-
Content Count
207,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tiro maleh wasiirrada, heer federaaal iyo heer maamul goboleed. Waxii xil shaqo ah ayaa nin kale xarago ka dhigtay. In kabadan todobaatan wasiir ayaa qeyb ka ah dowladda federalka, waxaa iyagana ka dhicin maamul golboleedyada oo wasiirradu kor u dhafayaan kontameeyo. Haddii aanan gafsaneyn, malaha Soomaaliya waa dalka ugu wasiirada badan aduunka! Qaar qabiil lagu soo xulay, kuwa xigto lagu keenay, qaar qancis lagu soo magacaabay, saaxiibtimo kuwo lagu soo dhoweysatay iyo kuwo gaashaan laga dhigtay, intaba qeyb ayey ka yihiin. Waxaa adag inaad aragto wasiir loo magacaabay majaal takhasuskiisa ah. Taas kasoo horjeedkeeda, nin beeraha soo bartay baa waxbarashada wakiil ka ah, mid ganacsiga yaqaanna baa gadiidka cirka iyo dhulka loo magacaabaa, mid weriye ah baa amaan iyo arrimihiisa wasiir kaaga noqda. waxaase taas kaaga daran mid taksiile ahaan jiray marka wasiir loo magacaabay. Maxay la yaab bay kugu noqon, haddii mid bajaajle ah wasaaradda beeraha mas’uul loogu dhigo?! Waa ugub aduunyadu, shaqsi majaal aan takhasuskiisa aheyn shaqo loogu dhiibo. Haddii ay dhacdana lagama fisho miro dhal badan. Soomaaliyase, wixii nin xil moodo ayaa ninkale xarrago mooda. Maxay wasiirradana tirada badan qabanayaan?, xageese mushaarkooda laga keenayaa? Madaxda Soomaalida, inta badan xil magacaabida kuma xushaan aqoon, bedelkeed, waxay uma magacaabaan, qabiil qancin, saaxiibtinimo, xidid iyo xigto hoose. Hadaba waxaan is weydiiyay, sartu xageey ka qurunsatahay? Maxaa howl ninkeeda heegan yahay mid aan la hubin loo hormarinayaa? Ma shaqadaan daacad loo aheyn, mise dano kala ayaa ku hoos duugan? Ninba wuxuu doonuu garaadkiisu leeyahaye, waxaa muuqata in siyaasiyiinta Soomaalidu aysan weli dowladnimada u bisleen, shacabkuna yahay halka ay dhibta ugu weyn ka taagantahay. Taasna iskama lihiye bal sii wad aqriska. Inkastoo, Soomaaliya aysan shacabku waxba dooran, laakin hadana waxaa jira odayaal dhaqameedyo beelaha soomaalida wakiillo uga ah. Tusaale ahaan, marka lasoo xulayo xildhibaanada waxaa soo xula odayaal ka mid ah beelaha kuwaasoo ay soo wakiisheen shacabka beelahaas walow aan lagu soo xulin wax sharci ah, hadana ninba ninkuu ka afmiishaarsanyahay ayuu beesha uga muuqdaa, waxayna taasi keentay inay xildhibaan u doortaan hadba kii jeebkooda u buuxiya, laakin aan wax dan iyo heelo laga gelin waxa uu dadka iyo dalka tarayo. Marka ay sidaa dhacdo, xildhibaankana uu ogyahay wadaduu xilka ku helay, si la mid, wuxuu marayaa wadadii lagu soo doortay, isagoo dooranaya hadba midka jeebka u buuxiyo, isagoon wax dan iyo daarad ka gelin masiir umadeed. Madaxweynaha la doorto, wuxuu maanka ku hayaa cida dooratay, sababta ay ku doorteen, iyo kuwa doortay sababta ay iyaga laftigooda kursiga ku heleen iyo kuwa ka danbeeya. Marka ay sheekadu halkaa mareyso, wuxuu mid weliba maskaxda ku hayaa inaysan jirin cid la xisaabtami karta. Wuxuuna is leeyahay wixii aad sameyso dhibaato kaasoo gaarimeyso oo Deero, Deero kale u herdiyimeyso. Kii isku dayana, waaba haddii uu jiree, ma tabar badna. Waxay taasi keentay, mar haddii madaxweynuhu aanu ka baqeyn cid la xisaabtanta, xildhibaanku uusan walaac ku haayin odayaashi u caleemo saaray. Dowladnimadi waxay iska noqotay nin walbow dhankaaga ka dhaanso, adeegyadii shacabkana waxaa mas’uul looga dhigay mid aan mudneyn, tiiyoo ay dheeratahay inuu mid weliba maanka ku hayo siduu afarta sano xigta xilka ugu soo laaban lahaa. Aan soo yareeyee, madaxdu dhaliisha malaha. Halka ay dhibaatadu ka dhamaan la’dahay waa shacabka oo kursiga dowladnimada keensada mid aan tooda iyo tan umadda kale aan wax tarin. Goof maran malab lagama gurtee, shacabka waxaa la gudboon inay ka fakaraan sidii ay ku turxaan bixin lahaayeen tacaaladan ay gacmahooda ku toleen. W/Q: Abdinasir Safaana Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaybtii 3aad “Maxaan dogob beer is idhi Daruuro u soo sasabay Biyuhu uga sii dareen!” Muuse waa la doortay.Talooyin badan waa uu xambaarsanaa.Waxa ugu cuslaa barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo ballanqaadyadii la xidhiidhey ee aannu kala shaqaynay. Waxa aan ka mid ahaa dadkii aqoonsanaa haddii uu Muuse soo baxo oo uu raaco barnaamijkaas siyaasadeed iyo qorshaha hawl-galladiisa ama fulineed ee la socdey waxa ay hoggaamintiisu Somaliland ka tallaabin doontaa is goysyadii halista badnaa ee ay taagnayd. Muuse waxa uu dadkii barnaamijka wadey la qaatay, in kasta oo barnaamij kalena meelo kale dad kale ka wadeen, haddana kaayagii in uu ku socdo barnaamijkaas iyo qorshaha fulintiisa, iyo diyaarinta dadkii u qalmi lahaa ee ka midho-dhalin kari lahaa oo lagu soo xusho aqoon takhasus leh iyo waaya-aragnimo la hubiyey, karti iyo hufnaan la bilkeedey, iyo dadnimo iyo daacadnimo la shirrabay. Somaliland oo ku dhaqanta nidaam mucbeel ama mutaweled ah oo isugu dhafan hab-dawladeed qabali ah iyo mid casri ah (Hybrid) waxa suurta gal ahayd dadka loo baahan yahay in laga heli karayey qabiil kasta oo labeentiisa laga soo xulan karayo. Caqabaadka ugu waaweyn ee Somaliland horyaalley, barnaamijka siyaasadda iyo qorshahiisa fulintuna ka soo dabqaadanayeen waxa ka mid ahaa, uguna muhiimsanaa, illayn haani gun bay ka tolantaaye: Midnimada iyo wadajirka Somaliland oo sii diciifayey intii Kulmiye talada hayey. Lahaanshaha bulsheed (social belongings), ahaansha (Identity) iyo xukunku (authority/govern) si ay isu daboolaan, isuna qabtaan waa in la qaadaa markiiba tallaabooyinkan oo soo noolayn kara dhayidda iyo xoojinta wadajirka bulshada ayaa qorshuhu ahaa sida: • Dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqda qofka ee muwaaddinnimo/geyiilennimo. (Noolaynta ku daadashada ummadnimo iyo qarannimo qof qof iyo bulsho ahaanba). • Madaxtooyadu waa in ay noqotaa meel ay iska wada dhex arkaan bulshada kala duwani oo ay wada lahaanshe ka dareemaan meel iyo xafiis kasta oo ay adeeg uga baahdaan. • In dib loogu noqdo saami-qaybsiga kuraasta aqalka wakiillada. • In dib loo jeedaaliyo distoorka qaranka si wax-ka-beddelka loo baahan yahay loogu samayn karo. • Golaha guurtida- In dib loo eego tirada iyo saami-qaybsiga kuraasta iyo habraaca xulashada. • In la iska jiro cudurka weynaynta magaalo-madaxda, iyada oo hay’adaha waaweyn ee qaranka loo kala qaybinayo gobollada waddanka. (maamul daadejin) • In culays la saaro daah-furnaanta iyo xakamaynta musuqmaasuqa, eexda, qaraabokiilka iwm oo ay ku jirto caddaynta ama xaqiijinta hantida shakhsiga ah inta aan xilka loo cayimin . • In dib loo eego xeerarka habraac ee dawladda dhexe iyo dawladaha hoose, maamul daadejinna lagu sameeyo. • In dood laga furo isu soo dhoweynta iyo midaynta 18-ka May iyo 26-ka Juun. Qorsheyaasha kale iyo fulintoodu waxa ay ku saabsanaayeen hagaajinta tayaynta iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaale, adeegyada bulsheed, amniga iyo arrimaha dibedda. Xoogga waxa uu qorshaha hawl-galeed saarayey oo mudnaanta koowaad lahaa kor-u-qaadka iyo tayaynta dhaqaalaha (xoolaha, beeraha, kalluunka, macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah, ganacsiga iyo maalgelinta maxallig ah iyo ta shisheeye, tayada bangiga iyo xeerarka lagu maamulayo iwm), caafimaadka, waxbarashada, xasillonida iyo xidhiidhka dibedda, arrimahaas oo lagu xaqiijin karo dhisidda xukuumad tayo leh oo yeelata maamul wanaag iyo xilkasnimo hoggaamineed sida sharciga oo cid kasta ka sarreeya, garsoor hufan iyo caddaalad, xakamaynta iyo la dagaalanka musuqa, lunsiga hantida qaranka, qaraabokiilka, eexda, sugashada degganaan siyaasadeed iwm oo ka mid ahaa waxyaalihii daashadey ee hoos u dhigay haybadda iyo milgaha dawladnimo ee xukuumadihii hore, gaar ahaan tii u dambeysey ee Kulmiye. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 4aad Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Who is responsible to care and help the street children with the burden to manage their own living? This article is turning the attention of the government and the attention of all Somaliland citizens to the sufferings, pains, live miseries and the unbearable situation that Somaliland street children are facing in the streets of its cities. It is investigating the role of the government and local community in supporting street children. It is revealing how deep the government is aware about the thousands of street children suffering in the towns it governs. It is highlighting how far our community is conscious about the problems that Somaliland street children are within; by judging if the community believes that it has a role to do something about solving the problems of the street children. Street Children are just children like ours; but are traumatized, chronically neglected, abandoned, and may be orphaned, physically and mentally exploited by other older ones and may be sexually abused. Any child living, working or begging on the street without the care of a family can be defined as a street child. And any child living, working or begging on the street legally by law is a child in need of care and protection from his/her community. We have to note that referring a street child means a child aged between 7 and 17. The real Street Children we are talking about are not naughty children, not criminals, nor dangerous individuals. The street children we mean are in the above ages, who are thousands in number living in every street of Somaliland cities. These are exploited by the older ones, compelling them to do what they are doing like sniffing of glue and taking alcohol. The street children who are under age, those who are not coping with street life and those who did not go deep in to the street mess, might be easily withdrawn from the street. These are the children we want to save from the danger to be trained to exhibit such behavioural problems and aggressions. They need our urgent help to save them from such substance abuse coping mechanisms before they become part of what they see as their older supportive peer group. The problems for the street children are things like lack of security; lack of home and family care; lack of shelter that prevent the cold in the winter and rains in the night; lack of education; not having where to keep their small belongings; hunger at most of the time; not knowing what to do when they are sick; not knowing how to maintain their self-respect and self-image, when people like us criticize the way they live or their values; feeling discriminated, disguised, inferior and guilty when they don’t get someone help them find a solution for their sufferings; not knowing how to prepare for an adult future; facing harassment problems that causes mental or emotional suffering from the police, from government, from night criminals and from their older peers who pressure them to do something they don’t want to do. In some towns there are homeless street girls who quickly experience and get drawn into forcing sex abuses. These are not so noticeable, and people hardly ever talk about them but they exist and are many in number. These girls are more abused and more in need of help than the boys. The truth is however if we do not respond and take a move to save the future of such homeless street girls, means we accept to keep them on the street and be vulnerable to substance abuse, physical and sexual abuse, as well as exploitation from drug dealers, older street peers and all criminal elements. All children should have security; they should have a home to go to, to provide shelter and a caring family or government or institution or other caring environment; they should be improving themselves and educating at school; they should be clean and healthy, and get help immediately when they are sick. By law children should not have to earn their own living. These we regard as the fundamental rights of children and street children appear to be denied almost all of these rights. This happened to certain percent of our children in the streets partly because of government’s failure in its responsibility and partly because the community’s out of sympathy and out of a sense of morality that offends us when we see children deprived from these childhood essentials. Street children appeal to comprise our paternal or maternal instincts to protect and care them as young children. why the government of Somaliland which has the responsibility for looking after all its citizens; did not respond immediately and continuously when there are children on the streets, with no parents that cares, who do not have adequate food, security, shelter, education and may be are sick?. We can say the government is clearly failing in its responsibility concerning these suffering children. If the government failed, where is the community? We don’t accept our children to earn their own living; but we feed them with all their needs and requirements; why are we (community) ignoring some other children suffering in front of us with a burden to manage their living along the streets; who need us to do something to help them. Having young children on the streets and not responding sympathetically offends, insults, humiliates and wounds our ideas and our morality as community in general. One reason for my appeal to do something for the children is our concern for the future. When we see children neglected on the street, we have to worry about what this means for the future of our society. When we see young children fighting with knives in the streets, we have to worry about how violent they will be when they grow up. Our concern for the street children is mixed with a concern for ourselves and our own children. Let us make our instinctive reaction to draw such children back into our way of life and our values. We can help them turn away from the street living and its related behavioural problems; and we can make difference in their future. We need to decide where and how we want them to live in a way that is practically possible. Though street children are there in all our cities through force of circumstances; the government do not want to talk about their issue; and were trying to wish them out of existence. When one of the street children commits minor misbehavior, immediately the police are rounding them up and sending them to the police stations. I asked one government official is there any policy to help the street children; He simply said “street children are unsightly and dirty to be seen in the streets; and they are tarnishing the image of the city or the country; and that is our major concern”. That is they think the way to solve the problems of the street children is simply to round up and put them in prisons. We hear people talking about “cleaning up” the city from the street children, as if these children of our country are considered dirt. I hope most of us would not agree that this is the way to conceive the sufferings street children are within. The solution is only one and is reintegrating them into the society through caring, helping and educating them. By law the government is responsible to remove them from the streets, to establish Homestead Residence, to care them, to educate them, to develop and brighten their future. Therefore the government should introduce Street Children Development Programmes; with a vision that there will not be a single child earning his own living on the streets of Somaliland cities in the near future. And it should spearhead and coordinate the establishment of a Main Central Homestead Camp for the Street Children, with all its therapeutic residential care, educational facilities and development programmes. But we have to know that beyond the law, this responsibility is upon the humanitarian agencies, social organizations, the rich people, and all of us collectively; these can be stakeholders and have the responsibility to contribute and donate such street children Central Homestead Camp with funds, ideas, building materials and facilities. Street children want to be back with their families, like other family cared children; but they can’t because of the family in poverty or lack of parents. If a homestead camp convenient and suitable in every aspect has been constructed, their families be registered and informed and the children be psychologically encouraged, they may express a desire to leave the streets and catch up the opportunities we offer them. And when taken in to the homestead camp; no child will prefer to live on the street anymore, and will accept to fit into this reliable ever ready and normal mode of life. We cannot hope to build a better society without improving the individuals and families. To that end, each of us must work for the improvement of the street children and youngsters. The youth in the schools and universities, the army and security personnel, the community members in the working places and markets, the rich groups of the society and the common people should share the general responsibility for all our community, with a particular duty to aid those to whom we think they are at the bottom, specially the street children and those at the IDP camps. Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com Qaran News
-
(SLT-Washington)Waxaa wali taagan is-qabqabsiga u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka. Ilhan Cumar oo uu madaxweyne Trump ugu baaqay inay iscasisho ama ay isaga baxdo guddiga arrimaha dibadda ee aqalka Kongres-ka ayaa saacado kadib ka jawaabtay hadalki Trump. “Waxaad la timid naceyb waligaaba kuugu jirtay oo aad u qabto Yuhuuda, Muslimiinta, muhaajiriinta, dadka madowga iyo dadka loogu yimid Mareykanka, waxaan wax ka bartay dad hadalkeygu uu noolashoodu saameeyay ee adigu gormaad wax ka baran?”. Sidaasi waxaa barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhaan Cumar. Ilhan ayaa sidoo kale aad uga soo hor jeedsatay nin uu madaxweyne Trump u magacaabay in uu noqdo ergeyga u qaabilsan dalka Venazuela. Waxay su’aal gelisay sida loo aamini karo Elliott Abrams oo loo magacaabay dalka Venazuela oo qalalaaso siyaasadeed ay ka taagan yihiin. Elliott Abrams oo horyimid guddiga arrimaha dibadda ee Kongres-ka oo Ilhaan ay ka tirsan tahay ayaa waxay sheegtay in aysan garaneyn sababta guddigaasi iyo shacabka Mareykanka ba ay u aamini karaan ninkan, madaama bay tiri uu horay ugu lug lahaa dhibaatooyin ka dhacay dalka Elsalvador oo horay ay uga dhaceen dagaalo sokeeye iyo arrimo la xiriira dalka Iraan. Elliott Abrams oo ah diblomaasi rug cadaa ah, aadna looga ixtiraamo Mareykanka horay na ula soo shaqeeyay madaxweynayaasha kala ah Ronald Reagan iyo George W. Bush ayaa u muuqday nin ka xanaaqay hadaladii Ilhaan Cumar. “Sannadkii 1991 waxaad qiratay in laba mar aad aqalka Kongreska ka qarisay maclumaad la xiriira ku lug lahaanshahaada fadeexaddii Iraan, mana garanayo sababto caddeyn walba oo aad maanta bixiiso ay run ku noqon karto”. Sidaasi waxaa Elliott Abrams u sheegay Ilhaan Cumar. Hadalka Ilhan Cumar ayaa waxaa aad uga xanaaqay dadka ay ku weyntahay Yuhuudnimada Madaxweyne Trump oo siyaasadihiisu aysan la dhacsaneyn Ilhaan ayaa maalin kahor sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Muranka hadda taagan ayaa yimid kadib markii lhaan Cumar ay sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay raali geli ka dalbato Ilhaan Cumar. Waxaa kale oo uu sheegay in raali gelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay. Ilhaan ayaa u muuqato qof aad uga soo horjeeda qorsha walba oo uu madaxweyne Trump damac sanyahay, waxaase aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrintan, maadaama Ilhaan ay ka tirsan tahay guddiga arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ah mid si gooni ah u taabaneysa siyaasadha Trump iyo xulafadiisa. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay hadal warbaahinta uu siiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale beyle. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu su’aalo kaga keenay hadalkii wasiir Beyle uu kaga hadlayay shirkadaha waaweyn ee aan bixin canshuurta dalka, waxaana qoraalkiisa u qornaa sidan:- Wasiir Beyle waxaan waydiin lahaa canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?! Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9 Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka ugu danbeyn 15ka Maarso 2019. Sidoo kale Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka 3dii February 2019 waraaq ayuu u diray Wasiirka Maaliyada lagu farayo in uu kusoo gudbiyo Hindise Sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay oo ah 15ka Maarso 2019. Hada waxaa iswaydiin mudan Wasiirka isaga ayaaba laga sugayaa sharcigii canshuuraha iyo tacriifooyinka lagu qaadi lahaa ee dadka uu u goodinayo soo in sharci wax looga qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog in uu ku dhaco?! Mudane Wasiir ilaahey ka baq oo umaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley kamaba dhaafayside! Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Xasan Cali Kheyre uu la kulmay guddigii dhawaan uu dhisay ee badbaadinta iyo soo celinta hantida Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay maanta la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan. Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan.
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. The post Gollaha Wasiirada XFS oo ansixiyey heshiis lala galay Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Washington)-Aqalka Hoose ee Mareykanka oo ay Dimuquraadiyiintu ku badan yihiin ayaa shaley go’aamiyey in in ay taageerada milatari ka jareen isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo ee Yemen ka dagaalamaya. 248 ayaa Haa ku codeysay qaraarka, halka 177-na ay Maya ku codeeyeen. Waa markii koowaad ee uu Aqalka Hoose ee Mareykanku uu isticmaaley sharciga Awoodda Dagaalka. Tillaabadan ayaa waxa ku xigi doonta in Aqalka Sare uu asna cod galiyo sharcigan. Aqalka Sare ayaa qaadey tillaabo tan la mid ah 2018-kii, ka hore intii aan doorashadi xilliga dhexe ee Mareykanka aan la galin. Mareykanka ayaa isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo waxaa uu ka caawiyaa dhanka sirdoonka dagaalka iyo saadka. Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu xiray gaari nooca Harier-ka ah. Ciidamada amaanka ayaa doonayay inay ka hor tagaan gaariga oo doonayay inuu xoog ku gudbo goob ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka ee degmada C/Casiis, balse gaariga ayaa la sheega inuu markii dambe qarxay. Lama sheegin khasaaraha uu gaarigaasi geystay, balse ciidamada amaanka la sheegay inay dhaawacyo kasoo gaareen gaariga ku qarxay markii baaritaanka sameynayeen. Dhinaca kale wararka aan ka heleyno isgoyska VIA Roma ee degmada X.weyne ayaa sheegaya in halkaasi la dhigay gaari looga shakisan yahay inay ku xiran waxyaabaha qarxa. Ciidamada amaanka ayaa dadka deegaanka u diidaya inay u dhawaadaan goobta gaariga la dhigay, waxaana lagu waramayaa in la xiray goobaha ganacsiga ee u dhaw isgoyska VIA Roma ee degmada X/Weyne. Labadii maalin ee ugu dambeeyay qaraxyo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood lala eegtay AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Uganda)-Madaxtooyadda dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday Madaxweyne Yoweri Museveni uu booqasho rasmi ah dhowaan ku imaanayo Magaalada Muqdisho. Yoweri Museveni ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ay maalmo ka hor isku arkeen magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay kaga qeybgaleen shirkii 32-aad ee madaxda Midowga Afrika. Lama sheegin xilliga rasmiga ah uu imaan doono, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday Museveni inuu Muqdisho yimaado. Qoraal ay faafisay Madaxtooyada dalka Uganda ayaa lagu sheegay in markii Madaxweyne Farmaajo lagula taliyay inuu sameysto Ciidan iskood u shaqeysta oo Soomaali ah, kuwaasoo ah maleeshiyaad gobolada dalka laga soo kala xulayo. Waxaa sidoo kale qoraalka dowladda Uganda lagu sheegay in muddo ku siman laba sanno gudahood lagu qarameen karo Ciidankaas, iyadoo lala kaashanayo Odayaasha qabaa’ilada ay ka soo jeedaan Ciidamada. Ciidamada difaaca Uganda ee UPDF waxa ay hore u ahaayeen Maleeshiyaad Jabhad ah oo uu Museveni hoggaaminayay, Kuwaasoo markii uu tallada Uganda AFganbiga ku qabsaday ka dhigtay Ciidan Qaran, iyadoo sanadkan 2019 Uganda laga xusay sannad guuradii 38-aad ee ka soo wareegatay markii Ciidankaas la Qarameeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ka carootay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaasoo uu ku sheegay in Soomaaliya ka mid tahay dalalka aan laheyn dowlad shaqeysa. Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sannadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howlgalka AMISOM, waa dalka ugu badan ee Ciidamo ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM. Source
-
The United States is proud to support the people and government of Somalia as they seek to create a better tomorrow, including through economic development and job creation. The United States is committed to providing up to $74 million in investment for these programs. This week, U.S. Ambassador to Somalia Donald Y. Yamamoto visited with the Somali companies and owners that are beneficiaries of U.S. support through the USAID GEEL program. (GEEL stands for Growth, Enterprise, Employment and Livelihoods.) During his visit, the Ambassador stated: “The United States is back and is pleased to support Somali job creation activities. And we are pleased to hear that Somalia is ‘Open for Business’ through GEEL support.” Success stories of U.S. economic development assistance are described below.Summary: Habo Tuna Canning Factory, presently directly employs 160 people and buys seafood from over 2,000 fishermen. With USAID support, the company was able to revive and expand its operations. Starting in late 2017, Habo purchased over $500,000 worth of tuna from local fishermen. This has had a huge impact on the local economy, and local fishers are returning to fishing. This season, the additional USAID co-funded blast freezers will allow Habo to produce more than 40,000 cans of tuna, an estimated $2 million value, and plan on hiring 40% more people to work in their factory. Horn Gardens is one example of how USAID is partnering with a Somali business leader with a vision to help that vision become a reality. Horn Gardens has gone from a single greenhouse to become the first local agro-dealer providing high quality agricultural inputs combined with extension services to local farmers. They are now working with 31 farms and have introduced climate-smart greenhouses and drip irrigation systems that reduce water waste by 80% and are providing farm management support to another 400 farmers. We’re creating opportunities for women farmers and entrepreneurs. In partnership with MicroDahab, USAID is helping women business owners to take out loans they need to build their businesses and farms. With USAID’s support, MicroDahab is supporting many women entrepreneurs take out loans to start and expand their businesses. Somali women face serious barriers in accessing finance. To break down such barriers, GEEL is partnering with banks and Somali women-owned businesses to find solutions to such challenges. GEEL has supported one of the leading female agribusiness companies in Somalia, (Somfresh), to access finance and technology for wholesale and retail sales of fruits and vegetables. GEEL provided technical and investment support for her to take out a loan from Dahabshiil Bank to purchase a new farm which will improve her supply chain. GEEL also providing in-kind grant in the form of cold storage to improve her fresh fruits business. USAID is partnering with a number of livestock companies, including Irmaan Dairy, Beder, and Sommilk, to improve milk processing and nutritional value of local milk. The post Press Statement: Overview of U.S. Support to Somalia Economic Development appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel-mariyay heshiiska tababbarrada ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Hal-beegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Ugu dambeyn, Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada DF oo Ansixiyay Heshiis ay horay u kala saxiixdeen Somalia iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo has received the diplomatic credentials from two new ambassadors into the country. The ambassadors are Rahul Chabbra of India and Nigeria’s Vincent Omeokachie. The diplomats delivered a letter from the leaders of their respective states to Somali president. In his letter via Indian ambassador, Prime Minister Narendra Modi has thanked Somali government and its people for the warm welcome and growing bilateral ties between the two countries. On his part, Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo who received greetings letter from his Nigerian counterpart, Mohammadu Buhari has thanked the west African state for its peacekeeping mission in Somalia particularly in the AMISOM police sector that trains the Somali police force. Somali leader pledged to strengthen the diplomatic ties between India and Nigeria. Two diplomats are part of the growing diplomatic interest in Somalia as the country experience relative peace. The post Somali president receives credentials of new ambassadors appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mudisho (Caasimadda Online) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxa ay ku meel mariyeen Heshiiska Tababarrada Ciidamada ee ay horay u kala saxiixdeen dawladaha Soomaaliya Iyo Turkiga. Wasiirrada xukuumadda ee kulanka goob joogga ahaa ayaa dood kadib waxa ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen heshiiska oo horay wasaaradda difaaca dalku ay ugu soo gudbisay golaha wasiirrada si loo dardar-geliyo qorshaha dawladda Turkigu ay ku tababarayso ciidanka xoogga dalka, arrintaas oo qayb ka qaadanaysa in Soomaaliya ay hesho ciidamo tababaran, tayaysan oo tirsan, lana wareegi kara mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga guud ee dalka. Halbeegyada wasaaradda difaacu ay ku leedahay tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah in laga shaqaysiiyo qaybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka looguna helo tababarrada iyo agabka ay u baahnayihiin si ay awood buuxda ugu yeeshaan in ciidanka nabad ilaalinta midawga Afrika ay ugala wareegaan mas’uuliyadda amniga. Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay qorshaha dayn cafinta, dar-dar gelinta qorshaha dib-u-eegisa dastuurka iyo tayaynta shaqaalaha dawladda iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigay Xeer Ra’iisul Wasaare, Number 47 oo qeexaya habraaca heshiisyada dawladda federaalka kaas oo faraya hay’ad iyo wasaarad waliba ee dawladeed in ay ku salayso heshiisyada iyo is-afgaradyada ay gelayso si loo haleeshiiyo hannaanka dawlad wanaagga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Gacmo Madhan Ka Taaggan Shirka KULMIYE Garabkii new UCID ee uu hoggaamiyaha u ahaa Jamaal Cali Xuseen ee la midoobay Xisbiga KULMIYE Sanadkii 2017kii, ayaa sheegay in aan Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE xataa goob joogeyaal looga ogolaan. Siyaasi Cali Guray oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE isla markaana ka mid ahaa garabkii Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen kula biiray KULMIYE, ayaa in xukuumad ahaan iyo xisbi ahaanba ay faro madhan ka joogaan. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo qoraal arrintaasi ku faafiyey Bogga Facbuuga uu ku leeyahay ayaa yidhi “Umaddii dhamayd ee New UCID saw kuwii Kulmiyoobay ee heshiiska la galay KULMIYE aniguna aan taageeraha Kulmiye noqday. Maanta xaalkoodu ma uf baa la idin yidhi baa? waxan maqlayay xataa goobjooge loogama ogolaanin madasha Kulmiye eh qof shaqo ka helay xukuumadda Kulmiye-na waxaan ogahay hal qof oo keliya. Qaar baa aniga ila soo xidhiidha oo marka waxaan ugu jawaabo garan waayo ku idhaa INSHA ALLAH KHAYR.” Dhanka kale Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay inay saddex-da Xisbi Qaran ay yihiin qaar isku mid ah oo aan wax-ba Is dhaamin “Dad baa u haysta xisbiyadu inay yihiin sadex laakiin maaha waa guri keliya oo sadex qol ah. Qolkii aad ka joogtaba saw gurigii uun maaha’?. Jamaal Cali Xuseen ayaa bilawgiiba ka maqnaa caleemo saarkii madaxweyne Biixi oo uu sheegay in aan garabkiisii la maamuusin lana siin kaadhadhka xafladda sidaasna hal kaadh oo la siiyay uu ku diiday waxaanu hadda u muuqda mid aan la dhacsanayn sida wax u socdaan. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah haweenka degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay maanta cabasho la hor tageen madaxtooyadda Somaliland iyaga oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na ka dalbadey inuu soo daayo isla markaana uu cafis u fidiyo dhalinyaro Culimo ah oo xidhan isla markaana Sheekha Aadan Sune ku jiro, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Riix Sawirkan hoose Ilhan hadii aad rabto Qoraalka Rasmiga Ilhan Omar @IlhanMN Hi @realDonaldTrump– You have trafficked in hate your whole life—against Jews, Muslims, Indigenous, immigrants, black people and more. I learned from people impacted by my words. When will you? https://twitter.com/time/status/1095442482727399430?s=21 … TIME @TIME President Trump says Rep. Omar’s apology for Israel tweets was ‘lame’ http://mag.time.com/4FnfEgv Qaran News
-
Shirkadda Dp World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee Dp World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido Dp World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo Dp World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda Dp World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka Dp World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. Dp World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda Dp World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Qaran News
-
Popular Contributors