Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,405
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (SMN) – Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada FBI-da Mareykanka ay qaateen Meydadka raggii ka tirsanaa Al Shabaab ee bishii la soo dhaafay weeraray Hotelka DusitD2 ee magaalada Niarobi. Saraakiishani ayaa u sheegay wargeyska The Nairobi in waaxda FBI-da ay dalka Mareykanka u dhoofiyeen Meydadka 5 ka mid ah raggii weeraray hotelkaasi iyo haraadiga mid ka mid ah dagaalyahannaadasi oo is qarxiyay, islamarkaana ay baaritaano dheeraad ah ku soo sameynayaan. Ciidamada Mareykanka oo ay wehliyaan kuwa dalka Kenya ayaa la sheegay in ay dhowr maalmood baarayeen qaabkii uu u dhacay weerarkaasi. Sidoo kale Booliska Kenya ayaa ninkii is qarxiyay magaciisa ku sheegay Maahir Khaalid, walow aysan shaacin magacyada ragga kale. Bartamihii bishii January ee sanadkan ayey aheyd markii Al Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen M/Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Source:The Nairobi The post Meydadka Raggii weeraray Hotel Dusit Oo loo qaaday Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Jungal. Nin la sheegay in uu ka tirsanyahay ciidanka dowladda ayaa dilay gabar lagu magacaabay Fardowsa Abuukar Maxamed, oo ahayd gabar dhallinyaro ah. Ka hor askariga inta uusan toogan marxuumadda, ayaa waxaa la sheegay inay murmeen kadib markii gabadha la dilay ay isku dayday in askariga oo kala ceyrinayay dhallinyaro kubad ciraayeysay ay ka furdaamiso balse mar qura uu dhowr xabadood madaxa kala dhacay, sida ay sheegeen dad goobta ku sugnaa xilliga uu dhacayay falkaan naxdinta badan. Allaha u naxariistee marxuumad Fardowsa Abuukar Maxamed, ayaa rasaastii ku dhacday isla goobta ugu geeriyootay. Fardowso Abuukar Maxamed oo ah marxuumadda la dilay waxa ay aheyd xaas leh caruur yar-yar, eheladeeda ayaana Warbaahinta u sheegay in loo qaaday meydkeeda xarunta dembi barista ee CID-da ee Magaalada Muqdisho. Askariga gacan ku dhiiglaha ah ee geystay dilka naxariis darada ah oo lagu magacaabo Bulxan ayaa durba goobta ka baxsaday waxana la sheegay inuu u baxsaday dhanka degmada Dharkeynley. Sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska oo goor dhow la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay inay ku daba joogaan gacan ku dhiiglaha isla markaana ay gacan kusoo dhigi doonaan. Dilalka shacabka ee ay gaystaan ciidamada dowladda ayaa kusoo badinaya magaalada Muqdisho, waxaana muuqan wax siyaasad ah oo wax looga qabanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa maanta wiil dhalinyaro ahaa ku dilay gudaha Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay qeybta Cabadalle Shideeyaha ee suuqaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Raggan oo labo gaarayay ayaa lagu soo warramayaa in toogasho ay ku dileen Marxuumka, kadibna ay si aayar ah uga baxsadeen halkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay uu ahaa farsamayaqaan sameyn jiray Makiinadha lagu shiido Qudaarta, walow aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa. Sidoo kale ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay in ay ka dambeysay masuuliyadda dalkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Mudisho ka dhacayay falal amaan dari oo u badanb dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab. The post Wiil dhalinyaro ahaa Oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Saraakiisha nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay qaadayaan weerar milatari oo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab. Guddiga xiriirka howlgallada milatari ee Midowga Afrika ayaa xusay in qorashahaasi uu qeyb ka yahay waajibaadka howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Howlgalladaasi ayaa waxaa saraakiisha AMISOM ay sheegeen in lagu bartilmaameedsan doono Al Shabaab, islamarkaana looga saari doono deegaanada ay gacanta ku hayaan. Ku xigeen madaxa AMISOM ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa xusay in u jeedka howlgalkaasi uu yahay mid lagu taageerayo qorshaha ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, islamarkaan lagu sugayo xasiloonida dalka. Mr Mulongo ayaa hadalladaasi ka jeediyey kulan shan maalmood magaalada Muqdisho ugu socday saraakiil ka tirsan AMISOM,madax ka soctay dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dalalka beesha caalamka. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen Tigabu Yilma ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay door weyn ku yeelan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab. Source:-AMISOM The post AMISOM oo qaadeyso dagaal ka dhan ah Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir ay lahaayeen Madaxda Taliyayaasha AMISOM,Miltaraga Soomaaliya, wakiillo ka socday AMISOM,Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo waddamada taageera Soomaaliya. Kaddib shirka oo socday shan maalmood ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen dhinacyada in la fuliyo. Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah beegsiga meelo gaar ah oo ay ku suganyihiin Al-shabaab,loona arko in ay ka soo abaabulaan weerarrada ka dhanka ah Dowladda iyo AMISOM. “qorshe howleedka aan isku raacnay waxaa uu ka koobanyahay qorshe howled isku xiran si lootaageero qorshaha kala guurka Dowladda Soomaaliya, ka saaridda Al-shabaab meelaha ay ku dhuuntaan, ilaalinta xarumaha dadka rayidka ah” ayuu yiri Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM. Mr Mulongo, ayaa sheegay in qorshaha kala guurka Soomaaliya loo fulinayo saddex waji oo kala ah, dhimista Ciidanka, in amnigaxarumaha muhiimka ah ee Muqdisho lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya,in laga hortago weerarrada AL-shabab,lana kordhiyo howlgallada lagu furayo waddooyinka dhulka ah, si ciidanka Dowladda looga taageero la wareegidda amniga dalka ee muddada dheer. Waxaa uu taliyayaasha AMISOM ka codsaday in ay si dhow ula shaqeeyaan Taliyayaasha Soomaalida si loogu guuleysto qorshe howleedka ay dejiyeen. Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa ku baaqay in loo baahanyahay ku lug lahaansho xoog leh oo xagga Soomaalida ka yimaada six al kama dameys ah looga gaaro arrimaha Soomaaliya. Gen. Charles Tai Gituai, oo ah Taliye ku xigeenka AMISOM sidoo kalena ah madaxa dejinta qorshaha howlgallada ayaa sheegay in loo baahanyahay wada shaqeynta labada dhinac si qorshahan ka dhanka ah Al-shabaab loogu guuleysto.
  6. JabuuTi (SMN) – Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxiixday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti. Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa lafilayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta dalkaasi Itoobiya. “Marka aan bilowno dhoofinta,waxaan awoodaynaa in aan soo saarno ilaa 1 Billion oo Dollar,waxaana kordhaya daqliga oo gaaraya 6 ilaa 7 Billion sanadkiiba”, Ayuu yiri wasiir Koang Tutlam Heshiiskaasi ayaa waxaa u kala saxiixay Yonis Cali Guuleed oo ah wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Itoobiya,waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay fursado shaqo abuur iyo kobac dhaqaale u noqon karto bulshooyinka labada dal. The post Itoobiya iyo Jabuuti oo ku heshiiyay shidaalka DDSI appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Sida ay ku warranayaan ilo deegaanka ah oo ku sugan degmada Wadajir ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacasay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee degmadaasi. Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto oo ku jirtay Guri ku yaalla halkaasi. Ma jiro wax khasaare nafeed ah ee uu geystay dabkan, hayeeshee waxaa ku basbeelay illaa 4 Guri oo ay lahaayeen dad shacab ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Dab khasaaro geystay Oo ka kacay degmada Wadajir appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato: The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. MOGADISHU, Feb. 15 (Xinhua) — East Africa grouping on Friday welcomed the African Union’s call for cancelling Somalia’s debt towards the pan African body’s member states. Mahboub Maalim, executive secretary of the Inter-Governmental Authority on Development, said debt cancellation would go a long way to improve lives of Somalis who have been adversely affected by three decades of unfavorable conditions in all aspects of their day-to-day life. “The Executive Secretary views debt cancellation as a means towards enhancing peace, security, development and durable solutions for displaced Somalis,” Maalim said in a statement. “Somalia’s efforts at peace consolidation are constrained by the debt burden that prevents it from accessing concessionary financing and normalizing relations with International Financial Institutions (IFIs),” he added. The International Monetary Fund (IMF) in early 2018 pledged to prioritize Somalia’s debt relief, saying every effort is being made to speed up the process. According to the IMF, Somalia’s external debt is about 5 billion U.S. dollars, but Mogadishu has not made a service or amortization payment since the onset of the civil war two decades ago, making it impossible to access loans from the IMF. Maalim expressed his unwavering support to the AU call in regards to the “IFIs that have pledged financial support, to step up their good faith efforts and accelerate the normalization of financial relations with Somalia.” He reiterated the regional bloc’s support to Somalia’s journey to peace and lasting development, and recalled that Somali people deserve a peaceful and prosperous Somalia. He concluded that a normalized Horn of African nation will be a major player towards regional integration in the sub-region. To qualify for the debt cancellation, Somalia needs to convince the IMF, which would possibly convene its board of directors to review the country’s progress. Should the IMF board give approval for the debt cancellation, Somalia would be required to hold bilateral talks with private donors on the terms of debt forgiveness. Somalia started lobbying for debt cancellation during the 32nd Ordinary Session of the Assembly of the African Union which ended in Ethiopia on Monday. Source: Xinhua
  10. Nabadoonnada magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa walaac ka muujinaya xaaladda ammni ee magaaladaas, kadib dood ka dhalatay maamulka degmadaasi Nabadoon Cabdi Maxamed Nuur Kuusoow oo ka mid ah wax garadka dagmada baardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in xaalad adag dhanka amniga ay ka jirto deegaanka ayna isku hub uruursanayaan Labo shaqsi oo isku haysta xilka guddoomiyaha magaalada. Nabadoon Kuusow ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo nabadda islamarkaana xaaladda la qaboojiyo. ”Maagaalada xaaladdeeda waa ay foolxun tahay waxa ayna u dhowdahay in Labo jufo oo wada dhashay ay isku dilaan, waxa ayna ka dhalatay booqashadii Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku yimid magaalada, markii muddo dhowr iyo Toban maalin uu joogay ayuu ku dhawaaqay waxaan la fileen” Nabadoonka oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in xaaladda kacsanaanta magaaladaasi uu mas’uul ka yahay madaxweyne ku xigeenka jubbaland, wax walbana isaga wax laga weydiin doono. ”Magaalada ayuu joogay 17 maalin isagoo cidna la tashan waxa uu magacaabay guddoomiye cusub, reerkii awal maamulka haayay ayaa ka kacdoomay, mudaharaadyo ayaa ka dhacay wayna diideen iney aqbalaan guddoomiyaha cusub xilkana ay wareejiyaan” Dadka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa ka baqanaya in dagaal uu ka dhaco degmadaasi, welina xal rasmi ah ma muuqdo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garoowe (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa maanta golihiisa wasiirada horgeeyay xubnaha baarlamaanka maamulkaasi, si ay u siiyaan codka kalsoonida. Saciid C/laahi Deni ayaa xildhibaanada ka dalbaday in ay ansixiyaan xukuumadda cusub, si uu uguda galo ballan qaadyadii uu sameeyay, xilligii doorashada. Intaasi ka dib waxaa la guda galay hadal jeedinta wasiirada oo ka sheekeynayay taariikhdooda iyo waxa ay qaban doonaan marka la meel mariyo. Golaha wakiilada Puntland oo ka kooban 66 xubnood ayaa fadhigan waxaa soo xaadiray illaa 63 Mudane, waxayna ugu dambeyn cod-aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee dowlad goboleedka Puntland. Laga bilaabo maanta xukuumaddan oo horay loo dhaariyay ayaa guda gali doonta waajibaadka dadka iyo deegaankaba ka saaran, waxayna bulshada reer Puntland uga fadhiyaan waxqabad muuqda oo daboolaya baahiyahooda. The post Golaha wasiirada Puntland Oo goor dhow la ansixiyay appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Maxbuub Macallin oo ah xoghayaha urur goboleedka IGAD ayaa soo dhoweeyey baaqa Soomaaliya looga cafinayo deymaha caalamka, isaga oo sheegay in cafinta deymahaasi ay hagaajin karaan nolsoha dadka Soomaaliyeed. Qoraal uu soo saaray xoghaye Maxbuub ayuu sidoo kale ku sheegay in deynta cafinteeda ay horseed u noqon karto nabadda Soomaaliya, ammaanka, horumarka iyo xal u helista dadka barakacayaahs ah. Waxa uu sheegay in IGAD ahaan ay taageersan yihiin in Soomaaliya laga cafiyo deymaha, ayna soo dhoweynayaan arrintaasi. Dhowaan ayeey ahayd sidan oo kale markii ay u taageereen in Soomaaliya deymaha laga cafiyo madaxda dalalka Africa, kulankoodii ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goor dhow waxa ay codka kalsoonida ah siiyeen golaha wasiirada ee dhowaan soo dhisay madaxweyne Dani. Kulanka oo ay soo xaadireen 63 xildhibaan ayaa waxaa si wadajir ah xildhibaannadu kalsoonida u siiyeen wasiiradan. C/xakiin Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo hadlay wuxuu sheegay in wasiirada ay heleen kalsoonida, loogaa baahan yahay iney waajibkooda si cadaalad ah u gutaan. Dhanka kale, madaxweyne Dani oo isna hadlay wuxuu u mahadceliyey xildhibaannada isaga oo sheegay in waqti badan ay ku qaadatay soo xulista golahiisa wasiirada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Axmed Cabdinuur oo ka mid ah weriyayaasha ugu caansan muddada fogna ka shaqeynayey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta la shaaciyey inuu shaqada ka tagayo, maalin kadib markii sidan oo kale uu shaqada uga tagay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq. Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho. Maaddaama ay BBC-da soo wareejineyso barnaamijyadeeda ka imaan jiray London waxaa shaqada ka tegaya inta badan shaqaalihii raadiyaha ee ka howl gali jiray xarunta London. Waxaan idin soo gudbineynaa waayihiisa weriyennimo intii uu la joogay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC iyo waxyaabihii u la soo kulmay intii uu saxaafadda ku soo jiray. Muqdisho ayuu uga soo warrami jiray iddaacada, wuxuuna ka sheekeynayaa waxyaabihii uu la kulmay intii uu ka shaqeynayay magaaladaasi. ”Waqti adag ayay ahayd, waayo magaaladu waxay u qaybsanayd waqooyi iyo koofur oo ay kala xukumayeen hoggaamiye-kooxeedyo aad isaga soo horjeeday. Dalkana sharci iyo kala dambayn kama jirin waqtigaas, BBC-duna waxay ahayd isha keliya ee laga heli karo warar Soomaaliyeed oo sax ah”. Siyaasiyiinta qaar ama taageerayaashooda ayaa hanjabaad ii soo diri jiray sida “waan ku dilaynaa” marka ay dhibsadaan warbixinta aan sii daayay, waayo waxay rabaan in warka loo dhigo sida ay iyagu jecel yihiin. Mid ka mid ah ayaa maalin igu canaantay “horta maxaad warka u baraxdaa waxa aan kuu sheegay oo keliya maad sheegtid”. Aad ayaan uga taxaddari jiray waxa aan idaacadda ka sheegayo, waxaana iska ilaalin jiray inaan xiriir dhow oo gaar ah la yeesho dhinacyada siyaasadda isku haya midkood. Waxaa kaloo dhibaato ahayd sidii wararka lagu heli lahaa iyadoo isgaarsiintii dalku burburtay markii ay dhacday dowalddii milateriga 1991-dii. Marka aad warka diyaarisana waxaa dhib ahayd sidii aad u soo diri lahayd sababtoo ah Internet iyo telefoonka gacanta ma jirin waxaa keliya oo la adeegsan jiray telefoonka guriga oo tayadiisu aanay aad u wanaagsanayn. Codadka iyo waraysiyada waxaan ka shidi jiray rikoor markaas ayaan telefoonka saari jiray si studio London loogu duubo. Wuxuu u soo wareegay xafiiska Nairobi Si dhaqso ah ayaan ugu soo caanbaxay shaqada fiican ee Muqdisho aan ka qabtay wuxuuna madaxii laanta, Maxamed Cabdullaahi ii fidiyay fursado aan ku sii horumaro sida tababarro aan London u imid iyo inaan marmar si ku-meel-gaar ah uga shaqeeyo xafiiska Nairobi oo berigaas uu joogay Allaha u naxariistee Axmed Maxamed (Taajir) oo keliya. Intii aan xafiiskaas ka shaqeynayay waxaa dhacay qaraxyadii Al-Qaacida ku qaadday safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daresalam. Keligey ayaa waqtigaas xafiiska joogay, waayo Axmed London ayuu ku maqnaa. Idaacad kasta oo baxaysa war ayaan u soo diri jiray. Kaddibna xafiiska London Markii dambena, sanadkii 2000 London ayaa shaqo laga iga siiyay, muddo sanad iyo bar ah dabadeedna waxaan qaatay fasax lacag la’aan ah. Labo sano kaddib ayaan BBC-da ku soo laabtay wixii waqtigaas ka dambeeyayna London ayaan ka shaqeynayay marna weriye madax bannaan ayaan ahaa marna shaqaale rasmi ah. Shaqada London qudheedu ma sahlanayn, waayo shaqaale yaraan ba’an ayaa na soo martay. Waxaa jirtay beri aan keligey qaban jiray shaqooyinka soo saare, tebiye, war akhriye iyo farsamayaqaan oo weliba xilli habeen ah si barnaamijka subaxii u baxo. Muddadaas dheer ee aan saxaafadda gudaha iyo tan caalamka ku soo jiray, laga soo bilaabo 1982, waxyaabaha is-beddelay waxaa ka mid ah: qaabka dadku u fekero, waagii aan warbaahinta dowladda Soomaaliya ka shaqayn jiray lama oggolayn in su’aal adag la weydiiyo madaxda sare, hase yeshee kuwa maanta jooga fursaddaas ma haystaan waayo wax adag iyo wax aan jirin intaba waa la weydiiyaa. Kaalinta haweenka ee ka qayb galka hawlaha warbaahinta ayaa iyaduna si weyn isu-beddeshay oo tiradoodu aad u korortay. BBC waa hay’ad aad u wanaagsan marka la eego qaddarinta shaqaalaheeda iyo ka go’naashaha inay dhegeystayaasheeda siiso warar run iyo dhexdhexaad ah. Axmed Cabdinur ayaa BBC-da la shaqeynaayay ku dhowaad 25sano. Xigasho: BBC Somali
  15. Xildhibaannada golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay, xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. 63 mudane oo fadhiyay kulanka maanta, ayaa dhammaantood si wadar ah codka kalsoonida u siiyay, xukuumadda cusub ee la horkeenay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Golaha wasiirada cusub, oo Sabtida maanta uu madaxweynuhu horgeeyay mudanayaasha Baarlamanka, si ay kalsoonida u siiyaan, ayaa mid-mid looga dhegaystay taariikh-nololeedkiisa iyo aqoontiisa shakhsiga ah oo ay ka hor-akhriyeen golaha wakiilada. Inaasi kadib, madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka horjeediyay Baarlamanka, ayaa weydiistay in ay u ansixiyaan xukuumadda, si looga dhabeeyo ballan-qaadyadiisi ol’olaha doorashada ee Tayeyn&Tiigsi iyo qodoba cusub oo uu ku xoojiyay. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland: Baarlamanka oo ansixiyay xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.
  16. Barlamaanka dowladda Puntland ayaa cod aqlibiyad leh ku meel mariyay Xukuumada Puntland ee uu Soo dhisay madaxweyne Deni. 63 Mudane ayaa codkooda ku meel mariyay [...] Source
  17. Warar xog-ogaal aanu goor dhawayd helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar. Mas’uuliyiintan ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacada qaranka muddadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani. Arinkan weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan. Wararka aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga goobta shaqada isaga oo ku guda jira hawl maalmeedkiisa shaqo, halka maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire xalay laga qabtay gurigiisa. Qaran News
  18. (SLT-Hargeysa)-Xubno hore looga saaray xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen garab lagu magacaabay Badbaadinta Dimuqraadiyada xisbiga KULMIYE ayaa waxa eedaymo culus u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyaga oo farriin u diray golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ahaa oo gudaha Suuqa lagu dhex dilay. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadaa oo ku dhex yaallo Suuqa Cabdalla Shideeyaha Bakaaraha, kadib markii laba nin oo hubaysan ay toogteen wiilkaan dhalinyarada ahaa. Dilka kadib kooxihii hubaysnaa ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, waxaana mar kaliya Suuqa Cabdalla Shideeye ku kala cararay dhalinyaradii halkaasi ku ganacsaneysay. Lama oga ruuxa la dilay waxa uu yahay & sababta ka dambeysa dilkiisa, balse Kooxaha hubaysan ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ku dila dadka ay u arkaan inay ka feker duwan yihiin. Al Shabaab & Daacish ayaa sidoo kale dilal kala duwan ka gaysta Magaalada gudaheeda, iyaga oo xilliyada qaar muqaal ka duuba shaqsiyaadka ay dilayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, oo shaacisay inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta , ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor. Dawladda Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.” Source
  21. Tan iyo markii dib loo doortay 15-November 2018 madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda waxaa xafiisyada shaqooyinka kala duwan kusoo biiray tiro dhalinyaro ah kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha horamarinta xiriirka kubbadda cagta dalka ee sanadaha soo aadan. Gudiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa shir ay yeesheen waxa isla qaateen in DR.Yuusuf Muxyidiin oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah loo magacaabo xoghayahooda cusub,isagoo xilkan kal wareegay Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) oo xilkaas horay u soo hayay,DR Yuusuf ayaa sheegay in uu ku farax-sanyahay xilka loo magacaabay. Xasan Maxamuud Xasan (Xasan Farey) in ka badan 30-sano ayuu ka shaqeeynay horomarinta kubbadda cagta dalka,isagoo afartii sano lasoo dhaafay ahaa xog-hayahii guud ee xiriirka waxa uu sheegay inta uu joogay xafiiska xogheynta xiriirka ay soo hooyeen guula muuqda oo gudaha dalka iyo dibada wuxuuna intaa raaciyay in si dhaw uu ula shaqeyn doono Yuusuf Muxidiin oo ah xog-hayaha cusub. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab oo goobjoog ahaa munaasabada soo dhaweynta xog-hayaha cusub ayaa tilmaamay tan iyo markii ay dib ugu soo noqdeyn xafiisyada shaqada ay fursad siiyeen dhalinyarada waxa soo baratay hadafka laga lee yahayna ay tahay in guud la horomariyo kubbadda cagta wadanka ayna ku kalsoon yihiin aqoonta iyo qibrada DR.Yuusuf Muxidiin. “Waxaan xooga saari doonaa isku xirka xiriirada kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo xiriirka Soomaaliyeed si hadafyada aan lee nahay ay u gaarto bulshadeena oo badankooda jecel kubbadda cagta iminka meesha aan joogno waa meel wanaagsan ana waxaa jecelahay in aan xafiiskan ka tago taariikh weyn” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay DR Yuusuf Muxidiin oo ah xog-yahay cusub ee xiriika kubbadda cagta. Bahda ciyaaraha ayaa aad usoo dhaweeyay magaacibada xog-hayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed Yuusuf Muxiidin Axmed,iyagoo goorsii horaysay madaxda xiriirka ku bogaadiyay xulashadii guddomiyaha guddiga garsoorayaasha Xasan Aadan Yabarow Wiish waxaynta tani kalsooni siisay dhalinyaro badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. Al-Shabab announced via their official media wing that their fighters had killed U.S. and Somali soldiers at the Baledogle Military Airbase in the Shebelle province of southern Somalia on Friday morning. The militants claimed that their bombing had killed at least three U.S. Army soldiers and 5 members of the Somali Special Forces. The Pentagon has yet to comment on this claim by Al-Shabaab. US stepped up recently the airstrikes against Al-Shabaab in Somalia since Trump came into office in early 2017. The post Al-Shabaab claims 3 US soldiers killed in base attack appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasiirro Oo Safar Ku Joogay Dalka Jabuuti Oo Dib Ugu Soo Laabtay Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source