-
Content Count
207,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo sabti ah la horgeynayaa Baarlamaanka dowladda Puntland, si ay ugu qaadaan codkooda kalsoonida [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dalka Mareykanka loo qaaday meydadka raggii bil ka hor weerarka ka geystay Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi. Meydadka oo gaaraya lix ruux ayaa lagu waramayaa in dalka Mareykanka loogu qaaday si halkaasi baaritaano dheeri ah loogu sameeyo, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay dowladda Kenya. Ilo xog ogaal ah ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay dalkaasi u qaateen meydadka shan ruux oo ciidamada amaanka ay toogteen iyo ruuxa lixaad haraadigiisa maadaama ii isqariyay. Warar kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in baaritaanka lagu sameynayo meydadka ragga weeraray hotelka DUSIT ee xaafadda Westland ay lug leeyihiin xubno ka tirsan sirdoonka maamulka Israel ee Muusaad loo yaqaan. Dhowr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u ururiyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib, waxaa ay Mareykanka u qaadeen meydadka xubnaha weerarka fuliyay. Agaasimaha Laanta dambi baarista ee dalka Kenya George Kinoti ayaa dhawaan shaaciyay in khuburo caalami ah ay ka qeyb qaadanayaan baaritaanka meydadka, balse wuxuu xiligaasi sheegay in gudaha Kenya lagu sameyn doono baaritaanka. Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ayaa dhacay 14kii January,waxaana la soo gaba gabeeyay 15kii Bishaas,iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib u dhashay Mareykanka,UK Koofur Afrika iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?. Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaji Cali Axmed, ayaa Hantida u ku Helay Xilka gudoomiyenimo intii uu hayey, waxa kamid ah Guri-Veilla-fooq ah oo ku yeela duleedka galbeed ee Huteel Mansoor, Kaas oo loo dhisay qaab-ban-gala food ah, isla markaana lagu qiyaasay cadaadka Lacagta ku baxday Boqolaal kun oo Dollar. Md. Aadan Xaji Cali xilka Gudoomiyenimo ka hor, waxa uu jaggooyin kasoo Qabtay Jaamacada Hargeysa, gaar ahaan Kuuliyada Sharciga, sidoo kale waxa uu la taliye Madaxweyne u magacaabay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, labada xil ee dawliga ah, waxa kaloo uu Gudoomiye uu kasoo noqday Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsof, taasoo gudoomiye Aadan Xaji Cali u noqotay furihii isagga iyo madaxtooyaddu isku barteen. Xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee mudane Aadan Xaji Cali u hayo waxa loo cumaamaday 2015-kii Xiligii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waqtigaasoo hada laga jooga afar sanaadood. Haddaba ka sekow u adeegista Sharciga xukuumadaha kala dambeeyey ee Kulmiye, waxa sida fiinta Bulshada qaybaheedu uga qayliyeen habka iyo hanaanka uu garsoorkii dalka ku hagay, Kaasoo dadka qaar ku siffeeyaan inuu u agaasimay qaabkii Hayadaha bulshada rayidka ah, halkaasoo ahayd meeshii uu kusoo indho-dilaacsaday, waxana kamid ah dhaliilaha Garsoorka uu usoo jiiday garsoore Maxkamadeed oo shir-saxaafadeed kaga hadlaya kiis uu garsoorkiisa ka garnaqay, taasoo meelka dhac ku ah xuquuqda muwaadinkii garta waayey ama se weli ay u furan tahay racfaan inuu ka qaato kiiska lagu riday. Geesta kale, dacwadaha siyaasiga ah ama la xidhiidha muran-sharci oo Siyaasi ah ee u ka garnaqay mudadii xilka hayey Aadan Xaji Cali, waxa kamid ah murankii Xisbiyada Mucaaridka ah iyo wasaarada arrimaha gudaha iyo sidoo kale khilaafka labadii garab ee Ucid. Labadan gal-dacwadeed mida hore waxay kusoo beegantay xilli uu xilka hayey bilo, runtii waxay noqotay arrin markaa aad loogu dhegtaagayey bal dhanka uu iska taagi doono, hase-yeeshee nasiib Wanaag waxa uu qaatay go’aan dhexdhexaad ah, oo runtii aan la odhan karin dhankii Dawlada ayuu u jan-jeedhay, waxanu arinkaasi sababay amaan badan oo bulshada qaybo kamid ahi u jeediyeem goaankii uu ka qaatay Gudoomiye Aadan X. Cali. Hase-ahaatee waxay talo-dhabaqday Gudoomiye Aadan-na xaalkiisi uu noqday mid lamid ah halku dhigi ahaa “.. Inaan-yahay ku qariyey-qariyey ee Gudo-xun”. Markii uu ku fashilmay inuu uga qarnaqo khilaafkii Xisbiga Ucid si Cadaalad ah. Khilaafka Xisbiga Ucid oo bulshadu Ka war-qabtay inuu ahaa mid madaxtooyadii hore dabada ka riixaysay, isla markaana loogu danaynaayey Madaxweynaha Maanta, cadalaad-daradii Kiiskaa uu kaga garnaqay Aadan Xaji Cali, Wuxuu sidaa ku xaq-waa siiyey Musharrax Jamal Cali Xuseen iyo garabkiisi, oo runtii iyaggu ahaa rajo soo celintii Xisbinimo ee Ucid. Waxa kaloo Xusid mudan Md. Aadan Xaji Cali inuu ku dhex milmay tartankii Xisbiyada Siyaasadda, isla markaana uu si toosa ula saftay Madaxweynaha hada tallada haya, dhowr jeerna safaro la galay, isagoo ah Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland. Haddaba waa iga su’aalla sideebuu gar Cadaalad ah uga qaadi karaa laba Muwaadin midna safkiisa ahaa midna kasoo horkeeday shalay. La soco Qaran News
-
SAHANKII KULMIYE SOW MAAHA! Waxaan maalmahan ku arkaayey website yada Somalida warar sheegay in siyaasiyiin ka soo jeedo Somaliland ay tageen dhankaa iyo Muqxisho. Hadaba waxaan ku sameeyey baadhid waxa ay ahaayeen ragan iyo waxa ay aaminsanaayeenba. Ugu horeyn la a ka mid ah waxa ay ka soo shaqeeyeen dowladdii madaxweyne Dahir riyaale oo ay ka soo qabteen xilal, ka dibna waxa ay ku biireen xisbiga talada haye ee kulmiye oo ka gaadheen ilaa heer wasiir ku xigeeno. Ilaa maantadaa meel ay xisbigii kulmiye kaga baxeen maan arag maan maqal, oo xitaa xisbigii kulmiye muu eryin oo war kamuu soo saariin erigooda sidii dhawaan cubns xisbiga uu uga saareyba. Kolkaa waxaan ka fikiray laba arin in uu mid uun xisbigii ay ka tisanaayeen ka fikiray oo kala ah (a) in uu yidhaado markaa horaba waxay ahaayeen reer hebel oo waa somaliweyn. (b) tan labaad oo ah in Isla kulmiye ay is ogaayeen oo ay u soo sahaminayaan. Waayo wasiir ku xigeenka guduhu siddii la doonayey ugama hadlin, xisbigiina iskaba dhaaf shib ay ka tidhaahdeen. Markaan dib u eegay cajaladihiu ololaha kulmiye waxaan arkay iyaga oo leh wadani waa somaliweyn, maantase miyaanay iyaga ku cadeyn oo markhaatigii la waxa arkeyn. Ugu danbeyntii wey ku cadahay ee umada runta ha u sheegaan Waayo iyagaa sharcigii badalay oo xalaal ka dhigay in qofkii doonaya uu tagi karo kana iman karo Muqxisho. Abdi Abdi madoobe2@hotmail.com Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid CabdullaahiDeni, ayaa xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Sabtida maanta horgeynayaa, golaha wakiilada dowladda Puntland, si ay xasaanadda u siiyaan. Mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa wadar ahaan codka kalsoonida ugu qaadaya xukuumadda cusub, kadib markii la hor geeyo, si ay u ansixiyaan ama u diidaan. Golaha wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxaana la filayaa in ay codka kalsoonida helaan, maadaama ay badanyihiin xildhibaannada taageersan. Hase yeeshee, waxaa jira mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo dhaliilsan, habka dheelli-tirka awood-qeybsiga beelaha ee xukuumadda cusub, kuwaaso oo diiddan in la ansixiyo. PUNTLAND POST The post Puntland: Baarlamanka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wada-hadallo u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa ka socda magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wada-hadalladan ayaa waxaa billowgooda ka shaqeeyay siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, ee ay isku beesha yihiin Axmed Madoobe, kuwaas oo doonaya heshiis ay gaaraan labada dhinac ka hor doorashada madaxweyne ee la qorsheeyey inay Jubaland ka dhacdo daba yaaqada sanadkan. Kulamadan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga wakiil ah agaasime ku xigeenka ahna sii hayaha agaasimaha nabad-sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin. Wada-hadallada labada dhinaac, oo muddo la isku dayaye, ayaa ugu dambeyn dhaqaaqay kadib markii shir ay Garowe ku yeesheen madax goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo intii lagu guday jiray caleemo saarkii Siciid Cabdulahi Dani. Qorshaha socda ayaa ah in heshiis ay gaaraan dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ka hor inta uusan qabsomin shirka bisha March loo ballamay ee Garoowe ku dhex-maraya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in dowladda oo muddo diidaneyd wada-hadallada oo uu rabay Axmed Madoobe ay soo dabacday kadib markii ay fahsilmeen dagaallo dhowr ah oo ay ku qaaday Axmed Madoobe, oo ay ka mid ahaayeen; In khilaaf laga dhex abuurto qabaa’ilka Jubaland iyo in Axmed Madoobe laga soo furo dowladda Kenya. Si gaar ah, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay, in dowladda Kenya ay diiday dalab uga yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa inaysan taageerin Axmed Madoobe, taasi oo dowladda ku qasabtay miiska wada-hadalka. Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn cadaadis ka yimid beesha caalamka, oo isku dayeysa in doorashada Jubaland aysan noqon tii Koonfur Galbeed oo kale, oo dhiig badan uu ku daatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Midowga Yurub oo si foolxun u bah-dilay Sacuudi Carabiya Ururka Midowga ayaa bah-dilay boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii si rasmi ah uu ugu daray liiska madow ee dalalka halista ku ah ururkaas, taasi oo la filayey toddobaadyadii dhowaa.. Sacuudigan ayaa waxaa liiskan lagula daray dalalka Nigeria iyo Panama. Warbixin kasoo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Sacuudiga liiska loogu daray sababo la xidhiidha, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada iyo been xalaalaynta lacagaha. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka xun tahay go’aankan, ayada oo intaas ku dartay “Boqortooyada waxaa ka go’an la-dagaalanka ben xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixsada.” Liiskan, oo horey ugu jireen 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi, ayaa hadda noqonaya 19, waxaana kusoo biiray Sacuudiga, Nigeria iyo Panama. Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka. Ka sokow dhaawaca caalamiga ah ee gaadhaya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerar madaafiic ah oo shalay subax ay qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in weerarkii madaafiicda ahaa ee shalay ka dhacay xerada Balli-Doogle ay ku dishay sedax askari oo caddaan ah. Inkasta oo aysan xaqiijin dhalashada askartaas, haddana Shabaab waxay sheegtay in loo badinayo in ay yihiin American. Waxay sidoo kale sheegtay inay dishay shan askari oo ah kuwa calooshood ushaqeystayaasha ah ee shirkadda Bancroft. Warka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in 8 askari oo Soomaali ah ay ku dhaawameen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Balli-Doogle ee Sh/hoose. “Askarta caddaanka ah ee ku dhintay weerarkii madaafiicda waxaa kamid ahaa taliyihii heystay saldhigga Ballidoogle oo magaciisa lagusoo gaabiyay G. Four” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Ma jirta cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Sidoo kale dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaan ka hadal weerarkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga ayaa bah-dilay boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii si rasmi ah uu ugu daray liiska madow ee dalalka halista ku ah ururkaas, taasi oo la filayey toddobaadyadii dhowaa.. Sacuudigan ayaa waxaa liiskan lagula daray dalalka Nigeria iyo Panama. Warbixin kasoo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Sacuudiga liiska loogu daray sababo la xiriira, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada iyo been xalaalaynta lacagaha. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka xun tahay go’aankan, ayada oo intaas ku dartay “Boqortooyada waxaa ka go’an la-dagaalanka ben xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixsada.” Liiskan, oo horey ugu jireen 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi, ayaa hadda noqonaya 19, waxaana kusoo biiray Sacuudiga, Nigeria iyo Panama. Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka. Ka sokow dhaawaca caalamiga ah ee gaaraya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka. Warbixin dhawaan la soo saaray oo la xiriirtay in Soomaaliya ay tahay Dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayuu soo hadal qaaday Wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay mudane, Beyle, aragti qaldan oo laga badbadiyay. “Musuq maasuqa xagga hoose yaan ku jirnaa Soomaalidu waxay tiraahda “Been fakatay run ma gaarto” waa aragti qaadasha , waan ku dabajirnaa laakiin waxaan doonaynaa in Dadka Adduunyada inaan u sheegno inaanan sidii hore ahayn ee ay wax waliba is-beddaleen” ayuu yir wasiir Beyle. Wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaaradda Maaliyaddu sameysay website lagala socda oo laga heli karo xogta maaliyadeed ee Soomaaliya marwalba lagu daabaco warbixinnada ugu dambeeya. ‘waxyaabaha la innoo siinayay halka hoose waa inaanay naga soo bixi jirin warbixinnada loo baahnaa markaas baa la oranayay halkii hore siiya, taasina waa arrin aan ka dagaallamayno iminka” ayuu yirri wasiirka Maaliyadda. Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay wada hadallada deyn cafinta Caalamiga ah oo ay ku xirnaayeen shuruudo ay ka mid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa wada hadaladaas oo la soo gabagabaeynayo wajigooda Saddexaad (SMP3) Bisha Afaraad ee Sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Stockholm (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cawad uu , Wallström la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka. Cawad iyo Margot waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo, waxa ayna adkeeyeen sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee nafci is dhaafsiga ah.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay shirkii Midowga Afrika ay gaadhsiiyeen farriimo ku saabsan qaddiyadda Somaliland. Mar uu ka hadlaayey Shirka Afrika iyo qadiyada Somaliland ayaa wuxuu Faratoon waxa uu yidhi “Qadiyada Somaliland meel wanaagsan bay maraysaa, qadiyada Somaliland waa qadiyad uu Caalamka ka wada dharagsan yahay” Waxa uu intaas ku daray “Shirkii Afrika ayaanu ka nimid, Shirkana Afrika qadiyadeena aad baa loola socday, oo looga dharagsanaa, qadiyadeena iyo waxaa inoo hirgalay waa mid Caalamku inooga markhaati furay, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadato waa hubaal in rajadeena iyo hamigeenu dhab noqon doono, si rasmiyana u heli doono waxaynu rabno” Faratoon ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland “waxaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba leeyahay marnaba ha niyad jabina ee qadiyadiina iyo qaranimadiina sii xoojiya, Xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay dariiqa ay doontaba ha nagu qaadatee in aanu kaga dhabeeyno rajada Shacabkayaga.” Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa Faratoon waxa uu yidhi “Siyaasadda Xukuumadda waxaa ka mid ah in aanu mar walba awooda saarno sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Caalamka, dhabihiina waanu ku taagan nahay, oo imika waxaa jira Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamka oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, waxaana rabnaa in aanu cid walba ku qancino jiritaanka Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
“Bulshooy adigaa milga leh Ninkii ballankaaga qaaday Ka baaqday xilkaad u dhiibtey Ka baydhay ujeeddadaada U boodey cirkaas dusheenna Buurtuu koray waarin mayso!” Guryasamo Allahayow ku dareeryey geelii. Waa la galay doorashadii oo lagu kala calaf qaaday xanaf iyo xanuun kasta oo ay lahayd, Muusena mawlaca ayuu is keenay. Waa madaxweynaha sharciga ah ee shanta sannadood ee soo socda iyo weliba ‘daba-dhahdeennii xaaraanta ahayd’. Hawlaha u yaalla ee miiska u sii tuurani ma yara.Xilkasnimo, dedaal badan iyo daacadnimo ayaa wax lagaga qaban karaa.Muuse shaadhkii iyo shaarubihii libaaxa ayuu gashaday, ciddiyihii shabeelkana wuu la soo baxay.Albaabka ayuu hoosta ka xirtay. Qofkii arrin u socda ama gaar ha u noqdo ama mid guud ha noqdo’e Dr Sacad Cali Shire oo wasiirradii Siilaanyo ka mid ah buu ku reebay oo yidhi u tag. Ma aha Muusihii shalayto ee dhegaysiga badnaa. Waa run oo ma aha. Gafi waa runtiisii oo durba fuq tag awelba lagu xifaalayn jirey baa ka muuqda. Jileec baa ishaa inoo yeelaye “ha is adkeeyee daaya”, go’aan adaygii aynu ku doorannay iyo geesinnimaa ka soo jiijii lehe, “daaya daaya odayga”, ayay tiraabtu u badatay. Dad badan baa xil in ay helaan u doonyaysnaa. Xil in la doonaa ceeb ma aha, in se loo meel dayaa qumman oo aan maryaha loo tuurin, loona dudin. Dad kale oo badani waxa riixayey in Muuse ku socdo barnaamijkii siyaasiga ahaa ee xisbigu ballanqaaday iyo qorshihii hawl-galladiisa oo af Muslim iyo mid Gaalaadba ku qornaa., waxna aynu kaga soo xusnay qormadii tan ka horraysey. Dad badan xil in ay helaan tanaa kaga cuslayd.Waa ciddii fahamka u lahayd in guul kasta oo la gaadhaa ay tacab khasaari karto haddii aan hanasheeda loo dhug yeelan oo gacmaha lagu xejin. In la guuleysto hanashadaa ka hawl badan oo ka culus, waayo guusha la gaadhaa haddii ay hanasho weydo waa ay fool hallowdaa oo luntaa. Immisa jeer oo hore ayaa guulo ummadeed la soo hooyey oo haddana la hanan waayey oo fool hallow ku dhacay, aduun bayna kaa go’an yihiin maalmahays guray, saw ma aha?1 Sida roobka ayay xoghaynta madaxweynaha cusub talooyinku ugu shubmeen, xaraynta CV-yaduna isu tuureen. Waxa aan ka mid ahaa dadkii wax is bidayey ee u xidhxidhnaa in ay ka qayb qaataan hanashada guushii la soo hooyey si aanay u fool hallaabin, looguna ilaaliyo xayndaabka iyo xerada ballanqaadyadii siyaasadeed ee barnaamijka xisbiga, iyo qorsheyaashii hawl-qabadyada ka midho-dhalinta iyo dastuurka waddanka u yaalla. Hase yeeshee mar walba waa in lagu xisaabtamaa waaqaca iyo nuxurka guud ee maanhagga bulshada ee maxalliga ah (local social context).Sidii aan qormadii 3aad ku soo xusay Somaliland dawladnimadeedu waa labeeb ama mutaweled (hybrid).Waa isku dhaf hab-dhaqan qabali ah iyo mid casri ah, oo weliba miisaanku u janjeedho dhinaca qabaliga oo bishu u caano shubato. Intii aanu madaxweynaha cusubi waxba magacaabinba waxa soo baxday in Maxamed Kaahin Axmed u cumaamadan yahay jago wasiirnimo oo uu doonayo arrimaha gudaha in uu qabto.Maxamed Kaahin waa aabbahay inaadeerkii afraad.Waa halgamaa in badan siyaasadda kulaalayey oo ku dhex caansiirey.Xaqdhawr iyo xishmadna bulshada inteeda badan ku dhex leh, gaar ahaanna raaska aannu ka soo wada jeedno. Deero uma hirdiyin deero kale in ninkaas odayga ah cidi rabitaankiisa ku doco docayso. Waxa kale oo taasi u quus goysey in aanay suurta gal ahayn in wax xil ah oo kale xaafaddu u dhololi karto, xitaa agaasime ama wax ka hooseeya aanay heli karin, waayo reerihii ama jifooyinka kale ee sare ayaa wixii xilka Maxamed Kaahin ka soo hadha si geed-ka-go’an ah u yeelanaya sida maanhagga guud ee bulsheed iyo nidaamkeenna siyaasadduba isku raacsan yihiin. Halkaasi waa qodob, waa halkii Xuseen-Badhaani Cabdi, saw aha?. waayo waxa aan sidaas u leeyahay in aan soo dhoweeyo fahamka, daacadna aan ka noqdo wixii duunkayga jira oo aanan mutuhin iyo mututuul ku socon. Madaxweynaha cusubi waxa uu digreeto ku magacaabay hormadii ugu horraysey ee xukuumaddiisa cusub.Siyaalo kala duwan ayaa looga dareen qaatay magacaabistaas, gaar ahaan wasiirradiisa oo u badnaa dad ku cusub fagaaraha siyaasdda. Wuu sii amabaqaaday Muuse Biixi oo dhammaystiray xukuumaddiisa. Waa markan kolka su’aalo waaweyn dad badan oo aan ka mid ahay is weydiinayaan. Ta ugu darani waxa ay noqotay marka laga tago tayada liidata ee inta badan xubnaha xukuumadda uu dhisay, waxa soo baxay maamul dhinac ka raran marka la isku minguuriyo dadka uu digreetooyinka ku magacaabay iyo kuwa xilalkii ay xukuumaddii hore ka hayeen sii ambaqaaday. Arrintaasi waxa ay shaki gelisey dad badan oo aan ka mid ahay, weli se kama aan rejo beelin in wax la hagaajin karo, xukuumadda cusubina wax la la saxi karo, waxba se kama soo rayn marnaba. Kala qaybsanaantii bulshada ee horeba u jirtey, doorashadii iyo natiijadeedii oo ummadda sii kala qaybiyey iyo xukuumadda tayada daran ee dhinaca ka raran ee madaxweynuhu soo dhisay waxa soo raacay hoggaanka oo ka gaabiyey inuu ummadda himilo u horseedo oo jiheeyo, rejona geliyo ruuxda darayaysan ee sii kala qaybsamaysa ee bulshada. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 5aad Qaran News
-
Last week, amid protests, the Somali government convened a public meeting at Claridge’s hotel in London to begin the long process of opening up southern parts of the nation for offshore oil drilling with support from Spectrum Geo, a Norwegian seismic data processing company. Opposition parties and members of the Upper House say although Somalia could benefit from the investment through licensing for drilling and any resources discovered, the government should not be taking the steps to exploit Somalia’s potential for oil and gas at this time. They say the Constitution isn’t ready and the administration is too corrupt. The minister of petroleum did not respond to questions sent by the Mail & Guardian, and the government has been largely reticent in the face of sustained criticism. Senator Ilyas Ali Hassan, the chairperson of the national resource, infrastructure and transport committee, put out a four-point statement from the Upper House that contends the administration’s move is a “breach of the laws of the country”. The Somali Constitution, drafted in 2012, is still a provisional one and key articles, including exploration and the division of revenue from natural resources, are not clarified or ratified. Most keenly, Article 44, written to address national natural resources, is a single sentence that reads: “The allocation of the natural resources of the Federal Republic of Somalia shall be negotiated by, and agreed upon, by the Federal Government and the Federal Member States in accordance with this Constitution.” Politicians such as Hassan as well as analysts and citizens say that because no negotiations and agreements have taken place, going ahead with the conference is too hasty. “Until open and transparent contracting systems and revenue sharing agreements are implemented, the FGS [Federal Government of Somalia] has to stop the deals behind closed doors and open up how it awards contracts of oil deals,” Abdirahman Abdishakur, an opposition party leader wrote in a WhatsApp message to the M&G. The government’s framing of the London event has indeed evolved, but the purpose has not. In mid-November 2018, at Africa Oil Week in South Africa, the director general of Somalia’s ministry of petroleum said in a televised interview that the event in London would be the first of bidding or licensing rounds for blocks of land in Somalia for exploration. Then, weeks before, the meeting was portrayed as an open event at which macro-level results of the seismic data testing by Spectrum would be shared, at which point clients including oil companies, exploration managers and academics could bid to buy access to more detailed information about offshore blocks. Although licensing bids to explore blocks has yet to begin, the Somali government and Spectrum will make a sum from any of the data sold. Public concerns are not assuaged. Liban Farah, a Somali activist with the organisation Barkinka, said: “Tender protocol has been announced, the fiscal concepts published; what’s left is the expressions of interest (after viewing the data). The whole point of the conference in London was to invite the bidding and the timelines are already set.” Even with the added explanation, the two-day meeting was described as “highly politicised”, and dozens of Somalis who live in London demonstrated outside the hotel. Abdi Addow, who calls himself an “active citizen” and is the founder of the crisis-mapping platform Abaaraha, told the M&G: “The whole issue is very sensitive and the government could avoid creating mistrust and confusion by being transparent, engaging the public, developing policies and creating space for different opinion.” Many believe the government is pushing ahead because the politicians need quick cash before the 2020 elections. Videos from the event were leaked on social media. In one filmed segment a woman interrupts a speaker, saying: “This is a criminal government. You are prompting war in our country.” After a tussle she says: “I am telling you, this will never work.” Abukar Arman, a former diplomat and analyst, said: “Since federal states and public opinion are clearly against it, this is tantamount to selling illegally acquired properties at an auction in the flea market of exploitation. No transparency, no expert appraisal, and no checks and balances. This shady enterprise is likely to cause bloodshed.” According to Farah, “the single most immediate concern is that this event will entirely derail any future prospects of Somalia ever recovering from the deep-coma paralysis of corrupt abuse of power, compounded by abject disregard for any social contracts. He added: “The international community is overseeing this and they are [a] big part of the problem.” Source: Mail and Guardian
-
The funeral of Paul Formosa, the Maltese port manager who was killed in Somalia last week, will be held on Monday 18 February at 9am at the St Anne’s church in Marsaskala, the Formosa family said on Friday. The family thanked the media for respecting their privacy during this difficult time. Formosa’s body was returned to Malta on Thursday. Paul Formosa was shot and killed in a Somalia by jihadist fundamentalists at the semi-autonomous region of Puntland. He was a port manager at the Bassaso port for the company DP World, which was granted a contract for the development of the port. The governor of the Bari region Yusuf Mohamed, said that the perpetrators were disguised as fishermen, at a fish market through which Formosa was passing through to get to the port. Al-Shabab claimed Formosa was in the country illegal, a claim Despite claims by the fundamentalist group, Formosa was in the country legally. A statement by the Al Shabaab had said that attack was part of broader operations targeting the mercenary companies that loot the Somali resources. Source: Malta Today
-
Qaran News
-
(SLT-Hargaysa) Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa soo bandhigay sababo uu sheegay inuu somaliland uga tagay. Weriye Cabdimaalik oo saxaafada kula hadlay magaalada Jigjiga ayaa ganafka ku dhuftay hadalo ka soo baxay gudoomiyaha Solja oo la xidhiidha waxyaabaha keenay inuu ka tago somaliland. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka jawaabaya hadalada gudoomiyaah Solja ayaa waxa uu yidhi “Waraysi laga qaaday gudoomiyaha Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto waxa uu ku sheegay inaanay jirin wax weriyayaal ah oo somaliland uga tagay xadhig iyo cabudhin, waxaanu si gaar ah u sheegay in aniga oo Cabdimaalik ahi aan iska tagay oo aanay jirin wax xadhig ah iyo wax dhibaato ah oo igu haysatay Burco, waxaanu ku adkaysanayey markasta inaan wax dhibaato ah uga tagin Burco.” Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa soo bandhigay sababo uu sheegay inuu tagay somaliland gaar ahaan magaalada Burco oo uu ku noolaa waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa in hadalka ka soo yeedhay gudoomiyaha Solja uu yahay mid ka duwan sida ay wax u dhaceen, Anigu Burco wax kale ugamaan iman ee xadhig ayaan uga imid kaas oo la xidhiidha warbaahintayada, sida aanu u hadalno, waxa aanu qorno iyo wixii aanu tabino, weerarkii ugu cuslaa noloshayda intaan arkay ayaa nalagu soo qaaday ilaahayna waa naga badbaadiyey laakiin qalabkayagii ayaa la qaatay, gaadhigayagii ayaa lala wareegay anagana waa nala raadinayey umaduna way ogayd oo warbaahinta Burco way baahisay, xaafadaha jaarka la ah xafiiskayaguna way ogaayeen sida xafiiska loo soo weeraray, markaa gudoomiyuhu waxa uu sheegayaa war ka duwan waxaas dhacay.” Weriye Cabdimaalik ayaa sheegay inaanu wax hiil ah uga baahnayn gudoomiye Xuuto waxaanu yidhi “Gudoomiye Xuuto anagu ugama baahnin hiil iyo inuu noo hadlo sababtoo ah kama filayno, aniguna shakhsi ahaan kama filayo Xuuto inuu ii hiiliyo laakiin ka ogolaan maayo inuu I hafro, Imika miyuu damaanad qaadayaa ninka leh Cabdimaalik lama xidhin oo isaga ayaa iskii uga tagay oo isaga oo nabad qaba ayuu iska tagay ma damaanad qaadayaa maanta hadaan Burco ku soo laabto oo aan wajaale ka soo galo, ma damaanad qaadayo balse marka sidaa lay qabto waa ninka ugu horeeya ee odhanaya xadhigiisu waa xalaal hore-na wuu u yidhi.” Ugu dambayn weriye Cabdimaalik ayaa fariin u diray bulshada somaliland waxaanu yidhi “Umada somaliland waxaan u sheegayaa marka la doonayo in qofka xoriyadiisa la banaysto ama la xalaalaysto xadhigiisa iyo dulmigiisa si gaar ah ayaa loo takoorayaa oo waxa la odhanayaa Somaliland ayuu ka soo horjeedaa, aniga oo kaliyana igu dhici mayso balse qof kasta oo ka soo horjeeda dulmiga way ku dhacaysaa, kana yeeli mayno Xuuto iyo qayrkii in naloo soo xidho shaadhka sharciga iyo dawlada iyo shaadhka ururo iyada oo lagu fulinayo dano kale.” Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble ahna guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa markale ku celiyay walaaca ay ka qabaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay sameeyaan muddo kororsi marka muddo xiloodkoodu uu dhamaado. Wuxuu sheegay inay walwal ay ka qabaan suurta galnimada in dhamaadka sanadka 2021 ay doorasho ka dhacdo dalka, maadaama uu sheegay in waxyaabaha qaar oo loo baahnaa inaan xal laga gaarin sida Dastuurka qabyada ah. Nidaamka xisbiyada ayuu sidoo kale sheegay inaan wali la dhameystirin taasi oo caqabad ku ah doorasho dalka ka dhacda dhamaadka sanadka 2021, Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda ay dib u dhigeyso howlo badan oo qasab ah in la dhameeyo ka hor doorashada, waxaana ugu horeeya diiwaan gelinta dadka dhiibinaya codadka iyo hubinta xisbiyada dalka. “Waxaa ii muuqata markaan xukuumadda fiiriyo, in la daahinayo u diyaar garowga Doorashada, lama diiwaan gelin dadkii doorashada aadi lahaa, sharciga doorashada lama keenin baarlamaanka, waxaa fiican oo muhiim ah shacabka inay ogaadaan labo ka hor doorashada dhaceyso nooca ay tahay, waa nasiib daro in masuulkii la doorto afar sano kadib inuu ka fakaro sidii xilka uu kusii haysan lahaa” “Labo bil ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha uu dalbaday in sharciga doorashada la gudbiyo, walina lama gudbin, waxaana laga yaabaa in taasi ay sababto in ugu dambeyn madaxda dalka ay dalbadaan labo ama hal sano oo dheeri ah, haddii aan wax badan la eegin”ayuu yiri Xidhibaan C/qaador Cosoble. Walaaca xildhibaan C/qaadir Cosoble waxaa horey u qabay hogaamiyaasha xisbiyada dalka qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors