-
Content Count
207,409 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Slovenian )Xubin ka tirsan xildhibaannada Slovenian ayaa xilka ka dagay ka dib markii uu dukaan ka xaday rooti la jeexay oo la dhex galiyay wixii lagu cuni lahaa, xildhibaanka ayaa sheegay in shaqaalaha dukaanka ku yaalla Ljubljana ay u isku mashquuleen oo uu wax la hadla waayay. Darij Krajcic ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in uu ka xanaaqay “sida loola dhaqmay” uuna go’aansaday in uu tijaabiyo ilaalada dukaanka isaga oo rootigii iskala baxay. Xatooyadan ayaan la ogaanin, balse xildhibaankan ka tirsan xisbiga talada haya ee Marjan Sarec List ayaa markii dambe ku adkaystay in uu dukaanka ku laabtay si uu lacagta u bixiyo. Xildhibaan Krajcic ayaa raali gain bixiyay, wuxuuna sheegay in uu ka xunyahay “tijaabada uu sameeyay”. Qirashadiisan ayaa markii u horraysay dadku ogaadeen markii uu sheekadan la wadaagay xildhibaanno kale iyadoo guddi xildhibaannada ka tirsan ay kulan lahaayeen Arbacadii. Goobta lacagta laga bixiyo ayaan taagnaa muddo saddex daqiiqo ah, ayuu yiri xildhibaanka 54 jirka ah oo arrintan u sharxaya TV-ga gaarka loo leeyahay ee POP. Waxaa la sheegay saddex ka mid ah shaqaalaha dukaanka in ay ku guul darraysteen in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa xildhibaanka, ayna sababtay in barafasoorkan hore uu tijaabiyo feejignaanta shaqaalaha. “Qofna iima imaanin, qofna igama dabo qaylyin,” ayuu yiri isaga oo sheegaya in kaameerooyinka ammaanka oo aad la isugu halleeyo ay keento in shaqaaluhu ay mararka qaar “taxadarka yareeyaan”. Xildhibaannadii kale marka uu u sheegay markii hore way qosleen, balse Brane Golubovic oo ah hogaamiyaha xildhibaannada xisbiga LMS ayaa Khamiistii cambaareeyay ficilka xildhibaan Krajcic, wuxuuna ku tilmaamay mid aan la aqbali karin. “Isaga ayaa masuuliyadda qaatay, iskii ayuuna isu casilay” Golubovic ayaana saxaafadda u sheegay, “in arrintaasi ay waafaqsan tahay anshax ilaalinta heerka sare ah ee xisbiga. Krajcic ayaa xildhibaannimada loo doortay bishii Sabteembar. Source
-
Feb 10, 2019, The President of Puntland who was elected into office 8th January appointed his 48 cabinet members. One full female minister was included in [...] Source
-
(SLT-Baar-Sungaani) Wararka ka imaaanaya Deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab xalay madaafiic ku garaceen deegaankaasi. Madaafiicda ayaa la soo warinayaa in ay ku dhaceen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose. Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu garaacay saldhig ay ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in madaafiicda ay la beegsadeen saldhig ku yaala deegaanka baar sanguuni, islamarkaana ay khasaaro gaar siiyeen ciidamada xoogga iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan Saldhigaasi. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha jubbaland ee ku sugan deegaanka baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose. Source
-
Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay todobaadka soo socda billowdo sanduuqa dhismaha nabadda ee Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto 30 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah. Hawl-galka Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOM) ayaa Khamiistii sheegay in si loo caawiyo dedaallada nabadeed ee ka jira Dalka Soomaaliyeed la fulin doono mashaariic ay ka mid yihiin qorshaha horumarinta Qaranka iyo dhismaha dib u heshiisiinta. Qaramada Midoobay ayaa taageerayay geeddi-socodka nabadda Soomaaliya tan iyo 2009-kii, isaga oo Sanduuqeeda taakuleyntana uu ku yaboohay ku dhowaan 45 Milyan oo Doollar oo lagu fuliyay mashaariic kala duwan. The post QM oo dhaqaalo horleh ugu deeqday nabadeynta Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay? Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Maxaa ka run ah wixii la sheegay? appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – AMISOM ayaa labo maalin ka hor ku dhawaaqday inay wax ka badalid ku sameysay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo ka socdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007. Warbixin lagu daabacay bogaga lagu faafiyo wararka Al Shabaab ayaa looga hadlay isbadalka ku yimid hanaanka howlgalka AMISOM u wajayaan Al Shabaab. Isbadalka oo uu ku dhawaaqay taliyaha cusub ee AMISOM ayaa ka dambeeyay kadib kulan muddo afar maalin ah talisyada AMISOM uga socday magaalada Muqdisho, waxaana khabiirada dhanka amaanka ay sheegayaan inay arintaasi muujisay hoos u dhaca rajada AMISOM. Al Shabaab ayaa sheegay in qorshaha AMISOM uu u muuqdo mid ay qaateen sanadkii 2011, kaasi oo ahaa mid ku dhifo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ku xigay qorshe kale oo Al Shabaab ay qaateen sanadkii 2015, kaasi oo ahaa in weeraro qorsheysan lala eegto saldhigyada AMISOM. Kadib waxay weerareen saldhigyada ciidamada Kenya, Uganda, Burundi iyo Ethiopia ay lahaayeen gobolada Hiiraan, Shabeelaha Hoose, Baay iyo Jubbada Hoose. Khuburada dhanka amaanka ayaa sheegaya inaysan sahlaneyn in AMISOM ay dhaqan geliso go’aanka ah inay yareeyaan ciidamadii tirada badnaa ee weerarada u geysan jiray Al shabaab. Maadaama AMISOM aysan aheyn jabhad dagaalameysa waxaa adkaan doonta inay u dhaqmaan sida Al Shabaab oo kale. Sidoo kale khabiirada ayaa sheegaya in AMISOM ay ku adkaan doonto inay weeraraan saldhigyada Cayiman ee Al Shabaab kadibna ay kusoo laabtaan xarumihii ay ka dhaqaaqeen, maadaama shaqada laga doonayo ay tahay inay magaalooyin horleh qabsadaan. AMISOM ma heystaan diyaarado gaar ah iyo ciidamo u tababaran sida KUMAANDOOSKA, waxaana taasi ay noqon doontaa caqabad kale, iyo inay u baahdaan mashruuc kale oo dhaqaale kale ay ku helayaan. Arinta Shakiga badan keeneyso ayaa ah bixitaanka ciidamada Burundi la filayo inay dalka ka baxaan bishaan dhamaadkeeda oo aan lasii cadeyn cidda badali doonto iyo taliyaha cusub ee AMISOM oo u dhashay Ethiopia oo doonaya inuu aragti cusub ku hogaamiyo AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Galgaduud (SMN) – Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya caruur ay aalad ay ku cayaarayeen kula qaraxday degaanka Xaraale ee gobolka Galgaduud. Lama oga waxa qaraxa dhaliyey, waxaase loo badinayaa in ay tahay miino halkaa lagu aasay xilligii colaaduhu ka jireen halkaasi. Daahir Yuusuf Dhago-badan, gudoomiyaha tuuladaasi hoostagta maamulka Galmudug ayaa sheegay in hal Ubad uu ku dhintay, mid kale uu ku dhaawacmay. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa raaciyay in midka dhaawaca loola caray Isbitaal ku yaala degmada Caabud-waaq si xaaladiisa wax looga qabto. Dadka degaanka ayuu ka dalbaday in ay ka feejignaadaan dhacdooyinka ah, ayna ku cayaarin aaladaha aysan aqoon u lahayn. The post Caruur ku dhimatay qarax ka dhacay gobolka Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha Booliska maamul goboleedka Puntland ayaa faray shacabka in ay dowlada hoose ku war-geliyaan cida ay guryaha ka kireynayaan. Ujeedka ay ka leeyihiin talaabadaan ayuu ku qeexay adkeynta amniga iyo in laamaha amaanka ay helaan xogta cida kusoo korodhay magaalooyinka waawayn ee dowlad goboleedkaasi. Taliyaha ayaa daboolka ka qaaday in ay sharciga la tiigsan doonan cid kasta oo ka dhago adeegta fulinta amarkaasi, oo uu ku tibaaxay in uu yahay mid kama dambeys ah oo ay qaataan. Hadalka taliyaha ciidamada Booliska Puntland ayaa kusoo aadaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay sameynayeen xoogaga maamul goboleedkaasi howlgalo lagu sugayo nabad-gelyada. The post Taliska Booliska Puntland oo amar kusoo rogay shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galkacayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dab xalay qabsaday kaalin Shidaal oo ku taala koonfurta magaalada Galkacayo, ee xarunta gobolka Mudug. Dabka oo aanan la ogayn waxa dhaliyay ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro u badan mid hantiyadeed, iyada oo aanan jirin cid wax ku noqotay. Gurmad baaxad leh oo ay ku jiraan gaadiidka dab-damiska oo ka kala yimid koonfurta iyo waqoyga magaalada ayaa dhalisay in lagu guuleysto daminta dabkaasi. Maamulka degmada ee ka kala tirsan maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa uga mahad-celiyay shacabka doorka ay ka qaateen baq-tiijinta dabkaasi. The post Dab xalay qabsaday xarun ganacsi oo ku taalo Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Xisbiga Wadani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa si adag kaga hadlay xaaladaha ka jira deegaanada Somaliland iyo kacdoonka Shacab ee ay ku abaabuli doonaan madaxweyne Biixi. Xoghayaha Duulista Hawada ee xisbiga Wadani Nuuradiin Ibraahim Aw Cabdi ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye Mudadii todobada sano ee lasoo dhaafay uu Somaliland geliyay heshiisyo aysan qaadi karin. Wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiskii Somaliland la gashay Imaaraatka Carabta, kaasi oo ay kula wareegeen dekada Magaalada Berbera, isaga oo sheegay in dhaqaalaha ku baxay heshiiskaasi inaan looga faa’ideyn Shacabka Somaliland. Nuuradiin Aw Cabdi, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in deegaanada Somaliland abaaro ay ka jiraan, iyadoo Shan Milyan oo lagu qaatay heshiiskii Dekada Berbera aan looga faa’ideyn shacabka. Wuxuu sheegay in hadda ay abaabuli doonaan kacdoon dadweyne oo ka dhan ah maamula madaxweyne Muuse Biixi, islamarkaana ay doonayaan in shacabka ay ka dhiidhiyaan dhibaatada ay Somaliland u horseedayaan madaxda Kulmiye. Arinta kale ee cajiibka ah ayuu sheegay inay tahay in Imaaraatka Saldhig laga siiyay Berbera iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe], taliyaha ciidamada xooga Soomaaliya ayaa sheegay in dowladu ay ka go’an tahay dib-u-dhiska ciidamada. Indhaqarshe ayaa intaasi ku daray in mid kamid ah dalalka caalamka uu balanqaaday in uu xukuumada ka taageerayo arrintaas. “Dowladu way ka go’an tahay dib-u-dhiska ciidamada..dal aan dhowaan booqday wuxu noo balanqaaday inuu naga taageero qalabeyntiisa, sida in uu dib-u-helo qalabkii uu caanka ku ahaa sida; diyaaradaha,” ayuu ku daray. Ugu dambeyntii, taliye Indhaqarshe ayaa ugu baaqay ciidamada xooga wadanka in ay u turaan shacabka si ay taageero uga helaan. The post Indhaqarshe: “DF way go’an dib-u-dhiska ciidamada” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kulankiisii ugu horreeyay la qaatay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka. Khayre ayaa guddiga talo ka siiyay hannaanka ay u gudanayaan waajibaadka laga doonayo, isaga oo ku dhiirri geliyay samaynta Istaraatiijiyd ku habboon dar-dargelinta mas’uuliyadda ka saaran badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha guddiga, ahna wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda fedraalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, oo ka warbixiyay shirka ayaa sheegay in kulankooda maanta looga hadlay qorshaha waxqabadka guddiga ee sannadkaan 2019, ayna Ra’iisul Wasaaraha kula wadaageen hannaanka ay u qaabeeyeen shaqada ay qabanayaan. Wasiir Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddiga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay isla garteen in shaqooyinka guddiga la haleeshiiyo tubaha qaranka iyo in wasaarad waliba ay sannadkaan gacanteeda kusoo celiso ugu yaraan sedax hanti dawladeed oo aan cid gaar ah gacanta ku hayn iyo laba hanti dawladeed oo gacanta ugu jirta shaqsiyaad ama shirkado gaar ahna, sidoo kalana isla sannadka gudihiisa laga shaqaysiisyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaystaan. The post Khayre oo dalbaday xoojinta baadigoobka Hantida Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar madaafiic ay ku qaaday saldhiga ciidamada dowlada iyo kuwa Jubaland ee degaanka Baar Sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayay sheegtay xarakada Shabaab in uu ka dhashay duulaankaasi, wallow aanan la hubin tirada saxda ah. Dadka degaanka ayaa soo warinaya in xaalada ay saaka tahay mid degan, islamarkaana ciidamada ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan. Maamul goboleedka Jubaland illaa iyo haatan kama uusan hadlin weerarka saacadihii lasoo dhaafay lagu beegsaday saldhiga degaanka Bar Sanguuni. The post AlShabaab oo madaafiic ku weerartay saldhiga Bar Sanguni appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Subax ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Tiro madaafiic ah ayaa la sheegay in Al Shabaab ay ku garaaceen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo marar badan Al Shabaab ay weerareen. Ma jirto xog rasmi ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee Al Shabaab ay ku garaaceen saldhiga Baar Sanguuni, balse Al Shabaab ayaa baahiyay in ciidamo ay ku dileen weerarka. Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarka Madaafiicda ah ee ka dhacay saldhiga Baar Sanguuni, waxaana Al Shabaab ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhiga. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegay inay sameeyeen howlgal Isbaari qaadis ah, iyaga oo sheegay in ciidamadii ku sugnaa inta u dhaxeyso Tixsiile iyo Warmaxan ay ka saareen goobtaasi. Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ma jiro wax faahfaahin ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ka bixiyay weerarada Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadooda. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa is weydiin mudan sidiee Muuqaalka Hay’adaha amaanka ku yimid baraha bulshada, iyadoo aysan soo baahin muuqaalkan la helay laamaha ku shaqada leh kaamirooyinka qarsoon. Muuqaalka waxaa ka hoos hadlaya dumar badan, waxaana muuqata inay mobeyl ku duubeen xilli dhalo laga duubayay, iyadoo ay meesha ka muuqato in ka hor laamaha amaanka ay dumarkaasi muuqaalka banaanka keeneen. Waa ruux dhalinyaro ah oo wata dhar midabkiisu Jaale u badan yahay, waxaana hor socota gabar yar oo u muuqata inaysan waxba kala socon dhagarta uu maleegayo ruuxa ka muuqda muuqaalka. Laamaha amaanka ayaa sidaan oo kale waxaa horay looga helay labo muuqaal oo kala ahaa Qarax ka dhacay agagaarka dekada Muqdisho iyo qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, balse qaraxii Soobe ayaa u muuqday mid ku talo gal loo baahiyay. Al Shabaab ayaa adeegsada habab kala duwan oo gaadiidka ay ugu dhajiyaan waxyaabaha qarxa. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Daawo-Nin-Alshabaab-ah-oo-si-kalsooni-kujirto-Miino-kuxiya-Baabuur-Muuqaalk.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Click here Qaran News
-
IMAGE: INFLORESCENCE BRANCH AND FLOWERS OF ALOE SANGUINALIS AND SAP AS IT DEVELOPS TO THE RICH DARK RED COLOR, WHICH GAVE THE NAME OF THE NEW SPECIES. view more CREDIT: BARKWORTH M, ET AL. Aloe sanguinalis, or Somali Red Aloe, forms large, conspicuous clumps and has blood red sap. Its can easily be spotted from the road, but the species has only just been named and described in the open access journal PhytoKeys. It remains a mystery how this beautiful and showy aloe species has remained undescribed by science for so long, but one of the theory is that the plant was ‘hiding in plain sight”‘ in an area not usually known for its hight biological diversity. The locals in the area have long known that the plants were different from other kinds of “Dacar”, (the Somali name for Aloes) in the region and were referring to them as “Dacar cas” or “Red aloe”. Similarly, the scientific name for the new species – Aloe sanguinalis – is based on one of its most distinct characters, its bright red color, coming from the peculiar blood-red sap the plant produces. The leaves also become reddish as they mature. The story of the formal recognition of “Dacar cas” or Aloe sanguinalis, however, began when Ahmed Awale, a leading Somaliland environmentalist, spotted the large, reddish clumps plants, while driving through the country on behalf of Candlelight, an NGO focused on the environment, education, and health. Later on, when the plant came to the attention of Mary Barkworth, a botanist interested in building botanical capacity in Somaliland. After listening to Ahmed, the two of them began looking formally into the possibility that “Dacar cas” was, indeed, an undescribed species. They were soon convinced it was. After the initial excitement, the next step required demonstrating that “Dacar Cas” differs from all the other 600+ known species of Aloe. That step took longer, but finally it has been done. “This news comes from a region which had experienced periods of conflict and instability, climate change effects and accelerated environmental degradation, whereby much of the people’s attention has been focused on promoting livelihoods and resilience. With this positive piece of information we hope that we inspire scientists to further explore the area,” explains Dr Barkworth. The new species is currently known from only two locations, but it is hoped that naming and sharing pictures of it online will encourage discovery and documentation of additional locations. Images and locality information for new locations are welcome at faisaljama24@gmail.com or mary.barkworth@usu.edu. ### Original Source: Barkworth ME, Awale AI, Gelle FJ (2019) Dacar Cas/Somali Red Aloe: a new species of Aloe (Asphodelaceae) from Somaliland. PhytoKeys 117: 85-97. https://doi.org/10.3897/phytokeys.117.28226 Disclaimer: AAAS and EurekAlert! are not responsible for the accuracy of news releases posted to EurekAlert! by contributing institutions or for the use of any information through the EurekAlert system. Qaran News
-
ABAALOOW LAGU BARAY- QABYAALADEEY LAGU NAC. Mujaahid Ali Yussuf [ Ali Guray ] Ina adeer xisbiga KULMIYE waxa uu ku dhisan yahay qaab beeleed oo ah xuddunta qabyaaladda, xubnaha golaha dhexe waxaa lagu soo xulaa isla qaabkaa uu ku dhisan yahay ee beelaha, lama tixgeliyo garabyo xisbi ama ururada siyaasadeed ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE. Waxaa tusaale iga ah, waxa aan ogaa heshiis-kii ay kala saxeexdeen Urur siyaasadeed-kii DALSAN ee uu guddoomyaha ka ahaa EX wasiir Ismaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) iyo Xisbiga Kulmiye waa 6 sanno ka hor, waxaa qodobada heshiiskaa ka mid ahaa in uruka DALSAN laga siiyo xisbiga Kulmiye 2 xubnood oo fulinta ah iyo 30 xubnood oo golaha dhex ah. Muddo kadib heshiis-kaa waxaa daaqada ka tuuray madaxwayne Muuse Biixi wacad kiina ka baxay waa inta aanu madaxwaynaha noqon waan-waan dheer kadib waxaa loo baryay inuu Ismaaciil yare kaligii la siiyo hal xubin oo golaha dhexe ah tiina waa loo diiday. Ugu dambeyn waxaa loogu jawaabay meesha beelo ayaa lagu qeybsaday beeshiisa Sacad Muuse gaar ahaan reer samatar ha u soo xushaan ka mid noqoshaha golaha dhexe. Muddo kadib Ismaciil yare waxa la siiyey hal xubin oo ka mid ah 10-kii xubnood ee madaxwayne SIILAANYO loo kordhiyay. Waxa aan boqolkiiba boqol hubaa in adiga, Aqoonyahan Jamal Ali Husseiniyo mas’uuliyiintii New Ucid ee garabkiina la socday laydin marin doono halkii Ismaciil yare la mariyey oo kale lagu odhan doono ardaaga Nuux Ismaaciil ha kuu soo xushaan ka mid noqshada xubnaha golaha dhexe sidoo kalena siyaasi Jamaal Cali Xuseena iyo raggaa kaleba la odhan doono sidaa si la mid ah. Sida oo kale waxaa boqol kiiba boqol ii cad in aad maanta guranaysaan midhahii qadhaadhaa ee qabyaalada aad gacmihiina ku beerateen oo ahayd qaabkii aad ugu biirtay xisbiga Kulmiye oo ahaa qaab beeleed marar badana fagaare yaal bulsho kaga dhawaaq-deen. Garabkii kale ee New Ucid ee la baxay garabka Aqlabiyadda Ucid waxa ay ku soo biireen xisbiga WADDANI waxaana lagu heshiiyay in lasiiyo 3 xubnood oo Hogaanka ah waana loo fuliyay 3 xubnood oo Fulinta ah waana loo fuliyay 2 xubnood oo Garabka haweenka ah waana loo fuliyay iyo 30 xubnood oo golaha dhexe ah. Ugu dambayn, waxa iga talo ah sadex qodob mid yeela :- 1- Qabyaalada aad gasheen ku adkaysta. 2- Caano daatayba dabadood la qabay marka xisbiyada la furo xisbi cusub furta waa haad wali wada socotaane. 3- Ama Xisbiga WADDANI kaalaya gacmo waaway oo furan ayaanu idin ku soo dhaway naynaaye. Alaa mahad leh. Amb Ahmed Safiina Qaran News
-
Hong Kong (Caasimada Online) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka ayaa maxkamadda sare ee Hong Kong dacwad kaga furtay shirkadda dawladda Shiinuhu kaabto ee China Merchants Port Holdings Company Ltd. Wakaaladda Factwire ayaa heshay warqadaha dacwadda ee DP World oo ubucdoodu tahay in shirkadda Shiinuhu leeyahay dawladda Jabuuti culays ku saartay in ay dekedda Doorale ka erido DP World. Shirkadda Shiinaha ee la dacweeyay waa shirkad weyn oo ka shaqaysa dhisidda dekedaha, hirgelinta agabka badaha iyo Koontiidharada iyo maamulidda dekeddaha waxaana lagu tilmaamay mid qayb ka ah fulinta siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinuhu ku hananayo goobaha muhiimka ah ee Afrika. Shirkadda DP World oo ah shirkad weyn oo maamusha 78 dekedood oo ku kala yaalla 42 dal oo caalamka ah ayaa shirkadda Shiinaha ah ku eedaysay in ay dawladda Jabuuti kala shaqaynayso sidii maamulka dekedda Doorale looga dhigi lahaa mid dawli ah si looga eryo DP World, islamarkaana ay booskeeda u gasho shirkadda Shiinaha ah. Shirkadda DP World waxa ay ku doodaysa in ay shirkaddu si qarsoodi ah qayb ahaan u iibsatay saamigii dawladda Jabuuti oo ahaa 33% halka DP World lahayd 66%, islamarkaana ay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay boos uga heli lahayd dekedaha Berbera. Shirkadaha DP World, China Merchants Port Holdings iyo dawladda Jabuuti ayaan wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan siin wakaaladda Factwire laakiin, warbaahinta Shiinaha ayaa si weyn u qaada dhigtay kiiskan u dhexeeya labada shirkadood. Wakaaladda ayaa sheegtay in ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen in shirkadda Shiinaha ee Merchants Port Holdings doonayso in kiiska loo wareejiyo Jabuuti, islamarkaana DP World oo cadaymaheeda laga sugayo 15-ka bishan, halka dhegaysiga shirkadda Shiinaha la qaban doono October 15, 2019. DP World ayaa dacwadda gudbisay bishii August ee sanadkii 2018. Shirkadda DP World oo ku doodaysa in heshiiska ay la gashay Jabuuti oo 30 sannadood ahaa uu dhigayay in aanay cid kale arrimaha badda iyo dekedaha ee Jabuuti ka shaqayn Karin muddada heshiiskan ayaa dagaal culus oo siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba ah kula jirta dawladda Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa dhawr jeer Jabuuti kaga guulaysatay dacwado lagu qabtay Ingiriiska waxaana la eegaya in ay ku guulaysato kiiskan oo saamayn ku yeelan kara Jabuuti. Shirkadda DP World ayaa u muuqata mid aan rajo ka qabin in ay dib u maamusho dekedda laakiin, ay doonayso in ay carqaladayso horusocodka dekedda Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa arrimaha wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland iyo dedaalka dawladda Turkigu ku doonayso inay dib u bilowdo wada hadaladaas istaagay. Ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Olgan Bekar, ayaa dhawaan socdaal ku yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanu magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sid uu warkani sheegay Madaxweyne Biixi ayaa ergayga Turkiga u bandhigay garnaqsi ku saabsan mucaawiyoonka uu Turkigu siiyo Soomaalida iyo sida aanu saami cadaaladeed ugu qaybin Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in ergayga Turkigu uu qodobkaas kaga jawaabay in hadda wixii ka dambeeya uu Turkigu Somaliland si balaadhan uga caawin doono dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontoda, waxaanu sidoo kale Madaxweyne Biixi uu ergaygu u sameeyay balan qaadyo cusub oo dhinaca mucaawimada ah. Dhinaca wada hadalada, warku wuxuu sheegay in Turkigu doonayo inuu wada hadalada ku haysto qandaraas oo uu isagu hoggaamiyo, laakiin wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi ergayga u bandhigay inay Somaliland doonayso in Turkiga lala wadaago hoggaaminta wada hadalada, waxaana la sheegay inay Somaliland soo jeedisay in hoggaaminta wada hadalka lagu soo daro dawladda Sweden iyo hay’adda xalinta khilaafaadka dunida ee The Centre for Humanitarian Dialogue “HD” oo qaybta farsamada ka caawin doonta wada hadalada. Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Biixi ergayga Turkiga ah u soo jeediyay in dhawr waddan laga dhigo guddi farsamo oo taageera wada hadalada oo isha ku haya dushana kala socda fulinta wixii lagu heshiiyo. Dalalka ay Somaliland soo jeedisay ayaa waxa ka mid ah Maraykanka, Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub. Waxa kale oo la sheegay in Somaliland ergayga u sheegtay farogelin siyaasadeed oo kala duwan oo ay dawladda Soomaaliya ku hayso Somaliland, farogelintaas oo caqabad ku noqon karta wada hadalada. Si rasmi ah looma oga mawqifka uu ergayga Turkigu ka qaatay soo jeedimaha Madaxweyne Biixi, waxase la filayaa inuu dawladiisa kula noqon doono qodobada ay Somaliland u soo bandhigtay si ay wada hadaladu u bilaabmaan, waxaana la sheegay in diblomaasiga Turkigu u muuqday inuu soo dhaweeyay soo jeedimaha Madaxweynaha Biixi. Geesta kale danjire Olgan Bekar, oo lugtiisa ku soo horumariyay magaalada Muqdisho, ayaan la kulmin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, bedelkiisana waxa uu kulan quraac ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo loo arko inaanu saamayn culus ku lahayn go’aamada madaxtooyada Muqdisho. Wararka waxay xaqiijiyeen inaanu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo doonayn in la balaadhiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu soo jeediyo indhaha warbaahinta caalamka, wuxuuna taas bedelkeed doonayaa sida ay shabakadda wararka ee Somaliland sun baahisay in wada hadaladu ku furmaan jawi hoose. Shabakadda wararka ee Somaliland Sun ayaa werisay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu door bidayo inay Djibouti hoggaamiso wada hadalada oo aan wada hadalada laga saarin xayndaabka gobalka Geeska Afrika. Shabakadu waxay sheegtay in wada hadaladu dhawaan furmi doonaan islamarkaana ay Somaliland iyo Soomaaliya Turkiga ka aqbaleen in dib loo bilaabo wada hadalada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Popular Contributors