-
Content Count
207,410 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ururka kubbadda Cagta dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa shaaciyay dalalka marti gelin doona cayaaraha CECAFA ee sanadka 2019-ka. Arrintan waxaa lagu shaaciyay war saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye, kaddib kulan wada tashi ahaa oo madaxda CECAFA ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo intii uu socday sidoo kale lagu qaatay go’aamo dhowr ah. Gobalka CECAFA wuxuu ka mid yahay sadexda gobal ee loo doortay in ay marti geliyaan xarumaha horumarinta FIFA ay ku leedahay qaaradda Afrika, waxaana madaxda CECAFA ay soo dhaweeyeen furitaanka xarun gobaleedka horumarinta ee magaalada Addis Ababa ay FIFA ka furatay, halka labada xarun oo kale laga kala furay magaalooyinka Dakar iyo Johannesburg ee dalalka Senegal iyo South Africa. Intii uu socday kulanka wada-tashiga ah ayaa madaxda CECAFA waxay isla garteen in sanadkan la qabto 7 tartan, waxaana la shaaciyay wadamada marti gelinaya cayaaraha sanadkan. Tarmada ayaa dhici doona laga bilaabo dhamaadka bisha June ilaa iyo dhamaadka bisha December ee sanadkan, waxaana dhamaan tartamada maal gelin doonta hey’ada FIFA. Tartanka wiilasha da’doodu ka yartahay 17-ka sano wuxuu ka dhici doonaa dalka Eritrea, halka isla tartankaas oo gabdho ah lagu qaban doono dalka Kenya. Cayaaraha gabdhaha iyo wiilasha ay da’doodu ka yartahay 20-ka sano ayaa iyana ka dhici doona dalka Uganda, halka tartanka gabdhaha waaweyn uu ka dhici doono dalka Tanzania. Cayaaraha naadiyada ee Kagame Club Cup ayaa dib ugu laban doona dalka Rwanda oo sanadkii hore lagu qabtay, halka Cayaaraha qaramada waaweyn ay ka dhici doonaan dalka Ugada. Madaxda xiriirka kubbadda Cagta dalka Tanzania ayaa kulanka CECAFA warbixin ay usoo gudbiyeen ku sheegay in dalkoodu si wanaagsan ugu diyaarsan yahay martigelinta cayaaraha qaramada Afrika ee da’doodu ka yartahay 17-ka oo bisha April ee sanadkan ka dhici doona Tanzania. Dalkeena Soomaaliya wuxuu ka qeyb geli doonaa dhamaan tartamada CECAFA ee sanadkan dhacaya marka laga reebo kuwa hablaha maadaama Soomaaliya aanay lahayn hablo kubbadda Cagta cayaara. Somali Football Federation Media Department Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khilaafka cusub ee ka dhex curtay dowladaha Soomaaliya iyo dowladda Kenya kaasi oo soo if baxay markii Dowladda Kenya ay magaalada Nairobi kasoo eriday safiirka Somalia ee dalka Kenya. Khilaafkan cusub ayaa la ogaaday inuu kasii daray khilaaf horey ugu dhaxeeyey Farmajao iyo Uhuru Kenyatta oo la xiriira xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa shaaciyay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay isku qabteen dib usoo laabashada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo uu Farmaajo diidan yahay, balse Kenyatta ku adkeysanayo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Kenya uu ergo usoo diray magaalada Muqdisho, kuwaasi madaxweyne Farmaajo kala hadlay sidii Axmed Madoobe loogu ogolaan lahaa inuu dib ugu soo laabto xilka madaxweynaha Jubbaland, waxaana taasi diiday madaxweyne Farmaajo oo ergada ku wargeliyay inay la yimaadaan musharax kale. Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Kenya bilowgii sannadkan uu Ergo ka socotay Odayaal ka soo jeeda Soomaalida-Kenyanka ah u soo diray Mdaaxweyne Farmaajo si uu uga fekero inuu Axmed Madoobe mar kale ku sii nagaado xilka Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Kenya waxay horey kaalin muhiim ka soo qaadatay sidii uu Axmed Madoobe ugu guuleysan lahaa Doorashaddii Madaxtinimadda ee Jubbaland ka dhacday sannadkii 2013-kii. Codsigii Madaxeynaha Kenya ayaa la sheegay inuu ku gacan sayray Madaxweyne Farmaajo oo Ergadii Somali-Kenyanka u sheegay inay soo xushaan Murashax kale ee lagu bedeli doono Axmed Madoobe, Dhinaca kale, Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi oo aan Warbixintan daabacay ayaa waxa kale oo uu qoray in Xiriirka labada Waddan ee deriska ah uu xiriirkooda xumaaday bsihii Augsut ee sannadkii hore, kadib, markii ay Maamulayaasha Hay’addaha Ammaanka Kenya fureen Baaritaano ku aadan qaabka uu Fahad Yaasiin oo xilligaasi ahaa Ku-xigeenka Agaasimihii Hay’adda NISA, balse hataan ah Agaasimaha Guud ee NISA ku helay Baasabooradda Soomaaliga iyo Kenyaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig-xigay oo goor dhow ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka isgoyska Soos ee degmadaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxadaasi oo miino ahaa. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay rasaas xoogan fureen, taas oo la soo warinayo in waxyeelo ay ka dhalatay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana hakad uu ku yimid dhaq dhaqaaqii waddadaasi. Radioshabelle.com, kala soco wixii soo kordha. The post Qaraxyo xoogan Oo ka dhacay degmada Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Caaqil San yare oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa sheegay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ee ahaa in misaaniyadda ku darsadeen gobollada Sool iyo Sanaag ay tahay hadal siyaasadeed aan runta looga sheegeyn xaaladda gobolladaasi. Waxa uu sheegay in gobollada uu sheegay Dani iney maamusho Somaliland, islamarkaana ka waxgarad ahaan ay la yaabeen markii ay maqleen hadalkaasi. “Anigu hadalkaasi waxaan u arkaa mid siyaasadeed, waxa uu la mid yahay kuwii ay dhihi jireen madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, wuxuu miisaaniyad u sameysan karaa meel uu maamulo, laakiinse waa wax riyo ah in meel aanu ka talin uu miisaaniyad u sameeyo” ayuu yiri Caaqil San yare. Dhanka kale, Caaqil San yare ayaa sheegay in Puntland aanay jirin cid awood uga soo saartay gobollada Sool iyo Sanaag, balse ay iyada un si iskeeda ah isaga soo baxday. Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa dhowaan ka hor sheegay baarlamaanka Puntland in gobollada Sool iyo Sanag lagu soo daray miisaaniyadda maamulkooda ee sanadkan, isaga oo dhanka kale sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan deegaannada gacantooda ka maqan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s ambassador to Kenya, Mohamud Ahmed Noor Tarsan has arrived in Mogadishu on Sunday morning amid diplomatic tension between the two countries. The Ambassador was asked to leave Nairobi on Saturday after Kenyan summoned its envoy in Mogadishu for urgent consultations. Last evening, Kenya announced that it was recalling its ambassador in Mogadishu, Lt Gen (Rtd) Lucas Tumbo, stating that Somalia’s decision to auction an oil block in London last week amounted to aggression against Kenyans and their resources. Kenya’s Foreign Affairs Ministry said that an amicable and peaceful resolution of the maritime boundary dispute was ongoing including bilateral negotiations and a process in the International Court of Justice (ICJ), “where this matter of the Kenya/Somalia boundary currently rests,” said Kamau. It warned that Somalia’s action has severely damaged the existing cordial relations between the two countries. Somalia is yet to respond to claims made by its neighbor. The post Somali ambassador to Kenya return amid diplomatic row appeared first on Shabelle. View the full article
-
Lix bil ayaa iminka la jogaa waqtigii ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee (Amisom) ayaa isaga ka baxeyn tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho. 27-Auguts 2018– Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si guud u soo kormeeray dhammaan dhismaha garoonka,gaar ahaan qaybaha kubbadda cagta, kubbadda kolayga, orodka, xafiisyada maamulka iyo qaybaha nasashada wuxuuna xiligaa sheegay in ay dowladda ay dhisayso Stadium Muqdisho. Cali Xuseen oo ka mid ahaa xidigii usoo dheelayay Gobolka Banaadir iyo kooxda Badda iminka ah layliyaha kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa sheegay in garoonka uu lee yahay taariikh fog waqtigii ay dowladda la wareegtay iyo iminkana uu jiro is badal weyn loona baahan yahay in la sii wado howlahiisa. 10-December 2018-Wafdigii kooxda Melbourne ee dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada sanadkii lasoo dhaafay ayaa naasiib u yeeshay in ay soo arkaan xaalada garoonka Stadium Muqdisho waxayna waqtigaa inoogu warbixiyeen sida uu maalinkaa ahaa dareenkooda iyo doorkooda kaga aadan dib u dhiska tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho. “Hadii inta ku ciyaartay Stadium Muqdisho ay gacan ka geestaan inta ka hartay waxa aan aamin sanahay in si dhaqsi leh loo dhameyn karo”waxaa sidaas gudaha Stadium Muqdisho warbaahinta ugu waramay bishii December 2018 tababare Cali Xuseen. Wasaarada ciyaaraha dowladda ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana wasiirka ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye laga soo xigtay in dowladda Norway ay wajiga labaad bixinaysa lacago badan taasoo lagu tala galay dhameystirka howlaha ka haray garoonka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xaalka Garoonka Stadium Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda dalka ayaa sheegay in go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay xiriirkeedii dowladda dhexe aanay qal-qal ku keeni karin dacwadda badda ah ee ka dhaxeysa Labadan dal. Waxa uu sheegay in go’aankaasi ay maxkamadda cadaaladda gacanta ku hayso, islamarkaana wax walbo oo ay Kenya sameyso aanu arrintaasi isbedal ku imaan karin. Daqare ayaa sheegay kaliya hadda in loo baahan yahay in lasoo xiro xuduudaha dalka uu la wadaago Kenya, islamarkaana la joojiyo xitaa xiriirka dhanka ganacsiga, taasi oo keeni karta in Kenya ay dareento culeys dhan walbo ah oo keena iney xitaa ka tanaasusho doodda dhanka badda ah. “Go’aankan maxkamad ayuu horyaallaa, nidaamka maxkamadeedna hab loo kala baxo ayaa jirta, annaga wax walbo waan geynnay, Kenya taas mar-marsiyo kama dhigan karto, midda kale haddii aan annaga go’aanno xasaasi ah ka qaadanno Kenya waxaan ku tusi doonaa iyaga oo soo qeylinaya oo dhaqaalahooda hoos u dhacay, walibana ka tagi doona doodda badda” ayuu yiri Daqare. Dhanka kale, C/raxmaan Daqare ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay dhankeeda iney qaadato go’aanno geesinimo leh, islamarkaana si dhab ah u matasho shacabka. “Dowladda waxaan u doorannay iney danaha shacbiga Soomaaliyeed ilaaliso, wixii xog ogaalnimo ah oo ay inooga badan tahay wey la aamusi kartaa, dowladda rasmiga ah waa shacabka, shacabkana aragtidiisa waa ay caddahay, dowladdana waxaan ka rabnaa iney si dhab ah noo matalaan oo danaheenna ilaaliyaan” Daqare ayaa sidaasi yiri. Kenya ayaa sheegtay iney joojisay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya, iyadoo go’aankeedan u sababeysay shirkii London ee lagu soo bandhigayey sahanka shidaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa rajo aad u wanaagsan ka muujiyey in isbedal amni ay sameeyaan ciidamo Booliis ah oo dhowaan tababar loo soo xiray. Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah xildhibaannadan ayaa isaga oo u waramay Goobjoog waxa uu sheegay in rajada ay qabaan ay tahay in ciidankaan ay amni darrada ka jirta deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo wax ka qabtaan. Wuxuu sheegay in sidoo kale dhowaan tababar lasiin doono ciidamo kale oo maamulka Hirshabelle ah, kuwaasi oo amniga sugi doona. “Waxaan u aragnaa tallaabo horey loo qaaday, waana ku faraxsannahay, ciidamadan la tababaray, waa ciidamadii ugu horreeyey oo Booliis ah loona tababaro Hirshabelle, waxaana ay ka kooban yihiin Labada gobol, kuwo kale oo tababar loogu furi doono B/weyne ayaa xiga, wax badan ayeey qaban karaan” ayuu yiri xildhibaanka. Dhanka kale xildhibaan C/rashiid oo ka hadlay mushaarka ciidaman la siin doono ayaa sheegay in Qaramada Midoobay, dowladda dhexe iyo maamulkooda iska kaashan doonaan. “Wuxu waa bilow waadna garan gartaa sida ay Hirshabelle u weyn tahay, baahida ammaan aan hadda qabno kuma filnaan karaan laakiin waa wax bilow ah, UN waxbay siin doonaan, kolba maamulkana waa qasab inuu kabo oo wixii uu heli karo ku kabo” ayuu yiri xildhibaanka. 200 oo ka mid ah ciidamada Booliiska Hirshabelle ayaa dhowaan waxaa tababar loogu soo xiray magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana la filayaa in kuwo kale dhowaan tababar looga furo magaalada B/weyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ambassador Maxamed Axmed Nuur Tarsan, safiirkii Soomaaliya u fadhiyey wadanka Kenya, kadib markii dowladda Kenya ku ammartay in uu dalkooda degdeg uga soo baxo. Wararka waxay sheegayaan in diyaaradda uu la socday mudane Tarsan sidoo kale uu saarnaa wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah Axmed Ciise oo xalay soo gaaray Nairobi kadib markii uu ka yimid dalka Sweden. Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda gaaray meeshii ugu xumeyd, iyadoo dowladda Kenya ka fiirsasho la’aan ku jartay xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ah ayaa la filayaa in jawaab degdeg ah ay arrintan ka bixiso, iyadoo lasoo sheegayo in kulamo arrintan ku aaddan ay ka soconayaan madaxtooyada qaranka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii dowladda Kenya ay amartay in ka baxo dalkeeda. Diyaarad siday safiirka, islamarkaana ay la socdeen marwada madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka soo degtay garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xubnahan ku soo dhaweeyay Garoonka magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay war shalay ka soo baxay dowladda dalkaasi. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la fiyaa in ay jawaab cad ka bixiyaan tallaabadaasi The post Safiirka Soomaaliya ee Kenya Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Minesotta (SMN) – Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee FBI-da ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Soomaali badan oo ku nool gobolka Minesotta ee dalkaasi ay u safreen dalalka Soomaaliya, Siiriya iyo Ciraaq, si ay ugu biiraan kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka dagaalama dalalkaasi. Warbixinta ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in 45 ruux oo ahaa Soomaali ku nool Mareykanka in ay uga tageen dalkaasi,si ay uga mid noqdaan dagaalyahannada Al Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Sidoo kale FBI-da Mareykanka ayaa warbixintan ku xustay in tobanaan kale oo Soomaali ah la xiray, iyagoo qorsheenaya in ay ka safraan dalkaasI,si ay u taageeraan kooxaha loogu yeero argagixisada. Saraakiisha ammaanka ee gobolka Minisota ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Soomaalida ku nool gobolkaasi ee inta badan xiriirka la sameeya Xarakada Al Shabaab oo dagaal xoogan ay kula jirto dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgalladiisa dhinaca cirka ah ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo eedeyn u jeediyay Soomaalida Minesotta appeared first on Shabelle. View the full article
-
Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), safiirkii dowladda Soomaaliya ee Kenya ayaa goordhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaraadaha magaaladda Muqdisho. Diyaaradda uu la socday Taraan waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Somaliya & Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xalay soo gaaray Nairobi, islamarkaana u soo gudbaayay Muqdisho. Dowladda kenya ayaa Denjire Tarsan ku Amartay in dalkeeda isaga baxo kadib markii uu xumaaday Xiriirkii Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kusoo xad-gudubtay hantida dadka reer Kenya. Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay safiirkii Soomaaliya Kenya u fadhiyay. Puntland Post The post Safiirka Kenya ee Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in xalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Dagaalka oo u dhexeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay in uu ka qarxay deegaanka Kulmis-Yarey ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona barakac xoogan uu ka bilowday halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Dagaal beeleed xoogan Oo ka dhacay gobolka Sh/ Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo go’aanka ay qaadatay Kenya ee ay ku sheeganeyso dhul-badeedka Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday inay siyaasadda ku kala duwanaan karaan isaga iyo madaxda ugu sarreysay dowladda ee Farmaajo iyo Kheyre, balse difaaca dalka uu yahay muqaddas. Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee facebook SIYAASADA WAAN KU KALA ARAGTI DUWANAAN KARNAA LKN DIFAACIDA DALKA WAA MUQADAS. Inkastoo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen. Ayna soo galeen dagaalo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib iyo siyaasad wadaag la’ ahaa Soomaaliya kahor 8dii February 2017, maantana aanan lahayn hal dowlad oo Soomaaliya saaxiib la’ ah oo iskeena garabtaagta marka ay nasoo foodsaarto culaysyo nuucaan oo kale ah! Haddana sidaas oo ay tahay, waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen in aan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasada majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, lkn dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay in uu dhinaciisa ka difaaco. Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa dowlada Kenya in ay ixtiraamto midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, dhowrtana deris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada dowladood. Ayna ka waantowdo faragelinta arimaha gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in aysan u hoggaansamin cadaadiska iyo cago-jugleynta dowlada Kenya aysana gorgortan ka gelin taako dhulkeena kamid ah. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa dib u dhaca doorashada golaha wakiilada ku tilmaamay mid siyaasi ah loona baahan yahay in shacbiga Somaliland ay ka tashadaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada. Waxa uu guddoomiye ku xigeenku sheegay in aanu golaha wakiiladu awood u lahayn inuu qaybiyo arimaha saami qaybsiga oo uu ku tilmaamay arin siyaasadeed, waxaanu ugu baaqay xukuumada iyo guud ahaan dadka Somaliland in arinta dib u eegis xoog badan lagu sameeyo. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa sidan u sheegay waraysi dheer oo laanta Afka Soomaaliga ee VOA ay wax kaga waydiisay guddoomiye ku xigeenka sababta ay u samayn waayeen xeerkii lagu soo dooran lahaa golahii iyaga badali lahaa. Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay guddoomiye ku xigeenku uu yidhi “Haddii ay arintaasi xeer ahaan u xanibantahay waxaynu odhan lahayn golaha wakiiladu lug ayuu ku leeyahay dib u dhaca doorashada, laakiin xeerkas horena waa loo cadeeyay imikana waan cadaynayaaye xeer ahaan uma xanibna siyaasad ahaan ayuu u xaniban yahay, golaha wakiiladu go’aan kama gaadhi karo mana qaybin karo mana ku heshiin karo inuu isagu sameeyo saami qaybsigii lagu soo dooranaayay arintani waa arin soo jireen ah oo labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay laga hadlaayay ilaa wakhtigii Cigaal jirtay, wakhtigii Rayaale jirtay, wakhtigii Axmed Siilaanyo jirtay arintaasina waxay ahayd waar kuraastan baarlamaanka ee maanta lagu fadhiyo si cadaalad ah looma fadhiyee si cadaalad ah loo qaybsado. Guddoomiye ku xigeen Axmed Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Hadaba cadaaladii marka lagu dhaqaaqayo noocee aynu u qaybsanaa, sida tabashada weyn laga muujiyay waa sidii lixdankii 33 kii kursi oo lagu dhuftay 2 iyo badh oo markaas 82 noqday, qaacidadaas cabasho ayaa laga keenay, qaacidooyinka kale ee yaalayna waa kii golihii inaga horeeyay lagu soo doortay oo qabaa’il ku salaysnaa , qaacido kale ayaa iyaduna odhanaysa tirakoob hala qaado dadka dalka ku nool si rasmi ah haloo tiro koobo dabadeedna hala soo saaro kursiga baarlamaanka Somaliland imisa ayuu joogaa, oo kursiga marka lanbarkiisa la heli la yidhaahdo Awdal imisaa iska diiwaangaliyay, Maroodi-jeex waa imisa, Togdheer waa imisa oo Sool waa imisa, wali taas laguma heshiin, golaha wakiiladu horena waa uu u cadeeyay imikana waanu cadaynaynaa arintan in saamiga la qaybsadaa, goluhu waxa uu yidhi arintaas saami qaybsiga goluhu awood uma laha uu ku qaybiyee qaranku talo guud ha ka yeesho oo halaysugu yimaado oo caqabadaha jira iyo dooda jirta iyo gobal walba waxa ay doodiisu tahay hasoo bandhigo, haddii odayaasheenii xigmada badnaa ee caqliga badnaa ee cilmiga badnaa ee caqiidada wanaagsanaa ay sameeyeen haykalkan dawladnimo ee aynu dhawr iyo labaatanka sano ku dhaqmaynay, maanta bal aqoontii jaamacadaynu intaas ka soo baxaynaa, dadkii da’da yaraa ayaa siyaasadii soo galay,rag aanay waayo aragnimadoodu kaba yarayn odayaashaas ayaa taladii haya, maanta maalintii aynu wax qaybsan lahayn miyaynaan joogin.” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka mareykanka ayaa faafiyay warbixin ku saabsan xaaladda ay ku sugan yihiin 4 kamid ah maal qabeenadii u dhashay wadanka Sucudiga ee loo xidhay la xidhiidha Musuq maasuqa kuwaas oo dhawaan lagusii daayey lacago madax furasho ah. Warbixinta Bloomberg ayaa lagu sheegay in qaar kamid ah dadkii la xidhay intii ay soconeysay xamladii loogu magac daray “ka hortagga musuq maasuqa” ay xabsiga kasoo beexen iyagoo qarka usaaran inay fuqaro noqdan marka loo fiiriyo hantidi ay lahaayeen markii ay xabsiga galayeen. Raggan oo ka koobna 87 qof oo hantiilayaal ah ayaa lagu xidhay Hotelka Retez Karliton ee ku yaala magaalada Riyadh, halkaas oo ciidanka Amaanka maamulka Aala Sucud ay ku waardiyeynayen illaa markii dambe qaar iyaga kamid ah ay lacagahooda isku furteen. Max’med Bin Salmaan ayaa la wareegay kala badh saamiyada shirkadaha waaweyn ee ganacsatadan waxaana kamid ah ninka maalqabeenka ah ee lagu magacaabo Waliid Bin Dalaal oo warbixintu sheegayso in uu qarka usaaranyahay ceyrtoobid. Maxamed Bin Salman ayaa sidoo kale la wareegay shirkaddi qaabilsaneyd dayactirka Xaramka Makka, wuxuuna xabsiga dhigay milkiilayashii shirkaddaa. Tan iyo markii uu Salman kusoo biiray hoggaanka dalka Sacuudiga waxay cabsi weyn soo wajahday maalqabeenada dalka Sacuudiga iyo Amiiro badan kuwsoo oo la dhigay xabsi halka qaar kalana laga xayiray Hantidii ay lahaayeen. Maxamed Bil Salman ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad u fudud isla markaasna go’aansado inuu meesha ka saaro cid kasta oo uu u arko inay halis ku tahay hoggaankiisa Sacuudiga. Source
-
Riydh (SMN) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa marti galineysa shir lagu qaban doono magaalada Riyadh oo lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isutaga Imaaraadka Carabta. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay xukuumadda Riyadh ayaa waxaa ka qeyb gali doona wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo madax ka socota Isutaga Imaaraadka Carabta oo ka wada hadli doona khilaafka siyaasadeed ee labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka ka eryiday shirkadda DP World,taasi oo ka dambeysay markii shirkaddaasi ay kala hadashay Somaliland in ay dhisato dekedda magaalada Berbera ee maamulkaasi. Sidoo kale xiriirka diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa cirka isku shareeray markii ciidanka Booliiska garoonka Aadan Cade ay gacanta ku dhigeen boorso ay ku jirtay malaayiin Dollar oo ay siday diyaarad ka timid magaalada Dubai. Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa iska kaashan jiray dhinacyada ganacsiga iyo milatariga,waxaana magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen xero ay ku tababari jireen askar ka tirsan dowladda Soomaaliya. The post Sacuudiga oo dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Imaaraadka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii dowladda Kenya ay ku amartay inuu degdeg uga baxo dalkeeda. Diyaaradda siday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Seynab oo maalmahan ku sugneyd Nairobi. Sidoo kale waxaa diyaaradda la socday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xalay soo gaadhay Nairobi, isagoo ka soo laabtay dalka Sweden. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay jawaab ka soo saarto tallaabadii Kenya ay qaaday ee ay dalkeeda kaga soo saartay Safiirkii Soomaaliya, wada tashina ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya. Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaadhay, kaddib markii wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeneyso inay xidhiidhka u jartay Soomaaliya, iyagoo ku andacooneysa in dowladda Federaalka in xaraashtay shidaalka dhul badeedka dhaca xuduuda Kenya. Source
-
(SLT-Burundi)-Danjiraha Dalka Burundi ee magaalada Addis Ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa ka hadlay qorshaha Kun kamid ah Ciidanka Burundi lagaga saarayo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay tahay mid beegsi gaar ah loogu hayo dowladiisa. Waxa uu sheegay iney wadadaan dadaalo ku aadan sidii loo hakin lahaa in dhamaadka bishan Soomaaliya laga saaro Kun askari oo ka socota dowladda Burundi, taa bedelkeedna askartaas la saarayo ay noqoto mid ay wada qeybsadaan dhamaan dowladdaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin Soomaaliya. Dowladda Burundi ayaa 14kii bishan xubin ka noqotay Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto, Isagoo sheegay in xubinimadaas ay ka taageereyso iney ku guuleystaan doodooda Sharciga ee arinkan ku wajahayaan. ”waa si wanaagsan in Ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya, maadaama uu dalka ka soo kabanayo dhibaatooyinkii dhinaca amniga, balse maxaa qorshahan ku kaliyeelay dowladda Burundi, hadii Kun askari la saarayo wadan walba tiro halaga soo qaado, wada bixista waan ogolnahay, balse beegsiga gaarka ee nalagu hayo ayaan diidanahay” ayuu yidhi Dieudonne Ndabarushimana. Midowga Afrika ayaa bishii December sanadkii 2017, dalkan ka saaray Kun askari oo kamid ah Amisom, askartaas waxa ay ka wada socdeen dhamaan dalalka Amisom ku jira, balse qorshahan cusub waxaa lagu koobay oo kaliya Burundi, waana taa mida lagu qancin la’yahay xukuumada Burundi. Source
-
(SLT-Malta)-Madixii Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin Shirkadda DP Workd ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta. Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso. Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen. Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-dii lagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalada Bosaaso ee maamul gobolleedka Puntland. Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Chicago)-Nin shaqada laga eryay ayaa toogasho ku dilay shan qof waxuuna dhaawacay dhowr askari oo soo gaaray goobta shaqada looga tirayay kuwaasi oo badbaadinayay dadkii uu rasaasta la dhacay. Ninkan oo hubeysnaa ayaa la dilay kaddib markii ay rasaas isdhaafsadeen booliiska. Shanta qof ee uu dilay ayaana haatan la shaaciyay magacyadooda. Israsaaseynta ayaa ka dhacay shirkad ku taalla xaafada Aurora oo 40 mayl u jirta galbeedka Chicago. Booliiska ayaa ku sheegay ninka dilka geystay Gary Martin, oo da’diisu ay ahayd 45, waxuuna 15 sanno ka shaqeynayay shirkadda Henry Pratt. Madaxa booliiska xaafada Aurora Kristen Ziman ayaa sheegay in ninka laga shakiyay uu isi soo hubeeyay kaddibna uu kasoo qeybgalay shir shaqada looga tirayay. Booliiska ayaa sheegay magacyadan: Russell Beyer Vicente Juarez Clayton Parks Josh Pinkard Trevor Wehner Saddex ka mid ah dadka dhintay ayaa ku sugnaa qolki looga dhawaaqay in ninkan shaqada lagaga caydhiyay, halka midka afaraad iyo kan shanaadna ay ku jireen qol kale. Qoyska ninkaan ayaa u sheegay wargeyska The Chicago Sun-Times in ninkaan uu ka welwelay shaqada laga eryayay. Steve Spizewski, oo daris la ahaa Martin, ayaa wargeyskan u sheegay inuu u ahaa saaxiib uuna usoo tacsiyeeyay xilligii ay dhimatay hooyadiis oo uu aad u murugeysnaa. Saraakiisha ayaa si degdeg ah uga hortegay ninkan dilka geystay oo ku hubeysna qori isagoo rasaas la dhacay dadkii goobta ku sugna. Saddex booliis ah ayaa la toogtay xilli ay doonayeen inay dadka kasoo samatabixiyaan dhismaha weerarku ka dhacay. Ninkan ayaa booliisku ugu dambeyn waxay ku hareereeyay dhismaha muddo 90 daqiiqo ah kadibna waa ay toogteen. Dhacdadaan ayaa kusoo beegmeysa kaddib maalin uun xuska sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii toogasho ee ka dhacay iskuul ku yaalla Florida kaasi oo galaaftay nolosha 17 qof. Source
-
(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtey inay u yeedhey safiirkeeda Soomaaliya inuu dalka dib ugu soo laabto, iyadoo safiirka Soomaaliya ee Kenyana fartey inuu dowladiisa wadahadal la soo yeesho. Kenya ayaa sheegtey in ay ka cadheysan tahay sida ay dowlada Soomaaliya u beecgeysey shidaalka dhulbadeedka Kenya ee dhaca xuduuda Soomaaliya Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in xaraashkaas uu ka dhacay magaalda London 7dii February ee sanadkan 2019ka. Talabadaas ayey Kenya ku tilmaantey mid aan loo sineyn, ceeb iyo sharci darana ah in la maroorsado qeyraadka Kenya, waxaana ay sheegtey Kenya in talabadaas aysan jawaab la,aan ahaaneyn isla markaana ay bixin doonto jawaab u dhiganta talaabada loogu gefey dadka reer Kenya iyo qeyraadkooda. Qoraalkan oo ka koobnaa 15 qodob ayaa waxaa kaloo ay ku sheegtey dowlada Kenya in ay arrintan 6dii bishan kala hadashey Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya iyadoo ku wargelisey in shirka London lagu soo gudbinayo dhul badeed ay Kenya leedahay iyagoo ka dalbadey in dhulkaas laga saaro meelaha la soo bandhigaayo shidaalkooda. Safiirka Soomaaliya ayey sheegeen inuu u xaqiijiyey inuu heley fariintooda isla markaana jawaab deg deg ah oo walaaltinimo ay ka fishaan, sidoo kale Kenya waxa ay sheegtey in ay safiirkeeda Soomaaliya isna uu u gudbiyey cabashadooda dowlada federaalka balse aan waxba laga qaban. Source
-
Popular Contributors