Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,406
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shirkadda Dp World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee Dp World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido Dp World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo Dp World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda Dp World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka Dp World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. Dp World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda Dp World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Qaran News
  2. Dib U Milicso Fursadihii Iyo Caqabadii Madaxweyne Biixi Xilka Kula Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horaysay Kala Soo Dabaalatay Somaliland Jamhuuriyada Somaliland oo xorriyadeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay. Haddaba Waxaynu is dul taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen . 1)-Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii, islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda ah. 2) -Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna. Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u taagay. 3)-Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale . Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah, kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada. 4)- Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland, kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan, islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay. 5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi. Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay. Wixii laga filayay: Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto. Hase ahaatee madaxweyne Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen. Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna dhalliil ka dhigayeen. Telefishanka Horn Cable waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba iska bedelin. Waxa madaxweynaha muddo xileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya. Waxa muddadaas la xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda ahi halis ku jiro. Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya. Qaran News
  3. Ceelcadde (Caasimadda Online) – Duqaymaha ay fuliyeen diyaarahan ayaa waxa la sheegay inay la beegsadeen gaadiid gaaraya ilaa 3 kuwaas oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida xaqiijyeen saraakiisha amniga Waxa ay saraakiishu noo sheegeen in ay ku dhinteen 13 katirsan Alshabaab kuwaas oo ku wajahnaa degaanka Buusaar oo katirsan gobolka gedo iyagoo ka soo baqoolay degaanka ceelcadde Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sarkaal katirsan Alshabaab oo una qaabilsanaa gobolka gedo uu dhaawac kasoo gaaray . Sidoo kale waxaa jirta in Alshabaab aysan wali wax war ah kasoo saarin ee la xiriira duqaymaha ay fuliyeen diyaaradahan dagaal. Inta badan diyaaraha dagaal oo inta badan laga leeyahay dalka maraykanka ayaa waxa ay duqaymo ka gaystaan qaybo kamid ah gobolada dalka ee ay ku sugan yihiin Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay daha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya. Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal. Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India. Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya Mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria. Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo warqada aaqoonsiga ka gudoomay danjirayaasha India&Nigeria appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho(SMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka Hindiya iyo Nigeria ee Soomaaliya. Danjiraha dalka India mudane Rahul Chabbra oo madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal. Danjire Chabbra iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India. Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria. Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. The post Madaxwayne Farmaajo oo qaabilay Safiirada cusub ee India Iyo Nigeria appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Boqorka Beelaha Gabooye Boqor Axmed Iiman Warsame oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey Kaalintii uu ka qaatey sidii dhakhar loogu diri lahaa Abwaan Baarleex oo dhawaan geeriyoodey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shirkado waa weyn oo aan canshuurta dowladda bixin. Mr Beyle ayaa sheegay inay jiraan illaa 20 shirkado oo aan canshuur bixin, isagoo u digay shirkadahaa, kuna wargeliyay in haddii ay bixin waayaan ay sharciga ku kala baxayaan. Waxaa uu sheegay in aanay haatan sheegi doonin ganacsatada iyo shirkadaha aan canshuurta bixin, balse marka xiga ay soo bandhigi doonaan. Sidoo kale waxaa uu uu sheegay in wada hadal u socdo shirkadaha aan canshuurta bixin, waxaana uu ugu baaqay inay iska bixiyaan canshuurta ku waajibtay sida uu yiri. “Waxaa jira shirkado waa weyn oo labaatameeyo aan canshuur bixin, waa idin digeynaa canshuurta bixiya, haddii kale waa idin magac *****aa, sharciga ayaa ku kala baxeynaa”ayuu yiri Wasiir Beyle. Dowladda Soomaaliya ayaa dakhliga ugu badan waxay ka soo gashaa magaalada Muqdisho, waana halka kaliya ee canshuurta looga qaado shacabka, hadana ma jirto in canshuurtaas dib loogu celiyo shacabka, looguna sameeyo adeegyada aas aasiga ee ay u baahan yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Berbera(SMN)- Hay,adda muhaajiriinta Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in dhawaan 140 ruux oo muhaajiriina Soomaali ah oo ka yimid dalka Yemen ay dib ugu soo celisay gudaha dalka. Sarkaal ka tirsan IOM ayaa xusay in qaxootigaasi doonidii siday ay si nabad gelyo ah ugu soo xiratay dekadda magaalada Berbera ee woqooyiga Soomaaliya Hay,adda ayaa sheegay in qaxootigaasi ay isagu jireen rag,dumar iyo caruur yar yar oo ku dhibaateysanaa dalka yemen oo colaada xoogan ka jiraan IOM ayaa sheegtay in rakaabka soo gaaray magaalada Berbera ay ka soo baxeen magaalada xeebeedka Cadan ee koofurta dalka Yemen Barnaamijkan dib u soo celinta qaxootigaasi Somalida ah ayaa waxaa iska kaashaday hay,addaha IOM,UNHCR iyo dowladda yemen. Afhayeen u hadlay hay,ada mujaarinta caalamka ayaa xusay in adeegyo caafimaad ay u sameyeen qaxootigaasi markii ay ka soo dageen magaalada Berbera. ‏ The post Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Dib Loogu soo Celiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha duulista iyo hawada ee xisbiga WADDANI Nuuradiin Diini ayaa waxa eedaymo culus u jeediyay xukuumadda KULMIYE ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Thirteen Somali nationals have been deported to Somalia after serving several years in Iranian jails for alleged piracy. In a statement published on Iranian News Agency, the country’s Justice Ministry announced that 10 Somali convicts had been deported to their homeland on Wednesday. The individuals are said to have been convicted in Iranian courts for piracy. Deputy Minister of Justice Mahmoud Abbasi said that the convicts would end their jail term in Somalia. Iran is among the countries that have been operating in the Indian Ocean to fight against pirates since 2011. Its navy forces had seized boats and detained dozens of Somalis suspected to have been involved in piracy. Many Somali pirates suspects are now serving jail terms in Iran. Mid last year, Somali pirates had freed four Iranian sailors held captive for more than three years. Piracy along Somalia’s coastline had fallen far from its peak in 2011-2012 when pirate “mother ship” boats ranged thousands of miles across the Indian Ocean. Several foreign navies, including those from the European Union and China, operate regularly in the area as part of anti-piracy missions. The post Iran deports suspected pirates to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Waxan halkan saaka idiinku soo gudbinayaa, maanso yar oo aan shalay unkay, taas oo magaceedda la yidhaaho ” Madax kalaa ku saarane, miyuu kaagu madhan yahay” oo micna-heedu yahay, adigu kama faa’iiday-satid, mana isticmaashid maskax-daadda, ee waa lagugu soo shubtaa ( Qabiil baa lagugu maamula weeye al-muhiim), maansadaas oo ku saabsan, si wacan kuugu qaadaa-dhigaysa, marxaladda uu maraayo dalku, siduu u baaba’ay, ee bakhtigu u xalaal yahay 98% dadkii, weliba uu idinku tiiq-tiiqsa-naayo askarigan jaahilka ahi ( Waa Raggii ma adigaa ka hadhaye), Horaa loo yidhi ” Dib jir duunyo ma dhaqo, ee haw digiiga-xanin” waa run oo waataas, aanay jirin meel uu saboolkii u ciirsado. dabaqado baa la abuuray xaafadaysan, ina dhulka baa lala dhacay, ma jiro maamul ummadi leedahay, iyo dawlad wax lagu sheegaa, ee waa qawlaysato iyo bud-cad ka sii xun, maafiyaddii Jaramalka ee la odhan jirey ” Badar-Minhoof”. kaaga darane sidaas baad weliba ugu sacab tumaysa, calaa-shaan isku reer hebel baanu nahay. adiga oo aan kala garanayn waxad doonayso iyo waxad diidayso, waayo’argnimo iyo wixii aad soo martay-na ka doortay reer hebel, Waxan kuu sheegayaa subaxan saaka ah, marka aad eegto sidda wax loo wado, waxad arkaysaa in ay tan u dhamaatay, oo hadda ay daawaha ku eryeyso buurtii Daallo dhaka-deeda, oo kolba jar aan loo fadhiyin ay isku qaadayso, goor aan sidaas u sii ridnayna, uu kala boodi doono haadaan aan ka soo noqosho lahayn. Muraad-kaaga gaarka ah, Abid miyaad ku noolaan? Danta guudna meel baas, Ka maguuji aad odhan? Maan-kaaga soo deji, Marna miyaanad garanayn? Maska aqalka galayee, Milikh-siga u baro baxay, Hadaan madaxa laga dilin. Maalay qadhaadh iyo, La waraabin dacar milan. Madfac lugaha lagu goyn. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Muyuu kaagu madhan yahay? Meeshuu istaagaba, Hadaan miino sare kicin, Muruq xoogan lagu deyin. Midi Beerka lagu jarin. Carrab-kana musbaar iyo, miishaarta laga marin. La muquunin cadaw-giyo, Doqon kuu mashxaradoo, Miciin-kaaga moodoo. Nacab hoosta kaga maran. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay? Macaansadda cad quudheed. Ku macaasha cayn-kaas. Masaariif ku qaatoo, Kugu maqan adigoo qudga. Marna aan ku dhaafayn. Gacal-kana makaloo, Furanaaya maatadda, Macaluushu laysoo, Makhrib-kiyo habeenkii, Maalin weyn dharaartii. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay? Manfac uu calaaliyo, Wuxu dhuunta mariyiyo, Raadi-naaya macal baa, Masaakiinti dhacayoo, Xaafadaha ku meeroo, Dheryihii murdinayaa, Hantiddii ka madhiyoo, Dhiig miiranaayaa Muska kuugu jira’oo, Muslimkii dhameeyee, Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahy? Mawlaw ka soo Gaadh. Ma naxaankan nagu degay. Muudsay arliga’ee, Muuse-cagaley daayoo, Mulacuna ka nabad gelin,Malaw-giyo qudhaan-jadda, Mukulaal kol ay tahay, Kala baxay Mudkii iyo, Saantii maqaarkee, Cunaa aan la marin jiirin. Marsaddii Berbera iyo, Waar Mee Garoonkii? Madax kalaa ku saarane, Miyuu kaagu madhan yahay? Waxan ku soo af jaray, ruuxu hadaanu dhaayo furnayn, oo lagu maalo waynu is xignaa, maamul iyo dawladnimo ka dheer, umana jeedo, ee waa rabbi khalaq- wa-dalaq ( laguma dhaamee dhaqaaq), sidda askarta meesha ka koron-dhakhlaysa, markaa ma idin la tahay, dalkan iyo dadkan loo dhameeyey, in aynu ka badh qabano inta goori-goor tahay?, Mise idinka oo xaal-kiinu yahay, ha ka sii fara-qabsado, ka aanu isku beesha ka wadda nimi, baad rabtaa in aydin inta kale, is tidhaahaan ku maaweeliya riyo neefaaq, oo ah ka naga soo hor jeedaa Somaliya buu rabaa. Tan calan-keeddii wuu dhacaye, runta ha iskugu timaado. qaar derbi-yadda qurbuaha ka dhurma, oo fadhi ku dirir reereed ah, iyaka oo hebel reer hebel ku difaayaaya, bay hadana ku leeyihiin somaliland baad wax yeelay-saan, saw maaha aan keligay jaqo, ee weliba sidaas iigu sacab tun, dee ma yeelaayo, ee ha igu deyin, Maxaa ka dhigay qabyaala-daada Wadani-nimo? Tayda-na loogu sheegayaa tu reereed? Wax aynu isla garanayno, yeynaan iskula iman, ee bal doc isugu baydha, dhan-kaad doon-taanba waan idiin-la wadayaaye, laakiin joojiya cabaadka, iyo wadha-dhacdda idinka baxaysa, wax suuro-gala maaha, dabada-na xaar baan ku walaaqa-nayaa, af-kana boodh baan kuu soo marsanayaa. Sidaas cidda lagu khaldi karaa waa ayo? Bal hadda inoo dareeriya sidda aad rabtaan ( qabyaaladda), cidda caano gaari ahi ay ka daada-nayaan, ee wax ku la’ baa la arki doonaaye. N.B Dib jir Duunyo Ma dhaqo, Ee Haw Digiiga-Xanin” Qore:- Abdi-Shotaly ashotaly5@gmail.com Source
  12. Go’aankii uu madaxweyne Deni uu kusoo rogay qasnadaha dowladda inaan wax qarash ah laga bixin karin, ayaa weli sidiisii u taagan, iyadoo go’aankaas uu sababay [...] Source
  13. Daawo Tv ga , marka uu hadlayo Madaxwaynuhu , hadaad doonayso in aad ogaato heerka uu marayo khilaafka labada dawladood ( S/land iyo Somalia ) . Daawo Tv marka uu hadlayo , Madaxwayne Xigeenku hadaad doonayso in aad ogaato , Mashaariicda wadanka ka socota . Daawo Tv marka uu hadlayo Cirro , hadaad doonayso in aad barato sidda loo dabaal joogteeyo . Daawo Tv marka uu hadlayo Faysal , hadaad doonayso in aad tijaabiso xasuustaada . Daawo Tv marka uu hadlayo Dr Sacad , hadaad doonayso in aad ogaato heerka dulqaadkaaga . Daawo Tv marka uu hadlayo Maxamuud Xaashi , hadaad doonayso in aad ogaato faraqa u dhaxeeya kursiga iyo kursi la’aanta . Daawo Tv Horn Caple Tv , hadaad doonayso in aad aragto muuqaalka Siyaasadda . Daawo Tv marka uu hadlayo Jaamac Shabeel hadaad doonayso in aad ogaato mustaqbalka xisbinimada . Daawo Tv maka uu hadlayo Sheekh Mustafe , hadaad doonayso in aad nasato . W/Q: Axmed Nuur Guruje. Source
  14. Muqdisho(SMN)- War Saxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Banaadir ana duqa muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cimaan Eng Yarisoow ayaa xilkii looga qaaday gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,gudoomiye ku xigeenka siyaasadaiyo laba gudoomiye waaxeed oo degmadaasi ka tirsanaa. Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa lagu kala magacabaa Liibaan Geedi Cumar oo ahaa gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada dharkiinleey,Daa’uud Cabdulaahi Nuur gudoomiye ku xigeenka siyaasada iyo Maxamed Aadan Cismaan oo kamid ah labada gudoomiye waaxeed ee xil ka qaadista lagu sameeyay. Lama oga sababta ka danbeysa xilka qaadista xubnahan ka tirsanaa maamulka degmada Dharkiinleey,balse wareegto maanta ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa xilalkii looga qaaday. The post Duqa Muqdisho Oo Xil Ka Qaadis Sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdullaahi Saxardiid (cadaani) ayaa waxa uu ka hadlay qoraal lagu baahiyay Facebook Lagu Samaysatay Magaciisa oo sawirkiisa la saartay. Cismaan Cabdullaahi Saxardiid (cadaani) ayaa waxa kale oo sheegay in uu Muuse dabadii u taagan yahay guddoominta xisbiga Kulmiye, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Buugga cusub ee The Strange Death of Europe: Immigration, Identity, Islam ee uu qoray Douglas Murray waan xiisaynayaa in aan akhriyo. Yurub mashaqo weyn baa ka taagan. Waa qaaradda dunida u gu horumarsan u guna nolol wanaagsan. Sidaa darteed waxaa loo ga baahan yahay xoogsato badan oo shaqaysa. Wax kaleba haddii la daayo waxaa shaqaale badan loo ga baahan yahay daryeelka dadka gabgaboobay ee ciidda ka batay. Haa, dadka gabgaboobay ee daryeelka u baahani qaaradda aad ayay u gu badan yihiin, waayo Yurub waa qaaradda dunida u gu dhimasho yar gabowga hortii, sidaa darteed dadka gaadha da’da raqaye aad bay u badan yihiin. Dhanka kalena Yurub qofka gabooba ma hayaan carruurtiisa iyo kuwa uu awowga iyo ayeyada u yahay, waxaa se daryeelkiisa u xilsaaran bulshada uu isaguba u soo shaqeeyay ee weligii cashuurta soo siinayay. Iyada oo ay sidaa tahay ayay dumarka Yurub muddo dheer diiddanaayeen in ay dhalaan carruurtii dalku u baahnaa. Maxay dumarku u dhali waayeen carruurtii dalku u baahnaa? Sababta oo ah ilaa sidii Yurub u warshadowday ee u magaalowday ee ay fududaatay in qof waliba helo shaqo uu iskii u gu noolaan karo isaga oo aan cid kale u baahan, is la markaa haweenku heleen xorriyad iyo in ay noloshooda ku filnaan karaan, dumar badani dhalista carruurta wax ay u arkeen caqabad xayiraysa ama dhimaysa horumarka ay doonayaan in ay ka gaadhaan shaqooyinkooda. Dabadeed ilmo dhalista intii ay yarayn karaan ayay yareeyeen. Dhanka kalena guud ahaanba bulshada Yurub ee dhaqaale ahaan, nabad ahaan iyo xorriyad ahaan barwaaqowday, dabadeed u iilatay ku raaxaysiga dunida iyo raalligelinta baahida nafta ka dib markii ay ka tageen Masiixinnimadii adkayd ee raaxada nolosha u diidi jirtay, waxaa aad u daciifay xilkii iyo dadaalkii la gelin lahaa qoyska iyo ilmo dhalista. Halkaas bay ka timid mashaqada maanta Yurub ka taagan ee ah taran yaridu. Muddo aad u dheer dawladuhu wax ay ku dadaalayeen dhiirrigelinta dhalista carruurta, xeelado iyo fursado aad u badan baana dantaa loo sameeyay oo loo sharciyeeyay. Tusaale ahaan ilmo wal oo dhashaa ilaa uu siddeed iyo toban jir gaadhayo lacag joogto ah baa loo qoray. Hooyo wal oo ilmo dhasha waxaa la siiyay fasax dheer oo shaqadu u sii xidhnaato lacagtuna u socoto. Waxaa kale oo dalalka qaarkood la siiyay muddo dheer oo kale oo ay fasax lacag ku qaadato haynta ilmaha. Dalal ay Iswiidhan ka mid tahay xitaa aabbaha ayaa la siiyaa sannad fasax ah oo uu haynta ilmaha lacag ku qaato. Dhammaan kharashaadka dabiiciga ah ee ilmaha ku baxa dawladda ayaa dammaanad qaadday sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka ilkaha iyo muraayadaha indhaha. Waxaas oo dhan iyo wax kale oo la sameeyay bulshadu weli waa ay ka soo taagan tahay in ay dhasho ilmo dabooli kara baahida taranka ee horumarka dalku u baahan yahay. Dalaka u gu daran ee dadkiisu dabargo’a ku socdaan waxaa ka mid ah Talyaaniga. Taas oo sidaas ah ayay arrin kale meesha soo gashay. Yurub waxaa aad u gu soo batay soogalootiga, siiba dadka muslinka ah. Caadi ahaan dadka muslinka ahi waa ay dhalmo badan yihiin iyada oo ku xidhan arrimo badan oo reer Yurub ka maqan. Waa mar ee muslinku sida reer Yurub diintoodii ka ma ay tagin oo weli macne weyn bay ku lee dahay, is la markaa waxaa jira xadiis aad loo yaqaanno oo dhalmada dhiirrigeliya. Marka labaad dhulalka muslinku sida Yurub u ma warshadoobin oo dadku ma wada noqon xoogsato qof waliba is ku filan yahay oo mushahar ku nool, gaar ahaan dumarka badankoodu weli waa gurijoog u diyaarsan in ninku masruufo. Sidaa darteed qofku baahi ahaan si adag buu u gu xidhan yahay bulshada kale, waxaana macno weyn leh qoyska iyo carruurta. Taa waxaa dheer bulshooyinka muslinka ah badankooda oo weli ku jira dhaqanka qabiilka ee la gu dadaalo in qoladaada la badiyo. Haddaba muslinka Yurub ku batay is la markaa carruurta badan dhalayaa welwel aad u weyn bay ku haysaa reer Yurub badan. Xarumaha daraasadaha iyo tirakoobka waxaa si joogto ah u ga soo baxa saadaal ah in haddii arrintu sida ay maanta tahay ku sii socoto in waqti aan fogayn dalal badan Islaamku noqon doono diinta aqlabiyadda ah, taas oo macnaheedu yahay in dalkaasi islaamoobay. Dalalka u gu horreeya ee carrabka ku soo noqnoqda waxaa ka mid ah Holland. Haddaba imika cabsidan waxaa siyaasad ahaan u ga faa’iidaysta kooxaha iyo xisbiyada xagjirka ah ee midabtakoorka ah ama muslinka neceb amaba doonaya in ay Yurub ku ilaaliyaan in ay ahaato qaarad u gaar ah caddaanka masiixiga ah, iyo dhanka kale dadka masiixinnimada ku adag oo iyaguna u dhiidhayaya diintoodii la ga tagay iyo Islaamka dardarta qaba ee tarmaya. Durba Yurub wax aad ka arkaysaa muuqaallo iyo dhawaaqyo firfircoon oo aan caadi ahaan jirin oo dadka u gu baaqaya ku noqoshada Masiixiyaddii gabbalkeedu dhacay. Waxaa se yaab leh sida la isu qabadsiin karo maskaxda dadka Yurub ee diinta u ga tagtay koritaanka garaadka iyo aqoonta, iyo in mar kale la gu qancin karo in ay xinka muslinka dartii dib u gu xaroodaan kiniisaddii ay qarni hore ka dareereen? Waa wax aan suuragal ahayn. Dalalka Yurub xisbiyada iyo ururrada caynkaas ahi beryahan waa ay ku xoogaysteen. Tusaale ahaan Iswiidhan oo ka mid ah dalalka Yurub u gu furfuran qaadashada qaxootiga iyo la dagaallanka takoorka waxaa ka soo baxay xisbi si degdeg ah baarlamaanka u galay kaas oo doorashadii u gu dambaysay ee kalhore codka bulshada ka helay sagaal iyo toban boqolkiiba. Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska, Hangari, Finland, Danmarka… waa la wada mid. Aad bay suuragal u tahay xisbiyadaasi in ay waqti aan fogayn talada dalalka Yurub qabtaan, waayo dadkii bay cabsi badan ku abuureen oo xintan geliyeen. Shisheeye nacaybka iyo cadaawadda cidda kaa duwan oo Yurub aad loo ga la dagaallami jiray haddii ay silsiladdeedu mar uun xidhanto la ma sii sheegi karo natiijooyinka halist ah ee ka dhalan kara iyo ilaa heerka ay taasi jiitami karto. Si cunsuriga xagjirka ah ee dadka kale neceb loo cidleeyo, dawladaha Yurub wax ay aad u ga shaqeeyaan yaraynta cabsida bulshooyinkoodu ka qabaan muslinka, iyo dhanka kale in ay muslinkooda ka dhilaan oo ka ridaan qolofta saaran ee cabsida keenaysa oo ka dhigaan dad cadi ah oo mujtamaca ka mid ah. Laakiin labada jeerba hawshu ma fududa, waayo labada qolaba qolofta saarani waa mid qallafsan oo aan si fudud u fuqayn. Sida cunsurigu u raadiyo wax kasta iyo sabab walba oo dadkiisa argagax gelin karta oo muslinka nacsiin karta si uu isagu u taageero u helo, si la mid ah ayuu badowga muslinka ahi u sameeyaa waxyaalo uu moodayo in uu Islaamka wax u gu tarayo laakiin dhab ahaantii bulshada ku diraya oo kaa hore taageero u noqonaya. Halkaas bay ku jirtaa halista dhabta ahi. Waxan oo dhan waxaa keenaya Yurub oo ah qaarad dimuqraaddi ah oo dadku lee yihiin xorriyad dastuuri ah iyo xuquuq dhawrsan. Tusaale ahaan dalalka Imaaraadka iyo Gadar shisheeyaha ayaa ka badan dhaladka, sidoo kale Sacuudiga waxaa jooga soogalooti aan ka yarayn saddex meelood oo meel dadka dalka u dhashay. Laakiin waxaas oo dhami macno ma leh ka mana duwana xoolo la dhaqdo, dalka iyo dadkana ku ma laha wax saamayn ah oo dhaafsan in sida addoonta loo gu shaqaysto, goortii la doono ayaana maraakiib iyo dayuurado la gu guri karaa sida xoolaha oo dhulkoodii la gu qubi karaa. Xitaa dumarka dalka u dhashay ma guursan karaan oo bulshada ku ma milmi karaan, sinaba. Laakiin Yurub qofku si buuxda ayuu dadka u ga mid noqdaa oo dalka ayuu yeeshaa: jinsiyadda ayuu qaataa, wuu ka guursadaa oo ka dhalaa, tacliin bilaash ah buu ka helaa heerka uu doono, siyaasadda ayuu galaa oo doorashada ka codeeyaa oo is sharraxaa oo xil walba qabtaa, diintiisa sida uu doono ayuu u gu dhaqmaa oo weliba u faafiyaa, arrimahaas oo dhan oo ka dhalanaya qawaaniinta horumarsan ee Yurub iyo tasaamuxa ama dulqaadka ay wada noolaanshaha u yeesheen Dagaalkii Labaad ka dib. Taas baa keenaysa muslinku in ay noqon karaan aqlabiyadda dalalka qaarkood, haddii ay noqdaanna natiijada doorashooyinka ku yeelanayaan saamayn asaasi ah oo gaadhsiisan in ay dastuurka beddeli karaan, taasina markeeda ay keento in xorriyadda iyo dimuqraadiyadda Yurub waxyeelloobaan oo noloshu halkii beri fog la ga soo hayaamiyay dib u gu noqoto. Taasi haddii aanay dhicin dhanka kale wax ay keeni kartaa in cabsida badan ee dadka Yurub saadaashaa ka qabaan ay u didiso dhanka xisbiyada xagjirka ah ee nacaybka badan, kuwaas oo iyaguna markooda beddeli doona dastuurka dammaanad qaadaya xorriyadda diimaha iyo wada noolaanshaha dadyowga ka la duwan, amaba guud ahaan adkaynta in ay Yurub ku noolaan karaan dad aan ahayn caddaan masiixi ah. Halkaa wax aad ka aragtaa madaxwareerka haysta siyaasiga Yurub iyo dadkooda inta wanaagsan oo noqday midho tib iyo mooyo ku dhex jira. Muslinka Yurub oo xilkas noqda oo qolofta ku dahaadhan is ka fujiya, oo bulshooyinka ay ka midka yihiin nabad ku la noolaada, kuna yeesha kaalin muwaaddinnimo oo khayr leh, oo garta in ay qaaradda iyagu lee yihiin, xorriyadda iyo horumarsanaanta dawladeed ee ay halkan u gu yimaaddeenna ilaashada oo horumarinteeda ka qaybqaata, halkaas buu ku jiraa xalka dhabta ahi. Halkaas bay dadka wanaagsan ee Yurub ka heli karaan awood ay ku joojiyaan xagjirka halista ah ee haddii uu fursad helo socon karaa ilaa heerkii bahalnimada ahaa ee Hitler iyo Nazi kii Jarmal. Sababahaas baan buuggaa u xiisaynayaa, oo aan ka filayaa in uu sidaa iyo si la mid ah wax u gorfeeyo. Ibraahim Hawd Source
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) –Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey iyo Afhayeenka Baarlamaanka maamulkaasi, Cali Gacal Casar. Madaxdaan uu khilaafka siyaasadeed kala geeyay tan iyo markii ay midoobeen Alhu Sunna iyo Galmudug ayaa midba kan wuxuu ku dhaliilayaa in uu kasoo horjeedo in xiisada la xaliyo. Xaaf ayaa ku eedeeyay Carabey iyo Casar in ay doonayaan kala qaybinta dowlad goboleedkaasi, taasi oo uu carabka ku adkeeyay in ay tahay talaabo aaney u dulqaadan doonin garabkiisa. Galmudug ayaa haatan u kala qaybsan labo garab oo ku kala sugan magaalooyinka Cadaado, xarunta Gollaha Sharcidejinta, iyo Dhuusamareeb, magaala madaxda maamul goboleedka Galmudug. Is-marin-waaga oo ay wali muuqato in aanu xal laga gaarin ayaa la fahansan yahay in uu yahay mid salka ku haya awood-qaybsiga, gaar ahaan xubnaha Baarlamaanka iyo Gollaha Wasiirada. Garabka ku sugan Cadaado oo ay hor-doobayaan Carabey iyo Casar oo ay daba ka riixayso Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si lamid ah ka biyo diidan in Xaaf uu afar sano xilka hayo, maadaama bedalay Cabdikarin Xuseen Guuleed oo is-casilay. Is-qabqabsiga ayaa sameeyay Fadhiyadii Baarlamaanka oo hakad ku jira, iyada oo Xildhibaano ku kala shiray Cadaado iyo caasimada gobolka Galgaduud ay shaaciyeen in ay xilalkii ka qaadeen madaxda ugu sareysa. “Wax kala qaybsan ma jirto, wax hakad ku jira malahan…nimankaasi go’doonka ku jira [Carabey iyo Casar] waxay rabaa in ay kala jabiyaan Galmudug, mana ka yeelayn..Xildhibaanada badankooda waxay ku sugan yihiin Dhuusamareeb, maalin kastana way shiraan,” ayuu Xaaf u sheegay Radio Kulmiye ee Muqdisho. Ugu dambeyntii, Xaaf ayaa sheegay in ay socdaan dedaalo la doonayo in xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulada xubnaha ah, isaga oo rajo ka muujiyay in la dhameeyo. Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa lagu wadaa in magaalada Garowe lagu qabto shir balaaran ah oo kasoo qaybgalayaan madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada, kaasi oo lagu soo afjaro tabashooyinka ay kala tirsanayaan labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Duhur. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Addis Ababa)-Fannaan Itoobiyaan ah ayaa u geeriyooday xabbad wiifta ah oo loo riday dabbaaldegga Huteel cusub oo laga dhisay magaalada Ashufe oo ku taalla degaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya. Mid ka mid ah saaxibbada fannaanka geeriyooday oo lagu magacaabo Tufa Wadajo ayaa BBC u sheegay fannaanka Dadhi Gelan inuu ka heesayey xaflad lagu furayey Huteel cusub. Dadhi wuxuu caan ku ahaa heesaha waddaniga ah oo uu ku gubaabinayo qowmiyadda Oromada iney xaqa ka maqan raadsadaan. Deeganka Oromada ayaa waxaa dhaqan ka ah xilliyada farxadda iyo murugdaba in rasaas cirka loo rido. Xilliga ay fannaanka xabadda wiifta ah ku dhaceysayna uu dhammeystiray heesihi uu masraxaasi ku soo bandhigi lahaa, dadki xafladdaasi goob joog ka ahaana dhacdadaasi kaddib waxay ka carareen goobti ay xafladda ku socotay. Mr Wadajo waxa kale oo uu sheegay “hees kasta oo uu fannaanka masraxa ka qaado in loo ridayey ugu yaraan 50 ilaa 60 rasaas noonool, wuxuuna fannaanka marar badan cod dheer uu ku lahaa xabadaha aad rideysaan iga ilaaliya”. Fannaanka sida kediska ah ku geeriyooday waxuu caan ku ahaa heesaha uu ku qaado afka Oromada wuxuuna sida oo kale uu qoray shan buug oo uu kaga hadlayo qowmiyadda uu ka soo jeedo. Ila wareedyadu waxaa kale oo ay shegayaan “Xabadda fannaanka ku dhacday ee sababtay inuu u geeriyooda qoriga laga soo riday iney dowladdu lahayd. Horraanti bishan bam gacmeed ku qarxay xflad aroos waxaa ku geeriyooday nin caruus ahaa iyo manxiiskiisa xilli ay socotay xafladda arooska. Itoobiya oo ay in mudda ah ka socdeen kacdoonna looga soo horjeeday dowladdi hore ee kelitalisnimada ku dhisneyd ayaa sababtay inuu Dr Abiy Axmed uu noqdo Ra’isal wasaarihi ugu horreeyey oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda. Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalkan Itoobiya ayaa in mudda ahba ka cabaneysay in siyasadda iyo dhaqaalaha dalka lagu gacan bidixeeyey. Source
  20. Hongkog(Somalilandtoday) Shirkadda Dp World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee Dp World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido Dp World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo Dp World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda Dp World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka Dp World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. Dp World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda Dp World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Source
  21. Hargeysa( Somalilandtoday) Jamhuuriyada Somaliland oo xorriyadeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay. Haddaba Waxaynu is dul taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen . 1)-Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii, islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda ah. 2) -Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna. Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u taagay. 3)-Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale . Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah, kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada. 4)- Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland, kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan, islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay. 5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi. Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay. Wixii laga filayay: Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto. Hase ahaatee madaxweyne Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen. Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna dhalliil ka dhigayeen. Telefishanka Horn Cable waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba iska bedelin. Waxa madaxweynaha muddo xileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya. Waxa muddadaas la xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda ahi halis ku jiro. Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya. Source
  22. Muqdisho(SMN)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay sharciga hor keeni doonaan ganacsato badan oo aan bixin canshuuraha ku waajiba. Wasiir Beyle oo warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 shirkadood oo dalka ka howgala aysan mudo bixin canshuurihii looga baahnaa. Sidoo kale wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhawaan dedejin doonaan sharciga maxkamad ay ku soo taagayaan shirkadaha aan bixin canshuuraha ay qaado wasaarada Maaliyada xukuumada Soomaaliya. Hadalka wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan tababar ku aadan casnhuur qaadista loogu soo xiray magaalada Muqdisho boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan dowlada Soomaaliya. The post Wasiir Beyle Oo Digniin U Diray Ganacsatada Soomaaliyeed appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow uu is casilay wasiirkii Labaad ee ka mid ah maamulka K/galbeed. Cali Aadan Macalin, wasiirkii wasaaradda deegaanka iyo duur joogta ayaa ku dhowaaqay in xilkaasi uu iska casilay. Sababta uu isku casilay ayuu ku sheegay in beeshiisa aanay u qalmin xilkan loo magacaabay isaga waa sida uu hadalka u dhigaye. Waa wasiirkii 24 saac gudaheed iska casilo maamulka K/galbeed, iyadoo horey uu isku casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda gaadiidka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in uu goor dhow is casilay mid ka mid ah wasiiradii uu gelinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafata gareen iyada oo horay uu isku casilay wasiir ku xigeenkii Gaadiidka iyo dhulka sidoo kalana ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas. Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macali oo ka mid ahaa wasiiradii uu magacaabay Lafta-gareen ayaa manta ku dhawaaqay is casilaadiisa isaga oo u sababeeyay in aan lagala tashan isala markaana aysan u qalmin beeshiisa xilka isaga loo magacaabay. Shalay ayay aheyd markii uu is casilay wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka oo isaguna cadeeyay in aan lagala tashan xilkaasna uusan u qalmin deegaanka uu ka soo jeedo sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen ayaa magacaabay gole Wasiiro oo ay ka dhalatay muran farabadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com