Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,411
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Puntland ayaa xirtay xafiiskii urur siyaasadeedka Daljir uu dhawaan ka furtay magaalada Garowe, kadib markii uu Garowe socdaal ku yimid hogaamiyaha ururkaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur. [...] Source
  2. Kenyan Foreign Affairs Minister, Monica Juma is expected to appear before the parliamentary Defense and Foreign relations committee on Tuesday. Mrs. Juma who was scheduled to travel to the Somali capital, Mogadishu to resolve a diplomatic row with its neighbor before the parliamentary committee called for clarifications on the matter. Kenya’s National Assembly’s Defence and Foreign Relations Committee chairman Katoo Metito said they want to know the circumstances that led to the summoning of Kenya’s ambassador to Somalia. “We want to get a detailed brief on what really transpired and the way forward,” Metito told the local newspaper by phone on Monday. Nairobi recalled its ambassador to Somalia, Lt. Col (RTD) Lucas Tumbo for consultations on Saturday while ordering Somalia’s Mohamud AhmedNur Tarsan to return to Mogadishu for discussions. Kenya Foreign Affairs PS Macharia Kamau dismissed the claims by sections of the media that his country has expelled Somali envoy in the country saying Kenyan ambassador had only been summoned while his Somalia counterpart had been sent to Mogadishu for consultation. “The action was taken so we can resolve this matter with credible and correct information from both sides,” Kamau tweeted. Nairobi has accused the horn of the African nation of auctioning oil blocks in the disputed maritime border between the two countries, but Somalia has distanced itself from the accusations. The post Kenyan foreign minister delays trip to Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Elman ayaa wada leh kulanka aad ugu todobaadkan horyaalka Somali Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019. Naadiga Heegan kulankoodii horyaalka waxa ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Badbaado FC kulan ciyaareedka ay labada dhinac wada ciyaareen 11-02-2018. Kooxda jaalayaasha ee Elman iyagana Kulankii 1-aad horyaalka Somali Premier League 2018-2019 waxa ay barbaro 0-0 la dhaafi waayeen dhigooda Horseed. Labada koox waxaa ka dhaxeeyo xifaaltan adag oo dhinaca ka qeyb galka tartamada olalahan waxayna kooxd kasta doonaysa in ay guul muhiim ay gaarto. Kulamadii U Danbeeyay Labada Dhinac 24/01/2018 Heegan S.C 4:1 Elman FC 28/03/2018 Elman FC 1:2 Heegan S.C 18/11/2016 Heegan S.C 0:2 Elman FC 17/02/2016 Elman FC 1:1 Heegan S.C 08/05/2016 Heegan S.C 0:0 Elman FC 20/03/2017 Elman FC 0:0 Heegan S.C 06/07/2012 Heegan S.C 0:3 Elman FC 24/10/2012 Elman FC 1:3 Heegan S.C Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Horyaalka Somali Premier League Kooxaha-Heegan VS Elman Tariikhda-19-02-2019 Maalinta-Talaado Saacada:-3:30pm Garoonka-Banaadir Stadium Source: goobjoog.com
  4. Xili uu jiro khilaaf xooga u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arintaas ka hadlay Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya. Ganacsatadda ayaa sheegtay in ay joojiyeen Qaadkii kaga imaan jirey dalka Kenya, sababo la xiriira difaaca dowladooda. Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Soomaliyed Qooje Maxamuud Qayliye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateenn. Waxa uu sheegay in suuqii ganacsiga ee Qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya. Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa ku hanjabay dhowaan in ay joojin doonaan qaadka Soomaaliya ay keeni jireen. PUNTLAND POST The post Ganacsatada Soomaaliyeed oo Joojiyay Qaadkii ka imaan jiray Kenya appeared first on Puntland Post.
  5. The Federal Government of Somalia hosted a successful promotion of the Somalia Offshore Round at the Somalia Oil and Gas Conference in London on 7th February 2019. Spectrum Geo assisted the Somali Government in organizing the event. Spectrum is a Multi-Client Seismic Services company that acquires, processes, and interprets seismic data at its own expense and subsequently licenses the data to interested clients within the oil and gas industry. The clients typically use such data to make their assessment of the hydrocarbon bearing potential of an area. During 2015-2016, in preparation for the Offshore Round, Spectrum completed the acquisition and processing of 20,185 km of 2D long-offset seismic data, under a co-operation agreement with the Federal Government of Somalia. This program is promoted and data is licensed to oil and gas companies by Spectrum on behalf of the Government, with the Government receiving part of the revenues. The seismic data acquired separately in 2014 was also made available to the Federal Government of Somalia and Spectrum also licenses these data to interested clients on behalf of the Government. The Somalia Offshore Round event was hosted to enable interested parties to understand the Somalia Offshore potential from the seismic data, along with the selection of blocks, the legal and fiscal terms, and the bidding conditions. The organisation of the Offshore Round, the terms and any awards of blocks are managed and decided by the Somali Government. Somalia’s Offshore has significant hydrocarbon resource potential and this event marks the start of a process for the Federal Government of Somalia to attract companies to explore and develop these resources in partnership with the Government.
  6. Barlamaanka Kenya, ayaa su’aalo weydiinaya wasiirka arrimaha dibada Kenya, CS Monica Juma, su’aalahaas oo ku saabsan xumaanshaha xidhiidka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Guddoomiyaha Guddiga Qaranka [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimada online) – Qaar ka mid ah ganacsatada khaadka keena Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen gabi ahaanba jaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, kadib markii shalay ganacsatada khaadka Kenya ay sheegeen inay joojin doonaan khaadka ay keenaan Soomaaliya. Kadib markii ay magaalada Muqdisho kula hadleen warbaahinta, ganacsada khaadka ayaa sheegay inay maanta laga bilaabo joojiyeen khaadkii ay ka keeni jireen gabi ahaanba dalka Kenya. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Khaadleyda Soomaaliyeed, Qooje Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay go’aankasi qaateen kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan yihiin qaranka Soomaaliya. “Laga bilaabo maanta waan joojinay khaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeena, baddeena iyo dhulkeena, wixii intaasi dheer oo siyaasad ah waxaan u dhaafnay dowladda Soomaaliya, khaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada khaadleyda Soomaaliyeed. Waa go’aan la fileysan karay balse marka la eego qoraalkii jawaabta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya lama fileyn in go’aanadaan oo kale ay soo bixi doonaan. Somalia waxaa Kenya ay maalin walbaa ka keeni jirtay Khaad aad u badan waxaana lagu qiyaasaa lacagta maalin walbaa Kenya ay khaadka ku badalan jirtay ku dhawaad 400 Kun oo dollar. Ethiopia ayaa hadda heleysa fursad ay lumiyeen ganacsatada khaadka ee Kenya. Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Bujumbuura (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Burundi ayaa waxaa xalay casho soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayo isaga iyo wafdigiisa u sameeyay dhiggiisa dalkan Mudane Pierre Nkurunziza. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la qaadanayaan dhiggooda dalka Burundi. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaalada lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika, si la isaga kaashado dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira,la isuna weydaarsado khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. The post Madaxweynaha JFS oo casho sharaf loogu sameeyay Burundi appeared first on Shabelle. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Beel Sida Fiinta Uga Qaylisay Ciidammo Hubaysan Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Geliyey Madaxweyne Biixi-Na Farriin U Diray, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Gaadiid sida qaar ka mid ah qalabii lagu bilaabi lahaa wajiga labaad ee dhismaha dekadda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa ka gudbay degmadda Jariiban ee [...] Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kooban uga hadashay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu Geeska Afrika xalay wax ka weydiiyay sida ay ka dawlad ahaan u arkaan khilaafkaas diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya oo sababay inay Kenya u yeedhato safiirkeedii joogay Muqdisho, dalkeedana ka saarto safiirka Soomaaliya, wuxuu Wasiir Faratoon yidhi “Arintaasi waa arin labadaas dal u taala, kolay xaaladu siday noqon doonto iyo waxay ku dambayn doonto ma ogin, waxaynu ka faa’idaysanaa ma yaalaan meesha hadeerto.” Wuxuu Wasiirku sheegay inay ka dawlad ahaan isha ku hayaan xiisadda diblomasiyadeed, “Xaaladana waanu eegaynaa oo labada dal bay u taalaa, waxaanu hadda ka nidhaahno khilaafkoodu nooma yaalaan, wixii shalay laga hadlaayey iyo waxa maanta laga hadlaayaa way kala duwan yihiin, arimahooduna way soo degeen.” Dawladda Somaliland ayaa Kenya ku leh xafiis diblomaasiyadeed, waxaanay dawladda Kenya dhawr goor sheegtay inay iyaduna xafiis diblomaasiyadeed ka furan doonto caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan weli hirgelin. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda oo sidoo kale u waramay wargeyska Dawladda ee Dawan, ayaa isagoo ka hadlaya xafiiska Kenya ee Hargeysa wuxuu yidhi “Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.” Waxaa weli taagan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya kadib markii toddobaadkan ay Kenya ay u sheegtay in uu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) isla markaana ay u yeedhatay safiirkeedii Lucas Tumbo. Kenya ayaa dawladda Soomaaliya ku eedaysay inay qandaraas ku siisay shirkado shidaal dhul ay leedahay. Soomaaliya waxay sheegtay inaanay bixin dhul ay Kenya leedahay, waxayna tilmaamtay in khariiradda ay Kenya sheegayso ay muujinayso dhulka Soomaaliya. Source
  12. (SLT-Nairobi)-Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxeexdeen Heshiiskaasi xilligii Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay. Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalada Nairobi muu sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii illaa 2012-kii. “Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Soomaaliya ee xilligaasi, waxaana wada saxeexanay heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yidhi Mosees Wetangula. Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, waa sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Mosees Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Soomaaliya qabsatay, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xidhiidho Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka, waa sida uu hadalka u dhigay. Source
  13. (SLT-Garoowe)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa Albaabada iskugu dhuftay xarun uu Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ka furtay magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland. Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) ayaa la sheegay inuu yahay qofka bixiyay amarka lagu xidhay xarunta Xisbigan oo la furay 31-dii bishii hore ee January sanadkan 2019, maalmo kaddib Caleema saarkii Madaxweyne Siciid Deni. Xubno ku dhow ninka bixiyay amarka lagu xidhay xarunta Xisbigan ayaa soo sheegaya in sababta ay la xidhiidho in Puntland ay saameyn ku yeelato khilaafka u dhexeeya Xisbigaasi iyo Xukuumadda Soomaaliya. “Xukuumadda Puntland waxey amar ku bixisay in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin deegaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yidhi qof la hadlay Warbaahinta gudaha ee Puntland oo ku dhow Guddoomiye Gu’jir. Hoggaaminaya Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ayaa xadhiga ka jiray Xafiiska cusub ee Garowe, taasoo aheyd markii u horeysay oo Xisbiga meel ka baxsan Muqdisho xafiis ka furto Ma jirto wax war ah oo arintan ay ka soo saareen Xisbiga Wadajir iyo maamulka Puntland, iyadoo Shacabka Garowe ay hadal hayaan arintan, waxaana xafiiska la xidhay uu ahaa xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada maamul Puntland. Source
  14. (SLT-London)-Xildhibaano gaadhaya 7 ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen xisbiga Shaqaalaha ee dalka UK (Labour Party) iyagoo ku eedeeyey hogaamiyaha xisbigaasi Jeremy Corbyn inuu naceyb weyn u muujiyey dadka Yahuuda ah, waa sida ay hadalka u dhigeenee. Hogaamiyaha xisbiga Labour party oo ay si weyn u taageeraan dhaq dhaqaaqa garabka bidix ee dalkaasi ayaa sidoo kale ka tirsan siyaasiyiinta u dooda xaquuqda reer Falastiin, arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan qaar kamid ah xildhibaanada xiriirka laleh Israel ee kamid ahaa xisbigiisa. Kooxdan ayaa sidoo kale kamid ah kuwii looga guuleystay loolankii horey uga dhex socday xisbiga Labour party. Xildhibaanadan ayaa sheegay inay sameysteen kudlad u gaar ah oo ay kasii mid ahaan doonaan Baarlamaanka iyagoo madax banaan, balse qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbiga Labourka ayaa ugu baaqay in ay xilka iska casilaan oo kuraastooda markale u tartamaan iyagoo madax banaan maadaama ay hada xilalka ay hayaan ku heleen magaca xisbiga Labour Party. Xisbiga Mucaaridka ah ee Labour Party ayaa doorashadii dhacday 2017 helay kuraas dheeraad ah oo gaareysa 262 kursi oo kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo gaaraya 650. Source
  15. (SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa war ka soo saartay hadal in muddo ah la isla dhex marayay oo ku saabsan in dhaxal sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan uu doonayo inuu iibsado kooxda Manchester United ee ka dhisan dalka Ingiriiska. Wasiirka warfaafinta ee Sacuudiga ayaa sheeg ay in dhaxal sugaha aanu qorsheyneyn inuu iibsado kooxda ka dhisan horyaalka Premier League-ga ee Manchester United, iyadoo beenisay warar la isla dhex marayay waadanba. Hase yeeshee, wasiirka ayaa intaas ku daray in kaliya uu jiray kulan lala yeeshay hay’ad sacuudiga laga leeyahay oo wax maalgalisa, kaasoo ku saabsanaa sidii kooxda dhaqaale loogu maalgashan lahaa. Maxaad ka taqaan Maxamed Bin Salmaan? ”Maxamed Bin Salmaan wuu waalanyahay” CIA-da Maraykanka oo Maxamed Bin Salmaan ku eedeeysay dilkii Kaashaqji Wasiirka warfaafinta boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Turki al-Shabanah ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray sidan: “Wararka ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu iibsanayo kooxdaas waa kuwo ‘gabi ahaanba been abuur ah’ oo aanay walba ka jiri”. Wuxuu ka jawaabayay macluumaad la isla dhex marayay oo ku aaddanaa in dhaxal sugaha uu xiriir la sameeyay qoyska ganacsade Malcolm Glazer, oo ah milkiilaha kooxda United, si uu isagu ula wareego kooxdaas. “Manchester United mas’uuliyiinteeda ayaa la kulmay hay’adda PIF Saudi, si ay ugala hadlaan fursad maalgalin ah, mana jirin wax heshiis kala gadasho ah oo lasoo hadal qaaday”, ayuu qoraalkiisa Twitter-ka ku yiri Shabanah. Maalintii Aaxadda ahayd ee dabayaaqadii isbuuca ayuu wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee the Sun sheegay in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga uu damacsan yahay inuu kooxda Manchester United ku iibsado adduun lacageed oo gaaraya $4.9 bilyan oo doolar. Wargeyska ayaa sheegay in isku dayga markii ugu horreysay lasoo bandhigay bishii Oktobar, balse niyad jab ka yimid markii wariyihii Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jirsay Jamaal Khaashuqji lagu dhex jilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambul. Manchester United ayaa lagu tilmaamaa iney ka mid tahay kooxaha kubadda cagta ee ugu taageerada badan caalamka. Source
  16. (SLT-Nairobi)-Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa saaka qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan. Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaadha magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya. Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaadho Muqdisho, balse waxaa arintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya. Xildhibaanada baarlamaanka ee dalka Kenya oo ay Haweeneydan maanta hortageyso, ayaa la filayaa iney warbixin dhameystiran ka siiso xaalada guud ee ku xeeran khilaafka labada dal ee salka ku haya shirka 7-dii bishan ka dhacay magaalada London ee shidaalka Soomaaliya. Katoo Metito oo ah Gudoomiyaha Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Wasiirada ay doonayaan in ay wax ka weydiiyaan khilaafka dibolamaasiyadeed ee sii xumaanaya una dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, sidoo kalena laga dhageysnayo bal halka ay salka ku heyso xiisada taagan. Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau ayaa dhankiisa sheegay inuu daqiiqad kasta Munica Juma siinayay hadba wixii soo kordha, talaabooyinka ay qaadeenna ay ahaayeen kuwo ay la socotay. Source
  17. (SLT-Washington)-Xoogaga kurdida ee loo yaqaan SDF oo taageerada ka helaya Maraykanka ayaa sheegay inay hada gacanta ku hayaan ugu yaraan 800 ka tirsan dagaalyahanadii kooxda Daacish oo ay wehliyaan qoysaskooda oo gaaraya 1200 haween iyo caruur ah. Xili dagaalka lagula jiro Daacishta Siiriya uu gebo gebo marayo ayaa waxa ay dooda ka dhalatay cida la wareegi doonta maxaabiista laga qabtay kooxdaasi oo ay ku jiraan dhalinyaro horey uga yimid qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sabtidii bartiisa twitter ku qoray in laga doonayo dalalka reer Yurub inay la wareegaan muwaadiniintooda usoo dagaalamay Daacish isla markaana ay soo taagaan maxkamad. Maraykanka ayaa doonaya in todobaadyada soo socda uu ciidamadiisa kala baxo dalka Siiriya, arrintaasi oo culeys weyn ku keeni doonta ciidamadii ay horey u taageeri jireen ee kurdida Siiriya SDF. Saraakiisha SDF oo codsaday in ciidamada Maraykanka ay sii joogaan dalka Siiriya ayaa sheegay inaysan sii heyn karin maxaabiistan badan oo ay ku jiraan dagaalyahano si weyn looga cabsi qabo inay ka baxsadaan xabsiyada hada lagu hayo oo dib u bilaabaan dagaalo horleh. Balse dowladaha Yurub qaarkood ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn inay la wareegaan maxaabiistaasi oo ay u arkaan kuwo amnigooda khatar ku noqon kara hadii ay dib ugu soo noqdaan dalalkii ay markii hore ka yimaadeen, maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale ah mid wakhti dheer qaadan kara. Trump ayaa ku goodiyey inay siideyn doonaan maxaabiistan hadii aysan dalalka Yurub la wareegin, arrintaasi oo ay Midowga Yurub u arkeen hanjabaad. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya, Moses Wetangula ayaa sheegay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ay horey u kala saxiixdeen Heshiis kaasi oo ku saleysan dhanka xuduuda badda. Heshiiskaasi ayuu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixdeen xilligii Dowladdii Madaxweyne Mwai Kibaki ay hogaamineysay dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay. Moses Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi, balse ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay. Laakiin Moses Wetangula ayaa ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyadoo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii. “Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yiri Mosees Wetangula. Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidada Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, sida uu hadalka u dhigay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya. Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Moses Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Somalia qabsatay. Sidoo kale wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xiriirto Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka. Madaxdii dalka xukumeysay xiliga uu xilka hayay wasiirkii arrimaha dibadda Kenya ayaa horey u sheegay inaysan jirin heshiis badda Kenya loogu ogolaaday balse heshiiskaasi uu ahaa in laga wada xaajoodo kaliya sheegada Kenya ee dhanka Badda. Xiligaasi waxaa dalka madaxweyne ka ahaa Shariif Sheikh Axmed, waxaa ra’iisul wasaare ka ahaa Cumar C/rashiid Cali, iyadoo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ka ahaa C/raxmaan Cabdi Shakuur, waxaana hadda la sugayaa jawaabta ay madaxdaasi ka bixiyaan hadalka wasiirkii hore ee Dibadda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si xoogan ugu diyaariso ciidankeeda hanashada ammaanka dalka, marka la gaaro qorshaha kala guurka AMISOM iyo Soomaaliya. Guddig nabadda iyo amniga Midowga Africa ayaa kulamo ay yeesheen uga dooday, sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeyso qorshaha kala guurka ee AMISOM dalkeeda uga bexeyso sanadaha 2020-ka iyo 2021-ka. Midowga Africa ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay helaan tababaro hormarsan iyo agab milatari oo ay uga kaaftoomi karaan ciidamada AMISOM, marka uu idlaado waqtigooda Soomaaliya. Kulanka yeesheen guddiga nabadda iyo amniga ee Midowga Africa ayaa imaanaya xili la filayo in dabayaaqada bishan Febraayo kun askari laga dhimo howgalka AMISOM ee Soomaaliya. Golaha ammaanka ee QM ayaa horay u soo saaray qaraar qeexaya in sanad waliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM,si ciidanka Soomaaliya ay guud ahaan gacanta ugu dhigaan ammaanka dalka. The post Midowga Africa oo ku baaqay in la diyaariyo ciidan amniga kala wareega AMISOM appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Waxgarad iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadlay khilaafka diblomaasiyasadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ugu horreyn Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay, sida geesinimada leh oo ay dowladda Soomaaliya ugu jawaabtay hadalkii Kenya. Siudoo kale Imaamka ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta in ay DFS uga dambeeyaan go’aankaasi. Dhankiisa Cabdi Ra’uuf Layli Dubad oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in laga dhowr sugayo dowladdu in ay qaato tallaabo waa weyn oo lagu difaacayo Soomaaliya, dibna loogu soo celinayo sharaftii ay laheyd. Khilaafka labada dowladood ayaa yimid, kadib markii Kenya ay cabasho ka keentay shirkii shidaalka ee dhawaan lagu qabtay dalka Ingiriiska. The post DFS Oo lagu amaanay go’aankii ay qaadatay appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Guddoomiyaha xisbiga Garsoor, xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u warammay Goobjoog ayaa ka hadlay arrimaha ku aaddan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya. Waxa uu ugu horreyn soo dhoweeyey go’aankii ay dowladda dhexe ugu jawaabtay Kenya, balse wuxuu ku sheegay iney ula muuqatay jawaab dabacsan. Wuxuu Xildhibaan Sakariye sheegay in madaxda dowladda looga baahnaa in jawaabta ay bixinayaan ahaato mid xanuunjisa Kenya, islamarkaana la tuso tabarteeda iyo sidoo kale Soomaaliya waxa ay tahay. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in gabi ahaan xiriirka loo jaro Kenya, sidoo kalena dalka laga saaro ciidankooda, lana mamnuuco qaadka ay dalka keenaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Xildhibaan-Sakariye-Maxamuud-Xaaji-Cabdi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Boosaaso (SMN) – Guddoomiyaha degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shacabka degmadaasi uga digay isticmaalka bacaha laguy adeegto iyo kuwa madow ee lagu dhajiyo Baabuurta. Guddoomiyaha ayaa amray in shacabku ay u hoggaansamaan awaamiirtaasi oo lagu xoojinayo sugida amniga. Dhanka kale Ciidamo aad u hubaysan ayaa xalay goor saq dhexe ah lagu arkayay iyagoo roonda ka sameynaya xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi. Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.H The post Shacabka Boosaaso oo lagu soo rogay awaamiir culus appeared first on Shabelle. View the full article
  23. Xukuumadda Muuse Biixi ee Somaliland ayaa shaqo abuur u sameeyey dhallinyaro ka badan 400 kuwaasi oo laga soo uruuriyey gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland. Dhallinyaradan ayaa loo sameyn doonaa barista xirfado kala duwan, waxaana ku jira dhallinyaro loo tababarayo ciidannimo, gaar ahaan Milatari. Qorshahan ayaa qeyb ka ah barnaamijka shaqo qaran, iyadoo dhallinyaradan ay soo dhoweeyeen shaqooyinkan la siinayo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Somaliland-ayaa-markii-ugu-horreysay-laga-hirgaliyay-Barnaamijka-Shaqo-qaran.mp3 Source: goobjoog.com
  24. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo sidoo kale kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog, in ciidanka AMISOM oo dhaq-dhaqaaqyo wada ay weerar kala kulmeen ciidamada Al-shabaab. Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal aad u xooggan, kaasi oo Labada dhinacba khasaare soo kala gaarsiiyey. Dadka shacabka ah ee waxyeellada kasoo gaartay dagaalkan ayaa lagu sheegay Saddex qof oo dhimasho ah iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay. Xaaladda degmada Jalalaqsi waa ay deggan tahay, dhinacyadii dagaallamayna guullo ayeey kala sheegteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa warka subaxnimo ee Idaacadda Goobjoog (Talaado 19-02-2019) waxaana inoo akhrinaya wariyaheena Axmedweli Xuseen Maxamuud. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/SAAKAY-IYO-GOOBJOOG-19-02-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com