Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,401
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (Muqdisho ) Feb.13, 2019 Waxaa in dhoweydba khilaaf aad u xoog badan uu dhex-yaal Madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre, ka [...] Source
  2. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markale magacaabahy qaar kamid ah Golaha Wasiirada maamulkaas. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta gacabaay 15 Wasiir iyo 25 Wasiir ku xigeen, isagoo horey 2-dii bishan February magacaabay 10 Wasiir Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii hore. Hoos ka akhriso liiska Wasiirada Koonfur Galbeed PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo markale Wasiiro magacaabay appeared first on Puntland Post.
  3. Su’aasha maanta , labo ama sadex ka magacow Wasiirada xilka baneeyey(Xukuumadii Gaas)? Su’aashaas jawaabteeda waxaan u dayney shacabka Puntland, wax qabadka xukuumada waxaa hor u [...] Source
  4. At least one person was killed and two others wounded when a bomb attached to a vehicle exploded in Mogadishu on Wednesday noon. The blast targeting Southwest State lawmaker Ali Artan Bidaar occurred near Zoobe intersection in the capital. Bidaar was not in the car during the explosion, however, reports said his driver lost his life in the incident. No group has so far claimed responsibility for the attack. The post Car bomb kills one, injures two in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qorshahan ay Amisom ku baneenaysa qaybo kamid ah saldhigyadeeda ayaa daba socda iyadoo dhamaadka bishan Febaraayo laguwado in dalka ay Iskaga baxaan illaa 1,000 askari oo katirsan kuwa nabad ilaalinta midowga afrika. Bishii December sanadkii 2017’dii ayay ahayd markii qaybtii ugu horeysay ee katirsan ciidamada Amisom lagasaaro gudaha dalka markaas oo ciidamada nabad ilaalinta Amisom laga dhimay ciidamo gaaraya 1,000 askari. Golaha amaamka ee QM ayaa doonaya in ciidamada Amisom laga saaro Soomaliya markii lagaaro sanadka 2021 iyadoona inta ka horeyso laguwado in amaanka dalka si tartiib tartiib ah ay gacanta ugu galiyaan ciidamada xooga dowlada soomaaliya. Magaalada Muqdisho shalay waxaa ka furmay shir ay Amisom soo qaban qaabisay oo looga hadlayay sidii ciidamada dowlada gacanta loogu galin lahaa dhulalka ay al-Shabaab haatan maamulaan ka hor inta aysan dalka ka bixin. Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Tigabu Yilma, ayaa shalay furitaanka shirka ka sheegay in ay diirada saari doonaan weeraro baahsan oo ay ku qaadaan goobaha al-Shabaab ay ka sugan yihiin gudaha dalka isagoona sheegay in goobahaasi ay gacanta ugali doonaan ciidamada dowlada soomaalya. Qorshahan ay ciidamada Amisom kaga guurayaan qaybo kamid ah fariisimaha ay kaga suganyihiin gudaha dalka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay tahay Qidad cusub oo looga danleeyahay isbadalka xaalada kala guurka ay ciidamada Amisom dalka kaga baxayaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka si rasmi ah looga daah-furay Barnaamij-ka casriyeenta Magaalada ee Loo yaqano GIS-ka iyo Nootaayooyinka, waxaana daah-furka Barnaamijkan ka soo qeyb-galay Wasiirka cadaalada, Maayar ku xigeenka Hargeysa, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo mas’uulyiin kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Isbahaysatadii jeegaantu waxay noqodeen tuugo,calooshooda u shaqaystayaal ,waxabadan dadka waanu usoo bandhignay in ay jeegaantu dalkii murdisay oo ay diiratay, markaa ,maanta in 80miilion ay jeegaantu tidhaahdo way nagu go antahay ,waa mid subxaana leh ,80 million maanta waxay inooqaban lahaayeen waxaa kamid aha ,warshada Barbara oo ay inoo kiciso, biyaha magaalada hargaysa oo lagu dhamaystiro,warshad laydh oo qiimo lahe oo dadka ka jabisa korontada qaaligaa, oo ay inoo dhisto. Hadaba lacgataasi meel kale majirto ,waxay ku jirtaa sanduuqyo.mastar card,prepaid banka, iyo in dibada loola firxaday, hadab waayo nin kasta oo xukmadii siraanyo ka tirsani wax uu lahaa sanduuq ay lacgtu ugu dhacdo ,iyo mastar card loogu shub, ,hadaba reer Somaliland way wada ogyahiin xaqiiqada iyo sidii wax loo lusan jiray, Hadaba tuugtii tuugadu side loo ga soo saari karaa lacagtaas ,waa in shacabku iyo bulshadu ugoodaan xaqiiqada jirta, oo dowlada lagu qasbaa in ay talaabo qaado oo baadhitaan qoto dheer la sameeyo, waayo marka madaxda caalamaku markay lacag dibadaha dhigtaan sida ,BANAMA, waa la daba galaa oo bananankaa ayaa soo dhigaa, oo sidii nawal shariif laga xayuubiyaa xasaanada, kadib markii lagu helay lacago uu dibada dhigtay, iyo musuqmaasuqa Si daas darteed ,dadwaynahu waxay u baahan yahiin qancin, iyo cida iyo halakay lacagta intaas leegi martay, waayo waxaan xasuustaa heestii ololaynta ee jeegaanta “ beeshu way haraadoo hormood uma maqnee” markaa muuse ha noo sheego in uu lacagtaas difaacayo iyo in kale iyo in uu badhideeda ku maqan yahay, waayo , hore ayaanu u sheeganay muuse waxaa meesha loo keensaday in waxii beeshii haraadanayd musuqmaasuqday in uu ka difaaco oo uuka danbabaso, Wasiirka maaliyadan sacad cal shirana markii hore run buu sheegay, laakiin waa lau qasbay in uu beeniyo, somaaliduna waxay tidhaahdaa “ allow been iyo run hanaga wada yeedhsiinin” bilow ilaa dhamaadna sacd cali shire guntuu ugu jiray dowladii siiraanyo oo wuu ogyahay waxa jira, Markaa jeegaantii tuugay noqotay, muusan tuugadaas buu difaac uyahay,waayo caalamkiibaa yaabay oo fajacay 80MIILION waxaa la iswaydiinayaa iyagoon ictiraaf haysan bay sidan yahiine hadhow ha dii la ictaraafana maxay samayn, Gabogabadii Muusow ama qari ama ha qarinin amaba difaac hama ha difaacin ee adaa lagaa yaqaan in aad banaanka soo dhigto,hadii kale waxaad kugu xukumaynaa tuug kalkaal, banaanka adigu noo soo dhiguun, waayo. Lacagaha qaarna waxay ku jirtaa fooqaqan dhaadheer amaba sheerer bay ku jirtaa, By: khadar adam aw muuse mixile190@gmail.com Source
  8. Soomaalidu illaa lixdankii waxay shacabkoodu raadinayeen hogaamiyihii dantiisa gaarka ah ka horumarin lahaa danta guud, illaa hadda baadi goobay ugu jiraan, mar walba shakhsi cusub bay doortaan muddo ka dibna fartay dhexda ka qaniinaan. Laba boqol oo qof uun baa kolna xilka haysa kolna mucaarad isku ah oo xilka kala kicisanaya, in hebelo la isku bedelo mooyee wax kursiga dhaafsiisan qorshuhu ugumo jiro, illaa hadda waxa khaldan dadku way fahmi laayihiin, qof kasta isagoo isleh dib dambe ha u codeyn uun baa marka doorashada la gaadho durbaankii reernimada iyo laxankii wacnaa ee la isku afgaranayey uun la tumayaa, ka dibna iyagoo is ogeyn bay cadceedda iyo safaf dhaadheer u gallayaan maalmo ka dibna way ka qoomamaynayaan. Dadka caqliga leh ama fikirayaa ma calaacalaan ee xal bay raadinayaan ka dibna go’aan bay qaataan sidii ay uga bixi lahaayeen jidkii shalay mareen ee qodxaha badnaa. Waxaanay u baahanahay xal aynu ku bedelno cabashada iyo calaacalka sanad walba taagan, waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyoy Akadamigii hogaamiyaha wanaagsan soo saari lahaa oo laga bilaabo caruurta hadda la qorayo KG-ga ee shan jir ah, ka dibna boqol caruura aynu u tobabarno inay mustaqbalka ina hogaamiyaan, boqolkaasi waxaynu ku tobabarnay intay yaryar yihiin inay badhna madaxweyne iyo wasiiro noqdaan, qaarna dibada joogaan oo mucaarad noqdo, ka dibna ku soo barbaaraan in la is mucaarido oo danta guud toosintiisa la isku dhaliili karo, in la is toosiyo, hadhow markay waynaadaan waxay dhaliisha u arki doonaan in lagu toosinayo oo cuqdad ka qaadi maayaan. Marka waxbarashada dhamaystaan aynu ku wareejino saddexda xisbi oo ay isku noqdaan qaar mucaarad ah iyo qaar muxaafad ah, boqolkaasi dhalinayrta ah ee aynu soo tobobarnay aynu ku aamino mustaqbalkeena si aynu uga nasanno calaacal joogto ah iyo shalay bay dhaantay. W/Q: Barkhad Ladiif Maxamed Cumar. Source
  9. Ajandaha dawlada Fadaraalku ka leedahay Somaliland wakiilka u wayn ee lashaqeeya una fuliya waa Madaxwayne Muuse biixi. Wali lama arag tababare 11 kii laacib ee kooxdiisa u ciyaaryay ka soo fadhiisiya gool hayihii, 4tii difaaca ahaa, iyo 4tii dhexda ahaa, oo yidhaahda aniga iyo laba kale oo sidii Naimar istuur tuuraya ayaa weerar noqonaya. Waa sababta Madaxwayne Farmaajo aanuu mar-kaliya ugu soo jawaabin Madaxwayne Muuse ileen waa wakiil bilaa mushahar ah oon is ogayne,Bishiiba hal mar ayuu bada hoos teeda uga soo qoslaa. Waxaan idiin tirin karaa toban dhacdo oo Madaxwayne Muuse fuliyay oo Somaliland iyo ku lid ah. Madaxwayne waad hurudaa ee toos waxaad tahay wakiilka masuulka loolanku inaga dhexeeyo. Dalkaygoow Raxmaan baynu leenahay. Amb.Axmed safiina Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Laba qarax oo culus ayaa Ciidamada Midowga Afrika Amisom, waxaa lagula eegtay Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay maqleen dhawaqa laba qarax oo culus, xilli Ciidamada Amisom ay maraayeen meel ku dhaw Warshadii hore ee Baastada. Miinooyinkaan ayaa la sheegay inay ku aasnaayeen wadada dhinaceeda, islamarkaana Ciidamada Amisom oo meesha maraayay lagu qarxiyay mid koowaad, kadibna ay xigtay tan labaad. Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay isaga oo guriga ku jira inu maqlay labada qarax, kadibna markii uu banaanka u soo baxay uu arkay gaadiidka Amisom mid ka mid ah oo qaraxyada ay waxyeeleeyeen. “Qaraxyada Ciidamada Amisom ayaa lala eegtay agagaarka Warshada baastada ayaga oo maraayo meeshaan dhawr mar ayeey wax ka dhaceen oo qarax ah oo Amisom lala eegtay.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Lama oga Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee soo gaaray Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee qaraxaan lagula eegtay nawaaxiga Warshadda Baastada ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu sheegay inaan waxba looga ogolayn xisbiga KULMIYE garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ee New UCID, waxaanu sheegay in aan qof kaliya looga ogolaan shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE. Siyaasi Cali Guray ayaa waxa kale oo sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aanu xukuumaddiisa cidna kaga soo darin garabkii uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen. Qoraal uu siyaasi Cali Guray soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi “INSHA ALLAH KHAYR Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR. Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha.” Qaran News
  12. Washington (SMN) – War ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda duqeymaha ay weerar xaga cirka ah ku qaadeen fariiisimo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegtay in weerarkaasi uu dhacay 11-kii bishan February ee 2019-ka. Duqeymaha oo labo ahaa ayuu Mareykanku sheegay in uu ku dilay 11 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale Mareykanka ayaa xusay in duqeymahaasi uu ku burburiyay agab milatari oo ay lahaayeen Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Dowladda Mareykanka ayaa sanadkan kordhisay duqeymaha dhinaca cirka ah ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post AFRICOM Oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada. Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda. The post Khayre Oo tababar u soo xiray ciidamo Boolis ah appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo miino oo kolonyo ka tirsan ciidanka Midowga Africa ee AMISOM maanta lagula eegtay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Qaraxa koowaad ayaa la sheegay in lala bartimaameedsay ciidankan, xilli ay marayeen inta u dhexeysa isgosyka Ex Kontarool Balcad iyo Miisaanka Dhuxusha ee degmadaasi. Sidoo kale qaraxa labaad ayaa lala eegtay kolonyo kale oo ka titsan AMISOM oo u soo gurmaday ciidamadaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee Soomaaliya. Inta badan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa qaraxyo xoogan lagula beegsadaa waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. The post Ciidamada AMISOM Oo qaraxyo lagula eegtay Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (SN) – Holwgalka Midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya ayaa xeelado dagaal u xiri doona qaar ka mid ah fariisimaha ay ku leeyihiin gobollada dalka dabayaaqada bishan,marka kun askari laga dhimo howlgalkooda Soomaaliya. Qeybtii koowaad ee dhimitaanka ciidamada AMISOM ayaa la filayay in la sameeyo bishii Decmber ee sanadkii tagay,maadaama qeybtii ugu horreysay ee ciidankaasi la dhimay bishii December 2017-kii. Golaha ammaanka ee QM ayaa doonaya in ciidamada AMISOM ay ammaanka dalka si buuxda ugu gacan galiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2020-ka. Taliyeayaasha ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in ay xiri doonaan qaar kamid ah saldhigyada ay ku leeyihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,iyagoo sheegay in taasi qeyb ka tahay xeyladaha ay kula dagaalamayaan Al Shabaab. Si kastaba ha’ahaatee taliyeyaal ka socda wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho uga socday kulamo gaargaar ah oo ay uga wada hadlayeen qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya. The post AMISOM Oo badaleysa xeeladaheeda dagaal appeared first on Shabelle. View the full article
  16. A Queensland woman has been found guilty of taking her two daughters to Somalia to undergo female genital mutilation – the first prosecution of its type in the state. A jury took just over an hour to find the Somali-born woman took her two daughters, then aged nine and 12, to the African country in 2015 for the procedure. Sentencing for the 45-year-old woman has been adjourned for a date yet to be fixed but she faces up to 14 years in jail. Her defence lawyer asked for sentencing to be deferred because his client has cancer that has spread through her body to her armpit. The defendant and the daughters cannot be identified for legal reasons. The 45-year-old woman pleaded “not guilty” in the Queensland District Court to the two charges on Monday. In summing up the case, prosecutor Dejana Kovac told the jury “female genital mutilation has no medical benefits whatsoever”. “She took her two children to her home country of Somalia in Africa where she herself was subjected to the same brutality,” Ms Kovac said. “In her recorded interview with the police, she said she would do anything for her children, but obviously not anything to protect them, in fact she did quite the opposite, and dehumanised them in one of the worst ways imaginable.” “In her recorded interview with the police, she said she would do anything for her children, but obviously not anything to protect them, in fact she did quite the opposite, and dehumanised them in one of the worst ways imaginable.” The trial heard the two Australian-born girls went to Somalia in 2015 for the first time ostensibly on a holiday with their mother and two other siblings. Several days after they arrived, a procedure was performed on both girls at their grandmother’s house. On their return in late 2015, the eldest told police their mother was present during the procedure and that they were not sedated and the pain was in the part of the body used to urinate. The prosecution relied heavily on evidence of a paediatrician who examined the both girls shortly after their return. He found a reduction of the clitoral hood that met the definition of female genital mutilation. Five witnesses and police interview tapes with the girls and the mother in 2015 were played to the court over two days of evidence. The post Somali woman guilty over daughters’ genital mutilation in landmark prosecution appeared first on Shabelle. View the full article
  17. K The African Union troops in Somalia will close some of their forward operating bases (FoBs) at the end of the month when further reduction of 1,000 soldiers is implemented. The second phase of reduction was supposed to be implemented in December last year on the orders of the UN. The first reduction of the troops was in December 2017. The UN Security Council wants Amisom to gradually handover the national security to the Somali National Army by 2020 but Amisom says the reduction of its troops leaves a security vacuum because the Somali army has not developed capacity to deploy in areas from where they withdraw. As a result of the impending forces reduction, commanders from countries with troops in Somalia are meeting in Mogadishu to draw a plan called Concept of Operations (CONOPS) on how to maintain their effective presence in the country to stop the al-Shabaab militants from taking advantage. “Under the new CONOPS, several forward operating bases are likely to be reconfigured and others folded, as troop numbers reduce. However, Amisom made an assurance that the changes will be undertaken with utmost consideration of the safety and security of populations living in the regions where the FOBs are situated,” Amisom said in a statement on Monday. The new Amisom force commander, Lt Gen Tigabu Yilma Wondimhunegn, said on Monday that they will focus on “targeted offensive operation” to avoid spreading of troops in all-out offensive operations. Lt Gen Wondimhengn replaced Uganda’s Lt Gen Jim Owesigyire two weeks ago and he is the first Ethiopian Amisom force commander. “In order to implement the Concept of Operations effectively, we will focus on conducting targeted offensive operations against the al-Shabaab to degrade its capability, deny them freedom of action and movement and secure our friendly forces in fulfillment of our mandate,” Lt Gen Wondimhunegn said. The post Amisom to close Somalia bases, change fighting tactic appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii Ciidamada Booliska Puntland maalmahan magaalada Boosaaso ay ka wadeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayo, sidoo kalena goobaha waxbarashada qaarkood lagu baaray, ayaa Taliyaha Booliska Puntland wuxuu ka hadlay arrintaasi. Jeneraal Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha Booliska Puntland ayaa sheegay dadka dilalka gaysta inay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada. “Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu raaciyay taliyuhu. Sidoo kale Taliyaha Booliska Puntland ayaa tilmaamay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysten soo qabashada nin dil u gaystay shaqsi ganacsade ahaa oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso. “Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu yiri taliye Muxiyadiin oo faahfaahinayey cidda loo qabtay dilka Salaad Cukaash. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  19. (SL-T Caynabo) BiyoLa,aan Soo Food Saaratay Bulshada Danyartaa Ee Ku Dhaqan Magaalada Caynaba Waxaanay Xukumada Ugu Baaqeen In Lalasoo Gaadho Gurmad Deg-deg Ah Source
  20. Taliyaha ciidanka booliiska Puntland, sareeye gaas, Muxidiin Axmed Muuse ayaa goor dhow saxafada usoo bandhigay rag dhalinyaro ah oo ka dambeeyay dilka nin ganacsade ah [...] Source
  21. (SL-T Burco)Gebo-Gebo: Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgaliyey Degmada Gebo Gebo Ee Gobolka Togdheer . Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka. Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada. Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayanta iyo tabarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelya buuxda. Hoos ka daawo munaasabadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Jawaab Waa sax dareenkiinnu, su’aashiinnuna, Alle hortii, waa xaq. Waayo waa run u qaawan sida cir aan caad lahayn oo Muuse Biixi ma aan taageerin oo qudha ee waxa aan ka mid ahaa dadkii bulshada malabka u marmariyey, dharka xariirta ahna ugu dul wadhay, una qurxiyey ee doorta ku lahaa xilligii uu xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka loollamayey (2015) ee murrashaxnimada madaxweyne ku shuqlanaa iyo markii dambe ee u diyaargarowga iyo ololaha doorashada lagu jirey 2016 – 2017. Kulmiye xubin kama ahayn wixii ka horreeyey October 2015. Waa aynu ogaynoo dalku halis buu ku jirey maalmahaan oo hoggaamintiisu meel bannaan ayay maalinba maalinta ka dambaysa ku sii hoobanaysey.Doorasho la galaa iyo hoggaan cusub oo la soo saaraa waxa ay ahayd xalka ugu wanaagsan ee suurta galka ahaa, dad badanina taas bay qabeen. Saddex murrashax iyo saddex xisbi ayaynu haysanney oo kala dooranayney, saw ma aha? Qofkii wax kale qabey ee aan inta la kala dooranayo doonahayn waa halkiisa, hase yeeshee sida qudha ee kaalintii hoggaamineed loo buuxin karayey waxa ay ahayd waddadaa sharciga ah loo maro oo saddexdaas xisbi ee jira uun lagu kala doorto. Kulmiye ku biiriddiisa waxa igu dudduucay taageeradii aan Muuse Biixi u hayey ee xisbi ahaan siyaasaddiisa marnaba kuma qanacsanayn.Hoggaan isbeddel lagala shaqayn karo ha ka soo baxo ayaa muhiimadda ugu weyni ahayd. Dhinaca saddexda murrashaxna waa run oo wax lagu kala doortaa ma badnayd, laakiin se waa in la kala doortaa. Doorasho kale ma jirin. Waxa la ina kala dooransiinayey “daratiyo kud iyo caal”, saw ma ahayn? Anigu waxa aan ka mid ahaa intii “caalka” dooratay ee is tidhi dawo u raadiya oo iraab la dhaca, soona saara hoggaamin cusub, si loo awdo kaalintii dalka iyo dawladnimada ku bannaanaatay ee afka ku soo kala qaadday, kuna saabsanayd doorarkii hoggaaminta iyo madaxa sare ee madaxtooyada. Saddex wax oo aan wax badan is dhaamin haddii lagu kala dooransiiyo oo aanad wax kale haysan, waxa laga naqaystaa ka kuugu muuqda in loogu qaatey marka dhinacyo badan laga eego. Saddexda mudane ee Muuse, Cirro iyo Faysal ayay kala doorashadu ahayd.Faysal iyo Cirro waannu soo wada shaqaynay xilligii UCID ay wada maamulayeen, xisbigana aannu ka wada tirsanayn.UCID waxa uu ahaa xisbigii ugu horreeyey ee aan qaadhaan siiyo. 2003 waxa London qaadhaanka igaga qaadi jirey Axmed Cabdi Ciise oo markaas ka mid ahaa kaadirka UCID.Sida labadii xisbi ee kale (UDUB iyo Kulmiye) ma lahayn UCID saldhig iyo aasaas qabali ah markii hore.Taas buu kaga duwanaa labada xisbi ee kale, dad badan oo wax bartay oo dhallinyaro ahna bilowgii wuu soo jiitey. Waxa aan si rasmi ah ugu biiray UCID 2007, waxanan goobjoog u ahaa markii Cirro iyo Faysal ay kala dhaqaaqeen aniga oo xubin rasmi ah oo UCID ah oo bixisa biiro ama ajuuro joogto ah (monthly subscription).Maalintaas ayaa UCID iigu dambeysey, Waddanina wuu cusbaayoo Cirro ayaa murrashax u noqday. Muuse aqoon hore uma aan lahayn oo xilligii SNM isaga oo wax yar joogey (wax aan laba sano gaadhin) ayaan anigu deeq waxbarasho oo aan ka helay The Somali Peoples’ Vanguard Party oo fadhigiisu Cadan/Yemen ahaa ugu baxay The Czech Republic. Sidaas ayaanan Muuse ula kulmin waagaas.Waxa la kulankiisa iigu horreysey 2016, dhawr jeerna waannu wada xidhiidhnay 2015 telefoon iyo Email ahaan. Waxa aannu se kulamo yeelannay xilligii u diyaargarowga doorashada ee aannu barnaamijka siyaasadda qorayney 2016 iyo markii dambe ee ololaha lagu jirey ee 2017.Muuse waxa uu xilligaas iigu muuqday qof bisil oo dhegaysi badan, fiiro badan oo arrimaha kula rogrogaya, ahna sarkaal ciidameed oo laga quuddarrayn karo garashada iyo fahamka kala dambaynta iyo discipline-ka, taas oo ka mid ahayd arrimaha dawladnimadeennu xoogga ugu baahnayd. Waxa uu noo muujiyey damqasho xaaladdii jirtey ku saabsan iyo yuhuun ah in arrimaha wax laga qabtaa in ay mudanta koowaad leedahay. Waxa ay taasi sii xoojisey dareen aan hore u qabey oo ahaa inuu leeyahay waayo-aragnimo ballaadhan oo ku saabsan halgankii SNM iyo geeddigii dambe ee dib u nabadayntii iyo yagleelkii qaranka Somaliland, isaga oo aan habeenna meel uga dalandoolin (a real home grown politian) ilaa ugxantiisa uu dhulkiisa ku aastay oo ku aaminey, isaga oo aan waayin fursad uu dibedda ugu diro qaxooti ahaan. Aqoonsigaas aan Muuse siiyey ee uu lahaa iyo baahidii dalka iyo dadka ee jirtey ee hoggaamin la’aaneed ayay igu laba-dibleysey in aan Muuse u daacad noqdo, kana mid noqdo dadkii tacabka geliyey soo bixitaankiisii. Ama waa la maqan yahay Ama waa la muuqdaa Ama madasha lama tago. Arrimahaasi waxa ay igu dhiirrigeliyeen in aan labada kale (Cirro iyo Faysal) oo UCID kala jebiyey aan Muuse ka doorto. In aan ka mid noqdo, waan ku celinayaaye, dadkii Muuse bulshada u qurxiyey ee malabka iyo sabiibta shakhsiyaddiisa u marmariyey, kulana taliyey bulshada, intii ay gaadhayeen, in isaga (Muuse) la doorto sababahaas iyo qaar kale oo la mid ah marka laga shiidaal qaato. Macnuhu ma ahayn kuwa kale (Cirro iyo Faysal) col baa la la yahay, ama sida dadka qaar qabaan Jeegaanism, Hagbadism iwm aanay dabada naga wadin. Aniga iyo intii aannu isku rabaca ama gubniga ahayn motor-kaas ama engine-kaas kale ayaa na riixayey. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 3aad Qaran News