Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,411
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Tuke-raq)-Isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool ayaa soo saaray qoraal lagu joojinayo dhulka xidhmooyinka ah ee laga sameeyey guud ahaan gobolka Sool. Qoraalkan oo qeexaya dhulbeereedka dhulka aan lagu bixin sifo sharci ah laga bilaabo maanta la baabiinayo iyadoo gaadiidka ka qayb qaatana ka ganaaxayo ayuu qiraalkiisa ku sheega. Qoraalkan ayaa waxaa sababay kadib markii duleedka magaalada Tukaraq dad badani xidheen taas oo kicisay dadka degaanka oo maalmihii la soo dhaafay xiisad xooglihi ka taagnayd. Dadka dhulka xidhanaya oo u badan ganacsatada ayaa qorshayaal kala duwan ka damacsan dhulka ay xidhanayaan iydoo qaar ganacsatada ka mid ah ay xoolo ku xeraynayaan, halka qaar kalena ay caan ku yihiin kaydsiga dhulka, qaarkalena dhulbeereed ayay rabaan. Si kastaba ha ahaatee khilaafka xidhmooyinka dhulka ah ayaa sanadihii la soo dhaafay aad u hadheeyey guud ahaan gobolka Sool iyo degaanada ku xeeran, waana arin aan weli fahan mid ah laga qaadan. Source
  2. Burundi (SMN) – Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada caasimada u ah wadanka Burundi. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hogaamiyaha JFS, ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay dhiggiisa wadankaasi, Pierre Nkurunziza. Farmaajo oo socdaal qaadan doona labo maalmood ku joogi doona dalkaasi ayaa la kulamo la leh Nkurunziza. Labada madaxwayne ayaa kawada hadli doona xoojinta cilaaqaadka dowladaha iyo iskaashi dhinacyo kala duwan oo ay yeeshaan. Wasiirka difaaca XFS, Taliyaha ciidamada xooga dalka, lataliyaha amniga qaranka ee Madaxwaynaha ayaa wafdiga qayb ka ah. The post MD Farmaajo oo si wayn loogu soo dhaweeyay caasimada Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Pakistan)-Pakistan ayaa la filayaa in ay abaal marinta ugu sareysa ee qof rayid ah la siiyo ay guddoonsiiso dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan Isniinta maanta ah, maalin uun ka dib markii uu saxiixey heshiis balaayiin doollar ah oo Sacuudigu uu la galayo Pakistan. Axaddii ayaa dhaxal sugaha waxa uu goob joog ka ahaa saxiixa heshiis maalgashi oo ay Sacuudigu la galeen Pakistan kaas oo ku kacaaya $20 bilyan oo doolar. Reysal wasaaraha Pakistan Imran Khan iyo saraakiil sare oo ka socda waaxyaha militariga iyo rayidka ayaa dhaxal suge Maxamed bin Salmaan ku soo dhaweeyay duleedka caasimadda dalkaasi. Source
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Loo Gudbiyay Dacwad Loo Haysto Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Muddo Ka Badan Bil Ku Xidhan Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. MOGADISHU, Feb. 18 (Xinhua) — The United States on Monday denied losing three of its soldiers in a terror attack northwest of the Somali capital, Mogadishu, on Friday. The U.S. Africa Command (AFICOM) accused extremist group al-Shabab of falsely claiming its fighters killed three U.S. soldiers in the attack on a military base at Baledogle on Feb. 15. “No U.S. casualties were reported after an airfield at Baledogle, Somalia, received indirect fire Feb. 15,” Africom spokesman Christopher P. Karns told Xinhua. “The terrorist group al-Shabab falsely claimed it killed three U.S. soldiers in the attack.” Karns said there is an uptick in instances where extremists resort to making false claims to the press. Al-Shabab had claimed that its fighters fired mortar rounds, killing three American soldiers and five Somali members of a special commando, whose training base is at Baledogle, about 95 km northwest of Mogadishu. Karns said increased pressure is being placed on the al-Shabab network, helping to create enhanced security conditions while creating time and space to bring about political progress and economic development. “In 2019, persistent pressure has been placed on al-Shabab by the federal government of Somalia, its forces, and partners in an effort to degrade its network,” he added. U.S., Somali and African Union forces have increased ground and air offensives against the militant group in the last few months. Source: Xinhua
  7. Been fakatay mise run “in Xukuumadda Muuse la wareegtay” $80 Milyan oo dayn ah?Faallo. Saleban Kalshaale Badheedhihii Xildhibaan Buubaa + Baxaa-degga Wasiir Sacad + Jahawareerka Bulshada iyo seef la boodnimada Mucaaridka, midkee baaqi ku noqon doona Quluubta Shacbiga…? goormaa lala xisaabtami doonaa Xildhibaanka ama Xukuumadda midka qaranka ku xad-gudbay? W/Q: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) Tafaftiraha Gobanimonews Hargeysa/Somaliland Email: editor@gobanimonews.com Hargeysa(GNA)-Dad badan oo aqoon u leh arrimaha Dhaqaaluhu waxay isweydiinayaan goorta si dhab ah loo arkayo heerka kor u kac Dhaqaale oo lagu tuhmayo Xukuumadda Muuse inay ku abuurtay, waxaanay aaminsan yihiin in Dakhli badani u uruuray Dawladda muddo sanad iyo badh gaadhaysa, maadaama Madaxweynuhu markii uu talada la wareegay uu dhimay kharashaadkii badnaa ee ay Xukuumaddu isticmaali jirtay, miisaaniyadii 2018-kuna ay ahayd mid tashiil iyo gunti-giijis ku dhisan oo aan Mud iyo dheecaan badan lahayn. Su’aallo badan oo la xidhiidha Dakhliga ku jira Qasnadaha dawladda, ayaa maskaxda dadka abla-ableeya Dhaqaalaha ka dhex guuxaya, waxaanay taasi hubaanti ka dhigaysaa jiritaanka in ay Dawladdu kaydisay lacag badan muddadaas , taasina sabab u noqotay hoos u dhac ku yimi wareega dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo nololsha caadiga ah. Hase ahaatee, xilli sidaa loogu dheg-taagayo wakhtiga Xukuumaddu soo bandhigayso qorsheyaal horumarineed oo ay ku maal-gelinayso Kharashaadka isticmaalkooda la joojiyey ee Khasnadaha Dawladda buuxiyey, ayaa waxa mar qudha dhegaha Bulshada ku soo duulay hadal uu jeediyey Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, kaasoo si walaac ku jiro u beyaamiyey inay Xukuumaddu la daalaa-dhacayso Lacag Deyn ah oo uu qadarkeeda ku sheegay $80 Milyan oo dollar ($80,000,000), waxaana xildhibaanka warkani ka soo baxay, iyadoo uu barbar taagan yahay Wasiirka Horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo ay Shir ka soo wada baxeen Xildhibaanka oo kamida Guddi-hoosaadka daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada. Wasiir Sacad iyo Xildhibaan Buubaa keebaa run sheeg ah? Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Xildhibaanka sheegay deynta Xukuumadda lagu leeyahay, si waafi ah uma faahfaahin sida xukuumadda loogu yeeshay lacagta deynta ah, noocyada ama qaybaha ay ka kooban tahay, waxa ay ku iibsatay iyo wakhtiga ay gashay, hase ahaatee waxa uu si kalsooni badani ka muuqato u yidhi “Inyar haddii aan hoos ugu daadego (waxyaabihii aanu wasiirka ka wada hadalnay), in xukuumadda maanta joogtaa ay deyn dhan $80 Milyan oo dollar ($80,000,000) kala wareegtay xukuumaddii hore, iyadoo la inoo sheegay siyaasiyan markii laga hadlayey xil-wareejintii inaanay xukuumaddii hore wax deyn ah ka tegin, laakiinse ay xukuumaddu iminka la il-daran tahay deyntaas oo culays badan ku hayso”. Wasiir Sacad oo ah Masuul labadii xukuumaddood ee Kulmiye la soo shaqeeyey, una dhuun-daloolla dhinac walba, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha iyo maamulka Miisaaniyadaha, maadaama uu kamid yahay Wasiirradii ugu aqoonta badan labada xukuumaddood-ba, wax jawaaba kama bixin warka xildhibaanku ka dhawaajiyey ee dhegaha bulshada sida onkodka roobka u gilgilay, waxaanu isagoo aad moodo inuu la dhacsan yahay sheegmada warkaas, dhoola-cadeynayana uu yidhi “Deynta Dawladda lagu leeyahay wax cusub maaha. Dawlad aan deyn geline ma jirto waayo? Dakhliga iyo baahida ayaa had iyo jeeraale kala badan, Xisaab-xidh kasta oo baarlamanka loo soo gudbiyo way ku jirtaa deyn, anianigu maan joogin sanadkii 2017-kii Wasaarada oo laba bilood ayaan joogaa, waxaan balanqaaday in miisaaniyada loo maamulo sida sharcigu dhigayo ayaan balanqaaday” ayuu yidhi. Shaki iyo shoog ku dhacay bulshada Hadalka ka soo baxay Xildhibaanka ayaa markii Warbaahinta ka baxay Af kala-qaad iyo yaab ku abuuray Bulshada Somaliland, waxaana ka dhashay dood iyo dareen taageerayaasha Xukuumadda iyo Mucaaridkuba si’ isku dhow u saameeyey oo waydiimo iyo walaac hor leh abuuray, iyadoo su’aallaha shacbiga dhex maaxay ay noqdeen:- Sababta ay Xukuumaddu u qarisay deyntan markii hore ee loo sheegi waayey? Maxaa loo caddeyn waayey qaabka loogu yeeshay deynta intaa le’eeg Xukuumadda tan iminka joogta iyo dawladdii hore? Iyadoo Su’aallahaas iyo kuwo kaleba mujtamaca dhexdiisa ka oogmeen saacado kaddib markii warku dibada u soo baxayba, taageerayaasha Xisbiga Kulmiye-na niyad jab ka qaadeen arrintaas, una muuqato arrin khiyaamo ah, haddii siyaasad ahaan loo qariyeyna ay u arkeen inay Xukuumadda ku tahay “waxaad qarsataaba way ku qarsadaan”, ayaa Wasiir Sacad maalin kaddib shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa wuxuu sheegay in aan haba-yaraatee wax deyn ah Xukuumaddu kala wareegin Dawladdii hore, iyadoo ka hor intaanu maalin kaddib hadlin Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukuumaddii Siilaanyo Marwo Samsam Cabdi Aadan ay liishaanka u daruurtay jiritaanka lacag deyn ah oo ay Xukuuamdda Muuse ku wareejisay. Waxa ay sheegtay in iska daa Lacag dayn ahe ay xilka wareejisay iyadoo khasnada Xukuumadda lacagi ku jirto. Ex-Wasiir Samsam oo la waraystay isla maalinta warka lacagta daynta ahi soo baxay, ayaa hadalkeedu hoos u dhigay dareenka laga qaaday daynta Xildhibaan Buubaa Sheegay, waxaana Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye si weyn uga cadhoodeen laba Afleynta Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, kaasoo lagu canaantay sababta uu uga aamusay arrintaasi markii uu dhinac taagnaa xildhibaanka, lana liqi waayey beeninta dayntaasi ee uu Warbaahinta kula wadaagay Shacbiga maalin kaddib markii ay sheekadu soo ifbaxday isagoo goob-joog ah. Inkasta oo ay siyaabo kala duwan u arkeen ficilka hore iyo fal-celinta dambe ee Wasiir Sacad , falanqeeyayaasha Siyaasadda Somaliland, haddana waxa jira qodob ay ku mideysan yihiin oo ah in uu lumiyey fursad uu Xukuumadda kaga difaaci lahaa lacagta daynta ah ee lagu faddeexadeeyey, waxa kale oo saluug laga muujiyey qaabka maalin kaddib uu uga hadlay arrintaasi oo aan lafteedu si waafiya u deeqin Bulshada, iyadoo aanay wali jawaabtaasi iyo kuwo kale oo arrinka daynta laga yidhi wadada ka duwin jahawareerka ka taagan lacagta daynta ah. Miisaaniyadaha Dawladda maxaa looga waayey Daynta xaddigaas ah? Marka arrimahaasoo dhan laga yimaado ee lagu soo dhawaado jiritaanka dayn xadigeedu boqol Milyan ku dhawaad yahay oo Xukuumadda Muuse la wareegtay ama iyadaba lagu yeeshay muddada ay talada haysay, waa arrin laf-dhuun-gashay ku ah caqliga iyo garaadka Shacbiga, oo aan wali tibaaxdeeda iyo tuhunkeedu dhinacna u dhaafsiisnayn Carrabka iyo dibnaha Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, haddii ay jirtana u baahan inay waadixiso cidda xogteedu ka soo baxday ama xaqiiqdeeda ka dheregsani. Sababtoo ah? miisaaniyada Dawladda ee saddexdii sannadood ee u dambeeyey kama muuqato dayn miisaankaa leh oo qoondo iyo qorshe kale toona loogu daray, waxase jira Kharashaad xilliga kala wareega Miisaaniyadaha dayn ahaan loo diwaan-geliyo oo ah Biilasha ku soo beegma xilliga kala-guurka ah, taasoo loo yaqaanno biilasha taagan. Deynta noocaas ah, waxa ugu badnaa sida ka muuqata Miisaaniyada 2019-2020 oo ay ku jirto dayn dhan 62,700,000,000Shls oo ka soo wareegtay miisaaniyadii 2018-ka, taasoo u dhiganta marka dollar loo bedelo $6,397,900, waxaana looga qoondeeyey Odoroska Miisaaniyada 2019-ka 3% oo loo jaray. sanadihii ka horeeyey daymaha taagan ee noocan ahi aadbay uga yaraayeen xaddiga sanadkan la socda miisaaniyada sababtu siday doontaba ha noqotee. Shaxda Kharashka Miisaaniyada 2019-ka oo la soo koobay Noocyada Kharashka Miisaaniyada Faahfaahin Sanadka 2019 Percentage Kharashka Shaqaalaha 890,685,828,465 49% Kharashka Hawl-socodsiinta 368,842,270,650 28% 20% Deymaha 62,700,000,000 3% Total 1,823,975,720,000 100% Halkee ayey sirtu ka xidhiidhsami la’dahay Ceeb maaha dawladdu inay dayn qaadato ama ay bixisaa, balse waxa muhiima inay nidaam sharci ah u marto bixinta iyo qaadashadaba, kuna caddeysaa dhiganeyaasha dhaqaalaha dawliga ah. Waxa kale oo daruuri ah inay Golaha Xeer-dejinta la soo mariyo qaadashada daymaha waaweyn ee Xukuumaddu u baahato iyo dalabka kharashaadka aan ku talo-galka ahayn ee uu culayskoodu saameynayo dakhliga Miisaaniyada ku jira, si uu goluhu u qiimeeyo, uguna jaan-gooyo sababta loogu baahday iyo wakhtiga lagu bixin karo. Waxa kale oo iyaduna ah arrin iska cad in aanay Dhaqaalaha Dawladda ku dhex dhuuman Karin ama lagu qarin Karin dayn xadigeedu gaadhsiisan yahay 80 Milyan oo dollar oo ku dhow kala-badh Miisaaniyada Qaranka ee ay dawladdu maamusho. Marka ay sidaa tahay, arrintani maaha mid inta si fudud bulshada loogu soo dhex-tuuray laga gudbi karo’e waa qadiyad u baahan in si waadax ah shacbiga looga qanciyo, dambigeedana lagu ciqaabo cidda yeelata masuuliyada. Maxaa la gudboon Labada dhinac Xukuumadda Madaxweyne Muuse, inkastoo ay is-difaacday oo ay caddeysay in aanay wax dayn ah la wareegin, haddana wali xaalkeedu wuxuu ka dhigan yahay “falaadhi gil-gilasho kaagama ba’do, waxaana falaadha ku taagan fursad siiyey Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo si ay ka noqotayba habka uu ula tacaamulay arrintani dhaawac weyn u geysatay Kalsoonidii iyo sumcadii uu Shacbiga dhexdiisa ku lahaa. Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa iyo Guddida Golaha Wakiillada ee daba-galka Hantida Qaranka, waxa iyagana looga fadhiyaa inay si hufan shacbiga ugu beyaamiyaan lacagta daynta ah ee ay Xukuumaddii hore ku xidhiidhiyeen, una cadeeyaan qaabka ay ku timi, sida loogu tasarufay iyo sababta loo qariyey, haddii aanay caddeymo u haynin oo warkoodu tuhun iyo wax isu-geyn-geyn ku salaysan yahay-na, waa inay Kalsoonida shacbiga ee ay dhaawaceen dib u dhayaan, una dhabarka ritaan dhibaato kasta oo ay arrintaasi qaranka u geysato. Haddii labadan qodob midna suurto-geli waayo, waxa ay masuuliyadu saaran tahay Golaha Wakiillada oo loo baahan yahay inay Wasiirka Maaliyada ugu yeedhaan fadhi loo dhan yahay, kana waydiiyaan Su’aallo dayntaasi ama marka hore inta ay guddi xaqiiqo raadin ah u saaraan baadhis ku sameeyaan arrintaasi. Baadhis dhamaystiran, kaddib haddii ay soo baxdo dayntaasi waxa Hay’addaha awoodda u leh la gudboon inay Khiyaamo Qaran ku qaadaan madaxda ku lug yeellata ee Kiiskaasi ku cadaado, haddii ay waxba kama jiraan noqoto, dayntuna waa in Golaha iyo Hay’addaha amniguba talaabo ka qaadaan Xildhibaanka warkani ka soo baxay, lana mariyo waxa ay xeerarka dasruurka iyo xeer-hoosaadka Goluhu ka qabaan xildhibaan si ula kas ah u abuuray war Qaranka danihiisa iyo dawladnimadiisa dhaawacaya. Sababtoo, arrintani waxay shaki weyn gelisay bad-qabka Dhaqaalaha Dawladda, xasiloonida dawladnimada iyo Mustaqbalka Qaranka, iyadoo geesta kalena abuurtay walaac soo food-saaray Shirkaddaha dawladda wax ka iibiya, Shacbiga waxqabadka ka sugaya iyo qof kasta oo lexejeclo ka leh Dalka. Waxa kale oo warkani shaki gelin karaa Dawladdaha caalamka ee Somaliland ka caawiya horumarinta iyo kuwa mucaamilooyinka Ganacsi ka dhexeeyo. Ugu dambeyn, waxaan isweydiin mudan Badheedhihii Xildhibaan Buubaa, Baxaa-degga Wasiir Sacad, Jahawareerka Bulshada iyo seef la boodnimada Mucaaridka, midka baaqi ku noqon doona Quluubta Shacbiga? Iyo goorta si xaqiiqada ku salaysan looga xisaabtami doono arrinta si dadweynaha looga dejiyo xumadda ay sababtay ee wali ku muddan Saleebaan Cabdi Cali curad1986@hotmail.com Qaran News
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay xaaladda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya kadib markii ay xiriirka diblomaasiyeed u jartay dowladda Soomaaliya. Dalka Kenya ayaa waxaa ka jirta cabsi xooggan oo ku saabsan in kadib tallaabadii ay qaaday dowladda dalkaas, in ciidamada Kenya ay noqon karaan kuwa halis gala maadaama aan dalka Soomaaliya laga dooneyn. Hase yeeshee waxaa taas ku gacan seeray xogahayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, Macharia Kamau oo sheegay in ciidamada Kenya ay isku filan yihiin, siina jooga doonaan Soomaaliya, sababtoo ah kuma joogaan magaca Kenya. “Ciidamadeena waxa ay muddo ka shaqeynayeen deegaan halis ah, wayna garanayaan sidii ay isku difaaci lahaayeen. Si kastaba, ciidamadeena kuma joogaan Soomaaliya ayaga oo ka socda Kenya, balse waxay ku joogaan ayaga oo ku shaqeynaya magaca Amisom” ayuu yiri Macharia Kamu. Ergeygii hore ee gaarka ahaa ee Soomaaliya ee QM, Abuukar Armaan oo qoraal kooban soo dhigay twitter, ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya xiriirka diblomaasiyeed ugu jartay Soomaaliya ay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ka dhigeyso kuwa duulaan ku ah Soomaaliya. “U yeerashada Kenya ee safiirkeeda, iyo weydiisashada safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkaas, waxay joogitaanka ciidamada KDF ee Soomaaliya ka dhigeysaa kuwa weerar ah. Waxaa jira marar ay diblomaasiyaddu tahay inay noqoto mid toos ah oo cad” ayuu ku yiri Armaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa twitter. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  9. (SLT-Canada)-Qareen Kenyan ah oo haysta dhalashadda dalka Kanada oo lagu magacaabo Miguna Miguna ayaa sheegay aanu Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq u lahayn inuu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Soomaaliya sababo la xidhiidha khilaafka dhinaca Xuduud-baddeedka ee labada Waddan. Qareenka oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Kanada waxa uu intaasi ku daray aanu Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaq Awoodeed u lahayn inuu ku baaqdo Dagaal ka dhan ah Soomaaliya, iyadoo ay Uganda horey u qaadatay Jesiirad uu Uhuru Kenyatta rumeysan yahay inay Kenya leedahay. Qoraal uu Qareen Miguna Miguna soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku muujiyey inay Jesiiradda Migingo qabsadeen Milliteriga iyo Boliska Uganda muddo hataan laga joogo in ka badan 5 sanno, iyadoo dad badan oo Kenyan ah lagu dilay, lagu jir-dilay, lagu kadeeyey, laguna sharaf-tiray Jesiiraddaasi. Waxa uu intaasi sii raaciyey inaysan Dowladda Kenya ka hadlin Tacadiyadaasi, isla markaana uusan Madaxweynaha Kenya marnaba Xidhiidhka Diplomaasiyadeed u jarin Dowladda Uganda. Dhinaca kale, Qareen Miguna Miguna waxa kaloo uu sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto ay la dagaalamayaan oo keliya Caddowga Khiyaaliga ah, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Jubilee-ga ee Kenya inay helaan qaabab wanaagsan oo looga hadlayo arrimahaasi mustaqbalka. “Keligii Taliye waxa uu dagaal u isticmaalaa ama Cabsi Khiyaali oo ka imaanaysa Ajaaniibta ka dhigtaa sidii xeellado looga hortagayo arrimaha gudaha khuseya, sida doorasho lagu shubtay, shqo la’aanta heerka sare, saboolnimadda, musuqa, qabyaalladda iyo Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha” ayuu yidhi Qareen Miguna Miguna. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Saleebaan Cali Koore Oo Shaaciyay In La Soo Afjaray Khilaaf Cakiran Oo U Dhexeeyay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Biyaha, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Socdaal Uu Madaxwaynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar Uu Xuduudka Wajaale Ee Qaybta Somaliland Ugu Soo Gudbay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Miraa farmers could lose 90 per cent of the market if the diplomatic spat between Kenya and Somalia is not resolved. According to Kenya National Bureau of Statistics, Somalia remains Kenya’s key miraa market, taking in about 50 tonnes of the commodity daily. The miraa sold to Somalia is valued at more than Sh100 million per day. On Saturday, Kenya recalled its ambassador to Mogadishu and ordered Somalia envoy in Nairobi to leave after an alleged auction of oil and gas blocks in maritime territorial areas claimed by both countries. Foreign Affairs PS Macharia Kamau said the alleged auction took place in London on February 7. The dispute pending before the International Court of Justice in the Netherlands. Miraa traders in Kenya are however ready to lose the Somalia market, saying they cannot trade the country’s sovereignty for miraa sales. In a statement yesterday, Nyambene Miraa Traders Association said Somalia was riding on miraa traders’ welfare to blackmail Kenya. “Miraa is the soft underbelly targeted by Somalia whenever it want to seek attention from Kenya. We should be bracing for the worst,” spokesman Kimathi Munjuri said. The association said business had become difficult over the last two months after Puntland raised taxes while Mogadishu has opting for cheaper imports from Ethiopia. “As it is, we are exporting minimally to Puntland after President Said Abdullahi Deni piled on us a tax of Sh500 per kilogramme of miraa,” Munjuri said. In February 2017, miraa traders suspended exports to Somalia after the country introduced punitive tax measures. Mogadishu increased the tax on the product from Sh309 to Sh360.5 per kilo of khat, leading to a four-day boycott by Kenyan miraa exporters. The decision was rescinded and the tax dropped to Sh247 after intervention by Kenyan government. The union has also asked the government to suspend diplomatic relations with Britain, Norway and Ireland who have blocked miraa from Kenya. In 2015, UK banned miraa export after classifying the commodity as class C drug. The UK then was absorbing 15 per cent of Kenya’s khat export. Miraa has since seen Mogadishu emerge to be among five main export markets for Kenya in Africa. Export data at the Central Bank for the four months between July and November shows Kenya exported goods worth Sh6.13 billion to Somalia. Somalia was fifth after Uganda, Tanzania, Egypt and Rwanda. Besides miraa, Somalia imports most of its food products especially vegetables from Kenya. But the trade balance remains in favour of Somalia with KNBS data showing Kenya imported goods worth Sh152.7 billion from its neigbour against exports of Sh52.8 billion in 2017. The products Kenya imports from Somalia include tobacco, pharmaceutical and machinery. The diplomatic row between the two countries is likely to affect Kenya Airway which resumed direct flights from Nairobi to Mogadishu in December. The daily nonstop flight leaves JKIA at 1pm and arrive in Mogadishu at 2:45pm. It is then to depart Aden Adde International Airport at 3:50pm to arrive back in Nairobi. The post Kenya’s Miraa traders say they are ready to lose Somalia market appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Shaaciyay in dhawaan la hor keenayo Guddidii Culumad Heer qaran Ee Somaliland Oo hore Muran uga dhashay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhaliilay dhacdo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladda ay xadgudub ugu gaysteen weriyayaal Soomaaliyeed. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Fiqi ku sheegay in falka lagula kacay suxufiyiinta uu fasirayo hadal uu madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay warbaahinta isaga oo ka hadlaya xuska sanad guuradii labaad ee doorashadiisa oo ku beegneyd 8-da Febraayo ee bishan. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran. Hadalkii madaxweyne Farmaajo 08 Febraayo 2019 uu uga cabanayey isla markaana ugu cagajuglaynayey saxaafadda xorta ah iyo habdhaqanka maantay Muqdisho ka dhacay ee lagula kaçay saxafiinta Muqdisho ka shaqeeya ma u muuqdaa mid is-fasiraya? Qaabka saxaafadda loola dhaqmayo iyo karaamo dilka saxafiyiinta xataa waqtigii hogaamiye kooxeedka sidaan uma dhoweyn, wariyaha hadlaya ayaa tilmaamay halka xaalka loo celiyey! Saxaafaddii marka laaluush lagu aamusin waayey, waxey maraysaa in qoriga lagu aamusiyo, inta kallna emaillo loogu soo diro warar sidii kooxda Villa Somalia ay rabtay loo soo habeeyey! Madaxweynaha haloo sheego dalku in uu yeeshay Tv-yo badan, idaacado aan tiro lahayn iyo wariyaal xor ah, waqtigii dalka ugu danbaysay ee halka TV, Raadiye, Joornaal iyo halka baabe jiray waa laga soo gudbay! dalka waa dimuqraadi, saxaafaddiisu xor tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, mucaarad iyo muxaafadba mas’uuliyad ay ka saaran tahay difaaca iyo u dhimashada cid kasta oo kusoo xadgudubta qaranimada, dhul iyo beri. Xildhibaanka ayaa sidoo kale, si kulul u beeniyay warbixin Daily Nation iyo The Standard ay ka qoreen xildhibaanka, warkaasi oo lid ku ahaa shirkii London iyo go’aanka dowladda Somalia, hase ahaatee Xildhibaan Ilyaas ayaa caddeeyay in warbaahinta Kenya ay soo xigteen warsaxaafadeedkii 5-bishaan guddiga kheyraadka qaranka ee aqalka sare kasoo saareen shirkii London, kagana hadlaayey in Sharciga shidaalka weli uusan baarlamaanka lasoo marsiinin. “Majirto wax xiriir ah oo ay la leedahay warsaxaafadeedkii aan soo saarnay ka hor inti uusan furmin shirkii London, Badda uu muranka kajirana waa dhul Soomaaliyeed, waxaana 100% ku taageersanahay go’aankii shaley ay Xukuumada kasoo saartey” ayuu yiri xildhibaan Ilyaas. Ilyaas ayaa si cad u taageeray go’aanka dowladda federaalka iyo jawaabta ay ka bixisay tallaabada Kenya ay kusoo ceyrisay safiirka Somalia, isagoona cambaareeyay hab-dhaqanka Kenya ay kula dhaqmeyso Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda diblomaasiyeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, kadib go’aankii kasoo baxay Kenya. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale qoraalkiisa uga hadlay shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, isaga oo dowladda ka dalbaday inay sharaxaad ka bixiso islamarkaana shacabka la wadaagto xogta shirkaas oo weli aan caddeyn, sida uu sheegay. Hoos ka aqriso qoraalka Xasan oo dhameystiran. Anigoo ka ambaqaadaya Warsaxaafaddeed uu Xisbiga UPD kasoo saaray muranka Diplomaasiyaddeed ee soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya, waxaan soo dhownayaa mawqifka Dawaladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka jawaabidda cabashada Kenya, waxaanna sido kale xoojinayaa in Soomaaliya ay xaq u leedahay gacan ku haynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xuduuddaheeda iyo kheyraadka ku jira. Ayadoo shacabka Soomaaliyeed ay weli sugayaan in sharaxaad dhameystiran oo ay ku qancaan laga siiyo xogaha dhabta ah ee ku saabsan arrimaha Sahminta shidaalka waxaan Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya usoo jeedinayaa in ay shacabka Soomaaliyeed la wadaagto xaraashkii London 7-dii Feb ka dhacay ee shidaalka ku duugan baddaha dalkeena. Waxaa lagama maarmaan ah in la muujiyo siyaasad ku salaysan deris-wanaag, nabad iyo xasilooni kula noolaasho wadamada deriska ah, ayadoo la eegayo xiriirka dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhexeeya shucuubta dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan ku baaqayaa in xaaladda diblomaasiyadeed ee hadda taagan la dejiyo, lagana warsugo Maxkamadda Caalamiga ee dacwadu hortaallo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Dr Ibrahaim Sheekeeye, Ugaas Cabdirahaman Rooble, Sheekh Ismaaciil Taakow, Cabdikariim Moseeyo, Ceeynte, Sheekh Aweys, Bashiir Nero, Cabdiaziz Shiino, Mustaf Camalow, Mustaf ilkacase, Injineer Cabdullahi, Mohammed Makaraan, Mohamed Haruun, Injneer Cilmi Cali Nuur, Sayid Caraaye Siidow, Abdulmudalib Yaasir, Cali Baashi, Baasto iyo dhamaan jaaliyayadda ku dhaqan WASHINGTON DC METROPOLITAN AREA. Waxay tacsi u diriyaan Cabdullaahi Ciise Shiiraar iyo dhammaan qoyskooda, ayaga oo uga tacsiyeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid hooyadiis Xulbo Yuusuf Cali, oo habeenkii sabtida ku geeriyootay magaalada Lancaster ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka. Waxay leeyihiin Samir iyo iimaan allaha idinka siiyo, marxuumaddana jannada allaha ka waraabiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
  18. Qahira (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha dowladda Melleteriga Masar ayaa ugu baaqay dowladaha Yurub in ay muslimiinta ku ciriiriyaan masaajidda si looga hortago wax uu ugu yeeray xagjirnimada oo uu ula jeedo baraarugga islaamiga ah. Cabdi Fataal Alsiisi oo khudbad ka jeedinayay shirka looga hadlayo arrimaha ammaanka ee ka dhacay magaalada Munich dalka Jarmalka ayaa aad uweeraray muslimiinta ku cibaadeysta masaajidda oo uu ku tilmaamay kuwa caalamka ku faafinaya wax uu ugu yeeray Argagaxisada. Alsiisi oo ah calmaani ayaa ku faanay in isagu uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee maamula dal muslim ah oo ugu baaqo reergalbeedka in ay koontaroolaan duruusta lagu dhigo masaajidda muslimiinta isagoo muujiyay naceybka uu uqabo islaamka iyo muslimiinta. Madaxweynayaal caalamka islaamka kajira ayaa umadax raariciyay baaqa kasoo yeeray Cabdi Fataax Alsiisi halka qaar kale ay layaabeen, Nidaamka ka jira wadanka Masar ayaan qarsan isbarbar taaggiisa Yahuudda iyo Nasaarada wuxuuna caan ku yahay gummaadka dadka muslimiinta ah. Caasimada online Xafiiska Qaahira Caasimada@Live.com
  19. KU QOSLE KABTAN KUFEY! Yaab iyo Amakaag!!, Somaliland waxay noqotey, Meel aan cadaalad ka jirin, Xaalku waa MISKIIN BAA MISKO LA FUULO LEH, Xeer ilaalinta Gobolka Maroodi-jeex , muddo dheer kadib, oo uu Cadaalad darro u xidhan yahay ABWAAN ABEES, waxay la shir yimaadeen, Gabay uu Curiyey Abwaanku, Xeer ilaa KU QOSLE KABTAN KUFEY ! Xeer ilaaliyuhu waxuu sheegay, in Xukuumadda, Kulmiye ee taladda Dalka haysaa , ay Dhibane ka tahay. Gabayga ABWAAAN ABEES. Xoriyaddda Haddalka distoorka ayaa, siiyey qofkasta oo Shacab ah, Taloow distoorkii Somaliland goormuu Dembi , Noqdey???. waxaynu ognahay xukunka xaqdaradda ah, ee ku dhacay wargeyska FOORE. waxa lagu haystaa waa xoriyadda Haddalka. Yaab! Gabayga Abwaan ABEES uu ka tiriyey 28/12/2018 Hotel Maansoor, waa Gabay toosin ah, Nuxurkiisuna ahaa, waddankeena cadaaaladdiisa, aynu hagaajino, Khaldkeena aan wadda saxno, Runtii Abwaanku BIlad sharaf halkii laga siin lahaa, in xadhig xaqdarro ah lagu rido, waa cadaaladdii Somaliland oo GOD Madow lagu ridey. Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka, wacyigelinta . wasiir BARWAAQO; wasiirku buug la magac baxay Sooyaal. ayuu qorey, Cay aflagaado ka dhan ah, haweeka ayuu ku xardhey. wixii laga xishoon jirey, ayuu buug ku qorey, Cabasho baddan oo ka dhan ah, ayaa madaxweynaha loo Gudbiyey , kor iyo hoos waa loogu sheegey, Golaha guurtidda ayaa Guddi u saartey, waxa la yidhi bugaas ha la gubo. Dhaqan xumadda ninkaa buugta ku qoraa, waa wasiirkii Dhaqanka, Markale wasiirka waxaa laga hayaa, hadalo dhiif leh, oo shacabka lagu kala qaybinayo : WAXAA LOO KALA BAXAYAA SOMALILAND IYO SOMALILAND-DIID, waana wasiirkii Wacyigelinta ee hadda ogaadda. Yaaab!!! yaa Denbiile ah, ABEES iyo BARWAAQO ??????. Waddanka waxaa Ka jirta, xaalad biyo la,aan , waa Jiilaal, dadkii barkacayaaasha , xaalkooda waa laga deyrinayaaa. Dawladdu waxay inoo sheegtey in dad milyan kor u dhaafaya , xaalkoodu yahay macluul. marka ay sidaa tahay. Wargeyska FOORE waxaa lagu haystaa, Faallo uu ka qorey. waa xoriyaddii haddalka, Maanta ma aha goor qasri cusub laga dhisto xaraf!!!, baahidda kale ayaa ka baddan GURYO la dhista. arinta FOORE xukunka xaqdarradda ah loogu ridey waa intaa…… Yaaab!!! Kayse Kaahin keysekahin@gmail.com Qaran News
  20. Siyaasada Kaliya ee Lagaga Bixi karo Saboolnimada iyo Abaaraha Soo Noq-noqda !! iyamaa Garaabis leh Beeraleyda iyo Raacatada Xoolaha ee Rafaadsan !! Dr.Khadar-Libaaxley. Dunida horey u martay Dal iyo Dad intaba dhinaca siyaasada, dhaqaalaha, bulsho, cilmiga iyo tiknoolajiyada iyo quwad millatari ee ka Somaliland ahaan xataa Dimuqraadiyadooda hiigsad iyo tiigsiba ku nahay ma’aha dadkoodu Raacato Rafaadsan oo had iyo jeer garaacaya carooga kaalmada iyo gargaar loo dawaro sannad walba ( emergency call of help ) waxa sidan u yaala muuqaalka raacatadeena rafaadsan, ee dawarada iyo qaadhaanka Dawladeena iyo shicibkeenuba uga dawaraan gudaha iyo dibada, inaga oo hoos hoorsaneyna gacmaha si badheedh iyo dhiiranaan leh illeyn weynu la qabsanaye Qaadhaan bixiyayaal shisheeye oo Binu Aadmi sideena ah, kuwaasi oo ka soo gura Qaadhaanka jeebka iyo cashuurta shacabkooda ah ( Xoolo-Dhaqato Beeraley ) ee aan ka cabanin ( Abaaro soo noq-noqda iyo saboolnimo liidata midna ) sababtuna tahay siyaasiyiintoodii iyo Dawladahoodii ayaa raacatadoodii rafaadsaneyd u badashey Xoolo Dhaqato Beeraley maal-qabeeno noqday oo bixiya qaadhaanka aynu u dawareyno raacatadeena rafaadsan ee garaaceysa carooga caawimada iyo macaluusha araga xun. In Beeraleydu Maal-qabeeno noqon karto waxa daliil u ah ( Suurtul Kahfi , Qisada ku jirta 2da nin ee Beeraleyda ah ee midi u faanayo ka kale ee uu ku leeyahay aniga ayaa kaa maal iyo sharaf badan ka kalena u caqli celinaayo ) tan marka ay fahmeen siyaasiinta reer galbeedku waa habka ay ku hogaamiyeen nolosha ummadahooda ku caan baxay ( Wax-soosaarka Cuntada, Caanaha iyo Cadka ) markay Baahidoodii dabooleen waxa ay habkan xoolo-dhaqato Beeraleynimda ah ku hanteen in wax-soosaarkooda u dhoofiyaan dunida inteeda kale oo ay dhabada cagta saareen dariiqa ( Kobaca dhaqaalaha ee qof-qof iyo guud ahaan wadamadooda ) habkan Xoolo Dhato Beeraleydu waxa uu qayb ka noqday furaha u sahley in jihaynta iyo tallada Dunida illaahay ka sokow iyagu gacanta ku dhigaan . Xoolo Raacatada iyo Beeraleyda iyamaa Qiil iyo Garaabis leh ? Jawaab degdeg ah waxa qiil buuxa leh Beeraleyda; tan waxa daliil u ah illaahay markii uu abuurey Nabi Aadam oo dhamaan Aadamuhu ka abb iyo isir qabo waxa uu illaahay dejiyey ( Janada ) janadu waa Beer wax walba oo la quuto yaalaan, maanta miyi iyo magaalo dunida meel ay tahayba Aadmiga ku nooli waxa uu ku noolyahay cunto ka baxday asalkeedu Beer kadina la warshadeeyey, Xoolaha la raacdaa waxa ay ka mid yihiin cuntada Aadmigu quuto Xoolaha laftooda ayaa u baahan Beer looga Beero calafka ay quutan karaan sanadka oo idil, si ay meesha ugu baxdo erayga fool xumada iyo waji gabaxa ba’an dalkeena iyo dadkeena ku ah ee ( abaar, abaar, abaar baa dhacday lagu af-balaadhiyo !! abaar macnaheedu wax kale maaha kaliya waa la’aanta Biyo , Baad Xooluhu quutaan iyo Bur Dadku cuno ) hadii aad maqasho bulsho ku celcelinaysa abaar baa dhacday oo gargaar in naloo fidiyo ayaan dooneynaa waa ummad ku nool qorshe la’aan oo habow iyo baadi ah oo aan ka duwaneyn Xoolaha ay raacaan, mararka qaarna waxa aad is-odhaneysaa dawladeena iyo dadkeena oo aan anigu ku jiro waxaba dhaama qorshe iyo ku tallo-gal ahaan Xayawaanka yar-yar ee ay ka mid yihiin ( jiri-qaaga, Raha, Diin ceelaadka iyo badi xasharaadka roob la dhacda ah iyo in badan oo aynaan badi aqoon intaba ) waayo dhamaantood waxa ay leeyihiin qorshe nololeed miisaaman oo ku sar-go’an mudo roobaadka in ay tabcadaan, kaydsadaan miisaaniyada ku baxaysan jiritaanka noloshooda kaasi oo ku af-dhamaada saban wareega xilliga saxansaxad laydhu soo dhacdo iyo dhibica roobka u horeeya oo ay dhamaantood soo dareeraan oo la arko iyagoon aheyn wax markaa dhashey balse ah noole intooda ku waaweyn oo muuqda oo ka soo dareeray carada hoosteeda. Gunaanad iyo Gabo-gabo: Waxa muuqata oo dhab ah dalkeena in kabadan 97% 3da wakhti cunto-cun ee aynu leenahay dhamaantood waa wax-soosaar ummado kale iyo meelo kale la inooga soo dhoofiyo !! waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan Karin balse ummad ahaan dhamaanteen waji gabax weyn inagu ah, hadii bad-xidhan dhaco ama dunida ka qarxaan dagaalo dhawan ba la filaayo garan maayo dalkeena iyo dadkeenu waxa uu miciinsandoono nolol iyo quudashadeed illaahay ka sokow !! si dalkeenu u sameeyo wax lagu tilmaami karo horumar ha dhiiri galiso dawladu wax-soosaarka tacabka Beeraha iyo Beerashada, si loo yareeyo saboolnimda, shaqo la’aanta iyo cunto yarida; waayo ilbaxnimadii xadaarada dunida soo marey ee xataa quraanka ku jira xadaaradahooda waxa saldhig u ahaa tacabka Beeraha oo ay horumar weyn ka gaadheen, si lamid ah kacaankii warshadaha waxa ka horeeyey kacaankii Beeraha, waayo warshaduhu badi waxa ay farsameeyaan wax-soosaarka Beeraha; waxa aan si gaara dawlada ugu dhiiri galinayaa ( in hab dhaqanka raacatada Xoolaha ee rafaadsan lagu badalo Xoolo Dhaqato Beeraley cilmi ku dhisan oo neefka iyo nafta raacaysaba la nasiyo ) oo ah habka kaliya ee dalkan iyo dadkan noloshooda maanta iyo mustaqbalkaba lagu bad-baadin karo , ahna furaha horumarka cid waliba ku riyoonayso, waa habka kaliya ee hadii dunida bad xidhan iyo dagaalo ka dhacaan aad loo saadalinaayo dalka iyo dadkuba ku baxsan karaan. Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 2/17/2019 Qaran News
  21. Muqdisho (SMN) – Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka aqoonsinimo si KMG u siiyay illaa afar xisbi oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasadeed ee ka jira dalka. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah hoggaanada xisbiyada cusub iyo qeybaha bulshada. C/raxmaan Cismaan Dirir guddoomiye ku xigeenka gudigga doorashoooyinka madaxa banaan, ahna ku simaha guddoomiya guddigaasi ayaa ugu baaqay xisbiyada cusub in ay ka shaqeeyaan horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Afarta xisbi ee maanta la diiwaan galiyay qaarkood waxaa hoggaaminaya siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. The post Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diiwaan galiyay afar xisbi appeared first on Shabelle. View the full article