Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,386
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Aqoonyahan Ethiopian ah oo la yidhaa Minga Negash ayaa qoraal uu kaga taageerayo warbixin muhiim ah oo uu qoray safiir ku xigeenkii u qaabilsanaa Africa arimaha USA oo la yidhaa Ambassador Hank Cohen, taariikhdu markay ahayd December 16, 2013 oo uu ciwaan uga dhigay waxa la gadhay xiligii Eretria dib loo soo noolayn lahaa “time to bring back Eritrea from the cold”. Markay taariikhdu ahayd 1989 ilaa 1993 Ambassador Cohen wuxu u qabilsanaa dalka America qorshayaasha la xidhiidha arimaha Africa oo uu qayb ka ahaa isbadalkii Geeska Africa ee ay Ethiopia iyo Eretria ku kala go’een, qoraalkaa oo uu kaga hadlayay dhibaatooyinka saamaynaya xidhiidhka u dhaxayn doona labadaa dal ee kala go’ay. Waxa qoraal kale oo muhiim ah qoray Ambassador David Shinn taariikhdu markay ahayd January,13,2014 Safiirkii hore ee dalka Marykanka u fadhiyay Ethiopia, qoraalkaas oo uu ku taageerayo qoraalkii uu qoray safiirkii hore mudane Cohen’s. Ambassador Shinn wuxu u qabilsanaa arimaha khuseeya dalka Ethiopia taariikhdu markay ahayd 1996-1999. Wakhtigii uu joogay xafiiska safarada waxay ku beegnayd dagaalkii dhexmaray dalka Ethiopia iyo Eretria oo ay ku dhinteen dad gaadhaya ilaa 80,000. Ambassador Princeton Lyman, oo isna ahaa safiirkii u fadhiyay maraykanka dalalka Nigeria iyo South Africa ayaa taageeray qoraalkii Ambassador Cohen’s ee uu awooda ku saray sidii Eretria dib saxada loogu soo celin lahaa. Qoraaladaa oo dhami markii danbe waxa ay isku badaleen dood oo ay markii danbe ka jawaabatay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia iyadoo iska indho tirtay arrimaha ay ka hadlayeen. Wakhtigaa yaraa qoraaladii soo baxay wuxu xasuus ku reebay isbadaladii geeska Africa ka socday ee ay sii sadaliyeen taasina waxa ay keeentay in Washington dib u eegis ku samay qorshayaashii ay ka lahayd Gobolka Geeska Africa iyo sidii loogu dhigi lahaa dariiq cusub “roadmap” sidii loo gaadhi lahaa nabad waarta iyo horumarka Gobolka Geeska Africa. Qoraalka Ambassador Cohen’s waxa xudun u ahayd laba arimood oo waawayn: Arinka koobaad waxa u ku tilmamay arinka odhanay in Eretria taageerto argagixisada in aan loo hayn wax cadayn ah oo an lagu sii magacaabi karin dalka tageera argagixiso “a state sponsor of terrorism“. Arinka labaad ee uu xusay Ambassador Cohen in si xirfadaysan Eretria uga guulaysaty Ethiopia oo u heshiisku horumar balaadhan ka helayso dalka Eretria. Ambassador Cohen’s arinka kale ee uu soo qaday waa Ethiopia in ay go’doon ku sii jirto oo anay waligeed helayn badda ay ku rajo waynayd. Inta badan aqoonyahanadu waxa ay isku raaceen in xisbigii Ethiopia ka talinaya ee TPLF/EPRDF ay sameeyeen qaladaad wawayn oo dhacay xiliyo kala duwanaa oo ay Eretria ku macaashtay oo kala ahaa:- dagaalkii ay ku go’day dalka Eritrea, Wakhtigii 1991-93, iyo dhamaadkii dagaalkii dhacay 1998-2000 Heshiiskii ay ku galeen Ethiopia iyo Eretria dalka Algeria 2000 ayaa waxa qoraal “petition” ka sameeyay aqoonyahano Ethiopian ahaa oo dhamaa 289 aqoonyahan taariikhdu markay ahayd April 2, 2002 “Ethiopian scholars and professionals” oo ay ku martiqaadeen xoghayihii hore ee qaramada midoobay oo uu ahaa Ambassador Kofi Annan, “the Former Secretary General of the United Nations” oo ay kaga soo horjeedeen heshiiskii ay wada galeen labada dal oo ay kulamo ku qabteen magaalooyin kala duwanaa UN u direen waraaq ay ku sheegayaan in heshiiskaasi ka hor imanayo qaraaradii dunida ka soo baxay oo ay si toosa u soo qadeen qodobo ka mid ahaa oo ay tilmaameen qodobadan hoos ku qoran oo uu dhigayay heshiiskii Algiers 2000 oo u dhignaa sidan:- Article 4 (1): – Consistent with the provisions of the Framework Agreement and the Agreement on Cessation of Hostilities, the parties reaffirm the principle of respect for the borders existing at independence as stated in resolution AHG/Res. 16(1) adopted by the OAU Summit in Cairo in 1964, and, in this regard, that they shall be determined on the basis of pertinent colonial treaties and applicable international law. Article 15: – The parties agree that the delimitation and demarcation determinations of the Commission shall be final and binding. Each party shall respect the border so determined, as well as territorial integrity and sovereignty of the other party. Minga Negash ayaa waxyabaha uu ku soo ururiyay qoraalkiisa ay tilmamayaan in anay marna suurta gal ahayn in 100 million ee Ethiopian ka ah anay ku sii jiri karin xalad go’doon ah, heshiiska ay Ethiopia la gashay Eretria aanu waxba kaga duwanayn heshiisyadii Ethiopia kula jirtay Djibouti, Somaliland, Kenya taasina anay ahayn wax itoobiya sii anfici kara Ethiopian u bahantahay badd. Sidaa darteed waxa ay taasi keentay in dib loo eego sidii an hore u soo sheegnay qorshayaashii geeska Africa dib loogu qabaynayay. Qorshayaa oo dhami waxa ay salka ku hayeen sidii Somalia baddeedaa dheer Ethiopia qayb uga heli lahayd iyada oo aduunyada ku taagerayso. Dalka USA xoghayihiisii arimaha dibada ee u qabilsanaa Africa Jendayi mar ay socdaal ka hadashay dalka Kenya waxa ay si cadaana u shegtay in anay marna suurta gal noqon doonin in 100million oo Ethiopian ah go’doon sii ahaadaan iyada oo ay jaar la yihiin dad 9milion ah oo haysta xeebta ugu dheer Geeska Africa. Washington iyo UN marwalba waxa ay isku dayayaan in ay dalka Ethiopia u helaan badd si walba oo ay ku heli karaan taas oo ayna Somalida geeska Africa degeni ka lahayn wax qorshe ah oo ay isku mashquulsantahay. W/Q: Yuusuf Habiib Hussein Xarunta Isbadalka Democradiyada Geeska Africa (The Center of Democratic Change in Horn of Africa) Yusuf.habiib@hotmail.com
  2. Waxay ahayd 19kii Juun 1992, waa Garoowe, xilligaas waxay ahayd xarunta gobolka Nugaal, ma ahayn magaalo dhismo badan leh, waxaa camiray kumanaan qoys oo ka soo barakacay collaaddii qabiil ee ka taagnayd gobollada koonfureed iyo Waqooyi ee wadanka, waxaase markaas xarumo ku lahaa ururkii Al-itixaad oo ahaa ururkii Islaami ah ee ugu horeeyey xarumo askareed ku yeesha gudaha Soomaaliya. Ururkaasi wuxuu fadhiisin ku lahaa xeradii ciidamada ee 54aad ee duleedka toga Garoowe, shir madaxdii ururkii SSDF uga socday xarunta gobolka ayaa ay weerar ku soo qaadeen, iyagoo gacanta ku dhiggay 28 xubnood oo ka mid ahaa madaxdii ururkaas. Waxaase halkaas ka bilowday dagaal dhiig badani ku daatay oo socday muddo ku dhow sanad. Akhriste waxaan taariikhdaan kooban u soo qaatay talaabo geesinimo lahayd oo dagaalkaas lagu soo afjaray, qayb muhiim ahna ay ka qaateen culimada kala ahayd AHU Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Sheekh Sheekh Cali Warsame, Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aways, goo’aankii ay ururkaas hubaysnaa ee Bari iyo Sanaag ka dagalamayey ay ku kala direen ciidankoodii wuxuu ahaa. “Dadkii ayaa laga dhex baxay, fadlan dadka dib ha loogu noqdo, waxna ha la baro, sidaas ayaan ku yeelan doonaa macne” Hadda waxaa laga joogaa dagaalkaas 27 sano, goobtu waa Garoowe, waa caasimadda dawlad goboleedka Puntland, 21 sano ayuu maamulkaasi jiraa, waxaa dhidibada u taagay hogaamiyihii ururka Al-itixaad la diriray. Talada maamulka maanta hayaa, markaan xuuraamay xubnaha baarlamaanka 42 ka mid ahi waa askartii ururkaas Al-itixaad, gollaha wasiirada marka laga reebo ragga odayaasha ah waa ururkii Al-itixaad askartiisii, ku dar madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirada kuwooda ugu muhiimsan, akhristow muhiim ma ahan inaan kuu wada magacaabo laakiin dadka maanta hogaanka u haya maamulka Puntland waa askartii ururkii Al-itixaad ee waagaas dagaalka ku jiray, weliba ma ahayn kuligood hogaanka ururkaas ee askartii dagalamaysay oo qaarkood ku dhaawacmeen weeye, xubin kastana adigu dib raac taariikhdiisii. Waa taariikh muhiim ah oo u baahan in wax laga barto, waxaa shaqaysay taladii culimadu maalinkas gaareen ee ahayd dadka ha lagu dhex noqdo, waana talo weli u furan ururada diinta sheega inay u dagalamaan ee weli dhiigga daadinaya, askartii ururkii Itixaad ee maalinkaas la kala diray, faa’iidada ugu badan ee ay heleen waa inay hadda maamulka dawli ee ugu badan ay ku jiraan, waxayse ku soo galaan hab qabiil, kumay soo bixin afkaarta ururkaas burburay lahaa. Ujeedka qoraalkayga? Isbedelka kale ee ku dhacay xubnihii ururkaas markay ku milmeen bulshada waxaa ugu weyn aasaaskii ururku lahaa oo ka tirtirmay, taasoo keentay in ururo kale qaybo ku biiraan, kuwo badani qurbaha aadan, halka in badan oo kalena ay arrimaha bulshada sida waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo hogaanka dhaqanka u bayreen. Waxaase jira xan aad u culus oo bulshada Soomaaliyeed haraadigii Itixaadka ku eedeeyaan, waana inay yihiin kuwa ugu musuqa badan markay timaaddo qabashada xil maamul, sidoo kale waxaa lagu xantaa gacan adayg oo waxa soo gala waxba kama bixiyaan, waxaana baxday hal hays caan ah oo leh “Markaad xoolo hesho Itixaad noqo si xoolahaaga aadan wax uga bixin” anniga waxaan ka hadlayaa waa waxa bulshada dhex yaal. Askartii Itixaad keliya kuma jiraan Puntland ee waxay ku jiraan dhamaan maamulada kale, Somaliland, Galmudug, Jubba land iyo Federaalka, waana lagu wada xantaa musuqa. Ururka Itixaad waagaas wuxuu ahaa kan dadku ugu kalsooni badan yihiin markay timaado aamanada, waxay maamulayeen dekedda iyo isbitaalka Boosaaso, waana mahadiyeen dadkii, waayo waxay ka ilaaliyeen eex, laaluush, xatooyo iyo wax is daba marin. Haddaba maxay ku dhacday astaantii wanaagsanayd ee ururkaasi lahaa in askartii ururku markay hogaamiyayaal wada noqdeen inay noqdaan kuwa ugu musuqa badan dadka. Waxaa jirta xigmad tiraahda caleenta geedka siday u cagaaran tahay ayaad aragtaa iyadoo cadaatay, goor ay cadaatayna ma garan kartid, waana sida dadku ula yaaban yihiin sida dadkii dhaqanka Islaamka iyo mabaadiida diinta lagu tuhmayey in lagu tilmaamo dadka ugu musuqa badan! Hogaanka cusub iyo gollaha wasiirada ee Puntland waxa laga dhowrayaa waa siday wax uga qabtaan musuq maasuqa ragaadiyey maamulka, hadda oo askartii Itixaadkii burburay hogaankii noqdeenna waxaa lagu sii eegayaa il gaar ah, ma wanaajin karaan muuqaalka laga haysto oo ah inay musuq iyo wadaniyad xumo ku caan baxeen oo ma soo celin doonaan aaminkii ay sameeyeen waagay bilowga ahaayeen?. W/Q: Maxamed Xasan Kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan BERI SAMAAD WAA BADNAAYE NOLOL AA KA BADATAY, siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa mudo badan ayey is qarinayeen laakiin muraadkii ay doonayeen ayaa waqtigiisii ku dheeraaday. XAABADA MUUSE Sanad ka hor ayey ahayd markii Madaxweynaha Somaliland loo doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, markii uu Xukuumadiisii soo dhisay oo labaan iyo dhowr wasaaradood ka koobnayd waxaa degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ciyi looga siiyey 3 Wasiir oo caato ah oo la rifay, waana kuwo lagu xushay mudeecnimo, kuwaas oo iyaga iyo dhowr Xildhibaan oo kale lagu xoojiyo Cayda Faysal Cali Waraabe ee Soomaalida, wax taageero ah oo ay degaamadooda ku leeyihiina ma jirto. Sida Faysal Cali Waraabe cadeeyey siyaasiinta SSC ee Hargeysa joogaa waa magan reerahooda la jooga, xaqna aan u lahayn inay siday doonaan rayigooda u cabiraan, qofkii waxaan la jeclaysan ku hadlana orod Qardho aad ayaa hortaala. XULKA SICIID DENI Sanad kadib waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay Siciid Cabdillaahi Deni, isagoo shalay Xukuumadiisii oo 18 Wasaaradood ah ku dhowaaqay, Reer Khaatumo waxay ku leeyihiin 5 Wasiir, 5 Wasiir kuxigeen, iyo 2 Wasiiru Dawle, kuwaas oo ah xubno xul ah oo taariikh halgan bulshada dhexdeeda ku leh. Sida Madaxweyne Kuxigeen hore Cali Sabarey, Gudoomiye kuxigeen hore Yuusuf Shirtag, Ismaaciil Diiriye Gamadiid, waana hubaal inay hananayaan taageerada shacabka SSC, taasoo Madaxweynaha Puntland Deni u suurtagelin doonta in degaano badan oo Somaliland horey diiwaangelin iyo codbixin uga sameysay aanay dib dambe si nabadgelyo ah uga suurtoobi doonin iyo inaan ciidamada Somaliland nabad ku negaan doonin duleedka Garoowe. Saami Qaybsiga Somaliland wuxuu cidkasta u cadeynayaa inaan Somaliland la wada lahayn, shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayna wuxuu u bayaamiyey xaqiiqada dhabta ee ku duugan gooni-isutaaga Somaliland iyo in beeli kula kacdo wixii ay ka dagaalantay. Sidoo waxaa ku khasaaray Siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa ee iyaga oo aan muraadkoodii gaadhin is muujiyey, ciyaartiina waa bilow oo weli ma dhowa. Chief Caaqil Khaalid M Muuse Dhiil mwfreepress@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay xaaladda amni daro ee kusoo korortay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho. Yuusuf Madaale, ayaa ugu horeyn sheegay in magaalada Muqdisho labadii todobaad ee lasoo dhaafay inay kusoo kordheen dilalka qorsheysan, qaraxyada dadka loogu xiro iyo bambooyinka lagu weeraro fariisimaha ciidamada dowladda. Wuxuu sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay muddo la noolaayeen falalka amni darada ah ee ka dhacaya caasimada, balse hadda loo baahan yahay in wax ka badalid lagu sameeyo hanaanka lagu sugayo amaanka Caasimadda. “Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, ama dilalka qorsheysan ha noqdaan ama bambaanooyinka ha noqdan ama miinooyinka ha noqdaan, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado”. “Tayadiisa ayaa laga yaabaa inaysan gaarsiisneen halkii laga rabay, cadowga meesha uu jooga in lagula dagaalamo ayaan qabaa, waa la yaqaanaa cadowga Meesha uu joogo, waa in halkaasi lagula dagaalamaa”ayuu yiri Mr Madaale. Guddoomiye Madaale dhibaatooyinka hadda ka jira magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay ka jireen waqtigii uu guddoomiyaha ahaa, balse hadda loo baahan yahay in wax iska badalaan amaanka maadaama dowladda Soomaaliya ay degen tahay. Labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala eegtay ciidamada AMISOM, dad xilal haya iyo dad rayid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. SHIRKA XISBIGA KULMIYE EE BORAMA MA WAXA UU NOQON DOONAA MID SHAADH LEEG LOOGU SOO TOLAYO GUDOOMIYAHA XISBIGA EE XILIGAN , MA WAXA KALE OO UU NOQON DOONAA MID LAGU SOO DOORANAYO HORJOOGEYAAL DAACAD U AH GUDOOMIYAHA SIDII CAADADA U AHAYD AXSAABTA ? Jawaabaha su’aalahan waxa ka jawaabi doona wakhtiga , akhriste adiguna waad isku dayi kartaa in aad aragtidaada ka dhiibato , hadii aad tahay dadka siyaasada somaliland aad ula socday sooyaalkeeda axsaabta iyo habdhaqanka ay caanka ku tahay , waxa aan aaminsanahay in aad saadaalin karto waxa ka soo baxaya shirweynaha golaha dhexe ee xisbul xaakimka kulmiye ku qabsanayo magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama dabayaaqada bishan February. Xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbigii ugu cududa waynaa somaliland intii ka dambaysay geeridii madaxweynihii labaad ee somaliland iyo aasaasihii xisbigii Udub Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariisto e, waxaana isugu tagey wakhtigaa haloorkii iyo waxgaradkii reer Somaliland intoodii badnayd , haddaba waxa aad moodaa in uu marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayo. Waxyaabaha hoos u dhaca keenaya sida aynu waayo araga u nahay waxa ka mid ah tartan la’aanta axsaabta siyaasada somaliland dhexdooda ka jirta , waxaana tusaale nool inoogu filan madaxweynaha somaliland ee hadda mudane Muuse Biixi Cabdi lagulama tartamin gudoomiyenimada xisbiga iyo murashaxnimadii madaxweynaha ee xisbiga kulmiye gudihiisa , arinkani waa mid ka mid ah waxyaabaha asxsaabtu ay u waayaan taageerada shacabka amaba ay dhici karto in xisbiguba ku burburo. Arinkani waa kii ku keenay isaga oo KULMIYE xisbul xaakim ah oo waliba xisbigii somaliland ugu tunka waynaa ah in uu cidhiidhi galiyo doorashadii ugu dambaysay ee somaliland xisbigii ugu da’da yaraa axsaabta siyaasada somaliland ee WADDANI. Waxaa hore inoo soo maray tusaaleyaal aynu aynu wax ka baran karno, kuwaasi oo uu ka mid yahay xisbul xaakimkii hore ee somaliland ee UDUB halka uu ku dambeeyay iyo sida uu saaxada siyaasada uga baxay kuna burburay, sababahan soo socda ee aan halka horena ku soo sheegay waa kuwa ugu waaweyn ee hanaanka dimuqaradiyada iyo axsaabta siyaasada somaliland ku ah caqabadaha iyo koriin la’aanta ee hagaasiyey markii aan in badan u raadinayey waxa ay u kori laadahay dimuqaradiyada iyo axsaabta somaliland iyo caqabadaha haysta; Hadii xisbiga gudihiisa laga waayo tartan si xor ah oo dimuqaradi ah loogu dhex tartamo oo lagu kala calaf qaado. Hadii aanay axsaabtu xeerarka iyo shuruucda u qoran raacayn oo aanu xisbiguna ahayn mid sharcigu si siman u qabanayo hogaanka iyo xubnaha. Hadii aanay axsaabtu aheyn qaar gudahooga lagu kala aragti duwanaan karo oo la doodi karo la iskuna ixtiraamayo kala duwanaanshaha fikirka iyo ra’yiga. Hadii aaanay axsaabtu noqon wax lawada leeyahay oo dadka ku jira iyo kuwa taageersani lexojelo kawada haynin oo aanay u arkeyn hanti ay wada leeyhiin. Hadii aanay noqon axsaabtu qaar dhibta iyo dheeftaba ay wada leeyihiin xubnaha xisbiga iyo taageerayashoodu haba la kala badsado e . Hadii aanay axsaabta siyaasada somaliland noqon qaar ay ka dhadhamayso oo ka muuqato waxii aynu u samaysanay axsaabta siyaasada somaliland oo ahaa in lagaga baxo qoqobka iyo qabiilka oo la isku raaco barnaamijyo iyo mabaa’dii. Waxa ay dhamaantood noqon doonaan qaar hagaasa oo kori waaya waxaana ay madhalays ka dhigayaan mustaqbalkii iyo hanaankii dimuqaradiga ahaa ee dalkani qaatay, arimahan oo ah qaar aan inoo wanaagsanayn oo rajadii umada iyo dalkaba wiiqaya.. Waxa dhacaysa hanaankii iyo nidaamkii aynu ku soo tacaynay 18 sano ku dhowaadka in uu inaga noqdo mid inaga saariwaayey waxii aynu axsaabta siyaasada u samaysanay oo ay Somaliland ka dhaqaaqi waydo halkii ay ka soo guurtay iyo in wax loo doorto qaabkii hore ee beelaha. In badan oo horena aad baan wax uga qoray hadda na dib ayaan idiin xasuusinayaa ee axsaabta siyaasada somaliland waa hanti qaranka Somaliland leeyahay, waxa ay u baahan yihiin in dhaqaale wanaagsan miisaaniyada qaranka loogu darro si ay u noqdaan qaar koraya oo uu maamulkoodu iyo dhismahoogu uga muuqdo ilaa heer tuulo. Waxa ay ka mid yihiin axsaabta siyaasadu quruxda iyo muraayada uu qarankani isku daawado waxaana ay ka mid yihiin rukunada dawladnimada iyo dimuqaradiyada amaba nidaamka doorashooyinka xorta ah ee ay muwaadiniintu ku soo xulanayaan (5)sanadoodba hal mar hogaankii qarankan gadhwadeenka ka noqonayey, hay’adihii shuruucda iyo xeerarka lagu shaqeynayo soo saarayey iyo adeegayaashii bulshada sida dawladaha hoose oo kale. Taladaydu waxa ay tahay in aan laga aamusin qalooca iyo waxkasta oo axsaabta siyaasada somaliland foolxumo ku keenaya ilaa aynu gaadhayno ujeedooyinkii laga lahaa ee muhiimka ahaa, oo aanay inaga noqon qaabka ay maanta u badan yihiin u eeg kaabad ama salaan kuraasida lagu gaadho ama lagu fuulo oo kaliya. Aragtidii muwaadin Muhammad Dhimbiil Qaran News
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Qaar ka mid ah kooxaha Suufiyada Somaalida oo markii horeba lagu tuhmaayey in ay xiriir la leeyihiin Dawlada Iiran iyo Hayadaheeda gargaarka oo lagu eedeyen [...] Source
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Puntland ayaa magaalada Bosaaso ku soo bandhigay Ragii ka dambeeyay dilkii Ganacsade Salaad Cabdi Cukaashe . Raga dilka gaystay ayaa qirtay in ay falkan ka dambeeyeen, iyagoona sheegay in ay ku dileen Mobilkii uu watay . Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse oo Bosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradan ciidamada ay u suurta gashay in ay soo qabtaan kadib baadi goob xoogan oo ay sameeyeen . Amaanka magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udabeeyay ahaa mid faraha ka baxay tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii maamulihii shirkada P&O ee dekeda Bosaaso. Ciidamo uu hogaaminayo Taliyana ciidamada Booliska Puntland ayaa lageeyay magaalada si ay amniga u soo celiyaan,waxayna sidookale Bosaaso .
  9. Golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta sabtida ee ku beegan 16-ka bishaan Febraayo, waxaa la horgeyn doona xildhibaannada Baarlamanka, si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaa Axaddii la soo dhaafay magacaabay, xukuumad ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kadib markii uu wada-tashiyo kala duwan la yeeshay dhinacyada ay khusayso. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa la filayaa in Sabtida ay si wadar ah codka kalsoonida ugu qaadan wasiirada cusub, maadaama ay hore u ansixiyeen go’aankaasi. Inkastoo mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ay ku kala aragti duwan yihiin, habka buuxinta awood-qeybsiga ee xukuumadda cusub, hadanna waxa la filayaam in ay kalsoonida siiyaan, maadaama aysan badneyn xildhibaannada mucaaradsan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda cusub ee Puntland ma heli doonta kalsoonida Baarlamanka? appeared first on Puntland Post.
  10. Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay wasiiradii hore ee Maamulkaas ee ka dagay Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in wasiiradaas ay ugu dambeyn dowladooda kasoo codsan doonaan in la cafiyo isla markaasna ay deegaankooda dib ugu soo noqonayaan. Wasiirka ayaa sheegay in Wasiiradaas ay shaqo tag yihiin isla markaasna ay Muqdisho u tageyn sidii ay lacag usoo heli lahaayeen. Wuxuu wasiirka sheegay inay Wasiiradaas u fiicneyd inay tagaan Kismaayo iyo meelaha kale oo uu sheegay inaysan qarayada ka dhicin. Wuxuu sheegay inay tageyn meel maalin kasta ay qaraxyada ka dhacaan isla markaasna wuxuu ku tilmaamay kuwa naftooda halis geliyey. Wasiirka ayaa sheegay inaysan wax welwel ah ka qabin tagitaankooda Muqdisho ayna aaminsan yihiin inay mar dhow cafis soo waydiisan doonaan Somaliland. Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda. Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday. Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa magacaabay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, sida ku cad qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Hoos ka akhriso magacyada wasiirada The post Madaxwaynaha KG oo dhameystiray Gollahiisa Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Abdi Sheikh Abdulle Abdi Mohamud stands outside Somalia’s National Theatre seven years after a suicide bomb attack shut it down, and dares to dream of an unlikely second act for the venue – and his own acting career. Around him, builders heave loads of cement, saw at wooden scaffolding and shift piles of rubble as they prepare to reopen the building in May, even as the Islamist insurgency rages on. Organisers say they will premiere a classic Somali musical extravaganza titled “Caretaker Government”, though precise details of the production are still under wraps. Mohamud is hoping to get a role – a comic role. “Although I grew old, I am still strong … I will act better than before,” says the greying 59-year-old, who performed in the theatre several times before its dramatic closure. “In the past, we have been fleeing and thinking about survival. Now people want entertainment and plays … We have hope now.” Hope is a precious commodity in Somalia, which has been mired in turmoil for decades – as has its national theatre. The building opened in 1968, eight years after independence from Britain, and treated its first audience to a comedy called “Womanizer”. Productions took on a more patriotic tone during war with neighbouring Ethiopia in the 1970s. Bellicose musical shows featured songs such as “Oh my land, if I do not wash your face with blood, I am not Somali,” says current director Osman Abdullahi Gure. “WISDOM AND ENTERTAINMENT” After the overthrow of president Siad Barre in 1991, clan-based warlords blasted each other with anti-aircraft guns and fought over the theatre, which they used as a base. The building was hit so many times that the roof collapsed a year into the conflict. Islamist militants who seized control in 2006 took over the building. They banned all forms of public entertainment – from concerts to football matches – that they considered sinful. African Union peacekeeping troops clawed back control of the capital in 2011 and the new Western-backed Somali government reopened the venue the following year. But just three weeks after that, a suicide bomber from the Islamist al Shabaab insurgency struck during a ceremony, killing six people. Today, Somali soldiers still use the theatre as a base, guarding the city and the nearby presidential palace from al Shabaab, which launches sporadic attacks. But, if all goes well, the soldiers will be replaced by thespians in the next three months. The government and local businesses have clubbed together to raise $3 million for the restoration. State workers have offered cash and their own labour, said livestock ministry official Mohamed Omar Nur, who is on site helping out. “We hope that the theatre will … be a place that will provide wisdom and entertainment, and hopefully it will also regain its reputation,” says director Gure. The soldiers will move out once the work is finished, but they will still be nearby to protect audiences and actors, he adds. “Security at the theatre will be assured just like it is in any building in Mogadishu. God willing, we shall secure the theatre.” Writing for Reuters by Omar Mohammed; editing by Katharine Houreld and Andrew Heavens)
  14. Makkah (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayey dood ka dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shalay ku tukaday Kacbada Sharafta leh dusheeda, markii uu halkaasi la tegay ciidamada faro badan. Dhaxal-sugaha ayaa booqday Kacbada, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiin iyo ciidamadii amniga ee ugu badnaa, waxaana kacbada laga saaray dhammaan dadkii ku sugnaa xilligaasi si uu isaga keligiis ugu noqdo. Waxaa la arkayey Maxamed Bin Salmaan oo dusha sare ee Kacbada ku tukanaya iyo isagoo dhunkanaya Dhagaxa Madow ee la barakeysto, waxayna taasi dhalisay iyo sawirrada iyo muuqaalladiisa lagu baahiyo baraha bulshada oo si weyn looga hadlay. Dadka qaarkood ayaa arrintaas ku sheegay inuu isaga dhaqayo dhiigii saxafiga uu dilkiisa ka danbeeyay ee Jamal Kashoqgi, halka qaar kale ay ku amaaneen inuu booqdo Kacbada. Maxamed Bin Salman ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo fuulay kacbada korkeeda marka laga reebo Bilaal Ibnu Rabaax oo uu Rasuulka amray inuu fuulo kacbada markii Gaalada laga furtay Magaalada Makka Al-Mukarama. Bilaal ayaa kacbada korkeeda ku fuulay amarka Rasuulkeena CSW, waxayna dadka qaar ku tilmaameyn falka uu sameeyey Maxamed Bin Salmaan arrin kibir iyo isla weynin ah.
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa soo dhameystiran liiska golaha wasiirada maamulkiisa, kadib markii todobaad ka hor uu soo magacaabay wasiiro kooban. Madaxweynaha ayaa laga sugayay muddooyinkii ugu dambeeyay soo dhameystirka wasiirada maamulkiisa, waxaana wadatashi uu u yimid magaalada Muqdisho isaga kadib ku laabtay magaalada Baydhabo. Hoos ka akhriso golaha wasiirada Koofur Galbeed.
  16. (Muqdisho ) Feb.13, 2019 Waxaa in dhoweydba khilaaf aad u xoog badan uu dhex-yaal Madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isal Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre, ka [...] Source
  17. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markale magacaabahy qaar kamid ah Golaha Wasiirada maamulkaas. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta gacabaay 15 Wasiir iyo 25 Wasiir ku xigeen, isagoo horey 2-dii bishan February magacaabay 10 Wasiir Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo doortay 19-kii bishii December ee sanadkii hore. Hoos ka akhriso liiska Wasiirada Koonfur Galbeed PUNTLAND POST The post Lafta-gareen oo markale Wasiiro magacaabay appeared first on Puntland Post.
  18. Su’aasha maanta , labo ama sadex ka magacow Wasiirada xilka baneeyey(Xukuumadii Gaas)? Su’aashaas jawaabteeda waxaan u dayney shacabka Puntland, wax qabadka xukuumada waxaa hor u [...] Source
  19. At least one person was killed and two others wounded when a bomb attached to a vehicle exploded in Mogadishu on Wednesday noon. The blast targeting Southwest State lawmaker Ali Artan Bidaar occurred near Zoobe intersection in the capital. Bidaar was not in the car during the explosion, however, reports said his driver lost his life in the incident. No group has so far claimed responsibility for the attack. The post Car bomb kills one, injures two in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qorshahan ay Amisom ku baneenaysa qaybo kamid ah saldhigyadeeda ayaa daba socda iyadoo dhamaadka bishan Febaraayo laguwado in dalka ay Iskaga baxaan illaa 1,000 askari oo katirsan kuwa nabad ilaalinta midowga afrika. Bishii December sanadkii 2017’dii ayay ahayd markii qaybtii ugu horeysay ee katirsan ciidamada Amisom lagasaaro gudaha dalka markaas oo ciidamada nabad ilaalinta Amisom laga dhimay ciidamo gaaraya 1,000 askari. Golaha amaamka ee QM ayaa doonaya in ciidamada Amisom laga saaro Soomaliya markii lagaaro sanadka 2021 iyadoona inta ka horeyso laguwado in amaanka dalka si tartiib tartiib ah ay gacanta ugu galiyaan ciidamada xooga dowlada soomaaliya. Magaalada Muqdisho shalay waxaa ka furmay shir ay Amisom soo qaban qaabisay oo looga hadlayay sidii ciidamada dowlada gacanta loogu galin lahaa dhulalka ay al-Shabaab haatan maamulaan ka hor inta aysan dalka ka bixin. Taliyaha cusub ee ciidamada Amisom Tigabu Yilma, ayaa shalay furitaanka shirka ka sheegay in ay diirada saari doonaan weeraro baahsan oo ay ku qaadaan goobaha al-Shabaab ay ka sugan yihiin gudaha dalka isagoona sheegay in goobahaasi ay gacanta ugali doonaan ciidamada dowlada soomaalya. Qorshahan ay ciidamada Amisom kaga guurayaan qaybo kamid ah fariisimaha ay kaga suganyihiin gudaha dalka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay tahay Qidad cusub oo looga danleeyahay isbadalka xaalada kala guurka ay ciidamada Amisom dalka kaga baxayaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka si rasmi ah looga daah-furay Barnaamij-ka casriyeenta Magaalada ee Loo yaqano GIS-ka iyo Nootaayooyinka, waxaana daah-furka Barnaamijkan ka soo qeyb-galay Wasiirka cadaalada, Maayar ku xigeenka Hargeysa, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo mas’uulyiin kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Isbahaysatadii jeegaantu waxay noqodeen tuugo,calooshooda u shaqaystayaal ,waxabadan dadka waanu usoo bandhignay in ay jeegaantu dalkii murdisay oo ay diiratay, markaa ,maanta in 80miilion ay jeegaantu tidhaahdo way nagu go antahay ,waa mid subxaana leh ,80 million maanta waxay inooqaban lahaayeen waxaa kamid aha ,warshada Barbara oo ay inoo kiciso, biyaha magaalada hargaysa oo lagu dhamaystiro,warshad laydh oo qiimo lahe oo dadka ka jabisa korontada qaaligaa, oo ay inoo dhisto. Hadaba lacgataasi meel kale majirto ,waxay ku jirtaa sanduuqyo.mastar card,prepaid banka, iyo in dibada loola firxaday, hadab waayo nin kasta oo xukmadii siraanyo ka tirsani wax uu lahaa sanduuq ay lacgtu ugu dhacdo ,iyo mastar card loogu shub, ,hadaba reer Somaliland way wada ogyahiin xaqiiqada iyo sidii wax loo lusan jiray, Hadaba tuugtii tuugadu side loo ga soo saari karaa lacagtaas ,waa in shacabku iyo bulshadu ugoodaan xaqiiqada jirta, oo dowlada lagu qasbaa in ay talaabo qaado oo baadhitaan qoto dheer la sameeyo, waayo marka madaxda caalamaku markay lacag dibadaha dhigtaan sida ,BANAMA, waa la daba galaa oo bananankaa ayaa soo dhigaa, oo sidii nawal shariif laga xayuubiyaa xasaanada, kadib markii lagu helay lacago uu dibada dhigtay, iyo musuqmaasuqa Si daas darteed ,dadwaynahu waxay u baahan yahiin qancin, iyo cida iyo halakay lacagta intaas leegi martay, waayo waxaan xasuustaa heestii ololaynta ee jeegaanta “ beeshu way haraadoo hormood uma maqnee” markaa muuse ha noo sheego in uu lacagtaas difaacayo iyo in kale iyo in uu badhideeda ku maqan yahay, waayo , hore ayaanu u sheeganay muuse waxaa meesha loo keensaday in waxii beeshii haraadanayd musuqmaasuqday in uu ka difaaco oo uuka danbabaso, Wasiirka maaliyadan sacad cal shirana markii hore run buu sheegay, laakiin waa lau qasbay in uu beeniyo, somaaliduna waxay tidhaahdaa “ allow been iyo run hanaga wada yeedhsiinin” bilow ilaa dhamaadna sacd cali shire guntuu ugu jiray dowladii siiraanyo oo wuu ogyahay waxa jira, Markaa jeegaantii tuugay noqotay, muusan tuugadaas buu difaac uyahay,waayo caalamkiibaa yaabay oo fajacay 80MIILION waxaa la iswaydiinayaa iyagoon ictiraaf haysan bay sidan yahiine hadhow ha dii la ictaraafana maxay samayn, Gabogabadii Muusow ama qari ama ha qarinin amaba difaac hama ha difaacin ee adaa lagaa yaqaan in aad banaanka soo dhigto,hadii kale waxaad kugu xukumaynaa tuug kalkaal, banaanka adigu noo soo dhiguun, waayo. Lacagaha qaarna waxay ku jirtaa fooqaqan dhaadheer amaba sheerer bay ku jirtaa, By: khadar adam aw muuse mixile190@gmail.com Source
  23. Soomaalidu illaa lixdankii waxay shacabkoodu raadinayeen hogaamiyihii dantiisa gaarka ah ka horumarin lahaa danta guud, illaa hadda baadi goobay ugu jiraan, mar walba shakhsi cusub bay doortaan muddo ka dibna fartay dhexda ka qaniinaan. Laba boqol oo qof uun baa kolna xilka haysa kolna mucaarad isku ah oo xilka kala kicisanaya, in hebelo la isku bedelo mooyee wax kursiga dhaafsiisan qorshuhu ugumo jiro, illaa hadda waxa khaldan dadku way fahmi laayihiin, qof kasta isagoo isleh dib dambe ha u codeyn uun baa marka doorashada la gaadho durbaankii reernimada iyo laxankii wacnaa ee la isku afgaranayey uun la tumayaa, ka dibna iyagoo is ogeyn bay cadceedda iyo safaf dhaadheer u gallayaan maalmo ka dibna way ka qoomamaynayaan. Dadka caqliga leh ama fikirayaa ma calaacalaan ee xal bay raadinayaan ka dibna go’aan bay qaataan sidii ay uga bixi lahaayeen jidkii shalay mareen ee qodxaha badnaa. Waxaanay u baahanahay xal aynu ku bedelno cabashada iyo calaacalka sanad walba taagan, waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyoy Akadamigii hogaamiyaha wanaagsan soo saari lahaa oo laga bilaabo caruurta hadda la qorayo KG-ga ee shan jir ah, ka dibna boqol caruura aynu u tobabarno inay mustaqbalka ina hogaamiyaan, boqolkaasi waxaynu ku tobabarnay intay yaryar yihiin inay badhna madaxweyne iyo wasiiro noqdaan, qaarna dibada joogaan oo mucaarad noqdo, ka dibna ku soo barbaaraan in la is mucaarido oo danta guud toosintiisa la isku dhaliili karo, in la is toosiyo, hadhow markay waynaadaan waxay dhaliisha u arki doonaan in lagu toosinayo oo cuqdad ka qaadi maayaan. Marka waxbarashada dhamaystaan aynu ku wareejino saddexda xisbi oo ay isku noqdaan qaar mucaarad ah iyo qaar muxaafad ah, boqolkaasi dhalinayrta ah ee aynu soo tobobarnay aynu ku aamino mustaqbalkeena si aynu uga nasanno calaacal joogto ah iyo shalay bay dhaantay. W/Q: Barkhad Ladiif Maxamed Cumar. Source