-
Content Count
207,411 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya ee QM, Abuukar Armaan ayaa ka hadlay waxa xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya ay uga dhigan tahay joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa sabtidii xiriirka u jartay Soomaaliya, ayada oo u yeeratay safiirkeedii Soomaaliya, islamarkaana soo cayrisay safiirkii Soomaaliya ee Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhex dillaacday labada dal. Abuukar Armaan oo qoraal kooban soo dhigay twitter, ayaa sheegay in tallaabada Kenya ay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ka dhigeyso kuwa duulaan ku ah Soomaaliya. “U yeerashada Kenya ee safiirkeeda, iyo weydiisashada safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkaas, waxay joogitaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya ka dhigeysaa kuwa weerar ah. Waxaa jira marar ay diblomaasiyaddu tahay inay noqoto mid toos ah oo cad” ayuu ku yiri Armaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa twitter. Kenya recalling it’s Ambassador & asking Somalia’s to leave automatically declares KDF presence in Somalia a hostile act. There are times when diplomacy must straight forward and transparent. @MPyusufhassan @HonAdenDuale @FarahMaalimM — Abukar Arman (@Abukar_Arman) February 16, 2019 Kenya ayaa go’aankii ay shalay qaadatay sabab ug dhigtay in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooshin shidaal oo ku yaalla “dhul ay leedahay Kenya”, intii uu socday shirka shidaalka Soomaaliya ee London, sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Warbixin dheer oo uu qoray ururka ECOTERRA (July-Sept 2010) oo ku saabsan badda Soomaaliya ayaa cinwaankiisu ahaa “Dhul-badeedka Soomaaliya: Been aan gabasho lahayn oo si joogto ah la idiinku sheego.” Warbixinta oo ka kooban dhawr qaybood waxay u qoran tahay qaab ah “beenta la sheego,” iyo “xaqiiqada jirta,” oo jawaab u ah. Qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri: FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.” Warbixinta ECOTERRA Beenta: Ciidamada Badda iyo warbaahintooda oo ku andacooda in ay ku guulaysteen yaraynta burcad badeedda. Xaqiiqada Jirta: Weligeed taariikhda ma dhicin mar ay xaaladaha burcad badeeda ee Geeska Afrika ka badan yihiin sida ay yihiin hadda (2010); ayadoo ay jirto in laga soo bilaabo dabayaaqadii 2008 halkaas laga bilaabay hawl-gallada maraakiibta ciidamada ee ka socda dalalka badan; maraakiibtaas iyo ciidamada (shisheeye) oo si joogto ah ugu sii badanaya Soomaaliya si aan weligeed hore loo arag – ciidamo aan halkaas lagu arkin xitaa markii uu socdey Dagaalkii 2aad ee Adduunka (WWII). Laakiin isla xilligaan waxaa burcad badeedu ay meeshii ugu saraysay gaarsiisay kordhinta rabshadaha iyo iska hor imaadyada. Beenta: Ciidadamada badda (ee maraakiibta shisheeye) waxay ku hawl galaan Qaraar/Sharci Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay Xaqiiqada Jirta: Ciidamada Badda (ee shisheeye) marka la eego xeerka qawaaniinta caalamiga ah iyo sharciga qaranka Soomaaliya midna kama haystaan ogolaansho ama bataatanba/ habayaraatee ma haysaan qaanuun xuquuq u siinaya in ay galaan 200 nm (mayl-badeed) ee dhul-badeedka Soomaaliya. Xeerka Golaha Ammaanka ee ciidamada (maraakiibta shisheeye) ay had iyo jeer cuskadaan waxa uu si qayaxan u sheegayaa in sida keliya ee uu ku noqonayo xeer dhaqan gala ay tahay Ogolaanshada Dawladda Soomaaliya, taas oo ah Baarlamaanka Soomaaliya oo aan xeerkaas la hor keenin, islamarkaasna warqad aan la hubin jiritaankeeda ee la sheegay in uu saxiixay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf weligeed lama arag ama lama soo bandhigin, dhanka kale warqadda uu Dawladda Soomaaliya u saxiixay Ergaygii hore ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey ee Soomaaliya Walad Cabdalla oo reer Mauritania ah waa warqad sharci darro ah oo waxba kama jiraan ah (Nil & Void). Beenta: Ciidamada badda ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) waxay heshiis la galeen Dawladda Soomaaliya, heshiiskaas oo ku saabsan Dhul-badeedka Soomaaliya iyo la dagaalanka burcd badeedka Xaqiiqada Jirta: Warqad ay wada saxiixeen Safiirka Faransiiska u fadhiya Kenya, Ms Elisabeth Barbier – oo u saxiixday Midowga Yurub iyo Maxamed Cali Nuur – oo u saxiixay dalka martida loo yahay ee Soomaaliya – ayadoo arrintaas uusan ogeyn Baarlamaanka Soomaaliya – saxiixaas oo u dhacay qaab kulan qarsoodi ah, isagoo (safiirku) ku andacoonayey in uu wakiil ka ahaa Nuur Xasan Xuseen oo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaarahii xukuumaddii madaxweynahii hore ee DFKMG C/laahi Yuusuf, warqaddaasi waa sharci darro iyo waxba kama jiraan (Nil & Void) sababtoo ah Baarlamaanka Soomaaliya markii horena arrintaas uma xilsaarin, markii dambena ma ansixin, sidoo kale baarlamaanku ma bixin ogolaansho ay siiyeen in ciidamada dalalka Yurub ay ku galaan dhul-badeedka Soomaaliya. Labada saxiix ee Yurub yo dalka martida loo yahay ee Soomaaliya midkoodna ma wato tastiiqin ama shaabad rasmi ah. Waa arrin aan marna caqliga geli Karin sida ay ku dhacday in ogolaanshada heshiis reebi kara raad aad u weyn iyo cawaaqib lagu qeexay heshiiska, oo ay kamid yihiin dilka ciidamo shisheeye ay u geystaan dad Soomaaliyeed , arrintaas oo loo maareeyey si taxadar la’aan ah oo qeyru–masuul ah, oo aan la marsiin nidaam sax ah ee sharci ahaan looga baahnaa. Laakiin tani waxay soo ku soo xasuusinaysaa isku daygi sharci darrada ahaa ee Guddoomiyihii hore ee Kalluumaysiga Midowga Yurub, Mme. Emma Bonino, ay isku dayday – inkasta oo aysan arrintaas ku guulaysan waayo waxaa laga eryey xilkii Guddoomiyanamo ee Midowga Yurub – si ay shati (laysan) kalluumaysi oo sharci darro ah uga hesho Dagaal-Ooge Soomaaliyeed. Wax kasta oo khuseeya ama taabanaya xornimada Soomaaliya waxaa xuquuqdeeda leh Baarlamaanka Soomaaliya – sidoo kale wax kasta oo taabanaya xornimada dhuleed ee Soomaaliya waa mid lagu go’aamin karo afti guud oo dadweynaha. Qaanuunka iska cad ee sharciga ah waxaa loo garab maray si toos ah oo sharci darro ah. Nuur Cadde, waa sida loo yaqaan’e, waxaa waadix ah in uu abaal-marin ku helay isxaanka uu u sameeyey Midowga Yurub, waxana laga soo qaadayaa in uu khiyaano qaran iyo mid shacab ka galay dadka iyo dalka Soomaaliya – Markii laga wareejiyey kursigii Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisii – waxaa loo dhiibay booska Wakiilka DFKMG u fadhiya Brusseles iyo booska Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga – oo ahaa dal kamid ah gumaystayaashii, oo ah dal weli ah mid si khaldan talooyin latalin (arrimaha Soomaalida) ugu qaabilsan Midowga Yurub. Sharci-nimada heshiiskaas waa in sidoo kale ay su’al ka keenaan dhanka Yurub. Talyaanigu waa dalka keliya ee reer Yurub oo isagoo aan ogolaansho ka haysan Midowga Yurub si toos ah lacag ugu dira saaxiibada Talyaaniga iyo Dagaal-Oogayaasha ee jaalayaasha is-bed-belaya ee arrimaha cakiran ee Soomaaliya. Nidaamka la samaystay (ama macmaalka ah) ee ciidamada EU NAVFOR waxaa si khaldan u adeegsadey dalalka sida Norway, taas oo xitaa aan xubin ka ahayn Midowga Yurub, laakiin ku dhiiratey in ay unug ciidamo tababaran u diraan ayagaoo adeegsanaya hawl-galka Midowga Yurub ayagoo saq dhexe weerar ku qaaday dekededaha dabiiciga ah ee Woqooyi Bari Soomaaliya, iyagoo halkaas ka geystey fal-dembiyeed aad u fool xun ay ku dhinteen kalluumaysato Soomaali iyo Yemen ah. Waxaa taas dheer: Ciidaamada EU NAVFOR ee ku hawlgala magaca ATALANTA ama magaca reer Yurub, ma jiro cid xuquuq u siisay in ay waardiyeeyaan kalluumaysiga ka socda badda Soomaaliya. Inkasta oo ay ahaan lahayd arrin la soo dhaweeyo haddii ay dawladda Soomaaliya iyo shacabkaba ka caawin lahaayeen la dagaalanka maraakiibta shisheeye ee sharci darrada u kalluumaysta, xaqiiqada jirta waxay tahay in aan hal markab oo kamid ah kuwa sharci darrada u kalluumaysta ee la xaqiijiyey in ay halkaas ku sugan yihiin, aysan ciidamadaasi ka eryin meesha. (Mar haddii aysan difaacayn kalluunka) waxaa markaas “kor kala socodkooda kalluumaysiga” ay tahay in loo arko mid ay ku basaasayaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya iyo – sida Soomaali badani ku aandacoodaan – in ay difaacaan maraakiibta sharci darrada ku jariifaya oo xaalufinaya kalluunka. Beenta: ma jirto in si sharci darro ah oo looga kalluumaysto Badda Soomaaliya. Xaqiiqada Jirta: Kalluumaysiga sharci darrada ah waa ka sii socdaa (Soomaaliya), laakiin had iyo jeer waa mid ku xiran xilliga ama (waqtiga bad-furanka) aad kor ugu kaca, waxaa kale oo sii socda shatiyada sida sharci darrada ah lagu siinayo maraakiibta shisheeye inkasta oo laga soo bilaabo April 2009 ay jirtay xannibaad arrintaas ay ka soo saartay Dawladda FKMG. Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ahba waxay dhigayaan in dawladda dhexe ee la aqoonsan yahay oo keliya ay shatiyada siin karto shirkadaha shisheeye ee ku hawlan kalluumaysiga ganacsiga ah. Dhanka kale dadka deegaanka ee noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumaysiga waxaa qaanuunka u dejiya wakaalado ayagoo raacaya xeerka ay dejisey Wasaarada kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, wasaaradaas oo awoodda iyo masuuliyadda arrintaas u xilsaari karta maamullada degaanka (laakiin aan arrintaas weli samayn). Sidaas daraadeed shirkad kasta oo shisheeye oo doonaysa kalluumaysi ganacsi, islamarkaasna dhoofineysa kalluun ama khayraadka kale ama noolayaasha kale ee ku jira badda sida Aar-goosatada iwm, waxay u baahan yihiin shati (laysan) ay bixiso Dawladda FKMG, taas oo shatigaas bixin karta marka ay dejiso xeer cusub ee kalluumaysi iyo sidii xeerkaas loo dhaqan gelin lahaa, loona dhawri lahaa dhaqan gelintaas. Wakaallada Horumarinta Caalamiga ah ee UK ee loo soo gaabiyo (DFID) warbixin ay soo saartay 2005 ayaa sheegtay in muddadii u dhaxaysay 2003-2004 ay Soomaaliya ka luntay $100 million oo doolar oo ah dakhli soo geli lahaa, taas oo ay sababtay sharci darrada ay maraakiibta wax jariifa ee shisheeye ay Tuunada iyo Shrimp uga kalluumaystaan badda u gaarka ah Soomaaliya. Celcelis ahaan sannadkii waxaa shisheeyuhu ay badda Soomaaliya ka dhacaan khayraad badeed lagu qiyaasay 300 million oo doolarka Maraykanka. Dhibaatada sharci darrada iyo sida xad dhaafka loo kalluumaysto ma aha mid ku kooban Soomaaliya oo keliya: Guud ahaan sannadkii waxaa kalluunka xad dhaafka ah ee laga gurto badaha (adduunka) waxa uu gaaraa 50 Billion oo Doolar, sida ay qiyaaseen bangiga Adduunka (WorldBank) iyo hay’adda cuntada Adduunka (FAO.) Halka Suuqa Ganacsiga ee Wall Street markii uu khasaaray lacag lagu qiyaasay 1.5 Billion Doolar markiiba bangiyada iyo hay’adaha maaliyada (ee arrintaasi saamaysay) loo gurmadey oo lagu “badbaadiyey” 700 Billion Dollar ee mashruucii badbaadinta – ayadoo la adeegsaday lacagta cashuur bixiyaasha-, laakiin MA JIRTO wax laga qabtay badbaadinta badda (sida xad dhaafka looga gurto kalluunka.) Beenta: Beesha caalamku waxay caawinaad siiyaan Soomaaliya iyo Soomaalida … Xaqiiqada Jirta: Waxaa dhif iyo naadir ah in la bixiyo lacag ay ku yabooheen kuwo ugu sareey tun-weynayaasha ololaha lacag bixinta ka muujiya warbaahinta. Arrinta ku saabsan in aan la bixin lacagta lagu yabooho ma ah mid ku kooban Soomaaliya, waa been caalami ah oo xitaa ay cambaareeyeen dalalka G20. Haddii lacag la gaarsiiyey Soomaaliya waa mid la siiyey hawl-gallada dembiilayaasha WFP (oo ay baaritaan ku waddo UN-tu), hub la gaarsiiyey, tababar dagaalyahaniinta Soomaaliya, oo ay tababaraan tababarayaashooda ajaaniibta ah. Xitaa ciidamada reer Yurub ee EU NAVFOR waxa keliya oo ayagoo waardiyaynaya ay soo galbiyaan maraakiibta sida hubka iyo aalaadaha kale ee militariga ee ku coda ciidamada AMISOM, waxaana arrintaas loo diiwaan geliyaa in maraakiibta baddu ay soo gelibiyeen “mucaawino bini-aadamino”. Waxaana la aamusiyay hay’adaha NGO oo lagu maal-geliyo “daraasad” ay bixiyaan kooxaha sirdoonka, waxaana caawinaada dhabta ay gaartey meeshii ugu hoosaysay laga soo bilaabo dagaalkii ahliga ahaa. Soomaaliya waxaa loo qoondeeyey in lagu hayo ilxumo iyo darxumo (eel) meesha ugu hoosaysa adduunka oo dhan, taas oo lagu qeexo dhimashada aan loo baahnayn: Waxaa la qiyaasay in saacad kasta in guud ahaan adduunka oo dhan ay ku dhintaan1600 qof, oo badankoodu ah carruur, una dhinta cudurro la xiriira maacaluul iyo faqiirnimo, waxaana malaayiin kale la halgamayaan sidii ay u badbaadi lahaayeen ayagoo aan haysan waxyaabaha asaasiga u ah ee nolosha, sida biyo nadiif ah, cunto, hoy, waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Arrintaas (darxumada iyo macaluusha ay adduunka ugu dhintaan dad qiyaas ahaan gaaraya38,400 qof maalin kasta) marka laga hadlayo, kuwa sida xun wax u fiiriya waxay ku andacoodaan in arrintaas loo baahan yahay, si loo xakameeyo ama loo yareeyo kororka tirada bini’aadamka ee adduunka ka badanaya. (Marka la dhuuxo habka is-barbardhigga ah ee qormadu u qoran tahay, waxaa laga fahmi karaa in sababta silica/darxumada loo badayo Soomaalida ay tahay in la yareeyo tirada dadka Soomaalida.) Beenta: Dhammaan Soomaalida ku dhex jirta baddu waa burcad-badeed! Xaqiiqada Jirta: Inkasta oo beesha caalamku si xooggan isugu dayeen in ay ka gudbaan qaanuunka gaboobay ee burcad-badeedka ayagoo cadayn ka dhiganaya “xaalad ama duruuf muuqata” in ay taasi ku filan tahay in burcad-badeeda la dilo ama la xakumo, oo la xiro. Markaas qolyaha habka sharciga ama sida sharciga ka baxsan u ugaarsada burcad-badeedu waxay doonayaan in haddii ay arkaan mar haddii ay jaranjaro kuu saran tahay doon in ay taasi ku filan tahay in la maxkamadeeyo qofkii dontaas watey, laguna oogo dembiga burcad-badeednimo ama in laba khaarijiyo kooxdaas. Laakiin, “sida nolosha dhabta ah” ama xaqiiqada jirta waxay tahay in xeebta 3,300 km oo ku dherersan Soomaaliya – oo ah dalka ugu xeebta dheer Afrika – wax kasta ayaad ku arkeysaa – Wanaagga, Xumaanta, iyo Fool-xumada. Waxaad (xeebta/badda Soomaaliya) ku arkaysaa kalluumaysatada kuwa ugu naxariista badan oo ugu hawl-karsan, oo wax soo saarkoodu halbowle u yahay hab-nololeedka boqolaal-kun oo ah bulshada Soomaalida, waxaad ku arkaysaa shirkadaha safriya ama soo dhoofiya dhammaan alaabta loo baahan yahay laga bilaabo burka ilaa batroolka, waxaad ku arkaysaa kooxo degaanka oo difaacaya aagga xeebta iyo baddooda, waxaad ku arkaysaa malasiyo ah tuugo maafiyo ah oo ay kiraysteen ganacsato cadaawad isu haya si midba kan kale uga weeraro xamuulka ay safrinayaan, xamuulkaas oo noqon kara alaab macduun ah ama mamnuuc ah ama daroogada sharci darada ah iyo hub, waxaad kale oo xeebta Soomaaliya ku arkaysaa kooxaha burcad-badeeda dhabta ah oo weeraraya maraakiibta ganacsiga ee aan wax dembi ah lahayn – kooxdaas burcad badeeda oo lagu suntay in ay yihihiin silsilad caalami ah oo isku xiran oo ugaarsanaya alaabta si ay u helaan lacag madax-fursho farabadan oo degdeg ah, waxaa kale oo xeebaha Soomaaliya lagu arkayaa arrimo intaas aan soo xusnay u dhexeeya oo aan lakala cadayn karin. Xaqiiqadu waxay tahay suurtagal ma aha in qof bannaanka ka yimid (oo shisheeye ah) uu kala saari karo dadka doonyaha saaran ee ku sugan Geeska Afrika. Arrimahaasi waa kuwo sabab looga dhigan karo in la xoojiyo hab maamulka degaanka maxalliga ah ee Soomaaliya si ay u dabagalaan kuwo xum, waxna uga qabtaan fool-xumada, ula macaamilaan wanaagga. Hawshaas hal-bawlaha ah ma ah in loo dhaafo aragtida ciiradu ku jirto ee maraakiibta badda ee shisheeye iyo kuwooda wajiga carada leh. Ayadoo la adeegsanayo caawinaadda beesha calamka marka la kobciyo oo la horumariyo hab-nololeedka bulshada ku dhaqan xeebaha Soomaaliya, markaas burcad-badeedu waxay markale noqon doontaa arrin meesha ka baxda oo laga gudbo! Beenta: Soomaaliya ma leh 200 mayl oo Dhul-badeed ah… Xaqiiqada Jirta: Laga soo bilaabo 1972 beesha caalamku waxay qadarinayeen Xeerka Soomaaliya ee No. 37, xeerkaas oo xagga sharci ahaan la mid ah xeerarka kale ee la aqoonsan yahay ee ay leeyihiin dalalka ay kamid yihiin Benin, Republic of Congo, Ecuador, El Salvador, Liberia iyo Peru, dalakaas oo hore u sheegtay 200nm in uu yahay dhul badeedkooda (Territorial waters) oo ay leeyihiin xuquuq sharicyeedka. Laga soo bilaabo 1989, oo ahayd xilligii 40 dal oo Soomaaliya kamid tahay ay saxiixeen in ay aqbaleen Xeerka Caalamiga ah ee Sharciga Badaha Adduunka (ee loo yaqaan UNCLOS), waxay Soomaaliya lahayd dhul-badeed ku cabiran 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters (Waxaana soo hoos gelaya Aagga Ganacsiga Badda ee Gaarka ah ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone), aaggaas oo leh dhammaan xuquuqda iyo xeerarka guud ee badda ee la siiyey dalalka leh xeebaha. Soomaaliya hore ayey ugu dhawaaqday in ay leedahay xuquuqda iyo difaacidda aagaas, weligeedna arrintaas kama tanaasulin. Laakiin Soomaaliya waxaa asiibay dhaqdhaqaaqyo sharci darro ah oo ay aaggaas ka fulinayaan dalal dano gaar ah ka leh, arrintaas oo ay ka dhiidhiyeen Midowga Afrikaanka (AU oo xilligaas ahaa Ururka Midowga Afrika OAU) kulankoodii ku saabsanaa Maaraynta iyo horumarinta Xeebaha (PACSICOM, Maputo, 1998) oo magaalada Maputo, Mozambique, lagu qabtay 18-25 July 1998. Waxaana kulankaas si khaas ah walaac weyn looga muujiyey sida joogtada ah ee loogu xad-gudbo xuquuqda ay Soomaalidu u leedahay dhul-badeedkeeda iyo aagga Ganacsiga baddeeda (EEZ). Waxaana arrintaas si xooggan uga hadlay Safiirkii Masar mudane Ahmed Hagag oo markaas ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee Ururkii Midowga Afrika (OAU) – oo u xuub siibtey Midowga Afrika (AU) – safiirku waxa uu shirka ka sheegay in ay tahay in la xushmeeyo 200 nm ee aagga EEZ ee Soomaaliya leedahay. Laga soo bilaabo 2009 Soomaaliya waxay leedahay 350 nm oo ah Qalfoofka Qaarada (aagga loo yaqaan Continental Shelf Zone “CSZ”), taas oo ku salaysan in sharciga caalamiga iyo in Soomaaliya ay sheegatay aaggaas oo loo diiwaan geliyey Soomaaliya kaddib markii ay 17 April 2009 u gudbisey Qarammada Midoobay iyo ururka caalamiga ah ee badaha Adduunka ka hor 13 May 2009 oo ahayd xilligii dalalka xeebaha leh loo qabtay in ay soo gudbistaan xogta cabbirka baddooda. Akhbaartaas la gudbiyey waa in loo arko mid ka madax bannaan is-af-garadkii (MOU) aan laga fiirsan ee dhex maray xubno kamid ah Soomaaliya iyo Kenya oo oo ah laba dal oo ay ka dhaxyaso xuduud badeed. Is-afgaradkaas (MOU) waxaa diidey baarlamaanka Soomaaliya, sidaas daraadeed Qaramada Midoobay waxay ka saartay liiska (dukumiintiyada), mana aha heshiis la cuskan karo. Sidaas daraadeed hab sharciyeedka ay Soomaaliya ku sheeganayso Qalfoofka Qaaradda oo fogaanteedu xeebta u jirto 350 nm waa mid tiir adag haysata. In la caddeeyo cabirka qalfoofka qaarada ee ka baxsan 200 nm waa xuquuq ay leeyihiin dalalka xeebaha leh ayadoo la raacayo xeerka caalamiga ah. ECOTERRA Intl. waxay qeexaysaa: “Arrinta aysan dad badani u muuqanin in ay fahmeen ama aysan doonaynayn in ay fahmaan waa in degaanka Soomaalida in ka badan kala bar ay ku yaallaan xeebaa badda Soomaaliya, sidaas daraadeedna ay hal-bowle u tahay hab nololeedka dadka Soomaaliyeed. Laga soo bilaabo 1972 waxay Soomaaliya lahayd dhul-badeed, kaas oo isla cabbirkaasi uu laga soo bilaabo 1989 ahaa Aagga Ganacsiga EEZ – Exclusive Economic Zone (oo ku hoos jira Terrirorial Waters-ka ee uu dhigayo xeerka Soomaaliya ee Law no. 37) kaas oo bedkiisu yahay 825,052 kiiloomitir laba jibbaaran oo ah badda Soomaaliya, waxaa intaas sii dheer 55,895 kiiloomitir oo laba jibbaaran oo ah Qalfoofka Qaaradda ee loo yaqaan CSZ (continental shelf zone), oo ah dhul-badeedka Soomaaliya. Aagga Dhul-badeedka marka lagu daro baaxadda dhulka beriga ah ee Soomaaliya ee hadda oo ah 637,657 km² , waxaa isku darkoodu noqonayaa 1,462,709 km², taas marka lagu sii daro aagga Qalfoofka Qaaradda CSZ waxa dhulka iyo badda Soomaaliyeed noqonayaan 1,518,604 km².Cabbirkaas waxaa ka maqan the 350,102 km² oo ah oo isugu jira: dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato oo qiyaastii ah 200,000 km², Jabuuti oo ah 23,200 km², dhulka ay maamusho Kenya ee NEP oo ah 126,902 km² – oo loo yaqaan NFD. Marka intaas la isku daro waxay baaxadda badda iyo dhulka Soomaaliyeed ka dhigeysaa 1,868,706 km² oo u dhiganta 0.37 % bedka adduunka oo dhan –Bedka adduunka oo dhan waa 510,072,000 km². Xornimada dhulka Soomaaliyeed waxa uu gaarsiisan yahay hawada ka saraysa dhul-badeedka iyo sidoo kale ubucda badda iyo carrada hoosteeda, taas oo hadda gaarsiisan meel xeebta u jirta ilaa 350 nm (mayl-badeed). Dhammaan nafleyda ku dhaqan dhulka iyo badda Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay noolaadaan, waxana shardi ah in la xushmeeyo. Dhulkaas iyo Badda Soomaaliyeed (Somali Sphere ) oo hadda ah 1,518,604 km² – ha ahaado 637,657 km² oo berriga ah (42%) ama 880,947 km² oo ah badda iyo ubucdeeda (58%). (Qeexid: Xuduudda Qaranka/Dalka waxay ku fidsantahay xuduudda Qaaradda, Jasiiradaha, xuduud badeedka, qayb-dhuleedka, hawada sare iyo gabal Qaaradeedka.) Muuqaalka qoraalkani xabaarsan yahay iyo warbixintaasi waxaan rajaynaynaa in ay qof kasta u cadayso (ama wax cad uga dhigto) muhiimadda uu dhul-badeedku u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo qaranka Soomaaliya iyo sababta ay ajaaniib badani ay faraha ula soo geliayaan dhulkaas istaraatiijiyada leh iyo khayraadkiisa dabiiciga ah, sidaaas daraadeedna ay gadaal marinayaan danaha dadka dhulkaas u dhashay, iyaga oo geyaysiinaya dadka Soomaaliyeed faqiirnimo laga argagaxo iyo dagaallo lagu wadayo haddii aysan ka tanaasulin ugu yaraan qayb ka mid ah dhaxalkooda qaranka Soomaalida ee u gaarka ah. i kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la xasuusnaado, inkasta oo kala duwaanaantu ay keeni karto xasilooni, isku dayga in shisheeyaha weerarka ah ay doonayaan inay la wareegaan meel kasta oo dunida korkeeda ah waxa ugu dambaynta cawaaqibkeedu yahay ciribta kuwa weerarka ah,” ayey qortay ECOTERRA Intl. Waxaan halkaas ku joojinayanaa qaybtii 3aad ee Tarjumadii SomaliTalk.com ee qormadii ECOTERRA. FG: Sida ay isku qeexaan “ECOTERRA waa Urur caalami ah oo dhawra bey’adda, una dooda xuquuqul Insaanka, oo xafiisyo ku leh Soomaaliya, Kenya iyo Tanzania. Waxa kale oo ururkaasi la socdaa xaaladda waxyaabaha ku jira bad-weynta Hindiya ee ku dherersan xeebaha Bariga Afrika iyo badda khaliijka Cadan. ECOTERRA waxay ka hawl geleysey Soomaaliya laga soo bilaabo 1986, waxayna si xoogley ula socotaa burcad badeedda.” ISHA: ECOTERRA: Faafin: SomaliTalk.com
-
Koox burcad Koonfur Afrikaan ah Ayaa xalay muwaadin Soomaaliyeed ku dishay dalka koonfur Afrika. Dilka muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay xaafada New Brighton magaalada Port Elizabeth Ee Gobolka Eastern Cape Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Yusuf Mohammed Ibrahim Waxaana La Toogtay isagoo Garigiisa Ku Jira. Ciidamada Booliska ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo goobta baaritaano ka sameeyay. Dalka Koonfur Afrika waxaa ku soo badanaya dilka loogeeysto muwaadiniinta Soomaaliyeed. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Marka kaftanka laga yimaado, loona daadego xaqiqada dhabta ah waxaad ogaaneysa in waayadanba Kiinya ay wadday daan-daansi balse aan inagu is-dabaalis ku maqneyn. Intaanoo dhan Kiinya markay nagu sammeynaysay, ma Ugaalidii beynu u daba marnay? 1) Kiinya wey diidday in dowladdi lagu dhisay dalkeeda ay ciidankeeda ku taageerto, kalana shaqeyso sidii dowladda Soomaaliya ay gacan uga siiso qabashada gobolada koonfureed ee Soomaaliya. Balse, 2011 ayadoo eegayneysa masaalixdeeda gaarka ah iyo hoos u dhicii dalxiiska gobolka xeebta ayay 2011 iyadoonan cidna ka fasax qaadan ay gudaha u gashay Soomaaliya. Hawlgalkaas waxaa la yiraahdaa “Operation Linda Nchi” oo micnaheedu yahay “Hawlgalka Daafaca wadanka.” Kadib soo gelisteeda intii lagula xisaabtami lahaa ayaa AMISOM lagu daray, lacag iyo maamuusna la isu raacshay. 2) Kiinya waxay Soomaaliya maandooriyaha Jaad uga baddelataa lacag adag (Hard Currency) ku dhawaad $120-150 milyan ayaa sanad walba Kenya Soomaaliya uga so xarooda, waxayna lacagtaas bixisaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha in kabadan 3 gobol oo Kiinya ah. 3) Kiinya waxay in ka badan tiro dhawr jeer ah ay diyaaraadaheedu duqeymo ka gaysteen Jubbooyinka iyo Gedo. Xaataa caruuro dugsi dhiganayey, haween iyo dad da’a ah Kiinya wey xasuuqday, waana laga aammusay. 4) Kiinya darbi gudaha ugu jira xadka Soomaaliya ayay ka dhistay xad beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna tacadi isugu jira xarig, burburin hantiyeed iyo dilba isugu dartay Soomaalida deggan nawaaxiga Beled-Xaawo ee gobolka Gedo. 5) Kiinya waxay si bareer ah dhawr jeer u duqeysay, una bur-burisay anteenooyin iyo qalab isgaarsiineed oo ay leedahay Shirkadda Hormuud. 6) Dowladdeennu waxay ka gaabisay iney kula xisaabtanto AMISOM, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO’ska iyo hay’adaha caalamiga in mudnaanta koowaad ay siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la’aantu ay Dalka ku heyso, iyagoo weliba heer jaamacadeed ah. Balse, taas baddelkeeda waxay Kiinyaanku noqdeen shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeysta XALANE. Shaqo Soomaali qaban karo maxaa Kiinyaan uso arkay? 7) Ayaan darada ugu weyn waxaa waaye in ruuxa Soomaaliga ah ee dalbanaya fiisada ama dal ku galka Kiinya uu ku bixiyo wakhti, lacag iyo juhdi aad u farobadan, halka Kiinyaanku dal ku galka Soomaaliya ay ku helaan, mirirro, daqiiqado ama saacado wax ka yar. 8) Sidoo kale, in shalay Kiinya ay xeebaheena shidaal sahmin ka sammeyso, maantana ay inaga nagu colaadiso maxaad uso bandhigteen khayraadkiina waa ayaan darro aad u weyn runtii una baahan jawaab aad u qalafsan. Ugu dambeyn, Kiinya wa dal aan deris nahay, waxbadana ay isaga kaaya xiran yihiin. Sida, ciidankooda oo ka tirsan hawlgalka AMISOM, kumanaan Qaxooti iyo ganacsato Soomaaliya oo ku sugan dalkooda iyo dad Soomaali ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Kiinya, siyaasiyiintooduna saammeyn ku leeyihiin siyaasadda gobolka. Haddaba, waa muhiim anagoo xeerineyna dhammaan arimahaas inaan Kiinya ula garnaqsanno, ulana xisaabtanno si adag o ka turjumeysa qab Soomaalinimo oo degdeg, il-duuf iyo saxarba laga hubiyay. W/Q: Abdiqafar Shire
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya ayaa mushaharka laga joojiyey muddo bil, oo ah bisha Febraayo 2019, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online. Shaqaalahan oo gaaraya illaa 30, ayaa waxaa lagu eedeeyey inay muddo 16 maalmood ah shaqeyn oo ay ka maqnaayeen shaqooyinkooda, sidaas darteed aysan wax xuquuq ah u lahayn inay qaataan mushahar bil. Tallaabadan ayaa waxaa qaaday guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka, waxaana ay ka dambeysay kadib markii guddiga anshaxa, kormeerka iyo abaalmarinta oo baaritaan ku sameeyey shaqaalahan, ayaga oo tagay xarunta wasaaradda. Warqadda mushaharka looga ganaxaaay muddo bil ah oo uu saxiixay guddoomiyaha guddiga, ayaa waxaa loo diray wasiirka macdanta iyo batroolka Soomaaliya. Hoos ka aqriso magacyada iyo warqadda ganaaxa.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Caaqil San yare oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa sheegay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ee ahaa in misaaniyadda ku darsadeen gobollada Sool iyo Sanaag ay tahay hadal siyaasadeed aan runta looga sheegeyn xaaladda gobolladaasi. Waxa uu sheegay in gobollada uu sheegay Dani iney maamusho Somaliland, islamarkaana ka waxgarad ahaan ay la yaabeen markii ay maqleen hadalkaasi. “Anigu hadalkaasi waxaan u arkaa mid siyaasadeed, waxa uu la mid yahay kuwii ay dhihi jireen madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, wuxuu miisaaniyad u sameysan karaa meel uu maamulo, laakiinse waa wax riyo ah in meel aanu ka talin uu miisaaniyad u sameeyo” ayuu yiri Caaqil San yare. Dhanka kale, Caaqil San yare ayaa sheegay in Puntland aanay jirin cid awood uga soo saartay gobollada Sool iyo Sanaag, balse ay iyada un si iskeeda ah isaga soo baxday. Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa dhowaan ka hor sheegay baarlamaanka Puntland in gobollada Sool iyo Sanag lagu soo daray miisaaniyadda maamulkooda ee sanadkan, isaga oo dhanka kale sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan deegaannada gacantooda ka maqan. Caasimada Online Xafiiska Laascaanood Caasimada@live.com
-
Hordhac Waxaa soo muuqanaysa xaalad kala duruqsanaan taas oo u dhaxaysa booliska iyo bulshada Somaliland waxaana booliska lagu eedaynayaa cabudhin iyo xad-gudubyo sharciga baal marsan cabudhintaas oo uu u xidhan yahay Hal-Abuur Cabdiraxmaan Abees . Si kastaba ha noqotee xidhiidhka iyo wadashaqeynta u muuqata mid sii xuub siibanaysa ayaan Qaranka faa,ido ugu jirin marka laga eego dhanka Amniga. Qormadan ayaan ku falanqeyn doonaa xalka iyo maare waara kaas oo soo nooleeya sharaftii booliska. Sidoo kale waxaan diirada saari doonaa baahida loo qabo Guddi madax banaan kuwaas oo la xisaabtana saraakiisha booliska sidoo kalana meesha ka saaraya ku takri falka sharafka iyo awooda booliska qaranka QARANKEENU MA U BAAHAN YAHAY EXTERNAL AUDIT POLICE (EAP) Si looga gudbo caqabadaha maanta jira ee keensan kara dib u dhaca amni loona helo xal iyo maare waara loona muujiyo sareynta sharciga ayaa ah in la hirgaliyo saaxad isla xisaabtan taas oo lagula xisaabtamayo saraakiisha booliska lana dabagalayo sifaha xadhig bilaabasho ilaa inta laga gaynayo maxkabada .xalkaas ayaa noqonaya in la helo Guddi loo xil saaro shaqadaa kuwaas oo ah External Audit Police . Guddigan la dagaalamaya ku takri falka awooda iyo sharafka ilaaliyayaasha iyo adeegayaasha Qaranka waxaase muhiim ah si looga hortago kala fogaanshiyaha booliska iyo bulshada waa inay dhinac socotaa isla xisaabtanka barnaamijka ah Community Policing ( Booliseynta Bulshada ) FAA,IDADA EXTERNAL AUDIT POLICE Faa,idooyinka Auditkan ayaa ah kuwo amniga iyo wada jirka umada ilaalinaysa faaidooyinkaa ayaa ah :- In la abuuro saaxad isla xisaabtan In meesha laga saaro ficilada sharci jabineed In Sarkaal kaste garto awoodiisa dhabta ah kana fogaado tacadi kasta Inoo ixtiraamo sharciga iyo wada jirka umada Inuu meesha ka saaro musuqa wakhtiga Inuu meesha ka saaro laaluusha Contact E-mail: Jacobhassam@gmail.com Tell: +252-63-480-7177 Borama. Awdal, Somaliland Qaran News
-
Somalia has denied auctioning Kenya’s potential maritime zones that are in dispute at the International Court of Justice, The country’s Foreign Ministry said in a statement on Sunday night that it is ready and willing to cooperate with Kenya in finding an amicable solution to the crisis that has caused a diplomatic tiff between the two countries. “Somalia is not now offering, nor does it have any plans to offer, any blocks in the disputed maritime area until the parties’ maritime boundary is decided by the ICJ,” the statement said. Kenya has already recalled Ambassador Lucas Tumbo and sent away Somalia’s ambassador back home for consultations. The Somalia government however, said “it regrets Kenya’s decision to instruct her ambassador to depart Kenya without prior consultation.” Foreign Affairs Principal Secretary Macharia Kamau said the decision was taken after Somalia unilaterally auctioned off oil and gas blocks in contested maritime zones in the Indian Ocean. With the denial, Somalia has now said it is “committed to continuing to work hard in close cooperation with its brothers and sisters in Kenya to address pressing issues confronting both nations and the region.” On Saturday, Kenya termed the decision by Somalia to auction the disputed maritime blocks as “unparalleled affront” and vowed that the “illegal grab” will not go unanswered. “This outrageous and provocative auction deserves and will be met with a unanimous and resounding rejection by all Kenyans as well as all people of goodwill who believe in the maintenance of international law and order and the peaceful and legal resolution of disputes,” PS Kamau said in a statement. According to Nairobi, Somalia auctioned the contentious blocks to the “highest predatory” bidders from the United Kingdom, Northern Ireland and Norway after a map showing the area in question belonging to Somalia was shown at a London conference. Kamau said Nairobi protested by sending an official diplomatic protest letter (demarches) to the Ambassador of Somalia in Kenya with a copy sent to Ambassador Tumbo for onward forwarding to the Government of Somalia. “It is, therefore, most regretful that the Government of Kenya has now arrived at the conclusion that its protest and demands that Kenya sovereignty and territorial integrity be respected, have been ignored.” “The Government of Kenya cannot and will not standby as its demarches are ignored and its territorial integrity is infringed upon and its sovereign resources are carved out and shared out by an ungracious and unbrotherly neighbour acting to satisfy the greed of commercial interest resident in foreign land.” There was a sense of betrayal in the statement with Nairobi reminding Mogadishu how Kenya has stood by the troubled neighbour by sending its armed forces to support Somali’s army to fight Al Shabaab. The post “We’ve not sold Kenya oil blocks,” says Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Barnaamijka Qubnaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood Hargeisa Somaliland Republic. Jamhuuriyadda Somaliland Waa Inay Ka Faaidaysataa Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Wadan Jira Oo Nidaamkii Dawladeed Leh Iyo Wadan Aan Jirin Muddo 28 Sano Ah, Oo Aanay Ka Jirin Nidaam Dawladeed, Kala Dambayn, Wadanka Jira Waa Kenya , Wadanka Aan Jirina Waa Wadanka La Midoobay Ethiopia Itoobiya, Ee Wakhtigii Madaxwaynihii Hore Xasan Shiikh Maxamuud Wadanku Ahaa Soomaaliya!. Xukuumadda Somaliland Waa Inay Sida Ugu Dhaqsaha Badan Wefti Ugu Dirto Kenya Si Ay U Xoojiyaan Xidhiidhka Labada Wadan, Somaliland Iyo Kenya, Oo Ay Iska Kaashadaan Dhinaca Caafimaadka, Waxbarashadda, Beeraha, Ganacsiga, Iyo Sidii Kenya Ugu Dhiiran Lahayd Ama Ay Ugu Dhawaaqi Lahayd Aqoonsiga Somaliland Insha Allaah, Nabadgelyadda Kenya Iyo Wadamadda Afrika Waxay Ku Xidhan Tahay Somaliland Oo La Aqoonsado, Si Wadankasta Oo Afrika Ahi Oo Ciidamo Ka Joogaan Soomaaliya Ay Ciidamadooda Ugala Baxaan Si Ay Wadankooda U ILaaliyaan Xuduudihiisa Iyo Nabadgelyaddiisa!, Wadamadda Afrikana Ay U Noqdaan Wadamo Ku Tartama Dhinaca Siyaasada, Wax Soo Saarka, Dib U Dhiska Wadanka, Caafimaadka, Waxbarashadda, Biyaha, Isgaadhsiinta, Laydhka, Ciidamadda Iyo Dhaqaalaha!!!!, Shacabwaynaha Soomaaliya Iyo Shacabwaynaha Somaliland Isma Haystaan Oo Cadaawad Iyo Colaad Xumi Kama Dhaxayso Balse Shacabwaynaha Somaliland Waxaa Cadaawad Iyo Colaad Xumi Ka Dhaxaysaa Kuwa Masuuliyiinta Soomaaliya Sheegayana Ee Sida Xoolaha U Ciyaya Ee Cadaawada Iyo Colaada U Muujinaya Wadan Ay Midoobeen 1 Julay 1960, Oo Xoriyaddiisii Awood Milateri Ku Soo Ceshaday Caalamkana Muddo 28 Sano Ah Ka Raadinayey Aqoonsi Buuxa Oo Caalamiya, Inkastoo Caalamku Somaliland Ula Macaamilo Sidii Wadan La Aqoonsan Yahay!, Xukuumadda Uu Gadh Wadeenka Ka Yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi Waa Inuu Talo Qaran Isugu Yeedho Dhamaan Sadexda Xisbi, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta Rug Cadaaga Ah Oo La Sameeyo Wefti Culus Oo Miisaankiisa Leh Oo Isku Dhafa Oo Loo Diro Wadanka Kenya Si Looga Faa’idaysto Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Wadanka Kenya Ee Aynu Leenahay Xidhiidh Soo Jireena Oo Ka Bilaabmaya 1900 ILaa 2019 Waa Sanado Badan Oo Laga Joogo 119 Sano, Gudidaas Isku Dhafka Ahi Waa Inay Garaacaan Albaabkasta Oo Wadan Leeyahay Ama Safaaradkasta Oo Wadan Leeyahay Gudidaas Oo La Jaanqaadaya Ama Wada Shaqayni Ka Dhaxayso Safiiro Miisaan Leh Oo Madaxwayne Muuse Biixi Magacaabo Oo Albaabkasta Oo Wadan Leeyahay Garaacaya Sida Ambassador Baashe Cawil Oo La Odhan Karo Waa Shaqsiga Koowaad Ee Ka Daacada Ah Safiirada Somaliland Caalamka Ku Leedahay Oo Wadankasta Oo Uu Safiir Ka Noqdo Somaliland Indhaha Caalamka U Soo Jeediya Waana Shaqsi Ay Mudan Tahay Safiirada Kale Ee Caalamka Ka Hawlgala Ama Safiirada Kale Ee La Magacaabi Doono Ay Wada Baashe Cawil Wada Noqdaan Insha Allaah, Madaxwayne Muuse Biixi Haddii Uu La Yimaado Siyaasad Cad Oo Furfuran Oo Miisaankeeda Leh Iyo Isku Shaandhayn Miisaankeeda Leh Oo Beelaha Darafyada La Siiyo Tobanka Wasaaradood Ee Ugu Mihiimsan Sida:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Loo Magacaabo Professor Cali Cabdi Ciise. Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Awdal Clan-Jibriil Yoonis). Wasaaradda Maaliyadda (East Sanaag Clan) Wasaaradda Qorshaynta (Awdal Clan) Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Iyo Kaluumaysiga(East Sanaag Clan). Wasaaradda Beeraha(Awdal Clan). Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyi gelinta (Sool clan). Wasaaradda Biyaha(Sool clan). Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha(Gabooye). Wasaaradda Caafimaadka( Ciise). Gudoomiyaha Guurtida(Awdal Clan). Gudoomiyaha Maxkamadda Sare(East Sanaag Clan). Taliyaha Milateriga(Sool clan). Taliyaha Booliska(Awdal Clan). Beelaha Darafyadda Laga Siiyo Saamiyo Badan Oo Dhinaca Safiirada, Shaqaalaha, Saraakiisha Ciidamadda Iyo Sidii Deegaamadooda Wax Looga Qaban Lahaa Asaaska Bulshadda. ahmedsakatouri@hotmail.com Source
-
Waxa uu yidhi ruug cadaagii mu-alifkii abwaankii weynaa ee XASAN X. CABILLAHI XASAN GENAY. “Anigoo Heeganka ku qoran xarunta ciidanka ee MIISKA SARAAKIISHA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa xeradii soo gashay gabadh waxana ay la istaagtay nin ka mida ciidanka meesha ku sugnaa oo ay wada hadal bilaabeen iyagoo hadal kii wada ayaa uu ninkii mar kaliya bahal dhibaxo ah kaga soo gooyey inantii mise haddana ku dhuftay mid kale qof walbaaba yaab la joojiyey wixii uu gacanta ku hayey, sarkaal aan meesha ka fogeyn ayaa kusoo dhaqaaqay oo askarigii dhibaaxo ku bilaabay. Intaa ka dib inantii oo ooyaysa ayaa ninkii isku duubtay oo tidhi “Alla walaal ka daa tiisu waxba ima yeelaysee”. Wuxuu yidhi XASAN Ganey “aadbaan ula yaabay arinkaa gabadha iyo askariga dhexmartay iyo inta uu leegyahay iyo halka uu ninku ka joogo maadaama uu dhibaaxo la dhacay meel la wadda arkaayo iyadoo gabadh soomaaliyeeda iyo sida ay iyadu boholyowga , kalgacalkeedu yahay iyadoo uu u quudhay inuu ku dhirbaaxo dad hortii ku dhufto haddana iyadu way ka xanuunsatay oo ay ka damqatay dhirbaaxada isaga la gu dhuftay”. Taasina waxay abwaanka isla goobtii kusoo dedejisay maankiisii miida malabka suugaantu kasoo dhibiq-tifi jirtey maansada nuuxnuuxsi oo ka hadlaysa qofka wax jeceli inuu marwalba daranyahay haduu ka kale necebyahay xataa. Qofkaasina aanu nacas ahayn lkn uu la darsey wax awoodiisa ka weyn oo aanu xukumi karin oo ah boholyow caashaqa oo wax aanu qofku iska yeelyeelin. Nafta jecel qofkii neceb Nolosheeda kama talin Ogow nacasna maahee Halka uu naxligu galo Hadduu nabarka caashaqu Ku nagaado oo dego Nudaygana uu ka hantiyo Niyaddaa mid kaliyoo Ma taqaan noqnoqoshee Anna adoo nitaakh iyo Nuuxnuuxsi mooyee Iga jaray naruurada Waxaan kuugu nabanahay Qalbigaad nuglaysiyo Wadnahaa i naafo ah Nafta jecel qofkow nixin Naaneys xumaantiyo Neef diidka aragtaye Waxay nabadda ula tahay Kol hadday ku noogaan Kuwa xumaha naadshaa Xiskuna kaa nayaayiro Niyaddaa mid kaliyoo Ma taqaan noqnoqoshee Anna adoo nitaakh iyo Nuuxnuuxsi mooyee Iga jaray naruurada Waxaan kuugu nabanahay Qalbigaad nuglaysiyo Wadnahaa i naafo ah Xuquuqda qoraalku waxay u reeban tahay qoraaga W/Q Cabdi Cawiye Phone 063-411577 Facebook Cabdi Caawiye Ismail GUNTI-GAAB Source
-
Faanka iyo alalagta hoosta ka qalaalan, wax aan sal iyo raad lahayn, oo aanay sakaaro ka biirsan buun-buunin-teedda, janaan idin gelinayaa, iyo beelo baa inoo wadda Somaliya, durbaan-beenaad ummadda loo garaaco, siddii wakhtiggii Af-weyne ee gola-yaasha dad-weynaha, khudbadaha dhalan-teedka ah looga akhriyi jirey, guubaabadii ma jaro habaabinta ahayd ee la odhan ku heesta bulshooy ” Hugunku-waa-hugunku waa hayaankii bulshadad cusub” iyo wax ka sii daran lagu maaweelin jirey baa taagan, oo ah aabahood ( Waa af-weyne’e) ay askar-tani ka dhaxashay, (IHN) waa kuu uu lahaa Abwaan Qasim ” Markii taladda habar saar leh iyo sebiyo loo dhiibay, baa saanca-daaliyo nin raggi, sibiq-dhaqaaqeene, waa wadda socdaaleen, raggii soocanka ahaaye. naagaha surwaalka lihi masharad, ha u safnaa-deene, sabaaladda ha moodeen, in loo sahanshay meel roone.”. Waxan uga socdaa dadkii dalkan u soo dhintay-na debedda bay ka joogaan, dumar, duul aan meela u soo marin iyo laba askari oo khiyaali ku nool, baa meesha ka sacab tumaaya, meel kastana albaabadda baa loo xidhay, meel habeenkaa caawa ah, dalkii ka sii qiiqaysaa ma jirto gude iyo debed-ba, Handaraabka baa loo jiiday. (a) Idaacaddii qaranka ( Hadeer ah idaacadda Xafadeed), Laba bilood dabadeed, markii xukunka ay af-duubeen askartu, ee Cabdiraxmaan ( Hablo Caaye) Wasiirka war-faafinta iyo dhanka loo maqaar saaray, buu hantiddii ay ku shaqay-naysay uu is daba mariyey, way fadhidaa ilaa hadda, mana jiro shaqaale, mushahar-koodiina C/raxmaan baa jeebka bil walba ku shubta, mamnuucaysa xoriyatul-qawlka, ilayn quraaradda buu la caqli yahaye. (b) Jariira-dahii dalka ka soo bixi jirey sidda Foore, handraabka baa lagu dhejiyey, calaa-shaan wax bay naga sheegtay, oo way na kashiftay. (c) Ma jirto Lacag Somaliland leedahay oo dalka gudihiisa laga isticmaalaa, siddii aynu nahay degmo Maraykanka ka mid ah, baa doolar-koodda dalka lagu sii sabaa, wax meel u yaala ummadda saboolka ah haba sheegin. Kii aan ku xidhnayn debedda ee aan laga soo caawin aabihii goblan. Handaraab baa lagu yuururiyey Lacagtii Somaliland, ee (IHN) uu inoo sameeyey Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal, si aanay u ceeshin inta aan ku ab-tirsanin askariga meesha ka calan-wa-laynayaa. (c) Waxa iyana laga qufulay meheradihii ay ku meermeera-yeen ganacsatadii yar-yaarayd, oo malaayiin baa albaabadu u xidhmeen, markii ay wax waliba cirka isku shareereen, ee cidi u soo geli wayday,ilayn ma goyn karaane, wixii yaraa ee meesha yaalay-na, ay in gaar ahi jeebka ku shubatay. (d) Wasaaradda Arimaha debedda ay ku sheegaan, iyana waa fadhiid, aduunka way ka handaraaban tahay, safaradaha wixii ay odhan jireen, meesha way ka baxeen, oo way soo xidhmeen, wax kale daayo kiraddii bay iska bixin kari la’yihiin, oo qaar ilaa hadda loo haystaa kuwii yidhaahaan safiiro, waxana lagu amray in ay gurya-hoodda ku shaqeeyaan, ilayn kharash looma hayoo waa maamul kacaye. Soo ururi oo akhristaw, ugu dambayn, waa kuwii iyaku kala hadlaayey, ee mar ay wax qirtaan iyo mar ay hadana dafiraan noqday, oo yidhaahaan sidaa umaanu jeedin, markay meel ay ka baxaan waayeen, ee ay jiho kastaa daaha soo rogatay, shilin la soo furan waayey, caalamkii yidhi, kuma kalsoonin sidda aad wax u maamushaan, ee Somaliya baan idiin soo mari-naynaa. Badhisaab mareexaan ee muqdiso ( waa farmaajo’e iyo ka murursade ee ay yidhaahaan waa ra’isal wasaare), baa meel walba naga soo xidhay, waa kuwii shirarka ka akhriyaayey askarigu, markay laantuu qabsa-daaba ay la jabtay. Waxa xaal-koodu imika ku sugan yahay, heestii ay wadda qaydi jireen( Ilaah ha u naxariisto’e Xasan diiriye iyo sahra ahmed, taas oo ay ereya-deedda ka mid ahaayeen ” Bad baan galay iyo Baaxad sooroo waa aniga is boobe” iyo (IHN) tii salaad derbi ee iyaduna ahayd ” Mayey xoog-laa I muquurshoo, mijihii baan meel la waayee”. waxan ku soo duuduubay qoraalkan, Ha ka saarto cuqdadda boga iyo beerka googoysay, waa cudur aan aduunka dawadiisa lagu hayne, Hadeer bay la dhalan-doolayaan yaa idinka maareeya, kolkii ay adhaxdda kala jebiyeen Somaliland. N.B Mayey Xoog-Laa I Muquurshoo, Mijihii Baan Meel La Waayee! Qore:- Abdi-Shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
-
Somalia has denied allegations of auctioning off neighboring Kenya’s oil and gas blocks amidst a simmering diplomatic tiff between the two countries. The denial comes barely a day after Kenya summoned its ambassador to Somalia while expelling the Somalia envoy. In a statement issued on Sunday following a meeting chaired by President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, Somalia regretted that Kenya expelled the ambassador without consulting it. Somalia’s response was to Kenya’s communication on February 8 on maritime zones presented at the Somalia Oil and Gas Conference on February 7 in London. The horn of Africa nation on Sunday denied that the maps were illegal. “The maps in question depict Somalia’s claimed maritime zones and are entirely consistent with Somalia’s long-standing position, including its claim in the maritime delimitation case with Kenya, currently before the International Court of Justice,” reads a statement from Somalia’s Foreign Affairs ministry. The ministry noted that its position reflected its duty to protect its “sovereignty, political independence, territorial integrity and unity”. Regarding allegations that its auctioned oil and gas blocks in Kenya’s maritime territorial area that borders it, the Somalia ministry said it was not doing so and that it did not have any such plans. “Somalia is not now offering, not does it have any plans to offer, any blocks in the disputed maritime area until the parties’ boundary is decided by the ICJ,” the statement said. Somalia promised Kenya that it will not engage in any activities in the areas under dispute until the ICJ delivers its judgment. And even when it does, the ministry said, “Somalia will fully respect the decision and comply”. Regarding the two countries’ people, Somalia noted that they are “indissolubly interconnected” and that they share strong cultural and historial ties, ties which it said it did not want broken. Somalia, troubled by instability and the activities by terror group Al-Shabaab, said it will continue to cooperate with its neighbours in addressing their problems and those the region is facing. SOURCE: CGTN AFRICA
-
Wasaaradda Waxbarashada & Hay’adda Qurbajoogga oo si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose/dhexe Jaalliyadda Somaliland ee Maraykanku maalgelinayaan Wasaaradda Waxbarashada & Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha dugsi hoose/dhexe sideed fasal ah oo Jaalliyadda Somaliland ee dalka Maraykanku soo maalgelinayaan dhismihiisa deegaanka loo yaqaanno Oromada ee Galbeedka Hargeysa. Munaasibadda dhagax dhigga oo lagu qabtay isla goobta laga dhisi doono dugsigaas ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed Furreh, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar), Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodijeex, Mudane Xuseen Cabdi (Xuseen-Dheere), Agaasimaha Kormeerka Guud ee Waxbarashada, Mudane Xasan Cabdillaahi Rooble (Xasan Qaxar), Madaxa Tirakoobka Waxbarashada, Marwo Ubax Maxamed Ducaale, iyo saraakiil kale oo ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Debadda, Xubno ka mid ah Gudida Bulshada Deegaankaas, xubno ka mid ah Qurbajoogga Jaalliyadaha Somaliland ee dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Imaaraatka ee dalkooda ku soo noqday, boqolaal ka mid ah carruurta ayniga dugsiga gaadhay ee aan badankoodu waxbarasho ku haysan immika deegaankooda, macalimiin, madhax-dhaqameed, haween iyo marti sharaf kale oo badan oo bulshada deegaanka ka tirsan. Waxa ugu horrayn ka hadlay xafladda dhagax dhiga Guddoomiyaha Bulshada deegaankaas Mudane Maxamed Xasan iyo Kosaar Cabdi Cadduur oo ka mid ahaa gudida bulshada kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda bulshada gaar ahaan la’aanta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah ee waxbarasho dhamaystiran iyo gargaarka caafimaadku ugu horreeyaan oo aanay bulshadoodu labada haysan oo deegaan ballaadhan oo illaa 500 qoys ku dhaqan yihiin. Xubnaha gudida ayaa dhinaca kale uga mahad celiyay Qurbajoogga Somaliland ee dalka Maraykanka ee ka damqaday baahidooda, kana aqbalay codsiga ay u gudbiyeen ee ah in loo dhiso dugsi hoose/dhexe ku filan carruurta deegaanka oo dabooli kara baahidooda xagga waxbarashada aas’aasiga ah ee marxaladda hoose/dhexe. Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi ayaa oo ka hadlay xafladda dhagax dhigga ayaa ugu horrayn uga mahad celiyay bulshada deegaanka ee gartay nay ilaashadaan dhulkooda danta guud, go’aansadaanna in looga dhiso dugsi waxbarasho ubadkoodu waxku bartaan, mahadnaq iyo bogaadinna u gudbiyay gudiyada, ururada iyo xubnaha bulshada jaalliyadda Somaliland ee ka aqbalay Hay’adda Qurbajoogga inay soo fuliyaan waxqabadkan oo uu ku tilmaamay inay wax uga qabanayaan si hee qaan ah oo gudiyada iyo xubnaha firfircoon ee u guntaday waxqabad yihiin dad ka soo kala jeeda gobollada Somaliland kuna midaysan magaca Somaliland iyo waxtarka danta umadooda Somaliland. “Waxa aan u mahad celinayaa Jaalliyadda Somaliland ee Maraykanka ee kadib codsigaas nooga yimi bulshada deegaanka ee aan u gudbinnay naga aqbalay inay dugsigan soo dhisaan, waan ku bogaadinayaa, waxanan ku dhiirrigelinayaa inay ka dhabeeyaan ballanqaas ay bulshada u qaadeen ee lagu dhagax dhiga dugsigan maanta, waana mid tusaale fiican u noqonaysa sidaas heerka qaran ah ee ay usoo maalgelinayaan mashruucaas inay jaalliyadaha kalena kaga daydaan. Ka sokow maalgashiga ay dalka ka gaystaan, waxa kale oo aan ugu mahad celinayaa qurbajoog badan taageerada iyo doorka ay qaateen adeegyo waxbarasho iyo baahiyo aas’aasi ah heerkasta iyo qaabkasta oo iskaashigoodu ku yimiba, waxanan doonaynaa inaan sii kordhinno oo fulinno Mashruuca Qurbajoog Waxqabad Qaran oo ugu yaraan hal baahi gobol walba lixda gobol ee waaweyn ee dalka Jaalliyaddu soo qabtaan, waxyarba ha noqdee. Waxa aannu u qorshaynay baahiyo kala duwan oo adeegyada bulshada ah oo lixda gobolka ka jira jaalliyadaha Somaliland ee wadamo kala duwan inay sannadkan waxka soo qabtaan,” ayaa ka mid ahaa hadalkii Guddoomiyaha. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed Furreh oo ugu horrayn uga mahad celiyay Jaalliyadda Somalialnd ee dalka Maraykanka taageeradooda waxqabad ee dhismaha dugsigan la dhagax dhigay, isla markaana hadallo guubaabo iyo dhirrigelin ah usoo jeediyay guud ahaan Qurbajoogga Somaliland isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in Qurbajooggu iskaashadaan oo dhaqaale isku daraan si ay maalgashiyo buuran dalka ugu sameeyaan, shaqo abuurna bulshada ugu sameeyaan, sidoo kalena, kordhiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta adeegyada bulshada ee aas’aasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha oo ah qaabka ay Qurbajoog wadamo badani uga qaybgalaan dhsmaha iyo horumarka dalkooda ayuu yidhi. Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska ee Gobolka Maroodijex, Mudane Xuseen Dheere ayaa isaguna khudbad guubaabo, dhiirrigelin iyo canaanba isugu jirta u jeediyay bulshada deegaanka isagoo u sheegay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka inay iyaga masuuliyadda koowaad ee waxbarashada ubadkoodu saarantahay oo looga baahan yahay inaanay ka daalin inay u hadlaan oo albaab walba u garaacaan sidii ay uga bixi lahaaayeen baahiyaha xagga waxbarashada. Sida Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajooggu ka akhriyay xafladdan dhagax dhigga dhismaha dugsiga, waxa soo maalgelinaya mashruucan bulshooyinka Jaalliyadda Somaliland ee gobollada dalka Maraykanka kuwaasoo uu Guddoomiye Dayaxweerar tilmaamay in xubnaha, gudiyada iyo/ama ururada Qurbajoogga ee hormoodka u ah dhaqaale ururintaas sidan hoos ku sheegan:- Diaspora Community Organization Focal Points Somaliland Community of Greater Washington DC Jamal Yuusuf Daroor (Chairperson) Samia Abdulle Walanwal Kaltun Hussein Essa Fuaad Hassan Fahiima Aar Somaliland Community of Minnesota Ismail Jama Ahmed, Sandheere (Chairperson) Mustafe Nour Saeed Abdirahman Adam Abwaan Abdiqani Haji October North America Somali Women Association (NASWA) Anab Mohamud Ali (Chairperson) Press Statement Issued by Somaliland Diaspora Agency, Hargeisa, Republic of Somaliland Qaran News
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. The post Dowlada soomaaliya oo war ka soo saartay go’aankii Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal rasmi ah, oo ay uga jawaabeyso go’aankii dowladda Kenya, kaasi oo loogu talo-galay shacabka iyo warbaahinta. Qoraal goor-dhow ay baahisay warbaahinta, oo ay Caasimada Online ku jirto, islamarkaana kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa la sheegay inuu ahaa qoraal loogu talo-galay dowladda Kenya oo kaliya, balse ay dusisay. Hoos ka aqriso qoraalka cusub ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya. WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. Dhammaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo 2019, waxay caddeyneysaa: 1. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa in ay u taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, qarannimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 2. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay warsaxaafadeedka aan xaqqiiqda kunsalaysnan ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, kuna amartay danjiraha Soomaaliya ee Kenya in uu wada tashi ugu laabto Soomaaliya, sidoo kalena wada tashi ugu yeertay danjiraheeda. War saxaafaddksaas oo ay ku jireen qodobo meel ka dhac weyn ku ah dowladnimada, sharafka, iyo deris-wanaagga ka dhaxeeya labada shacab. 3. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeyneysaa in khariidadda shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhigay shirkii London ay ku muujineysay badda Soomaaliya, islamarkaasna aysan jirin wax xirmooyin (Blocks) ah oo la xaraashay. 4. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay xaqnimada dacwadda ay u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, waxayna aaminsan tahay in ay maxkamaddu u qaadi doonto dacwadaas si xaq ah. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqeysaa in laga war dhowro go’aanka Maxkamadda. 5. Dowladda Soomaaliya iyada oo mareysa wadiiqooyinka diblamaasiyadeed ee caalamiga ah waxay dowladda Kenya la wadaagtay qoraal rasmi oo ay uga falcelineyso war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaraddeeda Arrimaha Dibadda. 6. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xusuusan tahay kaalintii wanaagsaneyd ee ay Dowladda Kenya ku garab istaagtay Soomaaliya. 7. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celineysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo muujiyay midnimo iyo waddaniyad, taageerana la garab istaagay dowladdooda. The post DF Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii ka soo baxay Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Rita’s) Raysal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Abdulrahman bin Abdulmohsen Al-Fadley. Kulanka ay yeesheen wadfiga uu hoggaaminayo Raysal Wasaare ku-xigeenka iyo wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha boqortooyada Sucuudiga ayaa looga hadlay qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynayo suuqyada dalka Sucuudiga. Raysal Wasaar ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadaer), iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Sucuudi Carabiya oo kamid ah dalalka xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah uu kala dhexeeyo Soomaaliya. Source
-
(SLT-Nairobi) Xoghaya Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay inaysan dowladda Kenya dalkeeda ka eryin safiirkii Soomaaliya Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan) isagoo sixitaan ku sameeyay sida tallaabadii Kenya Warbaahinta u bahisay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Danjire Macharia Kamau oo ahaa masuulkii u yeeray Danjire Tarsan ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin Safiirkii Somalia, wuxuuna yidhi: &Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan.. Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegay inaysan Kenya ku faraxsaneyn sida dowladda Somalia u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, sida uu yiri. Waxaa muuqata isbedel weyn oo Kenya ku yimid ku dhowaad 24 saacadood markii uu soo baxay go’aankeedii la yaabka lahaa ee ay dowladda Somalia ugu yeeray caddow ay leedahay. Source
-
Xilwareejin, Wasaaradda Caafimaadka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa maanta xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub Jaamac Faarax Xasan. Xil wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddi Madaxweyne Deni magacaabay, Agaasimayaasha Wasaaradda iyo shaqaalaha xarunta dhexe ayaa Wasiir Cuuke ku wareejiyay Wasiirka cusub lacag deyn ah oo ka maqan qaar kamid shaqaalaha. Wasiirkii hore ee Caafimaadka Puntland Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in lacag dhan 2.1 milyan doolar oo mushaar ah ka maqan yahay 785 shaqaale oo mushaari ka ah dowladda, sidoo kale Cuuke ayaa sheegay in khasnadda Wasaaradda ay ku jirto lacag mushaar ah oo dhan $781,045.08 iyo Sh. So. 117,847,000. Cabdinaasir Cuuke ayaa faahfaahin dheer ka xibin, sababta lacagta intaas le’eg ay uga maqan tahay qaar kamid ah shaqaalihii Wasaaradiisa. Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa warbaahinta PUNTLAND POST, u sheegay in mushaar dowladeed ay ugu dambeysay bishii labaad ee sanadkii 2016. Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa kaba hay’addo ay kamid yihiin UNICEF, Save The Children, World Vision iyo GIZ, kuwaas oo si joogto ah u siiya mushaarooyin. Cabdinasir Cismaan Cuuke ayaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasiir ka ahaa muddo 4 sano ah. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore Caafimaadka Puntland oo deyn wareejiyay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors