-
Content Count
207,411 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI DALKU BADBAADO AYUU KAAGA BAAHANYAHAY SI KALSOONIDII SHACABKU USOO NOQOTO Wadan ama Umad marka ladhisayo ama la hagayo waxay ubaahantahay inay hesho dad ay ka go,antahay masuuliyad iyo hawlkarnimo una daacad ah shacabka iyo bulshada ay masuuliyada u hayaan iyagoo dejinaya hanaanka iyo siyaasada xukunka iyo midaynta dadka iyo kashaqaynta danta guud ee bulshadooda ay metalayaan. Hadaba waxa ay Somaliland u gacan gashay dad aan lahayn ideologyad ay ku xaqiijiyaan horumarka wadankooda maqlayna siyaasad ama xil oo aan lahayn ama aan fahan sanayn waxa ay siyaasadu tahay oo aan lahayn damiir wadaniyadeed taas qofka hadii laga waayana wixii uu gacanta ku dhigo waxa uu uga faa,iidaystaa dano shaqsiyadeed(private interest) waana ta Somaliland maanta gaadhsiisay iyadoo khayraad badeed iyo mid dhuleed haysata inay shacabkeedu ku noolaadaan dakhli kayar celcelis ahaan maalintii hal dollar ama wax kayar Waxaynu ognahay inuu wadanku leeyahay saddexdii laamood ee dawladnimo balse maaha heeyado is miisaama ama is qabta sida uu dhigayo sharciga( check and balance) waana waxa sababay in dekedii iyo khayraadkii wadanka iyo umada aayaha u ahaa indho la,aan iyo danaysi koox gaara lagu qaato iyadoo laga faa,iidaysanayo shacabka wadanka oo lakala qaybiyey qolo qolona lagu ooday iyo in iska aamustay markii loo joojin waayey. Xaaladaha wadanka ka jira ee burburka ku keenaya waxa kaloo kamida Sarayn la,aanta sharciga wadanka oo dadkii wadanka loo dooraty aanu qaban Xoriyadii hadalka ee dastuurka s/land shacabkiisa u damaanad qaaday oo lagu cabudhinayo gaar ahaan bahdii saxaafada oo tiirka afraad ee dawladnimada ahaa abwaanadii indheer garadkii iyadoo maanta dalka inbadan oo wariyayaal ahi ay dibada uga baxeen kadib xadhig iyo tacadiyo loo geystay awgeed sida coldoon/terra iyo rag lamida Waxa hoos udhac wayni ku yimi siyaasadii arrimaha dibada s/land inagoo og in wakiilo wadamo badan inoo fadhiyey aanay shaqo qaban amaba ay xidhmeen iyadoo miisaaniyad badan oo umada wax loogu qaban lahaa ku baxdo Waxa luntay mid nimadii umada waxaana loo fadhiistay reer reer Xukumada oo ay ka luntay miisaankii iyo hanaankii xilalka wadanka lagu miisaami lahaa iyadoo wadanka hanaankiisa maamul ay ku urureen koox gaara taasna ay lumisay kalsoonidii shacabka ay u hayeen xukumada kulmiye Sixir bararka naafeeyey umadii danyarta ahayd iydoo inbadan aynu ognahay inaan dabka aanay shidan Gebegebadii waxaan talo ugu soo jeedin lahaa madaxweyne biixi qodobadan hoos ku qoran Inuu xukumadiisa iyo waaxdiisa fulinta umagacaabo aqoon yahano dersi kara xaalada wadanka dhaqaajina kara siyaasadaha horumarineed dibna u daraasadayn kara wixii xukumad ahaan hore u khaldamay Inuu wadanka hanaankiisa siyaasadeed furfuro fadhiga ka kaco uu kashaqaysiiyo siyaasada arrimaha dibada/iyo ta gudaha labadaba In ay kaa muuqato cadaalad daradii iyo dulmigii shalay aad kasoo dagaalantaytay shalay wixii laga dagaalamay waxay ahayd dawlad dhinac ka rarnayd iyo tacadiyo hadii aan taa waxba aanad ka qabana wadankan jahwareer iyo kacdoon ayay keenaysaa Xaalada wadanka inaad indhaha iyo dhagaha u furato dhagaysato rabitaanka shacabkaaga kana jawaabto waxa ay shacabku rabaan Inaad soo celiso sharcigii iyo kala danbayntii wadanka lana jaan qaado siyaasada gobolka iyo isbedelada mandaqada aynu ku nool nahay kusoo kordhay Wabillaahi Tawfiiq Abdulkadir Farlow Xaashi Title: Falanqeeye arimaha siyaasada. E-mail. Xaashi74@gmail.com Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Balse dhul-badeedka ay Kenya ay sheegayneyso ayaa xaqiiqda ah dhul-badeedka Soomaaliya, balse Kenya waxay ka faa’iideysatay heshiiskii muranka badan dhaliyey ee ay Soomaaliya la gashay sanadii 2009. Heshiiskaas waxaa diiday baarlamaankii KMG ahaa iyo sidoo kale QM. Haddaba waa kee dhul badeedka ay Kenya sheeganeyso. Hoos ka aqriso. Dawladda Kenya ayaa Arbaco (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay (QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wata khariidado. Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: “Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding “MOU”) markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la’aan (no-objection) uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay. Waxay meel kale oo Kenya ay qoraalkeeda ku sheegtay in xadka badda aagga ganacsiga ee la kordhinayo fogaan xeebta ka durugsan 350 mayl badeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu marayo xarriiq ama khad aan laga heshiin. Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa u calaamadsan in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39’34.25″S, 47°20’38.46″E ), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga meel xeebta u jirta ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu jirta dhul-badeedka Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco xeerka badaha adduun bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54’13″S, 46°24’55″E). Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka Soomaaliyeed halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay 116,000 km2. Sida Kenya shaacisay xogteeda rasmiga ah ee Qalfoofka Qaaradda Baddeeda (Continental Shelf) waxaa kucad cabirkan aan soo aragnay in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay(116,000km2) – waa cabbir aad u wayn oo aad loola yaabo, qofkastana uu is leeyahay macquul ma’ahan. Arintaasi waxay ku cadahay xogta rasmiga ah ee Qarammada Midoobay maanta shaacisay. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu ku wareero akhbaartaan horay u siidaynay ee sheegaysay in Kenya cabiratay (38,000km2). Xogahaan oo dhan ma’ahan kuwo isdiidan ee waa xog laga soo xigtay dowlada Kenya Qoraalada rasmiga ah ee kasoo baxa (mid hordhac ah, iyo mid rasmi ah). Qoraalkii cilmi baarista waxaa kamid ahaa in Kenya ay gudbisatay March 10, 2009 xog hordhac ah oo Badda Soomaaliya ay gashay (38,000 sq.km) xogtaasna uu ku saxiixnaa Madaxwaynaha Dalka Kenya ee hada Mwai Kibaki , sidaas waxay ku qornaynd waraaqdii Mwai Kibaki ku saxiixnaa ee aan soo aragnay. Sidoo kale qoraalkaas waxaa lasocday in cilmi baaristu sheegtay qoraalka rasmiga ah ee Dowlada Kenya markay soo gudbisato ayaa la ogaanayaa cabirka kama danbaysta ah ee Kenya ay badda Soomaaliya ka cabbiranayso. Cabirkii Kama danbaynta ah ama qoraalkii rasmiga ahaa wuxuu cadeeyey in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay dhul-badeed ah (116,000km2) – Arrintaas waxaa lagu soo koobi karaa oraahda ah : 38,000sq.km waxay ahayd tijaabo hordhac ah, 116,000sq.km waa rasmiga ay Kenya doonayso in loo sharciyeeyo. Kenya waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho badda Soomaaliya. Si ay arrintaas u qurxisna waxay tiri, sidoo kale badda Kenya waxay isdul fuulaan badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen markii ay xog is dhaafsadeen 17 December 1975 iyo 9 July 1976. Sidaas daraadeena Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. Kenya ayaa doodeeda ku dhisaysa in baddeeda iyo badda Soomaaliya isa soo dhexgalaan, taasna waxay ula jeedaa siday horay meelo kale ugu sheegtay in marka laga hadlayo aaga la kordhinayo ee Qalfoofka Qaaradda ay labadda dal cabirkoodu isku meel ku dhacayo, taasna waxaa keenay Kenya oo cabirkeeda usoo qaloocisay dhinaca bari, halkii laga rabay in cabirkeedu maro Koonfur Bari. Sidoo kale Kenya doodeeda waxay ku dhisaysaa in kordhinta aaga ganacsiga ee cusub uu marayo xuduud aan laga heshiin, aag lagu muran sanyahay. Hadda su’aashu waxay tahay goormaa labada dal u dhexeeyey dhul-badeed lagu muransanyahay ama goormaa Soomaaliya iyo Kenya xuduuda baddeeda isa soo galaysay, maxayse kordhintii hore ee aaga ganacsiga 10kiiDecember 1982 markii laga dhigayey (200nm) Murankan ujiri waayey ama xuduudu isu soo gali waysay? Su’aalahan iyo kuwa kelaba gadaal ayaan ka faah faahin doonaa, ee marka hore aan milicsano heshiiskan yaa Kenya ka caawiyey ama yaa ka qayb qaatay?. Hoos ka ag qariiradda ay Kenya gudbisatayXuquuqda qoraalkan waxaa leh oo horey u daabacay SomaliTalk,
-
Muqdisho (SMN) – War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada dowlada Kenya ayaa loogu yeeray safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in safiirka u fadhiya Soomaaliya ay wax ka waydiineyso shirkii London ee dowlada Somalia ay ku soo bandhigtay kheyraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibadda Kenya, Macharia Kamau, ayaa xusay in Soomaaliya ay dunida u bandhigtay shidaal ku jira qeyb kamid ah dhul badeedka ay isku heystaan labada dal. Mr Kamau ayaa intaasi ku daray in shirkii London ee lagu soo bandhigay shidaalka Soomaaliya, uu saameyn ku yeelan karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood. Illaa iyo haatan ma jiro wax jawaab ah oo ay DFS ka bixisay go’aanka kasoo baxay xukuumada Nairobi. The post Kenya oo u yeertay safiirkeeda u jooga Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo ayaa loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo. “Xadgudubkan xooggan ee boobka sharci-darrada ah ee kheyraadka Kenya ma noqon doono mid aan laga jawaabin, wuxuuna la macno yahay daan-daansi lagu sameeyey dadka Kenya iyo kheyraadkooda” Ayuu yiri Macharia Kamau. “Xaraashkan naxdinta iyo daan-daansiga leh, wuxuu mudan yahay oo uu la kulmi doonaa diidmada isku duuban ee dadka Kenya oo dhan iyo sidoo kale dadka aaminsan joogteynta xeerarka iyo kala dambeynta caalamiga ah, iyo in xal sharciyeed oo nabad ah laga gaaro murankan” ayuu yiri. Kenya ma aysan shaacin dhulka ay sheeganeyso ee dowladda Soomaaliya ay shidaalkiisa xaraashka gelisay. Si kastaba, waxay u muuqataa in arrintan ay la xiriirto dhul-badeedka muranka uu ka taagan yahay ee Soomaaliya, oo horey ay Kenya ay u sheegatay ayada oo uu ku doodeysa heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee 2009. Heshiiskaasi oo uu diiday baarlamankii KMG ahaa, ayaa waxaa saxiixay Craxmaan Cabdishakuurm, oo xilligaas ahaa wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kiiskaaski ayaa waxa uu hadda yaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, ayada oo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Nairobi (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay si tix-gelin la’aan ah ay u beecisay xuduud badeedda ay la leedahay, si looga baaro shidaal. Dowladda Kenya ayaa u yeeratay safiirkeeda u jooga Magaalada Muqdisho, Jen. Lust Tumbo, iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka Soomaaliya ee Nairobi ku sugan, Maxamuud Axmed Tarsan inuu dalkiisa dib ugu laabto, tan iyo inta laga xallinayo xiisadda taagan. Hadalkan ayaa waxaa ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyadoo ku sheegtay qoraal ay soo saartay in Dowladda Soomaaliya ay si bareer ah ugu xad-gudubtay xuduud baddeeda labada dalka u dhexeysa, taasoo ay horay labada waddan dacwadeeda ugu gudbiyeen maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands. “Xukuumadda Soomaaliya waxay muujisay inaysan ka go’nayn inay ixtiraamto soohdimaha ay la leeyihiin dalalka dariska la ah, isla markaan ay si ba’an oo aan ka fiirsi lahayn u beecisay khayraad ku jira bad aysan lahayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya. Sidoo kale, Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Macharia Kamau ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay dib uga laabato qorshaha ay ku doonayso inay shidaalka uga baarato goobaha lagu muransan yahay. Horraantii bishan Feberaayo, ayaa magaalada London ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir lagu beecinayay shidaalka ku jira Soomaaliya, kaasoo si weyn loo mucaaraday inkastoo Dowladdu ay sheegtay in shirkaas uu ahaa mid lagu beec-geynayay shidaalka Soomaaliua ku jira si loo helo shirado soo saara. Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay Soomaaliya kaga sugan yihiin kumannaanka ciidamada ah ee ka tirsan AMISOM, kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab oo sannado badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu caalmku taageersan yahay. Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray Xukuumadda Nairobi ee xiriirka loogu jaray iyo amarka lagu soo rogay danjiraha Soomaaliya ee Kenya. PUNTLAND POST The post Kenya oo xiriirka u jartay Soomaaliya, una yeeratay Safiirkeedii Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
KENYA RECALLS its ambassador to Somalia, orders Somali envoy back to his country; GoK says Somalia auctioned oil and gas blocks in its territory. Source [...] Source
-
Siciid Mire Xaydar magaalada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayuu ku dashay bilawga sannadkii 1951 , halkaasi ayuuna ku qaatay waxbarashada asaasiga ah oo u badnayd barashada diinta islaamka oo qoyskiisana dadka deegaanku ay ku tixgelin jireen. Siciid isaga oo 16 sano jir ah waxa haleelay jacayl ba’an oo ay markhaati ka noqdeen dadkii deegaanku, waxaanu jacaylkaasi saameyn ku yeeshay noloshiisii oo dhan sida inuu joojiyey waxbarashadii , isla markaana uu kaligii iska wareego. Ilaa afar sanno markii uu la noolaa jacaylkaasi oo aanu gacantana ku haynin gabadhii uu jeclaaday , wuxuu yimi Muqdisho waxaanu sannadkii 1971 ka qaybgalay tartankii heesaha ee lagu qaban jiray Golaha Murtida iyo Madadaalada Muqdisho isaga oo ujeedkiisa koowaad yahay inuu inuu jacaylka ka ciil-baxo. Siciid markii uu horreysay ee uu ka heeso dadweynaha hortooda aad ayaa loogu sacbiyey ka dib markii codkiisii gariirku ku badnaa uu ku qaaday hees uu isagu lahaa erayada iyo laxankaba kana waramaysa waayihiisa Jacayl taasi oo magaceedu ahaa “Ishaaro”. Ilaa saddex mar ayaa laga codsaday inuu ku celiyo, waxaana barnaamijka habeenkaas hagayey Saxafiga Axmed Cali Askar oo xilligan ogaalkayga ku noolaa dalka Ingiriiska. Ka dibna habeen kale ayuu hadana Siciid ku soo laabtay golihii kana qaaday isla heestii. Siciid Mire Xaydar wuu ku guuldarraysay inuu hantiyo gabadhii uu jeclaa , waxaanu ku biiray kooxdii Heegan ee booliska Soomaaliyeed , waxa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dadkii mudada kooban ku soo caanbaxay ee fankooda la bartay ka dib markii uu qaaday labada heesood ee “Dhabta miyaan ku saaraa” oo ay la qaaday Kinsi Xaaji Aadan Xuseen . erayadana uu lahaa Cabdi Bashiir Maxamed Indhabuur , oo ahaa abwaanka koowaad ee kooxda Heegan , laxankana isaga (Siciid) iyo Indhobuur ayaa iska kaashaday iyo heesta kale ee Warmoog oo Indhabuur alifay laxankana Siciid iyo Abwaanku ay wada guuleen . Sidoo kale isla xilligaasi wuxuu qaaday heesta Qiiro oo ahayd Waddani bulshada uga digaysa qabyaaladda inay ku dhaqmaan , waxaana laga joojiyey heestaasi Idaacaddaha Raadyaw Hargeysa iyo Muqdisho , iyada oo loo fahmay inay inay lid ku tahay dowladda Kacaanka ee talinaysay . Heesta Qiiro waxa erayada iyo laxankaba allifay Salaad Diirshe oo ahaa hal-abuure sidoo kalena heesaa ah kana tirsanaa kooxda Heegan , waana abwaankii sameeyey heestii saamaynta badan yeelatay ee “ Ceeshaantii Mas iyo Good” ee dagaalkii Xabashida iyo Soomaalida 1977 ka hadlaysay. Siciid Mire sidoo kale wuxuu qaadi jiray Qasiidooyin dhawr ah oo ay kala laheeyeen Cabdi Bashiir iyo Abwaan Sugaal Cabdille Cumar sida Qasiidada “ Subxaana Yaa Qafaaru”. Siciid ka dib markii ay kooxdii Heegan ka soo laabatay Deegaanka Dhagaxbuur oo la geeyey intuu dagaalku socday , lana yimi Xamar ayuu kooxda ka tagay sanandkii 1978, sidoo kalena wuxuu guud ahaan ka tagay fanka inkasta oo uu u olalayn jiray in fanka loo adeegsado waddaniyada iyo dal jacaylka . Intii kooxda Heegan ay ku sugnayd deegaanka Dhagaxbuur ee dagaalkuna socday waxaan la hilmaami Karin in laga dilay kooxda asaasihii u horreeyey ee Heegan Maxamuud Axmed Cali “Dabagooye “ kaasi uu dilay nin xabashi ahaa balse af Soomaaliga yaqaanay oo maalin dhan ku dhexjiray kooxda ilaa uu habeenkeedii uu dilay Abwaan Dabagooye . Siciid intii ay socdeen dagaaladii sokeeye wuxuu ku noolaa Muqdisho , waxaanu u badnaa tafsiiridda Quraanka oo uu yaraantiisii bartay sidoo kalena xifdiyey . Muddo uu xanuusanayey ka dib wuxuu geeriyooday bishii Julaay 2010 iyada oo markaasi la qorshaynayey in dibadda loogu qaado caafimadin. Alle ha Janneeyo Siciid Mire Xaydar Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed. Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka. The post Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo socdaalay Sacuudiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacag dhan 74 milyan oo dollar oo cusub oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay ku faraxsan tahay inay taageerto dadka iyo dowladda Soomaaliya ayaga oo raadinaya inay abuuraan mustaqbal wanaagsan, oo ay ku jirto horumar dhaqaale iyo shaqo abuuris.” Ayada oo taas laga duulayo, ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 74 milyan oo dollar ay ku maal-gelineyso barnaamij shaqo abuur iyo dhaqaale kobcin ah. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa toddobaadkan booqday shirkado Soomaaliyeed iyo maalkiilayaal ka faa’iidaysanaya taageerada Mareykanka ee lagu bixinayo barnaamijka USAID GEEL. “Dowladda Mareykanka waa ay soo laabatay, waxayna ku faraxsan tahay inay inay taageero dhaqdhaqaaqyada shaqo abuurista Soomaaliya” ayuu yiri. “Waxaan ku faraxsannahay inaan maqalno in Soomaaliya ay u furan tahay ganacsi ayada oo loo marayao barnaamijka USAID GEEL” Shirkadaha Soomaalida ee la sheegay inay horey uga faa’iideysteen si guul ahna uga miro-dhaliyeen taageerada Mareykanka ee barnaamijka USAID GEEL, waxaa ka mid ah Habo Tuna Canning Factory, Horn Gardens, MicroDahab, Somfresh, Irmaan Dairy, Beder, iyo Sommilk. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland parliament has passed the newly appointed cabinet on Saturday. The assembly gave the new cabinet that is composed of 18 ministers, 18 deputy ministers and nine state ministers the green light after a debate. Out of 63 members who attend the session, only two members abstained against the motion to approve the newly appointed cabinets. Puntland leader, Saed Abdullahi Deni who addressed the session pledged his new cabinet would work towards the realizations of the promises made during his campaign. The regional leader who was elected on 8th January has also pledged to host reconciliation meeting for the federal government and state leaders to solve the political impasse that derails the country’s development. The post Puntland’s council of ministers approved by parliament appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada u cadaalad doonta, Iyadoo kiisaskooda ay gacanta ku hayaan maxkamadaha garsoorka. Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo uu dhinac fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa sheegay in cidii arintaasi lagu helo Ciqaab lagu soo oogi doono, si wax looga weydiiyo sababta uu ka lahaa in Sumcad dil uu ku sameeyo hay’adaha Garsoorka dalka. Dadka baraha Bulshada soo dhigo Kiisaskooda ay geeyeen Garsoorka, ayuu tilmaamay in meel la iska dhigi doono Ga dacwadeedkooda, maadaama ay ku kaceen fal wax u dhimaya sumcada Garsoorka. Si kastaba, todobaadyadii u danbeeyay ayaa waxaa baraha Bulshada qabsaday Kiisas la xiriira in dad sheegtay iney wax cadaalad ah ka heli waayeen Hoggaanka Garsoorka dalka kiisaskooda si fudu loogu xaliyay markii ay ku soo bandhigeen baraha bulshada gaar ahaa Facebook. Halkan ka dhageyso codka gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Codka-Maxkamada-Racfaanka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Wasiiradiisa cusub Golaha Wakiillada Puntland, si ay u siiyaan Codka Kalsoonida. Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada Puntland, waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha iyo ku-xigeenadiisa, Xildhibaanada Golaha Wakiillada, Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa khudbad ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland. “Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada, waxaana uu tilmamay Madaxweynuhu inuu dib u habayn ku samayn doonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada. “Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa balanqaaday in si baaxadle xukuumadda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsadey inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in Wasiirada cusub lagu soo xulay aqoon, karti iyo waaya aragnimo. “Waxaan gunaanadkii ka codsanayaa xubnaha Golaha wakiillada inay ansixiyaan xubnaha Golaha wakiillada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbalidoontaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Wasiirada cusub ee 10-kii bishan uu soo magacaabay madaxweyne Siciid C/llaahi Deni. 63 Xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Puntland, ayaa maanta codka kalsoonida siiyay Wasiirada cusub, mana jirin Xildhibaan diida ama ka aamusa, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaa madasha ka maqnaa Saddex mudane oo katirsan baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
(SLT-Nigeria)-Dadka reer Nigeria ayaa saaka ku soo toosay war kasoo baxay guddiga doorashada Nigeria oo shacabka loogu sheegay in doorashada madaxtinimada dib loo dhigay ilaa todobaadka danbe. Warkaan ayaa yimid saacado yar kaddib inta aanan la furin sanaadiiqda codadka, waxaana yaab iyo amakaag ku noqday dadka intiisa badan. Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Nigeria Mahmood Yakubu, ayaa u sheegay wariyaasha in go’aankani uu ahaa mid aad ugu adkaa qaadashadiisa balse ay lagama maarmaan noqotay in dib loo dhigo doorashada si loo helo doorasho guul ku dhamaata. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qalabki doorashada aanan la geynin dhamaan wadanka. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah warqadaha lagu codeeyo iyo sanaadiiqdaba la la’yaha. Doorashada ayaa lagu waday in ay si aada ugu tartamaan madaxweynaha talada haya Muhammadu Buhari iyo madaxweyne ku xigeenki hore Atiku Abubakar. Source
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa Sabtida maanta ah golaha wakiilada horgeeyay, barnaamij siyaasadeed diyaarsan oo ku saabsan, waxqabadka u qorshaysan in uu Puntland ka hirgeliyo. Madaxweynaha ayaa barnaamijkiisa ku beegay, kulankii Baarlamanka ee lagu ansixiyay xukuumadda cusub, waxaana uu ansixinta ka hor mudanayaasha u akhriyay, khudbad uu ku soo bandhigay barnaamijkiisa waxqabad ee u qorshaysan. Khudbaddiisa ayaa u badneyd ballan-qaadyadiisi hore ol’olaha doorashada oo ku celis ah, hase yeeshee waxaa ku jiray laba qodob oo cusub, kuwaasoo kala ahaa; miisaaniyad gaar ah oo uu sheegay in xukuumaddiisu u qoondeyn doonto, soo celinta gobolada maqan ee Sool Sanaag &Cayn iyo xoojinta awoodda ay Puntland u leedahay, gelidda heshiiyo maal-geshi oo caalami ah. Halkaan ka daawo khudbadda oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Muxuu yahay Barnaamijka siyaasadeed ee madaxweyne Deni? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in waftigan ay yihiin dhaqaale doon, ayada oo dowladda Soomaaliya ay taageero ka raadineyso Sacuudiga oo dhowr bil aan wax dhaqaale ah siin Soomaaliya. Wararka aan helnay ayaa sheegay in lacagtii 50-ka milyan ee dollar ahayd ee Soomaaliya ay ka heshay xukuumadda Sacuudiga dabyaaqadii 2017 aysan kadib Sacuudiga wax dhaqaale muuqda ah siin Soomaaliya. Arrintan ayaa ugu wacan xiriirka labada dal ee xumaada kadib xiisaddi Khaliijka ee Sacuudiga ay la galeen dalka Qatar, oo Soomaaliya ay diiday inay taageero Sacuudiga. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa si dadba u sheegay inay arrimo dhaqaale u aadeen Sacuudiga. “Waxaan dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaa arrimaha deyn cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Beyle. Arrintan ayaa imanaysa ayadoo bilihii dhowaa ay dowladda wajahaysay cadaadis dhaqaale, xilli aan la bixin mushaharka qaar ka mid ah shaqaalaha iyo ciidamada dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors