-
Content Count
207,408 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Tarsan, oo shalay ay dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg dalkeeda uga baxo, ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. Wararka aan ka heleyno garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in diyaaradda siday Tarsan ay goor dhow soo cago dhigatay garoonka, waxaana muuqata in Tarsan uusan kadib dhicin waqtigii 24-ka saac ahaa ee loo qabtay inuu kaga baxo Kenya. Tarsan ayaa waxaa diyaaradda la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugneyd Nairobi ayada oo kasoo laabatay safari caalami ah oo ay dhowr dal kusoo bixisay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo galay Nairobi, isla markaana Transit ku ahaa magaalada, isaga oo kasoo laabtay dalka Sweden. Tarsan ayaa shalay looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya. Kenya ayaa sidoo kale u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo oo isna loo sheegay inuu deg deg ugu soo laabto Nairobi, si arrimahan loogala hadlo. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jamaal Cali Xuseen Iyo Sheeko Taabanaysa Cidhib Xumadda Ay Sababto Markhaati Beenaalaha Iyo Caadilka Xukunka Qalooca Rida “Haddii Ay Adiga Ku Seegto,Ubadkaaga Dhaafi Mayso”. “Kuwan Cadaaladda Loo Dhiibay Ee Xaqdaradda Qof Ugu Sameynaya Iyagoo Hebel Kale U Hiilinaya, Weliba Waxa La Yidhi Haddaad Adigu Badbaadana …” Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Mid ah Siyaasiyiinta ugu miisaanka Culus Somaliland Islamarkaana mudooyinka dambe sheekooyin maldahan ku soo qaata dhacdooyinka maalinlaha ah ee dalka ka dhaca ayaa mar kale sheeko cajiib ah oo ku cibro qaadasho ah ku soo qaatay raadka xun ee ay If iyo Aakhiraba ku keento ninka Markhaati beenaalaha fura iyo Caadilka Xukunka Baadilka ah ridda. Akhri Nin Beerka, Wadnaha iyo kelyuhu istaageen, Muxuu sameeyay”. Qisooyinka inaga dhex dhaca Waxay marwalba hogatusaale u yihiin nolosheena. Sheekadan kooban een idinla wadaagayaa waa mid Ku haboon maantoo Jimce ah. Nin baa doraad iiga sheekeeyey. Nin xanuusanaya oo cisbitaalka jiifa ayaa kelyahiisii in yari shaqaynaysayoo la filayaay inay fadhiistaan, wadna xanuun xun wuu leeyahaa, beerkuna sidoo kale. Xaaladiisa caafimaad ayeey dhakhtaraddii ka dayriyeen. Ninkii ayaa kolkuu xaaladiisii arkay u yeedhay dhakhtarkii Oo ku yidhi waxaad iigu yeedhaa Ninka hebel la yidhaa Oo telefoonkiisa hebel kale weydii. Adigu dhakhtarkii wuxuu helay hebelkii uu raadinaayey ee ninka xanuusanayaa u diray. Kolkii uu la hadlay ayuu dhakharkii u sheegay in hebel Oo xanuusanayaa raadinayo, dhakhtarkana uu jiifo. Dhakhtarkii ayuu weydiiyey sida Ninka loo hayo. Dhakhtarkii Oo aan ogeyn xidhiidhka labada nin ka dhexeeya una haysta inuu ehelkii yahay ayaa ku nuuxnuuxsaday oo u sharaxay sida kelyaha, beerka, iyo wadnahaba looga hayo ninkaasi. Xaguu dhakhtarkii ka filaayey inuu naxo Oo soo cararo Oo Ninka dhakhtarka Ugu yimaado ayuu ninkii ku jawaabay; ” Maanshallah kol haddii Ilaahay ducaddii Iga aqbalay Oo intii aan ku duceystayba uu maanta u jiifo” Dhakhtarkii Oo Ilaahay fajac u keenay ayaa weydiiyey sababta ku keliftay ee uu hadalkaasi u yidhi. Ninkii ayaa ku jawaabay; ” Dhakhtaroow ninkan ku soo diray ayaa kitaab beenaale markhaati ugu furay nin kale Oo Iga qaaday guriga yaroo oon lahaa iyadoo halkii wixii aan sanado badan u shaqaysanayey ay ku qaateen caruurtaydiina ugu guri waayey. Maanta markuu ogaaday inuu dhimanayo ayuu aayar uun rabaa inaan saamaxo. Nin Dhakhtarka ahaana halkii buu ka cago jiiday isagoo labadda dhaban haysta. Odhan mayno waa sax, odhan mayno waa qalad. Laakiin waa hogatusaale in aynaan markhaati beena isu furin, cidna cid kale lugta u jiidin, xaqdarana qof Ugu sameeynin, xaqdaradana laga aamusin.Aakhiradana ha loo tudho, dadkana ruux lagu jiro Ilaahaybaa oge is dhowra weliba kuwan ummadda xaqoodii gacanta ku haya, kuwa baayacmusheriga iyo siyaasadda isu khiyaamaynaya, kuwan cadaaladda loo dhiibay, kuwan xaqdaradda qof Ugu sameynaya iyagoo hebel kale u hiilinaya, weliba waxa la yidhi haddaad adigu badbaadana dhashaada ayeey sugtaa; waar cuqubadda la gelayo halaga digtoonaado dhinac kastaba. Jimce mubaarak. Qaran News
-
Qoryooley (SMN) – Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmadaasi. Sida ay shabeelle u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay guddoomiyaha Qoryooley, ku xigeenkiisa, xoghayaha degmadaasi iyo taliyaha Booliska degmada Afgooye oo ku sugnaa xerada la weeraray. Dhaawacyada mas’uuliyiintan ayaa isla xalay loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada halkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. The post Dagaal khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed ayaa qaabab kala duwan kaga hadlay aragtidooda ku aadan go’aankii dowladda Kenya ay kasoo saartay arrimaha Soomaaliya iyo u yeeritaanka Safiirkii ka joogay magaalada Muqdisho. Baraha Bulshada iyo qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayay aragtiyada ugu badan ku dhiibteen, waxaana qaarkood ay soo bandhigeen hanaanka ay doonayaan Shacabka Soomaaliyeed in dowladda Soomaaliga kaga jawaabto go’aanka Kenya. Qaar kamid ah dadka aragtidooda ayaa waxay ku sheegeen inay doonayaan in dowladda Soomaaliya ay Kenya ugu Jawaabto lixdan qodob oo kale ah:- 1 – In Soomaaliya aysan gorgortan ka geleyn buqcadaha shidaalkeeda. 2 – In muran xadeedka badda aaney Soomaaliya aqbalayn luuq-luuq ee Maxkamadda ICJ lagu kala baxo. 3 – Haddii Kenya ay ixtiraami weyso madaxbananida daleed, dhuleed iyo tan dadeed ee Soomaaliya xiriirka diplomaasiyadda hoos loo dhigo, haddii ay waantoobi weysana loo jaro. 4 – Ganacsiga qaadka in laga mamnuuco guud ahaan dalka. 5 – Hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya in lagu qasbo inay ka guuraan Nairobi ayna Muqdisho ama mel Soomaaliya ogol oo ku dhow degaan. 6 – Ciidanka Kenya ee Amisom in dalkooda ay ku laabtaan. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda inay aad kaga xumaadeen hadalka kasoo baxay dowladda Kenya, waxaana la sugayaa jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixiso go’aanka dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Madaxda sare ee dalka ayaa xalay kulan gaar ah ka yeeshay warkii ka soo baxay dowladda Kenya ee ku aadanaa arrimaha shidaalka Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu u dhexeeyay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankani diirada lagu saaray go’aanka laga qaadanayo dowladda Kenya oo shaacisay in Soomaaliya ay iibgeysay shidaal ku jira dhulkeeda, kadib shirkii todobadii bishan ka dhacay magaalada Lodon ee xarunta dalka Ingiriiska. Madaxda Qaranka ayaa ka fakiraya jawaabta laga bixinayo hadalkaasi, maadaama dowladda Kenya ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya M/Muqdisho. Dhanka kale Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Shabelle ayaa ugu baaqay DFS in ay go’aan deg-deg ah ka qaaadato dalka Kenya. Ugaaska ayaa sheegay in dowladda Kenya ay wado daan daansi ka dhan ah Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Madaxda Qaranka Oo kulan ka yeeshay hadalkii Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subax ee Idaacadda Goobjoog 17-02-2019, waxaana warkeenna maanta akhrinaya wariyaheena C/salaan Cali Xueen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/WAR-SUBAX-17.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dawlada Somalia oo shaacisay hab qorshaha qaranka looga qeyb gelinayo Somaliland Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa ka hadlay sida Maamulka Somaliland looga qaybgelinayo qorshaha qaranka ee ay Wasaaraddu waddo. Waxa uu sheegay Cabdulqaadir in looga talogelinayo sida Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare looga siiyay Xubnaha. Arrimaha Somaliland ayuu tilmaamay in ay u marayaan waxyaabaha ay ugu baahan yihiin Xubnaha ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada Wasaradda Qorsheynta ayaa meesha ka saaray in shirka qorsheynta uu leeyahay waji siyaasadeed, balse waxa uu xusay in uu ka tarjumayo Baahida shacabka. Qorshaha Horumarinta Dalka ayuu sal ugu dhigay Shirarkooda oo ku saabsan shan tiir oo kala ah: Siyaasada loo dhanyahay, Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulsha deegaanka iyo mareynta kheyraadka dalka. Isbadalka Wasiirada iyo Xukuumadaha ku yimaado waxa uu sheegay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta in aan saameyn ku yeelan doono, lagana sii wadi karo marba meeshii uu marayay sida uu hadalka u dhigay. Wajiga 1-aad ee shirka 9-aad ee Qorsheynta Qaranka waxaa shalay diiradda lagu saaray kaalinta Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga ay leeyihiin ugana qaybqaadan karaan,iyada oo ra’yi ururin lagu sameeyay. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in lagu amrayo safiirka Somalia ee Kenya inuu dib dalkiisa ugu laabto, waxaana loo yeeray safiirka Kenya muddo u joogay Soomaaliya. Ka sokow arintaasi waxaa Kenya ay warsaxaafadeedkeeda ay ku adeegsatay erayo ad adag oo saameyn weyn ku yeelan kara xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu horeya in qoraalka lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal cadow ku ah Kenya. Sidoo kale Qoraalka Kenya waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay Shidaalka ku jira biyaha lagu murunsanyahay, waana erayga labaad ee adag ee lagu adeegsaday qoraalka kasoo baxay dowladda Kenya. Marka la eego hanaanka diblumaasiyadeed ee labo dowlo waxaa marka horeysa si hoose la iskuugu diraa warqado cabasho ah, haddii marxaladaa laga gudbo, waxaa fariin toos ah dowladda loogu dhiibaa safiirka wakiilka ka ah, waxaa kadib xigta in warqad toos loogu diro wasaaradda arrimaha dibadda, kadibna ayaana arinta banaanka la keenaa marka marxaladaasi oo dhan wax laga qaban waayo. Dadka falanqeeya xiriirka diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in dowladda Kenya lagu qabsan karo erayga “Dal cadow ku ah Kenya”, kaasi oo la sheegay inuu lamicno yahay inay ku xigo karto duulaan lagu qaado dalka eedaasi oo kale loo jeediyay. Xiriirka Kenya iyo Somalia ayaa walaac weyn abuuri kara, marka la eego sida ay iskugu wanaagsanaayeen labada dowladood labadii sano ee lasoo dhaafay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa xiriirkii u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo hadal hayn badan dhalisay. Waxa ay dowladda Kenya u yeertay safiirkeedii u joogay Muqdisho, iyada oo sidoo kale iska soo erisay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyey. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintan ku sheegtay cabasho ku aaddan shidaalka Soomaaliya. Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xaraasheyso xirmooyin shidaal ah, kuna xad-gudubtay kheyraadka dalkooda, taasi oo uu kala jeedo muranka dhanka badda ah ee Kenya iyo Soomaaliya. Kenya oo isku dayeeysa iney boobto qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ayaa hadana waxa ay weli kusii adkeysaneysaa in meelaha la baarayo dhulkeeda tahay. Dowladda Federaalka Maxay Ka Tiri Arrintan? Dowladda federaalka Soomaaliya weli wax war ah oo arrintan ku saabsan lagama hayo, waxaana inoo suurtagelin illaa iyo hadda inaan helno xubno mid ah ah dowladda si aan wax uga weydiinno. Waxaa la filayaa in dowladda ay arrintan ka hadasho xilliyada ina soo aaddan. Hadalhaynta bulshada Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad u hadal haya arrintan, waxayna qaarkood is weydiiyeen waxa xilligan ay Kenya u hayso Soomaaliya. Dadka qaar ayaa soo jeediyey in dowladda qudheeda ay ku dhowaaqdo iney xiriirka u jartay Kenya, islamarkaana dalka ay ciidankeeda kala baxdo. Inkastoo xiriirka siyaasadeed uu yahay waxa go’ay hadana Labadan dowladood waxaa isaga xiran dano badan, Kenya qudheeda Soomaaliya waxa ay ku qabtaa dan aad u weyn, waxaana kaga xiran ganacsi badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Toban Talo oo Qorshaha Nolosha ah:- Noloshu waxay u baahan tahay qorshayaal joogto ah si ay u gaadho hadafkeeda iyo Himiladeedaba taasina waxay u baahan tahay innaad Toban kan Qodob fahantid ka dibna ku dhaqantid oo aad ka dhigatid mid aad ku xisaabtamaysid. Haddii aan xooggaa kuu sheego waxa ugu horreeya innaad yeelatid buugga qorshaha ee Naftaada dibna aad raacdid tallaabooyinkan:- 1. Sammayso Qorshe Wiigle ah, kadibna samayso oo liis garee Meelaha aad hiigsanaysid, qorshee qaabkii aad ku gaadhi lahayd iyo waddooyinka ku hor yaalla, sidoo kale shaqooyinkaaga caadiga si aad u qabsatid soo liis garee Maxaad qabanaysaa wiigan Maxaa muhiim ah maxaase aan muhiim ahayn soo horreysii qorshaha muhiimka ah. 2. Sammayso qorshe Bile ah iyo sanadle ahba Bishan maxaad qaban kartaa ama ku hor yaalla shaqo ama waxbarasho ama shaqoraadsi sidoo kale sanadkan maxaad qorshe ka dhiganaysaa waa in aad sanadkasta samaysaa qorshe sanadeed ka dibna ku dedaashaa gaadhistiisa. Liis garee baahida ku hor taagan Xalkana iyo wakhtigana raaci. Maalinkasta qabo wixii aad qorshaysan haddii Alle nabad qab kugu gaadhsiiyo. 3. Maalinkasta Subaxii dhe Alx, ka dibna markaaad toostid Warqad yar ku qoro waxa aad rabtid innaad qabatid kana soo qor Buuggii qorshaha jeebkana ku qaado oo ku xisaabtan. 4. Fuli wixii aad qorsheysay una fuli sidii aad u kala jeclayd, sidoo kalena u fuli sidii aad ay u kala muhiimsanaayeen. 5. Alle tallo saaro subaxkasta u mahadnaq, Xidhiidhka Allena adkee, Ducadda badso, waalidkaa ka duceyso subaxkasta caawina intaad caawin kartid haddii ay kaa hooseeyaanna u ducee. 6. Shaqooyinka Aan qorshaha ku jirin Ha ku degdegin qabashadooda wixii aad muhiim ahayn, iskuna day innaad cidkasta ugu jawaabtid in aanay qorshahaaga kugu jirin se aad wakhti u sammaysanaysid. 7. Alle ha kugu guulleeyo markasta waxaad u dhaqaaqdidba. 8. Markasta iswaydii maxaa kuuqabsoomay maxaa kuu qabsoomay maxaanse kuu qabsoomin, mararka aad guulleysatid sammayso Dabaaldeg yar oo keli kuu ah Allena ugu mahadnaq, mararka aad guulderaysatidna Alle ugu mahadnaq kana bari inuu marlabaadka kugu guuleeyo kuna celi. 9. Guushaadu waa guushayda Guulleyso 10. Sidaan kuu caawiyay ee aan kuulla taliyayna dadka ula talli uguna gudbi haddii aad wax wanaagsan u aragtid qoraalkan. Farxaan Maxamed (Rakad) Farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Berbera Caawiye Bulsho iyo lataliye Nololeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxyaabaha qasbay in taliska ciidamada AMISOM ay badalaan qorshaha dagaalka ay kula jiraan ciidamada Al Shabaab. Afhayeenka dhanka howlgalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay danta ku qasabtay inay badalaan qorshaha dagaalka ay kula jiraan AL SHabaab 11 kii sano ee lasoo dhaafay. Dagaalka jid galka ah ee Al shabaab ku qaadaan ciidamada AMISOM marka ay dhulka ku safrayaan ayuu sheegay in saameyn weyn uu ku yeeshay AMISOM, islamarkaana uu qasbay inay badalaan qorshaha dagaalka. Arinta kale ee sababtay inay AMISOM badasho qorshaha dagaalka ayuu sheegay inay tahay in ciidamada qaarkood ay ku go’doonsan yihiin magaalooyin iyo deegaano ku yaala Somalia sida Baraawe,Buulo Mareer,Qansax-dheere iyo Maryan Gubaay. Taliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika ayaa shir ay shantii maalmood ee la soo dhaafay ku lahaayeen Muqdisho waxaa ay uga soo saareen isbeddel lagu sameeyay howlgalka AMISOM. Qorshaha cusub ayaa lagu sheegay in howlgalka hadda kaddib uu noqonayo mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah islamarkaana la beegsanayo goobaha la rumeysanyahay in Al-shabaab ay ka abaabulaan weerarrada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Hase yeeshee wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay leedahay ujeedo ka weyn shirka London, balse ay dooneyso inay xalaaleysato dhul-badeedkii Soomaaliya ee horey u sheegatay. “Tani wax shaqo ah kuma lahan shirkii xaraashka shidaalka Soomaaliya ee London, balse waa xeelad ka hor-tag ah oo dowladda Soomaaliya loogu qasbayo inay wada-xaajood ka furto muranka badda ama saameyn lagu sameeyo natiijada kiiska hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda” ayuu ku yiri qoraal uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa twitter-ka. Dhulka Kenya ay dartiis xiriirka ugu jartay Soomaaliya waa dhul-badeed ay Soomaaliya leedahay, balse Kenya ay sheeganeyso, ayada oo ka faa’iideysanaysa heshiiskii muranka dhaliyey ee Soomaaliya iyo Kenya galeen 2009, kaasi oo ay diideen baarlamankii KMG ahaa iyo QM. Kiiskaaski ayaa waxa uu hadda yaallaa maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, ayada oo la sugayo go’aanka kama dambeysta ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Soomaaliya Dhinaca Soomaaliya iyo xukuumadda talada haysa hadda, waxay u tahay tijaabo siyaasadeed, taas oo kaga timi mid ka mid ah waddamadii ay ahayeen saaxiibbada dhow. Waxay noqon doontaa soo celinta xidhiidhkaas in uu qaato wakhti, maaddaama ay xukuumaddani in badan dhisaysay wakhti badanna gelisay dhisitaanka saaxiibtinimada dawladaha deriska. Kenya ayaa noqon doonta ugu yaraan meel ay gabbaad ka dhigtaan cid kasta oo ka soo horjeedda xukuumaddan, tan oo ay in badan Kenya waddankeeda ka baacsanaysay siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumadda maadama uu xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ahaa mid ku dhisan is fahan siyaasaddeed. Kenya Haddii aan eegno saamaynta uu yeelaanayo xidhiidhka xumaaday ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaad mooddaa in Kenya ay wajihid oonto cidhiidhi ganacsi iyo mid siyaasaddeedba. Siyaasadda aan ka hadlaayo ayaa ah in Kenya ay weyn doonto metaladdii ay Soomaaliya kaga gudbanayd, taas oo inta badan ahayd meesha ay beesha caalaamku ka hagijireen siyaasadda iyo deeqaha Soomaaliay. Dhinaca kale, Kenya waxay Soomaaliya ku qabtay ganacsi badan, kaas oo maalin kasta kordhinaayay dakhliga Kenya, hoosna u dhigaayay kan Soomaaliya. Ugu dambayntii waxaad moodda in ay tahay faa’iido ay in badan Soomaaliya sugaysay oo Afka ka soo gashay. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Ma ahan erayo murugo leh hadana ma ahan erayo Farxad leh, dalkeena Somalia Waxaa ragaadiyey dibna u celiyey aagooyin is-biiraaday oo ay sameeyaan dadkii ka ilaalin lahaa dhibta iyo darxumida, wuxuu ahaa dal ku bilowday xurnimo kala dhiman oo hoggaankiisii farqaha is haystay hase ahaatee lahaa mustaqbal ifaaya oo jiilal badan ula muuqday in ay kala dhaxli doonaan baraare iyo nolol lagu naaloodo, Waxaa 8 sano dalku lahaa hoggaan isku bedelay hab is ogol ah, Waxaa dhismay Ciidamada kala duwan ee dalka, waxaana wiil kasta oo Soomaaliyeed u muuqday dal dhidibadiisu si qoto dheer u aasan yihiin, Waxaa la baray in dalkaan uu isagu leeyahay waajibna ay ku tahay in uu difaacdo ilaashadana xuduudihiisa iyo khayraadkiisa waxaana jamhuuriyadda Soomaaliya ahayd tan kaliya ee Africada madow tustay dowladd wanaagga iyo sarreynta Sharciga waxaana Madaxweyne Aden Abdulle Osman (Aden Cadde) uu xilka Madaxweynaha isaga tegay isagoo jecel una tartamay hoggaanka dalka hase ahaatee looga adkaaday doorashadii dalka ka dhacday. 1969-kii dalku wuxuu galay marxalad kale oo aan uga aragti duwanahay dadka ka faalooda taariikhda Somalia oo badankood aaminsan yihiin in ay maalin mugdi u ahayd aniguse aan aaminsanahay wuxuu la jaanqaaday inta badan Qaaradda Africa oo ay caado u ahayd afgembiyo isugu jiray qaar dhiig ku daatay iyo kuwa aan dhiig ku daadan. 1970-kii iyo sandihii xigay waxaa siweyn u dhismay Ciidamada qalabka sida ee dalku lahaa, waxaana Somalia noqotay dal siweyn looga haybaysto si guud caalamka si gaar ahna Africa, waxaa 8-dii January 1970-kii la aasaasay Ciidanka Nabad-Sugidda Qaranka (NSS) oo ka koobnaa Wardoonkii Militariga iyo Special Branch-gii Police-ka Soomaaliyeed, waxaana Madax looga dhigay Aabihii Sirdoonka Somalia General Ahmed Sulaiman Abdalla (Dafle) oo lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Mohamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee laguna xoojiyey wareegto 10 qodob ka koobneed oo habraac u ahayd Ciidanka Nabad Sugidda iyo Shaqadooda. Inkasta oo ay jireen eedeymo iyo cabashooyin durbadiiba ku bilowday NSS-ta oo ahayd in ay caburiniyaan dadka, dilayaan cidii ka aragti duwan hoggaanka dalka, ilaalinaya dad gaar ah kalana qaybiyana bulsha weynta Soomaaliyeed hadana xudduudaha dalku ammaan ayey ahaayeen. Waxaa tusaale iyo saaxiib u ahaa hay’adihii sirdoon ee Isbahaysigii Hanti wadaagga sida KGB, GRU, Stasi iyo qaar kale waxayna ku dambaysay halkii ay ku dambeeyeen. NSS wuxuu ahaa talis indho iyo dhegaba u ah, nidaamkii dalka taladiisa hayey, waxayna soo saartay saraakiil adag oo aqoon iyo karti leh, daacadna u ahaa madaxdii xilligaas inkastoo badankoodii ay siweyn uga dayriyeen shaqadii ay qaban jireen oo ay ku tilmaameen mid aysan ugu dhawaanaynin alle aakhira fiicanna aysan sugayn haddii ay ku dhiman lahaayeen iyagoo ku jira shaqadaas, waxaana ay tusaale usoo qaateen in taariikhdii iyo kaydkii NSS-ta la gubay si loo baabi’iyo raadkii xumaa ee NSS-tu lahayd iyo tix raac dambe oo ay yeelato. Waxaan xilliyo kala duwan la kulmay Saraakiil udub dhexaad u ahaa kahor iyo kadib kamid noqoshadaydii taliska Ciidanka Nabad Sugidda, Waxaa kamid ahaa Aasaasihii Nabad Sugidda General Dafle iyo Saraakiil kasoo qabtay hoggaanno xasaasi ahaa, waxaan isbarbardhig ku sameeyey Sirdoonada Adduunka ee hadda jira iyo kan curdunka ah ee Somalia u dhisan, Waxaa ay u kala muuqdaan Sirdoonno ilaaliya Qaran iyo mid doorsoomay aqoon ahaan iyo aragti ahaan, Waxaa madaxdii kala duwanaa ee dalka soo maray 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay ka midaysnaayeen in aysan wax aragti ah aysan ka haysan Sirta iyo Amniga Qaranka, Waxaa sidoo kale Madaxdii iyo Saraakiishii soo hoggaamiyey iyana badankoodu ahaayeen Kuwa aan aragti Sirdoon mid hore iyo mid cusubba aan ku hoggaamin Taliska Nabad Sugidda, dalkana aan u diyaarin Sirdoon leh istaraatijiyad kaadir leh aqoon iyo karti. Waa dhab in burburka dalka wax walba ay burbureen, Waa dhab In dhaqaale xumi baahday ay jirto, Waa dhab in aqoon yari jirto hase ahaatee intaas oo dhan difaac uma noqonayaan horuumar la aanta Nabad sugidda ragaadisay. Burburkii kadib Ma jiraan Saraakiil ka tirsan taliska Nabad Sugidda oo leh aqoon sirdoon ku dhisan waxbarasho Sirdoon (Academic) ama tababar dhan lix bilood ama ka badan, ma jiraan ama waa yaryihiin saraakiil si buuxda u qaadaa dhigi karta bilowga shaqada sirdoonka ee Intelligence Cycle (Garaangirta Sirdoonka), mana badna kuwa loo carbiyey in ay tala siiyaan Madaxda Qaranka arrimaha Amniga Qaranka, ma jiro hoggaan ku baraarugsan in Sirdoonku yahay Ilaaliyaha Amniga Qaranka gudo iyo dibad waxaana wax walba ku dhacaan hurdo siloon halkii garaadka sirdoonku hagi lahaa. 10-kii sano ee lasoo dhaafay sirdoonka Somalia waxay u ahayd sanado murugo, waxay kusoo noolaayeen duruufo adag, Waxaa inta badan ay dhegahaagu maqlaan madaxda Qaranka oo leh “Saraakiil” waxaase suaal ah Waa kuma saraal? Haa Waa kan aan lahayn xuquuqda soo socota, Gunno maleh, gaari maleh, guri maleh, mushaar maleh, hadduu dhinto reerkiisa ayuu ka dhintay hadduu dhaawacmana reerkiisa ayuu ka dhintay, agoontii ayaa la iloobay ehelkiisiina warkooda daa. NISA oo ah magaca hadda loo yaqaan Sirdoonka Somalia dad badana ay ku jaha wareersan yihiin sababta loo qaatay magacaas ma ahan mid ku fadhiya sharci iyo qaanuun, ma ahan mid u hoggaansan daatuurka dalka, mana lahan nidaam qeexaya shaqadiisa iyo jiritaankiisa, qaanuunka shaqo ee Sirdoon oo ay ahayd in uu cuskan yahay xeer Baarlamaan iyo wareegto Madaxweyne midkoodna looma haayo. Saraakiisha Taliska NISA intooda garaadka iyo aqoonta kooban leh ayaa isku yaxyaxa isla markaasna khajila marka ay la kulmayaan dhigooda dalalka kale, Waxaa loo sheegaa In aysan ahayn Sirdoon ee ay yihiin laan argagixiso la dagaalan dalka iyo dadkiisana aysan war ka haynin, waxaa dhiiri geliya dhowr dal oo aan ka xusi karo Walaalaha Jabuuti iyo Suudaan oo ina guubaabiya nana dhiirigeliya noo sheegana inaan nahay dhalinyaro hanan karta Amniga dalka haddii aan hoggaan wanaagsan helno, Cadawga koowaad ee umadda ee Al Shabaab dhab ahaan Waa mid saraakiisha Sirdoonka uga aqoon badan shaqada sirdoonka, waxaad ka arkaysaa howlgalada gumaadka ah ee ay ka gaystaan dalka Waxaa ka horeeya xog uruurin iyo dabagal kadibna fulin, halka Saraakiisha Sirdoonku aysan warba u hayn waxa ka dhacaya albaabka hore ee aqalka ay degan yihiin. Waxaa la jebiyey sharciyadii iyo xeerarkii Sirdoon ee ahaa Defector ama isasoo dhiibe lama keeno talis, lama baro saraakiil, xil looma dhiibo loomana isticmaalo wax dhaafsiisan ILO-WAREED (Sources), taas bedelkeeda Waxaa taliska weyn ee NISA xafiisyadiisa kasoo jeeda rag magac iyo maamuus ku lahaa Ururka Argagixisada ee Al Shabaab, Waxaa isku milanka NISA iyo Isasoo dhiibayaasha Al Shabaab ay sababeen dhimashada saraakiil door ah, cabsi amni in ay saraakiil fara badan shaqada uga tagaan, hay’ado sirdoon ay na aamini waayaan iyo in Ciidamadii kale ee Qalabka sida ay difaac naga galaan. Waxaa si aan kala sooc lahayn loo bedelay saraakiil wax badan ka og taliska Nabad Sugidda sir badana maskaxda ku hayey, Waxaa banaanada ku dayacan kuwii Al Shabaab ugu jiray liiska dhimashada waxaana duruuf nololeed la liita kuwii Qaranka dhiigooda usoo daadiyey. Waxaan ka tegayaa NISA aniga dib usoo jaleecaya una jeel qaba, Waxaan ka tegayaa iyadoo u baahan khibradayda, aqoontayda, kartidayda iyo hoggaamintayda, waxaanse usoo laaban doonaa haddii aanan dhiman iyadoo iibaahan iyo anigoo jecel. Nabaadiino iyo Nooli kulanta Waxaa qoray Sarkaal ka tirsanaa talisyadii NSS iyo NISA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland waxaa maanta laga soo masaafuriyay masuul ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in muddooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Hargeysa. Agaasime waaxeed ka tirsanaa wasaaradda Warfaafinta xukuumadda oo maalmihii ugu dambeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa ayaa maanta laga soo masaafuriyay magaaladaasi. Agaasime waaxeedka oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Axmed, ayaa ahaa agaasimaha waaxda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee wasaaradda warfaafinta, waxaana dib xoriyadiisa loo siiyay maanta. C/raxmaan Axmed ayaa la xiray kadib markii uu booqasho uu ku tagay magaalada Hargeysa, isaga oo xiligaasi booqanayay qoyskiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha Bulshada. “Maanta oo ay taariikhdu Ahayd 15 February 2019 oo aan 12 cisho ku xidhnaa Hargeysa ugu danbayn Maanta lay Soo Mastaafuriyay ilaa Muqdisho.”sidaas ayuu kusoo qoray bartiisa Facebooga uu ku leeyahay Cabdiraxmaan Axmed. Magaalada Hargeysa inta badan waa lagu xiraa xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana horey sidoo kale loogu xiray dad deegaanka kasoo jeeda balse Muqdisho yimid. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa ka hadlay sida Maamulka Somaliland looga qaybgelinayo qorshaha qaranka ee ay Wasaaraddu waddo. Waxa uu sheegay Cabdulqaadir in looga talogelinayo sida Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare looga siiyay Xubnaha. Arrimaha Somaliland ayuu tilmaamay in ay u marayaan waxyaabaha ay ugu baahan yihiin Xubnaha ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xoghayaha Joogtada Wasaradda Qorsheynta ayaa meesha ka saaray in shirka qorsheynta uu leeyahay waji siyaasadeed, balse waxa uu xusay in uu ka tarjumayo Baahida shacabka. Qorshaha Horumarinta Dalka ayuu sal ugu dhigay Shirarkooda oo ku saabsan shan tiir oo kala ah: Siyaasada loo dhanyahay, Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulsha deegaanka iyo mareynta kheyraadka dalka. Isbadalka Wasiirada iyo Xukuumadaha ku yimaado waxa uu sheegay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta in aan saameyn ku yeelan doono, lagana sii wadi karo marba meeshii uu marayay sida uu hadalka u dhigay. Wajiga 1-aad ee shirka 9-aad ee Qorsheynta Qaranka waxaa shalay diiradda lagu saaray kaalinta Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga ay leeyihiin ugana qaybqaadan karaan,iyada oo ra’yi ururin lagu sameeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
“Duugowyey xiisihii Indhuhuna is daydaye!” Muusihii shalayto furfurnaa markii uu kursiga heliddiisa u hamuunsanaa ee uu faraska cad u fuushanaa ee dhegeysiga badnaa, wax isla gorfaynta iyo isla rogrogga u hayal samaa, waxa uu u muuqday gar-ma-qaate dhega la’ oo aan garowshiinyo bixin.Wixii talo lagu rusheeyey xafiiskiisu waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay oo waxba kagama soo naasa-caddaan. Tabashadii hore ee bulshadu cirka ayay isku sii shareertay.Midnimadii iyo wadajirkii ummadda oo ahaa mudnaanta koowaad iyo qodobka koowaad ee qorshaha hawl-galka ballanqaadyadii lagu dagaal galay xilligii ololaha doorashada ayaa sii xumaaday oo sagxadda sii qaniiney. Madaxtooyadii muraayadda ummadda u ahayd, iska daa in lagu soo hirto oo bulshadu iska wada dhex arato’e, waxa ay boqol jeer hoos uga sii degtey heerkii hore. Barbaar isku degaan u badan ayaa ka dhigtay miidaan ay ku wada laacdamaan. Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso. Sool iyo Sanaag Bari waa ay ka sii fogaadeen halkii ay Somaliland ka taagnaayeen xilligii doorashada iyo ka hor. Heshiisyadii hawsha badan iyo tacabka badani galeen ee Somaliland iyo Khaatumo wada gaadheen waxa ay xukuumadda Muuse ku tuurtay teneg xashiishka ama qashin qubka. Prof Cali Khaliif Galaydh iyo raggiisii in badan oo ka mid ahi Somaliland waa ay ka sibiq dhaqaaqeen oo qofba jaahiisii uga suudalay.Reer Sool waa ay ka sii irdhoobayaan Somaliland.Taleex oo ka mid ahayd meelihii doorashadu ka dhacday maanta waa si kale xaalkeedu.Sanaag Bari waa ay sii siqaysaa.Badhan waxa laga dhisayaa qasriga barlamaanka maamul goboleed Soomaaliyeed ee Puntland. Awdal waxa ay la ciirciiraysaa tabashooyin raagey oo aan weli wax-ka-qabashadooda la xallin.Isku day caato ah waa la dhaqaajiyey intii Muuse joogey, weli se natiijo lagama gaadhin oo qabyo waa halkeedii. Dhinaca kale marka la eego, Somaliland waxa ay u muuqataa in dhexdiina uu xar kaga dhashay oo ka sii gelayo.Beelo waaweyn oo kuwa dhexda ka mid ahi oo miisaan lehi waxa ay tirsanayaan tabasho weyn oo ka dhalatay sidii xukuumadda loo dhisay.Cidi weli ugama garaabin tabashadooda, in la daweeyo ha joogto’e. Kalsoonidii bulshada dhexdeedu waxa ay ku taagan tahay miiq dun ah oo dhuuban, gebi dheerina ka hooseeyo, meelaha qaarna waa ba ay luntay. Haybaddii iyo dabkii dawladnimo waa uu sii gabaarayaa oo indhaha ayuu isku sii qabsanayaa. Dhaqaale burbur, sicir barar, maceeshad xumo iyo busaarad ayaa guri walba inta ugu badan bulshada albaabbada ku garaacaya.Meherado badan ayaa bil kasta xidhma.Qaar badan ayaa dirqi ku sii furan oo ruxmaya.Wareeggii lacagta ayaa waddanka ku yaraaday. Maalgelintii maxalliga ahayd iyo wax kala iibsigii ayaa iyana yaraaday markii ay luntay kalsoonidii macaamiishu ku qabeen suuqa lacagta iyo ganacsiga. Shaqo la’aantii ayaa xaaladdaas la sii jaanqaadaysa oo karkaarrada jabsatay.Dhallinyaro badan hiyi kac dhuyaalnimo ayaa ku dhashay, qaar kalena in ay Muqdisho u sunsumaan oo shaqo tagaan ayay ku dhaqaaqeen. Dad badan oo faraha wax ugu jireen ama maalqabeenno ahaa waxa ay qoysaskoodii dejiyeen Turkiga. Bulshada intii badnayd kufaa-kicii nololeed ayaa ku sii cuslaanaya oo welwel iyo walbahaar ayaa u raacaya busaaradda iyo maceeshad xumaanta ku haysata nolol-maalmeedkoodii afka iyo gacanta ku sinnaa. Adeegyadii kale ee bulshadu sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iwm waa ay sii darsanayaan oo xukuumaddani halkii ay ugu timi ee liidatey wax badan kama ay sii kicinnin, wax ka sii dhaca mooyaane. Amnigii muwaaddinku meelo badan ma sugna.Carjuuq dheh iyo ra’yi uu soo bandhigay ayuu xabsi ku geli karaa, rumaanna loogu hayn karaa muddo dheer. Xukuumadda wax dhalliil iyo toosin ah looma soo bandhigi karo. Ciddii is tidhaa wax dhalliila waa la xidhayaa, haddii la gaadhi waayana kooxo abaabulan oo shilimo loo qaybiyey ama qabyaalad loo liqimay ayaa lagu saarayaa. Waxa laga saarayaa nasabadda iyo Somalilandnimada, waxana lagu shaambadaynayaa waa xil-doon, waa uu dudayaa, waa qaran-dumis oo waa la jaal waxa ay ugu yeedhaan “cadowga Somaliland”, mashruuc buu sitaa oo waa biidhi-qaate iwm. Waxyaalahaas waxa lagu doonayaa in lagu qariyo, laguna marin habaabiyo dhalliisha dhabta ah ee dhiirran ee tooska ah ee xukuumadda la doonayo in lagu baraarujinayo si ay isu saxdo. Haddii dhalliisha dhabta ah la dhabqiyo oo la qariyana waxa dhalata dhalliil dhalanteed ah. Xidhiidhkii dibedda oo awelba iska liitey ayaa isna ciidda madaxa sii geliyey sidii gorayada. Isbeddelada gobolka ka socda ayaa horseed ka ah isirro wax ka beddeli kara xaaladda gobolka. “Buur ahow ama buur ku tiirsanow” ayaa la yidhi. Buur na noqon weyney, buurna ku tiirsan kari weyney. Isbebelka Itoobiya waxa uu gufeeyey daldaloolladii aynu Addis Ababa ka geli jirney, meel kalena diyaar inoo ahayn.Dhinacana waa “ha fadhido farow” oo haddii muraayadda guduhu xitaa kuu nadiif ahaan lahayd werwerka xidhiidhka dibeddu wuu yaraan lahaa, waayo haddii aqalka gudihiisu aanu kuu bed qabin dibeddiisu waa maaf oo waxba kuma tarto. Gunaanad: Tayo darraanta xukuumadda la dhisay iyo dhinac ka rarnaanteeda la sixi waayey ee laga dhega adaygay iyo isu joojin la’aanta markii awoodda la taabay, daaqad ka tuurista barnaamijkii siyaasadda ee doorashada lagu galay iyo tuurista qorshihii hawl-qabadyada iyo ka midho-dhalintooda, tallaabooyinka kelitalisnimo ee car juuq dheh iyo xabsiga la miciinsanayo, himilo abuuritaan la’aanta xukuumadda iyo rejada sii dhimanaysa ee bulshada, sii lumitaanka midnimadii, wadajirkii iyo kalsoonidii bulshada dhexdeeda iyo tii dawladnimada lagu qabi lahaa oo boodh iyo habaas sii fuulayo, noloshada bulshada ee sii adkaanaysa ee aan waxba laga qabanayn iyo sida foosha xun ee aanu hoggaanka waddanku danta iyo muraadka uga lahayn in waxyaalahaas lagala hadlo, si burbur looga hortago, dhaawacana loo yareeyo, ayaa ka mid ah in aan taageeradii kala noqdo xukuumadda Muuse Biixi Cabdigii aan shalayto taageersanaa markii uu kursiga u roorayey, maantana aan ka mid noqdo dadka dhalliila maamulkiisa tayada liita ee dhinaca ka raran. Muuse waa la og yahay inuu dhaxlay dhibaatooyin ka qaro weyn in sannad iyo ka badan lagu hagaajin karo, waxa se lagu haystaa waxa uu ka baydhay tubtii inta badani ku qanci kari lahayd ee caqabaadka tirada badan lagu waajihi lahaa, waxana uu baydhay waddo qardajeex ah oo in ay wax uga sii darto mooyaane aan wax lagu tanaadi karo laga quuddarrayn karin. “Duqii Markus waa kaas Waddadii dayacan koray!” Haddii aanu ka jooginna, “jidka aaran dubatadu Ku dambayso weeyaan!” Sannad iyo googo’ waa muddo dheer oo himilo ummadeed lagu abuuri kari lahaa. Dadka rejo la gelin kari lahaa. La jihayn kari lahaa, wax-qabadyana la tusi kari lahaa. Xukuumadaha cusubi waxa labada sannadood ee hore ay qabtaan ayay dadka ka iibiyaan oo ay masruuftaan hadhow, gees biciidna kulaylkaa lagu gooyaayoo waa inta dadku kuu heellan yihiin, mucaaridkuna ku hubsanayo, haddii se aad fadhiid noqoto sida imminka oo kale waxa hubaal ah in dadkii ku taageeray wixii damiirkoodu nool yahay, si ay u kala horreeyaanba, tacab khasaar u arkayaan taageeradoodii, kaana hor imanayaan si ay kuu baraarujiyaan, kuuna saxaan. Waa ayaan-darro, in 28 sannadood ka dib werwer badani ka oogan yahay jiritaankii Somaliland oo meesha lagu socdo iyo meesha laga yimi qiimaynteeda la isku maandhaafsan yahay oo qaarkeenna qaadayaan ‘badhbadhaadhnay’, qaar kalena ‘adhaxdaynu ka sii jabaynaa’, qaarna labadaas u dhexeeyaan, qaarna iska suudalaanba inta ay quusteen! Somaaliland waxa ay weli taagan tahay Is goysyo halis badan! Somaliland xaggay ku socotaa?Waa su’aasl u baahan in lagaga jawaab celiyo daraaso salballaadhan oo qiimayneed oo waxgarad wada gorfeeyo. Marka aad og tahay xanuunka ku haya cayntiisa waxa aad ogaatey qayb ka mid ah xalkiisii. Xilal la doono oo loo dudo ama dhuuni loo hamuumo oo caloosha lagu gufeeyo maanta oo kale waa barkumataal, wax se mudnaanta koowaad leh in la badbaadiyo wixii xilkuna maamuus ku yeelan lahaa, dhuuniguna milgo ku lahaan lahaa. “Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya!” Iga dhan! Maxamed Baashe Xaaji Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
XUKUUMADA WAXA AY KA QAADAN KARTAA KAALINTA UGU WAYN ISDHEXGALKA DADKA REER SOMALILAND SI LOOGA BAXO SAAMEYNTA QABIILKA OO QARANKUNA U SHAQEEYO. Somaliland waa dal curdin ah oo jira 27sano oo bilo dhiman, waxa aafo ba’an ku haysa qabyaalada ama awoodaha qabaailka oo si qaldan loo adeegsaday oo wiiqaysa maamulkii dawladnimo iyo kala dambayntii maamul. Waxaana aad moodaa in ay marba marka ka dambaysa soo noolaanayso oo wax caadiyaba laga dhigtey in xayndaabkii dawladnimo la iskala baxo oo si qabiil iyo kooxaysi loo xuub siibtay oo umadii warbaahinta isaga jawaabayso qabaail. Haddaba hawlaha bulshadu way kala leedahay in xumaanta la suuliyaana waa diiniyan, dawladu kaalin muhiima ayey ku leedahay suulinta qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada reer Somaliland, kaalintaasi oo ah mid wacyi galin iyo mid ficil muuqda ah. Marka aan leeyahay ficil muuqda waxa aan uga jeedaa dawladnimo umadu hadhsanaysaa in ay ahaato mid nadiif ah oo cadaalad dadka u sameysa bulshaduna ay ka hesho adeegyo isku mid ah, iyo isku miisaamida xilalka gobolada iyo degmooyinka dalka. Waxa soo raaca qodob muhiima ah oo dawladnimada iyo dalkaba qiimo u yeella oo ah in dawladu shaqaaleheegu noqdaan qaar gobolkasta ka soo shaqeyn kara oo la isku wada badelo shaqaalaha, isku duwayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka aan goleyaal deegaan lahayn. Xukuumadii hore waxa ay ku dhiiratay in badhasaabada gobolada dalka is dhex galiso oo badhasaab kasta la geeyo gobolka uu ka soo jeedo maaha e gobol kale si maamulka dawladnimo qiimo u yeesho mansabyada qarankuna u shaqeeyaan oo aan masuulka loo arag qolo, isaguna si kalsooni leh u guto waajibaadkiisa shaqo. Waxa in badan soo shaqeynayey oo dalkuba halkaa ku soo gaadhay waxa ay ahaayeen ciidamada qaranka oo iyaga ilaa maalintii la bilaabay uu is dhex galkooda iyo hawlahooga shaqo yahay in uu askarigu gobolkasta ka shaqeeyo oo loo diro, iyaga oo waliba dhaqaalohoogu yar yahay ayey qaranka qiimo u yeeleen. Haddaba xukuumada maanta talada haysa iyo madaxda hay’adaha kale ee qaranka waxa aan u soo jeedin lahaa in shaqaalaha qaranka, isu duwayaasha iyo gudoomiyayaasha degmooyinka aan goleyaasha deegaanka laheyn iyo dhamaan hay’adaha qaranka iyo laamohooga ay isku wada badesho oo qofwaliba ka shaqeeyo gobolkii/Degmadii uu ka soo jeeday maahee Gobol/Degmo kale, arintaasi hal caqabad uun baa ka hor iman karta oo ah dhaqaalaha uu qofku ku noolaanayo. Halkaa caqabad na waala dabooli karaa oo dhaqaalaha hadii la galiyo dadka qaranka u shaqeynaya shaqaale iyo ciidanba qarankeenu wuxuu noqon doonaa mid la jaan qaada sida dawladaha aduunku u shaqeeyaan, shaqaalaha iyo ciidamada qaranku leeyahay na haybadii, maamuuskii iyo mudnaantii ay bulshada kale dheeraayeen loo sameeyo. Marka intaa la sameeyo waa hubaal in aan qofna meel yeelanayn uu laabta ku garaacdo umaduna waxay heli doontaa adeegyo shaqo oo siman oo aan abtirsiin iyo reer hebel midna aheyn ee ay dadku dawladnimada aaminaan oo ay ku kalsoonaadaan. Aragtidayda Muhamed Dhimbiil Qaran News
-
Kenya has recalled its ambassador in Mogadishu and ordered Somali envoy out of the country over alleged auctioning of oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area that borders Somalia. The auction took place in London, United Kingdom, last week, Foreign Affairs PS Macharia Kamau said Saturday. Lieutenant-General (Rtd) Lucas Tumbo was summoned back to Nairobi for urgent consultations. ‘ACT OF AGGRESSION’ “This unparalleled affront and illegal grab at the resources of Kenya will not go unanswered and is tantamount to an act of aggression against the people of Kenya and their resources. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” the PS Kamau said. Kenya’s sea boundary dispute with Somalia has been simmering for years. In 2014, Somalia sued Kenya at the International Court of Justice asking for a proper determination of the sea border between the two countries. The case is still pending. ICJ judges allowed the case to go to full hearing despite Kenya opposition. Nairobi wanted alternative dispute resolution. “By carelessly ignoring the internationally acceptable norms of boundary dispute resolution and or political and diplomatic disagreements, the Government of the Federal Republic of Somalia has once again demonstrated that it has yet to attain and embrace the political maturity and diplomatic stance of a normal, well adjusted, and properly functioning modern government,” PS Kamau said. BORDER LINE The area in contest is about 100,000 square kilometres, forming a triangle east of the Kenyan coast. Somalia, which lies to the north of Kenya, wants the maritime border to continue along the line of the land border, to the southeast. Kenya however wants the sea border to go in a straight line east, giving it more sea territory. In 2009, Kenya and Somalia had reached an MoU and deposited it at the UN. It proclaimed that the sea border should run eastwards. The post Kenya recalls ambassador to Somalia, orders Somali envoy out appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya. Waxaa soo shaac baxay sawir muujinaya safiirka Soomaaliya, Maxamed Axmed Nuur Tarsan oo loo gacan gelinayo qoraalkii looga eryey daalka Kenya. Tarsan ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, halkaasi oo uu kula kulmay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo u gacan geliyey go’aanka Kenya. Kenya ayaa arrintan sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Macharia Kamau ayaa Tarsan u sharxay go’aanka Kenya oo muddo laga soo shaqeynayey, kadib markii Kenya ay ku guul-darreysatay dadaallo dhowr ah oo ay u gashay inay dowladda Soomaaliya joojisay shirkii London. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
MADAXWEYNE MUUSE BIIXI DALKU BADBAADO AYUU KAAGA BAAHANYAHAY SI KALSOONIDII SHACABKU USOO NOQOTO Wadan ama Umad marka ladhisayo ama la hagayo waxay ubaahantahay inay hesho dad ay ka go,antahay masuuliyad iyo hawlkarnimo una daacad ah shacabka iyo bulshada ay masuuliyada u hayaan iyagoo dejinaya hanaanka iyo siyaasada xukunka iyo midaynta dadka iyo kashaqaynta danta guud ee bulshadooda ay metalayaan. Hadaba waxa ay Somaliland u gacan gashay dad aan lahayn ideologyad ay ku xaqiijiyaan horumarka wadankooda maqlayna siyaasad ama xil oo aan lahayn ama aan fahan sanayn waxa ay siyaasadu tahay oo aan lahayn damiir wadaniyadeed taas qofka hadii laga waayana wixii uu gacanta ku dhigo waxa uu uga faa,iidaystaa dano shaqsiyadeed(private interest) waana ta Somaliland maanta gaadhsiisay iyadoo khayraad badeed iyo mid dhuleed haysata inay shacabkeedu ku noolaadaan dakhli kayar celcelis ahaan maalintii hal dollar ama wax kayar Waxaynu ognahay inuu wadanku leeyahay saddexdii laamood ee dawladnimo balse maaha heeyado is miisaama ama is qabta sida uu dhigayo sharciga( check and balance) waana waxa sababay in dekedii iyo khayraadkii wadanka iyo umada aayaha u ahaa indho la,aan iyo danaysi koox gaara lagu qaato iyadoo laga faa,iidaysanayo shacabka wadanka oo lakala qaybiyey qolo qolona lagu ooday iyo in iska aamustay markii loo joojin waayey. Xaaladaha wadanka ka jira ee burburka ku keenaya waxa kaloo kamida Sarayn la,aanta sharciga wadanka oo dadkii wadanka loo dooraty aanu qaban Xoriyadii hadalka ee dastuurka s/land shacabkiisa u damaanad qaaday oo lagu cabudhinayo gaar ahaan bahdii saxaafada oo tiirka afraad ee dawladnimada ahaa abwaanadii indheer garadkii iyadoo maanta dalka inbadan oo wariyayaal ahi ay dibada uga baxeen kadib xadhig iyo tacadiyo loo geystay awgeed sida coldoon/terra iyo rag lamida Waxa hoos udhac wayni ku yimi siyaasadii arrimaha dibada s/land inagoo og in wakiilo wadamo badan inoo fadhiyey aanay shaqo qaban amaba ay xidhmeen iyadoo miisaaniyad badan oo umada wax loogu qaban lahaa ku baxdo Waxa luntay mid nimadii umada waxaana loo fadhiistay reer reer Xukumada oo ay ka luntay miisaankii iyo hanaankii xilalka wadanka lagu miisaami lahaa iyadoo wadanka hanaankiisa maamul ay ku urureen koox gaara taasna ay lumisay kalsoonidii shacabka ay u hayeen xukumada kulmiye Sixir bararka naafeeyey umadii danyarta ahayd iydoo inbadan aynu ognahay inaan dabka aanay shidan Gebegebadii waxaan talo ugu soo jeedin lahaa madaxweyne biixi qodobadan hoos ku qoran Inuu xukumadiisa iyo waaxdiisa fulinta umagacaabo aqoon yahano dersi kara xaalada wadanka dhaqaajina kara siyaasadaha horumarineed dibna u daraasadayn kara wixii xukumad ahaan hore u khaldamay Inuu wadanka hanaankiisa siyaasadeed furfuro fadhiga ka kaco uu kashaqaysiiyo siyaasada arrimaha dibada/iyo ta gudaha labadaba In ay kaa muuqato cadaalad daradii iyo dulmigii shalay aad kasoo dagaalantaytay shalay wixii laga dagaalamay waxay ahayd dawlad dhinac ka rarnayd iyo tacadiyo hadii aan taa waxba aanad ka qabana wadankan jahwareer iyo kacdoon ayay keenaysaa Xaalada wadanka inaad indhaha iyo dhagaha u furato dhagaysato rabitaanka shacabkaaga kana jawaabto waxa ay shacabku rabaan Inaad soo celiso sharcigii iyo kala danbayntii wadanka lana jaan qaado siyaasada gobolka iyo isbedelada mandaqada aynu ku nool nahay kusoo kordhay Wabillaahi Tawfiiq Abdulkadir Farlow Xaashi Title: Falanqeeye arimaha siyaasada. E-mail. Xaashi74@gmail.com Qaran News
-
Popular Contributors