Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,411
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka Ahna Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobollada ay ka baadi goobi doonaan Hantida Qaranka iyo goobaha danta guud kaliya aysan ahayn Koofurta Somalia balse ay qeyb ka yihiin Gobollada Waqooyi oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka sheega in Magaalada Muqdisho kaliya u jeedka guddigooda loo aasaasay uu yahay ay tahay mid laga leeyahay dano shisheeye hayeeshee ay Bartilmaameed ka dhigan doonaan meel kasta Hantida qaranka ay taallo. Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka ayaa Carab dhaway goobaha ugu Muhiimsan ee guddigu doonayaan in gacanta dowladda ay dib ugu soo celiyaan iyo qorshahooda ku aadan in ay ugu horreyn Xog Uruurin goobahaas la xiriira sameeyaan taas oo ay u soo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddigaan ku dhawaaqay 12-kii December ee Sanadkii aan ka soo gudbnay 2018 waxaana uu ka dhawaajiyay in guddigaan uu uga golleeyahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen gacanta dowladda Hantida Ma guurtada ah ee Danta Guud maadaama haatan inbadan oo ka mid ah ay shaqsiyaad si gaar ahaaneed u adeegsadaan. The post Goodax Barre “S/land ayaa ku jirta meelaha aan ka baadi goobeyno hantida Qaranka” appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Afgooye (SMN) –War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo ay shalay ka fuliyeen saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday madaafiic ayaa waxa ay Al Shabaab ay sheegeen in ay ku dileen illaa 3 askari oo Ameerikaan ah iyo 5 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Bankarafta Soomaaliya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhaawaceen illaa 8 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo haddama jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda iyo taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii dmabe ayaa waxaa gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay dagaallo u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidadmada dowladda federaalka Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo guulo ka sheegtay weerarkii Balidoogle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Stockholm (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay Magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström, isagoo la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Marwo Margot Wallström waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo. Sidoo kale labada masuul ayaa adkeeyey sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee wax isdhaafsiga labada dal ah. The post Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa dalka Sweden appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu xiray wakiil-wareedkii telefishinka Bulsho Tv ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Kayse Tunkub. Maamulka gobolka Sool ee Somaliland ayaa amray in xabsiga loo taxaabo suxufigan sida ay xaqiijiyeen weriyaal ku sugan magaalada balse maamulka ayaan weli faahfaahin ka bixin xarigiisa. Tan markii madaxweyaha Somaliland loo doortay Muuse Biixi Cabdi waxaa magaalooyinka Burco iyo Hargeysa lagu xiray dad kala duwan oo ay ku jiraan suxufiyiin, abwaanno, aqoonyahanno iyo isimo. Sidoo kale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu xiraa dadka diiddan Somaliland iyo suxufiyiinta wax ka duuba. PUNTLAND POST The post Suxufi lagu xiray magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Dhamaadka Bishaan waxaa qorshaha uu yahay in dalka ay ka baxaan ciidamadii ugu horeeyay ee ka tirsan AMISOM kuwaasi oo gaaraya 1,000 askari oo ka socda dalka Burundi. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda ay ciidamo geysay goobaha la qorsheynayo inay ka baxaan ciidamada ka socdo dalka Burundi ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay deegaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana qorshaha uu yahay inay buuxiyaan booska ay baneynayaan ciidamada AMISOM. Ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay Hirshabeelle ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay la shaqeyn doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee haraya, si aan loo dareemin booska ay baneynayaan ciidamada garaaya kun askari. Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada la qorsheynayo in la geeyo saldhigyada ciidamada AMISOM ee Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo ka tirsan Hirshabeelle. Taliska ugu weyn ee Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo ku yaalla Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulan ku lahaa saraakiil ka socota AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ciidamada la geeyay deegaanada Hirshabeelle lagu kabi doonaa ciidamo dhawaan tababar ugu soo xirmay magaalada Jowhar, waxaana xiritaanka tababarkaasi ka qeyb galay Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Golaha wasiirada cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Deni, ayaa maanta oo sabti ah la horgeynayaa Baarlamaanka dowladda Puntland, si ay ugu qaadaan codkooda kalsoonida [...] Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dalka Mareykanka loo qaaday meydadka raggii bil ka hor weerarka ka geystay Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi. Meydadka oo gaaraya lix ruux ayaa lagu waramayaa in dalka Mareykanka loogu qaaday si halkaasi baaritaano dheeri ah loogu sameeyo, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay dowladda Kenya. Ilo xog ogaal ah ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay dalkaasi u qaateen meydadka shan ruux oo ciidamada amaanka ay toogteen iyo ruuxa lixaad haraadigiisa maadaama ii isqariyay. Warar kale ee soo baxaya ayaa sheegaya in baaritaanka lagu sameynayo meydadka ragga weeraray hotelka DUSIT ee xaafadda Westland ay lug leeyihiin xubno ka tirsan sirdoonka maamulka Israel ee Muusaad loo yaqaan. Dhowr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u ururiyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib, waxaa ay Mareykanka u qaadeen meydadka xubnaha weerarka fuliyay. Agaasimaha Laanta dambi baarista ee dalka Kenya George Kinoti ayaa dhawaan shaaciyay in khuburo caalami ah ay ka qeyb qaadanayaan baaritaanka meydadka, balse wuxuu xiligaasi sheegay in gudaha Kenya lagu sameyn doono baaritaanka. Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ayaa dhacay 14kii January,waxaana la soo gaba gabeeyay 15kii Bishaas,iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib u dhashay Mareykanka,UK Koofur Afrika iyo kuwo kale. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  9. Agaasimihii dekeda Bosaso, Paul Formosa, oo muddo ku dhow labo todobaad maydkiisu ku jiro talaagad kadib markii lagu dilay Bosaso afartii bishan, ayaa aas loogu [...] Source
  10. Gudoomiyaha Maxkamada sare Hantida uu ku dhistay Guryaha, xaguu ka Keenay, ka Horse Xilka Muxuu lahaa?. Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaji Cali Axmed, ayaa Hantida u ku Helay Xilka gudoomiyenimo intii uu hayey, waxa kamid ah Guri-Veilla-fooq ah oo ku yeela duleedka galbeed ee Huteel Mansoor, Kaas oo loo dhisay qaab-ban-gala food ah, isla markaana lagu qiyaasay cadaadka Lacagta ku baxday Boqolaal kun oo Dollar. Md. Aadan Xaji Cali xilka Gudoomiyenimo ka hor, waxa uu jaggooyin kasoo Qabtay Jaamacada Hargeysa, gaar ahaan Kuuliyada Sharciga, sidoo kale waxa uu la taliye Madaxweyne u magacaabay Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, labada xil ee dawliga ah, waxa kaloo uu Gudoomiye uu kasoo noqday Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsof, taasoo gudoomiye Aadan Xaji Cali u noqotay furihii isagga iyo madaxtooyaddu isku barteen. Xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee mudane Aadan Xaji Cali u hayo waxa loo cumaamaday 2015-kii Xiligii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, waqtigaasoo hada laga jooga afar sanaadood. Haddaba ka sekow u adeegista Sharciga xukuumadaha kala dambeeyey ee Kulmiye, waxa sida fiinta Bulshada qaybaheedu uga qayliyeen habka iyo hanaanka uu garsoorkii dalka ku hagay, Kaasoo dadka qaar ku siffeeyaan inuu u agaasimay qaabkii Hayadaha bulshada rayidka ah, halkaasoo ahayd meeshii uu kusoo indho-dilaacsaday, waxana kamid ah dhaliilaha Garsoorka uu usoo jiiday garsoore Maxkamadeed oo shir-saxaafadeed kaga hadlaya kiis uu garsoorkiisa ka garnaqay, taasoo meelka dhac ku ah xuquuqda muwaadinkii garta waayey ama se weli ay u furan tahay racfaan inuu ka qaato kiiska lagu riday. Geesta kale, dacwadaha siyaasiga ah ama la xidhiidha muran-sharci oo Siyaasi ah ee u ka garnaqay mudadii xilka hayey Aadan Xaji Cali, waxa kamid ah murankii Xisbiyada Mucaaridka ah iyo wasaarada arrimaha gudaha iyo sidoo kale khilaafka labadii garab ee Ucid. Labadan gal-dacwadeed mida hore waxay kusoo beegantay xilli uu xilka hayey bilo, runtii waxay noqotay arrin markaa aad loogu dhegtaagayey bal dhanka uu iska taagi doono, hase-yeeshee nasiib Wanaag waxa uu qaatay go’aan dhexdhexaad ah, oo runtii aan la odhan karin dhankii Dawlada ayuu u jan-jeedhay, waxanu arinkaasi sababay amaan badan oo bulshada qaybo kamid ahi u jeediyeem goaankii uu ka qaatay Gudoomiye Aadan X. Cali. Hase-ahaatee waxay talo-dhabaqday Gudoomiye Aadan-na xaalkiisi uu noqday mid lamid ah halku dhigi ahaa “.. Inaan-yahay ku qariyey-qariyey ee Gudo-xun”. Markii uu ku fashilmay inuu uga qarnaqo khilaafkii Xisbiga Ucid si Cadaalad ah. Khilaafka Xisbiga Ucid oo bulshadu Ka war-qabtay inuu ahaa mid madaxtooyadii hore dabada ka riixaysay, isla markaana loogu danaynaayey Madaxweynaha Maanta, cadalaad-daradii Kiiskaa uu kaga garnaqay Aadan Xaji Cali, Wuxuu sidaa ku xaq-waa siiyey Musharrax Jamal Cali Xuseen iyo garabkiisi, oo runtii iyaggu ahaa rajo soo celintii Xisbinimo ee Ucid. Waxa kaloo Xusid mudan Md. Aadan Xaji Cali inuu ku dhex milmay tartankii Xisbiyada Siyaasadda, isla markaana uu si toosa ula saftay Madaxweynaha hada tallada haya, dhowr jeerna safaro la galay, isagoo ah Gudoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland. Haddaba waa iga su’aalla sideebuu gar Cadaalad ah uga qaadi karaa laba Muwaadin midna safkiisa ahaa midna kasoo horkeeday shalay. La soco Qaran News
  11. SAHANKII KULMIYE SOW MAAHA! Waxaan maalmahan ku arkaayey website yada Somalida warar sheegay in siyaasiyiin ka soo jeedo Somaliland ay tageen dhankaa iyo Muqxisho. Hadaba waxaan ku sameeyey baadhid waxa ay ahaayeen ragan iyo waxa ay aaminsanaayeenba. Ugu horeyn la a ka mid ah waxa ay ka soo shaqeeyeen dowladdii madaxweyne Dahir riyaale oo ay ka soo qabteen xilal, ka dibna waxa ay ku biireen xisbiga talada haye ee kulmiye oo ka gaadheen ilaa heer wasiir ku xigeeno. Ilaa maantadaa meel ay xisbigii kulmiye kaga baxeen maan arag maan maqal, oo xitaa xisbigii kulmiye muu eryin oo war kamuu soo saariin erigooda sidii dhawaan cubns xisbiga uu uga saareyba. Kolkaa waxaan ka fikiray laba arin in uu mid uun xisbigii ay ka tisanaayeen ka fikiray oo kala ah (a) in uu yidhaado markaa horaba waxay ahaayeen reer hebel oo waa somaliweyn. (b) tan labaad oo ah in Isla kulmiye ay is ogaayeen oo ay u soo sahaminayaan. Waayo wasiir ku xigeenka guduhu siddii la doonayey ugama hadlin, xisbigiina iskaba dhaaf shib ay ka tidhaahdeen. Markaan dib u eegay cajaladihiu ololaha kulmiye waxaan arkay iyaga oo leh wadani waa somaliweyn, maantase miyaanay iyaga ku cadeyn oo markhaatigii la waxa arkeyn. Ugu danbeyntii wey ku cadahay ee umada runta ha u sheegaan Waayo iyagaa sharcigii badalay oo xalaal ka dhigay in qofkii doonaya uu tagi karo kana iman karo Muqxisho. Abdi Abdi madoobe2@hotmail.com Qaran News
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid CabdullaahiDeni, ayaa xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Sabtida maanta horgeynayaa, golaha wakiilada dowladda Puntland, si ay xasaanadda u siiyaan. Mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa wadar ahaan codka kalsoonida ugu qaadaya xukuumadda cusub, kadib markii la hor geeyo, si ay u ansixiyaan ama u diidaan. Golaha wasiirada ayaa ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxaana la filayaa in ay codka kalsoonida helaan, maadaama ay badanyihiin xildhibaannada taageersan. Hase yeeshee, waxaa jira mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo dhaliilsan, habka dheelli-tirka awood-qeybsiga beelaha ee xukuumadda cusub, kuwaaso oo diiddan in la ansixiyo. PUNTLAND POST The post Puntland: Baarlamanka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Wada-hadallo u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa ka socda magaalada Nairobi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Wada-hadalladan ayaa waxaa billowgooda ka shaqeeyay siyaasiyiinta Soomaalida Kenya, ee ay isku beesha yihiin Axmed Madoobe, kuwaas oo doonaya heshiis ay gaaraan labada dhinac ka hor doorashada madaxweyne ee la qorsheeyey inay Jubaland ka dhacdo daba yaaqada sanadkan. Kulamadan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga wakiil ah agaasime ku xigeenka ahna sii hayaha agaasimaha nabad-sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin. Wada-hadallada labada dhinaac, oo muddo la isku dayaye, ayaa ugu dambeyn dhaqaaqay kadib markii shir ay Garowe ku yeesheen madax goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo intii lagu guday jiray caleemo saarkii Siciid Cabdulahi Dani. Qorshaha socda ayaa ah in heshiis ay gaaraan dowladda Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ka hor inta uusan qabsomin shirka bisha March loo ballamay ee Garoowe ku dhex-maraya dowladda iyo dowlad goboleedyada. Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in dowladda oo muddo diidaneyd wada-hadallada oo uu rabay Axmed Madoobe ay soo dabacday kadib markii ay fahsilmeen dagaallo dhowr ah oo ay ku qaaday Axmed Madoobe, oo ay ka mid ahaayeen; In khilaaf laga dhex abuurto qabaa’ilka Jubaland iyo in Axmed Madoobe laga soo furo dowladda Kenya. Si gaar ah, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay, in dowladda Kenya ay diiday dalab uga yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa inaysan taageerin Axmed Madoobe, taasi oo dowladda ku qasabtay miiska wada-hadalka. Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn cadaadis ka yimid beesha caalamka, oo isku dayeysa in doorashada Jubaland aysan noqon tii Koonfur Galbeed oo kale, oo dhiig badan uu ku daatay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  14. Midowga Yurub oo si foolxun u bah-dilay Sacuudi Carabiya Ururka Midowga ayaa bah-dilay boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii si rasmi ah uu ugu daray liiska madow ee dalalka halista ku ah ururkaas, taasi oo la filayey toddobaadyadii dhowaa.. Sacuudigan ayaa waxaa liiskan lagula daray dalalka Nigeria iyo Panama. Warbixin kasoo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Sacuudiga liiska loogu daray sababo la xidhiidha, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada iyo been xalaalaynta lacagaha. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka xun tahay go’aankan, ayada oo intaas ku dartay “Boqortooyada waxaa ka go’an la-dagaalanka ben xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixsada.” Liiskan, oo horey ugu jireen 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi, ayaa hadda noqonaya 19, waxaana kusoo biiray Sacuudiga, Nigeria iyo Panama. Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka. Ka sokow dhaawaca caalamiga ah ee gaadhaya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay weerar madaafiic ah oo shalay subax ay qaaday saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya. War rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay in weerarkii madaafiicda ahaa ee shalay ka dhacay xerada Balli-Doogle ay ku dishay sedax askari oo caddaan ah. Inkasta oo aysan xaqiijin dhalashada askartaas, haddana Shabaab waxay sheegtay in loo badinayo in ay yihiin American. Waxay sidoo kale sheegtay inay dishay shan askari oo ah kuwa calooshood ushaqeystayaasha ah ee shirkadda Bancroft. Warka Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in 8 askari oo Soomaali ah ay ku dhaawameen weerarkii madaafiicda ahaa ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha Balli-Doogle ee Sh/hoose. “Askarta caddaanka ah ee ku dhintay weerarkii madaafiicda waxaa kamid ahaa taliyihii heystay saldhigga Ballidoogle oo magaciisa lagusoo gaabiyay G. Four” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Ma jirta cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab. Sidoo kale dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ayaan ka hadal weerarkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga ayaa bah-dilay boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii si rasmi ah uu ugu daray liiska madow ee dalalka halista ku ah ururkaas, taasi oo la filayey toddobaadyadii dhowaa.. Sacuudigan ayaa waxaa liiskan lagula daray dalalka Nigeria iyo Panama. Warbixin kasoo baxday Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Sacuudiga liiska loogu daray sababo la xiriira, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada iyo been xalaalaynta lacagaha. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka xun tahay go’aankan, ayada oo intaas ku dartay “Boqortooyada waxaa ka go’an la-dagaalanka ben xalaaleynta lacagaha iyo maal-gelinta argagixsada.” Liiskan, oo horey ugu jireen 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi, ayaa hadda noqonaya 19, waxaana kusoo biiray Sacuudiga, Nigeria iyo Panama. Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka. Ka sokow dhaawaca caalamiga ah ee gaaraya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hay’adaha caalamka ay hadda u ololeynayaan sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, taas oo ku timid hagaajinta maamulka Maaliyadda Dalka. Warbixin dhawaan la soo saaray oo la xiriirtay in Soomaaliya ay tahay Dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka ayuu soo hadal qaaday Wasiirku, wuxuuna ku tilmaamay mudane, Beyle, aragti qaldan oo laga badbadiyay. “Musuq maasuqa xagga hoose yaan ku jirnaa Soomaalidu waxay tiraahda “Been fakatay run ma gaarto” waa aragti qaadasha , waan ku dabajirnaa laakiin waxaan doonaynaa in Dadka Adduunyada inaan u sheegno inaanan sidii hore ahayn ee ay wax waliba is-beddaleen” ayuu yir wasiir Beyle. Wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaaradda Maaliyaddu sameysay website lagala socda oo laga heli karo xogta maaliyadeed ee Soomaaliya marwalba lagu daabaco warbixinnada ugu dambeeya. ‘waxyaabaha la innoo siinayay halka hoose waa inaanay naga soo bixi jirin warbixinnada loo baahnaa markaas baa la oranayay halkii hore siiya, taasina waa arrin aan ka dagaallamayno iminka” ayuu yirri wasiirka Maaliyadda. Soomaaliya ayaa guulo ka gaartay wada hadallada deyn cafinta Caalamiga ah oo ay ku xirnaayeen shuruudo ay ka mid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa wada hadaladaas oo la soo gabagabaeynayo wajigooda Saddexaad (SMP3) Bisha Afaraad ee Sanadkan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Stockholm (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Stockholm dhiggiisa Sweden Marwo Margot Wallström. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cawad uu , Wallström la yeeshay wadahadal ku qotoma qaabka lagu xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo arrimaha gobolka. Cawad iyo Margot waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo, waxa ayna adkeeyeen sii socoshada howsha wadaagga ah ee dhinacyada badan leh ee nafci is dhaafsiga ah.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inay shirkii Midowga Afrika ay gaadhsiiyeen farriimo ku saabsan qaddiyadda Somaliland. Mar uu ka hadlaayey Shirka Afrika iyo qadiyada Somaliland ayaa wuxuu Faratoon waxa uu yidhi “Qadiyada Somaliland meel wanaagsan bay maraysaa, qadiyada Somaliland waa qadiyad uu Caalamka ka wada dharagsan yahay” Waxa uu intaas ku daray “Shirkii Afrika ayaanu ka nimid, Shirkana Afrika qadiyadeena aad baa loola socday, oo looga dharagsanaa, qadiyadeena iyo waxaa inoo hirgalay waa mid Caalamku inooga markhaati furay, wakhtiga ay doontaba ha inagu qaadato waa hubaal in rajadeena iyo hamigeenu dhab noqon doono, si rasmiyana u heli doono waxaynu rabno” Faratoon ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland “waxaa Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba leeyahay marnaba ha niyad jabina ee qadiyadiina iyo qaranimadiina sii xoojiya, Xukuumad ahaana waxaanu diyaar u nahay dariiqa ay doontaba ha nagu qaadatee in aanu kaga dhabeeyno rajada Shacabkayaga.” Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka ayaa Faratoon waxa uu yidhi “Siyaasadda Xukuumadda waxaa ka mid ah in aanu mar walba awooda saarno sidii aanu u hagaajin lahayn xidhiidhka inaga dhexeeya Wadamada Caalamka, dhabihiina waanu ku taagan nahay, oo imika waxaa jira Wadamo badan oo ka mid ah Wadamada jaarka iyo kuwa Caalamka oo xidhiidh fiicani inaga dhexeeyo, waxaana rabnaa in aanu cid walba ku qancino jiritaanka Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. “Bulshooy adigaa milga leh Ninkii ballankaaga qaaday Ka baaqday xilkaad u dhiibtey Ka baydhay ujeeddadaada U boodey cirkaas dusheenna Buurtuu koray waarin mayso!” Guryasamo Allahayow ku dareeryey geelii. Waa la galay doorashadii oo lagu kala calaf qaaday xanaf iyo xanuun kasta oo ay lahayd, Muusena mawlaca ayuu is keenay. Waa madaxweynaha sharciga ah ee shanta sannadood ee soo socda iyo weliba ‘daba-dhahdeennii xaaraanta ahayd’. Hawlaha u yaalla ee miiska u sii tuurani ma yara.Xilkasnimo, dedaal badan iyo daacadnimo ayaa wax lagaga qaban karaa.Muuse shaadhkii iyo shaarubihii libaaxa ayuu gashaday, ciddiyihii shabeelkana wuu la soo baxay.Albaabka ayuu hoosta ka xirtay. Qofkii arrin u socda ama gaar ha u noqdo ama mid guud ha noqdo’e Dr Sacad Cali Shire oo wasiirradii Siilaanyo ka mid ah buu ku reebay oo yidhi u tag. Ma aha Muusihii shalayto ee dhegaysiga badnaa. Waa run oo ma aha. Gafi waa runtiisii oo durba fuq tag awelba lagu xifaalayn jirey baa ka muuqda. Jileec baa ishaa inoo yeelaye “ha is adkeeyee daaya”, go’aan adaygii aynu ku doorannay iyo geesinnimaa ka soo jiijii lehe, “daaya daaya odayga”, ayay tiraabtu u badatay. Dad badan baa xil in ay helaan u doonyaysnaa. Xil in la doonaa ceeb ma aha, in se loo meel dayaa qumman oo aan maryaha loo tuurin, loona dudin. Dad kale oo badani waxa riixayey in Muuse ku socdo barnaamijkii siyaasiga ahaa ee xisbigu ballanqaaday iyo qorshihii hawl-galladiisa oo af Muslim iyo mid Gaalaadba ku qornaa., waxna aynu kaga soo xusnay qormadii tan ka horraysey. Dad badan xil in ay helaan tanaa kaga cuslayd.Waa ciddii fahamka u lahayd in guul kasta oo la gaadhaa ay tacab khasaari karto haddii aan hanasheeda loo dhug yeelan oo gacmaha lagu xejin. In la guuleysto hanashadaa ka hawl badan oo ka culus, waayo guusha la gaadhaa haddii ay hanasho weydo waa ay fool hallowdaa oo luntaa. Immisa jeer oo hore ayaa guulo ummadeed la soo hooyey oo haddana la hanan waayey oo fool hallow ku dhacay, aduun bayna kaa go’an yihiin maalmahays guray, saw ma aha?1 Sida roobka ayay xoghaynta madaxweynaha cusub talooyinku ugu shubmeen, xaraynta CV-yaduna isu tuureen. Waxa aan ka mid ahaa dadkii wax is bidayey ee u xidhxidhnaa in ay ka qayb qaataan hanashada guushii la soo hooyey si aanay u fool hallaabin, looguna ilaaliyo xayndaabka iyo xerada ballanqaadyadii siyaasadeed ee barnaamijka xisbiga, iyo qorsheyaashii hawl-qabadyada ka midho-dhalinta iyo dastuurka waddanka u yaalla. Hase yeeshee mar walba waa in lagu xisaabtamaa waaqaca iyo nuxurka guud ee maanhagga bulshada ee maxalliga ah (local social context).Sidii aan qormadii 3aad ku soo xusay Somaliland dawladnimadeedu waa labeeb ama mutaweled (hybrid).Waa isku dhaf hab-dhaqan qabali ah iyo mid casri ah, oo weliba miisaanku u janjeedho dhinaca qabaliga oo bishu u caano shubato. Intii aanu madaxweynaha cusubi waxba magacaabinba waxa soo baxday in Maxamed Kaahin Axmed u cumaamadan yahay jago wasiirnimo oo uu doonayo arrimaha gudaha in uu qabto.Maxamed Kaahin waa aabbahay inaadeerkii afraad.Waa halgamaa in badan siyaasadda kulaalayey oo ku dhex caansiirey.Xaqdhawr iyo xishmadna bulshada inteeda badan ku dhex leh, gaar ahaanna raaska aannu ka soo wada jeedno. Deero uma hirdiyin deero kale in ninkaas odayga ah cidi rabitaankiisa ku doco docayso. Waxa kale oo taasi u quus goysey in aanay suurta gal ahayn in wax xil ah oo kale xaafaddu u dhololi karto, xitaa agaasime ama wax ka hooseeya aanay heli karin, waayo reerihii ama jifooyinka kale ee sare ayaa wixii xilka Maxamed Kaahin ka soo hadha si geed-ka-go’an ah u yeelanaya sida maanhagga guud ee bulsheed iyo nidaamkeenna siyaasadduba isku raacsan yihiin. Halkaasi waa qodob, waa halkii Xuseen-Badhaani Cabdi, saw aha?. waayo waxa aan sidaas u leeyahay in aan soo dhoweeyo fahamka, daacadna aan ka noqdo wixii duunkayga jira oo aanan mutuhin iyo mututuul ku socon. Madaxweynaha cusubi waxa uu digreeto ku magacaabay hormadii ugu horraysey ee xukuumaddiisa cusub.Siyaalo kala duwan ayaa looga dareen qaatay magacaabistaas, gaar ahaan wasiirradiisa oo u badnaa dad ku cusub fagaaraha siyaasdda. Wuu sii amabaqaaday Muuse Biixi oo dhammaystiray xukuumaddiisa. Waa markan kolka su’aalo waaweyn dad badan oo aan ka mid ahay is weydiinayaan. Ta ugu darani waxa ay noqotay marka laga tago tayada liidata ee inta badan xubnaha xukuumadda uu dhisay, waxa soo baxay maamul dhinac ka raran marka la isku minguuriyo dadka uu digreetooyinka ku magacaabay iyo kuwa xilalkii ay xukuumaddii hore ka hayeen sii ambaqaaday. Arrintaasi waxa ay shaki gelisey dad badan oo aan ka mid ahay, weli se kama aan rejo beelin in wax la hagaajin karo, xukuumadda cusubina wax la la saxi karo, waxba se kama soo rayn marnaba. Kala qaybsanaantii bulshada ee horeba u jirtey, doorashadii iyo natiijadeedii oo ummadda sii kala qaybiyey iyo xukuumadda tayada daran ee dhinaca ka raran ee madaxweynuhu soo dhisay waxa soo raacay hoggaanka oo ka gaabiyey inuu ummadda himilo u horseedo oo jiheeyo, rejona geliyo ruuxda darayaysan ee sii kala qaybsamaysa ee bulshada. Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com La soco qaybta 5aad Qaran News
  21. (SLT-Hargaysa) Wasiirkii Hore Ee Warshadaha Xumadii Daahir Rayaale Axmed CALI Ubaxle ayaa ka hadlay Wasiiradii dhawaan Xamar tagay iyo Axsaabta Somaliland . Hoos ka DAAWO Source