Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,409
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Balse dhul-badeedka ay Kenya ay sheegayneyso ayaa xaqiiqda ah dhul-badeedka Soomaaliya, balse Kenya waxay ka faa’iideysatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee ay Soomaaliya la gashay sanadii 2009. Heshiiskaas waxaa diiday baarlamaankii KMG ahaa iyo sidoo kale QM. Haddaba waa kee dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso. Hoos ka aqriso. Dawladda Kenya ayaa Arbaco (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay (QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wata khariidado. Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: “Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding “MOU”) markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la’aan (no-objection) uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay. Waxay meel kale oo Kenya ay qoraalkeeda ku sheegtay in xadka badda aagga ganacsiga ee la kordhinayo fogaan xeebta ka durugsan 350 mayl badeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu marayo xarriiq ama khad aan laga heshiin. Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa u calaamadsan in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39’34.25″S, 47°20’38.46″E ), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga meel xeebta u jirta ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu jirta dhul-badeedka Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco xeerka badaha adduun bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54’13″S, 46°24’55″E). Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka Soomaaliyeed halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay 116,000 km2. Sida Kenya shaacisay xogteeda rasmiga ah ee Qalfoofka Qaaradda Baddeeda (Continental Shelf) waxaa kucad cabirkan aan soo aragnay in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay(116,000km2) – waa cabbir aad u wayn oo aad loola yaabo, qofkastana uu is leeyahay macquul ma’ahan. Arintaasi waxay ku cadahay xogta rasmiga ah ee Qarammada Midoobay maanta shaacisay. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu ku wareero akhbaartaan horay u siidaynay ee sheegaysay in Kenya cabiratay (38,000km2). Xogahaan oo dhan ma’ahan kuwo isdiidan ee waa xog laga soo xigtay dowlada Kenya Qoraalada rasmiga ah ee kasoo baxa (mid hordhac ah, iyo mid rasmi ah). Qoraalkii cilmi baarista waxaa kamid ahaa in Kenya ay gudbisatay March 10, 2009 xog hordhac ah oo Badda Soomaaliya ay gashay (38,000 sq.km) xogtaasna uu ku saxiixnaa Madaxwaynaha Dalka Kenya ee hada Mwai Kibaki , sidaas waxay ku qornaynd waraaqdii Mwai Kibaki ku saxiixnaa ee aan soo aragnay. Sidoo kale qoraalkaas waxaa lasocday in cilmi baaristu sheegtay qoraalka rasmiga ah ee Dowlada Kenya markay soo gudbisato ayaa la ogaanayaa cabirka kama danbaysta ah ee Kenya ay badda Soomaaliya ka cabbiranayso. Cabirkii Kama danbaynta ah ama qoraalkii rasmiga ahaa wuxuu cadeeyey in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay dhul-badeed ah (116,000km2) – Arrintaas waxaa lagu soo koobi karaa oraahda ah : 38,000sq.km waxay ahayd tijaabo hordhac ah, 116,000sq.km waa rasmiga ay Kenya doonayso in loo sharciyeeyo. Kenya waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho badda Soomaaliya. Si ay arrintaas u qurxisna waxay tiri, sidoo kale badda Kenya waxay isdul fuulaan badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen markii ay xog is dhaafsadeen 17 December 1975 iyo 9 July 1976. Sidaas daraadeena Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. Kenya ayaa doodeeda ku dhisaysa in baddeeda iyo badda Soomaaliya isa soo dhexgalaan, taasna waxay ula jeedaa siday horay meelo kale ugu sheegtay in marka laga hadlayo aaga la kordhinayo ee Qalfoofka Qaaradda ay labadda dal cabirkoodu isku meel ku dhacayo, taasna waxaa keenay Kenya oo cabirkeeda usoo qaloocisay dhinaca bari, halkii laga rabay in cabirkeedu maro Koonfur Bari. Sidoo kale Kenya doodeeda waxay ku dhisaysaa in kordhinta aaga ganacsiga ee cusub uu marayo xuduud aan laga heshiin, aag lagu muran sanyahay. Hadda su’aashu waxay tahay goormaa labada dal u dhexeeyey dhul-badeed lagu muransanyahay ama goormaa Soomaaliya iyo Kenya xuduuda baddeeda isa soo galaysay, maxayse kordhintii hore ee aaga ganacsiga 10kiiDecember 1982 markii laga dhigayey (200nm) Murankan ujiri waayey ama xuduudu isu soo gali waysay? Su’aalahan iyo kuwa kelaba gadaal ayaan ka faah faahin doonaa, ee marka hore aan milicsano heshiiskan yaa Kenya ka caawiyey ama yaa ka qayb qaatay?. Hoos ka ag qariiradda ay Kenya gudbisatayXuquuqda qoraalkan waxaa leh oo horey u daabacay SomaliTalk,
  2. Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dowlada Kenya ayaa loogu yeeray safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in safiirka u fadhiya Soomaaliya ay wax ka waydiineyso shirkii London ee dowlada Somalia ay ku soo bandhigtay kheyraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, ayaa xusay in Soomaaliya ay dunida u bandhigtay shidaal ku jira qeyb kamid ah dhul badeedka ay isku heystaan labada dal. Mr Kamau ayaa intaasi ku daray in shirkii London ee lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya, uu saameyn ku yeelan karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood. Illaa iyo haatan ma jiro wax jawaab ah oo ay DFS ka bixisay go’aanka kasoo baxay xukuumada Nairobi. The post Kenya oo u yeertay safiirkeeda u jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo ayaa loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo. “Xadgudubkan xooggan ee boobka sharci-darrada ah ee kheyraadka Kenya ma noqon doono mid aan laga jawaabin, wuxuuna la macno yahay daan-daansi lagu sameeyey dadka Kenya iyo kheyraadkooda” Ayuu yiri Macharia Kamau. “Xaraashkan naxdinta iyo daan-daansiga leh, wuxuu mudan yahay oo uu la kulmi doonaa diidmada isku duuban ee dadka Kenya oo dhan iyo sidoo kale dadka aaminsan joogteynta xeerarka iyo kala dambeynta caalamiga ah, iyo in xal sharciyeed oo nabad ah laga gaaro murankan” ayuu yiri. Kenya ma aysan shaacin dhulka ay sheeganeyso ee dowladda Soomaaliya ay shidaalkiisa xaraashka gelisay. Si kastaba, waxay u muuqataa in arrintan ay la xiriirto dhul-badeedka muranka uu ka taagan yahay ee Soomaaliya, oo horey ay Kenya ay u sheegatay ayada oo uu ku doodeysa heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee 2009. Heshiiskaasi oo uu diiday baarlamankii KMG ahaa, ayaa waxaa saxiixay Craxmaan Cabdishakuurm, oo xilligaas ahaa wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kiiskaaski ayaa waxa uu hadda yaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, ayada oo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Dawalada kenya ayaa safiirka somalia u fadhiya dalkaasi u qabatay inuu sacado kooban uga boxo dalka kenya halka safiirkii kenya u fadhiyay somalia ay kala [...] Source
  5. Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal. Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u jooga Magaalada Muqdisho, Jen. Lust Tumbo, iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka Soomaaliya ee Nairobi ku sugan, Maxamuud Axmed Tarsan inuu dalkiisa dib ugu laabto, tan iyo inta laga xallinayo xiisadda taagan. Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyadoo ku sheegtay qoraal ay soo saartay in Dowladda Soomaaliya ay si bareer ah ugu xad-gudubtay xuduud baddeeda labada dalka u dhexeysa, taasoo ay horay labada waddan dacwadeeda ugu gudbiyeen maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands. “Xukuumadda Soomaaliya waxay muujisay inaysan ka go’nayn inay ixtiraamto soohdimaha ay la leeyihiin dalalka dariska la ah, isla markaan ay si ba’an oo aan ka fiirsi lahayn u beecisay khayraad ku jira bad aysan lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Macharia Kamau ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay dib uga laabato qorshaha ay ku doonayso inay shidaalka uga baarato goobaha lagu muransan yahay. Horraantii bishan Feberaayo, ayaa magaalada London ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir lagu beecinayay shidaalka ku jira Soomaaliya, kaasoo si weyn loo mucaaraday inkastoo Dowladdu ay sheegtay in shirkaas uu ahaa mid lagu beec-geynayay shidaalka Soomaaliua ku jira si loo helo shirado soo saara. Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya kaga sugan yihiin kumannaanka ciidamada ah ee ka tirsan AMISOM, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab oo sannado badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu caalmku taageersan yahay. Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Xukuumadda Nairobi ee xiriirka loogu jaray iyo amarka lagu soo rogay danjiraha Soomaaliya ee Kenya. PUNTLAND POST The post Kenya oo xiriirka u jartay Soomaaliya, una yeeratay Safiirkeedii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  6. KENYA RECALLS its ambassador to Somalia, orders Somali envoy back to his country; GoK says Somalia auctioned oil and gas blocks in its territory. Source [...] Source
  7. Siciid Mire Xaydar magaalada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayuu ku dashay bilawga sannadkii 1951 , halkaasi ayuuna ku qaatay waxbarashada asaasiga ah oo u badnayd barashada diinta islaamka oo qoyskiisana dadka deegaanku ay ku tixgelin jireen. Siciid isaga oo 16 sano jir ah waxa haleelay jacayl ba’an oo ay markhaati ka noqdeen dadkii deegaanku, waxaanu jacaylkaasi saameyn ku yeeshay noloshiisii oo dhan sida inuu joojiyey waxbarashadii , isla markaana uu kaligii iska wareego. Ilaa afar sanno markii uu la noolaa jacaylkaasi oo aanu gacantana ku haynin gabadhii uu jeclaaday , wuxuu yimi Muqdisho waxaanu sannadkii 1971 ka qaybgalay tartankii heesaha ee lagu qaban jiray Golaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho isaga oo ujeedkiisa koowaad yahay inuu inuu jacaylka ka ciil-baxo. Siciid markii uu horreysay ee uu ka heeso dadweynaha hortooda aad ayaa loogu sacbiyey ka dib markii codkiisii gariirku ku badnaa uu ku qaaday hees uu isagu lahaa erayada iyo laxankaba kana waramaysa waayihiisa Jacayl taasi oo magaceedu ahaa “Ishaaro”. Ilaa saddex mar ayaa laga codsaday inuu ku celiyo, waxaana barnaamijka habeenkaas hagayey Saxafiga Axmed Cali Askar oo xilligan ogaalkayga ku noolaa dalka Ingiriiska. Ka dibna habeen kale ayuu hadana Siciid ku soo laabtay golihii kana qaaday isla heestii. Siciid Mire Xaydar wuu ku guuldarraysay inuu hantiyo gabadhii uu jeclaa , waxaanu ku biiray kooxdii Heegan ee booliska Soomaaliyeed , waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dadkii mudada kooban ku soo caanbaxay ee fankooda la bartay ka dib markii uu qaaday labada heesood ee “Dhabta miyaan ku saaraa” oo ay la qaaday Kinsi Xaaji Aadan Xuseen . erayadana uu lahaa Cabdi Bashiir Maxamed Indhabuur , oo ahaa abwaanka koowaad ee kooxda Heegan , laxankana isaga (Siciid) iyo Indhobuur ayaa iska kaashaday iyo heesta kale ee Warmoog oo Indhabuur alifay laxankana Siciid iyo Abwaanku ay wada guuleen . Sidoo kale isla xilligaasi wuxuu qaaday heesta Qiiro oo ahayd Waddani bulshada uga digaysa qabyaaladda inay ku dhaqmaan , waxaana laga joojiyey heestaasi Idaacaddaha Raadyaw Hargeysa iyo Muqdisho , iyada oo loo fahmay inay inay lid ku tahay dowladda Kacaanka ee talinaysay . Heesta Qiiro waxa erayada iyo laxankaba allifay Salaad Diirshe oo ahaa hal-abuure sidoo kalena heesaa ah kana tirsanaa kooxda Heegan , waana abwaankii sameeyey heestii saamaynta badan yeelatay ee “ Ceeshaantii Mas iyo Good” ee dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida 1977 ka hadlaysay. Siciid Mire sidoo kale wuxuu qaadi jiray Qasiidooyin dhawr ah oo ay kala laheeyeen Cabdi Bashiir iyo Abwaan Sugaal Cabdille Cumar sida Qasiidada “ Subxaana Yaa Qafaaru”. Siciid ka dib markii ay kooxdii Heegan ka soo laabatay Deegaanka Dhagaxbuur oo la geeyey intuu dagaalku socday , lana yimi Xamar ayuu kooxda ka tagay sanandkii 1978, sidoo kalena wuxuu guud ahaan ka tagay fanka inkasta oo uu u olalayn jiray in fanka loo adeegsado waddaniyada iyo dal jacaylka . Intii kooxda Heegan ay ku sugnayd deegaanka Dhagaxbuur ee dagaalkuna socday waxaan la hilmaami Karin in laga dilay kooxda asaasihii u horreeyey ee Heegan Maxamuud Axmed Cali “Dabagooye “ kaasi uu dilay nin xabashi ahaa balse af Soomaaliga yaqaanay oo maalin dhan ku dhexjiray kooxda ilaa uu habeenkeedii uu dilay Abwaan Dabagooye . Siciid intii ay socdeen dagaaladii sokeeye wuxuu ku noolaa Muqdisho , waxaanu u badnaa tafsiiridda Quraanka oo uu yaraantiisii bartay sidoo kalena xifdiyey . Muddo uu xanuusanayey ka dib wuxuu geeriyooday bishii Julaay 2010 iyada oo markaasi la qorshaynayey in dibadda loogu qaado caafimadin. Alle ha Janneeyo Siciid Mire Xaydar Source
  8. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed. Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka. The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo socdaalay Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacag dhan 74 milyan oo dollar oo cusub oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay ku faraxsan tahay inay taageerto dadka iyo dowladda Soomaaliya ayaga oo raadinaya inay abuuraan mustaqbal wanaagsan, oo ay ku jirto horumar dhaqaale iyo shaqo abuuris.” Ayada oo taas laga duulayo, ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 74 milyan oo dollar ay ku maal-gelineyso barnaamij shaqo abuur iyo dhaqaale kobcin ah. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa toddobaadkan booqday shirkado Soomaaliyeed iyo maalkiilayaal ka faa’iidaysanaya taageerada Mareykanka ee lagu bixinayo barnaamijka USAID GEEL. “Dowladda Mareykanka waa ay soo laabatay, waxayna ku faraxsan tahay inay inay taageero dhaqdhaqaaqyada shaqo abuurista Soomaaliya” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsannahay inaan maqalno in Soomaaliya ay u furan tahay ganacsi ayada oo loo marayao barnaamijka USAID GEEL” Shirkadaha Soomaalida ee la sheegay inay horey uga faa’iideysteen si guul ahna uga miro-dhaliyeen taageerada Mareykanka ee barnaamijka USAID GEEL, waxaa ka mid ah Habo Tuna Canning Factory, Horn Gardens, MicroDahab, Somfresh, Irmaan Dairy, Beder, iyo Sommilk. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Puntland parliament has passed the newly appointed cabinet on Saturday. The assembly gave the new cabinet that is composed of 18 ministers, 18 deputy ministers and nine state ministers the green light after a debate. Out of 63 members who attend the session, only two members abstained against the motion to approve the newly appointed cabinets. Puntland leader, Saed Abdullahi Deni who addressed the session pledged his new cabinet would work towards the realizations of the promises made during his campaign. The regional leader who was elected on 8th January has also pledged to host reconciliation meeting for the federal government and state leaders to solve the political impasse that derails the country’s development. The post Puntland’s council of ministers approved by parliament appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada u cadaalad doonta, Iyadoo kiisaskooda ay gacanta ku hayaan maxkamadaha garsoorka. Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo uu dhinac fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in cidii arintaasi lagu helo Ciqaab lagu soo oogi doono, si wax looga weydiiyo sababta uu ka lahaa in Sumcad dil uu ku sameeyo hay’adaha Garsoorka dalka. Dadka baraha Bulshada soo dhigo Kiisaskooda ay geeyeen Garsoorka, ayuu tilmaamay in meel la iska dhigi doono Ga dacwadeedkooda, maadaama ay ku kaceen fal wax u dhimaya sumcada Garsoorka. Si kastaba, todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxaa baraha Bulshada qabsaday Kiisas la xiriira in dad sheegtay iney wax cadaalad ah ka heli waayeen Hoggaanka Garsoorka dalka kiisaskooda si fudu loogu xaliyay markii ay ku soo bandhigeen baraha bulshada gaar ahaa Facebook. Halkan ka dhageyso codka gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Codka-Maxkamada-Racfaanka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Dadweynaha Degmada Lug-haya Ee Gobolka Salal Oo Faariin U Diray Xukuumadda Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Wasiiradiisa cusub Golaha Wakiillada Puntland, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida. Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada Puntland, waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha iyo ku-xigeenadiisa, Xildhibaanada Golaha Wakiillada, Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa khudbad ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland. “Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada, waxaana uu tilmamay Madaxweynuhu inuu dib u habayn ku samayn doonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada. “Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa balanqaaday in si baaxadle xukuumadda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsadey inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in Wasiirada cusub lagu soo xulay aqoon, karti iyo waaya aragnimo. “Waxaan gunaanadkii ka codsanayaa xubnaha Golaha wakiillada inay ansixiyaan xubnaha Golaha wakiillada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbalidoontaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Wasiirada cusub ee 10-kii bishan uu soo magacaabay madaxweyne Siciid C/llaahi Deni. 63 Xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Puntland, ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Wasiirada cusub, mana jirin Xildhibaan diida ama ka aamusa, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaa madasha ka maqnaa Saddex mudane oo katirsan baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  15. (SLT-Nigeria)-Dadka reer Nigeria ayaa saaka ku soo toosay war kasoo baxay guddiga doorashada Nigeria oo shacabka loogu sheegay in doorashada madaxtinimada dib loo dhigay ilaa todobaadka danbe. Warkaan ayaa yimid saacado yar kaddib inta aanan la furin sanaadiiqda codadka, waxaana yaab iyo amakaag ku noqday dadka intiisa badan. Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Nigeria Mahmood Yakubu, ayaa u sheegay wariyaasha in go’aankani uu ahaa mid aad ugu adkaa qaadashadiisa balse ay lagama maarmaan noqotay in dib loo dhigo doorashada si loo helo doorasho guul ku dhamaata. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qalabki doorashada aanan la geynin dhamaan wadanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah warqadaha lagu codeeyo iyo sanaadiiqdaba la la’yaha. Doorashada ayaa lagu waday in ay si aada ugu tartamaan madaxweynaha talada haya Muhammadu Buhari iyo madaxweyne ku xigeenki hore Atiku Abubakar. Source
  16. Magaalada Bosaso waxaa maalmahaan ka socdey hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga. Hawlgaladaas waxaa fulinayey dhamaan qaybaha ciiddank Puntland oo ay ugu horeeyaan PMPF, Policek,a PSF iyo [...] Source
  17. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa Sabtida maanta ah golaha wakiilada horgeeyay, barnaamij siyaasadeed diyaarsan oo ku saabsan, waxqabadka u qorshaysan in uu Puntland ka hirgeliyo. Madaxweynaha ayaa barnaamijkiisa ku beegay, kulankii Baarlamanka ee lagu ansixiyay xukuumadda cusub, waxaana uu ansixinta ka hor mudanayaasha u akhriyay, khudbad uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa waxqabad ee u qorshaysan. Khudbaddiisa ayaa u badneyd ballan-qaadyadiisi hore ol’olaha doorashada oo ku celis ah, hase yeeshee waxaa ku jiray laba qodob oo cusub, kuwaasoo kala ahaa; miisaaniyad gaar ah oo uu sheegay in xukuumaddiisu u qoondeyn doonto, soo celinta gobolada maqan ee Sool Sanaag &Cayn iyo xoojinta awoodda ay Puntland u leedahay, gelidda heshiiyo maal-geshi oo caalami ah. Halkaan ka daawo khudbadda oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Muxuu yahay Barnaamijka siyaasadeed ee madaxweyne Deni? appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in waftigan ay yihiin dhaqaale doon, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taageero ka raadineyso Sacuudiga oo dhowr bil aan wax dhaqaale ah siin Soomaaliya. Wararka aan helnay ayaa sheegay in lacagtii 50-ka milyan ee dollar ahayd ee Soomaaliya ay ka heshay xukuumadda Sacuudiga dabyaaqadii 2017 aysan kadib Sacuudiga wax dhaqaale muuqda ah siin Soomaaliya. Arrintan ayaa ugu wacan xiriirka labada dal ee xumaada kadib xiisaddi Khaliijka ee Sacuudiga ay la galeen dalka Qatar, oo Soomaaliya ay diiday inay taageero Sacuudiga. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa si dadba u sheegay inay arrimo dhaqaale u aadeen Sacuudiga. “Waxaan dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaa arrimaha deyn cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Beyle. Arrintan ayaa imanaysa ayadoo bilihii dhowaa ay dowladda wajahaysay cadaadis dhaqaale, xilli aan la bixin mushaharka qaar ka mid ah shaqaalaha iyo ciidamada dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Qaybtii 2aad : DHAXALKII KULMIYE WAA TOBAN JIRSADAY. Intii ila socotay Qormadii hore ee aan idinla wadaagay ,10 feb 2019 , waxay inoo joogtay ,doorashadii dhacday 2010kii , suaal baa inoo taagnayd ahayd , maxaa dadku waqtigaa ka cabanaayey ? , maxaa se laga filaayey ka dib guushii kulmiye ? Halkaas aan ka bilaabo , doorashadii dhacday 2010 kii ee ka dhacday Somaliland , dadku waqtigaas waxay qabeen rajo wacan oo dowladnimo , kaliya waxay karahsanaayeen ama saluugayeen dowladii markaas jirtay . Waxaanay ku saluugayeen , inaanay dowladaasi ka jawaabin assaasiyaadkii nolosha bulshada . Saluuga shacab ee jiray, shacabku kuma kala qaybsanayn , waxay ahaayeen shacab meel u wada socda , dhawaaqooduna midyahay , marka laga reebo qaybo ka mida bulshada oo iyagu qorshaha kulmiye ee ku dhisan( kala qaybinta , iyo naxliga bulshada dhexdeeda) ay saamaysay , una dhagonuglaa , durbaanka kulmiyena aad ula dhacsanaa. Dadku maxay ka cabanayeen waqitigaas ; 1. Musuqmaasuq , 2. Iibinta hantida qaranka oo bilow ahayd, 3. Xoriyadul qowlka oo cidhiidhi ku jiray, 4. Biyo la ‘aan meel walba gaadhay, 5. Laydh la’aan , taasoo caqabad ku ahayd warshadlayda yaryar iyo guud ahaan shacabka, 6. Waxbarasho bilaa tayo ah , iyo wadanka oo sidii dukaamada loo furtay kuliyado aan ku iman hab qanuuni ah oo ku dhisan manhaj umada lagu aamini karo , oo iska uun ganacsi ah , 7. Adeega caafimaadka oo xumaa oo aan horumar laga samayn , 8. Dhinaca garsoorka oo la saluugaayey , iyo inaan la dhamaystirin shuruuc badan dadka iyo dalkuba u baahnaayeen in la furfuro , lana dhamaystiro iwm . Dhanka kale waxay ku faraxsanaayeen meelo badan oo xukuumadaas UDUB guulo ka gaadhay sida : 1. Shacabka oo isku soo dhawaanaayey , ismaaminaayey dowladnimana u diyaar ahaa , mucaaradadooduna aanay ahayn mid iyagu isku jeedaane, ay ahayd mid wax lagu hagaajinaayo, 2. Ciidamada kala duwan ee dalka JSL oo dhismay ,waa ciidanka qaranka , policeka , asluubta iyo dhaman hayadaha sirdoonka , socdaalka , oo aad loo tayeeyey si mudakarana u dhismay, 3. Maamulka oo fiday oo la gaadhsiiyey ilaa bariga iyo waxii ka shisheeya , 4. Arimaha doorashooyinka oo guulo badan laga gaadhay , doorashooyin aan dhiig ku daadadan si nabadgalyo ah u dhacay , heerkasta oo ay ahayd , 5 . Somaliland oo waqtigaas asxaab badan ku lahayd caalamka , xafiisyada aynu ku leenahay dunida oo shaqadooda iyo diblomaasiyadeeduba aad u xooganayd iwm. Iyadoo halkaas la marayo , oo shacabku diyaar u yihiin , in la helo cid waxaa qabsoomay gacanta midig ku haysa ,waxa ka dhimana dhamaystira , waxii qaldamayna ka dabo taga oo saxa , oo isbadalkaas dalka iyo dadkuba u baahanyahay , ayay dhacday doorashadii 2010kii . Shacab weynihii waqtigaas saluugsanaa xisbigii talada dalka hayey waqtigaas ee UDUB, waxay qabeen rajo isbadal , marka laga reebo intii ay asqaysay dabayshii kulmiye , dadka badankoodu waxay ahaayeen isbadal doon ,isbadelkaasna waxay ka qabeen in hadii ay UDUB badalaan , in kulmiye isbadal keeni doono sabab , waxay aaminsanaayeen sidan hoose: I. Kulmiye waxay ka aaminsanaayeen , inuu hogaaminaayeeyey , murashaxna u ahaa Mudane Ahmed Siilaanyo , oo lagu tuhmaayey inuu yahay ninkii ugu siyaasisanaa , uguna khibrada badnaa ragii saaxada siyaasada waqtigaas joogay , waxa kale oo intaas dheerayd inuu ahaa hogaamiyihii SNM , oo laga filaayey inuu dalka lexejeclo ka leeyahay , una tudhi doono dadka iyo dalkaba , waxa intaas dheeraa , inuu ahaa nin cadaalad daro ka dagaalamay waagaas , oo layslahaa cadaalad ayuu keeni, isagoo ahaa nin bartay cimiga dhaqaalaha, oo laga rajaynaayey inuu ku dhaqaaqi doono inuu bulshada u sahantago , bilaabana mashaaric lagu kobcinaayo dhismaha dhanka dhaqaalaha , abuuri doono shaqo abuur iwm. (Waa sababihii keenay guusha kulmiye , iyo in la taageero Siilaanyo). II. Teamkii uu watay ee kulmiye oo qaar culmi ahaayeen , oo dhanka diinta loo tuhmaayey , inay dalka ka samayn doonaan maamul wanaag, oo ay xaaraanta iska ilaalin doonaan, III. Xukuumadii UDUB oo u badnayd dhanka dhegta , arimaha ciidanka iyo dhagodhagaynta ahmiyad weyn siisay oo ay ku ilowday arimihii bulshada , taas oo shacabku kulmiye ka rajaynaayey inay xooga saari doonaan arimaha bulshada , Qaybtaas la ilaabay ay soo dhisi doonaan , si qaranku isu soo wada gaadho , adeeg ahaan iyo dhismo ahaanba iwm. Doorashadii dhacday 2010kii , kulmiye guulaysay ; hadlkuu ka bilaabay markaas : Doorashadaas waxay keentay isbadalkii dalka ka dhacay ee qofafka (qof qof badalay uun ) isbadal aan aragti wadan ee ahaa uun kursi wax lagu boobo in la gaadho . Kulmiye markii xilka loo tiriyey , muu abaarin inuu duruufihii dalka ka jiray wax ka qabto , waxa uu ka bilaabay inuu magacaabo ,gudi ka soo talisa in la furo urardii siyaasiga ahaa iyo in kale , isagoo ka dhigaaya abaalcelintii ugu horaysay ee uu sameeyo , una sameeyo rag la soo kifaaxay guushiisana kaalin mugleh ku lahaa ,inuu u fuliyo dalabkoodii. Dowladii kulmiye ee bilaabantay 2010 , shaqooyinkii ugu horeeyey ay bilowday waxay noqdeen , inay dadkii la soo shaqeeyey , ee guusha markaas loo nisbaynaayey keenideeda , in heshiisyadii lala galay loo fuliyo , in loo mahadnaqo , in balamihii iyo wacadkii loo gudo , kii siyaasi ahaa in xil la siiyo , kii ganacsade ahaa kootooyin loo xidho , in fursado ganacsi iyo cashuura dhaaf loo sameeyo , kuwii xisbiyada rabay in loo furo ururadii , in la sameeyo shaqooyin ku dhisan saaxiibtinimo iyo abaal celin oo mushahar waawayn iyo gunooyin lagu bixiyo , tusaale hadaan ku siiyo , madaxtooyadeenu waa waqtigii ay yeelatay 15ka la taliye , waxay talo keeneena aan la arag , waxuunbay ahayd shaqo abuur ku dhisan saaxiibtinimo iyo abaal celin . 2010 kii markaas shacabka Somaliland waxa u dhalatay (dowladii abaalcelinta ). Talaabooyinka noocaasa ee bilowga ahaa , ayaa markiiba bulshadu kasoo booday, keentayna inay dhabaha u xaadho wax alaale iyo waxii dhacdooyin dhacay 7 sano ee siilaanyo madaxda ka ahaa wadanka. Waxay ka bilaabeen : @Talaabadii ugu horaysay inay inagu furan ururo , taasoo bulshadii kala qaybisay , oo ardaa waliba xisbi furtay waxii ka dhacayna la ogaa , @Waxay ka bilaabeen inay abuuraan aragti , ay ku raadcaynayaan meel kasta oo lacagi taalo , wallow dan qaranba yay ku jirine , waxay fureen wadahadaladii Somalia iyo Somaliland , ujeedka u galena ahayd lacag raadis , @ Waxay bilaabeen inay dhamaan wasiirada wadanku hal mashruuc ka wada hadlaan , dowlad dhan badhna dilaaliin yihiin badhna in quudaysa , oo hal mowduuc ka wada hadlaaya oo aan lahayn masuuliyad iyo siyaasado shaqo oo kala duwan (waa habdhaqankii kulmiye ), @Waxay bilaabeen in dagaalo bilaa ujeedo ah ay ku qaadaan bariga Somaliland , sida kalshaale iyo buuhoodle ,taasoo keentay inay abuuranto dowlado sheeganaya Somaliland ,sida khaatumo, iwm, @Waxay bilaabeen inay halkii ka sii wadaan iibka iyo xaraashka hantidda qaranka ilaa ay gabogabeeyeen , @Waxay bilaabeen inay gurraan oo iib geeyaan macdanta dalka , buuraha , in wasaarad waliba waxii ka ag dhawaa ay shidaalaysato ,iska bismilaysato , cid cid la xisaabtantaa aanay jirin ,jaantaa rogan, @In haykalkii iyo hanaankii awooda ee dowladnimo lumo , ninba nin u awood sheegto , sharcigii dalka lagu tunto , @In la cabudhiyo shacabka , siyaasiyiinta mucaaradka ah , saxaafada , dhaqanka iyo cidkasta oo xataa dumar la xidhxidho , guryaha loogu dhaco , wax kasta oo foolxumo ah dhanka xuquuqda qofku leeyahay maamulkaasi wuu samaysay , @Waxa intaas dheerayd aakhirkii inay dalkiiba xaqu qalin siistaan , oo dawlado shisheeye inoo soo jilaabaan , oo weerar ku ah khayraadkeena iyo hantideena ma guurtada ah , @Inay dadkii kala qaybiyeen isku jeediyeen , magacyo u kala bixiyeen oo inba meel ku oodeen ,qaar somaliweyn ku sheegeen , qaarna jeegaan ku sheegeen , qaar darafyada ku sheegee iwm, @Waxa uu kharibay oo baabiiyey hanaankii dimiquraadiga ahaa ee soo koraayey ee ka hirgalay Somaliland , dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ay kulmiye qabteen mid aan dhiig ku daadan ma jiro. Intaasba iyadoo laga dhaxlay dowladii uu hogaaminaayey Madaxweyne siilaanyo , ayaa hadana nasiibdarada ugu weyn uu kaga tagay ay tahay , inuu u loogay muuse biixi inuu halkii ka ka sii wado dhibaatadii . “ Ayax tag ,se eel reeb “ ayay noqotay . Halkaas waxaan kusoo koobayaa shaqada dowladnimo halkay ka bilaabeen ,markii ay xukunka qabteen. #Gabogabadii: Markaan si guud usoo koobo, dhaxalka kulmiye ee hada sii toban jirsanaaya waxaynu ka dhaxalnay : * Mususq maasuq gaadhay heerkii ugu sareeyey , oo aan wali soo marin Somaliland , oo aan ilaahay laga xishoon , oo la boqno gooyey dhamaan asaasiyaadkii iyo hantidii umada , la dhaxal wareejiyey, * Waxaynu ka dhaxalnay kulmiye kutumasho sharcigii umaddu dhigatay ,dowladnimadii oo la uskageeyey oo loo adeegsaday sidii shirkad gaar loo leeyahay , * Qabyaalad xadhkaha goosatay , in shacabkii laysu tilmaamo , la kala saraysiiyo , la kala qoqobay , laysku diray oo dhamaan shacabkii kala aamin baxay , badh magacyo loo bixiyey , badhna meelo kale loo nisbeeyey oo ilaa imika socda ,joogto ah, * Waxaynu ka dhaxalnay in la laabo dhamaan hanaankii dimiquraadiga ahaa ee socday , doorashooyinkii dalka oo laga dhigtay inay u shaqeeyaan hab shirkadeed oo gara loo leeyahay oo aan la ogolaan tartankii xalaasha ahaa ee bilowga ahaa, laguna badalay hanaan aan lagu kalsoonaan Karin, * Waxaynu ka dhaxalnay sicir barar khatar galiyey nolosha bulshada danyarta ah, Waxaynu ka dhaxalnay inaanay maanta jirin adeeg bulsho oo ah waxii dowladnimada loo samaystay, * Waxaynu ka dhaxalnay bulshadii soo koraysay oo lagu barbaariyey guulwadayn , oo haybadii bulshada si khaldan loo adeegsaday, * Waxaynu ka dhaxalnay been joogto ah iyo marin habaabin lagu wado masiirka umada iyo in laga been sheego siyaasada bulshada dhamaan qaybaheeda kala duwan, * Waxaynu ka dhaxalnay awoodii dalka oo furfuran , jabhado ,kala shaki keeni kara burbur shacab oo aan ilaa maanta dawadeedii la hayn , * Waxa laga dhaxlay in la dhaxal wareejiyey halbowlayaashii dhaqaale ee umadu lahayn ,sida dekeda berbera , airportka berbera , buuraha macdanta ah , shisheeye iyo sokeeyaba gacanta loo galiyey ,lana dhaafsaday xaqulqalin. Lama soo koobi karo dhibaatada kulmiye ina gaadhsiiyey ilaa hada joogtada ah. Waxaan oo dhibaato ah ee laga dhaxlay Kulmiye , waa dhaawac kuyaala bulshada Somaliland ,ilaa hadana socda oo kolba midab gaara loo yeelayo. ——-Dhamaad——– Sir-Abdirashid Hussein Yusuf Email: Gahaydhle@live.com, Doha,Qatar. Qaran News
  20. Riyadh (Caasimadda Online) – Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa faafiyay warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin 4 kamid ah maal qabeenadii u dhashay wadanka Sucudiga ee loo xiray arrimaha l xiriira Musuq maasuqa kuwaas oo dhawaan lagusii daayey lacago madax furasho ah. Warbixinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dadkii la xiray intii ay soconeysay xamladii loogu magac daray “ka hortagga musuq maasuqa” ay xabsiga kasoo beexen iyagoo qarka usaaran inay fuqaro noqdan marka loo fiiriyo hantidi ay lahaayeen markii ay xabsiga galayeen. Raggan oo ka koobna 87 qof oo hantiilayaal ah ayaa lagu xiray Hotelka Retez Karliton ee ku yaala magaalada Riyadh, halkaas oo ciidanka Amaanka maamulka Aala Sucud ay ku waardiyeynayen illaa markii dambe qaar iyaga kamid ah ay lacagahooda isku furteen. Max’med Bin Salmaan ayaa la wareegay kala bar saamiyada shirkadaha waaweyn ee ganacsatadan waxaana kamid ah ninka maalqabeenka ah ee lagu magacaabo Waliid Bin Dalaal oo warbixintu sheegayso in uu qarka usaaranyahay ceyrtoobid. Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale la wareegay shirkaddi qaabilsaneyd dayactirka Xaramka Makka, wuxuuna xabsiga dhigay milkiilayashii shirkaddaas. Tan iyo markii uu Salman kusoo biiray hoggaanka dalka Sacuudiga waxay cabsi weyn soo wajahday maalqabeenada dalka Sacuudiga iyo Amiiro badan kuwsoo oo la dhigay xabsi halka qaar kalana laga xayiray Hantidii ay lahaayeen. Maxamed Bil Salman ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad u fudud isla markaasna go’aansado inuu meesha ka saaro cid kasta oo uu u arko inay halis ku tahay hoggaankiisa Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com