeenna meel uga dalandoolin (a real home grown politian) ilaa ugxantiisa uu dhulkiisa ku aastay oo ku aaminey, isaga oo aan waayin fursad uu dibedda ugu diro qaxooti ahaan. Aqoonsigaas aan Muuse siiyey ee uu lahaa iyo baahidii dalka iyo dadka ee jirtey ee hoggaamin la’aaneed ayay igu laba-dibleysey in aan Muuse u daacad noqdo, kana mid noqdo dadkii tacabka geliyey soo bixitaankiisii. Ama waa la maqan yahay Ama waa la muuqdaa Ama madasha lama tago. Arrimahaasi waxa ay igu dhiirrigeliyeen in aan labada kale (Cirro iyo Faysal) oo UCID kala jebiyey aan Muuse ka doorto. In aan ka mid noqdo, waan ku celinayaaye, dadkii Muuse bulshada u qurxiyey ee malabka iyo sabiibta shakhsiyaddiisa u marmariyey, kulana taliyey bulshada, intii ay gaadhayeen, in isaga (Muuse) la doorto sababahaas iyo qaar kale oo la mid ah marka laga shiidaal qaato. Macnuhu ma ahayn kuwa kale (Cirro iyo Faysal) col baa la la yahay, ama sida dadka qaar qabaan Jeegaanism, Hagbadism iwm aanay dabada naga wadin. Aniga iyo intii aannu isku rabaca ama gubniga ahayn motor-kaas ama engine-kaas kale ayaa na riixayey. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 3aad Qaran News
  16. Kireynta guryaha magaalada Muqdisho waa kuwo is bed-bedala sanad walba, guryahaha qaar ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu kireeyaa lacag dhan $300-$500, waana xaafadaha loo arko inuu ammaan uu ka jiro habayaraadee, mararka qaar waxaa dhacda in kireystaha guriga inuu isaga baxo sababta ayaa la xiriirta lacago dheeraad ah lagu daro guriga, iyadoo sanadkii uu dego wax ka badan 10 guri. Dagmooyinka ugu qaalisan xaga kireynta guryaha magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday in ay yihiin Waaberi, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Hodan, Cabdi casiis, WartaNabadda iyo Shibis. Degmooyinka Shangaani iyo Howlwadaag guryaha ku yaalla waxaa qiimo ahaan qolkii lagu kireeyaa lacag u dhaxeysa 60 illaa 50 doolarka Maraykanka ah, waana qiimo badan marka la bar-bar dhigo degmooyinka kale ee Muqdisho. Dhallinyaro badan ayeey shaqo abuur u noqotay kala iibinta iyo waliba kireynta guryaha iyagoo ku dabaqay Tiknooloojiyadda xilligaan wadanka laga isticnmaalo, waxaana ka mid ah dhallinyaradaas Cabdi Shakuur oo madax ka ah shirkad kiraysa guryaha, waxa uuna ka sheekeynayaa habka ay u kireeyaan guryaha. ”Kireynta guryaha waa kuwo kala dabaqad duwan, waa kuwo dabaqadda Koowaad ah iyo dabaqada Labaad ah, kuwa dabadaqadda Koowaad ah waa kuwa ku dhaw Xalane oo hay’adaha ay degaan waxaana lagu kireeyaa qolkii Labo Kun illaa Saddex Kun oo doolarka Maraykanka ah, waxaana badanaa dega shirkado waaweyn, dabaqadda Labaad waa xaafadaha ku teedsan wadada Makka Al-mukarrama, xaafadahaaa ilaa dagmada Waaberi iyo qeybta soke ee Taleex, laguna tago Banaadir dhulkaasi waxaa dega shaqaalaha dowladda sababtoo ah dowladda waxa ay shaqaaleysiisaa 5,500 oo shaqaale rayid ah saraakiil ciidan hay’adaha dalka kaligood waxa ay ku soo uruureen laga soo bilaabo Sayidka illaa agagaarka Banaadir ,taas waxa ay sameeyeen in qiimihii kirada Guryaha kacaan saa’idna u qaaliyoobaan waana dhul lagu 2-km ay dhacdo in qolkii 300$ lagaga kireeyo guryaha filooyinka waxaa lagu kireeyaa 700$, dhan ka kale qolalka guryaha u sameysan nidaamka dabaqayada waxa la kiyeeraa 500$ qolkii”. Marka aad tahay ruux kireysta Guri ah joogo magaalada Muqdisho waxaa macquula inaad sanadkii aad dagto guryo badan waxaana sabab u ah guryaha qiimahooda oo aan sal fadhiyo laheyn, Daraasad dhawaan ay sameysay Jaamacadda Simad xarunteeda maaalada Muqdisho ayaa lagu xusay in 10-kii sano ee ugu danbeeysay ay sara u kacayeen qiimaha lagu kireeyo laguna kala iibsado guryaha magaalada Muqdisho sida uu sharaxayo Maxamed Ibraahim oo kamid ah maamulka jaamaacadda oo qeyna ka ahaa cilmi baryaashii daraasadda ”Runtii inta aan wadnay daaraasadda waxa aan aragnay in10-kii sano ee ugu danbaysay qiimaha Guryaha way qaaliyoobayeen kiradana waxa ay ahyd mid sare u kacayso sanadba sanadka ka dambeeyo, iyadoo qofka celcelis ahaan dhaqaalihiisu is bedalay, tusaale dadka cilmi baarista sameeyay waxa ay soo ogaadeen qofka celcelis ahaan uu shaqeeyo 225$ waa jira qof qaata 1000$ iyo wax ka badan qofbaa xamaali iska ah, marka bishii 252$ soo gasho Guriga uu dagi karo ama uu gadan karo waa nuucee, xaafadihii guryaha lagu kireynaayay 30-40$ ayaa hadda waxa ay maraayaan 200-250$, guryihii 15,000-20,000$ lagu gadaayay ayaa hadda marayo 100,000-150.000$ arrimahaas ayaana daraasaddu xoogga saartay, taasna waa caqabad weyn, markaad halkaas ka fiiriso kiradii ayaa qaaliyowday aniga dhaqalaheygane isma bedalin, anigoo xaafaddii A haddii qaali ay igu noqotay waxaan ku qasbantahay inaad ka guurto B hadana C ayaan u guuray Xamar waa mid koobane qofkii intuu aadaa hadhaw” Waxaa jira inaan guryaha kireyntooda aan sifo sharciya aan loo marin taas oo sabata in hadhow ay is khalaafaan milkiilaha guriga iyo waliba Kireystaha iyadoo keenta in qofka lagu dalaco lacago badan oo dheeraad ka ah intii bishii hore uu ku bixiyey kirada guriga oo horay loogu heshiiyay, markaa oo qofka uu qasban yahay inuu isaga guuro gurigii ama uu ku daro lacagihii lagu soo dalacay. Wadamada horumaray ee dunida ayaa marka aad fiiriso qiimaha lagu kireeyo guryaha waxa ay yihiin kuwo jaban marka aad joogto Soomaaliya gaar ahaan caasimadda ee Muqdisho waana dhibaato muuqato oo aanan waxna laga qaban karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ugu baaqay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah, kana tirsan aqalka Kongreska Mareykanka, inay iscasisho, kadib markii ereyo Yuhuud naceyb ah ay ku qortay barteeda Twiter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi oo sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo wxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay. Haddaba halkee iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Trump? Xiligii uu madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida. Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo aha in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay. Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Tan iyo markii la soo doortay Ilhaan Cumar, waxay fursad kasta oo soo marta u adeegsatay inay weerarto siyaasadaha Donald Trump, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii ay ka hadashay hakadkii ku yimid adeegyada dowladda kadib markii madaxweyne Trump uu aqalka Kongreska ka dalbaday dhaqaale lagu dhisayo derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, si uu u ansixiyo dhaqaalaha lagu kala wadayo adeegyada dowladda. Ilhaan ayaa arrintaasi si weyn uga soo horjeedsatay, waxayna billowday olole looga hortagayo qorshaha madaxweyne Trump. Sidoo kale Ilhaan ayaa kasoo horjeedsatay qaabka madaxweyne Donald Trump uu ula macaamilayo dowladda Venazuela, waxaana ay sheegtay in cunaqabateynta dhaqaale ee Trump ay tahay mid uu doonayo in uu uga faaideysto isbadel dhanka hogaanka ah oo ka dhaca dalka Venazuela, oo waxaa ay ka digtay tallaabo milateri oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Nicholas Maduro. Ilhaan Cumar waxa kale oo ay soo jeedisay in canshuur dhan boqolkiiba 70 laga qaado maal-qabeennada Mareykanka, maadaama madaxweyne Trump la aaminsan yahay in uu ka shaqeeyo danaha ganacsatada waaweyn ee Mareykanka. Ilhaan waxaa kale oo la rumaysan yahay inay aad uga soo horjeedo qaabka Isra’iil ay ula dhaqanto Falastiin, waxaana mar ay twitter-keedu kusoo qortay in Illaahay uu dadka tuso dhibaatooyinka Isra’iil ay ku heyso Qaza. Mar ay la hadleesay telefishenka MSNBC, Ilhaan waxay aad ugu dheeraatay dabeecadaha Trump, iyadoona sheegtay in marka la eego cadeymaha isa soo taraya ay muujineyso in madaxweyne Trump uu ku lug leeyahay falal dembiyeedyo. Ficillada qaar ee Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ka careysiiyay xulafada madaxweyne Trump oo Sacuudiga uu ka mid yahay. Warbaahinta Dowladda Sacuudiga ayaa weerar dhanka saxaafadda ahi ku qaadeen Ilhaan Cumar, maadaama ay kasoo horjeedsatay siyaasadaha madaxweyne Trump. Bishii Disembar ee sannadkii tegay, telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo Iyana katirsan aqalka Kongreska inay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah, ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”. Waxaa kale oo jirta aragti aad u xoog badan oo ah in dalalka Sacuudiga, Israel iyo Mareykanka oo waxyaabo badan isku aragti ka ah aysan la dhacsaneyn qaabka Ilhaan ay uga soo horjeedo siyaasadaha Trump, arrintan Ilhaan Cumar ay ku dhaqaaqday na ay fursad u siineyso in madaxweyne Trump uu cadaadis ku saaro inay Ilhan iscasisho ama ay isaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee Kongreska madaama arrimahaasi oo dhanna ay taabanayaan siyaasadaha arrimaha dibadda. Source
  18. Muqdisho (SMN) –Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari lagu xiray oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Zoobe ee M/Muqdisho. Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa Xildhibaaan Cali Cartan Bidaar oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Xildhibaanku, uusan la socon gaariga, xilliga uu qarxayay. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay hal Qof oo ahaa wadihii gaariga Xildhibaanka, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo shacab ahaa. Qof goobjooge ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa k warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato: The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu sheegay in waxbaa looga ogolay xisbiga KULMIYE garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee New UCID, waxaanu sheegay in aan qof kaliya looga ogolaan shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Cali Guray ayaa waxa kale oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu xukuumaddiisa cidna kaga soo darin garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen. Qoraal uu siyaasi Cali Guray soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi “INSHA ALLAH KHAYR Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR. Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha.” Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Qaraxa koowaad ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Warshada Baastada iyo Coca Cola ee degmada Yaaqshiid, waxaana lala eegtay Kolonyo ka tirsan ciidamada AMIOSM oo halkaaso ku socdaalayay. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Miino nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay ciidamada AMISOM gawaadhi ay la socdeen, sidoo kalena qaraxa kadib la maqlay rasaas la sheegay inay fureen ciidamada AMISOM. Weli ma cada khasaaraha ka dhashay qaraxaas lala eegtay kolonyada AMISOM, waxaana hakad galay Gaadiidka dadweynaha ee ka Shaqeeya Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho. Qaraxa labaad ayaa waxa uu ka dhacay laami yaraha soobe, waxaana la sheegay in uu ahaa mid lagu xidhay Gaadhi nooca raaxada ah una eeg Gawaadhida aan xabada Karin ee loo yaqaano (balad buruuf). Qaraxaas ayaa dad goobta tegay waxa ay sheegeen in uu ku dhaawacmay ruux gaadhiga watay,k aas oo aan weli la shaacin waxa uu ahaa,iyada oo ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay goobta tageen. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa muddo kooban ku dhamaystirtay waddo laamiya oo loo dhisay madaxtooyada cusub ee Galbeedka Hargeysa. Xildhibaan Xasan Shahar, oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan qalabka dhismaha ee dawladda hoose la geliyay waddadan. Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa lagu dhaliilaa waxqabad la’aan dhinaca waddooyinka magaalada dhexdeeda. Dhan kale waxa uu dayac xooggan ka muuqdaa waddooyin badan oo hawl-bowle u ah isku socodka magaalada Hargeysa kuwaas oo ay dhibaato ku qabaan gaadiidka iyo dadka adeegsadaaba. Source
  23. Qarax lagu xiray gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay isgoyska laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca aan xabaddu kari ayaa la sheegay in qaraxan uu ku xirnaa, waxaana ku dhintey Hal qof oo ahaa wada Bajaaj, kaasi oo halkaasi marayey, waxaana ku dhaawacmay Labo qof kale oo mid ka mid ah uu ahaa wadihii gaarigaasi. Gaadiidka gurmadka degdegga ah oo soo gaara halka qaraxa uu ka dhacay ayaa qaaday dadkii dhaawacmay, waxaana dhanka kale halkaasi gaaray ciidamada dowladda oo baaritaanno wada. Lama hayo faah faahin dheeraar ah oo ku saabsan cidda leh gaariga qaraxan uu ka dhex dhacay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Al-Shabaab said its fighters launched an ambush attack on Somali military convoy travelling on the outskirts of Mogadishu on Tuesday. Heavy battle flared up following the surprise assault between Somali forces and the militants that raged on for several minutes, according to the sources. The army convoy came under attack at Jazeera area, along the coastal road connecting Mogadishu to Lower Shabelle region, south of Somalia. There was no immediate reports of casualties as both sides remained silent on the incident which was the latest in a series of attack on the main highway in recent months. Several senior Somali military were killed in roadside bombs in the area, which claimed by Al Shabaab, the Al-Qaeda-linked militant group in the country. The post Al-Shabaab ambushes army convoy outside Somali capital appeared first on Shabelle. View the full article