Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,401
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)Waxaa wali taagan is-qabqabsiga u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka. Ilhan Cumar oo uu madaxweyne Trump ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Kongres-ka ayaa saacado kadib ka jawaabtay hadalki Trump. “Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu gormaad wax ka baran?”. Sidaasi waxaa barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar. Ilhan ayaa sidoo kale aad uga soo hor jeedsatay nin uu madaxweyne Trump u magacaabay in uu noqdo ergeyga u qaabilsan dalka Venazuela. Waxay su’aal gelisay sida loo aamini karo Elliott Abrams oo loo magacaabay dalka Venazuela oo qalalaaso siyaasadeed ay ka taagan yihiin. Elliott Abrams oo horyimid guddiga arrimaha dibadda ee Kongres-ka oo Ilhaan ay ka tirsan tahay ayaa waxay sheegtay in aysan garaneyn sababta guddigaasi iyo shacabka Mareykanka ba ay u aamini karaan ninkan, madaama bay tiri uu horay ugu lug lahaa dhibaatooyin ka dhacay dalka Elsalvador oo horay ay uga dhaceen dagaalo sokeeye iyo arrimo la xiriira dalka Iraan. Elliott Abrams oo ah diblomaasi rug cadaa ah, aadna looga ixtiraamo Mareykanka horay na ula soo shaqeeyay madaxweynayaasha kala ah Ronald Reagan iyo George W. Bush ayaa u muuqday nin ka xanaaqay hadaladii Ilhaan Cumar. “Sannadkii 1991 waxaad qiratay in laba mar aad aqalka Kongreska ka qarisay maclumaad la xiriira ku lug lahaanshahaada fadeexaddii Iraan, mana garanayo sababto caddeyn walba oo aad maanta bixiiso ay run ku noqon karto”. Sidaasi waxaa Elliott Abrams u sheegay Ilhaan Cumar. Hadalka Ilhan Cumar ayaa waxaa aad uga xanaaqay dadka ay ku weyntahay Yuhuudnimada Madaxweyne Trump oo siyaasadihiisu aysan la dhacsaneyn Ilhaan ayaa maalin kahor sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Muranka hadda taagan ayaa yimid kadib markii lhaan Cumar ay sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay raali geli ka dalbato Ilhaan Cumar. Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay. Ilhaan ayaa u muuqato qof aad uga soo horjeeda qorsha walba oo uu madaxweyne Trump damac sanyahay, waxaase aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintan, maadaama Ilhaan ay ka tirsan tahay guddiga arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ah mid si gooni ah u taabaneysa siyaasadha Trump iyo xulafadiisa. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay hadal warbaahinta uu siiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale beyle. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu su’aalo kaga keenay hadalkii wasiir Beyle uu kaga hadlayay shirkadaha waaweyn ee aan bixin canshuurta dalka, waxaana qoraalkiisa u qornaa sidan:- Wasiir Beyle waxaan waydiin lahaa canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?! Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9 Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka ugu danbeyn 15ka Maarso 2019. Sidoo kale Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka 3dii February 2019 waraaq ayuu u diray Wasiirka Maaliyada lagu farayo in uu kusoo gudbiyo Hindise Sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay oo ah 15ka Maarso 2019. Hada waxaa iswaydiin mudan Wasiirka isaga ayaaba laga sugayaa sharcigii canshuuraha iyo tacriifooyinka lagu qaadi lahaa ee dadka uu u goodinayo soo in sharci wax looga qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?! Mudane Wasiir ilaahey ka baq oo umaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley kamaba dhaafayside! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xasan Cali Kheyre uu la kulmay guddigii dhawaan uu dhisay ee badbaadinta iyo soo celinta hantida Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan. Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan.
  4. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaanada U Doodaya Abwaan Abees Oo Si Adag Dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Bahda Garsoorka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. The post Gollaha Wasiirada XFS oo ansixiyey heshiis lala galay Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  6. (SLT-Washington)-Aqalka Hoose ee Mareykanka oo ay Dimuquraadiyiintu ku badan yihiin ayaa shaley go’aamiyey in in ay taageerada milatari ka jareen isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya. 248 ayaa Haa ku codeysay qaraarka, halka 177-na ay Maya ku codeeyeen. Waa markii koowaad ee uu Aqalka Hoose ee Mareykanku uu isticmaaley sharciga Awoodda Dagaalka. Tillaabadan ayaa waxa ku xigi doonta in Aqalka Sare uu asna cod galiyo sharcigan. Aqalka Sare ayaa qaadey tillaabo tan la mid ah 2018-kii, ka hore intii aan doorashadi xilliga dhexe ee Mareykanka aan la galin. Mareykanka ayaa isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo waxaa uu ka caawiyaa dhanka sirdoonka dagaalka iyo saadka. Source
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu xiray gaari nooca Harier-ka ah. Ciidamada amaanka ayaa doonayay inay ka hor tagaan gaariga oo doonayay inuu xoog ku gudbo goob ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka ee degmada C/Casiis, balse gaariga ayaa la sheega inuu markii dambe qarxay. Lama sheegin khasaaraha uu gaarigaasi geystay, balse ciidamada amaanka la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen gaariga ku qarxay markii baaritaanka sameynayeen. Dhinaca kale wararka aan ka heleyno isgoyska VIA Roma ee degmada X.weyne ayaa sheegaya in halkaasi la dhigay gaari looga shakisan yahay inay ku xiran waxyaabaha qarxa. Ciidamada amaanka ayaa dadka deegaanka u diidaya inay u dhawaadaan goobta gaariga la dhigay, waxaana lagu waramayaa in la xiray goobaha ganacsiga ee u dhaw isgoyska VIA Roma ee degmada X/Weyne. Labadii maalin ee ugu dambeeyay qaraxyo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood lala eegtay AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Uganda)-Madaxtooyadda dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho rasmi ah dhowaan ku imaanayo Magaalada Muqdisho. Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay kaga qeybgaleen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika. Lama sheegin xilliga rasmiga ah uu imaan doono, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Museveni inuu Muqdisho yimaado. Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in markii Madaxweyne Farmaajo lagula taliyay inuu sameysto Ciidan iskood u shaqeysta oo Soomaali ah, kuwaasoo ah maleeshiyaad gobolada dalka laga soo kala xulayo. Waxaa sidoo kale qoraalka dowladda Uganda lagu sheegay in muddo ku siman laba sanno gudahood lagu qarameen karo Ciidankaas, iyadoo lala kaashanayo Odayaasha qabaa’ilada ay ka soo jeedaan Ciidamada. Ciidamada difaaca Uganda ee UPDF waxa ay hore u ahaayeen Maleeshiyaad Jabhad ah oo uu Museveni hoggaaminayay, Kuwaasoo markii uu tallada Uganda AFganbiga ku qabsaday ka dhigtay Ciidan Qaran, iyadoo sanadkan 2019 Uganda laga xusay sannad guuradii 38-aad ee ka soo wareegatay markii Ciidankaas la Qarameeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad shaqeysa. Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sannadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howlgalka AMISOM, waa dalka ugu badan ee Ciidamo ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Qoys Ka Cabanaya Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ku Haysta Dhul Ay Degenaayeen Muddo Dheer, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. The United States is proud to support the people and government of Somalia as they seek to create a better tomorrow, including through economic development and job creation. The United States is committed to providing up to $74 million in investment for these programs. This week, U.S. Ambassador to Somalia Donald Y. Yamamoto visited with the Somali companies and owners that are beneficiaries of U.S. support through the USAID GEEL program. (GEEL stands for Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods.) During his visit, the Ambassador stated: “The United States is back and is pleased to support Somali job creation activities. And we are pleased to hear that Somalia is ‘Open for Business’ through GEEL support.” Success stories of U.S. economic development assistance are described below.Summary: Habo Tuna Canning Factory, presently directly employs 160 people and buys seafood from over 2,000 fishermen. With USAID support, the company was able to revive and expand its operations. Starting in late 2017, Habo purchased over $500,000 worth of tuna from local fishermen. This has had a huge impact on the local economy, and local fishers are returning to fishing. This season, the additional USAID co-funded blast freezers will allow Habo to produce more than 40,000 cans of tuna, an estimated $2 million value, and plan on hiring 40% more people to work in their factory. Horn Gardens is one example of how USAID is partnering with a Somali business leader with a vision to help that vision become a reality. Horn Gardens has gone from a single greenhouse to become the first local agro-dealer providing high quality agricultural inputs combined with extension services to local farmers. They are now working with 31 farms and have introduced climate-smart greenhouses and drip irrigation systems that reduce water waste by 80% and are providing farm management support to another 400 farmers. We’re creating opportunities for women farmers and entrepreneurs. In partnership with MicroDahab, USAID is helping women business owners to take out loans they need to build their businesses and farms. With USAID’s support, MicroDahab is supporting many women entrepreneurs take out loans to start and expand their businesses. Somali women face serious barriers in accessing finance. To break down such barriers, GEEL is partnering with banks and Somali women-owned businesses to find solutions to such challenges. GEEL has supported one of the leading female agribusiness companies in Somalia, (Somfresh), to access finance and technology for wholesale and retail sales of fruits and vegetables. GEEL provided technical and investment support for her to take out a loan from Dahabshiil Bank to purchase a new farm which will improve her supply chain. GEEL also providing in-kind grant in the form of cold storage to improve her fresh fruits business. USAID is partnering with a number of livestock companies, including Irmaan Dairy, Beder, and Sommilk, to improve milk processing and nutritional value of local milk. The post Press Statement: Overview of U.S. Support to Somalia Economic Development appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (PP) ─ Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel-mariyay heshiiska tababbarrada ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Hal-beegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Ugu dambeyn, Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada DF oo Ansixiyay Heshiis ay horay u kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
  13. Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has received the diplomatic credentials from two new ambassadors into the country. The ambassadors are Rahul Chabbra of India and Nigeria’s Vincent Omeokachie. The diplomats delivered a letter from the leaders of their respective states to Somali president. In his letter via Indian ambassador, Prime Minister Narendra Modi has thanked Somali government and its people for the warm welcome and growing bilateral ties between the two countries. On his part, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo who received greetings letter from his Nigerian counterpart, Mohammadu Buhari has thanked the west African state for its peacekeeping mission in Somalia particularly in the AMISOM police sector that trains the Somali police force. Somali leader pledged to strengthen the diplomatic ties between India and Nigeria. Two diplomats are part of the growing diplomatic interest in Somalia as the country experience relative peace. The post Somali president receives credentials of new ambassadors appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Mudisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga. Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Gacmo Madhan Ka Taaggan Shirka KULMIYE Garabkii new UCID ee uu hoggaamiyaha u ahaa Jamaal Cali Xuseen ee la midoobay Xisbiga KULMIYE Sanadkii 2017kii, ayaa sheegay in aan Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE xataa goob joogeyaal looga ogolaan. Siyaasi Cali Guray oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE isla markaana ka mid ahaa garabkii Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen kula biiray KULMIYE, ayaa in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay faro madhan ka joogaan. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo qoraal arrintaasi ku faafiyey Bogga Facbuuga uu ku leeyahay ayaa yidhi “Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxaan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR.” Dhanka kale Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay inay saddex-da Xisbi Qaran ay yihiin qaar isku mid ah oo aan wax-ba Is dhaamin “Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha’?. Jamaal Cali Xuseen ayaa bilawgiiba ka maqnaa caleemo saarkii madaxweyne Biixi oo uu sheegay in aan garabkiisii la maamuusin lana siin kaadhadhka xafladda sidaasna hal kaadh oo la siiyay uu ku diiday waxaanu hadda u muuqda mid aan la dhacsanayn sida wax u socdaan. Qaran News
  16. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah haweenka degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay maanta cabasho la hor tageen madaxtooyadda Somaliland iyaga oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na ka dalbadey inuu soo daayo isla markaana uu cafis u fidiyo dhalinyaro Culimo ah oo xidhan isla markaana Sheekha Aadan Sune ku jiro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Riix Sawirkan hoose Ilhan hadii aad rabto Qoraalka Rasmiga Ilhan Omar @IlhanMN Hi @realDonaldTrump– You have trafficked in hate your whole life—against Jews, Muslims, Indigenous, immigrants, black people and more. I learned from people impacted by my words. When will you? https://twitter.com/time/status/1095442482727399430?s=21 … TIME @TIME President Trump says Rep. Omar’s apology for Israel tweets was ‘lame’ http://mag.time.com/4FnfEgv Qaran News
  18. Shirkadda Dp World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee Dp World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido Dp World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo Dp World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda Dp World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka Dp World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. Dp World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda Dp World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Qaran News
  19. Dib U Milicso Fursadihii Iyo Caqabadii Madaxweyne Biixi Xilka Kula Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horaysay Kala Soo Dabaalatay Somaliland Jamhuuriyada Somaliland oo xorriyadeeda dib ula soo noqotay sanadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay. Haddaba Waxaynu is dul taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen . 1)-Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii, islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda ah. 2) -Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna. Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u taagay. 3)-Madaxweynihii Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale . Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah, kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada. 4)- Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland, kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan, islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay. 5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi. Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay. Wixii laga filayay: Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto. Hase ahaatee madaxweyne Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen. Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna dhalliil ka dhigayeen. Telefishanka Horn Cable waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba iska bedelin. Waxa madaxweynaha muddo xileedkiisa si weyn loo dareemay dhaqaale xumo weyn; tusaale ahaan qaybo ka mid ah shaqaalaha dawladda ayaan wali qaadan mushaharkii bishii January, waxaana jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga gaarka ah oo hooseeya. Waxa muddadaas la xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda ahi halis ku jiro. Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya. Qaran News
  20. Ceelcadde (Caasimadda Online) – Duqaymaha ay fuliyeen diyaarahan ayaa waxa la sheegay inay la beegsadeen gaadiid gaaraya ilaa 3 kuwaas oo ay saarnaayeen xubno ka tirsan Alshabaab sida xaqiijyeen saraakiisha amniga Waxa ay saraakiishu noo sheegeen in ay ku dhinteen 13 katirsan Alshabaab kuwaas oo ku wajahnaa degaanka Buusaar oo katirsan gobolka gedo iyagoo ka soo baqoolay degaanka ceelcadde Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sarkaal katirsan Alshabaab oo una qaabilsanaa gobolka gedo uu dhaawac kasoo gaaray . Sidoo kale waxaa jirta in Alshabaab aysan wali wax war ah kasoo saarin ee la xiriira duqaymaha ay fuliyeen diyaaradahan dagaal. Inta badan diyaaraha dagaal oo inta badan laga leeyahay dalka maraykanka ayaa waxa ay duqaymo ka gaystaan qaybo kamid ah gobolada dalka ee ay ku sugan yihiin Alshabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay daha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee dalalka India iyo Nigeria ee Soomaaliya. Danjiraha dalka India Mudane Rahul Chabbra oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha India Mudane Narendra Modi ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo ilaalinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee dalka India u rajeeyay inuu ku guulaysto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal. Danjire Chabbra iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay sidii labada dal u adkeyn lahaayeen xiriirka dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga iyo sidii shacabka Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal-ku-galka India. Dhanka kale, danjiraha cusub ee dowladda Nigeria u soo magcawday Soomaaliya Mudane Vincent Omeokachie ayaa Madaxaweynaha la wadaagay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalka Nigeria Mudane Muxamed Bukhaari. Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Nigeria uga mahadceliyay kaalinta Ciidanka dalkaas ee qaybta ka ah Booliiska AMISOM ay ka qaataan nabadgelyada dalka isaga oo doorasho nadboon oo xor iyo xalaal ah u rajeeyay dalka iyo shacabka Nigeria. Madaxweynaha ayaa danjirayaasha cusub u ballan qaaday inay wadashaqayn fiican iyo soo dhaweyn diirran kala kulmi doonaan Dowladda Federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo warqada aaqoonsiga ka gudoomay danjirayaasha India&Nigeria appeared first on Puntland Post.