Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,406
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa sheegaysa in Madaxweyne Yuweri Museveni uu imaanayo Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya. War ay baahisay Madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Uganda uu booqasho ku tagi doono Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Museveni ayaa waxaa uu kulan Magaalada Addis Ababa kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu dhisto Ciidan Soomaali ah oo iskood u shaqeeya. Waxaa uu sheegay in Ciidamadaasi dhismahooda kaddib iyada oo lala kaashanayo Odayaasha qabiillada ay muddo labo Sano ah noqon karaan Ciidan qaran. Casuummadda Museveni ayaa lagu micneeyay in uu arko horumarka dhinaca siyaasadda,Dowlad wanaagga iyo ammaanka Soomaaliya ka jira. Mr Museveni ayaa dhawaan isaga oo ka hadlayay Magaalada Kampala waxaa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqeysa, taas oo uu dhaleeceyn badan kala kulmay dadka Soomaalida ah inkasta oo dowladda Federaalka aysan jawaab rasmi ah ka bixin hadalka Museveni. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
  2. Muqdisho(SMN)- Safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu uga hadlay arimo ay kamid yihiin taageerada horumarinta dhanka dhaqaalaha ee Soomaaliya. “ Howgalka Mareykanka ee Soomaaliya waxa uu ku faanayaa taageerada uu siiyo dadka iyo dowlada Soomaaliya,si loo helo mustaqbal fiican oo Soomaaliya ay hiigsato,iyadoo u mareysa kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka“ayuu yiri Mr Yamamota. Sidoo kale waxa uu sheegay in lacag gaareysa 74 Milyan oo Dollar ay ugu deeqeen Soomaaliya,si loogu hormariyo barnaamijyada kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. Mr Yamamoto hadalkiisa intaas ku daray in Mareykanka dib ugu soo laabtay Soomaaliya,si uu uga caawiyo dhinacyada shaqo abuurka,isla markaana ay rajeynayaan in Soomaaliya ay diyaar u tahay ganacsi daah furan. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay caawin doonaan ganacsiga gaarka loo leeyahay,sida kaluumeysiga,beeraha iyo xoolo dhaqatada sis are loogu qaado wax soo saarka dalka. Si kastaba ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili tobanaan sano kadib dowlada Mareykanka ay dib uga furtay saafaradeeda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. The post Mareykanka Oo Xoojinaya Taageerada Uu Siiyo Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Ilhaan cumar oo katirsan golaha aqalka Sanatka ee dalka Mareykanka ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray madaxweyne Trump. Qoraal ay Twitterkeeda ku qortay Ilhaan Cumar ayeey kaga hadashay arimo ku saabsan taageerada Mareykanka uu siiyo Yahuuda. Hadalkaaasi waxaa ka carooday madaxweynaha Mareykanka Trump oo ugu baaqay Ilhaan in ay is casisho. Ilhaan ayaa si kulul arintaaasi uga pjawaabtay qoraal ay soo dhigtay twitterkeeda. ‘Weligaa waxaad ku socotey nacayb ka dhan ah Yuhuudda, Muslimiinta, dadka asaliga ah, soo galootiga, dadka madowga ah iyo in kale Anigu wax baan ka bartay dadkii uu warkaygu saameeyay adigu goorma ayaad baran doontaa?” ayay Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan Cumar. Ilhaan Cumar aayaa raaligalin ka bixisay eedeeyn loo soo jeediyay oo ah yahuud naceyb inkastoo Trump uu san ku qancin. Puntland Post The post Ilhaan Cumar oo si kulul ugu jawaabtay Trump appeared first on Puntland Post.
  4. Somali air force has marked its 59th anniversary since inception in 1960 after the country gained its independence from British and Italian colonies. The event which was colorful kicked off with the march of the band group. Somali military chief, General Dahir Adan Elmi has congratulated the forces for their commitments to serve the nation. “I want to extend my gratitude to all the members serving Somali air force. I wish them success in their work all times,” he said. The Somali air force was established in 1960 as part of protecting the country from internal as well as external aggression. It carried out its greatest operation in the theatre of humanitarian relief when it flew tonnes of aid to tens of thousands of people facing disaster from floods in 1962 and prolonged drought in 1974. Following years of civil war, it was disbanded after the fall of late President Siad Barre. It was rejuvenated in 2010 with the authority of a new Somali central government with training of its officers taking place in Turkey and Djibouti. The post Somali Air Force marks 59th anniversary appeared first on Shabelle. View the full article
  5. The president of Southwest state of Somalia, Abdulaziz Hassan Mohamed alias Laftagaren has appointed another ten new cabinet ministers on Wednesday. The new list with ten ministers and their deputies makes the total number of regional state cabinet 50. The state leader who was himself elected on December 19 last year said the decision to complete cabinet appointments was made following consultations with the regional parliament and civil society groups. The list will be submitted to the regional parliament for approval in forthcoming days. The regional leader has pledged to embark on reconciliation, improved security, better healthcare, and free education during his campaign. The post Southwest state president completes cabinet members appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Kooxaha kubadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Dekedda ayaa wada ciyaaridoono kulamadooda labaad horyaalka Somali Premier League olalaha 2018-2019 Dekedda oo ah kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ayaa kulankoodii 1-aad horyaalka waxa ay barbaro goolal la’aan la gashay xidigaha Gaadiidka,halka wiilasha Jeenyo ay 1-0 kaga badiyeen dhigooda Muqdisho City Club taas oo dhiiri gelin siisay tababar Tahliil. Xaqiiqooyinka Ciyaarta Ka Hor -Axmed Tahliil Cali ayaa klankii 2-aad,isagoo macalinka 1-aad horyaalka Somalia Premier League ka hortagaya kooxda xafidanaysa horyaalka waana imtixaankii 2-aad uu maray Tababare Tahliil ka dib markii Todobaadkii 1-aad ay kooxdiisa 1-0 kaga adkaatay M.C.C. -Daa’uud Tubaal,Feysal Xasan Xaashi iyo Cabdi Casiis Catoosh ayaa ka hortagaya kooxdoodii hore ee Jeenyo waxayna Dekedda la hanteyn horyaalka Somali Premier Lague iyo Somali Super. -Macalin Axmed Tahliil ayaa wajahaya xidigo ay waqti wanaagsan kusoo wada qaateyn safka Jeenyo waqtigii u ahaa kabtanka Jeenyo waase tan Xiisaha u yeelaysa kulanka adaga Kulamadii U Danbeeyay Labada Koox 12/02/2018 Jeenyo FC 0:2 Dekedda SC 11/04/2018 Dekedda SC 3:0 Jeenyo FC 13/02/2017 Jeenyo FC 2:2 Dekedda SC 27/03/2017 Dekedda SC 4:0 Jeenyo FC 15/02/2016 Jeenyo FC 3:1 Dekedda SC 06/05/2016 Dekedda SC 1:0 Jeenyo FC 19/02/2015 Dekedda SC 0:1 Jeenyo FC 21/05/2015 Jeenyo FC 3:0 Dekedda SC 11/07/2012 Dekedda SC 1:1 Jeenyo FC 27/10/2012 Jeenyo FC 1:1 Dekedda SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Horyaalka Somali Premier League Kooxaha-L.L.P Jeenyo VS Dekedda Tariikhda-14-02-2019 Maalinta-Khamiis Saacada:-3:30pm Garoonka-Banaadir Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Wararka maanta ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad cabsi ku beertay shacabka ku dhaqan degmadaasi. Xiisaddan ayeey u dhaxeysaa guddoomiyaha degmada Baardheere iyo ku xigeenkiisa waxaana ay ka dhalatay go’aan uu shalay ku dhowaaqay madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan. Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiyahii hore ee Baardheere u magacaabay guddoomiye si loo xalliyo khilaaf muddo taagnaa, hase ahaatee waxaa taasi ka carooday ku xigeenkiisa. Guddoomiye ku xigeenka oo ciidan wata ayaa shalay la wareegay xarunta degmada, iyadoo dhanka guddoomiyahana la sheegay in ciidankiisa doonayeen iney degmada dagaal ku qabsadaan. Cabsida weli ma aanay dhammaan sababtoo ah waxbo lama xallin, xaaladuna waa ay kacsan tahay. Waxgaradka ku dhaqan degmada Baardheere qaarkood oo u warammay Goobjoog waxa ay ka codsadeen madaxda sare ee Jubbaland in xaaladda degmada ay wax ka bedalaan, islamarkaana aan shacabka lagu dul dagaallamin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada online) – Taliska Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM aya shaaciyay inay wax badan ka badaleen howlgalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab, islamarkaana la dajiyay qorshe cusub. General Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM ayaa shaaciyay iney diyaariyeen hanaan cusub oo lagula dagaalamayo Al Shabaab, waxaana uu sheegay in qorshaha koowaad uu yahay in la beegsado kaliya xarumaha rasmiga ah ee Al Shabaab, Taliyaha ayaa sheegay inay isla garteen in meesha laga saaro qorshihii hore ee ahaa in hal mar ciidamo tiro badan iyo gaadiid ay weeraraan Al Shabaab, kuwaasi oo qaraxyo waddooyinka loo geliyo iyo weerar dhabo gal ah Al Shabaab kala kulmi jiray. Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha uu qeyb ka yahay in Albaabada loo laabo saldhigyo AMISOM ku leeyihiin gobolada dalka, waxaana ugu horeeya ciidamada Burundi oo ka bixi doono Shabeelaha Dhexe. Qorshaha Cusub ee uu la yimid taliyaha AMISOM oo magacaaban 14 Maalin ayaa waxaa ku raacay saraakiisha kale ee AMISOM, waxaana la filayaa inay dhaqan geliyaan. Taliyaha wuxuu sheegay in qorshaha qeyb ka tahay in ciidamada AMISOM ay ku duulaan goobo cayiman oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin, kadibna ay dib ugu laaban doonaan halkii ay kasoo dhaqaaqeen. Qorshaha ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay qorshaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandoonka Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida Ciidamada AMISOM sidaasi oo kale u sameyn doonaan, maadaama aysan heysan diyaarado iyo hub casri ah. Caasimada Onlin Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Maanta oo ay ku beegan tahay 14 February, ciidanka cirka ayaa u dabaaldegaya 59 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aaskooda. Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu weyneynayo maalintan oo sanad walbo loo dabaaldego. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa hambalyo u diray ciidanka cirka isaga oo sheegay in dib u habeyn ballaaran lagu sameynayo maadaama dhowaan kusoo biireen dhallinyaro fir-fircoon. “Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa Hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo u dabaal degaya Sanadguurada 59Aad ee Aaskooda” ayuu yiri taliyaha. Taliska ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid awood xooggan leh, balse burburkii kadib weli waxaa lagu howlan yahay tayeenta ciidankaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Mid ka mid ah wasiiradii uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay. C/salaam C/laahi Yalaxow Catoosh oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka kana mid ah mudanayaasha baarlamaanka K/galbeed ayaa xilkaasi iska casilay. Sababta Catoosh isku casilay ayuu ku sheegay in beesha uu kasoo jeedo aanay xilkaasi u qalmin ayna filanayeen in wasiir buuxa la siiyo. Waxa uu tilmaamay in haddii ay waayeen ka beel ahaan wasiir buuxa aanay waxbo u tareyn xilka wasiir ku xigeenka. Dhanka kale, Xildhibaan Catoosha ayaa ugu hambalyeeye wasiirada cusub xilalka loo kala dhiibay, wuxuuna ugu baaqay in ay gutaan waajibka saaran. C/salaan C/laahi ayaa ka mid ahaa wasiiradii shalay uu soo magacaabay madaxweyne Lafta Gareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay shirkii Midowga Afrika gaadhsiiyeen farriimo ku saabsan qaddiyadda Somaliland. Mar uu ka hadlaayey Shirka Afrika iyo qadiyada Somaliland ayaa wuxuu yidhi“Qadiyada Somaliland meel wanaagsan bay maraysaa, qadiyada Somaliland waa qadiyad uu Caalamka ka wada dharagsan yahay, Shirkii Afrika ayaanu ka nimid, Shirkana Afrika qadiyadeena aad baa loola socday, oo looga dharagsanaa, qadiyadeena iyo waxaa inoo hirgalay waa mid Caalamku inooga markhaati furay, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadato waa hubaal in rajadeena iyo hamigeenu dhab noqon doono, si rasmiyana u heli doono waxaynu rabno, laakiin waxaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba leeyahay marnaba ha niyad jabina ee qadiyadiina iyo qaranimadiina sii xoojiya, Xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay dariiqa ay doontaba ha nagu qaadatee in aanu kaga dhabeeyno rajada Shacabkayaga”. Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa yidhi “Siyaasadda Xukuumadda waxaa ka mid ah in aanu mar walba awooda saarno sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Caalamka, dhabihiina waanu ku taagan nahay, oo imika waxaa jira Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamka oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, waxaana rabnaa in aanu cid walba ku qancino jiritaanka Somaliland”. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi oo cusbitaalka hargeysa u dhex jiifa xaalad caafimaad oo lasoo daristay ayaa farriin u diray taliyaha ciidanka booliska, waxaana uu sheegay inuu waayay waajibaadkii uu ku lahaa taliskiisii ciidanka ee waa sida uu sheegaye mudada afartanka sano ka badan ka tirsanaa. Gaashaanle Dhexe Jaamac Caasi ayaa farriintiisa uu ku socodsiinayo taliskii uu ka tirsanaa, waxa uu ku bilaabay sidan; “Waxaan ciidanka booliska ku soo biiray 1977-kii, intaa waxaan ahaa xubin boliiska ah, waxaan lahaa talis, waxaan lahaa xudun, waxaan lahaa meel aan ku arooro, waxaan lahaa meel I xanaanaysa. Boliiska waxa ku yimaada dhibaatooyin aad iyo aad u culus, kuwa aniga iyo yimid waxa ka mid ah Rasaas, budh, dhabarkoo la iga jabiyay baa kamida. Dhibaatada maanta I haysataa waxay noqotay, waxaan waayay meeshaydii, taliskaygii baan waayay, waxa la I dhexdhigay oo aan muddo bil ah dhex aalaa dad odayaala oo gaboobay, marba meel baa la ii jiidayaa oo la ii rarayaa, markaa dhibkaygu wuxuu yahay, waan waayay meeshii aan afartanka sanadood ku aroorayay ee hilowga badani ii hayay ee aan islahaa waa meesha ku aasi doonta, waan waayay. Aakhiro wax laysuma ahee, waxaan idin leeyahay, haddaan dhinto ha I aasina.” Ayuu yidhi Gaashaanle dhexe jaamac caasi Gaashaanle dhexe Jaamac caafi , Farriintana waxa uu diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi “Madaxweynaha waxaan leeyahay, waxaanu u baahan nahay inaad dhakhtar noo dhisto, oo dhakhtar na daweeyo, dhakhtar boliis ahi na dhayo, oo aannu helno dhakhtar ciidanku leeyahay oo aannu leenahay. Ninkaygaa sarkaalka ah ayaa waxa I muday inan, markuu irbadii iga saaray buu igu yidhi; adeerow ma I garanaysaa’? markaasaan idhi adeer ku garan maayee kumaad ahayd? Markaasu I yidhi; barigii la gubay ceelashii Boorame, inamadii aad eryatay eed buurta kala baxday ayaan ka mid ahaa, dabadeedna irbadii baa I damaqday!!!. Way I damaqdayoo waxaan odhan lahaa boolisku wuxuu leeyahay cadow badan, intaa waxbuu eryanayaa, xidhayaa, qabqabanyaa, haddii kuu eryanaayay meel loo dhigo, waa nasiib-darro. Markaa madaxweyne, waxaan ku leeyahay, booliska dhakhtar ha loo dhiso, nin boolis ahi dhakhtar ha u noqdo booliska.” Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Mombasa(SMN)- Saraakiisha amaanka ee magaalooyinka Mombasa iyo Kwale ee woqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay howgalin doonaan dagaalyahano horay uga soo goostay Al-shabaab si ay uga hortagaan weerarada magaalooyinkaasi ka dhaca. Taliyaha booliiska magaalad Mombasa Evans Achoki ayaa tilmaamay in ciidamada ay tababareen ay hogaamin doonaan howlgalada ka dhanka ah la Al-shabaab ee ka bilaaban doona magaalooyinka Kwale iyo Mombasa. Todobaadkii la soo dhaafay maamulka magaala xeebeedka Mombasa ayaa sheegay in ciidamadaasi ay si hoose ula shaqeyn doonaan laamaha amaanka ,si ay uga caawiyaan ka hortaga weerarada ay soo maleegaan Al-shabaab. Mr Achoki ayaa sheegay in ololahaasi lagu xaqiijinayo amaaanka magaalooyinka Mombasa iyo Kwale ay bilaaban doono 26-ka bishan. Si kastaba ha’ahaatee howlgalkan ka bilaaban doona magaala xeebeedka Mumbasa iyo magaalada Kwle ayaa waxaa maal galinaya ururka Midowga Yurub,si loo yareeyo qatarta Al-shabaab oo weeraro ka geysta dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata uu shirkii Midowga Africa ee lagu qabtay magaalada Addis Abbaba ka sheegay in awooda Al-shabaab ay ku sii fideyso dalal badan oo dhaca geeska Africa,sidaas darteedna ay muhiim tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah. The post Maamulka Magaalada Mombasa Oo Adkeynaya Amaanka Magaaladaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo uu ku weheliyo wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahin Shirwac oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka jamuuriyada Jabuuti ayaa maanta la kulmay raysal wasaaraha Jamuuriyada Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay ku weheliyaan wasiirada khayraadka Biyaha iyo waliba ciyaaraha ee dawlada Jabuuti. Kulankani oo nuxur kiisu daaranaa sidii labada dal waa Jamuuriyada Somaliland Iyo Jamuuriyada Jabuutiye ay iskala wada shaqayn lahayeen dhanka Iskaashiga geeska, amniga iyo waliba xoojinta xidhiidhka labada dal ayaa ahaa mid ay masuuliyiintu kulan saacado qaatay ay ku wada shireen xafiiska Raysal wasaaraha Jamuuriyadda Jabuuti Abdiqaadir Kaamil Maxamed. Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo waftiga hogaaminayey ayaa sheegay in ay labada dal ay yihiin laba dal oo walaalo ah taasina ay keentay in ay kulamadan ay la yeelanayaan madaxda sar sare ee Jamuuriyada Jabuuti ay bud-dhig u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka Salel ayaa waxa ay si adag uga hadleen xaalad colaadeed oo ka taagan gobolka Sool iyo dad loo xidh-xidhay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-London)-Waxaa qalliin lagu guuleystay oo lafdhabarta ah lagu sameeyay ilma yar oo aanan wali dhalan. Bethan Simpson, waa haweeney 26 jir ah, waxaa loo sheegay in gabadheeda caloosha ku jirta baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday toddobaadkii 20-aad in lafdhabartu kala baxsan tahay. Hooyo Simpson ayaa noqotay mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay dalka UK ee lagu sameeyo qaliinkii ugu horreeyay ” ee toosinta uurjiifka” Qaliin ilmagaleenka ah oo soconayay afar saacadood ayaa uur-jiifka banaanka loo soo saaray, iyada oo dhaqaatiirta qaliinka wadayna ay ku toosiyeen qalooc ku jiray qeybta hoose ee lafdhabarta. Mrs Simpson ayaa sidan tan sheegtay “Ma dooneyn inaa iska soo tuuro ilmahayga oo aan dareemayay dhaqdhqaasiisa”. Qaliinka lagu sameeyay ilmaha caloosha ku jiray ayaa la rumeysan yahay inuu guuleystay waxa uuna dhalan doona bishi April ee soo socota. Hooyada ilmahan yar Mrs Simpson ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda Keiron loosoo jeediyay in ilmaha caloosha ku jira ay iska soo tuurto, kaddib markii la ogaaday xaaladeeda, balse go’aanka lagu toosiyay lafhabarta uur-jiifka ayaa garaadkooda ka weyn”. ” Waxaa la ii sheegay inay naafo tahay oo lafdhabarta ka qaloocan tahay, balse ma aysan ahayn, ” ayay tiri Mrs Simpson. Waxaa hooyadan loo ogolaaday in lagu qalo isbitaalka Jaamacada London bishii Disember, kaddib markii lagu sameeyay dhowr baaritaan oo uur-jiifka ah. Qaliinka lagu sameeyay toddobaadkii 24-aad ee uur ku jirta ayaa waxaa qeyb ka ahaa furitaanka ilmagaleenka iyo in dhinac kale loo dhigo uur-jiifka si loo toosiyo qalooca, iyo sidoo kale dib u habeynta lafdhabarta. ” Waxaan kasoo baxay qaliinka hal saac waxaana isla habeenkii dareemayay dhaqdhaqaaqa ilmaha yar,” ayay tiri Mrs Simpson Mrs Simpson ayaa la rumeysan yahay inay tahay bukaankii afaraad ee gudaha UK loogu sameeyo qaliinkan, iyada oo inta badan qaliinada noocaan ah lagu sameeyo dalka Belgium-ka iyo Mareykanka. Laga bilaabo bisha April, qaliinkan ayaa laga heli doona isbitaalada qaran ee UK. Ku dhawaad 200 oo caruur ah ayaa ku dhasha UK sanad walba iyaga oo lafdhabartu ka qaloocan. Dominic Thompson, oo ah dhaqtar neerfaha qaabilsan horseedna u ahaa dhaqaatiirti sameysay qaliinkan ayaa ku tilmaamay qaliinka ilmaha yar lagu sameeyay mid “aan la rumeysan karin”. Sikasataba ha ahaatee, Mrs Simpson ayaa ku boorisay waalidiinta dhigeeda ah inay ka fakaraan qaliin lagu sameeyo caruurta” waxkasta oo suuragal ahna ay ku dhaqaaqaan”. Xigasho : BBCSomalia Source
  17. Baardheere (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad adag oo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan degmadaasi. Ciidamo meletari ah ayaa lagu waramayaa inay la wareegeen xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana arintaasi ay keentay xiisadda ka taagan degmada Baardheere. Waxyaabaha keenay xiisadda ka taagan degmada ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana ciidamada la wareegay degmada ay amar qaataan gudoomiye ku xigeenka degmada Ismaaciil Sheeikh Axmed oo ka gadoodsan sida la sheegay isbedel lagu sameeyay maamulka. Warar kale oo soo baxa ayaa sheegaya in ciidamo kale oo xaqiijin jiray amaanka degmada inay yihiin kuwa amaanka la wareegay, waxaana is horfadhiya ciidamada kala duwan ee qaarkood ka gadoodsan mushaaradkooda oo ka maqan. Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka hadashay ciidamadaan gadoodsan ee la wareegay xarunta maamulka degmada Baardheere ee gobalka,waxaana warqad ka soobaxday maamulka Jubbaland xilkii looga qaaday masuuliyiintii hore u maamuleysay degmada kadib khilaaf muddoyinkii dambe jiray. Dadka ku dhaqan agagaarka xarunta degmada iyo saldhiga degmada aya alagu waramayaa inay soo wajahday cabsi xoogan, iyaga oo ka baqaya in lagu dul dagaalamo. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  18. (SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa si kulul ugu jawaabtay Donald Trump, kaasoo hadalo iyada ka dhan ah sheegay, ugana baaqay inay is casisho. Qoraal kooban oo ay ku soo qortay Twitterkeda ayey ku sheegtay Xildhibaan Ilhaan Cumar in haddiiba qof ay tahay in uu isu casilo hadal naceyb ah oo uu sheegay uu qofkaasi yahay Donald Trump, iyadoo tilmaamtay in noloshiisa oo dhan ay nacayb ku saleysan tahay. Donald Trump ayaa isagoo saaran diyaaradda “Air Force One” Talaadadii la hadlay wariyeyaasha, waxaana uu sheegay in qoraalka Ilhaan Cumar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi’da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel. Guddoomiyaha Golaha wakiillada Aqalka Hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne Trump iyo xisbigiisa ka difaacday hadallada Ilhaan Cumar ka dhanka ah ee ka soo baxay Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah. Nancy Pelosi ayaa sidoo kale Trump iyo Xildhibaannada Jamhuuriga ah uga digtay in ay wax ka sheegaan Aqalka hoose oo uu aqlabiyaddiisu hoggaaminayo Xisbiga Dimuqraadiga ah Ilhaan Cumar, ayaa maalmihii danbe eedo kala duwan la kulmeysay, wixii ka danbeeyay markii ay sheegtay in ururka Aipac oo ah guddi u qaabilsan arrimaha Yuhuuda Maraykanka uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil. Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress­ka Mareykanka xubin ka noqday. Source
  19. Mudisho(SMN)- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa hambalyo u diray ciidamada Cirka ee xoogga dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal degaya sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay illigii la aasaasay. “Anigoo ku hadlayo Magaceyga iyo kan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaa hambalyo u dirayaa Sarreeyayaasha, Saraakiisha, saraakiil xiggeenada, alifleyda iyo Dableyda ciidanka cirka oo u dabaal degaya sanadguurada 59-aad ee aasaaskooda” ayuu yiri Gen. Indha-Qarshe S/gaas Daahir Aadan Cilmi indha-qarshe ayaa Xusay in lagu hoolan yahay siddii horumar loo gaarsiin lahaa taliska ciidanka cirka, isaggoo xusay in ciidankaasi muddooyinkii dambe ay kusoo biireen saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon leh. Ciidanka cirka ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas-aasay 14 Febraayo Sanadkii 1960, Waxaana sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay xilligii la aasaasay. The post Ciidanka Cirka Soomaaliya Oo U Dabaaal Degaya Sanad Guuradii 59-aad Ee Aasaaskoda appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay manta ku laabtaan maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo ku xidhnaa xabsiyo ku yaalla dalka Iiraan kadib wadahadal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Soomaaliya. Maxaabiistaan ayaa lagu wadaa in ay maanta kasoo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana dhibaato ay ku heysatay xabsiyadaas ku yaalla dalka Iiraan waxaana la sheegay inay u badanyihiin dhalinyaro. Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dib ugu soo celisay maxaabiis Soomaali ahaa kuwaas oo ku kala xidhnaa Xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalal kala duwan oo caalamka ah sida Itoobiya, Siishalis, Hindiya iyo Liibiya meelo kale, iyada oo ay balan qaadeen in dalka lagu soo celinayo dhamaan Soomaalida ku xidhan dalalka kala duwan ee caalamka. Source
  21. (SLT-Paris)-Labo nin oo ka shaqeeya in ay lacagaha kala gudbiyaan oo dalka Faransiiska kusugan ayaa amakaagay ka dib markii ay waayeen baskii ay wateen oo lacag ka buuxday iyo qofkii saddexaad ee la shaqaynayay. Gaarigii ayaa laga helay meel aan sidaa uga fogayn meeshii ay ku sugnaayeen, balse waxaa la waayay darawalkii 28 jirka ahaa iyo lacagtii saarnayd oo kor u dhaafaysay saddex milyan oo doolarka Maraykanka ah. Gurigii uu aaday ayaa lagu bartilmaameedsaday waxaana la helay qaar ka mid ah lacagtii. Qofka laga shakisan yahay ayaa magaciisa lagu sheegay Adrien Derbez waxaana lagu xiray caasimadda fiidnimadii Talaadada. Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in wali la la’yahay lacag lagu qiyaasay in kabadan 1.5 milyan oo doolaar. Lacagtan ayaa lala baxsaday subaxnimadii hore ee Isniinta 06:00 subaxnimo, saddexdan shaqaale ayaana lacagta gaynayay goob kale sidii ay shaqadoodu ahayd iyaga oo saaran bas ay shirkad dhanka ammaanka ka shaqaysa leedahay, lacagta waxaa iska lahaa waax ka tirsan xawaaladda Western Union oo ku taalla duleedka magaalada Paris. Labo ka mid ah shaqaalaha ayaa bixiyay lacag laga dalbaday, darawalkii ayaana laga codsaday in uu lacagta kale sii ilaaliyo. Balse markii ay soo laabteen ayay waayeen darawalkii iyo gaarigii ay lacagtu ku jirtay, sida ay ilo ka tirsan booliisku u sheegeen wakalaadda wararka ee AFP. Meel aan sidaas ooga sii fogaynna baskii ay lacagtu saarnayd ayaa la arkay isaga oo albaabadu u balaqan yihiin oo maran. Talaadadii ayay booliisku dalbadeen dadkii goobjoogga ahaa waxayna baahiyeen sawirka Derbez. Booliiska oo la soo tilmaamay ayaana galay guri ku yaalla Amiens fiidnimadii, sida ay ku warrantay warbaahinta Faransiiska. Waxaa la sheegay in booliisku ay qabteen Derbez oo isku dayaya in uu daaqadda ka baxo isaga oo boorsooyin dhawr ah wata. Source
  22. Garoowe(SMN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu wadaa in golihiisa wasiirada horgeyn doona baarlamaanka maamulkaasi,si ay u meel mariyaan. Xubnaha wasiirada uu soo magacaabay madaxweyne Deni oo ka koobnaa 48 xubnood ayaa maanta hortagi doona baarlamaanka maamulka Puntland,si ay u weydiistaan codka kalsoonida. Madaxweynaha Puntland ayaa xalay kulamo gaargaar ah kula gargaar ah kula yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka maamulka Puntland oo uu kala hadlay arimo ku saabsan xukuumada uu soo dhisay. Dhawaan ayey aheyd markii madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada oo mudo fara badan ay u dheg taagayeen dadka ku nool deegaanada maamulka Puntland. The post Golaha Wasiirada Puntland Oo La Horgeyn Doono Baarlamaanka Maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Washington)-Sarkaal hore oo ka tirsaneyd ciidanka cirka ee Maraykanka, qeybtiisa sirdoonka, taas oo u carartay dalka Iran 6 sano ka hor ayaa lagu soo eedeeyey inay dawladda Iran siisay macluumad dhinaca militariga la xiriira oo aan la ogoleyn in la ogaado. Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaadday in Monica Elfriede Witt oo 39 jir ahi ay dawladda Iran ka caawisay sidii ay u bartilmaamesan lahaayeen. Xeerbeegti arrinta Monica Witt eegaysay ayaa ku helay in, sidoo kale, ay Iran ka taageertay bartilmaameedsiga ugu yaraan siddeed xubnood oo ka tirsna sirdoonka Maraykanka oo ama ay la shaqeysay ama ay kulmeen. Haweenayday ayaa loo jaray in la soo qabto in kasta oo la aamisan yahay in dalka Iran ay ku sugan tahay. Source