-
Content Count
207,401 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso(SMN)- Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliska Booliska magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gawaari siday dad tahriibayaal ah. Taliyaha Booliiska magaalada Boosaaso General Muxidiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan ilaa todobo gaadiid oo ay saarnaayeen dad la doonayay in laga tahriibiyo magaalada Boosaaso. Sidoo kale taliyaha Booliiska Boosaaso ayaa tilmaamay in ay la wareegi doonaan gaadiidkaasi isla markaana ay maxkamad soo taagi doonaan ragii wax tahriibinayay. Dhawaan ayey aheyd markii maamulka Puntland uu soo saaray amaro diidaya in laga tahriibo magaalada Boosaaso,cidii ay falkaasi ku soo qabtaana sharciga la horgeyn doonaan. The post Tahriibayaal Lagu Qabtay Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington (Caasimada Online)-Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah haweeney Muslim ah tii ugu horeeyay ee kamid noqotay Congress-ka Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Madaxweyne Trump oo ka jawaabayay hadal horey ay u daabacday Ilhaan Cumar ayaa ka dalbaday inay iscasisho kadib markii uu difaacay Yahuuda oo wax badan ay dhaliilsaneyd Ilhaan. Xildhibaan Ilhaan oo u jawaabeysay Trump ayaa sheegtay in haddii qof ay mudan tahay inuu isku casilo hadal la necbeystay inuu yahay Madaxweyne Trump inuu iska casilo xilka uu hayo, maadaama ay sheegtay in tan iyo noloshiisii inuu ku dhawaaqi jiray hadalo Naceyb ah. Dhinaca kale Xildhibaannada Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar ka difaacay hadalada iyada ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah, waxaana ay u muujiyeen taageero. Guddoomiyaha Golaha wakiillada aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi, ayaa Trump iyo xisbigiisa uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inaysan marnaba iska casili doono xilka loo doortay, waxaana ay cadeysay in madaxweyne Trump isaga ay haboonaan laheyn inuu is casilo, sababtoo ah waxay sheegtay inuu ku jiro Islaam Naceyb badan. Caasimada Online Xafiiska USA Caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Mid ka mid ah wasiirradii uu magacaabay madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay, kaddib markii uu sheegay in xilkaas uu ku qanci waayay. C/salaan C/llaahi Yalaxoow (Catoosh) oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka, isla markaana ah xildibaan ka tirsan baarlamaanka Koonfur-galbeed ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee iska casilay golaha wasiirrada Koonfur-galbeed. Wasiir ku-xigeenkii is-casilay ayaa sheegay inuu mudnaa xil ka weyn midka uu madaxweynaha Koonfur-galbeed u magacabay shalay, waxaa tani ay ka mid noqonaysaa caqabadaha lasoo darsa wasiirrada la magacaabo. Sidoo kale, Yalaxoow ayaa sheegay in beesha uu ka soo jeeday ay filesyay wasiir buuxa inay ka helaan golaha wasiiradda cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen. Dhanka kale, C/salaan Catoosh, ayaa ka mid ahaa Wasiir ku-xigeennadii uu Madaxweynaha Koonfur-galbeed magacaabay, ayaa wasiirrada hambayo u diray, isagoo ku boorriyay inay kasoo baxaan xilalka loo magacabay. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo horay u magacaabay xilal wasiir, ayaa haddana wuxuu shalay wuxuu dhameystiray xubnihii ka dhinnaa golaha wasiirrada. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah Xubnihii Wasiirrada ahaa ee uu magacaabay Lafta-gareen oo is-casilay appeared first on Puntland Post.
-
UMMAD DHACAN Bismillaah……waxaan marka hore salaamayaa akhristayaasha kadibna waxaan rabaa inaan maanta halkan kaga hadlo arrinta ay hadal haynteedu ku badnayd beryahan warbaahinta Somaliland oo ah heshiisyadii lala galay Imaaraatka. Marka hore waxaa saluug laga muujiyay sidii loo maamulayay heshiisyadaas oo runtii u muuqday wax tuurta lagu sitay oo lala cararayay, wixii lala cararayayna waa kuwaa soo baxay markaa aan kala qaadno dekadda iyo Saldhiga. Dekadda heshiiskii u horeeyay waxa la saxeexay May 2016 waxana ballanku ahaa in dekadda la balaadhiyo ilaa iminkana wax ka hirgalay ma jiraan aan ahayn kala hadal ay masuuliyiintu dadka ku maaweelinayaan. Saldhigu waa ka u daran waxayna ahayd hadii qolyihii Kulmiye ee hawsha waday ay si cilmiyaysan oo lixjeclo ku jirto u dhaqmi lahaayeen in ay horta hubiyaan bal sida heshiiska dekaddu u hirgalo lkn taa beddalkeeda waxay u dhaqmeen sidii dilaaliin waan ka xumahay. Madaarkan la siiyay Imaaraatka wuxuu ahaa madaar uu dhisay Soofiyeedkii wuxuuna ku yaalaa buqcad aad u muhiim ah, waxana la sheegay in markii Ruushka la eryay ee Maraykanku yimi sideetanaadkii inuu siin jiray xukuumadii Siyaad Barre waqtigaa AFARTAN milyan oo doolar iyo LIXDAN milyan oo ah agab ciidan. Taa macnaheedu waqtigaas baa waxa ka soo xeroon jiray xisaab dhan oo ah BOQOL milyan marka laysku daro kaashka iyo agabka. Waxaan daawaday maalin dhexdaas ah madaxweynaha Djibouti oo ka hadlayay saldhigyada qaar uu waddankiisa ka siiyay dawlado shisheeye iyo midwalba inta lacag KIRO ah ee ka soo gasha waxayna ahayd siyaasiinteenu inay waxka bartaan, hadaba maxaa ina helay bal aan idiin iftiimiyo waxa dhacay:- MAJAROHABAABIN waxay wasiiradii waqtigaasi si badheedh ah oo aan gabasho lahayn ugu sheegeen dadka waxaan jirin waxana ka mid ahaa arrimahan. In ictiraafkii ay horseed u noqonayaan hesiisyadani caalamkiina inoo soo jeedo,cajiib, hadaba maxaa dhacay waxa dhacay in wasiiru dawlihii Imaaraatka ee arrimaha debaddu QARQAASH uu si badheedha u yidhaahdo annagu Somaliland xidhiidh lama lihin waxaanuna ka shaqaynaynaa midnimada Soomaaliya. Waxaa halkaa ka cad in siyaasiinteena RAADAARkoodu aanu dhaafsiisnayn DPW. Turkiga ayaa xero ciidan ku leh Muqdisho inagana Imaaraatka ayaa ina caawinaya, waxa dadka looga dhigay in Imaaraatku uu Somaliland qudha rabo inuu la saaxiibo waana waxyaabaha ay dadka ku khawaysiiyeen. Waxa la inoo fulinayaa mashaariic farabadan oo kiro kasta ka fiican, yacni khiyaali mashaariic aan cabbir wadan waxaan u jeedaa hadday odhan lahaayeen inta sanadood ee heshiisku socdo sanad walba waxaa laynoo fulinayaa mashaariic qiimahoodu ku kacayaan intaas waa wax la fahmi karo lkn nasiib darro dadka garaadkoodii baa lagu ciyaaray HUUHAA. Waxaan ka codsanayaa warbaahinta Somaliland inay bal dib u milicsadaan waxyaabihii dadka loo sheegay oo ay barnaamij ka diyaariyaan. Waxaan ognahay in sidii loo ansixiyayna ay ahayd JUJUUB iyo FARSAMO anigu waddanka waan joogay intaas oo dhan ayaamihii lalahaa Saldhigaa la ansixinayaa waxaan qoray maqaal la yidhaahdo SALDHIGA BERBERA MAYA hadaad google garayso waa kuu soo baxayaa website-yo badana waa soo qoreen waqtigaas. Haatan iyo dan heshiiskan saldhigu waa dhac iyo boob cad waana in laga daba tagaa, wayna dhacdaa ilduufku dawladuhuna dibay u saxaan, tusaale Masar baa Yuhuuda heshiis la gashay waqtigii Mubaarak in ay siiso GAAS muddo 20 sano ah kuna siiso qiime ka jaban ama kayar ka suuqa heshiiskaasina wuxuu bilaabmay 2005 waxana la joojay 2012kii, markii isbeddalku ka dhacay Masar,waayo waxa la ogaaday in heshiiskaasi dhac ahaa waana laga noqday. Haddaba hadaan eegno SALDHIGAN waxay ka yidhaahdeen wax garadka reer Somaliland , tusaale prof. Axmed Ismaacil Samatar oo kulmiye ahi wuxuu yidhi waqtigaas anigu mabdda ahaan waan ka soo horjeedaa saldhig ciidan lkn hadii laga fursan waayo waa in 100 MILYAN lagu kireeyaa. Waxa runtii la rabay in qolyihii hormoodka ka ahaa ay eegaan baahida dadkooda iyo dhalintan bilaa camalka ah ee gidaarada tuban una baahan in loo jeediyo dhinaca wax soo saarka sida beeraha, kaluumaysiga iyo dhaqashada xoolaha. Haddaan soo gunaanado waxay ila tahay khalad weyn baa dhacay shacabkan baahana ma aqbalayaan hantidiinii baa 25 sano ku bedelanay dariiq iyo madaar, waxaadna moodaa qolyahaa heshiiska fool eryayay inay ka faaiidaysteen DURUUFO jiray oo xaga hogaaminta ahaa. Dhamaan waxay dadka u sheegeena waxay noqdeen sidii balli yar oo xareedi ku dhacday oo maalinba maalinta ka danbaysa sii gudhaya imankana huubadii maraya oo ah dariiq baa laynoo samaynayaa iyo madaar. Xalku wuxuu ahaa in ay ugu yaraan 60 MILYAN ku kireeyaan dariiqana shirkad awood leh loo diro oo soo qiyaasta waxa ku baxaya dabadeedna ay Imaaraatka waydiistaan qaddimaad inta dariiqa ku baxaysa sanadkiina yidhaahdaan waxaan idiin celinaynaa 20 MILYAN afartanka soo hadhayna umadda wax ugu qabtaan lkn nasiib darro ma dhicin. Hadaba Imaaraatku waa waddan lacag leh waxay Ethiopia ku maal geliyeen 3 BILYAN (sadex kun oo milyan) mid afraadna waa la sheegayay innagana hantideenii yarayd bay bilaassh ku qaateen,mush macquul, waa halkii Saadaat madaxwynihii hore ee Masar baa laga sheegay markii la toogtay ma gacantii ciidankaygaan ku go’ay MUSH MACQUUL. Iminka ma xukuumaddii la rabay inay umadda u horseedo horumar iyo barwaaqo baa hantidii yarayd ee ay haysteen bilaash kaga bixisay MUSH MACQUUL. Waxaan halkan BAAQ uga dirayaa Xisbiga Waddani oo isagu ka biyo diidanaa sida wax loo waday lkn aan loo joojin inay BAYAAN cad ka soo saaraan arrintan una cadeeyaan umadda reer SOMALILAND iyo IMAARAATKABA in heshiisyadaasi aanay caddayn dhacna yihiin shacabkuna aanu aqbalayn. Aad baan u hanbalyeenayaa dib u habaynta Xisbiga dhexdiisa ah. Xisbiga UCID isaga nasiib darro gudoomiyahoodu wuxuu ka mid ahaa qolyahaa marna Dubai u sii yaacaye marna ka soo socday. C/razaaq Xiis Fadlan lasoco qoraalka kan ku xiga oo ah muxuu dhib inagu keeni karaa Saldhigani……… Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Offshore Magazine ee wax ka qora arrimaha shidaalka ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay qabaneyso yaboohyada 15 ceel-shidaal, taasi oo qeyb ka ah bixinta shatiyada la bixinayo sanada 2019 ee goobaha shidaalka ee badda ku dhex-yaalla. Warbixinta wargeyska oo soo xiganaya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, ayaa ka duwan warkii ay mas’uuliyiinta dowladda u sheegeen warbaahinta Soomaalida ee ah inaysan iibineyn ama gorgorton gelineyn xirmooyinka shidaalka Soomaaliya. Wargeyska ayaa qoray in shirkii London, ee ay abaabushay shirkadda Spectrum lagu dejiyey heshiisyada arrinta. Shirkaas ayaa dowladda waxay sheegtay inuu ahaa kaliya mid lagu soo bandhigayey xogta shidaalka Soomaaliya, ee aan wax suuq geyn ah shaqo ku lahayn, balse waxaa muuqata inuu sidaas ka duwanaa. Wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay Offshore Magazine in wareegii koowaad ee bixinta shatiyada shidaal qodista Soomaaliya looga dhawaaqay magaalada Cape Town, bishii November ee 2018. “Sanadihii dhowaa wasaaradda iyo dowladaba waxay ka shaqeynayeen sidii qorshahan loo dejin lahaa” ayuu yiri. Shirkadda Spectrum ayaa sida uu wargeyska sheegay iibsatay xogta shidaalka ee goobaha badda, waxaana sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda batroolka, Karar Shukri Doomay, kheyraadka shidaalka ee xeebta Soomaaliya uu noqon karaa kan ugu ballaaran Bariga Afrika ama qaaradda oo dhan. Doomay ayaa sheegay in 11-ka July 2019 ay tahay taariikhda loo gooyey in shirkadaha daneynaya in iibsadaan xirmooyinka ay soo bandhigaan inay buuxin karaan shuruudaha, halka 29-ka August loo qabtay shirkadaha qodaya ceelasha laga rabo inay soo bandhigaan khibradooda ceel-qodis. Gorgortanka shirkadaha ayaa ayagana loo qabtay inay ugu dambeysa soo bandhigaan 7-da November ee 2019, waxaana bil kadib la saxiixi doonaa heshiiska wadaagista wax soo saarka ee shirkadaha iyo dowladda Soomaaliya. Heshiiska ayaa dhaqan geli doona 1-da Janaayo, 2020, markaasi oo la billaabayo qodista shidaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MBS oo kacbada ku sameeyey Qadiyad aan lagu sameyn ku dhawaad 14 Qarni Waxaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayey dood ka dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shalay ku tukaday Kacbada Sharafta leh dusheeda, markii uu halkaasi la tegay ciidamada faro badan. Dhaxal-sugaha ayaa booqday Kacbada, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiin iyo ciidamadii amniga ee ugu badnaa, waxaana kacbada laga saaray dhammaan dadkii ku sugnaa xilligaasi si uu isaga keligiis ugu noqdo. Waxaa la arkayey Maxamed Bin Salmaan oo dusha sare ee Kacbada ku tukanaya iyo isagoo dhunkanaya Dhagaxa Madow ee la barakeysto, waxayna taasi dhalisay iyo sawirrada iyo muuqaalladiisa lagu baahiyo baraha bulshada oo si weyn looga hadlay. Dadka qaarkood ayaa arrintaas ku sheegay inuu isaga dhaqayo dhiigii saxafiga uu dilkiisa ka danbeeyay ee Jamal Kashoqgi, halka qaar kale ay ku amaaneen inuu booqdo Kacbada. Maxamed Bin Salman ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo fuulay kacbada korkeeda marka laga reebo Bilaal Ibnu Rabaax oo uu Rasuulka amray inuu fuulo kacbada markii Gaalada laga furtay Magaalada Makka Al-Mukarama. Bilaal ayaa kacbada korkeeda ku fuulay amarka Rasuulkeena CSW, waxayna dadka qaar ku tilmaameyn falka uu sameeyey Maxamed Bin Salmaan arrin kibir iyo isla weynin ah. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo baxay dowladda UK kaasi oo ahaa in muwaadiniinta Ingiriiska aysan u safri karin deegaanada Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in digniinta kasoo yeertay dowladda Ingiriiska inay tahay mid ku kooban dowladda UK, islamarkaana aysan ku saabsaneyn deegaanada Somaliland. Wuxuu sheegay in sidoo kale digniintaasi ay ku wajahan tahay deegaanada koofurta Somalia, balse uu la yaabay markii u arkay inay ku jiraan deegaanada Somaliland, meelaha looga digayo muwaadiniinta Ingiriiska inay u safraan. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho oo todobaadkiiba mar ay qaraxyo ka dhacaan inaan lala barbar dhigi karin deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Sidoo kale wuxuu sheegay in deegaanada Somaliland ay yihiin amaan la isku haleyn karo, balse digniinta UK ayaa waxaa ku jirtay in muwaadiniinta aysan u safri meelaha dadweynaha ku kulmaan oo Hargeysa iyo Berbera ay ku jirtay. Wadamada caalamka ayaa muwaadiniintooda kaga sii diga halista amaan ee dalalka caalamka marka ay helaan xogo dhanka amaanka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kireynta guryaha magaalada Muqdisho waa kuwo is bed-bedala sanad walba, guryahaha qaar ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu kireeyaa lacag dhan $300-$500, waana xaafadaha loo arko inuu ammaan uu ka jiro habayaraadee, mararka qaar waxaa dhacda in kireystaha guriga inuu isaga baxo sababta ayaa la xiriirta lacago dheeraad ah lagu daro guriga, iyadoo sanadkii uu dego wax ka badan 10 guri. Dagmooyinka ugu qaalisan xaga kireynta guryaha magaalada Muqdisho ayaa la ogaaday in ay yihiin Waaberi, Xamar-jajab, Xamar-weyne, Hodan, Cabdi casiis, WartaNabadda iyo Shibis. Degmooyinka Shangaani iyo Howlwadaag guryaha ku yaalla waxaa qiimo ahaan qolkii lagu kireeyaa lacag u dhaxeysa 60 illaa 50 doolarka Maraykanka ah, waana qiimo badan marka la bar-bar dhigo degmooyinka kale ee Muqdisho. Dhallinyaro badan ayeey shaqo abuur u noqotay kala iibinta iyo waliba kireynta guryaha iyagoo ku dabaqay Tiknooloojiyadda xilligaan wadanka laga isticnmaalo, waxaana ka mid ah dhallinyaradaas Cabdi Shakuur Fuje oo madax ka ah shirkad Somali Deals oo kiraysa guryaha, waxa uuna ka sheekeynayaa habka ay u kireeyaan guryaha. ”Kireynta guryaha waa kuwo kala dabaqad duwan, waa kuwo dabaqadda Koowaad ah iyo dabaqada Labaad ah, kuwa dabadaqadda Koowaad ah waa kuwa ku dhaw Xalane oo hay’adaha ay degaan waxaana lagu kireeyaa qolkii Labo Kun illaa Saddex Kun oo doolarka Maraykanka ah, waxaana badanaa dega shirkado waaweyn, dabaqadda Labaad waa xaafadaha ku teedsan wadada Makka Al-mukarrama, xaafadahaaa ilaa dagmada Waaberi iyo qeybta soke ee Taleex, laguna tago Banaadir dhulkaasi waxaa dega shaqaalaha dowladda sababtoo ah dowladda waxa ay shaqaaleysiisaa 5,500 oo shaqaale rayid ah saraakiil ciidan hay’adaha dalka kaligood waxa ay ku soo uruureen laga soo bilaabo Sayidka illaa agagaarka Banaadi, taas waxa ay sameeyeen in qiimihii kirada Guryaha kacaan saa’idna u qaaliyoobaan waana dhul lagu 2-km ay dhacdo in qolkii 300$ lagaga kireeyo guryaha filooyinka waxaa lagu kireeyaa 700$, dhan ka kale qolalka guryaha u sameysan nidaamka dabaqayada waxa la kiyeeraa 500$ qolkii”. Marka aad tahay ruux kireysta Guri ah joogo magaalada Muqdisho waxaa macquula inaad sanadkii aad dagto guryo badan waxaana sabab u ah guryaha qiimahooda oo aan sal fadhiyo laheyn, Daraasad dhawaan ay sameysay Jaamacadda Simad xarunteeda maaalada Muqdisho ayaa lagu xusay in 10-kii sano ee ugu danbeeysay ay sara u kacayeen qiimaha lagu kireeyo laguna kala iibsado guryaha magaalada Muqdisho sida uu sharaxayo Maxamed Ibraahim oo kamid ah maamulka jaamaacadda oo qeyna ka ahaa cilmi baryaashii daraasadda ”Runtii inta aan wadnay daaraasadda waxa aan aragnay in10-kii sano ee ugu danbaysay qiimaha Guryaha way qaaliyoobayeen kiradana waxa ay ahyd mid sare u kacayso sanadba sanadka ka dambeeyo, iyadoo qofka celcelis ahaan dhaqaalihiisu is bedalay, tusaale dadka cilmi baarista sameeyay waxa ay soo ogaadeen qofka celcelis ahaan uu shaqeeyo 225$ waa jira qof qaata 1000$ iyo wax ka badan qofbaa xamaali iska ah, marka bishii 252$ soo gasho Guriga uu dagi karo ama uu gadan karo waa nuucee, xaafadihii guryaha lagu kireynaayay 30-40$ ayaa hadda waxa ay maraayaan 200-250$, guryihii 15,000-20,000$ lagu gadaayay ayaa hadda marayo 100,000-150.000$ arrimahaas ayaana daraasaddu xoogga saartay, taasna waa caqabad weyn, markaad halkaas ka fiiriso kiradii ayaa qaaliyowday aniga dhaqalaheygane isma bedalin, anigoo xaafaddii A haddii qaali ay igu noqotay waxaan ku qasbantahay inaad ka guurto B hadana C ayaan u guuray Xamar waa mid koobane qofkii intuu aadaa hadhaw” Waxaa jira inaan guryaha kireyntooda aan sifo sharciya aan loo marin taas oo sabata in hadhow ay is khalaafaan milkiilaha guriga iyo waliba Kireystaha iyadoo keenta in qofka lagu dalaco lacago badan oo dheeraad ka ah intii bishii hore uu ku bixiyey kirada guriga oo horay loogu heshiiyay, markaa oo qofka uu qasban yahay inuu isaga guuro gurigii ama uu ku daro lacagihii lagu soo dalacay. Wadamada horumaray ee dunida ayaa marka aad fiiriso qiimaha lagu kireeyo guryaha waxa ay yihiin kuwo jaban marka aad joogto Soomaaliya gaar ahaan caasimadda ee Muqdisho waana dhibaato muuqato oo aanan waxna laga qaban karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Ethiopian ah oo la yidhaa Minga Negash ayaa qoraal uu kaga taageerayo warbixin muhiim ah oo uu qoray safiir ku xigeenkii u qaabilsanaa Africa arimaha USA oo la yidhaa Ambassador Hank Cohen, taariikhdu markay ahayd December 16, 2013 oo uu ciwaan uga dhigay waxa la gadhay xiligii Eretria dib loo soo noolayn lahaa “time to bring back Eritrea from the cold”. Markay taariikhdu ahayd 1989 ilaa 1993 Ambassador Cohen wuxu u qabilsanaa dalka America qorshayaasha la xidhiidha arimaha Africa oo uu qayb ka ahaa isbadalkii Geeska Africa ee ay Ethiopia iyo Eretria ku kala go’een, qoraalkaa oo uu kaga hadlayay dhibaatooyinka saamaynaya xidhiidhka u dhaxayn doona labadaa dal ee kala go’ay. Waxa qoraal kale oo muhiim ah qoray Ambassador David Shinn taariikhdu markay ahayd January,13,2014 Safiirkii hore ee dalka Marykanka u fadhiyay Ethiopia, qoraalkaas oo uu ku taageerayo qoraalkii uu qoray safiirkii hore mudane Cohen’s. Ambassador Shinn wuxu u qabilsanaa arimaha khuseeya dalka Ethiopia taariikhdu markay ahayd 1996-1999. Wakhtigii uu joogay xafiiska safarada waxay ku beegnayd dagaalkii dhexmaray dalka Ethiopia iyo Eretria oo ay ku dhinteen dad gaadhaya ilaa 80,000. Ambassador Princeton Lyman, oo isna ahaa safiirkii u fadhiyay maraykanka dalalka Nigeria iyo South Africa ayaa taageeray qoraalkii Ambassador Cohen’s ee uu awooda ku saray sidii Eretria dib saxada loogu soo celin lahaa. Qoraaladaa oo dhami markii danbe waxa ay isku badaleen dood oo ay markii danbe ka jawaabatay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia iyadoo iska indho tirtay arrimaha ay ka hadlayeen. Wakhtigaa yaraa qoraaladii soo baxay wuxu xasuus ku reebay isbadaladii geeska Africa ka socday ee ay sii sadaliyeen taasina waxa ay keeentay in Washington dib u eegis ku samay qorshayaashii ay ka lahayd Gobolka Geeska Africa iyo sidii loogu dhigi lahaa dariiq cusub “roadmap” sidii loo gaadhi lahaa nabad waarta iyo horumarka Gobolka Geeska Africa. Qoraalka Ambassador Cohen’s waxa xudun u ahayd laba arimood oo waawayn: Arinka koobaad waxa u ku tilmamay arinka odhanay in Eretria taageerto argagixisada in aan loo hayn wax cadayn ah oo an lagu sii magacaabi karin dalka tageera argagixiso “a state sponsor of terrorism“. Arinka labaad ee uu xusay Ambassador Cohen in si xirfadaysan Eretria uga guulaysaty Ethiopia oo u heshiisku horumar balaadhan ka helayso dalka Eretria. Ambassador Cohen’s arinka kale ee uu soo qaday waa Ethiopia in ay go’doon ku sii jirto oo anay waligeed helayn badda ay ku rajo waynayd. Inta badan aqoonyahanadu waxa ay isku raaceen in xisbigii Ethiopia ka talinaya ee TPLF/EPRDF ay sameeyeen qaladaad wawayn oo dhacay xiliyo kala duwanaa oo ay Eretria ku macaashtay oo kala ahaa:- dagaalkii ay ku go’day dalka Eritrea, Wakhtigii 1991-93, iyo dhamaadkii dagaalkii dhacay 1998-2000 Heshiiskii ay ku galeen Ethiopia iyo Eretria dalka Algeria 2000 ayaa waxa qoraal “petition” ka sameeyay aqoonyahano Ethiopian ahaa oo dhamaa 289 aqoonyahan taariikhdu markay ahayd April 2, 2002 “Ethiopian scholars and professionals” oo ay ku martiqaadeen xoghayihii hore ee qaramada midoobay oo uu ahaa Ambassador Kofi Annan, “the Former Secretary General of the United Nations” oo ay kaga soo horjeedeen heshiiskii ay wada galeen labada dal oo ay kulamo ku qabteen magaalooyin kala duwanaa UN u direen waraaq ay ku sheegayaan in heshiiskaasi ka hor imanayo qaraaradii dunida ka soo baxay oo ay si toosa u soo qadeen qodobo ka mid ahaa oo ay tilmaameen qodobadan hoos ku qoran oo uu dhigayay heshiiskii Algiers 2000 oo u dhignaa sidan:- Article 4 (1): – Consistent with the provisions of the Framework Agreement and the Agreement on Cessation of Hostilities, the parties reaffirm the principle of respect for the borders existing at independence as stated in resolution AHG/Res. 16(1) adopted by the OAU Summit in Cairo in 1964, and, in this regard, that they shall be determined on the basis of pertinent colonial treaties and applicable international law. Article 15: – The parties agree that the delimitation and demarcation determinations of the Commission shall be final and binding. Each party shall respect the border so determined, as well as territorial integrity and sovereignty of the other party. Minga Negash ayaa waxyabaha uu ku soo ururiyay qoraalkiisa ay tilmamayaan in anay marna suurta gal ahayn in 100 million ee Ethiopian ka ah anay ku sii jiri karin xalad go’doon ah, heshiiska ay Ethiopia la gashay Eretria aanu waxba kaga duwanayn heshiisyadii Ethiopia kula jirtay Djibouti, Somaliland, Kenya taasina anay ahayn wax itoobiya sii anfici kara Ethiopian u bahantahay badd. Sidaa darteed waxa ay taasi keentay in dib loo eego sidii an hore u soo sheegnay qorshayaashii geeska Africa dib loogu qabaynayay. Qorshayaa oo dhami waxa ay salka ku hayeen sidii Somalia baddeedaa dheer Ethiopia qayb uga heli lahayd iyada oo aduunyada ku taagerayso. Dalka USA xoghayihiisii arimaha dibada ee u qabilsanaa Africa Jendayi mar ay socdaal ka hadashay dalka Kenya waxa ay si cadaana u shegtay in anay marna suurta gal noqon doonin in 100million oo Ethiopian ah go’doon sii ahaadaan iyada oo ay jaar la yihiin dad 9milion ah oo haysta xeebta ugu dheer Geeska Africa. Washington iyo UN marwalba waxa ay isku dayayaan in ay dalka Ethiopia u helaan badd si walba oo ay ku heli karaan taas oo ayna Somalida geeska Africa degeni ka lahayn wax qorshe ah oo ay isku mashquulsantahay. W/Q: Yuusuf Habiib Hussein Xarunta Isbadalka Democradiyada Geeska Africa (The Center of Democratic Change in Horn of Africa) Yusuf.habiib@hotmail.com
-
Waxay ahayd 19kii Juun 1992, waa Garoowe, xilligaas waxay ahayd xarunta gobolka Nugaal, ma ahayn magaalo dhismo badan leh, waxaa camiray kumanaan qoys oo ka soo barakacay collaaddii qabiil ee ka taagnayd gobollada koonfureed iyo Waqooyi ee wadanka, waxaase markaas xarumo ku lahaa ururkii Al-itixaad oo ahaa ururkii Islaami ah ee ugu horeeyey xarumo askareed ku yeesha gudaha Soomaaliya. Ururkaasi wuxuu fadhiisin ku lahaa xeradii ciidamada ee 54aad ee duleedka toga Garoowe, shir madaxdii ururkii SSDF uga socday xarunta gobolka ayaa ay weerar ku soo qaadeen, iyagoo gacanta ku dhiggay 28 xubnood oo ka mid ahaa madaxdii ururkaas. Waxaase halkaas ka bilowday dagaal dhiig badani ku daatay oo socday muddo ku dhow sanad. Akhriste waxaan taariikhdaan kooban u soo qaatay talaabo geesinimo lahayd oo dagaalkaas lagu soo afjaray, qayb muhiim ahna ay ka qaateen culimada kala ahayd AHU Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, Sheekh Sheekh Cali Warsame, Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aways, goo’aankii ay ururkaas hubaysnaa ee Bari iyo Sanaag ka dagalamayey ay ku kala direen ciidankoodii wuxuu ahaa. “Dadkii ayaa laga dhex baxay, fadlan dadka dib ha loogu noqdo, waxna ha la baro, sidaas ayaan ku yeelan doonaa macne” Hadda waxaa laga joogaa dagaalkaas 27 sano, goobtu waa Garoowe, waa caasimadda dawlad goboleedka Puntland, 21 sano ayuu maamulkaasi jiraa, waxaa dhidibada u taagay hogaamiyihii ururka Al-itixaad la diriray. Talada maamulka maanta hayaa, markaan xuuraamay xubnaha baarlamaanka 42 ka mid ahi waa askartii ururkaas Al-itixaad, gollaha wasiirada marka laga reebo ragga odayaasha ah waa ururkii Al-itixaad askartiisii, ku dar madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirada kuwooda ugu muhiimsan, akhristow muhiim ma ahan inaan kuu wada magacaabo laakiin dadka maanta hogaanka u haya maamulka Puntland waa askartii ururkii Al-itixaad ee waagaas dagaalka ku jiray, weliba ma ahayn kuligood hogaanka ururkaas ee askartii dagalamaysay oo qaarkood ku dhaawacmeen weeye, xubin kastana adigu dib raac taariikhdiisii. Waa taariikh muhiim ah oo u baahan in wax laga barto, waxaa shaqaysay taladii culimadu maalinkas gaareen ee ahayd dadka ha lagu dhex noqdo, waana talo weli u furan ururada diinta sheega inay u dagalamaan ee weli dhiigga daadinaya, askartii ururkii Itixaad ee maalinkaas la kala diray, faa’iidada ugu badan ee ay heleen waa inay hadda maamulka dawli ee ugu badan ay ku jiraan, waxayse ku soo galaan hab qabiil, kumay soo bixin afkaarta ururkaas burburay lahaa. Ujeedka qoraalkayga? Isbedelka kale ee ku dhacay xubnihii ururkaas markay ku milmeen bulshada waxaa ugu weyn aasaaskii ururku lahaa oo ka tirtirmay, taasoo keentay in ururo kale qaybo ku biiraan, kuwo badani qurbaha aadan, halka in badan oo kalena ay arrimaha bulshada sida waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo hogaanka dhaqanka u bayreen. Waxaase jira xan aad u culus oo bulshada Soomaaliyeed haraadigii Itixaadka ku eedeeyaan, waana inay yihiin kuwa ugu musuqa badan markay timaaddo qabashada xil maamul, sidoo kale waxaa lagu xantaa gacan adayg oo waxa soo gala waxba kama bixiyaan, waxaana baxday hal hays caan ah oo leh “Markaad xoolo hesho Itixaad noqo si xoolahaaga aadan wax uga bixin” anniga waxaan ka hadlayaa waa waxa bulshada dhex yaal. Askartii Itixaad keliya kuma jiraan Puntland ee waxay ku jiraan dhamaan maamulada kale, Somaliland, Galmudug, Jubba land iyo Federaalka, waana lagu wada xantaa musuqa. Ururka Itixaad waagaas wuxuu ahaa kan dadku ugu kalsooni badan yihiin markay timaado aamanada, waxay maamulayeen dekedda iyo isbitaalka Boosaaso, waana mahadiyeen dadkii, waayo waxay ka ilaaliyeen eex, laaluush, xatooyo iyo wax is daba marin. Haddaba maxay ku dhacday astaantii wanaagsanayd ee ururkaasi lahaa in askartii ururku markay hogaamiyayaal wada noqdeen inay noqdaan kuwa ugu musuqa badan dadka. Waxaa jirta xigmad tiraahda caleenta geedka siday u cagaaran tahay ayaad aragtaa iyadoo cadaatay, goor ay cadaatayna ma garan kartid, waana sida dadku ula yaaban yihiin sida dadkii dhaqanka Islaamka iyo mabaadiida diinta lagu tuhmayey in lagu tilmaamo dadka ugu musuqa badan! Hogaanka cusub iyo gollaha wasiirada ee Puntland waxa laga dhowrayaa waa siday wax uga qabtaan musuq maasuqa ragaadiyey maamulka, hadda oo askartii Itixaadkii burburay hogaankii noqdeenna waxaa lagu sii eegayaa il gaar ah, ma wanaajin karaan muuqaalka laga haysto oo ah inay musuq iyo wadaniyad xumo ku caan baxeen oo ma soo celin doonaan aaminkii ay sameeyeen waagay bilowga ahaayeen?. W/Q: Maxamed Xasan Kayse25@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Reer Xamarku waxay ku maahmaahaan BERI SAMAAD WAA BADNAAYE NOLOL AA KA BADATAY, siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa mudo badan ayey is qarinayeen laakiin muraadkii ay doonayeen ayaa waqtigiisii ku dheeraaday. XAABADA MUUSE Sanad ka hor ayey ahayd markii Madaxweynaha Somaliland loo doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi, markii uu Xukuumadiisii soo dhisay oo labaan iyo dhowr wasaaradood ka koobnayd waxaa degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ciyi looga siiyey 3 Wasiir oo caato ah oo la rifay, waana kuwo lagu xushay mudeecnimo, kuwaas oo iyaga iyo dhowr Xildhibaan oo kale lagu xoojiyo Cayda Faysal Cali Waraabe ee Soomaalida, wax taageero ah oo ay degaamadooda ku leeyihiina ma jirto. Sida Faysal Cali Waraabe cadeeyey siyaasiinta SSC ee Hargeysa joogaa waa magan reerahooda la jooga, xaqna aan u lahayn inay siday doonaan rayigooda u cabiraan, qofkii waxaan la jeclaysan ku hadlana orod Qardho aad ayaa hortaala. XULKA SICIID DENI Sanad kadib waxaa Madaxweynaha Puntland loo doortay Siciid Cabdillaahi Deni, isagoo shalay Xukuumadiisii oo 18 Wasaaradood ah ku dhowaaqay, Reer Khaatumo waxay ku leeyihiin 5 Wasiir, 5 Wasiir kuxigeen, iyo 2 Wasiiru Dawle, kuwaas oo ah xubno xul ah oo taariikh halgan bulshada dhexdeeda ku leh. Sida Madaxweyne Kuxigeen hore Cali Sabarey, Gudoomiye kuxigeen hore Yuusuf Shirtag, Ismaaciil Diiriye Gamadiid, waana hubaal inay hananayaan taageerada shacabka SSC, taasoo Madaxweynaha Puntland Deni u suurtagelin doonta in degaano badan oo Somaliland horey diiwaangelin iyo codbixin uga sameysay aanay dib dambe si nabadgelyo ah uga suurtoobi doonin iyo inaan ciidamada Somaliland nabad ku negaan doonin duleedka Garoowe. Saami Qaybsiga Somaliland wuxuu cidkasta u cadeynayaa inaan Somaliland la wada lahayn, shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayna wuxuu u bayaamiyey xaqiiqada dhabta ee ku duugan gooni-isutaaga Somaliland iyo in beeli kula kacdo wixii ay ka dagaalantay. Sidoo waxaa ku khasaaray Siyaasiyiinta Burco iyo Hargeysa ee iyaga oo aan muraadkoodii gaadhin is muujiyey, ciyaartiina waa bilow oo weli ma dhowa. Chief Caaqil Khaalid M Muuse Dhiil mwfreepress@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay xaaladda amni daro ee kusoo korortay maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho. Yuusuf Madaale, ayaa ugu horeyn sheegay in magaalada Muqdisho labadii todobaad ee lasoo dhaafay inay kusoo kordheen dilalka qorsheysan, qaraxyada dadka loogu xiro iyo bambooyinka lagu weeraro fariisimaha ciidamada dowladda. Wuxuu sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay muddo la noolaayeen falalka amni darada ah ee ka dhacaya caasimada, balse hadda loo baahan yahay in wax ka badalid lagu sameeyo hanaanka lagu sugayo amaanka Caasimadda. “Beryahan dambe waxaa soo kordhay amni darada Muqdisho, ama dilalka qorsheysan ha noqdaan ama bambaanooyinka ha noqdan ama miinooyinka ha noqdaan, waa daruuf Soomaalida Muqdisho ku nool in muddo ahna ku noolaayeen, waxaa loo baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado”. “Tayadiisa ayaa laga yaabaa inaysan gaarsiisneen halkii laga rabay, cadowga meesha uu jooga in lagula dagaalamo ayaan qabaa, waa la yaqaanaa cadowga Meesha uu joogo, waa in halkaasi lagula dagaalamaa”ayuu yiri Mr Madaale. Guddoomiye Madaale dhibaatooyinka hadda ka jira magaalada Muqdisho ayuu sheegay inay ka jireen waqtigii uu guddoomiyaha ahaa, balse hadda loo baahan yahay in wax iska badalaan amaanka maadaama dowladda Soomaaliya ay degen tahay. Labadii maalin ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lala eegtay ciidamada AMISOM, dad xilal haya iyo dad rayid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
SHIRKA XISBIGA KULMIYE EE BORAMA MA WAXA UU NOQON DOONAA MID SHAADH LEEG LOOGU SOO TOLAYO GUDOOMIYAHA XISBIGA EE XILIGAN , MA WAXA KALE OO UU NOQON DOONAA MID LAGU SOO DOORANAYO HORJOOGEYAAL DAACAD U AH GUDOOMIYAHA SIDII CAADADA U AHAYD AXSAABTA ? Jawaabaha su’aalahan waxa ka jawaabi doona wakhtiga , akhriste adiguna waad isku dayi kartaa in aad aragtidaada ka dhiibato , hadii aad tahay dadka siyaasada somaliland aad ula socday sooyaalkeeda axsaabta iyo habdhaqanka ay caanka ku tahay , waxa aan aaminsanahay in aad saadaalin karto waxa ka soo baxaya shirweynaha golaha dhexe ee xisbul xaakimka kulmiye ku qabsanayo magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama dabayaaqada bishan February. Xisbiga Kulmiye oo ahaa xisbigii ugu cududa waynaa somaliland intii ka dambaysay geeridii madaxweynihii labaad ee somaliland iyo aasaasihii xisbigii Udub Maxamed Ibraahim Cigaal Alle ha u naxariisto e, waxaana isugu tagey wakhtigaa haloorkii iyo waxgaradkii reer Somaliland intoodii badnayd , haddaba waxa aad moodaa in uu marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayo. Waxyaabaha hoos u dhaca keenaya sida aynu waayo araga u nahay waxa ka mid ah tartan la’aanta axsaabta siyaasada somaliland dhexdooda ka jirta , waxaana tusaale nool inoogu filan madaxweynaha somaliland ee hadda mudane Muuse Biixi Cabdi lagulama tartamin gudoomiyenimada xisbiga iyo murashaxnimadii madaxweynaha ee xisbiga kulmiye gudihiisa , arinkani waa mid ka mid ah waxyaabaha asxsaabtu ay u waayaan taageerada shacabka amaba ay dhici karto in xisbiguba ku burburo. Arinkani waa kii ku keenay isaga oo KULMIYE xisbul xaakim ah oo waliba xisbigii somaliland ugu tunka waynaa ah in uu cidhiidhi galiyo doorashadii ugu dambaysay ee somaliland xisbigii ugu da’da yaraa axsaabta siyaasada somaliland ee WADDANI. Waxaa hore inoo soo maray tusaaleyaal aynu aynu wax ka baran karno, kuwaasi oo uu ka mid yahay xisbul xaakimkii hore ee somaliland ee UDUB halka uu ku dambeeyay iyo sida uu saaxada siyaasada uga baxay kuna burburay, sababahan soo socda ee aan halka horena ku soo sheegay waa kuwa ugu waaweyn ee hanaanka dimuqaradiyada iyo axsaabta siyaasada somaliland ku ah caqabadaha iyo koriin la’aanta ee hagaasiyey markii aan in badan u raadinayey waxa ay u kori laadahay dimuqaradiyada iyo axsaabta somaliland iyo caqabadaha haysta; Hadii xisbiga gudihiisa laga waayo tartan si xor ah oo dimuqaradi ah loogu dhex tartamo oo lagu kala calaf qaado. Hadii aanay axsaabtu xeerarka iyo shuruucda u qoran raacayn oo aanu xisbiguna ahayn mid sharcigu si siman u qabanayo hogaanka iyo xubnaha. Hadii aanay axsaabtu aheyn qaar gudahooga lagu kala aragti duwanaan karo oo la doodi karo la iskuna ixtiraamayo kala duwanaanshaha fikirka iyo ra’yiga. Hadii aaanay axsaabtu noqon wax lawada leeyahay oo dadka ku jira iyo kuwa taageersani lexojelo kawada haynin oo aanay u arkeyn hanti ay wada leeyhiin. Hadii aanay noqon axsaabtu qaar dhibta iyo dheeftaba ay wada leeyihiin xubnaha xisbiga iyo taageerayashoodu haba la kala badsado e . Hadii aanay axsaabta siyaasada somaliland noqon qaar ay ka dhadhamayso oo ka muuqato waxii aynu u samaysanay axsaabta siyaasada somaliland oo ahaa in lagaga baxo qoqobka iyo qabiilka oo la isku raaco barnaamijyo iyo mabaa’dii. Waxa ay dhamaantood noqon doonaan qaar hagaasa oo kori waaya waxaana ay madhalays ka dhigayaan mustaqbalkii iyo hanaankii dimuqaradiga ahaa ee dalkani qaatay, arimahan oo ah qaar aan inoo wanaagsanayn oo rajadii umada iyo dalkaba wiiqaya.. Waxa dhacaysa hanaankii iyo nidaamkii aynu ku soo tacaynay 18 sano ku dhowaadka in uu inaga noqdo mid inaga saariwaayey waxii aynu axsaabta siyaasada u samaysanay oo ay Somaliland ka dhaqaaqi waydo halkii ay ka soo guurtay iyo in wax loo doorto qaabkii hore ee beelaha. In badan oo horena aad baan wax uga qoray hadda na dib ayaan idiin xasuusinayaa ee axsaabta siyaasada somaliland waa hanti qaranka Somaliland leeyahay, waxa ay u baahan yihiin in dhaqaale wanaagsan miisaaniyada qaranka loogu darro si ay u noqdaan qaar koraya oo uu maamulkoodu iyo dhismahoogu uga muuqdo ilaa heer tuulo. Waxa ay ka mid yihiin axsaabta siyaasadu quruxda iyo muraayada uu qarankani isku daawado waxaana ay ka mid yihiin rukunada dawladnimada iyo dimuqaradiyada amaba nidaamka doorashooyinka xorta ah ee ay muwaadiniintu ku soo xulanayaan (5)sanadoodba hal mar hogaankii qarankan gadhwadeenka ka noqonayey, hay’adihii shuruucda iyo xeerarka lagu shaqeynayo soo saarayey iyo adeegayaashii bulshada sida dawladaha hoose oo kale. Taladaydu waxa ay tahay in aan laga aamusin qalooca iyo waxkasta oo axsaabta siyaasada somaliland foolxumo ku keenaya ilaa aynu gaadhayno ujeedooyinkii laga lahaa ee muhiimka ahaa, oo aanay inaga noqon qaabka ay maanta u badan yihiin u eeg kaabad ama salaan kuraasida lagu gaadho ama lagu fuulo oo kaliya. Aragtidii muwaadin Muhammad Dhimbiil Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Puntland ayaa magaalada Bosaaso ku soo bandhigay Ragii ka dambeeyay dilkii Ganacsade Salaad Cabdi Cukaashe . Raga dilka gaystay ayaa qirtay in ay falkan ka dambeeyeen, iyagoona sheegay in ay ku dileen Mobilkii uu watay . Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Je. Muxiidiin Axmed Muuse oo Bosaaso kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradan ciidamada ay u suurta gashay in ay soo qabtaan kadib baadi goob xoogan oo ay sameeyeen . Amaanka magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udabeeyay ahaa mid faraha ka baxay tan iyo wixii ka dambeeyay dilkii maamulihii shirkada P&O ee dekeda Bosaaso. Ciidamo uu hogaaminayo Taliyana ciidamada Booliska Puntland ayaa lageeyay magaalada si ay amniga u soo celiyaan,waxayna sidookale Bosaaso .
-
Golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta sabtida ee ku beegan 16-ka bishaan Febraayo, waxaa la horgeyn doona xildhibaannada Baarlamanka, si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaa Axaddii la soo dhaafay magacaabay, xukuumad ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, kadib markii uu wada-tashiyo kala duwan la yeeshay dhinacyada ay khusayso. Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa la filayaa in Sabtida ay si wadar ah codka kalsoonida ugu qaadan wasiirada cusub, maadaama ay hore u ansixiyeen go’aankaasi. Inkastoo mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ay ku kala aragti duwan yihiin, habka buuxinta awood-qeybsiga ee xukuumadda cusub, hadanna waxa la filayaam in ay kalsoonida siiyaan, maadaama aysan badneyn xildhibaannada mucaaradsan. PUNTLAND POST The post Xukuumadda cusub ee Puntland ma heli doonta kalsoonida Baarlamanka? appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka hadlay wasiiradii hore ee Maamulkaas ee ka dagay Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in wasiiradaas ay ugu dambeyn dowladooda kasoo codsan doonaan in la cafiyo isla markaasna ay deegaankooda dib ugu soo noqonayaan. Wasiirka ayaa sheegay in Wasiiradaas ay shaqo tag yihiin isla markaasna ay Muqdisho u tageyn sidii ay lacag usoo heli lahaayeen. Wuxuu wasiirka sheegay inay Wasiiradaas u fiicneyd inay tagaan Kismaayo iyo meelaha kale oo uu sheegay inaysan qarayada ka dhicin. Wuxuu sheegay inay tageyn meel maalin kasta ay qaraxyada ka dhacaan isla markaasna wuxuu ku tilmaamay kuwa naftooda halis geliyey. Wasiirka ayaa sheegay inaysan wax welwel ah ka qabin tagitaankooda Muqdisho ayna aaminsan yihiin inay mar dhow cafis soo waydiisan doonaan Somaliland. Magacyada xubnaha ka socda Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah; Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland, Khadar Axmed Diire Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Caddaaladda. Waxaa kale oo dadkan ka mid ah Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday. Qofka kale oo isna la xaqiijiyay in uu wasiirradii Siilaanyo ka mid ahaa hayeeshee aan magaciisa la xaqiijin ayaa ka mid ah,waxaa kale oo ku wehliya xubno u badan dhallinyaro oo u soo wareegay Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa magacaabay wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, sida ku cad qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Hoos ka akhriso magacyada wasiirada The post Madaxwaynaha KG oo dhameystiray Gollahiisa Wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Abdi Sheikh Abdulle Abdi Mohamud stands outside Somalia’s National Theatre seven years after a suicide bomb attack shut it down, and dares to dream of an unlikely second act for the venue – and his own acting career. Around him, builders heave loads of cement, saw at wooden scaffolding and shift piles of rubble as they prepare to reopen the building in May, even as the Islamist insurgency rages on. Organisers say they will premiere a classic Somali musical extravaganza titled “Caretaker Government”, though precise details of the production are still under wraps. Mohamud is hoping to get a role – a comic role. “Although I grew old, I am still strong … I will act better than before,” says the greying 59-year-old, who performed in the theatre several times before its dramatic closure. “In the past, we have been fleeing and thinking about survival. Now people want entertainment and plays … We have hope now.” Hope is a precious commodity in Somalia, which has been mired in turmoil for decades – as has its national theatre. The building opened in 1968, eight years after independence from Britain, and treated its first audience to a comedy called “Womanizer”. Productions took on a more patriotic tone during war with neighbouring Ethiopia in the 1970s. Bellicose musical shows featured songs such as “Oh my land, if I do not wash your face with blood, I am not Somali,” says current director Osman Abdullahi Gure. “WISDOM AND ENTERTAINMENT” After the overthrow of president Siad Barre in 1991, clan-based warlords blasted each other with anti-aircraft guns and fought over the theatre, which they used as a base. The building was hit so many times that the roof collapsed a year into the conflict. Islamist militants who seized control in 2006 took over the building. They banned all forms of public entertainment – from concerts to football matches – that they considered sinful. African Union peacekeeping troops clawed back control of the capital in 2011 and the new Western-backed Somali government reopened the venue the following year. But just three weeks after that, a suicide bomber from the Islamist al Shabaab insurgency struck during a ceremony, killing six people. Today, Somali soldiers still use the theatre as a base, guarding the city and the nearby presidential palace from al Shabaab, which launches sporadic attacks. But, if all goes well, the soldiers will be replaced by thespians in the next three months. The government and local businesses have clubbed together to raise $3 million for the restoration. State workers have offered cash and their own labour, said livestock ministry official Mohamed Omar Nur, who is on site helping out. “We hope that the theatre will … be a place that will provide wisdom and entertainment, and hopefully it will also regain its reputation,” says director Gure. The soldiers will move out once the work is finished, but they will still be nearby to protect audiences and actors, he adds. “Security at the theatre will be assured just like it is in any building in Mogadishu. God willing, we shall secure the theatre.” Writing for Reuters by Omar Mohammed; editing by Katharine Houreld and Andrew Heavens)
-
Makkah (Caasimada Online) – Waxaa baraha bulshada si weyn loogu hadal hayey dood ka dhalatay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo shalay ku tukaday Kacbada Sharafta leh dusheeda, markii uu halkaasi la tegay ciidamada faro badan. Dhaxal-sugaha ayaa booqday Kacbada, iyadoo ay la socdaan mas’uuliyiin iyo ciidamadii amniga ee ugu badnaa, waxaana kacbada laga saaray dhammaan dadkii ku sugnaa xilligaasi si uu isaga keligiis ugu noqdo. Waxaa la arkayey Maxamed Bin Salmaan oo dusha sare ee Kacbada ku tukanaya iyo isagoo dhunkanaya Dhagaxa Madow ee la barakeysto, waxayna taasi dhalisay iyo sawirrada iyo muuqaalladiisa lagu baahiyo baraha bulshada oo si weyn looga hadlay. Dadka qaarkood ayaa arrintaas ku sheegay inuu isaga dhaqayo dhiigii saxafiga uu dilkiisa ka danbeeyay ee Jamal Kashoqgi, halka qaar kale ay ku amaaneen inuu booqdo Kacbada. Maxamed Bin Salman ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo fuulay kacbada korkeeda marka laga reebo Bilaal Ibnu Rabaax oo uu Rasuulka amray inuu fuulo kacbada markii Gaalada laga furtay Magaalada Makka Al-Mukarama. Bilaal ayaa kacbada korkeeda ku fuulay amarka Rasuulkeena CSW, waxayna dadka qaar ku tilmaameyn falka uu sameeyey Maxamed Bin Salmaan arrin kibir iyo isla weynin ah.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa soo dhameystiran liiska golaha wasiirada maamulkiisa, kadib markii todobaad ka hor uu soo magacaabay wasiiro kooban. Madaxweynaha ayaa laga sugayay muddooyinkii ugu dambeeyay soo dhameystirka wasiirada maamulkiisa, waxaana wadatashi uu u yimid magaalada Muqdisho isaga kadib ku laabtay magaalada Baydhabo. Hoos ka akhriso golaha wasiirada Koofur Galbeed.
-
Popular Contributors