-
Content Count
207,401 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Galgaduud (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya caruur ay aalad ay ku cayaarayeen kula qaraxday degaanka Xaraale ee gobolka Galgaduud. Lama oga waxa qaraxa dhaliyey, waxaase loo badinayaa in ay tahay miino halkaa lagu aasay xilligii colaaduhu ka jireen halkaasi. Daahir Yuusuf Dhago-badan, gudoomiyaha tuuladaasi hoostagta maamulka Galmudug ayaa sheegay in hal Ubad uu ku dhintay, mid kale uu ku dhaawacmay. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa raaciyay in midka dhaawaca loola caray Isbitaal ku yaala degmada Caabud-waaq si xaaladiisa wax looga qabto. Dadka degaanka ayuu ka dalbaday in ay ka feejignaadaan dhacdooyinka ah, ayna ku cayaarin aaladaha aysan aqoon u lahayn. The post Caruur ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha Booliska maamul goboleedka Puntland ayaa faray shacabka in ay dowlada hoose ku war-geliyaan cida ay guryaha ka kireynayaan. Ujeedka ay ka leeyihiin talaabadaan ayuu ku qeexay adkeynta amniga iyo in laamaha amaanka ay helaan xogta cida kusoo korodhay magaalooyinka waawayn ee dowlad goboleedkaasi. Taliyaha ayaa daboolka ka qaaday in ay sharciga la tiigsan doonan cid kasta oo ka dhago adeegta fulinta amarkaasi, oo uu ku tibaaxay in uu yahay mid kama dambeys ah oo ay qaataan. Hadalka taliyaha ciidamada Booliska Puntland ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay sameynayeen xoogaga maamul goboleedkaasi howlgalo lagu sugayo nabad-gelyada. The post Taliska Booliska Puntland oo amar kusoo rogay shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galkacayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dab xalay qabsaday kaalin Shidaal oo ku taala koonfurta magaalada Galkacayo, ee xarunta gobolka Mudug. Dabka oo aanan la ogayn waxa dhaliyay ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro u badan mid hantiyadeed, iyada oo aanan jirin cid wax ku noqotay. Gurmad baaxad leh oo ay ku jiraan gaadiidka dab-damiska oo ka kala yimid koonfurta iyo waqoyga magaalada ayaa dhalisay in lagu guuleysto daminta dabkaasi. Maamulka degmada ee ka kala tirsan maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa uga mahad-celiyay shacabka doorka ay ka qaateen baq-tiijinta dabkaasi. The post Dab xalay qabsaday xarun ganacsi oo ku taalo Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si adag kaga hadlay xaaladaha ka jira deegaanada Somaliland iyo kacdoonka Shacab ee ay ku abaabuli doonaan madaxweyne Biixi. Xoghayaha Duulista Hawada ee xisbiga Wadani Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye Mudadii todobada sano ee lasoo dhaafay uu Somaliland geliyay heshiisyo aysan qaadi karin. Wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraatka Carabta, kaasi oo ay kula wareegeen dekada Magaalada Berbera, isaga oo sheegay in dhaqaalaha ku baxay heshiiskaasi inaan looga faa’ideyn Shacabka Somaliland. Nuuradiin Aw Cabdi, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in deegaanada Somaliland abaaro ay ka jiraan, iyadoo Shan Milyan oo lagu qaatay heshiiskii Dekada Berbera aan looga faa’ideyn shacabka. Wuxuu sheegay in hadda ay abaabuli doonaan kacdoon dadweyne oo ka dhan ah maamula madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay doonayaan in shacabka ay ka dhiidhiyaan dhibaatada ay Somaliland u horseedayaan madaxda Kulmiye. Arinta kale ee cajiibka ah ayuu sheegay inay tahay in Imaaraatka Saldhig laga siiyay Berbera iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe], taliyaha ciidamada xooga Soomaaliya ayaa sheegay in dowladu ay ka go’an tahay dib-u-dhiska ciidamada. Indhaqarshe ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah dalalka caalamka uu balanqaaday in uu xukuumada ka taageerayo arrintaas. “Dowladu way ka go’an tahay dib-u-dhiska ciidamada..dal aan dhowaan booqday wuxu noo balanqaaday inuu naga taageero qalabeyntiisa, sida in uu dib-u-helo qalabkii uu caanka ku ahaa sida; diyaaradaha,” ayuu ku daray. Ugu dambeyntii, taliye Indhaqarshe ayaa ugu baaqay ciidamada xooga wadanka in ay u turaan shacabka si ay taageero uga helaan. The post Indhaqarshe: “DF way go’an dib-u-dhiska ciidamada” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka. Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan. Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan. The post Khayre oo dalbaday xoojinta baadigoobka Hantida Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ay ku qaaday saldhiga ciidamada dowlada iyo kuwa Jubaland ee degaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay sheegtay xarakada Shabaab in uu ka dhashay duulaankaasi, wallow aanan la hubin tirada saxda ah. Dadka degaanka ayaa soo warinaya in xaalada ay saaka tahay mid degan, islamarkaana ciidamada ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan. Maamul goboleedka Jubaland illaa iyo haatan kama uusan hadlin weerarka saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday saldhiga degaanka Bar Sanguuni. The post AlShabaab oo madaafiic ku weerartay saldhiga Bar Sanguni appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay ku garaaceen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo marar badan Al Shabaab ay weerareen. Ma jirto xog rasmi ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee Al Shabaab ay ku garaaceen saldhiga Baar Sanguuni, balse Al Shabaab ayaa baahiyay in ciidamo ay ku dileen weerarka. Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarka Madaafiicda ah ee ka dhacay saldhiga Baar Sanguuni, waxaana Al Shabaab ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhiga. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegay inay sameeyeen howlgal Isbaari qaadis ah, iyaga oo sheegay in ciidamadii ku sugnaa inta u dhaxeyso Tixsiile iyo Warmaxan ay ka saareen goobtaasi. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ma jiro wax faahfaahin ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ka bixiyay weerarada Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadooda. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa is weydiin mudan sidiee Muuqaalka Hay’adaha amaanka ku yimid baraha bulshada, iyadoo aysan soo baahin muuqaalkan la helay laamaha ku shaqada leh kaamirooyinka qarsoon. Muuqaalka waxaa ka hoos hadlaya dumar badan, waxaana muuqata inay mobeyl ku duubeen xilli dhalo laga duubayay, iyadoo ay meesha ka muuqato in ka hor laamaha amaanka ay dumarkaasi muuqaalka banaanka keeneen. Waa ruux dhalinyaro ah oo wata dhar midabkiisu Jaale u badan yahay, waxaana hor socota gabar yar oo u muuqata inaysan waxba kala socon dhagarta uu maleegayo ruuxa ka muuqda muuqaalka. Laamaha amaanka ayaa sidaan oo kale waxaa horay looga helay labo muuqaal oo kala ahaa Qarax ka dhacay agagaarka dekada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, balse qaraxii Soobe ayaa u muuqday mid ku talo gal loo baahiyay. Al Shabaab ayaa adeegsada habab kala duwan oo gaadiidka ay ugu dhajiyaan waxyaabaha qarxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Daawo-Nin-Alshabaab-ah-oo-si-kalsooni-kujirto-Miino-kuxiya-Baabuur-Muuqaalk.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
IMAGE: INFLORESCENCE BRANCH AND FLOWERS OF ALOE SANGUINALIS AND SAP AS IT DEVELOPS TO THE RICH DARK RED COLOR, WHICH GAVE THE NAME OF THE NEW SPECIES. view more CREDIT: BARKWORTH M, ET AL. Aloe sanguinalis, or Somali Red Aloe, forms large, conspicuous clumps and has blood red sap. Its can easily be spotted from the road, but the species has only just been named and described in the open access journal PhytoKeys. It remains a mystery how this beautiful and showy aloe species has remained undescribed by science for so long, but one of the theory is that the plant was ‘hiding in plain sight”‘ in an area not usually known for its hight biological diversity. The locals in the area have long known that the plants were different from other kinds of “Dacar”, (the Somali name for Aloes) in the region and were referring to them as “Dacar cas” or “Red aloe”. Similarly, the scientific name for the new species – Aloe sanguinalis – is based on one of its most distinct characters, its bright red color, coming from the peculiar blood-red sap the plant produces. The leaves also become reddish as they mature. The story of the formal recognition of “Dacar cas” or Aloe sanguinalis, however, began when Ahmed Awale, a leading Somaliland environmentalist, spotted the large, reddish clumps plants, while driving through the country on behalf of Candlelight, an NGO focused on the environment, education, and health. Later on, when the plant came to the attention of Mary Barkworth, a botanist interested in building botanical capacity in Somaliland. After listening to Ahmed, the two of them began looking formally into the possibility that “Dacar cas” was, indeed, an undescribed species. They were soon convinced it was. After the initial excitement, the next step required demonstrating that “Dacar Cas” differs from all the other 600+ known species of Aloe. That step took longer, but finally it has been done. “This news comes from a region which had experienced periods of conflict and instability, climate change effects and accelerated environmental degradation, whereby much of the people’s attention has been focused on promoting livelihoods and resilience. With this positive piece of information we hope that we inspire scientists to further explore the area,” explains Dr Barkworth. The new species is currently known from only two locations, but it is hoped that naming and sharing pictures of it online will encourage discovery and documentation of additional locations. Images and locality information for new locations are welcome at faisaljama24@gmail.com or mary.barkworth@usu.edu. ### Original Source: Barkworth ME, Awale AI, Gelle FJ (2019) Dacar Cas/Somali Red Aloe: a new species of Aloe (Asphodelaceae) from Somaliland. PhytoKeys 117: 85-97. https://doi.org/10.3897/phytokeys.117.28226 Disclaimer: AAAS and EurekAlert! are not responsible for the accuracy of news releases posted to EurekAlert! by contributing institutions or for the use of any information through the EurekAlert system. Qaran News
-
ABAALOOW LAGU BARAY- QABYAALADEEY LAGU NAC. Mujaahid Ali Yussuf [ Ali Guray ] Ina adeer xisbiga KULMIYE waxa uu ku dhisan yahay qaab beeleed oo ah xuddunta qabyaaladda, xubnaha golaha dhexe waxaa lagu soo xulaa isla qaabkaa uu ku dhisan yahay ee beelaha, lama tixgeliyo garabyo xisbi ama ururada siyaasadeed ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE. Waxaa tusaale iga ah, waxa aan ogaa heshiis-kii ay kala saxeexdeen Urur siyaasadeed-kii DALSAN ee uu guddoomyaha ka ahaa EX wasiir Ismaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Xisbiga Kulmiye waa 6 sanno ka hor, waxaa qodobada heshiiskaa ka mid ahaa in uruka DALSAN laga siiyo xisbiga Kulmiye 2 xubnood oo fulinta ah iyo 30 xubnood oo golaha dhex ah. Muddo kadib heshiis-kaa waxaa daaqada ka tuuray madaxwayne Muuse Biixi wacad kiina ka baxay waa inta aanu madaxwaynaha noqon waan-waan dheer kadib waxaa loo baryay inuu Ismaaciil yare kaligii la siiyo hal xubin oo golaha dhexe ah tiina waa loo diiday. Ugu dambeyn waxaa loogu jawaabay meesha beelo ayaa lagu qeybsaday beeshiisa Sacad Muuse gaar ahaan reer samatar ha u soo xushaan ka mid noqoshaha golaha dhexe. Muddo kadib Ismaciil yare waxa la siiyey hal xubin oo ka mid ah 10-kii xubnood ee madaxwayne SIILAANYO loo kordhiyay. Waxa aan boqolkiiba boqol hubaa in adiga, Aqoonyahan Jamal Ali Husseiniyo mas’uuliyiintii New Ucid ee garabkiina la socday laydin marin doono halkii Ismaciil yare la mariyey oo kale lagu odhan doono ardaaga Nuux Ismaaciil ha kuu soo xushaan ka mid noqshada xubnaha golaha dhexe sidoo kalena siyaasi Jamaal Cali Xuseena iyo raggaa kaleba la odhan doono sidaa si la mid ah. Sida oo kale waxaa boqol kiiba boqol ii cad in aad maanta guranaysaan midhahii qadhaadhaa ee qabyaalada aad gacmihiina ku beerateen oo ahayd qaabkii aad ugu biirtay xisbiga Kulmiye oo ahaa qaab beeleed marar badana fagaare yaal bulsho kaga dhawaaq-deen. Garabkii kale ee New Ucid ee la baxay garabka Aqlabiyadda Ucid waxa ay ku soo biireen xisbiga WADDANI waxaana lagu heshiiyay in lasiiyo 3 xubnood oo Hogaanka ah waana loo fuliyay 3 xubnood oo Fulinta ah waana loo fuliyay 2 xubnood oo Garabka haweenka ah waana loo fuliyay iyo 30 xubnood oo golaha dhexe ah. Ugu dambayn, waxa iga talo ah sadex qodob mid yeela :- 1- Qabyaalada aad gasheen ku adkaysta. 2- Caano daatayba dabadood la qabay marka xisbiyada la furo xisbi cusub furta waa haad wali wada socotaane. 3- Ama Xisbiga WADDANI kaalaya gacmo waaway oo furan ayaanu idin ku soo dhaway naynaaye. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Hong Kong (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee DP World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido DP World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo DP World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda DP World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka DP World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. DP World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa arrimaha wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo dedaalka dawladda Turkigu ku doonayso inay dib u bilowdo wada hadaladaas istaagay. Ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Olgan Bekar, ayaa dhawaan socdaal ku yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanu magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sid uu warkani sheegay Madaxweyne Biixi ayaa ergayga Turkiga u bandhigay garnaqsi ku saabsan mucaawiyoonka uu Turkigu siiyo Soomaalida iyo sida aanu saami cadaaladeed ugu qaybin Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in ergayga Turkigu uu qodobkaas kaga jawaabay in hadda wixii ka dambeeya uu Turkigu Somaliland si balaadhan uga caawin doono dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontoda, waxaanu sidoo kale Madaxweyne Biixi uu ergaygu u sameeyay balan qaadyo cusub oo dhinaca mucaawimada ah. Dhinaca wada hadalada, warku wuxuu sheegay in Turkigu doonayo inuu wada hadalada ku haysto qandaraas oo uu isagu hoggaamiyo, laakiin wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi ergayga u bandhigay inay Somaliland doonayso in Turkiga lala wadaago hoggaaminta wada hadalada, waxaana la sheegay inay Somaliland soo jeedisay in hoggaaminta wada hadalka lagu soo daro dawladda Sweden iyo hay’adda xalinta khilaafaadka dunida ee The Centre for Humanitarian Dialogue “HD” oo qaybta farsamada ka caawin doonta wada hadalada. Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Biixi ergayga Turkiga ah u soo jeediyay in dhawr waddan laga dhigo guddi farsamo oo taageera wada hadalada oo isha ku haya dushana kala socda fulinta wixii lagu heshiiyo. Dalalka ay Somaliland soo jeedisay ayaa waxa ka mid ah Maraykanka, Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub. Waxa kale oo la sheegay in Somaliland ergayga u sheegtay farogelin siyaasadeed oo kala duwan oo ay dawladda Soomaaliya ku hayso Somaliland, farogelintaas oo caqabad ku noqon karta wada hadalada. Si rasmi ah looma oga mawqifka uu ergayga Turkigu ka qaatay soo jeedimaha Madaxweyne Biixi, waxase la filayaa inuu dawladiisa kula noqon doono qodobada ay Somaliland u soo bandhigtay si ay wada hadaladu u bilaabmaan, waxaana la sheegay in diblomaasiga Turkigu u muuqday inuu soo dhaweeyay soo jeedimaha Madaxweynaha Biixi. Geesta kale danjire Olgan Bekar, oo lugtiisa ku soo horumariyay magaalada Muqdisho, ayaan la kulmin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, bedelkiisana waxa uu kulan quraac ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo loo arko inaanu saamayn culus ku lahayn go’aamada madaxtooyada Muqdisho. Wararka waxay xaqiijiyeen inaanu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo doonayn in la balaadhiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu soo jeediyo indhaha warbaahinta caalamka, wuxuuna taas bedelkeed doonayaa sida ay shabakadda wararka ee Somaliland sun baahisay in wada hadaladu ku furmaan jawi hoose. Shabakadda wararka ee Somaliland Sun ayaa werisay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu door bidayo inay Djibouti hoggaamiso wada hadalada oo aan wada hadalada laga saarin xayndaabka gobalka Geeska Afrika. Shabakadu waxay sheegtay in wada hadaladu dhawaan furmi doonaan islamarkaana ay Somaliland iyo Soomaaliya Turkiga ka aqbaleen in dib loo bilaabo wada hadalada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Qatar ayaa la kulantay Madaxa Maamulka Guud ee Hay’adda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Horumarinta Bulshada Al-amiirah Moosa Bintu Naasir. Labada Marwo ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo hannaanka bixinta adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Marwo Saynab ayaa warbixin ka siisay Amiiradda dalka Qatar Marwo Moosa Bintu Naasir dadaalka ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotoma dib u soo celinta waxbarashada asaasiga ah, xoojinta adeegyada bulshada iyo caqabadaha jira ee la doonaayo in ay Dowladaha aan baahwadaagta nahay ee Carabta in ay nagu garab siiyaan. Al-amiirah Moosa Bintu Naasir ayaa ku bogaadisay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayaan dib u soo celinta iyo tayeynta adeegyada bulshada, iyadoona muujisay in ay ka go’an tahay dalkeeda garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Marwada Qaranka ayaa intaas kaddib waxa ay kormeertay qaar ka mid ah Xarumaha Daryeelka Agoonta, Waxbarashada iyo Caafimaadka ee dalkaas Qatar, waxa ayna ku dhiirri gelisay in khibraddooda ku aaddan dhinacyada adeegga bulshada ay ku tayeeyaan dhiggooda Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya heysta sanadihii ugu dambeeyay iyo in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo dhow. Mahdi Guuleed ayaa ugu horeyn sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya inaysan laheyn wax saaxiib dhow ah oo ka hor istaaga in marxaladda lagu jiro lasoo gaaro, balse caalamka oo dhan ku fiirsanayeen marxaladihii lasoo maray. Sidoo kale wuxuu sheegay in ilaa iyo hadda ay Soomaaliya leedahay saaxiibo kooban, islamarkaana wali aysan yeelan saaxiib xabadka u dhigta ama ka hor taga in dhibaatooyinkaan laga baxo. Ra’iisu wasaare ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dalalka caalamka ee hadda taageerada u muujinaya Soomaaliya inay dantooda ka dhex arkeen Soomaaliya, sidaasina ay u caawinayaan. Dan amaan iyo mid dhaqaalo ayuu sheegay dalalka caalamka inay ka leeyihiin Soomaaliya, taasi oo keentay inay taageero u fidiyaan Soomaaliya. “Soddonkii Sano ee ay Soomaaliya burbursaneed Saaxiib laabta u tuma oo u gurmada waa lasoo waayay, Arinta Soomaaliyeed waxa ay ku sugan tahay Xabaal iyo Ninkeed loo kala tag, axsaan noguma aysan soo gurman ee dantooda ayaa ku jirta, Shartiina inay iska mooskaan ayay noogu soo gurmadeen”ayuu yiri Mr Guuleed. Hoos ka daawo Muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Raisul-Wasaare-Kuxigeenka-Sodonkii-Sano-ee-ay-Soomaaliya-burbursaneed-Saaxii.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa horyaala shaqooyin badan oo u baahan in si taxadar leh uu kaga fiirsado dhaqan gelintooda iyo hanaanka loo marayo. Caqabadaha ugu adag ee horyaala ayaa ah amaanka deegaanada Puntland, gaar ahaan dhanka buuraha oo hadda Al Shabaab iyo Daacish ay isku heystaan, iyada oo koox walbaa ay dooneyso inay awood gaar ahaaneed ku yeelato dhanka Buuraha. Kadib marka golaha wasiirada ee uusoo dhisay madaxweyne Deni helaan codka kalsoonida ee baarlamaanka, waxaa hortaala shaqooyin adag, waxaana ugu horeeya in madaxweynaha iyo golahiisa isla fahmaan dhaqan gelin balanqaadyadii uu sameeyay xiligii olalaha doorashada, waana kuwo reer Puntland isha ku wada hayaan wuxuu ka fulin doono. Arrinta kale ee u baahan inay isku fahmaan isaga ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada ayaa ah hanaanka ay ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya oo la rumeysan inay mashaariic badan ka hor istaagtay Puntland intuu xilka hayay madaxweyne Gaas. Haddii madaxda ugu sareyso isku fahmaan hanaanka ay ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya, waxay ka badbaadi doonaan qalalaaso siyaasadeed oo ay galaan, taasi oo caqabad ku noqota howlaha horyaala. Caqabadda hadda kusoo korortay madaxweyne Deni ayaa ah dhanka amaanka ajaaniibta ka howlgasha deegaanada Puntland, waxii ka dambeeyay markii Paul Farmoso lagu dilay dekada magaalada boosaaso. Qaabka uu u wajaho fulinta heshiisyadii uu saxiixay madaxweyne Gaas iyo qancinta beelaha uu albaabada ka xirtay xiligii soo xulista golaha wasiirada ayaa sidoo kal qeyb ka noqon doonto in maamulkiisa guuleysto. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Labadii bil ee lasoo dhaafay dabkii ugu badnaa ayaa ka kacay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolada dalka, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha soo celceliya dabka. Suuqa Bakaaraha oo labo jeer gubtay, Suuqa Madiina, Suuq Bacaad, Dhismo barakacayaal oo ku yaala Kaxda iyo guri ku yaala degmada Waaberi ayaa gubtay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkaan 2019. Degmada Baardheere, Degmada Jowhar iyo magaalada Gaalkacyo ayaa kamid ah goobaha ka baxsan Muqdisho ee dabka uu ka kacay, waxaana badankood goobaha gubtay la sheegay in dabka ka bilowday Koronto. Inkastoo Qadarta Alle qoran tahay haddana, Fiilooyinka korontada magaalooyinka qaar oo aan hagaagsaneyn iyo feejignaan la’aanta dadweynaha ayaa sababa in dabka uu kusoo laalaabto gobolada dalka Soomaaliya. Xilligan la joogo oo dabeylo badan ay dhacaan ayaa ah xiliyada ugu badan ee dabka uu ka kaco gobolada dalka Soomaaliya, waxaana aad u yar meelaha qaar gaadiidka dabka lagu damiyo. Dabkii ugu dambeeyay ee ka kacay kaalin shidaal oo ku taala magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu sababay inuu ku faafo meelo badan, wxaana markii dambe shacabka labada dhinac ee magaalada ay ku guuleysteen inay damiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tiro maleh wasiirrada, heer federaaal iyo heer maamul goboleed. Waxii xil shaqo ah ayaa nin kale xarago ka dhigtay. In kabadan todobaatan wasiir ayaa qeyb ka ah dowladda federalka, waxaa iyagana ka dhicin maamul golboleedyada oo wasiirradu kor u dhafayaan kontameeyo. Haddii aanan gafsaneyn, malaha Soomaaliya waa dalka ugu wasiirada badan aduunka! Qaar qabiil lagu soo xulay, kuwa xigto lagu keenay, qaar qancis lagu soo magacaabay, saaxiibtimo kuwo lagu soo dhoweysatay iyo kuwo gaashaan laga dhigtay, intaba qeyb ayey ka yihiin. Waxaa adag inaad aragto wasiir loo magacaabay majaal takhasuskiisa ah. Taas kasoo horjeedkeeda, nin beeraha soo bartay baa waxbarashada wakiil ka ah, mid ganacsiga yaqaanna baa gadiidka cirka iyo dhulka loo magacaabaa, mid weriye ah baa amaan iyo arrimihiisa wasiir kaaga noqda. waxaase taas kaaga daran mid taksiile ahaan jiray marka wasiir loo magacaabay. Maxay la yaab bay kugu noqon, haddii mid bajaajle ah wasaaradda beeraha mas’uul loogu dhigo?! Waa ugub aduunyadu, shaqsi majaal aan takhasuskiisa aheyn shaqo loogu dhiibo. Haddii ay dhacdana lagama fisho miro dhal badan. Soomaaliyase, wixii nin xil moodo ayaa ninkale xarrago mooda. Maxay wasiirradana tirada badan qabanayaan?, xageese mushaarkooda laga keenayaa? Madaxda Soomaalida, inta badan xil magacaabida kuma xushaan aqoon, bedelkeed, waxay uma magacaabaan, qabiil qancin, saaxiibtinimo, xidid iyo xigto hoose. Hadaba waxaan is weydiiyay, sartu xageey ka qurunsatahay? Maxaa howl ninkeeda heegan yahay mid aan la hubin loo hormarinayaa? Ma shaqadaan daacad loo aheyn, mise dano kala ayaa ku hoos duugan? Ninba wuxuu doonuu garaadkiisu leeyahaye, waxaa muuqata in siyaasiyiinta Soomaalidu aysan weli dowladnimada u bisleen, shacabkuna yahay halka ay dhibta ugu weyn ka taagantahay. Taasna iskama lihiye bal sii wad aqriska. Inkastoo, Soomaaliya aysan shacabku waxba dooran, laakin hadana waxaa jira odayaal dhaqameedyo beelaha soomaalida wakiillo uga ah. Tusaale ahaan, marka lasoo xulayo xildhibaanada waxaa soo xula odayaal ka mid ah beelaha kuwaasoo ay soo wakiisheen shacabka beelahaas walow aan lagu soo xulin wax sharci ah, hadana ninba ninkuu ka afmiishaarsanyahay ayuu beesha uga muuqdaa, waxayna taasi keentay inay xildhibaan u doortaan hadba kii jeebkooda u buuxiya, laakin aan wax dan iyo heelo laga gelin waxa uu dadka iyo dalka tarayo. Marka ay sidaa dhacdo, xildhibaankana uu ogyahay wadaduu xilka ku helay, si la mid, wuxuu marayaa wadadii lagu soo doortay, isagoo dooranaya hadba midka jeebka u buuxiyo, isagoon wax dan iyo daarad ka gelin masiir umadeed. Madaxweynaha la doorto, wuxuu maanka ku hayaa cida dooratay, sababta ay ku doorteen, iyo kuwa doortay sababta ay iyaga laftigooda kursiga ku heleen iyo kuwa ka danbeeya. Marka ay sheekadu halkaa mareyso, wuxuu mid weliba maskaxda ku hayaa inaysan jirin cid la xisaabtami karta. Wuxuuna is leeyahay wixii aad sameyso dhibaato kaasoo gaarimeyso oo Deero, Deero kale u herdiyimeyso. Kii isku dayana, waaba haddii uu jiree, ma tabar badna. Waxay taasi keentay, mar haddii madaxweynuhu aanu ka baqeyn cid la xisaabtanta, xildhibaanku uusan walaac ku haayin odayaashi u caleemo saaray. Dowladnimadi waxay iska noqotay nin walbow dhankaaga ka dhaanso, adeegyadii shacabkana waxaa mas’uul looga dhigay mid aan mudneyn, tiiyoo ay dheeratahay inuu mid weliba maanka ku hayo siduu afarta sano xigta xilka ugu soo laaban lahaa. Aan soo yareeyee, madaxdu dhaliisha malaha. Halka ay dhibaatadu ka dhamaan la’dahay waa shacabka oo kursiga dowladnimada keensada mid aan tooda iyo tan umadda kale aan wax tarin. Goof maran malab lagama gurtee, shacabka waxaa la gudboon inay ka fakaraan sidii ay ku turxaan bixin lahaayeen tacaaladan ay gacmahooda ku toleen. W/Q: Abdinasir Safaana Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qaybtii 3aad “Maxaan dogob beer is idhi Daruuro u soo sasabay Biyuhu uga sii dareen!” Muuse waa la doortay.Talooyin badan waa uu xambaarsanaa.Waxa ugu cuslaa barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo ballanqaadyadii la xidhiidhey ee aannu kala shaqaynay. Waxa aan ka mid ahaa dadkii aqoonsanaa haddii uu Muuse soo baxo oo uu raaco barnaamijkaas siyaasadeed iyo qorshaha hawl-galladiisa ama fulineed ee la socdey waxa ay hoggaamintiisu Somaliland ka tallaabin doontaa is goysyadii halista badnaa ee ay taagnayd. Muuse waxa uu dadkii barnaamijka wadey la qaatay, in kasta oo barnaamij kalena meelo kale dad kale ka wadeen, haddana kaayagii in uu ku socdo barnaamijkaas iyo qorshaha fulintiisa, iyo diyaarinta dadkii u qalmi lahaa ee ka midho-dhalin kari lahaa oo lagu soo xusho aqoon takhasus leh iyo waaya-aragnimo la hubiyey, karti iyo hufnaan la bilkeedey, iyo dadnimo iyo daacadnimo la shirrabay. Somaliland oo ku dhaqanta nidaam mucbeel ama mutaweled ah oo isugu dhafan hab-dawladeed qabali ah iyo mid casri ah (Hybrid) waxa suurta gal ahayd dadka loo baahan yahay in laga heli karayey qabiil kasta oo labeentiisa laga soo xulan karayo. Caqabaadka ugu waaweyn ee Somaliland horyaalley, barnaamijka siyaasadda iyo qorshahiisa fulintuna ka soo dabqaadanayeen waxa ka mid ahaa, uguna muhiimsanaa, illayn haani gun bay ka tolantaaye: Midnimada iyo wadajirka Somaliland oo sii diciifayey intii Kulmiye talada hayey. Lahaanshaha bulsheed (social belongings), ahaansha (Identity) iyo xukunku (authority/govern) si ay isu daboolaan, isuna qabtaan waa in la qaadaa markiiba tallaabooyinkan oo soo noolayn kara dhayidda iyo xoojinta wadajirka bulshada ayaa qorshuhu ahaa sida: • Dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqda qofka ee muwaaddinnimo/geyiilennimo. (Noolaynta ku daadashada ummadnimo iyo qarannimo qof qof iyo bulsho ahaanba). • Madaxtooyadu waa in ay noqotaa meel ay iska wada dhex arkaan bulshada kala duwani oo ay wada lahaanshe ka dareemaan meel iyo xafiis kasta oo ay adeeg uga baahdaan. • In dib loogu noqdo saami-qaybsiga kuraasta aqalka wakiillada. • In dib loo jeedaaliyo distoorka qaranka si wax-ka-beddelka loo baahan yahay loogu samayn karo. • Golaha guurtida- In dib loo eego tirada iyo saami-qaybsiga kuraasta iyo habraaca xulashada. • In la iska jiro cudurka weynaynta magaalo-madaxda, iyada oo hay’adaha waaweyn ee qaranka loo kala qaybinayo gobollada waddanka. (maamul daadejin) • In culays la saaro daah-furnaanta iyo xakamaynta musuqmaasuqa, eexda, qaraabokiilka iwm oo ay ku jirto caddaynta ama xaqiijinta hantida shakhsiga ah inta aan xilka loo cayimin . • In dib loo eego xeerarka habraac ee dawladda dhexe iyo dawladaha hoose, maamul daadejinna lagu sameeyo. • In dood laga furo isu soo dhoweynta iyo midaynta 18-ka May iyo 26-ka Juun. Qorsheyaasha kale iyo fulintoodu waxa ay ku saabsanaayeen hagaajinta tayaynta iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaale, adeegyada bulsheed, amniga iyo arrimaha dibedda. Xoogga waxa uu qorshaha hawl-galeed saarayey oo mudnaanta koowaad lahaa kor-u-qaadka iyo tayaynta dhaqaalaha (xoolaha, beeraha, kalluunka, macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah, ganacsiga iyo maalgelinta maxallig ah iyo ta shisheeye, tayada bangiga iyo xeerarka lagu maamulayo iwm), caafimaadka, waxbarashada, xasillonida iyo xidhiidhka dibedda, arrimahaas oo lagu xaqiijin karo dhisidda xukuumad tayo leh oo yeelata maamul wanaag iyo xilkasnimo hoggaamineed sida sharciga oo cid kasta ka sarreeya, garsoor hufan iyo caddaalad, xakamaynta iyo la dagaalanka musuqa, lunsiga hantida qaranka, qaraabokiilka, eexda, sugashada degganaan siyaasadeed iwm oo ka mid ahaa waxyaalihii daashadey ee hoos u dhigay haybadda iyo milgaha dawladnimo ee xukuumadihii hore, gaar ahaan tii u dambeysey ee Kulmiye. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 4aad Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Who is responsible to care and help the street children with the burden to manage their own living? This article is turning the attention of the government and the attention of all Somaliland citizens to the sufferings, pains, live miseries and the unbearable situation that Somaliland street children are facing in the streets of its cities. It is investigating the role of the government and local community in supporting street children. It is revealing how deep the government is aware about the thousands of street children suffering in the towns it governs. It is highlighting how far our community is conscious about the problems that Somaliland street children are within; by judging if the community believes that it has a role to do something about solving the problems of the street children. Street Children are just children like ours; but are traumatized, chronically neglected, abandoned, and may be orphaned, physically and mentally exploited by other older ones and may be sexually abused. Any child living, working or begging on the street without the care of a family can be defined as a street child. And any child living, working or begging on the street legally by law is a child in need of care and protection from his/her community. We have to note that referring a street child means a child aged between 7 and 17. The real Street Children we are talking about are not naughty children, not criminals, nor dangerous individuals. The street children we mean are in the above ages, who are thousands in number living in every street of Somaliland cities. These are exploited by the older ones, compelling them to do what they are doing like sniffing of glue and taking alcohol. The street children who are under age, those who are not coping with street life and those who did not go deep in to the street mess, might be easily withdrawn from the street. These are the children we want to save from the danger to be trained to exhibit such behavioural problems and aggressions. They need our urgent help to save them from such substance abuse coping mechanisms before they become part of what they see as their older supportive peer group. The problems for the street children are things like lack of security; lack of home and family care; lack of shelter that prevent the cold in the winter and rains in the night; lack of education; not having where to keep their small belongings; hunger at most of the time; not knowing what to do when they are sick; not knowing how to maintain their self-respect and self-image, when people like us criticize the way they live or their values; feeling discriminated, disguised, inferior and guilty when they don’t get someone help them find a solution for their sufferings; not knowing how to prepare for an adult future; facing harassment problems that causes mental or emotional suffering from the police, from government, from night criminals and from their older peers who pressure them to do something they don’t want to do. In some towns there are homeless street girls who quickly experience and get drawn into forcing sex abuses. These are not so noticeable, and people hardly ever talk about them but they exist and are many in number. These girls are more abused and more in need of help than the boys. The truth is however if we do not respond and take a move to save the future of such homeless street girls, means we accept to keep them on the street and be vulnerable to substance abuse, physical and sexual abuse, as well as exploitation from drug dealers, older street peers and all criminal elements. All children should have security; they should have a home to go to, to provide shelter and a caring family or government or institution or other caring environment; they should be improving themselves and educating at school; they should be clean and healthy, and get help immediately when they are sick. By law children should not have to earn their own living. These we regard as the fundamental rights of children and street children appear to be denied almost all of these rights. This happened to certain percent of our children in the streets partly because of government’s failure in its responsibility and partly because the community’s out of sympathy and out of a sense of morality that offends us when we see children deprived from these childhood essentials. Street children appeal to comprise our paternal or maternal instincts to protect and care them as young children. why the government of Somaliland which has the responsibility for looking after all its citizens; did not respond immediately and continuously when there are children on the streets, with no parents that cares, who do not have adequate food, security, shelter, education and may be are sick?. We can say the government is clearly failing in its responsibility concerning these suffering children. If the government failed, where is the community? We don’t accept our children to earn their own living; but we feed them with all their needs and requirements; why are we (community) ignoring some other children suffering in front of us with a burden to manage their living along the streets; who need us to do something to help them. Having young children on the streets and not responding sympathetically offends, insults, humiliates and wounds our ideas and our morality as community in general. One reason for my appeal to do something for the children is our concern for the future. When we see children neglected on the street, we have to worry about what this means for the future of our society. When we see young children fighting with knives in the streets, we have to worry about how violent they will be when they grow up. Our concern for the street children is mixed with a concern for ourselves and our own children. Let us make our instinctive reaction to draw such children back into our way of life and our values. We can help them turn away from the street living and its related behavioural problems; and we can make difference in their future. We need to decide where and how we want them to live in a way that is practically possible. Though street children are there in all our cities through force of circumstances; the government do not want to talk about their issue; and were trying to wish them out of existence. When one of the street children commits minor misbehavior, immediately the police are rounding them up and sending them to the police stations. I asked one government official is there any policy to help the street children; He simply said “street children are unsightly and dirty to be seen in the streets; and they are tarnishing the image of the city or the country; and that is our major concern”. That is they think the way to solve the problems of the street children is simply to round up and put them in prisons. We hear people talking about “cleaning up” the city from the street children, as if these children of our country are considered dirt. I hope most of us would not agree that this is the way to conceive the sufferings street children are within. The solution is only one and is reintegrating them into the society through caring, helping and educating them. By law the government is responsible to remove them from the streets, to establish Homestead Residence, to care them, to educate them, to develop and brighten their future. Therefore the government should introduce Street Children Development Programmes; with a vision that there will not be a single child earning his own living on the streets of Somaliland cities in the near future. And it should spearhead and coordinate the establishment of a Main Central Homestead Camp for the Street Children, with all its therapeutic residential care, educational facilities and development programmes. But we have to know that beyond the law, this responsibility is upon the humanitarian agencies, social organizations, the rich people, and all of us collectively; these can be stakeholders and have the responsibility to contribute and donate such street children Central Homestead Camp with funds, ideas, building materials and facilities. Street children want to be back with their families, like other family cared children; but they can’t because of the family in poverty or lack of parents. If a homestead camp convenient and suitable in every aspect has been constructed, their families be registered and informed and the children be psychologically encouraged, they may express a desire to leave the streets and catch up the opportunities we offer them. And when taken in to the homestead camp; no child will prefer to live on the street anymore, and will accept to fit into this reliable ever ready and normal mode of life. We cannot hope to build a better society without improving the individuals and families. To that end, each of us must work for the improvement of the street children and youngsters. The youth in the schools and universities, the army and security personnel, the community members in the working places and markets, the rich groups of the society and the common people should share the general responsibility for all our community, with a particular duty to aid those to whom we think they are at the bottom, specially the street children and those at the IDP camps. Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com Qaran News
-
Popular Contributors