-
Content Count
207,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo gudaha Suuqa lagu dhex dilay. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadaa oo ku dhex yaallo Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaraha, kadib markii laba nin oo hubaysan ay toogteen wiilkaan dhalinyarada ahaa. Dilka kadib kooxihii hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana mar kaliya Suuqa Cabdalla Shideeye ku kala cararay dhalinyaradii halkaasi ku ganacsaneysay. Lama oga ruuxa la dilay waxa uu yahay & sababta ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxaha hubaysan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku dila dadka ay u arkaan inay ka feker duwan yihiin. Al Shabaab & Daacish ayaa sidoo kale dilal kala duwan ka gaysta Magaalada gudaheeda, iyaga oo xilliyada qaar muqaal ka duuba shaqsiyaadka ay dilayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, oo shaacisay inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta , ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor. Dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.” Source
-
Tan iyo markii dib loo doortay 15-November 2018 madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxaa xafiisyada shaqooyinka kala duwan kusoo biiray tiro dhalinyaro ah kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha horamarinta xiriirka kubbadda cagta dalka ee sanadaha soo aadan. Gudiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shir ay yeesheen waxa isla qaateen in DR.Yuusuf Muxyidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah loo magacaabo xoghayahooda cusub,isagoo xilkan kal wareegay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) oo xilkaas horay u soo hayay,DR Yuusuf ayaa sheegay in uu ku farax-sanyahay xilka loo magacaabay. Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) in ka badan 30-sano ayuu ka shaqeeynay horomarinta kubbadda cagta dalka,isagoo afartii sano lasoo dhaafay ahaa xog-hayahii guud ee xiriirka waxa uu sheegay inta uu joogay xafiiska xogheynta xiriirka ay soo hooyeen guula muuqda oo gudaha dalka iyo dibada wuxuuna intaa raaciyay in si dhaw uu ula shaqeyn doono Yuusuf Muxidiin oo ah xog-hayaha cusub. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo goobjoog ahaa munaasabada soo dhaweynta xog-hayaha cusub ayaa tilmaamay tan iyo markii ay dib ugu soo noqdeyn xafiisyada shaqada ay fursad siiyeen dhalinyarada waxa soo baratay hadafka laga lee yahayna ay tahay in guud la horomariyo kubbadda cagta wadanka ayna ku kalsoon yihiin aqoonta iyo qibrada DR.Yuusuf Muxidiin. “Waxaan xooga saari doonaa isku xirka xiriirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed si hadafyada aan lee nahay ay u gaarto bulshadeena oo badankooda jecel kubbadda cagta iminka meesha aan joogno waa meel wanaagsan ana waxaa jecelahay in aan xafiiskan ka tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin oo ah xog-yahay cusub ee xiriika kubbadda cagta. Bahda ciyaaraha ayaa aad usoo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo goorsii horaysay madaxda xiriirka ku bogaadiyay xulashadii guddomiyaha guddiga garsoorayaasha Xasan Aadan Yabarow Wiish waxaynta tani kalsooni siisay dhalinyaro badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Al-Shabab announced via their official media wing that their fighters had killed U.S. and Somali soldiers at the Baledogle Military Airbase in the Shebelle province of southern Somalia on Friday morning. The militants claimed that their bombing had killed at least three U.S. Army soldiers and 5 members of the Somali Special Forces. The Pentagon has yet to comment on this claim by Al-Shabaab. US stepped up recently the airstrikes against Al-Shabaab in Somalia since Trump came into office in early 2017. The post Al-Shabaab claims 3 US soldiers killed in base attack appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtida maanta Baarlamanka horgeeyey golaha xukuumadda cusub ee uu soo dhisay 10-kii bishan Febraayo 2019, si ay helaan codka kalsoonida. Kulanka golaha wakiilada ayaa waxaa goobjoog ahaa, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), guddoomiyaha golaha wakiillada Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha golaha Wakiillada, xubnaha wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa khudbad uu ka horjeediyay mudanayaasha golaha wakiillada ku weydiistay, in ay u ansixiyaan xukuumadda cusub si looga dhabeeyo ballanqaadkiisi doorashada ee ahaa Tayeyn iyo Tiigsi. Sidoo kale wuxuu khudbaddiisa ku soo daray ballan-qaadyo cusub oo ay kamid yihiin; in uu xoojin doono awoodda Puntland u leedahay, gelidda heshiisyo maalgeshi oo caalami ah iyo in uu dhaqan-gelin doono, miisaaniyad u gaar ah soo celinta, difaaca iyo horumarinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. “Waxaan ka codsanayaa xubnaha golaha wakiillada, inay ansixiyaan xubnaha golaha wasiirada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbali doontaan” ayuu yiri mudane Deni. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ballan-qaadyadiisa kordhiyay si loogu ansixiyo xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
-
East Africa grouping on Friday welcomed the African Union’s call for cancelling Somalia’s debt towards the pan African body’s member states. Mahboub Maalim, executive secretary of the Inter-Governmental Authority on Development, said debt cancellation would go a long way to improve lives of Somalis who have been adversely affected by three decades of unfavorable conditions in all aspects of their day-to-day life. “The Executive Secretary views debt cancellation as a means towards enhancing peace, security, development and durable solutions for displaced Somalis,” Maalim said in a statement. “Somalia’s efforts at peace consolidation are constrained by the debt burden that prevents it from accessing concessionary financing and normalizing relations with International Financial Institutions (IFIs),” he added. The International Monetary Fund (IMF) in early 2018 pledged to prioritize Somalia’s debt relief, saying every effort is being made to speed up the process. According to the IMF, Somalia’s external debt is about 5 billion U.S. dollars, but Mogadishu has not made a service or amortization payment since the onset of the civil war two decades ago, making it impossible to access loans from the IMF. Maalim expressed his unwavering support to the AU call in regards to the “IFIs that have pledged financial support, to step up their good faith efforts and accelerate the normalization of financial relations with Somalia.” He reiterated the regional bloc’s support to Somalia’s journey to peace and lasting development, and recalled that Somali people deserve a peaceful and prosperous Somalia. He concluded that a normalized Horn of African nation will be a major player towards regional integration in the sub-region. To qualify for the debt cancellation, Somalia needs to convince the IMF, which would possibly convene its board of directors to review the country’s progress. Should the IMF board give approval for the debt cancellation, Somalia would be required to hold bilateral talks with private donors on the terms of debt forgiveness. Somalia started lobbying for debt cancellation during the 32nd Ordinary Session of the Assembly of the African Union which ended in Ethiopia on Monday. The post East Africa bloc lauds AU for support to cancel Somalia debt appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Warar xog-ogaal aanu goor dhawayd helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar. Mas’uuliyiintan ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacada qaranka muddadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani. Arinkan weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga goobta shaqada isaga oo ku guda jira hawl maalmeedkiisa shaqo, halka maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire xalay laga qabtay gurigiisa. Source
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Ahmed Isse Awad met in Stockholm with his Swedish counterpart Margot Wallström On Feb 14. The two foreign ministers held talks on ways to strengthen bilateral relations between Somalia and Sweden as well as the regional developments. Somali government is trying to revive the country’s foreign relations after decades of conflict and absence of infuelce in the intertional arena. The post Somalia’s foreign minister meets with his Swedish counterpart appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee Kulmiye ay ku dhawaaqeen garab cusub oo ka tirsan xisbigaasi. Xubnaha warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay yihiin garab cusub oo ka tirsan xisbiga Kulmiye. Xubnaha ayaa shaaciyay inay yihiin Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye, waxaana shaqsiyaadka ku dhawaaqay garabka cusub ku dhawaaqay kamid ah Jaamac Shabeel, Prof: Cabdi Cali iyo Abwaan Cismaan Kujare. Sidoo kale waxaa durba soo baxday in xubnaha xisbiga xisbiga ka jawaabeen hadalka xubnahaan kasoo yeeray, waxaana ay sheegeen in horey ay kaga baxeen kamid ahaanshaha xisbiga Kulmiye. Waxaa muuqata in khilaaf cusub uusoo kala dhex halay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo hadda wajahaya cadaadiskii ugu badnaa ee kaga imaanaya xisbiyada kale ee mucaaradka ku ah xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Biixi. Xubnaha ku dhawaaqay Badbaadinta Dimuqraadiyadda Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in xisbiga Kumiye uu ku caan baxay musuq maasuq iyo horumarin la’aanta dadka deegaanka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa dalka Djibouti la saxeexatay heshiis ku saabsan in Gaasta laga helay gobalka Soomaalida ee Itoobiya laga dhoofiyo dekedaha Djibouti. Djibouti iyo Itoobiya ayaa shalay ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa heshiis dhigaya dhismaha jid isku xidhaya labada wadan oo dhererkiisu yahay 767 km. Wasiirka macdanta iyo Baatroolka ee Itoobiya Dr. Samuel Hurcato iyo Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Djibouti Yonis Geedi, ayaa shalay heshiiskaas ku saeexay Addis Ababa, waxaanay labada Wasiir sheegeen in heshiiskani dan iyo faa’iido u yahay labada wadan. Sidoo kale waxa lagu heshiiyay in la dhiso dhuumaha shidaalka ee gaasta ka qaadaya deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gayn doona dalka Djibouti, waxaana la bilaabayaa sannadkan, iyadoo dhismaha dhuumahan lagu dhammayn doono laba sannadood. Marka la dhammeeyo jidkan iyo dhuumahan, waxa gaasta dabiiciga ah ee Itoobiya laga dhoofin doonaa dekedaha Djibouti, iyadoo loo iib gayn doono sayladaha dunida. Somaliland ayaa bishii Oktoobar ee kal hore dawladda Itoobiya ka dalbatay in gaasta dabiiciga ah ee laga helay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga dhoofiyo dekedda Berbera. Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa wakaaladda wararka ee Bloomberg u sheegay in Somaliland dalabkeeda ah in gaasta laga dhoofiyo dekedda Berbera u gudbisay Itoobiya, “Waa Maxay sababta saliida iyo gaasta Qaydhin ee Ogaden aan looga dhoofin Karin Berbera.” Ayuu yidhi Wasiir Jaamaca Somaliland. Wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland wuxuu ku dooday in haddii gaasta laga dhoofiyo Berbera uu yaraanayo kharashka ku baxaya dhuumaha gaasta ka qaadaya gobalka Soomaalida Itoobiya ee gaynaya Berbera, “Maadaama.” Ayuu yidhi “Ay Berbera u jirto 400 km goobta gaasta iyo saliida laga soo saaray ee Itoobiya.”, waxaanu intaas raaciyay inay Djibouti goobtani u jirto 700 km. Laakiin guddoomiyaha dekedaha Djibouti Abuukar Cumar Xadi oo isna xilligaas u waramay wakaaladda wararka ee Bloomberg, ayaa sheegay inaanu xilligaas ka war hayn dalabka ay Somaliland u gudbisay Itoobiya, “Kama war hayno dalabka ay Somaliland u gudbisay Itoobiya, balse dawladda iyo shirkadda GCL ee soo saaraysa saliida iyo gaasta Itoobiya waxay wada saxeexdeen heshiiska lagu dhigayay dhuumaha, ganacsiguna had iyo jeer waa tartan.” Si kastaba ha ahaate, inkastoo aan la arag dedaal xoogan oo ay dawladda Somaliland u gashay sidii ay Itoobiya ugu qancin lahayd inay noqoto jidka ugu haboon ee laga dhoofin karo gaasta iyo saliida laaga helay gobalka Soomaalida Itoobiya, haddana waxa shalay cadaatay inay Itoobiya heshiis ku saabsan dhoofinta gaasta iyo saliida ay la gashay Djibouti. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Somaliland Islamarkaana mudooyinka dambe sheekooyin maldahan ku soo qaata dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca ayaa mar kale sheeko cajiib ah oo ku cibro qaadasho ah ku soo qaatay raadka xun ee ay If iyo Aakhiraba ku keento ninka Markhaati beenaalaha fura iyo Caadilka Xukunka Baadilka ah ridda. Akhri Nin Beerka, Wadnaha iyo kelyuhu istaageen, Muxuu sameeyay”. Qisooyinka inaga dhex dhaca Waxay marwalba hogatusaale u yihiin nolosheena. Sheekadan kooban een idinla wadaagayaa waa mid Ku haboon maantoo Jimce ah. Nin baa doraad iiga sheekeeyey. Nin xanuusanaya oo cisbitaalka jiifa ayaa kelyahiisii in yari shaqaynaysayoo la filayaay inay fadhiistaan, wadna xanuun xun wuu leeyahaa, beerkuna sidoo kale. Xaaladiisa caafimaad ayeey dhakhtaraddii ka dayriyeen. Ninkii ayaa kolkuu xaaladiisii arkay u yeedhay dhakhtarkii Oo ku yidhi waxaad iigu yeedhaa Ninka hebel la yidhaa Oo telefoonkiisa hebel kale weydii. Adigu dhakhtarkii wuxuu helay hebelkii uu raadinaayey ee ninka xanuusanayaa u diray. Kolkii uu la hadlay ayuu dhakharkii u sheegay in hebel Oo xanuusanayaa raadinayo, dhakhtarkana uu jiifo. Dhakhtarkii ayuu weydiiyey sida Ninka loo hayo. Dhakhtarkii Oo aan ogeyn xidhiidhka labada nin ka dhexeeya una haysta inuu ehelkii yahay ayaa ku nuuxnuuxsaday oo u sharaxay sida kelyaha, beerka, iyo wadnahaba looga hayo ninkaasi. Xaguu dhakhtarkii ka filaayey inuu naxo Oo soo cararo Oo Ninka dhakhtarka Ugu yimaado ayuu ninkii ku jawaabay; ” Maanshallah kol haddii Ilaahay ducaddii Iga aqbalay Oo intii aan ku duceystayba uu maanta u jiifo” Dhakhtarkii Oo Ilaahay fajac u keenay ayaa weydiiyey sababta ku keliftay ee uu hadalkaasi u yidhi. Ninkii ayaa ku jawaabay; ” Dhakhtaroow ninkan ku soo diray ayaa kitaab beenaale markhaati ugu furay nin kale Oo Iga qaaday guriga yaroo oon lahaa iyadoo halkii wixii aan sanado badan u shaqaysanayey ay ku qaateen caruurtaydiina ugu guri waayey. Maanta markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu aayar uun rabaa inaan saamaxo. Nin Dhakhtarka ahaana halkii buu ka cago jiiday isagoo labadda dhaban haysta. Odhan mayno waa sax, odhan mayno waa qalad. Laakiin waa hogatusaale in aynaan markhaati beena isu furin, cidna cid kale lugta u jiidin, xaqdarana qof Ugu sameeynin, xaqdaradana laga aamusin.Aakhiradana ha loo tudho, dadkana ruux lagu jiro Ilaahaybaa oge is dhowra weliba kuwan ummadda xaqoodii gacanta ku haya, kuwa baayacmusheriga iyo siyaasadda isu khiyaamaynaya, kuwan cadaaladda loo dhiibay, kuwan xaqdaradda qof Ugu sameynaya iyagoo hebel kale u hiilinaya, weliba waxa la yidhi haddaad adigu badbaadana dhashaada ayeey sugtaa; waar cuqubadda la gelayo halaga digtoonaado dhinac kastaba. Jimce mubaarak. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xubno hore looga saaray xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen garab lagu magacaabay Badbaadinta Dimuqraadiyada xisbiga KULMIYE. Xubnaha maanta ku dhawaaqay garabka Badbaadinta Dimuqraadiyada xisbiga Kulmiyeayaa waxa ay kala yihiin Guddoomiyihii golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE, Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), Prof. Cabdi Cali Jaamac iyo Abwaan Cismaan Kujare. Toddobaadka dambe ayaa waxa la filayaa in shirka golaha dhex ee xisbiga KULMIYE uu ka qabsoomo magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Muuqaalka Warkan goor-dhaw la soco Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia ayaa heshiis kala saxiixday, kaasi oo ku saleysan Shidaalka laga soo saarayo deegaanka ismaamulka Soomaalida. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in heshiiskaasi uu ku kacayo dhaqaalo gaaraya 3.2 Bilyan oo doolar, waxaana uu dhigayaa in shidaalka Ethiopia kasoo saarto dhulka Ismaamulka Soomaalida laga dhoofiyo dalka Jabuuti. Heshiiska labada dowladood waxaa kale oo qeyb ka ah in dhuumaha shidaalka qaada oo ka bilaabanaya dalka Ethiopia la geeyo dalka Jabuuti si halkaasi ay uga sahlanaanto in laga dhoofiyo shidaalka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sharikadda Shidaalka China ee Poly-GCL , ayaa fulin doonta Mashruucan iyada oo dhiseysa Warshad shidaalka ku sifeysa Dekadda Jabuuti, si halkaasi looga dhoofiyo Shidaalka. Sida ku cad heshiiskaasi dhoofinta shidaalka ayaa bilaabaneya sanadka 2021, waxaana inta ka horeysa la qorsheynayaa in laga shaqeeyo dhamaan waxyaabaha kale ee ku cad heshiiskaasi. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka Dalka Itoobiya Koang Tutlam ayaa sheegay in marka Mashruucani billowdo uu dakhliga dalkiisa kordhayo 6 ilaa 7% sanad kasta. Dalka Jabuuti waxaa heshiiskan oo shalay la saxiixay ku matalayay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Yonis Cali Guuleed, halka Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Samuel Urkatu . Masuuliyiinta labada dowladood ayaa sheegay in heshiiskaasi uu shaqo abuur u sameyn doono kumanaan dhalinyaro shaqo la’aan ku heysato labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay warbaahinta ayaa faray ciidamada dowladda ee ku howlan sugida amniga Muqdisho in ay wanaajiyaan la dhaqanka bulshada. Wasiir Ducaale ayaa uga digay askarta in ay ku xadgudbaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada shaqeynta shacabka, si looga hortago falalka amaan dari ee ka dhaca M/Muqdisho. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Wasiir Ducaale Oo fariin u diray ciidanka amniga Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi,ayaa sheegay in maraabiibta ajaanibka ah ee kalluumaysatada ah in aanay marnaba Somalilabd wax faa’iido ah aanay ku qabin isla markaana ay dhib badan ku hayeen kalluumaysatadda muwaadiniinta ah iyo taranta kalluunka labadaba. Waxaa kale oo uu intaa ku daray loo baahan yahay in loo diyaar garoobo in badda nolol lagala soo boxo taasoo uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan dhankooda diyaar u yihiin oo wixii awoodooda ah ay qabanayaan. Waxaanu caddeeyay in xukuumaddu ay baddeeda ka joojisay dhammaan maraakiibta ajaanibka ah ee ka kalluumaysn jiray oo uu caddeeyay in waxa yar ee laga qaado iyo xaddiga kalluunka ay gurtaan in ay ahaayeen wax aad u kala fog isla markaana loo baahday in Somaliland kalluunkeeda illaashato. Waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu warbixin-siinayay barnaamijka tayeynta Kalluumeysiga ee Bulsho Tv. Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Marka hore waa in aynu ogaana in Badeenu tahay meel kheyraad fara badani uu ku jiro, kheyraadkaasina waxaa ugu sii mihiimsan inta aynu ka garaneyno oo Kalluunka ah, Kalluunku marka la eego waa noole kale oo la siman xoolaheena barriga ku nool, xoolaheeni barriga ku noolna waxaad moodaa in imika abaaro isdabajoog ahi ay ku dhufteen oo ay saameyn weyn ku yeelatay dadkii iyo xoolihiiba, markaa waxaa wanaagsan in bulshadeenu ogaato in aynu barriga xoolo ku heysano xoolaha labaad ee aynu heysanaana ay yihiin kuwa Bada, haddii ay xoolaheenu joogaan iyo haddii ay tagaan labadaba waxaa inala gudboon inaynu ka faa’ideysano Baddeena,” Waxaa kale oo uu wasiir Gaafaadhi intaas raaciyay inay wadaan qorshihii ay bulshadu Badda wax kagala soo bixi laheyd waxaanu yidhi “Waxa qorshahagu yahay in loo diyaar gareeyo, in nolol lagala soo baxo bada noloshaasina wixii suuragalinlahaa ayay u baahan tahay, waxaa ay u baahan tahay gaadiid, aqoon, qalab, qaboojiyayaal ayay u baahan tahay, waddooyin iyo jidad la maro ayay u baahan tahay, waala kala leeyahay laakiin intii karaankayaga ah waxaa aanu dooneyna wixii aanu wax ka qaban karno in aanu ka qabano” Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda xannaanadda xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysigu waxaa uu ka hadlay sababtii ay u joojiyeen maraakiibtii Kalluumeystadda aheyd ee badda Somaliland joogey ay tahay in la dhiirigaliyo Kalluumeysatadda muwaadiniinta ah waxaanu yidhi “Maraakiibta shisheeye ee Baddeena joogtay wax inagaga luma mooyaane wax aynu ka helaynay may jirin, xoolaheeni oo aynu ilaashaneynay ayay aheyd, markabka shisheeyuhuna waraabe xoolahaaga u soo dhacayay kamuu duwanayn, markaa waxaa habboon xoolaheena in aynu ilaashano, Baddiina in la nasiyo, Kalluunkiina dib ugu soo laabto goobihii uu ku dhali jiray,oo uu ammaan u helo, tarmo ayaanu u joojinay, maraakiibtaasina shanqadh faro badan ayay ku keentay Kalluunkii oo waxaa ay noqotay inuu dido, kana yaaco goobihii Kalluumeysatadeenu ay gaadhi kari jirtay, waxaa kale oo ay dhibaato ku hayeen Kalluumeysatadeena, oo ay Kalluunkii ka didiyaan oo dadkii Kalluumeysatada ahaana meel fog ay ugu tagaan, oo shidaal badana ay isticmaalaan, ninkii xeebta istaagi jirayna aanu waxba soo helin oo uu soo hungoobo, oo shabaagtii ay dhigan jireenna maraakiibtaasi ka jiidho habeenkii, taasina waxay keentay in subaxnimadii ay hungo la soo noqdaan, Kalluumeysatadeeni muwaadiniinta aheyd, wax aan badneyn ayaa laga qaadi jiray markabka laakiin lacag lagama qaadi jirin, oo toban kun oo dollar ayaa laga qaadi jiray hase ahaate waxaa uu la tagi jiray malaayiin dollar, waayo waxaa ay aheyd in Kalluunkeena sida adhigeena oo kale aynu u iibino, oo qiimaha Kalluunkaasi lacag u dhiganta ay inaga soo gasho markabkaasi Kalluunka inaga qaatay laakiin may dhici jirin, marka sababo uu markab noocaas ahi Baddeena u jooga ma jirin” Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka golaha wakiilada horkeenay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay, si uu u weydiisto codka kalsoonida, ayaa ka hadlay arrimo cusub oo aan ku jirin ballanqaadyadiisi hore. Madaxweynaha ayaa khudbad uu ujeediyay xildhibaannada Baarlamanka ka dalbaday, in ay xasaannadda siiyaan golaha wasiirada cusub, si loo hirgeliyo ballanqaadyadiisi uu ku galay ol’olaha doorashada ee la baxay Tayeyn&Tiigsi. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday qodoba cusub oo ay ku jiraan, in uu xoojin doono awoodda Puntland u leedahay, gelidda heshiisyo caalami ah iyo in uu miisaanad gaar ah u samayn doono, soo celinta, difaaca iyo horumarinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland. Mudane Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in la dhammaystiri doono kaabayaasha dhaqaalaha ee xukuumaddiisa ka horreeyay, taasi oo ka dhigan in heshiiska dekedda Boosaaso aan waxba laga beddeli doonin, maadaama mashruuca u weyn ee lagu wareejiyay uu yahay kan dekedda Boosaaso. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay miisaanad gaar ah u samayn doonto soo celinta gobolada maqan appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Abiy Axmed ayaa loo xulay inuu u qalmo hanashada Abaalmarinta Nabada Aduunka (Noble Peace Prize) ee sannadkan oo natiijadeeda lagu dhawaaqi doono Toddobaadka koowaad ee bisha Oktoobar 2019. Sida lagu shaaciyey qoraal Guddoomiyaha Machadka Nabada iyo Daraasaadka ee Oslo (PRIO) Mr Henrik Urdal shalay soo saaray ayaa lagu shaaciyey magacyada 5 xubnood oo Raysal-wasaare Axmed ee Itoobiya kaalinta koowaad ugu jiro ay ku shaaciyeen in laga dhexdoorto masuulka u mudan hanashada abaalmarinta sannadkan. Qoraalka Gudoomiye Urdal oo faahfaahin kooban laga bixiyey sababaha ay ugu xusheen inuu u qalmo Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Axmed ku guulaysiga Abaalmarinta Nabada ee 2019 sannadkan ayaa lagu yidhi; “Talaabooyinkii ugu horeeyey u qaado markuu xilka qabtay Raysal-wasaare Abiy Axmed bishii April 2018, waxuu soo gebagebeeyey colaadii u dhexeysay dalka Eritrea, isla markaana la saxeexday “Heshiiskii Nabada & Saaxiibtinnimada” 9 July, 2018, dhigiisa Eritrea Md. Isaias Afwerki. Sidoo kale Md Axmed ayaa qaaday talaabo uu wadaxaajood ula bilaabay jabhado dagaalo kula jiray Itoobiya, sida jabhadii Oromada, Amxaarada, Tigray-ga & Soomaalida, heshiis nabadgelyana ugu soo laabtay dalkooda. Deaalada kale uu qaaday muddo kooban ayaa laga xusi karaa soo-afjaridii xukunkii degdega dalka saarnaa, saamaxaadii dhamaan maxaabiistii siyaasada u xidhnaa, waxaanu soo dhisay xukuumada rag iyo dumarku si simman uga dhexmuuqdeen, isla markaana Haweenka u magacaabay xilal culculus, isla markaana dhamaan qoomiyadaha dega dalku iska dhexarkaan. Dalka Itoobiya oo heerka qiimaynta kaalimo hoose kaga jiray dhinaca horumarka bulshada, ayaa qorshayaasha Md Axmed u qaadayo wax ka qabashadeeda ka mid tahay inuu horumariyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, isla markaana iskaashiyo horumar dhaqaale & ganacsi kala yeeshay wadamada jaararka, sida jabuutio, Sudan Somaliland iyo Kenya adeegsiga dekedahooda, si horumarka Geeska Afrika, isku kaabo. Inkastoo talaabooyin dhiirigelin leh uu qaaday raysal-wasaare Md Abiy, waxa la saadaalinayaa inuu xaqiijiyo doorashooyin xor & xalaal qabsoomidooda, caqabad keliya haddaanu la iman qorshe cad oo lagu gaadhayo qabsoomida, taako ku noqon karta hanashada abaalmarinta 2019. Hanashada Md Axmed ee abaalmarinta Nabada 2019, ayaa la saadaalinayaa inuu la wadaago madaxweynaha Eritrea Md Afwerki, kaalintuu ka qaatay soo afjarida colaadii u dhexeysay Itoobiya. Xubnaha machadka PRIO shaaciyey in laga dhexdoorto shaqsiga ugu mudan ayaa magacyadoodu kala yihiin: Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Reporters without Borders The Arctic Council The International Land Coalition UNHCR and High Commissioner Filippo Grandi Source
-
Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi ay howlgallo ballaaran ka wadaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen iney ku raad joogaan xubno ka mid ah Al-shabaab oo weerar ka geystay deegaanka Tixsiile ee Sh/hoose. Sidoo kale, saraakiishan ayaa sheegay iney howlgalkan kaga hortagayaan weeraro kaga yimaada dhanka Xarakada Al-shabaab. Weli lama sheegin cid lagu soo qabtay howlgalkan, iyadoo weli ciidamada ay baarayaan xaafadaha ku yaalla halkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku leh magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa lagu wadaa in ay codka kalsoonida ah u qaadaan wasiirada cusub ee dhowaan uu soo magacaabay madaxweyne Dani. Codka ayaa noqon doona mid gacan taag ah sida uu qabo dastuurka Puntland, waxaana la filayaa in 48-da wasiir codka loo qaado. Xubno ka mid ah baarlamaanka Puntland oo u warammay Goobjoog waxay sheegeen in ay meelmarin doonaan wasiiradan si fursad loo siiyo madaxweynaha cusub ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Toos Garowe : Kulanka Baarlamanka Puntland ee ansixinta Golaha Cusub ee Wasiirada Puntland. Slået op af SBC Somali TV i Fredag den 15. februar 2019 Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa soo saaray digniin ku aadan doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dhawaan dhaceyso. Prof Gaandi ayaa sheegay in shir ka dhacay magaalada Dhoobleey lagu ansixiyay in doorasho ay ka dhacdo Jubbaland, islamarkaana waqtiga doorashada loo qorsheeyay aanan maalin lagu darin. Sidoo kale wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto doorashada madaxweynaha Jubbaland inay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse ay muhiim tahay in laga fogaado waxyaabaha qaar. Prof Gaandi ayaa sheegay inuu ka digayo in faragelin gudaha iyo dibadda ah lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Jubbaland oo dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo. “Doorashada ma dhaceysaa mase ma dhaceyso waa laga soo gudbay wey dhaceysaa doorashada, balse waxaa loo baahan yahay inaan la faragelin doorashada, walaa banaan walaa inaga oo gudaha ah, anagana waa inaan faragelin banaankana waa inaan nalooga imaan, oo waxba naloo yeerin”ayuu yiri Prof Gaandi. Jubbaland ayuu sheegay inay tahay deegaanada kaliya ee sida rasmiga ah looga dhaqan geliyay nidaamka qabaliga ee 4.5, taasi oo uu sheegay in isaga uu kamid yahay dadkii ka shaqeeyay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Prof-Gaandi-oo-ka-digay-in-la-faragaliyo-doorashadda-Jubbaland.mp4 Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka Ahna Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somalia Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobollada ay ka baadi goobi doonaan Hantida Qaranka iyo goobaha danta guud kaliya aysan ahayn Koofurta Somalia balse ay qeyb ka yihiin Gobollada Waqooyi oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka sheega in Magaalada Muqdisho kaliya u jeedka guddigooda loo aasaasay uu yahay ay tahay mid laga leeyahay dano shisheeye hayeeshee ay Bartilmaameed ka dhigan doonaan meel kasta Hantida qaranka ay taallo. Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka ayaa Carab dhaway goobaha ugu Muhiimsan ee guddigu doonayaan in gacanta dowladda ay dib ugu soo celiyaan iyo qorshahooda ku aadan in ay ugu horreyn Xog Uruurin goobahaas la xiriira sameeyaan taas oo ay u soo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddigaan ku dhawaaqay 12-kii December ee Sanadkii aan ka soo gudbnay 2018 waxaana uu ka dhawaajiyay in guddigaan uu uga golleeyahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen gacanta dowladda Hantida Ma guurtada ah ee Danta Guud maadaama haatan inbadan oo ka mid ah ay shaqsiyaad si gaar ahaaneed u adeegsadaan. The post Goodax Barre “S/land ayaa ku jirta meelaha aan ka baadi goobeyno hantida Qaranka” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors