Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,411
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kampala (SMN) – Taliyaha ciidamada lugta ee dalka Uganda General Peter Elwelu oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay deegaano dhowr ah oo ay ka howl galAan ciidamada Uganda oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM Mr Peter ayaa gaaray saldhigyo ay ciidamada ku leeyihiin magaalooyinka Baraawe,Buulo Mareer,Qoryooley iyo Marka oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose. Taliyaha ayaa intii UU ku sugnaa magaalooyinkaasi waxaa uu la hadlay saraakiisha iyo ciidamada AMISOM ee joogay deeganada uu booqday, isagoona ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weeraro ay ku soo qaadi karaan dagaalyahannada Al Shabaab. Waxaana uu intaasi ku daray in Al Shabaab halis ku yihiin weerarada gaadmada ah kuwa oo Qatar gelin karo howlgallada ay halkaasi ka wadaan ciidamada. Sannadkii 2015-kii ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen deegaanka Janaale. Halkaas oo looga dilay ciidamo badan. The post Uganda Oo ka digtay halista weerarada Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Hormarka ee UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa war saxaafadeed kasoo saaray Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo dowladaha Kenya iyo Soomaaliya. Xisbiga ayaa taageeray go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dariska ee Kenya. Xisbiga ayaa tilmaamay inuu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya isla markaasna ay muqadas tahay ilaalinta xuduudaha Soomaaliya. UPD ayaa Xukuumadda Soomaaliy ugu baaqay inay shacabka la wadaagto xogta dhabta ah ee sahminta Shidaalka laga helay deegaanada Soomaaliya. Xisbiga ayaa Xukuumadda ugu baaqay in Daliisha Xisbiyada ay u aragto inay tahay sixitaan lagu toosinayo qaladaadka ay galeyso. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada uu saaray xisbiga Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) kaas oo dhowaan dowladda Kenya ku wargalisay in uu dalkiisa ku laabto. Danjiraha ayaa warbixin la xariirta khilaafka siyaasadeed ee labada dowladood u gudbiyay madaxweyne Farmaajo. DFS ayaa ka jawaabtay cabashadii Kenya ee aheyd in dhul badeed lagu muransan yahay ay xaraashtay, waxayna sheegtay in aysan arrinkaas waxbo ka jirin. Sidoo kale dowladdu waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarsan ku wargaliso in uu Kenya ka baxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay. The post Madaxweyne Farmaajo Oo la kulmay danjire Tarsan appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday. Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle. Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada,kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada. The post RW Khayre Oo daah-furay Mashruuc muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
  5. A high-level delegation led by Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo travelled out of the country on Monday. Somali head of state received an official invitation from his Burundian counterpart, Pierre Nkurunziza. His visit follows after Bujumbura objected to a proposal to withdraw about a thousand troops serving under the African Union peacekeeping mission in Somalia (AMISOM) The two leaders are expected to discuss the bilateral relations between the two states and other related mutual interests. The Federal Government of Somalia said it is committed to fully cooperate with African states on issues of concerns in the areas of the economy, diplomacy, and security. Burundi troops are among first to arrive in Somalia in 2007 alongside Ugandan People Democratic Forces (UPDF) as part of AMISOM. The post Somali president leaves Mogadishu for Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Nairobi (SMN) – Guddiga tiro koobka Qaranka ee dalka Kenya ayaa sheegay haddii uu sii xumaado xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay ganacsata jaadka ay lumin doonaan 90 boqolkiiba. Sarkaal ka tirsan guddiga tiroobka ayaa xusay in maalin walbo ganacatadu ay Soomaaliya u dhoofiyaan 50 kun oo Qaad ah . Waxaana uu intaasi ku daray in maalintiiba ganacsatada Kenya ay Soomaaliya ka helaan in ka badan 100 milyan oo shilinka Kenya ah. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa sheegay in muranka la xiriira badda ee hareeyay dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya uu sababa karo in lumaan lacago badan oo labad dal qaab ganacsi isu weydaarsadaan. Macharia Kamau oo ka tirsan wasaaradda ardimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sheegay in ganacsatada Jaadka ee Kenya ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya. Waxaana uu xusay in ganasigooda aysan ku iibsan Karin jiritaankooda, taas oo uu ula jeedo in Kenya ay sheeganayso milkiyadda badda la isku haysto. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa hadal heynta ugu badan ay aheyd khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dalalka Kenya iyo Soomaaliya. The post GanacsatadaKenya oo ku hanjabay joojinta qaadka loo soo dhoofiyo Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Armed South African thugs have killed a Somali national, the latest in a string of xenophobic attacks against Somali business community in South Africa. The victims who was identified as Yusuf Mohamed Ibrahim has been killed last night night after gunmen raided his business premise in Port Elizabeth, according to a colleague. Xenophobia attacks against foreign nationals in South African have been rampant in recent months. Over 1,900 business people have been killed and seriously injured since 2008. Somali community in the country has accused South African government of not taking a proper action in defending their rights and often let perpetrators walk free. The post Armed thugs kill Somali national in South Africa appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  9. The U.S. Africa command [AFRICOM] has rejected claims by Al-Shabaab that it killed three American soldiers in an attack on a military base in Somalia. In a statement, AFRICOM All U.S. military personnel accounted for after the mortar raid launched against Balli-Doogle airbase this week by militants. The denial comes as the U.S. military ramps up air campaign in Somalia targeting the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab and ISIL faction in the country. Trump has authorized a broader operations in Somalia in 2017 shortly after taking the office, in an attempt to degrade the terrorist threats in the country. The post US refutes Al-Shabaab claim of killing American soldiers appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha Wakiillada, Golaha Xukuumadda iyo Golaha Garsoorka, ayaa sheegay Puntland inay ka midaysnaandoonto, midnamadeeda, [...] Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Burundi, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi. Madaxweynaha ayaa magaalada Bujumbura ee dalka Burundi kula kulmaya madaxweynaha dalkaasi, waxaana socdaalkiisa uu kusoo aaday iyadoo qorshaha uu yahay in 11 maalin kadib ciidamo ka socdo Burundi ka baxaan Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay dhanka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadli doonaan arrimaha amaanka, xiriirka labada dal iyo bixitaanka ciidamada Burundi. Midowga Africa ayaa dhawaan ku dhawaaqay in 28 bishaan ciidamo ka socda Burundi oo gaaraya kun askari ay ka bixi doonaan dalka Soomaaliya, waxaana ciidamada ay ka bixi doonaan Hirshabeelle. Dowladda Burundi ayaa arrintaas aad u diidday iyada oo Madaxda Midowga Afrika ku eedeysay in ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dalkaasi. Madaxda Hirshabeelle ayaa walaac dhankooda ka muujiyay bixitaanka ciidamada Burundi, waxaana ay sheegeen inay isku dayeen inay AMISOM kala hadlaan arimahaasi. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-431 Ardey Oo Ku Guulaystay Barnaamijkii Shaqo Qaran Oo Maanta U Ambabaxay Tababarkoodii Ugu Horreeyay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada-hadli doona xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Source
  14. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. The post Madaxweynaha JFS Oo u ambabaxay dalka Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u Amba baxay Dalka burundi appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo muhiim ah oo dhawaan laga hirgeliyey gudaha Cusbitaalka Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona baahiyaha uu cusbitaalku qabo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa war kasoo saaray jawaabta xdowladda Soomaaliya ay ka bixisay go’aankii dowladda Kenya ka qaadatay Shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London. Xisbiga ayaa qoraalkooda ku taageeray go’aanka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay hadalkii kasoo baxay Dowladda Kenya, waxaana xisbiga uu sheegay inay dowladda kagala shaqeyn doonaan difaacidda arrimaha masiiriga Soomaaliya. Xisbiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayaan arimahan oo kale inay talo badan geliyaan. Hoos ka aqri qoraalka xisbiga Wadajir.
  18. Cayaar saaxiibtinimo oo lagu waday in ay magaalada Muqdisho ku dhex marto xulalka da’doodu ka yartahay 20-ka sano ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa muddo kooban dib loo dhigay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta. “Cayaarta waxaa horay loogu qorsheeyay in ay ka dhacdo garoonka FIFA dib u dhiska kus ameysay ee Stadium Banaadir 16-17-ka bishan Febraayo, laakin waxaa la xaqiijiyaay in cayaartaas sida weyn loo sugaayay dib loo dhigay muddo aan badneyn”sidaasi laga soo xigtay agaasimaha warfaafinta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Shaafici Islaw. “Waxaan ka war sugeynaa xiriirka kubbadda cagta Eritrea si ay noogusoo gudbiyaan taariikhda kale oo wafdigoodu magaalada muqdisho imaanayo”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya”. “Guddoomiyaasha xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo Eritrea waxaa ka go’an in cayaartaasi saaxiibtinimo ay ka qabsoonto magaalada Muqdisho, waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay, dhawaana waxaan shaacin doonaa xiliga kama dambeysta ah ee cayaartu dhici doonto”. Waxaa ay ahayd 2016-kii markii xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya madaxdiisu ay sheegeen in ay doonayaan in mar kale ay Soomaaliya u furaan marti gelinta cayaaraha caalamiga ah, waxaana hada masuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay cayaareheeda dalka gudihiisa ku qabsan lahayd. “Eritrea waxaa la filayaa in ay noqoto dalka ugu horeeya ee Soomaaliya soo gaara tan iyo 1988-kii oo iminka laga joogo 31-sano, balse qorshaha xiriirka kubbadda cagta waxaa ku jira in ay casuumaad ay u fidiyaan wadamo dariska iyo qaarada Afrika. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cayaartii Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Dib Loo Dhigay Somali Football Federation Media Department Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka war bixiyay tallaabooyin dublamaasiyadeed oo ay xukuumadda Somaliland qaaday iyo xidhiidho badan oo ay la samaysay dalal iyo ururro caalami ah oo laga midho dhalinayay qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa kale oo uu ka hadlay xafiis diblamaasiyadeed oo dalka Kiiniya uu ka furanayo Somaliland, taas oo ka dambaysay kulamo wasiirka iyo madaxda Dawladda Kiiniya ay wada yeesheen ka dib in Kiiniya ay ku qanacday in ay xafiis ka furato Somaliland isla markaana hawshiisu ay socoto oo ay meel wanaagsan marayso. Waxa kale oo uu wasiirku intaa raaciyay in aanay Somaliland u baahnayn hadal badan oo meel kasta laga yidhaahdo iyo wax kasta in laga jawaabo, isaga oo xisbiyada mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta Xukuumadda dhaliilana u soo jeediyay in ay noqdaan kuwo u bisil siyaasadda Somaliland oo ay u kala calaamadsan tahay waxa hadalka u baahan iyo arrimaha qaran ee ay tahay in wada jir looga wada shaqeeyo. Waxa kale oo uu intaa raaciyay in xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi in qorshohoodu uu yahay in ay Somaliland horumar dhan walba ah ay gaadhsiiso wax kastana ay ka hor mariso gudashada shaqada qaranka ay u hayso ee loo igmaday iyada oo wasaarad waliba waajibaadkeeda shaqo ay gudanaysona ay ku fooggan tahay horumarinta shaqadeeda. Waxaanu ka war bixiyay socdaallo kala duwan oo wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland dalal badan ku martay iyo weftiyo caalami ah oo kala duwan oo ay dalka ku soo marti qaadeen oo xog ogaal u noqday qaddiyadda Somaliland. Wasiir Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan, ugu horrayn isaga oo ka hadlaya tallaabooyinka dublamaasiyadeed ee ay qaadday Xukuumadda Somaliland iyo guulaha wasaaraddu ku tallaabsatay waxaa uu yidhi. “Muddadii xukuumaddu xilka haysay ee ay talada dalka la wareegtay waxaanu qaadnay tallaabooyin dublamaasiyadeed oo dalal badan iyo hay’addo badan oo caalami ahba aanu ku gaadhsiinay qaddiyadda Somaliland, iyada oo wax badan ka taraysa ololaha Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta qaranka Somaliland, waxaan muddooyinkan u dambeeyay aanu maq maqlaynaa siyaasiyiin iyo xisbiyada mucaaridka oo dhaliilaya siyaasadda arrimaha dibedda oo leh waxbaa laga gaabiyay laakiin waxaa ka maqan oo aanay garawsanayn siyaasiyiinta mucaaridka ahi in Somaliland ay tahay qaran raadinaya aqoonsi caalami ah oo cadaw badan leh oo wax kasta oo u qabsoomaba ay cidi ka xun tahay. Taas oo loo baahan yahay in qaranku sir yeesho oo aan wax walba laga hadal ama aan la sheeg-sheegin waxana kala jira shirar iyo kulamo Somaliland markay ka qayb gasho u baahan in laga hadlo iyo kuwo aan laga hadlayn si aan cadawga Somaliland uga war helin. Shirkii ugu dambeeyay ee midawga Afrika ee Addis Ababa waanu ka qayb galnay oo madax wasaaradda ah iyo siyaasiyiin qarankan in badan u soo shaqanayay ayaa ka qayb galay, guulo wax ku ool ahna way ka soo hooyeen cidda leh Xukuumaddu Itoobiya may gaadhinna waa dad xaqiiqada ka fog oo hadalka suuqa laga leeyahay uun ka adag, Waxaanan bulshada u soo jeedinayaa in ay xukuumaddooda u shaqaynaysa ku kalsoonaadaan oo ay aaminaan, isla markaana ogaadaan in dalka Somaliland uu u bahan yahay shaqo iyo hawl la qabto, laakiin hadal meel laga yidhaahdo iyo muran iyo buuq in aanay midna u baahnayn. qorshaha xumuukadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE wuxuu yahay hadal yar iyo hawl badan, taas ayaanan ku shaqaynaynaa, mucaardikuna waxay dadka ka iibinayaan ha u sheegaan intay muranka ka baxaan.” Wasiirka oo ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo Kiiniya halka uu marayo, ayaa yidhi. “Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.” Wasiirka oo wax laga waydiiyay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya iyo ergaygii Turkiga waxay ku kala tageen, ayaa ku jawaabay. “Xukuumadda Somaliland wada hadalladaa mawqifkeeda way caddaysay, waxaanay dalbatay in wada hadalada la ballaadhiyo oo dalal kale lagu soo daro, waxaana jawaab laga sugayaa dawladda Turkiga, markaa jawaabta ay soo celiyaan ayaan ka hadli doonnaa.” Waxaa kale oo wasiir Yaasiin wax laga waydiiyay siyaasadda dibedda, gaar ahaan Yurub iyo Maraykan iyo siday uga hawl galeen, waxaanu yidhi. “Waxaa jiray socdaal aad muhiim u ahaa oo aanu ku tagnay dalal badan oo Yurub iyo Maraykanka ah, waxaanan kulamo la qaadanay madax sare oo ka mid ah dawladda Maraykanka iyo waaxda sharci dejinta iyo hay’addo caalami ah, kuwaas oo aan muddo badan cidi u tegin qaarna aan looba tegin oo qaddiyadda Somaliland aanu gaadhsiinay, waxaan la kulanay warbaahin badan oo caalami ah. Waxa kale oo aanu kulamo waawayn la yeelanay maxadyo waawayn oo ah kuwa siyaasadda dalalkooda ee arrimha dibedda jaangooya oo ku qancay qaddiyada Somaliland, tallaabooyinkaas is xig xigay waxay dhaliyeen in wufuud badan oo caalamka ka socotaa in ay Somaliland timaaddo, xidhiidh dhaw oo wada shaqayneedna waanu wada yeelanay meel wanaagsanna wax way noo marayaan. Waxa kale oo aanu kulamo la yeelanay dhammaan dalalka aanu tagnay jaaliyadaha Somaliland oo aanu ku baraarujinay in ay isku duubni iyo midnimo wada yeeshaan oo ay u midoobaan qarannimada Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon). Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay Safiirka oo dib shalay ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii Kenya ay ku wargelisay inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho. Ambassador Tarsan ayaa warbixin ka siiyay madaxweyne Farmaajo xaaladda siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeya Kenya oo xumaaday markii Kenya ay shaacisay inaysan la dhacsaneyn Shirkii ka dhacay magaalada London. Maalintii Shalay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaysan jirin Shidaal ku jira dhul Kenya leedahay oo lagu xaraashay magaalada London. Dowladda waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarsan ku wargaliso in uu Kenya ka baxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay, waxaana qoraalkii Kenya uu sababay inuu Tarsan Muqdisho kusoo laabto. Dowladda Soomaaliya ayaa cadeysay in dhulka ay dooneyso Kenya inay xoogto inuu yahay dhul Soomaaliyeed islamarkaana marnaba aan gorgortan laga galeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Jalalaqsi (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Weerarkan oo loo adeegsaday madaafiic ayaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin galbeedka degmadaasi. Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan waxa ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 5 Askari, kuna dhaawaceen 12 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howlgallo ka sameeyeen agagaarka degmada Jalalaqsi ee G/Hiiraan. The post Al Shabaab Oo weerar culus ka fuliyay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala saxiixday. Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle. Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada,kuwaasi oo dhibaato weyn ku qabay bur burka wadada.
  23. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarzan) kaas oo dhowaan dowladda Kenya ku wargalisay in uu dalkiisa ku laabto. Waxaa la fahamsanyahay in safiirka uu madaxweynaha warbixin ka siiyay xidhiidhka dublamaasiyadeed ee labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay cabashadii Kenya ee ahayd in dhul badeed lagu muransanyahay ay xaraashtay, waxayna sheegtay in aysan arrinkaas waxbo ka jirin. Dowladda waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in ay Danjire Tarzan ku wargaliso in uu Kenya ka boxo iyada oo aysan jirin wadatashi ka horeeyay. Source
  24. Tensions are rising in East Africa over a maritime dispute between Kenya and Somalia. The Government of Kenya released a strongly worded statement alleging Somalia had auctioned off oil and gas blocks in Kenyan maritime territory on the 7th of February, 2019. Calling the auction “outrageous and provocative” and those involved, enemies of the state, Kenya vowed to act. Kenya has since “instructed the Ambassador of Somalia to Kenya to depart to Somalia for consultations”. The dispute over the area is not new; in 2009 the countries agreed that the United Nations commission in charge of mediating border disputes should determine the borderline without going to court. However, in 2014, Somalia sued Kenya at the International Court of Justice in the Hague. Timothy Walker, a maritime border conflict researcher at the Institute for Security Studies in South Africa’s view is, “The position of the boundary is a gray area.” Unwarranted Aggression Spectrum Geo website, however, seems to show that the blocks sparking the current tiff are not even in the disputed area. Only two blocks of fifteen are potentially close to the disputed triangular region. There is also no proof that the blocks were even auctioned and at best, Kenya’s protests are pre-emptive but unnecessary. The Somali government has confirmed that: “Somalia is not now offering, nor does it have any plans to offer, any blocks in the disputed maritime area until the Parties’ maritime boundary is decided by the ICJ.” In its response to the Kenyan statement, the Somali Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation said it regretted the decision by Kenya to instruct the Somali envoy to depart Kenya without prior consultations. The Somali government also committed to working hard in close cooperation with Kenya to address the issues affecting both nations and the region. While a case can be made for both sides’ claims to the rich triangle, Kenya has gone about asserting its rights in an overly brutish manner. The government has disparaged its neighbor, throwing an unbecoming tantrum. It was not necessary for Kenya to conflate a border dispute with its benevolence to Somalia but it did. Kenya reminded Somalia that it has hosted hundreds of thousands of Somali refugees and today hosts over four hundred thousand of them. It is unclear why this was relevant. Kenya also said, “the Government of the Federal Republic of Somalia has once again demonstrated that it has yet to attain and embrace the political maturity and diplomatic stance of a normal, well adjusted, and properly functioning modern government”. This was a blow below the belt and the irony is that Somalia has exhibited the level-headedness of a modern state while Kenya has thrown an embarrassing fit. Source: African Exponent
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta Kenya siiyey hadallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, isaga oo taageero u muujinaya Kenya, xilli xiisad diblomaasiyeed ay ka dhaxeyso labada dal. Xildhibaan Ilyaas ayaa u sheegay wargeyska The Standard in dowladda Soomaaliya aysan la tashan aqalka sare “ ka hor inta aysan iib-geyn xirmooyinka shidaalka” Ilyaas oo ah guddoomiyaha guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, ayaa sidoo kale warbaahinta kale ee Kenya ay kasoo xigatay bayaan oo ku sheegay in tallaabada dowladda Soomaaliya “ay ku iib-geysay xirmooyin shidaal oo dal kale uu leeyahay ay jebineyso sharciyada dalka.” Waxa uu sheegay in Kenya ay Soomaaliya u gashay abaal weyn. “Kenya waxa ay marti-gelisaa xerada qaootiga ee ugu weyn dunida, oo dadka ugu badan ee ku jira ay yihiin Soomaali. Sidoo kale bulshada ganacsatada ugu badan ee Soomaalida ah waxay ku sugan yihiin Nairobi” ayuu yiri Ilyaas. Sidaas darteed, buu yiri, xiriirka oo xumaada waa mid dhib ku ah labada dalba. Waxa uu hoos u dhigay saameynta xiisadda diblomasiyeed ee labada dal, wuxuuna rajo ka muujiytey in is-faham darrada labada dal la xalin doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com